Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,091
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The post Photonews:- Dekedda Bosaso oo dib u shaqo bilowday caawa appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka sida, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka, oo qodobaddii looga hadlay ay kamid ahaayeen Qorshaha Difaaca Qaranka, dagaalka ka dhanka ah Nabad diidka Argagixisada ah ee Alshabaab iyo arrimo kale. Kulanka uu shir guddoomiyey Madaxweyne Farmaajo, waxaa goob joog ahaa R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Somaaliya, Xasan Cali Kheyre, R/wasaare ku xiggeenka Mahdi Maxamed Guuleed, Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida, Madaxweyneyaasha Dowlad goboleedyada Soomaaaliya, Wasiirka Amniga iyo Masuuliyiin kale. Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, C/raxmaan Cumar Yariisoow oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in shirkan uu yahay kii labaad ee Golaha Amaanka Qaranka ee Madaxweynaha uu shir guddoomiyo, isagoo xusay in la isku raacay in Dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada ay si wadajir ah ula dagaalamaan Nabad diidka Alshabaab. Wasiirka, ayaa sidoo kale sheegay in Shirka Golaha Amniga Qaranka lagu ansixiyey Qorshaha Difaaca Qaranka oo Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ay soo diyaarisay, sidoo kale waxuu sheegay wasiirka in lagu ansixiyey shirkaasi Guddiga isku dhafka Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed oo ka kooban xubo ka kala yimid Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad goboleedyada Soomaaliya.
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Qarax lagu soo xiray gaari uu ka dhacay inta u dhexeysa Isgoyska Banaadir iyo Isbitaalka digfeer. Qaraxa oo intiisa badan laga maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa gaariga loogu xiray mid kamid ah Shaqaalaha dowlada oo magaciisa lagu soo koobay Ceydiid. Ruuxaani qaraxa loogu xiray gaariga ayaa xiligaa ku jiray goob ganacsi oo aan sidaa uga sii fogeyn goobta waxaana xigay Qaraxa gaariga oo uu ka badbaaday. Qaraxa kadib ayaa waxaa halkaa is qabsaday rasaas xoogan oo ay ridayeen ciidamada dowlada ee goobta ka dhawaa.
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Maxamed ”Farmaajo” ayaa caawa kulan khaas ah la qaadanaaya Taliyayaasha iyo Saraakiisha ciidamada Qalabka sida. Madaxweynaha ayaa Taliyayaasha iyo Saraakiisha ciidamada Militariga, Nabad Suggida, Booliska iyo Asluubta, kala hadlaaya duulaan la sheegay in dowlada Federaalka ay ku qaadeyso goobaha ay maleeshiyaadka Alshabaab kaga sugan yihiin dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa dhinacyadaas la falanqeyn doona qaababka ugu haboon ee loo qaadi lahaa duulaanka ka dhanka ah Alshabaab. Madaxweynaha ayaa Taliyayaasha iyo Saraakiisha ka aruurin doona feker saliim ah oo suuragalinkara in la qaado duulaanka ka dhanka ah Alshabaab oo iminka maraaya heer gabagabo ah. Farmaajo ayaa duulaankan ula gol leh ka jawaabida xasuuqyadii is xigxigay ee maleeshiyaadku ka geysteen magaalada Muqdisho iyo in dhulka ay Shabaabka ku sugan yihiin lagu celsho gacanta dowlada. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa bishii October si wada jira u iclaamiyay dagaal ka dhan ah Alshabaab, kaa oo iminka lasoo afmeeray diyaarintiisa. Ma cadda waxa kasoo bixi doona kulanka caawa Madaxweyne Farmaajo iyo Saraakiisha ciidamada Qalabka sida uga socda xarunta Villa Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Arrimaha Dibbada Maraykanka ee Afrika, ayaa ka wal-walsan in dhaqaalaha la siiyo dowladda Soomaaliya inay u gacan-galo Al-shabaab. Laanta daba-galka Wasaarada Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa muujisay walaacan, iyadoo sarkaal ka tirsan Wasaaradda uu sheegay inaysan sameyn siyaasad iyo qorshe qiimeyn loogu sameeyo halista ah in dhaqaalaha Dalka Maraykanka uu bixiyo uu gacanta u galo ururka Al-shabaab ee xiriirka la leh Al-qaacida. Sidoo kale, Warbixintan ay soo saartay Xukuumadda Washington ayaa lagu sheegay in toddobadii sano ee ugu dambeeyay ay ku taageereen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya lacag gaareysa 66-milyan oo Doollar. Barayaashan ayaa waxay aaminsan yihiin in lacagtaas qayb ka mid ah ay si dadban ku gaartay Al-shabaab, laakiinse aan la ogeyn habka ay ku baxday lacagtaas. Dhanka kale, Baarayaashan waxay xuseen inay suuro-gal tahay in ururka Al-shabaab gacanta u gashay qayb ka mid ah dhaqaale loogu talo-galay 6,509 askari oo ka tirsan ciidamada millateriga Somalia. Xukuumadda Washington ayaa sheegtay inay il-gaarka u yeelan doono gar-gaarka ay siiso dowladda Somalia, maadaama ay ka cabsi qabaan in lacagta ay soo dhiibaan Mareykanka loo gacan-geliyo Al-shaabaab. Ugu dambeyn, Wasaarada Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa warbixin ay soo saartay sannadkii 2016-kii ku sheegtay in ciidamada dowladda Somalia ay xad-gudub ku sameeyeen dadka rayidka ah. