Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,055
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Washington (PP) ─ Madaxwaynihii hore ee Mareykankan, George Bush oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa shaaca ka qaaday inuu u codeeyay musharaxii xisbiga Dimuqraadiga, Hillary Clinton doorashada madaxnimo ee Mareykanka ka dhacay sannadkii hore. Wiilkiisa George W Bush ayaa dhankiisa sheegay inuu ka walaacsan yahay in uu noqon doono madaxweynihii ugu dambeeyay ee ka socda Jamhuuriga, inkastoo uu Trump isaguba ka socday xisbiga Jamhuuriga. “Ninkan [Trump] ma yaqaanno waxay ka dhigan tahay inaad Madaxwayne noqoto,” ayuu yiri George W Bush. Wuxuuna hadalkan ku sheegay Buug cusub oo cinwaankiisu yahay Jamhuuriyiintii ugu dambeeyay. Sidoo kale, Qaybo hordhac ah oo Buuggaan ku sabsan ayaa waxaa daabacay Qaar ka mid Warbaahinta dalka Mareykanka, kaasoo shacab badan oo dalka Marekanka u dhashay ay akhriyeen. “Ma jecli – wax badanna kama aqaan, balse waxaan ogahay inuu yahay nin isla-weyn, kumana faraxsani inuu noqdo hoggaamiye,” ayuu hadalkiisa daba dhigay George Bush, oo madaxwayne ka ahaa Mareykanka intii u dhaxaysay 1989-kii iyo 1993-kii. Dhanka kale, Xilligii lagu jiray ololihii doorashadii Madaxnimo ee Mareykanka sannadkii 2016-kii ayaanay George Bush iyo wiilkiisa George W Bush midna uusan taageerin Donald Trump. Laakiinse, buugan cusub sida lagu qoray, George Bush ayaa xaqiijiyay inuu u codeeyay Hillary Clinton oo ahayd musharraxad si fudud uu kaga guuleystay madaxweynaha Mareykanka ee haatan xilka haya Trump. Ugu dambeyn, George W Bush, ayaa isagu sheegay in warqaddii codeynta Madaxwaynanimada Mareykanka aanu waxba ku qorin, taasoo ka dhigan in aysan jirin cid uu codkiisa siiyay. PUNTLAND POST The post Madaxweynihii Jamhuuriga ahaa ee Mareykanka oo sheegay inuu u u codeeyay Hillary Clinton appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (PP) ─ Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia ayaa maanta ka dooday ajande cusub oo lagu soo daray xeer-hoosaadkooda, kaasoo ahaa inay ansixiyaan miisaaniyad-sanadeedka Dowladda Federaalka Somalia. Kulan xildhibaanada Aqalka Sare ay maanta ku yeesheen xaruntooda ayaa waxaa ka qayb-galay sodomeeyo senator, waxaana shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Abshir Bukhaari. Dood dheer kaddib ayay xildhibaanada isku raaceen in Aqalka Sare uu qayb ka ahaa Ansixinta Miisaaniyadda Dowladda Somalia oo horay ku koobnayd Aqalka Hoose ee Baarlanaanka. Xeer-hoosaadka Aqalka Sare ayaa wixii hadda dambeeya waxaa qayb ka noqon doonta Ansixinta Miisaaniyadda, iyadoo miisaaniyada sannadka soo socda ee 2018-ka ay qayb ka noqon doonaan dooddiisa iyo ansixintiisa. Sidoo kale, Aqalka Sare ayaa qayb ka noqon doona Ansixintii Miisaaniyadda sanadkan 2017-ka, iyadoo Aqalkan oo ah mid ku cusub saaxada siyaasadda ay howlihiisa ahayd mid iska kooban, balse haatan u muuqda mid hawshiisa ballaarinaya. Dhanka kale, Dastuurka ayaa qodobo badan awood siinayn Aqalka Sare, sida kalsooni kala noqoshada xukuumadda iyo kalsooni siinteeda, inkastoo ay jiraan sharciyo badan oo la’aantiisa aan wax go’aan ah laga gaari karin. Ugu dambeyn, Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa ah gole awoodo badan ku leh dalka, marka loo eego Aqalka Sare oo awooddihiisa Dastuuriga ahi ay yihiin kuwo xaddidan, gaar ahaan arrimaha la-xisaabtanka Xukuumadda. PUNTLAND POST The post Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo Ansixiyay Qodob u Ogolaanaya inuu Qayb ka noqdo… appeared first on Puntland Post.
  3. Waxaa Goordhow Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya lagu soo gaba gabeeyay shirkii u dhaxeeyay madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowlada Dhexe ee dalka. Shirkaan oo Muddo 10 Cisho ah ku dhowaad ka socday magaalada Muqdisho ayaa ugu dambeeyntii laga soo saaray War Murtiyeed ay madaxdu ku heshiiyeen. Hoos ka Aqriso War Murtiyeedka shirka ka soo baxay. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post WAR MURTIYEED: Shirkii Madaxda Dowlada iyo kuwa Maamul Goboleedyada oo la soo Gaba gabeeyay appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida aad wararkeenii hore ku akhrisateen waxaa soo dhamaaday kulankii Magaalada Muqdisho uga socday madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe kaasoo socday muddo 8 maalin ah. Kulankaan ayaa ugu dambeyn maanta la isku afgartay qodobadii la isku fahmi la’aa muddadii uu socday Kulankaas. Goor dhow ayaa waxaa soo dhammaatay munaasabadii lagu saxiixay heshiiskaas, waxaana xafladaas khudbado ka jeediyey Madaxweyne Soomaaliya, Ra’isulwasaare Kheyre, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho iyo Cabdiweli gaas oo ah Guddoomiyaha Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada. Markii ay khudbahada dhamaadeen waxaa qodobada shirkaas kasoo baxay akhriyey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Cabdi Faarax Saciid Juxa. Qodobada lagu heshiisyay ayaa waxaa ka mid ahaa Arrimaha Siyaasadda. In la isku ixtiraamo cid kasta awoodaha uu dastuurka siinayo iyo in la sameeyo xasilooni siyaasadeed, Arrimaha Amniga In dib u habeyn iyo dardar gelin lagu sameeyo Heshiiskii Amniga ee Shirkii London, in dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada si wadajir ah u qaadaan duulaan ka dhan ah Al-habaab, in la xoojiyo dhismaha Ciidamada qalabjka sida. Dastuurka in Maamul goboleedyada Baarlamanaadooda laga qeyb geliyo dib u eegista iyo dar dargelinta dastuurka, kaddibna loo soo gudbiyo Hey’addaha Federaalka iyo Guddiyada madaxa banaan ee Dastuurka. Madaxda ayaa waxay soo dhoweeyeen hanaanka ay u socoto Doorashada Somaliland ee dhaceysa 13-ka bishan November, waxaana ay u rajeeyeen in si nabadgelyo ay ku soo dhamaadaan. Wax yar kadib la soco war murtiyeedka oo dhameystiran:
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Kulan ay maanta yeesheen xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayay ku ansixiyeen qodob aan ka mid ahayn shaqooyinka loo xilsaaray. Dood la horgeeyay Aqalka sare oo ay wateen xubno kooban taasoo ku saabsaneyd inuu Aqlaka sare qeyb ka noqdo ansixinta Miisaaniyadda Dowladda ayaa cod ay u qaadeen ay ku ansaxsadeen inay wax ka ansixiyaan Miisaaniyadda sanadka 2018, iyadoo tani loo arko sal ballaarsi Aqalka sare uu sameynayo, isla markaana ku howlan howlihii kale ee Golaha shacabka. Shirka oo uu guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka koowaad Abshir Bukhaari ayaa xubnaha Aqalka sare kadib codeyntaasi waxay sheegeen inay Xeer hoosaadkooda ku darayaan inay qeyb ka yihiin ansixinta Miisaaniyadda. Arrintan ayaa salka ku heysa, iyadoo miisaaniyadii hore ee sanadkii 2017 aanay ku jirin kharash loo qoondeeyay Aqalka sare oo aan markaas dhisneyn, waxaan dib loogu daray lacag loo qoondeeyay Aqalka Sare, iyadoo dadka qaarkii ay aaminsanaayeen in mushaarka iyo kharashka Aqalka sare ay bixiyaan maamul goboleedyada soo dirsaday ee danahooda ay metelaan. Xeer Hoosaadka Aqalka sare ayaa wixii hada dambeeya qeyb ka