Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,077
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimadda Online) – Faysal Cali Waraabe oo ah Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland ayaa sheegay in Maamulka Puntland uu yahay meesha kaliya ee Soomaaliya ka dagi la’dahay. Isagoo maanta khudbad ka jeedinayey Fagaare ku yaalla Magaalada Hargeysa ayuu in Puntland ay qasto siyaasadda Soomaaliya, haddii aanay iyada ahaan lahaynna ay Soomaalida nabad ahaan lahaayeen sida uu hadalka u dhigay. “Walaalayaal Soomaaliya waxay la degi la dahay waa Puntland, qoladan oo aanu jaarnahay wuxuu baarlamaankooda shalay yiri doorasho kama dhici doonto Sool iyo Sanaag, bal eegga walaalayaal dhibaatada ay wadaan, waxaa ka degi la Soomaaliya, waxay maalin walbo ka shaqeeyaan dhibta Soomaaliya” ayuu yiri Waraabe. Dhanka kale, Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in haddii xisbigiisa uu ku guuleysto doorashada 13-ka bishan in uu keeni doono gooni isku taagga Somaliland waa sida uu hadalka u dhigaye. Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa shalay isku raacay in doorasho aanay ka dhici gobollada muranka uu ka jiro ee Sool iyo Sanaag. Hadalka Feysal Cali Waraabe ayaa imaanayo xilli ay Somaliland ka socdaan olole uu xisbi kasta ku doonayo inuu ku helo madaxweynimada Somaliland. Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa muddo badan ku muransan deegaano ka tirsan Sool iyo Sanaag, waxaana halkaas dhawr jeer oo hore ka dhacay dagaalo khasaaro badan geystay. Somaliland ayaa horey u sheegtay inay doorasho ka dhicid doonto deeganadaas, halka Maamulka Puntland uu sheegay inay arrintaas keeni doonto dagaal labada maamul dhexmaro. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasaimada@live.com
  2. Dabasiti (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Mandera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in halkaas ay Boolisku ka baadi goobayaan Sarkaal ka tirsan booliska oo la waayay Habeen hore. Sarkaalka ayaa la sheegayaa in ugu war dambeysay dadkii la socday markii uu dhacay qarax Laba gaari Booliska looga gubay oo Mandera ka dhacay, waxaana Kenya ay qiratay in 12 ka mid ah Askartooda ay ku dhinteen weerar ay Al-shabaabku ku qaadeen Kolonyo Boolis ah oo marayay Mandera. Tuulo lagu magacaabo Dabasiti oo aan sidaas uga fogeyn Xadka Soomaaliya iyo Kenya ayuu sheegay sarkaal sare oo Booliska u hadlay in ay marayeen 13 Askartooda Booliska ah oo weerarku qabsaday, 12-kii kale dhimashadooda ayuu xaqiijiyay halka uu sheegayo in la la’yahay Sarkaalka kale. Sarkaalka la la’yahay ayaa markii ugu war dambeysay Booliska wuxuu sheegay in uu Xudduudda joogo oo uu dhuumaaleysi ku jiro, balse intaas keddib xiriirkiisa lama helin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasaimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Dowlada Federaalka ah ee Somalia ay ka gaashaamatay dhibaatooyinka ay maleeshiyaadka Alshabaab u maleegayaan ciidamada Qalabka sida ee isticmaala wadooyinka isku xira Muqdisho iyo Gobolka Shabellaha Hoose. Mid kamid ah Saraakiisha ciidamada Xoogga ee ka howlgala Wasaarada Gaashandhigga ayaa noo xaqiijiyay in dowlada Federaalka loogu deeqay qalab ay ku baaran miinooyinka lagu aaso waddooyinka ay marayaan. Waxa uu sheegay in qalabkaasi oo casri ah ay sheegayaan goobaha ay maleeshiyaadka ku aasan miinooyinka lagu qarxiyo gaadiidka, waxa uuna tilmaamay in qalabkaas lagu galbin doono ciidamada duulaanka ku ah goobaha ay gacanta ku hayaan Alshabaab. Qalabka ayaa la xaqiijiyay inay isticmaali doonaan kolonyada gaadiidka dagaal ee la marin doono wadada isku xirta Muqdisho iyo Gobolka Shabellaha Hoose, oo la rumeysan yahay in maleeshiyaadka ay ku aasi doonaan miinooyin. Dhinaca kale, Qalabkan ayaa waxaa loo sameeyay ciidamo gaara oo ku shaqeeya in ay dowlada ka qabsanayaan dhammaan goobaha ku jira gacanta shabaabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasaimada@live.com
  4. Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Warfaafinta Somalia ayaa warbixin kooban oo ku aaddan horumarka warbaahinta dalka u gudbiyey hay’adaha QM, gaar ahaan saraakiishooda warfaafinta u qaabilsan. Inj. C/raxmaan Cumar Cismaan [Yariisoow] oo kulan la qaatay saraakiishan Qarmada Midoobey ayaa u sheegay in Soomaalidu ay yihiin dad aad u jecel warbaahinta, loogana baahanyahay inay dadaalkooda warbaahinta uu noqdo mid taageeraya qorsheyaasha dowlada federaalka ee ku aadan horumarinta warbaahinta dalka. “Waxaan idin kaga mahad-celinayaa dadaalkiina ku aaddan sidii shacabka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa waxqabadka hay’adaha QM iyo Horumarka dalka ka jira. Hase yeeshee waxaa loo baahanyahay in dadaalkiina uu noqdo mid waafaqsan qorshaha iyo istraatejiyada warbaahinta dowladda Federaalka Soomaaliya si waxqabadkiina u noqdo mid dhiirigelinay hay’adaha dowliga ah si shacabka Soomaaliyeed u ogaadaan in Dowladooda ay horumar joogta ah sameyneyso,” ayuu yiri Wasiir Yariisoow. Kulankaan ayaa ahaa mid labo maalmood u socday saraakiisha warfaafinta u qaabilsan dhamman hay’adaha QM ee dalka k howlgala oo ay ku diyaarsanayeen qorshe sanadeedkooda. Wasiir Yarisow ayaa ku ammaanay hay’adaha QM doorkooda ku aadan inay caalamka u soo jeediyaan sidii Soomaaliya loo nabadeyn lahaa iyo doorkooda adeegyada aasaasiga ah, kana codsaday in dhammaan adeegyada ay fuliyeen loo baahanyahay inay si dhow oo toos ah ugala shaqeeyaan hay’adaha Dowlada Federaalka ah si loo xoojiyo awooda dowlada Federaalka Soomaaliya. Ugu dabmeyn, Wasiir Yariisow ayaa ugu dambeyntii siiyay warbixin ku aadan horumarka warbaahinta dalka, qorsheyaasha iyo istraatejiyada Wasaarada Warfaafinta ee Dowlada Federaalka, kana codsaday inay si dhow ula shaqeeyaan Wasaarada Warfaafinta oo u xilsaaran horumarinta warbaahinta dalka. PUNTLAND POST The post INJ. YARIISOOW: QM waxaan ka codsanaynaa inay xoojiyaan Doorka Dowladnimo ee Somalia appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxwyenaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Shalay kulan xasaasi ah Magaalada Muqdisho kula yeeshay Odayaasha Dhaqanka, Ugaasyada, Salaadiinta iyo waxgaradka kasoo jeedo deegaanada Galmudug. Kulankaas oo uu qaban qaabadiisa lahaa Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa looga wadahadlay xiisadaha ka jira Galmudug iyo sidii Xal looga gaari lahaa. Madaxweynaha Galmudug oo halkaas khudbad ka jeediyey ayaa odayaasha ka codsaday inay kala shaqeeyaan sidii maamulkaas loo gaarsiin lahaa horumar isla markaasna laga shaqeyn lahaa sidii Ahlu Sunna loogu soo dari lahaa. ” Waxaan idinka codsanayaa inaad igala shaqeysaan sidii Maamulka Ahlu Sunna loogu soo dari lahaa Galmudug, markaasna waxaa noo fududaaneyso inaan xoreyno dhulka ay Shabaab naga heystaan” ayuu yiri Xaaf. ” Wixii hore ee dhacay xalay dhalay ayaan ka noqday, waxaana idiin ballan qaadayaa inaan ka shaqeeyo nabadeynta dadka Galmudug kasoo jeedo” ayuu sii raaciyey. Qaar ka tirsan odayaashii ka qeyb galay shirkaas ayaa sheegay in haddii la qaato talada madaxweyne Xaaf ay badbaadi doonaan dadka iyo deegaanada Galmudug. Haddaba halkaan hoose ka daawo Sawirada