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo ka walaacsan in Dhaqaalaha uu siiyo Ciidanka DF loo Gudbiyo Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  6. A computer recovered in the 2011 U.S. military operation that killed Osama bin Laden contained a video collection that included kids’ cartoons, several Hollywood movies and three documentaries about himself. The list of the videos was included in the release Wednesday by the U.S. Central Intelligence Agency of nearly 470,000 files found on the computer seized in the May 2, 2011, U.S. raid on the al-Qaida founder’s hideout in Abbottabad, Pakistan. It was the fourth tranche of materials, taken from the walled compound where bin Laden and his family lived, to be made public by the U.S. government since May 2015. Materials that still have not been released are being withheld because they could harm national security, are blank, corrupted or duplicate files, are pornographic or are protected by copyright, said a CIA statement. The copyright-protected materials include more than two dozen videos such as Antz, Cars and other animated films, the role-playing game Final Fantasy VII, and Where in the World is Osama bin Laden and two other documentaries about the al-Qaida leader, the CIA said. “Today’s release of recovered al-Qaida letters, videos, audio files and other materials provides the opportunity for the American people to gain further insights into the plans and workings of this terrorist organization,” said CIA Director Mike Pompeo. “CIA will continue to seek opportunities to share information with the American people consistent with our obligation to protect national security.” The materials released Wednesday are posted online in their original Arabic. They include bin Laden’s personal journal and 18,000 document files, about 79,000 audio and image files, and more than 10,000 video files, the CIA said. The CIA said that the materials, like those released in the past, provide insights into the origins of the differences between al-Qaida and Islamic State, disagreements within al-Qaida and its allies, and the problems al-Qaida faced at the time of bin Laden’s death. Source: – Reuters
  7. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 02 Nov 2017 ka qayb galay kulan loogu gobol xaadhayey shirka amniga qaranka Soomaaliyeed. Kulanka ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka DFS, Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha DFS, Madaxweynaha Jubbaland, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Madaxweynaha Galmudug, Madaxweynaha Hir-shabeelle iyo masuuliyiin ka tirsan dawladdaha xubnaha ka ah DFS. Kulankan maanta ayaa ah kulankii labaad oo ay Madaxda DFS iyo Madaxda dawladdaha xubnaha ka ah DFS ay ku yeeshana Muqdisho kaas oo looga hadlayo amniga qaranka Soomaaliyeed. Sidoo kale kulankani ayaa waxa uu hordhac u ahaa shirka amniga qaranka Soomaaliyeed oo 04 December 2017 ka dhicidoona Muqdisho, kaas oo ay kasoo qayb geli doonaan beesha caalamka. Dhinaca kale kulankani uu maanta ka qayb galay Madaxweynaha dawladda Puntlad iyo Madaxda kale ee qaranka DFS ayaa looga dooday laguna ansixiyey arrimo mihiim ah oo ay kamid yihiin in si wada jir ah meel looga soo wadajeesto ladagaalanka kooxaha argagixisada, goloha ayaa ansixiyey qorshaha difaaca qaranka Soomaaliyeed kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Gashaandhigga DFS, habaynta qaybaha ciidanka xoogga dalka iyo ansixinta gudiga isku dhafka ciidanka qaranka Soomaliyeed. Ugu danbayn, shirka Madaxda qaranka Soomaaliyeed ee Muqdisho uga socda ayaa dhowaan laga soo saari-doonaa go’aamo wax ku ool ah, kuwaas oo wax tar u lahaandoona shacabka Soomaaliyeed oo dhan. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxda Qaranka Soomaaliyeed oo yeeshay kulan loogu Gogol Xaadhayo Shirka Amniga appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Hay’adda Laanqeerta Cas ee Caalamiga ah ayaa dalalka adduunka ugu baaqday in aanan la hilmaamin bini’aadanimada marka lala macaamilayo maxaabiista tirada badan ee laga qabtay kooxda Daacish. Ku xigeenka madaxa ICRC ee Bariga Afrika Patrick Hamilton ayaa sheegay in adduunyada ay ku qasbantahay in la raaco sharciga caalamiga ah ee la dhaqanka maxaabiista dagaalka, wuxuuna diiday baaqyada ah in maxaabiista Daacish lagu dilo gaas. ICRC ayaa durbaba xabsiyada ku booqanaysa illaa 1,300 dumar iyo caruur ah oo ka mid ah qoysaska