Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,098
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madax sare oo ka tirsan shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa sheegay in mid ka mid ah xubnaha golaha wasiiradda ee xukuumadda Somalia uu shirkadda weydiisay lacag baad ah oo dhan nus milyan dollar ($500,000) intii ay socotay baarista Qaraxii ay dadka badan ku dhinteen ee Zoobe ka dhacay 14kii October. Wasiirkaan ayaa shirkadda u sheegay in labo shaqsi oo ka tirsan shirkadda Hormuud oo dhowr bilood ka hor damiintay gaarigii is qarxiyay inuu dusha u saari doono kiis Al Shabaabnimo ah hadii aaney ka bixin lacag nus milyan Dollar ah oo ay ragaasi kaga bad baadineyso Shabaabnimo. Labaddan shaqsi oo wasiirka Amniga Somalia uu tiro labo jeer ah sheegay iney damiinteen gaarigii is qarxiyay ayaa hada ku jira gacanta Dowladda Somalia. Hormuud waxey u sheegtay Dowladda Somalia in la baaro Ragga gaariga damiintay ee shaqalahooda ka tirsanaa lana marsiiyo cadaaladda oo hadii ay dambi lee yihiin la xakumo ,hadii aaney dambi laheyna lasii daayo waxaase la yaab ku noqotay madaxda Hormuud in mid ka mid ah wasiiradda xukuumadda uu shirkadd weydiisyto lacag intii ay baaristu socotay. Wasiirkaan oo heysta dhalashadda UK ayaa qaar ka mid saamileydda shirkadda Hormuud ee kunool Ingriiska waxey sheegeen iney dacwad ka gudbin doonan iyagoo sheegay iney hayaan codad cadeynaya lacagaha uu weydiistay iyo hanjabaadiisa, sidoo kale waxey sheegeen iney arintaan la wadaagi doonaan Ra’iisul wasaraha iyo madaxweynaha Somalia. Waa wasiirkii labaad oo ka tirsan xukuumadda Ra’iisul wasaare Kheyre oo lugaha la gala kiis fadeexad iyo musuq maasuq ah bil gudaheed mana jirto wali talaabo uu qaaday Mr Kheyre. Dowladda ayaa xalay soo saartay warar is diidan oo la xiriira Qaraxii Zoobe iyadoo wasiirka amniga Isloow uu sheegay in la hayo 5 nin oo qaar ay Al Shabaab yihiin qaarna ay gaariga damiinteen halka wasiirka warfaafinta Yariisoow uu isna sheegay in 5ta ninba ay Al Shabaab yihiin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa muddo sanad ah ku kordhiyay hindisihii qeyb ahaan Soomaaliya looga qaaday Cunaqabateynta Soomaaliya. 11 ka mid ah Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa u codeeyay in ilaa 15ka November 2018 la gaarsiiyo qaadista qeyb ka mid ah cunaqabateynta Hubka ee saran Soomaaliya. Waxaana isla kulankaas lagu mamnuucay dhoofinta Dhuxusha Soomaaliya iyo in Hubka sharci darrada ah la mariyo biyaha Soomaaliya. 4 ka mid ah 15ka dale e Golaha amaanka ayaa ka maqnaa kulanka waxaana ay kala ahaayeen China,Masar,Bolivia iyo Ruushka,iyada oo 11kii fahdiyay u codeeyeen muddo kordhinta. Sidoo kale waxaa iyana ilaa 15-ka December 2018 la gaarsiiyay heshiiska Kooxda dabagalka Soomaaliya iyo Eritrea ee Qaramada Midoobey,waxaana looga codsaday in ay sii wadaan shaqadooda baaritaannada u badan. Kooxdan SEMG, ayaa sanadkan baaritaannadooda diiradda ku saaraya waxyaabaha qarxa ee loo dhoofiyo Soomaaliya sida Kiimikada, Precursors ammonium nitrate, potassium chlorate, potassium nitrate iyo sodium Chlorate, oo Goluhu tuhmayo in lagu fuliyay Qaraxyo ka dhacay Soomaaliya. Sidoo kale kooxda dabagalka ayaa warbixin looga dhageystay kulanka waxaa ay ku sheegeen in baaritaankooda sanadkii la soo dhaafay ay ku waayeen in wax xiriir ah ka dhaxeeyo Al-Shabaab iyo Dowladda Eritrea. Warbixinta Golaha ammaanka ayey dowladd Eritrea uga codsadeen in kooxdan dabagalka u oggolaadaan in ay dalkaasi galaan islamarkaana sameeyaan baaritaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Harare (Caasimadda Online) – Waaberigii hore ee saakayto ayey Milliteriga dalkaasi waxay la wareegeen Talada dalkaasi, waxayna Gaadiidka Gaashaaman ku go’doomiyeen dhamaan Xafiisyadda Dowladda, Dhismaha Barlamaanka iyo Maxkamadda Sare ee ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Harare. War ay Milliteriga soo saareen, lagana sii daayey Telefishinka Qaranka ayey ku sheegeen inay beegsanayaan Dembiilayaasha ku hareeraysan Madaxweynaha da’da ah ee Robert Mugabe. Bayaanka waxaa kaloo lagu sheegay in Madaxweynaha oo 93-jir iyo Qoyskiisa bad-qabaan Israsaasayn culus iyo dhawaqa gantaallo ayaa laga maqlay dhanka waqooyi, inkastoo aysan caddayn waxa ay xaaladdu ku sugan tahay. Ilaa iyo hadda ma jiro wax hadal hadal ah oo ka soo yeeray madaxweyne Robert Mugabe 93 jir ah. Safiirka Zimbabwe ee Koonfur Afrika Isaac Moyo wuxuu meesha ka saaray wax afgambi ah, wuxuuna sheegay in ay dawladdu wali shaqaynayso. Xaaladdan ka sii daraysa ayaa timid ka dib markii xisbiga talada haya ee Zimbabwe uu taliyaha ciidammada ku eedeeyay “khiyaano qaran” ka dib markii uu ka digay in ay macquul tahay in milatarigu uu xaaladda soo farogaliyo. Generaal Constantino Chiwenga ayaa khilaafay madaxweyne Mugabe ka dib markii uu xilka ka qaaday madaxweyne ku xigeenkii. Madaxweyne Zimbabwe iyo Xaaskiisa Grace Mugabe oo rajeynayso inay Xilka kala wareegto Ninkeeda ayaan la arkin ama la maqlin halka ay ku dambeeyeen. Wasiirkii Maaliyadda ee dalkaasi, Ignatius Chombo oo hoggaamiyaGarabka G40 ee Xisbiga ZANU PF ee haya Talada dalkaasi ayaa la sheegay inay Ciiddanku Xabsiga dhigeen. Sarreeye Gaas SB Moyo oo ah Taliyaha Guud ee Loojistikada oo ka hadlay Telefishinka Qaranka ayaa sheegay inay Ciiddanka begsanayaan Dembiilayaasha ku hareeraysan Madaxweyne Mugaabe, kuwaasi oo uu ku eedeeyey inay galayaan Dembiyo dhibaataynaya Dhaqaalaha iyo Bulshadda Zimbabwe. Wuxuuna intaasi ku daray in Dembiilayaasha la hor geyn doono Caddaalada.. “Isla marka aan dhamayno Hawlgalkaasi, waxaan rajeynaynaa inay Xaalladu caadi noqon doonto”ayuu yiri Jeneral SB Moyo. Dhaqdhaqaaqa Mucaaradka ee Isbedel-doonka Zimbabwe (Movement for Democratic Change) waxay ku baaqeen in si nabad ah loo soo celiyo Dastuurka Dimuqraadiyadda, waxayna rajo ka muujiyey inay Faragelinta Milliteriga horseedi doonto Asaaska Deganaansho, Dimuqraadiyad iyo Horukaca Qaranka. Warbaahinta Koonfur Afrika: Mugabe “wuxuu doonayaa in uu iscaslio” Sida ay baahinayaan qaar ka mid ah warbaahinta dalka Koonfur Afrika, Madaxweyne Robert Mugabe wuxuu isu diyaarinayaa in uu xilka ka dego, saacado ka dib markii “militariga ay la wareegeen awoodda”. “Mugabe wuxuu doonayaa in uu iscasilo”, ayuu wargeyska News24 ku qoray boggiisa asigoo soo xiganaya sarkaal sare. Balse faafaahin dheeraad ah kama bixin. Xiisad siyaasadeed ayaa sare u sii keceysay tan iyo markii madaxweyne Mugabe uu shaqada ka ceyriyay ku xigeenkiisii, Emmerson Mnangagwa, kaas oo muddo saaxiib dhow la ahaa Mugabe. Gawaari gaashaaman oo ku sugan jidadka Harare Militariga ayaa dhex wareegaya jidadka caasimadda dalka Zimbabwe ee Harare. Sawirro saaka laga qaaday Harare ayaa muujinaya gawaari waawayn oo gaashaaman iyo ciidamo si toos ah u joojinaya gawaarida.
