Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,077
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in ficil ahaan ay uga jawaabi doonaan Hanjabaada ay Puntland hawada usoo marisay. Maxamed Muuse Diiriye oo ah Wasiiru-dowlaha wasaarada amniga maamulka Somaliland, ayaa sheegay in Puntland ay Hanjabaadaasi ka jeedisay afka, balse ay ficil ahaan uga jawaabi doonaan sida uu hadalka u dhigay. ”Puntland hanjabaada waxa ay ka tahay afka balse anaga ka Somaliland ahaan waxa ay naga tahay caloosha weyna ka shaleyn doontaa Puntland haddii ay dhankeeda rasaas kasoo rido” Waxa uu sidoo kale, Wasiiru dowlaha carab dhabay in ciidamadooda ay u diyaarsan yihiin dagaal ka dhan ah Puntland, hase ahaatee ay ka digayaan in Puntland ay kusoo xad gudubto. Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa ciidamo aad u badan dhoobay Gobolada ay ku muran san yihiin ee Sool iyo Sanaag, waxaana suuro gal ah inuu dhexmaro labada maamul dagaal adag. Sidoo kale, Puntland ayaa diidan in gobollada Sool iyo Sanaag ay ka dhacdo doorashada maamulka Somaliland. Dhinaca kale, deegaanada maamulka Somaliland ayaa 11-ka Bishaan looga dareeri doonaa doorashada Hogaamiyaha cusub ee uu yeelan doono maamulka . Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Thai authorities should release 35 Pakistani and Somali asylum seekers arrested in recent raids, a rights group said Monday, slamming arrests that swept up more than a dozen children. Most of the men, women and children held documents issued by the UN’s refugee agency when they were detained by police in Bangkok on October 21, 30 and 31, according to watchdog Fortify Rights. A total of 19 children were initially arrested, with six — including four unaccompanied Somali minors — still in detention, the watchdog said. Many of the adults were charged with overstaying their visas or other immigration violations. Fortify Rights director Amy Smith called for their swift release and lambasted Thai authorities for “trampling on the rights of asylum seekers”. “Asylum seekers fleeing persecution in their home countries shouldn’t experience further violations in Thailand,” she said. Thailand’s porous borders, lax visa requirements and reputation for religious tolerance have made the kingdom a magnet for refugees fleeing persecution around the globe. But the government refuses to differentiate between illegal immigrants and refugees, leaving asylum seekers vulnerable to arrest and deportation as they wait out years-long vetting processes by the UNHCR. Once their temporary visas expire, asylum seekers can been picked up on immigration charges at any time and thrown in Bangkok’s grim detention centres, where many languish for long periods. Thailand allows the UNHCR to operate inside the country, where the agency is tasked with handling some 7,000 refugee cases. But authorities often ignore the UNHCR’s “person of concern” documentation and have previously deported even some refugees lucky enough to secure approval for resettlement in third countries. The asylum seekers living in Thailand’s shadows hail from nearly 50 countries around the globe, with Pakistanis — many of them Christian — making up the biggest block. Source: AFP
  3. Mohammed Ahmed Al Othman, the UAE Ambassador to Mogadishu, met Mohamed Ali Guyo, Special Envoy of the Intergovernmental Authority on Development, IGAD, to Somalia, here on Saturday. The meeting saw discussions on means to enhance co-operation between the UAE and IGAD and between the UAE Embassy and the IGAD office in Mogadishu, to ensure joint support to security and stability in Somalia. Guyo applauded the UAE’s efforts in support of Somalia’s peace and stability, its role in the national peace and reconciliation process among the different Somali parties, and its continuous work on development projects there. The UAE Ambassador thanked the IGAD Special Envoy for his visit and re-affirmed his keenness to boost co-operation with the authority’s office in Mogadishu. Source: WAM
  4. Eritreans living abroad have staged protests decrying the human rights situation back home. The protests held on Friday were originally planned for Washington, London and Stockholm. It comes in the wake of Tuesday’s rare protest in the streets of the capital Asmara. Security forces used gunfire to disperse students who reports indicate were demanding the release of a school head detained for resisting state interference in running the Islamic community – funded school. Photos shared on social media, however, showed protesters in London, scores of who gathered outside the embassy in London to register their concerns. مظاهرة استوكهولم امام البرلمان السويدي نصرة لشعب ارتريا #إرتريا_تنتفضpic.twitter.com/SfdHu02CFC — Bakrei Humed (@BakreiH) November 3, 2017 Over in the Swedish city of Stockholm, protesters chose the front of the Swedish parliament to stage their protests. About 100 people with banners and photos of prominent religious leaders took part in the process. The government through its information minister, Yemane Ghebre Meskel, has categorically denied that there were any deaths during the ‘small demonstration.’ Arrests were made in the wake of the protest even though normalcy is said to have returned to Asmara. Eritrea blames some media personnel and people they say have links with neighbouring Ethiopia in stoking tensions and blowing matters out of proportion. The country is known for its clampdown on human and press rights. It does not have a functional constitution since attaining independence from Ethiopia in 1993. President Isaias Afwerki is its only political leader since independence, elections were planned almost two decades ago but were never held. Source: – Africa News
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Maxamed ”Farmaajo”, ayaa mar kale Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeybqaatan dagaalka lagula jiro maleeshiyaadka Alshabaab. Farmaajo, ayaa sheegay in shacabka laga doonaayo inay qaatan Hubka isla markaana iska celshaan waxa uu ugu yeeray argagixisada u jilbeysan daadinta dhiiga shacabka. Waxa uu tilmaamay in fal waliba oo ay geystaan ay ku dhameeyan dad shacab maati ah, waxa uuna ku baaqay in si siman loola dagaalamo. Wuxuu sheegay Farmaajo hadii madaxda Dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada ay isla qaateen istiraatiijiyad mideysan in shacabka qeybahooda kala duwan dhankooda looga baahan yahay garab siinta Ciidanka xoogga dalka. Farmaajo waxa uu ciidamada Qalabka Sida ee DFS ka dalbaday in ay adkeeyan ammaanka dhammaan goobaha ay ku sugan yihiin shacabka iyo xuduudaha laga soo galo magaalada Muqdisho. Sidoo kale, waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyey in dagaalka la qaadi doono ay kusoo afjari doonaan jiritaanka maleeshiyaadka Al-shabaab ee dhibta ku haya shacabka. Geesta kale, waxa uu dhankiisa ka ballanqaaday inuu ka xoojin doono wanaajinta ciidamada u taagan difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Dal walba oo dunida ka mid ah waxa uu leeyahay muhiimad gooni ah oo isaga khaas ku ah waxaa kale oo uu leeyahay wax uu kaga sareeyo wadamada kale ha noqoto bad ama barri sidaa darted waxaan leenahay dalka dunida ugu cajiibsan marka aan cajiibsan ku leeyahay iga ma ahan amaan ee waa xaqiiqo bal ila fiiri maqaalkan aad ciwankiisa kor ku soo aragtay waxana ka ogow muhiimada uu adduunka u leeyahay dalkeenu. Inaad wax ka ogaato xog