Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    210,539
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The children can’t believe their luck: storms and showers have turned their dirt football pitch into a lake. Youngsters scamper and splash through the murky water, chasing one another, leaping and laughing. Any entertainment is welcome in Dadaab, one of the biggest refugee bases in the world. An estimated 235,000 people, most of them Somalis, live a bleak life largely defined by drought, dust and destitution. But the children’s fun is fleeting. The seasonal rains also bring cholera and malaria, destroy rickety hand-made homes and paralyse the aid operation that is the refugees’ lifeline. Some tracks and paths in the camps are thigh-deep in water. A woman gathers her soggy hijab about her as she wades through it. A man rolls up his trousers as high as he can but they still get wet. Progress is slow. “We have nowhere to sleep… the water has covered everything,” said Hassan Yussuf, a 34-year-old father of five. The earth floor of his home, built of thorny sticks and corrugated tin, is under 20 centimetres (almost eight inches) of water. – Search for dry land – The family has relocated to the foot of a nearby tree, their meagre belongings hung in its branches. Inside their hut only one bed remains, above the waterline for now. On it and still dry lies Yussuf’s blind, 80-year-old mother. “I hang out in one place or another, always looking for somewhere dry,” he said, hoping the night will not bring more floods. “Dadaab is located on a plain where the rainwater does not drain easily, there are no drainage systems and no nearby river,” explained Caleb Odhiambo of charity Save the Children, which works in the camps. “It can be several weeks before the water returns to a normal level.” In the meantime, pit latrines are overflowing, contaminating the water and threatening to spread disease. Cholera is the greatest danger, especially for children who play in — and anyone who drinks — the contaminated waters. Every year rainy-season cholera outbreaks infect many hundreds of the refugees who have fled cycles of civil war and famine in Somalia since 1991. During the last heavy rains, in late 2015, more than a thousand people were infected and 14 of them died. On top of that, the transformation of the camp from desert to swamp brings with it mosquitoes, and so malaria. – Flood or drought – “When the area is flooded, people are exposed to several diseases,” said 25-year-old Dadaab resident Mokhtar Dahari. The day before, he said, a child drowned in the rainwater nearby. “Because of the floods, people cannot access the health centres,” Dahari said. A driver working for a non-governmental organisation in Dadaab confirmed that some parts of the camps are “flooded and inaccessible. Humanitarian activities are slowed down.” For now, Dahari has been spared: the floodwaters stopped a few meters (yards) from his hut. Clad in sopping jeans and clutching a shovel, he fills sandbags to barricade his home ahead of the next storm. The rains, Dahari said, are enough to make him long for drought. “If the water rises again, the foundations of my house will be destroyed,” he said. Odhiambo bitterly observed: “In Dadaab, you are doomed when it doesn’t rain, and doomed when it does.” Source: AFP
  2. Mariam fled drought and conflict in her area of Somalia. Now she’s a successful entrepreneur, having doubled her profits with our support. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu qorsheynaayo in goobta doorashada laga mamnuuco Xubnaha korjoogta. Xubno ka tirsan Guddiga Doorashada ayaa sheegay inaan loo baahneyn xubno korjoogto ka noqonaya Doorashada lagu balansan yahay in ay dhacdo Isniinta, 30-ka bishan April. Guddiga Doorashada, ayaa sheegay in Doorashada iyo arrimaheeda ay noqon doonaan kuwo ay ku qanci karaan dhammaan Xildhibaanada, Musharaxiinta iyo shacabkaba, sidaa aawgeed aan loo baahneyn dul joogto. Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Golaha Shacabka Xildhibaan Nuur Iidow Bayle, ayaa sababta arrintan ay ku timid waxa uu ku sheegay in aysan muhiim aheyn dad badan oo hadana aanay muuqan wax qabadkooda. Xildhibaan Nuur Iidow Bayle, wuxuu sheegay Doorashadan in ay ka qeyb galayaan Xubnaha Baarlamaanka oo codeynaya, wuxuuna tilmaamay Musharax walba in loo gol yahay keliya Hal qof oo codadka u tiriya. Sidoo kale, Xildhibaanada wax dooranaya ayuu sheegay iney imanayaan hoolka 10:00Am Barqanimo. Sidoo kale, Musharixiinta ayuu sheegay iney iyaguna imanayaan Marka ay xarunta soo galaan Xildhibaanada, Doorashada ayuu Gudoomiyaha sheegay in laga gudbi doono Wareega Koowaad, kadibna doorashada loo sii wadayo kuwa aada Wareega labaad iyadoo suura gal ay tahay in la isla aado Wareeg Sadexaad oo noqonaya midka ugu danbeeya. Docda kale, Iidoow, ayaa sheegay ineysan jirin wax Haween ah oo xilkan isu soo sharaxay, balse Guddigooda ay sheegeen iney ubanaaneed iney kursigaa ku fariistaan Dhamaan Xildhibaanada Golaha Shacabka, Waloow la ogyahay in kursiga loo ogolaa oo kaliya Xildhibaanada Digil iyo Mirifle. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Amar kasoo baxay hogaanka sare ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa lagu mamnuucay dhulalka lagu kala iibsanaayo magaalada Kismaayo. Maamulka ayaa sheegay inay sii kordhayaan dhulalka lagu kala iibsanaayo Dukumiintiyada been abuurka ah, sidaa aawgeed la joojiyay. Amarka lagu joojiyay kala iibsiga dhulalka Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose, ayaa waxaa lagu sheegay in maamulka uu la socon doono dhaqdhaqaaqyada dadka ku shaqeysta howlahaasi la mamnuucay. Maamulka ayaa dadka shacabka ah ugu baaqay in dhaqaalo iyo waqti aysan iska gelin dhulalka iibka ah ee muranada uu ka taagan yahay. Talaabadan ayaa kusoo beegmeysa xili dhowr mar uu maamulka soo saaray ammaro lagu mamnuucayo iibsashada dhulalka Magaalada Kismaayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyada al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerar xoogan ku qaaden kolonyo gaadiid dagaal oo ay la socdeen Saraakiil iyo ciidamo isugu jira Mareykan iyo Kenyaan. Maleeshiyada ayaa sheegtay in weerarka uu ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose, kaa oo ka dhashay khasaaro kala duwan. Qoraal ay soo saaren maleeshiyaadka ayaa waxa ay ku sheegen in weerarkaasi uu ku bilowday qarax, intaasi kadibna uu xigay dagaal socday mudo ka badan Saacad. Maleeshiyada ayaa sheegtay in inta uu socday weerarka ay burburiyeen gaari nuuca Gaashaaman oo ay la socdeen ciidamo caddaan ah, isla markaana qarax ay kula eegtay meel ku dhow degaanka Buula Gaduud oo qiyaastii 30-KM ujira magaalada Kismaayo. Al-Shabaab ayaa baahisay in khasaare xooggan Ciidamada huwanta ah lagu gaarsiiyay dagaalka ka dhacay meel ku dhow Buula Guduud. Sidoo kale, Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la isku adeegsaday dagaalka, inkastoo aanan la ogaan karin khasaaraha dhabta ah ee dagaalkaasi ka dhashay, haddana dhinacyadii dagaalamay mid kasta guulo ayuu sheeganayaa. Dhinaca kale, Sarkaal ka tirsan ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in ciidamada ay dileen laba ka mid ah raggii Shabaabka ka tirsanaa ee weerarka soo qaaday, isaga oo intaasi ku daray in ciidamada Jubbaland hal Askari uu kaga dhintay dagaalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare dhimasho iyo dhawac geystay oo ka dhacay deegaano katirsan gobalka galgaduud. Dagaalka ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Olol oo qiyaastii 35km u jira Magalada Dhuusamareeb ee gobalka galgaduud, kaasi oo u dhaxeeyay laba maleeshiyaad walaala ah. Goobjooge ka ag dhawaa halka dirirtu ay ka dhacday sheegay dagaalka u dhaxeeyay labada maleeshiyo iney 7 ruux dhimasha iyo dhaawac ku noqdan oo u badan dadka deegaanka sida goobjooge ku sugnaa halka uu dagaalka ka dhacay u xaqiiyay Idaacada Simba. Maleeshiyaadka ayaa la sheegay inuu salka ku hayo dagaalka dhaxmaray arima quseeya dhul, sidaan oo kalena marar badan ayey maleeshiyaadkaasi ku dagaalameen deegaano katirsan gobalka Galgaduud. Maamulka gobalka Galgaduud oo Xiriiro kala duwan aynu la sameynay ayaa ka hadlin dagaalka dhacay iyo khasaaraha ka dhashay intaba, balse saraakiil katirsan maamulka oo la hadlay Simba ayaa sheegay iney ka war qabaan dagaalka dhacay, lakin ay ka war sugayaan madaxda ka sareysa amarka ay siiyaan. Wararkii ugu danbeeyay ee kasoo baxaya dagaalka ayaa ku waramaya in labada maleeshiyo beeleed ee dagaalka uu ku dhax maray deegaanka Olol ay wali is hor fadhiyaan, sido kale majirto wali wax waan waan ah oo la kala dhax dhigay labada maleeshiyo oo laga cabsi qabo in mar kale ay dagaalamaan. PUNTLAND POST The post Dagaal Beeleed Qasaare Geeystay oo ka dhacay Duleedka Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
  7. Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay warar ku saabsan in hubkii imaaraadka carabta lagu iibinayo Suuqyadda Madow ee Magaaladda Muqdisho. C/casiis Cali Ibraahim Xildhibaan Afhayeenka Wasaaradda Amniga oo la hadlay idacadda VOA-da ayaa sheegay in wararkaas ay yihiin kuwa aan waxba ka jirin. Afhayeenka ayaa xusay inay faafinayaan wararka ku saabsan in hubkii imaaraadka lagu iibsanayo Suuqyadda Muqdisho shaqsiyaad ka soo hojeeda in hanaan dowladnimo uu ka hana qaado Somalia. Waxaa uu qiray in Magaaladda Muqdisho iyo qeybo kale oo Soomaaliya ka tirsan ay ka jiraan suuqyo lagu kala gato hubka oo qarsoodi ah, wax ogolaansho ahna aan ka heysanin dowlada. Dhanka kale C/casiis Xildhibaan ayaa uga digay ragga reuters wararka uga dira Magaaladda Muqdisho waxyaabaha ay baahinayaan ee been abuurka ah,wuxuuna ka dalbaday in ay keeneen cadeymo. Sida ay qortay shalay wakaalada wararka ee Reuters ugu yaraan 600 oo hub ayaa laga xaday todobaadkii hore xeradii imaaradku ay ku tababarayeen Ciidamada Dowladda Federalka Soomaaliya ee General Gorden taa oo ku taala Dagmada Hodon Ee Gobalka Banaadir. PUNTLAND POST The post Wasaarada Amniga oo Beenisay in Hubkii Imaaraadka Carabta lagu iibinayo Suuqyada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  8. New research from the University of Minnesota concludes 8-year-olds in Hennepin and Ramsey counties are diagnosed with autism at a higher rate than the national average. Those behind the study said the findings highlight the need for robust services to help identify and treat people with autism spectrum disorder. Source: Hiiraan Online
  9. The children can’t believe their luck: storms and showers have turned their dirt football pitch into a lake. Youngsters scamper and splash through the murky water, chasing one another, leaping and laughing. Source: Hiiraan Online