  4. Korjoogayaasha caalamiga ahaa ee doorashada Somaliland ayaa qoraal hor-u-dhac ah oo ay soo saareen waxaa ay guud ahaan ku tilmaameen qaabka ay doorashadu u dhacday mid wanaagsan. Kooxdan ayaa sidoo kale ku soo bandhigay qoraalkooda dal-daloolooyin ka muuqday qaabka doorashadu u socotay, waxaa ay sheegeen in hannaanka wacyigelintu ay aad u liidatay taasina keentay in dad badani garan waayaan goobaha ay codka ka dhiibanayeen. Korjoogayaasha caalamiga waxaa ay qoraaalka ku sheegeen in ka war hayaan carruur aan gaadhin da’da codaynta oo loo ogolaaday inay codeeyaan. Dhinaca kale, waxaa ay sheegeen sidoo kale sheegeen in qaabkii sirta ahaa ee loogu tallo gallay ama ay ahayd in codeeyuhu u dhiibto codka dibadda la soo dhigay ama la khashifay. Dadka da’da ah ama waayeelka u badan ee u baahnaa in laga caawiyo cidday u codaynayaan la isweydaariyay meelaha qaarkood. Waxaa ay sheegeen in ay warbixin buuxda soo saari doonaan dhawaan. Dhinaca kale, Cabdiqaadir Jirde oo u hadlay Xisbiga Wadani ayaa ka cawday in mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga la xiray, qaarna dhaawacyo soo gaareen sida Faadumo Saciid iyo Xamse Kheye iyaga oo intaasi ku daray in xeerkii lagu tuntay sida muraaqibiintooda oo la saaray, handadaad loo geystay dadkii ka wakiilka ahaa xisbigooda iyo meelo uu sheegay ay Barasaabyada galayaan goobaha codadka lagu tiriyo. Goobjoog News Source
  5. Dowlada Soomaaliya ayaa soo bandhigtay Magacyada dad lagu tuhnsan yahay qaraxii 14-kii bishii la soo dhaafay Octoober ka dhacay isgoyska Zoobe, ka dib baaritaano dheeri ah oo ay sameeyeen Hay’adaha amaanka. Wasiirka Amniga gudaha ee dowlada Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow(Ducaale) ayaa shaaca ka qaaday shaqsiyaadka loo qabtay falkaasi qaraxa waxayna kala yihiin Mukhtar Mohamud Hassan (Gardhuub) – Abdiweli Ahmed Dirie (Abdiqani) oo ahaa madaxa qaraxyada Gobolka Benaadir, marka uu Gardhuub amarka ka yimaado Hassan Aden Isaq, oo ahaa darawalkii gaariga Noha-da, ahaana isku xirihii weerarka 14ka Oct, inta uusan wareejin Noha baa la qabtay. Ali Yusuf Wa’eys (Duale) oo ahaa shaqsigii loo diyaariyey inuu Noohada isku qarxiyo. Abdullahi Abdi Warsame Gaariga TM ka drawalka waday oo isku qarxiyey waa Maadey (Cismaan Xaaji) Source
  6. Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay xiriirka wada-shaqeyneed ee isaga iyo madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ka dhexeeya ayaa sheegay inaysan jirin wax khliaafaadyo ah oo soo dhex-galay isaga iyo madaxweynaha tan iyo markii xafiiska loo magacaabay oo laga joogo haatan siddeed bilood. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa hadalkan ka sheegay Munaasabad ka dhacday xalay Muqdisho oo ay ka Qayb-galeen boqolaal dhallinyaro ah, isla mar ahaantaana loogu baroor-diiqayay dadkii ku naf-waayay Qaraxii Isgoyska Zoobe ka dhacay 14-kii Oktoobar. “Sideeddii bilood ee aan Xafiiska joogay Aniga iyo Madaxweynaha marna isma khilaafin, wax muran ahna nama soo dhex-gelin, waana mid ku cusub dhagaha shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Somalia. Khayre oo sii hadlayay ayaa tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay horay u arki jireen in madaxda ugu sarreysa dalka ay arrimo siyaasadeed oo aan mug badan lahayn isku qaban jireen, balse aanay taasi hadda jirin. Marka dib loo eego eego Sooyaalka khilaafka siyaasadeed ee Mas’uuliyiinta dalka soo kala dhex-gala ayaa la dareemi jiray marka xafiiska ay muddo sannad ah joogaan Ra’iisul Wasaarayaashii Dalka soo maray, marka la eego afartii sano ee Xukunka hayay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo ay sannadka ugu horreeya is-qaban jireen Ra’iisul Wasaarayaashii hore, sida Cabdi Faarax Shirdoon iyo C/wali Sheekh Axmed, oo labadaba markii uu soo dhex-galay khilaafka iyaga iyo madaxweynaha ugu dambeyn kalsoonida ay kala laabteen xildhibaannada Baarlamaankii hore. Ugu dambeyn, Hadalka Ra’iisul Wasaare Kheyre kasoo yeeray oo ah in isaga iyo Madaxweynaha aysan is khilaafin ayaa kusoo beegmaya, xilli ay farqaha ku dhagan yihiin siyaasiyiin mucaaradsan xukunkooda. PUNTLAND POST The post RW KHAYRE: Ma jiro khilaaf nasoo dhex-galay aniga iyo Madaxweynaha tan iyo markii aan… appeared first on Puntland Post.