dagaalyahanada Daacish meel u dhow magaalada Mosul, waxaana la rumeysanyahay in la qaban doono kuwa kale oo badan. Hadalada Hamilton waxa laga yaabaa in ay jawaab u yihiin siyaasiyiin dhawaanahan hadalo jeedinayay, sida Rory Stewart oo ah wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Britain, kaas oo sheegay in dagaalyahanada Daacish ee dhalashada Britain haysta ay mudanyihiin in la laayo. Waxaa hadalkaas oo kale tiri wasiirka difaaca Faransiiska Florence Parly, iyo sidoo kale ergayga Maraykanka u qaabilsan isbahaysiga la dagaalanka Daacish Brett McGurk. Hadaladan ayaa waxa ay taageero ka heli karaan shacabka codka bixiya dalalka reer galbeedka, iyada dadkii ka badbaaday weeraradii Paris, London iyo New York ay jeclaan lahaayeen in gacan bir ah lagu qabto Daacish. Illaa 30,000 dagaalyahano ajnabi ah ayaa la qiyaasayaa in ay Daacish ku biireen. Kuwaas oo haddii xitaa dhawr boqol oo ka mid ah ay kusoo laabtaan Yurub loo arko in ay tahay halis aad u weyn oo xagga amniga ah. ICRC oo wakiil ka ah hirgalinta sharciga Ganeva ayaa sheegtay in dagaalyahanada Daacish lasoo qabto, la xiro, caddaalana la horgeeyo sida uu qabo sharciga. Waxaa fikirkaas la qabta ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan xadgudubyada bini’aadanimada Agnes Callamard. Waxa ay qabtaa in dhinacyada oo dhan ay geysteen xad gudubyo baahsan, aysana habboonayn in dhinac kaliya loo tiiriyo dhibaatada. Agnes iyo Reed Browdy oo ka tirsan hay’adda xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch ayaa waxa ay isku raacsanyihiin in haddii la fuliyo hadalkii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee ahaa in gaas iyo sun lagu laayo Daacish ay taas tirtiro karto caddaymo muhiim ah oo ku saabsan dambiyo dagaal oo la galay. Waxay soo jeedinayaan in la helo hab lagula shaqayn karo dadkii Daacish ka tirsanaan jiray ee soo laabtay si loo ogaado runta waxa ay tahay, qoysaskii dhibaatada ku dhacdayna ay caddaalad u helaan. “Xaq ayaan u leenahay in aan wax ogaano wixii dhacay, sida ay Daacish u shaqayso si taariikhda ay u qorto, iyo cidda qarashka siisa” ayay tiri Agnes. Inkasta oo ciribtirka Daacish iyo kooxaha kale ay u muuqato xal lala dhoco, haddane sida uu qabo Hamilton “Qaabka loosoo afjaro colaad ayay ku xirantahay nooca ay tahay nabadda ka dambeyn doonta” ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray in hadalada qalafsan ee siyaasiyiinta jeedinayaan ay uga sii dari karaan xaaladda hadda taagan. “Sharcigeena waxa uu dhigayaa in xitaa dadka ugu arxanka daran ay helaan caddaalad£ ayay tiri Agnes iyada oo tusaale usoo qaadatay dagaalkii labaad ee adduunka iyo sidii loola dhaqmay dadkii geystay gabood falada. Source: BBC
  9. Muqdisho (PP) ─ Munaasabad ka dhacday Dugsiga Tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye ee Muqdisho, ayaa xilkii taliyeyenimo ee ciidamada Booliska waxaa si KMG ah loogu wareejiyay Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax oo ay ka amar qaadan doonaan maanta kaddib ciidanka booliiska Soomaaliyeed. Taliyihii hore ee Booliiska Somalia, Jen. Cabdixakiin Dahir Saciid [Saacid] oo Axaddii lasoo dhaafay ay xilka ka Qaadeen Golaha Wasiirrada, ayaa xilka ku wareejiyay Jen. Mukhtaar oo ahaa taliye ku-xigeenka koowaad ee Booliska. Jeneraal C/xakiin Saacid ayaa ku amaanay Jen. Mukhtaar inuu yahay nin hawl-kar ah, isla markaana muddo ka soo shaqeynayay howlaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed. Sidoo kale, Ku-simaha taliyaha booliisaka Somalia, ahna Taliye ku-xigeenka Booliiska, Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa sheegay inuu halkeeda kasii wadi doono shaqadii booliiska, waxaana uu faray hoggaanada kala duwan ee ciidamada inay shaqadooda sii wataan. Ugu dambeyn, Waxaa lagu wadaa in dhawaan taliye cusub la magacaabo ciidanka booliiska, waxaana xilka taliyaha booliiska ugu jira loolan saraakiil ciidan oo horay xilal u soo qabtay. PUNTLAND POST The post Taliye ku xigeenka Booliiska Somalia oo si KMG ah u sii wadi doona Hawlaha Booliiska appeared first on Puntland Post.