  10. ‘Maxammad Salaax ! horay u soco! horay u soco! Waxaan maqlay qaylidan xilliggii cayaryahan Maxamed Salaax uu goolal ka dhaliyay kooxda Roma habeenkii Talaadada ahayd cayaartii nus dhammaadka ahayd. Carruurtayda oo kala Xanna oo 8 sano jir iyo Maxammad oo 6 sano jir ah ayaa si dhaw ula socday una daawanayay cayaarta Muxammad Saalax si ay ugu dabbaal-deggaan guushii ay gaartay kooxdiisa. Soo shaac bixidda boqorka reer Masar ee u dheelo kooxda Liverpool ayaaa si wayn looga dareemay dalkayga iyo dhammaan dunida. Rabiya Limbada waxay tiri’Mo Saalax ku dayasho wanaagsan ayuu u yahay carrurteeda Muxammad iyo Xanna. Cayaar wanaagga Maxamed Salaax waxay midaynaysaa bulshooyinka. Waxaan ku dhashay kuna soo barbaaray bariga magaalada London,qoyskayga waxay kasoo guureen dalalka Yemen iyo Burma. Weliggay ma garwaaqsanin hiloowga aan u qabo dalkii aan kasoo jeeday. Waxaan maanta si wayn u ogyahay in carruurta kasoo jeedo qoowmiyadaha laga tiro-badan yahay inaysan hiloow iyagana u qabanin dalkoodi. Markaasi la yaab ma leh ,marka carruurtan ku koray dalalka qurbaha ay ku faanaan cayaaryahan Maxamed Salaax. Gabadhayda Xanna waxay si qiiro leh u daawata marka Maxamed Salaax uu gacmihiisa sare u qaado oo Illaahay baryayo marka uu dhaliyo gool. Sida dhaqanka Islaamku yahay, Ragga waxay daystaan garka Maxammad waa sidaasi. Marka aan arko canugayda lix jirka ah oo isku eegayo billaddayo isagoo ku anddacoonayo inuu qabo gar lamid ah midka Maxamed Salaax, si kale ayaan dareema. Waxaan ku doodi kara inuu yahay Cayaaryahanka ugu wanaagsan adduunka oo idil xaadirkan. Muxammad Saalax wuxuu isku keena dhammaan bulshooyinka islamarkaasna waan ku faraxsanahay. Muxammad Saalax waa cayaaryahankii ugu horreeyay oo Masaari ah oo noqdo qofka ugu wanaagsan Cayaaraha Premier League Salaax waa Boqor Heeso iyo rayrayn ayaa hareeysay dunida muslimka oo lagu xusayo guusha Salaax, Jeceyl iyo farxad ayay u muujinayaan. Waddankiisa wuxuu ka yahay sidii Boqor. Haddii uu u Cayaaro dalka Masaarida iyo kooxda liverpool waxay ka dhigantahay inuu midaynayo dalalka kala qaybsan ee dunida. Anigoo ah haweeney Xijaaban,waxaa cajiib ah in haween xijaab aad ku aragto garoonka oo sito calanka Masar islamarkaana tageero Maxamed Salaax. oddobaadyo yar ka hor, Xanna waxay timid guriga iyadoo walaacsan,sababto ah carruur da’deeda ayaa hadal hayay olole lagu weerarayo Muslimiinta 3 bisha April, Balse arrintaasi waxay ku reebtay cabsi. Waxay nagu qaadatay maalmo dhowr ah in sharraxaad ka bixino sababtoo ah qoowmiyad laga tiro badan yahay oo aanan fahmaynin dadka muslimiinta inaysan dareemin farxadda Muxammad Saalax uusoo hoyiyay. Markii la gaaray 3 Bishii April, Xanna dibbadda maysan aadin waayo way naxsanayd. Way adagtahay in carruur sidaasi u yar aad ka saartid dareen cabsi? Xanna iyo Muxammad waa tageerayaasha Muxammad Saalax Maxamad Salaax ‘Wuxuu baddelaya fikirkii laga aaminsana Muslimiinta’ Maxamed Salaax wuxuu fikrad wanaagsan ka gudbinaya bulshada Muslimiinta ah markii ugu horreysay. Muslimka ma aha wax lagu cabsi geliyo carruurta. Fikraddaasi waxaa ila qaba saaxibkayga oo aanan Muslim ahayn tageerana Kooxda Liverpool. Waxaan ogahay in Muxammad Saalax uu yahay shakhsi isku keenayo dadka aaminsan diimaha kala duwan. Isha: BBC
  11. Riyadh (Caasimada Online) – Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegay in ay ka adkaadeen awoodii siyaasadeed ee Iran ku laheyd wadamada Africa iyo dalalka deriska la ah. Wareysi uu siiyay Wargeyska US Times ee Mareykanka laga leeyahay, Dhaxal Sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa waxa uu tilmaamay in ay hoos dhigeen saameyntii Iran ay ku laheyd dalalka Qaaradda Africa , iyadoo awood ahaan loo wiiqay dowladda Iran waxaana uu xusay in 95% in ay hoos u dhigantay. Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegay in Sacuudiga uu ka dambeeyay mamnuucisata Ururka Shiicada dalka Nageira oo uu hogaaminayay Sheekh Ibrahim Zakzaky oo markii dambe xasbiga la dhigay. Dr Zayid Al-Amri oo kamid ah xubnaha Sacuudiga u qaabilsan Qorshaha Istaraatiijiyada Qaranka iyo Hay’adda Horumarinta ayaa si kooban u sheegay in dhaxal sugaha uu hadlkaasi ula jeedo in Iran looga guuleystay Siyaasadaha Soomaaliya, Yeman, Djibouti iyo dalka Sudan waxaana uu sacuudiga burburiyay unug kamid ah Xisbullah oo laga aas aasi rabay dalka Nageria waxaana hogaaminayay wadaadka Ibrahim Zakzaky. Dr. Amani al-Taweel oo katirsan xarunta Daraasadaha Al-Ahram ee dalka Masar ayaa walaac ka muujiyay saameynta khilaafka labada dal iyo rabshado ka amuurma dalalka Qaaradda Africa oo saameyn ay ku leeyihiin Iran Iyo Sacuudiga “ dhab ahaantii Sacuudiga saameyn weyn kuma laha Africa marka laga reebo xeriirka dibloomaasiyadeed iyo midka ganacsi ee kala dhaxeeya dalalka Afira” sidaasi waxaa yiri Dr Zayid Al-Amri, Waxaa muhiim ah in la ogaado wadamada africa ma wadaagaan diimo, siyaasad iyo xeriir caalami ah marka loo eego wadamada Sacuudiga iyo Iran, waxaa shaki uusan ku jirin in dalalka Iran Iyo Sacuudiga ay u horseedayaan dalalka Africa dagaallo diimeed iyo kuwa dhaqameed waxaana ay sababi karaan burbur, faqri iyo cudurro, sida uu sheegay Dr.Amani Al-Taweel. Sacuudiga oo dal Sunni Muslim ah iyo Iran oo Shiica ah waxay yihiin labada quwadood ee isku haya siyaasadda bariga dhexe oo hadda u soo tafaxeetay dalalka Africa oo Soomaaliya ay kamid tahay iyaga oo la kala safan khilaafka ka jira dalalka Suuriya iyo Yemen. By: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal) Abdiazizh99@gmail.com