  7. Ra’isilwasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow ku wajahan Degmada Baraawe ee Gobolka Sh/hoose. Amaanka guud ee Magaalada Baraawe ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana halkaasi sugaya amaanka ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM. ujeedada Ra’isilwasaare Kheyre uu Baraawe u tagayo ayaa ah sidii u soo indha indheeyn lahaa xaaladaha halkaasi ka jira. Magaalada Baraawe ayaa ah Magaalo Xeebeed dhacd Gobolka Sh/Hoose waxaana ay ku Magacaabtahay Caasimada Maamulka Koonfur Galbeed inkastoo aanay Maamulka ku Shaqeeynin. Dhowr Sano ka hor ayaa Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM Al-Shabaab ka saareeyn magaalada Baraawe oo ah magaalo istiraatiiji ah. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ra’isilwasaare Kheyre oo ku Wajahan Baraawe appeared first on Puntland Post.
  8. Dowlada Soomaaliya ayaa soo bandhigtay Magacyada shaqsiyaad ku lug yeeshay qaraxii lagu xasuuqay shacabka Soomaaliyeed ee 14-kii bishii la soo dhaafay Octoober ka dhacay magaalada Muqdisho, ka dib baaritaano dheeri ah oo ay sameeyeen Hay’adaha amaanka. Wasiirka Amniga gudaha ee dowlada Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow(Ducaale) ayaa shaaca ka qaaday shaqsiyaadka loo qabtay falkaasi qaraxa waxayna kala yihiin 1- Mukhtar Mohamud Hassan (Gardhuub) – 2- Abdiweli Ahmed Dirie (Abdiqani) oo ahaa madaxa qaraxyada Gobolka Benaadir, marka uu Gardhuub amarka ka yimaado 3- Hassan Aden Isaq, oo ahaa darawalkii gaariga Noha-da, ahaana isku xirihii weerarka 14ka Oct, inta uusan wareejin Noha baa la qabtay. 4- Ali Yusuf Wa’eys (Duale) oo ahaa shaqsigii loo diyaariyey inuu Noohada isku qarxiyo. 5- Abdullahi Abdi Warsame Gaariga TM ka drawalka waday oo isku qarxiyey waa Maadey 6- (Cismaan Xaaji) PUNTLAND POST The post Dowlada Soomaaliya oo Soo Bandhigtay Shaqsiyaad loo Qabtay Qarixii Soobe appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar hoose oo aan ka heleyno Villa Somalia, ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre uu maanta socdaal kadis ah ku gaari doono degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa hogaamin doona Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil ciidan, waxa ayna booqan doonaan Saldhigyo ay ciidamada dowlada kala wareegen maleeshiyaadka Al-shabaab. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sidoo kale booqan doona Xarumaha maamulka degmada iyo Xarunta Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed ee halkaasi laga dhisay. Waxa uu sidoo kale Kheyre booqan doonaa Xerooyin ay ku jiraan ciidamo ka tirsan dowlada kuwaa oo loo diyaariyay in maleeshiyaadka Al-shabaab ay kasoo jabiyaan dhabarka, si Gobolka Shabellaha Hoose ay ugu soo laabato gacanta dowlada. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa inta uu halkaa ku sugan yahay la kulmi doona Saraakiil ka tirsan ciidamada Mareykanka oo halkaa iminka ku diyaarsan kuwaa oo ay kawada hadli doonaan duulaanka iyo sida ciidamada dowlada looga caawin lahaa la dagaalanka Alshabaab. Dhinaca kale, waxaa aad loo adkeeyay amniga degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, maadaama ay halkaa daris la tahay Saldhigyada ugu waaweyn ee maleeshiyaadka Alshabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Ciidamada Amaanka Dowlada Soomaaliya ayaa xalay dekada Muqdisho ku qabtay raashin dhacay oo dhaafay xadkii loogu talagalay. Raashinkaan ayaa ku jiray baqaar ku yaala Dekada Magaalada Muqdisho halkaasi oo ganacsato ay keensadeen lana doonayay in lagaliyo gudaha Magaalada Muqdisho. Wasiirka amniga gudaha Maxamed Abuukar Islow Ducaale, oo uu wehliyo kusimaha taliyaha hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka soomaliya ee (NISA), g/sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur (jaamac) ayaa tagay goobta raashinkaan lagu qabtay. Wasiirka oo la hadlay wariyaasha ayaa sheegay in ay raashinkaasi ay ku tuhunsanyihiin gacansato Soomaaliyeed baaritaanka kadibna warbaahinta ay u soo bandhigi doonaan. Tan iyo markii ay dhacday xukuumadii dalka Soomaaliya 1991 dalka Soomaaliya waxaa la soo galiyaa raashin dhacay. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ciidamada Dowlada oo Muqdisho ku qabtay Raashin dhacay appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa shaaca ka qaaday inay la socto dhibaatooyinka ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ku qabaan Baasaboorka xiliyada ay safarka yihiin. Wariirka Arrimaha Dibadda Somalia Yuusuf Garaad Cumar oo ka hadlaayay arrinta Baasaboorka ayaa tilmaamay inay ku howlan yihiin xal u helida, waxa uuna carab dhabay in muwaadiniinta qaarkood aan loola dhaqmin sida inay wataan Baasaboor sax ah. Wasiir Garaad waxa uu sheegay inuu culeys ka jiro Baasaboorka Soomaaliga oo intiisa badan taagan xiliyada ay muwaadiniinta u socdaalan wadamo ay kamid yihiin kuwa deriska la ah Somalia. Wuxuu sheegay wadamada qaarkood Baasaboorka Soomaaliga in aysan aqoonsaneyn, ama culeysyo gaar ah ay saarayaan, taas bedelkeeda wuxuu codsaday in wadamadaas ay yareeyaan culeyska jira. Waxa uu Garaad tilmaamay in dhammaan wadamada muhiimka ah uu kala hadli doono aqbalaada Baasaboorka xiliyada ay safarka yihiin muwaadiniinta Soomaalida ah si ay u gutaan qorshooyinkood Safar. Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in wadanka Hindiya uu kala soo heshiisyay in ay ardayda iyo dadka xanuunsan ee Soomaaliyeed u fududeeyaan Viisaha. Geesta kale, waxa uu Wasiirka cod dheer ku sheegay in Madaxda ugu sareysa dalka ay Wasaaradiisu la kaashan doonto hanaanka lagu fududeyn lahaa in Baasaboorka Somalia lagu aado dhammaan dalalka afrikanka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Maamulka Puntland ayaa markii ugu horreysay ka hadlay duqeyn ay diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen gobolka Bari, lalana eegtay dagaalyahanno ka tirsan Daacishta Soomaaliya. Wasiirka amniga iyo hub ka dhigista Puntland, Axmed C/laahi Yuusuf oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in duqeymahaasi lagu diley ku dhowaad 40 ka tirsan Daacish. “Arrintaasi waa ay jirtay waana cadowga Labada buurood ku jira, sidaan wararka ku hayno waa in ka badan 40 askar ah ayaa lagu diley, laakiin markii ay wax dhacaan muddo ayeey qaadataa in wixii xaqiiqada ah si sax ah loo helo” Wasiirka ayaa howlgalladan ku tilmaamay kuwo lagu baacsanayo Daacish iyo Al-shabaab, iskana kaashanayaan ciidamadooda iyo kuwa Maraykanka. “Wey jirtay duqeymo is xigxigey oo ciidamada Maraykanka sameeyeen, ciidamadeena oo iskaashi la sameynayana halkaasi waa ay tageen, laakiinse weli wararka waxay sheegayaan in ninkii hoggaaminayey uu buuraha ku jiro” Ugu dambeyn wasiir Axmed ayaa sheegay in maamulkooda ay ka go’an tahay iney soo afjaraan dagaalyahannada Daacish ee ku sugan buuraha Galgala. Goobjoog News Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa duqeymo cirka ah oo xalay ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose. Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa la xaqiijiyay in lala bartilmaameystay Saldhig ay ku sugnaayen Saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab kuwaa oo horay uga baxsaday duqeyntii ka dhacday deegaanka Basra. Duqeynta ayaa waxaa fuliyay diyaarado nooca aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drones-ka oo uu leeyahay Mareykanka. Laba gantaal ayaa la sheegay in lagu dhuftay Saldhiga ay maleeshiyada ku leeyihiin deegaanka Yaaq-bariweyne, waxaana xiligaa ku sugnaa Saraakiil caan ahaa oo ka tirsan argagixisada Somalia ee al-Shabaab. Duqeynta ayaa waxaa lagu dilay ilaa 6 maleeshiyo oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo ku sugnaa saldhiga lagu duqeeyay. Sidoo kale, Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo si dhow ula shaqeeya Ciidamada Mareykanka ka jooga Somalia, ayaa sheegay in Duqeynta ay ka dhacday bar Kontarool oo Al-shabaab ku lahayeen Degaanka Yaaq-bari Weyne. Dhinaca kale, Dowlada Mareykanka ayaa kordhisay duqeymaha ay ku fuliyaan Drones-ka ee lala beegsado Saldhigayada Shabaab ee Gobolada dalka ay ku leeyihiin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Zimbabwe’s military has read out a statement after taking over the national broadcaster, ZBC, saying it has taken action to “target criminals”. However, it said this was not “a military takeover of government” and President Robert Mugabe was safe. Heavy gunfire and artillery were heard in northern suburbs of the capital, Harare, early on Wednesday. Zimbabwe’s envoy to South Africa, Isaac Moyo, earlier dismissed talk of a coup, saying the government was “intact”. The statement read out by Maj Gen Sibusiso Moyo came hours after soldiers overran the headquarters of ZBC. He said: “We wish to assure the nation that his excellency the president… and his family are safe and sound and their security is guaranteed.” The statement added: “We are only targeting criminals around him who are committing crimes… that are causing social and economic suffering in the country. As soon as we have accomplished our mission, we expect that the situation will return to normalcy.” The statement did not name those targeted but a government source quoted by Reuters said Finance Minister Ignatius Chombo was among those detained. It is not clear who is leading the military action. Other key points of the statement included: Citizens should remain calm and limit unnecessary movement The military assures the Zimbabwean judiciary that its independence is guaranteed Security services should “co-operate for the good of our country” and any provocation would “be met with an appropriate response” All leave for the defence forces is cancelled and they should return to barracks immediately The UK Foreign Office advised Britons “currently in Harare to remain safely at home or in their accommodation until the situation becomes clearer”. The US embassy in Harare tweeted that it would be closed on Wednesday “due to ongoing uncertainty”. It also advised US citizens in Zimbabwe to “shelter in place” until further notice. The latest events came hours after Zimbabwe’s ruling party accused the country’s army chief of “treasonable conduct” after he warned of possible military intervention. General Constantino Chiwenga had challenged 93-year-old President Mugabe after he sacked the vice-president. Gen Chiwenga said the army was prepared to act to end purges within Mr Mugabe’s Zanu-PF party. Tensions were raised further on Tuesday when armoured vehicles were seen taking up positions on roads outside Harare, although their purpose was unclear. Some staff at ZBC were manhandled when soldiers took over their offices in Harare late on Tuesday evening, sources told Reuters. Workers were told that they “should not worry”, a source added, and that soldiers were only there to protect the site. The BBC’s Shingai Nyoka, in Harare, said the sounds of heavy gunfire and artillery had been heard in northern suburbs where a number of government officials, including the president, live. Gunfire was heard near Mr Mugabe’s residence in the suburb of Borrowdale early on Wednesday, a witness told AFP news agency. Mr Mugabe sacked Vice-President Emmerson Mnangagwa last week, amid a row over succession. Mr Mnangagwa had previously been seen as an heir to the president, but First Lady Grace Mugabe is now the clear front-runner. The rivalry between Mrs Mugabe and Mr Mnangagwa has split Zanu-PF. Last month, Mrs Mugabe warned of a possible coup plot, saying allies of Mr Mnangagwa were threatening the lives of those who didn’t support him. The Zanu-PF party said Gen Chiwenga’s comments were “calculated to disturb national peace… [and] incite insurrection”. The party said it would never succumb to military threats, and that it “reaffirms the primacy of politics over the gun”. The leader of Zanu-PF’s youth wing, Kudzai Chipanga, said the general did not have the full support of the entire military. “It is our country and future at stake and we will not let any individual military man interfere with the leader of the party and legitimately voted president of this country,” he told reporters on Tuesday. The youth wing is a strong supporter of Grace Mugabe. Gen Chiwenga’s warning of possible military intervention came on Monday at a news conference at army headquarters where he was surrounded by senior army officers. He said the “purging” within Zanu-PF was “clearly targeting members of the party with a liberation background”, referring to the country’s struggle for freedom from white minority rule. “We must remind those behind the current treacherous shenanigans that when it comes to matters of protecting our revolution, the military will not hesitate to step in,” he said. Mr Mnangagwa is one such veteran of the 1970s war which ended white minority rule. Source: BBC
  15. The Security Council on Tuesday renewed until 15 November 2018 the partial lifting of the arms embargo on Somalia, authorization for maritime interdiction of illicit arms imports and charcoal exports, and the humanitarian exemption. In the resolution adopted by 11 affirmative votes and four abstentions, the 15-member body requested the Somalia and Eritrea Monitoring Group (SEMG) to continue its investigations related to the export to Somalia of chemicals that may be used as oxidisers in the manufacture of improvised explosive devices, such as the precursors ammonium nitrate, potassium chlorate, potassium nitrate and sodium chlorate. Those abstained in the vote were Bolivia, China, Egypt and Russia. Further, the Council extended until 15 December 2018 the mandate of the SEMG, and recognised that during the course of its current and three previous mandates, the SEMG has not found conclusive evidence that Eritrea supports Al-Shabaab in Somalia. The Council expressed its intention to keep measures on Eritrea under regular review, in light of the upcoming midterm update by the SEMG due by 30 April 2018. Recalling the three meetings between an Eritrean government representative and the SEMG, the Council reiterated its expectation that Eritrea’s Government will facilitate the entry of the SEMG into Eritrea to discharge fully its mandate. The Council urged Eritrea and Djibouti to engage on the issue of the Djiboutian combatants missing in action and to seek all available solutions to settle their border dispute peacefully. Source: UN News Centre
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Hay’adaha amniga dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa muddo bil kadib soo bandhigay magacyada iyo Sawirada ragga loo hayo Qaraxii 14-kii October ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Hay’adaha amniga oo weli baaritaan ku haya ragaasi ayaa sheegay in qaarkood ay yihiin qiraal, halka qaarna ay weli ku dhiman yihiin macluumaadka laga doonaayo. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo ah Wasiirka Warfaahinta Xukuumadda Federaalka Somalia, oo arrinta Qaraxa ka hadlay ayaa sheegay in tirada ragga loo hayo Qaraxa ay yihiin 5 dhalinyaro oo falka qirtay. Waxa uu Wasiirku sheegay in ragga lasoo bandhigay sawirkooda uu kamid yahay dhagar qabihii isku Qarxiyay isgoyska Zoobe ee kaxeynayay Gaarigii TM-ka ahaa. RAGGA LOO QABTAY QARAXA ZOOBE EE LASOO BANDHIGAY AYAA KALA AH: 1-Mukhtaar Maxamuud Xasan oo ku magacdheer (Gardhuub) 2-Cabdiwali Axmed Diiriye (C/qani) oo ahaa Madaxa Qaraxyada Gobolka Banaadir, waxa uuna ka hoos shaqeyn jiray Gardhuub. 3-Xasan Aadan Isaaq oo ahaa Darawalkii Gaariga NOAH-da, ahaana isku xirihii weerarkii Zoobe, inta uusan wareejin NOAH-da ayaa la qabtay. 4-Cali Yuusuf Waceys (Ducaale) oo ahaa shaqsigii loo diyaariyay inuu NOAH-da isku Qarxiyo. 5-C/laahi Cabdi Warsame, iyada oo ugu dambeyn Darawalkii ka xeynayay Gaarigii TM-ka ahaa ee Zoobe ku Qarxay lagu magacaabi jiray Maadey (Cusmaan Xaaji).
