-
Content Count
214,648 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay is-faham uu sheegay inay gaareen dhinacyada Galmudug oo maalmahan u joogay magaalada Muqdisho xal u helista khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhex jiray. Madaxweynaha ayaa yiri “Keddib wada-tashiyo aan la yeeshay dhinacyada ay khuseyso dib-u-heshiisiinta Galmudug, waxaan xalay ka gaarnay natiijo wax ku ool ah oo u adeegeeysa danta guud, taas oo ku timid isu-tanaasul iyo is-qancin.” “Waxaan uga mahadcelinayaa dhammaan madaxda Galmudug sida xilkasnimada leh ee ay u soo dhaweeyeen qorshihii aanu hordhignay kaas oo uu aasaas u yahay dhaqan-gelinta heshiiskii ka koobnaa 14ka qodob ee ay kula saxiixdeen Villa Soomaaliya 6dii Diseembar, 2017.” Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in madaxda Galmudug ay wax walba ka hormariyaan danta guud, ayna muujiyaan masuuliyad dheeri ah si loo dardargeliyo dib u heshiisiinta Galmudug, shacabkana loo gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah. Madaxda Galmudug ee ka qeyb gashay wada hadalladan ayaa soo dhaweeyay tubta ay u jeexday Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu soo afjarayo khilaafaadka siyaasadeed ee bilihii u dambeeyay taagnaa, waxaana la isla meel dhigay in hawsha lagu dhammeystiro magaalada Dhuusamareeb. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay is-fahamka ay gaareen dhinacyada Galmudug oo maalmahan u joogay magaalada Muqdisho xal u helista khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhex jiray. Madaxweynaha ayaa yiri “Keddib wada-tashiyo aan la yeeshay dhinacyada ay khuseyso dib-u-heshiisiinta Galmudug, waxaan xalay ka gaarnay natiijo wax ku ool ah oo u adeegeeysa danta guud, taas oo ku timid isu-tanaasul iyo is-qancin.” “Waxaan uga mahadcelinayaa dhammaan madaxda Galmudug sida xilkasnimada leh ee ay u soo dhaweeyeen qorshihii aanu hordhignay kaas oo uu aasaas u yahay dhaqan-gelinta heshiiskii ka koobnaa 14ka qodob ee ay kula saxiixdeen Villa Soomaaliya 6dii Diseembar, 2017,” ayuu yiri Farmaajo. Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in madaxda Galmudug ay wax walba ka hormariyaan danta guud, ayna muujiyaan masuuliyad dheeri ah si loo dardargeliyo dib u heshiisiinta Galmudug, shacabkana loo gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah. Ugu dambeyn, Madaxda Galmudug ee ka qeyb gashay wada hadalladan ayaa soo dhaweeyay tubta ay u jeexday Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu soo afjarayo khilaafaadka siyaasadeed ee bilihii u dambeeyay taagnaa, waxaana la isla meel dhigay in hawsha lagu dhammeystiro magaalada Dhuusa-mareeb. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha DF oo bogaadiyay is-faham laga gaaray khilaafkii Madaxda Galmudug appeared first on Puntland Post.
