Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,098
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Digreeto kasoo Baxday Xafiiska Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas kuna saabsan magcaabid si kumeel gaar ah Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeenka Degmada Bursaalax. Xeer Madaxwayne Lr. 130 October 27 – 2017 , kuna saabsan magcaabid si kumeel Gaar ah Gudoomiyaha iyo kuxigeenka Degmada Bursaalax. Madaxwaynaha Dawladda Puntland. Markuu Arkay: Dastuurka Dawladda Puntland. Markuu Tixgeliyay: Aqoontooda iyo Waaya Aragnimadooda shaqo Wuxuu Xeeriyay : 1.Waxaa Maxamed Sulaymaan Diiriye si kumeel Gaar ah loogu Magacaabay Guddoomiyaha Degmada Bursaalax. 2.Waxaa Bashiir Maxamed Guuleed si kumeel Gaar ah loogu Magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Bursaalax. 3.Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxwaynuhu saxiixo, wuuna Saxiixay Madaxweynuhu. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Puntland oo Si Kumeel Gaar Ah Degmada Bursaalax Ugu Magacaabay Guddoomiye Iyo Guddoomiye Ku-xigeen. appeared first on Puntland Post.
  2. Washington (Caasimadda Online) – CIA ayaa baahisay ku dhowaad 470,000 oo faylal oo la helay intii uu socday howlgalkii 2011-kii lagu dilay hoggaamiyihii hore ee Al-Qacidda, Osama Bin Ladin. Waxyaabaha cusub waxaa ka mid ah xusuus qorkiisii u gaarka ahaa, codad iyo dukumiintiyo iyo muuqaallo, uu ka mid yahay muuqaalka arooskii wiilkiisa Xamsa. Waa markii afaraad oo CIA ay baahiso waxyaabo la xiriira Bin Ladin oo la helay intuu socday weerar lagu qaaday dhisme uu ku dhuumayay oo ku yaalla magaalada Abbottabad ee Pakistan. Qaar ka mid ah faylasha ayaa la qarinayay muddo waxaana laga baqayay in amniga Mareykanka ay wax u dhimaan, sida sirdoonka ay sheegeen. “Maanta waxaan shaacineynaa warqado, muuqaallo iyo codad iyo waxyaabo kale oo dadka Mareykanka ay fursad ugu helayaan in ay ogaadaan qorshaha iyo shaqada ururada argagixisada,” ayuu ku sheegay qoraal, agaasimaha CIA-da. Aflaan iyo filimada caruurta Sida lagu xusay qoraalka CIA-da, warqadaha waxaa ka mid ah “cadeymaha kala qeybsanaanta hadda u dhexeysa Al-Qacidda iyo ururka la baxay dowladda Islaamka” sidoo kale, “sida ay Al-Qaciida iyo xulafadeeda ugu kala duwan yihiin istiraatiijiyadda iyo arrimaha diinta.” Waxyaabaha la baahiyay, waxay sidoo kale muujinayaan in “shabakaddan argagixisada ay dadaalka gelisay sidii ay uga faa’ideysan lahayd kacdoonkii dalalka Carabta,” iyo sida ay ugu xoogga u saareen in ay “hurmariyaan muuqaalka warbaahintooda,” sida CIA-da sheegtay. Kombuyuutar la qabtay intuu howlgalka socday waxaa laga helay aflaanta Hollywood-ka, aflaanta caruurta iyo seddax barnaamij oo ku saabsan Bin Ladin. Sidoo kale, muuqaalka wiilka Bin Ladin, Xamza ayaa ka mid ah waxyaabaha la helay. Hadda waa 20 sano jir, lamana oga meesha uu ku nool yahay. Muuqaallo horey loo baahiyay waxay muujinayeen in Bin Ladin uu wiilkiisa u diyaarinayay in uu ka dhaxlo hoggaanka ururka Al-Qacidda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa bishii October ee aanu soo dhaafnay magaalada Muqdisho ka dhacay Qaraxyo kooban markii la eego Qaraxyadii dhacay bilihii danbe. Qaraxyada dhacay bishii October ee lasoo dhaafay ayaa u badnaa Qaraxyo miino iyo kuwo loo adeegsaday Gawaari waaweyn oo siyaabo kala duwan uga dhacay bartamaha magaalada Muqdisho. Qaraxyada bishan ka dhacay magaalada Muqdisho ee aanu diiwaan galinay ayaa tirro ahaan ah 9 Qarax oo mid weliba uu ka dhashay khasaaro xoogan. HOOS KA AKHRISO TIRADA QARAXYADA OCTOBER KA DHACAY MUQDISHO: 1-October 2, 2017, Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa Qarax lagula eegtay Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa, kaa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso. 2-October 7, 2017, Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ayaa weerar bambaano ku qaaday saldhig ciidamada dowladda ku leeyihiin Xaafada Jaamacadaha ee degmada Hodan, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan saddex askari oo labo ka mid ah dhaawacooda ahaa mid culus. 3-October 7, 2017, Alshabaab ayaa weerar bambaano ku qaaday Saldhiga ciidamada Booliska ee degmada Kaaraan, waxaana weerarka ku dhaawacmay Taliyaha saldhiga. 4-October 9, 2017, Qarax ayaa ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn Isbitaalka Digfeer degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kaa oo lala eegtay Ciidamo ka tirsan Dowladda. 5-October 14 2017, Qarax Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari Xamuula ayaa waxa uu ka dhacay Isgoyska Soope ee Magaalada Muqdisho, waxaana ku dhintay ugu yaraan 20 qof. 6-October 14, 2017, Qarax loo adeegsaday Gaari Noah ah ayaa waxa uu ka dhacay Xaafadda Ceelqalow ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. 7-October 20, 2017, Qarax lagu soo xiray Gaari noociisu yahay Saaruf ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhexeysa Isgooyska Banaadir iyo Digfeer, waxaana Qaraxa ka badbaaday ruuxii loogu xiray. 