Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,077
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Muqdisho waxaa weli ku sugan Madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug sida, Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka, iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas Galmudug kadib markii siyaabo kala duwan ay ku yimaadeen Xamar. Madaxweyne Farmaajo ayaa Muqdisho kula kulmay tiro ka Saddex jeer Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey iyo Gudoomiye ku xigeenka Baarlamanka Cali Gacal Casir iyo ku xigeenkiisa 2,aad kadib markii uu u yeeray. Xog la helay Dalsan ayaa waxa ay sheegeysaa in Madaxweyne Farmaajo uu dalbaday in uu la kulmo Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug si xal looga gaaro khilaafkii sababay in siyaabo kala duwan xilal looga kala qaado Saddexda Masuul ee ugu sareysa Maamulka Galmudug. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa iskudayaya in uu xal ka gaaro khilaafka hareeyay Maamulka Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Jeddah (Caasimada Online) – Sacuudiga waxaa ku sugan Soomaali fara badan oo isugu jira kuwa Sharciga dalkaa heystaa iyo kuwa aanan heysan. Boqortooyada ayaa sanad waliba soo saarta amaro ka dhan ah dadka soo galootiga ah ee aanan heysan sharciyada Sacuudiga Soomaalidane ay ku jirto. Soomaalida ayaa Kunool Gobolo uu kamid yahay Al-Baaxa oo dhanka Waqooyi ka jira Daaif, Jiddeh iyo Sabya oo dhacda dhanka Koofureed ee Gobolka Jazin (Jayzaan). Inta badan Soomaalida kunool Sabya iyo Jiddeh ayaa ah kuwo ku shaqeysta Adeegayaasha (Qadaamooyinka), waxayna dhibaatooyin ku qabaan Digniinta Joogtada ah ee Shirkadaha Isgaarsiinta Sacuudiga ay u dirayaan, maadaama Boqortooyada ay cadaadineyso Shirkadaha. Shirkadaha Isgaarsiinta ee Sacuudiga ka howl gala oo saddex ah ayaa kala ah:- 1-STC (Jawwy/ Saba), 2-Mobily iyo 3-Zain, waxayna bixiyaan adeegyada isgaarsiinta, sida Hadalada Telefoonada, Interntetka iyo adeegyo kale. Amaradii ugu dambeeyey ee kasoo baxay Boqortooyada ayaa saameyn ku yeeshay Ajaanibta Sacuudiga kunool oo ay kamid yihiin Soomaalida, gaar ahaan kuwa Sharciga Heesta oo aanan horay u saameyn jirin Awaamiirta. Xukuumadda Riyadh ayaa bilawday in shuruudo adag lagu xiro bixinta Simikaarada sida Soomaali ku sugan Sacuudiga ay Mustaqbal u sheegeen, Waxayna Bilaabeen Dhageysiga Telefoonada Soomaalida ay heystaan. Bixinta (Shareexada / Sim Card-ka) oo si sahlan lagu siin jiray dadka heysta sharciga Sacuudiga, waxaa la sheegayaa in hadda la adkeeyey bixinteeda. Lambarka ehelka ee (Raqam Caa’ilah) ayaa ahaa mid aanan Xadidneen oo hormuudka qoyska uu qaadan karo illaa inta uu rabo, si uu qoyska ugu qeybiyo Lambaradaasi. Boqortooyada ayaa wax ka badashay arrintaan, waxayna sabab ugu dhigeysaa, in uu luminayo dhageysiga telefoonada shaqsiyaadka ay doonayaan, waxayna kusoo koobeen in qoyska ugu badan ay heysan karaan illaa 5-Nambar oo kaliya. Ciidamada Sirdoonak Sacuudiga ayaa kordhiyey dhageysiga Macluumaadka la isku weydaarsanayo Telefoonada, kadib markii ay faraha la galeen Dagaalada Yemen ka socda oo Sacuudiga daris la ah. Cadaadiska iyo culeyska ugu badan ee isgaarsiinta ayaa yimid kamdi markii Maxamed Bin Salmaan loo magacaabay in uu noqdo dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga. Sida Sharciga Sacuudiga uu dhigayo, dhaxal sugaha ayaa inta uusan la wareegin Howsha Boqortooyada sii shaqeeya, isla markaana sii diyaarsada amarada uu doonayo in uu dalka kusoo rogo kolka uu hanto Talada. Sacuudiga ayaa sheegay in Sharciga Ogolaashiyaha Dalkeeda ay heystaan Dad gaaraya 12-Milyan oo ah Ajaanib, waxaana kamid ah Muwaadiniin Soomaali ah oo qaarkood Muddo fog dalkaa joogay. Ciidamada Booliiska ayaa iyaga qudhooda bilaabay in ay Guryaha u galaan Ajaanibta Soomaalida ay ku jiraan, iyagoo heysta Xogta Teleefoonadooda. Arrintaan ayaa u muuqata mid Ciidamada sacuudiga ay kula socdaan dhaq-dhaqaaqa Boqortooyada dadka ku sugan. Dhanka Soohdinta ay wadaagaan Yemen oo ah marinka Soomaalida ay Sacuudiga kaga tallaabaan waxaa lagu xiray Silig, qeybta kore Kaamirooyin looga xiray si loola socdo dadka Xuduudda ka gudbaya. Soomaalida Sacuudiga kunool gaar ahaan kuwa aanan sharciga heysan waxa ay qabtaan:- Hagaajinta Guryaha, Dhaqidda Gawaarida, Ilaalinta Xoolaha, Waraabinta Beeraha, Dhismaha guryaha iyo kuwo kale. Halka kuwa Sharciga heysta ay u badan yihiin:- Macalimiin dhigta Dugsiyada Qur’aanka, Gadista Tukaamada, Kaxeenta Gawaarida iyo Shaqooyin Kale. Sida Sacuudiga uu ula dhaqmi jiray Dadka Aqoonsiga (Bidaaqada) Heysta Iyo kuwa Aanan Heysan ayaa maanta kala duwan. Tiro Soomaali ah oo Sacuudiga ku sugan ayaa Mustaqbal u sheegay in ay dareemayaan Culeeska amarada isdaba jooga ah, waxayna sheegeen in wargelin la’aan laga xiranayo SIM Card-radooda, taasine ay dhumiso Xiriirka Soomaalida Gudaha Sacuudiga ku sugan iyo eheladooda oo Dalka ku nool.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa ku guda jira wadatashiyo ay kusoo xulayaan Taliyayaasha Hay’adaha amaanka Booliska iyo Nabadsugida. Madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre ayaa la tashiyada la leh Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada, Odayaasha beelaha, Wasiiro iyo Siyaasiyiin ku dhow dhow dowlada. Labada mas’uul ayaa la tashiyada ugu badan la leh Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada oo iyagu ku loolamaaya labada xil oo iminka faaruq ah. Taliyaha ciidamada Booliska ayaa waxaa u sharaxan ilaa 4 mas’uul oo labo kamid ah ay horay usoo qabteen xilkaasi, halka Taliska Nabadsugida ay u taagan yihiin 5 musharax oo labo kamid ah la sheegay inay horay ugu soo fashilmeen xilal ay kasoo qabteen dowladihii hore, sida aan xogta ku helnay. Sidoo kale, warar hoose oo aan ka heleyno Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Farmaajo iyo Kheyre ay diideen inay ku degdegaan magacaabida labadaasi xil, sababo la xiriira fashilo oo horay u dhacay. Geesta kale, Madaxtooyada Somalia ayaa waxaa buux dhaafiyay mas’uuliyiin loolan ugu jira xilalka faaruqa ah ee aan iminka lagu magacawneen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Amniga Xukuumadda Somalia Maxamed Abuukar Islow ”Ducaale”, ayaa shaaca ka qaday in dowlada Somalia ay qaadi doonto talaabo lidi ku ah maleeshiyaadka Alshabaab. Wasiir Ducaale, waxa uu xaqiijiyay in maleeshiyaadka Alshabaab ay ku noolyihiin dhiiga bulshada Soomaaliyeed, balse ay dhawaan soo afjari doonaan magacooda. Wasiirka oo ku sugan magaalada Doxa ayaa ku nuux-nuuxsaday xili uu ka hadlaayay shir uu la qaatay madaxda dalkaasi in Somalia aysan kuwada noolaan doonin dowlada iyo