Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,077
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The post Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo Looga Hadlay Amniga Xuduudaha Puntland, Siyaasad Wadaagga iyo Arrimo Kale. appeared first on Puntland Post.
  2. Xeer ilaaliyaha guud ee Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqay Cabdulqaadir Axmed Cumar (Gurdux) inuu ku guulaystey jagada xeer ilaaliyaha Gobolka Nugaal ka dib markii uu ka guulaystey labo imtixaan oo ay ku tartameen lix qof. Xeer ilaaliye Gurdux ayaa bedelaya xeer ilaaliyihii horre ee Gobolka Nugaal Dheeraad oo muddo dheer soo hayay xilkaan. Dikreeto kasoo baxday xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Dowladda Puntland Maxamuud Xasan Awcismaan ayaa lagu sheegay inay ka dambeysay arrintan ka dib markii uu ogeysiiyay Gudoomiyaha Maxkamadda sarre inay banaan tahay jagada xeer ilaalinta Gobolka Nugaal. Xeer ilaaliyaha cusub ee Gobolka Nugaal ayaa ka mid ahaa ardeydii ka aflaxday Jaamacadda PSU qeybta sharciga. Akhriso Dikreetadda. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Gobolka Nugaal oo yeeshay xeer ilaaliye cusub. appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Gaashaandhigga Somalia ayaa digniin kasoo saartay hawl-gallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay Ciidanka Millateriga DF iyo kuwa AMISOM ay fulin doonaan gobollada dalka. Ciidamada Huwanta ah ayaa looga digay inay askar ahaan u adeegsadaan carruurta da’doodu ka yar tahay 18-jirka iyo inay ku dhaqaaqaan boobka hantida shacabka deegaanada laga saaro ururka Al-shabaab inta ay socdaan hawl-gallada. Agaasimaha Wasaaradda Gaashaandhigga Prof. Sokor Jaamac Geyre ayaa ugu baaqay Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM inay ilaaliyaan Qorshaha dowladda u dhigtay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. “Waxaa Khatar badan ka dhalan kartaa askareynta caruurta ka yar 18-jirka meelaha ay ciidamadu gaaraan, waxaa kaloo ka digaynaa in ciidanku boob u geystaan dadka ay ugu tagaan goobaha caddowga laga sifeynayo,” ayuu yiri Sokor Geyre. Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab wuu bilowday, Ciidanka Somalia iyo AMISOM waxay la wareegeen deegaano dhowr ah, Ciidamada waxaan ugu baaqayaa inay wanaagsan ula dhaqmaan shacabka, madaxda dalka ayaana dhiirri-gelinaya Ciidamada Qaranka.” Ugu dambeyn, Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ciidammo fara badan oo isugu jira kuwa Somalia iyo AMISOM ay gaareen deegaanno dhar ah si ay dagaal ugu qaadaan Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Wasaaradda Difaaca oo u digtay Ciidamada Somalia iyo AMISOM ee Dagaalka la galaya Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  4. Ciidanka militeriga Soomaaliya ayaa siyaadiyey hawlgallada lagu beegsanayo Al-shabaab ee degaannada ku yaalla xadka u dhexeeya gobollada Shabeellooyinka,halkaasoo ay ku sugan yihiin cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka,sida ay ku warrantay Wakaaladda SONNA. Abbaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. C/llaahi Cali Caanood,ayaa Wakaaladdu ka soo xigatay”in ugu yaraan saddex ka tirsan al-shabaab ay ku dhinteen,afar kalena ay ku dhaawacantay ” ,dagaal kooban oo militeriga Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhexmaray degaanka lagu magacaabo Basra,balse ma sheegin khasaaraha dhankooda gaaray. Sidoo kale ma jirto cid ka madax-bannaan dowladda oo warkaasi xaqiijisay. Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in uu socdo hawlgal cusub oo lagu doonayo in Al-shabaab looga saaro degaannada ay kaga sugan yihiin gobolka,kaasoo sida uu hadalka u dhigay ay ka qayb qaadanayaan shacabka,inkastoo uusan faahfaahin ka bixin doorka shacabku hawlgalkaas ku leeyihiin. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in degaannada laga xoreynayo Al-shabaab loo samaynayo maamul soo celiya nidaamkii iyo dowladnimadii,islamarkaana hirgeliya adeegyadii bulsho ee muddo ka maqnaaa,wuxuuna rajo ka muujiyey in hawlgalkaasi guulaysto. PUNTLAND POST The post Militeriga Soomaaliya oo sheegtay in ay dileen xubno ka tirsan Al-shabaab. appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Mudoo 4 Maaliin Wax Dhismo ah Kama Socdaan Garoonka Aadan Cadde iyo Fariisinta ugu Weyn AMISOM ee Xalane, sababtu waxay tahay baqdin laga qabo in Al-shabaab ay Gaadiid ay AMISOM ka qabsadeen ku weeraraan Garoonka iyo Xalane. Laba Gaari ayaa laga qaatay AMISOM waxaana ay ku dhaceen Gacanta Al-shabaab, waxaana aad looga baqanayaa iney Shabaab Qaraxyo usoo Adeegsadaan oo Xarumaha UN-ka lagu Weeraro. Saraakiil dhanka Ammaanka Garoonka iyo xarunta Xalane ah ayaa sheegay in Al-shabaab ay sidoo kale diyaariyeen 15 qof oo ka mid ah Shaqaalaha sida aan Joogtada aan aheyn uga Shaqeeya Dhismooyinka Xalane oo Qaraxyada kadib Weeraro Toos ah fulin doona. In ka badan 700 oo Shaqaale ah ayaa Shaqadii laga Joojiyay Cabsidaas Dateed, Gawaaridii Waaweynaa ee Dhismooyinka ka shaqeynayayna waa la Hakiyay. Banaanka Garoonka oo Kaliya ayaa laga Dareemayaa Arintan oo Gudaha Garoonka Xaalkeeda waa Caadi. AMISOM, UN iyo Dowladda Federal-ka ah ayaa qaba feejignaan Amni middii ugu xoogganeyd maaddaama ay AMISOM gaadiidka laga dhacay sababi karaan in si kedis ah ay ugu gudbaan gudaha Garoonka ama Xarunta Xalane, halkaas oo shabaabku ay qaraxyo iyo weerarro Toos ah ku fulin karaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Dowladda Federaalka Soomalaiya ayaa waxa ay dhaq dhaqaaq Ciidan ka wadaan degaanka Basra oo shalay gelinkii gelinkii dambe ay kula dagaalameen Dagaalyahano ka tirsan Uurka Al-Shabaab. Dagaalkan ayaa wuxuu yimid kadib markii Dagaalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab ay weerar saf balaaran ku soo qaadeen fariisin Ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin degaanka Basra, halkaasi oo uu ku dhexmaray dagaal aad u qaraar. Ciidamada Dowladda oo aad u hubeysan, watana Gaadiidka dagaalka ayaa waxaa lagu arkayaa wadooyinka waa weyn ee soo gala degaanka Basra, iyo meelo gaar ah oo ay u maleynayaan in ay soo mareen Shabaabkii weerarka soo qaaday. Degaanka Basra ayaa ka mid ah degaano Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay Todobaadkan kala wareegeen ururka Al-shabaab, oo ku yaalla Shabeellooyinka, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Buulo-Kuuto, Daniga Baalow iyo Degaanka Jabaluul. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. By Rageh Omaar : Throughout that time I never thought I would see people in Somaliland turn out in their tens of thousands for a multi-party election. Yet that is exactly what is happening right now. A country that had been in the grip of hunger and disease is now in the grip of election fever. SOURCE: ITV
