Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,091
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. San Antonio (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta gobolka Texas ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in labaatan iyo toddobo qof lagu dilay kaniisad ku taala magaalada Sutherland Springs ee gobolkaasi, kadib markii uu rasaas ku furay nin hubeysan. Weerarka oo dhacay qiyaastii 11:30 barqanimo ee axad, xilliga saacadda dhexe ee Mareykanka, ayaa wararku waxaa ay sheegayaan in shan iyo labaatan qof oo kale ay ku ku dhaawacmeen, islamarkaana la dilay ninkii weerarka gystay. Magaalada uu weerarka ka dhacay ayaa qiyaasti konton kilomitir dhanka koonfur bari kaga began magaalada San Antonio. Booliska gobolka Texas ayaa warbaahinta maxaliga ee dalkaasi uu sheegay in raggii weerarka geystay la dilay, waxaana la arkayay muuqaalo muujinaya ciidamada ammaanka oo soo buux dhaafiyay goobta uu weerarka ka dhacay. Gawaarida gurmadka degdega iyo kuwa dab damiska ayaa sidoo kale soo gaaray goobta, waxaana sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in dadkii halkaasi ku sugnaa lasoo daad gureeyay. Illaa iyo hadda lama shaacin aqoonsiga ninka weerarka gaystay. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
  2. Dhismaha Garoonka Diyaaradaha magaalada Garoowe ayaa maraya heer gabo-gabo ah, sidey u xaqiijiyeen warbaahinta PUNTLAND POST maamulka Shirkadda dhisaysa ka dib kormeer ay halkaas ku tageen wafti uu hogaaminayo Ambassador Abshir Xasan Abshir oo bilihii lasoo dhaafey ku sugnaa deegaanada Puntland. Abshir Xasan Abshir oo horey usoo noqday Xildhibaan iyo Safiir ayaa ugu baaqay Madaxda Dowladda Federalka Soomaaliya inay kaalintooda ka qaataan dhamaystirida hawlaha weli u harsan Garoonka Diyaaradaha Garoowe, wuxuuna tusaale usoo qaatey sidii loogu sharfey Madaxweynihii horre Xasan Sheikh Maxamuud inuu xariga ka jaro Garoonka Diyaaradaha Bosaso. Dhinaca kale maamulka Shirkadda dhisaysa Garoonka ayaa u sheegay PUNTLAND POST inay ku rajo weyn yihiin dhamaadka bisha November oo hadda lagu guddo jiro dhameystirida dhamaan shaqada ka socota Garowe International Airport,Isagoona u mahadceliyay cid kasta oo gacan ka geysatey habsami u socodka hawlaha Garoonka. Muuqaalka hoose oo noqonaya warbixintii 3aad oo muuqaal ah oo ay Warbaahinta PUNTLAND POST kasoo tabinayso dhismaha ka socda Garoonka Diyaaradaha Garoowe waxaa diyaariyay Wariye Abshir Dhiirane. Haddaba DAAWO Wacan. Ciid Qaran PUNTLAND POST The post DAAWO:- Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Garowe oo maraya Gabo-gabo. appeared first on Puntland Post.
  3. Madaxwayne Ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camay ayaa caawa oo ay taariikhdu Tahay 05 Nov 2017 waxa uu Xaflad Sagootin ah ugu sameeyey qasmiga Madaxtooyada Garoowe Ku-xigeenkii madaxa hay’adda UNDP Soomaaliya Mr. David Akobayan Munaasibaddan casho sharafta ah ayaa ujeedkeedu Waxaa uu ahaa Sagootin uu Madaxweye Kuxigeenku u sameeyey Mr.David Akobayan oo muddo xiliyeedkii shaqadiisu soo gebogebawdey, islamarkaana loobedelay dalka Suuriya halkaasi oo noqondoonta fadhigiisa cusub. Madaxwayne Ku-xigeenka dawladda Puntland ayaa waxaa kuwehelinayay Munaasabadda Masuuliyiin ka tirsan Golayaasha Dawladada Puntland, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, waxaa sidoo kale qayb ka ahaa sagootinta Mr. David Madaxda iyo shaqaalaha hay’adda UNDP ee fadhigeedu yahay Magaala Madaxda dawladda Puntalnd ee Garoowe. Dhinaca kale Madaxwayne Ku-xigeenka oo munaasibaddaasi casha sharafta ah hadalo kooban kajeediyay ayaa sheegay in Mr. David uu wax badan kaqabtay hawlaha xafiiska UNDP muddadii uu ka ahaa Ku-xigeenka madaxa Xafiiska Soomaaliya, waxaana uu Madaxwayne Ku-xigeenku uga mahadnaqay Mr. David shaqadii wanaagsanayd ee uu ka qabtay mudadii uu kashaqaynayay Puntland. Sidoo kale Madaxwayne Camey ayaa ku amaanay Mr. David in uu yahay shaqsi ku suntan shaqo Wanaag daacadnimo karti iyo aqoon, isla markaana uu masuuliyad gaar ah iska saaray sidii uu u dardargelin lahaa una meel marinlahaa hawlihiisa shaqo ee ku aadanaa Fulinta Mashaariicda horumarineed ee hay’adda UNDP ka fulinayso Dawladda Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya. Ku-xigeenka Madaxa hay’adda UNDP Somaliaya Mr. David ayaa kamahad celiyay Wada shaqayntii Wanaagsanayd ee uu lalahaa hay’addaha Dawladda Puntland iyo Madaxdoodaba, kuwaasi oo uu tilmaamay in ay ka dhexeysay Wada-shaqayn wanaagsan iyo hufnaan Ugu danbayn, Madaxwayne Ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camay ayaa kuxigeenka maxadii hore ee xafiiska UNDP Soomaaliya Mr. David gudoonsiiyay hadiyado isugu jira Shahaado Sharaf iyo sidoo kale abaal marin ahayd hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADDA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxwayne Ku-xigeenka Puntland oo Munaasabad Sagootin Ah U Sameeyey Ku-xigeenka Madaxa UNDP Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa baahiyay Sawirada dhalinyaro dhowr ah oo la sheegay inay yihiin maleeshiyaad katirsan Alshabaab kuwaa oo lagu qabtay howlgalo ka dhacay Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose. Dhalinyarada lagu soo bandhigay Taliska Ciidamada Xoogga oo tirro ahaan dhan ilaa 15, ayaa xiliga la qabanaayay ku howlanaa falal amni darro. Saraakiisha hogaamineysay ciidamada ayaa sheegay in maleeshiyaadkan ay halis ku ahaayen amniga deegaanada uu howlgalka ka dhacay isla markaana ay faramuuqeen dadka deegaanka oo ay dhibka ku hayeen. Howlgalka lagu soo qabtay maleeshiyaadkan ayaa si gaar ah uga dhacay degaanada kala ah Daniga, Basro, Jambaluul, Buulo Barwaaqo iyo Beerta Shariif Cabdi Naasir.
  5. African Union Mission in Somalia (AMISOM) on Saturday said it would start a series of troop movements in various forward operation bases (FOB) to pave the way for the transitioning of security responsibilities to the Somali National Security Forces. The Mission highlighted that it is undertaking the troop movements aimed at re-aligning contingent compositions in FOBs across the country. African Union envoy for Somalia, Francisco Caetano Madeira said over the coming weeks, troop movements will continue, without disrupting the provision of the existing security services, to ensure the safety of the people of Somalia, who remain at the core of AMISOM’s operational consideration. “The realignment of our troops in forward operating bases across the Sectors including the movement of Ethiopian military contingents who are currently seen crossing the border from and into Somalia, represents calculated activities, in readiness for the transitioning of security responsibilities to the Somali National Security Forces,” Madeira said in a statement. He commended Somali security forces for their determination and focus in completing all training and ensuring readiness to assume security responsibilities over territories secured by AMISOM. The AU sentiment comes amid the leaders of the federal government and state administrations jointly penned counteroffensive strategy. In an ongoing security conference in Mogadishu, the leaders agreed to prop up the fight against Alshabaab militants who stepped up their suicide attacks against the civilians and the government installations. AU Mission is now in its tenth year in the country to battle the Al-Qaeda affiliate militants and protect Internationally recognised Somali government.