-
Kadib waraysi uu bixiyay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Maxamuud Cumar oo uu ku eedeeyay madixii hore ee sirdoonka Itoobiya Mr. Gatachew, ayaa waxa ay hadda jawaab ka timid xisbiga haya talada ee EPRDF. Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay in dhibaatooyinka uu Gatachew ku hayay deegaanka ay uga dacwoodeen xisbiga. Haddaba BBC-da laanteeda Afka Amxaariga ayaa waxaa waraysi Gudoomiye ku xigeenka xisbiga TPLF ahna madaxa xafiiska Xaruunta dhexe ee EPRDF marwo Fetlawarqi G/Igzaaber, waxayna tiri. “Arrintan waxba kama ogi. Aniguna shaqsi ahaan wax uu ii sheegay ma jirto, mana ahaba inuu ii sheego. Cabashada noocan ah isaga oo sharciga iyo nidaamka raacayo xubnaha dowladda ee ay quseyso inuu u gudbiyo ayay ahayd. Sidaa darted arrintan waxba kama ogi. Arrimaha noocan ahna ma aha arrin guddiga fulinta loo soo bandhigo. Aniga waxba kama ogi arrintan”. Sidoo kale waxaa nala hadlay Mr Saadaat madaxa arrimaha Isgaarsiinta ee Xafiiska Xaruunta Dhexe ee EPRDF, wuxuuna yiri “Warbixinta madaxweyne Cabdi waan dhageystay. Mudane Cabdi shirarka wax cabasha ah oo uu si rasmi ah uga jeediyey malaha arrintaa waxba kama ogin. Madaxda sare ee dowladda inuu cabashadiisa gaarsiiyey wey dhici kartaa. Ka xafiis ahaan laakiin arrintaa waxba kama ogin.” Mustafa Cumar oo ah aqoonyahan u dhashay deegaanka, una dhaqdhaqaaqa xuquuqda dadka ayaa BBC-da sidoo kale uga waramay waxa ay isaga la tahay eedeynta kasoo baxday madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, wuxuuna yiri “midda koobaad wuxuu doonayaa inuu xilka sii hayo uuna ka mid noqdo isbeddelka siyaasadeed ee cusub. Mr Getachew iyo shaqsiyaadka kale sirtooda oo aan bannaanka soo dhigo ‘kalsoonida la igu qabo ayaa badanaysa ayuu isleeyahay”, midda labaadna waxay tahay “Mr Getachew inuu Cabdi uu xilka ka qaado ayuu marar badan isku dayay, marka arrintan wuxuu u sameeyey waxaa dhici karta iney aarsi ka tahay.” Mr Gatachew Asafe ayaa waxaa xilka ka qaaday Ra’isulwasaare Abiy Axmed, waxaana lagu badalay mas’uul kale. Kama uusan jawaabin shaqsiyan eedeymaha uu madaxweynaha u jeediyay. Xigasho: BBC Somali
-
Muqdisho (Caasimda Online)-Dagaal u dhexeeyay ciidamo kawada tirsan dowlada ayaa waxa uu duhurnimadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Dagaalkan oo muddo kooban socday ayaa waxa uu si gaara ugu dhexeeyay ciidamo isugu jira Militeriga iyo Booliska, kaa oo ka dhacay waaxda liiqliiqato ee degmada Kaxda. Qeyb kamid ah ciidamada dagaalamay ayaa waxaa la sheegay in hab qabiil uu u adeegsanaayay ganacsade uu muran kala dhexeeyay ciidamada kale, halka dhinaca kalena ay ka soo horjeeden ciidamada la watay. Dagaalka ayaa lasoo sheegayaa inay ku dhaawacmeen ku dhawaad 54 qof oo ka mid ah dhinacyadii ay dirirtu dhexmartay iyo dad kale oo shacab ah. Sidoo kale, waxaa dagaalka ku dhintay dad kor u dhaafaya afar ruux oo ay ku jiraan ciidamada ay dirirtu u dhexeysa, waxaana iminka socda waan-waan lagu joojinaayo dagaalka u dhexeeya labada ciidan. Dhinaca kale, waxaa magaalada Muqdisho kusii kordhaaya dagaalada ka dhasha dhulalka oo ay ka qeybqaatan ciidamada Qaranka oo amniga ka hormariyay tooda gaarka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
UAE provides capital injection into Somaliland Central Bank
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
HARGEISA– The Central Bank authority in Somaliland asserted that it received capital injection from the UAE in a bid to reduce skyrocketing inflation and the depreciation of Somaliland shillings which is slumping against the US dollar and getting to its weakest ever since its inception. The central bank authority declined to disclose the amount of capital injection that the UAE donated but said that the UAE government has pledged to make capital investment into the institution for five installments and that they received the first of its kind this month. The central bank governor has not explained whether the fund is a debt or an assistance in an interview. -
Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in maamulka Jubbaland uu garoonka diyaaradaha magaaladaas ka celiyey taliye loo Magacaabay guutada 43-aad ee ka howlgasha deegaanada Jubbaland. Taliyaha garoonka laga celiyey oo lagu magacaabo Cali Bogmadow ayaa dhawaan dowladda Soomaaliya ay u magacaawday Guutada 43-aad, waxa uuna beddeli lahaa taliyihii xilkaasi laga qaaday ee Janaraal Ismaaciil Saxardiid. Weli maamulka Jubbaland wax faahfaahin ah kama bixin sababta garoonka Kismaayo looga celiyey taliyaha, balse waxaa dhawaan jirtay in maamulka Jubbaland uu sheegay in dhibaato ay ku hayaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhowaan cabasho ka muujiyey in hub ay dowladda u dirtay ciidamada jooga Gedo ay u gacan geleen Al-Shabaab. Axmed Madoobe ayaa la rumeysan yahay inuu ka cabsi qabo in ciidamada ku sugan Gedo oo kasoo jeeda beesha Mareexaan ay ku xoogeystaan kadibna weerar kusoo qaadaan magaalada Kismaayo, oo ay dib uga qabsadaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Rag hubeysan ayaa saakay waxa ay duleedka magalada Muqdisho ku dileyn nin Sheekh ah, kadib markii ay wadada u galeyn gaari nooca raaxada ah oo uu watay kadibna ay rasaaseeyeen, waxaana lagu magacaabi jiray Sheekh Cabdullaahi Maxamed Rooble. Falkan dilka ah ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa Tareedisho iyo Tabeelaha Sheekh Ibraahim, waxaana ehelladiisa ay sheegeen in xilliga la dilayey uu watay gaari Noha ah, isla markaana ay rasaaseeyeen rag watay mootada loo yaqaano dhug dhugleyda, isla markaana ay baxsadeen. “Isaga oo maraya meel u dhaxeysa Tareedisho iyo Tabeelaha Sheekh Ibraahim ayaa mootooyin lagu hor jaray gaarigii uu watay laguna rasaaseeyey, waxaa la saarnaa laba xaas uu qabay iyo walaalkiis, rag watay mooto dhugdhugledya ayaa wadada u galay weyna baxsadeen, wuxuu ahaa Sheekh ka tirsan culimada Suufiyada gaar ahaan qaadiriyada” ayuu yiri qof ka mid ah eheladiisa. Goobta falkaan dilka ah ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya wallow aysan u suurtagelin in ay gacanta ku soo dhigaan dadkii ka dambeeyey dilkaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Dagaal u dhexeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo Puntland ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool. Dagaalka oo socday saacado dhowr ah ayaa waxa uu bilowday kadib markii ciidamada maamulka Puntland ay isku dayeen inay ku siqaan halka ay ku sugan yihiin ciidamada Somaliland. Dagaalka ayaa inta uu socday waxaa leysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana lasoo sheegayaa inuu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh. Dadka deegaanka ayaa sheegay inay arkayeen meydadka Afar askari oo labada dhinac ah iyo dhaawacyada lix ruux oo isugu jira dhinacyada dagaalamaya iyo dad shacab ah. Saacadihii la soo dhaafay ayaa deegaanka Tukaraq waxaa gaaray Ciidamo aad u farabadan oo ka kala socda labada maamul,taas oo sii hurisay xiisada deegaanka Tukaraq. Sidoo kale, Saraakiisha kala hogaamineysa labada dhinac ayaa kala sheegtay guulo, waxa ayna ciidamada Somaliland qireen inay khasaro xoogan u geysteen kuwa Puntland. Geesta kale, dagaalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ciidamada labada maamul ay weli yihiin kuwo isku horfadhiya deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Eritrean President Isaias Afwerki (L) and Ethiopia’s Prime Minister Abiy Ahmed walk together at Asmara International Airport. Eritrean President Isaias Afwerki will visit Ethiopia on Saturday, Eritrea’s information minister, Yemane Meskel, said on Friday, days after the two neighbors declared their “state of war” over. The visit comes after an unexpected