  12. 2007di ayay ahayd marki aan si buuxdo u billaabay ka shqaynta safalka. 10ki sano ee u danbaysay waxaan ka qayb qaatay howlo badan oo ixsaan fal ah. Qaar aniga ayaa abuubulkooda lahaa intooda badanna qabtay, qaar dadka kale ayaa howl wadeen ka ahaa aniguna caawiye korjooge ah ayaan ka ahaa halka qaar aan xubin firfircoon ka noqday kuwana aan tabarrucaadda kaliya aan ku leeyahay. Ururrada kala duwan ee aan la shaqeeyay ilaa haddana aan qaarkod la shaqeeyo dadka howl wadeenka ka ah waxay ka kala yimaadeen noocyada kala duwan ee bulshada: Culumo, aqoonyahanno iyo dad wanaagga iska jecel intaba. Inkastoo ay kala duwan yihiin afkaar ahaan, hadaf ahaan iyo walibo aqoon ahaan, haddana sadex arrimood oo ay ka simanyihiin ayaan arkay. Si aan ooga fogaanno wareer iyo isfaham la’aan, marka hore aan qeexo waxa aan ooga jeedo samafale. Samafale ama Urur samafal, waa shaqsi ama urur u istaagay ama loo yagleelay in lagu caawiyo dad, deegaan ama dan guud. waxaa soo galayo maamullada gacanta ku hayo masaajidda gaar ahaan kuwa qurbaha, hayadaha caawiyo agoonta, masaakiinta kale, iskoollada iyo malcamadaha. Waxaa ka baxayo hayadaha loo yaqaan NGO-yada oo marki horaba loo aasaasay in wax lagu helo. 1: Waxtar waxay u yaqaannaan lacag kaliya Howwadeennada samafalku waxtar waxay u arkaan lacag caddaan ah ama agab loogu deeqo. Intaasi wixii kasoo haro kuna waydiisan mahayaan haddii aad usoo jeedisana qaadan mahayaan iyadoo laga yaabo in baahida loo qabo lacagtu inay ka badan tahay midda looq qabo waxaad bixinayso. Tusaale, urur samafal ayaa furi iskool lagu caawiyo caruur kasoo jeeddo qoysas danyar ah. Waxaa uu aruuriyaa lacag mushaar loo siisyo macalimiin dhigto iskoolkaas. waqti badan iyo wareer badan ayuu ka mari raadinta lacagta balse dhici mayso inuu raadiyo macalin ku shaqeeyo bilaash iyadoo lacagtaba loo raadinayo in la siiyo macalin. Haddii aad tiraahdo maxaad baahi qabtaan marnaba ka maqli maysid waxaan u baahanahay macalimiin mutadawiciin ah oo caruurtaan wax barto ee waxay ku dhihi lacag iyo agab ayaa noogu daran. Waxaa laga yaabaa inaad is tiraahdo miyaa la heli karaa macalimiin bilaash ku shaqayso? jawaabtu waa wax diidayo ma jiraan in helo waayo lacagtuba waxaa loo bixinayaa in ajar laga helo, qof waqtigiisa sadaqaysto wax diidayo ma jiraan haddii laga dalbado. Waxa la raadin karaa dad meelo kale ka shaqeeyo oo maalmaha ama waqtiyada qaar firaaqo leh, haddii loo bandhigo baahida loo qabana si fudud ku aqbali lahaa laakiin waligeedba cidi iskuma daydo. Inta jeer ee aan si ku tala gal ah u su’aalay samafalayaal baahida la qabo xisaab ma leh. Had iyo jeer jawaabtu waa isku nooc: Qarash la’aan ayaa jirto, haddi qarash la helo wax badan ayaa qabsoomi lahaa. Tani waa hal tusaale laakiin xirfadaha loo baahan karo way badan yihiin. Waxaa la raadin karaa dad si bilaash ah dadka ku wacyi galiyo, kuwo qabto howlaha joogtada ah ee ururku u baahanyahay, waxaa la raadin karaa dad xirfadahooda bulshada ugu adeego. Inta aan ogahay ururrada samafalka ee dadyawga kale sideenna maahan. Tusaale, waxaa isoo martay marar badan oo ururo samafal ila soo xariireen ama aan la kulmay iyagoo shaqo ku jiro ay ku doonayaa mutadawiciin. waxa ay waydiisanayaan dad diyaar u ah inay waqtigooda bixiyaan. Tusaale, waxaad arki hayad fadhigeedu yhay Ingiriiska oo leh waxaan taageernaa iskool ku yaallo Indunuusiya waxaana doonaynaa dad wax kasoo dhigo waqtiyada fasaxa, sadex bilood, labo bilood, asbuucyo xataa hal asbuuc. Waxaad arki qaar doonayo dad muddo kooban u shaqeeyo si bilaash oo xirfad gooni ah leh sida xisaabiye, kaakaaliso/liye, dakhtar ama maamule. Waxaad arki qaar doonayo dad dariiqyada ku soo marmaro oo dadka lacag ooga soo aruuriyo. Dadkaan ay doonayaan oo dhan kuma jiro wax ay rabaan inay muddo la joogaan ama ay mid noqdaan howlaha ay hayaan ee waqtigooda iyo xirfadooda ayay rabaan inay ka faaiidystaan. 2: Howlahoodu waa sir Ha noqdaan kuwa masaajid gacanta ku hayo, ha maamulo xoolo agoomeed ama ha aruuriyo qaaraan, dhammaan intaan ka xog hayo samafalayaasha Soomaalidu howlahoodu ma daah furna. Waxay ku shaqeeyaan xaalad sir ah oo xisaab ahaan iyo maamul ahaanba ay adag tahay in la ogaado. Intooda badan ma lahan meelo lagu soo bandhigo waxa soo galo iyo sida ay u baxday, ma qabtaan shirar ayay taageerayaashooda kula wadaagayaan xogta la xariirto dhaqaalaha soo galay iyo sida loo maamulay. Lama yaqaan waxay gunno ahaan u qaataan howl wadeennadooda mana soo bandhigaan qarashaadka ku baxo hwol maalmeedkooda. Ma beeqaamiyaal qarashaadka ku baxo howlaha ururka ama hayadda sida ay u tashiilaan kuwa ku baxo guryahooda. Tusaale, haddii daabacaha masaajidka ay ka dhamaadaan waraaqaha, maamulku wuxuu soo gadi kuwa ugu dhow. Waqti galin mahayo inuu helo kuwa ugu jaban halka marka uu gurigiisa u gadanayo uu waqti galiyo inuu helo kan ugu raqiisan ee uu heli karo. Sidoo kale, waxaan marar badan arkay in qarashaad badan oo laga maarmo si fudud lagu galo laguna qoro xisaabta ku baxdo howlaha ururka. Waa taas ayaan is leeyahay sabata ay u diidaan inay dadka la wadaagaan waxa ku baxo. waayo dadku wuu niyad jabi haddii ay arkaan sida xad dhaafka ah ee loo qarash gareeyo lacag ay naftooda oo u baahan bixiyeen. Bal u fiirso dhammaan inta aad aragto urur samafal sida ay u shaqeeyaan. Haddii ay jiraan kuwo aad xubin wax bixiso ka tahay wali ma laguu soo diray warbixin ku saabsan waxa lagu qabtay lacagtaad bixiso iyo sida la yeelay? Marar badan oo aan isku dayay inaan kala hadlo arrihama daahfurnaanta kuwo aan la shaqeeyay dhib badan oo ugu danbayn inaan iska casilo howshaan hayay keenay ayaa kala kulmay. Arrintaan waxaa aad ugu sii dheer kooxaha hayo masaajidda oo ay ahayd inay noqdaan hormuudka daahfurnaanta iyo muraayadda laga isku eego. Nasiib darro masaajidda gaar ahaan kuwa qurbaha waxay ka mid yihiin meelaha ugu musuqa badan ee bulshada loogu adeego. Haddii aad tiraahdo sidaan wax ha laga baddalo waxaa hal hays ah “sirta masaajidka ha faafin iyo xumaanta lama sheeg sheego”. 