  10. Washington (PP) ─ Laanta sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa baahisay ku dhowaad 470,000 oo faylal oo la helay intii uu socday howlgalkii 2011-kii lagu dilay hoggaamiyihii hore ee Al-Qacidda, Osama Bin Ladin. Waxyaabaha cusub waxaa ka mid ah xusuus qorkiisii u gaarka ahaa, codad iyo dukumiintiyo iyo muuqaallo, uu ka mid yahay muuqaalka arooskii wiilkiisa Xamsa. Waa markii afaraad oo CIA ay baahiso waxyaabo la xiriira Bin Ladin oo la helay intuu socday weerar lagu qaaday dhisme uu ku dhuumayay oo ku yaalla magaalada Abbottabad ee Pakistan. Qaar ka mid ah faylasha ayaa la qarinayay muddo waxaana laga baqayay in amniga Mareykanka ay wax u dhimaan, sida sirdoonka ay sheegeen. “Maanta waxaan shaacineynaa warqado, muuqaallo iyo codad iyo waxyaabo kale oo dadka Mareykanka ay fursad ugu helayaan in ay ogaadaan qorshaha iyo shaqada ururada argagixisada,” ayuu ku sheegay qoraal, agaasimaha CIA-da. Aflaan iyo filimada caruurta Sida lagu xusay qoraalka CIA-da, warqadaha waxaa ka mid ah “cadeymaha kala qeybsanaanta hadda u dhexeysa Al-Qacidda iyo ururka la baxay dowladda Islaamka” sidoo kale, “sida ay Al-Qaciida iyo xulafadeeda ugu kala duwan yihiin istiraatiijiyadda iyo arrimaha diinta.” Waxyaabaha la baahiyay, waxay sidoo kale muujinayaan in “shabakaddan argagixisada ay dadaalka gelisay sidii ay uga faa’ideysan lahayd kacdoonkii dalalka Carabta,” iyo sida ay ugu xoogga u saareen in ay “hurmariyaan muuqaalka warbaahintooda,” sida CIA-da sheegtay. Kombuyuutar la qabtay intuu howlgalka socday waxaa laga helay aflaanta Hollywood-ka, aflaanta caruurta iyo seddax barnaamij oo ku saabsan Bin Ladin. Sidoo kale, muuqaalka wiilka Bin Ladin, Xamza ayaa ka mid ah waxyaabaha la helay. Hadda waa 20 sano jir, lamana oga meesha uu ku nool yahay. Ugu dambeyn, Muuqaallo horey loo baahiyay waxay muujinayeen in Bin Ladin uu wiilkiisa u diyaarinayay in uu ka dhaxlo hoggaanka ururka Al-Qaacida. Xigasho BBC PUNTLAND POST The post Hay’adda CIA-da oo baahisay Macluumaad la xiriira Dilkii Hoggaamiyihii Ururka Al-Qaacida appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska Alleastafrica ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Imaaraadka Carabta ay Soomaaliya ka qoratay wakiilkeeda labaad ee ka shaqeynaya danaheeda siyaasadeed, sarena u qaadaya magaceeda. Warbixin uu qoray oo cinwaan looga dhigay “Twitter goes wild as Somali diplomat mocked over ” only UAE helped us’ claim” ayaa dhammaadkeeda waxaa ku xusan in Imaaraadka ay siyaasad dabacsan u adeegsanayaan sidii ay Soomaaliya saameyn ugu yeelan lahaayeen, ayna shaqaaleynayaan dad Soomaaliya caan ka ah oo magacooda sare u qaada. Sida laga soo xigtay saraakiil, ayaa wargeyska Alleastafrica, waxa uu leeyahay “Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo ah wasiirkii hore ee qorsheynta qaranka waxaa loo magacaabay la-taliyaha labaad ee siyaasadda Imaaraadka ee Soomaaliya, ayada oo lagu abaal mariyey lacag dhan 3.5 milyan oo dollar” Waa siyaasigii labaad oo Soomaali ah oo Imaaraadka ay ka shaqaaleeyaan Soomaaliya, ayada oo horey dowladda dalkaas ay u shaqaaleysay Cumar Cabdirashiid. Kadib markii uu toddobaadkii tagey kasoo laabtay magaalada Dubai oo uu Muqdisho yimid, ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu durba weerar siyaasadeed ku qaaday dalk Qatar oo ay xurguf kala dhaxeyso Imaaraadka, kuna sheegay dal “taageera argagixisada”. Halkan ka aqri warbixinta Alleastafrica.com Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo in Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya uu hadda ka socdo Shirka Golaha Amniga Qaranka. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir guddoominayo kulankaan, waxaana looga hadlayo arrimaha Amniga Soomaaliya. Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalayo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Ku Xigeenkiisa, Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada, qaar ka mid ah Wasiirada Heer Federaal iyo Taliyaasha Ciidamada Dowladda. Shirkan waxaa la isku wareysanayaa xaaladaha amni ee dalka, iyo diyaar garawga dagaalka lagu qaadayo Kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirto dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed. Waxaa la filayaa in saacadaha soo socdo Saxaafadda lala wadaago Nuxurka waxa kasoo baxayo Shirkaas, waxaana idiin ballan qaadeynaa inaan idin soo gudbin doono Inshaa Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xilkii Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa si kumeeel gaar ah loogu wareejiyey Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax kadib Munaasabad kooban oo ka dhacay Dugsiga Tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye Taliyihii hore ee Booliska Jen. C/xakiin Dahir Saciid (Saacid) oo Axadii la soo dhaafay ay xilka ka qaadeen Golaha Wasiirada ayaa xilka ku wareejiyay si kumeel gaar ah ugu wareejiyay Jen. Mukhtaar oo ahaa Taliye kuxigeenka 1aad ee Booliska. Jen, Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa sheegay inuu halkeeda ka sii wadayo shaqadii Booliska, isagoo faray Hoggaanada kala duwan ee Ciidamada inay shaqadooda sii wataan, isla markaasna ay kasoo baxaan waajibkooda Qaran. Taliyihii hore ee Booliska ayaa Generaal Mukhtaar ku amaanay inuu yahay nin howlkar ah isla markaasna kasoo bixi karo shaqada sida kumeel gaarka ah loogu dhiibay.