jirta ama dhacdo dhacday waxa aad u baahantahay inaad hesho qoraal cadaynaya waxa aad u bahantahay iyada oo ay taasi jirto ayaan waxaan rabaa in aan si kooban oga hadlo ah miyada xeebaheenu ay leeyihiin iyo loo lanka loogu jiro hadaba su aasha meesha taala ayaa ah muxuu ku qotomaa loo lankan loo gu jiro xeebaha Soomaaliya marka laga soo tago xeebaha Afrika waxaan dhihi karnaa waa ahmiyada ay leeyihiin oo ah meesha istiraatijiga ah ee ay dhacaan Dakadaheenu. Xeebata Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa 3333kms halka xeebaha Imaaradka lagu qiyaaso 500kms oo kaliya xeebaheenu waa marinka aduunka isugu yimaado Suez, Bada, Cas, Gacanka Cadan, Badda Carabta /faarisiga. Marka la is barbar dhigo badeena iyo xeebaha imaaraadka Tusaale ahaan markabaka ka yimaada Yurub Suez soo mara Suez ilaa Caluula waxa lagu qiyasaa 1600Nautical miles iyo 6 maalmood halka Halka Suez ilaa dakada Dubai uu yahay 3051 Nautical miles iyo 13 maalmood marka ma kulatahay fogaanshiiyaha intaa la eg in uu mari lahaa hadii la dhisi lahaa dakadaheena sida: Caluula, xaafuun, ama Raas casayr dakad weyn laga hirgalin lahaa waxaa hubaal ah in ay xirmi lahayd Dubai oo ah meesha dunidu xoolaheeda ku aamintay Markabka ka yimaada China,Hindia,Singapore, cape Town, Yurub Ama Suez baa waxay dhamaantood isugu imaan la haayeen Raas casayr oo wax badan run ahaantii oga dhaw ogana fudud Qalooca Dakada Dubai oga kharasha yar waxaynuna oganahay waxa lagu xisaab tamaa aduunka maanta waa shidaalka markabka ama Doontu cunayso. Soomaaliya waa wadanka Afrika ugu xeebta dheer marka laga reebo Konfur Afrika sidaa darted ayuu ahmida ugu fadhiyaa dunida oo dhan waxaana hubaal ah hadii loo helo fikir dheer iyo aragti midaysan oo maskax Soomaaliyeed ka soo baxday in dadka soomaaliyeed dhamaantood ay ku filaan lahaayeen labo Dakadood oo kaliya oo sifiican loo dhisay khayraadkii kale ee dalkulahaa inta aan la gaarin . Waxaa si aan dhuumasho lahayn dakadaheena looga maaro la’yahay dawladdo badan oo caalamka ah waxaase ka xusi karaa saddex oo labo daris inala yihiin midna Carabta ka mid tahay . waxayana kala yihiin: 1. Emirates (UAE) 2. Ethopia 3. Kenya aan mid mid u dul istaagno . Imaaraad ka carabta (UAE) waxaa waa yadan danbe dhagihiina ku soo laa laabata dakad hebla waxaa lagu wareejiyey Imaaraadka sida BARBARA IYO BOOSAASO iyo waliba kuwo kale oo lagu xanto waa maxay sabata ka danbaysa boobka aan meel loogu soo gabado lahayn ee Imaaaraadka carabtu ku doonayo dakadaheena waxaa laga yaabaa in ay maskaxdaada ku soo dhacdo faa’iido ayaa inoogu jirta oo si casri ah ayuu u dhisayaa Dakadaheena hadaba arintu wey ka weyntahay taas aduunka manta waxaa ka jira loolan adag oo loogu jiro dalaka dhulkoodu Cariinyahay (Bikro) ee aan waxba laga soo saarin badiisa iyo waliba barigiisaba aan u soo dago ujeedka rasmiga ah ee DPWorld qorshaha ugu muhiimsan ee ay ka leedahay Dakadaha Soomaaliya waa in la curyaamiyo oo dunida laga idhotiri sida ku cad heshiiska BARBAR 30sano oo lagu daray 10 sano oo dheeri ah marka waa mudo 40 sano ah saamiyada lakala sexeedana sida ayey u qornayeen DPWorld 65 % mamulka SL 35% inkastoo mardabe ay soo baxday 19% la siiyey Ethopia marka wax uu Imaaraad ku talo galay in mudadaas aan wax la taaban karo laga qaban macaashka ugu badana uu isagu qaato. Ethopia Sidaan oganahay wadanka aan darika nahay ee Ethopia ma lahan wax dakada ah hadaba waxaan rabaa inaan waxyar ka idiinka iftiimiyo Doorka iyo halganka ay ugu jirto dakadaha Soomaaliya waxaan gadaal ka maqalnay marka uu hesiiska BARBARA uu dhacay waxaa Ethopia la siiyey saami dhan 19% hadaba garanay DPWorld iyo SL waxaa is weydiinta mudan halka ay ka soo gashay Ethopia halkii canshuurta dakada lagu badin lahaa ileen sidaan oganahay waa marika ugu badan ee ay wax ka la soo dagto waa Barabara e. Hadaba marka aad fiiriso sida wax u socdo waxaad soo xasuusanaysaa HINDISIHII MELES ZENAWI ee ka koobnaa 5ta qodo oo mid ka mid ah uu ahaa in ay Ethopia yeelato labo dakadood oo Soomaaliya gudaheeda ku yaala waxa uuna u qornaa sidan: Labo dekadood oo xabshidu sharciyan u leedahay oo ay maamulato in laga siiyo Badda-cas iyo Badweynta hindiya Arintaa Run ahaantii Meles oo dhintay ayey muuqanaysaa oo lanagu haysataa dakadihii Soomaliya sida “Barbara & Boosaaso”oo gacanta xabashida ku sii socda hadaan lagu baraarugin waana halka ay ka duulayso mustaqbalka dhaw iyo midka dheerba Ethoia KENYA : waa wadanka kaliya ee ay inagala dhaxayso muran dhinaca badda ah oo waliba dacwad ku socoto waana wadanka marka loo fiiriyo labada dal ee aan kor ku soo xusay ka saamaynta yar marka loo fiiriyo dhinaca Cadawtinimada ay inoo qabaan in kasta oo Kenya lafteedu ay gacanta si dadban ugu hayso Dakada Kismaayo oo dhaqale badan ay ku qabto hadana samayn xogan kuma lahan marka la fiiriyo arimahan Waxaa la rumaysanyahay in meesha lagu muransayahay uu ku jiro kayd shidaal waxayna dood ugu badan ka taagantahay in uu heshii u dhexeeye labada dawladdood taas oo aan wali la xaqiijin waxayna wasaarad arimaha dibada Kenya ay sheegatay in hadii dacwada bada ay Soomaaliya ku guulaysato ay Kenya bad la’aan ku dhici doonto Gabab gabadii waxaan maqaalkan kooban ee aan ugu magacdaray DULANKII DAKADAHA SOOMAALIYA ku soo afmerayaa talooyin ku socda dhamaan Dadka soomaaliyeed Gar ahaan in Caqliga iyo garashada u saxiibka ah waxaan leeyahay fadhiga ka kaca oo ka tigtoonaada shirqoolada loo dagayo dalka aad aduunka ku ledihiin Waxaa kale oo aan u sheeyagaa dadka Soomaaliyeed in ay shirqooladan ay kaga guulaysan karaan oo kaliya midnimo iyo wadajir madax hami iyo hiigsi dheer oo dalka iyo dadkaba u diirnaxaysa waxaa hubaal ah in hadii la helo arimahaa aan kor ku soo xusay in laga guulaysan doono Cadaawaha umada Soomaaliyeed W/Q: Xaashi Nuur Cabdiqaadir
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixino ay baahiyeen warbaahinta Soomaalida qaar ayaan lagu sheegay in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu bisha March ee sanadka 2018 ka qeyb gali doono shir ay qabaneyso shirkadda Soma Oil and Gas, oo horey uu uga tirsanaa saami-na uu ku lahaa. Inkasta oo waxba ay ku jabneyn hadidi shir noocaas ah uu ka qeyb galo, haddana waxaa warka loo dhigay mid ra’iisul wasaarah laga dhigay inuu weli shirkadaas qeyb ka yahay, inkasta oo uu ka baxay markii uu xilka qabtay, sida ay shirkadda ay caddeysay. Baaritaan Caasimada Online ay sameysay ayaa lagu ogaaday in shirkan uusan ahayn mid ay qabaneyso shirkadda Soma Oil and Gas, islamarkaana aysan wax shaqo ah ku lahayn. Shirka ayaa waxaa sida website-kooda ay ku sheegen qabanaya shirkad lagu magacaabo International Research Networks, waxaana uu ku saabsan yahay shidaalka iyo gaaska Soomaaliya, iyo sidii loogu soo saari lahaa Soomaalida. Haddii aad u baahan tahay caddeyn waxaad gashaa webkooda https://www.irn-international.com/summits kadibna dooro qeybta ay ku qoran tahay summits, halkaasi oo aad ku arki doonto shirar badan oo dalala badan oo dunida ka mid ah uu ururkan u qabanayo sida Somalia, Cameroon iyo Cuba iyo meelo kale. Sidoo kale marka aad gasho website-ka shirkadda Soma Oil and Gas, waxaadan ku arki doonin wax war ah oo ku saabsna shir ay Soomaaliya u qabaneyso ra’iisul wasaarahana uu ka qeyb-galayo. http://www.somaoilandgas.com/ Shirka ay qabaneyso shirkadda International Research Networks, ayaa waxaa halku dhig looga dhigay Somalia Oil and Gas, waxaana macquul maadaama uu ku dhow yahay magaca shirkadda Soma Oil and Gas, in dad badan sidaas u qaateen. Waxaa sidoo kale yaab leh in warqadda kasoo baxday wasaaradda batroolka Soomaaliya ee lagu caddeeyey inay ayiday shirkan, haddiiba ay sax tahay (Anaga ma xaqiijin karno) in si cad loogu sheegay cidda shirka qabaneyso ama soo agaasintay, sidaas darteedna ay yaab tahay in dib loogu leexiyo shirkaddii uu Kheyre ka tirsanaan jiray. Qoraalkan uguma talo-galin inaan ku difaacno ra’iisul wasaaraha, waxaase kaliya isku dayeynaa inaan dadka u sheegno inay ka feejignaadaan akhbaaraadka beenta ah ee loo . Caasimada Online Xafiiska Washington Caasimada@live.com
