Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,114
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Daraasad ay sameysay mu’asasada Freedom House oo xarunteedu tahay dalka Mareykanka ayaa waxaa ay sheegtay in wararka been abuurka ah ee lagu baahiyo baraha Internetka ay saameeyeen doorashooyinka 18 dowladood. Daraasadda ayaa waxay diiradda saartay qaabka ay wararkaan u saameeyaan dowladaha iyo afkaarta dadweynaha, waxay tilmaanaty in lacago lagu bixiyo wararka been abuurka ah ee la isla dhexmaro baraha Internetka. Warbixin sanadeedka ay soo saartay mu’asasada Freedom House ayaa waxaa lagu sheegay in isku geynta 30 dowladood ay ka qeyb qaateen habka isticmaalka baraha bulshada ee lagu faadiyo wararka beenta ah si ay oga adkaadaan mucaaradka. Warbixinta waxay intaasi ku dartay in laga wacyi galiyo dadka isticmaalaya baraha bulshada in ay hoos u dhigaan wararka been abuurka ah iyo in lagu wacyi galiyo shirkadaha Teknoloojiyadda in ay siyaasad u dajiyaan shabakadahooda si loola dagaalamo wararka beenta ah. Goobjoog News Source
  2. Dr Maryan Qaasim Axmed oo Aheyd wasiirka Gargaar iyo Maareeynta Musiibooyinka Xuukumada Federaalka Soomaaliya oo maanta ku dhawaaqday in ay iska casishay xilkaasi ayaa si kooban uga hadashay sababaha ay xilkaasi isaga casishay. Maryan Qaasim oo si kooban u la hadashay Wariyaasha ayaa sheegtay in xilkaasi isaga tagtay isbar baryaac xaga shaqada ah sida ay sheegtay. ” Aniga oo ah Dr Maryan Qaasim Axmed Wasiirka Wasaarada Gar gaarka iyo maareeynta Musiibooyinka Waxaan Rabaa in aan idiin Xaqiijiyo in aan iska casilay wasiirnimada oo aan u hayay xukuumada aniga oo ilaaheey uga baryaaya xukuumada Booskeeyga Qof aniga iga wanaagsan uu u buuxiyo in ay hesho” ayeey Tari Drs Maryan Qaasim Axmed Mar ay sii kooban uga hadashay sababaha ay xilkaasi uga tagtay ayaa markale waxa ay Tiri Drs Maryan Qaasim ” Waxaan uga tagay Xilkii aan hayay waxaa igu adkaatay duruufta shaqo Aniga nidaamyo sidii looga shaqeeyo aan aqaanaa Waaxyo dhisan Ama wasaarad ha ahaato waa ka shaqeeyn karaa , laakiin shaqada markii ay is bar bar yaac tahay wax walba isku qasanyihiin waxba kala baxsaneeyn macnaha wareer ayaa laga qaadaayaa” ugu dambeeyntii waxa ay Drs Maryan Qaasim sheegtay in ay la shaqeeyn doonto Dowlada oo ayna mucaarad ku aheyn islamarkaasina iyada shaqsi ahaan ay ku adkaatay in ay dowlada la sii shaqeeyso. is casilaadaan ayaa imaaneeyso xili dowlada Soomaaliya ay dhistay guddiyo kala duwan oo ay ku shaqo laheyd Drs Maryan Qaasim Axmed. Hoos ka Dhageyso Codka Drs Maryan Qaasim http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/11/Maryam-Qaasim.mp3Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Drs Maryan Qaasim” ” Waxaan uga tagay Xilkii aan hayay is bar baryaac Shaqo oo aniga igu adkaatay” appeared first on Puntland Post.
  3. Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Saraakiil ka socota Urur Goboleedka IGAD ayaa kulamo gaar gaar ah madaxda Maamullada Galmudug iyo Puntland kula qaatay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Waxaana ay ka wada hadleen ammaanka Magaalada Gaalkacyo, iyo sida looga hortagi karo Colaadaha soo laa laabtay ee ka taagan Magaaladaasi. Saraakiisha ka socoto IGAD ayaa 3 maalin ee la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo, waxaana ay ugu baaqeen labada dhinac in ay ka wada shaqeeyaan Nabadda iyo hormarka Magaaladaasi. Source: Shabelle.