3: Cid kale ma ogala Marka hore ee lagu jiro aasaaska, dadka waxaa loo sheegaa in ujeedku yahay waxqabad howshuna bulshadu leedahay. Mar haddii waxa loo shaqaynayo ay tahay horumarinta bulshada waa loo qaateen in warka hore run yahay dadkuna sidaas ayay aaminaan. Waxaa lagu xisaab tamaa in ujeedka ururku yahay horumarin sidaas darteedna cid walba oo wax hagaajin karto uu u furan yahay. Laakiin taasi ma dhacdo. Marki uu ururku xoogaa shaqeeyo waxaa ku imaan habacsanaan iyo dib u dhac. Wuxuu u baahan dhiig cusub oo dhaqaajiyo. Halki la raadin lahaa ciddii horay u wadi lahayd, aasaasayaasha ayaa jeebka ku ridan. Kuwa qalbi-samida kula socday ee sawaxanka soo raacay marki ay dhahaan dad cusub oo shaqada dhaqaajiyo aan keenno, waxay helaan jawaab keento niyad jab. Aasaasayaashu waxay isku koobaan dhammaan howlaha maamulka iyo go’aan gaaridda. Waxay dadka ka xiraan inay qaataan door wax ku ool ah oo ururka iyo bulshadaba anfici lahaa. Xataa haddii ay u muuqato in ururki xirmayo ma aqbalaan badbaado cid kale waddo ee inay xiraan ayay ka door bidi. Marka ugu danbaysana dhowrki aasaastay ayaa isku qabato oo mid walba isku dayaa inuu kan kale cira u fiiriyo. Arrintaan xataa kuwa masaajidda hayo kama badbaadin. Masaajidda qurbaha waa la kala dhacaa. Sida loo wada socdo ayaa la isu qayilaa ilaa mid walba ku dadaalo inuu tuuro midka kale. Midki la saaro meel fog ma aadee jidka dhiniciisa ayuu mowlac cusub ka aduudaa. Masaajidda dalki ku yaal arrintan kuma badna sababta waa inaan laga helin wax lacag ah. Kuwa dakhliga leh kuwa qurabaha ayay la mid yihiin maamulkooduna waa sir. Mid aan anigu isku bartay Qodob afraad ayaa ah inaan anigu is bartay intaan la shaqaynayay ururradaan. Waxaan bartay inaan ka mid noqon karin xisbi noocuu rabo ha noqdee. Ka mid noqoshada urur, xisbi ama koox waxay rabtaa daacadnimo qaas ah oo keenayso inaad ka tanaasusho wax badan oo aad aaminsan tahay. Maslaxada ururka ama kooxda ayaa loo baahan yahay inaad ka hormariso waxa aad adigu u aragto xaqa. khaladaad badan oo kuu muuqdo waa inaad iska indho tirtaa. Madaxda kooxda waa inaad sax iyo khaladba ku difaacdaa. Waa inaad noqotaa darbiga ilaaliyo danaha kooxda ama ururka. Dhammaan arrimaha aan soo sheegay ee laga rabo qofka xisbi galayo waxay noqdeen kuwo igu adag. Uma dul qaadan karo laba wajiilayn ah dadkana wax loo sheego mid kala lagu dhaqmo. Aaad ayay iigu adkaatay inaan sax iyo khaladba koox aan ku jiro ku garab istaago. Ammaanta madaxda kuma fiicni, khidmayntana waaba la iga habaaray. Sidaas darteed koox walba oo aan galo waxaan noqonayaa safka danbe (back bench). Inaan naftayda sidaas u bartay waxay ka mid tahay faaiidooyinka aan ka helay la shaqaynta ururrada samafalka. Ma dayn doono inaan la shaqeeyo dad wanaag wado. Laakiin waxaan kula shaqayn sida na wada anfacayso anigoon beeco iyo heshiis tacasub keenayo galin. Khaladaad walba oo jiro samafalayaashu waxay hayaan shaqo aan caadi ahayn. Waxaa ku tiirsan nolosha kumannaan caruur, waayeel iyo dan yar kale ah. Waxay hormuud ka yihiin goobaha waxbarashada iyo kuwa cibaadada. Waxay u istaageen howlo dadka intiisa badan aysan rabin inay qabtaan sidaas darteed mar walba waa ammaanan yihiin. Waxayse u baahan yihiin inay wax ka bartaan khaladaad shaqada la xariiro. Waxay rabaan horumarin xagga shaqada ah iyo hufnaan xagga nidaamka ah. Eebe ayaa waafajinta leh Ibrahim Aden Shire ishire86@gmail.com https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/
  13. Hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi, Kim Jong-un, ayaa sheegay in kulan madaxeedkii ugu horreeyey ee ay labda Kuuriya yeeshaan muddo toban sanadood iyo dheeraad ah, uu noqon doono bilowga taariikh cusub. Kim ayaa haatan waxa u bilaabmay wadahadal uu la leeyhay madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Moon Jae-in, oo ka dhacaya aagga milatariga ka caagan ee labada dal u dhexeeyaa. Moon ayaa isna sheegay in uu rajaynayo in heshiis wayn ay ku gaadhaan wada xaajoodkaas oo la filayo in ay xoogga ku saari doonaan in jasiirad la moodka Kuuriya laga dhigo meel nukliyeerka ka caaggan iyo in si rasmi ah loo soo af jaro dagaalka Kuuriya. Markii hore ayaa Kim Jong-un waxa uu noqday hogaamiyihii u horeeyey ee cag dhiga ciidda Kuuriyada Koonfureed, markuu ka tallaabay aagga milatariga ka caagan ee labada dal u dhexeeya oo uu si rasmi ah ula kulmay madaxweyne Moon. Labada nin ayaa si diirran isku gacan qaaday, ka dibna waxay ka wada tallaabeen xadka labada dal u dhexeeya oo waxay u gudbeen dhanka Kuuriyada Woqooyi, taas oo ahayd tallaabo ay ugu talo galeen in ay bixiso muuqaal togan. Isha BBC
  14. The Somalis were aid dependent for 27 years and prospects of emancipation from charity are a distant dream, since the Federal Government of Somalia's (FGS) focus to country and people's development is neither an issue nor a priority; as the concentration to development is constantly obscured and upset by political turmoil, insecurity, corruption, delusions about Federalism, etc. Source: Hiiraan Online
  15. Magaca Eebbe aan ku bilaabo, Nabiga na aan naxariis iyo nabad gelyo Alle u waydiiyo. Waxaan dhashay aniga oo xor ah, waxaanna jeclahay inaan aakhiro u hoydo aniga oo xor ah. Intaas oo kale ayaan la jeclahay ruux kasta oo aan wax galabsan, lab iyo dhaddig kuu dooni ha ahaadee. Source: Hiiraan Online
