Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,077
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (PP) ─ Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Somalia ayaa maanta billaabay inay baaritaano ku sameeyaan gaadiidka AMISOM ee waddooyinka muhiimka ah maraya, si loo hubiyo ammaanka caasimadda oo dhawaanahan laga dayrinayay. Askari ka tirsan ciidammada ilaalada madaxtooyada Somalia ayaa joojiyay gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM oo marayay koontarool yaalla meel ku dhaw madaxtooyada Somalia, isagoo baaritaan ku sameeyay gaadiidkaas iyo ciidamadii la socday. “Gaadiida ay wateen ciidamada AMISOM oo xilligaa marayay inta u dhexeysa Isgoyska Sayidka iyo Villa Somalia ayaa waxaa joojiyay askari ku sugna bar koontarool oo halkaas ku taalla, wuxuuna soo dajiyay askartii wuxuuna mid walba oo ka mid ah weydiiyay aqoonsi,” ayuu yiri goobjooge Puntlandpost la hadlya oo ku sugnaa koontaroolkaas. Sidoo kale, Goobjoogahaan ayaa hadalkiisa ku daray. “Ciidamadu markii ay ogaadeen in ciidamadan ay yihiin ciidammada AMISOM waxay u ogolaadeen inay socodkooda sii wataan, waana arrin ku cusub Muqdisho.” Inkastoo aysan weli ka hadlin hay’adaha ammaanka Dowladda Somalia inay baaritaanno ku sameynayaan gaadiidka iyo ciidamada AMISOM ayaa hadana tallaabadan waxay noqonaysaa middii ugu horreysay oo ciidamada Somalia ay ku baaraan gaadiidka iyo askarta AMISOM. Ugu dambeyn, Baaritaankan lagu sameeyay ciidamada AMISOM ee Muqdisho isaga kala gooshaya ayaa wuxuu imaanayaa xilli maalmahaan ay Muqdisho ka jirtay hadal-hayn aad u soo kordhaysay oo ku aadan in Al-shabaab ay qorsheynayaan inay gaadiidka AMISOM ku fuliyaan qaraxyo ismiidaamin ah. PUNTLAND POST The post Ciidammo Ammaanka Dowladda Somalia oo billaabay inay baaraan Gaadiidka AMISOM appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (PP) ─ Ururka Al-shabaab ayaa beeniyay warbixino ay baahisay Dowladda Federaalka Somalia , kaasoo ahaa in ciidamada dowladda Somalia iyo ciidammo caalami ah ay bur-buriyeen xarumo Al-shabaab ay ku lahayd degmada Jilib ee Gobolka Jubadda Dhexe. Warbixin ay Al-shabaab ku baaisay barahooda Internet-ka ayay ku beenisay warka uu baahiyay Wasiirka Warfaafinta DF Somalia, iyagoo ku tilmaamay been-abuur lagu qarinayo guul-darrooyin Ciidamada Dowladda kasoo gaaray dagaalo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Gobollada Shabeelooyinka, sida ay hadalka u tiri Al-shabaab. Sidoo kale, Afhayeenka howl-galada Kooxda Al-shabaab, Sh. C/casiis Abuu-Muscab ayaa beeniyay in wax weerar ah uu ka dhacay Degmada jilib ee Gobalka Jubbada Dhexe oo ah xarunta ugu weyn ee Al-shabaab ay xilligan ku leedahay Koonfurta Soomaaliya. “Waa been aan sal iyo raad toona lahayn wararka ay dowladda iyo kuwa ay saaxiibka la tahay ay bahiyeen oo ah inay xarumo ay Al-shabaab leeyihiin beegsadeen. Waxaana idiin xaqiijinayaa inaanu jirin wax weerar ah oo ka dhacay Degmada Jilib iyo xitaa Jubadda Dhexe,” ayuu yiri Abuu-Muscab. Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta Somalia, Inj. C/raxmaan Yariisow ayaa hadal uu kusoo qoray bartiisa Facebook-ga ku sheegay in howl-gal ay toos u fuliyeen Ciidamada dowladda ay ku burburiyeen saldhigyo Al-Shabaab ay ku leeyihiin Gobalka Jubadda Dhexe oo ah gobolka ay sida dhameystiran weli u haysato Al-shabaab. Ugu dambeyn, Mareyanka ayaa dhankooda sheegay inay duqeymmo oo ay ka fuliyeen gudaha Somalia toddobaad gudihiis ay ku dileen in ka badan 100 dagaalyahan oo Al-shabaab ka tisran, kuwasoo lagu weeraray deegaanno ay ku xooggan yihiin. PUNTLAND POST The post Ururka Al-Shabaab oo baaniyay in Diyaarado dagaal ay Duqeymo ka fuliyeen Degmada Jilib appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe C/llaahi Maxamed Xuseen (Geeldoox) ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan Xasilinta ay u geysteen Ilaaladiisa dil iyo dhaawac, kaddib markii xalay lagu joojiyay Isgoyska Sanca ee degmada Kaaraan. Guddoomiyaha ayaa sheegay xalay saqdii dhexe uu ka yimid Gobolka Shabeellaha Dhexe, isla markaana xilli uu ku socday hoygiisa lagu joojiyay Isgoyska Sanca, halkaasoo ka mid ah goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Xasilinta. “Xalay safar ayaa Muqdisho ku soo galay, saacada marka ay aheyd 12:00am, markii aan Isgoyska Sanca marayay oo aan rabay in xaafadeyda u gudbo waxaa na istaajiyay Ciidamada Xasilinta, waxay i weydiiyeen Aqoonsi ama ID CARD, waxaa u sheegay anaga Gobol ayaa jirnaa, dowlad goboleedka Hirshabeelle ka tirsanahay, wax Aqoonsi ah nalooma sameyn, waxaa Mobilkeyga ka tusiyay warqadii Digreetada aheyd ee la igu magacaabay, markaas ayaa la igu yiri askartada qoryaha ka qaad ee baaburka dhex dhig, markii intaas la i yiri ayaa askari ila socday uu hadlay, markaas ayay askartii kale rasaas nagu bilaabeen, hal askari waa iga dhintay, mid kalena waa iiga bad baaday”ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Mahadaay. Sidoo kale waxaa uu sheegay in isaga oo indhaha ka xiran la saaray gaadiidka ciidamada, lana geeyay meel ku dhow Godka Jilacow, isla markaana halkaas lagu jirdilay, waxaa uu xusay in saraalka watay ciidanka uu ku qasbay inuu dhaho in rasaasta askartiisa bilaabeen. Waxaa uu ugu baaqay Mas’uuliyiinta Laamaha amniga in askarta sidaas u dhaqmeysa laga qabto magaalada, hadii kale dhibaatada ay geysanayaan ay sii badaneyso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya Degaanka Daarul-salaam oo hoostaga Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Duqeyn Diyaaradeed Xalay ay ka dhacday Degaanka Daarul-salaam,waxaana la sheegay in Duqeynta ay Fuliyeen Illaa saddex Diyaaradood. Goobjoogeyaal ku sugan Degaanka la duqeeyay ayaa Radio Kulmiye u sheegay in Duqeynta ay ka dhacday Dhul Beero ah oo duleedka ka ah Degaanka Daarul-salaam. Wararka ayaa intaas ku