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Kooxo abaabulan ayaa ka bilaabay magaalada Muqdisho doodo ku saabsan ammaanka guud ee dalka xilli ay dowladda Soomaaliya ku jirto abaabul dagaal oo ka dhan ah Alshabaab. Inta badan doodaha la qabtay ayaa u muuqday kuwo si heer sare ah loosoo agaasimay isla markaasna ay kasoo qayb galeen shakhsiyaad si wayn loo garanayo. Doodahaas waxaa ka mid ah, dood Subaxnimadii khamiista lagu qabtay Hotel Maka Al-Mukarama taas oo ciwaan looga dhigay “ Qiimaynta Xaaladda Amniga Dalka”. Caasimada.net ayaa baaritaan ku samaysay madasha soo abaabushay kulanka iyo shakhsiyaadka lagu casumay in ay ka hadlaan Ajandaha. Ugu horrayn waxa aan booqanay Webseedka http://www.wadatashiforum.org/wadatashi-experts/ kaas oo aan ka ogaanay in Madaxa Maamulka, Qorshaynta iyo Maaliyadda Madasha Wada-tashi ay yihiin dad sita magacyo Ajnabi ah, sida Andrew Lee qof lagu magacaabay oo jagadiisa lagu sheegay Madaxa howlgallada, Laurie Wright oo lagu sheegay Maamule kaaliye, Andy Patson oo la sheegay in uu u qaabilsanyahay jagada ah ENFORCEMENT OFFICER oo macnaheedu yahay Sarkaalka Fulinta Awoodda Sharciga.! Dhammaan Macluumaadka Shakhsiyaadka lagu xusay webseedka Madasha Wada-tashi ayaan wax xiriir ah lala samayn karin maadama Teleefanka meesha ugu qoran uu yahay mid aan Jirin (Fake ah ). Waxaa kale oo yaab ah in ciwaanada Emailada lagala soo xiriiraayo shakhsiyadka aan kor ku xusnay ay yihiin hal Email oo isku mid ah taas oo muujinaysa in ay yihiin dad isqarinaaya isla markaasna laga yaabo in yihiin sirdoon magacyo aan jirin adeegsanaya. Caasimada.net sidoo kale waxa ay baaritaan ku samaysay dadkii dooda ka soo qayb galay kuwaas oo kale ah C/rixmaan C/shukuur, Xuseen Macalim Maxamuud, C/risaaq Cumar Maxamed iyo C/rishiid Khaliif Xaashi. Aan ku horrayno C/rixmaan C/shukuur oo horay u soo noqday Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dowladdi KMG ahayd ayaa horay lagu eedeeyey in uu badda Soomaaliya uu u saxiixay dowladda Kenya waana eed marar badan uu iska fogeeyey, balse Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowr jeer tilmaamay in C/rixmaan C/shukuur iyo Raiisul Wasaare Cumar C/rishiid ay badda Soomaaliya halis galiyeen kadib markii ay u saxiixeen Kenya. C/rixmaan C/shukuur hadda waxa uu La Taliye Sare u yahay dowladda Imaaraatka Carabta Shakhsiga labaad ee dooda ka qayb galay ayaa lagu magacaaba Xuseen Macalim Maxamuud waxa uu horay u soo noqday Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo tan iyo markii la doortay ilaa 3dii bishii 8aad ee sanadkan xiligaas oo la casilay kadib warar soo baxay oo sheegay in uu xogta Amniga dalka uu la wadaagay Hay’ado Sirdoon shisheeye ah. C/risaaq Cumar Maxamed oo horay u soo noqday Wasiirka Amniga Dowladdi Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta lagu casumay dooda si ay uga tala dhiibtaan amniga dalka. Wasiirka ayaa lagu xasuustaa inta uu xilka hayey in ay dhaceen qaraxyo lagu qiyaasay 45 qarax oo ay ka mi yihiin kuwo ka dhacay Hotelka Maka Al-Mukarama oo ah halka ay maanta dood wadaagga ku qabteen. Sidoo kale waxaa ka mid ah Qaraxii waynaa ee Raiisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar carte uu ku dhaawacmi jiray kaas oo ka dhacay Hotel Central Hotel 20kii bisha 2aad ee sanadkii 2015ka markaas oo ay ku nafwaayeen 25 qof oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaanno, Guddooomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ee dhanka Siyaasadda, iyo masuliyiin kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxgaradka 135-ka ah ee soo xulay xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay kaga hadleen arrimo badan oo ku aadan xaaladda dalka. Waxgaradkaan oo soo saaray war-saxaafadeed ka kooban Sagaal qodob ayaa ugu horreyn waxay tacsi ka direen shacabkii ku dhintey qaraxyadii magaalada Muqdisho ka dhacay 14-kii iyo 28-kii October. Xubnahan ayaa soo dhoweeyay dedaalka uu wado madaxweyne Farmaajo iyo sidoo kulanka uu isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira. Waxay sidoo kale taageero xooggan u muujiyeen xukuumadda Ra’iisul wasaare Kheyre, iyaga oo soo dhoweeyay dedaalka xasilinta amniga guud ee dalka. Qoraalka ay soo saareen waxgaradkan ayaa sidoo kale waxaa lagula dardaarmay xildhibaannada Labada aqal ee baarlamaanka, looguna baaqay iney mid noqdaan oo ay ka fogaadaan xilligaan siyaasadaha is diidan.
