Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,077
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Dalka Sucuudi Carabiya, in kabadan 200 oo qof ayaa su’aalo laga weydiiyay lacago musumaasuq lagu lunsaday oo gaaraya ilaa hal bilyan oo doolar. Sucuudiga ayaa hadda wada baaritaan musuqmaasuq oo ballaaran, kaasi oo lagu bartilmaameedsanayo dadka looga shakisan yahay in ay lacago lunsadeen. Xeer ilaaliyaha guud ee Sucuudiga Sheekh Sacuud Al-Mojeeb ayaa sheegay in tan iyo sabtigii la soo dhaafay 208 qof su’aalo la weydiiyay. Toddobo qof oo ka mid ah dadkaasi ayaa markii dambe la fasaxay oo aan wax dambi ah lagu helin. Amiirro ka tirsan boqortooyada, wasiirro iyo dhawr qof oo ganacsato ah ayaa xabsiga la dhigay kuwaasi oo lagu eedeeyay musuqmaasuq. Suxufi ka tirsan Idaacada BBC-da oo Sucuudiga jooga ayaa sheegaya in musuqmaasuqu uu kal hore hareeyay dalkaasi, waxaana hadda ay dadku is weydiinayaan baaritaannada socda halka ay ku dambeyn doonaan. BBC Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Xukuumada Somalia ayaa ku goodisay inay talaabo lixaad leh ka qaadi doonto shaqsiyaadka baraha bulshada ku baahiya wararka been abuurka ah. Xukuumadu waxa ay sheegtay in shaqsiyaadkaasi ay habdhaqan ka dhigteen kicinta bulshada, iyadoo la adeegsanaayo baraha ay wadaagan bulshada. Waxa ay tilmaantay in aan loo dulqaadan karin in la kiciyo oo xaalad jahwareer la geliyo shacabka Soomaaliyeed. C/raxmaan Iidaan Yoonis oo ah Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya, ayaa cadeeyay inay kawarqabaan ficilada ay sameeyan shaqsiyaadkaasi, balse ay ka jawaab celin doonaan, sida uu hadalka u dhigay. ”Waxaa sii kordhaaya shaqsiyaadka baraha bulshada ku faafiya warar been abuur ah oo lagu kicinaayo dadka shacabka ah, waxaan ku wargalineynaa inaan ku howlanahay ka jawaabida wararka beenta ah oo ay usoo bandhigaan shacabka” Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya, waxa uu sidoo kale sheegay in maalmihii dambe magaalada Muqdisho ay ku soo badanaayeen dad baraha bulshada ku faafinaya warar been abuur ah oo ay ka mid ahaayen in meelo uusan qarax yaalin la dhaho qarax baa mee hebel yaalo, sida uu wasiir ku xigeenka sheegay. Haddalka Wasiir ku-xigeenka ayaa kusoo beegmaaya xili wixii ka danbeeyay qaraxii ka dhacay Isgoyska Soobe ee loo adeegsaday gaariga xamuulka ahaa ay dadka shacabka ah bilaabeen in baraha bulshada ay kusoo bandhigaan gaadiidka yaala waddooyinka ee laga shakisan yahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Labadii maalmood ee lasoo dhaafey waxaa magaalada Muqdisho la isku gudbinayey fariimo xambaarsan digniino dhanka amniga ah oo lagu argagixinayey shacabka Muqisho. Fariimahan qaarkood waxaa loo sawirayey inay yihiin kuwa ay isdhaafsadeen saraakiil dhanka amniga u qaabilsan hay`ado iyo safaarado shisheeye ah oo shaqaalahooda uga digaya magaalada Muqisho. Waxaa fariimaha qaarkood lagu sheegayey in xataa garoonka caalamiga ah ee Adan Adde uusan amni aheyn. Haddaba waxaa la isweydiin karaa yaa ka dambeeya noocan cusub ee argagixisnimada ah oo sharci ahaan dambi la isku maxkamadeyn karo ah? Markii aan u kuur galnay baarneyna cidda ku hawlan dacaayadan iyo been abuurkaan lagu cabsi galinayo shacabka, ayaa waxaa ogaanay inay ku lug leeyihiin ajandana ka dhigteen kooxda ay soo kireysatay dowlada Imaaraatka ee qaska iyo fitnada loosoo xilsaartay. Waxaa hawshaan farsamo ahaan iyo fikir keedaba ka shaqeynayey Cabdiraxman Cabdishakuur Kamaal Guutaale iyo Abshir Bukhari. Sadexdaan qaswade iyo kuwa kale ee ku arragtida ah ayaa aaminsan in la abuuro khalkhal dhanka amniga ah si dowladda loogu eedeeyo fashil dhanka amniga ah si taas u hirgashana la abuuro warar iyo daacayado been ah oo dhanka amniga la xiriira ayagoo adeegsanaya erayo ka mid yihiin gaari qaraxa ku jira magaalada, qof aan la dilin oo la diley iwm. Dacaayadahaan ayaa kusoo beegmaya waqti ay ciidamada xooggu dagaal iyo guluf joogto ah ku hayaan fariisimihii ay kooxda Shabaab ku laheyd gobolada Shebelada Hoose iyo Shabelada Dhexe, waxaana dagaaladan oo wali socda Shabaabka looga laayey maleeshiyaa farabadan halka qaarkalena maxaabiis ahaan loo qabsadey. Hay`adda nabad sugidda qaranka ayaa ayaduna xoojisay hawlgaladoodii caadiga ahaa ee ay kaga hortagayeen dhagarta shabaab .
  4. Kulankii Golaha Wasiirada ayaa si adag loogu hadlay baahinta wararka been abuurka ah iyo xaaladaha lagu kicinayo dadka Soomaaliyeed. Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in talaabo adag laga qaadayo dadka mar walbo bulshada usoo bandhiga wararka been abuurka ah. Xukuumada ayaa sidoo kale sheegtay in aan loo dulqaadan Karin in la kiciyo oo xaalad jahwareer la geliyo shacabka Soomaaliyeed. Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Iidaan Yoonis ayaa sheegay in talaabo laga qadayo cid walbo oo bulshada kicisa una soo bandhigta warar been abuur ah. Waxa uu sidoo kale sheegay in maalmihii dambe Magaalada Muqdisho ay ku soo badanaayeen dad baraha bulshada ku faafinaya warar been abuur ah oo ay ka mid ahaayeen in meelo uusan qarax yaalin la dhaho qarax baa mee hebel yaalo sida uu wasiir ku xigeenka sheegay. Ka dib qaraxii ka dhacay Isgoyska Soobe ee loo adeegsaday gaariga xamuulka ahaa ayaa wixii xilligaasi ka dambeeyay dadka reer muqdisho waxa ay bilaabeen iney ka shakiyaan gaadiidka waa weyn ee xamuulka. Waxaana mararka qaar dhacday in ciidamada amaanka ay si kedis ah ku xeraan wadooyinka Muqdisho oo laga shakiyo gaadiidka qaar.
