Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,055
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxayaa qaraxii gaariga oo ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, waxaana gaarigaasi watay ruux ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Somaliya. Sida ay sheegayaan Saraakiisha Hay’addaha ammaanka qaraxa ayaa ka dhacay dhabarka dambe ee xarunta Imigration-ka oo ku taallo wadada Shaqaalaha. Aadan Cismaan Xuseen oo ah Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliiska degmada Hodan, ayaa xaqiijiyay in gaarigaasi uu lahaa Dhaqtar lagu Magacaabo Xaashi Dhiblaawe. Taliye ku-xigeenka waxa uu sheegay in Dhaqtarka lugtiisa midig ay Go’day isla markaana haatan lagu daweynayo Isbitaalka Daaru-Shifa ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale, Dr Xirsi Dhiblaawe ayaa la sheegay in uu ahaa Dhaqtar dhanka Cudurada Wadnaha, isla markaana uu ka howlgalayay Xarun Cafimaad oo ku taalla agagaarka Madaxtooyadii hore ee Cabdi Qaasim Salaad Xasan oo u dhaw Iskuulka Hoyga Xamar Xaruntiisa KM4. Maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxan waxa ay sheegeen inay ka dambeeyeen iyaga oo gaariga qaraxa ay ugu xireen Sarkaalkaasi ka tirsan Wasaaradda caafimaadka Somaliya ahna Dhakhtar ku takhasusay wadnaha. Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe wuxuu ahaa mid hagaagsan oo aysan ka jirin falal lidi ku ah dhanka ammaanka oo Magaalada ka dhacaayay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Maalmahan waxaan warbaahinta Soomaalida ka qariyey warar la xiriira in wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Mudane Dr Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan loo jeediyey eedeymo la xiriira shaqada wasaaradda iyo dad shaqada laga ceyriyey. Waxaan ahay xog ogaal la socda xaaladda wasaaradda, waxaana ogahaya in warbixinada la faafiyey ay yihiin kuwo ay ka dambeeyaan kooxo ujeedooyin gaar ah leh, oo ka soo horjeeda is-bedelladii lagu diirsaday ee uu ka sameeyey waaxyaha wasaaradda. Wasiirka ayaa markii la magacaabay wuxuu durba billaabay inuu is-beddel sal iyo baar ah ku sameeyo Wasaaradda Waxbarashada, taasoo ahayd shaqadii loo igmaday oo ay u xilsaartay Dowladda Soomaaliyeed. Wasaaradda Waxbarashada oo ka koobnayd 18 waaxood ayuu wasiirku ka soo reebay 10 waaxood, si loo tayeeyo maamulka waxbarashada dalka, oo aysan xadka uga bixin. Waaxyaha ayaa loo xulay dad lagu soo xulay aqoon, karti iyo hufnaan. Wasaaradda Waxbarashada ayaa iyadu haatan ah midda ugu shaqada badan wasaaradaha dowladda. Laba maalin ka hor ayay ahayd markii wasaaraddu ay dalka Suudaan u dirtay arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay imtixaan loo galay deeq waxbarasho. Hooyooyinkii ardaydaas ayaa telefishinnada laga daawaday iyagoo u duceynaya madaxda dowladda, isla markaana sheegaya inaan wasaaradda waxbarashadu aysan hal shillin ka qaadin carruurtooda. Haddaba dadka ceebeynaya Wasiirka Waxbarashada ayaa ah kuwii sida musuqmaasuqa ah ku joogay wasaaradda muddada dheer ee laga qaaday xilalkii ay isaga fadhiyeen. Mabda’a ay ku shaqeyso dowladda Nolol iyo Nabad ayaa ah in la dhiso wasaarado u shaqeeya si casri ah oo la jaanqaada caalamka. Wasiirka Waxbarashada ayaa ku mahadsan sida aqoonta iyo kartida leh ee uu uga soo dhalaalay howshiisa. W/Q: Xasan Cali Xasan Muqdisho Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  3. Waxaa Goordhow Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ka dhacay Qarax gaarigiisa loogu xiray masuul katirsan Wasaarada Caafimaadka xukuumada Soomaaliya. Masuulkaan oo magaciisa lagu soo gaabiyay Xirsi ayaa gaari uu watay xili uu marayay wadda Makka Al-Mukarama ku qarxay waxaana gaaray dhaawac culus. Dhaawaca Masuulkaan ayaa hadda lagu dabiibayaa mid kamid ah isbitaalada ku yaala Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Durba waxaa sheegtay qaraxaasi Al-Shabaab oo ku soo qoray warbaahinta iyaga taageera in ay ka dambeeyeen qaraxaasi. Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay qaraxyo isugu jiro ismiidaamin kuwo miinada dhulka lagu aaso iyo kuwa lagu soo xiro gaadiidka ay wataan dadka u shaqeeya dowlada Soomaaliya. Laamaha amaan ka dowlada Soomaaliya wali wax war ah kama soo saarin qaraxaani ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Hoos ka dhagesyo Warbixin Wariyaha PP Muqdisho Cowke uu ka diyaariyay qaraxa http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/11/War-Cowke-PP-Qarax-Muqdisho.mp3Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Masuul Katirsan wasaarada Caafimaadka oo Gaarigiisa Qarax Loogu Xiray Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  4. BOSASO-[Puntland Post]-Hay’adda Rapewatach International oo fadhigeedu yahay Somalia , isla markaana u dood-da xuquuqda haweenka iyo caruurta loo gaysto tacdiyada ka dhanka ah jinsiga ayaa dowladda Puntland ka dalbatay in cadaalad-da la marsiiyo askari bishii hore gabar dhalinyaro ah ku kufsaday magaalada Bosaso. “Walaal arinta dhacday waxa ay mudan-tahay in si iskuwada mid ah aan dhamaanteen uga murugoono ,waayo waxa la kufsaday waa gabar Somaliyeed oo dan yar ah ” ayuu yiri agaasimaha hay’adan C/rixmaan Axmed oo hadda ku sugan magaalada Minneapolis. “Waxaan dowladda Puntland ku amaanayaa in ay dhamaan diyaar yihiin xeerarkii ciqaabta ee kufsiga isla markaana uu waajib naga saaran-yahay sidii aan u xakamayn lahayn kufsiyadan oo kale ” ayuu mar kale yiri C/rixmaan uu xusay in ay garab-taagan-yihiin Faa’izo Maxamed oo ah gabadha uu dhibku gaaray. Agaasimaha ayaa sheegay in waaxda Jinsiga ee hay’adda ay ku dadaalayso sidii xuquuq dhamaystiran ay u heli lahayd Faa’izo oo hadda arimo caafimaad ugu jirta Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdsiho. “Waxaan ka shaqaynaynaa si kasta oo aan xuquuq dhamaystiran ugu raadin karno Faa’izo iyo dadka kale ee la kulma tacadiyadan caynkan oo kale ah ” ayuu mar kale yiri C/rixmaan oo sheegay in ay canbaaraynayaan falalkan caynkaan oo kale ah. Ifraah Xaashi Albabaab oo ka tirsan madaxda hay’adda ayaa iyadana sheegtay in ilaa iyo hadda ay sameeyeen dadaalo dhowr ah oo xuquuq loogu raadinayo Faa’izo oo sidoo kale dhaawac xoogan uu ka soo gaaray xubinta taranka ee dumarka. “Wasaaradaha Haweenka iyo cadaaladda Puntland waxaan kala shaqaynaynaa in Faa’izo si gooni ah xaaladad-deeda indhaha loogu hayo ,lana hubiyo in ay hesho cadaalad ” ayey iyana tiri Ifraax oo wax laga xumaado ku tilmaamtay kiiskan. Taliska ciidanka Puntland ayaa maalmo ka hor beeniyay in askirga kufsiga gaystay oo lagu mgacaabo c/qaadir Warsame uu iyaga ka tirsan-yahay , xili dowladda Puntland ay sheegtay in ninkaasi gacanta lagu dhigay , isla markaana sharciga loo horgayn doono. Ugu danbayn,Kiiskan kufsiga ah ayaa ka dhacay magaalada Bosaaso 27-dii bishi aynu soo dhaafnay ,waxaana la sheegay in gabadha la kufsaday iyo askariga ay ahaayeen muddo sheeko wadaag , isla markaana ay ugu timid magaalada Bosaaso si ay ula kulanto. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Hay’adda Rapewatach International oo canbaaraysay Kufsi ka dhacay Bosaaso, appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – In ka badan 51 Xildhibaan oo ka mid ah Golaha Baarlamaanka Galmudug ayaa galabta lagu wadaa in ay kulan kula qaataan Magaalada Muqdisho madaxweynah Dowladda Federaalka ah ee SOomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Xildhibaannadan oo ah kuwii sheegay in ay xilka ka qaadeen Xaaf,ayaa la filayaa Madaxweynaha in uu u soo bandhigo wixii ay ku heshiiyeen Madaxweyne Xaaf iyo Dowladda Federaalka ah. Kulankan waxaa goobjoog ka noqonaya Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carrabey,Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Galmudug. Madaxweyne Farmaajo ayaa isku dayaya in Xildhibaannada sheegay in ay xilka ka qaadeen Xaaf uu ku qanciyo in ay ka tanasulaan go’aankii hore islamarkaana Xaaf loo daayo shaqadiisa in uu sii wato. Maanta ayuu qorshuhu yahay in la soo gaba gabeeyo Khilaafkii muddada soo jiitamayay ee u dhaxeeyay Madaxda Maamulka Galmudug ee sababtay in qaarkood ay xilalka iska qaadaan kuwana Xabsi Guri la geliyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasaimada@live.com
  6. Hargeysa (Caasimadda Online) – Faysal Cali Waraabe oo ah Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland ayaa sheegay in Maamulka Puntland uu yahay meesha kaliya ee Soomaaliya ka dagi la’dahay. Isagoo maanta khudbad ka jeedinayey Fagaare ku yaalla Magaalada Hargeysa ayuu in Puntland ay qasto siyaasadda Soomaaliya, haddii aanay iyada ahaan lahaynna ay Soomaalida nabad ahaan lahaayeen sida uu hadalka u dhigay. “Walaalayaal Soomaaliya waxay la degi la dahay waa Puntland, qoladan oo aanu jaarnahay wuxuu baarlamaankooda shalay yiri doorasho kama dhici doonto Sool iyo Sanaag, bal eegga walaalayaal dhibaatada ay wadaan, waxaa ka degi la Soomaaliya, waxay maalin walbo ka shaqeeyaan dhibta Soomaaliya” ayuu yiri Waraabe. Dhanka kale, Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in haddii xisbigiisa uu ku guuleysto doorashada 13-ka bishan in uu keeni doono gooni isku taagga Somaliland waa sida uu hadalka u dhigaye. Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa shalay isku raacay in doorasho aanay ka dhici gobollada muranka uu ka jiro ee Sool iyo Sanaag. Hadalka Feysal Cali Waraabe ayaa imaanayo xilli ay Somaliland ka socdaan olole uu xisbi kasta ku doonayo inuu ku helo madaxweynimada Somaliland. Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa muddo badan ku muransan deegaano ka tirsan Sool iyo Sanaag, waxaana halkaas dhawr jeer oo hore ka dhacay dagaalo khasaaro badan geystay. Somaliland ayaa horey u sheegtay inay doorasho ka dhicid doonto deeganadaas, halka Maamulka Puntland uu sheegay inay arrintaas keeni doonto dagaal labada maamul dhexmaro. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasaimada@live.com
  7. Dabasiti (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Mandera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in halkaas ay Boolisku ka baadi goobayaan Sarkaal ka tirsan booliska oo la waayay Habeen hore. Sarkaalka ayaa la sheegayaa in ugu war dambeysay dadkii la socday markii uu dhacay qarax Laba gaari Booliska looga gubay oo Mandera ka dhacay, waxaana Kenya ay qiratay in 12 ka mid ah Askartooda ay ku dhinteen weerar ay Al-shabaabku ku qaadeen Kolonyo Boolis ah oo marayay Mandera. Tuulo lagu magacaabo Dabasiti oo aan sidaas uga fogeyn Xadka Soomaaliya iyo Kenya ayuu sheegay sarkaal sare oo Booliska u hadlay in ay marayeen 13 Askartooda Booliska ah oo weerarku qabsaday, 12-kii kale dhimashadooda ayuu xaqiijiyay halka uu sheegayo in la la’yahay Sarkaalka kale. Sarkaalka la la’yahay ayaa markii ugu war dambeysay Booliska wuxuu sheegay in uu Xudduudda joogo oo uu dhuumaaleysi ku jiro, balse intaas keddib xiriirkiisa lama helin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasaimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Dowlada Federaalka ah ee Somalia ay ka gaashaamatay dhibaatooyinka ay maleeshiyaadka Alshabaab u maleegayaan ciidamada Qalabka sida ee isticmaala wadooyinka isku xira Muqdisho iyo Gobolka Shabellaha Hoose. Mid kamid ah Saraakiisha ciidamada Xoogga ee ka howlgala Wasaarada Gaashandhigga ayaa noo xaqiijiyay in dowlada Federaalka loogu deeqay qalab ay ku baaran miinooyinka lagu aaso waddooyinka ay marayaan. Waxa uu sheegay in qalabkaasi oo casri ah ay sheegayaan goobaha ay maleeshiyaadka ku aasan miinooyinka lagu qarxiyo gaadiidka, waxa uuna tilmaamay in qalabkaas lagu galbin doono ciidamada duulaanka ku ah goobaha ay gacanta ku hayaan Alshabaab. Qalabka ayaa la xaqiijiyay inay isticmaali doonaan kolonyada gaadiidka dagaal ee la marin doono wadada isku xirta Muqdisho iyo Gobolka Shabellaha Hoose, oo la rumeysan yahay in maleeshiyaadka ay ku aasi doonaan miinooyin. Dhinaca kale, Qalabkan ayaa waxaa loo sameeyay ciidamo gaara oo ku shaqeeya in ay dowlada ka qabsanayaan dhammaan goobaha ku jira gacanta shabaabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasaimada@live.com