  8. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa culeys badan kala kulmayo siyaasiyiin iyo Mas’uuliyiin ka tirsanaa dowladihii dalka soo maray, isagoo weliba si gaar ah culeys wajiyo badan leh kala kulmayo musharixiintii uu xilka kaga guuleystay 08 February 2017. Haddaba waxaa is waydiin mudan sababta keentay in culeys badan la saaro Madaxweyne Farmaajo oo talada dalka hayo wax ka yar hal sano? iyo wax lagu heysto? Maxaa lagu heystaa Farmaajo: Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa noqday madaxweynihii ugu taageraha badnaa tan iyo burburkii Siyaad Barre, waxaana habeenkii uu noqday Madaxweynaha Soomaaliya is qabsaday banaanbaxyo aad u waaweyn oo lagu taageerayo, iyadoo dadka isku soo baxay ay u arkayeen inuu Farmaajo yahay Muwaadin mudan inuu dalka hoggaamiyo isla markaasna la siiyo waqtigiisa. Tan iyo markii la doortay, waxaa soo ifbaxay Siyaasiyiin badan oo weliba u badan Beesha Habargidir, kuwaas oo culeys badan soo saaray Madaxweyne Farmaajo, waxayna dadka falanqeeyo Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya aaminsan yihiin in Farmaajo lagu heysto kaliya taageerada iyo kalsoonida uu shacabka Soomaaliyeed ka heysto, isla markaasna looga cabsi qabo inuu dalka sii hayo muddo badan uuna noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee dalka xukumo wax ka badan hal Xilli, ama uu noqdo Madaxweynihii ugu horreeyey oo difaacdo xilkiisa madaxweynimo maadaama uu taageero ka heysto shacabka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka. Waxyaabaha lagu heysto Farmaajo ee loogu diidan yahay inuu dalka sii maamulo ayaa waxaa kamid ah : 1) Inuu yahay Madaxweyne taageero fiican ka heysto shacabkiisa isla markaasna diyaar u ah inuu ugu adeego sida ay rabaan. 2) Siyaasiyiinta diidan ama mucaaradsan Farmaajo oo ka cararayo inay shacabka Soomaaliyeed ogaadaan tayada madaxweyne Farmaajo oo ay qeyb yar oo kamid ah arkeen Waqtigii uu dalka ka ahaa Ra’isulwasaare. 3) Siyaasiyiinta diidan Farmaajo oo ka ordaya inuu Farmaajo banaanka usoo saaro in madaxdii hore ee dalka soo maray aysan wax badan qaban isla markaasna uu soo bandhigo waxqabad ka wanaagsan wixii ay qabteen 4) Siyaasiyiinta Qaar oo Farmaajo u mucaaradasn qaab qabyaalad ku dheehan tahay. 5) Musharixiintii laga guuleystay oo weli ka samri la’ Kursiga Madaxweynimo ee Soomaaliya, isla markaasna diidan inay jaanis siiyaan madaxweyne Farmaajo oo ay doorteen Shacabka. 6) Dowladda Imaaraadka Carabta oo Farmaajo u aragtay inuu yahay Madaxweyne liddi ku ah danaha halista ah ay ka leedahay Soomaaliya, waxayna lacago soo siisay Siyaasiyiin calooshood u shaqeystayaal ah oo aan dan iyo heelo midna ka laheyn Shacabka iyo Dalka Soomaaliya. 7) Siyaasiyiinta kasoo horjeedo dowladda Farmaajo oo doonayo inay iska hor keenaan shacabka iyo madaxdooda is jecel. 8) Qaar badan oo kamid ah shakhsiyaadka ku kacsan Farmaajo ayaa dowladda ka waayey lacago ay si musuq maasuq ah uga qaadan jireen oo hadda laga joojiyey. 9) Shakhsiyaad badan oo ay ka tan badatay lacagaha waalida ah oo ay Imaaraadka Carabta la wareegeyso oo weliba dhaafsanayo dalka iyo dowladnimada Soomaaliya. 10) Farmaajo oo si daacadnimo ku dheehan tahay u gudanayo waajibkiisa iyo Siyaasiyiinta mucaaradsan oo kasoo horjeedo in dalka cadaalad iyo daacadnimo lagu maamulo, maadaama aysan iyaga sidaas horey usoo sameyn waqtigii ay dalka maamulayeen, iyagoo diidan inay shacabka Soomaaliyeed dhadhamiyaan waxa ay tahay dowladnimada taasoo keeni doonto inaysan mar dambe kasoo muuqan saaxadda Siyaasadda Soomaaliya oo ay markii hore ku adeegan jireen. W/Q: Cabdicasiis Aadan Shire Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland ayaa sheegaya in halkaa ay ka jirto cabsi la xiriirta in maleeshiyaadka Alshabaab ay diyaarinayaan weeraro ismiidaamin ah. Wararku waxa ay sheegayaan in maleeshiyaadka ay gudaha waqooyiga magaalada Gaalkacyo galiyeen ilaa laba Gaari nooca raaxada ah oo lagu diyaariyay Qaraxyo tan culus, sida laga soo xigtay Saraakiisha amaanka. Gaadiidka miineysan ee gudaha u galay magaalada ayaa la xaqiijiyay inay kasoo galeen banaanka magaalada Gaalkacyo, waxaana socda baaritaan looga hortagaayo gaadiidkaasi. Food Maxamed oo kamid ah Saraakiisha maamulka Puntland ayaa sheegay in gaadiidkaasi lagu soo wargaliyay laba cisho ka hor isla markaana uu socdo baaritaan lagu baadi-goobaayo labada gaari. Waxa uu intaa raaciyay in gaadiidkaasi lala damacsan yahay xarumaha maamulka, balse ciidamada amaanka ay ku guda jiraan feejignaan dheeri ah. Sidoo kale, Aadan Nuur Qaal oo ah Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay hayaan xog ku aadan in Al-shabaab ay Qaraxyo Ismiidaamin iyo weeraro kala duwan ay ka geysan doonaan waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland. Ciidamada Ammaanka Puntland ayuu ugu baaqay inay u diyaar garoobaan ka hortagida weerarada ay Al-shabaab qorsheeyen in ay geystaan. Si kastaba ha ahaatee, dadka deegaanka ayaa walaac ka muujinaaya in maleeshiyaadka Alshabaab ay Qaraxyo ka geystaan goobaha ay ku caweeyan shacabka aan waxba galabsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Ahlusuna wal-Jameeca ayaa lagu eedeeyay inay hurinayaan colaado la sheegay inay ka taagan yihiin deegaano hoostaga Gobolka Hiiraan. Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ee maamulka Hir-Shabeelle Cali Jeyte Cusmaan, ayaa sheegay in Ahlusuna ay hubeyneyso qaar kamid ah beelaha degan Gobolka Hiraan si aan loo helin nabad. Guddoomiyaha waxa uu sheegay in maamulka Gobolada dhexe ee Ahlusuna wal-Jamaaca, ay colaad ka dhex hurinayaan laba beel oo wada degta Gobolka Hiiraan. Dadka ay colaada ka dhex abuurayaan ayuu tilmaamay inay degaan deegaanada Baanyaaleey iyo deegaano kale oo hoostaga degmada Matabaan. Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in dhowr mar ay is hor istaag ku sameeyeen waan waan iyo gogol Nabadeed oo uu dhigay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif isla markaana dagaalada ka dhaca deegaanka Banyaleey ay mas’uul ka yihiin. ”Ahlusuna ayaa caqabad ku ah amniga iyo xasiloonida ka jirta deegaanada maamulka, waxaan qirayaa inay hubka isugu dhiibto qaar kamid ah beelaha iyadoo ka eeganeysa xasil darro ka dhacda Hiiraan” ayuu yiri Guddoomiyaha. Dhinaca kale, Guddoomiyuhu waxa uu ugu baaqay Shacabka dega Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud in ay Nabada ka shaqeeyan isla markaana ay wada noolaadaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Yuri Bezmenov waa magaca ninka soo jeedinaya barnaamijkaan waxaa sidaasi oo kale lagu magacaabaa Tomas David, magacaan dambe wuxuu ula baxay ayaa aheyd isaga oo cabsi xoogan ka qabay sirdoonkii midoowgii Soofiyeet in ay ogaadaan halka uu ku sugan yahay kadibna ay qaarijiyaan. Hadaba Yuri Bezmenov wuxuu caan ku ahaa magaca ah Ninkii baxsadka ka ahaa midoowgii soofiyeet. (Soviet Defector), ninkaan ayaa kamid ahaa