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Federaalka ah ee Somalia iyo Hogaamiyayaasha maamul goboleedyadda ayaa si toto dheer uga wadahadlay doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo deegaanada maamulka Somaliland. Madaxda Qaranka iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa si wada jira usoo dhaweeyay ololaha doorashadda maamulka Somaliland, waxa ayna tibaaxeen inay dusha kala socon doonaan hanaanka doorasho. Waxa ay madaxda iyo Hogaamiyayaasha sheegen inay soo dhaweynayso doorashadda oo ah mid muhiim ah, islamarkaana ay ku baaqayaan in la ilaaliyo Ammaanka iyo dimuquraadiyada. Waxa ay tilmaameen inay ahmiyad gaara leedahay in xiligaan ay doorasho qabsadaan maamulka Somaliland, waxa ayna dowladu carab dhabtay inay la socoto qaababka ay u socdaan ololaha doorasho. Nuqul kamid ah hadalka madaxda iyo hogaamiyayaasha ayaa aha ”waxaan bogaadinaynaa doorashada maamulka Somaliland, taasi oo si wanaagsan u socota, waxaana rajeynaynaa in ay si nabadgalyo ah ay kusoo dhamaato” Geesta kale, magaalooyinka hoostaga maamulka ayaa waxaa ka socda ololihii ugu danbeeyay waxaana sidoo kale halkaa ku qulqulaaya guddiyo heer caalami ah oo qeyb ka noqon doona indha indheeyayaasha doorashada.
  7. Muqdisho (PP) ─ Warbixin lagu soo daabacay Wargeyska Daily Sahab ee kasoo Turkiga, ayaa looga hadlay furitaanka saldhigga cusub ee Turkiga ka hir-geliyay Muqdisho, muhiimadda uu leeyahay iyo Ujeedadiisa. Qoraalkan ayaa lagu sheegay in saldhiggan loo adeegsanayo akadeemiyad ciidan, iyadoo ay 200-askari oo Turkish ah ay u joogaan sidii ay Ciidamada Somalia u tababari lahaayeen. Sidoo kale, Wargeyska wuxuu warbixintiisa ku sheegay in Turkigu walaac ka qabtay Somalia tan iyo dagaalkii 1988-kii ka qarxay Somalia iyo fara-gelintii Maraykanka ee horraantii sagaashameeyadii. Wargeyska wuxuu fara-gelintii Maraykanka ee Somalia ku tilmaamaya mid uu ku doonayo in kooxaha xagjirka ah ay qabsadaan talada Somalia oo ku taalla mid ka mid ah goobaha ugu hawlaha badan Afrika. Qormada wargeyska ayaa lagu xusay in ciidamadii Mareykanka ee Somalia tagay 1992-kii ay ku guuleysan waayeen inay dalkaas ka dhigaan mid degen illaa ay sannadkii 1994-kii ay isaga baxeen Soomaaliya. Wargeysku wuxuu kaloo soo hadal-qaaday hawlgalkii ciidan ee Mareykanku ka wado Somalia iyo dib-u-furista safaaraddii Maraykanka ee Somaila 2014-kii, isagoo xusay inay taasi qayb ka tahay taageerada Mareykanka eek a dhanka ah Al-shabaab. Dhanka kale, Wargeysku wuxuu faahfaahin ka bixiyey qorshaha Turkiga ee Somalia, isagoo xusay inay doonayaan inay isku tijaabiyaan inay Somalia ka sameeyaan hawlgal lagu xaqiijinayo amniga iyo inay Turkiga yihiin isbahaysi Maraykan. Jariidadda Daily Sabah ayaa qoraalkiisa ku muujiyay in Xukuumadda Ankara ay ka caawinayso Somalia sidii loo dhisi lahaa Ciiddan Qaran oo awoodi u leh la-daagaalka Al-shabaab iyo hanashada Amniga guud ee Soomaaiya. Ugu dambeyn, Wargeyska wuxuu iftiimiyay inay Turkigu ka shaqeynayaan Geeska Afrika, iyagoo kaashanaya Maraykanka iyo isbshaysiga NATO, lagana feejigan yahay damaca Iiraan ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Dowladda Turkiga oo Sharaxay Qorshaha uu ka leeyahay Saldhigga Millateri ee Somalia appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaa ku furan cadaadis xooggan oo la doonayo in lagu dumiyo, ayada oo dhisan kaliya wax ka yar sideed bilood. Dagaallka lagu hayo dowladda ayaa wejiyo badan, hase yeeshee waxa ay ka midaysan yihiin in dowladda la rido, Soomaaliyana dib loogu celiyo hadda iyo dowlad dhisid cusub iyo waqti lumis. Shantan koox ayaa kala: Kooxdii Imaaraadku: Kooxdan waa kooxda ay dowladda Imaaraadka Carabta maalgelisay ee ku shirtay Abu Dhabi ee qandaraaska soo qaatay, waxaa hoggaamiya Cumar Cabdirashiid, hase yeeshee ma ahan nin warbaahinta ka hadla inta badan, wuxuuna weli dhowranayaa magaciisa, isaga oo raja ka qab in mar kale dalka xukunkiisa uu qabto, sidaas darteeda, waxay kooxda afhayeen ka dhigteen Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo maalin walba hoteelada Muqdisho iyo baraha bulshada ka mucaarada madaxweynaha. Cabdiraxmaan Cabdishakuur waa Cayr Habar-gidir Haraadigii Damuljadiid: Kooxda labaad ee dowladda ku kacsan waa haraadigii Damuljadiid oo kala furfurtay, waxay iska soo hormariyeen Mahad Salaad iyo Cabdiraxmaan Odowaa. Kooxdan waxaa weli ciil ka hayaa in loolanka dalka looga adkaaday, waxaana ka go’an in dowladda la rido wixii ay doontaba ha qaadato. Maalmihii hore waxaa u hadli jiray kaliya Mahad Salaad, hase yeeshee markii Soomaalidu nacday, waxaa hadda kusoo biiray Cabdiraxmaan Odawaa. Mahad Salaad waa Cayr Habar-gidir, Odawaa, waa Saleebaan Habar-gidir. Kooxda Daljir: Kooxda saddexaad ee doonaya inay madaxweynaha ridaan waa kooxda Daljir ee shacabku u yaqaanno Dibjir, waxay iska soo hormariyeen Axmed Macallin Fiqi iyo Abshir Bukhaari. Labada nin midka hore waa xildhibaan kan dambena waa senator. Lama yaqana waxay kula dagaalayaan madaxweyne Farmaajo, hase yeeshee waxaa loo badinayaa inay tahay qabyaalad ayaga oo diidan nin Daarood inuu dalka madaxweyne ka ahaado. Fiqi waa Sacad Habar-gidir, Abshir-na waa Saleeban Habar-gidir. Kooxda maamul-goboleedyada: Kooxdan sidoo kale waxaa maal-geliya Imaaraadka Carabta, waxayna dowladda kula dagaaleen go’aankii xiisadda Khaliijka. Imaaraadka ayaa lacag ku siiyey inay dowladda ridaan lana soo dhiso dowlad ku mowqiof ah Imaaraadka iyo Sacuudiga. waxay isticmaalayaan Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo ay ka dhigteen seyruuq ay dowladda ku soo ridaan. Xaaf waa Sacad Habar-gidir. Beesha caalamka: Kooxda shanaan waa beesha caalamka, oo ka careysan inay waayeen wixii ay uga barteen Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif, uuna hoggaanka dalka hayo nin Soomaalinimo ay ka go’an tahay. Waxay isticmaalayaan dhammaan inta kor ku xusan iyo kuwo kale oo qaswadeyaal ah oo qarsoon, si ay ugu soo daba-gabbadaan iyagoo doonaya inay daciifiyaan dowladda, kuna qasbaan inay iyaga isu dhiibto, oo u hoos fariisato masiirkii ummadda Soomaaliyeed. Kooxda koowaad, kooxda labaad iyo kooxda afraad waxay qabaan in Madaxweynaha lagu qaado impeachment. Kooxda saddexaad waxay qabaan in Ra’iisal Wasaaraha la beddelo si ay jagadiisa ugu fariistaan. Kooxda shanaad waa in status quo-ga lagu sii jiro mar haddii ay Soomaaliya u tahay mashruuc. Si kasta ha noqotee, su’aasha is weydiinta mudan waxay tahay, maxay madaxda dowladdu u quweyn la’yihiin aqoonyahannadii Beesha Habargidir ee sida buuxda ugu heellanaa inuu hirgalo mabda’a iyo qorshaha Dowladda Dhexe oo salkiisu yahay Nabad iyo Nolol? W/Q: Guuleed Maxamed Jaamac Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  9. Madaxweyna dawladda Puntland ahna Guddomiya madasha wada tashiga dawladdaha xubnaha ka ah DFS Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isagoo ku hadlaya afka dawladda Puntland iyo kan dawladdaha xubnaha ka ah DFS waxa uu maanta 05 Nov 2017 kahadlay xidhitaanka shirka wada tashiga DFS iyo dawladdaha xubnaha ka ah DFS kaas oo ay kasoo baxeen qodobo is af-gara heshiis. Madaxweynaha Puntland ahna Guddomiya madasha wada tashiga dawladdaha xubnaha ka ah DFS ayaa sheegay in qodobada maanta kasoo baxay shirkaasi ay yihiin qodobo ay u garteen inay ku jirto dahanaha shacabka Soomaaliyeed iyo tan qaranka Soomaaliyeedba, isla markaana ay ugu muhiim sanaayeen qodobadaasi kuwa Siyaasadda,Amniga, Dastuurka, Fadaraaliisamka iyo midaynta midnimada Soomaaliya. Madaxweynaha Puntland ayaa xaqiijiyey in qodobadaasi yihiin kuwo si dhab ah looga heshiiyey, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu tilmamaay in taasi ina siinayso fursad ay Soomaaliya hore ugu socoto, shacabkana loogu adeego, si wada hir ah, niyad sami ah, Soomaalinimo ah, wanaag uu ku jiro. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shirkaasi qaran uu ahaa mid cadaynaya inay Soomaaliya hore u soconkarto, dalka iyo dadkana loo adeegayo, iyadoo laga fogaanayo wax kasta oo wax u dhimaya mid nimadeena iyo wada jirkeena, waxaa uu Madaxweynuhu xaqiijiyey in Madaxda qaranka Soomaaliyeed ku heshiiyeen wada shaqayn iyo is kaashi. Dhinaca kale Madaxweyne Gaas oo ku hadlaya afka dawladda Puntland iyo kan dawladdaha xubnaha ka ah DFS ayaa sheegay haddi la sameeyo oo lacaadaystoo wixi hore loo samaynjirey in maxsuulkeedii la helayo haddiise dhexda loo xidho xoraynta dalka waxaa soo baxaya natiijo wanaagsan iyadoon AMISOM iyo cid kale toona laga sugayn inay xoreeyaan dalkeena hooyo ee Soomaaliya. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku booriyey Madaxda qaranka Soomaaliyeed in aan la dayicin wakhti Soomaaliya u baahan tahay inay kaga gudubto xaaladda ay maanta ku jiro,isla mar’ahaantaana laga fekero jiilka bedelidoona Madaxda qaranka wakhtigooda la dayacayo ee ay u baahan yihiin inay iyana dhankooda dalka hogaamiyaan, talo iyo go’aamoba ku yeeshaan masiirka Soomaaliya lagu gaadhsiinayo meel uu mudan yahay. Wadatashi dheer kadib waxay dhinacyadu ku heshiiyeen:- Siyaasadda In lagu wada shaqeeyo jawi ku dhisan Kalsooni, Midnimo, Dulqaad, Isu-tanaasul, Wadatashi iyo Mas’uuliyad wadareed. In la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqaynta Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir, layskuna ixtiraamo Mas’uuliyadaha Dastuuriga ah ee la kala leeyahay iyo kuwa Wadaaga ah. In la ilaaliyo Xasiloonida Siyaasadeed ee Dalka iyo wadajirka si loola dagaalamo Argagixisida. In laga fogaado, lana joojiyo waxkasta oo keeni kara shaki iyo xasaasiyad Siyaasadeed, Saamayna ku yeelan kara deganaanshaha, wadashaqaynta iyo Iskaashiga Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir. Amniga La-dagaalanka Argagixisada In la-adkeeyo amniga dalka meelna looga soo wada jeesto xoraynta Dalka iyo la dagaalanka Argagixisada. In lala yimaado qorshe dhamaystiran oo wadajir ah oo lagula dagaalamayo argagixisada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed labadaba, lana xoojiyo ciidamada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadir, tababar ahaan iyo qalab ahaanba. iii. Iyadoo laga faa’iidaysanaayo Shirkii Wadatashiga Dowladda Federaalka, Dowladadaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir ayaa waxaa la qabtay kulankii 3-aad ee Amniga Qaranka 02/11/2017 waxaana Goluhu isku raacay in guluf colaadeed oo midaysan lagu qaado Argagixisada. Waxaa Goluhu u ballamay in 03/12/2017 laysugu yimaado kulan kale Magaalada Muqdisho. Dhismaha Ciidan Qaran In la dardargeliyo hirgelinta Qorshaha Amniga Qaranka, isla markaana dib loo eego lana adkeeyo meelaha gaabisku ka jiro heshiisyadii hore ee (Security Architecture). In la dardargeliyo dhismaha Ciidan Qaran oo isku dhaf ah, ka madaxbanaan siyaasad, sumad qabiil, lehna caqiido iyo mabda’a wadaninimo, agab iyo tababar waafi ah. iii. Waxaa Golaha Amniga Qaranku isku raacay in dib-u-qaabaynta qaybaha XDS (Re-sectorization) la dhamaystiro muddo bil gudeaheeda, ayada oo la fulinayo amarka Wasaaradda Gaashaandhiga, lana tix-raacayo heshiiskii 16kii, April,2017 ee qaab dhismeedka Amniga Qaranka. Waxaa laysku raacay in Guddiga Farsamada ee Golaha Amniga Qaranku layimaado qorshe cad oo ku aadan qaybinta Ciidanka Booliiska iyo Ciidamada Ilaalinta Xeebaha shirka Disembar,2017. Arrimaha Federaalka In la sameeyo Guddi Farsamo iyo Khuburo heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir oo kala shaqeeya Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta, Wasaaradda Dastuurka iyo Hay’adaha kale ee ay arrintani qusayso, si ay uga soo talo bixiyaan hirgelinta iyo ku dhaqanka nidaamka Federaalka ah, kala qeexidda iyo qaybsiga awoodaha Federaalka iyo khayraadka, si heshiis guud iyo Isfaham Siyaasadeed (Political Consensus) oo dhamaystiran looga gaaro arrimaha Federaalka muddo (6) Lix Bilood gudohood ah. In Golaha Baarlamaanka, Aqalka Sare kaalin muhiim ah ku yeesho Hirgelinta Federaalka, Hindise-Sharciyeedyada Cusubi waxay ka bilaaban karaan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalkaba, waana inay labaduba Ansixiyaan Hindise-sharciyeedyada ka hor inta aan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalku Saxiixin. In Hindise-sharciyeedyada lagala tashado Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Gobolka Banaadir iyo Guddiyadooda Farsamo ee Golaha, ka hor inta aan la hor keenin Golayaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadda Federaalka si aysan caqabad ugu imaan dhaqan gelintooda. In la kordhiyo xarumaha Federaalka ee Dowladaha Xubnaha ka ah lana dhaadhiciyo adeegyada muhimka ah sida Baasaboorrada iyo Tasdiiqa Shahaadada. In la dedejiyo dhismayaasha goleyaasha deegaanka, lana kordhiyo aqoontooda iyo tayadooda, si bulshadu talo iyo cod ugu yeelato adeegyada asaasiga u ah noloshooda. Arrimaha Doorashooyinka 2020 In si wadajir ah looga shaqeeyo talana looga yeesho sidii dalka doorasho hal cod iyo hal qof ah uga dhici lahayd, lana abuuro jawi arrintaas suurta-geliya. In Guddiga Doorashooyinka Qaranku (NIEC) ku sameeyo wadatashiyo loo dhan yahay (90) Sagaashin Cisho Gudohood si heshiis siyaasadeed looga gaaro caqabadaha hor taagan doorashooyinka. In gacan buuxda la siiyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka (NIEC), lana raadiyo dhaqaale lagu fuliyo doorashada 2020, iyada oo la isku tashanayo, Beesha Caalamkana la kaashanayo. Waxaan ku Bogaadinaynaa Maamulka Somaliland Habsami u socodka ololaha Doorashada oo ay ka muuqato Xasilooni Siyaasadeed, waxaana rajaynaynaa in ay si nabad gelyo ah ku dhamaato. Dib-u-eegista Dastuurka A. In Dowladdu maalgeliso dib-u-eegista Dastuurka si loo hubiyo lahaanshaha geeddi socodka Dastuurka, laguna daro Miisaniyadda 2018. B. Waxaa lagu heshiiyay in Baarlamaanada Dowlad Goboleedyadu kaalin ku yeeshaan dhamaystirka Dib-u-eegista Dastuurka, ka hor inta aan la hor keenin Goloyaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadda Federaalka, si loo hubiyo kalsooni Shacab iyo wadatashi buuxa. C. In la xoojiyo Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka tiro ahaan iyo tayo ahaanba. D. In laga shaqeeyo iswaafajinta Dastuurka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah. E. In la dedejiyo Golaha Adeega Garsoorka Federaalka, lagana yeesho wadatashi loo dhan yahay. Arrimaha Mashaariicda Horumarineed iyo Gargaarka Bani’aadanimada Waa in Mashaariicda Horumarineed, Gargaarka Bani’aadanimo iyo Deeqaha Maaliyadeed loo gaarsiiyo dhamaan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaal iyo Gobolka Banaadir si isu miisaaman, loona saaro Guddi Farsamo labada dhinac ah oo kasoo talo bixiya. Waa in Hay’adaha Caalamiga ah iyo UN-ku ka hawl galaan, xarumana ku yeeshaan deegaan kasta oo suurtagal ah, si adeegga loogu dhoweeya bulshada. In la dar-dargeliyo Gurmadka Bani’aadanimo goobaha ay weli Abaaruhu ku dameeyaan, lana helo xal waara oo arrimahan looga hor tago (Resilience Strategy). =DHAMMAD= XAFIISKA, WARFAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Shirkii Wada Tashiga Madaxda Qaranka oo Soo Gebogeboobey iyo Madaxweynaha Puntland oo Ka Hadlay. appeared first on Puntland Post.