  4. Hay,adda GRT ayaa maanta magaalada Garowe ku qabatey shir ku saabsan isku xirka bulshadda iyo laamaha amniga, waxaana kasoo qayb galay Taliyaha iskuxirka Police-ka iyo bulshada,Gudiyada xaafadaha, Wasaarada haweenka,Barakacayaasha iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan. Abshir Yuusuf Maxamuud Madaxa Hay,adda GRT ayaa ugu horeyntii faahfaahin ka bixiyay ujeedada shirka, wuxuuna sheegay inay muhiim tahay isku xirka laamaha amniga iyo xaafadha magaalada Garowe,Isagoona xusay ka hay,add ahaan inay ka go,an tahay ciribtirka tacadiyadda ka dhanka ah haweenka iyo caruurta. Sidoo kale waxaa shirka ka hadlay Taliyaha isku xirka Police-ka iyo bulshada Cabdirishiid Cadceed Geelle, wuxuuna sheegay in Police-ku ka hawlgalayaan tacadiyada loo gaysto haweenka iyo caruurta . Wuxuuna ku dhiirigaliyey bulshaddu inay warbixinada ay usoo gudbiyaan police-ka si looga hortago tacadiga ka dhanka ah caruurta iyo haweenka. Ugu dambeyntii waxaa shirka soo xirtay Aamino Maxamuud Nuur oo ka socotay Wasaaradda haweenka iyo Arrimaha qoyska,waxayna ka dalbatey kasoo qeybgalayaasha kulankaan inay xiriir yeesheen bulshada iyo laamaha Amniga si looga hortago tacadi walba oo loo geysto haweenka iyo caruurta, Iyadoona xustey deegaanada Puntland inay kusoo badanayaan falalka noocaan ah. CIID QARAN. PUNTLAND POST The post Hay,adda GRT oo shir u qabatay bulshada iyo Booliska Garowe. appeared first on Puntland Post.
  5. Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed ayaa maanta xilka iska casishay, waxayna goor dhow sheegtay sababta ay isku casishay. Wasiir Maryan ayaa xaqiijisay iney xilkaasi isaga casihay is-bar bar yaac ka dhex jira dowladda Soomaaliya, oo aysan macneyn waxa uu yahay. “Aniga hay’ad dhisan ha ahaato mid dowladeed iyo mid kaleba waa ka shaqeyn karaa, laakiin waa ay igu adag tahay inaan ka shaqeeyo meel isku dhex yaac uu ka jiro” ayay tiri Maryam Qaasim. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in wasiir Maryan muddooyinkii danbe muran kala dhaxeeyay Ra’iisal wasaare Kheyre iyadoo shaqadii wasaaradeeda loo dhiibay guddiyo, isla markaana uu sii xumaaday xiriirka kala dhaxeeya Ra’iisal wasaaraha. Kheyre ayaa inta badan guddiyo u magacaaba wasaaradaha isaga oo aan la tashay wasiirada, taasi oo wasiiro badan ka careysiisay. Hoos ka daawo muuqaalka Maryam Qaasim Source: caasimada.net
  6. Maryan Qaasim Axmed, Wasiirkii gargaarka iyo maareynta musiibooyinka xukuumadda Federaalka ee maanta iska casishay xilkaan ayaa Goobjoog News uga warbixisay sababta ku kalliftay iney is casisho. Waxay sheegtay Drs. Maryan in sababta ugu weyn ee ay isku casishay ay tahay ineysan ku shaqeyn karin is barbar yaac, sidaasi darteedna ay ka doorbiddey iney xafiiska baneyso. Sidoo kale waxay sheegtay wasiir Maryan in iyadu aanay ahayn mucaarad, ayna xukuumadda u rajeeneyso guul iyo horumar. “Aniga oo ah Maryam Qaasim Axmed, wasiirka Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka, waxaan rabaa inaan idiin xaqiijiyo inaan iska casilay xilkii wasiirnimada ee aan u hayey xukuumadda, aniga oo ilaahay uga baryaya xukuumadda booskeega qof aniga iga wanaagsan oo u buuxiyana iney hesho, hadda waxaan uga tagey xilkii aan hayey waxaa igu adkaatay duruufta shaqo, aniga hay’ad sida looga shaqeeyo ayaan aqaanaa, department dhisan ama wasaarad ha ahaato waan ka shaqeyn karaa, laakiin shaqada markii ay is barbaryaac tahay wax walbo isku qasan yihiin, waxba kala baxsaneen madax wareer badan ayaa laga qaadayaa, xukuumadda waxaan ilaahay uga baryayaa iney horumar gaaraan, ma ihi qof mucaarad ah, dowladeeda mucaarad kuma ihi laakiin aniga duruuftaan is barbar yaaca ah wey igu adkaatay inaan ku shaqeeyo, aniga shaqsiyan waxaan doorbiday siyaasad inaan gacmaha kala baxo oo sidii kale aan bulshadeeda ugu shaqeyn jirey aan ugu shaqeeyo” Maanta oo Arbaco ah ayeey Drs Maryan Qaasim Axmed waxay si rasmi ah u sheegtay iney iska casishay xilkii wasiirnimo ee ay ka haysay xukuumadda uu hoggaamiye Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Goobjoog News Source
