Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,055
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa oo ay taariikhdu tahay 07 Nov 2017 DFS ku wareejiyey gurmadka dawladda Puntland iyo shacabkeeduba ugu talagaleen walaalahooda Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobey qaraxii Soobe ee Magaalada Muqdisho 14 October 2017, deeqdaasi lacageed ayaa dhammayd ku dhowaad Nus Malyuun Dollar [ Afar Boqol Sagaashan iyo Kow Kun, Boqol iyo Todoba Dollar $491, 107 Dollar ]. Munaasibadda xafladda wareejinta gurmadka Puntland ee qarixii Soobe oo ka dhacday xarunta dawladda hoose ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qayb galay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane. Xasan Cali Khayre, Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hir-shabeelle, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha DFS iyo kuwa dawladdaha xubnaha ka ah dawladda DFS, Guddiga Gurmadd ka heer qaran, guddiga gurmadka dawladda Puntland ee dhacdadii Soobe, culimo, waxgarad, siyaasiyin, masuuliyiin kale iyo qaar kamida shacabka magaalada Muqdisho. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay xafladdaasi ayaa sheegay in gurmadkani dawladda Puntland iyo shacabkeeduba ay ugu deqeen walaalhooda ku waxyeeloobey qaraxii Soobe uu ahaa mid ku waajiba, waxaana uu tilmaamay Madaxweynuhu in arinkaasi uu farayo damiirka walaalnimo iyo midka islaanimo in laysu gurmado. “Wixii waajib ka ahaa weeye waxa dadka Puntland ay sameeyeen, maxaa waajib ka dhigay? waxaa waajib ka dhigay sadexda xayndaab ee inagu xeeran oo aynu wax isugu nahay, xayndaabka koowaad waa kan bini aadantinimada, bini aadanku meelkastuu joogo waxa ka dhexeeyaa xidhiidh, taas weeye sababta ciidamada AMISOM ay ugu dhimanayaan Soomaaliya, tan labaad waxaa inaga dhexeeya tii islanimada, dadka Islaamka ahi meelay joogaanba walaalo weeye, tan ugu danbaysaa waxa weeye tan ugu mihiimsan oo ah Soomaalinimada” ayuu yiri Madaxweynaha dawaldda Puntland. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa hoosta ka xariiqay in markii ay dhacday dhacdadii foosha xumayd ee 14 October 2017 lagu xasuuqay shacabka Soomaaliyeed ay fikirkiisa wax ka bedeshay, taas oo ay sababtay buu yiri Madaxweynuhu ummadda Soomaaliyeed meel kastay joogaanba qiirada qashay iyo wanaagga Soomaalinimo ee ka muuqatey caruur, dhalinyaro iyo cirooleba, waxaana uu Su’aaley siyaasiyiinta Soomaaliyeed ” war shacabku waa saxan yihiin ee armay inaga wax inaga qaldan yihiin haddaan siyaasiyiin nahay?, isla markaana Madaxweynaha ayaa xusay in shacabku direen fariin Soomaalinimo loona baahan yahay inay qaataan fariintaasi Madaxda Soomaaliyeed ee iminka Soomaaliya ka arrimisa. Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa dhankiisa shacabka reer Puntland uga mahadnaqay darenka walaatinimo ee ay ugu soo gurmadeen walaalahooda Soomaaliyeed ee ku wax yeeloobey qaraxii Soobe kaas oo cadawga Soomaaliyeed ay ku xasuuqeen shacabkeenna, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale cadeeyey in wada jirka shacabka Soomaaliyeed uu dhabar jab ku yahay cadawgooda, taasna ay tusaale u tahay hiilka maanta Puntland iyo shacabkeedu walaalahooda reer Muqdisho ay ugu soo gurmadeen, Ra’iisul Wasaare Khayre oo kahadlaya laba dhacdo oo cajiiba ayaa xusay in inanta da’da yar ee reer Puntland ee ku deeqaday buskudka ay markaas maal aduunyo gacanta ku haysey iyo laba inan oo reer Muqisho ah oo iyana si lamida ku deeqay lacag wixii ay markaas haysteen ay ka turjumayaan sida qof kasta oo Soomaali ahi ugu diyaarsan yahay inuu cadawgiisa iska dhiciyo. Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed, Galmudug, Hir-shabeelle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa dhankooda mahad balaadhan ugu celiyey Puntland iyo shacabkeedaba qurmadkani dhan Nus Maluunka ay ugu deeqeen walaalahooda dhibaatadu kasoo gaadhay qaraxii Soobe, waxaana ay tilmaameen inay dhankooda diyaar garaw xoogan ugu jiraan sidii ay dhibaatadaasi gacan xoogle uga geysan lahaayeen. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey midnimo, wadajir, nabad, xasilooni iyo horumar ay ku waraan, waxaana uu Madaxweynuhu deeqdii lacageed ee dhamayd Nus Malyuunka [$491, 107 Dollar ] ku wareejiyey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo guddiga heer qaran ee masiibadii qaraxii Soobe 14 October 2017. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Puntland oo DFS Ku Wareejiyey Gurmadka Puntland Ay Ugu Deeqday Dadkii Ku Wax-yeeloobey Qaraxii Soobe. appeared first on Puntland Post.