maskaxdii ay midoowgii soofiyeet ay ku burburin jireen ama ay kula dagaali jireen dalalkii ay markaasi is hayeen gaar ahaan dalka maraykana, si aan waxbaddan ugu ogaano ninkaan iyo casharadii uu ka bixiyay dalalka maraykanka iyo kanada ayaan halkaan kusoo koobaynaa, inkastoo aad moodo in dhamaan qoddobadda uu soo qaatay ay maanta ku dhaqamaan waddamada maanta gacanta kula jira arrimaha Soomaaliya iyo soomaalidaba. Waa maxay Kharibaadda ama burburinta dowladda? Yuri Bezmenov ayaa waxaa uu casharo baddan ka bixiyay jaamacaddo ku yaala maraykanka, wuxuuna xooga saray sida uu ardaydiisa u bari lahaa sida loo burburiyo dowladaha, isla markaana shacbiga dalkaasi akhlaaqda looga dili lahaa, iyaga oo hogaan looga dhigayo kuwa ugu liita ee iyagaasi kamidka ah, hadaba aan soo koobno fikirkiisa iyo burburinta dowladaha iyo akhlaaqda. In dhallinyaradda dhaxdooda colaad la dhigo, kadibna qollo walibaa oo kooxdaasi kamid ah loo jiheeyo waxyaabo ay xiiso gaar ah u hayaan, gaar ahaan arrimaha galmadda, miyuusikada, iyo in aad looga fogeeyo diinta, iyaga oo laga dhigayo kuwa liita oo aan si fiican u aqoon diintooda. (Make them superficial and enfeebled.) In dadka la kala qayiyo, kadibna cadow la isaga dhigo dhaxdooda, iyaga oo isku haysta waxaanan jirin, ama wax ay dad isku qabtaan in ay isku laayaan, hadii la arkana in nabad ay heshiis ku gaari rabaan, mid iyaga kamid ah uu arrintii dab qabadsiiyo si aan loo heshiin ebad. Burburi dadka Imaankooda (faith), ku ihaanayso iyaga oo ku liid diintooda, ku maadayso, ka dhax abuur kooxo diintaas aqoon u leh, laakiin iyagaasi u tusaya diinta in ay wax wayn ka khaldan tahay, sidaasi darteed ay qaataan diin cusub. Dadka mar walibaa ugu sheekee dimuquraadiyadda, iyo faa’iida ay leedahay. Waxbarashadda. Marnaba caruurta ama jiilka soo kacaya ha barin waxyaabo maskaxdooda kobcin kara, bar iyaga dagaaladda dhaxdooda ka dhacay, gaar ahaan kuwa iyaga qabaa’iladooda ay isku qabteen xilli hore. Bar iyaga sida loo sameeyo galmadda, adiga oo isku tusaya in aad tahay qof khabiir ku ah arrimaha galmadda iyo caafimaadka, ka dhig iyaga oo dhan kuwa ka hadla arrimahaasi oo kaliya marnaba yeeysan maskaxdooda kusoo dhicin wax iyaga kor u qaadi kara ama hami u yeeli kara. Burburinta iyo Kala gaynta bulshadda Hadaba waxaad mooddaa qodobkaan uu ninkaan Yuri Bezmenov uu ardaydiisa ku barayay in maanta inaga si gaar ah inoo haysato hadaynu nahay Soomaali, arrintaasi oo ah mid inagu sii hogaamisay jaahilnimadda harka cad, iyo maangaabnimadda aan loo meel dayin, hadaba maxaa kamid ah arimahaasi. In bulshadda dhaxdeeda laga sameeyo ururo u shaqeeya bulshadda, laakiin aan shaqadooda dhab aheyn, ujeedkooda ugu wayn ay tahay in ay ku cayaaraan akhlaaqdii iyo sharftii diinta islaamka ama dhaqanka wanaagsan ay dhallinta ama caruurta baraan. In bulsho walibaa hogaan looga dhigo nin isaga is magacaabay oo aan la ogeyn asalkiisa meesha uu ka yimid iyo aqoontiisa, laakiin la eego oo kaliya aftahanimadiisa, ujeedka ugu wayn ee uu qofkaasi u shaqaynaya ayaa ah in uu kala geeyo bulshadda iyagiina si aan ka fiirsasho laheyn u dabagalaan isagaasi. In bulshadda laga ilaaliyo in uu kasoo baxo qof waddani ah, ama in ay iyagaasi xiriir samaystaan oo ay wax qabsadaan, taasi oo dhallinaysa in aysanba aqoon mas’uuliyadda saaran. In la iska horkeeno labaddii deris ah ama isku meel wadda daga iyaga oo la isku tusayo in ay iskuyihiin cadaw, sidaasi darteedna aysanba kala qaadan shay ama xiriir kale. In dowladda dhaxdeeda lagu samaysto qof aanan la magacaabin hadana awood ku leh bulshadda dhaxdeeda (bureaucracy). Hadaba hadaan si gaar ah u eegno inaga soomalaidda ah waxaa barnaamijkaan saameynta ah inoogu leh, waa : Innaga oo isku raacnay in aan ku dhaqano qabyaaladda, midaasina waxaa ay fursad khaali ah u noqotay reer galbeedka una arkeen in waxa kaliya inalgu kala gayn karo ay tahay arrintaasi, waxayna inagu raaceen meeshii aan doonaynay, waana nitaamka Judo ama Marshal Art. Inaga oo midkeena ugu liita ummada soo hor istaajina halka kii aqoonta lahaana gadaal u dhigta, waxaa habeen iyo maalin lagu faanayo hadaad dib u eegto waa mid aan aqoon laheyn, jaahilnimadda ku dhamaatay, Alle aan ka cabsan. Dhallinyaradii oo lagu wada jeediyay dhaqanka reer galbeedka, sida heesaha, isqaawinta oo loo qurxiyay looguna magac daray Style. In Bulshadeena dhaxdood lagu abuuray dad har iyo habeen ka sheekeeya arrimaha galmadda, kuwaasi oo dadka isaga dhigaya quburo takhasus ku ah arrimahaasi galmadda la xiriira, waana waxa maanta loogu baddan yahay daawashadood ama taageristood, iyadoo qaarkeen har iyo habeen usoo fadhiistaan baraha bushadda si ay waxaasi ugu sheekeeyaan. Hadaba inaga oo aan waqtiga inoo saamaxeyn waxaan inshaa Allaah kusoo koobaynaa halkana qorshayaalkii ay midoowgii soofiyeet ay wax ku qiyaameyn jireen, midaasi oo maanta ay waddamada reer galbeedka ku dhaqmaan gaar ahaan Maraykanka iyo caruurtiisa uu isaga tababaray.
  12. San Antonio (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta gobolka Texas ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in labaatan iyo toddobo qof lagu dilay kaniisad ku taala magaalada Sutherland Springs ee gobolkaasi, kadib markii uu rasaas ku furay nin hubeysan. Weerarka oo dhacay qiyaastii 11:30 barqanimo ee axad, xilliga saacadda dhexe ee Mareykanka, ayaa wararku waxaa ay sheegayaan in shan iyo labaatan qof oo kale ay ku ku dhaawacmeen, islamarkaana la dilay ninkii weerarka gystay. Magaalada uu weerarka ka dhacay ayaa qiyaasti konton kilomitir dhanka koonfur bari kaga began magaalada San Antonio. Booliska gobolka Texas ayaa warbaahinta maxaliga ee dalkaasi uu sheegay in raggii weerarka geystay la dilay, waxaana la arkayay muuqaalo muujinaya ciidamada ammaanka oo soo buux dhaafiyay goobta uu weerarka ka dhacay. Gawaarida gurmadka degdega iyo kuwa dab damiska ayaa sidoo kale soo gaaray goobta, waxaana sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in dadkii halkaasi ku sugnaa lasoo daad gureeyay. Illaa iyo hadda lama shaacin aqoonsiga ninka weerarka gaystay. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
  13. Dhismaha Garoonka Diyaaradaha magaalada Garoowe ayaa maraya heer gabo-gabo ah, sidey u xaqiijiyeen warbaahinta PUNTLAND POST maamulka Shirkadda dhisaysa ka dib kormeer ay halkaas ku tageen wafti uu hogaaminayo Ambassador Abshir Xasan Abshir oo bilihii lasoo dhaafey ku sugnaa deegaanada Puntland. Abshir Xasan Abshir oo horey usoo noqday Xildhibaan iyo Safiir ayaa ugu baaqay Madaxda Dowladda Federalka Soomaaliya inay kaalintooda ka qaataan dhamaystirida hawlaha weli u harsan Garoonka Diyaaradaha Garoowe, wuxuuna tusaale usoo qaatey sidii loogu sharfey Madaxweynihii horre Xasan Sheikh Maxamuud inuu xariga ka jaro Garoonka Diyaaradaha Bosaso. Dhinaca kale maamulka Shirkadda dhisaysa Garoonka ayaa u sheegay PUNTLAND POST inay ku rajo weyn yihiin dhamaadka bisha November oo hadda lagu guddo jiro dhameystirida dhamaan shaqada ka socota Garowe International Airport,Isagoona u mahadceliyay cid kasta oo gacan ka geysatey habsami u socodka hawlaha Garoonka. Muuqaalka hoose oo noqonaya warbixintii 3aad oo muuqaal ah oo ay Warbaahinta PUNTLAND POST kasoo tabinayso dhismaha ka socda Garoonka Diyaaradaha Garoowe waxaa diyaariyay Wariye Abshir Dhiirane. Haddaba DAAWO Wacan. Ciid Qaran PUNTLAND POST The post DAAWO:- Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Garowe oo maraya Gabo-gabo. appeared first on Puntland Post.
