Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    210,539
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraala oo kasoo baxay Wasaarada Arrimaha dibada dalka Kuwait ayaa waxaa lagu sheegay inuu sii xoogeysanaayo khilaafka ka dhex aloosan dowladaha Khaliijka. Qoraalka oo kasoo baxay Xafiiska Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibada Khaled al-Jarallah, ayaa waxaa si gaara dowladaha banaanka ka ah khilaafka looga dalbaday inay u istaagan xalinta khilaafka taagan. Khaled al-Jarallah, waxa uu sheegay inay muhiim tahay in xal kama danbeyn ah loo raadiyo khilaafyada ka dhex aloosan dowladaha Khaliijka. ‘’Waxaan qireynaa in Khilaafka uu weli yahay mid taagan, waxaa jira xiisado hoose oo u baahan in laga gaaro xal kama danbeyn ah, sidaa aawgeed waxaan dowladaha carbeed ee aan qeybta ka aheyn khilaafka ka dooneynaa inay muujiyaan kalaintooda’’ Wasiir Khaled al-Jarallah, ayaa sheegay in hadii khilaafkan sii jiitamo uu khasaaro ku keeni doono guud ahaan xasiloonida iyo horumarka gobalka. Wuxuu sidoo kale Khaled al-Jarallah sheegay in xiisada ka dhex aloosan dalalkaasi ay dib u dhac ku keentay mashaariic badan oo ay horey u wada qaban jireen dowladahaasi. Wuxuu sheegay in docda kale ay dib u dhacyo ku yimaadeen wadahadaladii Khaliijka kula jiray dalalka caalamka sida wadanka Maraykanka. Sidoo kale, Kuwait ayaa sheegtay inaanu wali ka quusan xal u raadinta khilaafka, hase ahaatee la doonaayo inay meel u dhacdo xiisada isla markaana ay ku lug yeeshaan dowladaha kale ee carbeed. Haddalka kasoo yeeray Dowlada Kuwait ee ku aadan Xiisada ayaa kusoo beegmaaya xili maalmo un ka hor Wasiirka Arrimaha Dibada Qatar uu sheegay in lama huraan tahay in la xaliyo khilaafka kala fogeeyey dalalka Khaliijka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Madax iyo wariyaal ka socday idaacadaha iyo TV-yada Muqdisho ayaa maanta isugu yimid kulan ay kaga wada hadleen sida ugu macquulsan ee dhiiri galin loogu sameyn karo ciyaartooyda 17 jirada Somalia, kuwaaas oo 40 sano kadib gaaray final tartan heer Qaran ah. Sidoo kale qoraayaal iyo qaar ka mid ah ciyaartooydii hore ee Qaranka ayaa ka qeyb galay kulanka. Aragtiyo badan oo dhaxal gal ah ayey soo jeediyeen wariyaashii ka qeyb galay kulanka, waxaana ugu muhiimsanaa in dhaqaale aruurin iyo soo dhoweyn weyn loo sameeyo xulka 17 jirada Somalia. Waxaa la isku af gartay olole 7 cisho socon doona oo ay idaacaduhu dhaqaale uga aruurin doonaan dhageystaashooda iyo ganacsiyada ay la macaamilaan, goobta waxaa sidoo kale looga dhawaaqay guddi la baxay #CAAWINQARANoo wariyaal ah kaas oo la kulmi doona siyaasiyiinta iyo madaxda Dowladda si loogu bandhigo iney dhallinyaradaas caawimaad Qaran u sameeyaan. Maxamed Shuuriye Barakaat oo ka tirsan Universtaltv ayaa loo doortay gudoomiyaha guddiga #CaawinQaran halka Cabdulaahi Daahir Siyaad Dhakoos oo ah agaasimaha idaacada Goolfm loo doortay Xoghayaha Guddiga CAAWINQARAN. Burhaan Diini Faarax agaasimaha idaacada Kulmiye iyo Maxamedkaafi Shiikh Abuubakar tafaftiraha Radio Muqdisho ayaa loo doortay iney noqdaan labada qof ee lagu shubaayo dhaqaalaha laga soo aruuriyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed. Xubnaha Guddiga CaawinQaran waxaa ka mid ah. 1-Maxamed Shuuriye Barakaat 2-Abdiasis Hasaan Mohamed 3-Cabdulaahi Cismaan Faarax 4-Burhaan Diini Faarax 5-Cabdulaahi Daahir Siyaad Dhakoos 6-Maxamedkaafi Shiikh Abuubakar. 