  8. If yes, we do. Have you ever asked why our system is so uncompromising or irreconcilable? They are a confluence of problems that make up the tectonic shifts in our politics. Firstly, we are facing challenges in building inclusive national identity. Unlike, the exclusivist clan, Somali, Islam identity. Somalilandism is the common ground that unites all of us. Secondly, the first phase of democratization in Somaliland is successful. So far, three free and fair elections were held in the country peacefully. Unluckily, clan politics gained ground to race. This has eroded the faith in our electoral system because it revealed the stabbing division and that clan linkage is stronger than common citizenship. Some of the society are excluded from the system or their voices are not heard because they don’t belong to clan x or y. I strongly believe that our society are victims of tribal demagogue who have imposed falsified perception about tribes. In addition, Somaliland’s political trajectory has shown the world the fragility of democracy. It is delicate ecosystem that needs free media and civic consciousness. Ordinary citizens can’t exercise their rights to probe, criticize and question about people in power. Therefore, Somaliland seems illiberal from far due to its record of curbing freedom of press and religious tolerance. More importantly, Somaliland has made economic progress. But, the current financial crisis exposed the deep ties between government and systemic corporate greed, aided by stench of envy, mixed with resentment, the justification for national theft filled the air. These big companies are run by Sheikhs who purposefully polarize their own society for political profit, the result is rage and violence in the making. To consolidate the little progress, we need market based economy guided by macro-economic policies set by competent state. Currently, our society are in a state I call “the normalization of absurdity”. No one questions why some corrupt ministers are looting their wealth. It does not matter how much he has taken as long as he is their tribe or in other words the thief is theirs. The sense of commonality and collective consciousness is lost long ago. That will eventually lead to the failure of state to rationally respond to legitimate grievances and, will give rise to extremism. Lastly, we have fake democracy, growing less responsive and less representative by the day. It is the responsibility of the parliament to take into account to government. But, they prefer their interests rather than majority will. Abdiqani Suleiman Abdiqani Suleiman or can be reached by qani623@gmail.com or by twitter @abdiqanisuleim3 Dr in making and seasonal writer based in adisababa, Ethiopia
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab oo ay ka qeyb qataan, Ciidanka DFS kuwa AMISOM, Maamul Goboleedyada iyo xataa Shacabka Soomaaliyeed. Gobollada Bakool iyo Hiiraan waxaa ka billowday durba Ciidamo iskood u abaabulan oo diyaar u ah in ay la dagaallamaan Al-shabaab, kuwaas oo aan ka amar qaadan DFS. Ciidankaas oo tiro ahaan ka badan 300 oo Askari isla markaana ilaa hadda ah maleyshiyo aan cidna ka amar qaadan marka laga reebo Talis ay iyagu leeyihiin, waxaa ka dhalan karta halis kale oo dhanka Ammaanka ah. Taliye ku xigeenka Ciidamadaas iskood isu Abaabulay oo la yiraahdo Cabdullaahi Cabdi Zabriye ayaa u sheegay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho in ay halkooda ka billaabayaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, haba noqotee waxaa kuwaasi ay sababi karaan Amniga waxyeello soo gaarta, maaddaama aysan jirin cid ay Hoos tagaan. Durbadiiba wuxuu sheegay in dhankooda ay diyaar garoobeen isla markaana ay howsha ugu horreysa ka billaabayaan in ay Isbaarooyinka Shabaab ka nadiifiyaan waddooyinka isku xira Hiiraan iyo Bakool. Madaxweynaha ayey dadka siyaasadda Indhaha ku haya ku dhaliileen go’aanka uu ugu dhawaaqay in shacabku ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana taasi ay noqon kartaa halis Amni oo hor leh, maaddaama uusan jiri Karin iska warqab buuxa oo ciidanka Dowladda, Kuwa AMISOM iyo dadka iskood isu abaabulaya ee dagaalka isku dhanka ah kula jira Shabaab. Khataraha ka dhalan kara waxaa ka mid ah, in ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM aysan kala garan doonin Maleyshiyaadka iyaga Garabka siinaya iyo Al-shabaab oo ah cidda ay la dagaallamayaan, taas oo keeni karta in xataa malleyshiyadaas iyo ciidanka qaranku ay isku dhacaan. Qorshaha shacabku uga qeyb qaadan karo dagaalka lama Caddeyn sida ay Ogaatay Xogdoonnews, haddii hadalka Madaxweyne Farmaajo uu ahaa in shacabku hubka qaataan waa Khatar Amni oo hor leh, haddiise uu ula jeeday in ay garab siiyaan ciidanka DFS iyagoo aan hubeysneyn waa in hubka laga dhigo malleyshiyaadka durbadiiba billaabay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, taaso u baahan in laga fiirsado oo dib loo eego xaaladda Ammaan ee dalku geli karo marka ay shacabku hubka qaataan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. By: Farah Yusuf HARGEISA— Voting in the presidential election will begin in a matter of days in Somaliland. Somaliland security heightened amid fears of terrorist attacks carried out before and after the elections. Security remains tight across the country on the directives of the interior ministry and the police commissioner. Police nabbed on last Monday 7 suspects in Hargeisa who are thought to be masterminding attacks against Somaliland. Two other suspects were arrested in the down town armed with weapons as reports indicate. The nine suspects who are in detention as police are interrogating at the moment. The landlord whom the suspects rented a house is under police custody.They are said to be in the country for two weeks planning to conduct terrorist attacks against Somaliland. Al Shabab conducted terrorist attacks in Somaliland in 2008 targeting the presidential palace, UNDP compound and Ethiopian Consulate in Hargeisa. In another development ahead of SL presidential polls that Puntland, a provincial administration in Somalia which borders with Somaliland is said to be amassing troops in amid a border spat with Somaliland’s armed forces. Puntland deployed armed vehicles and troops in Tukaraq and Taleeh which is under SL’s control. The objective behind Puntland amassing troops in the Sool is perceived as an act of aggression with Somaliland. Somaliland defense forces in the front lines are on high alert and have moved to the areas that Puntland have deployed its forces. It is likely that the two forces will clash in a deadly skirmishes. This comes after Puntland parliament voted that its forces must stop SL to conduct elections in Sool, Sanaag and Ayn regions. It is said that Somaliland exceeds Puntland in terms of defense forces. Defense reports confirm that Puntland cannot withstand SL’s armed forces due to lack of equipment and as well as robust forces.