  7. Wararka Naga soo gaaraya Magaalada Baraawe ee Gobolka Sh/Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu gaaray Ra’silwasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre. Wafdiga Ra’isilwasaraha ayaa waxaa halkaasi ku soo Dhoweeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh oo halkaasi kaga sii horeeyay. Sidoo kale waxaa magaaladaasi Baraawe gaaray wafdi uu hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Micheal Keating. Dhanka kale Warar ay warbaahinta Puntland Post ka heleeyso Baraawe ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay madaafiic ku garaaceen garoonka Diyaaradaha Magaalada Baraawe oo ay maamulaan AMISOM. Lama oga qasaaraha madaafiicdaasi ka dhashay hayeeshee Al-Shabaab ayaa ku soo beegay Madaafiicdooda xiligii ay soo dageen Wafdiga Ra’isilwasaare Kheyre. Faahin Faahin Dheeraad ah Dib ugala soco Puntland Post Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ra’isilwasaare Kheyre oo Gaaray Baraawe iyo Al-Shabaab oo Madaafiic ku Garaacay Garoonka Baraawe appeared first on Puntland Post.
  8. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gelinkii hore 15 Nov 2017 qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabiley qaar kamid ah hay’addaha caalamiga ah ee ka hawl-gala Puntland, hay’addahaas uu Madaxweynuhu ku qaabilay xafiiskiisa ayaa waxaa kamid ah Relief International, SCF, SSF iyo UNICEF. Kulamadaas uu Madaxweynaha Dawladda Puntland la qaatay hay’addahaasi oo ahaa kulamo gaar gaar ah ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-Xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabddullaahi Cumar Camey iyo Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee dawladda Puntland Mudane. Burhaan Cilmi Xirsi. Kulankii ugu horeeyey ee Madaxweynuhu la qaatay saraakiisha ka socotey Hay’addaha Relief International ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay kamid ahaayeen kobcinta waxbarashada hablaha, taageeridda ciidamada Puntland iyo waxbarashadooda, dhismaha xarumo waxbarasho ee deegaanada fog-fog gaar ahaan gobolada Gardafuu, Sanaag, Cayn iyo Hayland, waxaana dhammaan qodobadaasi laysla meel dhigay in sida ugu dhakhsaha badan loo dardar geliyo wax kaqabashadooda, iyadoona ay sheegtay hay’addu in ay gelindoonaan mashaariicdaasi lacag gaadhaysa 1.5 Million. Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale xafiiskiisa kulan kula qaatay masuuliyiin ka socdey hay’adda SCF [Save Children Fund] oo ay kamid ahaayeen Madaxa xafiiska SCF Soomaaliya Mr. Timothy Bishop iyo madaxa Xafiiska SCF Puntland Cabdiqafaar Cilmi Xaange, waxaana kulanka lagaga wada hadlay mashriicda ay Puntland ka fuliyaan hay’addu, kuwaas oo ah Waxbarashada, taageeridda caruurta danyar ta ah, Caafimaadka, Biyaha iyo Nadaafadda. Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland oo ay wehelinayaan Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee dawladda Puntland ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiil ka socdey hay’adda SSF [ Somali Stability Fun], waxaana kamid ahaa saraakiisha ka socotey hay’addani madaxa xafiiska SSF Soomaaliya Vishalina Lowrance iyo madaxa Xafiiska SSF Puntland Abshir Maxamed, isla markaana waxaa kulanka looga wada hadlay arrimo ay kamid yihiin taakulaynta ciidamada Booliska Puntland, horumarinta dhalinyrada Puntland iyo biyo gelinta magaalooyinka waaweyn ee Puntland, Ugu danbayn, kulanka Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu la yeeshay saraakiisha kala duwan ee ka kala socdey hay’addaha Relief International, SCF iyo SSF ayaa ahaa mid ku qotomay dardargelinta mashaariicaha horumarineed ee hay’addahaasi ka fuliyaan guud ahaan sagaalka gobol ee Puntland, =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Kulamo La Qaatay Qaar Kamid Ah Hay’addaha Caalamiga Ah Ee Ka Hawlgala Puntland. appeared first on Puntland Post.