7-Cabdifitaax Maxamuud Siyaad Arizona. 8-Maxamed Cabdi Muudey. Guddiga CaawinQaran wuxuu si joogto ah usoo gudbin doona hadba heerka ay mareyso deeq aruurinta iyo cida wax ku tababarucday. Fadlan ku caawi qarankaaga wixii aad awoodo, adigoo la xiriiri kara guddiga #CaawinQaran ama idaacadaha ay lacag aruurintu ka socoto. Wixii aad guddiga kusoo hagaajineysid ku dir Burhaan Diini Faarax-Agaasimaha Radio Kulmiye-Tell +252615108019 Maxamedkafi Shiikh Abuubakar-Tafaftiraha Radio Muqdisho- Tell +252615118508 Cabdulaahi Cismaan Faarax Xiriiriyaha #CaawinQaran
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in dhawaan magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ay marti galiso Shir heer caalami ah oo looga hadli doono arrimaha dhuxusha sharci darada ah. Shirkaan ayaa la sheegay inuu qabsoomi doono 7-da Bisha May ee foodda inagu soo haysa, waxaana ka qeybgali doona Madax farabadan oo heer caalami ah. Shirkaan oo aan noociisa horay loogu qaban Somalia ayaa waxaa goobjoog ka ahaan doona Wakiilo heer caalami ah iyo Khubaro dhanka sharciyada ah kuna xeel dheer arrimaha degaanka. Dhinacyada lagu casuumay shirka ee kasoo qeybgali doona ayaa waxaa kamid ah QM laanteeda degaanka iyo waaxdeeda horumarinta. Waxaa goobjoogayaasha qeyb ka noqon doona deeq bixiyayaasha Caalamka, Hay’adda cunnada Adduunka ee FAO iyo xubno kale oo ka socda Beesha Caalamka. Ujeedka shirkaan ayaa ah in la joojiyo ka ganacsiga dhuxusha sharci darrada ah, soo saarista iyo adeegsiga aan habooneyn ee Dhuxusha Soomaaliya. Sidoo kale, shirka ayaa waxaa lagu wadaa inuu furi doono Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo, halka uu Khudbad ka jeedin doono Ra’isul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre. Dhanka Dowlada ayaa waxaa sidoo kale ku casuuman Wasiiro, Xildhibaano iyo Madaxda Hay’adaha maxaliga ee ku xeeldheer arrimaha deegaanka iyo degnaanshiyada. Si kastaba ha ahaatee, Kulankan oo ay hormuud ka tahay Dowladda Soomaaliya waxaa looga gol leeyahay in si degdeg ah lagu dhiso isbahaysi u dhaxeeya waddamada loo dhoofiyo Dhuxusha, khabiirrada caalamiga ah , kuwa maxalliga ah iyo deeq-bixiyeyaasha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Khartoum ee xarunta dalka Sudan ka dhacay munaasabad tababar loogu soo xiraayay dhalinyaro Soomaaliyeed oo halkaa ku qaadanaayay tababar ciidan. Dhalinyaradan tababarka loo soo xiray ayaa la sheegay inay yihiin Leyli Saraakiil kuwaa oo dib ugu soo laaban doona magaalada Muqdisho. Dhalinyaradan ayaa waxaa munaasabada kala qeybgalay madaxweynaah Dalka Sudan Cumar Xasan Axmed ‘’Albshiir’’ waxaana sidoo kale goobta ay ku qabsoomeysay munaasabada ka muuqday Soomaali farabadan. Saraakiisha dhalinyarada ah ayaa dalka Sudan wax ku baranayay muddo ku siman 2 sano,iyagoo bartay sharciga iyo Qaanuunka. Madaxweynaha Dalka Sudan Cumar Xasan Albashiir, ayaa goobta bilad sharaf kusiiyay Sarkaal lagu magacaabo Cumar Xasan Axmed oo ka mid ah saraakiishaasi tababarka loo soo xiray kaa oo galay kaalinta koowaad ee mudadii uu socday tababarkaasi. AlBashiir ayaa sheegay in Saraakiisha Soomaalida ee tababarka loo xiray u rajeynayaan guul wacan isla markaana ay noqon doonaan kuwo wax ka bedela xaalada Somalia.