  9. Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Warfaafinta Somalia ayaa warbixin kooban oo ku aaddan horumarka warbaahinta dalka u gudbiyey hay’adaha QM, gaar ahaan saraakiishooda warfaafinta u qaabilsan. Inj. C/raxmaan Cumar Cismaan [Yariisoow] oo kulan la qaatay saraakiishan Qarmada Midoobey ayaa u sheegay in Soomaalidu ay yihiin dad aad u jecel warbaahinta, loogana baahanyahay inay dadaalkooda warbaahinta uu noqdo mid taageeraya qorsheyaasha dowlada federaalka ee ku aadan horumarinta warbaahinta dalka. “Waxaan idin kaga mahad-celinayaa dadaalkiina ku aaddan sidii shacabka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa waxqabadka hay’adaha QM iyo Horumarka dalka ka jira. Hase yeeshee waxaa loo baahanyahay in dadaalkiina uu noqdo mid waafaqsan qorshaha iyo istraatejiyada warbaahinta dowladda Federaalka Soomaaliya si waxqabadkiina u noqdo mid dhiirigelinay hay’adaha dowliga ah si shacabka Soomaaliyeed u ogaadaan in Dowladooda ay horumar joogta ah sameyneyso,” ayuu yiri Wasiir Yariisoow. Kulankaan ayaa ahaa mid labo maalmood u socday saraakiisha warfaafinta u qaabilsan dhamman hay’adaha QM ee dalka k howlgala oo ay ku diyaarsanayeen qorshe sanadeedkooda. Wasiir Yarisow ayaa ku ammaanay hay’adaha QM doorkooda ku aadan inay caalamka u soo jeediyaan sidii Soomaaliya loo nabadeyn lahaa iyo doorkooda adeegyada aasaasiga ah, kana codsaday in dhammaan adeegyada ay fuliyeen loo baahanyahay inay si dhow oo toos ah ugala shaqeeyaan hay’adaha Dowlada Federaalka ah si loo xoojiyo awooda dowlada Federaalka Soomaaliya. Ugu dabmeyn, Wasiir Yariisow ayaa ugu dambeyntii siiyay warbixin ku aadan horumarka warbaahinta dalka, qorsheyaasha iyo istraatejiyada Wasaarada Warfaafinta ee Dowlada Federaalka, kana codsaday inay si dhow ula shaqeeyaan Wasaarada Warfaafinta oo u xilsaaran horumarinta warbaahinta dalka. PUNTLAND POST The post INJ. YARIISOOW: QM waxaan ka codsanaynaa inay xoojiyaan Doorka Dowladnimo ee Somalia appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxwyenaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Shalay kulan xasaasi ah Magaalada Muqdisho kula yeeshay Odayaasha Dhaqanka, Ugaasyada, Salaadiinta iyo waxgaradka kasoo jeedo deegaanada Galmudug. Kulankaas oo uu qaban qaabadiisa lahaa Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa looga wadahadlay xiisadaha ka jira Galmudug iyo sidii Xal looga gaari lahaa. Madaxweynaha Galmudug oo halkaas khudbad ka jeediyey ayaa odayaasha ka codsaday inay kala shaqeeyaan sidii maamulkaas loo gaarsiin lahaa horumar isla markaasna laga shaqeyn lahaa sidii Ahlu Sunna loogu soo dari lahaa. ” Waxaan idinka codsanayaa inaad igala shaqeysaan sidii Maamulka Ahlu Sunna loogu soo dari lahaa Galmudug, markaasna waxaa noo fududaaneyso inaan xoreyno dhulka ay Shabaab naga heystaan” ayuu yiri Xaaf. ” Wixii hore ee dhacay xalay dhalay ayaan ka noqday, waxaana idiin ballan qaadayaa inaan ka shaqeeyo nabadeynta dadka Galmudug kasoo jeedo” ayuu sii raaciyey. Qaar ka tirsan odayaashii ka qeyb galay shirkaas ayaa sheegay in haddii la qaato talada madaxweyne Xaaf ay badbaadi doonaan dadka iyo deegaanada Galmudug. Haddaba halkaan hoose ka daawo Sawirada
  11. Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo booqday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaliya ayaa sheegay in uu bilowday dagaalka dowladiisa ay ku qaadayso dagaalyahanada Xarakadda Al-shabaab. Madaxweynaha oo Saraakiisha la hadlayay, ayaa u sheegay inay haystaan shacab diyaar u ah in ay kala qayb qaataan dagaalka, isagoo hoosta ka xariiqay inaanu fadhin u oolin. “Shacab wanaagsan oo baraarugay oo soo jeedo waad haysataan, oo idin daba taagan oo garab idin siinaya. Wax noo haray ma jiraan dagaalkii waa socdaa, fadhi ma yaalo.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya. “Maskaxdii, aqoontii iyo khibraddii umadda ay sugeysay waa idinka, marar badana waa idin sheegay, hadana waan idinkugu celinaya, cid kale oo Somaliya u maqan ma jirto, aan idinka ahayn.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa bishii aynu soo dhaafnay ku dhawaaqay dagaal ka dhan Al-shabaab, kadib qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho. Hoos ka Daawo Video-ka. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland post The post Farmaajo:-“Fadhi Nooma Yaalo Inta Al-shabaab Dalkaan Ku Sugan Yihiin”, appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa ka hadlay halka ay ka baxday lacagtii loogu tallo galay in maamulka uu ku dhiso Dekadda Magaalada Hobyo. Xaaf oo la hadlaayay xubno ka kala tirsan labadiisa Gole, ayaa sheegay inuu jiray dhaqaale ay ugu tallo galeen in dib loogu dayactiro Dekadda magaalada Hobyo, waxa uuna tilmaamay in lacagtaasi uu isku difaacay. Xaaf waxa uu tilmaamay inuu la kulmay caqabado Siyaasadeed oo lama dhaafan ah, si looga gudbo uu maciin biday inuu ku daweeyo dhaqaalahaasi oo dhamaa Hal milyan oo dollarka Mareykanka ah, sida uu hadalka u dhigay. Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa ”Runtii lacagtii loogu talo galay dhismaha Dekadda Hobyo ee halka Milyan aheyd waxa ay ku baxday difaaca dagaalkii nagula soo qaaday”. ”Waan ku qasbanaanay inaan bixino lacagtaas waayo waxaa nalagu soo qaaday dagaal qaawan oo jahwareer na galiyay muddo ku dhow bil” Hogaamiye Xaaf waxa uu intaa kadib sheegay in shaqsi ahaantiisa uu iminka diyaar u yahay keenista lacagtaas, si loo sii anbaqaado dhismaha Dekadda Hobyo. Dhinaca kale, Xaaf ayaa xubnaha labadiisa Gole ku wargaliyay inuusan aheyn sanduuq wax lagu keydsado, balse uu sheegi doono wax waliba oo lasoo gudboonaada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Saudi Arabia’s anti-corruption purge has widened after one of the country’s top businessmen was reportedly detained, accounts were frozen and a no-fly list was drawn up. On Monday, Nasser bin Aqeel al-Tayyar, a board member of Saudi Arabia’s biggest travel company, was reportedly added to the list of detainees, which already included some of the country’s most influential officials and entrepreneurs. Among those detained are 11 princes, four ministers and several former ministers, in what is seen as an unprecedented crackdown that has shaken the kingdom. The dramatic steps were the latest in a series of measures by Crown Prince Mohammed bin Salman to assert power over the country and its previous leaders. On Saturday, King Salman bin Abdulaziz Al Saud announced that his son, the crown prince, would oversee a newly formed anti-graft commission that would purge the country of corruption. In a statement via the Saudi Center for International Communication, Khalid bin Abdulmohsen Al-Mehaisen, president of the anti-corruption commission, said: “The evidence of transgressions and financial