daraya in Diyaaradaha ay Duqeeyeen Saldhig Al-shabaab ay ku leeyihiin Degaankaas,waxaana sidoo kale la sheegay in Dad Rayid ah Duqeynta lagu dilay. Qof kamida Dadka Degaanka ayaa KNN u sheegay in Meydadka Saddex Qof oo Shacab ah Saakay laga helay Beer u dhow Degaanka Daarul-salaam,iyadoo Dadkaas ay ku dhinteen Duqeynta Diyaaraduhu ay fuliyeen. Lama oga Diyaaradaha wax duqeeyay dalka laga leeyahay,waxaana sidoo kale duqeynta aan ka hadlin Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose. Duqeynta laga Fuliyay Gobolka Shabellaha Hoose ayaa ku soo aadeysa,iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in Weeraro Qorsheysan oo Ciidamada Dowladda ay ka fuliyeen Degmada Jilib lagu dilay illaa 81 Dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab. Al-shabaab dhankooda weli war kama soo saarin Duqeynta ka dhacday Gobollada Shabellaha iyo Jubbada Dhexe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Somalia, Michael Keating, ayaa faahfaahin ka bixiyay kulan magaalada Muqdisho uu kula qaatay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre. Michael Keating, waxa uu sheegay in ahmiyada is aragooda uu ahaa inay isla qaada dhigaan hanaanka lagu gaari karo amni iyo xasilooni ka hirgasha Somalia. Michael Keating, waxa uu tilmaamay in Kheyre uu u sheegay arrimo dhowr ah oo sahli kara in Somalia, gaar ahaan magaalada Muqdisho laga dhaqan galiyo amni iyo xasilooni deeqda dhammaan Umadda Soomaaliyeed. Keating, waxa uu xusay in talaayin dheeraad ah uu siiyay Ra’isul wasaare Kheyre maadaama Somalia ay kusii kordheyso weerarada Alshabaab ee ka dhaca magaalada Muqdisho. Michael Keating, waxa uu Kheyre u sheegay in dowladiisa uu uga digaayo inay dhaqan galiso laba qodob oo kala ah: 1- In Khilaafyada ka dhex aloosan Siyaasiyiinta Soomaalida lagu dabaqo Amniga iyo xasiloonida ka jirta Somalia. 2-In Madaxda Gobolada iyo Siyaasiyiinta madaxa banaan ay Siyaasadooda u adeegsadaan dano gaara oo ku qotoma maslaxadooda. Michael Keating, ayaa sheegay in Ra’isul wasaare Kheyre uu aad usoo dhaweeyay qodobada ay kawada hadleen waxa uuna carab dhabay in QM ay kaalin weyn ka qaadan doonto in la kala ilaaliyo maslaxada Qaranka iyo kan gaarka ah. Geesta kale, Ra’isul wasaare Kheyre iyo Michael Keating, ayaa isla fahmay in si wada jira looga qeybqaato nabadeynta Somalia, maadaama ay Somalia cagta saareyso dhabaha horumarka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in ciidamada jubba-land ay gacanta ku dhigeen labo Al-shabaab oo watay Qaraxyo iyo Hubka nooca fudud. Raggaan ayaa lagu qabtay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo xili ay ciidamada Dowladda Soomaliya ay howgal ka sameenayeen gudaha Degmadaas. Siyaad C/qaadir Maxamed, oo ah Taliyaha ammaanka Degmada Luuq, ayaa sheegay inay jiraan xubno kale oo Shabaab ka tirsan oo ciidamada dowladda gacanta ku dhigeen. Ragga la qabtay ayaa lagu kala magacaabaa Cali Cabdi Mursal iyo Maxamed Cabdi Saalax oo qirtay inay ka tirsan yihiin Al Shabaab. PUNTLAND POST The post Hay’adaha Amaanka oo Qabtay Rag Al-Shabaab ah Iyo Hubkooda appeared first on Puntland Post.
  7. Waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya shir ay hogaaminayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya oo shalay Muqdisho Furtay Shir looga hadlayey dhisiadda Golaha Deegaanka ayna ka qeyb galeen Wasiiradda Arriamaha Gudaha Maamul Goboleedyadda iyo mamulka Gobolka Banaadir,iyadoo ay ka bilowdeen qeybo akmid ah gobolada Dalka. Shirka oo wadatashi ah ayaa inta uu socdo waxaa looga hadlaya dhismaha Golaha Deegaanka ee dhamaan Degmooyinka Gobolada Dalka,waxaaan barnaamijkani taageeraysa Hey’adaha kashaqeeya Arrimaha Hormarinta Deegaanka ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa. Wasiiradda Arrimaha Gudaha ee Maamuleedyadda dalka ayaa sheegay in intooda badaan meel wanaagsan u marayo dhisitaanka Golaha Deegaanka iyo dhameystirka Sharciga Golaha Deegaanka. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa tilmaamay in deegaanadda qaar aysan suurto gal aheyn in laga sameeyo Gole Deegaanka Xaalad Amni awgeed balse Deeganada kale sida ugu dhaqsiyah badan looga hirgalin doono. Wasiir Juxa waxaa kale oo uu sheegay in looga baahan yahay Maamul Goboleedyadda inay qeyb ka qaataan in lameel mariyo Sharciga Gobolaha Deegaanka si-dhaqso loo helo Gole Deegaan. Hadda waxaa Golaha Deegaanka sameystay oo kaliya dhamaan Degmooyimka Soomaaliya Degmadda Xudur ee Gobolka Bakool oo kaliya waxaana ay ka kooban yihiin 27 Qof. Balse waxaa soconaya dadaalo ku aadan sidii gobolada kale loo gaarsiin lahaa dhismaha golayaasha deegaanka. PUNTLAND POST The post Wasiir Juxa:-“Deegaanada qaar Gole deegaan lagama hirgelinkaro sababo Amni” appeared first on Puntland Post.
  8. Xildhibaanadda aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya magaaladda Muqdiso. Ajendaha kulanka maanta ayaa ah su’aalo weydiinta Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, kaasi oo su’aalo laga weydiin doona cabsida ka jirta garoonka diyaaradaha ee magaalada muqdisho iyo sababta keentay in xiligaan ay shaqaalaha laga mamnuuco inay soo galaan gudaha garoonka iyo xarunta xalane ee Magaalada Muqdisho muddo todobaad ah. Intuu kulanka socdo ayaa lagu wadaa in Xildhibaanada aqalka sare ay su’aalo dhowr ah ay weydiiyaan wasiirka kuwaasi oo la xiriira cabsida laga qabo weeraro lagu qaado garoonka diyaaradaha magaaladda muqdisho. Howlgalka Midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya ayaa sheegay in qaraxyo laga cabsi qabo in lagu weeraro garoonka diyaaradaha Magaaladda muqdisho ee aadan Cadde islamarkaana la hakiyay howlaha garoonka muddo Todobaad ah. PUNTLAND POST The post Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Soomaliya oo Hortagaya Xildhibaanadda Aqalka Sare appeared first on Puntland Post.