  6. Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo booqday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaliya ayaa sheegay in uu bilowday dagaalka dowladiisa ay ku qaadayso dagaalyahanada Xarakadda Al-shabaab. Madaxweynaha oo Saraakiisha la hadlayay, ayaa u sheegay inay haystaan shacab diyaar u ah in ay kala qayb qaataan dagaalka, isagoo hoosta ka xariiqay inaanu fadhin u oolin. “Shacab wanaagsan oo baraarugay oo soo jeedo waad haysataan, oo idin daba taagan oo garab idin siinaya. Wax noo haray ma jiraan dagaalkii waa socdaa, fadhi ma yaalo.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya. “Maskaxdii, aqoontii iyo khibraddii umadda ay sugeysay waa idinka, marar badana waa idin sheegay, hadana waan idinkugu celinaya, cid kale oo Somaliya u maqan ma jirto, aan idinka ahayn.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa bishii aynu soo dhaafnay ku dhawaaqay dagaal ka dhan Al-shabaab, kadib qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho. Hoos ka Daawo Video-ka. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland post The post Farmaajo:-“Fadhi Nooma Yaalo Inta Al-shabaab Dalkaan Ku Sugan Yihiin”, appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa ka hadlay halka ay ka baxday lacagtii loogu tallo galay in maamulka uu ku dhiso Dekadda Magaalada Hobyo. Xaaf oo la hadlaayay xubno ka kala tirsan labadiisa Gole, ayaa sheegay inuu jiray dhaqaale ay ugu tallo galeen in dib loogu dayactiro Dekadda magaalada Hobyo, waxa uuna tilmaamay in lacagtaasi uu isku difaacay. Xaaf waxa uu tilmaamay inuu la kulmay caqabado Siyaasadeed oo lama dhaafan ah, si looga gudbo uu maciin biday inuu ku daweeyo dhaqaalahaasi oo dhamaa Hal milyan oo dollarka Mareykanka ah, sida uu hadalka u dhigay. Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa ”Runtii lacagtii loogu talo galay dhismaha Dekadda Hobyo ee halka Milyan aheyd waxa ay ku baxday difaaca dagaalkii nagula soo qaaday”. ”Waan ku qasbanaanay inaan bixino lacagtaas waayo waxaa nalagu soo qaaday dagaal qaawan oo jahwareer na galiyay muddo ku dhow bil” Hogaamiye Xaaf waxa uu intaa kadib sheegay in shaqsi ahaantiisa uu iminka diyaar u yahay keenista lacagtaas, si loo sii anbaqaado dhismaha Dekadda Hobyo. Dhinaca kale, Xaaf ayaa xubnaha labadiisa Gole ku wargaliyay inuusan aheyn sanduuq wax lagu keydsado, balse uu sheegi doono wax waliba oo lasoo gudboonaada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Saudi Arabia’s anti-corruption purge has widened after one of the country’s top businessmen was reportedly detained, accounts were frozen and a no-fly list was drawn up. On Monday, Nasser bin Aqeel al-Tayyar, a board member of Saudi Arabia’s biggest travel company, was reportedly added to the list of detainees, which already included some of the country’s most influential officials and entrepreneurs. Among those detained are 11 princes, four ministers and several former ministers, in what is seen as an unprecedented crackdown that has shaken the kingdom. The dramatic steps were the latest in a series of measures by Crown Prince Mohammed bin Salman to assert power over the country and its previous leaders. On Saturday, King Salman bin Abdulaziz Al Saud announced that his son, the crown prince, would oversee a newly formed anti-graft commission that would purge the country of corruption. In a statement via the Saudi Center for International Communication, Khalid bin Abdulmohsen Al-Mehaisen, president of the anti-corruption commission, said: “The evidence of transgressions and financial mismanagement uncovered recently points to widespread corruption in a number of cases. “The responsibility of the new anti-corruption committee is to ensure that investigations into those cases are completed, and that the full force of the law is applied,” Mehaisen said. Attorney General Sheikh Saud al-Mojeb said that the purge was only “phase one” and that detainees had been questioned. “Yesterday [Saturday] does not represent the start, but the completion of Phase One of our anti-corruption push,” Mojeb said, adding that investigations were done discreetly “in order to preserve the integrity of the legal proceedings and ensure there was no flight from justice”. Prince Alwaleed bin Talal, a billionaire businessman who owns investment firm Kingdom Holding was among those held, according to Reuters news agency, citing an unnamed senior official. The list of detainees also included senior ministers who were recently sacked, such as Prince Mitaab bin Abdullah, the head of the National Guard, and Adel Faqih, the economy minister. ‘No-fly list’ On Monday, stock in Al Tayyar Travel was down 10 percent in the opening minutes at Saudi Arabia’s stock index after media reported the detention of Tayyar. Meanwhile, Saudi banks reportedly started freezing bank accounts of the suspects. “The committee has the authority to reveal the bank details of the accused, freeze their assets and funds, and take other appropriate measures,” anti-corruption commission president, Mehaisen, said. “However, it will ensure that no wrongdoer is able to escape punishment, regardless of their position and status, while at the same time doing everything to protect the innocent. As Crown Prince Mohammed bin Salman has stated clearly, no one is above the law, and no one who is proven to have indulged in corruption will escape, not even a prince or a minister.” Pan-Arab daily Al-Asharq Al-Awsat reported that a no-fly list has been issued and that security forces in several Saudi airports were ordered to bar private jets owners from taking off without a permit. “Security members were seen in the lounges of private jets to monitor the situation and to make sure that no plane leaves the kingdom without a permit,” the newspaper reported, citing unnamed sources, adding that security personnel were given a list of specific names of individuals who should be prevented from leaving. The shake-up of the Saudi government comes just months after King Salman replaced his nephew Mohammed bin Nayef with his son Mohammed as the kingdom’s crown prince. Mohammed bin Salman has been responsible for pushing through a number of changes both at home and abroad since he became first in line to the Saudi crown. Source: – Aljazeera
  9. The bombs won’t stop in the Somali capital, Mogadishu. As the country was still reeling from the shock and horror of the deadliest ever single bomb attack in Somalia’s capital on October 14, the terrorists struck again on October 28. The October 14 bombing was so bloody that, although Al Shabaab was widely seen as being responsible, it dared not claim it. This has led to the theory that the driver set off the bomb prematurely, and it was meant for a different target with a more “reasonable kill rate.” Al Shabaab, though, took full responsibility for the latest attack, which started after a suicide car bomber detonated an explosives-laden vehicle at the entrance gate of a Mogadishu hotel. Security forces ended a night-long siege that followed at a hotel by five terrorists, which left 23 people dead and more than 30 injured. For Al Shabaab, that number of casualties apparently is just about right. The response to the attacks has been firm. The US promised to up its support for the war against the militants. Uganda, which already has the largest number of troops in the African Union peacekeeping enterprise in Somalia, Amisom, reportedly offered an additional 5,000 men. There was, understandably, no talk of negotiations with Al Shabaab. The ironical thing about that is that the foot soldiers of Amisom and Al Shabaab, know better. While their presidents and generals talk tough, the “small” soldiers and militants have been doing business and talking. If it were left to them, they might already have clinched a political deal. For years, some Ugandan Amisom officers and soldiers have been doing business with the Shabaab, including selling them arms. A few have been arrested and tried back home in Uganda. However, it would have been also useful to ask them: “Okay, these Shabaab buddies of yours to whom you sell guns, why can’t you ask them what deal they are willing to take to end this war?” No one did. What a waste. A brilliant researcher on Somalia tells of what is happening today