noqon doona Ansixinta Miisaaniyadda, iyadoo miisaaniyada sanadka soo socda 2018 ay qeyb ka noqon doonaan doodiisa iyo ansixintiisa. Aqalka sare ayaa qeyb ka noqon ansixintii Miisaaniyadda sanadkan 2017, iyadoo Aqalkan oo ah mid ku cusub saaxada siyaasadda ay howlihiisa aheyd mid iska kooban, balse haatan u muuqda mid sal ballaaranaya. Dastuurka ayaa qodobo badan awood siineyn Aqalka sare, sida kalsooni kala noqoshada Xukuumadda iyo kalsooni siinteeda. Aqalka sare ayaa isu bedelay mid howlan arrimo aan ka mid ahayn howlihii loo dhisay, isagoo ku dhex jira shaqooyinkii Golaha Shacabka, waxayna tani xaaladda dowladda federaalka ka dhigi doontaa mid cakiranta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Xili siyaasiin Mooshin ka wada madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ay gaareen magaalada Baydhabo islamarkaasina uu cirka isku sii shareeray mooshinka Xildhibaanada koonfur Galbeed ay ka wadaan madaxweyne Shariif Xasan Ayaa arintaasi waxaa ka hadlay Wasaarada Amniga Maamulkaasi. Mudane Xasan Xuseen Eelaay oo ah Wasiirka Amniga maamulka koonfur Galbeed oo maanta kulan la qaatay taliyaasha ciidamada Amaanka ee maamulkaasi ayaa sheegay in ay tilaabo ka qaadi doonaan cid walba oo ka soo horjeedo danaha iyo Siyaasada maamulka Koonfur Galbeed. Waxa uu sheegay in Tilaabo ay ka qaadi doonaan cid walba oo amaanka iyo kicin dadweyne ku hoowlan ee ku sugan magaalada Baydhabo. Arintaan ayaa u muuqata in ay tahay tilaabooyin lagaga hor istaagayo mooshin ka dhan ah madaxweyne Shariif Xasan oo ka socdo magaalada Baydhabo. Hoos ka dhageeyso Wasiirka oo Arimahaasi ka hadlaya. http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/11/Cod-Wasiirka-amniga-Koonfur-Galbeed.mp3Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Maamulka Koonfur oo ku Hanjabay in ay Tilaabo ka qaadayaan Siyaasiin Mooshin ka wada Madaxweyne Shariif Xasan appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) Saxaafadda Gudaha ee Magaalada Muqdisho ayaa looga yeeray xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya kadib markii lagu heshiiyey shirkii u socday dowladda Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada. Shirka oo muddo 8 Berri ah qaatay ayaa maanta ugu dambeyn la isku afgartay in lasoo saaro warmurtiyeed iyo qodobadii lagu heshiiyey. Qodobada ugu muhiimsan ee laga heshiiyey ayaa waxaa kamid ah: 1- Arrimaha Dastuurka 2- Iskaashiga Amniga 3- Dagaalka Alshabaab 4- Qeybsiga kheyraadka 5- iyo Arrimaha siyaasadda Dhawaan la soco war murtiyeedka shirkaas kasoo baxo oo wax yar kadib soo gaari doono Xafiiska Caasimadda Online ee Magaalada Muqdisho . Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Tan iyo markii ay dhalatay dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaa si weyn uga hor imaaday Shan nin oo ku dadaalayo in la dumiyo dowladda isla markaasna dalka la geliyey foodo siyaasadeed. Shakhsiyaadka sida weyn uga hor imaaday dowladda Farmaajo waxaa kamid ah Shan nin oo kasoo jeedo Beesha Habargidir oo kala ah: 1) Xildhibaan Mahad Salaad 2) Cabdiraxmaan Cabdishakuur 3) Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi 4) Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa. 5) Xildhibaan Abshir Bukhaari Haddaba Waxaa is waydiin mudan Farmaajo ma waxaa diidan Habar-gidir mise 5 nin oo magac Habar-gidir wata? Beesha Habargidir waa beel weyn oo leh qeybaha kala duwan ee Bulsho ka kooban tahay, waxaana muuqato inaysan diidadeen dowladnimada Soomaaliya isla markaasna jirin inay beeshaas isku raacsan tahay in laga hor imaado dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Ma jirto ilaa hadda meel ay qeybaha kala duwan ee Beeshaas ku shireen ayna ku heshiiyeen inay ka hor imaadaan dowladda Farmaajo, balse sida muuqato waxaa socdo olole ay dad gaar ah wataan oo aan la ogeyn meesha uu kusoo dhammaan doono. Taasoo ay jirto, haddana waxaa magacaas ku qaraabanayo Shanta nin ee aan kor kusoo sheegnay oo leh dano gaar ah oo aan ka shaqeeneyn midda beeshooda iyo midda guud ee Soomaalida. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha maamulka Hirsahebelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay kulan casho sharaf ah kula qaatay Muqdisho xildhibaannada Aqalka Hoose iyo Aqalka sare ee Hirshabelle ku matala Dowladda Federaalka Soomaliya. Kulanka oo casho ahaa ayaa waxaa ku wehlinayay madaxweynaha ku xigeenkiisa, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Hirshabelle. Cashada kaddib ayaa waxa ay ka wada-hadleen arrimo kale duwan oo quseeya Qaranimada Soomaaliya iyo Howlaha horyaala Hirshabelle iyo Sida lagama maarmaanka ay u tahay in la iska kaashado horumarinta dowlad Goboleedkani curdunka ah. Intii kulanka uu socday ayaa waxa sidoo kale ay iska xogwareysteen Xaaladda Siyaasadda dalka, Wada shaqeynta dowladda dhexe iyo Hirshabelle, ka shaqeynta Amniga Dalka gaar ahaan deegaanada Hirshabelle, iyo in Xildhibaanada labada aqal ee laga soo doortay Hirshabelle in ay u midoobaan horumarinta iyo dhisida dowlad goboleedka si dhowna ay ula shaqeeyaan maamulkani. Kunlanka oo ahaa mid waqti badan qaatay Xildhibaanada iyo Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa waxaa aad looga dooday arrimahaasi aan soo sheegay, waxaana ay isku raaceen in muhiim ay tahay in laga wada hadlo islamarkaana laga tashto sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta Dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada dalka ka jira, si ay u sahlanaato in meel looga soo wada jeesto wax kasta oo dhaawacaya Sharafta iyo heybadda umadda Soomaaliyeed, iyo ciribtirka kooxaha isku biirsaday leynta iyo dabar goynta Umadda Soomaaliyeed. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Xildhibaanada u faah faahiyay mudada Xafiiska uu joogo waxyaabaha u qabsoomay caqabadaha jira, iyo qorshayaasha maamulka u degsan bilaha soo socda, shirarkii uu kaga soo qeyb galay Magaalada Kismaayo, kan hadda ka socda Magaalada Muqdisho, iyo safaro uu ku soo kala bixiyay Deegaanada Hirshabelle, waxaana uu ugu baaqay Xildhibaannada in doorkooda ee ah u shaqeynta bulshada ay matalaan ay qaataan. Sidoo kale, Xildhibaanada Labada Aqal ee Hirshabelle ku matala Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gaba gabadii kulanka Madaxweynaha Hirshabelle iyo ku xigeenkiisa u balanqaaday in had iyo jeer waqtigooda ugu badan ay galin doonaan sidii ay ugudan lahaayeen Waajibaadka Qaran oo ay u xil saaranyihiin, waxaana sidoo kale ay cadeeyaan inta badan in ay soo booqan doonaan Deegaanada Hirshabelle oo ay matalaan islamarkaana ay kala shaqeyn doonaan maamulka horumrinta iyo dhisida Dowlad Goboleedka, waxaana ay kaga Mahadceliyeen Madaxweynaha Warbixintaasi faah faahsan uu ula wadaagay Xildhibaanada labada aqal ee ku Abtirsada Hirshabelle. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb galaya shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ee ka socda Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Hirshabelle oo kulan la qaatay xildhibaanada DF ku Matala Hirshabelle appeared first on Puntland Post.