  14. Madaxwayne Ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camay ayaa caawa oo ay taariikhdu Tahay 05 Nov 2017 waxa uu Xaflad Sagootin ah ugu sameeyey qasmiga Madaxtooyada Garoowe Ku-xigeenkii madaxa hay’adda UNDP Soomaaliya Mr. David Akobayan Munaasibaddan casho sharafta ah ayaa ujeedkeedu Waxaa uu ahaa Sagootin uu Madaxweye Kuxigeenku u sameeyey Mr.David Akobayan oo muddo xiliyeedkii shaqadiisu soo gebogebawdey, islamarkaana loobedelay dalka Suuriya halkaasi oo noqondoonta fadhigiisa cusub. Madaxwayne Ku-xigeenka dawladda Puntland ayaa waxaa kuwehelinayay Munaasabadda Masuuliyiin ka tirsan Golayaasha Dawladada Puntland, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, waxaa sidoo kale qayb ka ahaa sagootinta Mr. David Madaxda iyo shaqaalaha hay’adda UNDP ee fadhigeedu yahay Magaala Madaxda dawladda Puntalnd ee Garoowe. Dhinaca kale Madaxwayne Ku-xigeenka oo munaasibaddaasi casha sharafta ah hadalo kooban kajeediyay ayaa sheegay in Mr. David uu wax badan kaqabtay hawlaha xafiiska UNDP muddadii uu ka ahaa Ku-xigeenka madaxa Xafiiska Soomaaliya, waxaana uu Madaxwayne Ku-xigeenku uga mahadnaqay Mr. David shaqadii wanaagsanayd ee uu ka qabtay mudadii uu kashaqaynayay Puntland. Sidoo kale Madaxwayne Camey ayaa ku amaanay Mr. David in uu yahay shaqsi ku suntan shaqo Wanaag daacadnimo karti iyo aqoon, isla markaana uu masuuliyad gaar ah iska saaray sidii uu u dardargelin lahaa una meel marinlahaa hawlihiisa shaqo ee ku aadanaa Fulinta Mashaariicda horumarineed ee hay’adda UNDP ka fulinayso Dawladda Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya. Ku-xigeenka Madaxa hay’adda UNDP Somaliaya Mr. David ayaa kamahad celiyay Wada shaqayntii Wanaagsanayd ee uu lalahaa hay’addaha Dawladda Puntland iyo Madaxdoodaba, kuwaasi oo uu tilmaamay in ay ka dhexeysay Wada-shaqayn wanaagsan iyo hufnaan Ugu danbayn, Madaxwayne Ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camay ayaa kuxigeenka maxadii hore ee xafiiska UNDP Soomaaliya Mr. David gudoonsiiyay hadiyado isugu jira Shahaado Sharaf iyo sidoo kale abaal marin ahayd hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADDA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxwayne Ku-xigeenka Puntland oo Munaasabad Sagootin Ah U Sameeyey Ku-xigeenka Madaxa UNDP Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa baahiyay Sawirada dhalinyaro dhowr ah oo la sheegay inay yihiin maleeshiyaad katirsan Alshabaab kuwaa oo lagu qabtay howlgalo ka dhacay Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose. Dhalinyarada lagu soo bandhigay Taliska Ciidamada Xoogga oo tirro ahaan dhan ilaa 15, ayaa xiliga la qabanaayay ku howlanaa falal amni darro. Saraakiisha hogaamineysay ciidamada ayaa sheegay in maleeshiyaadkan ay halis ku ahaayen amniga deegaanada uu howlgalka ka dhacay isla markaana ay faramuuqeen dadka deegaanka oo ay dhibka ku hayeen. Howlgalka lagu soo qabtay maleeshiyaadkan ayaa si gaar ah uga dhacay degaanada kala ah Daniga, Basro, Jambaluul, Buulo Barwaaqo iyo Beerta Shariif Cabdi Naasir.
  16. African Union Mission in Somalia (AMISOM) on Saturday said it would start a series of troop movements in various forward operation bases (FOB) to pave the way for the transitioning of security responsibilities to the Somali National Security Forces. The Mission highlighted that it is undertaking the troop movements aimed at re-aligning contingent compositions in FOBs across the country. African Union envoy for Somalia, Francisco Caetano Madeira said over the coming weeks, troop movements will continue, without disrupting the provision of the existing security services, to ensure the safety of the people of Somalia, who remain at the core of AMISOM’s operational consideration. “The realignment of our troops in forward operating bases across the Sectors including the movement of Ethiopian military contingents who are currently seen crossing the border from and into Somalia, represents calculated activities, in readiness for the transitioning of security responsibilities to the Somali National Security Forces,” Madeira said in a statement. He commended Somali security forces for their determination and focus in completing all training and ensuring readiness to assume security responsibilities over territories secured by AMISOM. The AU sentiment comes amid the leaders of the federal government and state administrations jointly penned counteroffensive strategy. In an ongoing security conference in Mogadishu, the leaders agreed to prop up the fight against Alshabaab militants who stepped up their suicide attacks against the civilians and the government installations. AU Mission is now in its tenth year in the country to battle the Al-Qaeda affiliate militants and protect Internationally recognised Somali government.
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Federaalka ah ee Somalia iyo Hogaamiyayaasha maamul goboleedyadda ayaa si toto dheer uga wadahadlay doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo deegaanada maamulka Somaliland. Madaxda Qaranka iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa si wada jira usoo dhaweeyay ololaha doorashadda maamulka Somaliland, waxa ayna tibaaxeen inay dusha kala socon doonaan hanaanka doorasho. Waxa ay madaxda iyo Hogaamiyayaasha sheegen inay soo dhaweynayso doorashadda oo ah mid muhiim ah, islamarkaana ay ku baaqayaan in la ilaaliyo Ammaanka iyo dimuquraadiyada. Waxa ay tilmaameen inay ahmiyad gaara leedahay in xiligaan ay doorasho qabsadaan maamulka Somaliland, waxa ayna dowladu carab dhabtay inay la socoto qaababka ay u socdaan ololaha doorasho. Nuqul kamid ah hadalka madaxda iyo hogaamiyayaasha ayaa aha ”waxaan bogaadinaynaa doorashada maamulka Somaliland, taasi oo si wanaagsan u socota, waxaana rajeynaynaa in ay si nabadgalyo ah ay kusoo dhamaato” Geesta kale, magaalooyinka hoostaga maamulka ayaa waxaa ka socda ololihii ugu danbeeyay waxaana sidoo kale halkaa ku qulqulaaya guddiyo heer caalami ah oo qeyb ka noqon doona indha indheeyayaasha doorashada.