in some parts of the country. There are some Al Shabaab and Amisom roadblocks that are only a few kilometres apart. The soldiers on two sides have reached an understanding on how to tax goods. If a trader arrives with his truck at an Amisom roadblock first, he will pay the boys, say the equivalent of $50. The soldiers will shoot in the air in a coded pattern, to alert the Shabaab roadblock that they have already taken their cut. Shabaab then will know how much to extract. It will probably also take $50. If the goods truck arrives at an Al Shabaab roadblock first, the militants will take their bit, and shoot in the air to report to Amisom, who will know how much has been left for them. It’s totally mind-bending, and quite impressive. If you think coldly about it, there is a higher level of political consensus between elements in Amisom and Shabaab, than there is between incumbent politicians of the troop-contributing countries like Kenya, Uganda, Burundi – and the US – and their opposition parties back home! Amisom is a peacekeeping mission, and it has all it needs to make peace in Somalia. It’s just that for now it is using it for war-war not yaw-yaw. Charles Onyango-Obbo is publisher of data visualiser Africapaedia and Rogue Chiefs. Twitter@cobbo3 http://www.theeastafrican.co.ke/oped/comment/Negotiating-with-Al-Shabaab/434750-4176420-wxyni6/index.html
  10. The United States embassy in Turkey has announced it will resume processing non-immigrant visas for Turkish nationals “on a limited basis”, after visa services were suspended last month. “We believe the security posture has improved sufficiently to allow for the resumption of limited visa services in Turkey,” the US Mission to Turkey said in a statement on its website on Monday. Non-immigrant visas – which include student, tourist, media and work visas – will be processed “on a limited basis”, the mission said. “A reduced number” of interviews will be scheduled to process the applications. In response, the Turkish embassy in Washington, DC, said it would also resume processing visa applications for US nationals “on a limited basis”. The moves come as Turkish Prime Minister Binali Yildirim is due to travel to the US to meet with US officials on Tuesday. He is expected to discuss the visa issue, as well as reiterate Turkey’s call for the extradition of Fethullah Gulen. Turkey blames Gulen, a US-based Muslim cleric, for orchestrating a failed coup attempt in July 2016. Gulen has denied the accusation. Tit-for-tat suspensions The US embassy suspended the issuance of non-immigrant visas in Turkey in October. The move came after a US consulate staff member in Istanbul was arrested for allegedly having ties to Gulen. In response, Turkey suspended its own non-immigrant visas for US nationals last month. “Recent events have forced the Turkish Government to reassess the commitment of the Government of the US to the security of the Turkish Mission facilities and personnel,” the Turkish embassy in Washington, DC, said at the time. On Monday, the US mission said the decision to resume issuing the visas cames after it “received initial high-level assurances” from the Turkish government that its local staff are not under investigation. It said it also received “initial assurances” from Ankara that its local staff would not be detained or arrested for performing their jobs. Ankara has also pledged to inform the US government should Turkey plan to detain or arrest any of the local staff in the future, the US mission said. Source: Aljazeera
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa lagu eedeeyay inuu musuqay dhaqaalihii ku jiray keydka maamulka. Xildhibaanada maamulka ayaa Shariif Xasan ku eedeeyay in dhaqaalahaasi uu ku bixiyay dano gaara, isla markaana aanu jirin cid uu uga faa’iideeyay. Cibaado Cabdi Cali oo kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo u warameysay idaacada SMN ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegtay in lacagtaasi uu ku weyn doono xilkiisa. Waxa ay tilmaantay in dhaqaalahaasi badankii uu maamulka kasoo galay dhanka canshuurta, balse loo bixiyay qaabab khaldan oo aanu ku jirin maslaxada maamulka, sida ay hadalka u dhigtay. Xildhibaanada waxa ay tilmaantay in aan waxba loogu qaban Canshuurahaasi shacabka ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, xili ay sii kordheyso baahiyaha ka jira deegaanada maamulka. Sidoo kale, Xil. Cibaado Cabdi Cali ayaa carab dhawday in Mooshinka ujeedkiisa ugu weyn uu yahay mid looga jawaabayo musuqa iyo ku tagri falka Hantida maamulka. Haddalka Xildhibaanada ayaa kusoo beegmaaya xili deegaanada maamulka aad looga hadal hayo Mooshinka iyo eedeymaha ka dhanka ah Shariif Xasan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Kenya ayaa qiratay in weerar ay kusoo qaaden maleeshiyaadka Alshabaab looga dilay ciidamo ka tirsan Booliska. Waxa ay Kenya sheegtay in ciidamadaasi la dilay xili ay galbinayeen gaadiid Samafal oo maraayay xadka kala beyra Somalia iyo Kenya. Ciidamada laga dilay ayey ku sheegtay inay yihiin 12 Askari oo mar qura ku baxay gacanta maleeshiyaadka Al-shabaab. Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in ay iska caabiyeen maleeshiyaadka Al-shabaab ee soo weeraray balse laga dilay 12 Askari. Sargaal u hadlay Booliska Kenya ayaa sheegay in la adkeeyay Amaanka xadka ay wadaagan Soomaaliya iyo Kenya si aysan u soo noqon weerarada joogtada ah ay Al-shabab ka soo qaadayaan dhinaca xadka Soomaaliya. Xadka kala qeybiya Somalia iyo Kenya ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro lid ku ah ciidamada Kenya ee isticmaala xadka. Alshabaab ayaa horay u sheegay inay kordhin doonaan weerarada ay ku qaadayaan ciidamada Kenya, ee u kala goosha Somalia iyo Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Qahira (Caasimada Online)-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ka qeyb galay shirka Dhalinyarada adduunka, ayaa maanta magaalada Sharm al-Sheikh ee dalka Masar uga qeyb galay dhowr doodood oo lagu falan-qeynayey caqabadaha haysta dhalinyarada adduunka iyo sidii meel looga soo wada jeedsan lahaa fikradaha xagjirnimada ah. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo kulanka ka hadlay ayaa ku dheeraaday dhibaatada dhanka xagjirnimada ah ee haysta dhalinta Soomaaliyeed. Waxuuna ka mahadceliyey dadaalka la geliyey sidii xal loogu heli lahaa aafada xagjirnimada iyo muhiimadda ay leedahay abuurista fursado shaqo oo dhalinyarada la siiyo. “Shirkani wuxuu muujinayaa in dhallinyaradu ay awood u leeyihiin inay billaabaan isbaddal waxtar leh. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhalinyarada Adduunka, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed inay taageeraan horumarka iyo Nabadda, kuna gacan seyraan afkaarta xambaarsan xagjirnimada”. Ayuu ku yiri R/Wasaare ku xigeenka dalka. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa u xaqiijiyay dhalinyarada Soomaaliyeed inay ka go’an tahay dawladda taageerista dhallinyarada. “Waxaan diyaar u nahay caawinta dhallinyarada annagoo siineyna waxbarasho wanaagsan iyo fursado shaqo oo uga maarmaan kooxaha Argagixisada. Waxaan ayaga ugu baaqayaa inay taageeraan nabadda iyo isku soo dhaweynta bulshada” ayuu yiri. ”Somalia wey ka fiirsan doontaa in dhalinyaradeeda ay galaan argagixisada intaa ha nagu filnaato” Shirka Dhallinyarada Adduunka oo ujeedkiisu yahay helitaanka nabadda, barwaaqada, isdhexgalka iyo horumarka adduunka oo dhan ayaa la qabtaa sanadkiiba mar, waxana sanadkan ka qeyb galaya 3,200 qof oo ka kala socda 113 waddan oo ay weheliyaan Madaxweynaha Masar, Madaxweynaha Chad, Ra’iisul Wasaaraha Equatorial Gunnie iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya.