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xafiiska Kormeeraha Guud ee Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan Afrika ayaa la sheegay inuu ku fashilmayo sidii uu u hubin lahaa haddii Maalgelinta la siiyo DFS aan loo gudbinin Alshabaab. Qoraal ay Unugga La-socodka ee Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka soo saareen maalintii Isniinta ee la soo dhaafay ayey kaga digeen arrintaasi, waxayna sheegeen inuusan Xafiiska weli u dejinin Siyaasad iyio Tallaabadda lagu ogaanayo inaysan Maalgelinta Barnaamijyadda Maraykanka ka fuliyaan dalalka kalen inaysa noqonin kuwo gacanta u gala Kooxo ay ka mid yihiin Alshabaab, Boko Haram, waa sida hadalka loo dhigay,. Warbixinta ka soo baxday Xafiiska Kormeeraha Guud ee Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan Afrika oo ka koobnayd 44 bog ayaa lagu muujiyey in Kormeerayaal ka tirsan Xafiiskooda tusaale ahaan u soo qaateen 66 million oo Dollar oo ay Dowladda Maraykanak siiyeen Ciiddanka Milliteriga Somalia 7-dii sanno ee la soo dhaafay. Xafiiska Kormeeraha Guud ee Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan Afrika ayaa la sheegay inuu ku fashilmayo sidii uu u hubin lahaa haddii Maalgelinta la siiyo DFS aan loo gudbinin Alshabaab. Qoraal ay Unugga La-socodka ee Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka soo saareen maalintii Isniinta ee la soo dhaafay ayey kaga digeen arrintaasi, waxayna sheegeen inuusan Xafiiska weli u dejinin Siyaasad iyio Tallaabadda lagu ogaanayo inaysan Maalgelinta Barnaamijyadda Maraykanka ka fuliyaan dalalka kalen inaysa noqonin kuwo gacanta u gala Kooxo ay ka mid yihiin Alshabaab, Boko Haram, waa sida hadalka loo dhigay,. Warbixinta ka soo baxday Xafiiska Kormeeraha Guud ee Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan Afrika oo ka koobnayd 44 bog ayaa lagu muujiyey in Kormeerayaal ka tirsan Xafiiskooda tusaale ahaan u soo qaateen 66 million oo Dollar oo ay Dowladda Maraykanak siiyeen Ciiddanka Milliteriga Somalia 7-dii sanno ee la soo dhaafay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Kadib markii dekada xarunta ganacsiga Puntland xirneyd muddo asbuuc taasoo sabatey in rabshdo dad ku dhinto ka dhacaan magaalada Boosaaso ayaa wararka warsidahan helayo sheegayaan in heshiis KMG ah laga gaarey xaalada taagan. Shir ay isugu yimaadeen xubno matalyey Puntland kuwasoo uu hogaaminayey Gudoomiyaha gobolka Barri iyo ganacsato wakiil ka ah gadiidka badeecadaha sida ee ku xiran duleedka dekada magaalada Boosaaso ayaa habeenkii xaley waxay isla-gaareen heshiis KMG ah oo soconaya muddo 10 cisho ah. Kulankaan ayaa lagu qabtey xarunta Rugta Ganacsiga dowlada Puntland ku leedahay magaalada Boosaaso. Qodobada lagu heshiiyey ayaa ka koobnaa 4 qodob kuwasoo kala ah. 1- In Dekada lagu soo celiyo habkii ay ku shaqeyneysay heshiiska ka hor 2-In aan wax lacag ah siyaado ah laga qaadi karin doonyaha iyo maraakiibta inta xal laga gaaryo 3- In guddi labada dhinac ah la saaro si xal looga gaaro qodobadii la isku qabtey 4-In laga wada shaqeeyo nabad-galyada magaalada Boosaaso. Gadiidka dekada dibada kaga xiran ayaa la filayaa insaacadaha soo socda soo xirtaan kuwasoo dajin lagu bilaabi doono. Wararka kasoo kordha kulamada labada dhinac kala soco warsidaha. Halkaan ka akhriso
  18. Waxaa Saaka oo Khamiis ah Degen Xaaladda Magaaladda Boosaso ee Xarunta Gobolka Bari, Taasi oo ay shalay Hareeyeen Mudaharaadyo Qasaaro Geystay. Ciidamo Badan oo ka tirsan kuwa dowladda ayaa lagu arkayaa saaka wadooyinka Waaweyn ee magaalada, iyo Xarumaha dowladda. Banaanbaxyadii Shalay ayaa waxaa ku dhinay Hal Qof, iyadoona ay ku dhaawacmeen ilaa 2 qof oo Kamid ahaa dadkii Ka banaanbaxayay Xirnaashaha Dekedda oo Wali Khilaaf ka Taaganyahay, Dhinaca Kale waxaa wali Xaniban Howlihii Shaqo ee Marsada Boosaso, oo aheyd Isha Kaliya ee dhaqaalaha Puntland, ayna ku tiirsanaayeen Boqolaal Qof oo isugu Jiray Xoogsato iyo Gaadiidley. Wasiirka Dekedaha Puntland Siciid Maxamed Raage oo shalay ka hadlayay Warbaahinta Gudaha ayaa Ku baaqay In dadka banaanbaxaya ay Guryahooda dib ugu laabtaan, wuxuuna wali ku adkeysanayaa in Aan waxba laga badalin Dhaqaalihii Dekedda. Maanta, maalintii Todobaad waxaa Xiran Dekedda Boosaso oo aysan wax badeeca ah ka soo Degin Lagana Dhoofin. widhwidh online
  19. Digreeto kasoo Baxday Xafiiska Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas kuna saabsan magcaabid si kumeel gaar ah Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeenka Degmada Bursaalax. Xeer Madaxwayne Lr. 130 October 27 – 2017 , kuna saabsan magcaabid si kumeel Gaar ah Gudoomiyaha iyo kuxigeenka Degmada Bursaalax. Madaxwaynaha Dawladda Puntland. Markuu Arkay: Dastuurka Dawladda Puntland. Markuu Tixgeliyay: Aqoontooda iyo Waaya Aragnimadooda shaqo Wuxuu Xeeriyay : 1.Waxaa Maxamed Sulaymaan Diiriye si kumeel Gaar ah loogu Magacaabay Guddoomiyaha Degmada Bursaalax. 2.Waxaa Bashiir Maxamed Guuleed si kumeel Gaar ah loogu Magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Bursaalax. 3.Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxwaynuhu saxiixo, wuuna Saxiixay Madaxweynuhu. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Puntland oo Si Kumeel Gaar Ah Degmada Bursaalax Ugu Magacaabay Guddoomiye Iyo Guddoomiye Ku-xigeen. appeared first on Puntland Post.