8-October 25, 2017, Qarax lagu diyaarinaayay guri ku yaalla Degmada Kaaraan, gaar ahaan inta u dhaxeysa xaafada Buurta Diikow iyo Masjidka Irshaad ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ku dhintay Seddex ruux. 9-October 28, 2017, Qarax loo adeegsaday Gaari ayaa waxa uu ka dhacay Hoteel Naasa-Hablood 2 ee magaalada Muqdisho. Qaraxyada bisha October ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa aad uga yar Qaraxyadii horay uga dhici jiray magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (PP) ─ Dowladda Turkiga ayaa ugu deeqday dowladda Somalia Qoryo casri ah, gaar ahaan kuwa loo yaqaan MPT-76 oo lagu sameeyo dalka Turkiga, iyadoo markii u horreysay qoryahan lagu tababari doono ciidamada Somalia ee ku jira xerada Turkiga ka hir-geliyay Muqdisho. Sida ay baahisay Warbaahinta Turkiga 450-qori oo noocoodu yahay MPT-76 ayaa loogu deeqay dowladda Somalia, waxaa qori casri ah oo ay ciidamada Turkiga u adeegsadaan howl galada la xiriira la dagaalanka argagixisada. Xukuumadaha Somalia iyo Turkiga ayaa dhowaan kala saxiixday heshiis is-kaashi oo dhanka difaaca iyo tababarka ciidamada ah, waxaana hubkan uu qayb ka yahay qalabeynta ciidamada xoogga dalka Somalia. Sidoo kale, Qoriga MPT-76 ayaa waxaa ku hubeysan ciidamada ilaaliya madaxtooyada Turkiga, waa qori casri ah oo ay xilligan xiisaynayaan inay iibsadaan dalal ay ka mid tahay Boqortooyada Sacuudi Carabiga. Dhanka kale, Qorigan ayaa culeyskiisu yahay 4.1KG, waxaa uu wax ka dili karaa masaafo dhan 600-mitir, wuxuuna dhirirkiisu yahay 9-mm, Waxaana halkii daqiiqo ka dhaca 650-xabo. Ugu dambeyn, Waa markii ugu horreysay oo dowladda Turkiga ay hub ugu deeqdo Dowladda Somalia tan iyo markii uu dib u xoogeystay xiriirka labada waddan dhammaadkii sannadkii 2011-kii oo ay Soomaaliya ku dhufatay abaartii ugu xumayd abid. PUNTLAND POST The post Dowladda Turkiga oo markii u horeysay hub Casri ah ugu deeqday Ciidamada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  5. Bosaso-[Puntland Post]-Magaalada Boosaso ee xarunta gobalka Bari ayaa saaka dagan ka dib mudaharaadyo sababay dhimasho iyo dhaawac oo shalay ka dhacay Magaalada. Ciidamada kala duwan ee amaanka Boosaso ayaa lagu arkayaa wadooyinka waawen ee magaalada si looga hortago in ay markale mudahardayo ay ka dhacan saaka Boosaso. Dhinaca kale Guddi ka kala socda dawladda ,Ganacsatada & Shirkadda P & O ee gacanta ku haysa maamulka dekeda magaalada Boosaaso ayaa lahaa wada xaajoodyo gaar ah oo ku saabsan sidii xal looga gaari lahaa xirnaanshaha dekeda Boosaso. Wararka warbahainta Puntland Post ay helayso waxa ay sheegayaan saacadaha soo socda dib loo furi doono dekada oo mudo ka badan hal isbuuc xirneed. Masuuliyiin ka mid ah rugta Ganacsiga & Warshadaha ee Puntland ayaa u sheegay warbaahinta Puntland Post in xalay lagu heshiiyey in sidii hore maanta lagu dajiyo Rarka taagan, ka dibna wada tashi iyo is faham dhameystiran laga gaaro waxyaabaha laga cabanayo. Masuul sare oo ka tirasan dekada Boosaso oo la hadlay warbahainta Puntland Post waxa uu ii xaqiijiyey in hada kulamo ay u socdaan masuuliyiinta dawlada iyo ganacsatada waxana la filayaa in saacadaha soo socda ay si wada jir ah ula hadli doonaan bahda warbaahinta. Cabdiqani Boos Puntland Post -Bosaso The post Dekada Boosaso oo saaka lagu wado in dib loo furo appeared first on Puntland Post.
  6. Baydhabo (PP) ─ Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta Maamulka Koonfur-galbeed ayaa sheegaya in illaa 50 mudane ay saxiixeen mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Koofur-galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan. Xildhibaannada Mooshinka keenay ayaa ku eedeeyay xil gudasho la’aan iyo ku tumasho dastuurka maamulkaas iyo kan dowladda Federaalka. Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in xilligan xildhibaanada iyo madaxweynaha Koofur-galbeed aanay wada-shaqeyn ka dhaxeyn, isla markaana xilkii loo igmaday uu gudan waayay. Sidoo kale, Xildhibaannada Koofur-galbeed ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku kala qaybsanaa mooshin xilka looga qaadayo Shariif Xasan, waxaana tani ay ka dhigan tahay in xildhibaannadii mooshinka saxiixay inay gaareen hadafkooda koowaad. Degmada Baydhabo ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka socoday Dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed, waxaana la sheegay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ay magaalada Baydhabo u joogaan arrimo la xiriira ololaha ka dhanka ah Shariif Xasan. Ugu dambeyn, Lama oga xaalada siyaasadeed ee ka jirta Koofur-galbeed, halka ay ku dambeyn doonto, waxaana Shariifka xilligan la sheegay inay xaalada ku xun tahay, maadaama uu wajahayo mucaarado xooggan. PUNTLAND POST The post Tiro xildhibaanno ah oo Baydhabo ku saxiixay Mooshin ka dhan ah Shariif Xasan Sheekh Aadan appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (PP) ─ Xildhibaan Axmed Cismaan Daqare oo Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia ka tirsan ayaa khudbad uu ka jeediyay kulankii baarlamaanka shalay wuxuu Madaxweynaha DFS uga dalbaday inuu is-casilo, isagoo ku eedeeyay inuu hoggaamin waayay Siyaasadda dalka. Mudanahan oo ka hadlayay xaaladda Ammaan ee dalka iyo dhibaatooyinkii ka dhacay Muqdisho bishii Oktoobar ee lasoo dhaafay ayuu Tilmaamay in fashilka Amaan ee ka jira dalka ay gundhig u tahay siyaasadda dalka ragga hoggaaminaya inay fashilmeen. Sidoo kale, Xildhibaanku wuxuu sheegay inaan taliyeyaal boolis iyo nabad—sugid oo la eryo, aanay ku filneyn, isagoo xusay in carqalada meesha ay ka jirto ay tahay buurta ragga fadhiya, sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha. “Waxaa codsanayaa Madaxweynaha Siyaasadda Waddanka waa hoggaamin waayay ee ha is casilo,” ayuu yiri Xildhibaan Daqare oo ka mid