Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    199,939
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nairobi(Caasimada Online)-Madaxweynaha la doortay ee dalka Kenya Uhurro Kenyatta ayaa mar kale si adag uga hadlay kacdoonada ay maleegayaan mucaaradka dowladiisa oo uu ugu horeeyo Raila Odinga. Madaxweyne Kenyatta ayaa sheegay inuusan u dulqaadan doonin in Raila Odinga uu sabab u noqdo burbur ku dhaca Kenya, waxa uuna cod dheer ku sheegay inuu qaadi doono talaabo cad. Kenyatta ayaa tilmaamay in Raila Odinga uu ka guuleystay muddo laba jeer, wixii intaa ka badana uusan u dulqaadan doonin inuu ku raali galiyo doorasho Seddexaad, sida uu hadalka u dhigay. ”Waxaan diyaar u nahay inaan qaadno talaabo lid ku ah mucaaradka, waayo waxaa naga dhamaaday dulqaadka waa inaan la imaanaa talaabo cad oo dhabar jabin karta mucaaradka burburka u horseedaya dalka” Kenyatta ayaa ku goodiyay in talaabooyinka uu qaadi doono ay qeyb ka noqon doonto dacwad heer caalami ah, maadaama Raila Odinga iyo xulafadiisa ay sabab u noqdeen burburka deegaano dhowr ah iyo geerida dhalinyaro badan. ”Raila Odinga waxaan ku sifeynayaa danbiyo xasuuq waayo waxa uu horseeday inuu sabab u noqday geerida dadbadan oo shacab ah, mana u dulqaadan doono xasuuq shacab” ayuu yiri Kenyatta oo ay xiganayeen Wargeysyada Kenya. Geesta kale, Kenyatta ayaa soo dhaweeyay haddii ay jiraan dhinacyo ka madaxbanaan Mucaaradka oo dhex dhexaad u noqon kara labada dhinac. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa jirey nin geel tuug ahaa oo xirfadiisa tuuganimo ee geella ay ahayd mid aad u sareysay. Farsamooyinkiisa tuuganimo waxaa Ka mid ahaa in uu geella yaraan ku suntado. Maalin ayuu la kulmey geel irmaan ah oo meel kayn ah daaqayo. Hal dhashey oo nirig wadato ayuu nirigtii naas danbeedka midigge feex u yeellay, wixii markaa Ka danbeeyeyna dusha ayuu ka ilaashan jirey. Dhowr guyood ka dib ayuu geelli oo cabaya nirigtii ul ku dhufsadey. Baadi nimaan lahayn ayey ag joogtaa iyo war u kaadi ayaa la isdhaafsadey. Anaa leh iyo malihid Ka dibna dacwo iyo geed loo balamo ayey noqotey. Wadaad iyo guurti ayaa la wada balanshey. Dood yar Kadibna, geel tuugi ayaa yiri nirigta Ina Darmaan ah calaamad ayey ii leedahay. Tilmaamo ayey guurtidi ku jawaabtey. Dabadeedna naaski uu feexda ku ogaa ayuu sheegtey. Balse, mulkiilihi oo aan dareen qabin ayaa yiri waxaa si waa waxba kama jiraan. Hala soo eego ayaa xigtey. Calaamadi marki la xaqiijiyeyna waxaa loo xukumey Tuuggii. Tuugi ayaa mudo Ka dib gaboobey. Waxaa uu la dardaarmey sadex wiil oo uu dhaley. Waxa uu uga sheekeeyey xoolaha uu haysto tabti uu ku tabcay. Wuxuuna ku adkeeyey xaaraan baa xun in aysan cidna Ka dhageysan ee wixii dagan aysan u deymo la aan. Dardaarankii Ka dibna waa uu go-ay (Geeriyooday) Maydkii oo karfantiisi ku jiro iyo Ratigii oo Kabadiisi saarantahay ayaa looga tagey, qabriga oo Degmada ka yara fogna lagula balamey. Owrkii markii maydkii la saarey ayuu buubey. Wixii ay cayrsadaanba waa ay soo qaban waayeen. Talo ayaa ragii ku cadaatey, waxayna goosteen in ay xal la yimaadaan. Qabrigii iyo Mayd la’aan isma qabaneysee waala tashadey. Iyada oo la is horfadhiya ayaana la kala showrey. Sadexdooda mid ayaa bah gooni ahaa. Labadi isku bahda ahayd ayaa isu qabatey oo dhagta dhiiga udartey. Inta ay soo dhaqeen, karfanna dhag ku siiyeen ayey owr kale ku soo hogaansadeen. Qabrigii marki ay yimaadeen maydkiina qilbadda loo jeediyey, ayaa waxaa soo fadhiistey owrkii maydka odeyga wadey oo ay Maantadii hore ka quusteen. Hadii la feydeyba waa odeygii ay qabriga u qodeen. Su’aal kadibna waxa ay u sheegeen sida ay wax u jiraan. In ay walaalkood dilleen si ay aabahood ugu ceeb qarshaan. Ka dibna iyagii ayaa loo showrey. Beeshii waxa ay go’aamisey in la isla duugo. Owrka maydka la buubey ee gadaal ka keenay waxaa uu kasoo jeedaa firkii Ina Darmaan. Biyo dhaca Sheekadaan waa in wax xaaraan ah aysan laheyn aayo iyo mustaqbal aad u weyn, Xildhibaanada kasoo horjeedo dowladda iyo raadraaca qaabka ay ku imaadeen: Dowladda cusub ee Soomaaliya u dhalatay ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cadaadis aad u weyn kala kulmeyso dhawr xildhibaan oo markii horeaba si xaaraan ah ugu soo baxay booskaas oo lamid ah Farkii ina Darmaan. Halkaan hoose ka akhriso Xildhibaanada kaso horjeedo dowladda Farmaajo iyo sida ay usoo baxeyn, iyo weliba Siyaasiyiin kale oo iyagana falal lagu hayo: 1) Mahad salaad: Xildhibaan Mahad Salaad, wuxuu Xildhibaanimada Soomaaliya ku helay baad iyo musuq maasuq marnaba loogama fadhiyo in natiijo fiican laga helo xildhibaanimada Mahad Salaad, Sababtoo ah Hal booli ahi Nirig xalaal ah ma dhasho. 2) Abshir Bukhaari: Booska Xildhibaanimo ee Abshir Bukhaari wuxuu ahaa booskii ugu musuq maasuqa badnaa, wuxuuna Abshir booskaas ku bixiyey kuna helay lacag gaareyso Hal Malyan oo Dollar, waana sababta keentay inuu Abshir Bukhaari ka ganacsado booskaas. 3) Axmed Macalin Fiqi: Wuxuu booska Xildhibaanimada ku helay Musuq maasuq aad u weyn, isagoo ergo been abuur ah oo loo sameeyey ay doorteen 28 November 2016 weliba xilli aysan meesha joogin dadkii la tartamayey. 4) Xasan Macalin: Isna wuxuu kamid ahaa Xildhibaanada sida musuq maasuqa lagu soo doortay, isna loogama fadhiyo inuu ka shaqeeyo danta Soomaalida, maadaama uu markii horeba lacag ku imaaday ujeedkiisana ay tahay sidii uu lacag ku tabcan lahaa. 5) Saabir Nuur Shuuriye: Xildhibaan Saabir Nuur, wuxuu kamid ahaa Xildhibaanadii booskooda iibsaday isla markaasna doorashada la keenay ergo lasoo musuq maasuqay, waxaana xusid mudan in dadkii la tartamayey loo sheegtay awood dowladeed iyo mid lacageed!. 6) Cabdiraxmaan Odawa: Waa Aabaha Musuq maasuqii dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud, gaar ahaan waqtigii la dooranayey Xildhibaanada dowladda hadda ku matalo Maamul Goboleedyada, waxaana si gaar ah in la xuso mudan inuu ahaa ninkii sida musuq maasuqa ah kusoo saaray Mahad Salaad, Axmed Macalin Fiqi, Saabir, Xasan Macalin iyo Xildhibaano badan oo kamid ah kuwa Maamul Goboleedyada, marka nin dad kale musuq maasuq uga dhigay Xildhibaan maahan inaad is waydiiso sababta uu isaga Xildhibaan u noqday, aan kuugu sii daro Hashii ina Odawaa natiijadeeda horeba waa laga tusay sababtoo ah Xildhibaanadi uu isaga lacagta ka dhiibay ayaa Xasan Sheekh meesha ka saaray, waxaana macquul ah in Hasha Ina Odawaa ay la duusho meydkiisa! Sidoo kale waxaa xildhibaanadaas hormuud u ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qandaraas ka heysto dowldda Imaaraadka Carabta, waxaana isna kaaga filan inuu yahay ninkii iibsaday Badda Soomaaliya!!!. Caasimada Online Xafiiska Washington Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Federaalka ay il gaara ku eegeyso Heshiisyada ay kala saxiixdaan maamul Goboleedyada ka jira dalka. Kheyre ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga dhabeeyo Heshiis waliba oo dhexmara dowlada Dhexe iyo maamul Goboleedyada si aanu u dhicin ka weecasho lagu sameeyo Heshiisyada. Waxa uu tibaaxay Kheyre inaan loo dulqaadan doonin in laga weecdo heshiis ay dowlada la gasho maamulada waxa uuna carab dhabay in fashilada ugu badan ee heystay dowladihii hore ay qeyb ka tahay ka weecashada Heshiisyada dhacay. ”Waxaan ballanqaadayaa ka dhabeynta Heshiisyada dhaca, ma dhici doonto inaan galno Heshiis aan laga dhabeyn” ”Maamulada loogama aamusi doono Heshiisyada ay la galaan dowlada Dhexe, cidii ka baxdaa Heshiiska waa mid iyada khuseysa oo aan kula xisaabtami doono, waayo waxaa naga go’an sameynta nidaam kala danbeyn leh” Waxa uu farta ku goday in maamulada ay horay uga baxeen Heshiisyo dhowr ah oo ay la galeen dowladihii ka horeeyay, balse tani ay caqabad ku noqon doonto maamulada, waa haddii ay ka baxaan. Sidoo kale, Kheyre ayaa dadka shacabka ah ugu baaqay inay ka hor imaadan haddii ay arkaan talaabooyin wax u dhibikara Qaranimadooda, maadaama ay Somalia ka daashay burbur iyo sharci darro. Haddalka Kheyre ayaa kusoo beegmaaya xili uu jiro kala aragti duwanaanshi u dhexeysa dowlada Federaalka iyo maamul Goboleedyada ka jira dalka oo heshiis hordhac ah kala saxiixday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Kulan Wadatashi ah oo looga hadlayay iskaashiga, mideynta iyo horumarinta warbaahinta dalka, ayaa Madaxda Wasaaradaha Warfaafinta ee Dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bahda Warbaahinta ah wuxuu uga furmay 31kii Oktoober 2017 Hoteelka Jaziira ee magalada Muqdisho. Kullanka, ayaa socday muddo shan maalmood ah 31dii Oktoober ilaa 04tii November, 2017. Shirkan, waxaa si habsami leh u furay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow). Sidoo kale Waxaa ka soo qaybgalay Wasiiru Dowlaha Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dhaqanka ee Puntland Mudane Abdifatah Nur Ashkir, Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta & Tiknolojiyada Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Cabdinur Cali Adan, Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta Bulshada ee Koofur-Galbeed Mudane Xasan Cabdi Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Hannuuninta, Dhaqanka & Dalxiiska ee GalMudug Maxamuud Aadan Cusmaan (Masagawaa), Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska HirShabelle, Mahad Xassan Cusmaan, Agaasimaha Warbaahinta G/Banaadir Abdifatah Arizona, Guddiga Saxaafada iyo Isgaarsiinta Golaha Shacabka Soomaaliya, iyo Guddoomiyaha Guddiga Saxaafada Aqalka Sare Senator Muna Hassan. Waxaa kaloo shirka ka qeybgalay Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Mudane, Dr.Axmed Cali Daahir , iyo Bahda Warbaahinta qeybaheeda kala duwan, sida NUSOJ, SWJ, SOMA, SIMHA, iyo kuwa kale. Kulanka 5ta cisho socday, ayaa looga dooday qodobada ay ka mid yihiin: 1- Xoojinta Iskaashiga Qaybaha Kala Duwan Ee warbaahinta dalka kadib Masiibadi 14 iyo 28ka Oktoobar, 2- Mideynta Hawlaha Iyo Fariimaha Warbaahinta Dowliga ah ee Soomaaliya. 3- Dib u eegista Xeerka Saxaafadda, iyadoo Guddiga Golaha Shacabka warbixin laga dheagaystay. 4- Doodda Wadatashiga xasilinta dalka ee Doorka dowladaha bulshada, saxaafadda gaarka loo leeyahay. 5- Istaraatiijiyadda Wacyigalinta iyo Istaraatiijiyadda Horumarinta Warbaahinta Dalka Waxaa lagu heshiiyay qoddobadan soo socda: 1- Ka qeybgalayaashu, waxay u mahad celiyeen Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka iyo Wasaaradaha Warfaafinta Dawladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, sida wanaagsan ee ay u soo abaabushay shirkan muhiimka ah. 2- Ka qeybgalayaashu, waxay soo dhoweeyeen una mahadceliyeen madaxda iyo suxuufiyiinta warbaahinta ee doorkooda ku aadan wadatashiga iyo soo gudbinta fikradahooda la xiriira qodobada looga dooday shirka. Sidoo kale waxaa lagu ammaanay warbaahinta doorkii ay ka qaateen gurmadka dadkii waxyeeladu ka soo gaartay Masiibadii Qaran ee 14kii iyo 28kii Oktoober 2017 kuna dhiirigeliyey inay joogteeyaan. 3- Ka qeybgalayaashu, waxay isla qiimeeyeen baaxadda ay Lahayd musiibadii 14 iyo 28kii Oktoober iyo 28kii Oktoober ka dhacday magaalada Muqdisho iyo sidii gacan looga gaysan lahaa sii wadidda taakuleynta dadkii dhibaatadu saamaysay loogana midoobi lahaa masiibooyinka qaranka. 4-Ka qeybgalayaashu, waxay soo jeediyeen Wasaaradda Warfaafinta Federaalka iyo Wasaaradaha Warfaafinta Dawladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, in ay ka wada tashtaan si cadaalad ku salaysanna u qeybsadaan dhammaan mashaariicda warbaahinta ee hay’adaha caalamku ay ugu yaboohaan dalka. 5- Ka qeybgalayaashu, waxay xuseen in Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah dowladda dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku midoobaan dhaqangelinta Wacyigelinta Bulshada sida Abaaraha, Amniga, la dagaalanka Musuqmaasuqa, Dib-uheshiinta, Dowlad-wanaagga, La dagaalanka Jahliga iyo Fikirka xagjirka ah. Waxaana la isla gartay in si mideysan, oo xilkasnimo leh looga wada howlgalo diyaarinta Qorshaha iyo Istraatejiyadda Wacyigelinta. 6- Ka qeybgalayaashu, waxay isla qaateen in warbaahinta dowliga ay gudbiso farriimo mideysan, oo u adeegaya danaha Qaranka Soomaaliyeed, ayna xoogga saarto ka hortagga fikirka xagjirka ah, isla markaana la helo xarun dhexe oo soo saarta barnaamijyo si rasmi ah ugu wajahan ka hortagga fikirkaas, kadibna laga baahiyo qeybaha kala duwan ee warbaahinta qaranka heer federaal iyo heer dowlad goboleed. 7- Ka qeybgalayaashu, waxay isla garteen baahida loo qabo in la dhameystiro istaraatiijiyada Warbaahinta Qaranka si loo dhaqangeliyo. 8- Ka qeybgalayaashu, waxay isla garteen in la dhiso guddi farsamo, oo ka kooban dhamaan dhinacyada, oo ka shaqeyn doona dhamaystirka istaraatiijiyadda wacyigalinta iyo in uu kormeer joogto ah ku sameeyo guddigaasi ka wada shaqeynta arrimaha soo kordha. 9- Ka qeybgalayaashu, waxay ammaan iyo mahadcelin u jeediyeen dawladaha iyo hay’adaha taageera warbaahinta Soomaaliyeed, waxayna ugu baaqeen in ay sii xoojiyaan taageeradooda xilligan warbaahinta Soomaaliyeed gelayso marxaladda cusub, ayna si buuxda ula shaqeeyaan. 10- Ka qeybgalayaashu, waxay soo dhoweeyeen abuurista xafiiska Istaraatiijiyadda Warbaahinta dalka, iyadoo ay dhinac ka ahaan doonaan xafiisyadaas Wasaaradaha Warfaafinta ee Dowlad Goboleedyada, waxayna soo jeediyeen in si deg deg ah loo howlgaliyo xafiiskaas, oo mas’uul ka ahaan doona mideynta iyo hagista fariimaha warbaahinta dalka. 11- Ka qeybgalayaashu, waxay isla qaateen in saxaafada aan loo adeegsan dhinaca xun ee loo adeegsado dhinaca wanaagsan, lagana fogaado hadalada iyo wararka been abuurka ah. 12- Ka Qeybgalayaashu waxey u mahadceliyay Guddiga Saxaafadda ee Golaha Shacabka sida ay wadatashiyo ula sameeyeen bahda saxaafadda iyo wasiirada dowlad goboleeyda, Waxayna ugu baaqeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare in ay si hufan u meemariyaan sharciga saxaafadda, si loo dhaqangaliyo. 