Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,091
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Kenya ayaa qiratay in weerar ay kusoo qaaden maleeshiyaadka Alshabaab looga dilay ciidamo ka tirsan Booliska. Waxa ay Kenya sheegtay in ciidamadaasi la dilay xili ay galbinayeen gaadiid Samafal oo maraayay xadka kala beyra Somalia iyo Kenya. Ciidamada laga dilay ayey ku sheegtay inay yihiin 12 Askari oo mar qura ku baxay gacanta maleeshiyaadka Al-shabaab. Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in ay iska caabiyeen maleeshiyaadka Al-shabaab ee soo weeraray balse laga dilay 12 Askari. Sargaal u hadlay Booliska Kenya ayaa sheegay in la adkeeyay Amaanka xadka ay wadaagan Soomaaliya iyo Kenya si aysan u soo noqon weerarada joogtada ah ay Al-shabab ka soo qaadayaan dhinaca xadka Soomaaliya. Xadka kala qeybiya Somalia iyo Kenya ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro lid ku ah ciidamada Kenya ee isticmaala xadka. Alshabaab ayaa horay u sheegay inay kordhin doonaan weerarada ay ku qaadayaan ciidamada Kenya, ee u kala goosha Somalia iyo Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Qahira (Caasimada Online)-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ka qeyb galay shirka Dhalinyarada adduunka, ayaa maanta magaalada Sharm al-Sheikh ee dalka Masar uga qeyb galay dhowr doodood oo lagu falan-qeynayey caqabadaha haysta dhalinyarada adduunka iyo sidii meel looga soo wada jeedsan lahaa fikradaha xagjirnimada ah. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo kulanka ka hadlay ayaa ku dheeraaday dhibaatada dhanka xagjirnimada ah ee haysta dhalinta Soomaaliyeed. Waxuuna ka mahadceliyey dadaalka la geliyey sidii xal loogu heli lahaa aafada xagjirnimada iyo muhiimadda ay leedahay abuurista fursado shaqo oo dhalinyarada la siiyo. “Shirkani wuxuu muujinayaa in dhallinyaradu ay awood u leeyihiin inay billaabaan isbaddal waxtar leh. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhalinyarada Adduunka, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed inay taageeraan horumarka iyo Nabadda, kuna gacan seyraan afkaarta xambaarsan xagjirnimada”. Ayuu ku yiri R/Wasaare ku xigeenka dalka. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa u xaqiijiyay dhalinyarada Soomaaliyeed inay ka go’an tahay dawladda taageerista dhallinyarada. “Waxaan diyaar u nahay caawinta dhallinyarada annagoo siineyna waxbarasho wanaagsan iyo fursado shaqo oo uga maarmaan kooxaha Argagixisada. Waxaan ayaga ugu baaqayaa inay taageeraan nabadda iyo isku soo dhaweynta bulshada” ayuu yiri. ”Somalia wey ka fiirsan doontaa in dhalinyaradeeda ay galaan argagixisada intaa ha nagu filnaato” Shirka Dhallinyarada Adduunka oo ujeedkiisu yahay helitaanka nabadda, barwaaqada, isdhexgalka iyo horumarka adduunka oo dhan ayaa la qabtaa sanadkiiba mar, waxana sanadkan ka qeyb galaya 3,200 qof oo ka kala socda 113 waddan oo ay weheliyaan Madaxweynaha Masar, Madaxweynaha Chad, Ra’iisul Wasaaraha Equatorial Gunnie iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya.
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa dhawaan ku dhawaaqay inuu xilkii iska Casilay Wasiirkii hore ee Gaashandhigga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed markaas oo ay golaha wasiirada ku sheegeen sababta uu isku casilay inay aheyd arrin shakhsi ah. Tan iyo markaas waxaa soo baxayey warar kala duwan oo ku saabsan sababta keentay inuu is casilo, iyadoo xilligaas ay wararka qaar sheegayeen inuu doonayo booska Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay ku dhagan yihiin Xildhibaan badan oo doonayo inay ka qaadaan xilka Madaxweynimo ee Koonfur Galbeed. Haddaba xogta ay heleyso Shabakadda Caasimadda Online ayaa sheegeyso in is casilaaddii Wasiir Cabdirashiid ay timaaday kadib markii uu sidaas ku amray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Wararka soo baxayo ayaa sheegayo in Wasiirka Gaashaandhigga lagu helay musuq maasuq ku aadan inuu Kharashaad dheeraad ah saartay Saanad loo iibiyey Ciidamada Militariga. Arrinta uu ku kacay wasiirka ayaa la sheegay in laga helay Caddeyno iyo marqaati isla markaasna uu arrintaas ka xumaaday Madaxweyne Farmaajo oo si deg deg ah ugu amray inuu isaga dago xilkaas . Arrintaas ayaa waxaa ka dhalatay muran fara badan oo dhex maray madaxda ugu sareyso dalka iyo Wasiirka is casilay, waxaana ugu dambeyn loo sheegay inuu is casilo ama la casilo. Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa isku dayey inuu dhex dhexaadin sameeyo balse Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeystay inuu Wasiirka isaga tago shaqada maadaama uu ku kacay Musuq maasuq cad oo loo hayo Caddeymo. Ugu Dambeyntii Wasiirkii Gaashaandhigga ayaa ku dhawaaqay inuu is casilay kadib markii uu Ra’isulwasaaraha u geeyey Waraaqdii is casilaada kadibna waxaa arrintaas aqbalay oo soo dhaweeyey Golaha Wasiirada. Wasiirka is casilay ayaa sabab u dhigay is casilaadiisa inay jiraan arrimo Shakhsi ah si aysan arrintaan u ogaan saxaafadda iyo shacabka, wuxuuna markaas kadib kulan xasaasi ah la qaatay Xildhibaanada kasoo jeedo deegaanada Koonfur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa codsaday in gabi ahaanba Gobolada iyo degmooyinka maamulkaas hoos taga laga jaro internet-ka maalmaha lagu guda jiro codaynta iyo tirinta doorashada. “Guddiga ayaa codsaday in internet-ka la jaro, iyagoo ka walaacsan xaalada dalka iyo qaabka wax u dhici karaan, runtii waa markii ugu horaysa saddex murashax oo saamaynta intaas le’eg ku leh bulshada Somaliland ay tartamaan taas ayaa walaaca keentay, ciidamada heegan ayaa la galiyay,” sidaas waxaa yiri qof xog ogaal ah oo magaciisa codsaday inaan la shaacin. Shirkadaha Internet-ka bixiya iyo qaybaha ay khusayso ayaa la qaatay go’aankan kasoo baxay Guddiga Doorashooyinka Somaliland. “Waan qaadanay go’aanka Guddiga iyo tala soo jeedinta ay sameeyeen, waxaan sugaynaa marka ay noo soo diraan Email oo ay dhahaan jara internet-ka,” sidaas waxaa yiri mid kamid ah maamulka shirakaadka bixiya adeegaas oo ku sugan Hargaysa. Xogta ayaa intaas ku daraysa in