  20. Washington (Caasimadda Online) – CIA ayaa baahisay ku dhowaad 470,000 oo faylal oo la helay intii uu socday howlgalkii 2011-kii lagu dilay hoggaamiyihii hore ee Al-Qacidda, Osama Bin Ladin. Waxyaabaha cusub waxaa ka mid ah xusuus qorkiisii u gaarka ahaa, codad iyo dukumiintiyo iyo muuqaallo, uu ka mid yahay muuqaalka arooskii wiilkiisa Xamsa. Waa markii afaraad oo CIA ay baahiso waxyaabo la xiriira Bin Ladin oo la helay intuu socday weerar lagu qaaday dhisme uu ku dhuumayay oo ku yaalla magaalada Abbottabad ee Pakistan. Qaar ka mid ah faylasha ayaa la qarinayay muddo waxaana laga baqayay in amniga Mareykanka ay wax u dhimaan, sida sirdoonka ay sheegeen. “Maanta waxaan shaacineynaa warqado, muuqaallo iyo codad iyo waxyaabo kale oo dadka Mareykanka ay fursad ugu helayaan in ay ogaadaan qorshaha iyo shaqada ururada argagixisada,” ayuu ku sheegay qoraal, agaasimaha CIA-da. Aflaan iyo filimada caruurta Sida lagu xusay qoraalka CIA-da, warqadaha waxaa ka mid ah “cadeymaha kala qeybsanaanta hadda u dhexeysa Al-Qacidda iyo ururka la baxay dowladda Islaamka” sidoo kale, “sida ay Al-Qaciida iyo xulafadeeda ugu kala duwan yihiin istiraatiijiyadda iyo arrimaha diinta.” Waxyaabaha la baahiyay, waxay sidoo kale muujinayaan in “shabakaddan argagixisada ay dadaalka gelisay sidii ay uga faa’ideysan lahayd kacdoonkii dalalka Carabta,” iyo sida ay ugu xoogga u saareen in ay “hurmariyaan muuqaalka warbaahintooda,” sida CIA-da sheegtay. Kombuyuutar la qabtay intuu howlgalka socday waxaa laga helay aflaanta Hollywood-ka, aflaanta caruurta iyo seddax barnaamij oo ku saabsan Bin Ladin. Sidoo kale, muuqaalka wiilka Bin Ladin, Xamza ayaa ka mid ah waxyaabaha la helay. Hadda waa 20 sano jir, lamana oga meesha uu ku nool yahay. Muuqaallo horey loo baahiyay waxay muujinayeen in Bin Ladin uu wiilkiisa u diyaarinayay in uu ka dhaxlo hoggaanka ururka Al-Qacidda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa bishii October ee aanu soo dhaafnay magaalada Muqdisho ka dhacay Qaraxyo kooban markii la eego Qaraxyadii dhacay bilihii danbe. Qaraxyada dhacay bishii October ee lasoo dhaafay ayaa u badnaa Qaraxyo miino iyo kuwo loo adeegsaday Gawaari waaweyn oo siyaabo kala duwan uga dhacay bartamaha magaalada Muqdisho. Qaraxyada bishan ka dhacay magaalada Muqdisho ee aanu diiwaan galinay ayaa tirro ahaan ah 9 Qarax oo mid weliba uu ka dhashay khasaaro xoogan. HOOS KA AKHRISO TIRADA QARAXYADA OCTOBER KA DHACAY MUQDISHO: 1-October 2, 2017, Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa Qarax lagula eegtay Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa, kaa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso. 2-October 7, 2017, Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ayaa weerar bambaano ku qaaday saldhig ciidamada dowladda ku leeyihiin Xaafada Jaamacadaha ee degmada Hodan, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan saddex askari oo labo ka mid ah dhaawacooda ahaa mid culus. 3-October 7, 2017, Alshabaab ayaa weerar bambaano ku qaaday Saldhiga ciidamada Booliska ee degmada Kaaraan, waxaana weerarka ku dhaawacmay Taliyaha saldhiga. 4-October 9, 2017, Qarax ayaa ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn Isbitaalka Digfeer degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kaa oo lala eegtay Ciidamo ka tirsan Dowladda. 5-October 14 2017, Qarax Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari Xamuula ayaa waxa uu ka dhacay Isgoyska Soope ee Magaalada Muqdisho, waxaana ku dhintay ugu yaraan 20 qof. 6-October 14, 2017, Qarax loo adeegsaday Gaari Noah ah ayaa waxa uu ka dhacay Xaafadda Ceelqalow ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. 7-October 20, 2017, Qarax lagu soo xiray Gaari noociisu yahay Saaruf ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhexeysa Isgooyska Banaadir iyo Digfeer, waxaana Qaraxa ka badbaaday ruuxii loogu xiray. 8-October 25, 2017, Qarax lagu diyaarinaayay guri ku yaalla Degmada Kaaraan, gaar ahaan inta u dhaxeysa xaafada Buurta Diikow iyo Masjidka Irshaad ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ku dhintay Seddex ruux. 9-October 28, 2017, Qarax loo adeegsaday Gaari ayaa waxa uu ka dhacay Hoteel Naasa-Hablood 2 ee magaalada Muqdisho. Qaraxyada bisha October ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa aad uga yar Qaraxyadii horay uga dhici jiray magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (PP) ─ Dowladda Turkiga ayaa ugu deeqday dowladda Somalia Qoryo casri ah, gaar ahaan kuwa loo yaqaan MPT-76 oo lagu sameeyo dalka Turkiga, iyadoo markii u horreysay qoryahan lagu tababari doono ciidamada Somalia ee ku jira xerada Turkiga ka hir-geliyay Muqdisho. Sida ay baahisay Warbaahinta Turkiga 450-qori oo noocoodu yahay MPT-76 ayaa loogu deeqay dowladda Somalia, waxaa qori casri ah oo ay ciidamada Turkiga u adeegsadaan howl galada la xiriira la dagaalanka argagixisada. Xukuumadaha Somalia iyo Turkiga ayaa dhowaan kala saxiixday heshiis is-kaashi oo dhanka