13- Ka qeybgalayaashu, waxay tilmaameen ahmiyadda dhamaystirka xeerka saxaafadda, waxayna ku baaqeen in tallooyinka Dowladaha xubnaha ka ah DFS lagu soo daraa ka dibna marka la isku raaco ay Guddiga Saxaafada ee Baarlamaanka Soomaaliya horgeeyaan G/Shacabka si loo ansixiyo. 14- Ka Qeybgalayaashu waxey u mahadceliyay Guddiga Saxaafadda ee Golaha Shacabka sida ay wadatashiyo ula sameeyeen bahda saxaafadda iyo wasiirada dowlad goboleeyda, Waxayna ugu baaqeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare in ay si hufan u meemariyaan sharciga saxaafadda, si loo dhaqangaliyo. 15- Ka qeybgalayaashu, waxay ku heshiiyeen in shirkan la joogteeyo, laguna qabto Dhamaan xarumaha Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, xilliyo kala duwan, iyadoo kan ugu horeeya la isku raacay in uu ka dhaco magaalada Garowe ee caasimadda Puntland. 16- Ka qeybgalayaashu, waxay isla garteen in Warbaahinta Dowladda ahmiyad siiso wadashaqeyntooda, iyagoo heshiisyo wadashaqeyn kala saxiixday, islana gartay in la sii xoojiyo wadashaqeynta iyo xiriirkooda. 17- Ka qeybgalayaashu, waxey ka qeybgaleen xaflada lagu xusayo maalinta isla xisaabtanka falalka dambiyada ah si loo sharciga loo horgeeyo dadka dambiilayaasha ah (Impunity Day), iyagoo ka codsaday hay’adaha amniga iyo garsoorka inay dabagal ku sameeyaan sidii sharciga loo horkeeni lahaa dhammaan danbiilayaasha ku xad-gudbay wariyeyaasha Soomaaliyeed. Waxeyna dawlada ka codsadeen inay abuurto jawi xasiloon oo amni iyo nabadeyn ka jirto si wariyeyaasha ay howlahooda u gutaan si daacad ah. 18- Ka Qeybgalayaashu, waxay isku raaceen in Bahda Warbaahinta iyagoo la tashanaya wasaaradaha warfaafinta heer Federaal iyo Dawladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya in guddi farsamo loo saaro oo soo diyaariya Anshaxa weriyeyaasha (code of ethics) sida uu farayo Xeerka Saxaafada. MAHADSANIDIIN Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Dawladda Federaalka Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow). Wasiiru Dowlaha Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dhaqanka ee Puntland. Mudane, Abdifatah Nur Ashkir. Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta & Technologiyada ee Jubbaland Mudane Cabdinur Cali Adan. Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta Bulshada ee Koofur-Galbeed Mudane Xasan Cabdi Maxamed. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Hannuuninta, Dhaqanka & Dalxiiska ee GalMudug Maxamuud Aadan Cusmaan (Masagawaa). Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee HirShabeelle, Mudane, Mahad Xassan Cusmaan. FAAFINTA PUNTLAND POST The post War murtiyeedka Shirka Wadatashiga Warbaahinta Heer Federaal, Dowlad Goboleedyada iyo Bahda Warbaahinta appeared first on Puntland Post.
  5. Eleven princes were arrested in Saudi Arabia on Saturday following the formation of an anti-corruption committee by King Salman bin Abdulaziz Al-Saud, Saudi-backed broadcaster Al-Arabiya reported. Three ministers were removed from their positions: Economy and Planning Minister Adel bin Mohammed Faqih, National Guard Minister Prince Miteb bin Abdullah bin Abdulaziz and Naval Forces Commander Admiral Abdullah bin Sultan bin Mohammed Al-Sultan, said Saudi TV, the government’s official broadcaster. King Salman ordered the new anti-corruption campaign as part of an “active reform agenda aimed at tackling a persistent problem that has hindered development efforts in the Kingdom in recent decades,” a press release from the Saudi Ministry of Communications said. The royal decree said the committee was needed “due to the propensity of some people for abuse, putting their personal interest above public interest, and stealing public funds” and will “trace and combat corruption at all levels,” according to the release. The committee, headed by Crown Prince Mohammed bin Salman, has the authority to investigate, arrest, issue travel bans and freeze the assets of those it finds corrupt. The three ousted ministers were replaced, with Prince Khalid bin Abdulaziz bin Mohammed bin Ayyaf Al Muqren becoming National Guard minister, Mohammed bin Mazyad Al-Tuwaijri becoming the Economy and Planning Minister, and Vice Admiral Fahd bin Abdullah Al-Ghifaili taking on the role of Naval Forces Commander. Source: CNN
  6. Social media giants YouTube and Facebook are removing hundreds of pages documenting war crimes on their platforms, The Intercept reported on Thursday. Mentioning YouTube’s new artificial intelligence system designed to identify terror propaganda videos published by groups such as Daesh, the website said that the Google-owned video sharing platform has shut down pages of 900 groups and individuals documenting the war crimes perpetrated by Daesh, Al Nusra and other terrorist groups, also the Assad regime. The AI also shut down Bellingcat, a well-known U.K.-based watchdog devoted to analyzing images coming out of conflict zones including Syria, Ukraine, and Libya, Asher-Schapiro said. “YouTube also took down content from the group AirWars, which tracks the toll of U.S. airstrikes in Iraq and Syria,” he added. The report also touched upon the shutdown of pages documenting the oppression Rohingya Muslims are going through. “Meanwhile, in September, Facebook began removing photos and images documenting ethnic cleansing and torture of the Rohingya ethnic minority at the hands of the Myanmar government,” The Intercept reporter Asher-Schapiro stated in the piece. “Facebook would not answer specific questions about war crimes evidence. A spokesperson, who would not agree to sit for an interview or be named, said Facebook tried to be flexible and allow violent content to live on its platform when that content had some social or documentary value,” the report added. “YouTube defended the way it deals with war crimes evidence and its relationship with the human rights groups who collect that evidence,” Asher-Schapiro said. “We are committed to ensuring human rights activists and citizen journalists have a voice on YouTube and are proud of how our service has been used to expose what is happening across the globe,” Juniper Downs, YouTube’s director of public policy, was quoted as commenting on the matter. Reminding that Sweden has already prosecuted Syrian regime using evidence from both Facebook and YouTube, Asher-Schapiro added that there are 30 ongoing war crimes investigations in Swedish and German courts connected to crimes committed in Syria and Iraq. Asher-Schapiro also stated that YouTube is more open to collaboration than Facebook, quoting human rights activists. The author also mentioned an “egregious” incident, quoting Eliot Higgins, founder of Bellingcat. According to Higgins, 80 percent of the firsthand reports of Syrian regime’s chemical attack on the civilian population of Damascus were erased from Facebook. Facebook declined to answer a question about Higgins’s claim, Asher-Schapiro added. Source: – Daily Sabah