mismanagement uncovered recently points to widespread corruption in a number of cases. “The responsibility of the new anti-corruption committee is to ensure that investigations into those cases are completed, and that the full force of the law is applied,” Mehaisen said. Attorney General Sheikh Saud al-Mojeb said that the purge was only “phase one” and that detainees had been questioned. “Yesterday [Saturday] does not represent the start, but the completion of Phase One of our anti-corruption push,” Mojeb said, adding that investigations were done discreetly “in order to preserve the integrity of the legal proceedings and ensure there was no flight from justice”. Prince Alwaleed bin Talal, a billionaire businessman who owns investment firm Kingdom Holding was among those held, according to Reuters news agency, citing an unnamed senior official. The list of detainees also included senior ministers who were recently sacked, such as Prince Mitaab bin Abdullah, the head of the National Guard, and Adel Faqih, the economy minister. ‘No-fly list’ On Monday, stock in Al Tayyar Travel was down 10 percent in the opening minutes at Saudi Arabia’s stock index after media reported the detention of Tayyar. Meanwhile, Saudi banks reportedly started freezing bank accounts of the suspects. “The committee has the authority to reveal the bank details of the accused, freeze their assets and funds, and take other appropriate measures,” anti-corruption commission president, Mehaisen, said. “However, it will ensure that no wrongdoer is able to escape punishment, regardless of their position and status, while at the same time doing everything to protect the innocent. As Crown Prince Mohammed bin Salman has stated clearly, no one is above the law, and no one who is proven to have indulged in corruption will escape, not even a prince or a minister.” Pan-Arab daily Al-Asharq Al-Awsat reported that a no-fly list has been issued and that security forces in several Saudi airports were ordered to bar private jets owners from taking off without a permit. “Security members were seen in the lounges of private jets to monitor the situation and to make sure that no plane leaves the kingdom without a permit,” the newspaper reported, citing unnamed sources, adding that security personnel were given a list of specific names of individuals who should be prevented from leaving. The shake-up of the Saudi government comes just months after King Salman replaced his nephew Mohammed bin Nayef with his son Mohammed as the kingdom’s crown prince. Mohammed bin Salman has been responsible for pushing through a number of changes both at home and abroad since he became first in line to the Saudi crown. Source: – Aljazeera
  14. The bombs won’t stop in the Somali capital, Mogadishu. As the country was still reeling from the shock and horror of the deadliest ever single bomb attack in Somalia’s capital on October 14, the terrorists struck again on October 28. The October 14 bombing was so bloody that, although Al Shabaab was widely seen as being responsible, it dared not claim it. This has led to the theory that the driver set off the bomb prematurely, and it was meant for a different target with a more “reasonable kill rate.” Al Shabaab, though, took full responsibility for the latest attack, which started after a suicide car bomber detonated an explosives-laden vehicle at the entrance gate of a Mogadishu hotel. Security forces ended a night-long siege that followed at a hotel by five terrorists, which left 23 people dead and more than 30 injured. For Al Shabaab, that number of casualties apparently is just about right. The response to the attacks has been firm. The US promised to up its support for the war against the militants. Uganda, which already has the largest number of troops in the African Union peacekeeping enterprise in Somalia, Amisom, reportedly offered an additional 5,000 men. There was, understandably, no talk of negotiations with Al Shabaab. The ironical thing about that is that the foot soldiers of Amisom and Al Shabaab, know better. While their presidents and generals talk tough, the “small” soldiers and militants have been doing business and talking. If it were left to them, they might already have clinched a political deal. For years, some Ugandan Amisom officers and soldiers have been doing business with the Shabaab, including selling them arms. A few have been arrested and tried back home in Uganda. However, it would have been also useful to ask them: “Okay, these Shabaab buddies of yours to whom you sell guns, why can’t you ask them what deal they are willing to take to end this war?” No one did. What a waste. A brilliant researcher on Somalia tells of what is happening today in some parts of the country. There are some Al Shabaab and Amisom roadblocks that are only a few kilometres apart. The soldiers on two sides have reached an understanding on how to tax goods. If a trader arrives with his truck at an Amisom roadblock first, he will pay the boys, say the equivalent of $50. The soldiers will shoot in the air in a coded pattern, to alert the Shabaab roadblock that they have already taken their cut. Shabaab then will know how much to extract. It will probably also take $50. If the goods truck arrives at an Al Shabaab roadblock first, the militants will take their bit, and shoot in the air to report to Amisom, who will know how much has been left for them. It’s totally mind-bending, and quite impressive. If you think coldly about it, there is a higher level of political consensus between elements in Amisom and Shabaab, than there is between incumbent politicians of the troop-contributing countries like Kenya, Uganda, Burundi – and the US – and their opposition parties back home! Amisom is a peacekeeping mission, and it has all it needs to make peace in Somalia. It’s just that for now it is using it for war-war not yaw-yaw. Charles Onyango-Obbo is publisher of data visualiser Africapaedia and Rogue Chiefs. Twitter@cobbo3 http://www.theeastafrican.co.ke/oped/comment/Negotiating-with-Al-Shabaab/434750-4176420-wxyni6/index.html