  16. NORRISTOWN, Pa. — Bill Cosby, who once embodied the idealized American father on a wildly popular sitcom, was convicted of sexual assault on Thursday in a high-stakes retrial after a half-dozen women testified that the famed comedian drugged and assaulted them. Source: Hiiraan Online
  17. ADDIS ABABA -Ethiopia wants the multinational African peacekeeping force to stay in Somalia, Ethiopian Foreign Ministry’s spokesman said on Thursday. “Ethiopia’s stance on the issue of AMISOM’s [African Union Mission in Somalia] withdrawal is that the multinational force should stay in Somalia until the time comes when the militant group al-Shabaab is very much weakened,” Meles Alem told journalists. The multilateral African peacekeeping force was deployed in Somalia in 2007 to cope with the threat of al-Shabaab terrorist group. The African Union has been calling for gradual reduction of the AMISOM force, leading to ultimate withdrawal and handing over the responsibility to Somalian military. According to Meles Alem, al-Shabaab should be rendered “much weaker” and AMISOM should be staying until the insurgent group is no more a threat. In October 2017, some 500 civilians in Mogadishu were killed by twin car bombs, indicating that the threat from Al-Shabaab is far from over. The incident was recorded as the worst of attacks in Somalia in recent years. In June 2016, the African Union Commission Peace and Security Council resolved for gradual reduction of AMSIOM troops followed by total withdrawal leaving the responsibility to the Somalian National Army. The decision has yet to be implemented. Source: – Anadolu Agency
  18. The Somali government has cancelled a logistics agreement between it’s Defense Ministry and SKA, a Dubai-based Private company. In a statement, Deputy Somali Minister, Abdirahman Yunis Iidan declared the logistics contract with the SKA as null and void. “As asserted by Minister for Finance, Abdirahman Duale Beileh, such agreements with privately owned companies without procurement process is null and void,” said Iidan. The ministry noted in the statement that the agreement will be discussed at the cabinet meeting which is scheduled to take place on Thursday. “The government has started investigation aimed at understanding how it (the contract) came about, the procurement process followed during the signing of the so-called agreement with SKA. the conclusion of the investigations will be tabled before the cabinet during the next weekly meeting (today),” reads the statement. SKA operates the Somali Risk Management (SRM) which describes itself as a security company. VOA Somali published details of the surreptitious deal inked by the immediate former Defense Minister, MohamedMursal Sheikh together with Somali National Army (SNA) chief, Abdiweli Jama’a on behalf of the Somali government. Through its programme ‘Investigative Dossier’, VOA Somali said the contract it was agreed that the Somali National Army would offer logistic support to UAE, Somali government and other forces. “The Somali Defense Minister Mohamed Mursal and army Chief Gen Abdiweli Jama Gorod have entered a contract with a private company, requiring SNA to escort logistics to Govt forces, AMISOM and other troops but contract doesn’t cover if soldiers are killed, and cargo not ensured.” the Investigative Dossier said in a Twitter post. Source: Hol
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta shir guddoomiyay shir looga hadlayay amniga guud ee Dalka, kaasoo ay kasoo qayb galeen xubno ka socda Beesha Caalamka. Xubnaha Beesha Caalamka ka socday ee shirkan ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ah Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Micheal Keating, Wakiilka Midowga Afrika Ambassador Francisco Madera iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar. Shirkan oo ahmiyad gaara u lahaa dalka ayaa waxaa diiradda lagu saaray amniga dalka iyo u diyaar garoowga shirka Tobaadka soo socda ka qabsoomi doono Magalaada Brussels ee Dalka Belgium-ka. Shirka Brussels ayaa looga hadli doonaa wakhtiga kala guurka oo ah xilliga la filayo inay dalka ka baxaan Ciidamada AMISOM iyo sidii ay Ciidamada Soomaaliya ula wareegi lahaayeen amniga Dalka. Kulankan oo u dhexeeyay Beesha caalamka, wakiillo matalaya hay’adaha caalamiga ah, Waddamada ay saaxiibka yihiin Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qayb ka ah qorshayaasha ugu waaweyn ee ay Dowladda Federaalku ugu diyaar garoobayso in Ciidamada Qaranku ay la wareegaan ammaanka guud ee Dalka marka ay wakhtigooda dhammaystaan kuwa midoga Afrika. Waxaana Shirka Todobaadka dambe ka dhici doono Belgium-ka loogu soo bandhigi doonaa Beesha Caalamka Istitaatiijiyadda ay Dowladda Soomaaliya u dooneyso inay kula wareegto ammaanka guud ee Dalka xilliga ay shaqadooda dhammaystaan Ciidamada AMISOM. Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay kulanka kadib ayaa waxa uu sheegay ujeedada in ay tahay in la ogaado baahida ay qabaan Ciidamada iyo sidiii loo siin lahaa Sahnad Millitari oo ku filan. Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxa uu sidoo kale sheegay in dhawaan Garoonka kubadda cagta ee Muqdisho Stadium ay booqdeen xubno ka socda Wasaaradda Amniga, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Beesha Caalamka, waxaana loogu kuurgalay sidii Wasaaradda Dhalinyarada ay ula wareegi laheyd Garoonka marka ay AMISOM ka baxaan.