  10. Washington (PP) ─ Madaxwaynihii hore ee Mareykankan, George Bush oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa shaaca ka qaaday inuu u codeeyay musharaxii xisbiga Dimuqraadiga, Hillary Clinton doorashada madaxnimo ee Mareykanka ka dhacay sannadkii hore. Wiilkiisa George W Bush ayaa dhankiisa sheegay inuu ka walaacsan yahay in uu noqon doono madaxweynihii ugu dambeeyay ee ka socda Jamhuuriga, inkastoo uu Trump isaguba ka socday xisbiga Jamhuuriga. “Ninkan [Trump] ma yaqaanno waxay ka dhigan tahay inaad Madaxwayne noqoto,” ayuu yiri George W Bush. Wuxuuna hadalkan ku sheegay Buug cusub oo cinwaankiisu yahay Jamhuuriyiintii ugu dambeeyay. Sidoo kale, Qaybo hordhac ah oo Buuggaan ku sabsan ayaa waxaa daabacay Qaar ka mid Warbaahinta dalka Mareykanka, kaasoo shacab badan oo dalka Marekanka u dhashay ay akhriyeen. “Ma jecli – wax badanna kama aqaan, balse waxaan ogahay inuu yahay nin isla-weyn, kumana faraxsani inuu noqdo hoggaamiye,” ayuu hadalkiisa daba dhigay George Bush, oo madaxwayne ka ahaa Mareykanka intii u dhaxaysay 1989-kii iyo 1993-kii. Dhanka kale, Xilligii lagu jiray ololihii doorashadii Madaxnimo ee Mareykanka sannadkii 2016-kii ayaanay George Bush iyo wiilkiisa George W Bush midna uusan taageerin Donald Trump. Laakiinse, buugan cusub sida lagu qoray, George Bush ayaa xaqiijiyay inuu u codeeyay Hillary Clinton oo ahayd musharraxad si fudud uu kaga guuleystay madaxweynaha Mareykanka ee haatan xilka haya Trump. Ugu dambeyn, George W Bush, ayaa isagu sheegay in warqaddii codeynta Madaxwaynanimada Mareykanka aanu waxba ku qorin, taasoo ka dhigan in aysan jirin cid uu codkiisa siiyay. PUNTLAND POST The post Madaxweynihii Jamhuuriga ahaa ee Mareykanka oo sheegay inuu u u codeeyay Hillary Clinton appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (PP) ─ Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia ayaa maanta ka dooday ajande cusub oo lagu soo daray xeer-hoosaadkooda, kaasoo ahaa inay ansixiyaan miisaaniyad-sanadeedka Dowladda Federaalka Somalia. Kulan xildhibaanada Aqalka Sare ay maanta ku yeesheen xaruntooda ayaa waxaa ka qayb-galay sodomeeyo senator, waxaana shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Abshir Bukhaari. Dood dheer kaddib ayay xildhibaanada isku raaceen in Aqalka Sare uu qayb ka ahaa Ansixinta Miisaaniyadda Dowladda Somalia oo horay ku koobnayd Aqalka Hoose ee Baarlanaanka. Xeer-hoosaadka Aqalka Sare ayaa wixii hadda dambeeya waxaa qayb ka noqon doonta Ansixinta Miisaaniyadda, iyadoo miisaaniyada sannadka soo socda ee 2018-ka ay qayb ka noqon doonaan dooddiisa iyo ansixintiisa. Sidoo kale, Aqalka Sare ayaa qayb ka noqon doona Ansixintii Miisaaniyadda sanadkan 2017-ka, iyadoo Aqalkan oo ah mid ku cusub saaxada siyaasadda ay howlihiisa ahayd mid iska kooban, balse haatan u muuqda mid hawshiisa ballaarinaya. Dhanka kale, Dastuurka ayaa qodobo badan awood siinayn Aqalka Sare, sida kalsooni kala noqoshada xukuumadda iyo kalsooni siinteeda, inkastoo ay jiraan sharciyo badan oo la’aantiisa aan wax go’aan ah laga gaari karin. Ugu dambeyn, Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa ah gole awoodo badan ku leh dalka, marka loo eego Aqalka Sare oo awooddihiisa Dastuuriga ahi ay yihiin kuwo xaddidan, gaar ahaan arrimaha la-xisaabtanka Xukuumadda. PUNTLAND POST The post Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo Ansixiyay Qodob u Ogolaanaya inuu Qayb ka noqdo… appeared first on Puntland Post.
  12. Waxaa Goordhow Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya lagu soo gaba gabeeyay shirkii u dhaxeeyay madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowlada Dhexe ee dalka. Shirkaan oo Muddo 10 Cisho ah ku dhowaad ka socday magaalada Muqdisho ayaa ugu dambeeyntii laga soo saaray War Murtiyeed ay madaxdu ku heshiiyeen. Hoos ka Aqriso War Murtiyeedka shirka ka soo baxay. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post WAR MURTIYEED: Shirkii Madaxda Dowlada iyo kuwa Maamul Goboleedyada oo la soo Gaba gabeeyay appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida aad wararkeenii hore ku akhrisateen waxaa soo dhamaaday kulankii Magaalada Muqdisho uga socday madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe kaasoo socday muddo 8 maalin ah. Kulankaan ayaa ugu dambeyn maanta la isku afgartay qodobadii la isku fahmi la’aa muddadii uu socday Kulankaas. Goor dhow ayaa waxaa soo dhammaatay munaasabadii lagu saxiixay heshiiskaas, waxaana xafladaas khudbado ka jeediyey Madaxweyne Soomaaliya, Ra’isulwasaare Kheyre, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho iyo Cabdiweli gaas oo ah Guddoomiyaha Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada. Markii ay khudbahada dhamaadeen waxaa qodobada shirkaas kasoo baxay akhriyey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Cabdi Faarax Saciid Juxa. Qodobada lagu heshiisyay ayaa waxaa ka mid ahaa Arrimaha Siyaasadda. In la isku ixtiraamo cid kasta awoodaha uu dastuurka siinayo iyo in la sameeyo xasilooni siyaasadeed, Arrimaha Amniga In dib u habeyn iyo dardar gelin lagu sameeyo Heshiiskii Amniga ee Shirkii London, in dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada si wadajir ah u qaadaan duulaan ka dhan ah Al-habaab, in la xoojiyo dhismaha Ciidamada qalabjka sida. Dastuurka in Maamul goboleedyada Baarlamanaadooda laga qeyb geliyo dib u eegista iyo dar dargelinta dastuurka, kaddibna loo soo gudbiyo Hey’addaha Federaalka iyo Guddiyada madaxa banaan ee Dastuurka. Madaxda ayaa waxay soo dhoweeyeen hanaanka ay u socoto Doorashada Somaliland ee dhaceysa 13-ka bishan November, waxaana ay u rajeeyeen in si nabadgelyo ay ku soo dhamaadaan. Wax yar kadib la soco war murtiyeedka oo dhameystiran:
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Kulan ay maanta yeesheen xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayay ku ansixiyeen qodob aan ka mid ahayn shaqooyinka loo xilsaaray. Dood la horgeeyay Aqalka sare oo ay wateen xubno kooban taasoo ku saabsaneyd inuu Aqlaka sare qeyb ka noqdo ansixinta Miisaaniyadda Dowladda ayaa cod ay u qaadeen ay ku ansaxsadeen inay wax ka ansixiyaan Miisaaniyadda sanadka 2018, iyadoo tani loo arko sal ballaarsi Aqalka sare uu sameynayo, isla markaana ku howlan howlihii kale ee Golaha shacabka. Shirka oo uu guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka koowaad Abshir Bukhaari ayaa xubnaha Aqalka sare kadib codeyntaasi waxay sheegeen inay Xeer hoosaadkooda ku darayaan inay qeyb ka yihiin ansixinta Miisaaniyadda. Arrintan ayaa salka ku heysa, iyadoo miisaaniyadii hore ee sanadkii 2017 aanay ku jirin kharash loo qoondeeyay Aqalka sare oo aan markaas dhisneyn, waxaan dib loogu daray lacag loo qoondeeyay Aqalka Sare, iyadoo dadka qaarkii ay aaminsanaayeen in mushaarka iyo kharashka Aqalka sare ay bixiyaan maamul goboleedyada soo dirsaday ee danahooda ay metelaan. Xeer Hoosaadka Aqalka sare ayaa wixii hada dambeeya qeyb ka noqon doona Ansixinta Miisaaniyadda, iyadoo miisaaniyada