Shabaab, balse cid un ay ka talin doonto. Waxa uu tilmaamay inay diyaariyeen shax ay Shabaabka uga saarayaan dhammaan dalka, gaar ahaan Gobolada ay ku leeyihiin Saldhigyada, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale, dowlada Doxa ayuu cadeeyay inay u istaagtay ka qeybqaadashada dagaalka ay dowlada Somalia la galeeyso maleeshiyaadka Alshabaab, balse ma uusan bidhaamin qaabka ay uga qeybqaadan doonaan. Dhinaca kale, dowlada Somalia ayaa weli ku guda jirta u diyaar garowga dagaal ka dhan ah Alshabaab, waxaana xusid mudan in wafuud kala duwan loo diray dalalka ay Somalia saaxiibada la tahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Wasaaradda Ciyaaraha Puntland ayaa shahaado sharaf loogu aqoonsadey doorkey ka qaadatey ciyaaraha iyo dhiirigalinta dhalinyarada gudoonsiisay Hay,adda Cilmi Baarista Puntland ee PDRC ka dib xaflad lagu maamuusayo guusha ay kasoo hoyeen maalin ka hor gabdho ku ciyaaraya kubbadda koleyga magaca PDRC oo ka guulaysatey koox kale oo la yiraahdo Garowe City Sidoo kale Wasiirka Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyaradda iyo Isboortiga Puntland ayaa qoorta u surey Buraale Kabayare bilad sharaf hawlkarnimo oo ku lamaaneysan shahaado sharaftii la siiyay hay,adda PDRC . PDRC ayaa lagu xasuustaa taageeradii ay ka geysatey ciyaarihii Gobolladda ee ugu horeeyay Puntland 10 sano ka hor, Iyadoona wixii intaas ka dambeeyay si toos ah ugu hawlaneyd arrimaha dhalinyaradda iyo ciyaaraha. Daawo Xafladda Abaalmarinta. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post PDRC oo lagu abaalmariyey Xulka Kubbadda Koleyga Puntland appeared first on Puntland Post.
  6. Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 06 Nov 2017 magaalada Muqdisho kaga qayb galay kalfadhiga 2-aad fadhigiisa 15-aad ee Baarlamaanka Aqalka Sare ee DFS. kalfadhiga 2-aad fadhigiisa 15-aad ee Baarlamaanka Aqalka Sare ee DFS ayaa waxaaa sidoo kale kasoo qayb galay Madaxweyneyaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hir-shabeelle. Madaxweynaha dawladda Puntland oo ka hadlay Fadhiga 15-aad ee kal fadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Aqalka Sare ee DFS ayaa waxa uu sheegay in Golaha Aqalka Sare ee Baarlaanka DFS uu yahay golaha ugu muhiimsan ee Soomaaliya kajira, waxaanu uu timaamay Madaxweynuhu in Aqalka Sare ee DFS uu leeyahay awoodo iyo shaqooyin u gaara oo loo baahan yahay inay fahmaan mudanayaasha Aqalku. Sidoo kale Madaxweynaha oo lahadlaya mudanayaasha Aqalka Sare ayaa xusay inay si toosa u metelaan dawalddaha xubnaha ka ah DFS, madaama taasi-jirtona loo baahan yahay inay wada shaqayn dhow oo joogta ah la yeeshaan dhammaan dawladdaha xubnaha ka ah DFS. Dhica kale Madaxweynaha ayaa ku booriyey Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS inay aaminaan fadaraaliisamka, ku shaqeeyaan Fadaraaliisamka, dardar-geliyaan hirgelintiisa maadaama iyaga laftooda lagu soo doortay nidaamkaas uuna yahay nidaamka keliya ee Soomaaliya lagu horumarinkaro. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland ahna Guddoomiyaha golaha wada tashiga dawladdaha xubnaha ka ah DFS Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS iyo kan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka DFS ay Puntland ku yeelan doonaan xafiisyo ama xarumo ay ku shaqeeyaan , isla markaana ay xarumadooda Puntland looga hirgelin-doono ay ku jiridoonaan qasriyo lagu marti-sooro oo ay ku nastaan, ku shaqeeyaan, wakhtigooda fasaxa ku qaataan. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Puntland oo ka qayb galay Kal-fadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Aqalka Sare ee DFS appeared first on Puntland Post.
  7. HARGEISA– Somalilanders are tired of continued allegations that the Opposition Wadani party is affiliated with Somalia. This is according to former water minister Bashe Ali Jama who termed the allegations by ruling Kulmiye party as a cheap vote seeking propaganda unworthy the time and efforts the ruling party puts into. Stressing that presidential elections are being held in Somaliland and not Somalia, the former minister who quit both his water portfolio in the president Silanyo administration and joined Opposition Wadani party recently said “Citizens of this country are not fools and though any association with Somalia is like an epidemic to them, terming Wadani as Mogadishu funded is cheap politicking” This sentiments were expressed during an interview with Geeska Afrika in which he called upon Somalilanders to desist from clan based politics, maintain peace and vote for the Wadani party candidate Abdirahman Irro during the forthcoming presidential elections “We all know what Kulmiye party is and what can be expected from its win” said Bashe Ali adding that unless Wadani wins the presidency what Somalilanders can expect in the next five years is continued inflation, corruption, unemployment and most negative institutionalized tribalism and nepotism. In conclusion the resigned water minister reiterated his call to the effect that Somaliland is not part of Somalia thence Kulmiye should stop said insinuations and solicit votes through a policy based campaign. Geeskafrika
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa maanta Xafiiskiisa ku Qaabilay Kku xigeenka Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ee xagga Nabadgelyada iyo Amniga & Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Guddoomiyaha iyo Mas’uuliyiintaan ayaa ka wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa Amniga iyo sidii Muqdisho looga dhigi lahaa meel xasilooni isla markaasna laga hortago falalka ay sameenayaan Kooxda Al-Shabaab oo dhibaato badan ku heyso shacabka Soomaaliyeed. Mas’uuliyiintaan ayaa ka wada hadlay qodobo badan oo ku aadan amniga Mudqdisho, waxaana ugu dambeyn la isku afgartay in si wadajir ah looga qeyb qaato amniga Caasimadda Muqdisho. Kulankaas kadib Guddoomiyaha iyo labadaan mas’uul ayaa si wadajir ah u booqday Isgoyska 14 October oo ay ka dhacday Musiibadii weyneyd ee saameynta ku yeelatay dhammaan dadka Muqdisho, waxayna halkaas kusoo sameeyeen indha indheen saameyntii uu reebay qaraxaas iyo sidii looga qeyb qaadan lahaa dhismaha guryaha burburay. Halkaan hoose ka daawo sawirada