  7. Howlgalka Midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya ayaa sheegay in u diyaar garoobayaan sidii Ciidamadda Xoogga dalka Soomaliyeed ay ugu wareejin lahaayeen guud ahaan amaanka dalka. Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Madeira oo ka qeyb galay kulan ay isugu yimaadeen madaxda dowladda Soomaliya iyo Howlgalka AMISOM ayuu ku xaqiijiyay qorshahaas. “Dib u habeynta ciidamadeena ee saldhigyadooda sida dhaqdhaqaaqa ay ciidamada Milatariga Ethiopia sameeyeen ee lagu arkay iyagoo ka soo gudbaya xadka Soomaaliya , waxaa uu yahay u diyaargarowga sidii ciidamada qaranka Soomaaliya loogu wareejin lahaa mas’uuliyada ammaanka dalka Soomaaliya.”ayuu yiri Francisco Caetano Madeira Sidoo kale Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Madeira ayaa sheegay in howlgalada dhawaan ay qaadi doonaan Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed iyo kuwa AMISOM aysan waxba u dhimi doonin xasiloonida iyo Ammaanka dalka Soomaaliya. Sidoo kale Wakiilka ayaa ugu baaqay ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed in ay qaataan tababaradda loogu talagalay si ay ula wareegaan guud ahaan amaanka dalka Soomaliya. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa qaraar tirsigiisu yahay 2372(2017) waxa uu ku baaqay in si tartiib tartiib ah ay ciidamada Midowga Afrika AMISOM ugu baxaan wadanka Soomaaliya kadib marka tababaro sare loogu qaadayo xirfada ciidamada qaranka Soomaaliya la siiyo. PUNTLAND POST The post AMISOM” Amaanka Dalka Waxaan ku Wareejineeynaa Ciidamada Soomaalida ah” appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa shirka weli Muqdisho uga socda Madaxda Qaranka iyo Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada ka jira dalka. Sida ay sheegayaan wararka laga helaayo Madaxtooyada Somalia shirka ayaa weli la isku mari la’ yahay kadib markii labada dhinac ay ka biya diidan yihiin qodobada horyaal qaarkood. Qodobada la isku mari la’ yahay ayaa waxaa diidan Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada waxaana la xaqiijiyay in qodobadaasi ay kamid yihiin burburin lagu sameynaayo Gole dhawaan ay ku sameysteen shirkii ka dhacay magaalada Kismaayo. Shirkaan ayaa ah mid dhaafay waqtigii loogu tala galay in lasoo gabagabeeyo, waxaana qodobada la iskumari la’yahay sidoo kale ka mid ah Arrimaha dib u eegista dastuurka, habka awood qaybsiga khayraadka dalka iyo wada shaqeynta dowladda Dhexe iyo maamulada. Sidoo kale, ismari waaga ayaa ka dhashay qodob la sheegay inuu yahay in Hogaamiyayaasha laga qeyb galiyo go’aamada muhiimka ah ee Arrimaha dibadda. Dowlada Dhexe ayaa dooneysa in dhammaan waxyaabaha khuseeya awoodaha in iyada looga danbeeyo, maadaama awooda ugu sareysa dalka iyo go’aan ka gaarista arrimaha qaar ay iyada leedahay. Geesta kale, waxaa suuragal ah in maanta oo Axad ah lasoo afjaro shirka, inkastoo aanu jirin heshiis weli laga gaaray shirka weli socda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Dhexe ay caqabad ku tahay xasiloonida ka taagan deegaanada hoostaga Galmudug iyo Koonfur Galbeed. Hogaamiye Shariif, ayaa shirka ka socda magaalada Muqdisho ka sheegay in kacdoonada ka socda magaalooyinka Baydhabo iyo Cadaado ay ka danbeyso dowlada Somalia. Shariif ayaa sheegay in Dowlada Dhexe ay sii iftiimisay khilaafka kala dhexeeya Xildhibaanada maamulkiisa, waxa uuna ka digay in laga shaqeeyo burbur ku imaada maamulkiisa. Waxa uu shirka ka sheegay inay jiraan cadeymo muujineysa in dowlada Dhexe ay ku lug leedahay xiisad Siyaasadeedka ka taagan Baydhabo iyo Cadaado, sida uu hadalka u dhigay. Shariif Xasan waxa uu cod dheer ku sheegay inaanu laheyn adkeysi u suuragalinaaya inuu sii wado shirka inta Xukuumadda arrimahaas faraha kula jirto, waxaana natiijo kasta oo shirka ka soo baxda ay ku xireyn in Xukuumadda ay marka hore soo afjarto xiisadahaas. Xildhibaanada Mooshinka kawada Shariif Xasan ayaa la sheegay in dhawaan laga diray magaalada Muqdisho, kuwaa oo iminka kor u dhaafay 90 Xildhibaan, waxa ayna taa qalqal iyo shakiba ku abuurtay Hogaamiye Shariif Xasan iyo Xaaf. Dhinaca kale, Hogaamiyayaasha ayaa kasiman in marka hore ay Dowlada Dhexe soo afjarto xiisada ka taagan magaalooyinka Baydhabo iyo Cadaado. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidanka Militeriga Somalia ayaa saacadihii la soo dhaafay maleeshiyaadka Al-Shabaab kala wareegay deegaano ku yaala Gobalada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose kadib dhaqdhaqaaq dagaal oo ay halkaa ka bilaaween. Generaal C/llaahi Cali Caanood oo ah abaanduulaha Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in ay Ciidamada Dowladda qabsadeen ilaa 5 Tuulo oo ay Al-Shabaab ku sugnaayeen Isla markaana ay fariisin cusub ka sameestay, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu sheegay Caanood in ciidamada ay hadda si buuxa u heystaan Basra Daniga Baalow iyo tuulooyin kale oo muhiim ah una dhaxeeya Labada Gobal. Waxa uu cadeeyay in ciidamada Militeriga ay horay usii dhaqaaqi doonaan isla markaana kuwo kale ay uga tagi doonaan deegaanada ay hadda qabsadeen. Sidoo kale, Abaanduulaha ayaa sheegay ciidamada Xoogga dalka Somaliya inay sii wadi doonaan hawlgalka ka dhanka ah Ururka Al Shabaab, si looga saaro Shabaab deeganada ay joogaan. Ciidamada Xoogga dalka Somaliya oo isku diyaarinaya qaadista hawlgal ka dhan ah Ururka Al Shabaab, ayaa marka hore doonaya inay xaqiijiyaan wadada isku xirta Shabellaha dhexe iyo Shabellaha hoose inay tahay mid amnigeeda la isku haleyn karo. Dhinaca kale, abaabulka ugu xoogan ee dowlada Federaalka ayaa ka socda Degmada Afgooye waxaana halkaa ku diyaarsan ciidamo kor u dhaafaya 3,000. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Roobab aad u xoogan oo mahiigaan ah ayaa xalay ilaa iyo saakay ka da’aya Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya. Roobabkaan ayaa biloowday xalay saqdii dhexe abaarihii 2:00 Habeenimo xili dadku ay hurdayeen waxaana uu socdaa ilaa iyo saaka. Roobabkaan ayaa ah kuwo Mahiigaan ah oo si xiriir ah magaalada uga da’aya ayaa sidoo kale roobabku waxa uu gaaray duleedka magaalada Muqdisho. Roobabkaan ayaa sababay in uu xirmo isku socodka gaadiidka iyo meelaha qaar dadweynaha ee Magaalada Muqdisho. Wadooyinka iyo laamiyada waaweeyn ee Muqdisho ayaa waxaa fadhiistay biyaha xareeda Roobabka kuwaasi oo aanay gaadiidka iyo dadkaba isticmaali karin. Sidoo kale roobabkaan ayaa waxaa saameeynta ugu badan uu ku yeeshay dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan Muqdisho kuwaasi oo aan heeysan hooy ay kaga gambadaan dhaxdanta iyo Qaboowga Roobka. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Roobab Ma Hiigaan ah oo Xalay ilaa iyo Saakay ka da’aya Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  12. Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in xalay ay xabsiga dhigtay bilyineerka caanka ah ee Amir Alwaleed bin Talaal, ugu yaraan 10 amiir oo kale, afar wasiir, iyo tobaneeyo wasiiro hore. Xarigan ayaa waxaa looga dhawaaqay taleefishinka Sacuudiga ay leeyihiin ee Alcarabiya. Xariga Amiir Alwaleed oo ka mid ah ragga ugu taajirsan dunida ayaa mowjado naxdin ah u diri doona suuqyada saamiyada dunida oo uu saamiyo badan ku leeyahay. Alwaleed oo maamul shirkadda Kingdom Holding, islamarkaana ku jira liiska dadka ugu taajirsan dunida, ayaa waxa uu saamiyo ku leeyahay shirkado ay ka mid yihiin News Corp, Time Warner, Citigroup, Twitter, Apple, Motorola iyo kuwa kale oo dunida caan ka ah. Xariga amiirada ayaa yimid saacado un kadib markii dowladda Sacuudiga ay ku dhawaaqday guddi cusub oo qaabilsan la dagaalanka musuq-maasuqa, hase yeeshee xarigan ayaa loo arkaa mid lagu xoojinayo awoodda dhaxal-sugaha dalkaas Maxamed Bin Salmaan. Ragga siyaasadda boqortooyada taxliilaya ayaa aaminsan inay suurta-gal tahay in dhowaan uu la wareegi rabo xilka boqorka aabihiisa, sidaas darteedna uu xabsiga sii dhigayo shaqsiyaadka ka horiman kara. Wararka ka imanaya magaalada Riyadh ayaa sheegaya in hotelka Ritz Carlton ee magaalada caasimadda la baneeyey sabtidii, si xabsi loogu dhigo amiirada iyo wasiirada lasoo xiray. Waxaa sidoo kale la xiray dhammaan garoomadii diyaaradaha ee gaarka loo lahaa, taasi oo muujineysa inay suurta-gal tahay in dad kale lasoo xiri doono. Caasimada Online Xafiiska Jeddah Caasimada@live.com
  13. MUqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska DAILY SABAH ee ka soo baxa dalka Turkiga ayaa qoray Warbixin dheer oo uu kaga hadlayo Furitaanka Saldhigga cusub ee Turkiga ka furteen magaalladda Muqdisho, Istaraatijiyadda ay leedahay iyo waxa u sabab ah Dhaleeceynta loo jeedinayo Saldhigaasi. Wargeyska oo Warbixintiisa Hal-ku-dheg looga dhigay (Waa Maxay Ahmiyadda Saldhigga Milliteri ee Turkiga ku leeyihiin gudaha Somalia”) waxa hordhac ahaan loogu muujiyey in Saldhigga Milliteriga Turkiga ka furtay caasimadda Somalia ee Muqdisho loo adeegsanayo Akadeemiyad Milliteri, iyadoo ay 200 Askar Turkish ah u joogaan halkaasi sidii ay u dhisi lahaayeen Ciiddan Somalia oo waxtar leh. Wargeyska Daily Sabah waxa uu sii qoray inay Turkiga walaac xooggan ka qabtay Somalia tan iyo Dagaalkii 1988 ka qarxay Somalia iyo Faragelintii Maraykanka ee ay Hawlgalka Milliteri ku soo galeen Somalia bilowgii sannadihii 1990-aadkii. Wargeyska waxa uu ku sheegay Sababtii Istaraatijiyadda ee ka dambeysay Faragelintii Maraykanka ee Somalia, iyadoo ay Dowladda Maraykanka doonaynin inay Kooxaha Xag-jirka qabsadaan Talada dalka Somalia oo ku taalla mid ka mid ah goobaha ugu mashquulka badan ee Diyaaradaha iyo Maraakiibta maraan. Wargeyska SABAH DAILY waxa kale oo uu qoray inuu Milliteriga Mraaykanka ku guuleysanin inuu Somalia ka dhigo dal Deggan, ilaa ay sannadkii 1994-kii oo laga soo daad-gureeyey gudaha Somalia. Wargeyska waxa kale oo soo hadal qaaday Hawlgalka ay Milliteriga Mareykanka ka wadaan Somalia iyo Dib-u-furista Safaaradii Maraykanka ee sanadkii 2014-kii laga furay Muqdisho. Wargeyska waxa uu xusay in Tan iyo xilligaasi inay Maraykanka kala shaqeynayeen Dowladda Somalia La-dagaalanka Alshabaab Wargeyska waxa kale oo faahfaahin ka bixiyey inay Turkiga doonayaan inay isku tijaabiyaan inay Somalia ka sameeyaan haatan Hawlgal Xaqiijinta inay Turkiga yihiin Isbahaysi Maraykan. Wargeyska DAILY SABAH waxa uu Qormadiisa si cad ugu muujiyey inay Dowladda Turkiga ka caawin doonto Somalia sidii loo dhisi lahaa Ciiddan Qaran oo awoodi u leh Dagaalka Alshabaab. Si kastaba ha ahaatee, Wargeyska waxa uu bidhaamiyey inay Turkiga ka shaqeynayaan Geeska Afrika iyagoo Xiriir buuxa kala leh Maraykanka iyo ibshaysiga NATO, lagana feejigan yahay Damaca Iiraan iyo Iiraan ee Istaraatijiyadda dalKa Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa Iclaamiyay dagaal ka dhan ah dhinacyada ka soo horjeeda Xasiloonida ka jirta deegaanada maamulka. Cabdi Cali Xersi ”Qarjab”, Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku qaadayaan dhinacyada kala ah Somlailand, Al-shabaab iyo Daacish, oo la sheegay inay caqabad ku yihiin xasiloonida ka jirta Puntland. Wasiirka ayaa sheegay in dagaalkaasi uu ka bilaaban doono iyadoo iskaashi lala sameynaayo shacabka Puntland, si meel looga soo wada jeesto dhinacyadaasi. Waxa uu tilmaamay in maamulka Somaliland uu kusoo xadgudbay deegaano dhowr ah oo maamul ahaan hoosyimaada Puntland, isla markaana horay uga bixiyeen digniino culus oo la gaarsiiyay madaxda maamulka balse aanu helin wax jawaab ah. ”Somaliland waxaan kula dagaalami doonaa xadgudubka ay kusoo sameysay deegaanadeena, waxa ay keeneen sanduuqyo cod bixin oo sharci darro ah, maadaama dadka codka laga doonaayo ay yihiin Puntland waan kasoo horjeednaa in ciidamada Somaliland ay nabad ku joogan dhulkaas” Wasiir Cabdi Cali Xersi ”Qarjab”, waxa uu sidoo kale sheegay in dagaalka labada Jiho ee kale uu yahay mid ay ku qaadayaan maleeshiyaadka Al-shabaab iyo Daacishta Somalia oo ku sugan deegaano ka tirsan Gobolka Bari. Qarjab waxa uu sheegay iyadoo la adeegsanaayo diyaarado dagaal iyo qaab dhulka ah labadaba in la fulin doono dagaalkaan si natiijo looga gaaro. Ciidamadii qaadi lahaa Dagaalka ayuu sheegay inay yihiin diyaar isla markaana uu socdo abaabul dagaal oo ka dhan ah dhinacyadaasi. Sidoo kale, Daacish iyo Shabaab ayaa Saldhigyo waxa ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobolka Bari ee Puntland, halkaasi oo ay ka qaadaan weerarada qorsheysan. Geesta kale, Puntland ayaa horay ugu fashilantay weeraro ay ku qaaday Saldhigyada Shabaab iyo Daacish ee ku yaalla Gobolka Bari. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan kasoo xiganay Sarkaal ka tirsan Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre, waxaa socda qorsho isku shaandheyn loogu sameynaayo Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia. Sarkaalkan ayaa sheegay in sababta loo magacaabi la’ yahay Wasiirka Difaaca Somalia, ay qeyb ka tahay isku shaandheyn la sheegay in lagu sameynaayo gabi ahaan Golaha si meesha looga saaro tabashooyin ay qabaan qaar kamid ah beelaha. Beelaha qaar ayaa qaba dhaliil ay ka muujinayaan Wasaaradaha ay ka heleen Xukuumada, kuwaa oo sabab u noqday in la diyaariyo isku shaandheyn, maadaama ay sii kordhayaan dhaliilaha ay u jeedinayaan dowlada. Wasaaradaha leysku mari la’ yahay ayaa waxaa kamid ah Wasaarada Arrimaha Gudaha, Dibadda iyo Difaaca, waxaana arrintaani sii adkeynaaya Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada oo qeyb ka ah la-tashiyada la doonaayo in lagu soo xulo Xukuumada, waana tan keentay in dib u dhacyo farabadan uu ku imaado shirka Dowlada Dhexe