  2. Polls suggest a close race for the presidency, but there’s more at stake than just the result in Somaliland’s 13 November election. On 13 November, Somaliland will embark on its third presidential elections since it unilaterally declared independence in 1991. With the incumbent set to step down, voters at 1,600 polling stations across the autonomous region of Somalia will choose a new president. Despite not being a recognised independent state, Somaliland is considered to be one of East Africa’s best-functioning and most stable democracies. The election, part funded by the European Union and UK, will be overseen by international observers and may be the first in the world to employ iris-based biometric voter registration. Somaliland also has a relatively mature political culture. This was exemplified on 30th September when outgoing President Ahmed Mohamed Mohamoud “Silanyo” issued a decree banning government officials from utilising state resources for election campaigning and ordering state media to give fair and equal coverage to all contesting parties. Another example of Somaliland’s political maturity was seen on 19th October when the three presidential candidates engaged in a town hall-style debate. The event, which was live-streamed from the capital Hargeisa, allowed the media and public to scrutinise each of the nominees’ policies. This state of affairs contrasts sharply with Somalia’s recent elections, which concluded this February. That fraught process faced repeated delays amidst political infighting and insecurity; relied on abundant international funding and support to take place; and involved a highly limited franchise in which just 14,025 people selected the president. Next week, Somaliland will be hoping to show the region how things can be done. “All international eyes are on Somaliland’s election,” says Laura Hammond, Reader of Development Studies at SOAS University of London and long-time analyst of Somaliland affairs. “If it comes off smoothly…then Somaliland will (not for the first time, it must be said) have demonstrated its political maturity and ability to pull off what the Mogadishu-based government of Somalia can still only dream of: a direct election by the people. “The fact that the result is too close to call is already in many ways a sign of healthy democracy in action.” High stakes Somaliland’s election comes at a critical moment for the autonomous region. While the government continues to demand recognition as an independent state, the international community has recently been exerting pressure on Somaliland to join Somalia’s federal state-building exercise. However, Somaliland has so far dismissed these calls and may have been strengthened in its position this year thanks to a $442 million deal with DP World. The UAE-based company agreed to modernise Berbera port in conjunction with Somaliland and its land-locked neighbour, Ethiopia. This development could generate hundreds of millions of dollars in customs revenue for the Somaliland government, making it even more self-sufficient. Somaliland also struck an even more controversial deal with UAE this February. In the face of toothless objections from Mogadishu, the UAE gained permission to build a military base and airport in Berbera. This increased investment and international attention for Somaliland means that there is all the more to play for in the upcoming poll. “The stakes are much higher this election, and the rewards could be even greater to the eventual winner,” says Sharmarke Jama, a former trade and economic adviser to the Somaliland government. The contenders Somaliland’s constitution allows presidents to serve two terms. But President Silanyo, a British-educated economist, has decided to step down after just one. This has left the field wide open, and three candidates are now vying to replace him. The man in waiting The ruling Kulmiye (“solidarity”) party’s standard bearer is Musa Bihi. A former military man, Bihi was an air force commander in the Somali National Army and leader of the military wing of the Somali National Movement (SNM), the main rebel group in Northern Somalia set up to overthrow dictator Siad Barre in 1991. Bihi co-founded Kulmiye with Silanyo in the early-2000s. Many speculate that the two made a pact ahead of the 2010 elections that Bihi, and his influential Habar Awal clan, would support Silanyo’s bid for office. In return, it is believed that Silanyo agreed to step down after one term to make way for Bihi. Kulmiye can boast certain achievements while in office, including a marked increase in foreign direct investment and a degree of reconciliation with Somaliland’s volatile eastern regions. However, it also faces many criticisms. Some argue that the government has been complacent over the economy, allowing inflation and unemployment to rise. Kulmiye has also been blamed for an increase in rent-seeking and cronyism, with critics pointing to a fire sale of state-owned land in Berbera at below market prices to political supporters. The challenger for change The main challenger to Bihi and Kulmiye is Abdirahman Mohamed Abdullahi “Irro” of the Waddani (“national”) party. Irro was the Speaker of Somaliland’s House of Representatives from 2005 to 2017, only stepping down recently to avoid a conflict of interest. Waddani positions itself as the change party and, although it gives little away in terms of specific policy proposals, it has proven attractive to voters frustrated with the government. However, the opposition party has also faced much criticism, particularly over its alleged links to the Federal Government of Somalia in Mogadishu. Much of Waddani’s senior leadership is made up of former Mogadishu-based ministers. Meanwhile, it is noteworthy that Irro is the only candidate to suggest cancelling the lucrative military and port deals with the UAE if elected. Like Taiwan, party politics in Somaliland are dominated by the pursuit of international recognition and any ambivalence to this mission is seen as treacherous by the wider public. The outsider The third candidate hoping to be Somaliland’s president is Faysal Ali Warabe of the Justice and Welfare Party (UCID). Nicknamed “Hyena” due to his eccentric and larger than life nature, Warabe has contested every election since 2003. He is yet to prevail despite the fact that UCID is the only party with a genuine political identity. UCID is a socialist party dedicated to combating inequality and has gained plaudits, particularly among the youth, for not activating clan bases or engaging tribal elders to drum up support. In contrast to his competitors, Warabe has chosen to put policy over clan interests in his campaign, which has focussed on getting out the youth vote, including through a specially-created app. It is for these reasons that Warabe and UCID may be the wildcard of the election. Forcing the world to take notice 2017, however, is probably too soon for UCID’s kind of campaigning to be successful. Indeed, unofficial polls predict a close race between Bihi and Irro, both of whom have effectively courted support among their clan power bases and sought the backing of elders who hold sway in Somaliland’s different regions. This suggests that the vote on 13th November could well go down to the wire. But there is more at stake than just the result. If Somaliland can hold credible, peaceful elections for a third time, the international community will be forced to sit up and take notice. When compared to the ongoing election fiasco in Kenya and the non-election which took place in Somalia – not to mention the situation in the likes of Ethiopia, Eritrea and the two Sudans – Somaliland can use this poll to further leverage its position as a democratic outpost in an ever-volatile neighbourhood. BY BASHIR ALI
  3. Minneapolis (Caasimada Online) – Waaxda Caddaalada Mareykanka ayaa dooneysa in muwaadannimada lagala noqdo afar qof oo ah Soomaali Mareykan degan gobolka Minnesota ah, kuwaasi oo lagu eedeeyey inay si been abuur ah ku heleen Visa-ha ay kusoo galeen dalka. Sida ka muuqata dacwad ka dhan ah oo laga diiwan geliyey magaalada Washington DC, Fowsiya Cabdi Aadan, Axmed Maxamed Warsame, Mustafa Cabdi Aadan iyo Faysal Jaamac Mire, ayaa iska dhigay inay hal qoys yihiin si usoo galaan Mareykanka,una helaan Visa-ha. Fowsiya oo 51 jir ah ayaa sanadii 2001 waxau sheegtay in Axmed Maxamed Warsame oo 54 jir ah uu ninkeeda yahay, islamarkaana Mustaf iyo Faysal oo kala ah 33 iyo 31 jir ay yihiin caruurtooda. Fowsiya iyo Axmed ayaa durba markii ay Mareykanka soo galeen sheegay inay is-fureen, islamarkaana Axmed ayaa magaca iska beddelay. Bayaan uu soo saaray, ayuu xeer ilaaliyaha qaranka Mareykanka Jeff Session waxa uu ku sheegay in barnaamijka socdaalka Mareykanka ay “ku xadgudbaan dad qiyaano badan oo jilayaal ah”. Wareysi uu baari ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka kula yeeshay magaalada St. Cloud ee gobolka Minnesota, ayaa Axmed Maxamed Warsame, wuxuu ku qirtay inuu adeegsaday magac been ah iyo guur been abuur ah oo uu la galay Fowsiya. Soomaali badan oo ka mid ah kuwa Mareykanka, ayaa walaac ay ku abuurtay arrintan, waxaana jira tuhun ku saabsan inay jiraan kiisas badan oo noocan oo kale ah. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
  4. GAROWE—Puntland Parliament called on its provincial government to do its utmost to prevent Somaliland’s intentions to hold free and fair elections in Sool, Sanaag and Ayn regions. The parliament made the decision at a session held on Tuesday which the parliament said the government must prevent Somaliland’s violation and incursion of its territorial integrity. Puntland’s parliamentary speaker, Hon. Ahmed Ali Hashi presiding over the 4oth session whereby 36 MP’s have voted in favor of an action must be taken to halt SL’s plans to bring ballot boxes and conduct elections. The MP’s have called on its government must do what is necessary to halt SL plans. The parliament reached the following points:- Puntland provincial government must prevent from Somaliland holding the so called elections in Sool, Sanaag and Ayn regions. There will not be elections that will be held in Sool, Sanaag and Ayn regions where the duty to maintain security in the border rests on the shoulders of Puntland authority. The government must do the constitutional right to defend the country and to prevent Somaliland’s violation in her territory as stipulated in article 7 of Puntland constitution. Puntland authority must release a communique on Somaliland’s border violations and warn the int’l community to support it. Presidential election campaign is smoothly taking place in Sool, Sanaag and Ayn and planned that residents will vote on the 13th November elections. There is border stand-off between Somaliland and Puntland over Sool, Sanaag and Ayn regions. The armed forces clashed on numerous occasions.