sanadka soo socda 2018 ay qeyb ka noqon doonaan doodiisa iyo ansixintiisa. Aqalka sare ayaa qeyb ka noqon ansixintii Miisaaniyadda sanadkan 2017, iyadoo Aqalkan oo ah mid ku cusub saaxada siyaasadda ay howlihiisa aheyd mid iska kooban, balse haatan u muuqda mid sal ballaaranaya. Dastuurka ayaa qodobo badan awood siineyn Aqalka sare, sida kalsooni kala noqoshada Xukuumadda iyo kalsooni siinteeda. Aqalka sare ayaa isu bedelay mid howlan arrimo aan ka mid ahayn howlihii loo dhisay, isagoo ku dhex jira shaqooyinkii Golaha Shacabka, waxayna tani xaaladda dowladda federaalka ka dhigi doontaa mid cakiranta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Xili siyaasiin Mooshin ka wada madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ay gaareen magaalada Baydhabo islamarkaasina uu cirka isku sii shareeray mooshinka Xildhibaanada koonfur Galbeed ay ka wadaan madaxweyne Shariif Xasan Ayaa arintaasi waxaa ka hadlay Wasaarada Amniga Maamulkaasi. Mudane Xasan Xuseen Eelaay oo ah Wasiirka Amniga maamulka koonfur Galbeed oo maanta kulan la qaatay taliyaasha ciidamada Amaanka ee maamulkaasi ayaa sheegay in ay tilaabo ka qaadi doonaan cid walba oo ka soo horjeedo danaha iyo Siyaasada maamulka Koonfur Galbeed. Waxa uu sheegay in Tilaabo ay ka qaadi doonaan cid walba oo amaanka iyo kicin dadweyne ku hoowlan ee ku sugan magaalada Baydhabo. Arintaan ayaa u muuqata in ay tahay tilaabooyin lagaga hor istaagayo mooshin ka dhan ah madaxweyne Shariif Xasan oo ka socdo magaalada Baydhabo. Hoos ka dhageeyso Wasiirka oo Arimahaasi ka hadlaya. http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/11/Cod-Wasiirka-amniga-Koonfur-Galbeed.mp3Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Maamulka Koonfur oo ku Hanjabay in ay Tilaabo ka qaadayaan Siyaasiin Mooshin ka wada Madaxweyne Shariif Xasan appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) Saxaafadda Gudaha ee Magaalada Muqdisho ayaa looga yeeray xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya kadib markii lagu heshiiyey shirkii u socday dowladda Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada. Shirka oo muddo 8 Berri ah qaatay ayaa maanta ugu dambeyn la isku afgartay in lasoo saaro warmurtiyeed iyo qodobadii lagu heshiiyey. Qodobada ugu muhiimsan ee laga heshiiyey ayaa waxaa kamid ah: 1- Arrimaha Dastuurka 2- Iskaashiga Amniga 3- Dagaalka Alshabaab 4- Qeybsiga kheyraadka 5- iyo Arrimaha siyaasadda Dhawaan la soco war murtiyeedka shirkaas kasoo baxo oo wax yar kadib soo gaari doono Xafiiska Caasimadda Online ee Magaalada Muqdisho . Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Tan iyo markii ay dhalatay dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaa si weyn uga hor imaaday Shan nin oo ku dadaalayo in la dumiyo dowladda isla markaasna dalka la geliyey foodo siyaasadeed. Shakhsiyaadka sida weyn uga hor imaaday dowladda Farmaajo waxaa kamid ah Shan nin oo kasoo jeedo Beesha Habargidir oo kala ah: 1) Xildhibaan Mahad Salaad 2) Cabdiraxmaan Cabdishakuur 3) Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi 4) Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa. 5) Xildhibaan Abshir Bukhaari Haddaba Waxaa is waydiin mudan Farmaajo ma waxaa diidan Habar-gidir mise 5 nin oo magac Habar-gidir wata? Beesha Habargidir waa beel weyn oo leh qeybaha kala duwan ee Bulsho ka kooban tahay, waxaana muuqato inaysan diidadeen dowladnimada Soomaaliya isla markaasna jirin inay beeshaas isku raacsan tahay in laga hor imaado dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Ma jirto ilaa hadda meel ay qeybaha kala duwan ee Beeshaas ku shireen ayna ku heshiiyeen inay ka hor imaadaan dowladda Farmaajo, balse sida muuqato waxaa socdo olole ay dad gaar ah wataan oo aan la ogeyn meesha uu kusoo dhammaan doono. Taasoo ay jirto, haddana waxaa magacaas ku qaraabanayo Shanta nin ee aan kor kusoo sheegnay oo leh dano gaar ah oo aan ka shaqeeneyn midda beeshooda iyo midda guud ee Soomaalida. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha maamulka Hirsahebelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay kulan casho sharaf ah kula qaatay Muqdisho xildhibaannada Aqalka Hoose iyo Aqalka sare ee Hirshabelle ku matala Dowladda Federaalka Soomaliya. Kulanka oo casho ahaa ayaa waxaa ku wehlinayay madaxweynaha ku xigeenkiisa, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Hirshabelle. Cashada kaddib ayaa waxa ay ka wada-hadleen arrimo kale duwan oo quseeya Qaranimada Soomaaliya iyo Howlaha horyaala Hirshabelle iyo Sida lagama maarmaanka ay u tahay in la iska kaashado horumarinta dowlad Goboleedkani curdunka ah. Intii kulanka uu socday ayaa waxa sidoo kale ay iska xogwareysteen Xaaladda Siyaasadda dalka, Wada shaqeynta dowladda dhexe iyo Hirshabelle, ka shaqeynta Amniga Dalka gaar ahaan deegaanada Hirshabelle, iyo in Xildhibaanada labada aqal ee laga soo doortay Hirshabelle in ay u midoobaan horumarinta iyo dhisida dowlad goboleedka si dhowna ay ula shaqeeyaan maamulkani. Kunlanka oo ahaa mid waqti badan qaatay Xildhibaanada iyo Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa waxaa aad looga dooday arrimahaasi aan soo sheegay, waxaana ay isku raaceen in muhiim ay tahay in laga wada hadlo islamarkaana laga tashto sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta Dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada dalka ka jira, si ay u sahlanaato in meel looga soo wada jeesto wax kasta oo dhaawacaya Sharafta iyo heybadda umadda Soomaaliyeed, iyo ciribtirka kooxaha isku biirsaday leynta iyo dabar goynta Umadda Soomaaliyeed. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Xildhibaanada u faah faahiyay mudada Xafiiska uu joogo waxyaabaha u qabsoomay caqabadaha jira, iyo qorshayaasha maamulka u degsan bilaha soo socda, shirarkii uu kaga soo qeyb galay Magaalada Kismaayo, kan hadda ka socda Magaalada Muqdisho, iyo safaro uu ku soo kala bixiyay Deegaanada Hirshabelle, waxaana uu ugu baaqay Xildhibaannada in doorkooda ee ah u shaqeynta bulshada ay matalaan ay qaataan. Sidoo kale, Xildhibaanada Labada Aqal ee Hirshabelle ku matala Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gaba gabadii kulanka Madaxweynaha Hirshabelle iyo ku xigeenkiisa u balanqaaday in had iyo jeer waqtigooda ugu badan ay galin doonaan sidii ay ugudan lahaayeen Waajibaadka Qaran oo ay u xil saaranyihiin, waxaana sidoo kale ay cadeeyaan inta badan in ay soo booqan doonaan Deegaanada Hirshabelle oo ay matalaan islamarkaana ay kala shaqeyn doonaan maamulka horumrinta iyo dhisida Dowlad Goboleedka, waxaana ay kaga Mahadceliyeen Madaxweynaha Warbixintaasi faah faahsan uu ula wadaagay Xildhibaanada labada aqal ee ku Abtirsada Hirshabelle. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb galaya shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ee ka socda Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Hirshabelle oo kulan la qaatay xildhibaanada DF ku Matala Hirshabelle appeared first on Puntland Post.