iyo Maamul Goboleedyada. Wasaarada Difaaca ayaa la sheegay inay isku hayaan maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo inta badan isku bedela Wasaaradaasi. Qorshaha isku shaandheynta ayaa qeyb ka ah Heshiis uu Ra’isul wasaare Kheyre la galay Xildhibaanada baarlamaanka Somalia oo iyagu dhawaan ka keenay Mooshin xil ka qaadis ah, waxa uuna heshiisku ahaa in leysku shaandheeyo Golaha, si Xildhibaanada qaar ay u helaan kuraasta Xukuumada. Sidoo kale, isku shaandheynta ayaa waxaa aad looga hadal hayaa inta badan magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarumaha dowlada, inkastoo aan la ogeyn maalmaha ay qaadan doonto. Dhinaca kale, waxaa jira Wasiiro dhowr ah oo aan kasoo dhalaalin shaqooyinka loo igmaday kuwaa oo ay suuragal tahay inay galaafato seefta Kheyre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Madaxweynaah dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftiga uu hogaaminayo ee Muqdisho ku sugan ayaa caawa 04 Nov 2017 kulan casho sharaf ah layeeshay Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad [ Oomaar ]. Kulanka casho sharafta ah ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa aqoon yahay Maxamed Cabdi Gandhi,waxaana ay casho sharaf kadib weftiga Madaxweynaha iyo Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya yeesheen kulan ay kaga wadda hadleen arrimo la xidhiidh muhiimmadda ay leeyihiin dhismaha Garoomada Soomaaliya, maamulka hawada Soomaaliya, iyo koboca dhismayaasha ay dawladda Puntland ka samaysay dhismayaasha garoomada diyaaradaha. Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sheegay in dhismaha garoomada diyaaraduhu ay wax weyn Soomaaliya kusoo kordhinayaan dhaqaale ahaan, horumar ahaan, iyo sahlidda adeegyada deg degga ah ee shacabku u baahan yihiin hadday gargaar tahay iyo haday adeeg caafimaad tahayba. Sidoo kale Madaxweynaha Gaas ayaa cadeeyey in gacan ku haynta hawada Soomaaliya tahay wax qabad muhiimaddiisa leh, maadaama ay Soomaaliya muddo badan gacanteeda ka maqnayd maamulka hawadeedu, haatana ay si xor ah u maamulayso, taasi oo uu sheegay Madaxweynuhu inay tahay talaabo wanagsan oo hore loo qaatay. Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad [ Oomaar ] ayaa xaqiijiyey in dawladda Puntland horumar lixaadle ka gaadhay dhismayaasha garoomada diyaaradaha madaama ay sadex sanadood guddohood ku hirgashatay sadex garoon oo caalmi ah [three International Airport], waxaana uu wasiirku xusay in taasi tahay horumar wanaagsan oo ay Puntland hormuud ugu tahay guud ahaanba Soomaaliya, isagoona Madaxweynaha dawladda Puntland ku amaanay dedaalka dheeriga ah ee uu ku bixiyey dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Puntland ee ay ugu horeeyaan garoomadaasi iyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xusay in dhismaha garoomada diyaaraduhu ay kow ka yihiin illaha dhaqaale ee dalka, isla markaana ay ka qayb qaadanayaan wax kasta oo horumar ah ee Soomaaliya u baahan yahay, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dawladda Puntland diyar u tahay wax kasta oo wanaag ah inay dalkeeda Soomaaliya ka taageerto khibrad ahaan iyo waayo aragnimo ahaanba. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo Yeeshay Kulan Casho Sharaf ah. appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Somalia ee Turkiga Jama Abdullahi Mohamed ayaa ka hadlay qorshaha laga damacsan yahay dhismaha Saldhiga Turkiga ee duleedka magaalada Muqdisho. Safiirka oo wareysi gaara siinaayay Wargeyska Daily Sabah, ayaa sheegay in dhismaha Saldhiga millateri ee turkiga uu bilow wanaagsan u yahay horumarka ay ku talaabeyso Somalia. Safiir Jama Abdullahi Mohamed, waxa uu sheegay in Saldhigan uu ka qeyb qaadan doono dhismaha ciidamada Qaranka Somalia iyo kawarqabkooda, waxa uuna tibaaxay in dowlada Turkiga ay dib usoo nooleysay mooraalka Somalia, sanado badan kadib. Safiirka ayaa intaa ku daray in waqtigaan uu muhiim u yahay geedi socodka Dowladnimada ayna ku faraxsan yihiin Xaruntan Militery ee turkidu ku leedahay Somalia. Waxa uu tilmaamay in furnaanshiyaha Saldhiga uu ku imaaday iskaashiga labada dhinac oo ah ilaa iyo hadda ah mid ku socda si dardar leh, waxaana uu tusaale usoo qaatay in Turkiga uu ahaa dalkii ugu horeeyay ee taageero u fidiyay Soomaalida markii uu dhacay Qaraxii 14 bisha October ka dhacay Muqdisho. Waxa uu tusaale usoo qaatay in Turkiga uu yahay keliya dalka u bareeray in Somalia uu ka garab siiyo dhinacyada Militeriga, Tababarka iyo Dagaalka. Saldhiga ayuu sheegay inuu sii xoojinaayo xiriirka labada dal, waxa uuna cod dheer ku sheegay inaanu dhici doonin is hortaag lagu sameeyo howlgalka ka socda Saldhiga Sidoo kale, Saldhiga Turkiga ee duleedka Muqdisho ayaa waxaa hadda ka socda tababar ciidan oo lagu soo saaraayo ciidamo gaara oo ay hana doonto dowlada Somalia, kuwaa oo ka dhameystiran dhan waliba. Geesta kale, Saldhiga Turkiga uu ka furay Muqdisho waxaa lagu tiriyaa Xaruntii ugu weyned ee uu ka dhiso meel ka baxsan dalkiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Iyadoo ay dalka ka jiro dhibaato dhinaco dhaqaalaha ah ayaa waxaa hadana dhinaca kale jira musuq-maasuq baahsan oo ka taagan qaar kamid ah Wasaaradaha Xukuumadda Soomaaliya. Wasaaradda Maaliyadda oo la rabay iney noqoto hormuudka dawlad wanaagga iyo hufnaanta ayaa laga sheegayaa iney lugaha kula jirto wax is dabamarin baahday. Musuqa lagu eedeynayo Wasaaradda waxaa kamid ah ku takrifal hantida qaranka iyo in shaqsiyaad gaar ah ay si qaldan u isticmaalaan hantida dawladda, qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda oo la hadalnay ayaa sheegaya in Wasiir C/rixmaan Ducaale Bayle uu wado qeybo badan oo kamid ah musuqa la sheegayo. Xogo ay heshay Caasimadda Online ayaa muujinaya qarashaad ku baxay meelo aan loogu talagalin iyo in dhaqaalihii dadka ka dhexeeyey loo adeegsanayo dano gaar ah, xili ay dawladdu ka cabanayso dhaqaalo la’aan. Qaar kamid ah dadka wasiirku u qoray lacagaha xad dhaafka ah iyo meelaha ay ka kala shaqeeyaan hoos ka akhri Magaca Wasaarada Musharkiisa Shaqaalah Rayidka ah Lacagta uu ka qaato Wasaarada Maaliyada Dubad Nuur Arimaha Dibada 700 $ $ 4,000 Liibaan Arimaha Dibada 700 $ $ 3,000 Muntazia $ 3,000 Rowdo $ 3,000 Diraac Fagaase Xafiiska Raysal Wasaaraha 700 $ $ 2,000 Cabdalla Boos Arimaha Dibada 400 $ $ 1,000 Mowliid Arimaha dibada 400 $ $ 700 Xasan Cade Arimaha Dabada 400 $ $ 500 Iyo qaar kale oo aan magacayadooda aan haynin Wasaarada maaliyadda ayaa miisaaniyada ay gooni u leedahay tahay 600,000 $sanadkii, taas oo loogu tala galay gunooyinka ciidanka ilaalalada wasaaradda, qalab xafiiseedka, sahayda safarka dhamaan wasiirada iyo madaxda wasaaradda, dhamaan howlahaas waa in lagu maareeyo miisaaniyada wasaaradda mudo sanad ah waana $ 600,000 Wasiir Bayle kaliya ayaa isticmaalay lacag gaaraysa $ 542,704 dollar mudo 6 bilood ah, lacagta badankeeda ayaa ku baxday