  5. Khartuum (PP) ─ Magaalada Khaartuum ee Dalka Sudan ayaa waxaa lagu qabtay Munaasbaada tababar loogu soo xirayay dhallinyaro Soomaali ah oo in muddo ah uu tababar uga socday dalka Suudaan. Xafladdan waxaa ka qayb-galay Madaxweynaha Suudaan, Cumar Xasan Al-bshiir, kumannaan Somali ah iyo marti-sharaf kale, iyadoo saraakiishan loo soo xiray tababarka uu tababarku ku socday muddo laba sano ah. Saraakiil ka tirsan kuwii tababarkaas kasoo qayb-galay ayaa warbaahinta u sheegay in askartan Soomaaliyeed la barayay muddadii uu tababbarku uga socday Suudaan casharro la xiriira Sharciga iyo Qaanuunka. Kaalinta Koowaad ee tababarkan ayaa waxaa galay sarkaal lagu magacaabo, Cumar Xasan Axmed oo ka mid ah Saraakiishii Tababbarkan loo soo xiray, iyadoo madaxweynaha Sudan uu billad-sharaf Guddoonsiyay Cumar Xasan. Sidoo kale, Madaxweynaha Sudan oo goobta ka hadlay ayaa dhallinyaradaan Soomaaliyeed ku ammaanay xirfadaha ay barteen iyo tayadooda, wuxuuna kula dardaarmay inay dalkooda iyo dadkooda ugu shaqeeyaan aqoontii ay ku barteen dalkiisa. Dhanka kale, Saraakiisha Tababarka la siinayay ayaa isugu jireen Soomaali, Suudaan iyo Urdun, iyadoo sarkaalkan Soomaaliga ah ee Cumar Xasan uu ka galay kaalinta koowaad dhammaan askartii tababarka dhameystay. Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horreysay oo saraakiil Somali ay tababar kusoo qaataan dalka Sudan, balse waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo uu ka qaybgalo qalin-jabintooda madaxweynaha Suudaan. PUNTLAND POST The post Sarkaal Soomaali ah oo kaalinta koowaad ka galay Saraakiil lagu Tababaray Suudaan appeared first on Puntland Post.