  5. International Partners Statement A high level delegation of international partners will visit Hargeisa, Somaliland, on 12 to 14 November 2017. The purpose of the visit is to demonstrate the partners’ continued engagement and strong encouragement to Somaliland’s democratic transition process and, in that context, to support a peaceful, inclusive, credible and transparent presidential election on 13 November. The high level delegation is not mandated to observe the elections and will not represent an election observation mission. The International Partners note the progress in preparation of the election and encourage the National Electoral Commission (NEC) to continue its good work. They also call on the political parties to participate in the election responsibly and peacefully, in respect of the established legal frameworks and procedures, and to provide the NEC with the space and time it needs when the polls close to prepare and declare the result. They further call on all sides to accept the result produced by the votes of the duly registered electorate, and in case of any grievances or contestation, to pursue such matters through the legally mandated institutions and formally established procedures. They also urge all stakeholders to respect the role of the media in informing the public and thus enhancing the transparency and credibility of the electoral process. The International Partners reiterate that this election represents an opportunity for Somaliland to strengthen its democratic credentials for continued progress for the benefit of all Somalilanders. This Statement was signed by the following countries: Belgium, Denmark, the European Union, Finland, France, Germany, The Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, United Kingdom and United States of America
  6. HARGEISA—Somaliland President HE Ahmed Silanyo left for a visit to Addis Ababa Ethiopia on Thursday. The president is leading a delegation and is accompanied by the FM, the First Lady and President’s special secretary. According to Presidential spokesman, Mr. Deyr said that Mr. Silanyo is due to meet with Ethiopia’s PM, Hailemariam Desaleng. The two leaders are due to hold talks on Somaliland elections and bilateral tie between SL and Ethiopia.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa ku gacan seertay isku dayo deeq bixiyayaasha caalamka ay doonayaan in deeqda ay siiso Soomaaliya laga dhigo mid ku xiran beesha caalamka, oo aysan toos ula macaamilin dowladda federaalka. Professor Michael Woldemariam oo xiriirka caalamiga ah ka dhiga jaamacadda Boston ayaa sheegay in deeq bixiyaal badan ay isku dayeen inay dhanka xun u qaloociyaan taageerada Turkiga ee Soomaaliya, ayaga oo ku eedeeyey inay wixii ay doonaan ay dalka ka sameystaan. Woldemariam waxa uu sheegay in Turkiga uu u diiday inuu beesha caalamka Soomaaliya ka mid noqdo, sababtuna ay tahay ayaga oo aan dooneyn in lala xiriiriyo faro-gelinta ay quwadaha shisheeye ku hayaan Soomaaliya. “Dalal badan oo ka mid ah kuwa Soomaaliya caawiya waxay leeyihiin taariikh aysan Soomaali badan la dhacsaneyn, Turkigana ma doonayaan inay taas qeyb ka noqdaan” ayuu yiri. Woldemariam ayaa sheegay in go’aanka Turkiga ee ah inuu toos u caawiyo Soomaalida, uu ka dhigay mid ay Soomaali badan la dhacsan yihiin, soona dhaweeyaan. Waxa uu sheegay in Turkiga uu yahay dalka ay dadka Soomaalida ugu jecel yihiin, sababta oo ah wuxuu doortay hab ka duwan qaabkii Soomaalida loo caawin jiray, oo ah inuu wax qabad rasmi ah muujiyo, oo uu ka howlgalo gudaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. A Somali family celebrated a milestone Wednesday night when the 150th family member arrived in Canada, in the 150th year of Canada's founding. "I am feeling so joyful," said Marcus Askar, who started it all 20 years ago when he fled civil war in Somalia and found refuge in Winnipeg. On Wednesday, Askar welcomed three relatives — Ismail Ali Askar (his youngest brother), Ilhan hussen Ahmed and Ayanleh hussen Ahmed. "I have been waiting so long," he said. "I don't remember his face he was so young — two or something like that." Ismeal Askar cries as he sees his brother Marcus Askar for the first time in 20 years. (Justin Fraser/ CBC) Askar, who comes from a family of eight boys and five girls, said all but two of his siblings are now in Canada. He said his extended family now lives all across the country but every one of them considers Winnipeg to be home. Hannah Askar joined her father at the airport to welcome her three new relatives in from Djibouti. "I am excited that they are going to start a new life here and hopefully they are comfortable when they get here," she said. The 14-year-old was born in Winnipeg and said it's a new experience for her, welcoming family in from a war-torn country. "I don't think I would ever be able to understand the struggles that they went through back home, because obviously it's hard there." The Askar family reached 150 members in Canada on Wednesday night. (Justin Fraser/ CBC)
  9. Djibouti (Caasimada Online) – Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in dhowr mintidiin ah ay ku dileen duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacday Soomaaliya, xilli maamulka Trump uu sare u qaadayo weerarada ka dhanka ah ah xagjiriinta Geeska Afrika. Weerarkan ayaa galabnimadii khamiista ka dhacay gobolka Baay, oo qiyaastii 160 KM galbeed ka xiga magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika, ee loo soo gaabiyo AFRICOM. AFRICOM kama aysan jawaabin su’aal ku saabsaneyd haddii weerarkan ay waxyeelo kasoo gaartay dad rayid ah. Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in weerarkan lagu qaaday wada shaqeyn lala yeeshay dowladda federaalka Soomaaliya. Weerarkii ugu dambeeya ayaa ah kii 15-aad ee ciidamada Mareykanka ay sanadkan ka fuliyaan gudaha dalka Soomaaliya, sida uu sheegay website-ka Long War Journal ee ururiya xogta weerarada ciidamada Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Djibouti Caasimada@live.com