  9. The self-proclaimed state of Somaliland will vote for a new president on Monday, hoping to continue a series of democratic transitions of power that sets it apart from its troubled neighbour Somalia. The northern territory, which is more tribally homogenous and stable than the rest of Somalia, broke away in 1991 and has been striving to attain international recognition ever since. Three candidates are running for the state’s top office, seasoned politicians Muse Bihi of the ruling Kulmiye party and opposition candidates Abdirahman Iro and Faysal Ali Warabe, who was defeated in previous elections in 2010. Elections are meant to be held every five years, however the poll was delayed for two years due to drought and other technical issues. Incumbent Ahmed Mohamud Silaanyo is not seeking re-election. Campaigning wrapped up on Friday after weeks of rallies around the region for Somaliland’s third democratic election. The vote is set to be the most sophisticated yet with some 700,000 voters registered using biometric eye scanners which will identify them before they cast their ballots. “The sophisticated equipment which was used to register voters reads the eye of the individual and it’s the first time such equipment is used in elections,” said Said Ali Muse, spokesman for the national electoral commission. He said social media will be suspended during the counting of votes amid concerns of interference from outside the borders of the semi-autonomous state and speculation over results. “It is very difficult to control social media and the overall media but we have requested the communication companies to temporarily suspend the social media platforms,” said Muse. The ban will go into effect after polls close at 6:00 pm (1500 GMT). Human Rights Watch bemoaned the move to curb social media in a statement Friday, saying that if Somaliland authorities were concerned about fake news and social unrest they should “disseminate accurate information and discourage violence”. Somaliland writer and activist Barkhad Dahir, said the election was crucial to proving the state’s democratic credentials. “It is not only the election itself and the leader but the process and the fairness, the international community is looking at us and if we are smart enough, we will vote smoothly to show we are a democracy,” he told AFP. Somaliland, a former British protectorate, won independence in 1960 but days later joined with Somalia. In 1991, after years of bitter war with the government in Mogadishu, it declared independence from the rest of the country. While anarchic southern Somalia has been riven by years of fighting between multiple militia forces and Islamist violence, Somaliland has enjoyed relative peace. The one-person-one-vote democratic election process in Somaliland stands in stark contrast to that in Somalia, which elected a president earlier this year in a limited electoral process that saw handpicked clan elders choosing delegates who were allowed to vote. Source: AFP
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa weli socda baaritaanada la xiriira kiiska dhiibitaanka Sarkaalkii ka tirsnaa ONLF Cabdi Kariim Muuse ”Qalbi Dhagax”, ee bilo ka hor loo gacangaliyay dowlada Ethiopia. Guddiga loo xilsaaray baaritaanka kiiska dhiibitaanka Qalbi Dhagax, ayaa sheegay in weli lagu guda jiro baaritaanka, isla markaana ay dhawaan soo saari doonaan natiijada kiiska. Guddiga ayaa tilmaamay in kala bar natiijada baaritaanka ay hayaan, balse ay rajeynayaan inay soo afmeeran baaritaanka socda si loo soo saaro natiijo waafi ah oo ku aadan baaritaanka socda. Guddigaan ayaa waxaa natiijada ka soo baxday baaritaankooda laga sugayay 10 bishaan oo ku beegneyd Jimcihii doraad balse wakhtiga oo ka dhamaaday aawgii ayaa waxaa loo sameeyay wakhti kordhin. Cabdi Samad Macalin Maxamed oo ah Gudoomiye ku-xigeenka Guddigaas ayaa sheegay in muddo dheeri ah loogu daray wakhtiga loo qabtay in lagu soo afjaro kiiska baaritaanka ee hadda socda. Guddiga baaritaanka kiiska ayaa cadaadis kala kulmaaya Xildhibaanada baarlamaanka Somalia oo iyagu dowlada kiis uga dhigay dhiibitaanka Qalbi Dhagax. Geesta kale, Guddiga ayaa lagu wadaa in muddo toban maalin ka yar ay kusoo gabagabeeyan baaritaanka ay wadaan maadaama natiijada kiiskaas uu isku mari doono dhowr guddi oo kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo watay Qaraxyo iyo Hubka nooca fudud ayaa waxaa lagu qabtay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo. Maleeshiyaadkan ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamo ka tirsan maamulka Degmada xili ay ku guda jireen howlgal lagu xaqiijinaayay amniga Degmada. Ciidamada ayaa inta ay ku guda jireen howlgalka gacanta ku dhigay ilaa laba maleeshiyo oo qaraxyo watay. Siyaad C/qaadir Muxumed, oo ah Taliyaha ammaanka Degmada Luuq, ayaa sheegay inay jiraan xubno kale oo Shabaab ka tirsan, oo bahwadaag lahaa kuwa iminka ay qabteen ciidamada. Taliyaha wuxuu sheegay hubka ay soo qabteen inay ka maqan yihiin saddex bistooladood oo rag Shabaab ka tirsan ay ku shaqeeyaan, kuwaasi oo ku sugan Degmada Luuq iyo hareeraheeda. Maleeshiyaadka labada ah ee gacanta lagu soo dhigay isla markaana muuqaalkooda uu ka muuqdo warbixinta ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Cali Cabdi Mursal iyo Maxamed Cabdi Saalax oo qirtay inay ka tirsan yihiin Al Shabaab.