  18. Muqdisho (PP) ─ Warbixin lagu soo daabacay Wargeyska Daily Sahab ee kasoo Turkiga, ayaa looga hadlay furitaanka saldhigga cusub ee Turkiga ka hir-geliyay Muqdisho, muhiimadda uu leeyahay iyo Ujeedadiisa. Qoraalkan ayaa lagu sheegay in saldhiggan loo adeegsanayo akadeemiyad ciidan, iyadoo ay 200-askari oo Turkish ah ay u joogaan sidii ay Ciidamada Somalia u tababari lahaayeen. Sidoo kale, Wargeyska wuxuu warbixintiisa ku sheegay in Turkigu walaac ka qabtay Somalia tan iyo dagaalkii 1988-kii ka qarxay Somalia iyo fara-gelintii Maraykanka ee horraantii sagaashameeyadii. Wargeyska wuxuu fara-gelintii Maraykanka ee Somalia ku tilmaamaya mid uu ku doonayo in kooxaha xagjirka ah ay qabsadaan talada Somalia oo ku taalla mid ka mid ah goobaha ugu hawlaha badan Afrika. Qormada wargeyska ayaa lagu xusay in ciidamadii Mareykanka ee Somalia tagay 1992-kii ay ku guuleysan waayeen inay dalkaas ka dhigaan mid degen illaa ay sannadkii 1994-kii ay isaga baxeen Soomaaliya. Wargeysku wuxuu kaloo soo hadal-qaaday hawlgalkii ciidan ee Mareykanku ka wado Somalia iyo dib-u-furista safaaraddii Maraykanka ee Somaila 2014-kii, isagoo xusay inay taasi qayb ka tahay taageerada Mareykanka eek a dhanka ah Al-shabaab. Dhanka kale, Wargeysku wuxuu faahfaahin ka bixiyey qorshaha Turkiga ee Somalia, isagoo xusay inay doonayaan inay isku tijaabiyaan inay Somalia ka sameeyaan hawlgal lagu xaqiijinayo amniga iyo inay Turkiga yihiin isbahaysi Maraykan. Jariidadda Daily Sabah ayaa qoraalkiisa ku muujiyay in Xukuumadda Ankara ay ka caawinayso Somalia sidii loo dhisi lahaa Ciiddan Qaran oo awoodi u leh la-daagaalka Al-shabaab iyo hanashada Amniga guud ee Soomaaiya. Ugu dambeyn, Wargeyska wuxuu iftiimiyay inay Turkigu ka shaqeynayaan Geeska Afrika, iyagoo kaashanaya Maraykanka iyo isbshaysiga NATO, lagana feejigan yahay damaca Iiraan ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Dowladda Turkiga oo Sharaxay Qorshaha uu ka leeyahay Saldhigga Millateri ee Somalia appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaa ku furan cadaadis xooggan oo la doonayo in lagu dumiyo, ayada oo dhisan kaliya wax ka yar sideed bilood. Dagaallka lagu hayo dowladda ayaa wejiyo badan, hase yeeshee waxa ay ka midaysan yihiin in dowladda la rido, Soomaaliyana dib loogu celiyo hadda iyo dowlad dhisid cusub iyo waqti lumis. Shantan koox ayaa kala: Kooxdii Imaaraadku: Kooxdan waa kooxda ay dowladda Imaaraadka Carabta maalgelisay ee ku shirtay Abu Dhabi ee qandaraaska soo qaatay, waxaa hoggaamiya Cumar Cabdirashiid, hase yeeshee ma ahan nin warbaahinta ka hadla inta badan, wuxuuna weli dhowranayaa magaciisa, isaga oo raja ka qab in mar kale dalka xukunkiisa uu qabto, sidaas darteeda, waxay kooxda afhayeen ka dhigteen Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo maalin walba hoteelada Muqdisho iyo baraha bulshada ka mucaarada madaxweynaha. Cabdiraxmaan Cabdishakuur waa Cayr Habar-gidir Haraadigii Damuljadiid: Kooxda labaad ee dowladda ku kacsan waa haraadigii Damuljadiid oo kala furfurtay, waxay iska soo hormariyeen Mahad Salaad iyo Cabdiraxmaan Odowaa. Kooxdan waxaa weli ciil ka hayaa in loolanka dalka looga adkaaday, waxaana ka go’an in dowladda la rido wixii ay doontaba ha qaadato. Maalmihii hore waxaa u hadli jiray kaliya Mahad Salaad, hase yeeshee markii Soomaalidu nacday, waxaa hadda kusoo biiray Cabdiraxmaan Odawaa. Mahad Salaad waa Cayr Habar-gidir, Odawaa, waa Saleebaan Habar-gidir. Kooxda Daljir: Kooxda saddexaad ee doonaya inay madaxweynaha ridaan waa kooxda Daljir ee shacabku u yaqaanno Dibjir, waxay iska soo hormariyeen Axmed Macallin Fiqi iyo Abshir Bukhaari. Labada nin midka hore waa xildhibaan kan dambena waa senator. Lama yaqana waxay kula dagaalayaan madaxweyne Farmaajo, hase yeeshee waxaa loo badinayaa inay tahay qabyaalad ayaga oo diidan nin Daarood inuu dalka madaxweyne ka ahaado. Fiqi waa Sacad Habar-gidir, Abshir-na waa Saleeban Habar-gidir. Kooxda maamul-goboleedyada: Kooxdan sidoo kale waxaa maal-geliya Imaaraadka Carabta, waxayna dowladda kula dagaaleen go’aankii xiisadda Khaliijka. Imaaraadka ayaa lacag ku siiyey inay dowladda ridaan lana soo dhiso dowlad ku mowqiof ah Imaaraadka iyo Sacuudiga. waxay isticmaalayaan Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo ay ka dhigteen seyruuq ay dowladda ku soo ridaan. Xaaf waa Sacad Habar-gidir. Beesha caalamka: Kooxda shanaan waa beesha caalamka, oo ka careysan inay waayeen wixii ay uga barteen Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif, uuna hoggaanka dalka hayo nin Soomaalinimo ay ka go’an tahay. Waxay isticmaalayaan dhammaan inta kor ku xusan iyo kuwo kale oo qaswadeyaal ah oo qarsoon, si ay ugu soo daba-gabbadaan iyagoo doonaya inay daciifiyaan dowladda, kuna qasbaan inay iyaga isu dhiibto, oo u hoos fariisato masiirkii ummadda Soomaaliyeed. Kooxda koowaad, kooxda labaad iyo kooxda afraad waxay qabaan in Madaxweynaha lagu qaado impeachment. Kooxda saddexaad waxay qabaan in Ra’iisal Wasaaraha la beddelo si ay jagadiisa ugu fariistaan. Kooxda shanaad waa in status quo-ga lagu sii jiro mar haddii ay Soomaaliya u tahay mashruuc. Si kasta ha noqotee, su’aasha is weydiinta mudan waxay tahay, maxay madaxda dowladdu u quweyn la’yihiin aqoonyahannadii Beesha Habargidir ee sida buuxda ugu heellanaa inuu hirgalo mabda’a iyo qorshaha Dowladda Dhexe oo salkiisu yahay Nabad iyo Nolol? W/Q: Guuleed Maxamed Jaamac Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  20. Madaxweyna dawladda Puntland ahna Guddomiya madasha wada tashiga dawladdaha xubnaha ka ah DFS Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isagoo ku hadlaya afka dawladda Puntland iyo kan dawladdaha xubnaha ka ah DFS waxa uu maanta 05 Nov 2017 kahadlay xidhitaanka shirka wada tashiga DFS iyo dawladdaha xubnaha ka ah DFS kaas oo ay kasoo baxeen qodobo is af-gara heshiis. Madaxweynaha Puntland ahna Guddomiya madasha wada tashiga dawladdaha xubnaha ka ah DFS ayaa sheegay in qodobada maanta kasoo baxay shirkaasi ay yihiin qodobo ay u garteen inay ku jirto dahanaha shacabka Soomaaliyeed iyo tan qaranka Soomaaliyeedba, isla markaana ay ugu muhiim sanaayeen qodobadaasi kuwa Siyaasadda,Amniga, Dastuurka, Fadaraaliisamka iyo midaynta midnimada Soomaaliya. Madaxweynaha Puntland ayaa xaqiijiyey in qodobadaasi yihiin kuwo si dhab ah looga heshiiyey, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu tilmamaay in taasi ina siinayso fursad ay Soomaaliya hore ugu socoto, shacabkana loogu adeego, si wada hir ah, niyad sami ah, Soomaalinimo ah, wanaag uu ku jiro. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shirkaasi qaran uu ahaa mid cadaynaya inay Soomaaliya hore u soconkarto, dalka iyo dadkana loo adeegayo, iyadoo laga fogaanayo wax kasta oo wax u dhimaya mid nimadeena iyo wada jirkeena, waxaa uu Madaxweynuhu xaqiijiyey in Madaxda qaranka Soomaaliyeed ku heshiiyeen wada shaqayn iyo is kaashi. Dhinaca kale Madaxweyne Gaas oo ku hadlaya afka dawladda Puntland iyo kan dawladdaha xubnaha ka ah DFS ayaa sheegay haddi la sameeyo oo lacaadaystoo wixi hore loo samaynjirey in maxsuulkeedii la helayo haddiise dhexda loo xidho xoraynta dalka waxaa soo baxaya natiijo wanaagsan iyadoon AMISOM iyo cid kale toona laga sugayn inay xoreeyaan dalkeena hooyo ee Soomaaliya. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku booriyey Madaxda qaranka Soomaaliyeed in aan la dayicin wakhti Soomaaliya u baahan tahay inay kaga gudubto xaaladda ay maanta ku jiro,isla mar’ahaantaana laga fekero jiilka bedelidoona Madaxda qaranka wakhtigooda la dayacayo ee ay u baahan yihiin inay iyana dhankooda dalka hogaamiyaan, talo iyo go’aamoba ku yeeshaan masiirka Soomaaliya lagu gaadhsiinayo meel uu mudan yahay. Wadatashi dheer kadib waxay dhinacyadu ku heshiiyeen:- Siyaasadda In lagu wada shaqeeyo jawi ku dhisan Kalsooni, Midnimo, Dulqaad, Isu-tanaasul, Wadatashi iyo Mas’uuliyad wadareed. In la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqaynta Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir, layskuna ixtiraamo Mas’uuliyadaha Dastuuriga ah ee la kala leeyahay iyo kuwa Wadaaga ah. In la ilaaliyo Xasiloonida Siyaasadeed ee Dalka iyo wadajirka si loola dagaalamo Argagixisida. In laga fogaado, lana joojiyo waxkasta oo keeni kara shaki iyo xasaasiyad Siyaasadeed, Saamayna ku yeelan kara deganaanshaha, wadashaqaynta iyo Iskaashiga Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir. Amniga La-dagaalanka Argagixisada In la-adkeeyo amniga dalka meelna looga soo wada jeesto xoraynta Dalka iyo la dagaalanka Argagixisada. In lala yimaado qorshe dhamaystiran oo wadajir ah oo lagula dagaalamayo argagixisada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed labadaba, lana xoojiyo ciidamada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadir, tababar ahaan iyo qalab ahaanba. iii. Iyadoo laga faa’iidaysanaayo Shirkii Wadatashiga Dowladda Federaalka, Dowladadaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir ayaa waxaa la qabtay kulankii 3-aad ee Amniga Qaranka 02/11/2017 waxaana Goluhu isku raacay in guluf colaadeed oo midaysan lagu qaado Argagixisada. Waxaa Goluhu u ballamay in 03/12/2017 laysugu yimaado kulan kale Magaalada Muqdisho. Dhismaha Ciidan Qaran In la dardargeliyo hirgelinta Qorshaha Amniga Qaranka, isla markaana dib loo eego lana adkeeyo meelaha gaabisku ka jiro heshiisyadii hore ee (Security Architecture). In la dardargeliyo dhismaha Ciidan Qaran oo isku dhaf ah, ka madaxbanaan siyaasad, sumad qabiil, lehna caqiido iyo mabda’a wadaninimo, agab iyo tababar waafi ah. iii. Waxaa Golaha Amniga Qaranku isku raacay in dib-u-qaabaynta qaybaha XDS (Re-sectorization) la dhamaystiro muddo bil gudeaheeda, ayada oo la fulinayo amarka Wasaaradda Gaashaandhiga, lana tix-raacayo heshiiskii 16kii, April,2017 ee qaab dhismeedka Amniga Qaranka. Waxaa laysku raacay in Guddiga Farsamada ee Golaha Amniga Qaranku layimaado qorshe cad oo ku aadan qaybinta Ciidanka Booliiska iyo Ciidamada Ilaalinta Xeebaha shirka Disembar,2017. Arrimaha Federaalka In la sameeyo Guddi Farsamo iyo Khuburo heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir oo kala shaqeeya Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta, Wasaaradda Dastuurka iyo Hay’adaha kale ee ay arrintani qusayso, si ay uga soo talo bixiyaan hirgelinta iyo ku dhaqanka nidaamka Federaalka ah, kala qeexidda iyo qaybsiga awoodaha Federaalka iyo khayraadka, si heshiis guud iyo Isfaham Siyaasadeed (Political Consensus) oo dhamaystiran looga gaaro arrimaha Federaalka muddo (6) Lix Bilood gudohood ah. In Golaha Baarlamaanka, Aqalka Sare kaalin muhiim ah ku yeesho Hirgelinta Federaalka, Hindise-Sharciyeedyada Cusubi waxay ka bilaaban karaan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalkaba, waana inay labaduba Ansixiyaan Hindise-sharciyeedyada ka hor inta aan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalku Saxiixin. In Hindise-sharciyeedyada lagala tashado Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Gobolka Banaadir iyo Guddiyadooda Farsamo ee Golaha, ka hor inta aan la hor keenin Golayaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadda Federaalka si aysan caqabad ugu imaan dhaqan gelintooda. In la kordhiyo xarumaha Federaalka ee Dowladaha Xubnaha ka ah lana dhaadhiciyo adeegyada muhimka ah sida Baasaboorrada iyo Tasdiiqa Shahaadada. In la dedejiyo dhismayaasha goleyaasha deegaanka, lana kordhiyo aqoontooda iyo tayadooda, si bulshadu talo iyo cod ugu yeelato adeegyada asaasiga u ah noloshooda. Arrimaha Doorashooyinka 2020 In si wadajir ah looga shaqeeyo talana looga yeesho sidii dalka doorasho hal cod iyo hal qof ah uga dhici lahayd, lana abuuro jawi arrintaas suurta-geliya. In Guddiga Doorashooyinka Qaranku (NIEC) ku sameeyo wadatashiyo loo dhan yahay (90) Sagaashin Cisho Gudohood si heshiis siyaasadeed looga gaaro caqabadaha hor taagan doorashooyinka. In gacan buuxda la siiyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka (NIEC), lana raadiyo dhaqaale lagu fuliyo doorashada 2020, iyada oo la isku tashanayo, Beesha Caalamkana la kaashanayo. Waxaan ku Bogaadinaynaa Maamulka Somaliland Habsami u socodka ololaha Doorashada oo ay ka muuqato Xasilooni Siyaasadeed, waxaana rajaynaynaa in ay si nabad gelyo ah ku dhamaato. Dib-u-eegista Dastuurka A. In Dowladdu maalgeliso dib-u-eegista Dastuurka si loo hubiyo lahaanshaha geeddi socodka Dastuurka, laguna daro Miisaniyadda 2018. B. Waxaa lagu heshiiyay in Baarlamaanada Dowlad Goboleedyadu kaalin ku yeeshaan dhamaystirka Dib-u-eegista Dastuurka, ka hor inta aan la hor keenin Goloyaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadda Federaalka, si loo hubiyo kalsooni Shacab iyo wadatashi buuxa. C. In la xoojiyo Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka tiro ahaan iyo tayo ahaanba. D. In laga shaqeeyo iswaafajinta Dastuurka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah. E. In la dedejiyo Golaha Adeega Garsoorka Federaalka, lagana yeesho wadatashi loo dhan yahay. Arrimaha Mashaariicda Horumarineed iyo Gargaarka Bani’aadanimada Waa in Mashaariicda Horumarineed, Gargaarka Bani’aadanimo iyo Deeqaha Maaliyadeed loo gaarsiiyo dhamaan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaal iyo Gobolka Banaadir si isu miisaaman, loona saaro Guddi Farsamo labada dhinac ah oo kasoo talo bixiya. Waa in Hay’adaha Caalamiga ah iyo UN-ku ka hawl galaan, xarumana ku yeeshaan deegaan kasta oo suurtagal ah, si adeegga loogu dhoweeya bulshada. In la dar-dargeliyo Gurmadka Bani’aadanimo goobaha ay weli Abaaruhu ku dameeyaan, lana helo xal waara oo arrimahan looga hor tago (Resilience Strategy). =DHAMMAD= XAFIISKA, WARFAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Shirkii Wada Tashiga Madaxda Qaranka oo Soo Gebogeboobey iyo Madaxweynaha Puntland oo Ka Hadlay. appeared first on Puntland Post.