  17. In tonight’s edition: votes are being tallied in Somaliland in the territory’s first presidential election in seven years; a grenade attack on a concert in the Central African Republic set off a deadly chain of inter-religious violence in Bangui this weekend; and Cameroonians who have fled Boko Haram to refugee camps are threatened with expulsion. Votes are being tallied in the self-proclaimed state of Somaliland, after the territory’s first presidential election in seven years. It had been stalled by a drought, a lack of funds and political turmoil.
  18. Kismaayo (Caasimada Online) – Warbixinta kooxda QM u qaabilsan kormeerka xayiraadda hubka ee Somalia iyo Eritrea ee UN Monitoring Group ayaa ku eedeysay wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan), inuu qabyaaladeeyey gargaarkii bani’aadannimo ee la geeyey gobolka Gedo. Warbixinta ayaa sheegtay in Cabdirashiid oo kasoo jeeda beesha Mareexaan uu inta badan gacanta ku dhigay gargaarkii la geeyey degamada Doolow ee gobolka Gedo. Waxa ay sheegtay inuu gargaarkii weeciyey, islamarkaana u raray Beled Xaawo iyo Luuq oo reerkiisa ay degan yihiin. Kooxda UN Monitoring ayaa sheegtay in Janan uu gargaarkii u diiday dadka aan kasoo jeedin beelsha Mareexaan ee degan bariga webiga, sida beesha Fiqi Maxamed/Surre/Dir iyo Gabaweyne/Jareer. Warbixinta ayaa sheegtay in dadka Fiqi Maxamed ay gargaar ka heleen dadka ku qabiilka ah ee qurbaha jira, hase yeeshee dhibaatada ugu xooggan ee ficillada Cabdirashiid Janan ay saameysay dadka kasoo jeeda Gabaweyne/Jareer oo inta badan aan qurbaha laga soo caawin. Dadka Gabaweyne/Jareer ayaa sidoo kale lagu kacaa dhul iyo hanti boob lagu hayey tan iyo sanadihii sagaashamadkii, mana jirto cid u garmata, sida warbixinta ay shaacisay. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  19. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddiga doorashada Somaliland ayaa weli ku howlan tirinta codadka doorashada madaxweynaha, waxaana soo baxaya natiijo horudhac ah oo laga helay qaar ka mid ah xubnaha guddigaas, balse weli aan ahayn mid rasmi ah. Codadka la tiriyey ayaa waxaa illaa hadda ku horreeya musharaxa xisbiga talada haye ee Kulmiye ee Muuse Biixi, hase yeeshee waxaa weli harsan codadka aan la tirin taas oo macnaheedu yahay in cidda madaxweynaha noqoneysa aan weli la hubin, maadaama codadka harsan la ogeyn cidda ku badan. Natiijada illaa iyo hadda la helay ayaa waxaa loogu kala horeeya sida soo socota, waana ku dhowaad 80% codadka guud ee doorashada Somaliland. Saaxil= Kulmiye 30348, Wadani 15639 Sanaag=Kulmiye 17077, Wadani 19863 Sool = Kulmiye 19654, Wadani 14633 Togdheer=56756 Kulmiye, 56554 Wadani Awdal= 35002 Kulmiye, 38079 Wadani Maroodi jeex= 125330 Kulmiye, 61039 wadani Xogtaan ayaa wax iska badali karaan balse tirintaan ayaa ka tarjumeysa in Muuse Biixi uu rajo fiican leeyahay. Guddiga doorashada Somaliland ayaa goor sii horeysay sheegey in natiijada kama dameysta ah lagu dhawaaqi doono maalinta Khamiista iyadoo inta ka horeysa hubinaya cabashooyinka xisbiyada soo gudbinayaan. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  20. Garoowe (Caasimada Online) – Kulan mudanyaasha Barlamanka isugu yimaadeen 7 Nov, 2017 kana soo saareen go’aan ah in golaha xukuumada si deg deg u qadaan talaabo ay ku ilaalinayaan xuduudaha Puntland la wadaagto Somaliland iyadoo laga hortagayo sanaadiiqda doorashada, ayaa lagu ogaadey kharashka siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ku codsadeen iney barnamijkaas kaga hortagyaan. Xubnaha siyasiyiinta labada gole kaga jira gobolada ( Sool, Sanaag iyo Cayn) kulamo ay la qaateen Madaxweynaha Puntland ayay ku dalbadeen lacag, gadiid iyo agab kale oo ciidan oo ay la aadaan degaanadaas. Xogtaan ayaan ku ogaaney in xubnihii ka socdey gobolka Sanaag oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Barlamanka khasnada dowlada laga siiyey 40,000 USD, Gobolka Sool 20,000 USD waxaana u qaadey Wasiirka arimaha gudaha Puntland Axmad Karaash halka gobolka Cayn ay qaateen 30,000 dollar waxaana u qaadey Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Barlamanka Puntland Xaaji Maxamad Yaasiin ( Xaaji Dheere). Wararka ayaa sheegaya in qorshaha xaalad abuurka goboladaan oo socotey tan iyo intii maamulka Somaliland qabsadey Lascaano ay mas’uuliyadeeda leeyihiin siyaasiyiinta gobolada ( Sool, Sanaag iyo Cayn) ugaga jira golayaasha dowlada Puntland madaama ay ku guuldareysteen iney la yimaadaan qorshe degaanadooda ku xasilinayaan. Ma jiro siyaasi kasoo jeeda goboladaas oo booqashooyin joogta ah ku bixiya degaamadaas kuwooda hoos yimaada Puntland gaar xubnaha kasoo jeeda gobolka Sool iyo Cayn. Lacagtaan oo wadarteedu gaaresyay 100,000 USD ayaa inteeda badan siyaasiyiintaan ku qaybsadeen