  6. Kismaayo (PP) ─ Wararka laga helayo Dulleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland, ayaa sheegay in ciidammo isugu jiro Kenyan, Mareykan iyo kuwa Jubbaland ay bur-buriyeen saldhigyo ay Al-shabaab ku lahaayeen Deegaanka Sanguuni oo Qiyaastii 45-km u jira Kismaayo. Saraakiisha ciidanka hoggaaminayay ayaa sheegay in ay dileen in ka badan 30 xubnood oo Al-shabaab ka tirsanaa, sidoo kalana ay la wareegeen agab ciidan oo fara badan. Hawl-galkan oo ay hor-kacayaan ciidammo caddaan ah ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay waxay ka wadeen deegaannada dhaca duleedka Kismaayo, kuwaasoo ay Al-shabaab weerarrada kasoo qaadi jireen. Sidoo kale, Weerarkii ugu dambeeyay ee ciidammadan hawl-galka wada lala beegsaday ayaa ka dhacay deegaanka Buula-gaduud, oo Al-shabaab ay ku sheegteen inay ciidamada ku gaarsiiyeen khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aysan shaacin khasaaraha inta uu le’eg yahay. Warar qaar ayaa sheegaya in maanta dhaqdhaqaaqyo ciidan ay sameeyeen ciidamada Mareykanka, Kenyaanka iyo kuwa Jubbaland, kaasoo la sheegay inuu qorshihiisu yahay sidii Al-shabaab ay ugu saari lahaayeen Deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Jubbada Hoose. Dhanka kale, Meelaha ugu badan ay seddexdan ciidan ee is-kaashanaya ay ka fuliyeen hawl-galada ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Buulo-gaduud, Cabdalla-biroole iyo tuulooyin duleedka Magaalada Kismaayo ku yaalla. Ugu dambeyn, Gobalka Jubbada Hoose ayaa wuxuu ka mid yahay meelaha inta badan deegaannadooda ay ku dagaallamaan Xoogagga Al-Shabaab iyo ciidamada Jubbaland oo garab ka helaya ciidammo Mareynkanka iyo Kenyaan ah. PUNTLAND POST The post Ciidammo isugu jira Ajaanib iyo Soomaali oo bur-buriyay Saldhigyo ay lahayd Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  7. Aid agencies say nearly half a million people have been affected by heavy flooding in Somalia. The Norwegian Refugee Council described the situation as a "ticking time-bomb" for the outbreak of diseases like cholera and malaria. Source: Hiiraan Online
  8. Beledweyne (HOL) - Mohamed Abdi Ware, the regional President of Hirshabelle, has said that nearly 26,000 families in Beledweyne have been displaced by heavy flooding. Source: Hiiraan Online
  9. Beledweyne (HOL) - Mohamed Abdi Ware, the regional President of Hirshabelle, has said that nearly 26,000 people in Beledweyne have been displaced by heavy flooding. Source: Hiiraan Online
  10. At least 427,000 people have been affected by flooding due to heavy rains across Somalia in April, the Norwegian Refugee Council (NRC) said on Friday. Source: Hiiraan Online
  11. Deegaanka Lowya-Caddo oo u dhaxeeya Xadka Somalia la wadaago dalka Jabuuti waxaa booqday Agaasimaha Hay’adda Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Maxamed Aadan(koofi) balse waxaa booqashadaas beeniyey Maamulka Soomaaliland. Warbaahinta dowladda iyo Baraha Bulshada ayaa lagu soo bandhigay Sawirrada Agaasime Koofi oo ku sugan deegaanka Lowya-cadde laakin Soomaaliland ayaa sheegtay in aan waxba ka jirin oo la iska dhahay. Taliyaha Waaxda Socdaalka Maamulka Soomaaliland ayaa sheegay in Xaduudkooda ay ku sugan yihiin Ciidamadooda iyo masuuliyiin ka socda laanta Socdaalka Soomaaliland, isla markaana uusan imaan Karin masuul ka socda Dowladda Soomaaliya oo uu sheegay in ay kala dhaxeyso isjiid-jiid Siyaasadeed.