qorshahan uu bilaaban doono Isniinta soo socota 13 Novermber, waxayna ku egtahay 17 Isla bishaan. Muddo 4 cisho ah gabi ahaan lagama isticmaali doono deegaanada Somaliland wax internet ah, taasoo meesha ka saari doonta in la helo xogaha doorashada iyo qaabka wax u socdaan. Lama oga in qorshahan ay la qaadan doonaan axsaabta siyaasadda Somaliland. Waa markii ugu horaysay muddo intaas le’eg Internet-ku maqnaado Somaliland oo ka go’dey Soomaaliya inteeda kale 1991. Qorshahan waxaa dadka wax odorasa sabab uga dhigayaan loollanka murashaxiinta iyo taageerayaashooda oo maraya meeshii ugu sarraysay, waxaana tallaabada loo sameeyay iyadoo ay jirto Cabsi dhinaca amniga ah. Marka ay dhammaato tirirnta codadka ayaa la filayaa in la sii daayo Internet-ka. Lama oga xisbiga guulaysan doona, balse murashaxiinta madaxtooyada u tartamaya ayaa booqasho wali ku maraya gobollada Somaliland. Xisbiga KULMIYE ayaa la filayaa in maalinta Khamiista uu sameeyo iso soo baxiisii ugu dambeeyay magalaada Hargeysa halka xisbiga Wadani tageerayaashiisu ka banaanbaxeen Ceerigaabo. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  5. Dowladda dhexe ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) waxay dadka Muqdisho badankood u heystaan ilaa iyo hadda in uu yahay qofka ay dhici karto in uu Soomaaliya dhibka ka jiro wax weyn ka baddali karo. Ha noqotee madaxweynaha waxaa hor taagan caqabado farabadan oo u baahan in uu iska wareejiyo si uu u gaaro himilooyinka uu rabo. Marka laga yimaado mashaakilka xagga amniga iyo howsha uu ka wado, Madaxweynuhu waa in uu ogaadaa in reer Muqdisho Soomaaliya oo dhan asaas u yihiin. Haddaan sii iftiimiyo waa kuwa kharashka dowladda bixiyo marwalba oo waliba maamul goboleeyada gacan siiya. Madaxweynuhu in reer Muqdisho oo loo diidan yahay in ay Dowlad Goboleed noqdaan oo guddoomiye la magacaabay matalo meesha Gobollo yar yar ay rag madaxeyne yaal sheegto matalaan raali miyuu ka yahay? Waa caqabadda koowaad ee madaxweynaha ku hor gudban una baahan in uu caddaaladdi uu ballan qaaday meeshaas ka bilaabo siiyana xaqa reer Muqdisho u leeyihiin in ay qaranka matalaad ku yeeshaan, taas oo maqaamka madaxweynaha kor u qaadi doonta. Waxa madaxweynuhu ballan qaaday in uu kuwa musuqa sameeyo beero ku fali doono, su’aasha aan qabo shacbi badan oo soomaaliyeedna aan filayo in ay ila qabban ayaa ah 11kii bilood ee ay dowladdu jirtay musuq ma dhicin miyaa cid loo soo xiray oo shacbiga lala wadaagay ma jirtaa?. Cidda diidan in Muqdishu maamul Gobleed yeelato ogolna in canshuurtana reer Muqdisho laga qaado waxa ay ka mid tahay musuqa la rabo in madaxweynuhu meesha ka saaro. Muqdisho ha bixiso wixii lagu heshiiyo oo dhaqaala aha hana hesho xaqqeeda, waa middas mida xaqqa ah. Muqdisho oo marwalba canshuurta lagu kordhiyo waxa ay keeni kartaa in ganacsatadu meela kale u wareegto taas oo macnaheedu yahay arin siyaasadeysan ama la rabo in xamar horumarka lagala dagaalamo. Caqabadda labaad waa in uu dastuurka sidii loo dhameystiri lahaa xoogga saaro si looga saaro meesha is qabqabsiga dowladda ka socon weyday, lana caddeyo Dowladda dhexe iyo maamul goboleeydayada in aaney isku dhicin oo dastuurku uu caddaayo wajibaadka lakala leeyah. Dastuurku waa in uu dhowraa diinteenna islaamka dadkeenuna aaminsan yihiin. Caqabadda seddaxaad waa in dastuurka laga saaro waxa hadda loogu yeero Dowlad Goboleed iyo Madaxweyne Dowlad Goboleed si qaranimo loo helo looguna yeero Dowlad Goboleed iyo maamule Dowlad Goboleed taas oo ah maslaxadda mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed. Haddaan sidaas la yeelan oo aan Ummadda la’isku celin daneystayaal ayaa kala furfuri doona Ummaadaan qarannimana waa u dhammaan. W/Q Dr. Eng. Ahmed Alasso
  6. Kismaayo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo howlo shaqo u jooga magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay waxyaabaha uu ku amaanan yahay maamulka Jubbaland. Jawaari ayaa sheegay in magaalada Kismaayo ay ka nabdoon tahay magaalooyin dhowr ah oo ku yaala dalka kuwaa oo uu sheegay inuu kusoo maray socdaalo is xigxigay. Waxa uu sheegay inuu soo jeedinaayo in maamulka Jubbaland lagu daydo, maadaama uu yiri aanu ka jirin amni darro muuqata. ”Anigu waxaan soo jeedinayaa in lagu daydo Jubbaland oo laga qaato khibrada lagu nabadeeyay deegaanada maamulka” Waxa uu Jawaari sheegay in Madaxda ugu sareysa dalka uu ku wargalin doono in maamulada heysta nabadda laga kororsado wixii khuseeya amniga iyo xasiloonida, sida uu yiri. Guddoomiye Jawaari oo ka hadlaayay xaalada amni ee ka jirta magaalada Kismaayo ayaa soo jeediyay laba qodob oo kala ah: 1-In maamulada ka jira dalka laga dhageysto waxyaabaha u sahlay inay ku nabadeeyaan deegaanada maamulkooda. 2-In Hay’adaha amniga iyo Maamul Goboleedyada ay kawada shaqeeyan amniga iyadoo leys weydaarsanaayo khibradaha amni, waxa uuna soo jeediyay in Jubbaland lala kaashado howlaha ceynkaa ah. Jawaari ayaa sheegay in caasimadaha ka jira dalka ay badi yihiin kuwo nabdoon waxa uuna amaan gaara usoo jeediyay Hogaamiyayaasha maamulada iyo ciidamadooda. Geesta kale, Guddoomiye Jawaari ayaa carab dhabay in baarlamaanka Somalia uu si gaara u garab istaagi doono maamulada si ay u dhameystirtaan waxyaabaha qabyada u ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho kusoo kordhaaya goobaha gaadiidka lagu sugo ee ku yaalla hareeraha waddooyinka. Goobahaani oo aad u quruxbadan ayaa waxaa gaadiidka BL-ka ku suga dadka shacabka ah, waxa ayna inta badan ku yaalan waddooyinka magaalada Muqdisho. Maamulka Degmada Hodan ayaa iminka hirgeliyay goobahaani cusub taasi oo laga dhisay wadada Maka Al-Mukarama laamiga dhinaciisa. Xaruntan oo ah Bostooje Bus Stop ayaa dadka waxa ay u suuragelinaysa inay ku sii nastaan inta ay sugayaan gaadiidka dadweynaha, waxaana inbadan ka mahadiyay dadka shacabka ah. Sidoo kale, Maamulka Degmada Hodan ayaa sheegay inay sii wadayaan dhismooyinka goobaha nasiinka ee laga hirgaliyo hareeraha waddooyinka. Intabadan dalalka horumaray ayaa aad u isticmaala dhismooyinkaan quruxda badan ee lagu sugo gaadiidka shacabka.