  10. Nairobi(Caasimada Online)-Madaxweynaha la doortay ee dalka Kenya Uhurro Kenyatta ayaa mar kale si adag uga hadlay kacdoonada ay maleegayaan mucaaradka dowladiisa oo uu ugu horeeyo Raila Odinga. Madaxweyne Kenyatta ayaa sheegay inuusan u dulqaadan doonin in Raila Odinga uu sabab u noqdo burbur ku dhaca Kenya, waxa uuna cod dheer ku sheegay inuu qaadi doono talaabo cad. Kenyatta ayaa tilmaamay in Raila Odinga uu ka guuleystay muddo laba jeer, wixii intaa ka badana uusan u dulqaadan doonin inuu ku raali galiyo doorasho Seddexaad, sida uu hadalka u dhigay. ”Waxaan diyaar u nahay inaan qaadno talaabo lid ku ah mucaaradka, waayo waxaa naga dhamaaday dulqaadka waa inaan la imaanaa talaabo cad oo dhabar jabin karta mucaaradka burburka u horseedaya dalka” Kenyatta ayaa ku goodiyay in talaabooyinka uu qaadi doono ay qeyb ka noqon doonto dacwad heer caalami ah, maadaama Raila Odinga iyo xulafadiisa ay sabab u noqdeen burburka deegaano dhowr ah iyo geerida dhalinyaro badan. ”Raila Odinga waxaan ku sifeynayaa danbiyo xasuuq waayo waxa uu horseeday inuu sabab u noqday geerida dadbadan oo shacab ah, mana u dulqaadan doono xasuuq shacab” ayuu yiri Kenyatta oo ay xiganayeen Wargeysyada Kenya. Geesta kale, Kenyatta ayaa soo dhaweeyay haddii ay jiraan dhinacyo ka madaxbanaan Mucaaradka oo dhex dhexaad u noqon kara labada dhinac. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa jirey nin geel tuug ahaa oo xirfadiisa tuuganimo ee geella ay ahayd mid aad u sareysay. Farsamooyinkiisa tuuganimo waxaa Ka mid ahaa in uu geella yaraan ku suntado. Maalin ayuu la kulmey geel irmaan ah oo meel kayn ah daaqayo. Hal dhashey oo nirig wadato ayuu nirigtii naas danbeedka midigge feex u yeellay, wixii markaa Ka danbeeyeyna dusha ayuu ka ilaashan jirey. Dhowr guyood ka dib ayuu geelli oo cabaya nirigtii ul ku dhufsadey. Baadi nimaan lahayn ayey ag joogtaa iyo war u kaadi ayaa la isdhaafsadey. Anaa leh iyo malihid Ka dibna dacwo iyo geed loo balamo ayey noqotey. Wadaad iyo guurti ayaa la wada balanshey. Dood yar Kadibna, geel tuugi ayaa yiri nirigta Ina Darmaan ah calaamad ayey ii leedahay. Tilmaamo ayey guurtidi ku jawaabtey. Dabadeedna naaski uu feexda ku ogaa ayuu sheegtey. Balse, mulkiilihi oo aan dareen qabin ayaa yiri waxaa si waa waxba kama jiraan. Hala soo eego ayaa xigtey. Calaamadi marki la xaqiijiyeyna waxaa loo xukumey Tuuggii. Tuugi ayaa mudo Ka dib gaboobey. Waxaa uu la dardaarmey sadex wiil oo uu dhaley. Waxa uu uga sheekeeyey xoolaha uu haysto tabti uu ku tabcay. Wuxuuna ku adkeeyey xaaraan baa xun in aysan cidna Ka dhageysan ee wixii dagan aysan u deymo la aan. Dardaarankii Ka dibna waa uu go-ay (Geeriyooday) Maydkii oo karfantiisi ku jiro iyo Ratigii oo Kabadiisi saarantahay ayaa looga tagey, qabriga oo Degmada ka yara fogna lagula balamey. Owrkii markii maydkii la saarey ayuu buubey. Wixii ay cayrsadaanba waa ay soo qaban waayeen. Talo ayaa ragii ku cadaatey, waxayna goosteen in ay xal la yimaadaan. Qabrigii iyo Mayd la’aan isma qabaneysee waala tashadey. Iyada oo la is horfadhiya ayaana la kala showrey. Sadexdooda mid ayaa bah gooni ahaa. Labadi isku bahda ahayd ayaa isu qabatey oo dhagta dhiiga udartey. Inta ay soo dhaqeen, karfanna dhag ku siiyeen ayey owr kale ku soo hogaansadeen. Qabrigii marki ay yimaadeen maydkiina qilbadda loo jeediyey, ayaa waxaa soo fadhiistey owrkii maydka odeyga wadey oo ay Maantadii hore ka quusteen. Hadii la feydeyba waa odeygii ay qabriga u qodeen. Su’aal kadibna waxa ay u sheegeen sida ay wax u jiraan. In ay walaalkood dilleen si ay aabahood ugu ceeb qarshaan. Ka dibna iyagii ayaa loo showrey. Beeshii waxa ay go’aamisey in la isla duugo. Owrka maydka la buubey ee gadaal ka keenay waxaa uu kasoo jeedaa firkii Ina Darmaan. Biyo dhaca Sheekadaan waa in wax xaaraan ah aysan laheyn aayo iyo mustaqbal aad u weyn, Xildhibaanada kasoo horjeedo dowladda iyo raadraaca qaabka ay ku imaadeen: Dowladda cusub ee Soomaaliya u dhalatay ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cadaadis aad u weyn kala kulmeyso dhawr xildhibaan oo markii horeaba si xaaraan ah ugu soo baxay booskaas oo lamid ah Farkii ina Darmaan. Halkaan hoose ka akhriso Xildhibaanada kaso horjeedo dowladda Farmaajo iyo sida ay usoo baxeyn, iyo weliba Siyaasiyiin kale oo iyagana falal lagu hayo: 1) Mahad salaad: Xildhibaan Mahad Salaad, wuxuu Xildhibaanimada Soomaaliya ku helay baad iyo musuq maasuq marnaba loogama fadhiyo in natiijo fiican laga helo xildhibaanimada Mahad Salaad, Sababtoo ah Hal booli ahi Nirig xalaal ah ma dhasho. 2) Abshir Bukhaari: Booska Xildhibaanimo ee Abshir Bukhaari wuxuu ahaa booskii ugu musuq maasuqa badnaa, wuxuuna Abshir booskaas ku bixiyey kuna helay lacag gaareyso Hal Malyan oo Dollar, waana sababta keentay inuu Abshir Bukhaari ka ganacsado booskaas. 3) Axmed Macalin Fiqi: Wuxuu booska Xildhibaanimada ku helay Musuq maasuq aad u weyn, isagoo ergo been abuur ah oo loo sameeyey ay doorteen 28 November 2016 weliba xilli aysan meesha joogin dadkii la tartamayey. 4) Xasan Macalin: Isna wuxuu kamid ahaa Xildhibaanada sida musuq maasuqa lagu soo doortay, isna loogama fadhiyo inuu ka shaqeeyo danta Soomaalida, maadaama uu markii horeba lacag ku imaaday ujeedkiisana ay tahay sidii uu lacag ku tabcan lahaa. 5) Saabir Nuur Shuuriye: Xildhibaan Saabir Nuur, wuxuu kamid ahaa Xildhibaanadii booskooda iibsaday isla markaasna doorashada la keenay ergo lasoo musuq maasuqay, waxaana xusid mudan in dadkii la tartamayey loo sheegtay awood dowladeed iyo mid lacageed!. 