Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,077
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The United Kingdom has updated its Foreign travel advice in respect of Ethiopia. The Foreign and Commonwealth Office (FCO) in its latest release of Thursday November 2, 2017 cited visa requirements as basis for the update. “Entry requirements section (Visas) – to obtain a business visa for Ethiopia you may require prior approval from the Ethiopian Department of Immigration and Nationality Affairs office before submitting your application to the Ethiopian Embassy; you should check the latest instructions with your nearest Embassy,” the full update read. The FCO, however, largely maintained its advise against travel to almost all borders of the country save that of the Djibouti and Somaliland. It advises against almost all travel to major parts of the Somali regional state. All travel within 10km of the border with Eritrea, Sudan, Kenya and South Sudan and within 100 km of the Ethiopian border with Somalia and Kenya in specific areas. The United Kingdom and United States are among the few allies of Ethiopia who continue to maintain their travel alert for the country despite the lifting of a state of emergency in August this year. The measure was meant to quell spreading anti-government protests in the Oromia regional state. U.K. citizens were advised to avoid all gatherings because of the potential for them to become violent, they were also to review their personal security settings at all times. The message, however, gave what can be described as a summary of recent security challenges in the Horn of Africa country. Among others, they listed tensions between the Oromia and Somali regions which clashes have led to deaths and mass displacements. The 13 September 2017 protests in Jijiga, 11 October 2017 protests in Ambo, Dodola, Wolisso and Shesehememe – all in the Oromia regional state were also listed. They also addressed restrictions on the processes involved in obtaining a SIM card. UK issues travel alert for Ethiopia, cautions over ‘dodgy’ internet https://t.co/znAVdlTDwS — africanews (@africanews) June 14, 2017 Source: – Africanews
  2. Two Al-Shabaab terrorists were killed in battle with military troops in Lamu County. The militants were killed by soldiers on patrol in Nyatha, Lamu West, Kenya Defence Forces spokesman David Obonyo said. The soldiers were on their normal patrol of the area at around 6pm on Thursday when they came into contact with the armed militants. The incident comes barely a week after four Al-Shabaab terrorists were killed in battle with KDF troops at Mararani area in Lamu East. The soldiers raided the terrorists’ camp forcing militants to flee and abandon the camp. Four AK-47 rifles, bomb making materials, six magazines, three grenades, three car batteries, rolls of cables, three mobile phones and assorted food stuffs were found at the camp. Last month, KDF soldiers killed five Al-Shabaab terrorists while militants escaped with injuries at Bodhei on the border of Lamu and Garissa counties. During the incident, six AK-47 assault rifles, 321 bullets, three grenades and explosives were recovered. Source: Daily Nation
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Puntland ayaa digniin kasoo saaray danaadiiq cod bixin oo la sheegay in Somaliland ay ku gureyso degaano ka tirsan Gobolada Sool iyo Sanaag, oo Puntland ay sheegtay in ay maamusho. Maamulka Puntland ayaa ku goodiyay inay qaadayaan dagaal khasaaraha ka dhasha ay mas’uuliyadeeda qaadi doonto Somaliland. Puntland ayaa tilmaantay inay diyaar yihiin ciidamadii qaadi lahaa dagaalka isla markaana goobaha doorashada ka qaadi lahaa sanaadiiqda loo diyaarinaayo doorashada Somaliland. Cabdi Cali ”Qarjab” oo ah Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ka diyaargarooben difaac kaga imaada Somaliland. Waxa uu Qarjab, tilmaamay inay diyaar u yihiin in dhiig uu ku daato is qabqabsi ka yimaada in Somaliland ay sanaadiiqda kusii heyso degaanada Puntland. Waxa uu sheegay in Puntland ay Somaliland ugu baaqeyso inay ka fiirsato arrintan, ka hor inta aanu dhiig ku daadan. Geesta kale, Wasiirka Amniga Puntland ayaa sheegay Somaliland in looga baahan yahay in ay mas’uuliyad iska saarto in ay si wanaagsan ku qabsato Doorashadeeda, oo aysan sababin inuu dhiig daato. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo abaabul kama danbeyn ah oo la doonaayo in xilka looga qaado Hogaamiyaha maamulka Shariif Xasan Sheekh Aadan. Abaabulka socda ayaa waxaa la doonaaya in xilka looga xayuubiyo Hogaamiye Shariif oo laga gudbiyay Mooshin ay ku saxiixan yihiin Xildhibaano kabadan 90. Xildhibaanada ayaa waxa ay sheegeen in ay yihiin isbedel doon, Mooshinka ay ka wadaana Shariif Xasan in ay saxiixeen 91 xildhibaan. Xildhibaanada ayaa tilmaamay in Shariif Xasan uu xilkaasi sii heyn doono keliya maalmo kooban wixii intaa ka danbeeyana uu lamid noqon doono shcabka, sida ay hadalka u dhigeen. Waxa ay sheegen in Shariif Xasan uusan mudneyn inuu sii hayo xilka waxa ayna ku eedeeyen howl-gabnimo iyo inuu indhaha ka qabsaday shaqooyinka loo igmaday. Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa u muuqda mid ka walwalsan in uu saameeyo khilaafyada siyaasadeed ee maamuladii isaga ka horeeyay soo hareeyay sida Hirshabeelle iyo Galmudug. Gudaha asbuuca nagu soo fool leh ayaa lagu wadaa in codka mooshinka loo qaado Hogaamiye Shariif Xasan, iyadoo la sheegay in sifo sharci ah uu ku weyn doono xilkiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka qaybgalaya kulanka madaxda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka, ayaa magaaladda Muqdisho kula kulmay qaar ka mid ah xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Federaalka kuwaasoo laga soo doortay Puntland Kulanka oo ahaa casho sharaf, ayaa waxa uu ka dhacay Royal Palace Hotel, waxaana Hogaamiyaha ku wehelinaayey Mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha Maamulka Puntland iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Casho sharaf kadib Hogaamiyaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka DFS u metelaya Puntland ayaa kulan gaar ah oo ay wada-yeesheen waxa ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin. 1-Isxog waraysi. 2-Isku xidhka iyo wada shaqaynta DFS iyo maamulka Puntland. 3-Qaybsiga khayraadka dalka. 4-Arrimaha Fadaraaliisamka iyo Dastuurka 5-Kawada shaqaynta aminiga, xasiloonida iyo horumarinta Soomaaliya. Kunlanka oo ahaa kulan wada tashi ah ayaa waxay Hogaamiyaha iyo xildhibaanadu gorfeeyeen dhammaan qodobadan kor-kuxusan, kuwaas oo ay tilmaameen inay muhiim tahay in laga wada hadlo, laga wada tashto si loo dardargeliyo wada shaqaynta DFS iyo maamulada xunaha ka ah DFS, isla markaana meel looga soo wada jeesto wax kasta oo lid ku ah midnimada shacabka Soomaaliyeed iyo sidii dalka looga xorayn lahaa kooxaha nabad diidka ah. Hogaamiyaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xildhibaanada uga xogwaramay horumarka, xasiloonida iyo amniga guud ee ka jira dhammaan mandaqadda maamulka Puntland, shacabka ku dhaqan Puntland-na ay yihiin kuwo u heelan ka qayb qaadashada kaabayaasha dhaqaalaha ka socda guud ahaan gobolada Puntland. Dhinaca kale Xildhibaanda labada aqal ee dawladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa dhankooda cadeeyey inay diyaar u yihiin sidii ay uga soo bixilahaayeen shaqooyinka loo igmaday ee ay u idman yihiin inay u shaqeeyaan shacabkooda Soomaaliyeed, ka qayb qaataan sidii qaranka Soomaaliyeed loo gaadhsiin lahaa meel uu mudan yahay. Ugu danbayn, Hogaamiyaha maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka DFS u metelaya Puntland inay u diyaar sanaadaan sidii ay qab uga noqon lahaayeen horumarinta dalkooda hooyo iyo ka xoraynta dalkooda cadawga shacabka Soomaaliyeed ee Al-shabaab iyo Daacish kuwaas oo gumaadaya shacabka Soomaaliyeed lidna ku ah nabadda, xasiloonida iyo horumarka qaranka Soomaaliyeed.