safaro, guryo kiradooda iyo qalabayntooda, gawaari uu gatay iyo kuwo uu dad u iibshay, gunooyin xaad dhaafa ah oo u qoray shaqaale mushahar qaata. Waxaa laga yaabaa in dad badani is weydiiyaan see suurtagal ku tahay in lacag intaas le’eg la isticamaalo oo ka baxsan misaaniyadawasaaradda. Xaggee ayuu haddaba lacagtaan ka isticmaalay wasiirku? Waxaa jira xisaab furan oo la yiraahdo (Contingency) ama xalinta waxyaalaha deg degga uga dhaca dalka, sida masiiboyinka, abaaraha, qaraxyada iyo dhibka ay gaystaan, taakulaynta dadka jilicsan iyo munaasabadaha qaran, waxaa lacagtaas ka dhaxaysaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaa awood u leh in laga saaro accountiga ay ku jirto Reysal Wasaaraha iyo Wasiirka Maaliyadda, lacagta $ 542,704 ah oo uu isticmaalay wasiir Bayle kaligiis mudadaas yar waxaa laga soo saaray qaybta Contingency, waana khiyaano qaran in la isticmaalo lacag u dhaxaysa shacabka Soomaaliyeed. Cadayn in lacagta intaas le eg ay ku baxday Wasiir Bayle Lacagta ka baxaysa wasaarada waxay martaa Waaxda Miisaaniyada, Hanti dhowrka, xisaabiyaha guud, xooghayaha joogtada ah, iyo ugu danbayn Bangiga dhexe, waxaa xaqiiqa ah cid walba oo isku dayda inay baaritaan ku samayso in ay si fududu u heli karto cadaynta lacagta intaas le eg. Dawladan dhalatay 8 Feebraury waxaa hal hayskeedu ahaa la dagaalanka musuq maasuqa iyo isla xisaabtanka, runtiina dadaal dhankaas ku aadan waa sameeyeen, lakiin waa in jawaab u helaan musuq maasuq intaan le eg oo uu ku dhaqaaqay wasiir Bayle oo marka uu hadalayo ku cel celiya wadaniyad, waxaa shacabka Soomaaliyeed idinka sugayaan inaad jawaab ka siisaan arinkaan, haddii kale dalkaani waa mashruuc sida uu ku heesay wasiir Bayle ee qof walba mashruuciisa ha fushado. Qaar kamid ah dadka falan qeeya dhaqaalaha ayaa ugu baaqay Wasiirka Maaliyadda inuu cadeeyo dhaqaalahan faraha badan ee uu isticmaalay, si shacabka Soomaaliyeed u ogaadaan in dowladdu ay wado isla xisaabtankii loo baahnaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. (WIDHWIDH.COM) Boqolaal kamid ah Ciidaanka Maamulka khaatumo Ayaa ka Degay Jiidaha Gobolka Sool oo Mudo Laba casho ah Jabhada SNM Ku Soo Daabulasay Maleeshiyaad Loogu Talo Galay Inay Ilaalshan Doorashada SNM. Taliyaha ciidanka Nugaasha Ee Maamulka khaatumo Mujaahid Faysal falalug ayaa Hogaaminaaya Gulufka Coladeed ee Looga Sifaynaayo Doorasho ku Sheega Jabhada SNM. Ciidanka Khaatumo ayaa Isku Fidiyay Bariga Waqooyiga iyo Galbeedka Gobolka Sool. Dhinaca kale Maleeshiyaadka SNM Ayaa Iyana wada dhaqdhaqaaq La xidhiidha Ciidamada khaatumo. Shacabka Deeganada ayaa Walaac xoog leh Ka Qaba Gulufka colaadeed ee Soo Wajahay Kaaso udhexeeya ciidanka Xaq Udirirka khaatumo iyo Camaasiirta Dhul Boobka ah ee SNM. widhwidh.com
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa horeyna usoo noqday Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daaha gadaashiisa kaso baxay kadib muddoo badan oo uu qarinayey mucaaradnimadiisa. Cabdiraxmaan Odawaa iyo qaar ka tirsan xisbigii Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo badan is qarinayey iyadoo markaan si toos ah usoo cadeystay inay mucaarad ku yihiin dowladda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Cabdiraxmaan Odawaa oo ah nin aqoonyahan ah isla markaasna looga fadhiyey inuu ka shaqeeyo sidii Soomaaliya looga bixin lahaa xaaladda adag oo ay hadda ku jirto ayaa ka shaqeenayo sidii loo dumin lahaa dowladda dhexe isla markaasna uu wadanka u geli lahaa xaalad foodo iyo jahwareer. Xaaladdii Hore ee Odawaa iyo Kooxda Qabyo: Xisbigii xilka lagala wareegay ee Qabyo ayaa bilowgii hore ee Dowladda Farmaajo ku heshiiyey inay mucaaradaan dowladda isla markaasna ay faafiyaan warar liddi ku ah dowladda isla markaasna mar kasta lala daba taagnaado Cambaareyn iyo shirar aan kala joogsi laheyn. Xisbigaas oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii hore daaha gadaashiisa isku qarinayey si aysan bulshada Soomaaliyeed u fahmin, waxaa markii hore Xisbigaan Wakiil u ahaa Xildhibaan Mahad Salaad oo isaga dharka usoo dhigtay sidii qaab kasta oo la heli karo meesha looga saari lahaa dowladda Farmaajo wadankana loo gelin lahaa jawi aan daganeyn iyo foodo cusub oo horey looga soo gudbay maadaama dowladda Soomaaliya ay ku dhisan tahay hab doorasho. Bishii ugu dambeysay waxaa banaanka usoo baxay xubno badan oo ka tirsan kooxda Qabyo kuwaas oo cadeystay ololaha halista ah ee lagu hayo dowladnimada Soomaaliya, waxayna xisbigaas isku soo abaabuleen qaab hab beeleysi ah, iyagoo diidan inay xilka sii heyso beesha hadda ku fadhiso Kursiga madaxweynimo ee Soomaaliya. Dadka hadda banaanka isisoo dhigay ayaa waxaa kamid ah Cabdiraxmaan Odawaa oo ahaa nin aan laga fileyn inuu ku dhaqaaqo waxyaabo waxaan lamid ah, wuxuuna hadda Magaalada Muqdisho ka wadaa ololihii ugu dambeeyey oo dalka lagu gelinayo foodo siyaasadeed iyo mooshino laga soo abaabulay Wadan Imaaraadka Carabta. Shirkii Muqdisho uga furmay Xildhibaanada Hawiye Shan Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa ka baxay kulan ay maanta isugu yimadeen xildhibaanadda iyo wasiirada beesha Hawiye ku matala Dowladda Federaalka ah kadib markii uu kulanka yimid duqa Muqdisho, Taabit Cabdi Maxamed. Kulanka oo ay ku dhowaad 70 Xildhibaan iyo wasiiro joogeen ragga ka baxay markii ay Taabit arkeen waa Mahad Salaad, C/raxmaan Xuseen Odawaa, C/risaaq Cumar Maxamed, Maxamed C/laahi Xasan Nuux iyo Maxamed Cabdiraxmaan Beenabeene. Waxaa kaloo lasheegay labo Xildhibaan oo laabtay markii ay Taabit maqleen oo uu ku jiro C/laahi Maxamed Nuur. “Waxaa uu ahaa dhaqan siyaasadeed liita iyo ficiltan aan fiicneyn wixii aan maanta ku arkay hotel SYL ayuu igu yiri Xildhibaan kulanka ka qeyb galay oo la hadlay Caasimadda Online. Arinta ugu yaabka badan ayaa aheyd ajandaha shirka xildhibaanadda iyo wasiiradda Hawiye inuu ahaa amniga iyo xaaladda caasimadda ee xiligaan, bal is weydii hadii Taabit shirka loo diido yey tahay cidda kale ee mudan in wax laga weydiiyo xaaladda Muqdisho. Inkastoo aaney dadka caasimada ku nool dooran qofka maamulaya hadana shaki la’aan Thaabit wuxuu helay rabitaan Bulsho oo xoogan bilihii lasoo dhaafay. Muqdisho uma dhiman doonto 5 xildhibaan oo xaajaddu ku xuntahay xiligaan, waxaase ayaan daro ah in ragga dhaqankaas maanta sameeyay iney intooda badan Wasiiro kasoo noqdeen dalka. Siyaasada waa la isku qilaafi karaa laakiin fowdo, dhaqan caruureed iyo amnigu hasii xumaado looguma sacab tumi karo xidigihii hore karo ee Damul-Jadiid ee hadda loo yaqaan Qabyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Shan Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa ka baxay kulan ay maanta isugu yimadeen xildhibaanadda iyo wasiirada beesha Hawiye ku matala Dowladda Federaalka ah kadib markii uu kulanka yimid duqa Muqdisho, Taabit Cabdi Maxamed. Kulanka oo ay ku dhowaad 70 Xildhibaan iyo wasiiro