  19. Nairobi(Caasimada Online)-Madaxweynaha la doortay ee dalka Kenya Uhurro Kenyatta ayaa mar kale si adag uga hadlay kacdoonada ay maleegayaan mucaaradka dowladiisa oo uu ugu horeeyo Raila Odinga. Madaxweyne Kenyatta ayaa sheegay inuusan u dulqaadan doonin in Raila Odinga uu sabab u noqdo burbur ku dhaca Kenya, waxa uuna cod dheer ku sheegay inuu qaadi doono talaabo cad. Kenyatta ayaa tilmaamay in Raila Odinga uu ka guuleystay muddo laba jeer, wixii intaa ka badana uusan u dulqaadan doonin inuu ku raali galiyo doorasho Seddexaad, sida uu hadalka u dhigay. ”Waxaan diyaar u nahay inaan qaadno talaabo lid ku ah mucaaradka, waayo waxaa naga dhamaaday dulqaadka waa inaan la imaanaa talaabo cad oo dhabar jabin karta mucaaradka burburka u horseedaya dalka” Kenyatta ayaa ku goodiyay in talaabooyinka uu qaadi doono ay qeyb ka noqon doonto dacwad heer caalami ah, maadaama Raila Odinga iyo xulafadiisa ay sabab u noqdeen burburka deegaano dhowr ah iyo geerida dhalinyaro badan. ”Raila Odinga waxaan ku sifeynayaa danbiyo xasuuq waayo waxa uu horseeday inuu sabab u noqday geerida dadbadan oo shacab ah, mana u dulqaadan doono xasuuq shacab” ayuu yiri Kenyatta oo ay xiganayeen Wargeysyada Kenya. Geesta kale, Kenyatta ayaa soo dhaweeyay haddii ay jiraan dhinacyo ka madaxbanaan Mucaaradka oo dhex dhexaad u noqon kara labada dhinac. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa jirey nin geel tuug ahaa oo xirfadiisa tuuganimo ee geella ay ahayd mid aad u sareysay. Farsamooyinkiisa tuuganimo waxaa Ka mid ahaa in uu geella yaraan ku suntado. Maalin ayuu la kulmey geel irmaan ah oo meel kayn ah daaqayo. Hal dhashey oo nirig wadato ayuu nirigtii naas danbeedka midigge feex u yeellay, wixii markaa Ka danbeeyeyna dusha ayuu ka ilaashan jirey. Dhowr guyood ka dib ayuu geelli oo cabaya nirigtii ul ku dhufsadey. Baadi nimaan lahayn ayey ag joogtaa iyo war u kaadi ayaa la isdhaafsadey. Anaa leh iyo malihid Ka dibna dacwo iyo geed loo balamo ayey noqotey. Wadaad iyo guurti ayaa la wada balanshey. Dood yar Kadibna, geel tuugi ayaa yiri nirigta Ina Darmaan ah calaamad ayey ii leedahay. Tilmaamo ayey guurtidi ku jawaabtey. Dabadeedna naaski uu feexda ku ogaa ayuu sheegtey. Balse, mulkiilihi oo aan dareen qabin ayaa yiri waxaa si waa waxba kama jiraan. Hala soo eego ayaa xigtey. Calaamadi marki la xaqiijiyeyna waxaa loo xukumey Tuuggii. Tuugi ayaa mudo Ka dib gaboobey. Waxaa uu la dardaarmey sadex wiil oo uu dhaley. Waxa uu uga sheekeeyey xoolaha uu haysto tabti uu ku tabcay. Wuxuuna ku adkeeyey xaaraan baa xun in aysan cidna Ka dhageysan ee wixii dagan aysan u deymo la aan. Dardaarankii Ka dibna waa uu go-ay (Geeriyooday) Maydkii oo karfantiisi ku jiro iyo Ratigii oo Kabadiisi saarantahay ayaa looga tagey, qabriga oo Degmada ka yara fogna lagula balamey. Owrkii markii maydkii la saarey ayuu buubey. Wixii ay cayrsadaanba waa ay soo qaban waayeen. Talo ayaa ragii ku cadaatey, waxayna goosteen in ay xal la yimaadaan. Qabrigii iyo Mayd la’aan isma qabaneysee waala tashadey. Iyada oo la is horfadhiya ayaana la kala showrey. Sadexdooda mid ayaa bah gooni ahaa. Labadi isku bahda ahayd ayaa isu qabatey oo dhagta dhiiga udartey. Inta ay soo dhaqeen, karfanna dhag ku siiyeen ayey owr kale ku soo hogaansadeen. Qabrigii marki ay yimaadeen maydkiina qilbadda loo jeediyey, ayaa waxaa soo fadhiistey owrkii maydka odeyga wadey oo ay Maantadii hore ka quusteen. Hadii la feydeyba waa odeygii ay qabriga u qodeen. Su’aal kadibna waxa ay u sheegeen sida ay wax u jiraan. In ay walaalkood dilleen si ay aabahood ugu ceeb qarshaan. Ka dibna iyagii ayaa loo showrey. Beeshii waxa ay go’aamisey in la isla duugo. Owrka maydka la buubey ee gadaal ka keenay waxaa uu kasoo jeedaa firkii Ina Darmaan. Biyo dhaca Sheekadaan waa in wax xaaraan ah aysan laheyn aayo iyo mustaqbal aad u weyn, Xildhibaanada kasoo horjeedo dowladda iyo raadraaca qaabka ay ku imaadeen: Dowladda cusub ee Soomaaliya u dhalatay ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cadaadis aad u weyn kala kulmeyso dhawr xildhibaan oo markii horeaba si xaaraan ah ugu soo baxay booskaas oo lamid ah Farkii ina Darmaan. Halkaan hoose ka akhriso Xildhibaanada kaso horjeedo dowladda Farmaajo iyo sida ay usoo baxeyn, iyo weliba Siyaasiyiin kale oo iyagana falal lagu hayo: 1) Mahad salaad: Xildhibaan Mahad Salaad, wuxuu Xildhibaanimada Soomaaliya ku helay baad iyo musuq maasuq marnaba loogama fadhiyo in natiijo fiican laga helo xildhibaanimada Mahad Salaad, Sababtoo ah Hal booli ahi Nirig xalaal ah ma dhasho. 2) Abshir Bukhaari: Booska Xildhibaanimo ee Abshir Bukhaari wuxuu ahaa booskii ugu musuq maasuqa badnaa, wuxuuna Abshir booskaas ku bixiyey kuna helay lacag gaareyso Hal Malyan oo Dollar, waana sababta keentay inuu Abshir Bukhaari ka ganacsado booskaas. 3) Axmed Macalin Fiqi: Wuxuu booska Xildhibaanimada ku helay Musuq maasuq aad u weyn, isagoo ergo been abuur ah oo loo sameeyey ay doorteen 28 November 2016 weliba xilli aysan meesha joogin dadkii la tartamayey. 4) Xasan Macalin: Isna wuxuu kamid ahaa Xildhibaanada sida musuq maasuqa lagu soo doortay, isna loogama fadhiyo inuu ka shaqeeyo danta Soomaalida, maadaama uu markii horeba lacag ku imaaday ujeedkiisana ay tahay sidii uu lacag ku tabcan lahaa. 5) Saabir Nuur Shuuriye: Xildhibaan Saabir Nuur, wuxuu kamid ahaa Xildhibaanadii booskooda iibsaday isla markaasna doorashada la keenay ergo lasoo musuq maasuqay, waxaana xusid mudan in dadkii la tartamayey loo sheegtay awood dowladeed iyo mid lacageed!. 6) Cabdiraxmaan Odawa: Waa Aabaha Musuq maasuqii dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud, gaar ahaan waqtigii la dooranayey Xildhibaanada dowladda hadda ku matalo Maamul Goboleedyada, waxaana si gaar ah in la xuso mudan inuu ahaa ninkii sida musuq maasuqa ah kusoo saaray Mahad Salaad, Axmed Macalin Fiqi, Saabir, Xasan Macalin iyo Xildhibaano badan oo kamid ah kuwa Maamul Goboleedyada, marka nin dad kale musuq maasuq uga dhigay Xildhibaan maahan inaad is waydiiso sababta uu isaga Xildhibaan u noqday, aan kuugu sii daro Hashii ina Odawaa natiijadeeda horeba waa laga tusay sababtoo ah Xildhibaanadi uu isaga lacagta ka dhiibay ayaa Xasan Sheekh meesha ka saaray, waxaana macquul ah in Hasha Ina Odawaa ay la duusho meydkiisa! Sidoo kale waxaa xildhibaanadaas hormuud u ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qandaraas ka heysto dowldda Imaaraadka Carabta, waxaana isna kaaga filan inuu yahay ninkii iibsaday Badda Soomaaliya!!!. Caasimada Online Xafiiska Washington Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Federaalka ay il gaara ku eegeyso Heshiisyada ay kala saxiixdaan maamul Goboleedyada ka jira dalka. Kheyre ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga dhabeeyo Heshiis waliba oo dhexmara dowlada Dhexe iyo maamul Goboleedyada si aanu u dhicin ka weecasho lagu sameeyo Heshiisyada. Waxa uu tibaaxay Kheyre inaan loo dulqaadan doonin in laga weecdo heshiis ay dowlada la gasho maamulada waxa uuna carab dhabay in fashilada ugu badan ee heystay dowladihii hore ay qeyb ka tahay ka weecashada Heshiisyada dhacay. ”Waxaan ballanqaadayaa ka dhabeynta Heshiisyada dhaca, ma dhici doonto inaan galno Heshiis aan laga dhabeyn” ”Maamulada loogama aamusi doono Heshiisyada ay la galaan dowlada Dhexe, cidii ka baxdaa Heshiiska waa mid iyada khuseysa oo aan kula xisaabtami doono, waayo waxaa naga go’an sameynta nidaam kala danbeyn leh” Waxa