  5. Wararka laga helayo Degmada Xaafuun ee Gobolka Karkaar ayaa sheegaya inay halkaas shalay gaareen ku dhawaad 10 qof oo ah ajaaniib u dhashay dalal shisheeye, kuwaas oo wararku sheegayaan inay maalin ka hor safar dhulka ah kaga soo talaabeen xadka ay wadaagaan Somaliland iyo Puntland. Ma jirto xog tilmaamaysa dalka ay u dhasheen, wallow warar madax banaan sheegayaan inay kasoo jeedaan dalka South Africa,mana jirto faahfaahin rasmiya oo laga hayo ujeedada uu ku qotomo socdaalka ay ku tageen deegaano ka tirsan xeebta Badweynta Hindiya. Qaar ka mid ah dadka deegaanka Xaafuun ayaa u xaqiijiyey Warbaahinta PUNTLAND POST saacado yar ka dib inay dib usoo laabteen,islamarkaana ay caawa ku hooydeen magaalaada Garowe. Dhinaca kale wararka la isla dhexmarayo ayaa intaas ku daraya inay ka dambeysay soo laabashadooda amar uu bixiyay Madaxweyne kuxigeenka Ahna kusimaha Madaxweynaha Puntland ka dib markii la gaarsiiyey masuuliyiinta Amnigu inaysan u warhayn soo galitaankooda gudaha Puntland,marka laga reebo saraakiil hoosaad ka tirsan Madaxtooyadda iyo Xubno kale oo ku wehliyay socdaalkii ay Ajaaniibtani ku tageen Degmada Xaafuun. XAAFUUN. PUNTLAND POST The post Ajaaniib kasoo talaabay Somaliland oo tagey Degmada Xaafuun appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta shir khaasa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Somalia kula qaatay Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga. Madaxweyne Farmaajo ayaa Saraakiisha kala hadlay diyaar garowga ciidamada xoogga ee qeybta ka noqon doona dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Shabaab. Madaxweyne Farmaajo ayaa Saraakiisha si hordhac ah ugu sharaxay hanaanka la doonaayo inuu u dhaco howlgalka ay dowlada dooneyso inay kusoo afjarto Shabaabka. Waxa uu warbixino ka dhageystay Taliyayaasha Ciidanka iyo Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Difaaca Soomaaliya oo ku saabsan Diyaar garowga ay wadaan Ciidanka ee maalmaha soo socda wajahaya Dagaal ka dhan ah Al-Shabaab. Sidoo kale, waxa uu Saraakiisha ka dalbaday inay muujiyaan dulqaad Al-Shabaabna ay ka saaraan dhulka ay maamulaan ee Soomaaliya si looga hortago weerarada ka dhaca Muqdisho. Dhammaan magaalooyinka dalka ayaa waxaa laga dareemayaa diyaar garow iyo Jawi colaadeed oo ay dhowrayaan Shacabka Soomaaliyeed, Gulafka Colaadeed ee ka taagan Dalka ayaa u muuqda mid ay u siman yihiin Shacab iyo Dowladd. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. The African Union says it has begun its withdrawal from Somalia and will cut 1,000 troops by the end of this year as security responsibilities start to shift to the local military. The continental body said Tuesday that the move comes at a critical time, less than a month after the country’s worst attack killed more than 350 people. The Somalia-based al-Shabab extremist group has been blamed. The AU says its troop movements shouldn’t cause alarm, but the withdrawal has begun earlier than expected. Plans had said the first troops would leave in 2018. The 22,000-strong African Union force in Somalia is expected to fully withdraw by the end of 2020. The United States military and others have expressed concern that Somalia’s security forces will not be ready by then. Source: ABC News
  8. Dubai (Caasimada Online) – Shirkada DP World ayaa balaarisay maalgalinta ay rabto iney ku sameyso Somaliland, kadib markii ayaa iclaamisay iney ka dhiseyso maamulka gooni isu taaga ah Aag Dhaqaale (Economic Zone). Madaxa shirkadaan, Sultan bin Sulayem oo maalintii Isniinta la kulmay wasiirka arimaha dibbada Somaliland Saad Cali Shire ayaa waxay heshiis lagu hurumarinayo dhismaha Aagaan Dhaqaale (Economic Zone) ee ku olaanaya dekada Bebera ku kala saxiixdeen magaalada Dubai. A12.2 KM oo isku wareeg ah ayaa loo calaamadeeyey in lagu dhiso Aagaan dhaqaale kaasoo bartimaameedsanaya in la dhigo badeecadaha iyo qalabka kale ee dhismaha. Mashruucaan ayaa hurumarintiisa lagu sheegey warsaxafadeed shirkadaan ku soo qortey bogeeda, inuu wajiyo kala duwan noqonaya iyadoo marka hore lagu bilaabayo dhul baaxdiisu tahay 4Km. DP World ma sheegin inta mashruucaan ku kacayo balse waxay sheegeen in faahfaahintiisa la gali doono marka la dhaafo doorashada Somaliland ka dhaceysa 13 Nov, 2017. “Waxaan eegeynaa in dhameytirno heshiiskaan aaga dhaqaale laga dhisayo magaalada Berbera marka dowlada cusub ee Somaliland xilka la wareegto anagoo rajeyneyna in wadashaqeynteenu sii socoto,” ayuu yiri bin Selayem. DP World ayaa horey u joogtey Somalilnd, kadib markii heshiis ay ku maamuleyso dekada Bebera la gashey Madaxweyne Siilaanyo kaasoo soconaya 30 sano. Waqtigaas ayaa sidoo kale DP World waxay tiri in dekada u baahan tahay $442 million lagu hurmarin doono kaasoo wajiyo kala duwan noqanaya. ” Aragtiyada mustaqbalka ayaa ah in dekada Bebera ka dhigno xarunta ganacsiga iyo gadiidka geeska Africa waxaana rajeyneynaa in wadagaarno higsigaas,” bin Sulayem ayaa sidaas yiri Isniinta. Dekada Bebera ayaa hadda laga dhoofiyaa Geela iyo Ariga la geeyo wadamada Barriga Dhexe iyadoo cuntooyinka laga soo dajiyo. Waxay sidoo kale uga faa’ideysaa dalka Ethiopia dhinaca badeecadaha u socda kuwasoo ku yimaada dhinaca Badda. Hoos Ka Akhri Warsaxafadeedka DP World Kasoo Saartey Heshiskaan. Isha: GO