magaalada Garowe marka laga reebo waftiga Wasiirka amniga Puntland hogaaminyey oo iyagu booqashooyin rasmiya ku soo baxshey magaalada Baran iyo Dhahar. Gobolada Sool iyo Cayn oo iyagu xubnahooda labada gole kaga jira dowlada Puntland ku qaateen barnaamijka ka hortaga sanaadiiqda Somaliland gaareysay 50,000 USD ayeysan jirin wafti ka ambabxey magaaada Garowe oo tagey deganaada gobolkaas ay codbixintu ka dhecysey sida magalada Taleex oo 90km u jirta xarunta maamulkaan. Dhinaca kale Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Barlamanka Puntland ayaa lacag gaareysa 30,000 dollar oo loogu talagaley in safar loogu aado degaanada sanaadiiqda la keeney, gurigiisa la seexdey, iyadoo markii dambe xubno ka tirsan labada gole dacwo ugu tageen madaxweyne ku xigeenka Puntland. Sida Xogtaan sheegeyso Madaxweyne ku xigeenka ayaa Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Barlamanka ( Xaaji Dheere) ugu yeerey hoyga uu ka dagan yahay magaalada Garowe iyadoo ay goob joog yihiin xildhibaanada iyo wasiirada kasoo jeeda gobolka Cayn halkaas oo lagu waydiiyey in lacagta uu dib ugu soo celiyo. “Xaaji oo ka careysan sida lacagta loo waydiiyey ayaa lacagtii miiska lagu wadahadlayey ku soo tuurey iyadoo madaxweyne ku xigeenku damcey inuu dib u siiyey 1500dollar balse diidey isagoo ka baxey kulankii ka socdey aqalka Camey” sidaas waxaa sheegey qof ku sugnaa kulankaas oo diidey in magaciisa aan sheegno. Lacagtaan oo gacanta madaxweyne ku xigeenka Puntland gashey ayaa wararku sheegayan in aysan jirin wafti balaaran oo ka tirsan xubnaha kasoo jeeda labada gole oo ugu ambabaxey degaanada hoos yimaada gobolka Cayn marka laga reebo Wasiiru dowle ka tirsan wasaarada qorsheynta iyo agaasime maamul kuwasoo Mudane Camey u direy degaan ka tirsan gobolkaas. Labadaan xubnood ee u ambabaxey degaan hoos yimaada gobola Cayn ayaa warsidaha Garowe online ogaadey in ay gaareen halkaas iyadoo dadkii daganaaa intoodii diwaan gashaneyd codeeyeen. Guud ahaan doorashooyinkii Somaliland oo ka dhacey gobolka Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa lagu qabtey gobohii maamulka Somaliland u asteyeey in laga codeeyo iyadoo dad la socda siyaasada Puntland sheegayaan in dadka dagan Sanaag Barri ee hoostagta mamaulka Puntland u badnaayeen diidamada doorashadii dhacdey 13 Nov,2017 marka loo eego gobolka Sool oo isagu degmooyinkiisa oo dhan laga codeeyey. Magaalada Garowe ayaa sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan ay jireen dad dagan oo kasoo jeeda gobolka Sool oo maalinta codbixinta 13 Nov, 2017 u safreen iney kasoo dhiibtaan codkooda gobihii ay ka diwaan gashanaayeen. Isha: GO
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta caalamka ayaa baahiyay in gacanta lagu dhigay markab nooca yaryar oo laga leeyahay dalka Iran kuwaa oo siday Hub sharci darro ah oo la doonaayay in loosoo talaabiyo Somalia. Markabkan ayaa lagu qabtay meel ka baxsan Badweynta Hindia ee xeebaha Somalia, waxaana la xaqiijiyay in Hubka saarnaa noociisa uu ahaa qoryaha boobayaasha ee lagu farsameeyo dalka waqooyiga Kuurya. Hubkan ayey Iran kasoo iibsatay dalka waqooyiga Kuurya, waxa uuna qorshihiisu ahaa in leysugu dhiibo Umadda Soomaaliyeed, inkastoo wargeysyada qaar ay qorayaan inay u socdeen maleeshiyaadka al-Shabaab oo xiriir dhow la leh Iran. Markabka Hubka siday ayaa waxaa gacanta ku dhigay markab dagaal oo laga leeyahay dalka Faransiiska, waxaana la xaqiijiyay inay la socdeen Shaqaale tirro yar oo kasoo jeeda dalka Iran. Saraakiisha saaran Markabka dagaal ee laga leeyahay dalka Faransiiska ayaa Hubka ku tilmaamay inuu yahay isku day ay Iran ku dooneyso inay ku hubeyso maleeshiyaadka al-Shabaab ee ka dagaalama Somalia iyo Kenya. Qoryaha la qabtay oo nuuciisu yahay The Type 73, ayaa lagu farsameeyay dalka waqooyiga Kuurya, waxaana dowladda Iran hubkaasi laga iibiyey sannadihii 1970-kii ilaa 1980-kii oo ay milliteriga Iran dagaal kula jireen ciidanka Ciraaq. Khubarada Hay’adda QM u qaabilsan la socodka Hubka Somalia iyo Eritrea, ayaa warbixin ay u gudbiyeen Golaha Ammaanka ee QM, ku sheegay in Markabka uu ahaa mid laga leeyahay Iran, isla markaana lagu qabtay Hub sharci darro ah oo loo siday argagixisada Somalia ee al-Shabaab. Khubarada ayaa warbixintooda ku sheegay in Hubka saarnaa Markabka ay kamid ahaayen 6 qoray nooca boobaha iyo noocyo kale oo hub ah. Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay in Shixnadaha Hubka ee laga soo daabulo Dekedaha Yemen iyo Iiraan sida qarsoodi ah loogu soo daabulo Dekedaha ku yaalla W/bari ee Somalia. Si kastaba ha ahaatee, amni darida ka taagan Somalia ayaa waxaa horbooda dalalka aadka uga careysan Kheyraadka uu alle ku maneystay Badda iyo Barriga Somalia oo la doonaayo in looga dhex faa’iideyso qalalaasaha amni.