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Ciwaanka uu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku leeyahayTwitter-ka ayaa si kooban hawada looga saaray Khamiistii, laakiin intaas ka dib hawada ayuu dib ugu soo laabtay, sida ay sheegtay shirkada leh bartan ay bulshadu ku xiriirto. Shirkaddu waxay sheegtay in ciwaanka @realdonaldtrump hawada looga saarat si aan ula kac ahayn, ayna ahayd khalad banii’aadan oo ka dhacay qof u shaqeeya Twitter-ka. Ciwaanka madaxweynaha ayaa hawada ka maqnaa11 daqiiqo, Twitter-ka ayaana hadda baaritaan wada. Trumo ayaa aad u isticmaala Twitter-ka waxaana wararkiisa ku xiran 41.7 milyan, walina kama hadlin arrintan. Dadkii booqday ciwaanka madaxwaynaha fiidnimadii Khamiista wakhti kooban waxay arki kareen fariin oranaysa “ciwaankaas ma jiro!”. Ciwaanka markii uu dib u shaqeeyay Trump wuxuu markii u horaysay soo dhigay qorshaha xisbiga jamhuurigu uu ku doonayo in uu ku dhimo canshuurta. Ciwaanka @POTUS, oo ah midka rasmiga ah ee madaxweynaha Maraykanka ayaa isagu sidiisii u shaqaynayay. Trump wuxuu Twitterka ku soo biiray bishii Maarso ee 2009kii. Intaa wixii ka dambeeyayna si joogto ah ayuu u iisticmaali jiray si uu ugu faafiyo afkaarihiisa, sidoo kale wuxuu ku weerarayay dadka ka soo horjeeday intii ay socotay ol’olihii doorashada ee 2016kii iyo intii uu xilka la wareegay bishii Janaayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Sidi aan dhowr goor ku celceliyay siyaasi maahi sidaa darteed aad uma daneeyo dhagaysiga hadallada siyaasiyiinta. Hadba xiisadda kacsan iyo waxa laga doodayo waxaan kula kulmaa baraha bulshada, aad uguma mashquulo inaan ka faalloodo waayo maahan maaddo aan xiiseeyo. Laakiin waxaa dhacdo marar badan inaan arko hadallo si weyn loo faafiyay kuwaasoo saamayn xun ku yeesho shacabka maskaxdooda. Hadallada caynkaas ah waxay igu qasbaan inaan wax ka dhaho arrimaha taagan. Middi ugu danbaysay ee na qabsatay ayaa ahayd hadalkii uu madaxwyne Farmaajo ka jeediyay shirka wada tashiga ee la xariiray sidii shabaab la isaga celin lahaa. Af-dhaajinti siyaasiyiinta meelaha waan ku arkayay laakiin kuma mashquulin inaan dhagaysto hadalka madaxweynaha iyo doodadda ka dhalatay waayo wax lagu mashquulo iilama muuqan. Xalay fiidki goor aan wax qoranayay, xaajiyadunna ay dhagaysanaysay warar Soomaaliya, ayay igu tiri Jallee Farmaajo ma wanaajin inuu sidaas u hadlana maahayn. Marki aan kor u eegay wajigeeda waxaa ii muuqatay inay aad ooga niyad jabtay hadalka madaxweynaha, sababta niyad jabkuna yahay sida loo fasiray. Waxy noqotay inaan isa saaro laptopki si aan ula dhagaysto hadalka ugana qanciyo nuxurkiisa. Intaas ka dib waxaa ii muuqatay inay hooyooyin badan oo niyad san maskaxdooda lagu cayaaray niyad jab iyo walwelna lagu abuuray. Sidaas awgeed ayaan is iri inta aan kula joogin bal hadalka meesha uu ka nool yahay ha lala wadaago. Hadalka ku saabsan in madaxweynuhu yiri dooni mayno askari mushaar ku shaqaynayo ee waxaan rabnaa dad bilaash ah ugu dhinto dalkooda, waa mid saxan ujeedkiisuna cad yahay. Waxa laga hadlayo maahan askariga mushaar la siin mahayo waayo mushaarku waa xuquuq aan gorgortan gali Karin. Maahan mid loo diidi karo ama lagu xujayn karo. Waxaa ka duwan qof ujeedka uu meesha u yimidba yahay inuu un lacag kaliya helo. Kaasi waxaa loo yaqaan calooshisa u shaqayste. Qofka noocaas ah dhimasho ma rabo waayo waqti waxa uu shaqaystay uu ku cuno ayuu rabaa, ujeedka meesha uu yimidna maahan difaac dal waa helidda xoogaa sandareerta ah. Ciidamada dalkuna noocaas maahan in yar mooyee. Intaas qofki fahmi waayay siyaasi maahan ummadana inuu wax u sheego ma habboona. Laakin waxaa hubaal ah in iyagoo fahamsan waxa laga hadlayo ay si ku tala gal ah hadalka u qalloociyeen si ay danahooda ugu gaaraan. Midka kaasi ka muhiimsan waa erayga uu madaxweynuhu isticmaalay ee “caqiido”. Waxaa u yiri askarteennu caqiido wadaninimo ma lahan ee waa inaan barnaa in haddii ay wadankooda u dhintaan ay janno galayaan sida shabaabba kuwooda u baraan. In janno la galo iyo in kale maahan arrin aadane sheegi karo. Waa ammuur qaybi ah Eebe kaliya ayaana ka war hayo laakiin waxaa la noo sheegay sida lagu kasbado iyaduna wadaniyad ka mid maaha haddii aan raacno qaabka hadalka loo yiri. Balse waxaa ka mid ah in qofku isdifaaco, maalkiisa iyo reerkiisuna difaacdo, dhulkiisa lagu soo duulayna difaacdo taasi oo isgu imaanayso in shaqada ay hadda hayaan askarteennu sidaasi tahay, waase haddii niyad lagu daro. Hasa yeeshee ma saxbaa in la yiraahdo askarteennu ‘caqiido’ ma leh? Haddase ma loo yeeli karaa caqiido? Waxaa is leeyahay erayka ‘caqiido’ kuma habbonayn jumladaan. Afsoomaligu waa luuqad faqiir ah sidoo kalana aan helin cid hormariso. Sidaa darteed waxaa aad ugu adag dad fagaarayaasha ka hadlo inay helaan erayo ku habboon waxa ay rabaan inay dhahaan. Taasi waa midda aan had iyo jeer u aragno madaxdeenna oo isticmaalayo afaf qalaad. Caqiido waa eray loo isticmaalo arrin la xariirto diimaha. Waa arrin aad loogu kala qaybsanyahay. Dad badan oo kala caqiido ah ayaa dal ku wada noolaan karo wax bandanna ka dhaxayn karaan. Waxay noqon karaan muwaadiniin siman oo dalka wada difaacdo, waa arrin dhexdeenna caan ka ah. Ma dhici karto in la helo askar isku wada caqiido ah xagga diinta (waxan ka hadlayo caqiidada hoose ee kala qaybiso muslimiinta). Laakiin waxaa la heli karaa askar iyagoo kala caqiiqdo ah u wada dhinta dalka iyo difaaca diinta. Sidee ku dhici kartaa? Wadamada galbeedka caqiido waxaa ooga dhigan aydhiyooloji. Waddan walbana waxaa ku wada nool dad kala aaminsan aydhiyooloji aad isu diidan hadana marki ay imaado danta wadanka waa ul iyo diirkeed. Sababta ayaa ah waxaa jiro wax kale oo mideeyo kaasoo lagu magacaabo ‘qiyam’ (values). Qiyam waa eraygi uu jeeday madaxweynuhu sidaan isleeyahay waana midka u baahan in laga dhiso askarta iyo dhammaan bulshada guud. Qiyamku waa mid guda balaaran oo ay soo hoos galayaan