  8. Shirkii ka dhacay caasimadda dalka Senigaal sanadki 2000, waxaa lagu guntay in dhammaan caruurta iskool gaartay ee ku nool dacallada adduunka la siiyo fursad ay iskool ku dhigtaan, marki la gaaro sanadka 2015-kana lagu guulaysto inuusan jirin canug aan iskool dhigan caqabad iskool la’aan darteed. Si taasi loo gaaro waxaa la kordhiyay kaalmadi la siin jray dowladaha saboolka ah si ay waxbarasho bilaash u siiyaan caruurtooda. Waxaa la dhisay dugsiyo cusub iyo fasallo farabadan. Waxaa boqol jibaarantay ardayda iska diiwaan galisay dugsiyada hoose/dhexe. Waxaa loo riyaaqay sida wax u socdaa iyo tirade ubadka subaxii iskoolada u kallaho. Sanado ka dib waxaa la sameeyay cilmi baarisyo kala duwan oo lagu ogaanayo heerka aqoonta caruurta iskoollada dhigato si loo hubiyo in qorshihii fulay iyo in kale. Warbixinta qiimaha gaarka ah leh ayaa ah mid uu bil ka hor soo saaray Bankiga Addunk (World Bank). Laga soo billaabo sanadki 1978-di, Bankigu wuuu sanad walba daabacaa warbixin uu kaga warramayo horumarka addunka. Sanadkaan ayaa noqday kii ugu horeeyay ee Bankigu daabaco warbixin horumarka waxbarashada adduunka u gooni ah. Natiijada kasoo baxday wabixintaan waxay noqotay mid ka fajacisay inta horumarka dunida danayso, gaar ahaan bahda waxbarashada u olaolayso. Warbixintaan oo ka kooban in ku dhow 240 bog ayaan ii saamaxayn inaan soo wada guuriyo, balse waxaan isku dayi doonaa inaan akhristayaasha la wadaago meelo si soo xulay muhiimmad gooni ahna noo leh. Inshallaah labo ama sadex qormo ayaan ka dhigi doonaa si aysan noo dheeraan. Midda ugu horrayso ayaa ah heerka waxbarashada caruurta ku nool dunida soo korayso. Middaas oo innaga si toos ah noo qusayso. Sanadihii danbe waxaa si xowli ah u kordhay ardayda laga diiwaan galiyay dugsiada hoose iyo kuwa saraba. 1970ki is-diiwaan galinta dugsiyada hoose ee wadamada Saxaraha ka hooseeyo waxay ahayd 68% halka wadamada Koonfurta Aasiya ay ahayd 47%. 2010-ki labada gobalba is-diiwaan galintu waxay dhaaftay celcelis 100%. Waxaa sidoo kale, kordhay tirade gabdhaha iskoollada aadayo. Intii u dhaxay 1991-di iyo 2007-di saamiga gabdhaha iyo wiilasha dugisyada hoose wuxuu kasoo kacay 0.84% ilaa uu gaaray 0.96%. dugsiyada sare gabdhuhu way kaga bateen wiilasha. Hase yeeshee marki la eego waxa ay barteen caruurtu walwal iyo niyad jab ayaa ku taabanayo. Sababta iskoollada loo aadayay maahayn in fasallada un la camiro ama lagu faano intaas oo caruur ah ayaa noo diiwaan gashan. Waxa loo ordayay, qarashkana loo bixinayay waxay ahayd in la dhiso aqoonta dhalinta lana baro xirfado ay ku shaqaystaan. Xirfadahaas ayaa dalka iyo dadkaba anfici lahaa una horseedi lahaa horumar balaraan oo uu kaga gudbo caqabadaha dhaqan-dhaqaale ee haysto. Laakiin, warbixintu waxay tilmaantay inaysan caruurtu intooda badan aysan waxba baran sida ay hadda yihiin haddii aanan wax laga badalinna aysan waxba la tagayn. Qaar badan oo ka mid ah, wixii ay ku baran lahaayeen bilo kooban aysan sano ku baran. Tusaale, caruurta dhigato fasalka sadexaad ee waddamada Kenya, Tansaaniya iyo Yugaandha oo ah kuwa aan innagu hiigsanayno caruurteenana u dhoofinno si ay waxbarsho tayo leh uga helaan, ayaa qiimayn lagu sameeyay. Waxaa la waydiiyay inay akhriyaan jumlo fudud sida “Eygayga magaciisu waa Baabi”. Sadex-afraad ¾ ardaydi la su’aalay, waa kicin waayeen waana fahmi waayeen macnaha ay samaynayso. Ogow caruurtaan markaas ugu yaraan sadex gu’ ayay iskool dhiganayeen. Waalidkood waxaa ooga baxay ugu yaraan qarashla buugta iyo direyska uu iskoolka ku aado, waxaa uuna ka sugayaa inuu waxa uu soo barto cidda oo dhan gaajada kaga saaro. Sidoo kale, caaruurta yaryar ee ku nool tuulooyinka Hindiya ayaa iyaguna la qiimeeyay. Sidoo kale sadex-afraad ayaa ku guul-daraysatay inay ka shaqeeyaan kala jarid labo god ah sida 46-17, kala barow-bar kuwaa dhigto fasalka shanaadna intaas waa ka shaqayn waayeen. Baraasiil oo ah waddan dhaqaalihisu aad u kobcay sanadihii danbe kuna biiray waddamada ku jiro dabqadda dhexe ayaa isaguna fajac lagu arkay. Qiimaynti lagu sameeyay ardaydiisa waxay tustay in is badal wanaagsan uu jiro xagga xirfadaha caruurtu iskoolka ku bartaan marki loo eego siduu ahaan jiray laakiin in heerka aqoonta xisaabta caruurta baraasiil ay soo gaarto midda kuwa ku nool waddamada hodanka ah waxay qaadanaysaa 75 sano, xagga akriskana waxay qaadan doontaa 260 sano. Taasi waxay ka dhigantahay in aqoon ahaan Baraasiil ka danbayso Maraykanka iyo Jabbaan 260 sano. Tolow immisa ayay dalkeenna ku qaadan? (Akhrisku ahmiyad gooni ah ayuu leeyahay sidaas darteed waxaan isku dayi inaan si gooni ah u eego sababta keentay kala fogaanshahaan balaaran hadduu Eebe idmo). Waddamada Saambiya iyo Mawali, 89% caruurta dhigato fasalka labaad waa kicin waayeen hal weedh. Macnaha inaysan waligood iskool dhigan ayay la mid noqdeen. Qiyaas guud, 125 milyan oo canug ayaan waxba kala tagin iskoollada ay dhiganayeen afar sano. Dhibtu intaas oo kaliya maahan. Marki la eego farqiga u dhexeeyo dadka saboolka ah iyo kuwa hodanka ah ee waddan ku wada nool ayaa iyana waxaa soo muuqday argagax kale. Caruurta dhigato fasalka lixaad ee ku nool Yuruukwaay (Laatiin Ameerika) waxay shan jeer kaga hooseeyaan aqoonta xisaabta kuwa la ayniga ah ee kasoo jeedo reero hodan ah. Waddamada aan soo xusnay dhibku gooni kuma ah. Waxaa jiro tobannaan milyan oo canug oo ku nool dhamaan qaaradaha adduunka oo aan iskoolada kala tagin xirkad horumar u hoggaamiso. Waxay dhammeeyaan dugsiyada sare iyagoon fahmi karin warqadda dhaqtarku u qoro, aan xisaabsan karin baaqiga ooga soo noqdo wax ay iibsadeen ama aan