  22. Muqdisho (Caasimada Onaline) – Magaalada Muqdisho oo sanadyadii lasoo dhaafay Amnigeedu soo hagaagaayay waxaa ku sugan ciidamo badan oo kala socda dalalka Caalamka, kuwaasoo u joogga siyaabooyin kala duwan , qaarkood waa tababarayaal ,kuwo waa AMISOM iyo sidoo kale ciidamo kale oo ka socda dalalka Midowga Yurub. Waxaan si gaar ah u eegeynaa Ciidamada ka socda dowladda UK ee ku sugan Soomaaliya iyo waxyaabaha ay Soomaaliya ka qabtaan. Ciidamo gaaraya 85 Askari oo ka socda dowladda UK ayaa sanadyadii lasoo dhaafay siyaabooyin kala duwan u soo gaaray Soomaaliya, waxaana ciidamadaasi ay Soomaaliya ka qabteen Shaqooyin kala duwan. Dowladda Uk ayaa waxa ay sameysay Howlgal lagu magacaabo Tangham, kasoo oo loogu tala galay in ciidamo loogu diro dalalka ay ka dagaallamaan Kooxaha Islaamiyiinta, waxaana UK ay sheegtay in ciidamada ku sugan Soomaaliya ay ka qeyb ka yihiin howlgalkaasi, Maadaama Soomaaliya ay ka dagaallaamaan Daacish iyo Al-Shabaab oo xiriir la leh ururka Alqaacidda. Soomaaliya waxa ay kaga taallaa Geeska Afrika meel muhiim ah ,waxaana dowladda Uk ay u aragtaa in xasilinteeda ay waxtar badan u leedahay Qaaradda Afrika. Maxay ka qabtaan ciidamada UK ee ku sugan Soomaaliya? Colonel John Wakelin taliyaha ciidamada UK ee ku sugan Soomaaliya oo ka hadlayay waxyaabaha ay qabtaan ciidamada dowladda Uk ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay tababaraan ciidamada dowladda Soomaaliya qeybahooda kala duwan sidda SNA, NISA iyo Booliska. Waxaa uu sidoo kale sheegay in la talin iyo qibrad ay ku kordhiyaan ciidamada AMISOM ee ku sugan Koonfur iyo Bartamaha Soomaaliya. Colonel John Wakelin ayaa xusay in sidoo kale ay fuliyaan hawlo caafimaad, dhinaca saadka iyo inay gacan ka siiyaan AMISOM dhinacyada kale ee ammaanka. Colonel John Wakelin ayaa yiri” inkastoo ay wali jiraan rabshaddaha ay geysanayaan Kooxaha islaamiyiinta ah , hadana dalka waxaa uu ku socdaa wadada Saxda ah ama jihadda toosan” “Run ahaantii waxa aan aragno waa horumar joogto ah oo dhexdhexaad ah” ayuu hadalkiisa intaasi kusii daray. Dowladda UK ayaa sidoo kale lacago badan ku bixisa howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya, waxaana UK lagu xasuustaa in dhowr jeer ay qabatay Shirar looga hadlaayo Arrimaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Dalkastaba dadka ayaa difaaca kuna dadaala midnimada, mana jirto inta la og yahay dal ay wanaagiisa ka shaqeeyeen dad aan u dhalan, cilmiga waxaa uu aadamiga ku kordhiyaa waaya aragnimada iyo tusaalaynta Horumarka aadamiga mid bulsho iyo mid dhaqan dhaqaale oo isku xiran waxaana dhisa rag u istaagay inay joojiyaan oo taagaan habdhiska qaran iyo qurxinta deegaan ee kaabayaasha ummadda inta ugu badan ku nooshahay. Isku keenista ummadda iyo barista wadciga deegaanka siyaasi iyo dabeecadda ku dhisan iskaashiya qaaliga ah ee ummadda ka dhaxeeya, kuma yimaado kala daadsanaan iyo dood, wuxuu ku dhisan yahay is maqan iyo daganaan walaalnimo laysu dhaga nuglaado, kaasoo micnahaan keeni kara habka ugu sahlan ee ummad loo dhisi karo. Dhismaha ummadda iyo isu keenisteedu maaha wax ka wada dhaxayn karay qof illaa qof kale ee waa sida in madaxdu u dhagaysato ummadda una fahamto halkay u jeedo ayna ku mideysan yihiin inta badan, ayadoo aan laga horkeenin maquunin is hortaagta rabitaanka iyo khalalaase galinta himilada ummadda deegaanka ku wada nool. Masuulka dowladeed ee u taagan noolaynta ummadda iyo isu keenista hadba dabeecadda kala duwan ee aadamiga midba illaahay siiyey, waa waxa laga doonayo masuulka hogaanka u haya ummadda, asagoo ka illaalinaya dhamaan waxa halis galin kara dadka iyo deegaanka noockasta oo ay yihiin. Waxaan rabaa inaan qormadan ku bidhaamiyo asbaabaha diiday in dalka Soomaaliya ka dhaqan gali weysay dowlad iyo dadkeeda isku meel u jeedo, ama ugu yaraan loo hakad galiyo horusocodka himilada shacabka iyo dowladda, iyo aragtada muuqata ee doonaysa inay kala reebto, taasoo aan la garanayn asalka meeshay ka soo jeedo, haddana si la taaban karo isu hortaagta dhaqdhaqaaqa lagu doonayo saldhiga deganaanta dalka iyo xasilinta dowladnimada amaba qaranka. Bal aan ka saarno dhacdooyinka muuqanaya sida:- 1- markuu madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud hogaanka dalka qabtay waxaa uu abuuray olol loogu magac daray, ololaha BADWEYNTA HINDIYA oo gundhigiisu ahaa in ciidanka qalabka sida ee dalka soomaaliyeed iyo Huwanka Africaanka u badan ee la jooga, mar qura ay dagaalo xoogan la galaan Alshabaab. markiiba dowladdu waxay isku aadisay dagaalo saf mareen ah oo ka bolowda gobolada dhexe, illaa jubooyinka, Baay iyo Bakool, Howl galadaasi dhamaan waxay u socdeen si xowli ah aad u sareeya waxaana laga keenay Guulo wanaagsan, waxayna dowladda ku socotay hanaanka horaynta dalka, iyo soo celinta dowlad haybad ciidan iyo deegaan haysata, oo muddooyinka soosocday loo haystay in Ajaaniibta dalka laga saari doono, dalkuna ay qabsan doonaan Ciidanka xooga ummadda Soomaaliyeed iyo shacabka intuba. Sharafta iyo haybadda Ummadda Soomaaliyeed soo celinteeda furaha isku dayga ee ugu horeeyey ayuu ahaa, markaa la eego halbeega mowjadda howlgalada markaasi billowga ahaa ee dalka ka dhaqan galay. laakiin waa su’aale ayaa Joojiyey dagaaladaas, maxaase dib logu billaabi waayey? Tani waa daraasadayda iyo qaabka aan u qiimeeyey fashilka himilada ummadda iyo dhismaha qaranka, kaasoo lagu qasban yahay in maalin uun hamigaasi hirgali doono, sidaas darteed, waxaan doonayaa inaan sheeko idinkaga sheekeeyo, ama idiin xusuusiyo arimo aynaan is weydiin, markay dhamaadeen kadib:- A- markay howlgalado socdeen meelaha ugu muhiimsan waxay ahaayeen gobolka Hiiraan iyo shabeelada Hoose oo dagaalada ugu qaraar ka socdeen ee Howlagalada ciidamada is garabsanayey ka billaabeen, waxayna ku dhawaatay in Jubbooyinka illaa Shabeelada Hoose laysku daro, dhanka hiiraan illaa Shabeelada dhexe lays gaarsiiyo, howshuna ay meel fiican marayso, ayaa labada Gobolba laga Billaabay DAGAAL BEELEED qabaa’illaad isku haystaan si loo mashquuliyo aragtidii ahayd horusocodka guulsha ciidanka, waxayna keentay in Ciidamadu ku mashquulaan ka joojinta collaadda qabaa’illaadka haba ugu darnaadeen kuwa Shabeeladda Hoose oo in badan soo noqnoqday. waxaase ka darnaa markii in badan la