dhaqanka, diinta iyo wax walba oo qiimo weyn noo leh. Waa waxa aan u taagannahay nolosheenana ka turjomayo. Nasiib darro maahan mid si fudud loo baran karo. Waa arrin u baahan in lagu ababiyo ilmaha dhashay, iskoollada lagu dhigo, masaajidda laga jeediyo goobaha shaqooyinkana lagu faafiyo. Waa mid la rabo in laga arko hab-dhaqanka madaxda, culimada iyo aqoonyahanka. Waa mid haddii aan ku guulaysanno badali lahayd qabyaaladda. Hadda booska qiyamka waxaa noogu jiro qabiilka, sharafa kugu danbeeyo ee aan difaacanno waa qabiilka. Inta la helayo wax taasi badalana way adag tahay in la helo bulsho leh qiyam mideeyo. Waxaan kusoo xirayaa qormadaan in guud ahaan hadalka madaxweynuhu khalad lahayn laakiin eray xulashadiisu aysan wacnayn. Madaxdu ha ogaadeen in erayada ay isticmaalayaan saamayn weyn ku leeyihiin bulshada guud iyo horumarka dalka. Waa in si dagan loo xushaa erayada lagu hadlayo si miisamanna hadalka loo dhigaa si loo yareeyo fursadda warxumo tashiilka. W/Q: Ibrahim Aden Shire Ishire86@gmail.com https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/
  8. Dhammaan ammaan oo dhan waxay u sugnaatay Allah (SWT) ee nagu manaystay nimcooyin badan oo an xisaab lahayn iyo Rasuulkiisii suubanaa Muxamed (CSW). Intaa kadib waxaan salaamaynaa guud ahaan muslimiinta gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed. Asallamu calaykum Waraxmatullaahi wabarakaatuhu. Waxaan halkaan idiin ku soo gudbin doonaa qormo aan ugu magac daray WAR YAA QARAXA MAS’UUL KA AH?, waxaan rabaa in kaliya aan muujinno in ay imaan karaan su’aalo badan oo ku aadan qaraxyada sida joogtada ah uga dhaca magaala madaxda dalka ee Muqdisho. Qormadani cid gaar ah kuma wajahna!. Qaraxyada sida joogtada ah uga dhaca magaalada Muqdisho ma mudan yihiin in wax laga barto? Haddii aanba ku amba qaadno qoraalkeena su’aasha kor ku xusan, waxaa cad in ay muhiim tahay in wax badan laga barto dhacdooyinka nolosha. qaraxyada Muqdisho ka dhacaya waa qayb ka mid ah dhacdooyinka nolosha, dhacdooyinka nolosha ee xaqiiqda ah ee tagay ayaa lagu magacaaba taariikh.Taariikhda barashadadeeda, isku hawlka qoristeedda iyo dhadhansigeeda macnaha qotada dheer ee ku duugan ayaa ah un in wax badan laga ogaado dhacdooyinkii hore u dhacay, si aysan mar labaad u soo laaban haddii ay ahaayeen kuwo khaldan. Haddii aynu dib u raacno taariikhda qaraxyadii ka dhacay Muqdishu sanadkan waxa aad ka baranaysaa in hawgalada ka socda Muqdisho aysan kaliya ahayn kuwo ku eg kooxo argagixiso ah ama al-shabaab, waxaan daah saarnayn in danaha laga leeyahay daganaansho la’aanta Soomaaliya ay yihiin kuwo tiro beel ah, waxaan hubanti ah in dawladaha jaar ka ah iyo kuwa caalamka labaduba ay dano gaar ah oo macaash ugu duugan yahay ay ka leeyihiin daganaansho la’aanta Soomaaliya. Weerarradii Muqdisho ka dhacay sanadkan 2017. v Labadii bishii janaayo waxaa ka dhacay qarax is miidaamin ah 3 qof ayaa ku dhimatay.* v Isla todobadii bishii janaayo qarax ka dhacay Muqdihso 3 qof ayaa isna ku dhimatay. v Labaatan iyo shanti bisha janaayo qarax gaari ayaa ka dhacay Muqdishu waxaa ku dhintay 28 qof.* v Febraayo sagaal iyo tobankeedii waxaa Muqdisho ka dhacay qarax ismiidaamin ay ku dhinteen 39 qof. v Maarso 13 keedi waxaa bam gaari ku dhintay 13 qof.* v Isla bishii maarso 21 waxaa qarax gaari ku dhintay 5 qof.* v Bishii abriil afarteedii waxaa isna qarax gaari ku dhintay 3 qof. v Abriil markiii ay ahayd 7 waxaa qarax mooto ku dhintay 3 qof. v Isla bishii Abriil 9keedi waxaa sidoo kale qarax gaari ku dhintay 15 qof.* v May siddeedeedii waxaa qarax ismiidaamin ku dhintay 8 qof.* v Isla bishii May 24teedi waxa sidoo kale qarax ku dhintay 8 qof.* v Bishii Lixaad ee Juun 15 keedii waxaa qarax gaari ku dhintay 9 qof.* v Isla bishii Lixaad 20keedi waxaa qarax ismiidaamin ah ku dhintay 15 qof.* v Gabogabadii bishii Lixaad 22 waxaa qarax gaari ku dhintay 7 qof.* v Bilowgii bishii todobaad 2deedi waxaa qarax jidka ah ku dhintay 2 qof. v Isla bishii todobaad 30keedii waxaa qarax gaari ku dhintay 6 qof. v Afartii bishii Agoosto waxaa qarax gaari ku geeriyooday hal qof. v 11 bishii Agoosto waxaa qarax ismiidaamin ah ku dhintay hal qof.* v Bishii Sebteember tobankeedii waxaa qarax ismiidaamin ah ku geeriyootay lix qof.* v Dhamaadkii bishii Sebteember waxaa qarax gaari ku dhimatay 7 qof. v Bishii Oktoobar waxaa Muqdisho ka dhacay musiibo qaran 358 dad ka badan ayaa ku dhintay qarax ka dhacay isgoyska soobe. v 28 bishii oktoobar qarax iyo weerar ka dhacay huteel naaso hablood waxaa ku dhintay dad ka badan 25 qof.* Haddii aan ku caddayno calaamadda * tirada qaraxyada Al-shabaab ay sheegatay ee ka dhacay Muqdisho, miyeysan imaneyn su’aal ah inta kale yaa masuul ka ah?, macnuhu waa qaraxyada kale ee ka dhacay Muqdisho yaa mas’uul ka ah oo soo maleegay?. Haddiiba ay su’aashaasi timaado, miyeysan muhiim ahayn in aan la iska indho saabin ee jawaab cad loo helo, si ay xaqiiq u noqoto riyada dadka intooda badina ku riyoodaan ee ah in mar un ay ku noolaadan Muqdisho oo nabad ah. Cinwaanka maqaalkan waxaan uga mahadcelinayaa koox faneedka qaylo dhaan. Tirxaac: Al-jazeera Wabilaahi towfiiq Mahadsanidiin W/Q: Cabdiraxmaan Maxamed Warsame (Guure) Email: abdelrahmangure@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  9. Maanta oo ahayd 02/11/17 waxay ku beegnayd boqol guuradii heshiishki la baxay Belfour ee gogal xaarka u noqday guumaysiga Falastiin. Hadaba muxuu ahaa heshiiskaan, yaa galay, maxaa looga dan lahaa, maxaase sabab u ahaa? Waxay maxay Belfour Declaration? 