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii ku dhammaaday Muqdisho waxaa laga soo saaray war saxaafadeed ka koobnaa lix qodob oo ay ku heshiiyeen hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya. Warmurtiyeedka loogama hadlin arrimo dhowr ah oo horay u sababay khilaafkii ugu weyn ee dhowaanahan soo kala dhexgalay maamullada iyo dhowladda federaalka ah. Qodobadaas waxaa ka mid ahaa: Khilaafkii ka dhashay arrimaha Khaliijka War saxaafadeedka laga soo saaray heshiiska waxaa lagu xusay in dowladda federaalka iyo maamullada ay ku heshiiyeen in lagu wada shaqeeyo “jawi ku dhisan kalsooni, dulqaad, tanaazul iyo masuuliyad.” Balse qoraalka loogama hadlin sida looga wada hadlay khilaafka ka dhashay sida loogu kala aragti duwan yahay dhibaatada dalalka khaliijka oo saameeysay wada shaqeynta ka dhexeyso dowladda dhexe iyo maamullada federaalka. Qaar ka mid ah maamul goboleedyada ayaa ku doodayay in dowladda dhexe ay la safato dowladda Sacuudiga iyo kuwa is beheysiga la ah ee go’doomiyay Qadar. Balse dowladda madaxweyne Farmaajo waxay qaadatay go’aan dhexdhexaad ah. Taasi waxay sababtay khilaaf siyaasadeed oo labada dhinac ah. hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada ayaa heshiis ku saxiixday Kismaayo. Balse heshiiska muqdisho lagu saxiixay waxaa lagu yiri: “Dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada waxay xoojinayaan wadashaqaynta labada dhinac si looga fogaado wax waliba oo keeni kara shaki iyo khilaaf siyaasadeed”. Balse Cabdirashiid Xaashi oo ka tirsan machadka cilmi baaridda ee Heritage ayaa sheegay: “Waxaa dhici karta in ay jiraan in badan oo faahfaahinno ah oo aan la qori karin, laakiin la iska afgartay.” “Si kale haddii loo dhigo, wax kastaa waa laga wadahadlay sida xiisadda Galmudug ama Koofur-Galbeed, waxaana la iskaga afgartay in la is aaminay, laguna heshiiyay in amniga xoogga la saaro.” Golaha Kismaayo: Kadib khilaaf iyo kala shaki soo kala dhexgalay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamullada, Kismaayo waxaa lagu dhisay gole ay ku mideysan yihiin dowlad goboleedyada. Madaxweynaha Puntland, Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo BBC-da la hadlay maalin ka dib markii golaha la dhisay ayaa sheegay in shirkii Kismaayo uu ahaa mid dastuuri ah. “Waa waxa aan sharci u leenahay, ee ma jiraan wax aan ku qabsanay dowladda federaalka,” ayuu yiri. Waxay madaxda maamul goboleedyada, Ksimaayo ka sheegeen in ay ka cabanayaan sida dowladda ay sharciyada u meel mariso iyo in “faragelin toos ah ku hayso maamulladooda.” Sidoo kale madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo maalmo ka dib shirkii Kismaayo soo saaray war saxaafadeed ayaa si taxadar leh uga hadlay shirkaas. Waxaa qoraalkaaas lagu billaabay: “Madaxweyne Farmaajo wuxuu si dhaw ula socdaa dareenka ay muujiyeen madaxda Dowlad Goboleedyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xarriiqayaa in ay lagama maarmaan tahay wada shaqeynta hey’adaha Federaalka iyo hey’adaha heer Dowlad Goboleed, si looga mira dhaliyo waajibaadka dastuuriga ee na wada saaran iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.” Hadaba heshiiska Muqdisho lagu saxiixay kuma cadeyn waxa laga yeelayo golihii Kismaayo iyo waxa shaqadiisa ay noqoneyso ama galaangalkiisa siyaasadeed. Kullanka ayaa waqti badan qaatay, “jawigii ka horeeyay shirka ayaana ahaa mid aan saamaxayn in si fudud heshiis loo gaaro,” Sida uu isbuucii tagay BBC-da u sheegay Guleed Saalax oo ka tirsan machadka cilmi baaridda siyaasadeed ee SIDRA. “Kala shakiga badan iyo xiriirka oo xumaaday, ee soo jiray mudooyiinkii ugu dambeeyay, waxay keenayaan in aan is afgarad lagu gaarin si degdeg ah,” ayuu yiri Guleed. Khilaafka ka dhashay arrimaha Khaliijka iyo Golaha lagu dhisay Kismaayo ayaa xiriir lahaa. Cabdirashiid Xashi oo ka tirsan machadka Heritage ee Muqdisho ayaa sheegay: “Ka hor shirka aad ayaa loo kala fogaa, gaar ahaan maamul goboleedyada ayaa si weyn uga sheeganayey dowladda federaalka, marka in heshiis laga gaaray dhammaan qodobadii ajandaha ku qornaa waxay muujinayaan in shirku guul ku dhamaaday.” “In badan oo qodobada la isku hayey ka mid ah, guddi farsamo ayaa loo saaray, mabaadii’da lagu wada shaqaynayana waa la sheegay,” ayuu yiri Cabdirashiid. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida aad wararkeenii hore ku akhrisateen ururka Caalamiga ah ee International Research Networks ayaa shir ku qaban rabo magaalada Nairobi ee Caasimadda kenya, waxaana shirkaas ka qeyb geli doono dowlado ay kamid tahay Soomaaliya. Shirkaas oo mowduuciisu yahay Somalia Oil, Gas and Mining ayaa lagu wadaa inuu dhaco Bisha March ee 2018. Ururkaas ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya taageero uga heystaan shirkaas isla markaasna ay ogtahay, waxayna soo bandhigeyn waraaq ay sheegeen inay kasoo baxday dowladda dhexe. Haddaba Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u beenisay waraaqdaas, waxayna ka dhawaajisay inaysan wax shaqo ah ku laheyn shirkaas. Wasaaradda macdanta iyo Biyaha ee dowladda Soomaaliya ayaa ka dhawaajisay inaysan waxba kala socon shirkaas isla markaasna aysan iyada aqoonsaneyn. Wasaaradda ayaa ku baaqday in shirkaasi la joojiyo. Wasaaradda Badroolka iyo macdanta dowladda ayaa ururkaas ka codsatay inuu si deg deg ah uga laabto been abuurka ay ka sameeyeen dowladda, waxayna wasaaradaan ugu baaqday hey’adaha kale ee dowladda inay ka war qabaan inaysan wasaaradda wax aqoonsi ah siin shirkaas. Haddaba halkaan hoose ka akhriso waraaqda wasaaradda kasoo baxday oo ku qoran Luuqadda Ingiriiska
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyayaasha maamul goboleedyada ka jira dalka ayaa maanta hortagay Xildhibaanada Aqalka sare ee baarlamaanka Somalia. Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare ee baarlamaanka Somalia, Abshir Maxamed Axmed ayaa halkaa ka jeediyay warbixin ku aadan waxyaabaha u qabsoomay Aqalka sare iyo shaqadooda waxay tahay ka soo jeediyay. Warbixinta uu jeediyay Abshir ayaa sharaxaad dheer u aheyd Hogaamiyayaasha oo iyagu maqal ahaan ka heystay waxqabadka Aqalka Sare ee baarlamaanka Somalia. Hogaamiyayaasha maamul goboleedyadda ayaa sidoo kale, khudbad ay kaga hadlaayeen Xaaladda Soomaaliya waxa ay u jeediyeen Xildhibaanada Aqalka Sare. Hogaamiyayaashu waxa ay sheegeen in ay muhiim tahay in si wadajir ah looga shaqeeyo Horumarinta Qaranka, waxaana ay tilmaameen in Aqalka Sare ay muujiyaan doorkooda ku aadan matalaada maamul goboleedyadda. Hogaamiyayaasha maamul goboleedyada ayaa maalintii shalay waxaa magaalada Muqdisho ugu soo dhamaaday shir ay la lahaayeen madaxda dowladda federaalka oo looga wada hadlayay xiriirka ka dhaxeeya dhameynta khilaaf waayadii ugu danbeeyayba taagnaa, waxaana ay wada jir u soo saareen war-murtiyeed lagu qeexay qodobada lagu heshiiyay. Waa markii ugu horaysay ee Hogaamiyayaasha maamul goboleedyada xubinta ka ah dowlada Soomaaliya ay hortagaan kulana la qaataan mudanayaasha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.