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira oo ah Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM Soomaaliya oo Maanta Warbaahinta shir jaraa’id ugu qabtay Xarunta Xalane ayaa faah faahin ka bixiyay qorshaha AMSIOM ka bixitaanka Soomaaliya, xaalada amni ee dalka iyo doorka AMISOM. “Go’aanka waxaa qaatay Golaha QM, balse waxaa waajib nagu ah inaan jarno in ka badan 1,000 Askar dhamaadka sannadkan. Sidaa darteed, micnaheeda waxaa weeye inaan haysano Tiro fiican oo meel kasta u dhaqaaqi kara, Kuwaasi oo aan oggolaan doonin in la soo galo meelaha laga baxo , Waxaan doonaynaa inaan Dib-u-habayn ku samayno Ciiddankeenna si ay awood ugu yeeshaan inay ku hawlgalaan si wacan” Intii uu ku guda jiray shirkiisa jaraa’id ayuu sidoo kale ka hadlay howlgalka uu ku dhawaaqay dhawaan Madaxweyne Farmaajo waxa uuna sheegay in dhankooda ay howlgalkaas ka qeyb qaadan doonaan. “Madaxweynaha waxa uu sheegay in loo baahan yahay in laga guuleysto Alshabaab. Madaxweynaha waxa inoo weydiiyey xilliga ay Ciiddanka AMISOM baxayaan, Madaxweynaha waxaa si cad uga go’an in laga guuleysto Alshabaab, Madaxasweynaha waxa uu samaynayaa waxa kasta oo uu awood sidii ay Ciiddankiisa ula dagaalamaan Alshabaab, Waxa uu qaaday Waddo dheer, si uu taageero uga helo Hoggaamiyayaasha Gobalka” Ciiddanka Cusub ee Ethiopia, Sidee uga hawl-galayaan soo-gelitaanka Somalia?, Side ayey ku hawl-galayaan, Ma waxay hoos tagayaan Hawlgalka AMISOM, mise si gaar ah ayey u hoos tagayaan taliskiina? Wakiilka ayaa weydiiyay saxafiyiinta halka ay soo galeen ciidamada cusub iyo xilliga ay yimaadeen, wuxuuna si kulul u beeniyay warar muddooyinkan sii xoogeystay oo ku saabsan in ciidamada Itoobiya ay la wareegayaan meelaha ay banneeyaan ciidamada AMISOM oo bixitaankooda bilaabaya. “Marka ugu horreyso waxaan doonayaa ma Anagaa la wadaagtaan Ciiddanka Cusub aad ka hadlaysaan? Halkee ku aragteen iyaga ? Halkee ayaad ka hesheeen? Meeq weeye tiradooda ? Imisaa Ciiddan cusub ah?,Waxaan arrintan ka hadlay maalmo ka hor oo aan War Saxafaadeed ka soo saaray, waxaana sheegay inaad goor dhow arki doontaan Dhaqdhaqaaqa Ciiddanka AMISOM ayuu yiri Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira” Wakiilka ayaa maanta ku dhawaaqay in ciidamada AMISOM si tartiib ah looga saarayo Soomaaliya, iyado 1000-ka askari ee ugu horeysay ay ka bixitaankooda Soomaaliya lasoo afjarayo aakhirka sanadkan. Saraakiisha dowladda ee Gobolka Gedo ayaa xaqiijiyay dhowaan in ilaa 1000 askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ay kasoo gudbeen xuduudka Gobolka Gedo. Arrntaan ayaa kusoo aadeyso xilli dhawaan dadka deegaanka Luuq ay sheegeen inay xaduuda kasoo gudbeen ciidamo ka socdo dalka Itoobiya oo qiyaastooda lagu sheegay 3 Kun oo Askari. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Waxaa durba la is waydiinayaa sababta keentay inuu Sheekh Shariif waqtigaan imaado Magaalada Muqdisho iyadoo ay dowladda dhexe wajaheyso cadaadis siyaasadeed oo aad u weyn. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya isla markaasna ka tirsanaa Musharixiintii uu Farmaajo kaga guuleystay tartanka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula saftay dowladda Imaaraadka Carabta, wuxuuna Magaalada u imaado inuu ka sameeyo qorshooyin meesha looga saarayo Madxweyne Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Kheyre. Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Sheekh Shariif ayaa dhawaan dalka Imaaraadka Carabta kula kulmay madax ka tirsan dowladaas, waxaana lagu heshiiyey in Magaalada Muqdisho laga bilaabo ololo weyn oo looga soo horjeedo dowladda uu hoggaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee go’aanka dhex dhexaadnimada ah ka qaadatay Khilaafka dowladaha walaalaha ah ee Khaliijka. Sheekh Shariif ayaa kulamo Magaalada kula yeelan doono Siyaasiyiinta sida weyn uga soo jeedo dowladda Soomaaliya, waxaana maalmaha soo socdo la filayaa inuu isna Muqdisho soo gaaro Cumar Cabdirashiid oo Siyaasadda Soomaaliya u qaabilsan dalka Imaaraadka Carabta. Siyaasiyiinta dowladda Mucaaradka ku ah ayaa Magaalada ka bilaabi rabo ololo aad u xooggan oo lagu doonayo in lagu kiciyo baarlamaanka Soomaaliya iyo Shacabka, waxaana la doonayaa in meesha laga saaro dowladda Farmaajo. Sheekh Shariif ayaa maanta kulamo xasaasi ah Magaalada kula yeelan doono Siyaasiyiin ay ugu horreeyaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Xildhibaano kale. Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa la filayaa inuu ka qeyb qaato ololo la doonayo in xilka looga qaado Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana qorshahaan wadato dowladda Imaaraadka Carabta oo arrintaan usoo wakiilatay shakhsiyaad ay kamid yihiin: 1) Cumar Cabdirashiid 2) Sheekh Shariif Sheekh Axmed 3) Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Shakhsiyaad kale oo aan inta lagu soo koobi karin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Ex- Social Service Minister, Mr. Obsie resigned from post just two days ago PRESIDENT Ahmed Silanyo accepted the resignation of social services minister, Mohamed Abdilahi Obsie. The resigned minister took the post only 11 months ago. The president also appointed a new minister. According to a presidential communique said that the resignation of the minister has been accepted with immediate effect. The president has appointed Hon. Osman Abdi Sheikh Mohamumed to take charge as Social service minister. The President thanked the outgoing minister for his services and wished well for his future en devours. The ex minister tendered his resignation because he could not get along with the administration led by incumbent president Silanyo whose days in power are numbered.