02/11/1917ki waxaa lagu dhawaaqay ballan qaad ay dowladda Ingiriisku u samaysay Yahuuddi Yurub ku noolayd. Ballan qaadkaan ayaa ahaa in Yahuuda loo samayn doono dhul ay iyagu leeyihiin oo laga siin doono Falastiin. Iclaankii waxaa akhriyay wasiirki arrimaha dibadda ee Ingiriiska Arthur Belfour, magaca Belfour halkaas ayuu ka yimid. Iclaankaan ayaa gogal xaar u ahaa barakicintii lagu sameeyay dadka reer falastiin sanadki 1948di marka la aasaasay dowladda Yahuudda. Marki lagu dhawaaqay Iclaankaas, yahuudda dagan Falastiin waxay 10% ka ahayd dadki dhulkaas ku noolaa. Marki Iclaanku dhacay sanadihii ka danbeeyay waxaa si hoose loo billaabay daad-guraynta Yahuuddi Yurub ku noolayd. Intii u dhaxaysay 1922di iyo 1935ki, Yahuuddu waxay noqotay 27% tirade dadka Falastiin. Sidaas ayaana lagu waday ilaa ay halmar Carabti oo huruddo ay ka hoos kaceen. Yaa Galay heshiiska? Sidaan soo xusnay soo jeedinta iyo howl galinta heshiiska waxaa lahaa Ingriiska. Laakiin waxaa jiray dowlado kale hoos kala ogaa la’aantoodna uusan suura galeen. Wadamadaas waxaa ka mid ah Faransiiska iyo Maraykanka. Maxaa looga dan lahaa? Waxaa si weyn loo rumaysan yahay in qorshuhu ahaa in la dhiso dal u gooni ah yahuudda inkastoo aysan warqadda ku cadayn. Waraaqda la akhriyay waxaa lagu qoray in Yahuudu la siin doono dhul ay u aqoonsadeen dhul hooyo balse taasi way ka duwan tahay waxaa loo dhisi dowlad. Dhul hooyo wuxuu noqon karaa dal aad ku nooshahay laakiin adigu aadan maamulin. Hasa yeeshee waxaa la rumaysanyahay in si kas ah warqadda qaabkaas loogu qoray, sababtoo ah haddii lagu cadayn in dowlad Yahuud leedahay Falastiin laga dhisayo dhib badan ayaa dhici lahaa. Sidaa awgeed waxaa lagu dhaqaqaay qaab qarsoon oo dadka intiisa badan aan dareen galin. Ingriiska maxaa dan ugu jiray inuu Falastiin Yahuud siiyo? Jawaabta su’aashaan lama hubo waayo ciddi falka samaysay si cad oogama aysan jawaabin ilaa maantana ma sheegin. Laakiin taariikhyannada iyo ilo xog-oghaal ayaa sheegay dhowr arrimood oo is biirsaday inay sabab u ahaayeen. Kow, madaxda Ingiriiska waxaa ku jiray rag Yahuud ahaa oo awood badan ku lahaa talada, inay iyagu gadaal ka riixeen ayay u badan tahay. Labo, waqtiga Iclaanku dhacay waxaa socday dagaalki koowaad ee aduunku Ingriiskuna qayb ka ahaa. Waxaa la sheegay in Ingriisku rabay inuu Yahuuda raali galiyo si ay culays u saaraan waddamadi Yurub iyo Maraykanka ee dagaalka qaybta ka ahaa si aysan dagaalka ooga bixin. Waddamaas waxaa awood badan ku dhex lahaa Yahuudda. Sadex, Falastiin waxay ahayd dhul aad ugu muhiim ah danaha Ingriiska. Inuu ku yaal dhul masiixiyadda muqadas u ah ka sakow, Maamulidda Falastiin waxay muhiim u ahayd gacan ku haynta marinka Suweyn iyo Masar. Waqtigaas Masar Ingiriis ayaa guumaysanayay inuu siidaayana ma uusan rabin. Gacan ku haynta dhulkaas waxaa uu aad muhiim ugu ahaa ganacsigi Ingriiska iyo ilaalinta danihiisa. Ilaa maanta, jiritaanka dowlad Yahuudeed ahmiyad gooni ah ayay u leedahay dowladaha reer Yurub. Xasuusnow, in dagaaladu ka socon jireen xuduudaha Yurub ka hor intaan Carab iyo Yahuud la isku mashquulin. Saamayn intee la eg ayuu yeeshay Iclaanku? Wuxuu gogal xaar u noqday abuuridda dowlad Yahuudeed. Marki dowladdi Ingiriisku wareejisay gacan ku haynta Falastiin 1947di, waxaa dhula joogay ciidamo Yahuud ah oo ay sii diyaarisay. Ciidamaas waxay 1948di dhulkoodi ka rareen 750,000 oo Falastiniyiin ah. Si kooban, Iclaankin Belfour waa bilowgii bixintii Falastiin iyo guumaysiga ay ilaa maanta ku jirto. Kuwo badan oo la nooc ah ayay dowladdi guumaystaha Ingiriiksu gashay waxaana ka mid ahaa kay dhullkeena Soomaali Galbeed ku siiyeen Itoobiya. Xogtaan oo faahfaahsan ka akhriso halkaan: http://www.aljazeera.com/indepth/features/2017/10/100-years-balfour-declaration-explained-171028055805843.html. Ibrahim Aden Shire https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/ Ishire86@gmail.com
  10. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa oo ay taariikhdu tahay 02 Nov 2017 kulan casho sharaf ah kula qaatay magaalada Muqdisho xildhibaanada labada aqal ee Baarlaman DFS u metelaya Puntland. Kulanka casho sharafta ah oo ka qabsoomay Royal Palace Hotel ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland. Casho sharaf kadib Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka DFS u metelaya Puntland ayaa kulan gaar ah oo ay wada-yeesheen waxa ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin. Isxog waraysi. Isku xidhka iyo wada shaqaynta dawladda Puntland iyo DFS. qaybsiga khayraadka dalka. Arrimaha Fadaraaliisanka iyo Dastuurka kawada shaqaynta aminiga, xasiloonida iyo horumarinta Soomaaliya. Kunlanka oo ahaa kulan wada tashi ah ayaa waxay ay Madaxweynaha iyo xildhibaanadu gorfeeyeen dhammaan qodobadan kor-kuxusan, kuwaas oo ay tilmaameen inay muhiim tahay in laga wada hadlo, laga wada tashto si loo dardargeliyo wada shaqaynta DFS iyo dawladdaha xunaha ka ah DFS, isla markaana meel looga soo wada jeesto wax kasta oo lid ku ah midnimada shacabka Soomaaliyeed iyo sidii dalka looga xorayn lahaa kooxaha nabad diidka ah. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xildhibaanada uga xogwaramay horumarka, xasiloonida iyo amniga guud ee ka jira dhammaan mandaqadda dawladda Puntland, shacabka ku dhaqan Puntlandna ay yihiin kuwo u heelan ka qayb qaadashada kaabayaasha dhaqaalaha ka socda guud ahaan gobolada Puntland. Dhinaca kale Xildhibaanda labada aqal ee dawladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa dhankooda cadeeyey inay diyaar u yihiin sidii ay uga soo bixilahaayeen shaqooyinka loo igmaday ee ay u idman yihiin inay u shaqeeyaan shacabkooda Soomaaliyeed, ka qayb qaataan sidii qaranka Soomaaliyeed loo gaadhsiin lahaa meel uu mudan yahay. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka DFS u metelaya Puntland inay u diyaar sanaadaan sidii ay qab uga noqon lahaayeen horumarinta dalkooda hooyo iyo ka xoraynta dalkooda cadawga shacabka Soomaaliyeed ee Al-shabaab iyo Daacish kuwaas oo gumaadaya shacabka Soomaaliyeed lidna ku ah nabadda, xasiloonida iyo horumarka qaranka Soomaaliyeed =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Puntland oo Kulan Casho Sharaf Ah Laqaatay Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka DFS U Metelaya Puntland. appeared first on Puntland Post.