difaaca iyo tababarka ciidamada ah, waxaana hubkan uu qayb ka yahay qalabeynta ciidamada xoogga dalka Somalia. Sidoo kale, Qoriga MPT-76 ayaa waxaa ku hubeysan ciidamada ilaaliya madaxtooyada Turkiga, waa qori casri ah oo ay xilligan xiisaynayaan inay iibsadaan dalal ay ka mid tahay Boqortooyada Sacuudi Carabiga. Dhanka kale, Qorigan ayaa culeyskiisu yahay 4.1KG, waxaa uu wax ka dili karaa masaafo dhan 600-mitir, wuxuuna dhirirkiisu yahay 9-mm, Waxaana halkii daqiiqo ka dhaca 650-xabo. Ugu dambeyn, Waa markii ugu horreysay oo dowladda Turkiga ay hub ugu deeqdo Dowladda Somalia tan iyo markii uu dib u xoogeystay xiriirka labada waddan dhammaadkii sannadkii 2011-kii oo ay Soomaaliya ku dhufatay abaartii ugu xumayd abid. PUNTLAND POST The post Dowladda Turkiga oo markii u horeysay hub Casri ah ugu deeqday Ciidamada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  23. Bosaso-[Puntland Post]-Magaalada Boosaso ee xarunta gobalka Bari ayaa saaka dagan ka dib mudaharaadyo sababay dhimasho iyo dhaawac oo shalay ka dhacay Magaalada. Ciidamada kala duwan ee amaanka Boosaso ayaa lagu arkayaa wadooyinka waawen ee magaalada si looga hortago in ay markale mudahardayo ay ka dhacan saaka Boosaso. Dhinaca kale Guddi ka kala socda dawladda ,Ganacsatada & Shirkadda P & O ee gacanta ku haysa maamulka dekeda magaalada Boosaaso ayaa lahaa wada xaajoodyo gaar ah oo ku saabsan sidii xal looga gaari lahaa xirnaanshaha dekeda Boosaso. Wararka warbahainta Puntland Post ay helayso waxa ay sheegayaan saacadaha soo socda dib loo furi doono dekada oo mudo ka badan hal isbuuc xirneed. Masuuliyiin ka mid ah rugta Ganacsiga & Warshadaha ee Puntland ayaa u sheegay warbaahinta Puntland Post in xalay lagu heshiiyey in sidii hore maanta lagu dajiyo Rarka taagan, ka dibna wada tashi iyo is faham dhameystiran laga gaaro waxyaabaha laga cabanayo. Masuul sare oo ka tirasan dekada Boosaso oo la hadlay warbahainta Puntland Post waxa uu ii xaqiijiyey in hada kulamo ay u socdaan masuuliyiinta dawlada iyo ganacsatada waxana la filayaa in saacadaha soo socda ay si wada jir ah ula hadli doonaan bahda warbaahinta. Cabdiqani Boos Puntland Post -Bosaso The post Dekada Boosaso oo saaka lagu wado in dib loo furo appeared first on Puntland Post.
  24. Baydhabo (PP) ─ Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta Maamulka Koonfur-galbeed ayaa sheegaya in illaa 50 mudane ay saxiixeen mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Koofur-galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan. Xildhibaannada Mooshinka keenay ayaa ku eedeeyay xil gudasho la’aan iyo ku tumasho dastuurka maamulkaas iyo kan dowladda Federaalka. Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in xilligan xildhibaanada iyo madaxweynaha Koofur-galbeed aanay wada-shaqeyn ka dhaxeyn, isla markaana xilkii loo igmaday uu gudan waayay. Sidoo kale, Xildhibaannada Koofur-galbeed ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku kala qaybsanaa mooshin xilka looga qaadayo Shariif Xasan, waxaana tani ay ka dhigan tahay in xildhibaannadii mooshinka saxiixay inay gaareen hadafkooda koowaad. Degmada Baydhabo ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka socoday Dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed, waxaana la sheegay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ay magaalada Baydhabo u joogaan arrimo la xiriira ololaha ka dhanka ah Shariif Xasan. Ugu dambeyn, Lama oga xaalada siyaasadeed ee ka jirta Koofur-galbeed, halka ay ku dambeyn doonto, waxaana Shariifka xilligan la sheegay inay xaalada ku xun tahay, maadaama uu wajahayo mucaarado xooggan. PUNTLAND POST The post Tiro xildhibaanno ah oo Baydhabo ku saxiixay Mooshin ka dhan ah Shariif Xasan Sheekh Aadan appeared first on Puntland Post.
  25. Muqdisho (PP) ─ Xildhibaan Axmed Cismaan Daqare oo Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia ka tirsan ayaa khudbad uu ka jeediyay kulankii baarlamaanka shalay wuxuu Madaxweynaha DFS uga dalbaday inuu is-casilo, isagoo ku eedeeyay inuu hoggaamin waayay Siyaasadda dalka. Mudanahan oo ka hadlayay xaaladda Ammaan ee dalka iyo dhibaatooyinkii ka dhacay Muqdisho bishii Oktoobar ee lasoo dhaafay ayuu Tilmaamay in fashilka Amaan ee ka jira dalka ay gundhig u tahay siyaasadda dalka ragga hoggaaminaya inay fashilmeen. Sidoo kale, Xildhibaanku wuxuu sheegay inaan taliyeyaal boolis iyo nabad—sugid oo la eryo, aanay ku filneyn, isagoo xusay in carqalada meesha ay ka jirto ay tahay buurta ragga fadhiya, sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha. “Waxaa codsanayaa Madaxweynaha Siyaasadda Waddanka waa hoggaamin waayay ee ha is casilo,” ayuu yiri Xildhibaan Daqare oo ka mid ah Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka, kana soo jeeda Gobolka Gedo. Haddaba, DAAWO; Hadalka Xildhibaanka uu ka jeediyay Golaha Shacabka; PUNTLAND POST The post Xildhibaan Madaxweynaha Somalia ugu baaqay inuu Is-casilo kaddib markii uu ku eedeeyay… appeared first on Puntland Post.