  9. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow waxay gaareen magaalada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose. Wafdiga Ra’iisul wasaaraha waxaa kusoo dhoweeyay Baraawe, madaxweynaha maamulka K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, mas’uuliyiinta gobolkaasi iyo kan Baraawe. Waxa uu Ra’iisul wasaare Kheyre u guurgeli doonaa xaaladda guud ee Baraawe iyo arrinta ciidamada maadaama dowladda Federaalka ay dhowaan qaadi rabto dagaallo ka dhan ah Xarakada Al-shabaab. Sidoo kale, waxaa magaalada Baraawe ku sugan Danjirayaasha QM iyo Midowga Africa ee Soomaaliya Micheal Keating iyo Fransisco Madera. Goobjoog News Source
  10. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow waxay u ambabaxeen degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose. Wararku waxay sheegayaan in Ra’iisul wasaaraha u kuurgalayo xaaladda ammaanka ee degmadaasi, arrimaha ciidamada maadaama ay dowladda Federaalka dhowaan qorsheynayso iney qaaddo dagaal ka dhan ah Al-shabaab. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka K/galbeed ayaa ku sugan degmada Baraawe, iyadoo ammaanka guud ee degmadaasi aad loo adkeeyay. Sidoo kale waxaa socota qaban qaabada lagu doonayo in lagu soo dhoweeyo Ra’iisul wasaare Kheyre iyo wafdiga la socda. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
  11. November 15, 2017 HARGEISA– Colonel Muse Bihi Projected Winner of Somaliland Presidential election. Muse Bihi Abdi, 69, will become the 5thPresident of Somaliland, GubanMedia projects, a landslide victory for him. Muse Bihi, the former military commander, will become the first Somaliland to win over 50% of the votes cast. GubanMedia is confident when all the electorate commission officially declares the result; he would win 53.5 percent of all votes cast. Muse Bihi won most of the major population centers of Somaliland, including Hargeisa, Gabiley area, Burao, Borama, Berbera, and Las Anod. He also received more votes than Silanyo did in 2010 election. Muse Bihi’s victory will most likely end the political career of then candidate Irro, who was the Speaker for 12 years three months ago. Now, President-elect Bihi faces the job of uniting the country after divisive and smear campaign conducted by Irro during the election. Colonel Muse Bihi, who is the first Somaliland President with military experience, campaigned for national security, and vowed to address the most pressing issues facing the nation: the crushing poverty in our society, our broken judicial system, providing basic services like water and electricity,healthcare, and youth unemployment.He also pledged to combat female genital mutilation, to increase women representation in politics, and to introduce compulsory national service for high and college graduates. Somaliland voters have spoken and voted for a change.They voted against Irro because he was not an agent for a change. And they are expecting from President-elect Bihi to put together a lean and competent cabinet with fresh faces. Jamal Hussein who has experience in finance and banking is expected to become finance secretary. While the reform minded Ahmed Samatar is favorite to run Education Department.Both men have campaigned tirelessly for Candidate Bihi. But, first, Muse Bihi must swear in as 5th President of Somaliland on inauguration day, December 16. Gubanmedia
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed ayaa goor dhow waxay iska casishay xilkaasi. Wasiir Maryan ayaa xaqiijisay iney xilkaasi iska casishay, waxaana ay sheegtay in daqiiqado kadib ay saxaafadda u faah faahin doonto sababaha ay xilkaasi uga tagtay. Drs. Maryan Qaasim ayaa mudadii ay xilkaan haysay waxbadan soo qabatay. Wasiir Maryan ayaa muddooyinkii danbe muran kala dhaxeeyay Ra’iisal wasaare Kheyre iyadoo shaqadii wasaaradeeda loo dhiibay guddiyo, isla markaana uu sii xumaaday xiriirka kala dhaxeeya Ra’iisal wasaaraha. Waxaa lagu wadaa inay saxaafadda faahfaahin ka siiso sababaha ay isu casishay, iyadoo ka mid ahayd xubnaha ugu dhow madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
  13. Waxaa Goordhow is Casishay Wasiirka Gargaar iyo Maareeynka iyo Musiibooyinka Xuukumada Federaalka Soomaaliya Drs Maryan Qaasim. Wasiirka oo Goordhow la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay in ay isaga tagtay xilkii ay ka heeysay Xukuumada Federaalka Soomaaliya. Qoraal Kooban oo Ay Soo Dhigtay Twitterkeeda ayeey ku Sheegtay in ay iska Casishay xilkaasi Sababo iyada u gaar ah. Lama Oga sababta rasmiga ah oo ay isku casishay Wasiiirkii Gar Gaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka Xukuumada Soomaaliya. Marwo Maryan Qaasim ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumada Dalka Soo martay waxaana xusid mudan in Wasaarada ay iska casishay ay aheyd mid ku cusub dalka. Horay waxaa isku Casilay Wasiirkii Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Soomaaliya oo is Casishay. appeared first on Puntland Post.