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa dhawaan ku dhawaaqay inuu xilkii iska Casilay Wasiirkii hore ee Gaashandhigga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed markaas oo ay golaha wasiirada ku sheegeen sababta uu isku casilay inay aheyd arrin shakhsi ah. Tan iyo markaas waxaa soo baxayey warar kala duwan oo ku saabsan sababta keentay inuu is casilo, iyadoo xilligaas ay wararka qaar sheegayeen inuu doonayo booska Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay ku dhagan yihiin Xildhibaan badan oo doonayo inay ka qaadaan xilka Madaxweynimo ee Koonfur Galbeed. Haddaba xogta ay heleyso Shabakadda Caasimadda Online ayaa sheegeyso in is casilaaddii Wasiir Cabdirashiid ay timaaday kadib markii uu sidaas ku amray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Wararka soo baxayo ayaa sheegayo in Wasiirka Gaashaandhigga lagu helay musuq maasuq ku aadan inuu Kharashaad dheeraad ah saartay Saanad loo iibiyey Ciidamada Militariga. Arrinta uu ku kacay wasiirka ayaa la sheegay in laga helay Caddeyno iyo marqaati isla markaasna uu arrintaas ka xumaaday Madaxweyne Farmaajo oo si deg deg ah ugu amray inuu isaga dago xilkaas . Arrintaas ayaa waxaa ka dhalatay muran fara badan oo dhex maray madaxda ugu sareyso dalka iyo Wasiirka is casilay, waxaana ugu dambeyn loo sheegay inuu is casilo ama la casilo. Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa isku dayey inuu dhex dhexaadin sameeyo balse Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeystay inuu Wasiirka isaga tago shaqada maadaama uu ku kacay Musuq maasuq cad oo loo hayo Caddeymo. Ugu Dambeyntii Wasiirkii Gaashaandhigga ayaa ku dhawaaqay inuu is casilay kadib markii uu Ra’isulwasaaraha u geeyey Waraaqdii is casilaada kadibna waxaa arrintaas aqbalay oo soo dhaweeyey Golaha Wasiirada. Wasiirka is casilay ayaa sabab u dhigay is casilaadiisa inay jiraan arrimo Shakhsi ah si aysan arrintaan u ogaan saxaafadda iyo shacabka, wuxuuna markaas kadib kulan xasaasi ah la qaatay Xildhibaanada kasoo jeedo deegaanada Koonfur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa codsaday in gabi ahaanba Gobolada iyo degmooyinka maamulkaas hoos taga laga jaro internet-ka maalmaha lagu guda jiro codaynta iyo tirinta doorashada. “Guddiga ayaa codsaday in internet-ka la jaro, iyagoo ka walaacsan xaalada dalka iyo qaabka wax u dhici karaan, runtii waa markii ugu horaysa saddex murashax oo saamaynta intaas le’eg ku leh bulshada Somaliland ay tartamaan taas ayaa walaaca keentay, ciidamada heegan ayaa la galiyay,” sidaas waxaa yiri qof xog ogaal ah oo magaciisa codsaday inaan la shaacin. Shirkadaha Internet-ka bixiya iyo qaybaha ay khusayso ayaa la qaatay go’aankan kasoo baxay Guddiga Doorashooyinka Somaliland. “Waan qaadanay go’aanka Guddiga iyo tala soo jeedinta ay sameeyeen, waxaan sugaynaa marka ay noo soo diraan Email oo ay dhahaan jara internet-ka,” sidaas waxaa yiri mid kamid ah maamulka shirakaadka bixiya adeegaas oo ku sugan Hargaysa. Xogta ayaa intaas ku daraysa in qorshahan uu bilaaban doono Isniinta soo socota 13 Novermber, waxayna ku egtahay 17 Isla bishaan. Muddo 4 cisho ah gabi ahaan lagama isticmaali doono deegaanada Somaliland wax internet ah, taasoo meesha ka saari doonta in la helo xogaha doorashada iyo qaabka wax u socdaan. Lama oga in qorshahan ay la qaadan doonaan axsaabta siyaasadda Somaliland. Waa markii ugu horaysay muddo intaas le’eg Internet-ku maqnaado Somaliland oo ka go’dey Soomaaliya inteeda kale 1991. Qorshahan waxaa dadka wax odorasa sabab uga dhigayaan loollanka murashaxiinta iyo taageerayaashooda oo maraya meeshii ugu sarraysay, waxaana tallaabada loo sameeyay iyadoo ay jirto Cabsi dhinaca amniga ah. Marka ay dhammaato tirirnta codadka ayaa la filayaa in la sii daayo Internet-ka. Lama oga xisbiga guulaysan doona, balse murashaxiinta madaxtooyada u tartamaya ayaa booqasho wali ku maraya gobollada Somaliland. Xisbiga KULMIYE ayaa la filayaa in maalinta Khamiista uu sameeyo iso soo baxiisii ugu dambeeyay magalaada Hargeysa halka xisbiga Wadani tageerayaashiisu ka banaanbaxeen Ceerigaabo. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  16. Dowladda dhexe ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) waxay dadka Muqdisho badankood u heystaan ilaa iyo hadda in uu yahay qofka ay dhici karto in uu Soomaaliya dhibka ka jiro wax weyn ka baddali karo. Ha noqotee madaxweynaha waxaa hor taagan caqabado farabadan oo u baahan in uu iska wareejiyo si uu u gaaro himilooyinka uu rabo. Marka laga yimaado mashaakilka xagga amniga iyo howsha uu ka wado, Madaxweynuhu waa in uu ogaadaa in reer Muqdisho Soomaaliya oo dhan asaas u yihiin. Haddaan sii iftiimiyo waa kuwa kharashka dowladda bixiyo marwalba oo waliba maamul goboleeyada gacan siiya. Madaxweynuhu in reer Muqdisho oo loo diidan yahay in ay Dowlad Goboleed noqdaan oo guddoomiye la magacaabay matalo meesha Gobollo yar yar ay rag madaxeyne yaal sheegto matalaan raali miyuu ka yahay? Waa caqabadda koowaad ee madaxweynaha ku hor gudban una baahan in uu caddaaladdi uu ballan qaaday meeshaas ka bilaabo siiyana xaqa reer Muqdisho u leeyihiin in ay qaranka matalaad ku yeeshaan, taas oo maqaamka madaxweynaha kor u qaadi doonta. Waxa madaxweynuhu ballan qaaday in uu kuwa musuqa sameeyo beero ku fali doono, su’aasha aan qabo shacbi badan oo soomaaliyeedna aan filayo in ay ila qabban ayaa ah 11kii bilood ee ay dowladdu jirtay musuq ma dhicin miyaa cid loo soo xiray oo shacbiga lala wadaagay ma jirtaa?. Cidda diidan in Muqdishu maamul Gobleed yeelato ogolna in canshuurtana reer Muqdisho laga qaado waxa ay ka mid tahay musuqa la rabo in madaxweynuhu meesha ka saaro. Muqdisho ha bixiso wixii lagu heshiiyo oo dhaqaala aha hana hesho xaqqeeda, waa middas mida xaqqa ah. Muqdisho oo marwalba canshuurta lagu kordhiyo waxa ay keeni kartaa in ganacsatadu meela kale u wareegto taas oo macnaheedu yahay arin siyaasadeysan ama la rabo in xamar horumarka lagala dagaalamo. Caqabadda labaad waa in uu dastuurka sidii loo dhameystiri lahaa xoogga saaro si looga saaro meesha is qabqabsiga dowladda ka socon weyday, lana caddeyo Dowladda dhexe iyo maamul goboleeydayada in aaney isku dhicin oo dastuurku uu caddaayo wajibaadka lakala leeyah. Dastuurku waa in uu dhowraa diinteenna islaamka dadkeenuna aaminsan yihiin. Caqabadda seddaxaad waa in dastuurka laga saaro waxa hadda loogu yeero Dowlad Goboleed iyo Madaxweyne Dowlad Goboleed si qaranimo loo helo looguna yeero Dowlad Goboleed iyo maamule Dowlad Goboleed taas oo ah maslaxadda mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed. Haddaan sidaas la yeelan oo aan Ummadda la’isku celin daneystayaal ayaa kala furfuri doona Ummaadaan qarannimana waa u dhammaan. W/Q Dr. Eng. Ahmed Alasso
