Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,055
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Somalia ee Turkiga Jama Abdullahi Mohamed ayaa ka hadlay qorshaha laga damacsan yahay dhismaha Saldhiga Turkiga ee duleedka magaalada Muqdisho. Safiirka oo wareysi gaara siinaayay Wargeyska Daily Sabah, ayaa sheegay in dhismaha Saldhiga millateri ee turkiga uu bilow wanaagsan u yahay horumarka ay ku talaabeyso Somalia. Safiir Jama Abdullahi Mohamed, waxa uu sheegay in Saldhigan uu ka qeyb qaadan doono dhismaha ciidamada Qaranka Somalia iyo kawarqabkooda, waxa uuna tibaaxay in dowlada Turkiga ay dib usoo nooleysay mooraalka Somalia, sanado badan kadib. Safiirka ayaa intaa ku daray in waqtigaan uu muhiim u yahay geedi socodka Dowladnimada ayna ku faraxsan yihiin Xaruntan Militery ee turkidu ku leedahay Somalia. Waxa uu tilmaamay in furnaanshiyaha Saldhiga uu ku imaaday iskaashiga labada dhinac oo ah ilaa iyo hadda ah mid ku socda si dardar leh, waxaana uu tusaale usoo qaatay in Turkiga uu ahaa dalkii ugu horeeyay ee taageero u fidiyay Soomaalida markii uu dhacay Qaraxii 14 bisha October ka dhacay Muqdisho. Waxa uu tusaale usoo qaatay in Turkiga uu yahay keliya dalka u bareeray in Somalia uu ka garab siiyo dhinacyada Militeriga, Tababarka iyo Dagaalka. Saldhiga ayuu sheegay inuu sii xoojinaayo xiriirka labada dal, waxa uuna cod dheer ku sheegay inaanu dhici doonin is hortaag lagu sameeyo howlgalka ka socda Saldhiga Sidoo kale, Saldhiga Turkiga ee duleedka Muqdisho ayaa waxaa hadda ka socda tababar ciidan oo lagu soo saaraayo ciidamo gaara oo ay hana doonto dowlada Somalia, kuwaa oo ka dhameystiran dhan waliba. Geesta kale, Saldhiga Turkiga uu ka furay Muqdisho waxaa lagu tiriyaa Xaruntii ugu weyned ee uu ka dhiso meel ka baxsan dalkiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Iyadoo ay dalka ka jiro dhibaato dhinaco dhaqaalaha ah ayaa waxaa hadana dhinaca kale jira musuq-maasuq baahsan oo ka taagan qaar kamid ah Wasaaradaha Xukuumadda Soomaaliya. Wasaaradda Maaliyadda oo la rabay iney noqoto hormuudka dawlad wanaagga iyo hufnaanta ayaa laga sheegayaa iney lugaha kula jirto wax is dabamarin baahday. Musuqa lagu eedeynayo Wasaaradda waxaa kamid ah ku takrifal hantida qaranka iyo in shaqsiyaad gaar ah ay si qaldan u isticmaalaan hantida dawladda, qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda oo la hadalnay ayaa sheegaya in Wasiir C/rixmaan Ducaale Bayle uu wado qeybo badan oo kamid ah musuqa la sheegayo. Xogo ay heshay Caasimadda Online ayaa muujinaya qarashaad ku baxay meelo aan loogu talagalin iyo in dhaqaalihii dadka ka dhexeeyey loo adeegsanayo dano gaar ah, xili ay dawladdu ka cabanayso dhaqaalo la’aan. Qaar kamid ah dadka wasiirku u qoray lacagaha xad dhaafka ah iyo meelaha ay ka kala shaqeeyaan hoos ka akhri Magaca Wasaarada Musharkiisa Shaqaalah Rayidka ah Lacagta uu ka qaato Wasaarada Maaliyada Dubad Nuur Arimaha Dibada 700 $ $ 4,000 Liibaan Arimaha Dibada 700 $ $ 3,000 Muntazia $ 3,000 Rowdo $ 3,000 Diraac Fagaase Xafiiska Raysal Wasaaraha 700 $ $ 2,000 Cabdalla Boos Arimaha Dibada 400 $ $ 1,000 Mowliid Arimaha dibada 400 $ $ 700 Xasan Cade Arimaha Dabada 400 $ $ 500 Iyo qaar kale oo aan magacayadooda aan haynin Wasaarada maaliyadda ayaa miisaaniyada ay gooni u leedahay tahay 600,000 $sanadkii, taas oo loogu tala galay gunooyinka ciidanka ilaalalada wasaaradda, qalab xafiiseedka, sahayda safarka dhamaan wasiirada iyo madaxda wasaaradda, dhamaan howlahaas waa in lagu maareeyo miisaaniyada wasaaradda mudo sanad ah waana $ 600,000 Wasiir Bayle kaliya ayaa isticmaalay lacag gaaraysa $ 542,704 dollar mudo 6 bilood ah, lacagta badankeeda ayaa ku baxday safaro, guryo kiradooda iyo qalabayntooda, gawaari uu gatay iyo kuwo uu dad u iibshay, gunooyin xaad dhaafa ah oo u qoray shaqaale mushahar qaata. Waxaa laga yaabaa in dad badani is weydiiyaan see suurtagal ku tahay in lacag intaas le’eg la isticamaalo oo ka baxsan misaaniyadawasaaradda. Xaggee ayuu haddaba lacagtaan ka isticmaalay wasiirku? Waxaa jira xisaab furan oo la yiraahdo (Contingency) ama xalinta waxyaalaha deg degga uga dhaca dalka, sida masiiboyinka, abaaraha, qaraxyada iyo dhibka ay gaystaan, taakulaynta dadka jilicsan iyo munaasabadaha qaran, waxaa lacagtaas ka dhaxaysaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaa awood u leh in laga saaro accountiga ay ku jirto Reysal Wasaaraha iyo Wasiirka Maaliyadda, lacagta $ 542,704 ah oo uu isticmaalay wasiir Bayle kaligiis mudadaas yar waxaa laga soo saaray qaybta Contingency, waana khiyaano qaran in la isticmaalo lacag u dhaxaysa shacabka Soomaaliyeed. Cadayn in lacagta intaas le eg ay ku baxday Wasiir Bayle Lacagta ka baxaysa wasaarada waxay martaa Waaxda Miisaaniyada, Hanti dhowrka, xisaabiyaha guud, xooghayaha joogtada ah, iyo ugu danbayn Bangiga dhexe, waxaa xaqiiqa ah cid walba oo isku dayda inay baaritaan ku samayso in ay si fududu u heli karto cadaynta lacagta intaas le eg. Dawladan dhalatay 8 Feebraury waxaa hal hayskeedu ahaa la dagaalanka musuq maasuqa iyo isla xisaabtanka, runtiina dadaal dhankaas ku aadan waa sameeyeen, lakiin waa in jawaab u helaan musuq maasuq intaan le eg oo uu ku dhaqaaqay wasiir Bayle oo marka uu hadalayo ku cel celiya wadaniyad, waxaa shacabka Soomaaliyeed idinka sugayaan inaad jawaab ka siisaan arinkaan, haddii kale dalkaani waa mashruuc sida uu ku heesay wasiir Bayle ee qof walba mashruuciisa ha fushado. Qaar kamid ah dadka falan qeeya dhaqaalaha ayaa ugu baaqay Wasiirka Maaliyadda inuu cadeeyo dhaqaalahan faraha badan ee uu isticmaalay, si shacabka Soomaaliyeed u ogaadaan in dowladdu ay wado isla xisaabtankii loo baahnaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. (WIDHWIDH.COM) Boqolaal kamid ah Ciidaanka Maamulka khaatumo Ayaa ka Degay Jiidaha Gobolka Sool oo Mudo Laba casho ah Jabhada SNM Ku Soo Daabulasay Maleeshiyaad Loogu Talo Galay Inay Ilaalshan Doorashada SNM. Taliyaha ciidanka Nugaasha Ee Maamulka khaatumo Mujaahid Faysal falalug ayaa Hogaaminaaya Gulufka Coladeed ee Looga Sifaynaayo Doorasho ku Sheega Jabhada SNM. Ciidanka Khaatumo ayaa Isku Fidiyay Bariga Waqooyiga iyo Galbeedka Gobolka Sool. Dhinaca kale Maleeshiyaadka SNM Ayaa Iyana wada dhaqdhaqaaq La xidhiidha Ciidamada khaatumo. Shacabka Deeganada ayaa Walaac xoog leh Ka Qaba Gulufka colaadeed ee Soo Wajahay Kaaso udhexeeya ciidanka Xaq Udirirka khaatumo iyo Camaasiirta Dhul Boobka ah ee SNM. widhwidh.com
