Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,077
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay shir ay yeelanayaan Xildhibaanada laba aqal iyo Wasiirada Beesha Hawiye kaasoo looga hadlayo amniga Magaalada Muqdisho. Kulankaan ayaa ka furmay Hotelka SYL waxaana looga hadlayaa xaaladda siyaasadda dalka iyo arrimaha amniga Magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay in ka badan 50 xildhibaan oo labada aqal ka mid ha iyo Wasiiro iyadoo ujeedku yahay inaan la siyaasadeyn arrimaha amniga loona adeegsan dano gaara iyo olole shaqsiyeed. Furitaanka shirka oo ay iska xaadiriyeen wasiirada iyo xildhibaanada labada aqal ee Beesha Hawiye iyo Guddoomiyaha G/banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa la soo sheegayaa inay shirka isaga baxeen ilaa 5 xildhibaan oo ka mida kuwa ugu horeeya mucaaradnmada dowladda halka laba kalana laga celiyey inay shirkaan imaadaan. Magacyada Shakhsiyaadka Shirka ka baxay: 1) Wasiirkii hore ee Amniga Cabdirisaq Cumar Maxamed, 2) C/raxmaan Xuseen Odawaa, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha 3) Xildhibaan Maxamuud C/raxmaan Beene Beene 4) Xildhibaan Mahad Salaad 5) Wasiirka Dhallinayarada iyo Sportska Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux Sidoo kale waxaa taleefoonka loogu sheegay inaysan kasoo qeybgalin laba Mas’uul kale oo uu ka mid yahay C/laahi Maxamed Nuur Maxay Shirka Uga baxeyn? Inkastoo ay aqbaleen inay shirka tagaan ayaa haddana la sheegay in ka bixitaankooda uu ka danbeeyay markii ay ogaadeen ajendayaasha shirka iyo ka qeybgalka guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Xildhibaannada shirka isaga baxay ayaa waxaa u badan kuwii wasiiiada ka ahaa dowladii Xasan Sheekh ee hadda sida weyn ugu kacsan xukuumadda iyo madaxtooyadda Soomaaliya. Muhiimada uu shirka u leeyahay Guddoomiye Thaabit Xildhibaanada aan kor kusoo xusnay ayaa diidan inuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ka qeybgalo kulankaas, waxaana xusid mudan in wax laga hadlayo ay tahay Amniga Muqdisho, waxayna mas’uuliyadda ugu weyn ku dhaceysaa Gudoomiyaha. Haddii ay xildhibaanada ka baxay shirkaas ujeedkooda ahaa inay ka shaqeeyaan amniga Muqdisho, waxay aheyd inay ogolaadaan inuu Guddoomiyaha shirka ka qeybgalo maadaama uu yahay Guddoomiyaha iyo Duqa Muqdisho, waxaana muuqato inay leeyihiin dano gaar ah isla markaasna ay siyaasadeenayaan sugidda Amniga Muqdisho. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa wado dadaal dheeri ah oo uu ku doonayo in wax looga qabto amniga Muqdisho, waxayna aheyd inay Xildhibaanada ku caawiyaan Guddoomiyaha shaqadiisa, waxaase muuqato inaysan Xildhibaanadaan shirka ka baxay rabin wax ka qabashada Amniga Muqdisho. Shirka masii soconayaa: Sida aan xogta ku helnay Shirka waxaa ka qeybgalayo ilaa 50 mas’uul oo kasoo jeedo Beesha Hawiye, waxa ka baxayna waa 5 siyaasi oo ah mucaaradka dowladda Soomaaliya, waxaana Shabakadda Caasimadda Online loo xaqiijiyey inuu shirka sii socon doono isla markaasna aan loo istaagi doonin shantaan Mas’uul ee shirka uga baxay dano iyaga u gaar ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug gaarigiisa qarax la la beegsaday. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Gudoomiye Farxaan Cabdi Gaafaa in Gaari nooca raaxada ah ee uu lahaa oo lagu soo xirayqarax uu ku qarxay bartamaha magaalada Gaal-kacyo. Gudoomiye Farxaan Cabdi Gaafaa ayaa la xaqiijiyay in uu ka maqnaa oo aanu saarneeyn xiliga gaarigiisa uu qarxayay. Goobta qaraxa ayaa waxaa gaaray Ciidamo katirsan kuwa Amaanka Puntland kuwaasi oo howlgalo halkaasi ka wada. Faah Faahinta dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Gudoomiye ku Xigeenka Gaalkacyo oo Qarax Miino la la beegsaday gaarigiisa appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa maanta rusqaddii kala noqotay telefishanka Kalsan Tv oo ka mid ah telefishanadda af soomaaliga ku hadla ee ka hawlgala dhammaan Gobolada dalka, gaar ahaan Somaliland. Maamulka Somaliland ayaa Telefishankan ku eedeeyay inuu baahiyay warar been abuur ah, isla markaana dhawr jeer oo hore loo digay. Amarka Kalsan Tv looga mamnuucay deegaanada maamulka ayaa waxaa bixiyay Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Saxardiid Cadaani oo ku eedeeyay faafinta warar been abuur ah oo u ka soo qaaday baraha bulshadda. Nuqul kamid ah qoraalka Wasiirka ayaa waxaa kamid ahaa ”Telefishanka Kalsan tv wuxuu xadgudub ku sameeyey qaranimadda Somaliland, isla markaana baahiyey November 3-deedii/2017 war been abuur ah oo uu ka soo qaatay baraha bulshadda taas oo uu ku sumcad dilayey habsami u socodka ololaha doorashadda”.
  4. Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire has visited the UAE-funded military training centre in Mogadishu, which offers training to members of the Somali Armed Forces. Upon his arrival, the Somali Prime Minister was received by Mohammed Ahmed Al Othman, UAE Ambassador to Somalia. Khaire toured the centre’s facilities and observed the UAE team supervising the training of Somali soldiers, expressing great admiration for the advanced level of training provided. The Prime Minister – who was accompanied by several senior commanders of the armed forces – also conveyed his deep thanks and appreciation to the UAE for its outstanding role in supporting Somalia and for its continuous efforts in training and rebuilding the Somali Armed Forces. The UAE Ambassador in turn expressed his thanks and appreciation to the Somali Prime Minister for his visit and his keenness to consolidate the distinguished relations between the two countries, reaffirming the UAE’s support for the development of security and stability in Somalia. Source: WAM
  5. The U.S. Mission to Somalia on Saturday issued a directive for its non-essential American employees to leave the east African country’s capital of Mogadishu. In a security message, the mission identified “specific threat information against U.S. personnel on the Mogadishu International Airport.” It also reminded U.S. citizens that the State Department discourages travel to Somalia. “The security situation in Somalia is extremely unstable,” the release said, “and the threat to all U.S. citizens in Somalia remains critical.” The U.S. State Department does not have an embassy in the country. On Friday, U.S. Africa Command acknowledged that it had conducted a pair of airstrikes to target the Islamic State in the northeast part of Somalia. The strikes marked the first time the U.S. military targeted Islamic State militants in the country. The U.S. Mission to Somalia on Saturday issued a directive for its non-essential American employees to leave the east African country’s capital of Mogadishu. In a security message, the mission identified “specific threat information against U.S. personnel on the Mogadishu International Airport.” It also reminded U.S. citizens that the State Department discourages travel to Somalia. “The security situation in Somalia is extremely unstable,” the release said, “and the threat to all U.S. citizens in Somalia remains critical.” The U.S. State Department does not have an embassy in the country. On Friday, U.S. Africa Command acknowledged that it had conducted a pair of airstrikes to target the Islamic State in the northeast part of Somalia. The strikes marked the first time the U.S. military targeted Islamic State militants in the country. Source: UPI