6) Cabdiraxmaan Odawa: Waa Aabaha Musuq maasuqii dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud, gaar ahaan waqtigii la dooranayey Xildhibaanada dowladda hadda ku matalo Maamul Goboleedyada, waxaana si gaar ah in la xuso mudan inuu ahaa ninkii sida musuq maasuqa ah kusoo saaray Mahad Salaad, Axmed Macalin Fiqi, Saabir, Xasan Macalin iyo Xildhibaano badan oo kamid ah kuwa Maamul Goboleedyada, marka nin dad kale musuq maasuq uga dhigay Xildhibaan maahan inaad is waydiiso sababta uu isaga Xildhibaan u noqday, aan kuugu sii daro Hashii ina Odawaa natiijadeeda horeba waa laga tusay sababtoo ah Xildhibaanadi uu isaga lacagta ka dhiibay ayaa Xasan Sheekh meesha ka saaray, waxaana macquul ah in Hasha Ina Odawaa ay la duusho meydkiisa! Sidoo kale waxaa xildhibaanadaas hormuud u ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qandaraas ka heysto dowldda Imaaraadka Carabta, waxaana isna kaaga filan inuu yahay ninkii iibsaday Badda Soomaaliya!!!. Caasimada Online Xafiiska Washington Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Federaalka ay il gaara ku eegeyso Heshiisyada ay kala saxiixdaan maamul Goboleedyada ka jira dalka. Kheyre ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga dhabeeyo Heshiis waliba oo dhexmara dowlada Dhexe iyo maamul Goboleedyada si aanu u dhicin ka weecasho lagu sameeyo Heshiisyada. Waxa uu tibaaxay Kheyre inaan loo dulqaadan doonin in laga weecdo heshiis ay dowlada la gasho maamulada waxa uuna carab dhabay in fashilada ugu badan ee heystay dowladihii hore ay qeyb ka tahay ka weecashada Heshiisyada dhacay. ”Waxaan ballanqaadayaa ka dhabeynta Heshiisyada dhaca, ma dhici doonto inaan galno Heshiis aan laga dhabeyn” ”Maamulada loogama aamusi doono Heshiisyada ay la galaan dowlada Dhexe, cidii ka baxdaa Heshiiska waa mid iyada khuseysa oo aan kula xisaabtami doono, waayo waxaa naga go’an sameynta nidaam kala danbeyn leh” Waxa uu farta ku goday in maamulada ay horay uga baxeen Heshiisyo dhowr ah oo ay la galeen dowladihii ka horeeyay, balse tani ay caqabad ku noqon doonto maamulada, waa haddii ay ka baxaan. Sidoo kale, Kheyre ayaa dadka shacabka ah ugu baaqay inay ka hor imaadan haddii ay arkaan talaabooyin wax u dhibikara Qaranimadooda, maadaama ay Somalia ka daashay burbur iyo sharci darro. Haddalka Kheyre ayaa kusoo beegmaaya xili uu jiro kala aragti duwanaanshi u dhexeysa dowlada Federaalka iyo maamul Goboleedyada ka jira dalka oo heshiis hordhac ah kala saxiixday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Kulan Wadatashi ah oo looga hadlayay iskaashiga, mideynta iyo horumarinta warbaahinta dalka, ayaa Madaxda Wasaaradaha Warfaafinta ee Dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bahda Warbaahinta ah wuxuu uga furmay 31kii Oktoober 2017 Hoteelka Jaziira ee magalada Muqdisho. Kullanka, ayaa socday muddo shan maalmood ah 31dii Oktoober ilaa 04tii November, 2017. Shirkan, waxaa si habsami leh u furay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow). Sidoo kale Waxaa ka soo qaybgalay Wasiiru Dowlaha Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dhaqanka ee Puntland Mudane Abdifatah Nur Ashkir, Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta & Tiknolojiyada Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Cabdinur Cali Adan, Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta Bulshada ee Koofur-Galbeed Mudane Xasan Cabdi Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Hannuuninta, Dhaqanka & Dalxiiska ee GalMudug Maxamuud Aadan Cusmaan (Masagawaa), Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska HirShabelle, Mahad Xassan Cusmaan, Agaasimaha Warbaahinta G/Banaadir Abdifatah Arizona, Guddiga Saxaafada iyo Isgaarsiinta Golaha Shacabka Soomaaliya, iyo Guddoomiyaha Guddiga Saxaafada Aqalka Sare Senator Muna Hassan. Waxaa kaloo shirka ka qeybgalay Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Mudane, Dr.Axmed Cali Daahir , iyo Bahda Warbaahinta qeybaheeda kala duwan, sida NUSOJ, SWJ, SOMA, SIMHA, iyo kuwa kale. Kulanka 5ta cisho socday, ayaa looga dooday qodobada ay ka mid yihiin: 1- Xoojinta Iskaashiga Qaybaha Kala Duwan Ee warbaahinta dalka kadib Masiibadi 14 iyo 28ka Oktoobar, 2- Mideynta Hawlaha Iyo Fariimaha Warbaahinta Dowliga ah ee Soomaaliya. 3- Dib u eegista Xeerka Saxaafadda, iyadoo Guddiga Golaha Shacabka warbixin laga dheagaystay. 4- Doodda Wadatashiga xasilinta dalka ee Doorka dowladaha bulshada, saxaafadda gaarka loo leeyahay. 5- Istaraatiijiyadda Wacyigalinta iyo Istaraatiijiyadda Horumarinta Warbaahinta Dalka Waxaa lagu heshiiyay qoddobadan soo socda: 1- Ka qeybgalayaashu, waxay u mahad celiyeen Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka iyo Wasaaradaha Warfaafinta Dawladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, sida wanaagsan ee ay u soo abaabushay shirkan muhiimka ah. 2- Ka qeybgalayaashu, waxay soo dhoweeyeen una mahadceliyeen madaxda iyo suxuufiyiinta warbaahinta ee doorkooda ku aadan wadatashiga iyo soo gudbinta fikradahooda la xiriira qodobada looga dooday shirka. Sidoo kale waxaa lagu ammaanay warbaahinta doorkii ay ka qaateen gurmadka dadkii waxyeeladu ka soo gaartay Masiibadii Qaran ee 14kii iyo 28kii Oktoober 2017 kuna dhiirigeliyey inay joogteeyaan. 3- Ka qeybgalayaashu, waxay isla qiimeeyeen baaxadda ay Lahayd musiibadii 14 iyo 28kii Oktoober iyo 28kii Oktoober ka dhacday magaalada Muqdisho iyo sidii gacan looga gaysan lahaa sii wadidda taakuleynta dadkii dhibaatadu saamaysay loogana midoobi lahaa masiibooyinka qaranka. 