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya Mustaf Dhuxulow ayaa Magaalada Muqdisho ka bilaabay olole cusub oo shaqaalaha dowladda uga saarayo shaqaalanimo, isagoo garab maray sharciga Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Soomaaliya. Mustaf Dhuxulow ayaa bilaabay olole uu laf kamid ah Beeshiis Murusade oo lagu magacaabo Saciid Abakar uga saarayo Liiska Shaqaalaha dowladda Soomaaliya, isagoo boos kasta oo kamid ah boosaskaas uu ku badalayo shakhsiyaad kale oo kasoo jeedo Beeshiisa Habarceyn,gaar ahaan Orgaale. Mustaf Dhuxulow ayaa asbuucii lasoo dhaafay Liiska Shaqaalaha dowladda ka saaray Wariye ka tirsan Idaacadda Radio Muqdisho oo lagu magacaabo Maxamed Muuse Maxamed (Gulfaan) kaasoo aan gelin wax dambe qaran oo uu ku muteystay inuu ku waayo shaqadiisa, maadaama uu Dastuurka Soomaaliya dhigayo inaan shaqaalaha rayidka laga saari karin liiska illaa lagu helo dambi qaran oo lasoo marsiiyey maxkamad. Mustaf Dhuxulow oo garab ka helayo Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Eng. Yariisow ayaa si sharci darro ah shaqada uga ceeriyey Wariyahaas ka tirsan Idaacadda Radio Muqdisho, wuxuuna mar qura ka war helay waraaq laga dhigay albaabka hore ee Xafiiska Raadiyaha isagoo aan la siin wax degniin ah ama loo sheegin sababta uu shaqadiisa ku waayey. Xogta ay heleyso Caasimadda Online ayaa sheegeyso inuu Mustaf Dhuxulow la xiriirayo shaqaale kasta oo ka tirsan dowladda Soomaaliya kana soo jeedo Beeshiisa isagoo waydiisanayo lacag baad ah oo laga siiyo mushaaraadkooda, wuxuuna tallaabo shaqo joojin ah ka qaadayaa cid kasta oo diido baadaas aan la ogeyn marka ay sharci noqotay. Wasiirkii hore ee Warfaafinta Dowladda Soomaaliya ayaa si qaldan uga faa’ideysanayo awoodda dowladinimo, mana jirto xil uu dowladda Soomaaliya u hayo marka laga reebo xubinimadiisa Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana is waydiin mudan xilka uu Dhuxulow ka hayo Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya. Maahan markii ugu horeysay ee uu Mustaf Dhuxulow qaado tallaabo noocaan ah, waxaana horey loo xasuustaa inuu shaqada ka ceeriyey Agaasimihii hore ee Radio Muqdisho Axmed Faarax Gaatamow oo kasoo jeedo Beesha Daguuro, wuxuuna Mustaf Dhuxulow ka sheeqeeyey in booskaas loo magacaabo Cabdifataax Daahir Jeyte oo kasoo jeedo Beesha Habarceyne. Cabdifataax Daahir Jeyte oo gudayo abaalkii uu Mustaf Dhuxulow u galay ayaa Mustaf ka caawiyey in shaqada laga ceeriyo Wariyahaas ka tirsan Radio Muqdisho oo si sharci darro ah shaqada looga joojiyey. Musftaf Dhuxulow oo garab taageero ka heysto Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa bilaabay inuu ku takrifalo awoodda dowladeed, isagoo liiska Shaqaalaha dowladda ka saaray shakhsiyaad badan oo kasoo jeedo Saciid Abakar. Mustaf Dhuxulow ayaa lasoo baxay dabeecado aan horey loogu aqoon, lamana garanayo sababta ilaa hadda keentay inuu si gaar ah u ugaarsado beeshiisa. Waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka socdo kulamo waaweyn oo ay leeyihiin Odayaasha, Xildhibaanada iyo Waxgaradka Beesha Murusade, waxaana la filayaa in laga soo saaro qodobo ka dhan ah ugaarsiga uu maalmihii dambe bilaabay Muftaf Dhuxulow.