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa dhawaan la isla dhex marayey inay dalka Soomaaliya soo galeen Ciidamado badan oo ka socday dalka Itoobiya kuwaas oo duulaan ku ah Maleeshiyada Shabaab ee ku dhuumaaleesaneyso duurka Gobolada Soomaaliya. Wararkaas ayaa ahaa kuwa si weyn isku soo tarayey, waxaana Magaalada Luuq laga soo sheegay inay kasoo gudbeen ciidamo badan oo Itoobiya ah kuwaas oo ku wajahan deegaanada Koonfur Galbeed iyo qeybo kamid ah Jubblanad. Haddaba Howlgalka AMISOM ayaa beenisay inay Ciidamo Itoobiyaan ah oo cusub ay soo galeen gudaha Soomaaliya. AMISOM ayaa warkaas ku tilmaamtay mid aan xaqiiq aheyn isla markaasna lasoo abuuray. wakiilka Midowg Afrika ee Soomaaliya Amb. Francisco Caetano Madeira oo shir jaraa’id maanta ku qabtay Xarunta Xalane ayaa sheegay inaysan jirin Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay dalka Soomaaliya. Wakiilka ayaa weydiiyay saxafiyiinta halka ay soo galeen ciidamada cusub iyo xilliga ay yimaadeen, wuxuuna si kulul u beeniyay warar muddooyinkan sii xoogeystay oo ku saabsan in ciidamada Itoobiya ay la wareegayaan meelaha ay banneeyaan ciidamada AMISOM oo bixitaankooda bilaabaya. Wakiilka ayaa maanta ku dhawaaqay in ciidamada AMISOM si tartiib ah looga saarayo Soomaaliya, iyado 1000-ka askari ee ugu horeysay ay ka bixitaankooda Soomaaliya lasoo afjarayo aakhirka sanadkan. Saraakiisha dowladda ee Gobolka Gedo ayaa xaqiijiyay dhowaan in ilaa 1000 askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ay kasoo gudbeen xuduudka Gobolka Gedo. Arrntaan ayaa kusoo aadeyso xilli dhawaan dadka deegaanka Luuq ay sheegeen inay xaduuda kasoo gudbeen ciidamo ka socdo dalka Itoobiya oo qiyaastooda lagu sheegay 3 Kun oo Askari. Dowladda Soomaaliya weli ma aysan ka hadlin ciidamadaan Itoobiyaanka ah ee la sheegay inay dalka soo galeen, inkastoo madaxweyne Farmaajo uu dalkaas ka codsaday inay ka qeyb galaan Dagaalka la doonayo in lala galo Ururka Al-Shabaab. Sidoo kale Website ku hadlo Afka Al-Shabaab ayaa maalmihii dambe qorayey inaysan jirin Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay dalka isla markaasna uu warkaas yahay mid been ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Garoowe (Caasimada Online) – Kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Garowe Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Puntland ayay kaga horyimaadeen in xuduudaha maamulka Puntland ay ka dhacdo doorashadda maamulka Somaliland. Xildhibaanada ayaa soo saaray Go’aamo mamnuucaya in doorashadda Somaliland ay soo gaarto degaanada maamulka Puntland iyo qeybo ka mid ah degaanada lagu muransan yahay. Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland oo markuu kulanku soo dhamaaday la hadlay warbaahinta waxaa uu sheegay in xukuumadda laga doonaayo in ay ilaaliso xuduudaha maamulka Puntland. Inka badan 30 xildhibaanada ayaa taageertay Go’aanka looga hortagaayo doorashadda Somaliland, Sida uu sheegay Gudoome Axmed Cali Xaashi. Somaliland iyo Puntland ayaa muddo waxa ay ku mursanaayeen gacan ku haynta deegaano badan oo ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag, oo midba uu sheeganayo in maamulkiisa uu ka tirsan yahay. Maamulka Khaatumo ee gobolladaas ka dhisan, islamarkaana uu hoggaamiyo Cali Khaliif Galaydh, ayaa dhowaan ku biiray maamulka Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  14. Former Somaliland vice presidents on Monday apprised the presidential candidates and their supporters to keep calm during their presidential campaigns in a press conference held in Hargaisa. In a joint statement issued by the ex presidents they aurged all the candidates to sue for peace and ensure campaign rallies transpire within the legal framework. “We callon all political actors as well as the public to have a room for peaceful rallies which can culminate into free and fair elections and refrain any act of violence that can plunge the region into chaos,” said the for deputies. The former deputy presidents also warned any political violances that could hamper in the process, calling the concerning authorities to preserve calm and peace in the country during the campaign and the elections after.” The ex-leaders are Ahmed Yussuf Yasin (During the government of Riyaale Kaahin), Abdirahman As Ali Farax ( during the reign of President, Mohamed Haji Ibrahim Igal) and Hassan Ise Jama’a who was the deputy president in the government of president Abdirahman Ahmed Ali which was formed in 1990. Their sentiment came days after angered protestors stormed on Abdurrahman Irro’s residential house, leading to critical injuries on his security guards. Somaliland will hold its presidential elections on 13th November this year following several poll postponements. With over 870, 000 voters, the elections will take place 23 districts across the region. Somaliland has declared unilateral independence from the rest of Somalia in 1991. Despite restoring stability and governance, it’s efforts for an international recognition has not so far accomplished. Hiiraan