ah Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka, kana soo jeeda Gobolka Gedo. Haddaba, DAAWO; Hadalka Xildhibaanka uu ka jeediyay Golaha Shacabka; PUNTLAND POST The post Xildhibaan Madaxweynaha Somalia ugu baaqay inuu Is-casilo kaddib markii uu ku eedeeyay… appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa magaalada Muqdisho kulan gaara kula yeeshay Xildhibaanada labada gole ee laga soo doortay deegaanada Jubbaland. Hogaamiyaha ayaa Xildhibaanada ka xog wareysanaayay xaaladaha deeganada Jubbaland iyo mid guud ee dalka, waxa uuna Madoobe usoo jeediyay inay booqdan deegaanada laga soo doortay. Axmed Madoobe, waxa uu Xildhibaanada ugu baaqay in dowlada Federaalka ay garab kusiiyaan dagaalka ay la galeyso Alshabaab, waxa uuna carab dhabay inuu ahmiyad gaara u arko in dhex dhexaad laga noqdo arrimaha qaar. Xildhibaanada ayuu Hogaamiyaha ku booriyay in ay mushaarkooda iyo wixii taakulo ah oo ay heli karaan ay kaga qayb qaatan dagaalka argagixisada lagula jiro oo ay furimaha tagaan ciidamadana dhiiri galiyaan. Waxa uu usoo jeediyay in si wadajira loogu wada shaqeeyo hormarka deegaanada Maamula, maadaama uu yahay deegaanadooda. Sidoo kale, xiriirka dowlad goboleedyada iyo Federaalka ayuu Axmed Madoobe sheegay in uu hadba ku xiran yahay sida loo wajaho marxaladaha jira iyo in sharciga la ilaaliyo iyadoo arimaha masiiriga ahna Dowladu ay ka talo galiso Dowlad Goboleedyada.
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Turkiga ayaa sheegtay inay kaalin weyn ka qaadaneyso dagaalka adag oo ay dowlada Somalia kula jirto argagixisada Alshabaab. Turkiga waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay in lasoo afmeero dagaalada dheeraaday ee dowlada Somalia kula jirto Alshabaab. Waxa ay dowlada Turkigu Somalia ugu deeqday qoryo casri ah, gaar ahaan qoriga MPT-76 oo lagu sameeyo dalka Turkiga. Qoryaha loogu deeqay dowlada Somalia oo casri ah ayaa waxaa loogu tallo galay in lagu howlgaliyo ciidamada dowlada ee qeybta ka noqon doona dagaalka lagula jiro Alshabaab. Qoryahaan ayaa noqonaaya kuwii ugu horeeyay ee lasiiyo dowlada Somalia, tan iyo markii Somalia ay kasoo saanqaaday burburkii ka dhashay dhicitaanka dowladii Dhexe ee Somalia. Warbaahinta Turkiga ayaa qortay in qoryahay loogu deeqay dowlada Somalia ay tirro ahaan gaarayaan 450 qori oo ah MPT-76 kuwaa oo meelo fogfog wax ka toogta. Qoryahaan casriga ah ayaa waxa ay ciidamada Turkidu u adeegsadaan la dagaalanka Kooxaha argagixisada ee aadka uga soo horjeeda xasiloonida. Dowlada Somalia ayaa dhawaan ku dhawaaqday dagaal muddo qaadan doona oo Alshabaab looga saari doono dhammaan dalka, gaar ahaan Gobolada lagu tuhmaayo inay saldhig ku leeyihiin xagjiriinta Alshabaab. Talaabadan ayaa kusoo beegmeysa xili dhawaan ay dowladaha Somalia iyo Turkiga kala saxiixdeen heshiis iskaashi dhanka difaaca iyo tababarka Ciidamada ah, waxaana hubkan uu qeyb ka yahay qalabeynta Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Read More
  10. FILE – Ethiopian soldiers patrol in Baidoa, Somalia, Feb. 29, 2012. Ethiopia has had troops in Somalia for years as part of an African Union mission mandate to fight al-Shabab, but hundreds more have crossed into Somalia recently. Hundreds of heavily-armed Ethiopian troops have crossed into Somalia, reportedly to assist a Somali government offensive against al-Shabab militants. Residents in the border town of Dolow, in Somalia’s Gedo region, say they saw at least 30 vehicles carrying Ethiopian troops crossing into Somalia late Tuesday. Witnesses who spoke to VOA Somali on condition of anonymity estimated that 1,000 Ethiopian soldiers entered Somalia. One resident said the troops were riding military vehicles and pickup trucks mounted with machine guns. Ethiopia has thousands of troops in Somalia as a part of AMISOM, the African Union force fighting al-Shabab. Regional authorities contacted by VOA on Wednesday confirmed the new Ethiopian military movements. “The Ethiopian troops as a part of AMISOM have already been in the region, and their current movement is part of the response to the Somali president’s call for a massive attack on al-Shabab militants,” said Mohamed Husein al-Qadi, the deputy governor of Gedo region. Local residents say they have not seen such heavy Ethiopian troop movements since 2016, when Ethiopian troops, who were not part of AMISOM, vacated a series of military bases, sparking fears of a militant resurgence and a possible setback for African Union efforts to stabilize Somalia. The report of the new Ethiopian troops crossing into Somalia came as Somali government troops and their African Union allies prepare for a large-scale offensive against al-Shabab militants, according to multiple witnesses and government officials. In advance of the offensive, the Somali government’s top leaders and the leaders of Somalia’s federal member states are meeting in Mogadishu for a second day to resolve political differences over the recent Saudi Arabia-Qatar diplomatic dispute. During the opening of the forum Tuesday, President Mohamed Abdullahi Mohamed threatened to retaliate for the truck bombing of a busy Mogadishu intersection on Oct. 14 that killed more than 300 people. Al-Shabab did not claim responsibility for the blast, but officials blamed the group and few Somalis doubt the accusation. Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire vowed Wednesday to defeat al-Shabab as he spoke at a graduation ceremony for more than 300 Somali National Army soldiers. The soldiers were trained at a military base in Mogadishu run by the United Arab Emirates. Khaire said the troops signal the government’s commitment to “liberating our country from al-Shabab, the terrorist group. We have a full confidence that these troops will return the image of Somalia by eradicating the terrorists.” Source: VOA Read More