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoogan ayaa waxaa lasoo warinayaa inuu ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland. Qaraxa oo aad u cuslaa ayaa la sheegay in lagu xiray gaari uu lahaa Gudoomiye ku-xigeenka Magaalada Gaalkacyo, sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta maamulka. Qaraxa ayaa dhacay xili Mas’uulkaasi uusan saarneyn gaariga, waxaana ku dhaawacmay mid ka mid ah Ilaaladiisa. Waxa ay sheegeen Saraakiisha Ammaanka in ay wadaan baaritaano la xariira Qaraxaasi oo iminkaba loo hayo ilaa laba Ruux. Dhinaca kale, Burbur xoogan ayaa soo gaaray gaariga waxaana sidoo kale Qaraxa lala damacsanaa Guddoomiye ku-xigeenka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 04 Nov 2017 madaxtooyada Soomaaliya kaga qayb galay shir looga hadlayey guud ahaan amniga qaranka Soomaaliya. Shirka ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha DFS, Madaxweynayaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hir-shabeelle, Saraakiisha ugu sarraysay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, AMISOM, Safiirrada dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Africa. Kulankan waxaa looga hadlay amniga guud ee dalka, dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM. Inta uu socday kulankaasi waxaa si weyn looga wada-hadlay mideynta qorshaha dagaalka iyo qorshe lagu cidhibtirayo Al-shabaab, isla markaana waxaa la isla meel dhigay kaalinta AMISOM ay ka qaadanayso dagaalka Soomaaliya lagaga sifaynayo kooxaha nabad diidka ah. Danjirayaasha dalalka Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ee kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada howlgallada ay ku dhawaaqeen Madaxda Qaranka Soomaaliya, iyaga oo tilmaamay in wadajirka go’aanka iyo qorshaha Madaxda qaranka Soomaaliyeedba ay ku dhiirigalinayso in ay laba laabaan dadaalkooda si ay u xaqiijiyaan nabadgalyada dalkeena Soomaaliya. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxda kale ee qaranka Soomaliyeedba ayaa ka midaysan sidii dalka guud ahaantiiba looga cidhib tiri lahaa kooxaha argagixisada ah ee dhibaateeyey shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, waxaana ay Madaxdu isla meel-dhigeen in la mideeyo cududda iyo maskaxda muwaadiniinta Soomaliyeed si loo cidhibtiro kooxahaasi tamarta yar. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxda Qaranka Soomaliya iyo Amisom oo Isku Raacay Dagaal ka Dhan ah Al-Shabaab. appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Raiisul Wasaaraha Xukuumadda, Saraakiisha ugu sarraysay Ciidanka Xoogga dalka, Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada ayaa kulan muhiim ah la yeeshey hoggaanka Ciidamada AMISOM, Safiirrada dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Afrika. Kulankan waxaa diirradda lagu saaray amniga guud ee dalka, dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa Ciidamada Qalabka sida iyo kuwa AMISOM. Inta uu socday kulankaasi waxaa si weyn loo gorfeeyey mideynta qorshaha dagaalka iyo abaabulka dalka lagaga ciribtirayo Alshabaab, iyada oo la isla meel dhigay kaalinta Ciidamada AMISOM ay ka qaadanayaan dagaalka. Danjirayaasha dalalka Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ee kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada howlgallada uu ku dhawaaqay Madaxweynuhu, iyaga oo tilmaamay in midnimada go’aanka iyo qorshaha Madaxda Soomaaliya heer qaran iyo heer dowlad goboleed ay ku dhiirigalinayso in ay laba laabaan dadaalkooda si ay u xaqiijiyaan nabadgyada dalka. -DHAMMAAD-
  9. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Raiisul Wasaaraha Xukuumadda, Saraakiisha ugu sarraysay Ciidanka Xoogga dalka, Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada ayaa kulan muhiim ah la yeeshey hoggaanka Ciidamada AMISOM, Safiirrada dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Afrika. Kulankan waxaa diirradda lagu saaray amniga guud ee dalka, dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa Ciidamada Qalabka sida iyo kuwa AMISOM. Inta uu socday kulankaasi waxaa si weyn loo gorfeeyey mideynta qorshaha dagaalka iyo abaabulka dalka lagaga ciribtirayo Alshabaab, iyada oo la isla meel dhigay kaalinta Ciidamada AMISOM ay ka qaadanayaan dagaalka. Danjirayaasha dalalka Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ee kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada howlgallada uu ku dhawaaqay Madaxweynuhu, iyaga oo tilmaamay in midnimada go’aanka iyo qorshaha Madaxda Soomaaliya heer qaran iyo heer dowlad goboleed ay ku dhiirigalinayso in ay laba laabaan dadaalkooda si ay u xaqiijiyaan nabadgyada dalka. PUNTLAND POST The post Shir looga hadlayay abaabulka Dagaal ee al-shabaab oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (PP) ─ Ciidamada Ammaanka dowladda Somalia ee ka Hawl-gala Isgoysyada Xarunta Somalia ee Muqdisho ayaa laga dareemayaa in isbeddel ballaaran lagu sameeyay, iyadoo sidoo kalena isbedel lagu sameeyay qaabka ay ku hawl-galaan ciidamadan. Isbeddelkan ayaa laga dareemayaa baaritaanka gaadiidka iyo dadka sidoo kale tirada ciidanka ayaa meelaha qaar lagu sameeyay kordhin goobo aysan ku sugnaan jirin ayaa sidoo kale lagu arkayaa ciidammo cusub. Sidoo kale, Ciidanka ayaa baaraya gaadiidka shacabka oo aan markii hore la baari jirin, waxaana la weydiinayaa wadayaasha sharciga gaadiidka, midkii aan wadan waxaa loo diidayaa inuu waddada maro. Haweenka saaran gaadiidka ayaa inta ay baaristu socoto laga furayaa Indha-shareerka ama niqaabka. Dhallinyarada ayaa iyagana baaritaanno ballaaran lagu sameynayaa, iyadoo kuwii laga shakiyana lagala dagayay gaadiidka. Dhanka kale, Waxaa gabi ahaan laga joojiyay socodka gaadiidka waa-weyn ee maalintii, kuwaasoo cabsi badan ay shacabku ka qaadeen tan iyo markii uu dhacay qaraxii khasaaraha badan geystay ee 14-kii bishii hore ka dhacay Isgoyska Zope. Ugu dambeyn, Waddooyinka Muqdisho ayaa laga dareemayo Isbeddello aad u ballaaran, waxaana waddooyinkaas ka mid ah Makka Al-Mukarama, KM-4 iyo kuwo kale oo muhiim ah. PUNTLAND POST The post Ciidamada Ammaanka ee ka hawl-gala Waddooyinka Muqdisho oo Isbedel lagu Sameeyay appeared first on Puntland Post.
  11. Hargeysa (PP) ─ Maamulka iskiis ugu dhawaaqay madax-bannaanida ee Somaliland, ayaa deegaannada uu maamulo ka mamnuucay in laga daawado mid ka mid ah Telefishinnada Afka Soomaaliga ku hadla. Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cusmaan Saxara-diid Caddaani ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Deegaannada Somaliland laga mamnuucay in laga daawado Telefishinka Kalsan, iyadoo la xiray xaruntii Telefishinkaan uu ku lahaa Magaalada Hargeysa. Sidoo kale, Wasiir Caddaani ayaa sheegay in Kalsan TV uu warar been ah ka sameeyay dibadbax lagu taageerayay musharraxa madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi. Wareegtada ayaa lagu xusay in TV-gani uu dibadbaxa ka dhigay mid looga soo horjeedo Xisbiga Kulmiye iyo musharraxooda Muuse Biixi Cabdi, sidaas darteedna laga mamnuucay guud ahaan deegaannada Somaliland. Dhanka kale, Suxufiyiinta Somaliland ayaa looga digay inay deegaannada oo dhan warbixinno uga diraan Telefishinkan, iyadoo suxufigii amarkaan kasoo horjeesta laga qaadi doono tallaabo adag sida Wasiirku ku sheegay warka uu soo saaray. Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horreysay oo Maamulka Somailand uu ka mamnuuco deegaannada uu ka taliyo qaar ka mid ah telefishinnada ku hadla Af Soomaaliga, kuwaasoo ay ku eedeeyeen baahinta warar aanay jeclaysan. PUNTLAND POST The post Somaliland oo deegaannadeeda ka Mamnuucday Mid ka mid ah Telefishinnada Soomaalida appeared first on Puntland Post.