  12. The leader of the Pro-Islamic State group in Somalia has survived U.S. airstrikes which targeted caves in a remote mountainous area in Puntland, the region’s president told VOA Somali. Abdiweli Mohamed Ali said the leader of the group, Sheikh Abdulkadir Mumin, was the target of Friday’s U.S. strike. “They [US] were targeting those troublemakers and their biggest leader Abdulkadir Mumin, they were looking for them,” he said. “Based on the information I’m getting he is still alive and is not dead.” Ali said the U.S. did not share intelligence with his region but assessment is based on information from his region’s intelligence agencies. On Friday, the United States Africa Command confirmed carrying out two strikes against IS militants in Somalia. The first attack occurred at around midnight and the second attack took place the following morning at 11:00am. The U.S. Africa Command says several militants were killed in the strikes in Buqo Valley, 160 kilometers east of the city of Bosaso. The strikes were the first against the group by the United States. On Sunday a senior Somali intelligence official told VOA Somali that they believe up to 20 militants were killed in the two strikes. He said some of the caves the militants were sheltering in collapsed on them as a result of the bombing. The official who asked not to be named, told VOA Somali that it’s “likely” the leader of the group Sheikh Abdulkadir Mumin survived the attack. “Either he was not in those caves or he was missed, it is likely that he is alive,” he said. Al-Shabab splinter group The official said he believes two foreign figures including a Sudanese militant were also in the targeted area. Intelligence sources say at least four missiles hit the caves in Buqo Valley in the first of two rounds of strikes. The second round of strikes occurred after the militants gathered in a place believed to be a burial site for those killed in the overnight strike. Pro-IS militants emerged in Somalia in October 2015 after splitting from al-Shabab. The group has since recruited members in the eastern parts of Puntland, where Mumin’s clan resides. The group has claimed responsibility for four attacks in Bosaso this year including the last incident which occurred just ten days ago where a would-be bomber pushing explosives hidden in a wheelbarrow detonated the device killing himself and injuring six others. A month before, the group claimed an attack on a police commander at a coffee shop in Bosaso. The officer survived with injuries. In February this year two gunmen attacked the International Village Hotel in Bosaso and exchanged fire with security forces. Four soldiers and the two attackers were killed. In May a suicide bomber blew himself up at a police checkpoint near the Jubba Hotel in Bosaso, killing five people and injuring 17 others. The group scored its biggest attack in late October 2016 when its fighters seized the ancient town of Qandala from Puntland forces and kept control of it for 40 days. Source: VOA
  13. Members of Southwest State Assembly are planning to file impeachment motion against Southwest State president, Shariif Hassan, accusing him of incompetence. Following deliberations in Baidoa , the lawmakers formed anti-president caucus to implement the no-confidence motion. Mohamed Farah, a Southwest member of parliament said that close to hundred MPs signed the motion and it will be lodged to the parliament leadership soon. According to reliable sources who spoke to Hiraan Online, over 90 legislators have signed the impeachment motion. “The MPs have been preparing this motion for months and this is the second time, the MPs are trying to relieve the President of his duties,” said a source privy to the development. The move comes at a time when President Hassan is attending security conference in Mogadishu. Shariif Hassan is yet comment on the impeachment motion against him which is to be submitted at the parliament. Impeachment motions hit several regional states in the recent months. Hirshabelle President, Ali Abdullahi Osoble was relief of his duties following a successful impeachment motion passed by the lawmakers this year. Early this year, former Galmudug President, Abdikirim Hussein Guled was ousted after Galmudug Assembly critised of incompetence and poor leadership.
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha ururka Xisbullaah Xasaan Nasrullaah oo hadlay ayaa boqortooyada Sucuudiga ku eedeeyay in ay ku qasabtay Ra’isulwasaarihii Lubnaan Sacad Xariiri in uu is casilo. Xariiri ayaa xilka iska casilay xili uu ku sugnaa dalka Sucuudiga, wuxuuna ka hadlay taleefishinka Sucuudiga laga leeyahay ee Al Carabiya. Wuxuu sheegay in uu naftiisa u baqay, islamarkaasna dowladda Iraan ay dhibaato ka waddo gudaha Lubnaan. “Ma ahayn go’aankiisa, iyo rabitaankiisa, waa mid lagu qasbay” ayuu yiri Xasan Nasrullaah oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu awoodda badan ee Lubnaan, islamarkaasna madax ka ah ururka hubeysan ee Xisbullaah, ee shiicada ah. Wuxuu ku baaqay in degenaan laga dhaliyo dalka Lubnaan, isaga oo sidoo kale su’aal ka keenay in Xariiri uu kusoo laaban doono Lubnaan iyo in kale. Ciidammada militariga Lubnaan ayaa sheegay in aysan helin wax caddaymo ah oo la xiriira in la dili rabay Xariiri sida uu isaga sheegtay. Jeneraal Cabbaas Ibraahim oo madax ka ah hay’adda nabad suggida Lubnaan ayaa sidoo kale sheegay in uusan haynin wax xog ah oo ku saabsan in Xariiri