  11. Egyptian President Abdel-Fattah al-Sisi stressed on Wednesday his country’s firm stance towards the unity and sovereignty of the Somalia. Sisi’s remarks came during a phone call with his Somali counterpart Mohamed Abdullahi Farmajo, state-run MENA News Agency reported. During the phone conversation, the two leaders discussed means of enhancing joint ties besides promoting bilateral cooperation in the field of fighting terrorism and extremism. They also reviewed the latest developments in Somalia and the efforts of the Somali government to restore security and stability so as to fulfill the aspirations of the Somali people in achieving development. For his part, Farmajo lauded the Egyptian stance backing his country and the support it offers in attaining stability. He further voiced his keenness on continuing the high-level coordination and consultations with Egypt pertaining to various issues of common interest topped by combating terrorism and bolstering joint cooperation in various domains. Egypt and Somalia have been facing rising waves of terror acts carried out by Islamist groups that left hundreds of civilians, army personnel and policemen dead. Source: – Xinhua Read More
  12. At least 28 people have been killed in rare protests in the capital of Eritrea, one of the world’s most reclusive nations, an official with the largest Eritrean opposition group said Wednesday. Another more than 100 people were injured in the protests in Asmara that began on Monday and escalated on Tuesday, spokesman Nasredin Ali with the Red Sea Afar Democratic Organization told The Associated Press, citing sources on the ground in Eritrea. The group is based in neighboring Ethiopia. The U.S. Embassy in Eritrea late Tuesday reported gunfire “at several locations in Asmara due to protests” and advised U.S. citizens to avoid the downtown area. The statement did not say why the protests occurred. Nasredin’s claims of deaths and injuries could not be independently verified. He said the demand by Eritrea’s government to control a Muslim community school in Asmara led to the clashes. “Following the refusal to hand over the school, some 40 people were arrested and this led to the massive protests,” he said, adding that Asmara was tense on Wednesday as a funeral ceremony took place. “The army is bringing forces from outside the capital.” Eritrea’s Information Minister Yemane Meskel downplayed the reports of unrest, saying on Twitter that “small demonstration by one school in Asmara dispersed without any casualty hardly breaking news.” Eritrean officials at the African Union mission in Ethiopia’s capital, Addis Ababa, were not immediately available for comment. The small East African nation is a major source of migrants arriving in Europe. Its government has long faced criticism by human rights advocates over its harsh military conscription laws. The government has denied allegations of abuses. According to a State Department report in 2016 on international religious freedom, roughly half of Eritrea’s population is Sunni Muslim and the country’s government includes Sunni Islam as one of four officially registered religious groups. Other practices of Islam are banned. The report also says religious education is allowed in private schools but religious groups are prohibited from any involvement in politics. Source: AP Read More
  13. Qahira (Caasimada Online)- Wakaaladda wararka ee Mena ayaa sheegtay inay wadahadleen Madaxweynayaasha Masar iyo Somali, kadib amni darida kusii baaheysa Somalia. Abdel-Fattah Al-Sisi, Madaxwaynaha dalka Masar ayaa maalintii shalay oo arbaco aheyd qadka Telefanka kula hadlay dhigiisa Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo. Abdel-Fattah Al-Sisi, oo wicitaanka ku hormaray ayaa dhigiisa u sheegay inay aaminsan yihiin midnimada Somalia iyo inay hesho awoodii Qaranimo ee lagu yaqiinay. Abdel-Fattah Al-Sisi iyo Farmaajo mudadii ay kuwada hadlayeen khadka isla soo qaaday hanaanka lagu xoojin lahaa xiriirka labada dal, Amniga, Siyaasada iyo in leyska kaashto dhammaan waxyaabaha ku xeeran xiriirka. Abdel-Fattah Al-Sisi, waxa uu Farmaajo uga hambalyeeyay isbedelada ka jira Somalia, markii laga soo tago dhibaatooyinka yaryar ee ka taagan magaalada Muqdisho, waxa uuna sheegay in leyska kaashan doono si meel looga soo wada jeesto Kooxaha argagixisada ah. Intaa kadib waxa ay si gaara uga wadahadleen arrimo khaas ah oo quseeya xaalada ka taagan Somalia iyo sida haboon ay dowlada Masar uga qeybqaadan laheyd. Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo, ayaa dhankiisa Al-Sisi ku ammaanay doorka Masar ay ka qaadaneyso xal u helida Somalia iyo taageerada ay u fidiso Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku waxbarta dalkaas. Farmaajo waxa uu sidoo kale Al-Sisi ka dalbaday inay il gaara ku hayaan xaalada Somalia waxa uuna u cadeeyay inay ahmiyad gaara u leedahay inay garab dhan waliba leh ka helaan dowlada Masar oo uu kala dhexeeyo xiriir soo jireen ah. Dhinac kale, labada Madaxweyne ayaa isla gartay inay ahmiyad leedahay in la xoojiyo xiriirka Siyaasadeed si leyskula shaqeeyo isla markaana leysaga warqabo. Caasimada Online Xafiiska Qahira Caasimada@live.com Read More