  21. Washington (PP) ─ Madaxwaynihii hore ee Mareykankan, George Bush oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa shaaca ka qaaday inuu u codeeyay musharaxii xisbiga Dimuqraadiga, Hillary Clinton doorashada madaxnimo ee Mareykanka ka dhacay sannadkii hore. Wiilkiisa George W Bush ayaa dhankiisa sheegay inuu ka walaacsan yahay in uu noqon doono madaxweynihii ugu dambeeyay ee ka socda Jamhuuriga, inkastoo uu Trump isaguba ka socday xisbiga Jamhuuriga. “Ninkan [Trump] ma yaqaanno waxay ka dhigan tahay inaad Madaxwayne noqoto,” ayuu yiri George W Bush. Wuxuuna hadalkan ku sheegay Buug cusub oo cinwaankiisu yahay Jamhuuriyiintii ugu dambeeyay. Sidoo kale, Qaybo hordhac ah oo Buuggaan ku sabsan ayaa waxaa daabacay Qaar ka mid Warbaahinta dalka Mareykanka, kaasoo shacab badan oo dalka Marekanka u dhashay ay akhriyeen. “Ma jecli – wax badanna kama aqaan, balse waxaan ogahay inuu yahay nin isla-weyn, kumana faraxsani inuu noqdo hoggaamiye,” ayuu hadalkiisa daba dhigay George Bush, oo madaxwayne ka ahaa Mareykanka intii u dhaxaysay 1989-kii iyo 1993-kii. Dhanka kale, Xilligii lagu jiray ololihii doorashadii Madaxnimo ee Mareykanka sannadkii 2016-kii ayaanay George Bush iyo wiilkiisa George W Bush midna uusan taageerin Donald Trump. Laakiinse, buugan cusub sida lagu qoray, George Bush ayaa xaqiijiyay inuu u codeeyay Hillary Clinton oo ahayd musharraxad si fudud uu kaga guuleystay madaxweynaha Mareykanka ee haatan xilka haya Trump. Ugu dambeyn, George W Bush, ayaa isagu sheegay in warqaddii codeynta Madaxwaynanimada Mareykanka aanu waxba ku qorin, taasoo ka dhigan in aysan jirin cid uu codkiisa siiyay. PUNTLAND POST The post Madaxweynihii Jamhuuriga ahaa ee Mareykanka oo sheegay inuu u u codeeyay Hillary Clinton appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (PP) ─ Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia ayaa maanta ka dooday ajande cusub oo lagu soo daray xeer-hoosaadkooda, kaasoo ahaa inay ansixiyaan miisaaniyad-sanadeedka Dowladda Federaalka Somalia. Kulan xildhibaanada Aqalka Sare ay maanta ku yeesheen xaruntooda ayaa waxaa ka qayb-galay sodomeeyo senator, waxaana shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Abshir Bukhaari. Dood dheer kaddib ayay xildhibaanada isku raaceen in Aqalka Sare uu qayb ka ahaa Ansixinta Miisaaniyadda Dowladda Somalia oo horay ku koobnayd Aqalka Hoose ee Baarlanaanka. Xeer-hoosaadka Aqalka Sare ayaa wixii hadda dambeeya waxaa qayb ka noqon doonta Ansixinta Miisaaniyadda, iyadoo miisaaniyada sannadka soo socda ee 2018-ka ay qayb ka noqon doonaan dooddiisa iyo ansixintiisa. Sidoo kale, Aqalka Sare ayaa qayb ka noqon doona Ansixintii Miisaaniyadda sanadkan 2017-ka, iyadoo Aqalkan oo ah mid ku cusub saaxada siyaasadda ay howlihiisa ahayd mid iska kooban, balse haatan u muuqda mid hawshiisa ballaarinaya. Dhanka kale, Dastuurka ayaa qodobo badan awood siinayn Aqalka Sare, sida kalsooni kala noqoshada xukuumadda iyo kalsooni siinteeda, inkastoo ay jiraan sharciyo badan oo la’aantiisa aan wax go’aan ah laga gaari karin. Ugu dambeyn, Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa ah gole awoodo badan ku leh dalka, marka loo eego Aqalka Sare oo awooddihiisa Dastuuriga ahi ay yihiin kuwo xaddidan, gaar ahaan arrimaha la-xisaabtanka Xukuumadda. PUNTLAND POST The post Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo Ansixiyay Qodob u Ogolaanaya inuu Qayb ka noqdo… appeared first on Puntland Post.
  23. Waxaa Goordhow Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya lagu soo gaba gabeeyay shirkii u dhaxeeyay madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowlada Dhexe ee dalka. Shirkaan oo Muddo 10 Cisho ah ku dhowaad ka socday magaalada Muqdisho ayaa ugu dambeeyntii laga soo saaray War Murtiyeed ay madaxdu ku heshiiyeen. Hoos ka Aqriso War Murtiyeedka shirka ka soo baxay. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post WAR MURTIYEED: Shirkii Madaxda Dowlada iyo kuwa Maamul Goboleedyada oo la soo Gaba gabeeyay appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida aad wararkeenii hore ku akhrisateen waxaa soo dhamaaday kulankii Magaalada Muqdisho uga socday madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe kaasoo socday muddo 8 maalin ah. Kulankaan ayaa ugu dambeyn maanta la isku afgartay qodobadii la isku fahmi la’aa muddadii uu socday Kulankaas. Goor dhow ayaa waxaa soo dhammaatay munaasabadii lagu saxiixay heshiiskaas, waxaana xafladaas khudbado ka jeediyey Madaxweyne Soomaaliya, Ra’isulwasaare Kheyre, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho iyo Cabdiweli gaas oo ah Guddoomiyaha Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada. Markii ay khudbahada dhamaadeen waxaa qodobada shirkaas kasoo baxay akhriyey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Cabdi Faarax Saciid Juxa. Qodobada lagu heshiisyay ayaa waxaa ka mid ahaa Arrimaha Siyaasadda. In la isku ixtiraamo cid kasta awoodaha uu dastuurka siinayo iyo in la sameeyo xasilooni siyaasadeed, Arrimaha Amniga In dib u habeyn iyo dardar gelin lagu sameeyo Heshiiskii Amniga ee Shirkii London, in dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada si wadajir ah u qaadaan duulaan ka dhan ah Al-habaab, in la xoojiyo dhismaha Ciidamada qalabjka sida. Dastuurka in Maamul goboleedyada Baarlamanaadooda laga qeyb geliyo dib u eegista iyo dar dargelinta dastuurka, kaddibna loo soo gudbiyo Hey’addaha Federaalka iyo Guddiyada madaxa banaan ee Dastuurka. Madaxda ayaa waxay soo dhoweeyeen hanaanka ay u socoto Doorashada Somaliland ee dhaceysa 13-ka bishan November, waxaana ay u rajeeyeen in si nabadgelyo ay ku soo dhamaadaan. Wax yar kadib la soco war murtiyeedka oo dhameystiran:
  25. Muqdisho (Caasimadda Online) – Kulan ay maanta yeesheen xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayay ku ansixiyeen qodob aan ka mid ahayn shaqooyinka loo xilsaaray. Dood la horgeeyay Aqalka sare oo ay wateen xubno kooban taasoo ku saabsaneyd inuu Aqlaka sare qeyb ka noqdo ansixinta Miisaaniyadda Dowladda ayaa cod ay u qaadeen ay ku ansaxsadeen inay wax ka ansixiyaan Miisaaniyadda sanadka 2018, iyadoo tani loo arko sal ballaarsi Aqalka sare uu sameynayo, isla markaana ku howlan howlihii kale ee Golaha shacabka. Shirka oo uu guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka koowaad Abshir Bukhaari ayaa xubnaha Aqalka sare kadib codeyntaasi waxay sheegeen inay Xeer hoosaadkooda ku darayaan inay qeyb ka yihiin ansixinta Miisaaniyadda. Arrintan ayaa salka ku heysa, iyadoo miisaaniyadii hore ee sanadkii 2017 aanay ku jirin kharash loo qoondeeyay Aqalka sare oo aan markaas dhisneyn, waxaan dib loogu daray lacag loo qoondeeyay Aqalka Sare, iyadoo dadka qaarkii ay aaminsanaayeen in mushaarka iyo kharashka Aqalka sare ay bixiyaan maamul goboleedyada soo dirsaday ee danahooda ay metelaan. Xeer Hoosaadka Aqalka sare ayaa wixii hada dambeeya qeyb ka noqon doona Ansixinta Miisaaniyadda, iyadoo miisaaniyada sanadka soo socda 2018 ay qeyb ka noqon doonaan doodiisa iyo ansixintiisa. Aqalka sare ayaa qeyb ka noqon ansixintii Miisaaniyadda sanadkan 2017, iyadoo Aqalkan oo ah mid ku cusub saaxada siyaasadda ay howlihiisa aheyd mid iska kooban, balse haatan u muuqda mid sal ballaaranaya. Dastuurka ayaa qodobo badan awood siineyn Aqalka sare, sida kalsooni kala noqoshada Xukuumadda iyo kalsooni siinteeda. Aqalka sare ayaa isu bedelay mid howlan arrimo aan ka mid ahayn howlihii loo dhisay, isagoo ku dhex jira shaqooyinkii Golaha Shacabka, waxayna tani xaaladda dowladda federaalka ka dhigi doontaa mid cakiranta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com