  12. BOSASO-[Puntland Post]-Agaasimaha Guud ee laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Puntland Maxamed Faarax Qanbi,ayaa maanta Booqday garoonka diyaaradaha ee Magaalada Boosaso ee xarunta gobalka Bari, Agaasimaha ayaa waxa uu halkaasi kula kulmay Saraakiisha iyo shaqaalaha socdaalka ee ka hawlgala garoonka diyaaradaha Boosaso oo kamid ah garoomada ugu Casrisan ee dalka ku yaala. Maxamed Faarax Qanbi Agaasimaha Guud ee laanta socdaalka ee Puntland ayaa saraakiisha iyo shaqaalaha laanta socdaalka kulan kula qaataya garoonka dhexdiisa iyagoona ka wada hadlaya qaaba ay u shaqeeyaan. Agaasimaha ayaa ku amaanay shaqaalaha socdaalka ee ka howl gala garoonka diyaaradaha Boosaaso howlaha muhiimka ah ee ay u hayaan bulshada, isagoo kula dar daarmay ilaalinta sharciga iyo amniga dalka. Sidoo kale waxaa uu sheegay in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Puntland ay dadaal ugu jirto sidii loo horumarin lahaa howlaha socdaalka ee garoomada Puntland iyo sidii loo gayn lahaa qalab casri ah oo ay ku howl galaan. Dhinaca kale Agaasimaha ayaa Booqday xarunta megerashanka ee dekada Boosaso iyo sida oo kale xarunta Basaboorada isgoona dhamaana shaqalaha ku amaanay sida wanagsan ee ay shaqadu u socoto. Daawo” Muuqaalka Kormeerka Agaasimaha Guud ee laanta Socdalka Puntland Ee Garoonka Boosaso CABDIQANI BOOS PUNTLAND POST -BOSASO The post DAAWO”AGAASIMAHA HAY’ADDA SOCDAALKA PUNTLAND OO BOOQDAY GAROONKA BOOSASO appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (PP) ─ Dowladda Mareykanka ayaa ku amray muwaadintiisa inay si deg-deg ah uga baxaan Muqdisho, kaddib warbixin digniin ah oo uu soo saaray xafiiska hawl-galka Mareykanka ee Somalia. Warbixin uu soo saaray hawl-galka Mareykanka ee Somalia ayaa lagu xusay in dhammaan shaqaalaha Muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo muwaadiniinta kale inay isaga baxaan Xamar illaa amar dambe. Sidoo kale, Warbixintan ayaa waxaa lagu sheegay in xaaladda nabad-gelyo ee Somalia ay tahay mid aad u halis ah, isla markaana khatar ku ah muwaadiniinta Mareykanka. Muwaadiniinta u dhashay wadanka Mareykanka ee go’aansaday in Muqdisho ay joogaan ayaa loogu baaqay inay dib u eegaan Amnigooda Shaqsiyadeed, isla markaan ay si gaar ah uga war hayaan warbaahinta, ay feejignaan aad u dheer sameeyaan. Dhanka kale, Xukuumadda Washington ayaan wax safaarad ah xilligaan ku laheyn Muqdisho, sidaas darteed waxaa muwaadiniinta la siiyay macluumaad ku saabsan haddii xaalad khatar ah ay dareemaan inay la xiriiraan safaarada Mareykanka ee Magaalada Nairobi. Ugu dambeyn, Warbixintan digniinta ah ee kasoo baxday Mareykanka ayaa ah middii ugu horreysay oo nooceeda ah, waxay kusoo beegmaysaa, iyadoo Kooxda Al-shabaab ay Toddobaadyadii u dambeysay kordhisay weerarada ay ka geysaneysay Muqdisho. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo Muwaadiniintiisa ku sugan Somalia ugu baaqay inay isaga baxaan Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  14. BOSASO-[Puntland Post]-Agaasimaha Guud ee laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Puntland Maxamed Faarax Qanbi,oo hawlo shaqo u jooga Magaalada Boosaso ayaa maanta Booqday xafiiska megareshanka ee Dekada Boosaso. Agaasimaha ayaa waxa uu halkaasi ku soo dhaweyey saraakiisha laanta socdaalka ee dekada Bosaso isgoona kulamo la qaataya shaqalaha iyo maamilka xafiiska socdaalka ee Dekada Bososo. Maxamed Faarax Qanbi Agaasimaha Guud ee laanta socdaalka ee Puntland ayaa saraakiisha iyo shaqaalaha laanta socdaalka ee Dekada Boosaso ku dhiiri galiyey sida wanaagsan ee ay shaqada u wadaan waxan sida oo kalena kula dar daaramy ilaalinta sharciga iyo Amaanka dalka. ”Waxa si wanagsan u socda shaqada aad wadan waxan idin kula dar daaramaya in aad sii laba jibaratan shaqada aad bulshada u haysaan isla marakaana masuuliyad gaar ah iska saartan ”sidaas waxa yri Agaasimaha guud ee laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Puntland Maxamed Faarax Qanbi oo maanta Booqday xafiiska Megarashanka ee Dekada Boosaso. Kormeerka Agaasimaha guud ee Hay,adda socdalka iyo Jinsiyadaha Puntland ayaa salka kuhaya sidii uu u ogaan lahaa baahiyaha ka jira xarumaha Megarshanka ee magaalada Bososo. Cabdiqani Boos Puntland Post-Bosaso The post Agaasimaha laanta socdaalka Puntland oo Booqday xafiiska Magareshanka ee Dekada Bosaso appeared first on Puntland Post.
  15. Bosaaso (Caasimadda Online) – Dunidda maalmaha kaaga haray wax walba waad maqli doontaa , Faa’iso Cabdi waa 16 jir wax ka baran jirtay Garoowe, waxey Facebook iska barateen nin la yiraahdo Cabdiqaadir Warsame, ma hubo inuu u sheegay xirfadiisa laakiin hada waalidkeed waxey shegeen inuu yahay askari ka tirsan ciidanka Puntland, xirfadu marna ma hor istaagto rabitaanka lamaanaha. Lamaanahan ayaa xiriir jaceyl mudo wadaagayay waxaana ay ugu dambeyn Faa’iso ku qanacday iney u safarto Boosaaso oo saaxibkeed uu dagan yahay, markii ay tagtay gaari uu watay ayuu ku qaaday , gabadha Aabaheed oo wariyaasha maanta kula hadlay Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho wuxuu sheegay inuu ninku 2 jeer damcay inuu si sharci daro ah ugu galmooday gabadha balse ay diiday, markii sadexaad arintu baryo waa ka tagtay ,dharka ayuu ka jeex jeexay balse wali waa sii dagaalantay iyadoo aan dhar wadan si ay xubinteeda u xajisato waxaase xigay xabado uga dhacay xubinta taranka iyo hareeraheeda, hadda si toos uma kaadin karto sidoo kale dhinac ayey ka saxarooneysa sida uu aabaheed sheegay. Faa’iiso waxey aheyd mid hami jaceyl ka muuqdo mar hadii ay 750km u jartay iney lasoo kulanto ninkii ay jecleyd, nasiib daro farxadii ay raadineysay ficilkii ka dhashay farjigeedii ayaa ku naafoobay, Puntland wali war kama soo saarin arintaan lamana qaban ninkii falkaan geystay. Jaceylka daneysiga ku dhisan ayaa kusii xoogeysanaya dunida marka aad aqriso sheekooyinka lagu qoray jaraa’idka aduunka, inta badan ragga aya wata aragtiyo ka baxsan xiriirka jaceylka, laakiin waxaa cajiib ah in hadii dhinac ka mid ah labadda qof uu diidmo muujiyo in dhib intaas la eg la gaarsiiyo qofkii wax diiday, dhacdada Faa’iso looga beegsaday xubinta taranka waa arin ku cusub bulshadda Soomaalidda. Allaha caafiyo Faa’iso oo u baahan in la garab istaago. Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farah Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Maalmihii ugu dambeeyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si rasmi ah u bilaabay inuu dhaqangeliyo ololahii ay dowladda Imaaraadka Carabta usoo wakiilatay ee ahaa in la qalqal geliyo dowladda Soomaaliya isla markaasna meesha laga saaro Madaxweyne Farmaajo oo talada dalka hayo wax ka yar hal sano. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur u aragtay inuu yahay Shakhsiga mudan inuu hoggaamiyo ololahaan, maadaama uu horey u iibsaday Badda Soomaaliya oo uusan u daahi doonin duminta dowlanimada Soomaaliya. Haddaba waxaa is waydiin mudan waa Kuwa Cabdiraxmaan Cabdishakuur, maxaa iska badalay, muxuuse ka xujin doonaa Iibka Badda Soomaaliyeed? Waa Kuma Cabdiraxmaan Cabdishakuur?? C/raxmaan C/shakuur, wuxuu ahaa ninkii Cumar Cabdirashiid kala qeyb qaatay iibsiga qeybo kamid ah Badda Soomaaliya isagoo ka faa’iideysanayay Wasaaraddii uu ka hayay Xukuumaddii kowaad ee Dowladdii Shariif Sheekh Axmed ee ahayd, Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga. Heshiiskii Qarsoonaa. Heshiiskii qarsoodiga ahaa ee Kenya lagula galay iibsiga Dhul-badeedka Soomaaliya waxaa mas’uuliyad ku lahaa C/raxmaan C/shakuur oo ka tirsanaa Xukuumadii hore ee Cumar C/rashiid, C/raxmaan ayaa la sheegay inuu kamid ahaa Mas’uuliyiintii Dawlada Kenya ka qaateen lacag gaaraysa 50 Milyan oo Dollar, Mas’uuliyiinta iyo Dawlada Kenya waxaa u dhexeeyey oo Dalaal U ahaa Shirkado Shisheeye, lacagtii laga qaatay Kenya ee looga iibsaday Badda Soomaaliya ragii qaatay kuma heshiin ee waa ay sii kala dhaceen. Lacagta xoogeedii waxaa dhacay dalaaliintii, Cumar C/rashiid iyo C/raxmaan C/shakuur ee loo haysto Iibinta Badda Soomaaliya waxaa soo raacay Mas’uuliyiin kale oo Soomaali ah oo ay kamid yihiin Shariif Sheekh Axmed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Prof. C/raxmaan Ibbi iyo Prof. Maxamed Gaandi. Hadaba Dowlada Kenya waxaa ay daba joogta dhaqaalihii uga baxay iibsiga Badda Soomaaliya, waxaana ay hada wadaa dhaqaale kale oo ay ku doonayso inay ku meel mariso go’aankeedi ahaa inay lawareegto dhul-badeed balaaran oo ay Soomaali leedahay. Cabdiraxmaan Cabdishakuurka cusub waa kuma? Cabdiraxmaan Cabdishakuur weli isma badalin, Baddii uu iibiyeyna ilaa hadda dowladdii uu lacagta ka qaatay waa siin la’yahay kadib markii ay kusoo baxeyn Soomaalida oo dhan isla markaasna la ogaaday qorshaha uu watay iyo lacagaha xaaraanta ah ee uu ku qaatay iibsashada Badda Soomaaliya. Hadda Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu wadaa olole xooggan oo ay maalgelinteeda leedahay dowladda Imaaraadka Carabta, wuxuuna shirar lagu duminayo dowladnimada Soomaaliya ka bilaabay Magaalada Muqdisho. Ololaha Cabdiraxmaan Cabdishakuur wado waxaa qeyb weyn ka ah Siyaasiyiin badan oo horey xilal uga soo qabtay dowladihii soo maray Soomaaliya oo ay ugu horreeyaan: Sheekh Shariif, Cumar Cabdirashiid, Odawaa, Faarax Cabdulqaadir iyo Xasan Sheekh Maxamuud. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa doonayo inuu mar kale kasoo muuqdo Siyaasadda Soomaaliya si uu ugu adeeggo danaha dowladda Imaaraadka Carabta maadaama uu ku fashilmay iibinta Badda Soomaaliya, waxaase is waydiin mudan waxa Cabdiraxmaan Cabdishakuur u xigi doono iibinta Badda Soomaaliyeed? Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay digniin ku saabsan halis ka dhan ah garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo soo fool leh. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa lagu yiri “Sababo la xiriira akhbaar ku saabsan halis ka dhan ah shaqaalaha Mareykanka ee garoonka Muqdisho, howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya wuxuu ku amrayaa dhammaan muwaadiniinta Mareykanka ee aan shaqaalaha muhiimka ahayn inay deg deg uga baxaan Muqdisho, illaa amar dambe” Dowladda Mareykanka ma aysan sheegin waxa ay tahay halista kusoo wajahan garoonka Muqdisho ee ka dhanka ah ah shaqaalaheeda. Dowladda Mareykanka waxa kale oo ay shaaca ka qaadday inay uga digeyso dhammaan muwaadiniinteeda inay sidoo kale waqtigan u safraan dalka Soomaaliya. Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka waxay sheegtay in xaaladda amni ee Soomaaliya ee waqtigan ay tahay mid aan deganeyn, islamarkaana halista ka dhanka ah muwaadiniinta Mareykanka ee Soomaaliya ay tahay mid dhab ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxawynaha DFS ayaa la sheegay inay 6 Caqabado ku noqdeen Isbaaro Siyaasadeed, wuxuuna caqada ugu xooggan kala kulmayaa Murashixiintii uu bishii Feberaayo kaga guuleystay Xilka Hoggaaminta dalkaasi. Waxaa kaloo soo raaca caqabado horaadka soo raaca dhinaca Ammaanka oo uu kala kulmayo Kooxaha Islaamiyiinta iyo Awoodaha Qabaa’illadda, kuwaasi oo xadiday Fulinta Maamulka oo ay wehliso Xaalladda Dhaqaalaha ee burburi kara. Warbixin ay qortay Xarunta Cilmi-baarista ee (Mogadishu Center for Research and Studies( ayaa lagu sheegay in caqbadda 1-aad ee Madaxweyne Farmaajo tahay Alshabaab oo loo arko cabsida Ammaanka Somalia iyo dalalka kale ee deriska ee Geeska Afrika. Caqabadda 2-aad waxaa lagu xusay inay tahay Midnimadda Somalia, iyadoo Somalia ka mid tahay dalalka Carbeed ee ay soo wajaheen Burburka iyo Kala-qeybsanaanta. Xaalladda Ammaan La’aanta iyo maqnaanshaha Doorka Dowladda Dhexe ee isku haynta Midnimadda Federalka ee dalka. Jamhuuriyadda la magac baxday Somaliland ayaa ah Dowladda keliya ee ku dhawaaqday inay ka go’day qeybaha kale ee dalka Somalia, inkastoo aysan Somaliland helin Aqoonsi Gobaleed iyo Ictiraaf Caalami ah. Caqabadda 3-aad ee Madaxweyne Farmaajo soo wajahday ayaa ah Maamulka Qabaa’ilka, iyadoo ay Hoggaamiyaha Beelaha awood ku leeyihiin Somalia, maadaama ay iyagu dhisaan Qeybta ugu weyn ee Siyaasadda Dowladda Somalia. Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay in Awoodaha Qabaa’ilka ku leeyihiin dhulka ka sarreyso tan ay ku leeyihiin Awoodda Fulineed ee Madaxtooyadda Villa Somalia. Sida laga soo xigtay Warbixin lagu qoray Wargeyska The Financial Times ee ka soo baxa London Caaqil Beeleed kasta waxaa la siiyey laaluush dhan 5,-000 oo Dollar si ay u soo doortaan Wakkiiladooda Baarlamnka, kadib ,markii Madaxweynihii hore ee Dfs, Xasan Sheekh Maxamudu la soo doortay. Wakiiladaasi waxay yihiin Xildhibaanadda Barlamaanka, iyadoo qaar ka mid ah Kuraasta Barlamaanka ee Doorashadii u dambaysay UU qiimahooda gaaray in ka badan hal million oo Dollar Warbixinta waxay Caqabadda 4-aad eek u hor gudban Dowladda Madaxweyne Farmaajo ayaa ah Ciiddamadda, iyadoo Dowladda Somalia dhibaato kala kulmayso maqnaanshaha Ciiddan Xooggan oo awoodi kara inay dib u soo celiyaan Midnimadda iyo Ammaanka. Warbixinta waxaa lagu xusay in Awooddii Ciiddanka Somalia aad u tabar daraysay, kuna soo nolol qaateen Dagaal-beeleedyo. Warbixinta waxaa kaloo lagu muujiyey in inta badan Ciiddamadda leeyihiin Qabaa’ilada Hawiye iyo Daarood, kuwaasi oo loolan adag ugu jira maamulista Ciiddanka DFS iyo inay xadidaan Galaangal;ka Madaxweyne Farmaajo u yeelan karo inuu ka guuleysto Kooxaha Jihadistayaasha, waa sida hadalka loo dhigay. Weerarkii la doonayey inay qaadaan Ciiddanka DFS waxaa bedelkooda qaada Ciiddanka Hawlgalka AMISOM. Warbixinta waxay Caqabadda 5-aad ku sheegtay Xaalladda Dhaqaalaha Somalia oo sannadihii la soo dhaafay ahaa mid aad u sii xumaaday, WAXAYNA Dhaqaale-xumid ka dhalatay Xisiagdaha Amni-xumida iyo Qalalaasaha Siyaasadeed ee ka jira dalka. Warbixinta waxaa kaloo lagu muujiyey markii uu Madaxweyne Farmaajo xilka la wareegay inuu sheegay inay Dowladiisa la dagaalami doonto Falalka Musuqa iyo Maamul-xumida ka dhex jira Hay’addaha Dowladda.. Madixii hore ee Waaxda Maareynta Maaliyadad Dowladda, C/risaaq Fartaag ayaa sheegay in in ka badan Hal BILLION oo Dollar laga waayey Khasnadda Dowladda muddadii u dhexeysay sannadihii 2013-kii ilaa 2015-kii. Warbixinta waxaa ugu dambeynti ilagu muujiyey in Dhallinyarada Soomaalida ee Shaqo la’aanta haysata gaarayaan 67%, halka 73% Dadka Soomaalida ku nool yihiin nolol saboolnimo leh, iyadoo qofkiiba helo maalintiiba wax ka yar 2 Dollar. Xigasho: http://mogadishucenter.com Isha: Dalsan Radio Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa bilooyinkii ugu dambeeyey xoojiyey weerarada iyo qaraxyada ay ka fuliyaan Magaalada Muqdisho, waxaana arrintaas lagu micneeyey inay tahay dowladda oo ku fashilmatay inay wax ka qabato amniga Muqdisho. Magaalada Muqdisho waa Caasimadda Soomaaliya, waana Magaalada ugu dadka badan marka loo fiiriyo Magaalooyinka kale ee Soomaaliya, waxaana mar kasta ka dhaco falal amni darada, iyadoo ay Al-Shabaab si sahlan u galaan meelaha ay rabaan isla markaasna ay toogtaan shakhsiyaadka kasoo horjeedo qorshahooda. Waxaa Culeyska Magaalada kusii badiyey Labadii weerar ee ugu danbeeyay 14 iyo 28 Oktoobar, waxayna xaaladda ka dhigeen mid quus ah oo dad badan ay gashay cabsi ku saabsan inaysan suuragal ahayn wax ka qabashada ammaanka magaalada Muqdisho isla markaasna aan Al-Shabaab laga celin Karin fulinta weeraro gaadmo ah iyo dilal qorsheysan. Shabakadda Caasimadda Online ayaa halkaan idinkugu soo gudbineyso 7 Qodob oo keenay In lagu fashilmo amniga Muqdisho, Sidoo kalana waxay Shabakadda shaacineysaa waxyaabo tusinayo inaan amniga Muqdisho wax looga qaban Karin xilal la qaado iyo kuwa la magacaabo balse ay jiraan meelo kale oo u baahan in si weyn wax looga qabto. 