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa horeyna usoo noqday Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daaha gadaashiisa kaso baxay kadib muddoo badan oo uu qarinayey mucaaradnimadiisa. Cabdiraxmaan Odawaa iyo qaar ka tirsan xisbigii Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo badan is qarinayey iyadoo markaan si toos ah usoo cadeystay inay mucaarad ku yihiin dowladda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Cabdiraxmaan Odawaa oo ah nin aqoonyahan ah isla markaasna looga fadhiyey inuu ka shaqeeyo sidii Soomaaliya looga bixin lahaa xaaladda adag oo ay hadda ku jirto ayaa ka shaqeenayo sidii loo dumin lahaa dowladda dhexe isla markaasna uu wadanka u geli lahaa xaalad foodo iyo jahwareer. Xaaladdii Hore ee Odawaa iyo Kooxda Qabyo: Xisbigii xilka lagala wareegay ee Qabyo ayaa bilowgii hore ee Dowladda Farmaajo ku heshiiyey inay mucaaradaan dowladda isla markaasna ay faafiyaan warar liddi ku ah dowladda isla markaasna mar kasta lala daba taagnaado Cambaareyn iyo shirar aan kala joogsi laheyn. Xisbigaas oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii hore daaha gadaashiisa isku qarinayey si aysan bulshada Soomaaliyeed u fahmin, waxaa markii hore Xisbigaan Wakiil u ahaa Xildhibaan Mahad Salaad oo isaga dharka usoo dhigtay sidii qaab kasta oo la heli karo meesha looga saari lahaa dowladda Farmaajo wadankana loo gelin lahaa jawi aan daganeyn iyo foodo cusub oo horey looga soo gudbay maadaama dowladda Soomaaliya ay ku dhisan tahay hab doorasho. Bishii ugu dambeysay waxaa banaanka usoo baxay xubno badan oo ka tirsan kooxda Qabyo kuwaas oo cadeystay ololaha halista ah ee lagu hayo dowladnimada Soomaaliya, waxayna xisbigaas isku soo abaabuleen qaab hab beeleysi ah, iyagoo diidan inay xilka sii heyso beesha hadda ku fadhiso Kursiga madaxweynimo ee Soomaaliya. Dadka hadda banaanka isisoo dhigay ayaa waxaa kamid ah Cabdiraxmaan Odawaa oo ahaa nin aan laga fileyn inuu ku dhaqaaqo waxyaabo waxaan lamid ah, wuxuuna hadda Magaalada Muqdisho ka wadaa ololihii ugu dambeeyey oo dalka lagu gelinayo foodo siyaasadeed iyo mooshino laga soo abaabulay Wadan Imaaraadka Carabta. Shirkii Muqdisho uga furmay Xildhibaanada Hawiye Shan Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa ka baxay kulan ay maanta isugu yimadeen xildhibaanadda iyo wasiirada beesha Hawiye ku matala Dowladda Federaalka ah kadib markii uu kulanka yimid duqa Muqdisho, Taabit Cabdi Maxamed. Kulanka oo ay ku dhowaad 70 Xildhibaan iyo wasiiro joogeen ragga ka baxay markii ay Taabit arkeen waa Mahad Salaad, C/raxmaan Xuseen Odawaa, C/risaaq Cumar Maxamed, Maxamed C/laahi Xasan Nuux iyo Maxamed Cabdiraxmaan Beenabeene. Waxaa kaloo lasheegay labo Xildhibaan oo laabtay markii ay Taabit maqleen oo uu ku jiro C/laahi Maxamed Nuur. “Waxaa uu ahaa dhaqan siyaasadeed liita iyo ficiltan aan fiicneyn wixii aan maanta ku arkay hotel SYL ayuu igu yiri Xildhibaan kulanka ka qeyb galay oo la hadlay Caasimadda Online. Arinta ugu yaabka badan ayaa aheyd ajandaha shirka xildhibaanadda iyo wasiiradda Hawiye inuu ahaa amniga iyo xaaladda caasimadda ee xiligaan, bal is weydii hadii Taabit shirka loo diido yey tahay cidda kale ee mudan in wax laga weydiiyo xaaladda Muqdisho. Inkastoo aaney dadka caasimada ku nool dooran qofka maamulaya hadana shaki la’aan Thaabit wuxuu helay rabitaan Bulsho oo xoogan bilihii lasoo dhaafay. Muqdisho uma dhiman doonto 5 xildhibaan oo xaajaddu ku xuntahay xiligaan, waxaase ayaan daro ah in ragga dhaqankaas maanta sameeyay iney intooda badan Wasiiro kasoo noqdeen dalka. Siyaasada waa la isku qilaafi karaa laakiin fowdo, dhaqan caruureed iyo amnigu hasii xumaado looguma sacab tumi karo xidigihii hore karo ee Damul-Jadiid ee hadda loo yaqaan Qabyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Shan Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa ka baxay kulan ay maanta isugu yimadeen xildhibaanadda iyo wasiirada beesha Hawiye ku matala Dowladda Federaalka ah kadib markii uu kulanka yimid duqa Muqdisho, Taabit Cabdi Maxamed. Kulanka oo ay ku dhowaad 70 Xildhibaan iyo wasiiro joogeen ragga ka baxay markii ay Taabit arkeen waa Mahad Salaad, C/raxmaan Xuseen Odawaa, C/risaaq Cumar Maxamed, Maxamed C/laahi Xasan Nuux iyo Maxamed Cabdiraxmaan Beenabeene. Waxaa kaloo la ii sheegay labo Xildhibaan oo laabtay markii ay Taabit maqleen oo uu ku jiro C/laahi Maxamed Nuur. “Waxaa uu ahaa dhaqan siyaasadeed liita iyo ficiltan aan fiicneyn wixii aan maanta ku arkay hotel SYL ayuu igu yiri Xildhibaan kulanka ka qeyb galay oo aan teleefoonka kula hadlay. Arinta ugu yaabka badan ayaa aheyd ajandaha shirka xildhibaanadda iyo wasiiradda Hawiye inuu ahaa amniga iyo xaaladda caasimadda ee xiligaan, bal is weydii hadii Taabit shirka loo diido yey tahay cidda kale ee mudan in wax laga weydiiyo xaaladda Muqdisho. Inkastoo aaney dadka caasimada ku nool dooran qofka maamulaya hadana shaki la’aan Thaabit wuxuu helay rabitaan Bulsho oo xoogan bilihii lasoo dhaafay. Muqdisho uma dhiman doonto 5 xildhibaan oo xaajaddu ku xuntahay xiligaan, waxaase ayaan daro ah in ragga dhaqankaas maanta sameeyay iney intooda badan Wasiiro kasoo noqdeen dalka. Siyaasada waa la isku qilaafi karaa laakiin fowdo, dhaqan caruureed iyo amnigu hasii xumaado looguma sacab tumi karo xidigihii hore karo ee Damul-Jadiid. Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay shir ay yeelanayaan Xildhibaanada laba aqal iyo Wasiirada Beesha Hawiye kaasoo looga hadlayo amniga Magaalada Muqdisho. Kulankaan ayaa ka furmay Hotelka SYL waxaana looga hadlayaa xaaladda siyaasadda dalka iyo arrimaha amniga Magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay in ka badan 50 xildhibaan oo labada aqal ka mid ha iyo Wasiiro iyadoo ujeedku yahay inaan la siyaasadeyn arrimaha amniga loona adeegsan dano gaara iyo olole shaqsiyeed. Furitaanka shirka oo ay iska xaadiriyeen wasiirada iyo xildhibaanada labada aqal ee Beesha Hawiye iyo Guddoomiyaha G/banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa la soo sheegayaa inay shirka isaga baxeen ilaa 5 xildhibaan oo ka mida kuwa ugu horeeya mucaaradnmada dowladda halka laba kalana laga celiyey inay shirkaan imaadaan. Magacyada Shakhsiyaadka Shirka ka baxay: 1) Wasiirkii hore ee Amniga Cabdirisaq Cumar Maxamed, 2) C/raxmaan Xuseen Odawaa, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha 3) Xildhibaan Maxamuud C/raxmaan Beene Beene 4) Xildhibaan Mahad Salaad 5) Wasiirka Dhallinayarada iyo Sportska Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux Sidoo kale waxaa taleefoonka loogu sheegay inaysan kasoo qeybgalin laba Mas’uul kale oo uu ka mid yahay C/laahi Maxamed Nuur Maxay Shirka Uga baxeyn? Inkastoo ay aqbaleen inay shirka tagaan ayaa haddana la sheegay in ka bixitaankooda uu ka danbeeyay markii ay ogaadeen ajendayaasha shirka iyo ka qeybgalka guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Xildhibaannada shirka isaga baxay ayaa waxaa u badan kuwii wasiiiada ka ahaa dowladii Xasan Sheekh ee hadda sida weyn ugu kacsan xukuumadda iyo madaxtooyadda Soomaaliya. Muhiimada uu shirka u leeyahay Guddoomiye Thaabit Xildhibaanada aan kor kusoo xusnay ayaa diidan inuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ka qeybgalo kulankaas, waxaana xusid mudan in wax laga hadlayo ay tahay Amniga Muqdisho, waxayna mas’uuliyadda ugu weyn ku dhaceysaa Gudoomiyaha. Haddii ay xildhibaanada ka baxay shirkaas ujeedkooda ahaa inay ka shaqeeyaan amniga Muqdisho, waxay aheyd inay ogolaadaan inuu Guddoomiyaha shirka ka qeybgalo maadaama uu yahay Guddoomiyaha iyo Duqa Muqdisho, waxaana muuqato inay leeyihiin dano gaar ah isla markaasna ay siyaasadeenayaan sugidda Amniga Muqdisho. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa wado dadaal dheeri ah oo uu ku doonayo in wax looga qabto amniga Muqdisho, waxayna aheyd inay Xildhibaanada ku caawiyaan Guddoomiyaha shaqadiisa, waxaase muuqato inaysan Xildhibaanadaan shirka ka baxay rabin wax ka qabashada Amniga Muqdisho. Shirka masii soconayaa: Sida aan xogta ku helnay Shirka waxaa ka qeybgalayo ilaa 50 mas’uul oo kasoo jeedo Beesha Hawiye, waxa ka baxayna waa 5 siyaasi oo ah mucaaradka dowladda Soomaaliya, waxaana Shabakadda Caasimadda Online loo xaqiijiyey inuu shirka sii socon doono isla markaasna aan loo istaagi doonin shantaan Mas’uul ee shirka uga baxay dano iyaga u gaar ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug gaarigiisa qarax la la beegsaday. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Gudoomiye Farxaan Cabdi Gaafaa in Gaari nooca raaxada ah ee uu lahaa oo lagu soo xirayqarax uu ku qarxay bartamaha magaalada Gaal-kacyo. Gudoomiye Farxaan Cabdi Gaafaa ayaa la xaqiijiyay in uu ka maqnaa oo aanu saarneeyn xiliga gaarigiisa uu qarxayay. Goobta qaraxa ayaa waxaa gaaray Ciidamo katirsan kuwa Amaanka Puntland kuwaasi oo howlgalo halkaasi ka wada. Faah Faahinta dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Gudoomiye ku Xigeenka Gaalkacyo oo Qarax Miino la la beegsaday gaarigiisa appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa maanta rusqaddii kala noqotay telefishanka Kalsan Tv oo ka mid ah telefishanadda af soomaaliga ku hadla ee ka hawlgala dhammaan Gobolada dalka, gaar ahaan Somaliland. Maamulka Somaliland ayaa Telefishankan ku eedeeyay inuu baahiyay warar been abuur ah, isla markaana dhawr jeer oo hore loo digay. Amarka Kalsan Tv looga mamnuucay deegaanada maamulka ayaa waxaa bixiyay Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Saxardiid Cadaani oo ku eedeeyay faafinta warar been abuur ah oo u ka soo qaaday baraha bulshadda. Nuqul kamid ah qoraalka Wasiirka ayaa waxaa kamid ahaa ”Telefishanka Kalsan tv wuxuu xadgudub ku sameeyey qaranimadda Somaliland, isla markaana baahiyey November 3-deedii/2017 war been abuur ah oo uu ka soo qaatay baraha bulshadda taas oo uu ku sumcad dilayey habsami u socodka ololaha doorashadda”.
  9. Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire has visited the UAE-funded military training centre in Mogadishu, which offers training to members of the Somali Armed Forces. Upon his arrival, the Somali Prime Minister was received by Mohammed Ahmed Al Othman, UAE Ambassador to Somalia. Khaire toured the centre’s facilities and observed the UAE team supervising the training of Somali soldiers, expressing great admiration for the advanced level of training provided. The Prime Minister – who was accompanied by several senior commanders of the armed forces – also conveyed his deep thanks and appreciation to the UAE for its outstanding role in supporting Somalia and for its continuous efforts in training and rebuilding the Somali Armed Forces. The UAE Ambassador in turn expressed his thanks and appreciation to the Somali Prime Minister for his visit and his keenness to consolidate the distinguished relations between the two countries, reaffirming the UAE’s support for the development of security and stability in Somalia. Source: WAM
  10. The U.S. Mission to Somalia on Saturday issued a directive for its non-essential American employees to leave the east African country’s capital of Mogadishu. In a security message, the mission identified “specific threat information against U.S. personnel on the Mogadishu International Airport.” It also reminded U.S. citizens that the State Department discourages travel to Somalia. “The security situation in Somalia is extremely unstable,” the release said, “and the threat to all U.S. citizens in Somalia remains critical.” The U.S. State Department does not have an embassy in the country. On Friday, U.S. Africa Command acknowledged that it had conducted a pair of airstrikes to target the Islamic State in the northeast part of Somalia. The strikes marked the first time the U.S. military targeted Islamic State militants in the country. The U.S. Mission to Somalia on Saturday issued a directive for its non-essential American employees to leave the east African country’s capital of Mogadishu. In a security message, the mission identified “specific threat information against U.S. personnel on the Mogadishu International Airport.” It also reminded U.S. citizens that the State Department discourages travel to Somalia. “The security situation in Somalia is extremely unstable,” the release said, “and the threat to all U.S. citizens in Somalia remains critical.” The U.S. State Department does not have an embassy in the country. On Friday, U.S. Africa Command acknowledged that it had conducted a pair of airstrikes to target the Islamic State in the northeast part of Somalia. The strikes marked the first time the U.S. military targeted Islamic State militants in the country. Source: UPI