peace initiative from Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed, who visited Eritrea and signed a pact with Isaias on resuming ties. “President Isaias Afwerki will lead a delegation and pay official visit to Ethiopia tomorrow, 14th July,” Yemane tweeted early on Friday. Under this week’s historic agreement, the Horn of Africa neighbors agreed to open embassies, develop ports and resume flights, in concrete signs of rapprochement after two decades of hostility since war erupted over their disputed border in 1998. In this file photo taken on June 26, 2018 Eritrea’s Foreign Minister Osman Saleh Mohammed (R) walks with Ethiopia’s Prime Minister Abiy Ahmed (2L) and Ethiopia’s Foreign Minister Workeneh Gebeyehu (L) as an Eritrean delegation for peace talks with Ethiopia arrives at the international airport in Addis Ababa. (Photo by AFP) “Eritrean President Isaias Afeworki will arrive in Ethiopia tomorrow for a 3-day state visit upon the invitation of Prime Minister Abiy,” Abiy’s chief of staff, Fitsum Arega, was quoted as announcing by media. “The visit will strengthen the friendship as well as ties between Ethiopia and Eritrea. We thank President Isaias for honoring us with a visit and we welcome him warmly!” Normalizing relations between Ethiopia and Eritrea is expected to transform the Horn of Africa region, thus ending decades of animosity during which both countries remained isolated and dominated by their security forces. (Source: Reuters)
-
Work is also taking place in Somalia to raise awareness of FGM – here an after-school club, partly funded by UNICEF, in which it is being discussed. A Somali woman from canton Neuchâtel has been sentenced to eight months’ prison over the genital mutilation of her two daughters, in the first Swiss case of its kind after a law change. The girls were six and a half and seven when the procedure was carried out between 2013-2015 in Somalia and Ethiopia. The mother, who now lives in Neuchâtel in the French-speaking part of Switzerland, did not deny the charges. She was reported to the authorities by her estranged husband, who is also from Somalia. The judgement was based on a relatively new article in Swiss law which aims to prevent Swiss-based families from having their daughters circumcised, whether in Switzerland or abroad. “I do not take it upon myself to be able to change things. But perhaps this judgement will contribute to eliminating the suffering of millions of girls,” said Nathalie Kocherhans, the judge at the regional court in Boudry, on Thursday. The fact that the woman did not live in Switzerland at the time of the genital mutilation was not a reason for acquittal, the judge added. The court did however recognise that the Somali woman had been living in difficult circumstances. The woman, who is illiterate, has been under immense social pressure in her home country for the girls to undergo the procedure. This is why the sentence is mainly of a symbolic nature, the judge explained. But given the gravity of the offence, a short prison sentence was still necessary, she said. Swiss Info
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Taliyaha Ciidamada Militiriga dalka Jeneral C/weli Jaamac Gorod, ayaa ka hadlay dhibaatooyinka ay ciidamada Militeriga ku hayaan dadka shacabka ah. Taliyaha ayaa sheegay inaan loo dul-qaadan doonin tacadiyadaas ay geysanayan Ciidamada, waxa uuna ku goodiyay inay ka qaadi doonaan talaabo sharci ah. Jeneral Gorod ayaa yiri “ Waqtigii hore Garaadada waa lagu xaragoon jiray laakiin hadda waa laga cararaa haddii Janan uu kaa soo hor baxo dadka waxay is dhahaan armuu kaa qaataa kista aad sidatid, laakiin arintaas way soo xirantay”. Taliyaha Ciidamada Militiriga Jeneraal Gorod ayaa digniin u diray Ciidamada Militiriga wuxuuna ka dalbaday in ay ka gudbaan