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa olole ugu jira inuu la wareegto ammaanka Gobolka Banaadir. Warar ay heshay Caasimadda ayaa sheegay in Guddoomiye Taabit uu si toos ah uga dalbaday madaxda sare ee dowladda inay ammaanka G/Banaadir ku wareejiyaan Gobolka, isla markaana kula xisaabtamaan wixii ammaandarro ah ee ka dhaca. Guddoomiyaha G/Banaadir ayaa qorshihiisa ammaanka ee caasimadda waxaa ka mida in loo qoondeeyo miisaaniyadda 10% kharashka dowladda ee ilaha dhaqaalaha Muqdisho oo hore Golaha wasiirada ay u ansixiyeen laakiin aan weli u suuragelin. Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku doodaya inuu ammaanka gaarsiinayo heer degmo iyo xaafadeed, isla markaana uu heysto ciidamo iyo kaadiriin howsha amniga hanan kara, wuxuuna diiday tallooyin ku saabsan inuu isaga haro arrintan. Lama oga in arrintan ay aqbali doonaan madaxda sare ee dowladda federaalka iyo inkale, waxaase weli gobolka Banaadir laga hortaagan yahay inuu helo qoonde miisaaniyadeed ay u ansixiyeen Golaha Wasiirada. Guddoomiyeyaashii hore ee G/banadir oo dalbaday in lagu wareejiyo arrimaha amniga iyo ciidamada ayaa waxaa ka hor yimid hoggaanka ugu sareeyay dalka, iyadoo la xusuusto balanqaadyadii fuli waayay ee madaxweynihii hore Xasan Sheekh. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dowladda Shiinaha ku cadaadiyey in ay dadaal dheeraad ah ku bixiso Barnaamijka Nukleerka Kuuriyada Waqooyi,wuxuuna sheegay in ganacsiga laba-geesoodka ah ee ay Shiinaha la wadaagan uusan cadaalad u ahayn Maraykanka. Laakiin Trump ayaa madaxweyne Xi Jinping ku ammaanay sida ay uga go’antahay in dalkiisu noqdo mid u furan shirkadaha debadda. Mar uu ka hadlayey arrinta kuuriyada Waqooyi ayuu yiri”Shiinuhu wuu awoodaa in uu xalliyo dhibaatadan si deg deg ah oo fudud“,isagoo ku boorriyey xukuumadda Beijing in ay xiriirka ganacsi u jarto Kuuriyada Waqooyi,sidoo kalena Ruushka ugu baaqay in uu caawimaad ka geyso arrintaasi. Donald Trump ayaa hadalkaan jeediyey,xilli dhinac taagnaa dhiggiisa Xi Jinping oo ay ku kulmeen caasimadda Shiinaha ee Beijing,halkaasoo ay ku saxiixeen heshiis ganacsi oo ku kacaya $250 bilyan oo Doollar,kaasoo u dhexeeya shirkadaha Maraykanka iyo Shiinaha. Madaxweyne Xi Jinping ayaa dhankiisa sheegay in dhaqaalaha dalkiisu uu noqon doono mid u furan shirkadaha debadda oo ay ku jiraan kuwa maraykanka,sidoo kale wuxuu soo dhoweeyey shirkadaha Maraykanka ee maalgeshanaya dalkiisa,halka uu ballan qaaday in Xukuumadda Shinaha ay xiriirka ganacsi u jarayso Kuuriyada Waqooyi. Xigasho/Reuters The post Maraykanka iyo Shiinaha oo kala saxiixday heshiis ganacsi oo ballaaran. appeared first on Puntland Post.
  14. Taliyihii Ciidamada ilaalada wadooyinka Cali Maxamuud Cali (Shariif) ayaa ku geeriyooday Magaalada Muqdisho, Waxaa geerida Taliyaha Saxaafada u xaqiijiyey eheladiisa ku sugan Gobalka Banaadir Taliyaha ayaa mudooyinkii danbe xaaladiisa caafimaad lagu dabiibayay isbitaal ku yaal dalka hindia, balse markii danbe oo losoo celiayay Magaalada Muqdisho uu Xalay ku geeriyooday. ehelada Marxuumka ayaa u sheegay iney Xaaladiisa kasii dareysay marba marka ka danbeeso Xalayna uu Alle qadaray inuu geeriyoodo. General Cali Maxamed Cali, ayaa howlo badan uqabtay Qaranka intii uu noolaa isagoo laba jeer noqday Taliyaha Ciidanka ilaalada Wadooyinka ee Xamar, wuxuuna kala wareegay General Cali Gaab. Marxuum Cali Maxamuud Cali (Shariif) ayaa lagu wadaa maanta in aas kiisa ay ka soo qeyb galaan Saraakiil ka tirsan Ciidanka Taraafikada Soomaaliya iyo Ehelada marxuumka. PUNTLAND POST The post Taliyihii Ciidamada Taraafikada Soomaaliya oo Geeriyooday appeared first on Puntland Post.
  15. Nairobi(Caasimada Online)-Hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa soo dhaweeyay wadahadal uu la galo Madaxweynaha la doortay ee Kenya Mr Uhurro Kenyatta. Raila Odinga oo u waramaayay warbaahinta Reauters ayaa sheegay ka hor inta uusan dhicin wadahadal in la doonaayo in marka hore Kenya loo sameeyo dowlad kumeel-gaar oo wadaag ah. Waxa uu sheegay in dowlad wadaagaasi ay Kenya uga badbaadi karto xasil daro iyo in dalka uu ka dhaco burbur. Raila Odinga, waxa uu sidoo kale sheegay inaan lagu dheeran doonin dhismaha dowlad kumeel-gaar ah, balse ay sii shaqeyn doonto muddo 6 bilood ah. Odinga waxa uu tilmaamay in kumeel-gaarka looga bixi doono khilaafka iyo xiisada kala dhexeysa Uhurro Kenyatta, waxa uuna meesha ka saaray in ujeedkiisa uu yahay in Kenya ay gasho carqalad iyo xasilooni darro. Raila Odinga waxa uu ku celshay in la doonaayo in mar Seddexaad la qabto doorasho xor iyo xalaal ah, maadaama uu horay u dhacay musuq-maasuq. Raila waxa uu tilmaamay in Uhurro uusan maamuli karin Kenya maadaama kala bar dadka Kenya ay aaminsan yihiin in la gacan bidixeeyay Qaranka. Sidoo kale, doorashadii ugu dambaysay ee dalka ka dhacday 26/10/2017 waxaa ku guuleystay Uhurro Kenyatta walow hogaamiyaha xisbiga mucaaradka uu isaga baxay tartanka kadib markii uu ku tilmaamay doorasho sharci dara ah. Si kastaba ha ahaatee, Kenya ayaa u muuqaneysa mid ay kusii kordhayaan khilaaf siyaasadeedka suuragalinkara in dalka uu cagaha la galo amni darro. Caasimada Online Xafiiska nairob Caasimada@live.com