  17. Kismaayo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo howlo shaqo u jooga magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay waxyaabaha uu ku amaanan yahay maamulka Jubbaland. Jawaari ayaa sheegay in magaalada Kismaayo ay ka nabdoon tahay magaalooyin dhowr ah oo ku yaala dalka kuwaa oo uu sheegay inuu kusoo maray socdaalo is xigxigay. Waxa uu sheegay inuu soo jeedinaayo in maamulka Jubbaland lagu daydo, maadaama uu yiri aanu ka jirin amni darro muuqata. ”Anigu waxaan soo jeedinayaa in lagu daydo Jubbaland oo laga qaato khibrada lagu nabadeeyay deegaanada maamulka” Waxa uu Jawaari sheegay in Madaxda ugu sareysa dalka uu ku wargalin doono in maamulada heysta nabadda laga kororsado wixii khuseeya amniga iyo xasiloonida, sida uu yiri. Guddoomiye Jawaari oo ka hadlaayay xaalada amni ee ka jirta magaalada Kismaayo ayaa soo jeediyay laba qodob oo kala ah: 1-In maamulada ka jira dalka laga dhageysto waxyaabaha u sahlay inay ku nabadeeyaan deegaanada maamulkooda. 2-In Hay’adaha amniga iyo Maamul Goboleedyada ay kawada shaqeeyan amniga iyadoo leys weydaarsanaayo khibradaha amni, waxa uuna soo jeediyay in Jubbaland lala kaashado howlaha ceynkaa ah. Jawaari ayaa sheegay in caasimadaha ka jira dalka ay badi yihiin kuwo nabdoon waxa uuna amaan gaara usoo jeediyay Hogaamiyayaasha maamulada iyo ciidamadooda. Geesta kale, Guddoomiye Jawaari ayaa carab dhabay in baarlamaanka Somalia uu si gaara u garab istaagi doono maamulada si ay u dhameystirtaan waxyaabaha qabyada u ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho kusoo kordhaaya goobaha gaadiidka lagu sugo ee ku yaalla hareeraha waddooyinka. Goobahaani oo aad u quruxbadan ayaa waxaa gaadiidka BL-ka ku suga dadka shacabka ah, waxa ayna inta badan ku yaalan waddooyinka magaalada Muqdisho. Maamulka Degmada Hodan ayaa iminka hirgeliyay goobahaani cusub taasi oo laga dhisay wadada Maka Al-Mukarama laamiga dhinaciisa. Xaruntan oo ah Bostooje Bus Stop ayaa dadka waxa ay u suuragelinaysa inay ku sii nastaan inta ay sugayaan gaadiidka dadweynaha, waxaana inbadan ka mahadiyay dadka shacabka ah. Sidoo kale, Maamulka Degmada Hodan ayaa sheegay inay sii wadayaan dhismooyinka goobaha nasiinka ee laga hirgaliyo hareeraha waddooyinka. Intabadan dalalka horumaray ayaa aad u isticmaala dhismooyinkaan quruxda badan ee lagu sugo gaadiidka shacabka.
  19. Shirkii ka dhacay caasimadda dalka Senigaal sanadki 2000, waxaa lagu guntay in dhammaan caruurta iskool gaartay ee ku nool dacallada adduunka la siiyo fursad ay iskool ku dhigtaan, marki la gaaro sanadka 2015-kana lagu guulaysto inuusan jirin canug aan iskool dhigan caqabad iskool la’aan darteed. Si taasi loo gaaro waxaa la kordhiyay kaalmadi la siin jray dowladaha saboolka ah si ay waxbarasho bilaash u siiyaan caruurtooda. Waxaa la dhisay dugsiyo cusub iyo fasallo farabadan. Waxaa boqol jibaarantay ardayda iska diiwaan galisay dugsiyada hoose/dhexe. Waxaa loo riyaaqay sida wax u socdaa iyo tirade ubadka subaxii iskoolada u kallaho. Sanado ka dib waxaa la sameeyay cilmi baarisyo kala duwan oo lagu ogaanayo heerka aqoonta caruurta iskoollada dhigato si loo hubiyo in qorshihii fulay iyo in kale. Warbixinta qiimaha gaarka ah leh ayaa ah mid uu bil ka hor soo saaray Bankiga Addunk (World Bank). Laga soo billaabo sanadki 1978-di, Bankigu wuuu sanad walba daabacaa warbixin uu kaga warramayo horumarka addunka. Sanadkaan ayaa noqday kii ugu horeeyay ee Bankigu daabaco warbixin horumarka waxbarashada adduunka u gooni ah. Natiijada kasoo baxday wabixintaan waxay noqotay mid ka fajacisay inta horumarka dunida danayso, gaar ahaan bahda waxbarashada u olaolayso. Warbixintaan oo ka kooban in ku dhow 240 bog ayaan ii saamaxayn inaan soo wada guuriyo, balse waxaan isku dayi doonaa inaan akhristayaasha la wadaago meelo si soo xulay muhiimmad gooni ahna noo leh. Inshallaah labo ama sadex qormo ayaan ka dhigi doonaa si aysan noo dheeraan. Midda ugu horrayso ayaa ah heerka waxbarashada caruurta ku nool dunida soo korayso. Middaas oo innaga si toos ah noo qusayso. Sanadihii danbe waxaa si xowli ah u kordhay ardayda laga diiwaan galiyay dugsiada hoose iyo kuwa saraba. 1970ki is-diiwaan galinta dugsiyada hoose ee wadamada Saxaraha ka hooseeyo waxay ahayd 68% halka wadamada Koonfurta Aasiya ay ahayd 47%. 2010-ki labada gobalba is-diiwaan galintu waxay dhaaftay celcelis 100%. Waxaa sidoo kale, kordhay tirade gabdhaha iskoollada aadayo. Intii u dhaxay 1991-di iyo 2007-di saamiga gabdhaha iyo wiilasha dugisyada hoose wuxuu kasoo kacay 0.84% ilaa uu gaaray 0.96%. dugsiyada sare gabdhuhu way kaga bateen wiilasha. Hase yeeshee marki la eego waxa ay barteen caruurtu walwal iyo niyad jab ayaa ku taabanayo. Sababta iskoollada loo aadayay maahayn in fasallada un la camiro ama lagu faano intaas oo caruur ah ayaa noo diiwaan gashan. Waxa loo ordayay, qarashkana loo bixinayay waxay ahayd in la dhiso aqoonta dhalinta lana baro xirfado ay ku shaqaystaan. Xirfadahaas ayaa dalka iyo dadkaba anfici lahaa una horseedi lahaa horumar balaraan oo uu kaga gudbo caqabadaha dhaqan-dhaqaale ee haysto. Laakiin, warbixintu waxay tilmaantay inaysan caruurtu intooda badan aysan waxba baran sida ay hadda yihiin haddii aanan wax laga badalinna aysan waxba la tagayn. Qaar badan oo ka mid ah, wixii ay ku baran lahaayeen bilo kooban aysan sano ku baran. Tusaale, caruurta dhigato fasalka sadexaad ee waddamada Kenya, Tansaaniya iyo Yugaandha oo ah kuwa aan innagu hiigsanayno caruurteenana u dhoofinno si ay waxbarsho tayo leh uga helaan, ayaa qiimayn lagu sameeyay. Waxaa la waydiiyay inay akhriyaan jumlo fudud sida “Eygayga magaciisu waa Baabi”. Sadex-afraad ¾ ardaydi la su’aalay, waa kicin waayeen waana fahmi waayeen macnaha ay samaynayso. Ogow caruurtaan markaas ugu yaraan sadex gu’ ayay iskool dhiganayeen. Waalidkood waxaa ooga baxay ugu yaraan qarashla buugta iyo direyska uu iskoolka ku aado, waxaa uuna ka sugayaa inuu waxa uu soo barto cidda oo dhan gaajada kaga saaro. Sidoo kale, caaruurta yaryar ee ku nool tuulooyinka Hindiya ayaa iyaguna la qiimeeyay. Sidoo kale sadex-afraad ayaa ku guul-daraysatay inay ka shaqeeyaan kala jarid labo god ah sida 46-17, kala barow-bar kuwaa dhigto fasalka shanaadna intaas waa ka shaqayn waayeen. Baraasiil oo ah waddan dhaqaalihisu aad u