  15. The United States embassy in Turkey has announced it will resume processing non-immigrant visas for Turkish nationals “on a limited basis”, after visa services were suspended last month. “We believe the security posture has improved sufficiently to allow for the resumption of limited visa services in Turkey,” the US Mission to Turkey said in a statement on its website on Monday. Non-immigrant visas – which include student, tourist, media and work visas – will be processed “on a limited basis”, the mission said. “A reduced number” of interviews will be scheduled to process the applications. In response, the Turkish embassy in Washington, DC, said it would also resume processing visa applications for US nationals “on a limited basis”. The moves come as Turkish Prime Minister Binali Yildirim is due to travel to the US to meet with US officials on Tuesday. He is expected to discuss the visa issue, as well as reiterate Turkey’s call for the extradition of Fethullah Gulen. Turkey blames Gulen, a US-based Muslim cleric, for orchestrating a failed coup attempt in July 2016. Gulen has denied the accusation. Tit-for-tat suspensions The US embassy suspended the issuance of non-immigrant visas in Turkey in October. The move came after a US consulate staff member in Istanbul was arrested for allegedly having ties to Gulen. In response, Turkey suspended its own non-immigrant visas for US nationals last month. “Recent events have forced the Turkish Government to reassess the commitment of the Government of the US to the security of the Turkish Mission facilities and personnel,” the Turkish embassy in Washington, DC, said at the time. On Monday, the US mission said the decision to resume issuing the visas cames after it “received initial high-level assurances” from the Turkish government that its local staff are not under investigation. It said it also received “initial assurances” from Ankara that its local staff would not be detained or arrested for performing their jobs. Ankara has also pledged to inform the US government should Turkey plan to detain or arrest any of the local staff in the future, the US mission said. Source: Aljazeera
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa lagu eedeeyay inuu musuqay dhaqaalihii ku jiray keydka maamulka. Xildhibaanada maamulka ayaa Shariif Xasan ku eedeeyay in dhaqaalahaasi uu ku bixiyay dano gaara, isla markaana aanu jirin cid uu uga faa’iideeyay. Cibaado Cabdi Cali oo kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo u warameysay idaacada SMN ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegtay in lacagtaasi uu ku weyn doono xilkiisa. Waxa ay tilmaantay in dhaqaalahaasi badankii uu maamulka kasoo galay dhanka canshuurta, balse loo bixiyay qaabab khaldan oo aanu ku jirin maslaxada maamulka, sida ay hadalka u dhigtay. Xildhibaanada waxa ay tilmaantay in aan waxba loogu qaban Canshuurahaasi shacabka ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, xili ay sii kordheyso baahiyaha ka jira deegaanada maamulka. Sidoo kale, Xil. Cibaado Cabdi Cali ayaa carab dhawday in Mooshinka ujeedkiisa ugu weyn uu yahay mid looga jawaabayo musuqa iyo ku tagri falka Hantida maamulka. Haddalka Xildhibaanada ayaa kusoo beegmaaya xili deegaanada maamulka aad looga hadal hayo Mooshinka iyo eedeymaha ka dhanka ah Shariif Xasan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Kenya ayaa qiratay in weerar ay kusoo qaaden maleeshiyaadka Alshabaab looga dilay ciidamo ka tirsan Booliska. Waxa ay Kenya sheegtay in ciidamadaasi la dilay xili ay galbinayeen gaadiid Samafal oo maraayay xadka kala beyra Somalia iyo Kenya. Ciidamada laga dilay ayey ku sheegtay inay yihiin 12 Askari oo mar qura ku baxay gacanta maleeshiyaadka Al-shabaab. Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in ay iska caabiyeen maleeshiyaadka Al-shabaab ee soo weeraray balse laga dilay 12 Askari. Sargaal u hadlay Booliska Kenya ayaa sheegay in la adkeeyay Amaanka xadka ay wadaagan Soomaaliya iyo Kenya si aysan u soo noqon weerarada joogtada ah ay Al-shabab ka soo qaadayaan dhinaca xadka Soomaaliya. Xadka kala qeybiya Somalia iyo Kenya ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro lid ku ah ciidamada Kenya ee isticmaala xadka. Alshabaab ayaa horay u sheegay inay kordhin doonaan weerarada ay ku qaadayaan ciidamada Kenya, ee u kala goosha Somalia iyo Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Qahira (Caasimada Online)-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ka qeyb galay shirka Dhalinyarada adduunka, ayaa maanta magaalada Sharm al-Sheikh ee dalka Masar uga qeyb galay dhowr doodood oo lagu falan-qeynayey caqabadaha haysta dhalinyarada adduunka iyo sidii meel looga soo wada jeedsan lahaa fikradaha xagjirnimada ah. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo kulanka ka hadlay ayaa ku dheeraaday dhibaatada dhanka xagjirnimada ah ee haysta dhalinta Soomaaliyeed. Waxuuna ka mahadceliyey dadaalka la geliyey sidii xal loogu heli lahaa aafada xagjirnimada iyo muhiimadda ay leedahay abuurista fursado shaqo oo dhalinyarada la siiyo. “Shirkani wuxuu muujinayaa in dhallinyaradu ay awood u leeyihiin inay billaabaan isbaddal waxtar leh. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhalinyarada Adduunka, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed inay taageeraan horumarka iyo Nabadda, kuna gacan seyraan afkaarta xambaarsan xagjirnimada”. Ayuu ku yiri R/Wasaare ku xigeenka dalka. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa u xaqiijiyay dhalinyarada Soomaaliyeed inay ka go’an tahay dawladda taageerista dhallinyarada. “Waxaan diyaar u nahay caawinta dhallinyarada annagoo siineyna waxbarasho wanaagsan iyo fursado shaqo oo uga maarmaan kooxaha Argagixisada. Waxaan ayaga ugu baaqayaa inay taageeraan nabadda iyo isku soo dhaweynta bulshada” ayuu yiri. ”Somalia wey ka fiirsan doontaa in dhalinyaradeeda ay galaan argagixisada intaa ha nagu filnaato” Shirka Dhallinyarada Adduunka oo ujeedkiisu yahay helitaanka nabadda, barwaaqada, isdhexgalka iyo horumarka adduunka oo dhan ayaa la qabtaa sanadkiiba mar, waxana sanadkan ka qeyb galaya 3,200 qof oo ka kala socda 113 waddan oo ay weheliyaan Madaxweynaha Masar, Madaxweynaha Chad, Ra’iisul Wasaaraha Equatorial Gunnie iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya.