  20. Muqdisho (PP) ─ Dowladda Somalia iyo Beesha Calaamka ayaa Muqdisho ku yeeshay maanta kulan looga hadlay mniga guud ee dalka oo daba socday midkii London lagu qabtay bishii May, kaasoo ay ka soo qayb-galeen xubno ka socda Beesha Caalamka. Xubnaha ka socday Beesha Caalamka ee shirkaan ka Qayb-galay waxaa ka mid ah; Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia, Micheal Keating, Wakiilka Midowga Afrika, Danjire Francisco Madera iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar. Qodobbada shirkan diiradda lagu saaray ayaa waxaa ka mid ahaa u diyaar-garowga shirka Todobaadka soo socda lagu qaban doono xarunta Belgium-ka ee Brussels, kaasoo looga hadli doono Waqtiga kala-guurka oo ah xilliga la filayo inay dalka ka baxaan Ciidamada AMISOM iyo sidii ay Ciidanka DF ay ula wareegi lahaayeen Amniga waddanka. Kulankan oo u dhexeeyay Beesha caalamka, Wakiillo matalaya Hay’adaha caalamiga ah, Waddamada ay saaxiibka yihiin Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qayb ka ah qorshayaasha ugu waa weyn ee ay Dowladda Federaalku ugu diyaar garoobayso in Ciidamada Qaranku ay la wareegaan ammaanka guud ee dalka marka ay wakhtigooda dhammaystaan kuwa Midowga Afrika. Shirka Todobaadka dambe ka dhici doono Belgium-ka ayaa lagu soo bandhigi doonaa Istitaatiijiyadda ay Dowladda Soomaaliya ku dooneyso inay kula wareegto ammaanka guud ee dalka xilliga ay shaqadooda dhammaystaan Ciidamada AMISOM. Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) oo warbaahinta la hadlay kulanka kadib ayaa waxa uu sheegay ujeedada in ay tahay in la ogaado baahida ay qabaan Ciidamada iyo sidiii loo siin lahaa Sahnad Millitari oo ku filan. Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa sheegay in dhawaan Garoonka kubadda cagta ee Muqdisho Stadium ay booqdeen xubno ka socda Wasaaradda Amniga, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Beesha Caalamka, waxaana loogu kuurgalay sidii Wasaaradda Dhalinyarada ay ula wareegi laheyd Garoonka marka ay AMISOM ka baxaan. PUNTLAND POST The post Shir looga hadlay Amniga guud ee dalka iyo bixitaanka AMISOM oo lagu qabtay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  21. Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa si cad u difaacay xuquuqda dastuuriga ah ee Puntland u leedahay gelitaanka heshiisyo caalami ah. Madaxweyne Gaas oo daliishanaya qodobka 54 aad ee Dastuurka dowladda Puntland ayaa caddeeyay in Puntland ay heshiisyo caalami ah geli karto,si looga faa’idaysto khayraadka dihin ee dhulkeeda ku duugan,islamarkaana loo helo maalgelin iyo horumar. Mudane. Gaas ayaa sidoo kale ammaanay heshiiska horumarinta iyo ballaarinta dekedda Boosaaso ee Puntland ay la gashay shirkadda DP World oo uu ku tilmaamay”maal-gelintii ugu weyneyd ee Puntland tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya”,isagoo xusay in uu muhiimad weyn u leeyahay maal-geshiga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland. Dhinaca kale wuxuu sheegay in heshiiskani shaqo-abuur ballaaran u sameynayo dhalinyarada badan ee shaqo la’aantu haysato,sidoo kalena horseedayo in caalamku arko sida dowladda Puntland diyaar ugu tahay maal-geshiga debadda. The post Madaxweyne Gaas oo caddeeyay in Puntland heshiisyo caalami ah geli karto appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (PP) ─ Wararka ayaa sheegaya in 600 oo Qori boobay xaruntii Tababarka ciidamada ee Imaaraadku uu ku lahaa Muqdisho maalmo uun kaddib markii Tababarayaashii Imaaraadku ay ka baxeen dalka, sidoo kalena la laalay heshiiskii labada dowladood ka dhaxeeyay. Warkan oo ay si gaar ah u faafisay Wakaaladda Wararka Reuters ayaa ku daray intaas in hubka lagu kala iibsanayo suuqaqa Muqdisho si qiimo jaban ah. Halkii qori oo ah nooca Kalashnikov ama AK-47, ayaa la kala siisanayaa illaa 700 oo doolar, halka qiimihiisa caadiga ah uu yahay 1300 oo doolar. Iyadoo qoryahan ay ku xardhan yihiin astaanta ciidanka xoogga Soomaaliya, balse hubka waxaa dalka keenay Imaaraatka sida ay sheegeen illo wareedyo u waramay wakaaladda. isniintii lasoo dhaafay ayuu iska-hor-imaad culusi ka dhacay xaruntaas, dad goobjoogayaal ah ayaa waxay inay arkayeen askartii tabobarka ku jirtay oo dareeska iska siibaya, kaddibna qoryaha lasii baxsanaya iyagoo isticmaalaya bajaaj. Sidoo kale, Ciidamada Illaalada Madaxtooyada Somalia ayaa la sheegay inay markii dambe la wareegeen xarunta, xilligaasoo uu dagaalkii dhammaaday, wixii xerada lagala bixi karayna lagala baxay. Dhanka kale, Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa raratay qalab badan oo ka yaallay Muqdisho, Waxayna joojiyeen barnaamijkii Tababbarka ciidamada kaddib markii Dowladda Federaalka ay garoonka Muqdisho ku qabatay diyaarad siday lacag Malaayiin Doollar ah oo ay Imaaraadku sheegeen in loo waday ciidamada Tababbarka ku jiray. Ugu dambeyn, Dowladda Soomaaliya ayaanan wali wax war ah kasoo saarin hubkan la boobay, lamana oga halista uu u geysan karo amniga caasimadda oo markii horeba lala tacaalayay. PUNTLAND POST The post Waa imisa Tirada Hubkii laga boobay Xerada Jen. Gordan ee lagu iibinayo Muqdisho? appeared first on Puntland Post.
  23. Hargeysa (PP) ─ Maxkamadda Magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa ku xukuntay maanta shan sano oo xabsi ah Boqor Cismaan Maxamuud oo loo yaqaan Buur-madow, kaddib markii hadallo dhan ka ah Somaliland lagu soo eedeeyay. Boqor Buur-madow ayaa dhawaan lagu xiray magaalada Hargeysa, kaddib markii uu degmada Carmo ee Puntland kaga qayb galay xaflad dhaqameed lagu caleemo saarayey beel-daajaha deegaankaasi. Xeer-ilaaliyaha guud ee Somaliland, Xasan Maxamed Aadan, ayaa sheegay in Boqor Buur-madow lagu helay saddex dambi oo kala ah: Jeedinta hadallo dhaaawac ku ah madax-bannaanida Somaliland oo uu ka jeediyay munaasabad dhaqameed ka dhacday Puntland, Gaf ka dhan ah Madaxweynaha Somaliland oo lagu eedeeyay inuu sheegay inuu wakiil uga ahaa munaasabaddaasi Aflagaaddo iyo xaqiraad ka dhan ah maxkamadda oo sida la sheegay uu maanta garsoorihii maxkamadda dacwaddiisa dhageysanayay uu ku yiri “sheeg waa laguu soo dhiibay xukunka ee waxa la igu xukumaayo”. Sidoo kale, Xeer-ilaalinta Somaliland ayaa sheegtay in boqorka uu diiday in uu la yimaado qareenkiisa, isla markaana xukunka lagu riday uu yahay mid uu rafcaan ka qaadan karo. Xildhibaan Ibrahim Caraale Ruush oo damiintay boqorka ka hor xukunkiisan maanta, isla markaan goobjoog ka ahaa xukunka ayaa sheegay in xukunka maanta dhacay uu yahay mid aan ku fiicnayn Dowladnimada iyo Madax-bannaanida garsoorka Somaliland, isla markaana aan loo ogolaan Boqorka inuu is-difaaco. Dhanka kale, bishii Maarso ee sanadkii 2012-kii ayaa Boqor Buur-madow waxay booliska Somaliland ka qabteen garoonka dayuuradaha ee Hargeysa, isagoo xilligaas ka yimid dalka Imaaraadka Carabta, inkastoo markii dambe la sii daayay. Ugu dambeyn, Tallaabadan lagu xukumay Boqor Buur-madow ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo dhawaan ay maxkamadda Hargeysan sidan oo kale xukun dhawr sano ah ay ugu riday abwaanad Naciimo Qorane oo lagu eedeeyay inay booqatay Muqdisho, isla markaana ay sheegtay hadallo aan u cuntamayn Somaliland. PUNTLAND POST The post Boqor Cismaan Maxamuud Buur-madow oo Maanta lagu Xukumay Shan Sano oo Xabsi ah appeared first on Puntland Post.