  12. Somalia has celebrated this year’s Girls in ICT day with the launch of an initiative to create gender parity in Somalia’s ICT industry. Source: Hiiraan Online
  13. Mogadishu (HOL) - The UN Special Envoy to Somalia has called on the international community to throw its support behind the Comprehensive Approach to Security (CAS) - Somalia’s plan to transfer security responsibility from the African Union to the Somali National Army. Source: Hiiraan Online
  14. Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa Magaalada Khartuum kaga qeyb galay munaasbaada ballaaran oo tababar loogu soo xirayay dhalinyaro Leyli Saraakiil ah oo in muddo ah loo tababarayay. Waxaa sidoo kale ka qeyb qeybgalay munaasabadan saraakiisha ciidanka Sudan, masuuliyiinta safaarada Soomaalida ee dalkaas iyo boqolaal Soomaalida ku nool Sudan. Saraakiisha dhalinyarada ah ee tababarka loo xiray oo isugu jira Soomaali, Suudaan iyo Urdun ayaa ku baranayay dalkaas sharciga iyo Qaanuunka muddo labo sano ah. Cumar Xasan Axmed oo ka mid ah saraakiisha tababarka loo soo xiray ayaa galay kaalinta koowaad mudadii uu socday tababarkan, iyadoo Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir uu bilada sharaf guddoonsiyay guuleystaha kaalinta koowaad galay ee Omar Hassan Ahmed. Wuxuu Cumar Xasan Axmed hormuud ka ahaa salaan sharaftii halkaasi lagu siiyay Madaxweyne Cumar Xasan Albshiir, iyadoo Madaxweynuhu ku aaanay dhalinyaradaasi xirfadaha ay barteen iyo tayadooda wanaagsan. Tababarka dadka la siinayay ee isugu jiray Soomaali, Suudaan iyo Urdun ayaa Cumar Xasan Axmed waxaa uu ka galay kaalinta koowaad. Saraakiishan ayaa waxaa la filayaa inay dhowaan dalka dib ugu soo laabtaan si ay uga mid noqdaan saraakiisha ciidamada dowlada.
  15. Burco ( Sh. M. Network )-Dibadbaxyo xoogan oo looga soo horjeeday xukunka xariga ah ee shalay Soomaaliland ay ku riday Boqor Cismaan Aw Maxamuud “Boqor Buur-Madow’ ayaa maanta ka dhacay magaalada Burco gobolka Togdheer ee Waqooyiga Soomaaliya. Dibadbaxayaasha oo isugu soo baxay gudaha magaaladaasi iyo nawaaxigeeda ayaa waxa ay dareenkooda ku muujinayeen, sida ay uga xun yihiin xariga Boqorkaasi. Waxaana dibadbaxayaashu ay ku qeylinayeen erayo ka dhan ah madaxda sare ee maamulka Soomaalilnad. Maxkamadda Hargeysa ayaa shalay xukun 5 Sano oo xabsi ah ku riday Boqor Buur-Madow oo si weyn looga yaqaano deegaanada Soomaaliland. Waxaana lagu eedeeyay in uu waday arrimo ka dhan ah jiritaanka Soomaaliland iyo in uu tagay ogolaansho la’aan deegaanada maamulka Puntland. 15-kii bishan ayey ahayd markii sidan oo kale S/land ay xukun ugu riday Naciimo Axmed Qorane oo lagu eedeeyay Qaran dumis, taas oo lagu xukumay 3-Sano oo xabsi ah. The post Dibadbaxyo looga soo horjeedo xariga Boqor Buur-Madow Oo ka dhacay Burco appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Every morning, 28-year-old Officer Shamis Abdi Bile rises before dawn to make breakfast for her husband and three young children. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maalmahaan magaalada Muqdisho ka socda Olole ballaaran oo la xiriira kursiga Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka, kuwaasi oo tiradoodu ay gaarayso 11, doorashada la filayo in ay dhacay 30 bishaan April 2018. Durba waxaa aad Muqdisho looga dareemay miisaanka iyo saamaynta uu doorashada ku leeyahay Murashax C/casiis Lafta Gareen, waxaana aad isku soo taraysay maalmihii ugu dambeeyay kulamo aan kala joogsi lahayn oo Murashaxaan uu la yeelanayay Xildhibaannada Golaha Shacabka oo iyagu kula taliyay in uu kursigaan isu soo taago, Siyaasiyiinta, Iyo qaybaha bulshada Soomaaliyeed ee kale duwan. Dad badan ayaa Musharax Lafta Gareen u arka Musharax madax banaan oo aan cidina wadin, kana madax banaan dhinacyada isku haya siyaasadda dalka. Waana sababta loogu aqoonsaday “Murashaxa Golaha Shacabka Soomaaliyeed” Shirarkaas, waxaa bar bar socday taageero kale duwan oo ka imaanaysa dadka magaca ku leh bulshada Soomaaliyeed, shaqsiyaadkaas waxaa ka mid ah Fanaanka caanka ah ee Soomaaliyeed Oomaar oo fariin Muuqaal ah oo uu Pagekiisa Facebook ga soo dhigay ka codsaday Xildhibaannada Golaha Shacabka in ay doortaan Musharax Lafta Gareen. C/casiis Lafta Gareen ayaa dad badan waxay u arkeen Siyaasi Midayn kara Baarlamaanka Soomaaliya, lana shaqayn kara Golaha Fulinta, Golaha Sharci dajinta, Guddoomiyaasha Baarlamaannada Maamul Goboleedyada, Iyo Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Halkaan ka daawo Fariintiintii Fanaan Oomaar