la qorshaynayay in la dilo. Wasiirka arrimaha khaliijka ee Sucuudiga Tamar A-Sabhaan ayaa sheegay illaalada Xariiri ay xaqiijiyeen in uu jiray qorshe lagu dilayo Ra’isulwasaaraha, waxase dhanka kale uu beeniyay in Sucuudiga ku cadaadiyeen in uu is casilo. Sacad Xariiri ayaa sheegay in uu dareemay wax u eg jawi kii aabihiis lagu dilay oo kale, Rafiiq Xariiri ayaa la dilay sanadkii 2005-tii. Dadka siyaasadda u dhuun duleela ayaa sheegaya in is casilaadda Xariiri ay Lubnaan galisay xasilooni daro siyaasadeed. Waxaana farta lagu fiiqayaa hardan u dhaxeeya Shiicada iyo Suniga guud ahaa Bariga Dhexe. Xariiri ayaa saddex jeer Ra’isulwasaare usoo noqday, markii ugu dambaysay waxa uu xilkan qabtay sanadkii 2016-kii. Safaro dhawr ah ayuu dhawaanahan ku tagay Sucuudiga, halkaas oo maalintii sabtida uu kaga dhawaaqay is casilaadiisa. BBC Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta la horkeenay akhrinta 2aad mari-doona hindise sharciyeedka biyaha. Sharcigan waxaa isbadal lagu sameeyay qodobo badan oo ku jiray sida heerka tayada biyaha, xubnaha kheyraadka qaranka, guddiga qaranka ee kheyraadka biyaha, mas’uuliyadda iyo waajibaadka wasaaradda, khimada biyaha, heerka tayada biyaha iyo qodobo kale. Aqalka hoose waxaa kalfadhigan la keenay ku dhawaad 20 sharci, kuwaas oo sida la sheegay ay tahay in meel-mariyaan kalfadhigan iyo midka xiga. Hindise Sharciyeedka La Horkeenay Waxaa Ka Mid Ah: Qaraarka Golaha Wasiirada Heshiiska Maxaabiis is-dhaafsiga ee Soomaaliya iyo Hindiya Xisaab Xirka Miisaaniyadda 2015/2016 Hindise Sharciyeedka Lagu dhisayo guddiga madaxabannaan ee la dagaalanka musuqa Hindise Sharciyeedka golaha mihnadleyaasha caafimaadka qaranka Hindise Sharciyeedka Waxbarashada Hindise Sharciyeedka Kheyraadka Biyaha Hindise Sharciyeedka Xeerka Saxaafadda Hindise Sharciyeedka Maareynta Maaliyadda Hindise Sharciyeedka Xakameynta Hubka Hindise Sharciyeedka La dagaalanka Argigixisada Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Muqdisho (PP) ─ Kooxda Al-shabaab ayaa Magaalada Buu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe maanta ku toogtay Afar Rag ah oo ay kasoo qabteen qaar ka mid ah Gobollada Soomaaliya, kuwaasoo ay ku eedeeyeen Jaajuusnimo. Toogashada raggaan oo ka dhacday fagaare ku yaala Degmada Bu’aale ayay Al-shabaab isugu keeneen shacabka degmada, iyagoo sheegay in raggaan ay la shaqeynayeen ciidamada Itoobiya, iyagoo isla goobtaasna ku toogtay. Maxkamadda Al-shabaab ayaa sheegtay inay qirteen raggan dambiyadii lagu soo oogay, isla markaana ay ciqaabtoodu tahay dil toogasho ah, iyagoo uga digay shacabka deegaannada a ka taliyaan in ruuxii fal noocaas lagu qabto lagu toogtay meel fagaare ah. Afarta ruux ee Bu’aale lagu toogtay ayaa magacyadoodu kala ahaayeen; Cabdirisaaq Xaashi Cabaas, Cumar Cadar Cumar, Maxamed Aba-Mayoo iyo Mustaf Macallin Xasan. Ma ahan markii ugu horreysay oo kooxda Al-shabaab ay toogasho sidaan oo kale ah ku fuliyaan rag iyo dumar ay sheegeen inay basaasbiin u ahaayeen ciidamada dalka ku sugan iyo hay’adaha sirdoonka dalalka caalamka qaar ka mid ah sida Mareykanka. Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa dhawaan ku toogtay deegaanada Koonfurta Somalia ee ay ka taliyaan haweeney ay ku eedeeyeen inay nin kale raacday iyadoo uu ninkeedu qabo, waxaana haweeneydaas lagu dilay dhagax illaa ay ka geeriyooto. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo Degmada Bu’aale ku toogatay Rag ay ku sheegeen inay ahaayeen Basaasiin appeared first on Puntland Post.
  17. Hargeysa (PP) ─ Wasiirkii Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda Somaliland, Maxamed C/llaahi Obsiiye ayaa iska-casilay xilalkii wasiirnimada iyo midkii Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE, wuxuuna ku sheegay sababta uu isku-casilay inuusan doonayn in codka shacabka Deegaankiisu ku dhaco meel aan munaasab ahayn. Is-casilaadda wasiirkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo lagu wado in bishan ay Somaliland ka dhacdo doorashada madaxnimo ee maamulkaas, kaasoo ay ku tartami doonaan musharraxiin ka socda saddex xisbi. “Waxaan halkan ka caddeynayaa inaan ka baxay Guddiga ololaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Awdal, kaddib markii hawlihii xisbiga ay qof keliya u galeen gacanta, cid wax ka qabatana la waayay,” ayuu yiri Obsiiye. Sidoo kale, wuxuu hadlakiisa ku daray. “Waxaan kaloo cadaynayaa inaan gabi ahaanba ka baxay Xisbiga Kulmiye, kaddib markii aan ogaaday in codka shacabka deegaanka aan kasoo jeedo uu ku dhacayo meel aan munaasab u ahayn.” Obsiiye ayaa mar uu ka hadlayay is-casilaadiisa wasiirnimo wuxuu yiri. “Ma jirto wax ceeb ah oo aan ka sheegayo Xukuumada iyo madaxweynaha, si wanaagsan ayaan u soo wada-shaqaynay intii aan xilka hayay, Waxaanan caddeynayaa inaan xilkaas ka tagay, kaddib arrimo dhawr ah oo Xisbiga Kulmiye iiga muuqday.” Dhanka kale, Wasiirka Xilka ka tagay ayay isku deegaan yihiin Musharraxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga WADANI Maxamed Cali, taasoo la doonayo in codka deegaanka musharraxa la mideeyo si aanay u Qaybsamin, waana sababta keentay is-casilaaddiisa. Ugu dambeyn, Waxaa soo baxaya warar sheegaya in maalmaha soo aadan ay sidan oo kale ay wasiirro dhawr ah oo ka tirsan xukuumadda Silaanyo ay xilalka iska-casilaan, inkastoo warkaas aanan imin idiin xaqiijin karin. PUNTLAND POST The post Wasiir ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo xilkii Is-casilay kaddib markii uu sheegay… appeared first on Puntland Post.