  10. Kampala (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa sheegtay maanta oo Khamiis ah inay diyaarisay ciidamo gaaraya 5,000 oo Askari kuwaasi oo ay usoo dirayso dhawaan dalka Soomaaliya, si ay uga qeyb-qaataan howlgalka cusub ee ka dhanka ah Al Shabaab. Brig. Richard Karemire, oo ah Afhayeenka Militariga Uganda ayaa u sheegay Xinhua in ciidamada ay usoo dirayaan Soomaaliya u baahan yahiin in beesha caalamka ka taageerto qarashka ku baxaya howlgalka. “Waxaan diyaar u nahay inaan tiro aad u badan oo Askar ah u dirno Soomaaliya, laakiin waxaan u baahanahay taageero dhinaca dhaqaalaha ah oo ka codsanayno beesha caalamka,” ayuu yiri Karemire. Karemire ayaa intaasi ku daray in ay jidaan xeerar badan oo ku saabsan howlgalka Soomaaliya sida midka AMISOM oo mararka qaar xadidaya awooda askarta ee ah inay baabi’iyaan Al Shabaab. Ciidamadan cusub ee Uganada usoo dirayso Soomaaliya ma noqon doonaan kuwa hoostaga AMISOM ama ku shaqeyn doono Ogolaansho Gollaha amniga ee QM. Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa u sheegay ku simaha kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Donald Yamamoto bishii September in dalkiisa uu ciidamo dheeraad ah u dirayo Soomaaliya si uu u xoojiyo howlgalka military ee AMISOM. Museveni wuxuu kaloo u sheegay Yamamoto dirista ciidamadiisa ay ku xiran tahay shuruud ah in beesha caalamka uu balan-qaado dhaqaalaha iyo qalabka ay ku howlgalayaan Askartiisa, sida Diyaarado dagaal. Hadalka kasoo baxay Afhayeenka Militariga Uganada ayaa kusoo beegmaya wax yar kadib markii Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya, ahna Madaxa AMISOM Francisco Madeira uu ku dhawaaqay Talaadadii lasoo dhaafay in 1,000 Askari oo kamid ah Howlgalkooda ay kasoo saarayaan Soomaaliya 31-ka December, 2017-ka. AMISOM ayaa sanadka cusub billaabaysa bixitaan tartiib-tartiib ah, oo qeyba mar la saarayo Askarta, iyadoo qorshuhu yahay in marka la gaaro 2020-ka ay si buuxda dalka u faarujiyaan. Caasimada Online Xafiiska Kampala Caasimada@live.com
  11. Jabka Daacish ka raacay Ciraaq iyo Suuriya iyo ka bixitaankooda sida Muusil(July 10, 2017 ) iyo Raqqa(October 17, 2017) waxaa ay soo dedejisay su’aalo badan oo ay ka mid yihiin Intee Ku Socdaan? Daacish waxaa ay qaabab kala duwan u joogeen gobolkaasi 10-kii sano ee la soo dhaafay, waa adag tahay in si fudud ku baaba’aan, waana hubaal in meelo kale u dhaqaaqi-doonaan si ay gabbaad uga dhigtaan. Yaa Jibiyay Daacish: Ciraaq: Daacish waxaa Ciraaq ka saaray ciidamo kala duwan oo isugu jira ciidamada Ciraaq, maleeshiyaad Shiico ah oo ay Iran soo tababartay, ciidamada Kurdiyiinka Pesh-merga loo yaqaano iyo Maleeshiyaad Sunni ah, dhinac walbo ayaa laga weeraray, illaa markii dambe ay iska cararaan. Suuriya: Dalka Suuriya waxaa Daacish magaalooyinka ka saaray ciidamo daacad u ah Bashaar Al-asad iyo xulafadooda Ruushka iyo Iran, waxaa kale oo dagaalka ku jiray mucaaradka Kurdish-ta hogaamiyaan ee taageerada ka hela Mareykanka. Daacish waxaa ay ka jirtaa dhammaan Qaaradaha adduunka balse waxaa ay ku xoog badan yihiin inta u dhaxeysa North Africa illaa India. Daacish, sidee Ku Bilaabatay? 2004-tii, markii ugu horeysay , Abu Musab al-Zarqawi ayaa faraca Al-Qaa’ida ka furay dalka Ciraaq, dalkaasi waxaa xilligaas qabsaday ciidamo Mareykan ah. April 2010 – waxaa Daacish madax ka noqday Abu Bakr al-Baghdadi kadib markii Mareykanka duqeyn ku dileen Cumar al-Baghdadi iyo al-Masri, waxaa uu waday dagaal hoose illaa January 2014 –kii ay qabsadaan Falluja. February 3, 2014 – Al Qaeda waxaa ay sheegtay in aanu xiriir kala dhaxeyn Daacish, 3 bil kadib kooxda waxaa ay qabsadeen magaalooyinka Muusil iyo Tikrit iyaga oo ku dhawaaqay dowladda Islaamiga ah, Amiir waxaa noqday Sheekh Abu Bakr Al-Baqdaadi. July 2014 – wixii ka dambeeyay Daacish waxaa ay qabsadeen magaalooyin caan ah sida Ximis oo ah magaalo Shidaal, waxaa kale oo ay dagaal ka galeen dhul 90-mile ah oo u dhaxeeyay Deir Al-zuur illaa xadka Suuriya la wadaagto Ciraaq. Daacish waxaa lagu eedeeyay in ay dileen haween, caruur iyo dadka laga tirada badan yahay sida Yazidi. Dhowr Xaqiiqo Oo Daacish Ku Saabsan: 2014, Daacish waxaa ay xoog ku hesyteen dhul gaaraya illaa 34,000 square miles oo ka tirsan Suuriya iyo Ciraaq, waxaa dhulka u dhaxeeyay xeebta Mediterranean-ka illaa koonfurta Baqdaad halka 2016-kii dhulka ay Daacish ka taliyaan waxaa uu ku soo koobmay 23,320 square miles. Dalalka ay u dhaceen Daacish waxaa ugu badnaa illaa lix dal: Tunisia, Sacuudiga, Ruushka, Turkiga iyo Urdun. Kooxdan Daacish waxaa lacag ka heli jireen shidaalka, canshuurta, madax furashada, iibinta waxyaabaha taariikhiga ah iyo dalagga. Daacish Intee Ku Socdaan: Mar haddii la soo afjarayo Daacishta Ciraaq iyo Suuriya waxaa su’aal ka taagan tahay halkee ku socdaan, waxaan su’aasha ugu muhiimsan. Marka hore, waxaa ay cabsi gaar ah heystaa dalal ay ka soo jeedaan dagaal-yahannada ee Daacish sida Tunisia, Sacuudiga, Ruushka, Turkiga iyo Urdun, waxaa hubaal in qaar badan ay dalka dib ugu noqon-doonaan. Yurub Iyo Mareykanka: Dagaalyahanada qaar sidoo kale, waxaa ay ka yimaadeen Qaaradaha Yurub iyo Mareykanka, in badan oo ka mid ah waxaa ay ku noqon-doonaan dalalka reer galbeedka. Gacanka Cadan: In badan oo ka mid ah dagaal-yahannada Daacish waxaa ay soo aadi-doonaan Yemen iyo Soomaaliya, dalka Yemen waa dhul si fudud loogu dhuuman karo, waxaa aad u adkaatay in ay qabsadaan dalal badan oo hadda ugu dambeyeen xulafada Sacuudiga. Soomaaliya: Waxaa ay dhanka Soomaaliya ka faa’ideysan karaan dhulka u dhaw xeebaha, hadda waxaa la sheegayaa in 200 oo Daacish ay joogaan Puntland. Daacish lagama maqal Soomaaliya wixii ka horeeyay 2015-kii , jiritaankoodaba waxaa uu soo shaac-baxay sanadkaasi gaar ahaan markii ay kala jabtay xarakada Al-shabaab. Waqooyiga Afrika: Daacish meelaha ay xoogga saari-doonta waxaa ka mid ah dalalka Waqooyiga Afrika gaar ahaan Masar iyo Libya, dalka hore waxaa jooga ciidan iyo hoggaamiye aad u neceb Ismaaliyiinta waa Cabdifitaax SISI halka Libya aaney laheyn dowlad iyo nidaam xoog leh. Afgaanistaan, Pakistaan Iyo India: Daacish waxaa ay joogaan dalalkaasi, waxaana la filan-karaa in ay sii kordhaan tirada joogta. Dalalka Ku Dhaw Ruushka: Islaamiyiinta iyo Ruushka xiriirkooda ma fiicneen tan iyo dagaalkii qaboobaa, waxaa intaasi dheer, Ruush-ka waxaa uu kaalin-weyn kulahaa in Daacish ka baxaan Suuriya, waxaa la filayaa in ay aadaan dalalka ku dhaw Ruushka si ay u qal-qal geliyaan Moscow. Shiinaha: Waxaa jirta cabsi ku saabsan in Daacish ay aadi karo bariga fog iyo Shiinaha halkaas oo in badan ay xer ku lahaayeen.
  12. Waxaan qormadi hore kaga warrannay si kooban heerka aqoonta caruurta dhigato iskoollada ee ku nool dacallada adduunka. Waxaa soo sheegnay in dalka baraasiil ay ku qaadanayso 75 sano inuu soo gaaro heerka aqoonta xisaabta ay ka gaaraan caruurta ku nool waddamada hodanka ah, halka ay 260 sano ku qaadanayso inay kala mid noqdaan akhriska. Hadaba maxaa sababay fogaanta intaas la eg? Maxay fogaanta xisaabtu ooga yartahay midda akhriska, miyuusan akhrisku ka fududayn xisaabta? Su’aalahaan jawaabahooda loogama faalloon warbixinta Bankigu daabacay laakiin waxaa isku dayi inaan fikrad kooban idinka siiyo annigoo isticmaalayo waayaragnimadyda iyo baaritaan kale oo aan sameeyay. Marka hore, xisaabta iyo akhriska waxaa fudud in la barto xisaabta. Uma baahnid inaad aqoonyahan tahay inaad taas ogaato. Dib u milicso dadki aad taqaanay. Odayga reer miyiga iyo haweeneeyda suuqa wax ku gadato oo aan waligood iskool dhigan xisaab kama qaldanto. Waa yaqaanaan sida ay u xisaabsadaan iyagoo buug iyo qalin qaadan. Xirfadda xisaabinta waxyaabaha aasaasiga ah waa mid ku abuuran aadanaha iskool iyo iskool la’aanna uu baran karo ilaa xad. Marki iskool la geeyo inuu raaco qaacidada loo dhigayna ma adka. Midda