4-Ka qeybgalayaashu, waxay soo jeediyeen Wasaaradda Warfaafinta Federaalka iyo Wasaaradaha Warfaafinta Dawladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, in ay ka wada tashtaan si cadaalad ku salaysanna u qeybsadaan dhammaan mashaariicda warbaahinta ee hay’adaha caalamku ay ugu yaboohaan dalka. 5- Ka qeybgalayaashu, waxay xuseen in Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah dowladda dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku midoobaan dhaqangelinta Wacyigelinta Bulshada sida Abaaraha, Amniga, la dagaalanka Musuqmaasuqa, Dib-uheshiinta, Dowlad-wanaagga, La dagaalanka Jahliga iyo Fikirka xagjirka ah. Waxaana la isla gartay in si mideysan, oo xilkasnimo leh looga wada howlgalo diyaarinta Qorshaha iyo Istraatejiyadda Wacyigelinta. 6- Ka qeybgalayaashu, waxay isla qaateen in warbaahinta dowliga ay gudbiso farriimo mideysan, oo u adeegaya danaha Qaranka Soomaaliyeed, ayna xoogga saarto ka hortagga fikirka xagjirka ah, isla markaana la helo xarun dhexe oo soo saarta barnaamijyo si rasmi ah ugu wajahan ka hortagga fikirkaas, kadibna laga baahiyo qeybaha kala duwan ee warbaahinta qaranka heer federaal iyo heer dowlad goboleed. 7- Ka qeybgalayaashu, waxay isla garteen baahida loo qabo in la dhameystiro istaraatiijiyada Warbaahinta Qaranka si loo dhaqangeliyo. 8- Ka qeybgalayaashu, waxay isla garteen in la dhiso guddi farsamo, oo ka kooban dhamaan dhinacyada, oo ka shaqeyn doona dhamaystirka istaraatiijiyadda wacyigalinta iyo in uu kormeer joogto ah ku sameeyo guddigaasi ka wada shaqeynta arrimaha soo kordha. 9- Ka qeybgalayaashu, waxay ammaan iyo mahadcelin u jeediyeen dawladaha iyo hay’adaha taageera warbaahinta Soomaaliyeed, waxayna ugu baaqeen in ay sii xoojiyaan taageeradooda xilligan warbaahinta Soomaaliyeed gelayso marxaladda cusub, ayna si buuxda ula shaqeeyaan. 10- Ka qeybgalayaashu, waxay soo dhoweeyeen abuurista xafiiska Istaraatiijiyadda Warbaahinta dalka, iyadoo ay dhinac ka ahaan doonaan xafiisyadaas Wasaaradaha Warfaafinta ee Dowlad Goboleedyada, waxayna soo jeediyeen in si deg deg ah loo howlgaliyo xafiiskaas, oo mas’uul ka ahaan doona mideynta iyo hagista fariimaha warbaahinta dalka. 11- Ka qeybgalayaashu, waxay isla qaateen in saxaafada aan loo adeegsan dhinaca xun ee loo adeegsado dhinaca wanaagsan, lagana fogaado hadalada iyo wararka been abuurka ah. 12- Ka Qeybgalayaashu waxey u mahadceliyay Guddiga Saxaafadda ee Golaha Shacabka sida ay wadatashiyo ula sameeyeen bahda saxaafadda iyo wasiirada dowlad goboleeyda, Waxayna ugu baaqeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare in ay si hufan u meemariyaan sharciga saxaafadda, si loo dhaqangaliyo. 13- Ka qeybgalayaashu, waxay tilmaameen ahmiyadda dhamaystirka xeerka saxaafadda, waxayna ku baaqeen in tallooyinka Dowladaha xubnaha ka ah DFS lagu soo daraa ka dibna marka la isku raaco ay Guddiga Saxaafada ee Baarlamaanka Soomaaliya horgeeyaan G/Shacabka si loo ansixiyo. 14- Ka Qeybgalayaashu waxey u mahadceliyay Guddiga Saxaafadda ee Golaha Shacabka sida ay wadatashiyo ula sameeyeen bahda saxaafadda iyo wasiirada dowlad goboleeyda, Waxayna ugu baaqeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare in ay si hufan u meemariyaan sharciga saxaafadda, si loo dhaqangaliyo. 15- Ka qeybgalayaashu, waxay ku heshiiyeen in shirkan la joogteeyo, laguna qabto Dhamaan xarumaha Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, xilliyo kala duwan, iyadoo kan ugu horeeya la isku raacay in uu ka dhaco magaalada Garowe ee caasimadda Puntland. 16- Ka qeybgalayaashu, waxay isla garteen in Warbaahinta Dowladda ahmiyad siiso wadashaqeyntooda, iyagoo heshiisyo wadashaqeyn kala saxiixday, islana gartay in la sii xoojiyo wadashaqeynta iyo xiriirkooda. 17- Ka qeybgalayaashu, waxey ka qeybgaleen xaflada lagu xusayo maalinta isla xisaabtanka falalka dambiyada ah si loo sharciga loo horgeeyo dadka dambiilayaasha ah (Impunity Day), iyagoo ka codsaday hay’adaha amniga iyo garsoorka inay dabagal ku sameeyaan sidii sharciga loo horkeeni lahaa dhammaan danbiilayaasha ku xad-gudbay wariyeyaasha Soomaaliyeed. Waxeyna dawlada ka codsadeen inay abuurto jawi xasiloon oo amni iyo nabadeyn ka jirto si wariyeyaasha ay howlahooda u gutaan si daacad ah. 18- Ka Qeybgalayaashu, waxay isku raaceen in Bahda Warbaahinta iyagoo la tashanaya wasaaradaha warfaafinta heer Federaal iyo Dawladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya in guddi farsamo loo saaro oo soo diyaariya Anshaxa weriyeyaasha (code of ethics) sida uu farayo Xeerka Saxaafada. MAHADSANIDIIN Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Dawladda Federaalka Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow). Wasiiru Dowlaha Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dhaqanka ee Puntland. Mudane, Abdifatah Nur Ashkir. Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta & Technologiyada ee Jubbaland Mudane Cabdinur Cali Adan. Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta Bulshada ee Koofur-Galbeed Mudane Xasan Cabdi Maxamed. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Hannuuninta, Dhaqanka & Dalxiiska ee GalMudug Maxamuud Aadan Cusmaan (Masagawaa). Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee HirShabeelle, Mudane, Mahad Xassan Cusmaan. FAAFINTA PUNTLAND POST The post War murtiyeedka Shirka Wadatashiga Warbaahinta Heer Federaal, Dowlad Goboleedyada iyo Bahda Warbaahinta appeared first on Puntland Post.