turjuman karin ballan-qaadyada ku qoran waraaqaha siyaasiyiinta xildoonka ah ay faafiyaan iskaba daa inay bartaan xirfad barto hal-abuur iyo isbadal nololeed oo dhab ah. Xogtaan waxay waxaa laga aruuray kuwa yeeshay nasiib ay ku tagaan iskool. Wali waxaa dunida ku nool 260 milyan oo canug oo aan dhigan wax iskool ah. Badanka caruurtaan waxay ku nool yihiin waddamada ay dagaaladu ka socdaan sida keenna, Suuriya iyo Koonfurta Suudaan. Warbixintaan waxay hurdada ka kicinaysaa waalidiinta u haysto in caruurta wax loo baro, maamulayaasha iskoollada ee u haysto inaan lugooyadooda laga war qabin, madaxda dowladaha meel eber ah kor ka daawanayo iyo deeq bixiyayaasha lacagta ku qubo meel aysan waxba kasoo socon. Taasi macnaheedu maahan iskoollada albaabada ha loo laabo. Ujeedku waa isbadal ha la sameeyo, ha la hagaajiyo nidaamyada waxbarashada hana la sameeyo nimaad sugan oo lagu qiyaaso heerka waxbarasho ee dalka. Muhiimadda uu qodobkaan (Qiimayn) leeyahay ayaan, hadduu Eebe idmo, qormada xigto kaga hadli doonaa. Ibrahim Aden Shire Kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/ Ishire86@gmail.com
  9. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa oo ay taariikhdu tahay 07 Nov 2017 DFS ku wareejiyey gurmadka dawladda Puntland iyo shacabkeeduba ugu talagaleen walaalahooda Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobey qaraxii Soobe ee Magaalada Muqdisho 14 October 2017, deeqdaasi lacageed ayaa dhammayd ku dhowaad Nus Malyuun Dollar [ Afar Boqol Sagaashan iyo Kow Kun, Boqol iyo Todoba Dollar $491, 107 Dollar ]. Munaasibadda xafladda wareejinta gurmadka Puntland ee qarixii Soobe oo ka dhacday xarunta dawladda hoose ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qayb galay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane. Xasan Cali Khayre, Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hir-shabeelle, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha DFS iyo kuwa dawladdaha xubnaha ka ah dawladda DFS, Guddiga Gurmadd ka heer qaran, guddiga gurmadka dawladda Puntland ee dhacdadii Soobe, culimo, waxgarad, siyaasiyin, masuuliyiin kale iyo qaar kamida shacabka magaalada Muqdisho. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay xafladdaasi ayaa sheegay in gurmadkani dawladda Puntland iyo shacabkeeduba ay ugu deqeen walaalhooda ku waxyeeloobey qaraxii Soobe uu ahaa mid ku waajiba, waxaana uu tilmaamay Madaxweynuhu in arinkaasi uu farayo damiirka walaalnimo iyo midka islaanimo in laysu gurmado. “Wixii waajib ka ahaa weeye waxa dadka Puntland ay sameeyeen, maxaa waajib ka dhigay? waxaa waajib ka dhigay sadexda xayndaab ee inagu xeeran oo aynu wax isugu nahay, xayndaabka koowaad waa kan bini aadantinimada, bini aadanku meelkastuu joogo waxa ka dhexeeyaa xidhiidh, taas weeye sababta ciidamada AMISOM ay ugu dhimanayaan Soomaaliya, tan labaad waxaa inaga dhexeeya tii islanimada, dadka Islaamka ahi meelay joogaanba walaalo weeye, tan ugu danbaysaa waxa weeye tan ugu mihiimsan oo ah Soomaalinimada” ayuu yiri Madaxweynaha dawaldda Puntland. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa hoosta ka xariiqay in markii ay dhacday dhacdadii foosha xumayd ee 14 October 2017 lagu xasuuqay shacabka Soomaaliyeed ay fikirkiisa wax ka bedeshay, taas oo ay sababtay buu yiri Madaxweynuhu ummadda Soomaaliyeed meel kastay joogaanba qiirada qashay iyo wanaagga Soomaalinimo ee ka muuqatey caruur, dhalinyaro iyo cirooleba, waxaana uu Su’aaley siyaasiyiinta Soomaaliyeed ” war shacabku waa saxan yihiin ee armay inaga wax inaga qaldan yihiin haddaan siyaasiyiin nahay?, isla markaana Madaxweynaha ayaa xusay in shacabku direen fariin Soomaalinimo loona baahan yahay inay qaataan fariintaasi Madaxda Soomaaliyeed ee iminka Soomaaliya ka arrimisa. Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa dhankiisa shacabka reer Puntland uga mahadnaqay darenka walaatinimo ee ay ugu soo gurmadeen walaalahooda Soomaaliyeed ee ku wax yeeloobey qaraxii Soobe kaas oo cadawga Soomaaliyeed ay ku xasuuqeen shacabkeenna, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale cadeeyey in wada jirka shacabka Soomaaliyeed uu dhabar jab ku yahay cadawgooda, taasna ay tusaale u tahay hiilka maanta Puntland iyo shacabkeedu walaalahooda reer Muqdisho ay ugu soo gurmadeen, Ra’iisul Wasaare Khayre oo kahadlaya laba dhacdo oo cajiiba ayaa xusay in inanta da’da yar ee reer Puntland ee ku deeqaday buskudka ay markaas maal aduunyo gacanta ku haysey iyo laba inan oo reer Muqisho ah oo iyana si lamida ku deeqay lacag wixii ay markaas haysteen ay ka turjumayaan sida qof kasta oo Soomaali ahi ugu diyaarsan yahay inuu cadawgiisa iska dhiciyo. Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed, Galmudug, Hir-shabeelle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa dhankooda mahad balaadhan ugu celiyey Puntland iyo shacabkeedaba qurmadkani dhan Nus Maluunka ay ugu deeqeen walaalahooda dhibaatadu kasoo gaadhay qaraxii Soobe, waxaana ay tilmaameen inay dhankooda diyaar garaw xoogan ugu jiraan sidii ay dhibaatadaasi gacan xoogle uga geysan lahaayeen. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey midnimo, wadajir, nabad, xasilooni iyo horumar ay ku waraan, waxaana uu Madaxweynuhu deeqdii lacageed ee dhamayd Nus Malyuunka [$491, 107 Dollar ] ku wareejiyey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo guddiga heer qaran ee masiibadii qaraxii Soobe 14 October 2017. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Puntland oo DFS Ku Wareejiyey Gurmadka Puntland Ay Ugu Deeqday Dadkii Ku Wax-yeeloobey Qaraxii Soobe. appeared first on Puntland Post.