kale, xisaabtu muhiim uma aha sida akhrisku muhiim ugu yahay horumarka shaqsiyadeed iyo kan daleed. Akhrisku waa shayga lagu cabbiro ilbaxnimada ummadi gaartay. Maqli maysid dal ama qowmiyad lagu ammaanayo waa xisaabyahan laakiin waxaad arki in akhriska la isku ammaano, kaan aqoonna lagu caayo, wax ma akhriyo. Sababtu waxa ay tahay akhrisku wuxuu saamayn joogta ah ku leeyahay horumarka shaqsiyadeed iyo midda daleedba. Akhrisku waa shayga shaqsiga ka dhigo mid la socdo ammuuraha siyaasadeed iyo midka dhaqaale ee dalkiisa iyo caalamkaba ka jiro. Waa midka hago hiigsiga shaqsiyadeed iyo shulshaba. Bulshadi aan wax akhrin, lama xisaabtami karaan siyaasiyiintooda, lamana socon karaan sooyaalka dalkoda. Muhiimmada akhriska waxaa kaaga filan inuusan jirin dad yoolkiisu yahay in dadkiiso oo dhan saynisayhan ama xisaab-yahan wada noqdaan laakiin wuxuu adduunku ka midaysanyahay rabitaanka ummad wax akhrisa, ummina uusan ku jirin. Waa tan looga dhigay halbeegga ugu muhiimsan ee lagu cabbiro horumarka dal samaynayo. Qoraalku akhriska ayuu daba socdaa. Ma dhici karto in qof aan wax akhrin wax qoro laakiin lidku wuu badan yahay. Maadaama uu akhrisku sidaas muhiim u yahay, waddamada hodanka ah waxay xoogga saaraan inay ubadkooda ka dhisaan akhriska. Waqtiga ugu badan ee sanadaha hore waxaa la galiyaa baridda akhriska. Waana meesha ay ku kala tagaan caruurta ku kala nool waddamada aan soo sheegnay. Si aan u fahanno waxa keenay inay aad ugu kala fogaadaan akhriska caruurta ku nool waddamada saboolka ah iyo kuwa nool waddamada hodanka ah, waxaan soo bandhigi tusaale. Tusaalahaan wuxuu ku saabsanyahay wiil iyo gabar ilmo-adeer ah. Mid wuxuu ku dhashay Ingiriiska midna Soomaaliya. Waa labo qof oo jiro laakiin magacyada aan isticmaalayo kuwooda maahan. Amaal waxay ku dhalatay Northampton England. Qoyskoodu waa mid sabool ah marki loo eego dalka uu ku nool yahay. Aabaheed waa murqumaal. Waxaa uu kasbado kuma filna noloshooda sidaas awgeed dowladda ayaa kabto. Guriga ay daganyihiin waa mid aad u cariiri ah kirana ay ka bixiyaan. Waliba waa kuwa dowladdu siiso dadka saboolka ah. Marki ay jirtay sadex sano waxaa la geeyay iskool ay ka bilowday naasari sadex saacadood ah maalinka shan cishana ay tagayso. Muddo sanad ah ayay dhiganaysay. Muddadaan waxbarasho la taaban karo lama siin. Inta badan waa la cayaarsiinayay. Waxaa loo qaadayay heeso gaagaaban oo alifbeetada iyo lamabarada ilaa toban lagu kulmiyay. Sidoo kale waxaa loo akhrinayay sheekooyooyin gaagaaban oo sawiro wato laga tusayay buugaag. Waxaa kaloo la baray sida caruur kale fasal loola wadaago, alaabta lagu cayaarana (toys) loola wadaago. Ayadoo loo heli karo alaab ku filan ayaa dhowr xabbo kaliya la dhex dhigaa si ay u wadaagaan. Halkaan waxaa laga ogaadaa midka hunguriga xun iyo kan maro u dhagga ah. Kuwa noocaas laga dareemo si gooni ah ayaa xoogga loo saaraa waxaana la baraa sida ay ugu noolaan lahaayeen bay’ad wax yaraan ka jirto. Sanadka xigo oo ay afar jirtay waxay u gudbtay fasal kale oo aan hayn wax barashadii rasmiga ahayd laakiin maalin dhan ah (lix saacadood). Sanadkaan waxaa la sii balaariyay intii la baray sanadki hore. Sidoo kale waxaa loo billaabay habka dhawidda alifka, muuqoolkooda iyo qoriddooda. Waxaa xoogga la saaray in la fahamsiiyo sida qalinka loo qabsado. Waxaa sidoo kale loo billaabay higgaada. Ka dib waxaa loo dhiibay buugaag yar yar oo 10 bog iyo ka yar ah oo sawiro u badan laakiin xeyn erayo ah ku qoran yihiin. Waxaa kaloo la siiyay caddad erayo oo la yiri waa inaad sanadkaan ku xafiddaa. Erayadaan waa kuwa silloon oo dhawaqooda iyo dhigiddoodu kala duwan tahay. Sidoo kale waxaa la baray sida loo hadlo iyo sida loo istaago marki la hadlayo. Asbuucii subax ka mid ah ayaa la yiraahdaa soo istaag oo ka waran wax loo cayimay (ogow waa afar jir). Waxay ka hadlayo aqoon iyo wax muhiim ah. Waxay noqon karaan inay ka waranto waxay jidka kusoo aragtay ama ay saaka cuntay. Intaas waxaa dheer, sadex bilood oo walba waxaa loo yeeraa waalidkeed si loo siiyo warbixin ku saabsan horumarka gabadhoodu samaynayso, meelaha ay ka liidato oo caawin dheeraad ah ooga baahantahay iyo meelaha ay ku fiicantahay oo in lagu ammaano ay tahay. Sanadki dhammaadkiiisa waxay kor ka taqaan alifka oo dhan, dhawaqiisa iyo dhigidiisa, waxay kor ka haysaa 45 eray oo ah kuwa silloon. Waxay soo akhrisay ilaa labaatan buug oo ay iyadu kickicisay. Waxay fahansantahay macnaha iskool. Waxay ogtahay in dad kale wax ay la wadaagayso. Iyadoo wacdigaas qabto waxna akhriso haba yaraadeene ayay bilowdaa waxbarashadi rasmiga ahayd waxayna fadhiisan sanadki koowaad. Sanadka koowaad waa ka adag yahay kuwii hore. Waxa la barayo waxaa lagu dhisi aasaaski hore balse aad ayaa loo balaarin. Wali akhriska ayaa ugu muhiimsan. Waxaa loo samayn yool ay tahay inay gaarto dhammaadka sanadka. Inta khasabka ku ah ka sakow waxaa la siin buugaag akhris oo maalinle ah kuwaas oo ay guriga la aaddo. Maalin walba ugu yaraan hal buug oo 24 bog ah inay soo akhriso ayaa laga rabaa laakiin kuma ay khasbana. Si loo baro inay iskeed wax u barato qof is wadana u noqoto, waxaa lagu dhihi haddii marki uu sanadka dhamaado aad akhriso 50 buug abaal marin qalin ah ayaa lagu siin, haddii aad 100 gaartana mid dahab ah (maahan dahan dhab ah). Sidaa awgeed waxay ku dadaashaa inay ugu yaraan hal buug akhriso maalintii iyadoon cidna u dirin. Buugtaan waa wada 24 bog. Waxay ku saabsanyihiin mowduucyo kala duwan oo dhab iyo dhayalba leh. Buug walba waxaa ku cayiman erayo gooni ah oo ku cusub lagana rabo inay barato. Iyadoo shan sano jirto ayay asbuucii shan buug akhrisaa kana sheekaysaa waxa ku qoran. Waalidka ayaa ka dhagaysto sheekada si ay xiiso ugu yeelato waxaana lagu waaniya waalidka inuu la fadhiyo marki ay akhrinayso buugaagta. Dhinaca kale waxaa taagan ina adeerkeed Ayuub. Wuxuu iyada ka weyn yahay sanad. Waxaa uuna ku dhashay Balad-xaawo Gedo. Aabihii waa shaqaale laakiin wuxuu ku jiraa dadka ugu mushaarka badan meesha uu ku nool yahay. Lacagta uu qaato way ka badan tahay mida Amaal aabaheed qaato sidaa awgeed wuxuu ka mid yahay dabaqdda dhexe ee deegaankaas. Waxay dagan yihiin guri weyn oo sar ah iyaguna leeyihiin. Waxaa u yaal wax walba maacuun raaxo ah oo dhulkaas laga heli karo. Ayuub hadda wuxuu jiraa 6 sano. Wax iskool ah ma dhigto waligiina lama geyn. Iskoolada ka furan meesha uu ku nool yahay 7 sano ka yar ma qabtaan. Aabihii uma qaban macalin u gaar ah. Sidoo kale dugsi ma dhigto. Taasi macnaheedu waxaa weeye wax dhigaal ah oo u akhrin karo ma jiraan. Sanad ka dib ayaa iskool la geyn loogana billaabi sanadka koowaad ee waxbarashada rasmiga ah. Subixii la geeyo macalinku wuxuu ula dhaqmi sidii wiil waligiis iskool dhigan jiray. Cashar bixintana waxaa laga billaabi erayo sabuurad lagu qoray caruurtana lagu yiraahdo iga daba qaada. Ayuub waa subixii koowaad ee uu caruur tiro intaas la eh soo dhex fadhiisto. Sidoo kale waa subixii ugu horeeyay ee