dhaca iyo boobka ay u geysanayaan Shacabka Soomaaliyeed isla markaana ay usoo jeestaan dagaal ay la galaan Al-Shabab. Hadalka ka soo yeeray Taliyaha Ciidamada Militiriga dalka Jeneral C/weli Jaamac Gorod ayaa imaanaya xili todobaadkaan iyo kii ka horeyba ay Ciidamo ka tirsan Militiriga Soomaaliya ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo ku sugnay Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Ciidamada Nabadsugida maamulka Jubbaland ayaa Magaalada Kismaayo Xarunta KMG ah ee maamulka Jubaland kusoo bandhigay dhagarqabe ka tirsanaa Al-Shabaab. Dhagarqabahaani oo la sheegay inuu kasoo goostay Al-Shabaab ayaa xiriir la sameeyay maamulka waxa uuna horay ula soo goostay qori noociisa lagu sheegay AK47 iyo Qasnado rasaas ay ku jirtay. Axmed Muuse Xirsi oo ah Taliyaha Ciidamada Nabad sugida maamulka Jubaland, ayaa sheegay in dhagarqabaha isa soo dhiibay lagu magacaabo Aadan Huudow Cabdi. Waxa uu Taliyaha sheegay in dhagarqabaha loo lacageeyay qoriga iyo rasaastii uu watay, maadaama uu dhibaato lasoo maray hubkiisa. Waxa uu maleeshiyaadka kale ugu baaqay inay kusoo biiran ciidamada dowlada maadaama uu gabaabsi yahay jiritaanka Al-Shabaab.
-
Eritrea leader visits Ethiopia on Saturday in historic thaw
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Eritrea's President Isaias Afwerki is visiting Ethiopia on Saturday, the latest step in an unprecedented diplomatic thaw between the former archrivals that is ending one of Africa's longest-running conflicts. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo daah furay nidaam casri ah oo lagu diiwaangelinayo shaqaalaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in aan la aqbali doonin shaqaale iska qaata mushaar oo aan soo shaqo tagin, lana bilaabayo isla xisaabtan joogto ah oo lagu hubinayo qaab shaqeedka waaxaha maamulka. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xusay in daraasad socotay muddo (5) shan bilood ah lagu ogaaday shaqaale iska qaata mushaar oo shaqada imaan fasax la’aan, nidaamkan casriga ahna uu meesha ka saari doonno isla xisaabtan la’aanta iyo waajibaadka laga gaabiyey, taasoo qeyb weyn ka qaadanaysa hannaan daah furan ee lagu ogaanayo dadka soo shaqo taga iyo kuwa iska qaata mushaarka. “Hadda kadib ma jiri doono shaqaale iska qaata mushaar oo shaqada imaan ama aan wax soo saar lahayn, nidaamkanna waxuu naga caawin doonnaa inaan ogaanno shaqaalaha saxda ah ee guta waajibaadkooda iyo kuwa mushaarka iska qaata, wax la aqbali karo maahan in miisaaniyadda Gobolka Banaadir %70 ay mushaar ku baxdo hadana dadka shaqeeya ee saxda ah ay yar-yihiin, cid walba oo shantaa bilood mushaar qaadatay soona xaadirin shaqada sharciga ayaan la tiigsanaynaa lacagtana waa laga soo celin doonnaa,” ayuu yiri Guddoomiye Eng. Yarisow. Duqa Muqdisho oo sii hadlayey ayaa kula dar-daarmay agaasimeyaasha waaxaha in shaqaalahooda ay la xisaabtamaan, si loo helo shaqaale huffan loona hubiyo tayadooda shaqo, isagoo yiri “Qof walba waa inuu ka soo baxaa masuuliyaddiisa oo dhab ah una fakaraa horumarka caasimadda sidii uu kaalintiisa uga qaadan lahaa. Haddii aan ku guuleysanay in aan bixinno mushaarka shaqaalaha muddadii aan xafiiska joognay, waa in qof walba ogaadaa in xisaab ay daba socoto, loogana baahan yahay shaqo dheeraad ah.” Hirgelinta Systemka cusub ee dib-u-diiwaangelinta Shaqaalaha Gobolka Banaadir oo ah hab casri ah, waxuu kaalin mug leh ka qaadanayaa tayada shaqaalaha iyo hubintooda, iyadoo hannaankani uu meesha ka saarayo cid walba oo waajibaadkeeda gudan weysay. Ugu dambeyn, Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, Agaasimeyaasha Gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah howlwadeenada Dawladda Hoose. PUNTLAND POST The post Duqa Muqdisho oo Shaaciyay in Shaqaalaha aan Shaqeyn laga jari doono Mushaaraadka appeared first on Puntland Post.