  15. Frensisco Madera Safiirka Midoowga Afrika ee Arimaha Soomaaliya oo Wariyaasha kula hadlay xarunta Xalane ee ciidamada AMISOM ayaa ka hadlay Arimo kala duwan . Frensisco Madera waxa uu xaqiijiyay in Ciidamo Ka socdo AMISOM ay dhamaadka Bishaan ka bixi Doonaan Dalka Soomaaliya. Waxa uu sheegay in ciidamada AMISOM ay si tartiib tartiib ah ay uga bixi doonaan gudaha dalka Soomaaliya islamarkaasina ay dhamaatay howlgalkoodii. Waxa uu ku hanjabay in inta aan la gaarin sanadkaan ay ciidamada AMISOM Al-Shabaab ka saari doonaan goobaha ay ku suganyihiin ee Gobolada dalka Soomaaliya. Frensico Madera Ayaa sidoo kale Beeniyay in Ciidamo Cusub oo Itoobiya ka socdo ay Soo Galeen Gudaha Dalka Soomaaliya. Hoos ka Dhageyso Codka http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/11/Cod-AMISOM-Clip-ka-bixitaan-PP.mp3Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post AMISOM oo Xaqiisay in Dhamaadka Sanaadkaan Ciidamadeeydu Ay ka Baxayaan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  16. Dood xoogan ayaa ka taagan canshuur kordhin markii labaad lagu sameeyay ganacsatada wax soo dajisa ee reer Muqdisho, arintaan waxaa sameeyay wasiir maaliyadda ee Somalia C/raxmaan Beyle Ducaale, waa markii labaad ee lacag kordhin lagu sameeyo tan iyo markii la dhisay xukuumadda Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Ganacsatadu waxey qabaan dood xoogan oo ku aadan in 8 bilood gudahood 2 jeer la kordhiyo lacagaha laga qaado, waxey kaloo ka cabanayaan in aaney helin adeegyadii ay xaqa u lahaayeen markii ay canshuurta bixiyaan, taas waxaa dhaliisheeda leh wasaaradda maaliyadda ee Somalia. Daqliga kasoo xarooda Dekadda Muqdisho, Garoonka Aadan Cade, iyo Ganacsiyadda ay lee yihiin Muqdishaawiyiinta ayaa laga bixiyaa 276 milyan oo ah miisaaniyadda Dowladda ee sanadkii, waxaa kaloo laga bixiyaa qidmadda la siiyo maamul goboleedyadda ee ah $150,000 (boqol iyo konton kun) bil kasta. Si walbaba Muqdisho wali waa aamusan tahay, laakiin sida xogta lagu hayo wasiirka maaliyadda ee Somalia C/raxmaan Beyle ayaa 2 jeer ka hor yimid codsi uu maamulka gobalka Banaadir ku dalbaday in miisaaniyadda loo kordhiyo 10%, gobalka Banaadir hadda sanadkii wuxuu qaataa 15 milyan oo dollar. Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thabit Cabdi Maxamed ayaa horey u sheegay in hadii loo korhiyo qoondada la siiyo in maamulkiisu uu kordhin doono Iskuuladda lacag la’aanta ah, inuu dhisi doono xarumo caafimaad oo bilaash ah oo laga hir galin doono 17-ka dagmo, inuu kordhin doono dab damisyadda, inuu shaqaale horleh u qori doono gobalka Banaadir iyo inuu labo jibaari doona dhismaha wadooyinka iyo goobaha qadiimiga ah ee gobalka Banaadir. Hadda waxaa maamulka gobalka Banaadir u furan inuu ka hor yimaado in canshuurta lagu kordhiyo muwaadiniintiisa iyadoo uu wali wasiir Beyle hor taagan yahay lacagihii loogu adeegi lahaa dadka gobalka Banaadir. Ma jirto wax ay ganacsatadda Muqdisho ku muteysateen in lagu qasbo in ay kordhiyaan biilka la siiyo goboladda kale iyo Dowladda dhexe badalkeedana ay bur bur iyo baahi ku jiraan caruurtooda, wasiir Beyle hadda waa inuu fahmaa kuwa uu rabo inuu lacagaha ka aruursado iyo kuwa uu u diidan yahay in wax loo kordhiyo iney hal qof yihiin sidaa darteedna ay muhiim tahay inuu la yimaado aragti kale. Waxaa Qoray : Cabdulaahi Cismaan Faarax raafac22@gmail.com
  17. In recent times, the people of Somaliland have demonstrated a sense of accountability and commitment towards maintaining the democratization process of their nation’s fledgeling democracy. Once again, the election bells are ringing, and the people are ready to vote and elect the 5th president that will pilot the country’s socio-political and economic affairs for the next five years. A Presidential debate was heard on October 19, 2017, with all three Presidential candidates participating in the discussion, which lasted approximately 6 hours. Presently, all three political parties namely, Waddani, Kulmiye, and Ucid are busy campaigning and promoting their party’s political ideology in the quest to woo support from the electorates. International observers from Europe, USA and Africa have arrived the country to monitor the polls as the democratic world awaits the election day which is scheduled for November 13, 2017. Swedish Parliamentarians representing five of Swedish political parties have issued a statement directed at the President of Somaliland, to the political parties and to the country’s electoral commission, to make concerted efforts in ensuring that the elections are free, fair and credible. These Parliamentarians were Birgitta Ohlsson (The Liberal Party), Margareta Cederfelt (The Moderate Party), Amir Adan (The Moderate Party), Hillevi Larsson (The Social Democratic Party), Magnus Oscarsson (The Christian Democrat) and Daniel Bäckström (The Centre Party). The Somaliland National Electoral Commission (NEC) in collaboration with international bodies and experts has the capacity to organize free, fair and transparent elections, drawing from their wealth of experience in conducting previous elections. The upcoming election will witness the use of advanced technology such as Iris-Recognition Software, which will be deployed for registration, control, and to ascertain voters credibility–the first of its kind in the whole of Africa. The Iris-Recognition Software will go a long way in checkmating electoral fraud and help to minimize the chances of electoral disputes. The multi-party political system and democratic transition are not new to Somaliland. The country’s political system and its governmental institutions are well entrenched in democracy, which is the primary reason the country is being referred to as “the shining star of democracy” in Africa. The multi-party political system has played a vital role in Somaliland’s democracy following the approval of the constitution by the people of Somaliland in 2001. In 2003, the first presidential election was held in Somaliland, which was followed by a second poll that was successfully conducted in 2010, ushering in the era of smooth democratic transition. The previous elections were primarily considered free and fair by international observers. Somaliland is a small and peaceful region located in East Africa. Unlike some other African countries, Somaliland is not characterized by conflicts, civil wars, and dictatorial regimes. Although the country is yet to gain full international recognition from the global committee of nations, it fulfils the international legal criteria for recognition by maintaining law and order, referendums and protecting its borders. The country has functioning governmental institutions, an independent justice system, well-equipped police and security forces that protect the country’s territorial integrity, national flag and currency, and more symbols that define a sovereign state. One can rightly deduce that Somaliland has succeeded in creating peace, stability, and democracy in a region characterized by violence, terrorism, starvation and political conflicts. Against this backdrop, Somaliland deserved to be rewarded for the development and achievement made so far since the country’s declaration of independence in 1991, after the collapse of the regime of Somali dictator, Mohammed Siyad Barre. It is extremely important that the international community should respond and commit to supporting this positive development that the country is undergoing. To this end, the Swedish government is called upon to assist this emerging democratic trend in Somaliland, by giving recognition to the independent status of the country. The Swedish government should also endeavour to provide humanitarian aid which can help in fostering youth employment, infrastructure development, and sustainability of the democratic process in Somaliland. Undoubtedly, Somaliland’s special indigenous conflict-resolution procedures and its success story may provide an example to Somalia, which will play a vital role in the peace-building of Somalia and the entire region as well. Musa M. Isse is a journalist, author and social entrepreneur based in Stockholm, Sweden He can be reached at musa.m.isse@hotmail.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Sacuudiga ayaa sheegtay inay ka fakareyso sida magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia uga furan laheyd Saldhig Militery. Qoraal kooban oo lagu daabacay wargeysyada maxaliga ah, ayaa waxaa lagu sheegay in qorshahaasi uu yahay mid lagu xoojinaayo xiriirka Sacuudiga kala dhexeeya Somalia. Waxaa qoraalka lagu sheegay in Saldhigaasi uu xoojin doono xiriirka Sacuudiga iyo Somalia, isla markaana ay uga gaashaman doonaan duulan kaga imaada dalalka aan daneyn Siyaasada iyo xasiloonida ka jirta Sacuudiga. Boqorka sacuudiga, Salmaan Bin Cabdul Casiis, ayaa horay Madaxda ugu sareysa dalka uga dalbaday in lasiiyo dhul baaxad weyn oo ay ka dhistaan Saldhig Militery, hase ahaatee ma uusan helin jawaab waafi ah. Dowlada Somalia waxa ay dalabkaasi ku diiday qoraal oo ay la wadaagtay dowlada Sacuudiga, inkastoo aan laga sii bixin faahfaahin cad. Boqorka sacuudiga, oo adeegsanaaya dowlado xiriir dhow la leh Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, ayaa dadaal xoogan ku bixinaaya sida uu ku dhaqan galin lahaa qorshihiisa fog ee ku aadan Saldhiga Militery ee Somalia, gaar ahaan magaalada Muqdisho. Dowlada Sacuudiga ayaa tartan kula jirta dowladaha Turkiga iyo Qadar, waxaana xusid mudan inay aad uga careysan tahay Saldhiga ay dowlada Turkiga ka dhisatay Somalia. Si kastaba ahaatee, Somalia ayaa goob loolan u noqotay dalalka Carbeed oo iyagu doonaaya in Somalia ay ka dhigtaan Saldhigyo laga taakuleeyo Xagjiriinta si aanu Somalia u hanaqaadin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khader) ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay magaalada Sharma el-Sheekh ee dalka Masar, waxuuna ka qeyb galayaa shirka dhalinyaradda Aduunka kaas oo looga hadlo xaalada dhalinta iyo sidii looga wacyi galin lahaa arrimaha Tahriibka iyo xagjirnimada oo saamayn wayn ku yeeshay dunida oo dhan. Ra’iisul wasaaraha ku xigeenka Soomaaliya ayaa kulan hor u dhac ah la qaatay Madaxweyna wadanka Egypt Cabdifatax Al Sisi, iyagoona ka wada hadlay in laga wada shaqeyo sidii la iskaga kaa shan lahaa la dagaalanka iyo cirib-tirka Ururka Alshabaab iyo in la abuuro fursado shaqo iyo kuwo waxbarasho kuwaas oo lagu dhiiri galinayo dhalinyarada Soomaaliyeed si aysan u dooran fikradaha ku salaysan argagixisada. Madaxwayne Al Asisi ayaa balan qaaday in uu kordhin doono deeqaha waxbarasho ee ay siiyaan dhalinyarada Soomaaliyeed. Waxuuna cadeeyay in ay taageero dhan walba ah la garab istaagayaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoona u jeedo iyo dan gaar ah ka lahayn Soomaaliya. Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Khader ayaa kulamo kala duwan la qaatay qaar ka mid ah madaxdii ka soo qayb gashay shirka, oo uu kamid yahay Ra’iisul Wasaaraha dalka Equatorial Gunnie. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo la kulmay Madaxwaynaha Dalka Masar. appeared first on Puntland Post.