1) SIrdoonka Dowladda Sirdoonka Dowladda Soomaaliya waa mid aad u liito oo u baahan in wax badan laga badalo, maadaama hey’adaha Sirdoonka ay ku fashilmeen inay ogaadaan qorshaha Shabaab iyo Meelaha lagu soo diyaariyo Qaraxyada, waxaana midaas kasii daran inaysan sirdoonka dowladda awood buuxda u laheyn inay falcelin deg deg ah ka bixiyaan weerarada. Sirdoonka Soomaaliya ayaa isku badalay meel lagu faano iyo Shaati la xirto, waxayna arrintaas keentay inaan la qaban shaqadii laga filayey. Arrinta ugu weyn ee sirdoonka Soomaaliya dhibaatada ku heyso ayaa ah inay jiraan Shakhsiyaad badan oo ka tirsan isla markaasna la shaqeeyo Ururka Al-Shabaab, waxayna arrintaas fududeysay inaan laga dabatagin xog badan oo laga helay weerarada AL-Shabaab ka hor inta aysan dhicin, waxaana jiro Shakhsiyaad hey’adaas ka tirsan oo ka shaqeeyo inaan la baarin xogaha ku saabsan qaraxyada iyo weerarada. Shakhsiyaadka Shabaab ugu jiro Sirdoonka Soomaaliya ayaa isugu jiro kuwa lacag la siiyo iyo kuwa kale oo markii hore Shabaab ka tirsanaa balse ku biiray Nabadsugidda si ay Shabaab ugu gudbiyeen xogaha iyo meelaha macquulka ah ee la weerari karo, waxayna kuwaas aaminsan yihiin Caqiidada Shabaab ee rasmiga ah, waxayna ku jiritaanka NISA ka leeyihiin inay ugu adeegaan Kooxdaan. Ma jirto Shuruud iyo xaqiijin rasmi ah oo ku aadan dadka lagu darayo Hey’adda Sirdoonka Qaranka, midaasna waxay noqotay fashil weyn, iyadoo fududeysay inay Shabaab si fudud ku galaan nabadsugidda ayna ogaadaan xogta rasmiga ah ee dowladda heyso!. Midda kale oo xusidda mudan ayaa ah in Shakhsiyaadka dowladda uga shaqeeyo Sirdoonka intooda badan aysan aqoon buuxda u laheyn Shaqada looga baahan yahay Sirdoonka, waxayna intooda badan yihiin kuwa magacaas ku shukaansado Gabdhaha!. 2) Qorshaha Shabaab oo ah mid aan la fahmin Inta badan Qorshaha weerarada ee Kooxda AL-Shabaab lama fahmo, waxayna xogga saaraan meelo aan laga fileyn sida meelaha ay dadweynaha isugu imaadaan, Hotelada ay dagan yihiin Shacabka iyo dowladda, Goobaha lagu shaaho, waxayna arrintaas ka damacsan yihiin inay weeraradooda noqda kuwa ay ku dhintaan shacab badan isla markaasna ay qabsadaan qodobada ugu horreeyo ee Idaacadaha, Wargeyska Gudaha iyo kuwa debadda. Al-Shabaab ayaa inta badan fiirsado meelaha ay fududahay in la galo isla markaasna aysan ka jirin dareen ku aadan in lagu soo wajahan yahay, waxayna marka hore sameeyaan baaritaan socdo muddo laba bil ah sida uu dhawaan sheegay Afhayeenkooda Cali Dheere. 3) Nooca Magaalada Muqdisho Magaalada Muqdisho waa Caasimadda Soomaaliya, waxaana ku nool Malaayiin qof oo isugu jiro qeybaha kala duwan ee Soomaaliya ka kooban tahay, waxayna noqotay magaaladaan meel aan tiro koob sax ah laga heyn. Arrintaan ayaa Al-Shabaab u fududeysay inay mar kasta ka fuliyaan weeraro dhibaato badan ka dhalato iyo dilal qorsheysan. Dowladda Soomaaliya awood way u lahaan weysay inay Muqdisho kusoo geliso gacanteeda isla markaasna ay ka adkaato amniga Magaaladaan ay ku nool yihiin Soomaali badan oo u baahan in dhiigooda la badbaadiyo. Sababaha ugu weyn ee dowladda ka hor taagan inay amni ahaan gacanta ugu dhigto Muqdisho ayaa ah Ciidamo badan oo magaalada joogo kuwaas oo aan la ogeyn halka ay ka amar qaataan, waxayna fududeysay in la kala garan waayo Ciidamada Shabaab ee weerarada qaadayo iyo kuwa dowladda maadaama ay isku dhar wataan isla markaasna aysan jirin aqoonsi kale tirade ciidamada oo aad u badan awgeed. Sidoo kale waxaa fashilmo dhaqaaq kasta oo lagu damco in amniga Muqdisho wax looga qabto isla markaasna laga saaro ciidamada ku sugan, waxaana fashilkaas ka qeyb qaato hoggaamiyayaal iyo shakhsiyaad aan rabin inay Magaalada dagto. 4) Khalad ka jiro Howgalada ciidamada dowladda ee Muqdisho Waxaa jiro wax badan oo ka khaldan qaabka howgallada ciidamada dowladda, waxayna inta badan isticmaalaan inay xiraan waddooyinka Muqdisho, inay Gawaarida waydiiyaan ID Card iyo inay Gawaarida dusha sare ka eegtaan. Ciidamada dowladda baaritaan rasmi ah kama sameeyaan Magaalada Muqdisho, waxayna inta badan xoogg saareen in dhagxaan lagu gooyo jidadka iyo inay Ciidamada fadhiistaan meel cayiman oo Magaalada kamid ah isla markaasna gawaarida aan si dhab ah loo baarin. Khaladka ugu weyn ee xagga Baaritaanada ayaa ah in qofka darawalka ah la waydiiyo ID Card dowladeed ama mid kale, waxaad arkeysaa Gaari qufulan isla markaasna darawalka gaarigaas lagu sii deynayo ID Card uu wato oo aan la aqoon inuu sax yahay in kale. Ma waxaa la joogaa wadan iyo Magaalo amnigeeda lagu haleeyo ID Card, xisaabta ku darso waxaa Magaalada Muqdisho ku yaalo Suuqa Cabdalla Shideeye oo laga helayo wax kasta marka laga reebo naf Bini’aadam ah, marka sidee macquul ku tahay inay Ciidamada dowladda gawaarida ku fasaxaan ID Card ay Shabaab awood u leeyihiin inay suuqayada ka sameystaan ama dad ka tirsan u sameeyaan. Sidoo kale xisaabta ku darso, Ciidamada la geeyey Kontaroolada wax lagu baaro ma heystaan qalabka lagu ogaado waxyaabaha qarxo, waana sababta ugu weyn ee mararka qaar Magaalada usoo galaan gawaarida yar yar ee qarxo. Si loogu guuleysto wax ka qabashada amniga Muqdisho, waxaa lama huraan ah in Meelaha baaritaanada la geeyo qalab casri ah oo lagu baaro isla markaasna sheegaya in gaariga ay ku rakiban tahay waxyaabaha qarxa iyo haddii kale iyadoo aan la dajin darawalka wado. 5) Farqiga u dhaxeeyo Sirdoonka dowladda iyo kan Shabaab Ururka AL-Shabaab oo si toos ah ugu xiran Ururka Al-Qaacidda ayaa heysto sirdoon ka fiican kana tayo wanaagsan midka dowladda. Farqiga u dhaxeeyo Siroodnka Shabaab iyo dowladda waa Alshabaab oo sirdoon ahaan ka horeysa nabadsugidda Dowladda, i, iyagoo heysta dhul nabadoon oo ay kasoo abaabulaan qaraxyada kaasoo aan u dheereyn caasimadda, waxayna ku jiraan xaalad aysan wax cabsi ah ka qabin Sirdoonka dowladda Soomaaliya. Ma jiro sirdoon dhibaato badan ku hayo Al-Shabaab, taas badalkeedana Sirdoonka Shabaab xogta ugu badan dowladda waa ay helaan, waxaana muuqato inaysan soo dhaweyn nabadsugidda dowladda haddii aysan sheekadaan wax badan ka badalin. Ururka AL-Shabaab ayaa qarash iyo waqti badan ku bixiyo sidii dowladda looga heli lahaa xog badan, waxayna aheyd inay dowladda lacag ka badan ku bixiso sidii loo fashilin lahaa Sirdoonka Shabaab tan dowladdana sare loogu qaadi lahaa. Sirdoonka dowladda oo lacag ku bixiyo Shakhsiyaad ka tirsan Shabaab si ay xog u keenaan waxaa ugu dambeysay markii uu xilkaas hayey Khaliif Ereg oo la ogaa dhibaatada uu u geystay Kooxda Shabaab, waxaana xusid mudan in waqtigii uu xilka hayey ay Shabaab toogteen shakhsiyaad aad u badan oo iyaga ka tirsan kuwaas oo la shaqeenayey Sirdoonka dowladda, waxayna aheyd tallaabo mudan in lagu amaano Ereg. Waxyaabaha lagu xasuusto Ereg ayaa waxaa kamid ah inuu ku guuleystay xog badan oo laga helay Shabaab taasoo fududeysay in la duqeeyo madax ka tirsan Shabaab halka kuwa kalana gaadmo loo dilay, waana shaqada ugu weyn ee la doonayo inay qabtaan sirdoonka dowladda. 