  14. Eleven princes were arrested in Saudi Arabia on Saturday following the formation of an anti-corruption committee by King Salman bin Abdulaziz Al-Saud, Saudi-backed broadcaster Al-Arabiya reported. Three ministers were removed from their positions: Economy and Planning Minister Adel bin Mohammed Faqih, National Guard Minister Prince Miteb bin Abdullah bin Abdulaziz and Naval Forces Commander Admiral Abdullah bin Sultan bin Mohammed Al-Sultan, said Saudi TV, the government’s official broadcaster. King Salman ordered the new anti-corruption campaign as part of an “active reform agenda aimed at tackling a persistent problem that has hindered development efforts in the Kingdom in recent decades,” a press release from the Saudi Ministry of Communications said. The royal decree said the committee was needed “due to the propensity of some people for abuse, putting their personal interest above public interest, and stealing public funds” and will “trace and combat corruption at all levels,” according to the release. The committee, headed by Crown Prince Mohammed bin Salman, has the authority to investigate, arrest, issue travel bans and freeze the assets of those it finds corrupt. The three ousted ministers were replaced, with Prince Khalid bin Abdulaziz bin Mohammed bin Ayyaf Al Muqren becoming National Guard minister, Mohammed bin Mazyad Al-Tuwaijri becoming the Economy and Planning Minister, and Vice Admiral Fahd bin Abdullah Al-Ghifaili taking on the role of Naval Forces Commander. Source: CNN
  15. Social media giants YouTube and Facebook are removing hundreds of pages documenting war crimes on their platforms, The Intercept reported on Thursday. Mentioning YouTube’s new artificial intelligence system designed to identify terror propaganda videos published by groups such as Daesh, the website said that the Google-owned video sharing platform has shut down pages of 900 groups and individuals documenting the war crimes perpetrated by Daesh, Al Nusra and other terrorist groups, also the Assad regime. The AI also shut down Bellingcat, a well-known U.K.-based watchdog devoted to analyzing images coming out of conflict zones including Syria, Ukraine, and Libya, Asher-Schapiro said. “YouTube also took down content from the group AirWars, which tracks the toll of U.S. airstrikes in Iraq and Syria,” he added. The report also touched upon the shutdown of pages documenting the oppression Rohingya Muslims are going through. “Meanwhile, in September, Facebook began removing photos and images documenting ethnic cleansing and torture of the Rohingya ethnic minority at the hands of the Myanmar government,” The Intercept reporter Asher-Schapiro stated in the piece. “Facebook would not answer specific questions about war crimes evidence. A spokesperson, who would not agree to sit for an interview or be named, said Facebook tried to be flexible and allow violent content to live on its platform when that content had some social or documentary value,” the report added. “YouTube defended the way it deals with war crimes evidence and its relationship with the human rights groups who collect that evidence,” Asher-Schapiro said. “We are committed to ensuring human rights activists and citizen journalists have a voice on YouTube and are proud of how our service has been used to expose what is happening across the globe,” Juniper Downs, YouTube’s director of public policy, was quoted as commenting on the matter. Reminding that Sweden has already prosecuted Syrian regime using evidence from both Facebook and YouTube, Asher-Schapiro added that there are 30 ongoing war crimes investigations in Swedish and German courts connected to crimes committed in Syria and Iraq. Asher-Schapiro also stated that YouTube is more open to collaboration than Facebook, quoting human rights activists. The author also mentioned an “egregious” incident, quoting Eliot Higgins, founder of Bellingcat. According to Higgins, 80 percent of the firsthand reports of Syrian regime’s chemical attack on the civilian population of Damascus were erased from Facebook. Facebook declined to answer a question about Higgins’s claim, Asher-Schapiro added. Source: – Daily Sabah
  16. Howlgalka Midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya ayaa sheegay in u diyaar garoobayaan sidii Ciidamadda Xoogga dalka Soomaliyeed ay ugu wareejin lahaayeen guud ahaan amaanka dalka. Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Madeira oo ka qeyb galay kulan ay isugu yimaadeen madaxda dowladda Soomaliya iyo Howlgalka AMISOM ayuu ku xaqiijiyay qorshahaas. “Dib u habeynta ciidamadeena ee saldhigyadooda sida dhaqdhaqaaqa ay ciidamada Milatariga Ethiopia sameeyeen ee lagu arkay iyagoo ka soo gudbaya xadka Soomaaliya , waxaa uu yahay u diyaargarowga sidii ciidamada qaranka Soomaaliya loogu wareejin lahaa mas’uuliyada ammaanka dalka Soomaaliya.”ayuu yiri Francisco Caetano Madeira Sidoo kale Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Madeira ayaa sheegay in howlgalada dhawaan ay qaadi doonaan Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed iyo kuwa AMISOM aysan waxba u dhimi doonin xasiloonida iyo Ammaanka dalka Soomaaliya. Sidoo kale Wakiilka ayaa ugu baaqay ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed in ay qaataan tababaradda loogu talagalay si ay ula wareegaan guud ahaan amaanka dalka Soomaliya. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa qaraar tirsigiisu yahay 2372(2017) waxa uu ku baaqay in si tartiib tartiib ah ay ciidamada Midowga Afrika AMISOM ugu baxaan wadanka Soomaaliya kadib marka tababaro sare loogu qaadayo xirfada ciidamada qaranka Soomaaliya la siiyo. PUNTLAND POST The post AMISOM” Amaanka Dalka Waxaan ku Wareejineeynaa Ciidamada Soomaalida ah” appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa shirka weli Muqdisho uga socda Madaxda Qaranka iyo Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada ka jira dalka. Sida ay sheegayaan wararka laga helaayo Madaxtooyada Somalia shirka ayaa weli la isku mari la’ yahay kadib markii labada dhinac ay ka biya diidan yihiin qodobada horyaal qaarkood. Qodobada la isku mari la’ yahay ayaa waxaa diidan Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada waxaana la xaqiijiyay in qodobadaasi ay kamid yihiin burburin lagu sameynaayo Gole dhawaan ay ku sameysteen shirkii ka dhacay magaalada Kismaayo. Shirkaan ayaa ah mid dhaafay waqtigii loogu tala galay in lasoo gabagabeeyo, waxaana qodobada la iskumari la’yahay sidoo kale ka mid ah Arrimaha dib u eegista dastuurka, habka awood qaybsiga khayraadka dalka iyo wada shaqeynta dowladda Dhexe iyo maamulada. Sidoo kale, ismari waaga ayaa ka dhashay qodob la sheegay inuu yahay in Hogaamiyayaasha laga qeyb galiyo go’aamada muhiimka ah ee Arrimaha dibadda. Dowlada Dhexe ayaa dooneysa in dhammaan waxyaabaha khuseeya awoodaha in iyada looga danbeeyo, maadaama awooda ugu sareysa dalka iyo go’aan ka gaarista arrimaha qaar ay iyada