kobcay sanadihii danbe kuna biiray waddamada ku jiro dabqadda dhexe ayaa isaguna fajac lagu arkay. Qiimaynti lagu sameeyay ardaydiisa waxay tustay in is badal wanaagsan uu jiro xagga xirfadaha caruurtu iskoolka ku bartaan marki loo eego siduu ahaan jiray laakiin in heerka aqoonta xisaabta caruurta baraasiil ay soo gaarto midda kuwa ku nool waddamada hodanka ah waxay qaadanaysaa 75 sano, xagga akriskana waxay qaadan doontaa 260 sano. Taasi waxay ka dhigantahay in aqoon ahaan Baraasiil ka danbayso Maraykanka iyo Jabbaan 260 sano. Tolow immisa ayay dalkeenna ku qaadan? (Akhrisku ahmiyad gooni ah ayuu leeyahay sidaas darteed waxaan isku dayi inaan si gooni ah u eego sababta keentay kala fogaanshahaan balaaran hadduu Eebe idmo). Waddamada Saambiya iyo Mawali, 89% caruurta dhigato fasalka labaad waa kicin waayeen hal weedh. Macnaha inaysan waligood iskool dhigan ayay la mid noqdeen. Qiyaas guud, 125 milyan oo canug ayaan waxba kala tagin iskoollada ay dhiganayeen afar sano. Dhibtu intaas oo kaliya maahan. Marki la eego farqiga u dhexeeyo dadka saboolka ah iyo kuwa hodanka ah ee waddan ku wada nool ayaa iyana waxaa soo muuqday argagax kale. Caruurta dhigato fasalka lixaad ee ku nool Yuruukwaay (Laatiin Ameerika) waxay shan jeer kaga hooseeyaan aqoonta xisaabta kuwa la ayniga ah ee kasoo jeedo reero hodan ah. Waddamada aan soo xusnay dhibku gooni kuma ah. Waxaa jiro tobannaan milyan oo canug oo ku nool dhamaan qaaradaha adduunka oo aan iskoolada kala tagin xirkad horumar u hoggaamiso. Waxay dhammeeyaan dugsiyada sare iyagoon fahmi karin warqadda dhaqtarku u qoro, aan xisaabsan karin baaqiga ooga soo noqdo wax ay iibsadeen ama aan turjuman karin ballan-qaadyada ku qoran waraaqaha siyaasiyiinta xildoonka ah ay faafiyaan iskaba daa inay bartaan xirfad barto hal-abuur iyo isbadal nololeed oo dhab ah. Xogtaan waxay waxaa laga aruuray kuwa yeeshay nasiib ay ku tagaan iskool. Wali waxaa dunida ku nool 260 milyan oo canug oo aan dhigan wax iskool ah. Badanka caruurtaan waxay ku nool yihiin waddamada ay dagaaladu ka socdaan sida keenna, Suuriya iyo Koonfurta Suudaan. Warbixintaan waxay hurdada ka kicinaysaa waalidiinta u haysto in caruurta wax loo baro, maamulayaasha iskoollada ee u haysto inaan lugooyadooda laga war qabin, madaxda dowladaha meel eber ah kor ka daawanayo iyo deeq bixiyayaasha lacagta ku qubo meel aysan waxba kasoo socon. Taasi macnaheedu maahan iskoollada albaabada ha loo laabo. Ujeedku waa isbadal ha la sameeyo, ha la hagaajiyo nidaamyada waxbarashada hana la sameeyo nimaad sugan oo lagu qiyaaso heerka waxbarasho ee dalka. Muhiimadda uu qodobkaan (Qiimayn) leeyahay ayaan, hadduu Eebe idmo, qormada xigto kaga hadli doonaa. Ibrahim Aden Shire Kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/ Ishire86@gmail.com
  20. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa oo ay taariikhdu tahay 07 Nov 2017 DFS ku wareejiyey gurmadka dawladda Puntland iyo shacabkeeduba ugu talagaleen walaalahooda Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobey qaraxii Soobe ee Magaalada Muqdisho 14 October 2017, deeqdaasi lacageed ayaa dhammayd ku dhowaad Nus Malyuun Dollar [ Afar Boqol Sagaashan iyo Kow Kun, Boqol iyo Todoba Dollar $491, 107 Dollar ]. Munaasibadda xafladda wareejinta gurmadka Puntland ee qarixii Soobe oo ka dhacday xarunta dawladda hoose ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qayb galay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane. Xasan Cali Khayre, Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hir-shabeelle, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha DFS iyo kuwa dawladdaha xubnaha ka ah dawladda DFS, Guddiga Gurmadd ka heer qaran, guddiga gurmadka dawladda Puntland ee dhacdadii Soobe, culimo, waxgarad, siyaasiyin, masuuliyiin kale iyo qaar kamida shacabka magaalada Muqdisho. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay xafladdaasi ayaa sheegay in gurmadkani dawladda Puntland iyo shacabkeeduba ay ugu deqeen walaalhooda ku waxyeeloobey qaraxii Soobe uu ahaa mid ku waajiba, waxaana uu tilmaamay Madaxweynuhu in arinkaasi uu farayo damiirka walaalnimo iyo midka islaanimo in laysu gurmado. “Wixii waajib ka ahaa weeye waxa dadka Puntland ay sameeyeen, maxaa waajib ka dhigay? waxaa waajib ka dhigay sadexda xayndaab ee inagu xeeran oo aynu wax isugu nahay, xayndaabka koowaad waa kan bini aadantinimada, bini aadanku meelkastuu joogo waxa ka dhexeeyaa xidhiidh, taas weeye sababta ciidamada AMISOM ay ugu dhimanayaan Soomaaliya, tan labaad waxaa inaga dhexeeya tii islanimada, dadka Islaamka ahi meelay joogaanba walaalo weeye, tan ugu danbaysaa waxa weeye tan ugu mihiimsan oo ah Soomaalinimada” ayuu yiri Madaxweynaha dawaldda Puntland. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa hoosta ka xariiqay in markii ay dhacday dhacdadii foosha xumayd ee 14 October 2017 lagu xasuuqay shacabka Soomaaliyeed ay fikirkiisa wax ka bedeshay, taas oo ay sababtay buu yiri Madaxweynuhu ummadda Soomaaliyeed meel kastay joogaanba qiirada qashay iyo wanaagga Soomaalinimo ee ka muuqatey caruur, dhalinyaro iyo cirooleba, waxaana uu Su’aaley siyaasiyiinta Soomaaliyeed ” war shacabku waa saxan yihiin ee armay inaga wax inaga qaldan yihiin haddaan siyaasiyiin nahay?, isla markaana Madaxweynaha ayaa xusay in shacabku direen fariin Soomaalinimo loona baahan yahay inay qaataan fariintaasi Madaxda Soomaaliyeed ee iminka Soomaaliya ka arrimisa. Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa dhankiisa shacabka reer Puntland uga mahadnaqay darenka walaatinimo ee ay ugu soo gurmadeen walaalahooda Soomaaliyeed ee ku wax yeeloobey qaraxii Soobe kaas oo cadawga Soomaaliyeed ay ku xasuuqeen shacabkeenna, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale cadeeyey in wada jirka shacabka Soomaaliyeed uu dhabar jab ku yahay cadawgooda, taasna ay tusaale u tahay hiilka maanta Puntland iyo shacabkeedu walaalahooda reer Muqdisho ay ugu soo gurmadeen, Ra’iisul Wasaare Khayre oo kahadlaya laba dhacdo oo cajiiba ayaa xusay in inanta da’da yar ee reer Puntland ee ku deeqaday buskudka ay markaas maal aduunyo gacanta ku haysey iyo laba inan oo reer Muqisho ah oo iyana si lamida ku deeqay lacag wixii ay markaas haysteen ay ka turjumayaan sida qof kasta oo Soomaali ahi ugu diyaarsan yahay inuu cadawgiisa iska dhiciyo. Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed, Galmudug, Hir-shabeelle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa dhankooda mahad balaadhan ugu celiyey Puntland iyo shacabkeedaba qurmadkani dhan Nus Maluunka ay ugu deeqeen walaalahooda dhibaatadu kasoo gaadhay qaraxii Soobe, waxaana ay tilmaameen inay dhankooda diyaar garaw xoogan ugu jiraan sidii ay dhibaatadaasi gacan xoogle uga geysan lahaayeen. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey midnimo, wadajir, nabad, xasilooni iyo horumar ay ku waraan, waxaana uu Madaxweynuhu deeqdii lacageed ee dhamayd Nus Malyuunka [$491, 107 Dollar ] ku wareejiyey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo guddiga heer qaran ee masiibadii qaraxii Soobe 14 October 2017. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Puntland oo DFS Ku Wareejiyey Gurmadka Puntland Ay Ugu Deeqday Dadkii Ku Wax-yeeloobey Qaraxii Soobe. appeared first on Puntland Post.