  16. Booliiska gobolka Nugaal ayaa xiray saddex nin oo lagu eedeeyay in ay dhac u geysteen bakhaar ku yaalla caasimadda Garoowe,kuwaasoo xalay guryahooda laga soo qabtay,sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Booliiska. Taliyaha Saldhigga dhexe ee Garoowe Dhamme.maxammud Muuse Bile(Fardafuul) oo la soo xiriiray PUNTLAND POST ayaa sheegay in saddexda nin ay dhac u geysteen bakhaar lagu magacaabo Rowda oo ku yaalla bartamaha Garoowe,islamarkaana Booliisku raadinayeen maalmihii la soo dhaafay,hase yeeshee xalay laga soo qabtay guryahooda. Dhinaca kale Fardafuul ayaa sheegay in la qabtay nin khamraysan oo xalay saqdii dhexe weeraray saldhigga dhexe ee Garoowe,kaasoo muddo saacado ah la-gaallamayey Ciidanka. Wixii ka soo kordha kala soco:puntlandpost.com The post Booliiska Nugaal oo qabtay nin soo weeraray Saldhigga dhexe ee Garoowe appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa ka digay in ciidamada dowlada Federaalka ay ku dhiiradaan dhibaateynta dadka shacabka ah. Kheyre ayaa sheegay inay jiraan dacwado badan oo laga soo gudbiyay ciidamada oo aan la dhaqmin dadka shacabka ah. Waxa uu sheegay in anshax darada askarta qaar ay sii fogeyneyso rajadii laga lahaa is dhexgal dhexmara ciidamada iyo dadka shacabka ah, waxa uuna ka digay in lagu xadgudbo shacabka. Kheyre waxa uu tilmaamay in rajadoodu ay tahay in anshaxa ciidamada ay ku dhiiradaan shacabka si muwaadiniinta dhan ay isaga diiwaan galiyaan Hay’adaha amniga. Waxa uu Ra’isul wasaare Kheyre carab dhabay in dacwadaha ugu badan ee laga soo gudbiyo ciidamada ay tahay inay faquuqaan shacabka isla markaana Hubka Qaranka u adeegsadaan dadka shacabka ah ee iyaga garabka u noqon lahaa. Sidoo kale, waxa uu cadeeyay in askari waliba ay kula xisaabtami doonaan falka uu geysto isla markaana uu saldhig u noqon doono sharciga. Dhinaca kale, dadka shacabka ah ayuu ugu baaqay in dhankooda ay ka ilaaliyaan sharciga isla markaana ay ka fogaadan waxyaabaha dhibka u keenikara. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya inuu geeriyooday Taliyihii ciidamada Taraafikada Somalia General Cali Maxamud Cali ”Cali Shariif ”. Taliyaha Ciidamada Taraafikada ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhex geeriyooday Xafiiskiisa oo qeyb kamid ah u ahaa Hooy. Sarkaal ka tirsan ciidamada Taraafikada ayaa warbaahinta u sheegay in Cali Shariif , uu waayadan ahaa mid u saaxiib ah xanuun, isla markaana dhawaan kasoo laabtay dalka India oo uu ugu maqnaa xanuun. Taliyaha marxuumka ah ayaa muddo laba asbuuc si KMG ah howsha ugu wakiishay ku-xigeenkiisi oo hada hawsha waday. Sidoo kale, Cali Sharif ayaa horay usoo noqday Taliye xigeenkii Booliska Gobolka Banaadir, waxa uuna ahaa shaqsi inbadan kusoo dhex jiray howlaha ciidanka. Dhinaca kale, meydka Cali Sharif ayaa lagu aasayaa qabuuraha ku dhexyaala Isbitaal Madiina oo inta badan lagu aaso halgamaayaasha Qaranka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – General Cali Maxamed Cali oo lagu naaneesi jiray “Cali Shariif “ ayaa xalay ku geeriyooday xafiiskiisa uu isla hooy u ahaa Taliyaha ayaa xanuusan waayadan Waxaana dhawaan laga keenay dalka India . Saraakiil Taraafikada ka tirsan aya Dalsan u sheegay in taliyaha uu si KMG 2 isbuuc ka hor xilka ugu wareejiyey ku xigeenkiisi Oo hada hawsha waday . Cali Sharif ayaa Sido kale so noqday Taliye xigeenkii booliska G/Banaadir . Saaka ayaa lagu aasayaa qabuuraha Isbital Madiina . Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Midoowga Afrika ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay in ay bilaabayaan in ciidammada nabad illaalinta AMISOM ay ka baxayaan Soomaaliya sanadkan dhammaadkiisa. Tirada askarta baxaysa sanadka waa kun askari, waana tiro aad u yar marka laga qiyaas qaato tirada guud ee AMISOM ee Soomaaliya ku sugan oo gaaraysa 22 kun oo askari. Balse waxa ay ahayd war lama filaan ah oo dhegaha Soomaalida ku cusub 10kii sano ee lasoo dhaafay ee AMISOM ay ku sugnayd gudaha Soomaaliya , xiligaas oo ciidamo lasoo kordhiyo mooyee, wax dhimis aysan jirin. Ciidammada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika (AMISOM) waxa ay markii ugu horaysay dalka yimaadeen bishii Maarso, sanadkii 2007-dii, xiligaas oo uu Soomaaliya madaxweyne ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxayna suurtagaliyeen in markii ugu horaysay oo madaxweynaha iyo dowladda Soomaaliya ayka howlgalaan caasimadda. Inkasta oo afar degmo oo kaliya xiligaas ay dowladda ka shaqaynaysay, 12-ka kalee degmo ee caasimadda iyo 10 gobol oo dalka ka mid ahba waxaa haystay xoogagga dowladda kasoo horjeeda. 