  14. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xalay casho sharaf ugu sameeyay Magaalada Muqdisho Xildhibaanada labada gole ee laga soo doortay Jubbaland. Kulankan wuxuu ahaa mid Madaxweynahu uu Xildhibaanada uga xog-waramayay xaaladaha deeganada Jubbaland iyo mid guud ee dalka gaar ahaan Arimaha la xiriira sidii Xildhibaanadu ay deeganadii laga soo doortay dib ugu noqon lahayeen isla markana hawlaha jira uga qayb qaadan lahayeen. Madaxweynahu wuxuu sheegay in Xildhibaanadu ay Jubbaland tagaan oo ay Bulshada la qaybsadaan duruufta adage e ay ku jiraan wuxuu hoosta ka xariiqay in ay lagama maarmaan tahay in Xildhibaanadu ay ka warqabaan Bulshada ay matalaan oo ay dareenkooda la darsaan lana qaybsadaan riyooyinkooda iyo hiigsiga ay leeyahiin. Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in ay dhibaatada ugu badan ee deegaanka taala ay tahay Al-Shabaab oo meelaha qaar wali jooga taasna lagaga bixi karo iskaashi iyo wadajir. “ Al-Shabaab in aan dalkeena ka xorayno oo aan Bulshadeena la qabsano xanuunka ay Argagixisadu ku hayaan waa masuuliyad ina wada saran” ayuu yiri Madaxweynahu. Xildhibaanada ayuu Madaxweynahu ku booriyay in ay mushaarkooda iyo wixii taakulo ah oo ay heli karaan ay kaga qayb qaatan dagaalka Argagixisada lagula jiro oo ay furimaha tagaan ciidamadana dhiiri galiyaan. Xiriirka Dowlad Goboleedyada iyo Federaalka ayuu Madaxweynahu sheegay in uu hadba ku xiran yahay sida loo wajaho marxaladaha jira iyo in sharciga la ilaaliyo iyadoo arimaha masiiriga ahna Dowladu ay ka talo galiso Dowlad Goboleedyada. “ Wadankeenu wuxuu kasoo kabanayaa dhibaato adag oo u baahan in tartiib tartiib aan uga soo kabano taas ayaana wanaagsan in aan wada xusuusnaano in dalkan lawada leeyahay go’aamadiisuna ay saamaynayaan cid walba oo dalkan wax ku leh” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam. Madaxweynahu wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay shirka wadatashiga ah ee hada kasocda Muqdisho isagoo xusay in hadii shirkii Kismaayo uuna dhicin aan Xamar la isugu imaadeen ajinabina loo kala dacwoon lahaa. Wuxuu hoosta ka xariiqay in Shirka Kismaayo uu soo xiray albaab furaa mudadii burburka oo Soomaalidu marka ay wax kala tabato shisheeyaha loo kala dacwoon jiray. Xildhibaanada ayuu Madaxweynahu ku booriyay in Xukuumada ay la shaqeeyaan oo hawlaha socda ee mustaqbalka u wanaagsan ay ku tageeraan oo aysan marnaba dib u dhigin. The post Madaxweynaha Jubbaland oo kulan casho sharaf ah u sameeyay Xildhibaanada labada Aqal ee laga soo doortay Jubbaland. appeared first on Puntland Post.
  15. Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo lagu qiyaasay ilaa iyo kun askari oo wata ilaa iyo 30 gaari oo Ethiopian ah ay shalay iyo maanta ka soo gudbeen xuduuda Somalia ee Doolow ee Gobolka Gedo. Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka caawin doonaan ciidamada Soomaaliya duulaan cusub oo uu ku baaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka dhan ah al-Shabaab, kadib qaraxii ay dadka badan ku dhinteen ee 14-kii October ka dhacay Muqdisho. Saraakiisha Gobolka Gedo ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan ciidamadan iyo ujeedadooda, hase yeeshee waxey ku gaabsadeen in ciidamo Ethiopian ah ay horey u joogeen gobolka, isla markaana uu socdo abaabulka duulaan xooggan oo ka dhan ah al-Shabaab. Ethiopia ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo qeyb ka ah kuwa AMISOM, bishii October ee sanadkii tagayna ciidamo badan oo aan qeyb ka aheyn howlgalka oo Ethioopia ka joogay Soomaaliya aya baaneeyay saldhigo badan oo ay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya kaga sugnaayeen. PUNTLAND POST The post Ciidamo Badan oo Itoobiyaan oo ka soo Gudbay Xadka Soomaaliya iyo Itoobiyo appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in dareen la xiriira dhanka amniga ay ka qabaan Qaraxyada maalmihii u dambeeyay ka dhacayay magaalada Muqdisho, iyaga oo sheegay ammaanka Muqdisho inuu u muuqdo mid farah ka sii baxaya. Qaar ka tirsan shacabka Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in feejignaan dheeri ah ay ku jiraan maalmahan, kadib labadii Qarax ee ugu dambeysay ka dhacay Muqdisho, kuwaasi oo dad badan ay ku dhinteen. Mararka qaar oo Magaalada aad dhex socoto waxaad arkeysaa shacabka oo ka xuub siibanaya Gawaarida Xamuulka ah, tan iyo markii uu dhacay Qaraxii Zoobe, kaasi oo loo adeegsaday Gaari (TM) ah, oo galaaftay nolosha dad badan. Sida muuqata Dowladda Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada caqabada ugu weyn ee dhanka amniga ka heysata waa ururka Al-shabaab. Shan Dagaalame oo ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa Sabtidii ina dhaaftay 28-kii bishan waxa ay weerareen Hoteelka Naasa Hablood laba oo Madaxtooyada Soomaaliya u jira wax ka yar Hal Meyl. Hadaba aynu eegno Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada sida ay uga hadleen ammaanka Muqdisho. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay inaan loo baahneyn mar walba oo ay wax dhacaan in Tacsi iyo Baroordiiq la sameeyo, balse taas bedelkeeda ay muhiim tahay in dagaal fool ka fool ah lala galo Shabaabka. Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay Dowladda in ay heysato hawada, Shabaabna ay heystaan dhulka, taasna aysan aheyn mid macquul ah oo la doonayo in wax laga qabto. Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay Muqdisho jidadkeeda keliya in ay furan yihiin boqolkiiba 30%, halka boqolkiiba ay xiran yihiin 70%, sidaasi oo ay tahayna aysan ammaan aheyn. Madaxweynaha Jamhuuiyaradda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in la abaabulayo Ciidamo loogu magac daray Ciidanka Difaaca, si ay ula dagaalamaan Shabaab oo ay dalka uga saaraan. Madaxda Dowladda oo dhaliilo kulul kala kulmay qaybaha bulshada, ayaa dadaal ugu jira, sidii ay u sixi lahaayen khaladaadka ka jira suggida nabadgelyada. Weerarkii ugu dambeeyay ee Shabaabku ku galeen Hotel Naasa Hablood 2 oo ku yaala meel ku dhow Xarunta Madaxtooyada Somaliya, ayaa Madaxda Dowladda ku khasbay in ay xilalkii ka xayuubiyaan Taliye-yaashii Booliska iyo NISA. W.Q. Abdirashiid Ali Dubbad Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Read More
  17. Xildhibaanada kooxda Damu-Jadiid ugu jira baarlamanka Sooomaaliya ayaa billaabay olole la doonayo in lagu dumiyo dowaldda aan weli sanadkan jiran ee Soomaaliya, si loo soo dhiso dowlad kale oo ay qeyb ka yihiin. Shalay ayaa waxaa warbaahinta qabsaday xildhibaanada kooxdan oo ku baaqaya in xilka laga qaado madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, ayaga oo ku eedeeyey wax qabad la’aan dhinac ammaanka ah. Xildhibaanada ololahan wada waxaa ka mid ah Mahad Salaad, Axmed Cismaan Daqarre iyo Cabdiraxmaan Odawaa, kuwaasi oo intii ay kursiga fariisteen illaa iyo hadda ahaa mucaarad kasoo horjeeda dowladda, oo doonayey inay dhacdo. Mucaaradnimada ma ahan wax xun, haddii ujeedadeedu tahay in wax lagu saxo, laakiin waxaad is-weydiisaa qofkii mucaaradnimadiisa billaabay xili ay dowladda aysan jirin hal bil, ma yahay qof mas’uuliyiinta waqti siinaya oo doonaya in wax la xaliyo. Waa run in labadii toddobaad ee tagay Muqdisho ay ka dhaceen qaraxyo dhowr ah, hase yeeshee su’aashu waxay tahay imisa qarax ayaa Soomaaliya ka dhacday, imisa kun oo qof ayaase ku dhimatay afartii sano ee ay dalka hogaaminayeen Damu-Jadiid. Haddii lix bil kasta marka qalad uu dhacaba la yiraahdo ha la beddelo dowladda oo idil, goorma ayay dowladda qaladkeeda khibrad ku qaadaneysaa oo ay saxeysaa. Marka ay noqoto qaraxyada, waa wax Soomaaliya kaliya aysan la tacaaleyn ee dalal horumaray oo boqolaal sano dowlad ay u dhisneyd ayaa maanta ka hortagi la’ weerarada argagixisada. Intii ay jirtay dowladda cusub ee Soomaaliya waxa ay weeraro argagixiso ka dhaceen, Faransiiska, Britain, Spain iyo Mareykanka oo laba habeen ka hor un dhowr qof lagu dilay magaalada New York. Waxaan soo jeedin lahaa in dowladda la siiyo waqti, lagan war sugo dagaalka ay iclaamisay ee Shabaabka lagu qaadayo, hase yeeshee in dowlad kasta ayada oo lix bil ka badan aan jirin la yiraahdo hala ceyriyo, waxay guul u tahay Shabaabka. Waxaa xusid mudan in mar kasta oo dowlad cusub iyo shaqsiyaad cusub ay yimaadaan ay qaadato waqti badan inta ay kala qabsanayaan xaaladaha dalka ku sugan yahay, taasna ay fursad u tahay Shabaabka dadka leynaya. Xildhibaanada Damu-Jadiid ee hadda qeylada billaabay, waxaan dhihi lahaa Soomaaliya waxay kasoo kabsan la’dahay dhibkii aad geliseen. Afar sano ayaad mushahar la’aan dhigteen ciidamada, ciidamo badan oo Soomaliya loo soo tababaray ayaa hubkooda iibiyey, kadibna iska aaday xaafadahooda markii aad mushaharkooda dhacdeen. Haddii aad inta aad xukunka joogteen ahaan lahaydeen dad daacad ah oo aan qiyaamin dalka iyo dadka, Soomaaliya sidan maanta ma ahaatee. Dowladda hadda jirtay waxay dhayeysaa dhaawacyadii aad geysateen ee umaddan dhaawac kale ha u horseedina. Cabdi Xuseen Mataan Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Axmed ayaa aad u dhaliilay Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia oo ka shaqeynaaya mooshin ka dhan ah joogitaankiisa. Shariif Xasan, ayaa sheegay in Xildhibaanada qaar ay yihiin kuwo aad uga soo horjeeda jiritaanka maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia, balse aysan dhici doonin inay hirgasho riyadooda. Shariif Xasan, waxa uu tilmaamay in Koonfur Galbeed aysan u joogsan doonin waxa uu ugu yeeray qaswadayaasha deegaanka. Waxa uu carab dhabay inaanu hirgali doonin hamiga kuwa qorsheynaaya diyaarinta Mooshinka, waxa uuna cadeeyay inaanu u dulqaadan doonin shaqsiyaad isku uruursada carqaladeynta maamulka. Sidoo kale, Shariif Xasan, ayaa xildhibaanada iyo dadka deegaanka ugu baaqay inay ilaalsadan maamulkooda, si deegaanka uu usii ahaado mid nabdoon. Tani waxa ay kusoo beegmeysaa xili Xildhibaano ka tirsan Koonfur galbeed ay aad uga soo horjeesteen mooshin laga keenay Hogaamiye Shariif Xasan Sheekh Aadan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Read More