-
village in Mandera county has banned the sale and chewing of miraa. Source: Hiiraan Online
-
Ethiopian rebel group declares ceasefire in wake of reforms
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
An Ethiopian rebel group declared a unilateral ceasefire on Thursday after parliament removed it from a list of banned terrorist groups as part of a reform drive led by the new prime minister. Source: Hiiraan Online -
Ethiopian-Somali region president, Abdi Mohamoud, has been criticized for egregious human rights abuses in the region and also implicated in the displacement of more than half a million Ethiopians from the region following what seemed to be an orchestrated ethnic-based conflict involving Somalis and Oromo. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xajku waa rukniga shanaad oo ay diinta Islaamku ku dhisan tahay waxaana uu waajib ku yahay qof walba oo Muslim ah ee awooda, sidaan wada ognahay boqlaal qof oo Soomaaliyeed ayaa sanad walba u diyaar garowday iney xajiyaan waxaana waqtigoodii sii dhaafinaya muran iyo isjiid jiid ay hormuud u tahay xukuumadda Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre. Waligeed kama dhicin Soomaaliya oo dowlad ka dhisantahay in Xujeyda Soomaaliyeed waqtigan oo kale aan loo soo saarin dal ku galka ama fiisaha Xajka, waxaana sabab u ah saddex shirkadood oo si aan sharci aheyn loogu daray nidaamkii xujeyda Soomaaliyeed loogu fududeyn jiray iney ka dhoofaan Soomaaliya si ay u xajiyaan, waana shirkado la ogaaday iney xukuumadda ka dambeyso. Shirkadaha lagu kala magacaabo Ocean, Freedom iyo African Expreess ayaa lagu soo biiriyay shirkadaha Jubba iyo Daallo oo howlaha Xujeyda ku guda jiray in muddo ah, waxaana ka hor yimid dowladda Sacuudiga oo sheegtay in aysan hadda qaabili karin shirkadahan cusub maadama la joogo waqtigii ay dhoofi lahaayeen xujeyda. Dowladda Soomaaliya wali go’aan cad kama aysan qaadan arimaha xajka ee taagan oo looga fadhiyay in ay maareyso maadaama boqolaal qof oo Soomaaliyeed sanad waliba xajiyaan, waxeyna u muuqataa in Xukuumadda ganacsi gaar ah ka leedahay saddexdan shirkadood ee la soo kordhiyay ee sababay dib u dhaca iyo tuhunka ah in aan Soomaaliya xaj laga aadin sanadkan. Marka la eego danaha gaarka ah ee Xukuumadda Soomaaliya waxa uu ujeedkeedu yahay in sanadkan in shirkadaha ay wadato lagu daro ama xajka la baajiyo, maadama laga rabay in shirkadaha cusub ay ku wargeliso in sacuudiga uu diiday heshiiska shirkado cusub oo Soomaaliya ka imanaya, waxaana si dar dar leh u socon lahaa howlaha xajka hadii loo dhaafi lahaa Jubba iyo Daallo oo shirkadaha cusub lagu soo biiriyay. Guddiga Garsoorka, Awqaafta Iyo Arrimaha Diinta ee golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in shirkado aan awood u lahayn in xajka ay u qaadaan dadka sidoo kalena ogolaansho ka haysan dowladda Sacuudiga in qeyb laga siiyey daabulista dadka aadaya xajka, taas oo u guddigu sheegay in xukuumadda ka dambeyso iyadoo aan eegin nidaamka iyo habmaamulka u dagsan dowladda Sacuudiga. Eex, qaraabakiil iyo musuq maasuq ayey guddigu sheegeen in shirkadahan