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoogan ayaa waxaa lasoo warinayaa inuu ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland. Qaraxa oo aad u cuslaa ayaa la sheegay in lagu xiray gaari uu lahaa Gudoomiye ku-xigeenka Magaalada Gaalkacyo, sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta maamulka. Qaraxa ayaa dhacay xili Mas’uulkaasi uusan saarneyn gaariga, waxaana ku dhaawacmay mid ka mid ah Ilaaladiisa. Waxa ay sheegeen Saraakiisha Ammaanka in ay wadaan baaritaano la xariira Qaraxaasi oo iminkaba loo hayo ilaa laba Ruux. Dhinaca kale, Burbur xoogan ayaa soo gaaray gaariga waxaana sidoo kale Qaraxa lala damacsanaa Guddoomiye ku-xigeenka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 04 Nov 2017 madaxtooyada Soomaaliya kaga qayb galay shir looga hadlayey guud ahaan amniga qaranka Soomaaliya. Shirka ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha DFS, Madaxweynayaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hir-shabeelle, Saraakiisha ugu sarraysay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, AMISOM, Safiirrada dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Africa. Kulankan waxaa looga hadlay amniga guud ee dalka, dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM. Inta uu socday kulankaasi waxaa si weyn looga wada-hadlay mideynta qorshaha dagaalka iyo qorshe lagu cidhibtirayo Al-shabaab, isla markaana waxaa la isla meel dhigay kaalinta AMISOM ay ka qaadanayso dagaalka Soomaaliya lagaga sifaynayo kooxaha nabad diidka ah. Danjirayaasha dalalka Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ee kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada howlgallada ay ku dhawaaqeen Madaxda Qaranka Soomaaliya, iyaga oo tilmaamay in wadajirka go’aanka iyo qorshaha Madaxda qaranka Soomaaliyeedba ay ku dhiirigalinayso in ay laba laabaan dadaalkooda si ay u xaqiijiyaan nabadgalyada dalkeena Soomaaliya. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxda kale ee qaranka Soomaliyeedba ayaa ka midaysan sidii dalka guud ahaantiiba looga cidhib tiri lahaa kooxaha argagixisada ah ee dhibaateeyey shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, waxaana ay Madaxdu isla meel-dhigeen in la mideeyo cududda iyo maskaxda muwaadiniinta Soomaliyeed si loo cidhibtiro kooxahaasi tamarta yar. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxda Qaranka Soomaliya iyo Amisom oo Isku Raacay Dagaal ka Dhan ah Al-Shabaab. appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Raiisul Wasaaraha Xukuumadda, Saraakiisha ugu sarraysay Ciidanka Xoogga dalka, Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada ayaa kulan muhiim ah la yeeshey hoggaanka Ciidamada AMISOM, Safiirrada dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Afrika. Kulankan waxaa diirradda lagu saaray amniga guud ee dalka, dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa Ciidamada Qalabka sida iyo kuwa AMISOM. Inta uu socday kulankaasi waxaa si weyn loo gorfeeyey mideynta qorshaha dagaalka iyo abaabulka dalka lagaga ciribtirayo Alshabaab, iyada oo la isla meel dhigay kaalinta Ciidamada AMISOM ay ka qaadanayaan dagaalka. Danjirayaasha dalalka Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ee kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada howlgallada uu ku dhawaaqay Madaxweynuhu, iyaga oo tilmaamay in midnimada go’aanka iyo qorshaha Madaxda Soomaaliya heer qaran iyo heer dowlad goboleed ay ku dhiirigalinayso in ay laba laabaan dadaalkooda si ay u xaqiijiyaan nabadgyada dalka. -DHAMMAAD-
  14. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Raiisul Wasaaraha Xukuumadda, Saraakiisha ugu sarraysay Ciidanka Xoogga dalka, Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada ayaa kulan muhiim ah la yeeshey hoggaanka Ciidamada AMISOM, Safiirrada dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Afrika. Kulankan waxaa diirradda lagu saaray amniga guud ee dalka, dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa Ciidamada Qalabka sida iyo kuwa AMISOM. Inta uu socday kulankaasi waxaa si weyn loo gorfeeyey mideynta qorshaha dagaalka iyo abaabulka dalka lagaga ciribtirayo Alshabaab, iyada oo la isla meel dhigay kaalinta Ciidamada AMISOM ay ka qaadanayaan dagaalka. Danjirayaasha dalalka Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ee kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada howlgallada uu ku dhawaaqay Madaxweynuhu, iyaga oo tilmaamay in midnimada go’aanka iyo qorshaha Madaxda Soomaaliya heer qaran iyo heer dowlad goboleed ay ku dhiirigalinayso in ay laba laabaan dadaalkooda si ay u xaqiijiyaan nabadgyada dalka. PUNTLAND POST The post Shir looga hadlayay abaabulka Dagaal ee al-shabaab oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (PP) ─ Ciidamada Ammaanka dowladda Somalia ee ka Hawl-gala Isgoysyada Xarunta Somalia ee Muqdisho ayaa laga dareemayaa in isbeddel ballaaran lagu sameeyay, iyadoo sidoo kalena isbedel lagu sameeyay qaabka ay ku hawl-galaan ciidamadan. Isbeddelkan ayaa laga dareemayaa baaritaanka gaadiidka iyo dadka sidoo kale tirada ciidanka ayaa meelaha qaar lagu sameeyay kordhin goobo aysan ku sugnaan jirin ayaa sidoo kale lagu arkayaa ciidammo cusub. Sidoo kale, Ciidanka ayaa baaraya gaadiidka shacabka oo aan markii hore la baari jirin, waxaana la weydiinayaa wadayaasha sharciga gaadiidka, midkii aan wadan waxaa loo diidayaa inuu waddada maro. Haweenka saaran gaadiidka ayaa inta ay baaristu socoto laga furayaa Indha-shareerka ama niqaabka. Dhallinyarada ayaa iyagana baaritaanno ballaaran lagu sameynayaa, iyadoo kuwii laga shakiyana lagala dagayay gaadiidka. Dhanka kale, Waxaa gabi ahaan laga joojiyay socodka gaadiidka waa-weyn ee maalintii, kuwaasoo cabsi badan ay shacabku ka qaadeen tan iyo markii uu dhacay qaraxii khasaaraha badan geystay ee 14-kii bishii hore ka dhacay Isgoyska Zope. Ugu dambeyn, Waddooyinka Muqdisho ayaa laga dareemayo Isbeddello aad u ballaaran, waxaana waddooyinkaas ka mid ah Makka Al-Mukarama, KM-4 iyo kuwo kale oo muhiim ah. PUNTLAND POST The post Ciidamada Ammaanka ee ka hawl-gala Waddooyinka Muqdisho oo Isbedel lagu Sameeyay appeared first on Puntland Post.
  16. Hargeysa (PP) ─ Maamulka iskiis ugu dhawaaqay madax-bannaanida ee Somaliland, ayaa deegaannada uu maamulo ka mamnuucay in laga daawado mid ka mid ah Telefishinnada Afka Soomaaliga ku hadla. Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cusmaan Saxara-diid Caddaani ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Deegaannada Somaliland laga mamnuucay in laga daawado Telefishinka Kalsan, iyadoo la xiray xaruntii Telefishinkaan uu ku lahaa Magaalada Hargeysa. Sidoo kale, Wasiir Caddaani ayaa sheegay in Kalsan TV uu warar been ah ka sameeyay dibadbax lagu taageerayay musharraxa madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi. Wareegtada ayaa lagu xusay in TV-gani uu dibadbaxa ka dhigay mid looga soo horjeedo Xisbiga Kulmiye iyo musharraxooda Muuse Biixi Cabdi, sidaas darteedna laga mamnuucay guud ahaan deegaannada Somaliland. Dhanka kale, Suxufiyiinta Somaliland ayaa looga digay inay deegaannada oo dhan warbixinno uga diraan Telefishinkan, iyadoo suxufigii amarkaan kasoo horjeesta laga qaadi doono tallaabo adag sida Wasiirku ku sheegay warka uu soo saaray. Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horreysay oo Maamulka Somailand uu ka mamnuuco deegaannada uu ka taliyo qaar ka mid ah telefishinnada ku hadla Af Soomaaliga, kuwaasoo ay ku eedeeyeen baahinta warar aanay jeclaysan. PUNTLAND POST The post Somaliland oo deegaannadeeda ka Mamnuucday Mid ka mid ah Telefishinnada Soomaalida appeared first on Puntland Post.