  14. Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed ayaa goor dhow waxay iska casishay xilkaasi. Wasiir Maryan ayaa Goobjoog News u xaqiijisay iney xilkaasi iska casishay, waxaana ay sheegtay in daqiiqado kadib ay saxaafadda u faah faahin doonto sababaha ay xilkaasi uga tagtay. Drs. Maryan Qaasim ayaa mudadii ay xilkaan haysay waxbadan soo qabatay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
  15. Washington (Caasimadda Online) – Waxaa weli socdo soo bandhigista sirihii laga helay Gurigii Usama Bin Laden ee sanadkii 2011 kadib markii ay halkaas weerareen Ciidamada gaarka ah ee Dowladda Mareykanka oo ku guuleystay inay dilaan Hoggaamiyahaas muddo badan ku dhuumaleysanayey buuro ku yaalo dalka Afghanistan balse markii dambe usoo guuray Pakistan. Hay’adda dembi baarista ee Mareykanka CIA (Central Intelligence Agency) ayaa markaan soo bandhigtay qeyb kale oo kamid ah sirihii laga helay gurigiisa. Sirta markaan lasoo bandhigay ayaa aheyd waxyaabo ku qornaa Buugga Xusuus qorka Bin laden oo laga dhex arkay nuqul ka hadlayo sababtii keentay inuu Bin laden qaado weerarkii lagu laayey dad badan oo mareykanka u dhashay iyo kuwa kale oo dhacay Sanadkii 2001. Waxaana C.I.A-da ay ku sheegeen in ay sababtu ahayd iyada oo AL-Qaacidda iyo hoggaamiyahooda Usamaba aysan u arkin Waddamada Carabta Ragga Madaxweynayaasha ka ah in ay yihiin kaligood taliyeyaal loo baahan yahay in xilka laga tuuro. Si loogu sameeyo xil ka qaadista hoggaamiyayaasha Waddamada Carabta marka hore la dumiyo Dowladda Mareykanka maaddaama ay Dowladda Mareykanku tahay midda ilaalisa Hoggaamiyayaasha Carbeed sidoo kalena maal gelisa. Al-Qaacidda waxaa ay rumeysneyd in hoggaamiyayaasha Carabta ay dhici doonaan marka Mareykanka uu weerarkaas ka dhaco kaddibna Al-Qaacidda mid mid u riddo Madaxweynayaasha Waddamada Carabta. Siraha la soo bandhigay waxaa ka mid ahaa qorshaha Al-Qaacidda ee Sucuudiga,Liibiya,Masar,Tunisia iyo Jordan,waxaana ay kala ahaayeen sidan. Marka hore in Dowladda Mucaamir Qadaafi ee Liibiya lala heshiiyo laguna gacansiiyo Gugii Carabta,si uu u oggolaado in Mujaahiddiinta gabaad ka helaan Liibiya,halkaaas oo ay ka weerari karaan Dalalka Masar iyo Tunisia. Waxaa kale oo qorshaha ku jiray in ka hor inta aysan Al-qaacidda qabsan Dalka Sucuudiga marka hore la rido dowladda Jordan oo loo arkayay in ay muhiim tahay ridideeda si loo rido kaddib boqortooyada Sucuudiga. Xusuus qorka Bin Laden ee CIA-du soo bandhigtay ayaa lagu xusay in Usama uusan ahayn Nin diinta aad u yaqaanna,sidoo lakalena ahayn aqoonyahan Islaami ah laakiin waxaa uu ahaa Ganacsade dhaqaale badan heystay,kaas oo markii uu ku jiray Dugsiga sare go’aansaday in uu jihaadka galo,kana guuleysto gaalada. Dhinaca Dalka Yemen,Al-Qaacidda waxaa u qorsheyneyd in Cali Cabdalla Saalax la qaarijiyo dalka Yemenna laga hirgeliyo dowlad Islaami ah. Sirahaan ay soo bandhigtay CID-da Mareykanka ayaa la hubin run ahaanshaheeda 100%, waxaana macquul ah in arrintaan laga leeyahay ujeedooyin gaar ah iyo in wadamada Carabta lagu baraarujiyo inay ka hor tagaan Al-Qaacidda. Osama