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Afhayeen u hadashay Taliska Mareykanka oo lagu magacaabo Samantha Reho, ayaa sheegtay inay dileen ku dhawaad 100 maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab. Samantha Reho, ayaa sheegtay in maleeshiyaadkaas lagu dilay weeraro is xigxigay oo todobaadkan ka dhacay Somalia, kuwaa oo ay fulinayeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka. Afhayeen Samantha Reho, waxa ay tilmaantay in weeraradaas ay kala dhaceen sabtidii iyo Jimicihii lasoo dhaafay, waxa ayna sheegtay in laga gaaray dantii laga lahaa. Waxaa ay sheegtay in howlgalladii ka dhacay gobolada Baay iyo Shabeelaha dhexe Al-Shabaab lagu gaarsiiyay Khasaare ballaaran, isla markaana la beegsaday goobo ay ku shirsanaayeen, sida ay sheegtay Samantha Reho. Nuqul kamid ah haddalka Mr Samantha Reho ayaa ahaa ”Waxaan ku dilnay howlgaladii dhacay ku dhawaad boqol maleeshiyo oo Shabaab ka tirsan” ”Waxaan qireynaa in duqeymaha dhacay uu jab xoogan kasoo gaaray al-Shabaab maadaama aan la beegsanay xarumo waaweyn iyo goobo qarsoodi ah oo uu uga socday shir” Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Somalia Cabdriaxmaan Yariisow ayaa maalinimadii shalay sheegtay in howlgal ay fuliyeen ciidamada dowlada lagu dilay xubno ka tirsan al-Shabaab. Sidoo kale, waxa uu sheegay ina lagu burburiya xero ay al-Shabaab ku leeyihiin degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe. Yariisow ayaa ayaa sheegay in weerar qorshaysan oo hay’adaha amniga ay ka fuliyeen Degmada Jilib gaar ahaan xarunta qaraxyada lagu dilay 81 maleeshiyo. Dhinaca kale, Afhayeenka Al-Shabaab Cabdulcasiis Abu Muscab ayaa beeniyay hadalka Wasiirka warfaafinta Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dagaal qaraaran oo ciidamada dowlada iyo maleeshiyaadka al-Shabaab ku dhexmaray gobolka Baay. Dagaalka oo aad u xooganaa ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Bardaale iyo Baydhabo, waxa uuna ka danbeeyay kadib markii Ciidamo ka tirsan dowlada oo kusii jeeday Magaalada Baydhabo ay jidka u galeen al-Shabaab. Dagaalka ayaa qaatay ku dhawaad laba saac waxaana halkaa ka dhacay Khasaaro kala duwan oo labada dhinac soo kala gaaray. Inta la ogyahay dagaalka ayaa waxaa maleeshiyaadka al-Shabaab looga dilay ku dhawaad 19, halka ciidamada dowlada looga dilay dagaalka ilaa 6 Askari oo ku jiray furunta dagaalka. Sidoo kale, ciidamada dowlada ayaa dagaalka ku furtay laba gaari nooca dagaalka ah oo ay ka carareen maleeshiyaadka al-Shabaab. Dowlada Somalia ayaa dhawaan shaacisay dagaal ka dhan ah al-shabaab kaa oo la doonaayo in lagu soo afjaro dhaqdhaqaaqa ay maleeshiyaadka kawadaan Gobolada dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. MOGADISHU – The Somali government said on Saturday that at least 81 Islamist militants were killed in two new security operations in Jilib, in Middle Juba of southern Somalia. Information Minister Abdurahman Omar Osman said the early Saturday operations, which were carried out by Somali and international partners, targeted a factory house and militants mobilizing to attack Gedo region. “Somali security forces conducted special operations in Jilib district and destroyed an Al-Shabaab camp where terrorists were regrouping to launch attacks on Gedo region area,” Osman said in a statement issued in Mogadishu. “Some 81 militants were killed, a number of vehicles and heavy weapons destroyed.” He later told Xinhua that the security forces destroyed materials used for making explosives such as TNT, RDX, potassium and sodium nitrate. The latest strikes took place hours after Somali and U.S. special forces conducted a drone strike in Lower Shabelle region on Friday evening. Sources said at least 13 Al-Shabaab fighters were killed by the drone attack in Basra village, near Bal’ad district, in Lower Shabelle region. The U.S. military did not disclose the number of those killed in the attack. Osman said that Somali National Army (SNA) forces have intensified their assault on Al-Shabaab militants in Middle Shabelle and Lower Shabelle regions. Jilib, a town about 380 km south of the capital Mogadishu, is a major stronghold of the al-Qaida allied militant group. Residents said there is much tension in Jilib, which is about 120 km north of the port city of Kismayo. “Jilib town is tense. Residents cannot talk about any incident now since their phones are being tapped by the security officials. There was a lot of bombardment this morning,” said a resident who declined to be named. The latest operation came after Somali and African Union Mission in Somalia (AMISOM) forces on Monday launched a massive security operation to flush out Al-Shabaab militants in Middle Shabelle region in southern Somalia. The pan-African body plans to reduce its troops by 1,000 by December, followed by further cuts next year, an exercise expected to end by 2020 as part of its exit strategy. Xinhua
  15. The unity and the cohesiveness of the peoples of Somaliland are at risk for the first since 1991, if Kulmiye was to re-elect for the upcoming election! Without trying to bore you much of the history of Somaliland, it is worth saying that Somaliland had its fair share of the terrible that engulfed in Somalia since in 1990s. However, it has managed to overcome much of its mayhem, unlike the rest of Somalia. It has been argued, the stability that existing in Somaliland is down to its inhabitancies that have chosen peace over turmoil. Although, many Somaliland people are living an abject poverty and they don’t even have sufficient clean water, better health care system and good education system. Nevertheless, people were always hoping for better future. Much of this optimism has changed since Kulmiye was elected into power in 2010; hence, the incumbent President took office. Historically, the Somali people have very strong tribe affiliation but it is the duty of the incumbent government to try to keep people together in order to create a civil pride. It has been said by many commentators that never in the history of Somaliland, we have seen a government that is willing to divide its people rather than bring them together as one nation. For instance, looking back for the first cabinet that the incumbent President has appointed were mainly filled by people from two tribes (Habar awal and Habar Jeclo) whilst leaving no political representation in the cabinet foe the inhabitancies of Sool and Awdal regions. Even other people within Isaaq tribes were feeling that they have been marginalised politically for the first time and they too felt that they didn’t have a stake from their own country. Likewise, majority of government contracts were given to people close to the President’s own family, for example, the Somaliland government has procured up to 9 million dollars from the government of Qatar after the President was elected in 2010. This money was meant to be spent on building the country’s infrastructures such as airports. Instead of dividing the money according the needs of the country, the government says that they are going to build Hargeisa and Barbera Airports. Hence, the contract was given to someone who is close family to the incumbent President. The man who the contract was awarded was not a qualified Engineer nor has built anything in his life, let along building Airports. Instead, he got Engineers from India, he also bought equipments such as bulldoze and other equipments with the money he got from the government. It was said, this man has spent much of the 9 million before he even start the project. Equally, the government stated that they have built up to 200 water wells since 2010 but much of