  17. BOSASO-[Puntland Post]-Agaasimaha Guud ee laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Puntland Maxamed Faarax Qanbi,ayaa maanta Booqday garoonka diyaaradaha ee Magaalada Boosaso ee xarunta gobalka Bari, Agaasimaha ayaa waxa uu halkaasi kula kulmay Saraakiisha iyo shaqaalaha socdaalka ee ka hawlgala garoonka diyaaradaha Boosaso oo kamid ah garoomada ugu Casrisan ee dalka ku yaala. Maxamed Faarax Qanbi Agaasimaha Guud ee laanta socdaalka ee Puntland ayaa saraakiisha iyo shaqaalaha laanta socdaalka kulan kula qaataya garoonka dhexdiisa iyagoona ka wada hadlaya qaaba ay u shaqeeyaan. Agaasimaha ayaa ku amaanay shaqaalaha socdaalka ee ka howl gala garoonka diyaaradaha Boosaaso howlaha muhiimka ah ee ay u hayaan bulshada, isagoo kula dar daarmay ilaalinta sharciga iyo amniga dalka. Sidoo kale waxaa uu sheegay in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Puntland ay dadaal ugu jirto sidii loo horumarin lahaa howlaha socdaalka ee garoomada Puntland iyo sidii loo gayn lahaa qalab casri ah oo ay ku howl galaan. Dhinaca kale Agaasimaha ayaa Booqday xarunta megerashanka ee dekada Boosaso iyo sida oo kale xarunta Basaboorada isgoona dhamaana shaqalaha ku amaanay sida wanagsan ee ay shaqadu u socoto. Daawo” Muuqaalka Kormeerka Agaasimaha Guud ee laanta Socdalka Puntland Ee Garoonka Boosaso CABDIQANI BOOS PUNTLAND POST -BOSASO The post DAAWO”AGAASIMAHA HAY’ADDA SOCDAALKA PUNTLAND OO BOOQDAY GAROONKA BOOSASO appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (PP) ─ Dowladda Mareykanka ayaa ku amray muwaadintiisa inay si deg-deg ah uga baxaan Muqdisho, kaddib warbixin digniin ah oo uu soo saaray xafiiska hawl-galka Mareykanka ee Somalia. Warbixin uu soo saaray hawl-galka Mareykanka ee Somalia ayaa lagu xusay in dhammaan shaqaalaha Muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo muwaadiniinta kale inay isaga baxaan Xamar illaa amar dambe. Sidoo kale, Warbixintan ayaa waxaa lagu sheegay in xaaladda nabad-gelyo ee Somalia ay tahay mid aad u halis ah, isla markaana khatar ku ah muwaadiniinta Mareykanka. Muwaadiniinta u dhashay wadanka Mareykanka ee go’aansaday in Muqdisho ay joogaan ayaa loogu baaqay inay dib u eegaan Amnigooda Shaqsiyadeed, isla markaan ay si gaar ah uga war hayaan warbaahinta, ay feejignaan aad u dheer sameeyaan. Dhanka kale, Xukuumadda Washington ayaan wax safaarad ah xilligaan ku laheyn Muqdisho, sidaas darteed waxaa muwaadiniinta la siiyay macluumaad ku saabsan haddii xaalad khatar ah ay dareemaan inay la xiriiraan safaarada Mareykanka ee Magaalada Nairobi. Ugu dambeyn, Warbixintan digniinta ah ee kasoo baxday Mareykanka ayaa ah middii ugu horreysay oo nooceeda ah, waxay kusoo beegmaysaa, iyadoo Kooxda Al-shabaab ay Toddobaadyadii u dambeysay kordhisay weerarada ay ka geysaneysay Muqdisho. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo Muwaadiniintiisa ku sugan Somalia ugu baaqay inay isaga baxaan Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  19. BOSASO-[Puntland Post]-Agaasimaha Guud ee laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Puntland Maxamed Faarax Qanbi,oo hawlo shaqo u jooga Magaalada Boosaso ayaa maanta Booqday xafiiska megareshanka ee Dekada Boosaso. Agaasimaha ayaa waxa uu halkaasi ku soo dhaweyey saraakiisha laanta socdaalka ee dekada Bosaso isgoona kulamo la qaataya shaqalaha iyo maamilka xafiiska socdaalka ee Dekada Bososo. Maxamed Faarax Qanbi Agaasimaha Guud ee laanta socdaalka ee Puntland ayaa saraakiisha iyo shaqaalaha laanta socdaalka ee Dekada Boosaso ku dhiiri galiyey sida wanaagsan ee ay shaqada u wadaan waxan sida oo kalena kula dar daaramy ilaalinta sharciga iyo Amaanka dalka. ”Waxa si wanagsan u socda shaqada aad wadan waxan idin kula dar daaramaya in aad sii laba jibaratan shaqada aad bulshada u haysaan isla marakaana masuuliyad gaar ah iska saartan ”sidaas waxa yri Agaasimaha guud ee laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Puntland Maxamed Faarax Qanbi oo maanta Booqday xafiiska Megarashanka ee Dekada Boosaso. Kormeerka Agaasimaha guud ee Hay,adda socdalka iyo Jinsiyadaha Puntland ayaa salka kuhaya sidii uu u ogaan lahaa baahiyaha ka jira xarumaha Megarshanka ee magaalada Bososo. Cabdiqani Boos Puntland Post-Bosaso The post Agaasimaha laanta socdaalka Puntland oo Booqday xafiiska Magareshanka ee Dekada Bosaso appeared first on Puntland Post.
  20. Bosaaso (Caasimadda Online) – Dunidda maalmaha kaaga haray wax walba waad maqli doontaa , Faa’iso Cabdi waa 16 jir wax ka baran jirtay Garoowe, waxey Facebook iska barateen nin la yiraahdo Cabdiqaadir Warsame, ma hubo inuu u sheegay xirfadiisa laakiin hada waalidkeed waxey shegeen inuu yahay askari ka tirsan ciidanka Puntland, xirfadu marna ma hor istaagto rabitaanka lamaanaha. Lamaanahan ayaa xiriir jaceyl mudo wadaagayay waxaana ay ugu dambeyn Faa’iso ku qanacday iney u safarto Boosaaso oo saaxibkeed uu dagan yahay, markii ay tagtay gaari uu watay ayuu ku qaaday , gabadha Aabaheed oo wariyaasha maanta kula hadlay Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho wuxuu sheegay inuu ninku 2 jeer damcay inuu si sharci daro ah ugu galmooday gabadha balse ay diiday, markii sadexaad arintu baryo waa ka tagtay ,dharka ayuu ka jeex jeexay balse wali waa sii dagaalantay iyadoo aan dhar wadan si ay xubinteeda u xajisato waxaase xigay xabado uga dhacay xubinta taranka iyo hareeraheeda, hadda si toos uma kaadin karto sidoo kale dhinac ayey ka saxarooneysa sida uu aabaheed sheegay. Faa’iiso waxey aheyd mid hami jaceyl ka muuqdo mar hadii ay 750km u jartay iney lasoo kulanto ninkii ay jecleyd, nasiib daro farxadii ay raadineysay ficilkii ka dhashay farjigeedii ayaa ku naafoobay, Puntland wali war kama soo saarin arintaan lamana qaban ninkii falkaan geystay. Jaceylka daneysiga ku dhisan ayaa kusii xoogeysanaya dunida marka aad aqriso sheekooyinka lagu qoray jaraa’idka aduunka, inta badan ragga aya wata aragtiyo ka baxsan xiriirka jaceylka, laakiin waxaa cajiib ah in hadii dhinac ka mid ah labadda qof uu diidmo muujiyo in dhib intaas la eg la gaarsiiyo qofkii wax diiday, dhacdada Faa’iso looga beegsaday xubinta taranka waa arin ku cusub bulshadda Soomaalidda. Allaha caafiyo Faa’iso oo u baahan in la garab istaago. Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farah Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Maalmihii ugu dambeeyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si rasmi ah u bilaabay inuu dhaqangeliyo ololahii ay dowladda Imaaraadka Carabta usoo wakiilatay ee ahaa in la qalqal geliyo dowladda Soomaaliya isla markaasna meesha laga saaro Madaxweyne Farmaajo oo talada dalka hayo wax ka yar hal sano. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur u aragtay inuu yahay Shakhsiga mudan inuu hoggaamiyo ololahaan, maadaama uu horey u iibsaday Badda Soomaaliya oo uusan u daahi doonin duminta dowlanimada Soomaaliya. Haddaba waxaa is waydiin mudan waa Kuwa Cabdiraxmaan Cabdishakuur, maxaa iska badalay, muxuuse ka xujin doonaa Iibka Badda Soomaaliyeed? Waa Kuma Cabdiraxmaan Cabdishakuur?? C/raxmaan C/shakuur, wuxuu ahaa ninkii Cumar Cabdirashiid kala qeyb qaatay iibsiga qeybo kamid ah Badda Soomaaliya isagoo ka faa’iideysanayay Wasaaraddii uu ka hayay Xukuumaddii kowaad ee Dowladdii Shariif Sheekh Axmed ee ahayd, Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga. Heshiiskii Qarsoonaa. Heshiiskii qarsoodiga ahaa ee Kenya lagula galay iibsiga Dhul-badeedka Soomaaliya waxaa mas’uuliyad ku lahaa C/raxmaan C/shakuur oo ka tirsanaa Xukuumadii hore ee Cumar C/rashiid, C/raxmaan ayaa la sheegay inuu kamid ahaa Mas’uuliyiintii Dawlada Kenya ka qaateen lacag gaaraysa 50 Milyan oo Dollar, Mas’uuliyiinta iyo Dawlada Kenya waxaa u dhexeeyey oo Dalaal U ahaa Shirkado Shisheeye, lacagtii laga qaatay Kenya ee looga iibsaday Badda Soomaaliya ragii qaatay kuma heshiin ee waa ay sii kala dhaceen. Lacagta xoogeedii waxaa dhacay dalaaliintii, Cumar C/rashiid iyo C/raxmaan C/shakuur ee loo haysto Iibinta Badda Soomaaliya waxaa soo raacay Mas’uuliyiin kale oo Soomaali ah oo ay kamid yihiin Shariif Sheekh Axmed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Prof. C/raxmaan Ibbi iyo Prof. Maxamed Gaandi. Hadaba Dowlada Kenya waxaa ay daba joogta dhaqaalihii uga baxay iibsiga Badda Soomaaliya, waxaana ay hada wadaa dhaqaale kale oo ay ku doonayso inay ku meel mariso go’aankeedi ahaa inay lawareegto dhul-badeed balaaran oo ay Soomaali leedahay. Cabdiraxmaan Cabdishakuurka cusub waa kuma? Cabdiraxmaan Cabdishakuur weli isma badalin, Baddii uu iibiyeyna ilaa hadda dowladdii uu lacagta ka qaatay waa siin la’yahay kadib markii ay kusoo baxeyn Soomaalida oo dhan isla markaasna la ogaaday qorshaha uu watay iyo lacagaha xaaraanta ah ee uu ku qaatay iibsashada Badda Soomaaliya. Hadda Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu wadaa olole xooggan oo ay maalgelinteeda leedahay dowladda Imaaraadka Carabta, wuxuuna shirar lagu duminayo dowladnimada Soomaaliya ka bilaabay Magaalada Muqdisho. Ololaha Cabdiraxmaan Cabdishakuur wado waxaa qeyb weyn ka ah Siyaasiyiin badan oo horey xilal uga soo qabtay dowladihii soo maray Soomaaliya oo ay ugu horreeyaan: Sheekh Shariif, Cumar Cabdirashiid, Odawaa, Faarax Cabdulqaadir iyo Xasan Sheekh Maxamuud. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa doonayo inuu mar kale kasoo muuqdo Siyaasadda Soomaaliya si uu ugu adeeggo danaha dowladda Imaaraadka Carabta maadaama uu ku fashilmay iibinta Badda Soomaaliya, waxaase is waydiin mudan waxa Cabdiraxmaan Cabdishakuur u xigi doono iibinta Badda Soomaaliyeed? Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay digniin ku saabsan halis ka dhan ah garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo soo fool leh. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa lagu yiri “Sababo la xiriira akhbaar ku saabsan halis ka dhan ah shaqaalaha Mareykanka ee garoonka Muqdisho, howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya wuxuu ku amrayaa dhammaan muwaadiniinta Mareykanka ee aan shaqaalaha muhiimka ahayn inay deg deg uga baxaan Muqdisho, illaa amar dambe” Dowladda Mareykanka ma aysan sheegin waxa ay tahay halista kusoo wajahan garoonka Muqdisho ee ka dhanka ah ah shaqaalaheeda. Dowladda Mareykanka waxa kale oo ay shaaca ka qaadday inay uga digeyso dhammaan muwaadiniinteeda inay sidoo kale waqtigan u safraan dalka Soomaaliya. Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka waxay sheegtay in xaaladda amni ee Soomaaliya ee waqtigan ay tahay mid aan deganeyn, islamarkaana halista ka dhanka ah muwaadiniinta Mareykanka ee Soomaaliya ay tahay mid dhab ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxawynaha DFS ayaa la sheegay inay 6 Caqabado ku noqdeen Isbaaro Siyaasadeed, wuxuuna caqada ugu xooggan kala kulmayaa Murashixiintii uu bishii Feberaayo kaga guuleystay Xilka Hoggaaminta dalkaasi. Waxaa kaloo soo raaca caqabado horaadka soo raaca dhinaca Ammaanka oo uu kala kulmayo Kooxaha Islaamiyiinta iyo Awoodaha Qabaa’illadda, kuwaasi oo xadiday Fulinta Maamulka oo ay wehliso Xaalladda Dhaqaalaha ee burburi kara. Warbixin ay qortay Xarunta Cilmi-baarista ee (Mogadishu Center for Research and Studies( ayaa lagu sheegay in caqbadda 1-aad ee Madaxweyne Farmaajo tahay Alshabaab oo loo arko cabsida Ammaanka Somalia iyo dalalka kale ee deriska ee Geeska Afrika. Caqabadda 2-aad waxaa lagu xusay inay tahay Midnimadda Somalia, iyadoo Somalia ka mid tahay dalalka Carbeed ee ay soo wajaheen Burburka iyo Kala-qeybsanaanta. Xaalladda Ammaan La’aanta iyo maqnaanshaha Doorka Dowladda Dhexe ee isku haynta Midnimadda Federalka ee dalka. Jamhuuriyadda la magac baxday Somaliland ayaa ah Dowladda keliya ee ku dhawaaqday inay ka go’day qeybaha kale ee dalka Somalia, inkastoo aysan Somaliland helin Aqoonsi Gobaleed iyo Ictiraaf Caalami ah. Caqabadda 3-aad ee Madaxweyne Farmaajo soo wajahday ayaa ah Maamulka Qabaa’ilka, iyadoo ay Hoggaamiyaha Beelaha awood ku leeyihiin Somalia, maadaama ay iyagu dhisaan Qeybta ugu weyn ee Siyaasadda Dowladda Somalia. Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay in Awoodaha Qabaa’ilka ku leeyihiin dhulka ka sarreyso tan ay ku leeyihiin Awoodda Fulineed ee Madaxtooyadda Villa Somalia. Sida laga soo xigtay Warbixin lagu qoray Wargeyska The Financial Times ee ka soo baxa London Caaqil Beeleed kasta waxaa la siiyey laaluush dhan 5,-000 oo Dollar si ay u soo doortaan Wakkiiladooda Baarlamnka, kadib ,markii Madaxweynihii hore ee Dfs, Xasan Sheekh Maxamudu la soo doortay. Wakiiladaasi waxay yihiin Xildhibaanadda Barlamaanka, iyadoo qaar ka mid ah Kuraasta Barlamaanka ee Doorashadii u dambaysay UU qiimahooda gaaray in ka badan hal million oo Dollar Warbixinta waxay Caqabadda 4-aad eek u hor gudban Dowladda Madaxweyne Farmaajo ayaa ah Ciiddamadda, iyadoo Dowladda Somalia dhibaato kala kulmayso maqnaanshaha Ciiddan Xooggan oo awoodi kara inay dib u soo celiyaan Midnimadda iyo Ammaanka. Warbixinta waxaa lagu xusay in Awooddii Ciiddanka Somalia aad u tabar daraysay, kuna soo nolol qaateen Dagaal-beeleedyo. Warbixinta waxaa kaloo lagu muujiyey in inta badan Ciiddamadda leeyihiin Qabaa’ilada Hawiye iyo Daarood, kuwaasi oo loolan adag ugu jira maamulista Ciiddanka DFS iyo inay xadidaan Galaangal;ka Madaxweyne Farmaajo u yeelan karo inuu ka guuleysto Kooxaha Jihadistayaasha, waa sida hadalka loo dhigay. Weerarkii la doonayey inay qaadaan Ciiddanka DFS waxaa bedelkooda qaada Ciiddanka Hawlgalka AMISOM. Warbixinta waxay Caqabadda 5-aad ku sheegtay Xaalladda Dhaqaalaha Somalia oo sannadihii la soo dhaafay ahaa mid aad u sii xumaaday, WAXAYNA Dhaqaale-xumid ka dhalatay Xisiagdaha Amni-xumida iyo Qalalaasaha Siyaasadeed ee ka jira dalka. Warbixinta waxaa kaloo lagu muujiyey markii uu Madaxweyne Farmaajo xilka la wareegay inuu sheegay inay Dowladiisa la dagaalami doonto Falalka Musuqa iyo Maamul-xumida ka dhex jira Hay’addaha Dowladda.. Madixii hore ee Waaxda Maareynta Maaliyadad Dowladda, C/risaaq Fartaag ayaa sheegay in in ka badan Hal BILLION oo Dollar laga waayey Khasnadda Dowladda muddadii u dhexeysay sannadihii 2013-kii ilaa 2015-kii. Warbixinta waxaa ugu dambeynti ilagu muujiyey in Dhallinyarada Soomaalida ee Shaqo la’aanta haysata gaarayaan 67%, halka 73% Dadka Soomaalida ku nool yihiin nolol saboolnimo leh, iyadoo qofkiiba helo maalintiiba wax ka yar 2 Dollar. Xigasho: http://mogadishucenter.com Isha: Dalsan