  21. Polls suggest a close race for the presidency, but there’s more at stake than just the result in Somaliland’s 13 November election. On 13 November, Somaliland will embark on its third presidential elections since it unilaterally declared independence in 1991. With the incumbent set to step down, voters at 1,600 polling stations across the autonomous region of Somalia will choose a new president. Despite not being a recognised independent state, Somaliland is considered to be one of East Africa’s best-functioning and most stable democracies. The election, part funded by the European Union and UK, will be overseen by international observers and may be the first in the world to employ iris-based biometric voter registration. Somaliland also has a relatively mature political culture. This was exemplified on 30th September when outgoing President Ahmed Mohamed Mohamoud “Silanyo” issued a decree banning government officials from utilising state resources for election campaigning and ordering state media to give fair and equal coverage to all contesting parties. Another example of Somaliland’s political maturity was seen on 19th October when the three presidential candidates engaged in a town hall-style debate. The event, which was live-streamed from the capital Hargeisa, allowed the media and public to scrutinise each of the nominees’ policies. This state of affairs contrasts sharply with Somalia’s recent elections, which concluded this February. That fraught process faced repeated delays amidst political infighting and insecurity; relied on abundant international funding and support to take place; and involved a highly limited franchise in which just 14,025 people selected the president. Next week, Somaliland will be hoping to show the region how things can be done. “All international eyes are on Somaliland’s election,” says Laura Hammond, Reader of Development Studies at SOAS University of London and long-time analyst of Somaliland affairs. “If it comes off smoothly…then Somaliland will (not for the first time, it must be said) have demonstrated its political maturity and ability to pull off what the Mogadishu-based government of Somalia can still only dream of: a direct election by the people. “The fact that the result is too close to call is already in many ways a sign of healthy democracy in action.” High stakes Somaliland’s election comes at a critical moment for the autonomous region. While the government continues to demand recognition as an independent state, the international community has recently been exerting pressure on Somaliland to join Somalia’s federal state-building exercise. However, Somaliland has so far dismissed these calls and may have been strengthened in its position this year thanks to a $442 million deal with DP World. The UAE-based company agreed to modernise Berbera port in conjunction with Somaliland and its land-locked neighbour, Ethiopia. This development could generate hundreds of millions of dollars in customs revenue for the Somaliland government, making it even more self-sufficient. Somaliland also struck an even more controversial deal with UAE this February. In the face of toothless objections from Mogadishu, the UAE gained permission to build a military base and airport in Berbera. This increased investment and international attention for Somaliland means that there is all the more to play for in the upcoming poll. “The stakes are much higher this election, and the rewards could be even greater to the eventual winner,” says Sharmarke Jama, a former trade and economic adviser to the Somaliland government. The contenders Somaliland’s constitution allows presidents to serve two terms. But President Silanyo, a British-educated economist, has decided to step down after just one. This has left the field wide open, and three candidates are now vying to replace him. The man in waiting The ruling Kulmiye (“solidarity”) party’s standard bearer is Musa Bihi. A former military man, Bihi was an air force commander in the Somali National Army and leader of the military wing of the Somali National Movement (SNM), the main rebel group in Northern Somalia set up to overthrow dictator Siad Barre in 1991. Bihi co-founded Kulmiye with Silanyo in the early-2000s. Many speculate that the two made a pact ahead of the 2010 elections that Bihi, and his influential Habar Awal clan, would support Silanyo’s bid for office. In return, it is believed that Silanyo agreed to step down after one term to make way for Bihi. Kulmiye can boast certain achievements while in office, including a marked increase in foreign direct investment and a degree of reconciliation with Somaliland’s volatile eastern regions. However, it also faces many criticisms. Some argue that the government has been complacent over the economy, allowing inflation and unemployment to rise. Kulmiye has also been blamed for an increase in rent-seeking and cronyism, with critics pointing to a fire sale of state-owned land in Berbera at below market prices to political supporters. The challenger for change The main challenger to Bihi and Kulmiye is Abdirahman Mohamed Abdullahi “Irro” of the Waddani (“national”) party. Irro was the Speaker of Somaliland’s House of Representatives from 2005 to 2017, only stepping down recently to avoid a conflict of interest. Waddani positions itself as the change party and, although it gives little away in terms of specific policy proposals, it has proven attractive to voters frustrated with the government. However, the opposition party has also faced much criticism, particularly over its alleged links to the Federal Government of Somalia in Mogadishu. Much of Waddani’s senior leadership is made up