uu fasal soo galo. Waxaa uu la yaaban yahay sawirada ku yaal darbiyada ee caruurti sanadka hore ku qoreen qaarna lagu qurxiyay. Marka macalinku sabbuuradda ku mashquulsanyahy Ayuub maskaxdiisu caradaan ma joogto. Argagax iyo cabsi ayaa buux dhaafisay. Yaa meesha kaa kaxeeyo ayay ka joogtaa. Sidaas ayuu ku qaadan sanad dhan. Cidna oran mayso xagee dhibkaa haystaa. Ma jirto cid u kuur galayso fahamkiisa waxbarasho iyo meelaha uu ku liito. Ma jirto cid xaaladiisa ka warqabto oo waalidkiis xog siiso. Sidaas ayuu ku gaari fasalka sadexaad isagoo wali aan baran sida loo kiciyo jumlo labo xaraf ah. Ogow markaan isaga iyo Amaal waa isku fasal oo mid walba waa sadexaad. Laakiin aqoontiisa waxay joogtaa tii ay kusoo qaadatay sanadki labaad ee waxbarashada aan rasmiga ahayn. Taasi macnaheedu waa inay ka horrayso afar sano waxbarasho ah, tayada ka sakow. Maalintaas ayaa qiimayn lagu sameeyay. Amaal jumlo walba hal ilbiriqsi ayay ku akhrisay halka Ayuub midna akhrin waayay. Waxa looga jeeddo Baraasiil 260 sano ayay ka danbaysaa maahan in canuga ku dhasho Baraasiil uu baahan yahay 260 inuu waxbarto si uu usoo gaaro kan ku dhashay Fillaan. Waxaa looga jeedaa, haorumarka waxbarasho ee dalkaas hadda ka socdo hadaysan wax iska badalin waxay qaadan 260 inuu soo gaaro heerka ay maanta joogaan waddamada hodanka ah. Qarashka ku baxao Amaal iyo inta dadaal la galiyay inay si siman u helaan caruurta dalka ku nool oo dhan waa mid ay adag tahay inay gaaraan waddamada saboolka ah. Laakiin haddii dadaal laga helo dowladaha iyo shucuubta dalalkaas si fudud ayaa lagu gaari karaa. Waliba waxay qaadan waqti aad ooga yar kan ay ku qaadatay Maraynkanka iyo ngriiska. Side? La soco qormada xigto hadduu Eebe idmo. Balse aan ku xiro erayadaan. Inkastoo fursaddaan la siiyo caruurta Ingriiska ku dhalato oo dhan haddana duruufo badan dartood isku si loogama faaiidaysto. Sidaa darteed waxaa suura gal ah in Amaal aysan sidii la rabay wax u baran. Dhinaca Ayuub, inkastoo aysan jirin dowlad fursad siiso hadana eedda waxaa wax ku leh bay’ada iyo dhaqanka oo waalidka gacmo xiray. Maadaama ay jiraan waalidiin badan oo maal qabeen ah ama shaqo wacan haysto waxay heli karaan inay abuurtaan nidaam waxbarasho oo caruurtooda u gooni ah. Laakiin habka nololeed dhulka ka jiro ayaa saameeyay dhammaan dadkoo dhan sidaas ayayna ubad badan ku waayeen fursad ay heli lahaayeen. Hasa ahaatee waxaa muuqdo isbadal tartiib u socdo waxaana filayaa inuu xawaaraha kordhi doono sanadaha soo socdo. Ibrahim Aden Shire Kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/ Ishire86@gmail.com
  13. Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Xukuumadda Lebanon iyo Xisbiga Lebanon’s Future Movement party ayaa Boqortooyada Sacuudiga ka dalbaday in si deg deg ah dalkiisa loogu soo celiyo ra’iisul wasaarihii hore ee Lebanon Saad al-Hariri oo 5 maalmood ka hor is-casilay isagoo ku sugan Sacuudiga,xilli ay soo baxayan warar sheegaya in al-Hariri lagu khasbay is-casilaadda,sida ay soo werisay Wakaaladda Wararka AP. Bayaan uu soo saaray Xisbiga Lebanon’s Future Movement oo uu ka tirsanaa al-Hariri,ayaa walaac looga muujiyey xaaladdiisa,waxaana lagu dalbaday in uu ka soo laabto dalka sacuudiga,haddii aan xabsi lagu hayn. Al-Hariri ayaa is-casilaaddiisa ka sheegay television laga leeyahay sacuudiga 4 bishaan Nov,isagoo sheegay in Hezbollah iyo Iran ay af-duubteen dalka Lebanon,islamarkaana ay doonayeen in ay shir-qool isaga ku dilaan. Laakiin hoggaamiyaha Hezbollah,Hassan Nasrallah ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid ay Boqortooyada Sacuudigu u soo yeerisay oo khasab looga keenay”si loogu khalkhal geliyo midnimada iyo wadajirka dadweynaha reer Lebanon”. Ninka haatan laga hadlayo ee Saad al-Hariri aabbihiis oo ra’iisal wasaare ka soo noqday dalkaasi,ayaa ku dhintay qarax gaari oo ka dhacay caasimadda Beirut sannadkii 2005,waxaana dilkiisa lagu eedeeyey Ururka Hezbollah,hase yeeshee wuu beeniyey. Wasiirka Arrimaha debadda Lebanon ayaa sacuudiga ku eedeeyay in ay xabsi-guri ku hayaan Saad al-Hariri,wuxuuna codsaday in si deg deg ah loo soo celiyo,laakiin Sacuudiga ayaa beeniyey wararka tibaaxaya xiritaanka al-Hariri,waxayna ku tilmaameen”kuwo aan sal iyo raad lahayn”. Al-Hariri ayaa Khamiistii maanta sheegay in uu la kulmay safiirka France u jooga Sacuudiga,Ergeyga Midowga Yurub ee Sacuudiga iyo deblomaasiyiin kale,laakiin madaxweynaha France,Emmanuel Macron oo booqanaya Sacuudiga ayaa diiday in uu ka hadlo arrintaasi,wuxuuna sheegay in uu rajeynayo in xukuumad cusub loo dhiso dalka Lebanon . Dhinaca kale dalalka sacuudiga iyo Kuweyt ayaa muwaadiniintooda uga digay in ay u safraan waddanka Lebanon,halka kuwa ku suganna ay ugu baaqeen si deg deg ah in ay uga soo baxaan. Wakaaladda Wararka sacuudiga ee SPA,ayaa ka soo xigatay mas’uul ka tirsan Wasaaradda Arrimaha debadda Boqortooyada in xaaladda waddanka Lebanon ay qasantahay. “Boqortooyadu waxay talo ku siisay dhammaan muwaadiniinta in aanay u safrin dalka Lebanon,kuwa joogana ay uga soo baxaan sida ugu dhaksaha badan”,ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha debadda. Saacado yar kadib Xukuumadda Kuweyt ayaa muwaadiniinteeda ku waanisay in ay ka soo baxaan dalka Lebanon,sida lagu xusay bayaan lagu daabacay wakaaladda wararka KUNA. Taariikh kooban. Saad Hariri wuxuu ku dhashay magaalada Riyadh ee caasimadda Sacuudiga 18 April sannadkii 1970,waxaana dhalay ra’iisulwasaarihii hore ee Lebanon,Rafic Hariri, wuxuu ku soo barbaaray guri siyaasadda laga jecelyahay. Labo dhalasho ayuu ka haystaa sacuudiga iyo Lebanon Sannadkii 1992 ayuu ka baxay Jaamacadda McDonough Georgetown ee waddanka Maraykanka oo uu ka dhammeeyey Kuliyadda Maamulka iyo Maaraynta. ka hor intaanu siyaasadda gelin wuxuu soo noqday madaxa guddiga fulinta ee shirkadda Oger Telecom oo ah mid isgaarsiin oo ka shaqeysa Bariga dhexe iyo Afrika. 20 April sannadkii 2005 ,xilligaas oo aabbihiis qarax ku dhintay,waxaa loo magacaabay hoggaamiyaha Xasbiga Lebanon’s Future Movement oo uu horay madax uga ahaa abbihiis Rafic Hariri. 9 November 2009 waxaa loo magacaabay ra’iisul wasaaraha Lebanon,isagoo xilkaasi hayey tan iyo 13 June 2011. 12 December 2012 xukuumadda Syria ayaa soo saartay warqad lagu soo xirayo oo ay ku eedeysay in uu hubaynayey mucaaradkeeda,balse Al-hariri ayaa arrintaasi ku gacan sayray. 18 December 2016 ayaa mar kale loo magacaabay ra’iisal wasaaraha Lebanon,laakiin 4 November 2017,ayuu iska-casilay jagadaasi isagoo ku sugan Boqortooyada Sacuudiga,wuxuuna sheegay in dalkiisa ay af-duubteen Iran iyo Hezbollah,islamarkaana uu ka baqayo in ay shirqool ku dilaan. 9 November 2017 maanta ayaa Xukuumadda Lebanon ka dalbatay Sacuudiga in uu soo celiyo Al-hariri oo ay ku tilmaantay “mid guri ugu xiran Sacuudiga”. PUNTLANDPOST W/Q:Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Saad al-Hariri” Hezbollah iyo Iran ayaa af-duubtay Lebanon”. appeared first on Puntland Post.