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa dhawaan ku dhawaaqay inuu xilkii iska Casilay Wasiirkii hore ee Gaashandhigga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed markaas oo ay golaha wasiirada ku sheegeen sababta uu isku casilay inay aheyd arrin shakhsi ah. Tan iyo markaas waxaa soo baxayey warar kala duwan oo ku saabsan sababta keentay inuu is casilo, iyadoo xilligaas ay wararka qaar sheegayeen inuu doonayo booska Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay ku dhagan yihiin Xildhibaan badan oo doonayo inay ka qaadaan xilka Madaxweynimo ee Koonfur Galbeed. Haddaba xogta ay heleyso Shabakadda Caasimadda Online ayaa sheegeyso in is casilaaddii Wasiir Cabdirashiid ay timaaday kadib markii uu sidaas ku amray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Wararka soo baxayo ayaa sheegayo in Wasiirka Gaashaandhigga lagu helay musuq maasuq ku aadan inuu Kharashaad dheeraad ah saartay Saanad loo iibiyey Ciidamada Militariga. Arrinta uu ku kacay wasiirka ayaa la sheegay in laga helay Caddeyno iyo marqaati isla markaasna uu arrintaas ka xumaaday Madaxweyne Farmaajo oo si deg deg ah ugu amray inuu isaga dago xilkaas . Arrintaas ayaa waxaa ka dhalatay muran fara badan oo dhex maray madaxda ugu sareyso dalka iyo Wasiirka is casilay, waxaana ugu dambeyn loo sheegay inuu is casilo ama la casilo. Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa isku dayey inuu dhex dhexaadin sameeyo balse Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeystay inuu Wasiirka isaga tago shaqada maadaama uu ku kacay Musuq maasuq cad oo loo hayo Caddeymo. Ugu Dambeyntii Wasiirkii Gaashaandhigga ayaa ku dhawaaqay inuu is casilay kadib markii uu Ra’isulwasaaraha u geeyey Waraaqdii is casilaada kadibna waxaa arrintaas aqbalay oo soo dhaweeyey Golaha Wasiirada. Wasiirka is casilay ayaa sabab u dhigay is casilaadiisa inay jiraan arrimo Shakhsi ah si aysan arrintaan u ogaan saxaafadda iyo shacabka, wuxuuna markaas kadib kulan xasaasi ah la qaatay Xildhibaanada kasoo jeedo deegaanada Koonfur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa codsaday in gabi ahaanba Gobolada iyo degmooyinka maamulkaas hoos taga laga jaro internet-ka maalmaha lagu guda jiro codaynta iyo tirinta doorashada. “Guddiga ayaa codsaday in internet-ka la jaro, iyagoo ka walaacsan xaalada dalka iyo qaabka wax u dhici karaan, runtii waa markii ugu horaysa saddex murashax oo saamaynta intaas le’eg ku leh bulshada Somaliland ay tartamaan taas ayaa walaaca keentay, ciidamada heegan ayaa la galiyay,” sidaas waxaa yiri qof xog ogaal ah oo magaciisa codsaday inaan la shaacin. Shirkadaha Internet-ka bixiya iyo qaybaha ay khusayso ayaa la qaatay go’aankan kasoo baxay Guddiga Doorashooyinka Somaliland. “Waan qaadanay go’aanka Guddiga iyo tala soo jeedinta ay sameeyeen, waxaan sugaynaa marka ay noo soo diraan Email oo ay dhahaan jara internet-ka,” sidaas waxaa yiri mid kamid ah maamulka shirakaadka bixiya adeegaas oo ku sugan Hargaysa. Xogta ayaa intaas ku daraysa in qorshahan uu bilaaban doono Isniinta soo socota 13 Novermber, waxayna ku egtahay 17 Isla bishaan. Muddo 4 cisho ah gabi ahaan lagama isticmaali doono deegaanada Somaliland wax internet ah, taasoo meesha ka saari doonta in la helo xogaha doorashada iyo qaabka wax u socdaan. Lama oga in qorshahan ay la qaadan doonaan axsaabta siyaasadda Somaliland. Waa markii ugu horaysay muddo intaas le’eg Internet-ku maqnaado Somaliland oo ka go’dey Soomaaliya inteeda kale 1991. Qorshahan waxaa dadka wax odorasa sabab uga dhigayaan loollanka murashaxiinta iyo taageerayaashooda oo maraya meeshii ugu sarraysay, waxaana tallaabada loo sameeyay iyadoo ay jirto Cabsi dhinaca amniga ah. Marka ay dhammaato tirirnta codadka ayaa la filayaa in la sii daayo Internet-ka. Lama oga xisbiga guulaysan doona, balse murashaxiinta madaxtooyada u tartamaya ayaa booqasho wali ku maraya gobollada Somaliland. Xisbiga KULMIYE ayaa la filayaa in maalinta Khamiista uu sameeyo iso soo baxiisii ugu dambeeyay magalaada Hargeysa halka xisbiga Wadani tageerayaashiisu ka banaanbaxeen Ceerigaabo. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  21. Dowladda dhexe ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) waxay dadka Muqdisho badankood u heystaan ilaa iyo hadda in uu yahay qofka ay dhici karto in uu Soomaaliya dhibka ka jiro wax weyn ka baddali karo. Ha noqotee madaxweynaha waxaa hor taagan caqabado farabadan oo u baahan in uu iska wareejiyo si uu u gaaro himilooyinka uu rabo. Marka laga yimaado mashaakilka xagga amniga iyo howsha uu ka wado, Madaxweynuhu waa in uu ogaadaa in reer Muqdisho Soomaaliya oo dhan asaas u yihiin. Haddaan sii iftiimiyo waa kuwa kharashka dowladda bixiyo marwalba oo waliba maamul goboleeyada gacan siiya. Madaxweynuhu in reer Muqdisho oo loo diidan yahay in ay Dowlad Goboleed noqdaan oo guddoomiye la magacaabay matalo meesha Gobollo yar yar ay rag madaxeyne yaal sheegto matalaan raali miyuu ka yahay? Waa caqabadda koowaad ee madaxweynaha ku hor gudban una baahan in uu caddaaladdi uu ballan qaaday meeshaas ka bilaabo siiyana xaqa reer Muqdisho u leeyihiin in ay qaranka matalaad ku yeeshaan, taas oo maqaamka madaxweynaha kor u qaadi doonta. Waxa madaxweynuhu ballan qaaday in uu kuwa musuqa sameeyo