uu farta ku goday in maamulada ay horay uga baxeen Heshiisyo dhowr ah oo ay la galeen dowladihii ka horeeyay, balse tani ay caqabad ku noqon doonto maamulada, waa haddii ay ka baxaan. Sidoo kale, Kheyre ayaa dadka shacabka ah ugu baaqay inay ka hor imaadan haddii ay arkaan talaabooyin wax u dhibikara Qaranimadooda, maadaama ay Somalia ka daashay burbur iyo sharci darro. Haddalka Kheyre ayaa kusoo beegmaaya xili uu jiro kala aragti duwanaanshi u dhexeysa dowlada Federaalka iyo maamul Goboleedyada ka jira dalka oo heshiis hordhac ah kala saxiixday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Kulan Wadatashi ah oo looga hadlayay iskaashiga, mideynta iyo horumarinta warbaahinta dalka, ayaa Madaxda Wasaaradaha Warfaafinta ee Dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bahda Warbaahinta ah wuxuu uga furmay 31kii Oktoober 2017 Hoteelka Jaziira ee magalada Muqdisho. Kullanka, ayaa socday muddo shan maalmood ah 31dii Oktoober ilaa 04tii November, 2017. Shirkan, waxaa si habsami leh u furay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow). Sidoo kale Waxaa ka soo qaybgalay Wasiiru Dowlaha Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dhaqanka ee Puntland Mudane Abdifatah Nur Ashkir, Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta & Tiknolojiyada Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Cabdinur Cali Adan, Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta Bulshada ee Koofur-Galbeed Mudane Xasan Cabdi Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Hannuuninta, Dhaqanka & Dalxiiska ee GalMudug Maxamuud Aadan Cusmaan (Masagawaa), Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska HirShabelle, Mahad Xassan Cusmaan, Agaasimaha Warbaahinta G/Banaadir Abdifatah Arizona, Guddiga Saxaafada iyo Isgaarsiinta Golaha Shacabka Soomaaliya, iyo Guddoomiyaha Guddiga Saxaafada Aqalka Sare Senator Muna Hassan. Waxaa kaloo shirka ka qeybgalay Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Mudane, Dr.Axmed Cali Daahir , iyo Bahda Warbaahinta qeybaheeda kala duwan, sida NUSOJ, SWJ, SOMA, SIMHA, iyo kuwa kale. Kulanka 5ta cisho socday, ayaa looga dooday qodobada ay ka mid yihiin: 1- Xoojinta Iskaashiga Qaybaha Kala Duwan Ee warbaahinta dalka kadib Masiibadi 14 iyo 28ka Oktoobar, 2- Mideynta Hawlaha Iyo Fariimaha Warbaahinta Dowliga ah ee Soomaaliya. 3- Dib u eegista Xeerka Saxaafadda, iyadoo Guddiga Golaha Shacabka warbixin laga dheagaystay. 4- Doodda Wadatashiga xasilinta dalka ee Doorka dowladaha bulshada, saxaafadda gaarka loo leeyahay. 5- Istaraatiijiyadda Wacyigalinta iyo Istaraatiijiyadda Horumarinta Warbaahinta Dalka Waxaa lagu heshiiyay qoddobadan soo socda: 1- Ka qeybgalayaashu, waxay u mahad celiyeen Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka iyo Wasaaradaha Warfaafinta Dawladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, sida wanaagsan ee ay u soo abaabushay shirkan muhiimka ah. 2- Ka qeybgalayaashu, waxay soo dhoweeyeen una mahadceliyeen madaxda iyo suxuufiyiinta warbaahinta ee doorkooda ku aadan wadatashiga iyo soo gudbinta fikradahooda la xiriira qodobada looga dooday shirka. Sidoo kale waxaa lagu ammaanay warbaahinta doorkii ay ka qaateen gurmadka dadkii waxyeeladu ka soo gaartay Masiibadii Qaran ee 14kii iyo 28kii Oktoober 2017 kuna dhiirigeliyey inay joogteeyaan. 3- Ka qeybgalayaashu, waxay isla qiimeeyeen baaxadda ay Lahayd musiibadii 14 iyo 28kii Oktoober iyo 28kii Oktoober ka dhacday magaalada Muqdisho iyo sidii gacan looga gaysan lahaa sii wadidda taakuleynta dadkii dhibaatadu saamaysay loogana midoobi lahaa masiibooyinka qaranka. 4-Ka qeybgalayaashu, waxay soo jeediyeen Wasaaradda Warfaafinta Federaalka iyo Wasaaradaha Warfaafinta Dawladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, in ay ka wada tashtaan si cadaalad ku salaysanna u qeybsadaan dhammaan mashaariicda warbaahinta ee hay’adaha caalamku ay ugu yaboohaan dalka. 5- Ka qeybgalayaashu, waxay xuseen in Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah dowladda dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku midoobaan dhaqangelinta Wacyigelinta Bulshada sida Abaaraha, Amniga, la dagaalanka Musuqmaasuqa, Dib-uheshiinta, Dowlad-wanaagga, La dagaalanka Jahliga iyo Fikirka xagjirka ah. Waxaana la isla gartay in si mideysan, oo xilkasnimo leh looga wada howlgalo diyaarinta Qorshaha iyo Istraatejiyadda Wacyigelinta. 6- Ka qeybgalayaashu, waxay isla qaateen in warbaahinta dowliga ay gudbiso farriimo mideysan, oo u adeegaya danaha Qaranka Soomaaliyeed, ayna xoogga saarto ka hortagga fikirka xagjirka ah, isla markaana la helo xarun dhexe oo soo saarta barnaamijyo si rasmi ah ugu wajahan ka hortagga fikirkaas, kadibna laga baahiyo qeybaha kala duwan ee warbaahinta qaranka heer federaal iyo heer dowlad goboleed. 7- Ka qeybgalayaashu, waxay isla garteen baahida loo qabo in la dhameystiro istaraatiijiyada Warbaahinta Qaranka si loo dhaqangeliyo. 8- Ka qeybgalayaashu, waxay isla garteen in la dhiso guddi farsamo, oo ka kooban dhamaan dhinacyada, oo ka shaqeyn doona dhamaystirka istaraatiijiyadda wacyigalinta iyo in uu kormeer joogto ah ku sameeyo guddigaasi ka wada shaqeynta arrimaha soo kordha. 9- Ka qeybgalayaashu, waxay ammaan iyo mahadcelin u jeediyeen dawladaha iyo hay’adaha taageera warbaahinta Soomaaliyeed, waxayna ugu baaqeen in ay sii xoojiyaan taageeradooda xilligan warbaahinta Soomaaliyeed gelayso marxaladda cusub, ayna si buuxda ula shaqeeyaan. 10- Ka qeybgalayaashu, waxay soo dhoweeyeen abuurista xafiiska Istaraatiijiyadda Warbaahinta dalka, iyadoo ay dhinac ka ahaan doonaan xafiisyadaas Wasaaradaha Warfaafinta ee Dowlad Goboleedyada, waxayna soo jeediyeen in si deg deg ah loo howlgaliyo xafiiskaas, oo mas’uul ka ahaan doona mideynta iyo hagista fariimaha warbaahinta dalka. 11- Ka qeybgalayaashu, waxay isla qaateen in saxaafada aan loo adeegsan dhinaca xun ee loo adeegsado dhinaca wanaagsan, lagana fogaado hadalada iyo wararka been abuurka ah. 12- Ka Qeybgalayaashu waxey u mahadceliyay Guddiga Saxaafadda ee Golaha Shacabka sida ay wadatashiyo ula sameeyeen bahda saxaafadda iyo wasiirada dowlad goboleeyda, Waxayna ugu baaqeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare in ay si hufan u meemariyaan sharciga saxaafadda, si loo dhaqangaliyo. 13- Ka qeybgalayaashu, waxay tilmaameen ahmiyadda dhamaystirka xeerka saxaafadda, waxayna ku baaqeen in tallooyinka Dowladaha xubnaha ka ah DFS lagu soo daraa ka dibna marka la isku raaco ay Guddiga Saxaafada ee Baarlamaanka Soomaaliya horgeeyaan G/Shacabka si loo ansixiyo. 14- Ka Qeybgalayaashu waxey u mahadceliyay Guddiga Saxaafadda ee Golaha Shacabka sida ay wadatashiyo ula sameeyeen bahda saxaafadda iyo wasiirada dowlad goboleeyda, Waxayna ugu baaqeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare in ay si hufan u meemariyaan sharciga saxaafadda, si loo dhaqangaliyo. 15- Ka qeybgalayaashu, waxay ku heshiiyeen in shirkan la joogteeyo, laguna qabto Dhamaan xarumaha Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, xilliyo kala duwan, iyadoo kan ugu horeeya la isku raacay in uu ka dhaco magaalada Garowe ee caasimadda Puntland. 16- Ka qeybgalayaashu, waxay isla garteen in Warbaahinta Dowladda ahmiyad siiso wadashaqeyntooda, iyagoo heshiisyo wadashaqeyn kala saxiixday, islana gartay in la sii xoojiyo wadashaqeynta iyo xiriirkooda. 