  14. Madaxda Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Dowladda Puntland oo uu wehliyo maamulka Gobolka Karkaar,Gudoomiyaha Degmada Rako raaxo, Cuqaal, iyo Waxgarad kala duwan ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay Biyo-xireen cusub oo laga dhisayo Togga Dabqax oo ku yaala deegaanka Uur-jire ee Degmada Rako Raaxo. Dhagax dhiga biyoxireenkan cusub ka hor waxay waftigu soo indha indheeyeen xaalada deegaanada u dhexeeya Degmada Qardho iyo Degmada Rako Raaxo gaar ahaana xaalada Deegaanku ku sugan yahay iyagoo soo dhawayn balaaran kala kulmay qaybabaha kala duwan ee bulshada. Eng, Abdiweli Yuusuf Adan oo ah Injineerka Wasaarada Deegaanka ayaa sheegay Dhismaha biyo xireenka Dabqax uu ka mid yahay qorshaha Wasaarada Deegaanku ay ugu jirto latacaalida saamaynta isbedelka cimilada oo ay kamid tahay Biyo-yaridu, wuxuuna sheegay Injineerku in biyo xireenkan loogu talagalay inay ka faa’iidaystaan in kabadan 2,000 oo qoys oo ku nool deegaanka laga dhisayo iyo deegaanada kale oo u dhow. Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Karkaar,Cuqaasha,Waxgaradka Deegaanka iyo Maamulka Degmada Rako-Raaxo ee Gobolka Karkaar ayaa si wayn usoo dhaweeyey in biyo-xireenkii labaad oo Wasaaradda Deegaanka Puntland ka dhiseyso Gobolka,waxayna sheegeen inay ilaashan doonaan islamarkaasna ay rajaynayaan inay si wayn uga faa’iidaystaan. Wasiir kuxigeenka wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska DPL Mudane, Maxamuud Ciise Maxamed (Maareeye) oo gabagabadii dhagax dhiga biyoxireenka Dabqax ka hadlay ayaa sheegey inuu yahay biyo xireenkani nooc casri ah islamarkaasna la rajaynayo inuu kaydiyo in ka badan toban Milyan litir oo biyo ah taas oo uu sheegey inay wax ka badali doonto nolosha dadka,xoolaha iyo duurjoogtaba. Wuxuuna kula dardaarmay Dadweynaha deegaanka inay ka fogaadaanwaxkasta oo waxyeeli kara dhismaha biyoxireenka. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Wasaarada Deegaanka Puntland oo biyo-xireenkii 2aad ka dhisaysa G.Karkaar appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo ah Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa ka hadlay howlgal ay ciidamada xoogga dalka ka wada deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Dhexe. General Caanood ayaa sheegay in howlgalada socda ay ku dileen Saddex ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab, halka qaarna la dhaawacay. General Caanood ayaa sheegay in howlgaladani ay qeyb ka yihiin gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab oo la doonayo in guud ahaan looga saaro dalka. Saraakiisha dowladda ee gobalka Shabellaha Dhaxe ayaa maalmahaan la soo dhaafay kordhiyay howlgalada waxayna Al-Shabaab kala wareegayn deegaano badan. Geesta kale, Al-shabaab dhankooda kama aanay hadal khasaaraha kasoio gaaray dagaalladii ka dhacay duleedka deegaana Basra. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Dood cilmiyeed ku saabsan dhiirigalinta dhalinyaradda iyo sidey ku gaari lahaayeen yoolkooda ayaa lagu qabtey galabta magaalada Garowe, waxaana soo qabanqaabisay xarunta The City Center Youth oo loo soo gaabiyay xarunta dhalinyaradda iyo wax akhriska. Waxaa kasoo qeybgalay doodaan oo socotey muddo ku dhaw shan saacadood Aqoonyahano,Dhalinyaro iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Garowe. Gudoomiyaha xarunta The City Center Youth Cabdisalaan Faarax Cali (Karood) oo ka waramay ujeedada dood cilmiyeedka ayaa sheegay inay u baahan tahay dhalinyaraddu goobo loogu talagalay inay ku falanqeeyaan baahidooda. Dr Cabdiraxmaan Sulub oo ka mid ahaa aqoonyahanadii ka qeybgalay dooda ayaa ku booriyay dhalinyaradda inay isu diyaariyaan sidii ay ugu diyaargaroobi lahaayeen ka qeybqaadashada hanaanka kordhinta tacliinta iyo hogaaminta dalka. Dr Sulub ayaa ku dhaliilay hogaamiyaashii dalka soo marey inaysan uga tagin dhalinyaradda wax mustaqbal ah sidaas darteed loo baahan yahay dhalinyaro iminka abuurta mustaqbalka kuwa ka dambeeya. Dood cilmiyeedkan waxaa soo xaadirey qiyaastii dhalinyaro kor u dhaafeysa 100 qof oo isugu jira wiilal iyo gabdho ayay dhalinyaradu su,aalo ku weydiiyeen tirada ku dhawaad 8 Aqoonyahan oo intooda badan haysta shahaadada PHD. Ciid Qaran PUNTLAND POST The post Xarunta The City Center Youth oo dood cilmiyeed ku qabatey Garowe appeared first on Puntland Post.
  17. Mohammed bin Nayef, Saudi Arabia’s ex-crown prince who was ousted as next in line to the throne in June, has reportedly become the latest royal family member to be targeted in the kingdom’s expanding anti-corruption crackdown. According to Reuters news agency and the Wall Street Journal, bank accounts linked to Mohammed bin Nayef and to some of his immediate relatives were frozen by Saudi authorities. Both reports on Wednesday cited sources “familiar with the matter”. The Reuters report was also carried by Saudi state-owned media. The freezing of Mohammed bin Nayef’s accounts came as Saudi authorities launched a new arrest campaign as part of the widening purge that began on Saturday, according to Reuters. Dozens of royals, government officials and influential entrepreneurs have already been detained, facing, a number of allegations, including money laundering and bribery. Among those held are 11 princes, four ministers and several former ministers, in what is seen as an unprecedented crackdown that has shaken the kingdom. Meanwhile, the number of domestic bank accounts frozen as a result of the purge is more than 1,700 and increasing, according to the reports. High-profile detentions The steps were the latest in a series of policies widely seen as an effort by Crown Prince Mohammed bin Salman to assert power over the country and its political and business elite. On Saturday, King Salman bin Abdulaziz Al Saud announced that his son, the crown prince, would oversee a newly formed anti-graft commission that would purge the country of corruption. Prince Alwaleed bin Talal, a billionaire businessman who owns investment firm Kingdom Holding was among those held. The list of detainees also included senior ministers who were recently sacked, such as Prince Mitaab bin Abdullah, the head of the National Guard, and Adel Faqih, the economy minister. Mohammed bin Salman replaced his cousin, Mohammed bin Nayef, as the kingdom’s crown prince in June. Mohammed bin Nayef made his first confirmed public appearance since his ousting at the funeral on Tuesday for Prince Mansour bin Muqrin Al Saud, deputy governor of Asir province, according to Saudi media. Mansour bin Muqrin died in a helicopter crash on Sunday. No cause has been given for the crash. ‘Rights concerns’ On Wednesday, US-based Human Rights Watch (HRW) said in a statementthe “mass arrests” carried out by Saudi Arabia raises human rights concerns. “The middle-of-the-night simultaneous establishment of a new corruption body and mass arrests over corruption raise concerns that Saudi authorities detained people en masse and without outlining the basis of the detentions,” Sarah Leah Whitson, Middle East director at HRW, said. “While Saudi media are framing these measures as Mohammad bin Salman’s move against corruption, the mass arrests suggest this may be more about internal power politics,” she added. The rights group noted that arbitrary detention is in contravention of international human rights law, and demanded those arrested be informed of the “specific grounds for their arrest” and ” be able to fairly contest their detention before an independent and impartial judge”. “Saudi authorities have not disclosed the specific reasons for the detention of the dozens of other people since mid-September. But the detentions fit a pattern of human rights violations against peaceful advocates and dissidents, including harassment, intimidation, smear campaigns, travel bans, detention, and prosecution,” its statement added. Source: Aljazeera
  18. The Somali government on Tuesday pledged to donate $1 million to families of victims of the heinous Al-Shabaab truck bomb attack that occurred last month in Mogadishu. Somali prime minister, Hassan Ali Khaire said his government will stand shoulder by shoulder with the families of the victim. “The government of Somalia will deposit $1 million into the account of the committee assigned to help the victims by tomorrow (Wednesday).” Over 350 people were killed and more than 600 injured on October 14 when a truck detonated at a busy intersection close to homes to hotels, shops, restaurants, NGOs and government offices. Khaire said his government flown hundreds of injured to abroad with the help of its ally countries. The victims who were critically injured in the truck bomb explosion were airlifted to several countries including Turkey, Sudan, Kenya and Qatar for further treatment. No group has yet officially claimed the responsibility for the worst terrorist attack in Somalia’s violent history, although the Somali government blamed Al-Shabaab for it. Al-Shabaab, Al-Qaida affiliate has been fighting Somalia’s internationally recognised government to overtake the control. AMISOM and SNA troops launched operations to flush out from Somalia after the leaders of federal and state government agreed counteroffensive strategy against the group.