  24. Ururka Somali Relief Network of North America (SRNNA) ayaa maanta ku dhawaad ilaa 300 oo qof oo u badan caruur kazoo jeeda qoysaska danyarta ee ku nool magaalada Garowe u sameeyay qado alle bari ah oo isugu jidha Hilib iyo Raashin bisil. Aadan Maxamed Ciise Gadaale oo ah madaxa hay,adda Somali Relief Network ayaa sheegay in tiro 15 neef oo la qalay iyo raashin ay ku bixiyeen caasumada qadada oo ay u sameeyeen caruuraha kazoo jeeda qoysaska danyarta ee ku nool Garoowe. Aadan Gaadaale ayaa intaas ku daray inuu ururku maalmo kahor deeq biyo ah ka qaybiyay tuuladda uus_gure iyo deegaano kale oo ku teedhsan Degmadda Dangoranyo ee Gobolka Nugaal. Ma ahan markii ugu horeysay oo ururka Somali Relief Network gacansiiyo danyarta ku nool deegaano badan oo ka tirsan dhulka Soomaalida iyo Mandiqada Puntland. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Garowe:-Ururka Somali Relief Network oo qado u sameeyay ilaa 300 oo qoys oo danyar ah appeared first on Puntland Post.
  25. Muqdisho (Caasimadda Online) – Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa su’aalo badan ka keenay Dastuurka uu Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Soomaaliya Muudey uu sheegay inuu lumay oo haddana lasoo helay. Fiqi ayaa tilmaamay in Dastuurkii la sheegay inuu lumay ay ku qorneyd inuu madaxweynaha xilka heyn karo ilaaa 4 sano halka midka la sheegay in lasoo helay uu qorayo inuu Madaxweynaha xilka heyn karo ilaa 5 Sano. Sidoo kale wuxuu sheegay inuu jiro farqi u dhaxeeyo dhanka tirada xildhibaanada, wuxuuna xusay in dastuurkii la sheegay inuu lumay ay ku qorneyd inay xildhibanada yihiin ilaa 275 Xildhibaan halka dastuurka hadda la helay ay ku qoran tahay inuu Baarlamaank ka kooban yahay ilaa 225 Xildhibaan. Haddaba halkaan hoose ka akhriso hadalka uu Fiqi soo dhigay bartiisa Facebook: Waxaa maanta golaha shacabka kulankiisii ajenduhu ahaa hadaljeedinta musharixiinta u taagan xilka guddoomiyaha golaha lagu qaybshay dastuurkii la xaday ee maalmahaanba hadal hayntiisu badnayd.. Bulshadu waxey xaq u leedahay in ay wax ka ogaato dastuurka dalka u yaalla, balse waxaa la yaab lahayd hadal kadis umadda ku noqday oo uu jeediyey guddoomiye Muudey dhowr casho ka hor oo loo heystay in uu ahaa hadal carrabku ka dafey inuu maanta golaha shacabka ku qeybiyey nuqul uu ku sheegay inuu yahay dastuurkii asalka ahaa oo ka bedelan midka la isticmaalo hadda. Haddaba maxey ku kala duwan yihiin dastuurka dalka laga isticmaalo & kan M.ne Muudey uu ku sheegay kii la xadey balse ayadoon xoog badan lagu bixin baadigoobkiisa sida fudud loo soo helay! 1. Dastuurka la xadey qodobkiisa 9-aad wuxuu inkirayaa caasimadda dalka, wuxuuna ka dhigay mid muran ka taagan yahay, halka dastuurka dalka u yaalla isla qodobka 9-aad uu muujinayo caasimaddu in ya tahay magaalada Muqdisho. 2. Dastuurka la xadey qodobkiisa 91-aad wuxuu sheegayaa in mudada xil-haynta madaxweynaha dawladda federaalka ah ay tahay 5 sano, halka midka dalka laga isticmaalo isla qodobkiisa 91-aad ay sheegayso 4 sanadood. 3. Dastuurka la xadey qodobkiisa 65 (2) waxaa ku qoran in tirada xubnaha golaha shacabku tahay 225 xildhibaan, balse dastuurka dalka laga isticmaalo qodobkiisa 64 (2) waxaa ku qoran in tirada xildhibaanada golaha shacabku ay tahay 275 xildhibaan. Haddii Dastuurka la xaday dhexdiisa caasimadii dalka lagu xadey, dhanka kalena hal sano laga xadey mudadii xil-haynta Madaxweyne Xasan Sheekh, iyo in tirada xildhibaana golaha shacabku uu 50 xildhibaan dheeri ku tahay oo ayana la soo xadey! Guddoomiye Muudey-na uu barlamaankii 9-aad ku jiray, midka 10-aadna sanad iyo ka badan guddoomiye ku xigeenka koowaad ka ahaa muxuu u soo bandhigi waayey mudadaas 6-da sanadood ah oo ku soo aadiyey 15-kii maalmood ee uu ku simaha guddoomiyaha ahaa, isla markaana maanta loo qeybiyey asagoon ajendaha barlamaanka ku jirin? Mawduucan cusub ee la furay wuxuu dalkii ka dhigay bilaa dastuur, bilaa caasimad iyo in madaxweynaha Farmaajo uu hal sano oo madaxweynihii ka horeeyey Xasan Sheekh waqtigiisii xilhaynta uga harsanayd uu ka qaatay & barlamaan sharci-darro ah oo 50 xildhibaan oo dheeri ah dhexfadhiyaan oo lay dhici kasrto in Muudey laftiisu uu ka noqon karo kontonkaas haddii dib loo xisaabtamo!! Siday rabtaba ha noqontee mawduucani wuxuu albaabada u furi doonaa dood weyn oo kashifi doonta danta qarsoon ee laga lahaa arrintaan! War jiraaba cakaaruu iman!!