10 sano kadib maanta nidaamka dowliga ah ee Soomaaliya heer federaal iyo mid maamul goboleedba waxa uu ku baahay dalka oo dhan, waxaana gacanta lagu hayaa inta badan magaalooyinka waaweyn ee dalka. AMISOM ayaa gacan ka qeysatay in qeybo ka mid ah dalka la gaaro. Balse marka la eego mudada ay ku qaadatay iyo qarashka ku baxay, iyo hawsha tirada badan ee hadda dhiman, waxaa muuqata in arrinta aysan ahayn ‘guul iyo gunaanad’. “Rajadii laga lahaa AMISOM ma la gaaray” Cabdinuur Daahir oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya, kuna sugan dalka Turkiga oo u waramay BBC-da ayaa sidan qaba: “Wixii laga sugaayay, iyo rajadii laga lahaa ma aysan keenin, boqolkiiba 40% ayay hawshii loo keenay qabteen, boqolkiiba 60% kuma aysan guulaysanin, sababtoo ah shaqada ay qabanayeen waxaan isleeyahay ma ahayn shaqo ay daacad ka ahayd, shaqo waxay ahayd meesha mushaar ay usoo doonteen”. Alshabaab waxa ay hadda si buuxda u haysataa gobolka Jubbada Dhexe, degmooyin ka tirsan Jubbada Hoose, deegaano ka mid ah gobolada Gedo, Bay, Bakool, Shabeelaha Hoose, Shabeelaha Dhexe, Hiiraan iyo xitaa gobolada Dhexe, waxayna markasta weeraro qasaaro badan ka dhasho ka geysataa caasimadda iyo meelo kale oo dalka ka mid ah. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga maanta kula hadlay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka. Waxay sidoo kale geysteen weerarro qasaaro baaxad leh u geystay ciidammada AMISOM oo ay ku qaadeen saldhigyadooda Soomaaliya. AMISOM waxaa soo gaaray qasaare nafeed oo aad u badan mudadaas, waxaana ugu darnaa weeraro ka dhacay Dayniile oo Muqdisho ah iyo deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo halkaas oo tiro badan oo askar nabad illaalin ah lagu dilay mar kaliya. Iyada oo ay sidaas tahay, wali waxa ay dad badan ku doodayaan in ay wali taagantahay baahidii markii horeba ay dalka u yimaadeen. Xilliga lagu dhawaaqay bixitaankoodana wuxuu ku soo beegamayaa mar loo diyaargaroobayao duulaan ka dhan ah Alshabaab, “gacansiintoodana aad loogu baahan yahay”. Hase yeeshee waxa ay u egtahay in dowladda federaalka aysan walwal badan ka qabin bixitaanka AMISOM ee biloowday sida uu sheegayo wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan. “Soomaaliya waxay isku duba riday hab nabadgelyo oo wanaagsan, waxaanan aaminsanahay in ciidammadeena ay heleen tababar ku filan, xiligan waa markii loo baahnaa in aan anaga dhabarka u ridano mas’uuliyadda amniga”, ayuu yiri Yariisow. Falanqeeye Cabdinuur Daahir ayaa dhankiisa isna qaba in bixitaanka AMISOM ay faa’iido tahay “10kii sano ee ay dalka joogeen ciidammada AMISOM, madaxda dalka waxa ay iska dhaadhiciyeen iyaga ayaa Alshabaab idinka difaaci doona, balse maadaamaa ay hadda baxayaan taas micnaheedu waxa ay tahay in ay Soomaalida isku tashato”. AMISOM lafteeda ayaa qirsan baahida hayso ciidammada Soomaaliyeed sida uu shalay shir jaraa’id ka sheegay Francisco Madeira oo ah ergayga Midoowga Afrika ee Soomaaliya. “Waxaan baahi degdeg ah loo qabaa in la hubeeyo, la qalabeeyo, islamarkaasna mushaaraadkooda la siiyo ciidammada Soomaaliyeed, waxaa kale loo baahanyahay adeeg caafimaad oo ku filan iyo waliba abuurista kaabayaashii militariga sida xerooyin ay wax kasta u dhamaystiranyihiin”, ayuu yiri Madeira AMISOM Markii ay ku dhawaaqaysay bixitaanka, madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dareeska ciidammada xiran ayaa tagay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, halkaas oo uu kula hadlay askarta, una sheegay in ay isu diyaariyaan hawlgal militari oo ka dhan Al-shabaab. “Waxaan aaminasanahay in aan ka guuleysanayno Shabaab, khibradeedii waad leedihiin, waddaniyadeedii waad leedihiin, dowlad wanaagsan oo diyaar idiin ahna waad heysataan, anaga ayaana koow ka ah, shacab baraarugsanna waad heysataan, wax noo haray ma jiraan, dagaalkii waa socdaa, fadhi ma yaalo,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. “Maskaxdii iyo aqoontii uu shacabka sugayay waa idinka, cid kale oo Soomaalida u maqan ma jirto oo aanan idinka ahayn”, ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweynaha oo la hadlayay saraakiisha militariga oo isugu yimid goob ku taala wasaaradda Gaashaandhigga. Madaxweynaha ayaa hadaladan ku celceliyay marar badan tan iyo intii xilka loo doortay bishii Feberaayo ee sanadkan, wuxuuna marar badan muujiyay sida ay uga go’antahay in ammaanka dalka uu dowladda si buuxda gacanta ugu galo. Kalsoonidaas uu madaxweynaha muujinayo marka laga soo tago, caqabadaha ma ahan kuwa yar, wuxuuna hadda dalka ku jiraa xilli uusan lahayn wasiir gaashaandhig, iyo taliye nabad suggid, kuwaas oo xilka uga tagay xaalado mugdi ah. AMISOM waxa ay qeyb ka tahay hawlgalka hadda la qorshaynayo in lagu qaado Alshabaab, balse waxaa biloowday in ay si tartiib ah dalka uga baxaan dalka, waxaana laga wardhawri doonaa sida dowladda u hanato amniga dalka ka dib markii ciidamada nabad ilaalinta ay wada huleelaan illaa 2020-ka. Xigasho BBC The post Soomaaliya ma isku filan tahay bixitaanka AMISOM ka dib? appeared first on Puntland Post.