Radio Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa bilooyinkii ugu dambeeyey xoojiyey weerarada iyo qaraxyada ay ka fuliyaan Magaalada Muqdisho, waxaana arrintaas lagu micneeyey inay tahay dowladda oo ku fashilmatay inay wax ka qabato amniga Muqdisho. Magaalada Muqdisho waa Caasimadda Soomaaliya, waana Magaalada ugu dadka badan marka loo fiiriyo Magaalooyinka kale ee Soomaaliya, waxaana mar kasta ka dhaco falal amni darada, iyadoo ay Al-Shabaab si sahlan u galaan meelaha ay rabaan isla markaasna ay toogtaan shakhsiyaadka kasoo horjeedo qorshahooda. Waxaa Culeyska Magaalada kusii badiyey Labadii weerar ee ugu danbeeyay 14 iyo 28 Oktoobar, waxayna xaaladda ka dhigeen mid quus ah oo dad badan ay gashay cabsi ku saabsan inaysan suuragal ahayn wax ka qabashada ammaanka magaalada Muqdisho isla markaasna aan Al-Shabaab laga celin Karin fulinta weeraro gaadmo ah iyo dilal qorsheysan. Shabakadda Caasimadda Online ayaa halkaan idinkugu soo gudbineyso 7 Qodob oo keenay In lagu fashilmo amniga Muqdisho, Sidoo kalana waxay Shabakadda shaacineysaa waxyaabo tusinayo inaan amniga Muqdisho wax looga qaban Karin xilal la qaado iyo kuwa la magacaabo balse ay jiraan meelo kale oo u baahan in si weyn wax looga qabto. 1) SIrdoonka Dowladda Sirdoonka Dowladda Soomaaliya waa mid aad u liito oo u baahan in wax badan laga badalo, maadaama hey’adaha Sirdoonka ay ku fashilmeen inay ogaadaan qorshaha Shabaab iyo Meelaha lagu soo diyaariyo Qaraxyada, waxaana midaas kasii daran inaysan sirdoonka dowladda awood buuxda u laheyn inay falcelin deg deg ah ka bixiyaan weerarada. Sirdoonka Soomaaliya ayaa isku badalay meel lagu faano iyo Shaati la xirto, waxayna arrintaas keentay inaan la qaban shaqadii laga filayey. Arrinta ugu weyn ee sirdoonka Soomaaliya dhibaatada ku heyso ayaa ah inay jiraan Shakhsiyaad badan oo ka tirsan isla markaasna la shaqeeyo Ururka Al-Shabaab, waxayna arrintaas fududeysay inaan laga dabatagin xog badan oo laga helay weerarada AL-Shabaab ka hor inta aysan dhicin, waxaana jiro Shakhsiyaad hey’adaas ka tirsan oo ka shaqeeyo inaan la baarin xogaha ku saabsan qaraxyada iyo weerarada. Shakhsiyaadka Shabaab ugu jiro Sirdoonka Soomaaliya ayaa isugu jiro kuwa lacag la siiyo iyo kuwa kale oo markii hore Shabaab ka tirsanaa balse ku biiray Nabadsugidda si ay Shabaab ugu gudbiyeen xogaha iyo meelaha macquulka ah ee la weerari karo, waxayna kuwaas aaminsan yihiin Caqiidada Shabaab ee rasmiga ah, waxayna ku jiritaanka NISA ka leeyihiin inay ugu adeegaan Kooxdaan. Ma jirto Shuruud iyo xaqiijin rasmi ah oo ku aadan dadka lagu darayo Hey’adda Sirdoonka Qaranka, midaasna waxay noqotay fashil weyn, iyadoo fududeysay inay Shabaab si fudud ku galaan nabadsugidda ayna ogaadaan xogta rasmiga ah ee dowladda heyso!. Midda kale oo xusidda mudan ayaa ah in Shakhsiyaadka dowladda uga shaqeeyo Sirdoonka intooda badan aysan aqoon buuxda u laheyn Shaqada looga baahan yahay Sirdoonka, waxayna intooda badan yihiin kuwa magacaas ku shukaansado Gabdhaha!. 2) Qorshaha Shabaab oo ah mid aan la fahmin Inta badan Qorshaha weerarada ee Kooxda AL-Shabaab lama fahmo, waxayna xogga saaraan meelo aan laga fileyn sida meelaha ay dadweynaha isugu imaadaan, Hotelada ay dagan yihiin Shacabka iyo dowladda, Goobaha lagu shaaho, waxayna arrintaas ka damacsan yihiin inay weeraradooda noqda kuwa ay ku dhintaan shacab badan isla markaasna ay qabsadaan qodobada ugu horreeyo ee Idaacadaha, Wargeyska Gudaha iyo kuwa debadda. Al-Shabaab ayaa inta badan fiirsado meelaha ay fududahay in la galo isla markaasna aysan ka jirin dareen ku aadan in lagu soo wajahan yahay, waxayna marka hore sameeyaan baaritaan socdo muddo laba bil ah sida uu dhawaan sheegay Afhayeenkooda Cali Dheere. 3) Nooca Magaalada Muqdisho Magaalada Muqdisho waa Caasimadda Soomaaliya, waxaana ku nool Malaayiin qof oo isugu jiro qeybaha kala duwan ee Soomaaliya ka kooban tahay, waxayna noqotay magaaladaan meel aan tiro koob sax ah laga heyn. Arrintaan ayaa Al-Shabaab u fududeysay inay mar kasta ka fuliyaan weeraro dhibaato badan ka dhalato iyo dilal qorsheysan. Dowladda Soomaaliya awood way u lahaan weysay inay Muqdisho kusoo geliso gacanteeda isla markaasna ay ka adkaato amniga Magaaladaan ay ku nool yihiin Soomaali badan oo u baahan in dhiigooda la badbaadiyo. Sababaha ugu weyn ee dowladda ka hor taagan inay amni ahaan gacanta ugu dhigto Muqdisho ayaa ah Ciidamo badan oo magaalada joogo kuwaas oo aan la ogeyn halka ay ka amar qaataan, waxayna fududeysay in la kala garan waayo Ciidamada Shabaab ee weerarada qaadayo iyo kuwa dowladda maadaama ay isku dhar wataan isla markaasna aysan jirin aqoonsi kale tirade ciidamada oo aad u badan awgeed. Sidoo kale waxaa fashilmo dhaqaaq kasta oo lagu damco in amniga Muqdisho wax looga qabto isla markaasna laga saaro ciidamada ku sugan, waxaana fashilkaas ka qeyb qaato hoggaamiyayaal iyo shakhsiyaad aan rabin inay Magaalada dagto. 4) Khalad ka jiro Howgalada ciidamada dowladda ee Muqdisho Waxaa jiro wax badan oo ka khaldan qaabka howgallada ciidamada dowladda, waxayna inta badan isticmaalaan inay xiraan waddooyinka Muqdisho, inay Gawaarida waydiiyaan ID Card iyo inay Gawaarida dusha sare ka eegtaan. Ciidamada dowladda baaritaan rasmi ah kama sameeyaan Magaalada Muqdisho, waxayna inta badan xoogg saareen in dhagxaan lagu gooyo jidadka iyo inay Ciidamada fadhiistaan meel cayiman oo Magaalada kamid ah isla markaasna gawaarida aan si dhab ah loo baarin. Khaladka ugu weyn ee xagga Baaritaanada ayaa ah in qofka darawalka ah la waydiiyo ID Card dowladeed ama mid kale, waxaad arkeysaa Gaari qufulan isla markaasna darawalka gaarigaas lagu sii deynayo ID Card uu wato oo aan la aqoon inuu sax yahay in kale. Ma waxaa la joogaa wadan iyo Magaalo amnigeeda lagu haleeyo ID Card, xisaabta ku darso waxaa Magaalada Muqdisho ku yaalo Suuqa Cabdalla Shideeye oo laga helayo wax kasta marka laga reebo naf Bini’aadam ah, marka sidee macquul ku tahay inay Ciidamada dowladda gawaarida ku fasaxaan ID Card ay Shabaab awood u leeyihiin inay suuqayada ka sameystaan ama dad ka tirsan u sameeyaan. Sidoo kale xisaabta ku darso, Ciidamada la geeyey Kontaroolada wax lagu baaro ma heystaan qalabka lagu ogaado waxyaabaha qarxo, waana sababta ugu weyn ee mararka qaar Magaalada usoo galaan gawaarida yar yar ee qarxo. Si loogu guuleysto wax ka qabashada amniga Muqdisho, waxaa lama huraan ah in Meelaha baaritaanada la geeyo qalab casri ah oo lagu baaro isla markaasna sheegaya in gaariga ay ku rakiban tahay waxyaabaha qarxa iyo haddii kale iyadoo aan la dajin darawalka wado. 5) Farqiga u dhaxeeyo Sirdoonka dowladda iyo kan Shabaab Ururka AL-Shabaab oo si toos ah ugu xiran Ururka Al-Qaacidda ayaa heysto sirdoon ka fiican kana tayo wanaagsan midka dowladda. Farqiga u dhaxeeyo Siroodnka Shabaab iyo dowladda waa Alshabaab oo sirdoon ahaan ka horeysa nabadsugidda Dowladda, i, iyagoo heysta dhul nabadoon oo ay kasoo abaabulaan qaraxyada kaasoo aan u dheereyn caasimadda, waxayna ku jiraan xaalad aysan wax cabsi ah ka qabin Sirdoonka dowladda Soomaaliya. Ma jiro sirdoon dhibaato badan ku hayo Al-Shabaab, taas badalkeedana Sirdoonka Shabaab xogta ugu badan dowladda waa ay helaan, waxaana muuqato inaysan soo dhaweyn nabadsugidda dowladda haddii aysan sheekadaan wax badan ka badalin. Ururka AL-Shabaab ayaa qarash iyo waqti badan ku bixiyo sidii dowladda looga heli lahaa xog badan, waxayna aheyd inay dowladda lacag ka badan ku bixiso sidii loo fashilin lahaa Sirdoonka Shabaab tan dowladdana sare loogu qaadi lahaa. Sirdoonka dowladda oo lacag ku bixiyo Shakhsiyaad ka tirsan Shabaab si ay xog u keenaan waxaa ugu dambeysay markii uu xilkaas hayey Khaliif Ereg oo la ogaa dhibaatada uu u geystay Kooxda Shabaab, waxaana xusid mudan in waqtigii uu xilka hayey ay Shabaab toogteen shakhsiyaad aad u badan oo iyaga ka tirsan kuwaas oo la shaqeenayey Sirdoonka dowladda, waxayna aheyd tallaabo mudan in lagu amaano Ereg. Waxyaabaha lagu xasuusto Ereg ayaa waxaa kamid ah inuu ku guuleystay xog badan oo laga helay Shabaab taasoo fududeysay in la duqeeyo madax ka tirsan Shabaab halka kuwa kalana gaadmo loo dilay, waana shaqada ugu weyn ee la doonayo inay qabtaan sirdoonka dowladda. 