joogeen ragga ka baxay markii ay Taabit arkeen waa Mahad Salaad, C/raxmaan Xuseen Odawaa, C/risaaq Cumar Maxamed, Maxamed C/laahi Xasan Nuux iyo Maxamed Cabdiraxmaan Beenabeene. Waxaa kaloo la ii sheegay labo Xildhibaan oo laabtay markii ay Taabit maqleen oo uu ku jiro C/laahi Maxamed Nuur. “Waxaa uu ahaa dhaqan siyaasadeed liita iyo ficiltan aan fiicneyn wixii aan maanta ku arkay hotel SYL ayuu igu yiri Xildhibaan kulanka ka qeyb galay oo aan teleefoonka kula hadlay. Arinta ugu yaabka badan ayaa aheyd ajandaha shirka xildhibaanadda iyo wasiiradda Hawiye inuu ahaa amniga iyo xaaladda caasimadda ee xiligaan, bal is weydii hadii Taabit shirka loo diido yey tahay cidda kale ee mudan in wax laga weydiiyo xaaladda Muqdisho. Inkastoo aaney dadka caasimada ku nool dooran qofka maamulaya hadana shaki la’aan Thaabit wuxuu helay rabitaan Bulsho oo xoogan bilihii lasoo dhaafay. Muqdisho uma dhiman doonto 5 xildhibaan oo xaajaddu ku xuntahay xiligaan, waxaase ayaan daro ah in ragga dhaqankaas maanta sameeyay iney intooda badan Wasiiro kasoo noqdeen dalka. Siyaasada waa la isku qilaafi karaa laakiin fowdo, dhaqan caruureed iyo amnigu hasii xumaado looguma sacab tumi karo xidigihii hore karo ee Damul-Jadiid. Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay shir ay yeelanayaan Xildhibaanada laba aqal iyo Wasiirada Beesha Hawiye kaasoo looga hadlayo amniga Magaalada Muqdisho. Kulankaan ayaa ka furmay Hotelka SYL waxaana looga hadlayaa xaaladda siyaasadda dalka iyo arrimaha amniga Magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay in ka badan 50 xildhibaan oo labada aqal ka mid ha iyo Wasiiro iyadoo ujeedku yahay inaan la siyaasadeyn arrimaha amniga loona adeegsan dano gaara iyo olole shaqsiyeed. Furitaanka shirka oo ay iska xaadiriyeen wasiirada iyo xildhibaanada labada aqal ee Beesha Hawiye iyo Guddoomiyaha G/banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa la soo sheegayaa inay shirka isaga baxeen ilaa 5 xildhibaan oo ka mida kuwa ugu horeeya mucaaradnmada dowladda halka laba kalana laga celiyey inay shirkaan imaadaan. Magacyada Shakhsiyaadka Shirka ka baxay: 1) Wasiirkii hore ee Amniga Cabdirisaq Cumar Maxamed, 2) C/raxmaan Xuseen Odawaa, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha 3) Xildhibaan Maxamuud C/raxmaan Beene Beene 4) Xildhibaan Mahad Salaad 5) Wasiirka Dhallinayarada iyo Sportska Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux Sidoo kale waxaa taleefoonka loogu sheegay inaysan kasoo qeybgalin laba Mas’uul kale oo uu ka mid yahay C/laahi Maxamed Nuur Maxay Shirka Uga baxeyn? Inkastoo ay aqbaleen inay shirka tagaan ayaa haddana la sheegay in ka bixitaankooda uu ka danbeeyay markii ay ogaadeen ajendayaasha shirka iyo ka qeybgalka guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Xildhibaannada shirka isaga baxay ayaa waxaa u badan kuwii wasiiiada ka ahaa dowladii Xasan Sheekh ee hadda sida weyn ugu kacsan xukuumadda iyo madaxtooyadda Soomaaliya. Muhiimada uu shirka u leeyahay Guddoomiye Thaabit Xildhibaanada aan kor kusoo xusnay ayaa diidan inuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ka qeybgalo kulankaas, waxaana xusid mudan in wax laga hadlayo ay tahay Amniga Muqdisho, waxayna mas’uuliyadda ugu weyn ku dhaceysaa Gudoomiyaha. Haddii ay xildhibaanada ka baxay shirkaas ujeedkooda ahaa inay ka shaqeeyaan amniga Muqdisho, waxay aheyd inay ogolaadaan inuu Guddoomiyaha shirka ka qeybgalo maadaama uu yahay Guddoomiyaha iyo Duqa Muqdisho, waxaana muuqato inay leeyihiin dano gaar ah isla markaasna ay siyaasadeenayaan sugidda Amniga Muqdisho. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa wado dadaal dheeri ah oo uu ku doonayo in wax looga qabto amniga Muqdisho, waxayna aheyd inay Xildhibaanada ku caawiyaan Guddoomiyaha shaqadiisa, waxaase muuqato inaysan Xildhibaanadaan shirka ka baxay rabin wax ka qabashada Amniga Muqdisho. Shirka masii soconayaa: Sida aan xogta ku helnay Shirka waxaa ka qeybgalayo ilaa 50 mas’uul oo kasoo jeedo Beesha Hawiye, waxa ka baxayna waa 5 siyaasi oo ah mucaaradka dowladda Soomaaliya, waxaana Shabakadda Caasimadda Online loo xaqiijiyey inuu shirka sii socon doono isla markaasna aan loo istaagi doonin shantaan Mas’uul ee shirka uga baxay dano iyaga u gaar ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug gaarigiisa qarax la la beegsaday. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Gudoomiye Farxaan Cabdi Gaafaa in Gaari nooca raaxada ah ee uu lahaa oo lagu soo xirayqarax uu ku qarxay bartamaha magaalada Gaal-kacyo. Gudoomiye Farxaan Cabdi Gaafaa ayaa la xaqiijiyay in uu ka maqnaa oo aanu saarneeyn xiliga gaarigiisa uu qarxayay. Goobta qaraxa ayaa waxaa gaaray Ciidamo katirsan kuwa Amaanka Puntland kuwaasi oo howlgalo halkaasi ka wada. Faah Faahinta dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Gudoomiye ku Xigeenka Gaalkacyo oo Qarax Miino la la beegsaday gaarigiisa appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa maanta rusqaddii kala noqotay telefishanka Kalsan Tv oo ka mid ah telefishanadda af soomaaliga ku hadla ee ka hawlgala dhammaan Gobolada dalka, gaar ahaan Somaliland. Maamulka Somaliland ayaa Telefishankan ku eedeeyay inuu baahiyay warar been abuur ah, isla markaana dhawr jeer oo hore loo digay. Amarka Kalsan Tv looga mamnuucay deegaanada maamulka ayaa waxaa bixiyay Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Saxardiid Cadaani oo ku eedeeyay faafinta warar been abuur ah oo u ka soo qaaday baraha bulshadda. Nuqul kamid ah qoraalka Wasiirka ayaa waxaa kamid ahaa ”Telefishanka Kalsan tv wuxuu xadgudub ku sameeyey qaranimadda Somaliland, isla markaana baahiyey November 3-deedii/2017 war been abuur ah oo uu ka soo qaatay baraha bulshadda taas oo uu ku sumcad dilayey habsami u socodka ololaha doorashadda”.
  25. Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire has visited the UAE-funded military training centre in Mogadishu, which offers training to members of the Somali Armed Forces. Upon his arrival, the Somali Prime Minister was received by Mohammed Ahmed Al Othman, UAE Ambassador to Somalia. Khaire toured the centre’s facilities and observed the UAE team supervising the training of Somali soldiers, expressing great admiration for the advanced level of training provided. The Prime Minister – who was accompanied by several senior commanders of the armed forces – also conveyed his deep thanks and appreciation to the UAE for its outstanding role in supporting Somalia and for its continuous efforts in training and rebuilding the Somali Armed Forces. The UAE Ambassador in turn expressed his thanks and appreciation to the Somali Prime Minister for his visit and his keenness to consolidate the distinguished relations between the two countries, reaffirming the UAE’s support for the development of security and stability in Somalia. Source: WAM