beero ku fali doono, su’aasha aan qabo shacbi badan oo soomaaliyeedna aan filayo in ay ila qabban ayaa ah 11kii bilood ee ay dowladdu jirtay musuq ma dhicin miyaa cid loo soo xiray oo shacbiga lala wadaagay ma jirtaa?. Cidda diidan in Muqdishu maamul Gobleed yeelato ogolna in canshuurtana reer Muqdisho laga qaado waxa ay ka mid tahay musuqa la rabo in madaxweynuhu meesha ka saaro. Muqdisho ha bixiso wixii lagu heshiiyo oo dhaqaala aha hana hesho xaqqeeda, waa middas mida xaqqa ah. Muqdisho oo marwalba canshuurta lagu kordhiyo waxa ay keeni kartaa in ganacsatadu meela kale u wareegto taas oo macnaheedu yahay arin siyaasadeysan ama la rabo in xamar horumarka lagala dagaalamo. Caqabadda labaad waa in uu dastuurka sidii loo dhameystiri lahaa xoogga saaro si looga saaro meesha is qabqabsiga dowladda ka socon weyday, lana caddeyo Dowladda dhexe iyo maamul goboleeydayada in aaney isku dhicin oo dastuurku uu caddaayo wajibaadka lakala leeyah. Dastuurku waa in uu dhowraa diinteenna islaamka dadkeenuna aaminsan yihiin. Caqabadda seddaxaad waa in dastuurka laga saaro waxa hadda loogu yeero Dowlad Goboleed iyo Madaxweyne Dowlad Goboleed si qaranimo loo helo looguna yeero Dowlad Goboleed iyo maamule Dowlad Goboleed taas oo ah maslaxadda mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed. Haddaan sidaas la yeelan oo aan Ummadda la’isku celin daneystayaal ayaa kala furfuri doona Ummaadaan qarannimana waa u dhammaan. W/Q Dr. Eng. Ahmed Alasso
  22. Kismaayo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo howlo shaqo u jooga magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay waxyaabaha uu ku amaanan yahay maamulka Jubbaland. Jawaari ayaa sheegay in magaalada Kismaayo ay ka nabdoon tahay magaalooyin dhowr ah oo ku yaala dalka kuwaa oo uu sheegay inuu kusoo maray socdaalo is xigxigay. Waxa uu sheegay inuu soo jeedinaayo in maamulka Jubbaland lagu daydo, maadaama uu yiri aanu ka jirin amni darro muuqata. ”Anigu waxaan soo jeedinayaa in lagu daydo Jubbaland oo laga qaato khibrada lagu nabadeeyay deegaanada maamulka” Waxa uu Jawaari sheegay in Madaxda ugu sareysa dalka uu ku wargalin doono in maamulada heysta nabadda laga kororsado wixii khuseeya amniga iyo xasiloonida, sida uu yiri. Guddoomiye Jawaari oo ka hadlaayay xaalada amni ee ka jirta magaalada Kismaayo ayaa soo jeediyay laba qodob oo kala ah: 1-In maamulada ka jira dalka laga dhageysto waxyaabaha u sahlay inay ku nabadeeyaan deegaanada maamulkooda. 2-In Hay’adaha amniga iyo Maamul Goboleedyada ay kawada shaqeeyan amniga iyadoo leys weydaarsanaayo khibradaha amni, waxa uuna soo jeediyay in Jubbaland lala kaashado howlaha ceynkaa ah. Jawaari ayaa sheegay in caasimadaha ka jira dalka ay badi yihiin kuwo nabdoon waxa uuna amaan gaara usoo jeediyay Hogaamiyayaasha maamulada iyo ciidamadooda. Geesta kale, Guddoomiye Jawaari ayaa carab dhabay in baarlamaanka Somalia uu si gaara u garab istaagi doono maamulada si ay u dhameystirtaan waxyaabaha qabyada u ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho kusoo kordhaaya goobaha gaadiidka lagu sugo ee ku yaalla hareeraha waddooyinka. Goobahaani oo aad u quruxbadan ayaa waxaa gaadiidka BL-ka ku suga dadka shacabka ah, waxa ayna inta badan ku yaalan waddooyinka magaalada Muqdisho. Maamulka Degmada Hodan ayaa iminka hirgeliyay goobahaani cusub taasi oo laga dhisay wadada Maka Al-Mukarama laamiga dhinaciisa. Xaruntan oo ah Bostooje Bus Stop ayaa dadka waxa ay u suuragelinaysa inay ku sii nastaan inta ay sugayaan gaadiidka dadweynaha, waxaana inbadan ka mahadiyay dadka shacabka ah. Sidoo kale, Maamulka Degmada Hodan ayaa sheegay inay sii wadayaan dhismooyinka goobaha nasiinka ee laga hirgaliyo hareeraha waddooyinka. Intabadan dalalka horumaray ayaa aad u isticmaala dhismooyinkaan quruxda badan ee lagu sugo gaadiidka shacabka.
  24. Shirkii ka dhacay caasimadda dalka Senigaal sanadki 2000, waxaa lagu guntay in dhammaan caruurta iskool gaartay ee ku nool dacallada adduunka la siiyo fursad ay iskool ku dhigtaan, marki la gaaro sanadka 2015-kana lagu guulaysto inuusan jirin canug aan iskool dhigan caqabad iskool la’aan darteed. Si taasi loo gaaro waxaa la kordhiyay kaalmadi la siin jray dowladaha saboolka ah si ay waxbarasho bilaash u siiyaan caruurtooda. Waxaa la dhisay dugsiyo cusub iyo fasallo farabadan. Waxaa boqol jibaarantay ardayda iska diiwaan galisay dugsiyada hoose/dhexe. Waxaa loo riyaaqay sida wax u socdaa iyo tirade ubadka subaxii iskoolada u kallaho. Sanado ka dib waxaa la sameeyay cilmi baarisyo kala duwan oo lagu ogaanayo heerka aqoonta caruurta iskoollada dhigato si loo hubiyo in qorshihii fulay iyo in kale. Warbixinta qiimaha gaarka ah leh ayaa ah mid uu bil ka hor soo saaray Bankiga Addunk (World Bank). Laga soo billaabo sanadki 1978-di, Bankigu wuuu sanad walba daabacaa warbixin uu kaga warramayo horumarka addunka. Sanadkaan ayaa noqday kii ugu horeeyay ee Bankigu daabaco warbixin horumarka waxbarashada adduunka u gooni ah. Natiijada kasoo baxday wabixintaan waxay noqotay mid ka fajacisay inta horumarka dunida danayso, gaar ahaan bahda waxbarashada u olaolayso. Warbixintaan oo ka kooban in ku dhow 240 bog ayaan ii saamaxayn inaan soo wada guuriyo, balse waxaan isku dayi doonaa inaan akhristayaasha la wadaago meelo si soo xulay muhiimmad gooni ahna noo leh. Inshallaah labo ama sadex qormo ayaan ka dhigi doonaa si aysan noo dheeraan. Midda ugu horrayso ayaa ah heerka waxbarashada caruurta ku nool dunida soo korayso. Middaas oo innaga si toos ah noo qusayso. Sanadihii danbe waxaa si xowli ah u kordhay ardayda laga diiwaan galiyay dugsiada hoose iyo kuwa saraba. 