these wells were built the president own region. Indeed, this has created animosity among the people who have for the first time start questioning direction their country. Subsequently, massive number young people have started leaving the country in search for better life. Under Kulmiye, the country has experienced lack of leadership and the President’s duties were taken people who have not been elected by the people of Somaliland such as the Presidential Minister Mohamoud Hashi and the incumbent President’s wife Amina Waris who have been running the nations for the past 7 years. It the first time that a Minister or the wife of the President was firing hiring Ministers, this is completely unconstitutional. The people of Somaliland are already divided through tribe affiliation and it can’t afford to have a leader who will be dividing them even further. The country needs someone who can unite the nation and tapping the aspiration of the people so that they can achieve their full potential without being subject to prejudices that comes with tribe affiliation. The unity and harmony of the people Somaliland are at stake if Kulmiye was to re-elect the upcoming election at the backdrop of recent tribal conference that was held in Buro. People won’t be accepting as their President someone endorsed by two tribes rather than the wishes of majority of Somaliland. A government lead by Mr Bihi will find hard to govern the country, and many people will resent the idea of President Bihi. Somaliland is undoubtedly in a cross road now and by electing a divided figure will lead a period political turbulence, and I don’t think Somaliland will be able to survive a political unrest now given the current political situation on the horn of Africa. Abdi Adan UK
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin cusub oo ay soo saartay Hay’adda QM u qaabilsan la socodka xayiraadaha Soomaaliya iyo Eretria (Monitoring Group) ayaa looga hadlay boob iyo dhac lagu hayo dhulka danta guud ee ku yaalla gudaha iyo dibadda Garoonka Diyaaradaha Muqdisho. Wasiiru dowlihii hore ee Maaliyadda Xukuumadii Cumar Cabdirashiid Sharmaarke, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa kusoo baxay Warbixinta Monitoring Group, isagoo kamid noqday shaqsiyaadka dhulka boobay. Cabdullaahi Maxamed Nuur oo hadda ah Xildhibaan katirsan Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xilligii uu Wasiiru dowlaha ahaa qabsaday dhul xeenta ku yaalla oo baaxadiisa gaareyso 344 hectar. Dhulka oo kaabiga ku haya Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ayaa waxa uu Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur waxa uu ka dhisanayaa Hoteel casri ah, oo dhismihiisa qandaraas ku siiyay shirkad ajnabi ah. Cabdullaahi Maxamed Nuur waxa uu sameystay ciidamo u gaar ah oo ku difaacdo dhulka, kadib markii maamulka gobolka Banaadir ku amray inuu joojiyo dhisamaha uu wado, taasi oo uu ka biyo diiday. Xildhibaanka ayaa lagu wargeliyay inuu la yimaado sharci uu dhulka ku dhisan karo oo lahaansho ah ama joojiyo. Amarkanka waxa uu kasoo baxay Ra’iisul wasaaraha, waxaana fulintiisa loo xilsaarey Gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed oo ay isku heeb yihiin. Dowladda Xasan Sheekh ayay Warbixintu sheegtay inay sifo aan sharci ahayn u bixisay hantida qaranka uu leeyahay ee ku yaalla hareeraha iyo gudaha Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho. Email Monitoring Group u dirtay dowladda Federaalka 31 July 2017 ayay ku waydiisatay inay usoo bandhigto nuqullo kamid ah heshiisyada kirada shirkadaha ajnabi ee ka howlgala gudaha Garoonka. 18 August, 2017, dowladda ayaa Email jawaab ah u dirtay Kooxda baariyaasha Monitoring Group, kaasi oo ay ku xaqiijisay in labo kamid ah 22 shirkadooda oo ka dhex shaqeeya Garoonka ay bixiyaan lacag kiro ah, halka kuwa kale aanba dheg-jalaq u siinin amarada dowladda. Shirkadaha SKA International Group iyo RA International, ayaa lacagta kirada ku shuba Bangiga dhexe ee dowladda, kuwaasi oo u hogaansamay amar dowladda kasoo baxay sanadkan bartamihiisa. Dowladda waxay sheegtay in dhulka la boobayo uu keeni karo amni xumo iyo deganaansho la’aan. Gudiga ilaalinta hantida qaranka oo uu dhisay Cumar Cabdirashiid July 2016 xilligii uu xafiiska Ra’iisul wasaaraha joogay ayaa shaqeyn waayay, taasina waxaa la sheegay inay sabab u tahay in madax ka tirsan dowladda ay ku lug leeyihiin dhaca hantida qaranka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, ayaa waxaa uu ku mashquulsan yahay shakhsigii uu keeni lahaa booskii uu dhawaan baneeyay Taliyihii Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe. Sanbaloolshe iyo Taliyihii Ciidanka Booliska Somaliyeed, General C/xakiin Daahir Saciid (Saacid), ayaa xilalka laga xayuubiyay 29-kii bishii hore ee October, maalin ka dib weerarkii ay Shabaabku ku galeen Hotel Naasa Hablood 2 ee Magaalada Muqdisho. Golaha Wasiirada Somaliya, ayaa si ku meel gaar ahi xilalkaasi ugu kala magacaabay Kuxigeenadii Saraakiishaasi. Booska uu baneeyay Sanbalooshe waxaa Kusime looga dhigay C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac), halka General Mukhtaar Xuseen Afrax uu sii ahaan doono Kusimaha Taliyaha Booliska. Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxweynaha Somaliya uu ku kalsoon yahay in General Afrax uu ka soo bixi karo, haddiiba laga dhigo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliyeed, balse caqabadda jirtaa ay tahay, isagoo aanay weli indhahiisu qaban ninkii uu ku bedeli lahaa Sanbaloolshe. Xafiiska Madaxweynaha Somaliya, ayaa Saraakiil hore uga yeeray dalalka dibadda, kuwaa oo maalmihii ugu dambeeyay soo gaarayay Magaalada Muqdisho, waxaana la dejiyay hoteelo amnigoodu aad loo ilaaliyo. Ilo wareedyo, ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu wada tashi ku aadan, shakhsigii uu ku soo bedeli lahaa Sanbaloolshe, hadana waxaa la leeyahay xubnaha Muqdisho soo gaaray, midkoodna Madaxweynuhu lama dhacsana. Illaa iyo hadda ma cadda xiliga lasoo magacaabayo beddelka Jeneral Saacid iyo Sanbaloolshe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Somalia dawladihii deriska la ahaa ee horteed burburay, isla markaana kasoo kabsaday burburkoodii waxa ka mid ahaa Tanzania, Uganda iyo Ethiopia. Dawladahaas midoodna beel caalam umasoo gurman, dastuurana umay samayn, doorashooyin demoqradiyana umay qaban, kooto dumarna umay yeerin, ciidamo ajnabi ahna umay keenin, xagjirna kamay dillaacin, khayraadkoodana kama boobin. Maxay tahay tolow sababta intaasoo dhan aan loogu samayn deriskeena, inagana la inoogu sandulleeyay? Beesha caalamku ma saddexdaas dal oo dadkoodu gaalada u badan yahay ayay innagoo 100% muslina inaka jeceshahay? Ma dawooyinka beesha caalamku innaga inoo qortay ayay dalalkaasi iska diideen innana dugaalsanay? Mise wuxuba dawo maahee wa cudur, innagaana dad jira ahayn oo goljileec kuwaas laga waayay la inaka helay? Si kastaba, maanta waxan maraynaa heer dawladii qur ahayd ee si dhaba oo dareen walaalnimo leh, daniba ha u wehelisee, inoogu soo gurmatay in isbaaro loo dhigtay. Iyadoo lagu cadaadinayo inay kaalmadeeda tooska ah ka joojiso Somalia. Wixii ay u qoondeeysana hada kadib ay soo mariso beesha caalamka. Arrintaasi waxay iftiimisay inaan waxqabadka muuqda oo Tturkey-gu Somalia ka wado aysan beesha caalamku raalli ka ahayn. Waayo waxa durba soo shaac baxay oo soomaalidii ku baraarugtay reerka kii olol ku shidayey iyo kan dugsi u oodaya. Taasina haday sii socoto waxay soo afjaraysaa wada goodirkii ay inoo laangooyeen beesha caalamku, si aynaan weligeen ugasoo kabsan burburkeena oo ay iyagu sababtiisa awalkiiba lahaayeen. Madaxiis Allaha raajiyee madaxweynaha Turkey-ga iyo qalinleeyda siyaasadihiisa taageersaniba wax badan ayay ka hadleen Farqiga u dhexeeya ujeedooyinka Turkey-ga iyo kuwa beesha caalamku Somalia ka kala leeyihiin. Qofkii raba inuu wax badan ka ogaadana ha sii akhriyo faallooyinka mediaha Turkey-ga iyo kuweenuba ka qoray arrintaas sida: https://www.dailysabah.com/op-ed/2017/11/07/turkey-as-somalias-first-responders https://www.dailysabah.com/columns/beril-dedeoglu/2017/10/03/what-does-turkeys-new-base-in-somalia-signify http://www.caasimada.net/turkiga-oo-diiday-dalab-kaga-yimid-dalalka-deeq-bixiyayaasha-somalia/ W/Q: Saxardiid Kilwe ssaxardiid@gmail.