17- Ka qeybgalayaashu, waxey ka qeybgaleen xaflada lagu xusayo maalinta isla xisaabtanka falalka dambiyada ah si loo sharciga loo horgeeyo dadka dambiilayaasha ah (Impunity Day), iyagoo ka codsaday hay’adaha amniga iyo garsoorka inay dabagal ku sameeyaan sidii sharciga loo horkeeni lahaa dhammaan danbiilayaasha ku xad-gudbay wariyeyaasha Soomaaliyeed. Waxeyna dawlada ka codsadeen inay abuurto jawi xasiloon oo amni iyo nabadeyn ka jirto si wariyeyaasha ay howlahooda u gutaan si daacad ah. 18- Ka Qeybgalayaashu, waxay isku raaceen in Bahda Warbaahinta iyagoo la tashanaya wasaaradaha warfaafinta heer Federaal iyo Dawladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya in guddi farsamo loo saaro oo soo diyaariya Anshaxa weriyeyaasha (code of ethics) sida uu farayo Xeerka Saxaafada. MAHADSANIDIIN Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Dawladda Federaalka Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow). Wasiiru Dowlaha Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dhaqanka ee Puntland. Mudane, Abdifatah Nur Ashkir. Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta & Technologiyada ee Jubbaland Mudane Cabdinur Cali Adan. Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta Bulshada ee Koofur-Galbeed Mudane Xasan Cabdi Maxamed. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Hannuuninta, Dhaqanka & Dalxiiska ee GalMudug Maxamuud Aadan Cusmaan (Masagawaa). Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee HirShabeelle, Mudane, Mahad Xassan Cusmaan. FAAFINTA PUNTLAND POST The post War murtiyeedka Shirka Wadatashiga Warbaahinta Heer Federaal, Dowlad Goboleedyada iyo Bahda Warbaahinta appeared first on Puntland Post.
  23. Eleven princes were arrested in Saudi Arabia on Saturday following the formation of an anti-corruption committee by King Salman bin Abdulaziz Al-Saud, Saudi-backed broadcaster Al-Arabiya reported. Three ministers were removed from their positions: Economy and Planning Minister Adel bin Mohammed Faqih, National Guard Minister Prince Miteb bin Abdullah bin Abdulaziz and Naval Forces Commander Admiral Abdullah bin Sultan bin Mohammed Al-Sultan, said Saudi TV, the government’s official broadcaster. King Salman ordered the new anti-corruption campaign as part of an “active reform agenda aimed at tackling a persistent problem that has hindered development efforts in the Kingdom in recent decades,” a press release from the Saudi Ministry of Communications said. The royal decree said the committee was needed “due to the propensity of some people for abuse, putting their personal interest above public interest, and stealing public funds” and will “trace and combat corruption at all levels,” according to the release. The committee, headed by Crown Prince Mohammed bin Salman, has the authority to investigate, arrest, issue travel bans and freeze the assets of those it finds corrupt. The three ousted ministers were replaced, with Prince Khalid bin Abdulaziz bin Mohammed bin Ayyaf Al Muqren becoming National Guard minister, Mohammed bin Mazyad Al-Tuwaijri becoming the Economy and Planning Minister, and Vice Admiral Fahd bin Abdullah Al-Ghifaili taking on the role of Naval Forces Commander. Source: CNN
  24. Social media giants YouTube and Facebook are removing hundreds of pages documenting war crimes on their platforms, The Intercept reported on Thursday. Mentioning YouTube’s new artificial intelligence system designed to identify terror propaganda videos published by groups such as Daesh, the website said that the Google-owned video sharing platform has shut down pages of 900 groups and individuals documenting the war crimes perpetrated by Daesh, Al Nusra and other terrorist groups, also the Assad regime. The AI also shut down Bellingcat, a well-known U.K.-based watchdog devoted to analyzing images coming out of conflict zones including Syria, Ukraine, and Libya, Asher-Schapiro said. “YouTube also took down content from the group AirWars, which tracks the toll of U.S. airstrikes in Iraq and Syria,” he added. The report also touched upon the shutdown of pages documenting the oppression Rohingya Muslims are going through. “Meanwhile, in September, Facebook began removing photos and images documenting ethnic cleansing and torture of the Rohingya ethnic minority at the hands of the Myanmar government,” The Intercept reporter Asher-Schapiro stated in the piece. “Facebook would not answer specific questions about war crimes evidence. A spokesperson, who would not agree to sit for an interview or be named, said Facebook tried to be flexible and allow violent content to live on its platform when that content had some social or documentary value,” the report added. “YouTube defended the way it deals with war crimes evidence and its relationship with the human rights groups who collect that evidence,” Asher-Schapiro said. “We are committed to ensuring human rights activists and citizen journalists have a voice on YouTube and are proud of how our service has been used to expose what is happening across the globe,” Juniper Downs, YouTube’s director of public policy, was quoted as commenting on the matter. Reminding that Sweden has already prosecuted Syrian regime using evidence from both Facebook and YouTube, Asher-Schapiro added that there are 30 ongoing war crimes investigations in Swedish and German courts connected to crimes committed in Syria and Iraq. Asher-Schapiro also stated that YouTube is more open to collaboration than Facebook, quoting human rights activists. The author also mentioned an “egregious” incident, quoting Eliot Higgins, founder of Bellingcat. According to Higgins, 80 percent of the firsthand reports of Syrian regime’s chemical attack on the civilian population of Damascus were erased from Facebook. Facebook declined to answer a question about Higgins’s claim, Asher-Schapiro added. Source: – Daily Sabah
  25. Howlgalka Midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya ayaa sheegay in u diyaar garoobayaan sidii Ciidamadda Xoogga dalka Soomaliyeed ay ugu wareejin lahaayeen guud ahaan amaanka dalka. Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Madeira oo ka qeyb galay kulan ay isugu yimaadeen madaxda dowladda Soomaliya iyo Howlgalka AMISOM ayuu ku xaqiijiyay qorshahaas. “Dib u habeynta ciidamadeena ee saldhigyadooda sida dhaqdhaqaaqa ay ciidamada Milatariga Ethiopia sameeyeen ee lagu arkay iyagoo ka soo gudbaya xadka Soomaaliya , waxaa uu yahay u diyaargarowga sidii ciidamada qaranka Soomaaliya loogu wareejin lahaa mas’uuliyada ammaanka dalka Soomaaliya.”ayuu yiri Francisco Caetano Madeira Sidoo kale Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Madeira ayaa sheegay in howlgalada dhawaan ay qaadi doonaan Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed iyo kuwa AMISOM aysan waxba u dhimi doonin xasiloonida iyo Ammaanka dalka Soomaaliya. Sidoo kale Wakiilka ayaa ugu baaqay ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed in ay qaataan tababaradda loogu talagalay si ay ula wareegaan guud ahaan amaanka dalka Soomaliya. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa qaraar tirsigiisu yahay 2372(2017) waxa uu ku baaqay in si tartiib tartiib ah ay ciidamada Midowga Afrika AMISOM ugu baxaan wadanka Soomaaliya kadib marka tababaro sare loogu qaadayo xirfada ciidamada qaranka Soomaaliya la siiyo. PUNTLAND POST The post AMISOM” Amaanka Dalka Waxaan ku Wareejineeynaa Ciidamada Soomaalida ah” appeared first on Puntland Post.