  21. IOM, the UN Migration Agency, in cooperation with the Intergovernmental Authority for Development (IGAD), organized a capacity building training from 30 October to 3 November at IOM’s African Capacity Building Centre (ACBC) in Moshi, Tanzania. The training aimed at enhancing the understanding of international migration law and migration and development, as well as building the capacity within the IGAD region, including Djibouti, Ethiopia, Kenya, Somalia, South Sudan, Sudan and Uganda. The first two-week training took place from 18 to 29 September also at the ACBC. Thirty-three trainees were selected from institutions belonging to the National Coordination Mechanisms (NCMs) with diverse backgrounds including Ministries of Interior, Foreign Affairs, Labour, Members of Parliament (MPs), and Immigration and Police Services from IGAD Member States. “We believe that it is important to have a holistic approach to migration management with the aim of emphasizing the positive contribution that well-managed migration can bring to the development of the IGAD region, ‘’ said Aaron Tekelegzi, IOM Special Liaison Office (SLO) in Addis Ababa, Ethiopia. “Sound policy and integrated approaches to migrant assistance during crisis situations, well supported regional labour policies, and cohesive free movement frameworks are of paramount importance to the development of the region,” added Marcellino Ramkishun, IOM ACBC Senior Migration Specialist. “Effective participation and valuable proposals are needed to improve migration management, maximize the benefits of migration and strengthen the cooperation among the IGAD countries,’’ stressed Dr. Khalid A.A. Lord, Director of the Sudan Centre for Migration and Development Studies. The recommendations to IGAD countries emerging from the training included better diaspora mapping and closer collaboration with financial institutions and private sector to encourage diaspora investment in their home countries. The training also led to recommendations to establish closer collaboration on bilateral labour agreements with host countries, as well as the development and adoption of migration policies and their fast-tracking at national levels. “This second training represents an important step in achieving the project’s objectives, building predominantly on capacity building of the NCMs from the IGAD Member States,” said Qasim Sufi, IOM Tanzania Chief of Mission. “The practical recommendations made by participants are also clear indicators of the success of the Regional Migration Policy Framework project,” he added. The training was held under the auspices of a joint regional migration project that is being co-implemented by IOM and IGAD to build regional and national capacities and implement the Regional Migration Policy Framework (RMPF). The RMPF aims at empowering the NCMs on migration through trainings, seminars and advocacy activities that help address mixed migration in the region and mainstream migration into development planning and programming by Member States. Source: IOM
  22. NAIROBI (Reuters) – A militant faction loyal to Islamic State (IS) has increased its following in northern Somalia from a few dozen last year to up to 200 this year, a U.N. report said, days after the group came under U.S. air attack for the first time. The increase in strength of the IS spin-off group has attracted attention because some security officials fear it could offer a safe haven for Islamic State militants fleeing military defeat in Syria or Iraq. “The Islamic State of Iraq and the Levant (ISIL) faction loyal to Sheikh Abdulqader Mumin – estimated…in 2016 to number not more than a few dozen…, has growing significantly in strength, and (now) consists of as many as 200 fighters,” said the report by a panel of U.N. experts obtained by Reuters. “Even a few hundred armed fighters could destabilize the whole region,” said a regional diplomatic security source. “It(air strikes) is a recognition from the U.S. that the situation in terms of the (Islamic State) faction in Puntland is becoming increasingly critical.” Somalia has been riven by civil war and Islamist militancy, though more in the south than in the north where the Puntland region is located, since 1991 when clan warlords overthrew a dictator before turning on each other. Friday’s air strikes failed to kill Mumin, the security source said. But Abdirizak Ise Hussein, director of semi-autonomous Puntland’s spy service, said the strikes killed about 20 militants, including a Sudanese fighter and two Arabs. Almost all Mumin’s fighters are Somali, the U.N. report said, though the group is believed to include a Sudanese man sanctioned by the United States. The group also has contacts in Yemen. It was unclear if the Sudanese man under U.S. sanctions was the same one reported killed in the air strike. “The number of IS fighters in Puntland has increased. Mostly they come from southern Somalia and a few, including foreigners, come from Yemen,” Colonel Abdirahman Saiid, a military officer in Puntland, told Reuters. The U.N. report said defectors from Mumin’s faction reported the group had received money and orders from Iraq and Syria, and one member said he had seen Mumin and another leader using TrueCrypt software to communicate with them. The United Nations could not independently verify those claims. Mumin’s group has been slowing increasing its activity over the past year. In late 2016, it occupied the port of Qandala in Puntland, a semi-autonomous region, for a month. Earlier this year, it carried out its first attacks. Its fighters killed four guards at a hotel in Bosasso, the economic capital of Puntland, in February. The same month, the group beheaded three men it had kidnapped. Somalia’s main Islamist insurgent group, al Shabaab, is aligned with al Qaeda and is most active in the Horn of Africa country’s south. It has repeatedly clashed with the Islamic State-aligned faction in the north. Additional reporting by Abdiqani Hassan in Bosasso; editing by Mark Heinric Source: Reuters