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda duulista Hawadda Xukuumada Somalia Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay isbedelka dhanka amaanka ah ee ka taagan Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Wasiir Omaar, ayaa sheegay in isbedel dhanka amaanka ah uu ka ka jiro Guud ahaan Garoonka gaar ahaan qeybta safarada iyo Xarunta Xalane, waxa uuna cadeeyay in isbedelka jira uusan saameyn ku yeelan shaqada ka socta Garoonka. Waxa uu Omaar sheegay inay jiraan shaqsiyaad faafinaaya warar been abuur ah kuwaa oo baahinaaya in isbedelka amniga Garoonka uu saameyn ku yeeshay howlaha Garoonka Muqdisho. Omaar ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin been Abuur , isla markaana shaqadda Garoonka ay ku socoto si caadi, markii laga soo tago adkeynta Amniga Garoonka oo waajib ah. Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in aysan jirin isbadel ku yimid Shaqadda garoonka , laakiin Amniga dib u habeyn lagu sameynaayo, taasina aysan ka turjumeynin shaqo joojin ku timid howlaha Garoonka. ”Waa arrin khasab ah in mar waliba isbedel dhanka amaanka ah lagu sameeyo Garoonka qeybihiisa kala duwan, balse micnuhu maaha in isbedelka socda ay u hakatay howsha ka soctay Garoonka” ayuu yiri Omaar. Sidoo kale, Wasiir Omaar waxa uu ka digay in warxumo tashiil laga sameeyo shaqooyinka Garoonka waxa uuna wacad ku maray in shaqsiyaadka faafiyay wararka been abuurka ah ee ku aadan in la hakiyay shaqooyinkii ka socday Garoonka ay ka qaadi doonaan talaabo sharci ah. Haddalka Omaar, ayaa imaanaya xili Seddexdii maalin ee ugu danbeysan aad loo adkeeyay amniga Garoonka Aadan Cadde iyo qeybta Xalane. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Kabul (Caasimada Online) – Hamid Karzai, madaxweynihii hore ee dalka Afghanistan ayaa ku eedeeyey in Mareykanka ay la shaqeeyaan kooxda Daacish ee dalka Afghanistan. Wareysi uu siiyey Taleefishinka Aljazeera ayuu Karzai ku sheegay in Mareykanka ay u ogolaadeen kooxda Daacish inay ku baahdo dalka Afghanistan. “Waxay ila tahay in Daacish ay soo baxday ayada oo ay si buuxda u joogaan, isha ugu hayaan sirdoon iyo milatari ahaanba Mareykanka” ayuu yiri Karzai. “Laba sano ayay dadka Afghanistan oynayeen oo ay dhibanaayeen, ayada oo xadgudubyo badan ay dhaceen, waxna aan laga qaban”. Karzai ayaa sheegay in maamulka madaxweyne Donald Trump ee Mareykanka ay ISIS u adeegsadeen cudur daar ay bamkii ugu weynaa ugu garaacaan dalka Afghanistan, sanaddii 2017. “Kadibna maalinkii xigay Daacish waxay qabsatay degmadii xigtay ee dalka Afghanistan” ayuu yiri “Tani waxay caddeyn u tahay inay gacan saar leeyihiin kooxda Daacish ee Afghanistan iyo Mareykanka” Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
  21. Beirut (Caasimada Online) – Hogaamiyha ururka Xisbullah ayaa ku eedeeyya dowladda Sacuudiga in ay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Lubnaan, todobaadyo uun ka dib markii uu iscasilay rai’sul wasaarihii Lubnaan Sacad al Xariiri. Xassan Nasrallah ayaa sheegay in mr Xariiri uu la hayste u yahay xukuumadda Sacuudiga. Mr Nasrallah ayaa sheegay in Sacuudiga ay dagaal ka dhex hurinayaan dadka reer Lubnaan. Waxa uu sidoo Sacuudiga ku eedeeyay in ay ku kicinayaan Israa’iil oo ay kaashanayaan. Ururka awooda badan ee Shiicada ee Xisbulahi ayaa waxa taageera dowladda Iran oo ay si wayna isaga soo horjeedaan Sacuudiga . Mr Xariiri ayaa isagu iscasilaadiisa ku saleeyay khatar uusan sheegin waxa ay tahay oo naftiisa soo wajahday. Hasa yeeshee madaxwaynaha Lubnaan Michel Aoun iyo siyaasiyiinta kale ee sarsare ee Lubnaan ayaa waxay dalbanayeen in mr Xariiri uu dib ugu soo laabto Lubnaan. Mr Aoun ma uusan aqbalin iscasilaada Xariiri uu iska casilay xilka raisul wasaaraha. Mr Xariri si toos ah uma uusan hadal tan iyo wixii ka dambeeyay iscasilaadiisii oo ahayd mid lama filaan ah. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa isbedel dhanka amaanka ah laga dareemayaa Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib digniino dhanka amaanka ah oo kasoo baxay Taliska ciidamada AMISOM iyo Hay’adaha kale amaanka ee reer Galbeedka ah. Afafka hore iyo gudaha Garoonka ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamo farabadan oo la socda dhaqdhaqaaqa dadka shacabka ah iyo gaadiidka isticmaala Garoonka, waxaana xusid mudan in ciidamada ay caawinaad dhanka amaanka ah ka helayaan Eeyo u tababaran dhanka amniga. Waxaa sidoo kale la kordhiyay ciidamada AMISOM ee ka howlgali jiray Garoonka Aadan Cadde, maadaama howlgalo dhanka amaanka ah ay ku dhawaaqeen Saraakiisha ugu sareysa AMISOM, kaa oo ka socda Xarunta Xalane oo qeyb ka ah Garoonka Aadan Cadde. Ciidamada ugu badan ayaa waxaa sidoo kale laga howlgaliyay Xarunta Xalane, waxaana halkaa saacadihii ugu danbeeyay laga mamnuucay dhaqdhaqaaqa, iyadoo la xiray dhammaan albaabada gala iyo kuwa ka baxa, sababo la xiriira digniino dhanka amaanka ah. Cabsida ka jirta guud ahaan Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa laga dareemayaa magaalada Muqdisho, waxa uuna saameyn ku yeeshay dadka musaafuriinta ah. Sidoo kale, Maareeyaha Garoonka Aadan Cadde Cabdi Ashkir Jaamac ayaa sheegay in uu ballaaran yahay garoonka, islamarkaana si gaar ah loo xiray qeybta Xalane ee garoonka sababtuna ay tahay in Amniga garoonka dib u habeyn lagu sameeyo. Maalintii Khamiista ee lasoo dhaafay ayay aheyd markii qoraal kasoo baxay Taliska ciidamada AMISOM lagu fasaxay shaqaalaha ka howlgala Xarunta Xalane inta u dhexeysa 9 ilaa 13 Bishan, sababo dhanka amniga ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Magaalada Badhan ee caasimadda gobolka Sanaag ayaa caawa oo ay taariikhdu tahay 12 Nov 2017 si diiran loogu soo dhoweeyey wefti ka socda dawladda Puntland, Weftigan oo hordhac u ah wufuud tiro badan oo kusoo waajahan guud ahaan gobolada Sanaag iyo Hayland ayaa waxaa hoggaaminayey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Sucaad Saalax Nuur iyo Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-galinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxdooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl. Waftiga ayaa waxaa magaaladda Badhan ee gobolka Sanaag ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Jaamac Ciyoon , Duqa Degmada Badhan Cabdirisaaq Axmed Ciise, Xildhibaano ka tirsan gollaha degaanka degmada Badhan, taliyaha ciidanka Asluubta Gobolka Sanaag Axmed Dhaaye Jibriil iyo Isuduwayaasha Wasaaraddaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Beeraha, Ganacsiga iyo Degaanka. Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl oo ka hadlay muhiimadda safarkoodani shaqo daaran yahay ayaa waxaa uu sheegay in ujeedada socdaalka Waftigu uu la xiriiro Kormeer shaqo oo ay ku mari doonaan dhammaan degmooyinka, tuulooyinka iyo degaanada goboladda Sanaag iyo Hayland ee dawladda Puntland iyo sidii looga hortegi lahaa farogalinta iyo xadgudubka maamulka Somaliland uu ku hayo goboladaasi. Agaasime Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa tilmaamay in isaga iyo weftigiisuba ay ka go’an tahay kana midaysan yihiin illaalinta amniga iyo xasiloonida gobolada Sanaag iyo Hayland, isla markaana ay maamulka Soomaaliland ka aqbalaynin inay khal-khal geliyaan nabadgelyada, xasiloonida iyo deganaanshaha dhammaan gobolada dawladda Puntland ee xuduudda la leh maamulkaasi Soomaaliland. Dhinaca kale, Gobolada Sanaag iyo Hayland ee dawladda Puntland waxaa maalinta beri ku wajahan Wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Puntland Cabdulaahi yuusuf Dawlad, waxaana ka mid ah wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Xanaanada Xoolaha, Dastuurka iyo Dekeddaha, waxaa kaloo waftiga ka qayb ah Saraakiil ciidan, waxgarad iyo masuuliyiin kale. Xukuumadda dawladda Puntland ee uu gadh wadeenka ka yahay Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa ka go’an ilaalinta xuduudaha dawladda Puntland, nabadgelyada, xasiloonida iyo deganaanshaha shacabka Puntland iyo dawladdoodaba, isla markaana aysan ogolaan doonin daandaansiga ka imanaya maamulka Somaaliland ee ku aadan xuduudaha Puntland, waxaana ay cadeeyeen golaha xukuumadda dawladda Puntland in aysan ka dhici doonin wax doorashooyin u eg oo ka yimaadda dhinaca Somaaliland xuduudaha gobolada Sool, Haylaan, Sanaag iyo Cayn ee dawladda Puntland. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Wafti Balaadhan oo Ka Socda Dowladda Puntland Oo Si Diiran Lagu Soo Dhaweeyey degmada Badhan ee Gobolka Sanaag. appeared first on Puntland Post.
  24. Despite the lack of formal recognition as an independent state, the Republic of Somaliland has achieved significant advances. The advances of Somaliland and Somalilanders, to include international financial agreements and strong trading partners, are especially stark when compared with many of its neighbors or similar countries that are fully recognized by the international state system. However, despite the young country’s progress, Somaliland’s hard-won democracy and stability are relatively fragile. This is, in part, because of Somaliland’s geopolitical situation and location, characterized by frequent political crises and regional instability. This tough neighborhood means that the country’s significant progress has surpassed all regional and international expectations in terms of safety and security, having outdone many older and more established countries that were viewed as safe until recently. These include Kenya, Egypt and many other sub-Saharan African countries. Yet, changes in the regional climate present both increased risks and significant opportunities and therefore require a delicate balance of diplomacy and military deterrence to ensure Somaliland’s survival and prosperity. This often unpredictable, fast-changing geopolitical environment requires a suitable and appropriate government and leadership, one that will actively protect the Republic’s borders as well as its hard-earned peace and stability. Somaliland is currently facing an unheralded prevalence of corruption and an accompanying upsurge of nouveaux riche elites, particularly among governmental officials. This has exacerbated instances of tribalism and resulted in vast income disparities pitting the haves against the have nots. Abuse of laws and regulations are significantly at an all-time high. Evidence compiled via political analysis has proven time and time again that the above-stated three issues are critical factors and determinants in the destruction of many governments and the cause of civil conflict. Additionally, from the war in Yemen to the new military base at Berbera to the ever-present and evolving threat from al-Shabaab and periodic spats with Puntland, the country currently needs a strong, selfless and committed Commander-in-Chief to maneuver the country through these chopping and uncharted waters. It is both essential and crucial that Somalilanders elect a president with international, regional and national experience as well as a track record of bringing the different clans of the country together. Such a leader must also have the experiences and the guts to secure the country’s security and safety. Most importantly, he must have the discipline and commitment to fight the corrupt practices that are the cause of significant disparities and ill will among Somalilanders. A political analysis and study of the backgrounds and qualifications of the three candidates vying for the presidency of Somaliland indicates Muse Bihi Abdi, the Kulmiya presidential candidate, is the only candidate with the required qualifications. This is because Muse Bihi has consistently demonstrated the capabilities and characteristics of a leader. Crucially, he also possesses the willpower to stand up to corrupt politicians and Somaliland’s external enemies as well as the politicians and chiefs who thrive financially on illicit deal making along clan lines. Muse Bihi is qualified to lead Somaliland in these trying but exciting times because significant research indicates that politicians with military backgrounds make better leaders and presidents. Military leadership qualities are developed through progressive, carefully planned training and education in addition to first-hand experience of life and death situations and the critical decisions that must be made in the field. It is also said that leaders with a military background also make better CEOs and are less likely to commit fraud or participate in corrupt practices. People with military leadership background are known to display clear, independent judgment and strategic decision-making, based on laws, regulations and measurable, achievable outcomes. In addition, they are not easily influenced by lobbies and interest groups that often deleteriously influence and may even dictate the actions of many politicians. In past few years, Somaliland chiefs, politicians and the business industry developed self-interested lobbying groups which, in many cases, hijacked development projects, rejected international investment, lobbied against industry regulation and privatized national programs, resources and land. These practices diminished the rule of law and established the unethical, unfair distribution of wealth. These actions and decisions directly caused the public to lose faith in the system. Muse Bihi, is well decorated army veteran who received military training and education in Russia (Gargarin Air Force Base) and the United States of America (West Point Academy). He has extensive experiences as a military commander and played a decisive role in the defeat of Siyad Bare’s supreme army. His military experiences and strategic war skills were proven during the Ethiopian-Somali War. As a commander in one of the largest armies for the SNM, Muse Bihi was also instrumental in overseeing and prosecuting the strategic war policies that ousted the dictator Siyad Bare. In the process, Somaliland’s full sovereignty was restored. It is well-documented that the peace-loving leaders are military leaders and former soldiers as they possess first-hand experience of the destruction of war and therefore tend to avoid beating the drums of war until all diplomatic options are exhausted. It is worth noting that in times of peace Muse Bihi has proven an able diplomatic leader and played a key role in creating a lasting peace among the Somaliland clans. He also took a lead role in the disarmament of the SNM freedom fighter and was the focal person in the reconciliation process of Somaliland clans in Burao, Berbera, Sheikh and Borama. Yet despite his peace credentials, Somalilanders and outsiders should remember that should war or conflict be unavoidable, the education, training, experiences and the sharp skills of a leader with a military background such as Muse Bihi becomes critical. Indeed, in times of war