xaliyey howlgalkiina istaagi waayey ee Buula Barde iyo Baraawe howshu marayso, in si dhab ah markaas loo dhex galay ciidanka iyo dowladduba, waxaa ugu horayntii tagay Magaalada Muqdishu Madaxa la dagaalka argagixisada Ciidamada Maraykanka oo kula la qaatay Taliya Ciidaka Xooga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Indha Qarshe, waxayna ka wada hadleen in Maraykanku ka caawinayo ladagaalnka Shabaab, taasoo keentay in Godane ku dhintay, dilka Gudane ka dibna dhamaan howl galkii gabi ahaan la joojiyey, halkaasina ay ku dhamaatay kuna dhicisowday arintii Himilada wanaagsan u lahayd ummadda soomaaliyeed. B- Iska horkeenista Madaxda dowladda dhamaan si ay u suurtoobi weyso dhaqan galinta horumarkii lagu balamay ee ahaa in shabaab laga Ciribtiri doono dhamaan deegaanka Soomaaliyeed meelkasta oo uu ku yaalo. Isqab qabsiga madaxda dowladda wuxuu ugu dambayntii ku dambeeyey in maalinba intii horay loo qabsaday loo gacan galiyo raggii laga saaray meesha oo aad moodaysay in lagu balansanaa. Micnaha ula jeedka dhaqanka noocaasi ah waa jahawareerinta cilmiyeysan ee ku dhisan hanaanka fog ee ummadda iyo dalkaba loo dajiyey. Shabaab waan dhalin yaro ubadan Soomaali waalidkoodna la garan karo haddii loo tafa xaydo, suurta galna ka dhigi karta in noockastoo dhaqan soomaaliyeed ah lagu soo xera galin karo, waxayna u badan yihiin dhalin yaro aan aqoon badan diin iyo Maadiba lahayn, laga yaabo inay ku qasabtay dhaqaalo xumo, iyo waxyaabo ay ka dhaxleen dhibaatooyinkii dalka ka dhacay muddo aad u dheer. Anigoo cidna u cudu daarayn doonayana inaan dul dhigo meeshay dhibto ka tagan tahay ayaan jeclahay inaan taabto boogta runta ah ee aan isleeyahay waa dhici kartaa, ama qofkastaba garaadkiisa siinayo inay sax noqon karto. Alshabaab maahan Saynisyano Cabqariyiin ah oo aad u yaqaana noockasta oo dowlad ku shaqeyn karto, waxayna u badan yihiin wiilal dhalin yaro ah, oo markay ugu badnaadaan Sirdoonkoodu gaari karo uun in ay shacabka dhexdiisa ku yeeshaan dhalin yaro, u daacad ah, amaba Cabsi iyo Hanjabaad inta loo jeediyey bixiya Macluumaadka sirta dowladda ama deegaanka. haddaan qaadano aragtida noocaas ah, waxaan is weydiiyey maxaa loo dhexgali waayey dhamaan laamaha kala duwan ee sirdoonka dalka ka dhex shaqeeya, maxayse u noqon waayeen kuwa ka soo dhex warama Ciidamada ajaaniibta ah iyo xerada ugu weyn ee isugu yimaadeen reer qaswadayaasha XALANE, waxaad ka fekertaa sababta xeryaha waaweyn ee xalane ku dhex yaala loo beegsan waayey ee shacab loo beegsado, amaba si kooban u dhigo, maxa u sabab ah in shabaab Kaliya qaraxyada la beegsato ciidamada Dowlada ee Soomaalida ah. Ma is oran lahayd in Caasimadda labaad ee ku dhex taalo Mogadishu aysan ka dhex shaqeyn dhalin yaro soomaaliyeed oo aysan suurta gal ahayn inay ka nadiif yihiin shabaab, hadday kula saxan tahay, maxaa loo heli waayey kuwa noocaas ah oo la shaqeeya dowladda oo u daacad ah sida kuwaasi xalane ka shaqeeya oo kale aamin u noqda. waxaa laga yaabaa inuu qofkastaba i tuso arimo uu isleeyahay xoogaa waa suurta gal inay dhacdo, in rag soomaali ahay kuwaasina daacad u noqon karaan kuwaanina ay shabaab soo dhex gali kart, haddana waxaa loo baahan yahay sabab macquul ah. La soco Qormada Xigta oo aan ku qaadaa dhihi doono Qaraxyada iyo cilmi ahaan waxay ku kala duwanaan karaan ayadoo laga tusaale qaadanayo dhacdooyinka aan u soo joogtnay. Illaa baa Mahad oo dhan u sugnaatay W/Q: Ibrahim Abdi hayenasecrets@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  24. Ugu yaraan 4 ruux ayaa dhimatay,tiro kalena waa dhaawacantay,kadib markii nin hubaysan rasaas ku furay goobo kala duwan oo ku yaalla Waqooyiga gobolka California,sida uu shaaciyey Booliiska Maraykanka. Ninka weerarka qaaday,ayaa markii dambe Booliisku toogtay,waxaana xarumaha uu weeraray kamid ah dugsi hoose oo halkaasa. Laba isbitaal oo degaanka ku yaalla ayaa sheegay in ay haatan daweynayaan 7 ruux oo ay ku jiraan saddex carruur ah. Mid kamid ah waalidiinta ay carruurtu u dhigato dugsiga hoose ee Rancho Tehama oo ku jira xarumaha la weeraray ayaa yiri“Waxaa noo soo galay macallin ordaya,wuxuuna noo sheegay in aan ku cararno gudaha,waayo? bu yiri waxaa soo socda nin rasaas ridaya“. Booliiska ayaa sheegay in aanay weli hayn faahfaahin ku saabsan sida weerarkan u dhacay iyo tiro rasmi ah oo dhimasho iyo dhaawac ah,balse uu hadda baaritaan socdo,islamarkaana la’ wareysanayo dadka ku sugan goobihii weerarka lagu qaaday. Wixii faahfahin ah kala soco:PUNTLAND POST The post Khasaare ka dhashay weerar ka dhacay Maraykanka. appeared first on Puntland Post.
  25. Warbaahinta WidhWidh Online ayaa sida joogta hada daba gal xoogan ku samaysay doorashada maamulka Somaliland, waxaana la xidhay dhamaan xogaha dhinaca doorashada siiba internet dhinaca social Media sida Facebook iyo waxii la midka ah. Sida aan ka helay warbixinta serverka doorashada maamulka Somaliland iyo tirkoobka ayaa waxaa soo baxay in Madaxweynaha maamulka Somaliland uu noqday Muuse Biixi Cabdi oo isagu hogaaminayay Xisbiga Kulmiye ee hada talada maamulkaas haya. Guud ahaan shacabku waxa uu sugayaa waa warbixinta ay hada WidhWidh Online idin siinayso oo ah in codka doorashada uu hogaaminayo Muuse Biixi Cabdi isaga si cad u helay cod aad u tiro badan oo aan la filayn. Hargaysa: Kul – 125330 Wad – 61039 Ucid – 18707 Togdheer: Kul – 57173 Wad – 57119 Ucid – 1228 Awdal: Kul- 35532 Wad – 38194 Ucid- 491 Saaxil: Kul- 29,235 Waddani- 14789 Ucid-612 Sool: Kul-19890 Wad-14926 Ucid- 349 Sanaag: Kul-19,291 Wad-17,538 Ucid-446 Total 285,930 Kulmiye 206,533 Waddani 21,730 Ucid Guddiga doorashada Somaliland oo goor sii horeysay sheegey in natiijada kama dameysta ah lagu dhawaaqi doono maalinta Khamiista iyadoo inta ka horeysa hubinaya cabashooyinka xisbiyada soo gudbinayaan. Goob joogayaal ka socda wadamada Shisheeye iyo hay’adaha maxali ah ayaa shir jaraa’id ay hargeysa ku qabteen kun sheegey in doorashada maamulka Somaliland guud ahaan si wanaagsan u dhacdey ay nabadi ku jirto iyadoo ay jiraan shilal kooban iyo cabashooyin sheegaya in goobaha qaarkoo dad aan qaan gaar aheyn ka codeeyeen balse aysan jirin sharci jabin baahsan. La soco Warbaahinta WidhWidh Online Xog sida markasta shacabka Soomaliyeed u Soo Gudbinaya widhwidh.com