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-shabaab. Wasaarada ayaa sheegtay in Dagaalka uu yahay mid waajib ah oo uu Iclaamiyay Madaxweynaha Somalia Maxamed ”Farmaajo”. Prof. Sokor Jaamac Geyre oo ah Agaasimaha Wasaaradda Gaashaandhigga Somalia, ayaa sheegay in iminka ay ku howlan yihiin abaabul dagaal oo lagu doonaayo in maleeshiyaadka Alshabaab looga saaro dalka. Agaasimaha oo u waramaayay Idaacada VOA-da ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu dhawaan ka bilaaban doono guud ahaan Gobolada dalka sida uu qorshuhu yahay. Wuxuu sheegay Ciidamada xoogga dalka oo garab ka helaya kuwa AMISOM in ay diyaar u yihiin sidii ay al-Shabaab uga saari lahaayen dhamaan degmooyinka iyo degaanada ay kaga sugan yihiin dalka, si Soomaaliya ay mar kale u hanato qaranimadeedii iyo midnimadeedii. Waxa uu sheegay in Howlgalada ka dhanka ah al-Shabaab ay bilowdeen, hadana ay marayaan meelo wanaagsan kaliyana ay ka dhimantahay in ciidamada is garabsanaaya ay xoojiyaan dhaqdhaqaaqa ay wadaan. Sidoo kale, Prof. Sokor ayaa sheegay in ay diyaarsan yihiin Ciidamada Soomaaliya balse ay sugayaan oo kaliya amar ka soo baxa Madaxda Qaranka oo ku aadan in la dhaqaaqo. Awoodda Al-Shabaab ayuu ku sheeegay in ay tahay mid aad u liidato oo aysan ka hor imaan karin Ciidanka Xoogga Soomaaliya. Dhinaca kale, jidgooyooyinka ay dhigeen al-Shabaab ayuu sidoo kale sheegay inaysan u hakan doonin ciidamada, waxa uuna cadeeyay inay kaashanayaan khibrado ka fog kan ay wataan maleeshiyaadka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Priti Patel ayaa iska casishay wasiirka horumarka caalamiga ah ee UK iyadoo bartanka lagaga jiro dooda kulanka aan loo fasixin ee ay la yeelatay masuuliyiinta Israa’iil. Waxaa laga dalbaday in ay ka soo laabato safar shaqo oo rasmi ah oo ay Afrika ku joogtay, Ra’iisulwasaaraha ayaana ugu yeertay xafiiskeeda Downing Street si arrintan wax looga waydiiyo. Waraaqda is casilaadda ah ee ay qortay Patel waxay ku sheegtay in ficilkeedu “uu ka hoos maray heerkii daahfurnaanta ee ay u ol’olayn jiray, dhiirigalin jirtayna”. Ra’iisulwasaaraha ayaa sheegtay in ay qaadatay go’aan “sax ah” iyadoo ay faahfaahin dheeraad ah ka soo baxeen arrintan”. Patel ayaa raali galisay Ra’iisulwasaare Theresa May Isniintii ka dib markii ay soo baxday in ay kulan aan loo fasixin la yeelatay bishii Agoosto siyaasiyiin reer Israa’iil ah oo uu ka mid yahay ra’iisulwasaare Benjamin Netanyahu. Laakiin intaas ka dib waxaa soo baxday in ay labo kulan oo kale gashay iyadoo aysan wehelin masuuliyiinta dawladda UK, bishii Sabtembar. BBC Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Kooxda taabacsan ururka Daacish ayaa dagaal yahanadeedu kordheen kadib markii sanadkaan tiradoodu gaartey 200 qof, sidaas waxaa lagu sheegey warbxin QM soo saartey maalmo kadib weerar cirka ah markii ugu horeysay ay la beegsadeen kooxdaan ciidamada Mareykanku. Kororsiimada dhinaca awooda ee ururkaan ayaa soo jiidatey dadka khubarada amniga taasoo sababi karta in ISIL lagaga adkaadey dalka Siiriya iyo Ciraaq gabaad ka dhigtaan deegaanada Puntland. ” Kooxaha daacada u ah ururka ISIL Ciraaq ee Shiikh Cabdulqaadir Muumin- waxaa lagu qiyaasey… sanadkii 2016 waxaan ka badneyn Dhowr Daraasin…, ayaa si xoogan u kordhey awoodna yeeshey kuwasoo hadda ka kooban dagaalyahano gaaraya 200,” sidaas waxaa yiri warbxin QM qortey. “Xitaa dhowr boqol oo dagaal yahan waxay khalkhal amni galin karaan gobolka oo dhan,” sidaas waxaa yiri diplomaasi qaabilsan arimaha amniga. ” Weerarka cirka ee dowlada Mareykanka ku qaadey kooxdaan marka loo eego jaanibka Daacish Puntland waxay ka tarjumeysaa in xaaladu Halis tahay.” Weerarkii cirka ee Jimcihii la soo dhaafey lagu qaadey Muumin waxaa uu ku guuldareystey in lagu dilo, sidaas waxaa sheegey xogta amniga. Laakiin Cabdirizaq Ciise Xuseen oo ah agaasimaha hay’ada sirdoonka PIA ayaa sheegey in duqeyntaas lagu diley 20 maleeshiyo oo ka tirsan kooxdaan, Nin Suudaani ah iyo Labo Carabta kale ah. Dagaal yahanada Muumin kuligood waa Soomaali, sidaas waxaa lagu yiri warbxinta QM, iyadoo la rumeysnaa in kooxdaan uu la joogey nin Suudaani ah ay raadineyso dowlada Mareykanka. Kooxdaan ayaa sidoo kale xiriir la leh dalka Yemen. Lama xaqiijin karo Ninka Suudaaniga ah ee ku dhintey duqeyntaan inuu yahay kii dalka Mareynka uu raadinayey” Inta badan dagaal yahanada kooxda Puntland ee taabacsan IS waa kordheen, badankooda waxay ka yimaadeen Koonfurta Soomaaliya inyar oo ajaanibta la joogtana dalka Yemen,” sidaas waxaa warsidaha Reuters u sheegey Col. Cabdiraxman Siciid oo ka tirsan ciidamada Puntland. ” Warbixinta QM ayaa lagu sheegey in dad kasoo baxsadey kooxdaan xogta ay bixiyeen ku xuseen in IS Puntland lacag heshey iyadoo dhinaca kale amarada ka qaadata ISIS Ciraaq iyo Siiriya, mid kamid Ragaan soo baxsadey ayaa arkey in Muumin iyo hogaamiyaasha kale isticmaalaan qalab Teknaloojiyada intrenet (TrueCrypt software) ee lagu wada hadlo kaasoo kooxdaan caan ku tahay. QM si madax banaan uma aysan cadeyn xogtaan. Kooxda Muumin oo si tartiib ah u kordheysay ayaa dhaqdhaqaaqeeda kordhisay sanadkii la soo dhaafey. Iyadoo dabayaaqadii 2016, qabsatey magalada Qandala ee ka tirsan maamulka Puntland. Sanadkaan bilowgiisa, koxdaan waxay qaadey weerarkeedii ugu horeeyey. Dagaal yahanadeedu waxay ku dileen Afar Askari Hotel ku yaala magaalada Boosaaso, xarunta ganacsiga Puntland, bishii February. Isla-bishaas, kooxdaan waxay madaxa ka gooyeen Sadex nin oo ay afduubeen. Ururka Al-shabaab oo ah midka ugu xooga badan kooxaha sheegta islaamiyiinta ee ka dagaalama Soomaaliya ayaa iyagu dhaqdhaqaaqooda u badan yahay Koonfurta Soomaaliya kuwasoo dagaalo goos goos la gala kooxdaan taabcsan Daacish ee ka jirta Woqooyiga Soomaaliya. Isha: GO