  11. Hoggaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi ayaa markii ugu horreysay khamiistii maanta booqatay gobolka Rakhine ee Waqooyiga dalka,tan iyo markii uu bilowday hawlgalka militari ee dowladdu ka fulisay gobolka,kaasoo ay ku baro-baxeen in ka badan lix boqol oo kun oo muslimiinta Rohingya,sida ay soo werisay Wakaaladda Wararka AFP. Beesha Caalamka ayaa horay u soo jeedisay in Aung San Suu Kyi lagala laabto jaa’isada Nobelka,kadib markii ay ku fashilantay difaaca muslimiinta laga badanyahay ee Rohingya,kuwaasoo ay Qaramada Midoobay sheegtay“in isir sifayn lagu hayo”. Militariga Myanmar ayaa lagu eedeeyay in ay dil,dhac,iyo kufsi baahsan u geysteen qowmiyaddaasi. Af-hayeenka xukuumadda Myanmar Zaw Htay ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka AFP “in Aung Suu Kyi haatan joogto degmada Sittwe ee gobolkaasi,ugana sii gudbayso degaannada Maungdaw,iyo Buthiduang” oo ah halka ugu daran ee dhibaatooyinka laga soo weriyay,waana booqashadii ugu horreysay ee ay ku tegto gobolka Rakhine ee marti-geliyey rabashado ku salaysan isir,taasoo dhaawac weyn u keentay sumcadda dalkaasi. In ka badan nus malyuun muslimiinta Rohingya ayaa u qaxay dalka Bangladesh,iyagoo ka cararaya dilka,dhaca iyo kufsiga ay ku hayaan militariga Purma(Myanmar),waxaana la rumaysanyahay in kumanaan kale ay weli ku xayiran yihiin degaanka Maungdaw,iyagoo sugaya laashash ay ugu gudbaan dhinaca dalka Bangladesh,si ay uga baxsadaan khatarta uga imaanaysa militariga Myanmar. Dadka reer Purma oo u badan qowmiyadda Buddhist ayaa necayb xooggan u qaba muslimiinta Rohingya,waxayna aaminsan yihiin in aysan dalka la’ wadaagin oo asal ahaan ka soo jeedan Bangladesh. Dhinaca kale Waaxda Arrimaha Debadda Maraykanka ayaa caawo shaacisay in Xog-haye Rex Tillerson uu bishaan booqan doono dalk Myanmar,si u qiimeeyo dhibaatada bani’aadannimo ee ka taagan gobolka Rakhine ee Waqooyiga dalkaasi. Tillerson ayaa tegaya caasimadda dalka ee Naypyitaw 15 bishaan Nov isagoo la kulmaya mas’uuliyiinta sare ee xukuumadda,wuxuuna madaxweyne Trump ku wehelin doonaa socdaal uu ku marayo 5 dal oo ku yaalla qaaradda Asia. Xog-haye Tillerson ayaa ku hor maraya magaalada Tokyo ee caasimadda Japan,halkasoo madaxweyne Trump uu Axadda soo socota kula kulmayo ra’iisulwasaare Shinzo Abe. Sidoo kale wuxuu madaxweyne Trump ku wehelin doonaa shir weynaha dalalka Asia-Pacific ee lagu qaban doon waddanka Vietnam. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Xasuuqii Caalamka laga illaawey. appeared first on Puntland Post.
  12. The post Photonews:- Dekedda Bosaso oo dib u shaqo bilowday caawa appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka sida, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka, oo qodobaddii looga hadlay ay kamid ahaayeen Qorshaha Difaaca Qaranka, dagaalka ka dhanka ah Nabad diidka Argagixisada ah ee Alshabaab iyo arrimo kale. Kulanka uu shir guddoomiyey Madaxweyne Farmaajo, waxaa goob joog ahaa R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Somaaliya, Xasan Cali Kheyre, R/wasaare ku xiggeenka Mahdi Maxamed Guuleed, Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida, Madaxweyneyaasha Dowlad goboleedyada Soomaaaliya, Wasiirka Amniga iyo Masuuliyiin kale. Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, C/raxmaan Cumar Yariisoow oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in shirkan uu yahay kii labaad ee Golaha Amaanka Qaranka ee Madaxweynaha uu shir guddoomiyo, isagoo xusay in la isku raacay in Dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada ay si wadajir ah ula dagaalamaan Nabad diidka Alshabaab. Wasiirka, ayaa sidoo kale sheegay in Shirka Golaha Amniga Qaranka lagu ansixiyey Qorshaha Difaaca Qaranka oo Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ay soo diyaarisay, sidoo kale waxuu sheegay wasiirka in lagu ansixiyey shirkaasi Guddiga isku dhafka Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed oo ka kooban xubo ka kala yimid Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad goboleedyada Soomaaliya.
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Qarax lagu soo xiray gaari uu ka dhacay inta u dhexeysa Isgoyska Banaadir iyo Isbitaalka digfeer. Qaraxa oo intiisa badan laga maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa gaariga loogu xiray mid kamid ah Shaqaalaha dowlada oo magaciisa lagu soo koobay Ceydiid. Ruuxaani qaraxa loogu xiray gaariga ayaa xiligaa ku jiray goob ganacsi oo aan sidaa uga sii fogeyn goobta waxaana xigay Qaraxa gaariga oo uu ka badbaaday. Qaraxa kadib ayaa waxaa halkaa is qabsaday rasaas xoogan oo ay ridayeen ciidamada dowlada ee goobta ka dhawaa.