1970ki is-diiwaan galinta dugsiyada hoose ee wadamada Saxaraha ka hooseeyo waxay ahayd 68% halka wadamada Koonfurta Aasiya ay ahayd 47%. 2010-ki labada gobalba is-diiwaan galintu waxay dhaaftay celcelis 100%. Waxaa sidoo kale, kordhay tirade gabdhaha iskoollada aadayo. Intii u dhaxay 1991-di iyo 2007-di saamiga gabdhaha iyo wiilasha dugisyada hoose wuxuu kasoo kacay 0.84% ilaa uu gaaray 0.96%. dugsiyada sare gabdhuhu way kaga bateen wiilasha. Hase yeeshee marki la eego waxa ay barteen caruurtu walwal iyo niyad jab ayaa ku taabanayo. Sababta iskoollada loo aadayay maahayn in fasallada un la camiro ama lagu faano intaas oo caruur ah ayaa noo diiwaan gashan. Waxa loo ordayay, qarashkana loo bixinayay waxay ahayd in la dhiso aqoonta dhalinta lana baro xirfado ay ku shaqaystaan. Xirfadahaas ayaa dalka iyo dadkaba anfici lahaa una horseedi lahaa horumar balaraan oo uu kaga gudbo caqabadaha dhaqan-dhaqaale ee haysto. Laakiin, warbixintu waxay tilmaantay inaysan caruurtu intooda badan aysan waxba baran sida ay hadda yihiin haddii aanan wax laga badalinna aysan waxba la tagayn. Qaar badan oo ka mid ah, wixii ay ku baran lahaayeen bilo kooban aysan sano ku baran. Tusaale, caruurta dhigato fasalka sadexaad ee waddamada Kenya, Tansaaniya iyo Yugaandha oo ah kuwa aan innagu hiigsanayno caruurteenana u dhoofinno si ay waxbarsho tayo leh uga helaan, ayaa qiimayn lagu sameeyay. Waxaa la waydiiyay inay akhriyaan jumlo fudud sida “Eygayga magaciisu waa Baabi”. Sadex-afraad ¾ ardaydi la su’aalay, waa kicin waayeen waana fahmi waayeen macnaha ay samaynayso. Ogow caruurtaan markaas ugu yaraan sadex gu’ ayay iskool dhiganayeen. Waalidkood waxaa ooga baxay ugu yaraan qarashla buugta iyo direyska uu iskoolka ku aado, waxaa uuna ka sugayaa inuu waxa uu soo barto cidda oo dhan gaajada kaga saaro. Sidoo kale, caaruurta yaryar ee ku nool tuulooyinka Hindiya ayaa iyaguna la qiimeeyay. Sidoo kale sadex-afraad ayaa ku guul-daraysatay inay ka shaqeeyaan kala jarid labo god ah sida 46-17, kala barow-bar kuwaa dhigto fasalka shanaadna intaas waa ka shaqayn waayeen. Baraasiil oo ah waddan dhaqaalihisu aad u kobcay sanadihii danbe kuna biiray waddamada ku jiro dabqadda dhexe ayaa isaguna fajac lagu arkay. Qiimaynti lagu sameeyay ardaydiisa waxay tustay in is badal wanaagsan uu jiro xagga xirfadaha caruurtu iskoolka ku bartaan marki loo eego siduu ahaan jiray laakiin in heerka aqoonta xisaabta caruurta baraasiil ay soo gaarto midda kuwa ku nool waddamada hodanka ah waxay qaadanaysaa 75 sano, xagga akriskana waxay qaadan doontaa 260 sano. Taasi waxay ka dhigantahay in aqoon ahaan Baraasiil ka danbayso Maraykanka iyo Jabbaan 260 sano. Tolow immisa ayay dalkeenna ku qaadan? (Akhrisku ahmiyad gooni ah ayuu leeyahay sidaas darteed waxaan isku dayi inaan si gooni ah u eego sababta keentay kala fogaanshahaan balaaran hadduu Eebe idmo). Waddamada Saambiya iyo Mawali, 89% caruurta dhigato fasalka labaad waa kicin waayeen hal weedh. Macnaha inaysan waligood iskool dhigan ayay la mid noqdeen. Qiyaas guud, 125 milyan oo canug ayaan waxba kala tagin iskoollada ay dhiganayeen afar sano. Dhibtu intaas oo kaliya maahan. Marki la eego farqiga u dhexeeyo dadka saboolka ah iyo kuwa hodanka ah ee waddan ku wada nool ayaa iyana waxaa soo muuqday argagax kale. Caruurta dhigato fasalka lixaad ee ku nool Yuruukwaay (Laatiin Ameerika) waxay shan jeer kaga hooseeyaan aqoonta xisaabta kuwa la ayniga ah ee kasoo jeedo reero hodan ah. Waddamada aan soo xusnay dhibku gooni kuma ah. Waxaa jiro tobannaan milyan oo canug oo ku nool dhamaan qaaradaha adduunka oo aan iskoolada kala tagin xirkad horumar u hoggaamiso. Waxay dhammeeyaan dugsiyada sare iyagoon fahmi karin warqadda dhaqtarku u qoro, aan xisaabsan karin baaqiga ooga soo noqdo wax ay iibsadeen ama aan turjuman karin ballan-qaadyada ku qoran waraaqaha siyaasiyiinta xildoonka ah ay faafiyaan iskaba daa inay bartaan xirfad barto hal-abuur iyo isbadal nololeed oo dhab ah. Xogtaan waxay waxaa laga aruuray kuwa yeeshay nasiib ay ku tagaan iskool. Wali waxaa dunida ku nool 260 milyan oo canug oo aan dhigan wax iskool ah. Badanka caruurtaan waxay ku nool yihiin waddamada ay dagaaladu ka socdaan sida keenna, Suuriya iyo Koonfurta Suudaan. Warbixintaan waxay hurdada ka kicinaysaa waalidiinta u haysto in caruurta wax loo baro, maamulayaasha iskoollada ee u haysto inaan lugooyadooda laga war qabin, madaxda dowladaha meel eber ah kor ka daawanayo iyo deeq bixiyayaasha lacagta ku qubo meel aysan waxba kasoo socon. Taasi macnaheedu maahan iskoollada albaabada ha loo laabo. Ujeedku waa isbadal ha la sameeyo, ha la hagaajiyo nidaamyada waxbarashada hana la sameeyo nimaad sugan oo lagu qiyaaso heerka waxbarasho ee dalka. Muhiimadda uu qodobkaan (Qiimayn) leeyahay ayaan, hadduu Eebe idmo, qormada xigto kaga hadli doonaa. Ibrahim Aden Shire Kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/ Ishire86@gmail.com