  18. Toronto (HOL) - Is the salad ready to make the jump from appetizer to entrée? Source: Hiiraan Online
  19. Toronto (HOL) - Is the salad ready to make the jump from appetizer to entrée? Source: Hiiraan Online
  20. The UAE's engagement with Puntland is crucial to development and security in the impoverished Somali state, its president said. Source: Hiiraan Online
  21. NAIROBI, April 26 (Xinhua) -- The African Union is considering imposing sanctions on leaders who will appear to be frustrating the South Sudan peace process, a senior official at the pan African body disclosed on Thursday. Source: Hiiraan Online
  22. New research from the University of Minnesota concludes 8-year-olds in Hennepin and Ramsey counties are diagnosed with autism at a higher rate than the national average. Those behind the study said the findings highlight the need for robust services to help identify and treat people with autism spectrum disorder. Autism is a developmental disability that can cause significant social, communication and behavioral difficulties. It has been a major concern in the Twin Cities Somali-American community. Unfounded fears that the measles vaccine contributes to autism helped fuel a large measles outbreak that mostly sickened unvaccinated Somali-American Children. To gauge the incidence of autism, U of M researchers looked at 2014 medical and education records of nearly 10,000 8-year-olds in Hennepin and Ramsey Counties. They discovered that 2.4 percent of them had been diagnosed with autism. That’s considerably higher than the national average of 1.7 percent. The lead researcher, Amy Hewitt, said with more than 30 percent of Minnesota’s population residing in those two urban counties, the study underscores the importance and challenge of identifying and treating autism. “A lot of children in Minnesota have autism and we need a service system that can find them early, get early intervention services to them, make sure that they’re getting the treatment and education they need in schools and we have to keep in mind that these children grow up,” she said. “They’re going to transition, they’re going to need jobs, they’re going to need support throughout their life.” The relatively high prevalence of autism in Hennepin and Ramsey counties could result from health and education systems doing a better job detecting autism than in other parts of the country, Hewitt said. Researchers say autism is reliably diagnosable by age 2, but nearly half of the kids in the study had not been diagnosed until they were almost 5. “The earlier we can get intensive behavioral interventions to kids, the better their life outcomes are going to be and the less service they’re going to need when they’re older,” Hewitt. The study also examined autism rates among Somali- and Hmong- American children in the two counties. The autism rate among Somali-American children was 3.8 percent which is higher than the overall populations’ but researchers stress the difference is not statistically significant for both populations. They couldn’t rule out mere chance as the explanation. University of Minnesota public health worker Anab Gulaid said it’s important that the autism study results be understood in their full context, on April 26, 2018. Mark Zdechlik | MPR News But given the topic’s sensitivity in the community, the researchers fear the findings may lead some in the Somali-American community to conclude their kids are more likely to become autistic. That could further impede efforts to ensure Somali-American kids get their vaccines. University of Minnesota public health worker Anab Gulaid, a Somali-American woman, said to help head that off she and other researchers presented their findings to community leaders before making their results public. She expects more such meetings will take place. “We are certainly available to present the information at community sites and talk to anyone who’s interested in understanding the context,” Gulaid said. Source: – MPRNEWS
  23. The children can't believe their luck. Storms and showers have turned their dirt football pitch into a lake. Source: Hiiraan Online