  20. Wararka ka imaanaya Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya ayaa ku waramaya in Qarax Miino oo dhulka lagu aasay in lala eegtay gaari ay la socdeen Ciidamo ka Tirsan booliska Dowladda Kenya. Qarax oo dhulka ku aasnaa ayaa ka dhacay wadada xiriirisa degmada Wajeer iyo deegaanka Dabasiti iyo degmada Ceelwaaq,waxaana khasaaro dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Kenya. Warbaahinta Al-shabaab ayaa lagu baahiyay in dagaalyahano ka Tirsan Al-shabaab in weerar daba-gal ahaa in ay ku qaadeen ciidamo katirsan Booliska Kenya xilli ay marayeen wadada xiriirisa degmada Wajeer iyo deegaanka Dabasiti iyo degmada Ceelwaaq. Shabaab waxa ay sheegeen in labo gaari oo ah kuwa loo yaqaan Kooyalka lagu gubay weerarka. Sidoo kale Al Shabaab waxay sheegtay in hub u badan qoryaha G3-ga ay dagaalyahanadoodu kusoo qabsadeen qaraxii ka dhacay gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya. Illaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin dowladda Kenya oo ku aaddan weerarka ka dhacay gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya. PUNTLAND POST The post Al-Shabaab oo Weerar ku Qaaday Kolonyo Ciidamada Kenya ah appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (PP) ─ Ganacsatada alaabaha kala soo daga Dekedda Muqdisho ayaa sheegay in lagu kordhiyay lacagihii laga qaadi jiray, iyagoo sheegay in tallaabadaas ay qaaday Wasaaradda Maaliyadda Soomaailya. Mar ay ganacsatadu la hadleen warbaahinta gudaha ayay sheegeen in 25% lagu kordhiyay canshuuraha laga qaado ganacsiyada dibadda laga keeno ee kasoo daga dekedda Muqdisho. Sidoo kale, Ganacsatada ayaa sheegay inaysan awood u lahayn inay lacagta lagu kordhiya bixiyaan, iyagoo sheegay in dhawaan ay si toos ah uga hadli doonaan go’aanka canshuur kordhinta ee Wasaaradda Maaliyadda Somalia iyo waxa ay ka qabaan. “Ganacsatada Muqdisho waxaa u socda kulammo gaar-gaar ah, waxaana doonayaa kulammadaas kaddib inaan caddeyno mowqifkeenna arrintaan ku aaddan,” ayuu warbaahinta u sheegay mid ka mid ah ganacsatada Xamar. Dhanka kale, Tallaabadan ayaa imanaaysa iyadoo ganacatada alaabaha kala soo daga Dekedda Muqdisho ay sheegeen inay dhibaatooyin kala kulmaan shirkadda Turkiga ah ee gacanta ku haysa Dekedda Muqdisho. Ugu dambeyn, Wasaaradda Maaliyadda Somalia ayaan weli wax hadal kasoo saarin canshuur kordhinta la sheegay inay ku sameeyeen ganacsiyada lagala soo dego Dekedda caalamiga ah ee Xamar. PUNTLAND POST The post Ganacsatada Muqdisho oo sheegay Dowlada Somalia ay kordhisay Canshuuraha laga… appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Bari ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Daacishta Somalia ay bilaabeen howlgalo ka dhan ah maamulka Puntland. Maleeshiyaadka oo ku hubeysan Hub iyo Gaadiid casri ah, ayaa la xaqiijiyay inay bilaaben howlgalo laga sameynaayo banaanka buuraha Galgala. C/raxmaan Maxamuud oo kamid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in indhihiisa uu ku arkay maleeshiyaad Hubeysan oo howlgal ugaarsi ah ka fulinaaya banaanka buuraha. Waxa uu tilmaamay in mudada ay howlgalka ku guda jireen ay dhac ku hayeen Gaadiidka iyo dadka xamaalatada ah ee ku dhow dhow buuraha. Waxa uu intaa ku daray inay ka xeysteen gaadiid nooca raaxada iyo kuwo waaweyn ah oo loo badinaayo inay u adeegsan doonaan weeraro. ”Waxaan goobjoog u ahaa furashada gaadiid noocyo kala duwan leh oo ay kala dageen dad shacab ahaa, waxa ayna kusii qaaten dhowr dhalinyaro” Wuxuu sheegay inaan horay looga baran falalka furashada gaadiidka iyo qafaalashada dhalinyarada, balse waxa uu ku taliyay in la sameeyo ka hortag. Sidoo kale, waxa uu carab dhabay inay sumeyn ku bilaabeen ceel-biyoodka ku yaalla dhammaan deegaanada ku dhow dhow goobaha ay gacanta ku hayaan. Geesta kale, waxa uu cadeeyay in ciidamada maamulka Puntland ay gadaal uga soo durqeen Saldhigyadii ay ku sugnaayen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in la kordhiyay lacagaha canshuurta ah ee laga qaado Ganacsatada alaabaha kala soo dega Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho. Ganacsatada ayaa la sheegay in 30% lagu kordhiyay lacagaha Canshuurta, xili ay jirto dhaqaale xumi ay ka cabanayaan. Canshuur kordhinta ayaa waxaa sameeyay Wasiirka Maaliyada u qaabilsan xukuumada C/raxmaan Beyle, oo dhaliilay dhaqaalaha usoo xarooda Ganacsatada iyo dhaqaale yarida ay ka cabanayaan. Yuusuf Maxamuud oo kamid ah Ganacsatada ayaa sheegay inay ku adag tahay bixinta lacago canshuur ah oo uu tilmaamay inay tahay 30%. Waxa uu sheegay in muddo Sanad gudihiisa lagu kordhiyay laba jeer Canshuurta waxa uuna intaa raaciyay in Dekadda qudheeda ay ku qabaan dhibaato, isla markaana aysan garankarin sababta looga qaadayo dhaqaale intaa dhan. Waxa uu intaa ku daray in Canshuurta lagu kordhiyay ay tahay waxyaabaha Dibadda laga keeno ee laga soo dejiyo Dekadda Muqdisho arintaasna aysan awoodin Ganacsatada Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale, Ganacsatada ayaa wada dadaalo ay xal ugu raadinayaan Canshuurta farahabadan ee lagu soo rogay, iyagoo kulamo la qaadanaaya Wasiirka Maaliyada iyo Maamulka Sare ee Dekadda. Geesta kale, waxaan arrintaan ka hadal Wasaaradda Maaliyadda, oo iyadu dhaqaale abuur ka sameyneysa Dekadda Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com