of former Mogadishu-based ministers. Meanwhile, it is noteworthy that Irro is the only candidate to suggest cancelling the lucrative military and port deals with the UAE if elected. Like Taiwan, party politics in Somaliland are dominated by the pursuit of international recognition and any ambivalence to this mission is seen as treacherous by the wider public. The outsider The third candidate hoping to be Somaliland’s president is Faysal Ali Warabe of the Justice and Welfare Party (UCID). Nicknamed “Hyena” due to his eccentric and larger than life nature, Warabe has contested every election since 2003. He is yet to prevail despite the fact that UCID is the only party with a genuine political identity. UCID is a socialist party dedicated to combating inequality and has gained plaudits, particularly among the youth, for not activating clan bases or engaging tribal elders to drum up support. In contrast to his competitors, Warabe has chosen to put policy over clan interests in his campaign, which has focussed on getting out the youth vote, including through a specially-created app. It is for these reasons that Warabe and UCID may be the wildcard of the election. Forcing the world to take notice 2017, however, is probably too soon for UCID’s kind of campaigning to be successful. Indeed, unofficial polls predict a close race between Bihi and Irro, both of whom have effectively courted support among their clan power bases and sought the backing of elders who hold sway in Somaliland’s different regions. This suggests that the vote on 13th November could well go down to the wire. But there is more at stake than just the result. If Somaliland can hold credible, peaceful elections for a third time, the international community will be forced to sit up and take notice. When compared to the ongoing election fiasco in Kenya and the non-election which took place in Somalia – not to mention the situation in the likes of Ethiopia, Eritrea and the two Sudans – Somaliland can use this poll to further leverage its position as a democratic outpost in an ever-volatile neighbourhood. BY BASHIR ALI
  22. Minneapolis (Caasimada Online) – Waaxda Caddaalada Mareykanka ayaa dooneysa in muwaadannimada lagala noqdo afar qof oo ah Soomaali Mareykan degan gobolka Minnesota ah, kuwaasi oo lagu eedeeyey inay si been abuur ah ku heleen Visa-ha ay kusoo galeen dalka. Sida ka muuqata dacwad ka dhan ah oo laga diiwan geliyey magaalada Washington DC, Fowsiya Cabdi Aadan, Axmed Maxamed Warsame, Mustafa Cabdi Aadan iyo Faysal Jaamac Mire, ayaa iska dhigay inay hal qoys yihiin si usoo galaan Mareykanka,una helaan Visa-ha. Fowsiya oo 51 jir ah ayaa sanadii 2001 waxau sheegtay in Axmed Maxamed Warsame oo 54 jir ah uu ninkeeda yahay, islamarkaana Mustaf iyo Faysal oo kala ah 33 iyo 31 jir ay yihiin caruurtooda. Fowsiya iyo Axmed ayaa durba markii ay Mareykanka soo galeen sheegay inay is-fureen, islamarkaana Axmed ayaa magaca iska beddelay. Bayaan uu soo saaray, ayuu xeer ilaaliyaha qaranka Mareykanka Jeff Session waxa uu ku sheegay in barnaamijka socdaalka Mareykanka ay “ku xadgudbaan dad qiyaano badan oo jilayaal ah”. Wareysi uu baari ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka kula yeeshay magaalada St. Cloud ee gobolka Minnesota, ayaa Axmed Maxamed Warsame, wuxuu ku qirtay inuu adeegsaday magac been ah iyo guur been abuur ah oo uu la galay Fowsiya. Soomaali badan oo ka mid ah kuwa Mareykanka, ayaa walaac ay ku abuurtay arrintan, waxaana jira tuhun ku saabsan inay jiraan kiisas badan oo noocan oo kale ah. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
  23. GAROWE—Puntland Parliament called on its provincial government to do its utmost to prevent Somaliland’s intentions to hold free and fair elections in Sool, Sanaag and Ayn regions. The parliament made the decision at a session held on Tuesday which the parliament said the government must prevent Somaliland’s violation and incursion of its territorial integrity. Puntland’s parliamentary speaker, Hon. Ahmed Ali Hashi presiding over the 4oth session whereby 36 MP’s have voted in favor of an action must be taken to halt SL’s plans to bring ballot boxes and conduct elections. The MP’s have called on its government must do what is necessary to halt SL plans. The parliament reached the following points:- Puntland provincial government must prevent from Somaliland holding the so called elections in Sool, Sanaag and Ayn regions. There will not be elections that will be held in Sool, Sanaag and Ayn regions where the duty to maintain security in the border rests on the shoulders of Puntland authority. The government must do the constitutional right to defend the country and to prevent Somaliland’s violation in her territory as stipulated in article 7 of Puntland constitution. Puntland authority must release a communique on Somaliland’s border violations and warn the int’l community to support it. Presidential election campaign is smoothly taking place in Sool, Sanaag and Ayn and planned that residents will vote on the 13th November elections. There is border stand-off between Somaliland and Puntland over Sool, Sanaag and Ayn regions. The armed forces clashed on numerous occasions.
  24. Wararka laga helayo Degmada Xaafuun ee Gobolka Karkaar ayaa sheegaya inay halkaas shalay gaareen ku dhawaad 10 qof oo ah ajaaniib u dhashay dalal shisheeye, kuwaas oo wararku sheegayaan inay maalin ka hor safar dhulka ah kaga soo talaabeen xadka ay wadaagaan Somaliland iyo Puntland. Ma jirto xog tilmaamaysa dalka ay u dhasheen, wallow warar madax banaan sheegayaan inay kasoo jeedaan dalka South Africa,mana jirto faahfaahin rasmiya oo laga hayo ujeedada uu ku qotomo socdaalka ay ku tageen deegaano ka tirsan xeebta Badweynta Hindiya. Qaar ka mid ah dadka deegaanka Xaafuun ayaa u xaqiijiyey Warbaahinta PUNTLAND POST saacado yar ka dib inay dib usoo laabteen,islamarkaana ay caawa ku hooydeen magaalaada Garowe. Dhinaca kale wararka la isla dhexmarayo ayaa intaas ku daraya inay ka dambeysay soo laabashadooda amar uu bixiyay Madaxweyne kuxigeenka Ahna kusimaha Madaxweynaha Puntland ka dib markii la gaarsiiyey masuuliyiinta Amnigu inaysan u warhayn soo galitaankooda gudaha Puntland,marka laga reebo saraakiil hoosaad ka tirsan Madaxtooyadda iyo Xubno kale oo ku wehliyay socdaalkii ay Ajaaniibtani ku tageen Degmada Xaafuun. XAAFUUN. PUNTLAND POST The post Ajaaniib kasoo talaabay Somaliland oo tagey Degmada Xaafuun appeared first on Puntland Post.