6) Ciidamo Beeleed ku sugan Muqdisho Magaalada Muqdisho, waxaa weli ku sugan Ciidamo u abaabulan hab beeleed, kuwaas oo Magaalada ku dhex heysto hub aad u badan, waxayna arrintaas keentay inay fashiliso howgalo badan oo lagu doonayey in lagu sugo amniga Magaalada Muqdisho. Ciidamadaan u abaabulan hab beeleedyada ayaa qalqal ku hayo amniga Muqdisho, waxaana lama huraan ah in dhammaan ciidamada laga saaro Magaalada Muqdisho isla markaasna lagu soo reebo ciidamo tirsan oo lagala xisaabtamo amniga. 7) Isla Xisaabtan La’aan Madaxda ugu sareyso dowladda Farmaajo iyo dowladihii hore marnaba lagama arkin isla xisaabtan dhab ah oo ku aadan Mas’uuliyiinta Ciidamada kala duwan ee Muqdisho joogo, midaasna waxay fududeysay inaysan wax xil ah iska saarin amniga Muqdisho iyo sidii wax looga badali lahaa. Illaa amniga Muqdisho lagala xisaabtamo dadka loo dhiibtay marnaba macquul ma noqon doonto in lagu guuleysto Amniga, sababtoo ah mas’uul aan ka cabsaneyn in Berri wax laga waydiin doono Sababta keentay qaraxyada iyo Weerarada Al-Shabaab ma jirto sabab uu amniga ugu bixiyo waqti iyo xoog badan maadaama haddii uu guuleysto aan la abaal marineyn haddii uu guuldareystana lagu ciqaabeen Xabsi, dil iyo Ganaax. Arrimahan oo dhan waxay keeneen in loo caal waayo soo celinta amniga Muqdisho, iyadoo xilligan lagu jiro xaaladii ugu ba’neyd ee laga doodayo sida ammaanka loo sugi karo oo ay barbar socdaan xil ka qaadis iyo magacaabis. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dadaalkii ugu dambeeyey ku bixineyso sidii meesha looga saari lahaa dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kadib markii ay ka weysay dano gaar ah oo ay ka laheyd. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa adeegsaneyso siyaasiyiin xilalka kala duwan dalka kasoo qabtay iyo Xildhibaan hore oo ka tirsanaa dowladihii hore ee Soomaaliya soo maray gaar ahaan middii Xasan Sheekh Maxamuud. Shakhsiyaad ay adeegsaneyso Imaaraadka Carabta waxaa kamid ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo qeyb weyn ka qaadanayo ololahaan, waxaana xusid mudan inuu Sheekh Shariif dhawaan tagay Imaaraadka Carabta isagoo muujinayo inay dowladdaas tahay midda kaliya ee Soomaaliya caawineysay. Haddaba Waxaa is waydiin mudan maxay tahay sababta keentay inuu shariif Shariif mucaarado dowladda Farmaajo, maxayse Sheekh Shariif ugu kala duwan yihiin Farmaajo iyo Xasan Sheekh Maxamuud. Sheekh Shariif Waqtigii Xasan Sheekh Maxamuud Sheekh Shariif waxaa xilka madaxweynimo ee Soomaaliya kala wareegay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kadib loolan adag oo dhex marayey Labadaan Siyaasi. Sheekh Shariif markii looga guuleystay Doorashadaas waxaa la xasuustaa inuu gabi ahaanba isaga tagay dalka isla markaasna uusan hal mar soo faragelin siyaasadda Dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud, illaa laga gaaro ololihii doorashada. Loolan kasta oo ay la kulmeysay dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud marnaba lama arkin Sheekh Shariif oo ka hadlayo Arrimahaas isla markaasna ka qeybgalayo kulamo looga soo horjeedo Dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud. Sheekh Shariif iyo Dowladda Farmaajo Habeenkii uu Farmaajo ku guuleystay doorashadii dhacday 08 February, wuxuu Sheekh Shariif muujiyey inuu si weyn u taagersan yahay guusha Farmaajo isagoo markaas ka cararayey inuu Xasan Sheekh Maxamuud guuleysto maadaama uusan weli hilmaamin kursigii uu sida lama filaanka ah kaga qaatay. Guushii Farmaajo kadib, waxaa Sheekh Shariif laga filayey inuusan wax faragelin ah ku sameyn dowladdda cusub isla markaasna uu sameeyo sidii uu ula dhaqmay dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud markaas oo aan halmar la arag isagoo abaabulayo mucaarad. Sheekh Shariif sidaas ma uusan sameyn, ee wuxuu si dhab ah oo xaqiiq ah u dhex dabaashay ololaha lagu mucaaradayo dowladda Farmaajo isagoo lasoo saftay dowladda Imaaraadka Carabta oo aan ku qanacsaneyn siyaasadda dowladda cusub oo diiday inay xiriirka u jarto dalka Qatar. Sheekh Shariif ayaa qeyb weyn ka qaadanayo ololo cusub oo Imaaraadka ay ka bilaabeyso Muqdisho kaasoo lagu doonayo in mooshin looga keeno Madaxweynaha Soomaaliya ama Ra’isulwasasare Kheyre midkii hadba fududaado. Sheekh Shariif ayaa howshaas wax kala wado Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashidi oo wacad ku maray inuu meesha ka saari dooni madaxweyne Farmaajo isagoo isku arko inuusan aheyn ninkii iibsaday Badda Soomaaliya, sidoo kalana waxaa ololahaan qeyb ka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Mahad Salaad, Odawaa, Faarax Cabdulqaadir iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo daaha gadaashiisa isku qaraniyo. Cumar Cabdirashiid iyo Sheekh Shariif ayaa si wadajir ah kulamo xasaasi ah kula soo qaatay dalka Imaaraadka Carabta madaxda ugu sareyso ee dalkaas, waxaana lagu heshiiyey qodobo badan oo aan loo soo bandhigin Saxaafadda balse guud ahaan ku saleysnaa sidii loo mucaaradi lahaa dowladda uu hoggaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Maxaa Sheekh Shariif ku kalifay inuu Mucaarado dowladda Farmaajo: Dadka Falanqeeyo siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan inay macquul tahay inuu Sheekh Shariif dowladda Farmaajo ku mucaaradayo laba arrin midkood oo ah: 1) Arrin ku saleysan Qabyaalad: Qaar ka tirsan dadka orodoso siyaasadda ayaa aaminsan in mucaaradnimada Sheekh Shariif ay ku dhisan tahay qabyaalad, Maadaama markaan booska dowladda ay ku fadhiso beesha Darood, gaar ahaan Mareexaan, waxaa loo arkaa arrintaan inay tahay sababta uu Xasan Sheekh u siiyey fursad isla markaasna uusan u mucaaradin. 2) Arrin ku saleysan Lacag: Falanqeeyaasha qaar ayaa aaminsan in Mucaaradnimada Sheekh Shariif ay ku saleysan tahay lacag waali ah oo ay miiska soo saartay dowladda Imaaraadka Carabta. 3) Kursi doono: Halka kuwa kalana ay qabaan inay macquul tahay inuu Sheekh Shariif weli rajo ka leeyahay kursiga madaxtinimo ee Soomaaliya isla markaasna uu doonayo in doorasho kale oo waqtigeeda kasoo hormarto ay dalka ka dhacdo booskana laga saaro Farmaajo oo hadda aan jirin 8 Bilood. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Shirkani uu shir guddoominayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa ka qeyb galay wasiirka koobaad ee xukuumadda Xasan Cali Kheyre iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada sida Cabdiweli Cali Gaas, Axmed Ducaalle Xaaf, Shariif Xasan Maxamed Waare iyo Shariif Xasan. Madaxda ayaa xalay shirar gaar gaar ah lahaa, waxaana laga hadlayay qodobada qaar oo ahaa kuwo la isku mari la’aa, ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxda dowlad goboleedyada ayaa sheegaya inay waxoogaa isu soo dhowaansho ah, balse aan wali la ogeyn wax lagu heshiiyay. Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa Madaxda ay isku hayeen qodobada qaar oo ka doodistooda ay aheyd mid aad u adag, waxaana taas ay keentay in shirka uu waqti dheer qaato. Dowladda federaalka iyo maamullada qodobada ay isku hayaan waxaa kamid ah dhaqan gelinta qodobo dastuuri ah oo golaha wasiirrada ay baarlamaanka hor geynayaan, kuwaas oo lasoo sheegayo in madaxda maamullada ay dalbanayaan in loo keeno inta aan baarlamaanka la horgeynin. Madaxda dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah ayaa sidoo kale ka wada hadlaya sida loo wajahayo arrimaha ammaanka, dhismaha ciidan qaran iyo sidoo kale dib u eegis lagu sameeyo dastuurka KMG ee haatan dalka u degsan. Qodobada la isku hayay ayaa ka mid ahaa arrimaha siyaasadda ee khilaafka salka u ah, qeybsiga kheyraadka, arrimaha dib u eegista dastuurka, amniga, iyo kuwa kale. Wararka ayaa sheegaya in inta aan la isku raacin war murtiyeedka la soo saarayo ay ka horeyso in la xaliyo mushkiladaha ka jira maamul goboleedyada oo qaarkood hesta culeysyo siyaasadeed sida Galmudug iyo Koofur Galbeed. Shirka oo ajandayaasha lagaga hadlayo ay ahayd in Seddex cisho lagu soo gebagebeeyo ayaa dib uga dhacay waqtigiisa qodobada la isku hayo oo adag. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  22. Kaah International Microfinance Services is among the three finalists to be selected by EFICA Judges. Dubai, UAE: Kaah International Microfinance Services (KIMS) has made it to the final stage of the Ethical Finance Innovation Challenge & Awards (EFICA) following a rigorous multi stage process of evaluation. KIMS was nominated for the award, which recognizes the ‘most dynamic actionable solutions that advance ethics in the world’s financial services’, along-side over 50 other candidates from 24 countries. Following its successful presentation to EFICA’s Advisory Board, KIMS was selected as one of the three finalists to present at the EFICA gala in Dubai in November. KIMS is Somalia’s only dedicated privately owned microfinance institution, providing responsible and Shariah compliant financing and micro-savings to Somali micro and small businesses. Since its launch in 2014, KIMS has provided more than $7 million in life-changing financing to over 8,000 Somalis, including refugee returnees, Internally Displaced Persons (IDPs) and groups at risk of leaving the country in search of work. Commenting on reaching the final stage of EFICA, Mustafa Ali, Chairman of KIMS said: “We are pleased that our efforts with our partners have been successful in responding to Somalia’s need for economic development and sustainable livelihood creation on a vast scale, helping vulnerable populations whose lives have been impaired by conflict as well as groups at risk of out-migration.EFICA’s recognition is very important substantiation that we are on the right path”. Justin Sykes, KIMS Board member, praised theorganizers of EFICA in promoting ethics and innovation in financial services, and stated: “Thisselection of KIMS reflects the growing recognition of the need for long-term market-based solutions in fragile and conflict affected countries. KIMS’ innovative micro and SME financial solutions have enabled at risk populations to become resourceful economic actors. KIMS will continue to enhance its capabilities and scale its financial service offerings to empower the Somali people to pursue sustainable sources of income. Abdillahi Awad, CEO of KIMS said, “We are honoured to be selected by EFICA’s Advisory Board and we thank them for the opportunity to demonstrate that innovative financial services guided by ethical principles has immense capability to lift the most vulnerable and stimulate economic recovery. Our teams on the ground, our partners globally and our beneficiaries have benefitted immensely from our engagement with EFICA and the other candidates.” For the EFICA Award, KIMS put forward its initiative to address the needs of the 25,000 refugees returning to Somalia from Dadaab UNHCR refugee camp in Kenya, many of them after spending decades away from home. To help the returnees reintegrate and enable them economically, KIMS in collaboration with UNHCR and the American Refugee Committee (ARC), developed two specially tailored shariah compliant loan products: • Start-up micro-credit for individuals to support youth returnees. The financing is coupled with specialized financial literacy and business training to help youth maximize their ability to start and grow their own income generating activities. To date over 550 youth benefited from the program with over 200 start-ups and 70 expected to start in the near future. • Business expansion financing for fisheries cooperatives in Kismayo to expand their asset-base and finance activities such as boat building and repair, netmaking, fish processing, packing and distribution. KIMS has worked with more than 10 cooperatives and over 300 refugee returnees havejoined the benefited cooperatives. – Ends – For media enquiries: KIMS Mohammed Ga’alMudey Public Relations Officer Mohamed.g.mudey@kimsmfi.com +252 616992001 KIMS Board & Management Justin Sykes Board Member justin@innovestadvisory.com : +44 (0)7781 415770 NOTES TO EDITORS About KIMS: KIMS was established in March 2014 as the first, dedicated private sector microfinance institution in the Somalia. It aims to provide a diversified set of commercially viable yet socially orientated financial services to meet the unmet demand for microfinance. KIMS prioritizes enterprise financing through Sharia compliant products but also offers savings and insurance products to meet community needs with particular attention to women and youth. KIMS was established to meet this huge unmet demand in the Somali market through aninnovative private-public partnership model that has been developed to enable its parent company Kaah Express toexpand its current services to include sharia-compliant microfinance via a dedicated spin-offcompany. Kaah Express is a leading international Money Service Business (MSB) that serves Somalia. It has an extensive network of agents worldwide, as well as a fully developed network of branches and agents in Somalia, enabling the provision of money transfer services in virtually all cities, towns and larger villages across the Somali territories. Kaah Express operates in more than 40 countries, serving close to 100,000 clients a month and supporting the transfer of millions of US dollars a year, the vast majority of which flows from the global Somali diaspora back to Somalia. About EFICA: The Ethical Finance Initiative Award (EFICA) promotes emerging and existing talent providing ethical financial solutions or initiatives that can be implemented within the financial sector. In 2013, Thomson Reuters and Abu Dhabi Islamic Bank (ADIB) partnered to launch the world’s first Ethical Finance Innovation Challenge and Awards to inspire and recognise fresh ways of thinking and promote the most dynamic actionable solutions that advance ethics in the world’s financial services. Thompson Reuters & ADIB still administer the awards process and an Advisory Board of renowned members overlook the process. To date four editions of the awards have been completed. The post KIMS reaches the final stage of prestigious Ethical Financial Innovation Award appeared first on Puntland Post.