6) Ciidamo Beeleed ku sugan Muqdisho Magaalada Muqdisho, waxaa weli ku sugan Ciidamo u abaabulan hab beeleed, kuwaas oo Magaalada ku dhex heysto hub aad u badan, waxayna arrintaas keentay inay fashiliso howgalo badan oo lagu doonayey in lagu sugo amniga Magaalada Muqdisho. Ciidamadaan u abaabulan hab beeleedyada ayaa qalqal ku hayo amniga Muqdisho, waxaana lama huraan ah in dhammaan ciidamada laga saaro Magaalada Muqdisho isla markaasna lagu soo reebo ciidamo tirsan oo lagala xisaabtamo amniga. 7) Isla Xisaabtan La’aan Madaxda ugu sareyso dowladda Farmaajo iyo dowladihii hore marnaba lagama arkin isla xisaabtan dhab ah oo ku aadan Mas’uuliyiinta Ciidamada kala duwan ee Muqdisho joogo, midaasna waxay fududeysay inaysan wax xil ah iska saarin amniga Muqdisho iyo sidii wax looga badali lahaa. Illaa amniga Muqdisho lagala xisaabtamo dadka loo dhiibtay marnaba macquul ma noqon doonto in lagu guuleysto Amniga, sababtoo ah mas’uul aan ka cabsaneyn in Berri wax laga waydiin doono Sababta keentay qaraxyada iyo Weerarada Al-Shabaab ma jirto sabab uu amniga ugu bixiyo waqti iyo xoog badan maadaama haddii uu guuleysto aan la abaal marineyn haddii uu guuldareystana lagu ciqaabeen Xabsi, dil iyo Ganaax. Arrimahan oo dhan waxay keeneen in loo caal waayo soo celinta amniga Muqdisho, iyadoo xilligan lagu jiro xaaladii ugu ba’neyd ee laga doodayo sida ammaanka loo sugi karo oo ay barbar socdaan xil ka qaadis iyo magacaabis. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  25. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dadaalkii ugu dambeeyey ku bixineyso sidii meesha looga saari lahaa dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kadib markii ay ka weysay dano gaar ah oo ay ka laheyd. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa adeegsaneyso siyaasiyiin xilalka kala duwan dalka kasoo qabtay iyo Xildhibaan hore oo ka tirsanaa dowladihii hore ee Soomaaliya soo maray gaar ahaan middii Xasan Sheekh Maxamuud. Shakhsiyaad ay adeegsaneyso Imaaraadka Carabta waxaa kamid ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo qeyb weyn ka qaadanayo ololahaan, waxaana xusid mudan inuu Sheekh Shariif dhawaan tagay Imaaraadka Carabta isagoo muujinayo inay dowladdaas tahay midda kaliya ee Soomaaliya caawineysay. Haddaba Waxaa is waydiin mudan maxay tahay sababta keentay inuu shariif Shariif mucaarado dowladda Farmaajo, maxayse Sheekh Shariif ugu kala duwan yihiin Farmaajo iyo Xasan Sheekh Maxamuud. Sheekh Shariif Waqtigii Xasan Sheekh Maxamuud Sheekh Shariif waxaa xilka madaxweynimo ee Soomaaliya kala wareegay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kadib loolan adag oo dhex marayey Labadaan Siyaasi. Sheekh Shariif markii looga guuleystay Doorashadaas waxaa la xasuustaa inuu gabi ahaanba isaga tagay dalka isla markaasna uusan hal mar soo faragelin siyaasadda Dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud, illaa laga gaaro ololihii doorashada. Loolan kasta oo ay la kulmeysay dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud marnaba lama arkin Sheekh Shariif oo ka hadlayo Arrimahaas isla markaasna ka qeybgalayo kulamo looga soo horjeedo Dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud. Sheekh Shariif iyo Dowladda Farmaajo Habeenkii uu Farmaajo ku guuleystay doorashadii dhacday 08 February, wuxuu Sheekh Shariif muujiyey inuu si weyn u taagersan yahay guusha Farmaajo isagoo markaas ka cararayey inuu Xasan Sheekh Maxamuud guuleysto maadaama uusan weli hilmaamin kursigii uu sida lama filaanka ah kaga qaatay. Guushii Farmaajo kadib, waxaa Sheekh Shariif laga filayey inuusan wax faragelin ah ku sameyn dowladdda cusub isla markaasna uu sameeyo sidii uu ula dhaqmay dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud markaas oo aan halmar la arag isagoo abaabulayo mucaarad. Sheekh Shariif sidaas ma uusan sameyn, ee wuxuu si dhab ah oo xaqiiq ah u dhex dabaashay ololaha lagu mucaaradayo dowladda Farmaajo isagoo lasoo saftay dowladda Imaaraadka Carabta oo aan ku qanacsaneyn siyaasadda dowladda cusub oo diiday inay xiriirka u jarto dalka Qatar. Sheekh Shariif ayaa qeyb weyn ka qaadanayo ololo cusub oo Imaaraadka ay ka bilaabeyso Muqdisho kaasoo lagu doonayo in mooshin looga keeno Madaxweynaha Soomaaliya ama Ra’isulwasasare Kheyre midkii hadba fududaado. Sheekh Shariif ayaa howshaas wax kala wado Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashidi oo wacad ku maray inuu meesha ka saari dooni madaxweyne Farmaajo isagoo isku arko inuusan aheyn ninkii iibsaday Badda Soomaaliya, sidoo kalana waxaa ololahaan qeyb ka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Mahad Salaad, Odawaa, Faarax Cabdulqaadir iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo daaha gadaashiisa isku qaraniyo. Cumar Cabdirashiid iyo Sheekh Shariif ayaa si wadajir ah kulamo xasaasi ah kula soo qaatay dalka Imaaraadka Carabta madaxda ugu sareyso ee dalkaas, waxaana lagu heshiiyey qodobo badan oo aan loo soo bandhigin Saxaafadda balse guud ahaan ku saleysnaa sidii loo mucaaradi lahaa dowladda uu hoggaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Maxaa Sheekh Shariif ku kalifay inuu Mucaarado dowladda Farmaajo: Dadka Falanqeeyo siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan inay macquul tahay inuu Sheekh Shariif dowladda Farmaajo ku mucaaradayo laba arrin midkood oo ah: 1) Arrin ku saleysan Qabyaalad: Qaar ka tirsan dadka orodoso siyaasadda ayaa aaminsan in mucaaradnimada Sheekh Shariif ay ku dhisan tahay qabyaalad, Maadaama markaan booska dowladda ay ku fadhiso beesha Darood, gaar ahaan Mareexaan, waxaa loo arkaa arrintaan inay tahay sababta uu Xasan Sheekh u siiyey fursad isla markaasna uusan u mucaaradin. 2) Arrin ku saleysan Lacag: Falanqeeyaasha qaar ayaa aaminsan in Mucaaradnimada Sheekh Shariif ay ku saleysan tahay lacag waali ah oo ay miiska soo saartay dowladda Imaaraadka Carabta. 3) Kursi doono: Halka kuwa kalana ay qabaan inay macquul tahay inuu Sheekh Shariif weli rajo ka leeyahay kursiga madaxtinimo ee Soomaaliya isla markaasna uu doonayo in doorasho kale oo waqtigeeda kasoo hormarto ay dalka ka dhacdo booskana laga saaro Farmaajo oo hadda aan jirin 8 Bilood. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com