  10. Polls suggest a close race for the presidency, but there’s more at stake than just the result in Somaliland’s 13 November election. On 13 November, Somaliland will embark on its third presidential elections since it unilaterally declared independence in 1991. With the incumbent set to step down, voters at 1,600 polling stations across the autonomous region of Somalia will choose a new president. Despite not being a recognised independent state, Somaliland is considered to be one of East Africa’s best-functioning and most stable democracies. The election, part funded by the European Union and UK, will be overseen by international observers and may be the first in the world to employ iris-based biometric voter registration. Somaliland also has a relatively mature political culture. This was exemplified on 30th September when outgoing President Ahmed Mohamed Mohamoud “Silanyo” issued a decree banning government officials from utilising state resources for election campaigning and ordering state media to give fair and equal coverage to all contesting parties. Another example of Somaliland’s political maturity was seen on 19th October when the three presidential candidates engaged in a town hall-style debate. The event, which was live-streamed from the capital Hargeisa, allowed the media and public to scrutinise each of the nominees’ policies. This state of affairs contrasts sharply with Somalia’s recent elections, which concluded this February. That fraught process faced repeated delays amidst political infighting and insecurity; relied on abundant international funding and support to take place; and involved a highly limited franchise in which just 14,025 people selected the president. Next week, Somaliland will be hoping to show the region how things can be done. “All international eyes are on Somaliland’s election,” says Laura Hammond, Reader of Development Studies at SOAS University of London and long-time analyst of Somaliland affairs. “If it comes off smoothly…then Somaliland will (not for the first time, it must be said) have demonstrated its political maturity and ability to pull off what the Mogadishu-based government of Somalia can still only dream of: a direct election by the people. “The fact that the result is too close to call is already in many ways a sign of healthy democracy in action.” High stakes Somaliland’s election comes at a critical moment for the autonomous region. While the government continues to demand recognition as an independent state, the international community has recently been exerting pressure on Somaliland to join Somalia’s federal state-building exercise. However, Somaliland has so far dismissed these calls and may have been strengthened in its position this year thanks to a $442 million deal with DP World. The UAE-based company agreed to modernise Berbera port in conjunction with Somaliland and its land-locked neighbour, Ethiopia. This development could generate hundreds of millions of dollars in customs revenue for the Somaliland government, making it even more self-sufficient. Somaliland also struck an even more controversial deal with UAE this February. In the face of toothless objections from Mogadishu, the UAE gained permission to build a military base and airport in Berbera. This increased investment and international attention for Somaliland means that there is all the more to play for in the upcoming poll. “The stakes are much higher this election, and the rewards could be even greater to the eventual winner,” says Sharmarke Jama, a former trade and economic adviser to the Somaliland government. The contenders Somaliland’s constitution allows presidents to serve two terms. But President Silanyo, a British-educated economist, has decided to step down after just one. This has left the field wide open, and three candidates are now vying to replace him. The man in waiting The ruling Kulmiye (“solidarity”) party’s standard bearer is Musa Bihi. A former military man, Bihi was an air force commander in the Somali National Army and leader of the military wing of the Somali National Movement (SNM), the main rebel group in Northern Somalia set up to overthrow dictator Siad Barre in 1991. Bihi co-founded Kulmiye with Silanyo in the early-2000s. Many speculate that the two made a pact ahead of the 2010 elections that Bihi, and his influential Habar Awal clan, would support Silanyo’s bid for office. In return, it is believed that Silanyo agreed to step down after one term to make way for Bihi. Kulmiye can boast certain achievements while in office, including a marked increase in foreign direct investment and a degree of reconciliation with Somaliland’s volatile eastern regions. However, it also faces many criticisms. Some argue that the government has been complacent over the economy, allowing inflation and unemployment to rise. Kulmiye has also been blamed for an increase in rent-seeking and cronyism, with critics pointing to a fire sale of state-owned land in Berbera at below market prices to political supporters. The challenger for change The main challenger to Bihi and Kulmiye is Abdirahman Mohamed Abdullahi “Irro” of the Waddani (“national”) party. Irro was the Speaker of Somaliland’s House of Representatives from 2005 to 2017, only stepping down recently to avoid a conflict of interest. Waddani positions itself as the change party and, although it gives little away in terms of specific policy proposals, it has proven attractive to voters frustrated with the government. However, the opposition party has also faced much criticism, particularly over its alleged links to the Federal Government of Somalia in Mogadishu. Much of Waddani’s senior leadership is made up of former Mogadishu-based ministers. Meanwhile, it is noteworthy that Irro is the only candidate to suggest cancelling the lucrative military and port deals with the UAE if elected. Like Taiwan, party politics in Somaliland are dominated by the pursuit of international recognition and any ambivalence to this mission is seen as treacherous by the wider public. The outsider The third candidate hoping to be Somaliland’s president is Faysal Ali Warabe of the Justice and Welfare Party (UCID). Nicknamed “Hyena” due to his eccentric and larger than life nature, Warabe has contested every election since 2003. He is yet to prevail despite the fact that UCID is the only party with a genuine political identity. UCID is a socialist party dedicated to combating inequality and has gained plaudits, particularly among the youth, for not activating clan bases or engaging tribal elders to drum up support. In contrast to his competitors, Warabe has chosen to put policy over clan interests in his campaign, which has focussed on getting out the youth vote, including through a specially-created app. It is for these reasons that Warabe and UCID may be the wildcard of the election. Forcing the world to take notice 2017, however, is probably too soon for UCID’s kind of campaigning to be successful. Indeed, unofficial polls predict a close race between Bihi and Irro, both of whom have effectively courted support among their clan power bases and sought the backing of elders who hold sway in Somaliland’s different regions. This suggests that the vote on 13th November could well go down to the wire. But there is more at stake than just the result. If Somaliland can hold credible, peaceful elections for a third time, the international community will be forced to sit up and take notice. When compared to the ongoing election fiasco in Kenya and the non-election which took place in Somalia – not to mention the situation in the likes of Ethiopia, Eritrea and the two Sudans – Somaliland can use this poll to further leverage its position as a democratic outpost in an ever-volatile neighbourhood. BY BASHIR ALI