  23. California (Caasimadda Online) – Haweeney ayaa xaqiiqsatay iney leedahay Uurkeedii labaad intii ay nooleed, sheekadaan waa mid dhif ah oo si layaa leh kaga dhacday America, waxay sidaa mataano ay dhaleen dhowr rag ah. Qisadaan qariibka ah ayaa ah, Afar waalid ayaa ku lug yeelatay dhalashada labo caruur ah, Jessica Allen oo dagan California ayaa uur sidaheeda ugu deeqday lamaane shiinees ah, inkastoo ay xilliga ay uurka lamaanahaan aqbaleysay ay uur kale u laheyd ninkeeda saxda ah. Allen ayaa hooyo u aheyd labo caruur ah markii ay aqbaleysay in uursidkeeda lagu beero caruurta ay leeyihiin lamaahan Shiineeska ah, qoyska kireystay caloosha marwo Allen ayaa donayay iney helaan canugoodii koowaad. Si ay u hesho $30,000, Allen ayaa aqbashay in cirbada lagu sido ukunta seyga Shiinees ah lagu mudo, qaliinkaas ayaana u dhacay si habsami leh oo lagu guuleystay, Allen iyo ninkeeda Ardele Jasper oo arinkaaan u aqbalay si u helaan lacag ka caawisa noloshooda ayaa sidoo kale waxaa jirtay iney Allen ku qancisay seygeeda in gabar waliba oo dunida ku nool ay xaq u leedahay iney hooyo noqoto oo ayna dhadhamiso macnaha hooyonimada. Uurka Allen ayaa si caadi ah ku socday ilaa mudo 6 todobaad ah laakin dhaqaatiir ayaa ogaaday in marwo Allen ay uurka ku sido labo ugxaan oo kala duwan Waqtigaas, qof waliba ayaa aaminsanaa in Allen ay sido mataano laakin cidna ma aysan la socon ama ugu yaraan fahmi karin in xaaladaan ay tahay “Mid aanan caadi aheyn ” Habkaan ayaa ah mid dhif iyo naadir ku ah Bini’aadamka, inkastoo dumarka ay la wajacaan oo ayna dareemaan xiliga ay sidaan ugxaanta rageed, hadana iney ugxaantii hore oo ay siday ay la qaado ugxaan kale oo cusub ayaa ah qiso kale. Ka Bini’aadama ahaan, kaliya 10 kiis oo lamid ah arinkaan ayaa la dhigay isbitaalada, inkastoo habkaan aanan caadiga aheyn ee labo ugxaan oo kala duwan ay hal hooyo wada qaado halmar ay caan ku yihiin xayaawanada, si gaar ahna, Jiirka, Fardaha, Idaha iyo Kangaroo. Inkasoo ay Allen ay si caadi ah ula nooleyd seygeeda intii ay uurka laheyd, hadana waxaa nasiib wanaag lagu guuleystay in ay dhasho canugii labaad oo ay sida kirada ah ugu qaaday qoyska Shiineeska ah. Todobaadyo kadib, nidaamka baaritaanka dheecanada ee DNA ayaa cadeeyay in mid kamid ah labada caruur ah ay ahaayeen ukumihii ninka sheeneeska ah halka kan kalena uu yeeshay ukumihii seyga Allen Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa olol xoog leh ka bilaawday Magaalada Muqdisho, iyadoo dooneyso inay qalqal geliso jiritaanka dowladda Soomaaliya. Olololeyaal looga horjeedo hoggaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa wadaan siyaasiyiin iyo xubno ku xiran dowladda Imaaraadka Carabta, kuwaas oo la wareegayo boorsooyin lacag ah. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dajisay qorsho weyn oo halis keeni doono, waxayna qorshahaas ku hirgelineysaa lacag aad u badan oo loo soo dhiibay Siyaasiyiin iyo Xildhibaano. Xogta la helayo ayaa sheegaya in ololeyaashan ay kala duwan yihin, waxaana ka mida shirar dhinaca ammaanka looga hadlayo oo diiradda lagu saarayo in lagu cambaareyo dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo, lagana sii digo tallaabooyin ay dooneyso inay qaadato, waxaana qeybta labaad ay tahay diyaarinta mooshin xil ka qaadis madaxweyne “Impeachment”. Xildhibaannada iyo siyaasiyiinta arrimahan ku howlan ayaa la sheegay inay heleen lacagtii ugu horeysay oo ka timid Imaaraadka, taasoo loo adeegsanayo shirarka iyo ololeyaasha looga horjeedo dowladda Federaalka. Abaabulka mooshinka xil ka qaadista madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waxaa soo dedejiyay iyadoo laba ka mida madaxweynayaashii hore iyo Ra’iisal wasaarihii ugu danbeeyay ee dalka ay isla garteen qorshe Imaaraadku taageerayo oo ku saabsan in horaanta sanadka 2018 uu dalka yeesho hoggaan cusub. Xldhibaannada iyo taageerayaasha Madaxweynaha iyo xukuumadda oo ku baraarugay ololeyaashan ayaa dhinacooda bilaabaya abaabullo ayu ku doonayaan inay uga hortagaan qorsheyaashan oo lagu soo beegay xilli loo diyaar garoobayo dagaal weyn oo lagu qaado Alshabaab. Siyaasiyiinta howshaan loo sood dhiibay ayaa kulamo kala duwan la qaatay qeybaha Warbaahinta Soomaaliya, waxayna ka codsadeen in lagala shaqeeyo riditaanka dowladda Farmaajo iyagoo warbaahinta miiska u saaray Lacago badan. Ololahaan xooggiisa ayaa waxaa wado Kooxdii Qabyo ee dowladdii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ugu horeeeyaan Odawaa, Faarax Cabdulqaadir iyo Mahad Salaad. Sidoo kale waxaa ku jiro Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo isaga ballan qaaday inuu booska kala bixi doono Madaxweyne Farmaajo, waxaa kaloo ku jiro Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo horey u iibsaday Badda Soomaaliya. Waxaa jiro is fahandarro ka dhex jirto Shakhsiyaadka ay Imaaraadka soo dirsatay, waxaana qorsho gaar ah wato Cumar Cabdirashiid oo doonayo inuu madaxweynaha booska kala baxo, halka siyaasiyiinta kale ay doonayaan in xilka laga qaado Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre. Dhawaan ayaan idinla wadaagi doonaa Liiska Shaqsiyaad loo wakiishay inay Saxaafadda kala macaamilaan Kiiskaas iyo sidii waxrbixino been abuur ah looga sameyn lahaa dowladda Madaxweyne Farmaajo oo muddo 7 bil ah jirto. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  25. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo baxaaya cabsi lixaad leh oo laga qabo in maleeshiyaadka al-Shabaab ay weeraro ka geystaan magaalada Muqdisho. Cabsida ugu badan ayaa ka taagan Xarumaha dowlada gaar ahaan Wasaaradaha iyo Goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada dowlada. Xarumaha dowlada ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamo dheeri ah oo la sheegay inay ka hortagayaan weeraro ka imaada dhanka maleeshiyaadka al-Shabaab. Xarumaha qaar ayaa waxaa laga jaray dhinacyada si aysan u isticmaalin gaadiidka iyo Bajaajyada, sababo la xiriira macluumaad ku aadan weeraro ay damacsan yihiin al-Shabaab oo ay heleen Saraakiisha amniga. Isgooysyada mashquulka badan ee ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale lagu arkayaa gaadiid dagaal iyo ciidamo aad u hubeysan kuwaa oo la sheegay inay xaqiijinayaan amniga magaalada Muqdisho. Sidoo kale, wadada Makka Al-Mukarama ayaa ciidamada ugu badan la dhigay maadaama ay ka dhacaan weerarada xoogooda, waxaana xusid mudan in wadadaasi ay ku yaalan Hoteelada ugu caansan dalka. Geesta kale, Alshabaab ayaa horay ugu goodisay inay qaadeyso weeraro xoogan, inkastoo aysan sheegin goobaha bartilmaameedka u ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com