  19. Muqdisho (PP) ─ Taliska AMISOM ayaa joojiyay muddo shan maalmood ah dhammaan shaqooyinkii iyo dhaqdhaqaaqyadii ka socday Xalane ee xarun u ah ciidamada AMISOM, kuna dhagan garoonka diyaaradaha Muqdisho. Tallaabadan ayaa timid kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya inay Al-shabaab qorsheynayso inay weerarro la beegsadaan garoonka iyo Xalane oo ah xarunta AMISOM. Ciidamada Midowga Afrika ayaa soo saaray Qoraal agu amrayo dhammaan shirkadaha iyo shaqsiyaadka ka hawl-gala Xalane inay shaqadii laga joojiyay inta u dhexeysa 09-ka illaa 13-ka bishan November, iyadoo amarro culus oo dhinaca amniga ah laga soo saaray. Haddaba, Amarrada ay AMISOM soo saartay waxaa ka mid ah: In baaritaan xagga ammaanka la xiriira ka sameyn-doonto xerada shant amaalmood ee l xiray, iyada oo la adeegsan-doono tillaabooyin dheeraad ah sida Bandow la soo rogo, Eeyo wax baara iyo isbaarooyin ama Checkpoints. Dhammaan dadka halkaasi u shaqo-tagi jiray waxaa loo sheegayaa in ay u hoggaansamaan xayiraadda, waxaa kale oo Xerada Xalane laga mamnuucay shaqada dhismaha, ganacsiga, dhaqista gawaarida iyo dukaameysiga iwm. Sidoo kale, Dharka maalmood ee ay hawlaha amni socdaan waxaa lagu war-geliyay dhammaan; safaaradaha, shaqaalaha ajaanibta, Qandaraaslayaasha, shirkadaha iyo ganacsatada ka dhex-shaqeeya Xalane Amarradan soo socda; Inay xisaabiyaan gawaarida (yar iyo weyn) ee ku jira gudaha Xerada, sidoo kale waa in gawaarida taarkada cusub lagu dhaji-yaa sanadka 2018-ka. Shirkadaha waa in ay keenaan xogta ugu dambeysay ee shaqaalaha maxaliga iyo kuwa caalamiga ah iyada oo la soo raacinayo shahaadada (good of conduct) dalalka ay ka soo jeedaan Hoteellada Waa in ay soo gudbiyaan liiska macaamiisha, qolalka ay degan yihiin iyo wax ay qabtaan si maalinle ah. Waa in AMISOM loo ogolaado in ay baarto guryaha iyo dhammaan dhismayaasha iyada oo la adeegsanayo Eeyaha qaraxyada baara si hubka iyo waxyaalaha qarxa ee qarsoon loogu raadiyo. Waa in la joojiyaa dhammaan wixii shaqo inta bandowga socda xittaa haddii horay loo sii ballansanaa. Caddeyn ka keen labiska, kaararka aqoonsiga iyo Qandaraaska, kaasoo laga arki karo magaca shirkadda si loogu dabagelo dhib la’aan. Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Kaamka ka dhex-sahaqeeya waa in ay soo gudbiyaan liiska hubkooda iyo licences-ka lagu diiwaangeliyay, waxaa laga soo qaadaa dowladda federaalka ah. Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo AMISOM ay u soo saaraan sababo ammaanka la xiriira, iyadoo tani ay imaanayso xilli uu socdo abaabul dagaal oo ka dhan ah Al-shabaab. PUNTLAND POST The post AMISOM oo joojisay Shaqooyinkii ka socday Xalane iyo Amarro ay soo saartay [AKHRISO] appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir guddoominayey Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre. Shirka ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo uu ugu horeeyo amniga, Warbixin la xiriirta Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran Hindiya, Tanzania, Cumaan, Uganda, Suudaan iyo wadamo kale. Ra’isal wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre ayaa faray wasiirka maaliyada Xukuumadda Federaalka Somalia C/raxmaan Ducaalle Bayle in maanta oo Khamiis la bixiyo lacagtii halka Milyan aheyd oo Dowladdu ay ugu deeqday dadkii ay wax yeelladu ka soo gaartay Qaraxii Zoobe. Waxaa sidoo kale kulanka Golaha Wasiirada looga hadlay xaaladaha amni ee ka jira dalka, waxaana Warbixin laga dhageystay Ku-simaha Agaasimaha Nabad Sugidda Somalia oo ka hadlay xaalada amni ee dalka iyo wixii u qabsoomay, wuxuuna sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen rag abaabulayay Haamo Qaraxyo ah. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Federaalka Cabdi Faarax Juxa ayaa Golaha Warbixin ka siiyay shirkii Muqdisho ugu soo gaba gaboobay Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada, kaasi oo looga hadlay Doorashooyinka, Dastuurka iyo arrimo kale. Waxa ay sidoo kale, Golaha Wasiirada ansixiyeen siyaasadda Qaran ee dhalinayarad oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Dhalinyarada, iyada oo sidoo kale la ansixiyay siyaasadda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka, waxaana ugu dambeyn Golaha loo qeybiyay Miisaaniyada 2018-ka, oo Wasiirada ay soo aqrin doonaan. Ugu danbeyntii, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumada Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Iidaan Yoonis ayaa warbaahinta u aqriyay waxyaabihii looga hadlay kulankii maanta ee Golaha Wasiiarada Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Waxaa laga yaabaa in aysan micno weyn kula lahayn doorashooyinka ka dhacaya jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday gooni isu taaga ee Somaliland, balse waa dhacdo taariikhi ah oo adduunka oo dhan isha lagu hayo, gaar ahaan Afrika. Waa goobtii ugu horeysay oo qaarada Afrika ay ka dhacdo codbixin dadka ay isticmaalayaan tijnoolajiyadda casriga ah. Doorashada oo ay ka qeybqaadanayaan wax ka badan toddobo boqol kun oo codbixiyeyaal ayaa waxaa u loolamaya saddex musharax oo ka kala socda saddexda xisbi ee kala ah Kulmiye oo uu u sharaxanyahay Muuse Biixi Cabdi, Waddani oo uu u sharaxanyahay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo UCID oo uu u sharaxanyahay Faysal Cali Waraabe. Madaxweynaha xilka haya ma tartamayo Waxyaabaha taariikhiga ah ee doorashadan ay kaga duwantahay kuwa badan oo Afrika inteeda kale ka dhaca ayaa ah in uusan tartamaynin madaxweynaha hadda xilka haya Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Waxaa intaas sii dheer in ololaha doorashada oo billowday 21-dii Oktoobar uu si nabad galyo ah ku socdo, aysana jirin wax dhibaato ah oo ka dhacday, iyo xanibaad dhanka dowladda ka timid. Guddiga doorashooyinka iyo habka doorashada u dhacayso waa mid waqti badan la galiyay, wadar-ogolna laga wada yahay si ka duwan meelo badan oo Afrika ka mid ah. Inkasta oo doorashada marar badan ay dib u dhacday, haddana kama dambays waxa ay dhacaysaa 13-ka bishan November. Doorka Tijnoolajiyadda Adduunka horumaray, gaar ahaan reer galbeedka ayaa xagga hore kaga jira in tiknoolajiyadda la isticmaalo marka ay doorasho dhacayso, balse Afrika waa xaajo ku cusub. Waxay noqonaysaa markii koowaad oo Afrika gudaheeda doorasho loo isticmaalo aaladaha casriga ah ee loo yaqaano Iris ee wajiga qofka aqoonsanaya, haddii uu markale soo laabtana sheegaya. Aaladahan ayaa waxaa la gaynayaa 1,642-da goobood ee laga codaynayo, kuwaas oo ku kala yaalaa 21-da deegaan-doorasho ee Somaliland. Waxaa doorashada hubinaya xalaalnimadeeda illaa 60 kormeerayaal caalami ah oo ka kala socda 24 dal oo adduunka ah, kana tirsan ururka caalamiga ah ee korjoogtada doorashooyinka ee lagu magacaabo EOM oo ay maalgaliso dowladda Ingiriiska. “Waa dhacdo taariikhi ah maadaamaa uusan ka qeybgalaynin madaxweynaha xilka haya” ayuu yiri Dr Michael Walls oo jaamacadda London University College oo hormuud ka ah kormeertada doorashada. Doorashadan ayaa waxa ay sidoo kale la gaar ahayd in musharixiinta ay ka qeybqaateen dood taleefishinka si toos ah looga baahiyay oo si furan su’aalo lagu weeydiinayay. Taleefishinka BBC-da oo kaashanaya HCTV iyo SBC TV ayaa sidoo kale maanta dood u qabanaya saddexda musharrax, waana tii labaad oo ay yeeshaan musharixiinta. W/Q: Cabdinaasir Saxansoxo BBC Somali, Nairobi