  11. Minneapolis (Caasimada Online) – Waaxda Caddaalada Mareykanka ayaa dooneysa in muwaadannimada lagala noqdo afar qof oo ah Soomaali Mareykan degan gobolka Minnesota ah, kuwaasi oo lagu eedeeyey inay si been abuur ah ku heleen Visa-ha ay kusoo galeen dalka. Sida ka muuqata dacwad ka dhan ah oo laga diiwan geliyey magaalada Washington DC, Fowsiya Cabdi Aadan, Axmed Maxamed Warsame, Mustafa Cabdi Aadan iyo Faysal Jaamac Mire, ayaa iska dhigay inay hal qoys yihiin si usoo galaan Mareykanka,una helaan Visa-ha. Fowsiya oo 51 jir ah ayaa sanadii 2001 waxau sheegtay in Axmed Maxamed Warsame oo 54 jir ah uu ninkeeda yahay, islamarkaana Mustaf iyo Faysal oo kala ah 33 iyo 31 jir ay yihiin caruurtooda. Fowsiya iyo Axmed ayaa durba markii ay Mareykanka soo galeen sheegay inay is-fureen, islamarkaana Axmed ayaa magaca iska beddelay. Bayaan uu soo saaray, ayuu xeer ilaaliyaha qaranka Mareykanka Jeff Session waxa uu ku sheegay in barnaamijka socdaalka Mareykanka ay “ku xadgudbaan dad qiyaano badan oo jilayaal ah”. Wareysi uu baari ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka kula yeeshay magaalada St. Cloud ee gobolka Minnesota, ayaa Axmed Maxamed Warsame, wuxuu ku qirtay inuu adeegsaday magac been ah iyo guur been abuur ah oo uu la galay Fowsiya. Soomaali badan oo ka mid ah kuwa Mareykanka, ayaa walaac ay ku abuurtay arrintan, waxaana jira tuhun ku saabsan inay jiraan kiisas badan oo noocan oo kale ah. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
  12. GAROWE—Puntland Parliament called on its provincial government to do its utmost to prevent Somaliland’s intentions to hold free and fair elections in Sool, Sanaag and Ayn regions. The parliament made the decision at a session held on Tuesday which the parliament said the government must prevent Somaliland’s violation and incursion of its territorial integrity. Puntland’s parliamentary speaker, Hon. Ahmed Ali Hashi presiding over the 4oth session whereby 36 MP’s have voted in favor of an action must be taken to halt SL’s plans to bring ballot boxes and conduct elections. The MP’s have called on its government must do what is necessary to halt SL plans. The parliament reached the following points:- Puntland provincial government must prevent from Somaliland holding the so called elections in Sool, Sanaag and Ayn regions. There will not be elections that will be held in Sool, Sanaag and Ayn regions where the duty to maintain security in the border rests on the shoulders of Puntland authority. The government must do the constitutional right to defend the country and to prevent Somaliland’s violation in her territory as stipulated in article 7 of Puntland constitution. Puntland authority must release a communique on Somaliland’s border violations and warn the int’l community to support it. Presidential election campaign is smoothly taking place in Sool, Sanaag and Ayn and planned that residents will vote on the 13th November elections. There is border stand-off between Somaliland and Puntland over Sool, Sanaag and Ayn regions. The armed forces clashed on numerous occasions.
  13. Wararka laga helayo Degmada Xaafuun ee Gobolka Karkaar ayaa sheegaya inay halkaas shalay gaareen ku dhawaad 10 qof oo ah ajaaniib u dhashay dalal shisheeye, kuwaas oo wararku sheegayaan inay maalin ka hor safar dhulka ah kaga soo talaabeen xadka ay wadaagaan Somaliland iyo Puntland. Ma jirto xog tilmaamaysa dalka ay u dhasheen, wallow warar madax banaan sheegayaan inay kasoo jeedaan dalka South Africa,mana jirto faahfaahin rasmiya oo laga hayo ujeedada uu ku qotomo socdaalka ay ku tageen deegaano ka tirsan xeebta Badweynta Hindiya. Qaar ka mid ah dadka deegaanka Xaafuun ayaa u xaqiijiyey Warbaahinta PUNTLAND POST saacado yar ka dib inay dib usoo laabteen,islamarkaana ay caawa ku hooydeen magaalaada Garowe. Dhinaca kale wararka la isla dhexmarayo ayaa intaas ku daraya inay ka dambeysay soo laabashadooda amar uu bixiyay Madaxweyne kuxigeenka Ahna kusimaha Madaxweynaha Puntland ka dib markii la gaarsiiyey masuuliyiinta Amnigu inaysan u warhayn soo galitaankooda gudaha Puntland,marka laga reebo saraakiil hoosaad ka tirsan Madaxtooyadda iyo Xubno kale oo ku wehliyay socdaalkii ay Ajaaniibtani ku tageen Degmada Xaafuun. XAAFUUN. PUNTLAND POST The post Ajaaniib kasoo talaabay Somaliland oo tagey Degmada Xaafuun appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta shir khaasa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Somalia kula qaatay Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga. Madaxweyne Farmaajo ayaa Saraakiisha kala hadlay diyaar garowga ciidamada xoogga ee qeybta ka noqon doona dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Shabaab. Madaxweyne Farmaajo ayaa Saraakiisha si hordhac ah ugu sharaxay hanaanka la doonaayo inuu u dhaco howlgalka ay dowlada dooneyso inay kusoo afjarto Shabaabka. Waxa uu warbixino ka dhageystay Taliyayaasha Ciidanka iyo Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Difaaca Soomaaliya oo ku saabsan Diyaar garowga ay wadaan Ciidanka ee maalmaha soo socda wajahaya Dagaal ka dhan ah Al-Shabaab. Sidoo kale, waxa uu Saraakiisha ka dalbaday inay muujiyaan dulqaad Al-Shabaabna ay ka saaraan dhulka ay maamulaan ee Soomaaliya si looga hortago weerarada ka dhaca Muqdisho. Dhammaan magaalooyinka dalka ayaa waxaa laga dareemayaa diyaar garow iyo Jawi colaadeed oo ay dhowrayaan Shacabka Soomaaliyeed, Gulafka Colaadeed ee ka taagan Dalka ayaa u muuqda mid ay u siman yihiin Shacab iyo Dowladd. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. The African Union says it has begun its withdrawal from Somalia and will cut 1,000 troops by the end of this year as security responsibilities start to shift to the local military. The continental body said Tuesday that the move comes at a critical time, less than a month after the country’s worst attack killed more than 350 people. The Somalia-based al-Shabab extremist group has been blamed. The AU says its troop movements shouldn’t cause alarm, but the withdrawal has begun earlier than expected. Plans had said the first troops would leave in 2018. The 22,000-strong African Union force in Somalia is expected to fully withdraw by the end of 2020. The United States military and others have expressed concern that Somalia’s security forces will not be ready by then. Source: ABC News