these leaders have a significant advantage in ensuring the victory or survival of their nation. Furthermore, the simple fact of having such credentials serves as a credible deterrent to Somaliland’s enemies. Muse Bihi is also a highly-experienced and erudite leader. As part of his continues commitment to peace and reconciliation, he sought to further his own knowledge, experience and skills in peace building with postgraduate education, obtaining a second Master’s Degree in Peace and Conflict Resolution at the University of Hargeisa[BC1] . In this regard, Muse was one of the first senior Somaliland politicians to continue his education while praising as well as promoting the Somaliland education system. Muse also has more governmental management experience and local knowledge than both of his two rivals. In the early years of Somaliland’s birth, he held key governmental positions and served as the Minister of Internal Affairs and as Minister of Finance. He laid the foundation and developed a robust system for both ministries during his tenure. Before his tenure at the Ministry of the Interior, the young nation was inflicted with diminished safety and insecurity. Muse was able to turn this around within short period and in fact, became the sole person entrusted with the security of the country in this period. These traits are also a must for the new president of Somaliland, as the country embarks in developmental and investment projects that require considerable public administration experiences and the ensuring of adequate stability and security. Because Somaliland is surrounded by countries at war or countries with political instability, its security is uncertain and thus requires a strong, committed government and a selfless, dynamic and experienced commander-in-chief. The country also needs political reconciliation at the local and national level in order to reduce tribalism and revitalize nationalism. As importantly, Somaliland needs firm and decisive leadership to root out systematic corruption by governmental officials. Without the strengthening of the nation’s security, the elimination of corruption and the inclusivity of all Somalilanders, the much-needed development and international investment will vanish and Somaliland may become a failed state. Muse is well known for his sharp-shooting communication style and strong unbiased decision-making approach. This is particularly important to roll back the corrupt practices of the current government officials which at times had a number of self-serving officials deciding on national issues that were reserved only for the president. Based on these current Somaliland needs, Muse Bihi is the only candidate with the knowledge, experiences, commitment and willpower to move Somaliland forward. In addition, Muse is the only candidate with direct public administration experience and local expertise, enabling him to better understand the needs and desires of the Somaliland people. Muse Bihi is understandably seen as a Somaliland nationalist and as one of their own by the majority of Somalilanders. This is in stark contrast to the other two candidates who are considered diaspora Somalilanders and therefore out of touch with the needs and desires of the Somaliland community. As such, it is in the Republic’s best interests and long-term stability and development to elect Musa Bihi as the next President of the Republic of Somaliland. Hussein Haji Ahmed Hargeisa, Somaliland hhhahmedd@gmail.com
  25. On 13th November 2017, a presidential election will take place where over seven hundred registered citizens will vote for the man who will rule Somaliland the coming five years. Three presidential candidates representing three political parties are competing for the office of the presidency along with vice-presidential running mates. A twenty one days of campaign ended on 10 November. Each party held campaign rallies one day in all over the country. The country now enters 48 hours of calmness before the voters go to the polling stations to cast their votes. On October 19 2017, the three candidates faced off the first presidential debate, similar debate was faced by the tree vice presidential candidates on October 20, 2017. The tree presidential candidates also met for the final and second debate on November 9, 2017. Those debates was the first ever held in Somaliland. Generally the campaign was peaceful and there were no major incidents. Sixty international observers will be monitoring the election as well as more than six hundred domestic observers. The involvement of clan leaders and clan politics in the campaign rallies have been more evident and publicly shown. Clan elders have been touring around the country to campaign for their respective candidates seeking clan alliances and votes based on clannism. The dominance of clan politics in the campaign diminished the role of issues that matter for the public and increased polarization and divisions. The police stated that they arrested in Hargeisa three people who are accused of paying voter cards from the people. Buying cards have been a concern raised by people. In Sahil region, local government members held a press conference and showed above two hundred cards they collected from the voters and stated that they will use to vote for the ruling party, Kulmiye. The Election Commission has not said anything about this action which is clear violation of the law and could risk the process. The campaign has been concluded peacefully and smoothly, despite occurrences of minor incidents including raids of offices of political parties by supporters.[1] The National Electoral Commission changed campaign rules after the public complained that nigh time outdoors campaigning causes nuisance.[2] However, the Commission decision was largely ignored and parties continued their night time show off. The civil society held two press conferences urging the parties to stop using inflammatory and divisive statements. These came after the presidential candidates of Waddani and Kulmiye exchanged heated remarks that were seen to create tension. Circulation fake news was also another major concern during the campaign period. A fake news emanating from social media sites were later cited by mainstream media contrary to the Media Code of Conduct.[3] Nevertheless, the media including the state media were seen to respect the code of conduct. Kalsan TV, a Somali speaking television based in London, was banned to operate in Somaliland after the Information Minister of Somaliland issued a decision revoking the operating license, accusing the television of being against the statehood of Somaliland and broadcasting false news. The decision of the Minister came after Kalsan aired a video clip showing people scuffling at a ruling party campaign rally in Las Anood, Sool region.[4] On 10th November, the National Electoral Commission ordered the telecommunication companies to shut down social media from13th November until election results are declared.[5] The ban of social media causes outcry from international and local human rights organization who argued that the ban is contrary to the constitution and the international human rights laws. The Commission has not elaborated the grounds and legality of the blockage but stated that is done to avoid rumors and fake news. [1] http://www.bbc.com/somali/41786871 [2] https://www.youtube.com/watch?v=ahiLATCSQjQ&feature=share [3] https://www.youtube.com/watch?feature=youtu.be&v=Y6lPXB9RPL4&app=desktop [4] https://www.youtube.com/watch?v=5_BZ9nfHP80&feature=share [5] https://www.youtube.com/watch?v=58k1vfuSvvw