loogu soo daray liiska oo laga rabay xukuumadda in shirkadaha duulimaadyada ay u qabato tartan furan kuwooda daneenaya arimaha xajka iney ka shaqeeyaan. Xildhibaan Cabdullahi Maxmaed Nuur oo katirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay in acmaashii waajibka ahayd ee xajka loo qal-qal geliyo raali gelinta shaqsiyaad iyo shirkado gaar ah, waxaana la ogyahay in Wasiirki labaad arrimahani dartood shaqada looga ceyriyay, sidoo kale saarkiil kale shaqada looga fadhiisiyay, taa oo banaanka keentay fadeexada musuq maasuq ee Ra’isul Wasaare Kheyre. Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan Muwaadiniin Soomaaliyeed oo isu soo diyaariyay gudashada Acmaasha Xajka ee sanadkan, waxayna ka kala yimaadeen goballada dalka, balse waxaa nasiib darro ah inay Xukuumadda uu hoggaamiyo Xasan Cali Kheyre ummaddii gelisay jahawareer ah inay garan waayeen shacabka Soomaaliyeed meel ay u doontaan Visihi Xajka iyo cid ay kala macaamilaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Isku daygii fashilinta xisbiga wadaniga/islaamiga ah ee xisbu nahdaha Tunis, taageeradii Xariiri, iskudaygii fashilinta Erdogan iyo Mahater kadib imaaraatka iyo Sucuudigu waxaa diiradda usaaran doorashada Soomaaliya ee 2020-ka. Dalalka Malaysia, Lubnaan, Turkiga, iyo Tunis doorooshooyinkii ugu danbeeyay ee ka dhacay waxaa jiray faragalin ay malaayiin doolar Ku baxday oo ay wadeen Imaaraatka iyo Sucuudiga, inkastoo uu fashilmay isku daygooda. hadana wuxuu ahaa iskudayo khatartooda leh oo ayba qaarkood Ku dhawaadeen in ay suurta galaan. Sida qorshuhu yahay doorashada 2020-ka ee soo socota, Imaaraatka iyo Sucuudigu waxay damacsanyihiin abuurista xisbi ay Ku midaysanyihiin madaxda maamul goboleedyada, xisbiyada daljir&damuljadiid, iyo siyaasiyiinta taageersan aragtidooda, ayadoo lagu maalgalinayo dhaqaale xaddhaaf ah. Inksatoo Imaaraatka iyo Sucuudigu damacoodu uu aad khattar uyahay hadana wada shaqaynta MD farmaajo iyo RW kheyre iyo taageerada ay shacabka ka haystaan markii la isku daro waxay uegtahay in uu fashilmi doono damaca Imaaraatka iyo xulufadooda Sucuudiga. sida ay ugu fashilmeen doorashooyinkii Lubnaan, Tuunis, Turkiga iyo Malaysia. Dardargalinta iyo dajinta istiraatiijiyada uu Ku fuli lahaa mashruucaas ayaa baryahaanba si xawli ah uga Socday magaalada Nairobi ayyadoo halkaas ay isugu tageen Siyaasiyiin farabadan oo kakala socda garabyo siyaadeed ookala duwan. W/Q: Sacad Cabduqadir Awmagan.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa si cad u sheegay halka ay ka quransan tahay Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in is aaminaad la’aan ka dhex jirta ay meesha ka saartay in nabad ay helaan dadka Soomaaliyeed, taa oo sahli kartay in la soo afjaro dhibaatada ragaadisay dalka. Waxa uu hadalkan la wadaagay Thomas Waldhauser oo ah taliyaha howlgalka Mareykanka u qaabilsan qaaradda Africa (AFRICOM), isagoo xusay in uu sii xumaanayo xeriirka u dhaxeeya dowladda Federalka ah ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka, waxaana u muujiyay walaac xoogan oo arintani uu ka qabo, taa oo god dheer ku