  18. BOSASO-[Puntland Post]-Taliyaha Ciidamada ilaalada Xeebaha Puntland Admiraal Cabdirsaaq Diiriye Faarax Ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar been abuur ah oo Maalmihii Danbe lagu baahinayay Baraha Bulshada oo sheegaya in askari ka Tirsanaa Ciidanka Badda Puntland uu ka danbeeyay Falka Lagu dhaawacay Gabar 15- kadib markii uu askarigaasi Xabad oga Dhuftay Qeybta Taranka ee. Admiraal Cabdirsaaq Diiriye Faarax ayaa intasi ku daray in ay arintani ay tahya mid foolxun oo lo baahan yahay in baaritana dheer lagu sameeyo si sharciga loo hor keeno Askarigii ka danbeyey falkaasi. Taliyaha Ciidamada Badda Puntland mar wax laga waydiyey in askarigaasi uu mar soo maray Ciidamada Badda Puntland waxa uu ku jawaabay. ” Qofka Magacaasi wata Waligiis Ciidanka Badda Puntland Kama Mid Noqon, Mana Naqaan Xitaa waligiis Lagama Ruqseyn, Waxaanan filaya waxa Tuhunka soo galiyay inuu Yahay in Dareeska ciidamada oo aad isugu eg ay dadku u qaataan in uu ahaa Askari ka Tirsan Ciidanka Badda Puntland. ” Ayuu Yiri Taliyaha Ciidanka Badda Puntland. Daawo ” Muuqaalka Talayaha Ciidamada ilaalada Xeebaha Puntland Tacaddiyo kufsi u badan oo haweenka lagula kaco ayaa horay uga dhici jirey guud ahaan Soomaaliya, balse falkan ayaa ah mid naasir ah waxana la filaya in dhowaan sharciga la horkeenno ruuxa geystey fal-denbiyeedka oo laamaha ammaanku sheegen iney ku raad-jooga Cabdiqani Boos Puntland Post -Bosaso The post Ciidamada Badda Puntland oo Beeniyey in Askar ka tirasan UU ka danbeeyay Falka Lagu dhaawacay Gabar 15 JIR AH appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka lagaa heleyso Magaalada Buu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab Maanta halkaasi ay Xukun toogasho ah ku fuliyeen Afar Nin oo laga kala keenay qaar ka mid ah Magaalooyinka dalka. Fagaare ku yaalla Degmadaas ayay Al-Shabaab isugu keeneen Shacabka Magaalada iyo Afarta Nin oo ay ku eedeeyeen in ay la Shaqeynayeen Ciidamada Itoobiya iyaga oo isla Goobta ku toogtay. War ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka ayaa waxa ay ku sheegeen in Afartan Nin ay qirteen dembiga lagu soo oogay kuwaas oo Magacyadooda kala ahaa. 1: Cabdi Risaaq Xaashi Cabaas 2: Cumar Cadar Cumar 3: Maxamed Aba Mayoow 4: Mustaf Macalim Xasan Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale tiro ka dhowr jeer waxa ay fal toogasho ah ku fuliyeen dad isugu jira Rag iyo Dumar kuwaas oo ay ku eedeeyaan in ay xiriir leeyihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Mooshinka ay Xildhibaanada Koonfur Galbeed kawadaan Hogaamiyaha maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan. Xildhibaanada Mooshin wadayaasha ah, ayaa sheegay inay ku adkeysanayaan Mooshinka ay kawadaan Shariif Xasan inta uu iska casilaayo xilka uu hayo. Xildhibaan Cali Xasan Cusmaan oo Madax u ah Xildhibaanada Mooshinka kawada Hogaamiye Shariif Xasan, ayaa sheegay inay hayaan cadeymo cadcad oo muujinaaya in Shariif Xasan uu ku fashilmay xilka. Waxa uu tilmaamay inay jiraan fariimo hanjabaad ah uu Shariif Xasan u diray qaar kamid ah Xildhibaanada wada Mooshinka. Wuxuu carab dhabay in Xildhibaanada qaar loogu goodiyay in lagu sameyn doono fal amni darro haddii aysan ka bixin Mooshin wadayaasha, balse waxa uu cadeeyay inaanu jirin Xildhibaan dhag jalaq usiiyay goodinta ka imaaday Shariif. Mar Xildhibaan Cali Xasan Cusmaan wax laga weydiiyay danta laga leeyahay Mooshinka ayaa waxa uu tilmaamay in ujeedka uu yahay isbadel maamul. Dhinaca kale, Xildhibaanada ilaa iyo hadda iska diiwaan galiyay liiska Mooshinka ayaa kor u dhaafay Boqol Xildhibaan waxaana la sugayaa inta uu Shariif Xasan uga laabanaayo magaalada Baydhabo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Kadib is-casilaadda ra’isul wasaarihii lebnon Sacad Al-xariiri, faragelinta uu ka sheegtay in dalal badani ku hayaan Lebnon iyo isku-deyga dil uu ka badbaaday kadib markii xukuumadiisa ku guul-dareysatay hub ka dhigista maleeshiyaadka iyo kooxaha hubeysan, waxaa ii soo baxay 7 qodob oo ay iskaga mid yihiin Lebnon iyo Soomaaliya. Qodobadan 2 ka mid ah waa laga soo gudbay, laakin 5-ta qodob ee ugu dambeysa weli waa taagan yihiin, kuwaas oo haddii aan xal loo helin jiritaanka Soomaaliya uu khatar ku jiro. Hadaba, Akhriso, 7bada Qobod Oo Dhameystiran: Dagaallada Sokeeye: Dalka Lebnon waxaa ka dhacay dagaallo sokeeye oo socday 15 sano intii u dhaxeysay(1975-1990), kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 150 kun, iska-hor imaadyo badan oo dhex-maray Muslimiinta iyo kuwa Christian-ka ah, waxaa ay keeneen in dad badan oo labada dhinac ah qaxaan. Si la mid ah Soomaaliya waxaa ka dhacay dagaallo sokeeye oo bilowday marka uu dagaalka Lobnon dhammaaday, dagaalka Soomaalida oo u dhaxeeyay qabaa’il Soomaaliyeed qiyaas ahaan waxaa uu socday in ka badan 25 sano, waxaana ka dhashay in dad badan oo Soomaaliyeed loo geysto dil, dhac iyo kufsi . Khad Cagaaran: Inta uu socday dagaalka sokeeye ee dalka Lebnon, Magaalada Beirut waxaa loo kala degay labo, Qeybta bari oo Christian-ka u badan yihiin iyo qeybta galbeedka oo muslimiinta ah, waxaa la dhex-dhigay khad cagaaran. Si la mid ah, magaalada Muqdisho waxaa 1992-dii ka dhacay dagaal lagu hoobtay kaas oo markii uu dhammaaday lagu heshiiyay khad cagaaran oo u dhaxeeyay koonfurta iyo waqooyiga Muqdisho, Beirut weli sidii ayuu khdaka u yallaa. Ciidamo Nabad Ilaalin: Jaamacadda Carabta ayaa isku raacday in Lebnon loo diro ciidamo Suuriyaan ah si loo kala dhex-galo kooxaha, amnigana la soo celiyo, 2 sano kadib 1978-dii golaha ammaanka waxaa uu dalkaasi u soo diray ciidamada UNIFIL kuwaas oo ujeedkoodu ahaa in xukuumadda Lebonon ku gacan-siiyaan sidii ay dalka ugu fidi-laheyd, illaa hadda waa joogaan. Soomaaliya ciidamo nabad ilaalin waxaa loo soo diray labo-jeer, 1992-1994 oo qaramada midoobey ahaa iyo 2007-hadda oo dalal Afrikaan ah ka hirgeliyeen howl-galka AMISOM. Nidaamka 4.5: Dalka Lebnon waxaa loo qabtay shirka Dhaa’if ee Sacuudiga 1989-kii, shirkaasi oo lagu soo afjaray dagaalka sokeeye waxaa lagu sheegay in kuraasta baarlamaanka iyo jagooyinka loo qeysado muslim iyo Christian, illaa hadda madaxweynaha waa Christian, guddoomiyaha baarlamaanka waa Shiico halka ra’isul wasaaraha laga dhigo qof Sunni ah. Soomaliya waxaa loo qabtay 2000 shirkii Carte, waxaa halkaasi ka dhashay nidaamka 4.5, kaas oo illaa iyo hadda lagu dhaqmo. Faragelinta Shisheeye: Dalka Lebnon 28 sano kadib markii uu dagaalkaasi sokeeye dhammaaday, dalkaasi