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Maxamed ”Farmaajo” ayaa caawa kulan khaas ah la qaadanaaya Taliyayaasha iyo Saraakiisha ciidamada Qalabka sida. Madaxweynaha ayaa Taliyayaasha iyo Saraakiisha ciidamada Militariga, Nabad Suggida, Booliska iyo Asluubta, kala hadlaaya duulaan la sheegay in dowlada Federaalka ay ku qaadeyso goobaha ay maleeshiyaadka Alshabaab kaga sugan yihiin dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa dhinacyadaas la falanqeyn doona qaababka ugu haboon ee loo qaadi lahaa duulaanka ka dhanka ah Alshabaab. Madaxweynaha ayaa Taliyayaasha iyo Saraakiisha ka aruurin doona feker saliim ah oo suuragalinkara in la qaado duulaanka ka dhanka ah Alshabaab oo iminka maraaya heer gabagabo ah. Farmaajo ayaa duulaankan ula gol leh ka jawaabida xasuuqyadii is xigxigay ee maleeshiyaadku ka geysteen magaalada Muqdisho iyo in dhulka ay Shabaabka ku sugan yihiin lagu celsho gacanta dowlada. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa bishii October si wada jira u iclaamiyay dagaal ka dhan ah Alshabaab, kaa oo iminka lasoo afmeeray diyaarintiisa. Ma cadda waxa kasoo bixi doona kulanka caawa Madaxweyne Farmaajo iyo Saraakiisha ciidamada Qalabka sida uga socda xarunta Villa Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Arrimaha Dibbada Maraykanka ee Afrika, ayaa ka wal-walsan in dhaqaalaha la siiyo dowladda Soomaaliya inay u gacan-galo Al-shabaab. Laanta daba-galka Wasaarada Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa muujisay walaacan, iyadoo sarkaal ka tirsan Wasaaradda uu sheegay inaysan sameyn siyaasad iyo qorshe qiimeyn loogu sameeyo halista ah in dhaqaalaha Dalka Maraykanka uu bixiyo uu gacanta u galo ururka Al-shabaab ee xiriirka la leh Al-qaacida. Sidoo kale, Warbixintan ay soo saartay Xukuumadda Washington ayaa lagu sheegay in toddobadii sano ee ugu dambeeyay ay ku taageereen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya lacag gaareysa 66-milyan oo Doollar. Barayaashan ayaa waxay aaminsan yihiin in lacagtaas qayb ka mid ah ay si dadban ku gaartay Al-shabaab, laakiinse aan la ogeyn habka ay ku baxday lacagtaas. Dhanka kale, Baarayaashan waxay xuseen inay suuro-gal tahay in ururka Al-shabaab gacanta u gashay qayb ka mid ah dhaqaale loogu talo-galay 6,509 askari oo ka tirsan ciidamada millateriga Somalia. Xukuumadda Washington ayaa sheegtay inay il-gaarka u yeelan doono gar-gaarka ay siiso dowladda Somalia, maadaama ay ka cabsi qabaan in lacagta ay soo dhiibaan Mareykanka loo gacan-geliyo Al-shaabaab. Ugu dambeyn, Wasaarada Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa warbixin ay soo saartay sannadkii 2016-kii ku sheegtay in ciidamada dowladda Somalia ay xad-gudub ku sameeyeen dadka rayidka ah. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo ka walaacsan in Dhaqaalaha uu siiyo Ciidanka DF loo Gudbiyo Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  17. A computer recovered in the 2011 U.S. military operation that killed Osama bin Laden contained a video collection that included kids’ cartoons, several Hollywood movies and three documentaries about himself. The list of the videos was included in the release Wednesday by the U.S. Central Intelligence Agency of nearly 470,000 files found on the computer seized in the May 2, 2011, U.S. raid on the al-Qaida founder’s hideout in Abbottabad, Pakistan. It was the fourth tranche of materials, taken from the walled compound where bin Laden and his family lived, to be made public by the U.S. government since May 2015. Materials that still have not been released are being withheld because they could harm national security, are blank, corrupted or duplicate files, are pornographic or are protected by copyright, said a CIA statement. The copyright-protected materials include more than two dozen videos such as Antz, Cars and other animated films, the role-playing game Final Fantasy VII, and Where in the World is Osama bin Laden and two other documentaries about the al-Qaida leader, the CIA said. “Today’s release of recovered al-Qaida letters, videos, audio files and other materials provides the opportunity for the American people to gain further insights into the plans and workings of this terrorist organization,” said CIA Director Mike Pompeo. “CIA will continue to seek opportunities to share information with the American people consistent with our obligation to protect national security.” The materials released Wednesday are posted online in their original Arabic. They include bin Laden’s personal journal and 18,000 document files, about 79,000 audio and image files, and more than 10,000 video files, the CIA said. The CIA said that the materials, like those released in the past, provide insights into the origins of the differences between al-Qaida and Islamic State, disagreements within al-Qaida and its allies, and the problems al-Qaida faced at the time of bin Laden’s death. Source: – Reuters
  18. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 02 Nov 2017 ka qayb galay kulan loogu gobol xaadhayey shirka amniga qaranka Soomaaliyeed. Kulanka ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka DFS, Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha DFS, Madaxweynaha Jubbaland, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Madaxweynaha Galmudug, Madaxweynaha Hir-shabeelle iyo masuuliyiin ka tirsan dawladdaha xubnaha ka ah DFS. Kulankan maanta ayaa ah kulankii labaad oo ay Madaxda DFS iyo Madaxda dawladdaha xubnaha ka ah DFS ay ku yeeshana Muqdisho kaas oo looga hadlayo amniga qaranka Soomaaliyeed. Sidoo kale kulankani ayaa waxa uu hordhac u ahaa shirka amniga qaranka Soomaaliyeed oo 04 December 2017 ka dhicidoona Muqdisho, kaas oo ay kasoo qayb geli doonaan beesha caalamka. Dhinaca kale kulankani uu maanta ka qayb galay Madaxweynaha dawladda Puntlad iyo Madaxda kale ee qaranka DFS ayaa looga dooday laguna ansixiyey arrimo mihiim ah oo ay kamid yihiin in si wada jir ah meel looga soo wadajeesto ladagaalanka kooxaha argagixisada, goloha ayaa ansixiyey qorshaha difaaca qaranka Soomaaliyeed kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Gashaandhigga DFS, habaynta qaybaha ciidanka xoogga dalka iyo ansixinta gudiga isku dhafka ciidanka qaranka Soomaliyeed. Ugu danbayn, shirka Madaxda qaranka Soomaaliyeed ee Muqdisho uga socda ayaa dhowaan laga soo saari-doonaa go’aamo wax ku ool ah, kuwaas oo wax tar u lahaandoona shacabka Soomaaliyeed oo dhan. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxda Qaranka Soomaaliyeed oo yeeshay kulan loogu Gogol Xaadhayo Shirka Amniga appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Hay’adda Laanqeerta Cas ee Caalamiga ah ayaa dalalka adduunka ugu baaqday in aanan la hilmaamin bini’aadanimada marka lala macaamilayo maxaabiista tirada badan ee laga qabtay kooxda Daacish. Ku xigeenka madaxa ICRC ee Bariga Afrika Patrick Hamilton ayaa sheegay in adduunyada ay ku qasbantahay in la raaco sharciga caalamiga ah ee la dhaqanka maxaabiista dagaalka, wuxuuna diiday baaqyada ah in maxaabiista Daacish lagu dilo gaas. ICRC ayaa durbaba xabsiyada ku booqanaysa illaa 1,300 dumar iyo caruur ah oo ka mid ah qoysaska dagaalyahanada Daacish meel u dhow magaalada Mosul, waxaana la rumeysanyahay in la qaban doono kuwa kale oo badan. Hadalada Hamilton waxa laga yaabaa in ay jawaab u yihiin siyaasiyiin dhawaanahan hadalo jeedinayay, sida Rory Stewart oo ah wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Britain, kaas oo sheegay in dagaalyahanada Daacish ee dhalashada Britain haysta ay mudanyihiin in la laayo. Waxaa hadalkaas oo kale tiri wasiirka difaaca Faransiiska Florence Parly, iyo sidoo kale ergayga Maraykanka u qaabilsan isbahaysiga la dagaalanka Daacish Brett McGurk. Hadaladan ayaa waxa ay taageero ka heli karaan shacabka codka bixiya dalalka reer galbeedka, iyada dadkii ka badbaaday weeraradii Paris, London iyo New York ay jeclaan lahaayeen in gacan bir ah lagu qabto Daacish. Illaa 30,000 dagaalyahano ajnabi ah ayaa la qiyaasayaa in ay Daacish ku biireen. Kuwaas oo haddii xitaa dhawr boqol oo ka mid ah ay kusoo laabtaan Yurub loo arko in ay tahay halis aad u weyn oo xagga amniga ah. ICRC oo wakiil ka ah hirgalinta sharciga Ganeva ayaa sheegtay in dagaalyahanada Daacish lasoo qabto, la xiro, caddaalana la horgeeyo sida uu qabo sharciga. Waxaa fikirkaas la qabta ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan xadgudubyada bini’aadanimada Agnes Callamard. Waxa ay qabtaa in dhinacyada oo dhan ay geysteen xad gudubyo baahsan, aysana habboonayn in dhinac kaliya loo tiiriyo dhibaatada. Agnes iyo Reed Browdy oo ka tirsan hay’adda xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch ayaa waxa ay isku raacsanyihiin in haddii la fuliyo hadalkii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee ahaa in gaas iyo sun lagu laayo Daacish ay taas tirtiro karto caddaymo muhiim ah oo ku saabsan dambiyo dagaal oo la galay. Waxay soo jeedinayaan in la helo hab lagula shaqayn karo dadkii Daacish ka tirsanaan jiray ee soo laabtay si loo ogaado runta waxa ay tahay, qoysaskii dhibaatada ku dhacdayna ay caddaalad u helaan. “Xaq ayaan u leenahay in aan wax ogaano wixii dhacay, sida ay Daacish u shaqayso si taariikhda ay u qorto, iyo cidda qarashka siisa” ayay tiri Agnes. Inkasta oo ciribtirka Daacish iyo kooxaha kale ay u muuqato xal lala dhoco, haddane sida uu qabo Hamilton “Qaabka loosoo afjaro colaad ayay ku xirantahay nooca ay tahay nabadda ka dambeyn doonta” ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray in hadalada qalafsan ee siyaasiyiinta jeedinayaan ay uga sii dari karaan xaaladda hadda taagan. “Sharcigeena waxa uu dhigayaa in xitaa dadka ugu arxanka daran ay helaan caddaalad£ ayay tiri Agnes iyada oo tusaale usoo qaadatay dagaalkii labaad ee adduunka iyo sidii loola dhaqmay dadkii geystay gabood falada. Source: BBC
  20. Muqdisho (PP) ─ Munaasabad ka dhacday Dugsiga Tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye ee Muqdisho, ayaa xilkii taliyeyenimo ee ciidamada Booliska waxaa si KMG ah loogu wareejiyay Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax oo ay ka amar qaadan doonaan maanta kaddib ciidanka booliiska Soomaaliyeed. Taliyihii hore ee Booliiska Somalia, Jen. Cabdixakiin Dahir Saciid [Saacid] oo Axaddii lasoo dhaafay ay xilka ka Qaadeen Golaha Wasiirrada, ayaa xilka ku wareejiyay Jen. Mukhtaar oo ahaa taliye ku-xigeenka koowaad ee Booliska. Jeneraal C/xakiin Saacid ayaa ku amaanay Jen. Mukhtaar inuu yahay nin hawl-kar ah, isla markaana muddo ka soo shaqeynayay howlaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed. Sidoo kale, Ku-simaha taliyaha booliisaka Somalia, ahna Taliye ku-xigeenka Booliiska, Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa sheegay inuu halkeeda kasii wadi doono shaqadii booliiska, waxaana uu faray hoggaanada kala duwan ee ciidamada inay shaqadooda sii wataan. Ugu dambeyn, Waxaa lagu wadaa in dhawaan taliye cusub la magacaabo ciidanka booliiska, waxaana xilka taliyaha booliiska ugu jira loolan saraakiil ciidan oo horay xilal u soo qabtay. PUNTLAND POST The post Taliye ku xigeenka Booliiska Somalia oo si KMG ah u sii wadi doona Hawlaha Booliiska appeared first on Puntland Post.
  21. Washington (PP) ─ Laanta sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa baahisay ku dhowaad 470,000 oo faylal oo la helay intii uu socday howlgalkii 2011-kii lagu dilay hoggaamiyihii hore ee Al-Qacidda, Osama Bin Ladin. Waxyaabaha cusub waxaa ka mid ah xusuus qorkiisii u gaarka ahaa, codad iyo dukumiintiyo iyo muuqaallo, uu ka mid yahay muuqaalka arooskii wiilkiisa Xamsa. Waa markii afaraad oo CIA ay baahiso waxyaabo la xiriira Bin Ladin oo la helay intuu socday weerar lagu qaaday dhisme uu ku dhuumayay oo ku yaalla magaalada Abbottabad ee Pakistan. Qaar ka mid ah faylasha ayaa la qarinayay muddo waxaana laga baqayay in amniga Mareykanka ay wax u dhimaan, sida sirdoonka ay sheegeen. “Maanta waxaan shaacineynaa warqado, muuqaallo iyo codad iyo waxyaabo kale oo dadka Mareykanka ay fursad ugu helayaan in ay ogaadaan qorshaha iyo shaqada ururada argagixisada,” ayuu ku sheegay qoraal, agaasimaha CIA-da. Aflaan iyo filimada caruurta Sida lagu xusay qoraalka CIA-da, warqadaha waxaa ka mid ah “cadeymaha kala qeybsanaanta hadda u dhexeysa Al-Qacidda iyo ururka la baxay dowladda Islaamka” sidoo kale, “sida ay Al-Qaciida iyo xulafadeeda ugu kala duwan yihiin istiraatiijiyadda iyo arrimaha diinta.” Waxyaabaha la baahiyay, waxay sidoo kale muujinayaan in “shabakaddan argagixisada ay dadaalka gelisay sidii ay uga faa’ideysan lahayd kacdoonkii dalalka Carabta,” iyo sida ay ugu xoogga u saareen in ay “hurmariyaan muuqaalka warbaahintooda,” sida CIA-da sheegtay. Kombuyuutar la qabtay intuu howlgalka socday waxaa laga helay aflaanta Hollywood-ka, aflaanta caruurta iyo seddax barnaamij oo ku saabsan Bin Ladin. Sidoo kale, muuqaalka wiilka Bin Ladin, Xamza ayaa ka mid ah waxyaabaha la helay. Hadda waa 20 sano jir, lamana oga meesha uu ku nool yahay. Ugu dambeyn, Muuqaallo horey loo baahiyay waxay muujinayeen in Bin Ladin uu wiilkiisa u diyaarinayay in uu ka dhaxlo hoggaanka ururka Al-Qaacida. Xigasho BBC PUNTLAND POST The post Hay’adda CIA-da oo baahisay Macluumaad la xiriira Dilkii Hoggaamiyihii Ururka Al-Qaacida appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska Alleastafrica ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Imaaraadka Carabta ay Soomaaliya ka qoratay wakiilkeeda labaad ee ka shaqeynaya danaheeda siyaasadeed, sarena u qaadaya magaceeda. Warbixin uu qoray oo cinwaan looga dhigay “Twitter goes wild as Somali diplomat mocked over ” only UAE helped us’ claim” ayaa dhammaadkeeda waxaa ku xusan in Imaaraadka ay siyaasad dabacsan u adeegsanayaan sidii ay Soomaaliya saameyn ugu yeelan lahaayeen, ayna shaqaaleynayaan dad Soomaaliya caan ka ah oo magacooda sare u qaada. Sida laga soo xigtay saraakiil, ayaa wargeyska Alleastafrica, waxa uu leeyahay “Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo ah wasiirkii hore ee qorsheynta qaranka waxaa loo magacaabay la-taliyaha labaad ee siyaasadda Imaaraadka ee Soomaaliya, ayada oo lagu abaal mariyey lacag dhan 3.5 milyan oo dollar” Waa siyaasigii labaad oo Soomaali ah oo Imaaraadka ay ka shaqaaleeyaan Soomaaliya, ayada oo horey dowladda dalkaas ay u shaqaaleysay Cumar Cabdirashiid. Kadib markii uu toddobaadkii tagey kasoo laabtay magaalada Dubai oo uu Muqdisho yimid, ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu durba weerar siyaasadeed ku qaaday dalk Qatar oo ay xurguf kala dhaxeyso Imaaraadka, kuna sheegay dal “taageera argagixisada”. Halkan ka aqri warbixinta Alleastafrica.com Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo in Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya uu hadda ka socdo Shirka Golaha Amniga Qaranka. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir guddoominayo kulankaan, waxaana looga hadlayo arrimaha Amniga Soomaaliya. Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalayo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Ku Xigeenkiisa, Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada, qaar ka mid ah Wasiirada Heer Federaal iyo Taliyaasha Ciidamada Dowladda. Shirkan waxaa la isku wareysanayaa xaaladaha amni ee dalka, iyo diyaar garawga dagaalka lagu qaadayo Kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirto dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed. Waxaa la filayaa in saacadaha soo socdo Saxaafadda lala wadaago Nuxurka waxa kasoo baxayo Shirkaas, waxaana idiin ballan qaadeynaa inaan idin soo gudbin doono Inshaa Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xilkii Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa si kumeeel gaar ah loogu wareejiyey Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax kadib Munaasabad kooban oo ka dhacay Dugsiga Tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye Taliyihii hore ee Booliska Jen. C/xakiin Dahir Saciid (Saacid) oo Axadii la soo dhaafay ay xilka ka qaadeen Golaha Wasiirada ayaa xilka ku wareejiyay si kumeel gaar ah ugu wareejiyay Jen. Mukhtaar oo ahaa Taliye kuxigeenka 1aad ee Booliska. Jen, Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa sheegay inuu halkeeda ka sii wadayo shaqadii Booliska, isagoo faray Hoggaanada kala duwan ee Ciidamada inay shaqadooda sii wataan, isla markaasna ay kasoo baxaan waajibkooda Qaran. Taliyihii hore ee Booliska ayaa Generaal Mukhtaar ku amaanay inuu yahay nin howlkar ah isla markaasna kasoo bixi karo shaqada sida kumeel gaarka ah loogu dhiibay.
  25. Muqdisho (Caasimadda Online) – Kooxo abaabulan ayaa ka bilaabay magaalada Muqdisho doodo ku saabsan ammaanka guud ee dalka xilli ay dowladda Soomaaliya ku jirto abaabul dagaal oo ka dhan ah Alshabaab. Inta badan doodaha la qabtay ayaa u muuqday kuwo si heer sare ah loosoo agaasimay isla markaasna ay kasoo qayb galeen shakhsiyaad si wayn loo garanayo. Doodahaas waxaa ka mid ah, dood Subaxnimadii khamiista lagu qabtay Hotel Maka Al-Mukarama taas oo ciwaan looga dhigay “ Qiimaynta Xaaladda Amniga Dalka”. Caasimada.net ayaa baaritaan ku samaysay madasha soo abaabushay kulanka iyo shakhsiyaadka lagu casumay in ay ka hadlaan Ajandaha. Ugu horrayn waxa aan booqanay Webseedka http://www.wadatashiforum.org/wadatashi-experts/ kaas oo aan ka ogaanay in Madaxa Maamulka, Qorshaynta iyo Maaliyadda Madasha Wada-tashi ay yihiin dad sita magacyo Ajnabi ah, sida Andrew Lee qof lagu magacaabay oo jagadiisa lagu sheegay Madaxa howlgallada, Laurie Wright oo lagu sheegay Maamule kaaliye, Andy Patson oo la sheegay in uu u qaabilsanyahay jagada ah ENFORCEMENT OFFICER oo macnaheedu yahay Sarkaalka Fulinta Awoodda Sharciga.! Dhammaan Macluumaadka Shakhsiyaadka lagu xusay webseedka Madasha Wada-tashi ayaan wax xiriir ah lala samayn karin maadama Teleefanka meesha ugu qoran uu yahay mid aan Jirin (Fake ah ). Waxaa kale oo yaab ah in ciwaanada Emailada lagala soo xiriiraayo shakhsiyadka aan kor ku xusnay ay yihiin hal Email oo isku mid ah taas oo muujinaysa in ay yihiin dad isqarinaaya isla markaasna laga yaabo in yihiin sirdoon magacyo aan jirin adeegsanaya. Caasimada.net sidoo kale waxa ay baaritaan ku samaysay dadkii dooda ka soo qayb galay kuwaas oo kale ah C/rixmaan C/shukuur, Xuseen Macalim Maxamuud, C/risaaq Cumar Maxamed iyo C/rishiid Khaliif Xaashi. Aan ku horrayno C/rixmaan C/shukuur oo horay u soo noqday Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dowladdi KMG ahayd ayaa horay lagu eedeeyey in uu badda Soomaaliya uu u saxiixay dowladda Kenya waana eed marar badan uu iska fogeeyey, balse Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowr jeer tilmaamay in C/rixmaan C/shukuur iyo Raiisul Wasaare Cumar C/rishiid ay badda Soomaaliya halis galiyeen kadib markii ay u saxiixeen Kenya. C/rixmaan C/shukuur hadda waxa uu La Taliye Sare u yahay dowladda Imaaraatka Carabta Shakhsiga labaad ee dooda ka qayb galay ayaa lagu magacaaba Xuseen Macalim Maxamuud waxa uu horay u soo noqday Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo tan iyo markii la doortay ilaa 3dii bishii 8aad ee sanadkan xiligaas oo la casilay kadib warar soo baxay oo sheegay in uu xogta Amniga dalka uu la wadaagay Hay’ado Sirdoon shisheeye ah. C/risaaq Cumar Maxamed oo horay u soo noqday Wasiirka Amniga Dowladdi Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta lagu casumay dooda si ay uga tala dhiibtaan amniga dalka. Wasiirka ayaa lagu xasuustaa inta uu xilka hayey in ay dhaceen qaraxyo lagu qiyaasay 45 qarax oo ay ka mi yihiin kuwo ka dhacay Hotelka Maka Al-Mukarama oo ah halka ay maanta dood wadaagga ku qabteen. Sidoo kale waxaa ka mid ah Qaraxii waynaa ee Raiisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar carte uu ku dhaawacmi jiray kaas oo ka dhacay Hotel Central Hotel 20kii bisha 2aad ee sanadkii 2015ka markaas oo ay ku nafwaayeen 25 qof oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaanno, Guddooomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ee dhanka Siyaasadda, iyo masuliyiin kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com