tuureysa rajada ah in Soomaaliya nabad iyo xasilooni hesho, isagoo xusay in colaada iyo kala qeybsanaanta Soomaalida iney ugu wacan tahay is aaminaad la’aan ka dhex jirta dadka iyo Madaxda Soomaaliyeed. Sidoo kale Mr Waldhauser oo ah Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Africa ayaa sheegay in xasilooni darrada Soomaaliya ay sii hurinayaan dalaka carbeed oo iyago xeriiro kala duwan la leh, dowladda Federalka Iyo Madaxda Maamulada kale ee dalka ka jira. Uhuru Kenyatta ayaa Soomaaliya ka dalbaday in ay joogto booskeeda dhex dhexaadnimada ee arimaha khalej-ka carabta oo saameyn dhan walbo ah ku yeelan kara Soomaaliya. Thomas Waldhauser iyo Uhuru Kenyatta oo Ciidamadoodu ka joogaan Soomaaliya waxa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan, laakiin waxa farta ku fiiqeen in arintu adagtahay hadii Soomaalidu dhexdeeda wadajir aheyn. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Abu Dhabi (Caasimada Online) – Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, Dr. Anwar Bin Muxammed Qarqaash ayaa caddeeyey in Imaaraadka Carabta xidhiidhadiisa Geeska Afrika ay yihiin kuwo togan oo uu maamuus iyo ixtiraam ku kasbaday. Xidhiidhada uu wasiir Anwar Qarqaash sheegay in uu dalkiisu ku noqday jaal la xurmeeyo, ayaa waxaa ka mid ah maalgashiga ay dawladda Imaaraadka Carabtu ka samaysay dekedda Berbera. Waxa uu wasiirku sheegay in la macaamilka gobalka Geeska Afrika ay tahay arrin khatarteeda iyo fursadaheedu isbarbar yaallaan, laakiin muhiimadda uu gobalkani u leeyahay dunida Carabtu ay qasab ka dhigayso in ay xidhiidh fiican iyo la macaamil togan la yeelato. Waxa kale oo uu wasiirku si dadban u iftiimiyey kaalinta ay dawladdiisu ku lahayd isu soo dhowaanshiyaha dalalka Ereteriya iyo Itoobiya oo muddo labaatan sano ah colaad dhiig badani ku daatay u dhexeysay. Wasiirka oo hadalladan ku faafiyey barta uu ku leeyahay shabakadda bulshadu ku xidhiidho ee Twitter ka oo uu si aad ah wararkiisa ugu faafiyo, ayaa waxa uu ugu horreyn ka hadlaya arrinta khatarta iyo fursadaha is-barbar yaalla uu ku sheegay ee gobalka Geeska Afrika, isaga oo qoray, “Dabcan, xidhiidh siyaasi ah oo lala yeesho Geeska Afrika waxaa ku ladhan khataro iyo fursado is barkan. Laakiin ku xidhnaanta gobalkani waxa ay lagama maarmaan u tahay amniga iyo horumarka dunideenna carabta” Wasiir Qarqaash waxa uu intaas ku sii daray, “Siyaasadda Imaaraadka ee ku dhisan macaamil waqti dheer ah oo xaqiiqada ku fadhiya ayaa maamuus iyo ixtiraam ka kasbaday gobalka Geeska iyo dunidaba” Wasiir Qarqaash oo weli soo wada qoraalladiisa uu arrimahan kaga hadlayo ayaa mar kale qoray, “Shaqo adag oo aan sannado badan ku taageeraynay xasiloonida, la dagaalanka argagaxisada, iyo budhcad badeedda Soomaaliya, iyo dadaallo horumarineed oo aanu ka geysannay Jabbuuti iyo Somaliland, iyo sida oo kale xidhiidhka siyaasiga ah ee aanu ka dhex samaynay Itoobiya iyo Ereteriya, waxa uu imaaraadku ku kasbaday in uu noqdo saaxiib laga qaddariyo Geeska Afrika, hormuudna ka ah, joogitaanka Carbeed ee gobalkan muhiimka ah” Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