  22. Muqdisho (PP) ─ Ergayga Qaramada Midoobey ee Somalia Michael Keating, ayaa ka hadlay rajadooda ku aaddan in la dhaqan-galiyo heshiiskii 05-tii bishan dhex-maray Madaxda Dowladda Federaalka Somalia iyo Maamul-goboleedyada dalka ee ka dhacay Muqdisho. Danjire Keating, wuxuu sheegay in heshiiskii dhex-maray madaxda Qaranka uu ahaa mid guul, wadajir iyo midnimo ku soo dhammaaday. Wuxuuna intaa ku daray isagoo warbaahinta la hadlayay inay qabaan rajo weyn, wuxuuna ku caddeeyay hadalkiisa inuu jiro farqi kala geynaaya Dowladda hadda jirta iyo middii hore ee dhacday. Sidoo kale, Ergayga ayaa tilmaamay in Dowladda Somalia ee hadda jirta ay heysato fursado ay ku dhaqan galinkarto Qodobada ay la saxiixatay maamullada, halka dowladii hore ay ku furnaayen kacdoono siyaasadeed. ”Waxaan Qirayaa in Dowladda Somalia ee hadda jirta ay heysato fursado badan oo aysan haysan Dowladdii hore, farqiga u dhexeeya ayaa ah in Dowladdaan jirta ay haysato taageero shacab oo ka difaaci kara kacdoon siyaasadeed,” ayuu yiri Keating. Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. ”Sidaas darteed Waxaannu ku rajo weyn ka qabnaa in Dowladda Federaalka ah hada jirta ay sideeda u dhaqan-galiso heshiisyada jira si ay Somalia uga hanaqaado halka ay taagan tahay.” Dhanka kale, Danjire Michael Keating ayaa xusay inay filayaan in Dowladda ay ka fursado badnaan doonto middii hore, balse ay ka rajeynayaan inay ka dhabeyso himiladeeda dhanka siyaasada iyo horumarka. Ugu dambeyn, Ergayga QM ee Somalia ayaa tilmaamay in Somalia ay cagta-saartay dhabadii horumarka, wada jirka, midnimada iyo iskutashiga iyagoon cidna ka dhawraynin tageero iyo gacan qabashoba. PUNTLAND POST The post DANJIER KEATING: Madaxda Qaranka waa inay Hirgaliyaan Heshiiskii lagu saxiixay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  23. Ku-simaha taliyaha Booliiska Soomaaliyeed Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax oo maanta Warbaahinta kula hadlay Xarunta taba-barka Booliiska Somaaliyeed ee General kaahiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wax badan laga beddelayo hannaanka sugida amniga caasimadda Somaaliya. Taliye Afrax ayaa tilmaamay in ay samaynayaan qorshe cusub oo lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho,iyadoo markii ugu horreysay la hirgelinayo sanaadiiq lagu uruurinayo ra’yiga dadweynaha ee ku aaddan horumarinta ammaanka. Shacabka caasimadda Muqdisho,ayuu ka codsaday in ay Booliska ka gacan siiyaan qorshahan cusub si loogu guulaysto xasilinta magaalada,halka uu ciidankana ugu baaqay in ay shacabka soo dhoweystaan,taaso uu ku tilmaamay”habka ugu fiican ee lagu wado shaqeyn karo”. Amniga magaalada Muqdisho ayaa sii xumaanayey bilihi ugu dambeeyey,waxaana lagu qaaday weerarro argagixiso dhowr ah,kuwaaso uu ku jiray qaraxii ugu khasaaaraha badnaa ee Taariikhda Soomaaliya,kaasoo lagu beegsaday Isgoyska Soobe,islamarkaana ay ku dhinteen ugu yaraan 358 ruux,laakiin hay’adaha ammaanka ee Muqdisho,sida Booliiska,Nabad Sugidda iyo kuwa Xasilinta caasimadda ayaa dhankooda sii waday hawlgallada,lamana oga qorshahan cusub iyo sida u wax uga beddelayo amni-darrada magaalada PUNTLANDPOST The post Magaalada Muqdisho oo markii ugu horreysay laga hirgelinayo sanaadiiqda Ra’yiga dadweynaha. appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (Caasimadda Onlne) – AMISOM ayaa qoraal ay soo saartay maanta ku sheegay in dhammaan wax alle wixii shaqo ah oo ka socday Xalane la joojiyay maalmaha 9-13, November 2013-ka. Qoraalka Waxaa Ugu Muhiimsanaa: AMISOM waxaa ay sheegeysaa in baaritaan xagga amaanka la xiriira ka sameyn-doono Kaamka 5-taas maalmood, iyada oo la adeegsan-doono tillaabooyin dheeraad ah sida Bandow la soo rogo, Eeyo wax baara iyo isbaarooyin ama Checkpoints. Dhammaan dadka halkaasi u shaqo-tagi jiray waxaa loo sheegayaa in ay u hoggaansamaan xayiraadda, waxaa la kale oo Kaamka laga mamnuucay shaqada dhismaha, ganacsiga, Airportiga, dhaqista gawaarida iyo dukaameysiga. Inta uu bandowga ama howlaha ammaanka socdaan waxaa safaaradaha, shaqaalaha Ajaanibta, qandaraaslayaasha, shirkadaha, dukaanleyda lagu war-gelinayaa: In ay xisaabiyaan gawaarida(yar iyo weyn) ee ku jira gudaha Kaamka, sidoo kale waa in gawaarida taarkada cusub lagu dhaji-yaa sanadka 2018-ka. Shirkadaha waa in ay keenaan xogta ugu dambeysay ee shaqaalaha maxaliga iyo kuwa caalamiga ah iyada oo la soo raacinayo shahaada( good of conduct) dalalka ay ka soo jeedaan Hotellada Waa in ay soo gudbiyaan liiska macaamiisha , qolalka ay degan yihiin iyo wax ay qabtaan si maalinle ah. Waa in AMISOM loo ogolaado in ay baarto guryaha iyo dhammaan dhismayaasha iyada oo la adeegsanayo Eeyaha qaraxyada baara si hubka iyo waxyaalaha qarxa ee qarsoon loogu raadiyo. Waa in la joojiyaa dhammaan wixii shaqo inta bandowga socda xittaa haddii horay loo sii ballansanaa. Cadeyn ka keen Unifomka, IDyada iyo qandaraaska kaas oo laga arki karo magaca shirkadda si loogu dabagelo dhib la’aan. Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Kaamka ka dhex-sahaqeeya waa in ay soo gudbiyaan liiska hubkooda iyo licences-ka lagu diiwaangeliyay, waxaa laga soo qaadaa dowladda federaalka ah. Qoraalkan waxaa lala socod-siinayaa oo la geeyaa Sector 1 gaar ahaan xafiiska sirdoonka, inta uu socda bandawga. Dhammaan dadka howshan ay khuseyso, waxaa lagu wargelinayaa in ay u hogaansamaan maadaama aan shaqaale iyo gawaarida xamuul aan la ogaan-doonin dhammaan waddooyinka ama ka baxa Kaamka. Shaqada waxaa ay dib u bilaaban-doontaa 13-ka November marka dib u eegis lagu sameeyo in shaqada lagu guuleystay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com