leedahay. Geesta kale, waxaa suuragal ah in maanta oo Axad ah lasoo afjaro shirka, inkastoo aanu jirin heshiis weli laga gaaray shirka weli socda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Dhexe ay caqabad ku tahay xasiloonida ka taagan deegaanada hoostaga Galmudug iyo Koonfur Galbeed. Hogaamiye Shariif, ayaa shirka ka socda magaalada Muqdisho ka sheegay in kacdoonada ka socda magaalooyinka Baydhabo iyo Cadaado ay ka danbeyso dowlada Somalia. Shariif ayaa sheegay in Dowlada Dhexe ay sii iftiimisay khilaafka kala dhexeeya Xildhibaanada maamulkiisa, waxa uuna ka digay in laga shaqeeyo burbur ku imaada maamulkiisa. Waxa uu shirka ka sheegay inay jiraan cadeymo muujineysa in dowlada Dhexe ay ku lug leedahay xiisad Siyaasadeedka ka taagan Baydhabo iyo Cadaado, sida uu hadalka u dhigay. Shariif Xasan waxa uu cod dheer ku sheegay inaanu laheyn adkeysi u suuragalinaaya inuu sii wado shirka inta Xukuumadda arrimahaas faraha kula jirto, waxaana natiijo kasta oo shirka ka soo baxda ay ku xireyn in Xukuumadda ay marka hore soo afjarto xiisadahaas. Xildhibaanada Mooshinka kawada Shariif Xasan ayaa la sheegay in dhawaan laga diray magaalada Muqdisho, kuwaa oo iminka kor u dhaafay 90 Xildhibaan, waxa ayna taa qalqal iyo shakiba ku abuurtay Hogaamiye Shariif Xasan iyo Xaaf. Dhinaca kale, Hogaamiyayaasha ayaa kasiman in marka hore ay Dowlada Dhexe soo afjarto xiisada ka taagan magaalooyinka Baydhabo iyo Cadaado. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidanka Militeriga Somalia ayaa saacadihii la soo dhaafay maleeshiyaadka Al-Shabaab kala wareegay deegaano ku yaala Gobalada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose kadib dhaqdhaqaaq dagaal oo ay halkaa ka bilaaween. Generaal C/llaahi Cali Caanood oo ah abaanduulaha Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in ay Ciidamada Dowladda qabsadeen ilaa 5 Tuulo oo ay Al-Shabaab ku sugnaayeen Isla markaana ay fariisin cusub ka sameestay, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu sheegay Caanood in ciidamada ay hadda si buuxa u heystaan Basra Daniga Baalow iyo tuulooyin kale oo muhiim ah una dhaxeeya Labada Gobal. Waxa uu cadeeyay in ciidamada Militeriga ay horay usii dhaqaaqi doonaan isla markaana kuwo kale ay uga tagi doonaan deegaanada ay hadda qabsadeen. Sidoo kale, Abaanduulaha ayaa sheegay ciidamada Xoogga dalka Somaliya inay sii wadi doonaan hawlgalka ka dhanka ah Ururka Al Shabaab, si looga saaro Shabaab deeganada ay joogaan. Ciidamada Xoogga dalka Somaliya oo isku diyaarinaya qaadista hawlgal ka dhan ah Ururka Al Shabaab, ayaa marka hore doonaya inay xaqiijiyaan wadada isku xirta Shabellaha dhexe iyo Shabellaha hoose inay tahay mid amnigeeda la isku haleyn karo. Dhinaca kale, abaabulka ugu xoogan ee dowlada Federaalka ayaa ka socda Degmada Afgooye waxaana halkaa ku diyaarsan ciidamo kor u dhaafaya 3,000. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Roobab aad u xoogan oo mahiigaan ah ayaa xalay ilaa iyo saakay ka da’aya Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya. Roobabkaan ayaa biloowday xalay saqdii dhexe abaarihii 2:00 Habeenimo xili dadku ay hurdayeen waxaana uu socdaa ilaa iyo saaka. Roobabkaan ayaa ah kuwo Mahiigaan ah oo si xiriir ah magaalada uga da’aya ayaa sidoo kale roobabku waxa uu gaaray duleedka magaalada Muqdisho. Roobabkaan ayaa sababay in uu xirmo isku socodka gaadiidka iyo meelaha qaar dadweynaha ee Magaalada Muqdisho. Wadooyinka iyo laamiyada waaweeyn ee Muqdisho ayaa waxaa fadhiistay biyaha xareeda Roobabka kuwaasi oo aanay gaadiidka iyo dadkaba isticmaali karin. Sidoo kale roobabkaan ayaa waxaa saameeynta ugu badan uu ku yeeshay dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan Muqdisho kuwaasi oo aan heeysan hooy ay kaga gambadaan dhaxdanta iyo Qaboowga Roobka. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Roobab Ma Hiigaan ah oo Xalay ilaa iyo Saakay ka da’aya Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  21. Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in xalay ay xabsiga dhigtay bilyineerka caanka ah ee Amir Alwaleed bin Talaal, ugu yaraan 10 amiir oo kale, afar wasiir, iyo tobaneeyo wasiiro hore. Xarigan ayaa waxaa looga dhawaaqay taleefishinka Sacuudiga ay leeyihiin ee Alcarabiya. Xariga Amiir Alwaleed oo ka mid ah ragga ugu taajirsan dunida ayaa mowjado naxdin ah u diri doona suuqyada saamiyada dunida oo uu saamiyo badan ku leeyahay. Alwaleed oo maamul shirkadda Kingdom Holding, islamarkaana ku jira liiska dadka ugu taajirsan dunida, ayaa waxa uu saamiyo ku leeyahay shirkado ay ka mid yihiin News Corp, Time Warner, Citigroup, Twitter, Apple, Motorola iyo kuwa kale oo dunida caan ka ah. Xariga amiirada ayaa yimid saacado un kadib markii dowladda Sacuudiga ay ku dhawaaqday guddi cusub oo qaabilsan la dagaalanka musuq-maasuqa, hase yeeshee xarigan ayaa loo arkaa mid lagu xoojinayo awoodda dhaxal-sugaha dalkaas Maxamed Bin Salmaan. Ragga siyaasadda boqortooyada taxliilaya ayaa aaminsan inay suurta-gal tahay in dhowaan uu la wareegi rabo xilka boqorka aabihiisa, sidaas darteedna uu xabsiga sii dhigayo shaqsiyaadka ka horiman kara. Wararka ka imanaya magaalada Riyadh ayaa sheegaya in hotelka Ritz Carlton ee magaalada caasimadda la baneeyey sabtidii, si xabsi loogu dhigo amiirada iyo wasiirada lasoo xiray. Waxaa sidoo kale la xiray dhammaan garoomadii diyaaradaha ee gaarka loo lahaa, taasi oo muujineysa inay suurta-gal tahay in dad kale lasoo xiri doono. Caasimada Online Xafiiska Jeddah Caasimada@live.com
  22. MUqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska DAILY SABAH ee ka soo baxa dalka Turkiga ayaa qoray Warbixin dheer oo uu kaga hadlayo Furitaanka Saldhigga cusub ee Turkiga ka furteen magaalladda Muqdisho, Istaraatijiyadda ay leedahay iyo waxa u sabab ah Dhaleeceynta loo jeedinayo Saldhigaasi. Wargeyska oo Warbixintiisa Hal-ku-dheg looga dhigay (Waa Maxay Ahmiyadda Saldhigga Milliteri ee Turkiga ku leeyihiin gudaha Somalia”) waxa hordhac ahaan loogu muujiyey in Saldhigga Milliteriga Turkiga ka furtay caasimadda Somalia ee Muqdisho loo adeegsanayo Akadeemiyad Milliteri, iyadoo ay 200 Askar Turkish ah u joogaan halkaasi sidii ay u dhisi lahaayeen Ciiddan Somalia oo waxtar leh. Wargeyska Daily Sabah waxa uu sii qoray inay Turkiga walaac xooggan ka qabtay Somalia tan iyo Dagaalkii 1988 ka qarxay Somalia iyo Faragelintii Maraykanka ee ay Hawlgalka Milliteri ku soo galeen Somalia bilowgii sannadihii 1990-aadkii. Wargeyska waxa uu ku sheegay Sababtii Istaraatijiyadda ee ka dambeysay Faragelintii Maraykanka ee Somalia, iyadoo ay Dowladda Maraykanka doonaynin inay Kooxaha Xag-jirka qabsadaan Talada dalka Somalia oo ku taalla mid ka mid ah goobaha ugu mashquulka badan ee Diyaaradaha iyo Maraakiibta maraan. Wargeyska SABAH DAILY waxa kale oo uu qoray inuu Milliteriga Mraaykanka ku guuleysanin inuu Somalia ka dhigo dal Deggan, ilaa ay sannadkii 1994-kii oo laga soo daad-gureeyey gudaha Somalia. Wargeyska waxa kale oo soo hadal qaaday