  16. Dubai (Caasimada Online) – Shirkada DP World ayaa balaarisay maalgalinta ay rabto iney ku sameyso Somaliland, kadib markii ayaa iclaamisay iney ka dhiseyso maamulka gooni isu taaga ah Aag Dhaqaale (Economic Zone). Madaxa shirkadaan, Sultan bin Sulayem oo maalintii Isniinta la kulmay wasiirka arimaha dibbada Somaliland Saad Cali Shire ayaa waxay heshiis lagu hurumarinayo dhismaha Aagaan Dhaqaale (Economic Zone) ee ku olaanaya dekada Bebera ku kala saxiixdeen magaalada Dubai. A12.2 KM oo isku wareeg ah ayaa loo calaamadeeyey in lagu dhiso Aagaan dhaqaale kaasoo bartimaameedsanaya in la dhigo badeecadaha iyo qalabka kale ee dhismaha. Mashruucaan ayaa hurumarintiisa lagu sheegey warsaxafadeed shirkadaan ku soo qortey bogeeda, inuu wajiyo kala duwan noqonaya iyadoo marka hore lagu bilaabayo dhul baaxdiisu tahay 4Km. DP World ma sheegin inta mashruucaan ku kacayo balse waxay sheegeen in faahfaahintiisa la gali doono marka la dhaafo doorashada Somaliland ka dhaceysa 13 Nov, 2017. “Waxaan eegeynaa in dhameytirno heshiiskaan aaga dhaqaale laga dhisayo magaalada Berbera marka dowlada cusub ee Somaliland xilka la wareegto anagoo rajeyneyna in wadashaqeynteenu sii socoto,” ayuu yiri bin Selayem. DP World ayaa horey u joogtey Somalilnd, kadib markii heshiis ay ku maamuleyso dekada Bebera la gashey Madaxweyne Siilaanyo kaasoo soconaya 30 sano. Waqtigaas ayaa sidoo kale DP World waxay tiri in dekada u baahan tahay $442 million lagu hurmarin doono kaasoo wajiyo kala duwan noqanaya. ” Aragtiyada mustaqbalka ayaa ah in dekada Bebera ka dhigno xarunta ganacsiga iyo gadiidka geeska Africa waxaana rajeyneynaa in wadagaarno higsigaas,” bin Sulayem ayaa sidaas yiri Isniinta. Dekada Bebera ayaa hadda laga dhoofiyaa Geela iyo Ariga la geeyo wadamada Barriga Dhexe iyadoo cuntooyinka laga soo dajiyo. Waxay sidoo kale uga faa’ideysaa dalka Ethiopia dhinaca badeecadaha u socda kuwasoo ku yimaada dhinaca Badda. Hoos Ka Akhri Warsaxafadeedka DP World Kasoo Saartey Heshiskaan. Isha: GO
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira oo ah Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM Soomaaliya oo Maanta Warbaahinta shir jaraa’id ugu qabtay Xarunta Xalane ayaa faah faahin ka bixiyay qorshaha AMSIOM ka bixitaanka Soomaaliya, xaalada amni ee dalka iyo doorka AMISOM. “Go’aanka waxaa qaatay Golaha QM, balse waxaa waajib nagu ah inaan jarno in ka badan 1,000 Askar dhamaadka sannadkan. Sidaa darteed, micnaheeda waxaa weeye inaan haysano Tiro fiican oo meel kasta u dhaqaaqi kara, Kuwaasi oo aan oggolaan doonin in la soo galo meelaha laga baxo , Waxaan doonaynaa inaan Dib-u-habayn ku samayno Ciiddankeenna si ay awood ugu yeeshaan inay ku hawlgalaan si wacan” Intii uu ku guda jiray shirkiisa jaraa’id ayuu sidoo kale ka hadlay howlgalka uu ku dhawaaqay dhawaan Madaxweyne Farmaajo waxa uuna sheegay in dhankooda ay howlgalkaas ka qeyb qaadan doonaan. “Madaxweynaha waxa uu sheegay in loo baahan yahay in laga guuleysto Alshabaab. Madaxweynaha waxa inoo weydiiyey xilliga ay Ciiddanka AMISOM baxayaan, Madaxweynaha waxaa si cad uga go’an in laga guuleysto Alshabaab, Madaxasweynaha waxa uu samaynayaa waxa kasta oo uu awood sidii ay Ciiddankiisa ula dagaalamaan Alshabaab, Waxa uu qaaday Waddo dheer, si uu taageero uga helo Hoggaamiyayaasha Gobalka” Ciiddanka Cusub ee Ethiopia, Sidee uga hawl-galayaan soo-gelitaanka Somalia?, Side ayey ku hawl-galayaan, Ma waxay hoos tagayaan Hawlgalka AMISOM, mise si gaar ah ayey u hoos tagayaan taliskiina? Wakiilka ayaa weydiiyay saxafiyiinta halka ay soo galeen ciidamada cusub iyo xilliga ay yimaadeen, wuxuuna si kulul u beeniyay warar muddooyinkan sii xoogeystay oo ku saabsan in ciidamada Itoobiya ay la wareegayaan meelaha ay banneeyaan ciidamada AMISOM oo bixitaankooda bilaabaya. “Marka ugu horreyso waxaan doonayaa ma Anagaa la wadaagtaan Ciiddanka Cusub aad ka hadlaysaan? Halkee ku aragteen iyaga ? Halkee ayaad ka hesheeen? Meeq weeye tiradooda ? Imisaa Ciiddan cusub ah?,Waxaan arrintan ka hadlay maalmo ka hor oo aan War Saxafaadeed ka soo saaray, waxaana sheegay inaad goor dhow arki doontaan Dhaqdhaqaaqa Ciiddanka AMISOM ayuu yiri Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira” Wakiilka ayaa maanta ku dhawaaqay in ciidamada AMISOM si tartiib ah looga saarayo Soomaaliya, iyado 1000-ka askari ee ugu horeysay ay ka bixitaankooda Soomaaliya lasoo afjarayo aakhirka sanadkan. Saraakiisha dowladda ee Gobolka Gedo ayaa xaqiijiyay dhowaan in ilaa 1000 askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ay kasoo gudbeen xuduudka Gobolka Gedo. Arrntaan ayaa kusoo aadeyso xilli dhawaan dadka deegaanka Luuq ay sheegeen inay xaduuda kasoo gudbeen ciidamo ka socdo dalka Itoobiya oo qiyaastooda lagu sheegay 3 Kun oo Askari. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Waxaa durba la is waydiinayaa sababta keentay inuu Sheekh Shariif waqtigaan imaado Magaalada Muqdisho iyadoo ay dowladda dhexe wajaheyso cadaadis siyaasadeed oo aad u weyn. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya isla markaasna ka tirsanaa Musharixiintii uu Farmaajo kaga guuleystay tartanka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula saftay dowladda Imaaraadka Carabta, wuxuuna Magaalada u imaado inuu ka sameeyo qorshooyin meesha looga saarayo Madxweyne Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Kheyre. Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Sheekh Shariif ayaa dhawaan dalka Imaaraadka Carabta kula kulmay madax ka tirsan dowladaas, waxaana lagu heshiiyey in Magaalada Muqdisho laga bilaabo ololo weyn oo looga soo horjeedo dowladda uu hoggaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee go’aanka dhex dhexaadnimada ah ka qaadatay Khilaafka dowladaha walaalaha ah ee Khaliijka. Sheekh Shariif ayaa kulamo Magaalada kula yeelan doono Siyaasiyiinta sida weyn uga soo jeedo dowladda Soomaaliya, waxaana maalmaha soo socdo la filayaa inuu isna Muqdisho soo gaaro Cumar Cabdirashiid oo Siyaasadda Soomaaliya u qaabilsan dalka Imaaraadka Carabta. Siyaasiyiinta dowladda Mucaaradka ku ah ayaa Magaalada ka bilaabi rabo ololo aad u xooggan oo lagu doonayo in lagu kiciyo baarlamaanka Soomaaliya iyo Shacabka, waxaana la doonayaa in meesha laga saaro dowladda Farmaajo. Sheekh Shariif ayaa maanta kulamo xasaasi ah Magaalada kula yeelan doono Siyaasiyiin ay ugu horreeyaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Xildhibaano kale. Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa la filayaa inuu ka qeyb qaato ololo la doonayo in xilka looga qaado Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana qorshahaan wadato dowladda Imaaraadka Carabta oo arrintaan usoo wakiilatay shakhsiyaad ay kamid yihiin: 1) Cumar Cabdirashiid 2) Sheekh Shariif Sheekh Axmed 3) Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Shakhsiyaad kale oo aan inta lagu soo koobi karin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Ex- Social Service Minister, Mr. Obsie resigned from post just two days ago PRESIDENT Ahmed Silanyo accepted the resignation of social services minister, Mohamed Abdilahi Obsie. The resigned minister took the post only 11 months ago. The president also appointed a new minister. According to a presidential communique said that the resignation of the minister has been accepted with immediate effect. The president has appointed Hon. Osman Abdi Sheikh Mohamumed to take charge as Social service minister. The President thanked the outgoing minister for his services and wished well for his future en devours. The ex minister tendered his resignation because he could not get along with the administration led by incumbent president Silanyo whose days in power are numbered.