  19. Mudane Ra’isal Wasaare; Ka hor magacaabiddii Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ee DFS Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Daahir, Wasaaradda waxay lahayd qaab-dhismeed (Ministry Structure) ku Salaysan baahida shaqo shaqaale ee ay u baahan yihiin Shacabka loo adeegayey oo ahaa mid ka tarjumayey 2 garab ee wasaaradda oo kala ahaa 1) Waxbarashada Hoose, iyo 2) Waxbarashda sare iyo Hidaha, Sidaas awgeed, wasaarddu waxay lahayd Laba Agaasime Guud iyo Xoghaye Joogto ah oo ayaga ka sareeya, Nasiib daro markii uu yimid wasiir C/raxmaan wasaaradda isla markiiba waxa uu xilkii ka qaaday Agaasimayaashii Guud ee labada ahaa ee hagayey shaqada labada qaybood ee wasaaradda , Nasiib daro halkaa kuma joojine wuxuu magacaabay Agaasime Guud oo cusub oo uu u magacaabay Nin ay saaxiibo ahaayeen oo aan ahayn shaqaale dawladeed, sidaas ayaa waxa uu ku lumiyey qaab-dhismeedkii Wasaaradda Waxbashada, Qaab-dhismeedkaan Cusub (Agaasime waaxeed— Agaasime Guud—- Xoghaye Joogto ah—- Wasiir Xigeen— Wasiir Dawladeed— Wasiir) oo aan ahayn mid sax ah kana soo horjeedo dhamaan hab-raaca shaqo waxa wasiirka ku kalifay oo kaliya Aqoon xumi iyo Nin jeclaysi aan loo aaba dayin. Mudane: Waxa kasii darnaa Taariikhdu markay ahayd 25/10/2017, Wasiir C/raxmaan waxa uu kasoo muuqday Saxaafadda asagoo magacaabay Agaasimayaal Waaxeedyo cusub asagoo xilka ka qaaday dhamaan agaasimayaashii hore ee Xilalka ka hayey qaybaha wasaaradda, Asagoo aan wax wada tashi ah iyo ogysiinba siin isla markaasna cadayn sababta keentay in dhamaan agaasimayaashii waaxyaha wasaaradda xilka laga qaado, sidaas oo kale ma jirin wax tartan ah oo loo galay xilalka uu magacaabay, waxaase la yaab noqotay in uu wax wada tashi ah ka galin Wasiiru dawlaha iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda markii ay waydiiyeena ugu jawaabay aniga ayaa kaligeey wixii aan doonayo sameenayo ee meel fadhiista. Wasiir C/raxmaan waxa uu ku been abuurtay sida aad ka aragtaan warqadda uu soo saaray Qodobka 60aad ee dastuurka waxaana dhici karto in uusan fahmin Dastuur laga been sheego waxa ay sababsan karto, Mudane; Taariikhdu markay ahayd 28/10/2017 Dhamaan agaasimayaashii wasaaradda ee Xilka ka qaaday wasiir C/raxmaan waxa ay dacwad u qorteen Gudiga Shaqaalaha Rayidka (Eeg Lifaaqa), Gudiga Shaqaalaha Rayidka 30/10/2017 (eeg Lifaaqa) waxa uu kasoo jawaabay warqadii wasiirka Asagoo dib u celiyey Magacaabidii uu sameeyey Wasiir C/raxmaan oo uu ku tilmaamay mid aan haboonayn habka loo maray xil ka qaadista iyo magacaabida shaqaalaha, waxa intaa xigay in uu Warqad kale oo sharci ah soo saaray, Wasiiru Dawlihii Wasaaradda Mr Jaabir 31/10/2017 (Eeg Lifaaqa) oo ahaa kusimaha wasiirka maadaama wasiirku ku maqnaa Nairobi, Warqadaas oo soo dhaweeysay goaanka gudiga shaqaalaha rayidka oo ahaa mid ilaalinaya xuquuqda shaqaalaha inaan lagu tuman. Wasiir C/raxmaan, Waxa uu Horay u lumiyey Kalsoonidii wada shaqayn ee Wasaaradda waxbarashada Jubbaland iyo Puntland, Sidaas oo kale waxa uu lumiyey Wada shaqayntii Wasaaradda waxbarashada Galmudug (eeg Lifaaqa), Wasiirku waxa uu door biday in uu wasaaradda ku soo xareeyo kooxo ay isku fikir siyaasad yihiin halkii uu hor marin lahaa danta guud ee bulsho waynta soomaaliyee, Wasiirku wuxuu dhawr goor si bareer ah ugu celceliyey in uu Saaxiib dhaw la yahay Raiisal wasaaraha qaranka Mr Xasan Cali Khayre oo uu awood buuxdo u leeyahay in uu wuxuu doono samayn karo, Wasiir C/raxmaan wuxuusan fahmin xuquuqda shaqaalaha Rayidka ah ee XEER 11 iyo Dastuurka qaranka qodobka 116, Wasiirku waxa caado u noqotay in uu u hanjabo shaqaalaha iyo cid kasta oo ka hor timaado fikirkiisa guracan. Mudane: Sidaas awgeed waxa aan halkaan uga codsanayaa Raiisal Wasaare Khayre in ay umadda uu ka qabto C/raxmaan Cabdi Daahir oo ah shaqsi aan gaarsiisanayn hawsha dusha laga saaray, Galiyey wasaaradda heer Federaal iyo heer Maamul goboleedba Khalkhal iyo Jahawareer dhan kasta ah , isla markaasna uu ka hor keenayo dawladda shacabka iyo Shaqaalaha Xalaasha ah ee Soomaaliyeed. Fadlan Daalaco Dhamaan Cadaymahan hoose. Read More
  20. Magaciisa waa Sayfullah Saipoy, sida ay qortay warbaahinta Maraykanka, waana ninka lagu tuhunsanyahay in uu geystay weerarka magaalada New York ee loo adeegsaday gaariga. Illaa 11 qof ayaa ku dhimatay weerarkaas. Waxa uu Maraykanka tagay sanadkii 2010-kii , isaga oo ka yimid dalka Uzbekistan, halkaas oo uu ku dhashay sanadkii 1988-dii. Waxaa la rumeysanyahay in uu ku noolaa gobolada Ohio, Florida iyo New Jersey tan iyo intii uu heley kaarka cagaaran ee u fasaxaya in uu ka shaqaysto dalka Maraykanka. Wadaad Uzbek ah oo Maraykanka ku nool oo lagu magacaabo Mirrakhmat Muminov ayaa sheegay in wiilkan ay duufsadeen kooxo xag jir ah oo internetka uu kala xiriiray. Wadaadkan oo BBC-da u waramay ayaa sheegay in qiyaas ahaan 70,000 qof oo Uzbek ah ay ku noolyihiin Maraykanka, kuwaas oo badankood ku nool magaalada New York oo uu weerarka ka dhacay. Markii ugu horaysay oo ninkan uu sharciga ku xad gudbay ayaa ahayd sanadkii hore, xiligaas oo lagu ganaaxay xadgudub xagga gaadiidka ah. Waxaa la rumeysanyahay in uu ka kici doono dhaawaca xabbada booliiska, kadibna la waraysan doono. Waxaa jira aragtiyo la qabo oo ah in ninkan uu kaligiis maleegay weerarka, oo aysan jirin qorshe balaaran oo weerar lagu geysanayo, ama ay jirto cid soo abaabushay si toos ah. Ninkan ayaa ka yimid magaalada Peterson, New Jersey, halkaas oo uu gaariga kasoo kireysay, islamarkaasna ay ku noolyihiin illaa 30,000 kun oo muslimiin ah. Wasaarada arrimaha dibedda ayaa sheegtay in ay baareyso in ninkaas uu yahay nin dalkooda u dhashay. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhaleeceeyay weerarka. Haddii la xaqiijiyo dalka uu u dhashay ninkan in uu yahay Uzbepakistan, ma noqon doono qofkii ugu horeeyay ee dalkan u dhashay ee weerar lagu eedeeyo, sanadkii hore waxaa 15 sano oo xarig ah lagu xukumay weeraro uu ka qorshaynayay gudaha Maraykanka. Read More