Hawlgalka ay Milliteriga Mareykanka ka wadaan Somalia iyo Dib-u-furista Safaaradii Maraykanka ee sanadkii 2014-kii laga furay Muqdisho. Wargeyska waxa uu xusay in Tan iyo xilligaasi inay Maraykanka kala shaqeynayeen Dowladda Somalia La-dagaalanka Alshabaab Wargeyska waxa kale oo faahfaahin ka bixiyey inay Turkiga doonayaan inay isku tijaabiyaan inay Somalia ka sameeyaan haatan Hawlgal Xaqiijinta inay Turkiga yihiin Isbahaysi Maraykan. Wargeyska DAILY SABAH waxa uu Qormadiisa si cad ugu muujiyey inay Dowladda Turkiga ka caawin doonto Somalia sidii loo dhisi lahaa Ciiddan Qaran oo awoodi u leh Dagaalka Alshabaab. Si kastaba ha ahaatee, Wargeyska waxa uu bidhaamiyey inay Turkiga ka shaqeynayaan Geeska Afrika iyagoo Xiriir buuxa kala leh Maraykanka iyo ibshaysiga NATO, lagana feejigan yahay Damaca Iiraan iyo Iiraan ee Istaraatijiyadda dalKa Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa Iclaamiyay dagaal ka dhan ah dhinacyada ka soo horjeeda Xasiloonida ka jirta deegaanada maamulka. Cabdi Cali Xersi ”Qarjab”, Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku qaadayaan dhinacyada kala ah Somlailand, Al-shabaab iyo Daacish, oo la sheegay inay caqabad ku yihiin xasiloonida ka jirta Puntland. Wasiirka ayaa sheegay in dagaalkaasi uu ka bilaaban doono iyadoo iskaashi lala sameynaayo shacabka Puntland, si meel looga soo wada jeesto dhinacyadaasi. Waxa uu tilmaamay in maamulka Somaliland uu kusoo xadgudbay deegaano dhowr ah oo maamul ahaan hoosyimaada Puntland, isla markaana horay uga bixiyeen digniino culus oo la gaarsiiyay madaxda maamulka balse aanu helin wax jawaab ah. ”Somaliland waxaan kula dagaalami doonaa xadgudubka ay kusoo sameysay deegaanadeena, waxa ay keeneen sanduuqyo cod bixin oo sharci darro ah, maadaama dadka codka laga doonaayo ay yihiin Puntland waan kasoo horjeednaa in ciidamada Somaliland ay nabad ku joogan dhulkaas” Wasiir Cabdi Cali Xersi ”Qarjab”, waxa uu sidoo kale sheegay in dagaalka labada Jiho ee kale uu yahay mid ay ku qaadayaan maleeshiyaadka Al-shabaab iyo Daacishta Somalia oo ku sugan deegaano ka tirsan Gobolka Bari. Qarjab waxa uu sheegay iyadoo la adeegsanaayo diyaarado dagaal iyo qaab dhulka ah labadaba in la fulin doono dagaalkaan si natiijo looga gaaro. Ciidamadii qaadi lahaa Dagaalka ayuu sheegay inay yihiin diyaar isla markaana uu socdo abaabul dagaal oo ka dhan ah dhinacyadaasi. Sidoo kale, Daacish iyo Shabaab ayaa Saldhigyo waxa ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobolka Bari ee Puntland, halkaasi oo ay ka qaadaan weerarada qorsheysan. Geesta kale, Puntland ayaa horay ugu fashilantay weeraro ay ku qaaday Saldhigyada Shabaab iyo Daacish ee ku yaalla Gobolka Bari. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan kasoo xiganay Sarkaal ka tirsan Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre, waxaa socda qorsho isku shaandheyn loogu sameynaayo Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia. Sarkaalkan ayaa sheegay in sababta loo magacaabi la’ yahay Wasiirka Difaaca Somalia, ay qeyb ka tahay isku shaandheyn la sheegay in lagu sameynaayo gabi ahaan Golaha si meesha looga saaro tabashooyin ay qabaan qaar kamid ah beelaha. Beelaha qaar ayaa qaba dhaliil ay ka muujinayaan Wasaaradaha ay ka heleen Xukuumada, kuwaa oo sabab u noqday in la diyaariyo isku shaandheyn, maadaama ay sii kordhayaan dhaliilaha ay u jeedinayaan dowlada. Wasaaradaha leysku mari la’ yahay ayaa waxaa kamid ah Wasaarada Arrimaha Gudaha, Dibadda iyo Difaaca, waxaana arrintaani sii adkeynaaya Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada oo qeyb ka ah la-tashiyada la doonaayo in lagu soo xulo Xukuumada, waana tan keentay in dib u dhacyo farabadan uu ku imaado shirka Dowlada Dhexe iyo Maamul Goboleedyada. Wasaarada Difaaca ayaa la sheegay inay isku hayaan maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo inta badan isku bedela Wasaaradaasi. Qorshaha isku shaandheynta ayaa qeyb ka ah Heshiis uu Ra’isul wasaare Kheyre la galay Xildhibaanada baarlamaanka Somalia oo iyagu dhawaan ka keenay Mooshin xil ka qaadis ah, waxa uuna heshiisku ahaa in leysku shaandheeyo Golaha, si Xildhibaanada qaar ay u helaan kuraasta Xukuumada. Sidoo kale, isku shaandheynta ayaa waxaa aad looga hadal hayaa inta badan magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarumaha dowlada, inkastoo aan la ogeyn maalmaha ay qaadan doonto. Dhinaca kale, waxaa jira Wasiiro dhowr ah oo aan kasoo dhalaalin shaqooyinka loo igmaday kuwaa oo ay suuragal tahay inay galaafato seefta Kheyre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Madaxweynaah dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftiga uu hogaaminayo ee Muqdisho ku sugan ayaa caawa 04 Nov 2017 kulan casho sharaf ah layeeshay Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad [ Oomaar ]. Kulanka casho sharafta ah ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa aqoon yahay Maxamed Cabdi Gandhi,waxaana ay casho sharaf kadib weftiga Madaxweynaha iyo Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya yeesheen kulan ay kaga wadda hadleen arrimo la xidhiidh muhiimmadda ay leeyihiin dhismaha Garoomada Soomaaliya, maamulka hawada Soomaaliya, iyo koboca dhismayaasha ay dawladda Puntland ka samaysay dhismayaasha garoomada diyaaradaha. Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sheegay in dhismaha garoomada diyaaraduhu ay wax weyn Soomaaliya kusoo kordhinayaan dhaqaale ahaan, horumar ahaan, iyo sahlidda adeegyada deg degga ah ee shacabku u baahan yihiin hadday gargaar tahay iyo haday adeeg caafimaad tahayba. Sidoo kale Madaxweynaha Gaas ayaa cadeeyey in gacan ku haynta hawada Soomaaliya tahay wax qabad muhiimaddiisa leh, maadaama ay Soomaaliya muddo badan gacanteeda ka maqnayd maamulka hawadeedu, haatana ay si xor ah u maamulayso, taasi oo uu sheegay Madaxweynuhu inay tahay talaabo wanagsan oo hore loo qaatay. Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad [ Oomaar ] ayaa xaqiijiyey in dawladda Puntland horumar lixaadle ka gaadhay dhismayaasha garoomada diyaaradaha madaama ay sadex sanadood guddohood ku hirgashatay sadex garoon oo caalmi ah [three International Airport], waxaana uu wasiirku xusay in taasi tahay horumar wanaagsan oo ay Puntland hormuud ugu tahay guud ahaanba Soomaaliya, isagoona Madaxweynaha dawladda Puntland ku amaanay dedaalka dheeriga ah ee uu ku bixiyey dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Puntland ee ay ugu horeeyaan garoomadaasi iyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xusay in dhismaha garoomada diyaaraduhu ay kow ka yihiin illaha dhaqaale ee dalka, isla markaana ay ka qayb qaadanayaan wax kasta oo horumar ah ee Soomaaliya u baahan yahay, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dawladda Puntland diyar u tahay wax kasta oo wanaag ah inay dalkeeda Soomaaliya ka taageerto khibrad ahaan iyo waayo aragnimo ahaanba. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo Yeeshay Kulan Casho Sharaf ah. appeared first on Puntland Post.