waxaa uu ka dagi la’yahay faragelinta shisheeye, Sacuudiga, Suuriya iyo Carab ah oo meel ah iyo Iran oo Shiico ah, waxaa ay noqotay goob lagu loolamo. Soomaaliya waxaa faragelin ku haya dhammaan dalalka caalamka, reer galbeedka waxaa ay la baxeen “Beesha caalamka” Xalane ayey fadhiyaan, cadaadiskooda ma yara, Carab saameyn in ay ku leedahay siyaasadda Soomaaliya waxaa daliil kuugu ah Khilaafka hadda ka jira Khaliijka iyo waxa socda, Afrikaanta iyo wadamada dariska ah warkooda iskaba daa waa sha’ni kale. Kooxo Hubeysan: Dalka Lebnon waxaa ka jira ururka Xisbullahi oo ah dowlad ku dhex-nool dalka, waa koox hubeysan, la aqoonsan yahay, dowladda lebnon waxaa ugu jira Xildhibaanno iyo wasiirro, waxa kale oo jira kooxo kale oo Falastiin, Christian ama Muslimiin ah oo hub-sita, dowladda Lebnon waa laga awood badan yahay. Soomaaliya waxaa jooga maamul goboleedyo hubeysan oo sheegaya in 90% dalka hayaan, waxaa intaasi dheer kooxo kale oo dowladda ka soo horjeeda oo hubeysa, sida dowladnimada tahay haddii dalka wixii qori ama ciidan ah aaney dowladda keligeed maamulin oo gacanta ugu jirin halkaasi dhibaato ayaa ka jirta, waana midda heysata Lebnon iyo Soomaaliya. Dhaqaale Ku Tiirsan Dalal Kale: Dalka Lebnon xukuumadiisa waxaa biila oo lacag siiya dalal kale oo Sacuudiga ku jiro halka xukuumadda Soomaaliya ku tiirsan-yahay deeqaha beesha caalamka, arrintan oo kale marka ay dhacdo waxaa jira maah-maah carbeed oo dhaheysa “Qof aan heysan quutkiisa maalin-laha ah, go’aan ma leh”, waxaa dhibaatada heysata labada dal. W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Waxbarashada dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa lagu helay musuq maasuqiii ugu weynaa kadib markii uu lacag sharci darro ah ka qaatay 70 Arday oo ay dowladda Soomaaliya dalka masar uga soo dhameysay waxbarasho lacag la’aan ah. Dowladda Masar ayaa dalka Soomaaliya ugu deeqday waxbarasho lacag la’aan ah oo la siinayo Arday badan oo Soomaaliyeed balse nasiib xumo deeqdaas waxbarasho waqtigii loogu talagalay ayaa ka dhacay kadib markii wasaaradda Waqxbarashada Soomaaliya ay sameysay isdaba marin iyo ardayda oo lagu xajeeyey lacago waali ah. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa madaxweynaha dalka Masar ka codsaday in dib loo soo cusbooneysiiyo deeqdaan waxbarasho ee waqtigeeda dhacay si loogu faa’ideeyo ardayda Soomaaliyeed. Madaxweyna Dalka Masar Abdel Fattah el-Sisi ayaa aqbalay codsigii madaxweynaha Soomaaliya, waxaana laga gaaray in lasoo celiyo ilaa deeqda 70 Arday oo Soomaaliyeed, wuxuuna Madaxweynaha Masar codsaday in si dhaqso ah loo soo diro ardaydaas. Dowladda Soomaaliya ayaa deeqdaas u qeybisay Maamul Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir, wuxuuna Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo bixiyey dhammaan lacagta Takidhada ee 70-kaan arday iyo qarashaadka ku baxayo bixitaankooda. Wixii markaas ka dambeeyey waxaa shaqada la wareegay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan, kaasoo ay dowladda u xil saartay inuu dhameeyo bixintaanka ardaydaas. Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ayaa ku kacay musuq maasuq weyn kadib markii uu ku amray Ardaydii deeqda la siiyey ee uu Madaxweynaha ka bixiyey dhammaan Qarashka inay dhiibaan lacag gaareyso 550 Dollar mid kasta oo kamid ah ardaydaan, wuxuuna ka qaatay lacag gaareyso ilaa 38500 (Soddon iyo Sideed Kun iyo Shan Boqol oo Dollar) maadaama ay ahaayeen 70 Arday. Wasiirka ayaa waxaa lacagtaas ardayda uga aruuriyey nin lagu magacaabo Cabdifataax oo kamid ah Shaqaalaha wasaaradda isla markaasna ah nin aad ugu dhow Wasiirka dhanka shaqada iyo waxyaabo kale. Dowladda Soomaaliya ayaa ka war heshay falka uu ku dhaqmay Wasiirka Waxbarashada, waxaana Wasiirka la xiriiray Ra’isulwasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo waydiiyey sababta keentay inuu arrintaan musuq maasuqa ah sameeyo, wuxuuna Wasiirka ugu jawaabay inuusan wax shaqo ah ku laheyn tallaabada uu qaadayo isagana uu xor u yahay Wasaaradda Waxbarashada uusana cidna kala tashaqeyn waxa uu sameenayo. Kiiskaan ayaa markaas kadib noqday mid aad usii cuslaaday waxaana mar kale Wasiirka la xiriiray Agaasime ku xigeenka Villa Somalia oo wasiirka Waydiiyey sida uu ku keenay inuu falkaan ku dhaqmo, wuxuuna sidoo kale ugu jawaabay hadal kasii daran midkii uu ugu jawaabay Ra’isulwasaare ku xigeenka dalka. Sheekada ayaa kasii dartay waxaana arrinta Wasiirka Waxbarashada loo gudbiyey Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre oo hore u sheegay inuu soo dhameenayo Musuq maasuqa ka jira dalka, waxaana laga codsaday inuu wasiirka waydiiyo falkaan iyo sida ay ku dhacday. Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la hadlay Wasiirka Waxbarashada, waxaana sidoo kale arrinta soo dhex galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hore u shubay dhammaan qarashka lagu wadayey ardaydaan. Ugu dambeyntii Wasiirka Waxbarashada ayaa si deg deg ah loogu amray inuu dhammaan u celiyo ardayda 70-ka ah ee laga qaaday 550 Dollar midkiiba, waxaana si lama filaan ah loogu geeyey Xarunta Sahal ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo ay ku sugnaayeen, waxayna la noqotay arrin la yaab leh markii loo sheegay in lacagtaan looga qaaday Musuq maasuq iyo wax isdaba marin. Xaalka Ardayda 70-ka arday ee Masar loo qaadayo ayaa la filayaa inay maanta ka dhoofaan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo laga qaadi doono Hotel ay dajisay dowladda Soomaaliya. Musuq Maasuq hore oo uu sameeyey Wasiirka Wasiirka Waxbarashada ayaa horey u sameeyey Musuq maasuq badan oo ku aadan deeqo waxbarashada oo laga helay wadamo badan oo ka tirsan adduunka. Wasiirka Waxbarashada ayaa lumiyey deeqo waxbarasho oo ay Soomaaliya ugu deeqeen dalalka Japan iyo Shiinaha kadib markii uu ardayda ku xujeeyey inay bixiyaan lacag aad u badan oo laaluush ah taasoo keentay inay dhacaan dhammaan deeqihii la siiyey Soomaaliya. Musuq maasuqihii ugu weynee ee uu sidoo kale Sameeyey Wasiirka Waxbarashad ayaa waxaa kamid ah inuu qiyaanay arday badan oo Soomaaliyeed oo ku guuleystay deeq waxbarasho oo laga helay dalka Itoobiya. Waxaa jiray arday buuxiyey dhammaan shuruudihii laga doonayey ee deeqdaas waxbarasho, iyagoo loo sheegay inay ku guuleysteen balse ay dhacday in ugu dambeyntii boosaskaas laga iibiyey shakhsiyaad kale, halka kuwa kalana lagu siiyey hab Beeleed taasoo niyadjab weyn ku noqotay ardaydii isku diyaarisay inay