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa dhawaan la isla dhex marayey inay dalka Soomaaliya soo galeen Ciidamado badan oo ka socday dalka Itoobiya kuwaas oo duulaan ku ah Maleeshiyada Shabaab ee ku dhuumaaleesaneyso duurka Gobolada Soomaaliya. Wararkaas ayaa ahaa kuwa si weyn isku soo tarayey, waxaana Magaalada Luuq laga soo sheegay inay kasoo gudbeen ciidamo badan oo Itoobiya ah kuwaas oo ku wajahan deegaanada Koonfur Galbeed iyo qeybo kamid ah Jubblanad. Haddaba Howlgalka AMISOM ayaa beenisay inay Ciidamo Itoobiyaan ah oo cusub ay soo galeen gudaha Soomaaliya. AMISOM ayaa warkaas ku tilmaamtay mid aan xaqiiq aheyn isla markaasna lasoo abuuray. wakiilka Midowg Afrika ee Soomaaliya Amb. Francisco Caetano Madeira oo shir jaraa’id maanta ku qabtay Xarunta Xalane ayaa sheegay inaysan jirin Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay dalka Soomaaliya. Wakiilka ayaa weydiiyay saxafiyiinta halka ay soo galeen ciidamada cusub iyo xilliga ay yimaadeen, wuxuuna si kulul u beeniyay warar muddooyinkan sii xoogeystay oo ku saabsan in ciidamada Itoobiya ay la wareegayaan meelaha ay banneeyaan ciidamada AMISOM oo bixitaankooda bilaabaya. Wakiilka ayaa maanta ku dhawaaqay in ciidamada AMISOM si tartiib ah looga saarayo Soomaaliya, iyado 1000-ka askari ee ugu horeysay ay ka bixitaankooda Soomaaliya lasoo afjarayo aakhirka sanadkan. Saraakiisha dowladda ee Gobolka Gedo ayaa xaqiijiyay dhowaan in ilaa 1000 askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ay kasoo gudbeen xuduudka Gobolka Gedo. Arrntaan ayaa kusoo aadeyso xilli dhawaan dadka deegaanka Luuq ay sheegeen inay xaduuda kasoo gudbeen ciidamo ka socdo dalka Itoobiya oo qiyaastooda lagu sheegay 3 Kun oo Askari. Dowladda Soomaaliya weli ma aysan ka hadlin ciidamadaan Itoobiyaanka ah ee la sheegay inay dalka soo galeen, inkastoo madaxweyne Farmaajo uu dalkaas ka codsaday inay ka qeyb galaan Dagaalka la doonayo in lala galo Ururka Al-Shabaab. Sidoo kale Website ku hadlo Afka Al-Shabaab ayaa maalmihii dambe qorayey inaysan jirin Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay dalka isla markaasna uu warkaas yahay mid been ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Garoowe (Caasimada Online) – Kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Garowe Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Puntland ayay kaga horyimaadeen in xuduudaha maamulka Puntland ay ka dhacdo doorashadda maamulka Somaliland. Xildhibaanada ayaa soo saaray Go’aamo mamnuucaya in doorashadda Somaliland ay soo gaarto degaanada maamulka Puntland iyo qeybo ka mid ah degaanada lagu muransan yahay. Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland oo markuu kulanku soo dhamaaday la hadlay warbaahinta waxaa uu sheegay in xukuumadda laga doonaayo in ay ilaaliso xuduudaha maamulka Puntland. Inka badan 30 xildhibaanada ayaa taageertay Go’aanka looga hortagaayo doorashadda Somaliland, Sida uu sheegay Gudoome Axmed Cali Xaashi. Somaliland iyo Puntland ayaa muddo waxa ay ku mursanaayeen gacan ku haynta deegaano badan oo ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag, oo midba uu sheeganayo in maamulkiisa uu ka tirsan yahay. Maamulka Khaatumo ee gobolladaas ka dhisan, islamarkaana uu hoggaamiyo Cali Khaliif Galaydh, ayaa dhowaan ku biiray maamulka Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  22. Former Somaliland vice presidents on Monday apprised the presidential candidates and their supporters to keep calm during their presidential campaigns in a press conference held in Hargaisa. In a joint statement issued by the ex presidents they aurged all the candidates to sue for peace and ensure campaign rallies transpire within the legal framework. “We callon all political actors as well as the public to have a room for peaceful rallies which can culminate into free and fair elections and refrain any act of violence that can plunge the region into chaos,” said the for deputies. The former deputy presidents also warned any political violances that could hamper in the process, calling the concerning authorities to preserve calm and peace in the country during the campaign and the elections after.” The ex-leaders are Ahmed Yussuf Yasin (During the government of Riyaale Kaahin), Abdirahman As Ali Farax ( during the reign of President, Mohamed Haji Ibrahim Igal) and Hassan Ise Jama’a who was the deputy president in the government of president Abdirahman Ahmed Ali which was formed in 1990. Their sentiment came days after angered protestors stormed on Abdurrahman Irro’s residential house, leading to critical injuries on his security guards. Somaliland will hold its presidential elections on 13th November this year following several poll postponements. With over 870, 000 voters, the elections will take place 23 districts across the region. Somaliland has declared unilateral independence from the rest of Somalia in 1991. Despite restoring stability and governance, it’s efforts for an international recognition has not so far accomplished. Hiiraan