  21. Nabadoonada Puntland oo kaso horjeestay Shirkada Maamulaysa Dekeda Boosaso
  22. HALKAAN KADAAWO Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo lagu qiyaasay ilaa iyo kun askari oo wata ilaa iyo 30 gaari oo Ethiopian ah ay shalay iyo maanta ka soo gudbeen xuduuda Somalia ee Doolow ee Gobolka Gedo. Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka caawin doonaan ciidamada Soomaaliya duulaan cusub oo uu ku baaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka dhan ah al-Shabaab, kadib qaraxii ay dadka badan ku dhinteen ee 14-kii October ka dhacay Muqdisho. Saraakiisha Gobolka Gedo ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan ciidamadan iyo ujeedadooda, hase yeeshee waxeyku gaabsadeen in ciidamo Ethiopian ah ay horey u joogeen gobolka, isla markaana uu socdo abaabulka duulaan xooggan oo ka dhan ah al-Shabaab. Ethiopia ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo qeyb ka ah kuwa AMISOM, bishii October ee sanadkii tagayna ciidamo badan oo aan qeyb ka aheyn howlgalka oo Ethioopia ka joogay Soomaaliya aya baaneeyay saldhigo badan oo ay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya kaga sugnaayeen. Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa ciidamadan wax ka weydiiyay gudoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Isaaq alqaadi, wuxuuna ugu horeyn weydiiyay dhaqdhaqaaqyada ciidan ee gobolka laga soo sheegayo. Halkaan ka akhriso
  23. Waxaanu Halkan idiin ku soo bandhigayna maxamud xaaji omar caydh-boob oo Arrimo yaab leh daaha Ka qaaday kana hadlay xaalada deegaanka SSC. HALKAN KA DAAWO….. Halkaan ka akhriso
  24. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta kula kulamy xafiiskiisa dhinacyada isku haya siyaasadda maamulka Galmudug. Wararka aan ka helayno Villa Soomaaliya, ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu Xalay Kulamo gooni gooni ah la yeeshay labada dhinac, isagoo kala hadlay soo afjarida xiisadaha ka taagan Galmudug. Kulanka hore wuxuu Madaxweynaha la qaatey Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey, Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir iyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad Maalin. Sidoo kale, waxa uu qaabilay Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle “Xaaf” oo isla arinta Galmudug iyo qaabkii looga gudbi lahaa dhibaatada taagan kala hadlay, waxaana labada dhinac aqbaleen in la dhex-dhexaadiyo. Illo-wareedyo ku sugan Madaxtooyada ayaa Warsidahan usheegay in Madaxweyne Farmaajo uu rajo wanaagsan ka qabo Xalinta Khilaafka Galmudug, oo dhinac ay dowladdiisu taageertay. Waxaa socda hadda qorsho la doonayo in si fool-ka-fool ah la isku soo hor-fariisiyo labada dhinac, oo la doonayo inay dib usoo celiyaan wadashaqeyntii ka dhaxaysay. Halkaan ka akhriso
  25. Doolow (Caasimadda Online) – Dowladda Itoobiya ayaa u muuqato inay jawaab cad ka bixineyso safarkii uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dhawaan ku tagay dalkaas, isagoo ka codsaday in laga caawiyo sidii meesha looga saari lahaa Ururka Al-Shabaaba. Haddaba Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo lagu qiyaasay ilaa iyo kun askari oo wata ilaa iyo 30 gaari oo Ethiopian ah ay shalay iyo maanta ka soo gudbeen xuduuda Soomaalyia ee Doolow ee Gobolka Gedo. Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka caawin doonaan ciidamada Soomaaliya duulaan cusub oo uu ku baaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka dhan ah al-Shabaab, kadib qaraxii ay dadka badan ku dhinteen ee 14-kii October ka dhacay Muqdisho. Saraakiisha Gobolka Gedo ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan ciidamadan iyo ujeedadooda, hase yeeshee waxeyku gaabsadeen in ciidamo Ethiopian ah ay horey u joogeen gobolka, isla markaana uu socdo abaabulka duulaan xooggan oo ka dhan ah al-Shabaab. Ethiopia ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo qeyb ka ah kuwa AMISOM, bishii October ee sanadkii tagayna ciidamo badan oo aan qeyb ka aheyn howlgalka oo Ethioopia ka joogay Soomaaliya aya baaneeyay saldhigo badan oo ay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya kaga sugnaayeen. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Maalmo ka hor socdaal ku tagay dalalka Itoobiya,Jabuuti iyo Uganda,waxaana uu u tagay si looga gacan siiyo Dowladda Federaalka Dagaalka ay kula jirto Al-shabaab. Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay Al-Shabaab ku qaadi doonto weerarkii ugu dambeeyey oo meesha looga saarayo kadib markii ay kooxdaan qarax musiibo ahaa ka fulisay Isgoyska Soobe halkaas oo lagu waayey ilaa 358 qof oo Soomaaliya halka dhawaaca uu gaarayo 220. Dowladda Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa shir uga socdaa Muqdisho, waxaana kamid ah qodobada looga hadlayo dagaalka lagu qaadi doono Al-Shabaab iyo sida loo wajahayo, waxaana la filayaa inay kasoo bixi doonaan qodobo xasaasi ah. Ururka Al-Shabaab ayaa gacanta ku hayo qeybo ka mid ah Soomaaliya, sidoo kalana waxay qaraxyo iyo dilal ka geystaan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo 6 sano ka hor laga saaray. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ku wareejisay 450 askari oo la sheegay inay qeyb ka noqon doonaan dagaalka lagu qaadayo Kooxda Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Read More