waxbarasho u aadaan Dalka Itoobiya oo xataa Shahaadooyinkoodii iyo baasabooradi laga qaaday balse dib loogu soo celiyey. Maxaa ka dhaxeyo Kheyre iyo Wasiirka Waxbarashada?: Wasiirka Waxbarashada wuxuu kamid ahaa jaaliyadda Dalka Norway, waxayna in badan saaxiibo ahaayeen Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Kheyre, iyagoo iskala shaqeenayey Hey’adda NRC ee uu madaxda u ahaa Xasan Cali Kheyre. Tallaabada laga sugayo Kheyre Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhawaaqay markii loo magacaabay xilka Ra’isulwasaaranimo ee Soomaaliya inuu la dagaalami doono musuq maasuqa ka jiro dalka Soomaaliya oo uu ku sheegay inay arrinta kaliya ee hor taagan horumarka iyo horusocodka dalka iyo dadka. Haddaba Ra’isulwasaare Kheyre ayaa mari doono tijaabadii ugu horeysay ee la dagaalanka Musuq Maasuqa, waxaana laga war sugayaa go’aanka uu ka qaadan doono Musuq maasuqa cad oo uu ku lug yeeshay Wasiirka Waxbarshada, oo xataa si cad Ra’isulwasaare ku xigeen dalka ugu sheegay inuu isaga Mas’uul ka yahay Wasaaradda Waxbarashada oo uu sameenayo tallaabo kasta oo uu rabo. Haddii uusan Ra’isulwasaare Kheyre tallaabo cad ka qaadin Wasiirka Waxbarashada isla markaasna uusan xilkiisa ku weyn musuq maasuqa marqaatiga leh ee uu sameeyey waxaa caddaan doonto inaysan jirin waxa loogu yeero la dagaalanka Musuq Maasuqa. Maanta waxaa Kheyre looga fadhiyaa inuu iska iloobo saaxiibtinimada isla markaasna uu fiiriyo fulinta ballan qaadkii uu horey u sameeyey si ay arrintaas u noqotay mid ku dayasho mudan isla markaasna uu muujiyo inuu u taagan yahay ilaalinta xuquuqda dadka Soomaaliya iyo la dagaalanka Musuq Maasuqa oo hareeyey dowladihii hore usoo maray dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Inkastoo magaalooyinka dalka ay ka dhacaan dilal u muuqaal ek kuwo qorsheysan, ayaa waxaa haddana soo baxaaya warar sheegaya in Wasiirkii hore ee hawlaha guud iyo Dib u dhiska Xukuumaddii Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, Eng Salax Sheekh Cismaan uu ka badbaaday isku day dil. Eng Salax Sheekh Cismaan, ayaa sheegay inuu ka badbaaday dilkaasi oo ahaa mid loo qorsheeyay balse uu alle ka badbaadiyay, sida uu hadalka u dhigay. Eng Salax Sheekh Cismaan, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebool ku sheegay in magaalada Baydhabo lagu dili rabay, sida uu sheegay. Waxaa kamid ahaa qoraalkiisa ”Waxaan Baydhabo u aaday inaan u gurmado shacbiga deegaanka ku ah halkaa, nasiib darro kaalmadii aan ugu tala galay inaan gaarsiiyo shacbiga reer Baydhabo waxaa maanta iga hor istaagay Wasiirka Amniga oo haatan ah ku magaacaban ku-simaha Madaxweynaha K/Galbeed Xasan Eelaay” ”Ninkaasi ayaa ciidamo daacad u ah waxa uu ku amaray inay i khaarijiyaan, Dilkayga ayaa la qorsheeyay in lagu soo beego waqtiga aan qeybinayo kaalmada aan u sido dadka masaakiinta ah, balse waxaa dhagartaas iga badbaadiyay alle” ”Qorshaha waxa uu ahaa in khaarijinteyda loo roggo inay ka danbeyso Alshabaab, balse ma dhicin waxaana ku baxsaday daacadnimadeyda” Sidoo kale, waxaan haddalkaan weli aan ka jawaabin maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan Wasiir Eelaay oo lagu fooraariyay kiiska isku dayga dilka Wasiirkii hore ee hawlaha guud iyo Dib u dhiska Xukuumaddii Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, Eng Salax Sheekh Cismaan. Ma cadda khilaafka gaarka ah ee ka dhexeeya labada mas’uul waxaana jira warar kala duwan oo sheegaya inuu jiro murano horay u dhexeeyay Wasiirada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa ka hadlay duqeyn cirka ah oo dhawaan lala eegtay maleeshiyaadka Daacishta Somalia ee ku sugan buuraaleyda Galgala ee Puntland. C/weli Gaas oo faahfaahino dheeraad ah ka bixinaayay weerarka cirka ayaa sheegay inay geysteen diyaaradah Mareykanka waxa uuna cadeeyay in bartilmaameedka uu ahaa Hogaamiyaha Daacishta Somalia C/qaadir Muumin. Gaas ayaa sheegay Hay’addaha ammaanka maamulka Puntland in ay xaqiijiyeen weerarkan in lala beegsaday Hoggaamiyaha kooxda Daacish C/qaadir Sheekh Cali Muumin, balse uu ka badbaaday. Waxa uu qiray in weerarka lagu dilay mas’uuliyiin kale dhowr ah oo aysan ka sabri doonin Daacishta Somalia, sidoo kalane ay weerar kale ugu celin doonaan haddii ay sii degnaadan Saldhigyada Galgala. Waxa uu yiri ”Waxaa jira macluumaad kala duwan oo aan ka heleyno duqeynta iyo mirro dhalkeeda waxaan xaqiijineynaa in Daacish la gaarsiiyay jab culus lagana dilay mas’uuliyiin hogaanka sare u hayay balse Hogaamiyahooda uu badbaaday” Waxa uu intaa raaciyay”Puntland mowqifkeeda duqeynta Daacish waa mid cad weyna soo dhaweyneysaa jab waliba oo la gaarsiinaayo kooxdaas” C/wali Gaas, waxa uu tilmaamay in Daacish ay yihiin cadowga Umadda Soomaaliyeed, balse ay ku dadaalayaan sidii ay ku dhabar jabin lahaayen, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale Hogaamiyaha Puntland ayaa sheegay in laga guuleysan karo Daacish iyo Al-shabaab, hadii shacabka Soomaaliyeed ay hal arragti ka noqdaan dagaalka lagula jiro dhinacyadan, taageerana u fidiyaan Ciidamada xoogga dalka. Dhinaca kale, maleeshiyaadka Daacish ayaa dhowr jeer sheegtay weerar ka dhacay magaalada Boosaaso oo Puntland ay ka taliso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. BOSASO-[Puntland Post]-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo wareysi siiyey idaacada VOA-da qeybta Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay weerar ay ciidamada Mareykanka ka fuliyeen buuraleyda Galgala ee gobalka Barri. Cabdiwali Gaas Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in weerarkaas uu ka badbaaday Hogaamiyaha kooxda Daacish ee Buuralayda Galgala Cabdulqaadir Muumin oo ah horjoogaha ayna dawladdu wali wado baaritaano dheeraad ah. Madaxweyne Gaas ayaa cadeeyey in laamaha Sirdoonka ee dawladda Puntland ay si dhaw ula socdaan dhaqdhaqaaqyada kooxaha Argagixisada ah, ayna macluumaad kasta la wadaagayaan cid kasta oo Argagixisada la dagalamaysa. Jimcihii la soo dhaafay ayey ahad Markii diyaarado ay lee yihiin Maraykanku ay Duqaymo ka geysteen Buurlayda Galgala ee Gobalka Bari . http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/11/DHAGEYSO-M-weynaha-Puntland-oo-ka-hadlay-Duqeyntii-G-Barri-Xaaladda-Horjoogaha-DAACISH-ee-la-beegsaday-–-PUNTLANDTIMES-KA-DHIGO-ISHA-WARARKA-EE-CAALAMKA-SOMALIA.mp3Cabdiqani Boos Puntland Post The post Madaxweyne Gaas ”Hoggaamiyaha Daacishta ee Soomaliya waa ka Badbaaday Duqayn lala Beegsaday appeared first on Puntland Post.