Bin Laden ayaa ka tagay Ururka Al-Qaacidda oo hadda awood ku leh adduunyada, inkastoo ay dhuumaaleysi ku jiraan, haddana weli laguma guuleysan in si rasmi ah loo baabi’iyo kooxdaan. Al-Qaacidda ayaa dhawr koox oo xiriir la leh iyada ka sameysay wadamada Islaamka, waxaana dalalkaas kamid ah Soomaaliya oo ay Al-Qaacidda ka abuurtay ururka Al-Shabaab oo dhibaato badan ku hayaan Shacabka, waxayna 14 October Magaalada Muqdisho ka sameysay qarax lagu dilay ku dhawaad 400 qof oo Soomaali ah oo aan waxba galabsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Dalka Zimbabwe oo Dhaca Qaarada Afrika ayaa Xalay ilaa iyo Saaka waxaa ka socdo Dhaq Dhaqaaqyo u muuqda in ay yihiin kuwo lagu Afgambinayo Madaxweynaha Dalkaasi Robert Mugabe. Ciidamo aad u hubeeysan ayaa Xiray Wadooyinka Soo gala Magaalada Hareera ee Casimada Dalkaasi Zimbabwe. Ciidamada ayaa la wareegay Xarunta Tv-ga ee Dalka ZBC iyaga oo sidoo kale la wareegay wadada gasha Xisbiga talada haya ee dalka Zimbabwe ee la yiraahdo Zanu-PF iyaga oo ku xidhay Gawaari u badan Taangiyo. Xaalada ayaa ah iminka mid kacsan iyada oo meelaha qaarna laga maqlayo Qaraxyo iyo rasaas sida ay sheegayaan Goobjoogayaal la hadlay Warbaahinta. Madaxweyne Mugabe ayaa wajahaya xiisado Siyaasadeed waxaana arintaasi ka dambeeysay kadib markii ay soo baxday warar sheegaya in Mugabe uu doonayo in talada dalka uu ku wareejiyo Xaaskiisa taasi oo ay ka biyo diideen Xisbiyada dalkaasi. Robert Mugabe oo ah hadda 93-Sano Jir ayaa Muddo 30 sano ah haya xilka Madaxweynaha Dalkaasi isaga oo qabtay 1987. Wadamada qaarada Afrika ayaa waxaa ku badan Afgambiga talada looga tuuro Madaxweynaha dalalka Afrika . Wixii ku soo kordha xaalada Zimbabwe kala soco Puntland Post Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Ciidamada Milatariga oo afgambi kula wareegay Dalka Zimbabwe appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madax sare oo ka tirsan shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa sheegay in mid ka mid ah xubnaha golaha wasiiradda ee xukuumadda Somalia uu shirkadda weydiisay lacag baad ah oo dhan nus milyan dollar ($500,000) intii ay socotay baarista Qaraxii ay dadka badan ku dhinteen ee Zoobe ka dhacay 14kii October. Wasiirkaan ayaa shirkadda u sheegay in labo shaqsi oo ka tirsan shirkadda Hormuud oo dhowr bilood ka hor damiintay gaarigii is qarxiyay inuu dusha u saari doono kiis Al Shabaabnimo ah hadii aaney ka bixin lacag nus milyan Dollar ah oo ay ragaasi kaga bad baadineyso Shabaabnimo. Labaddan shaqsi oo wasiirka Amniga Somalia uu tiro labo jeer ah sheegay iney damiinteen gaarigii is qarxiyay ayaa hada ku jira gacanta Dowladda Somalia. Hormuud waxey u sheegtay Dowladda Somalia in la baaro Ragga gaariga damiintay ee shaqalahooda ka tirsanaa lana marsiiyo cadaaladda oo hadii ay dambi lee yihiin la xakumo ,hadii aaney dambi laheyna lasii daayo waxaase la yaab ku noqotay madaxda Hormuud in mid ka mid ah wasiiradda xukuumadda uu shirkadd weydiisyto lacag intii ay baaristu socotay. Wasiirkaan oo heysta dhalashadda UK ayaa qaar ka mid saamileydda shirkadda Hormuud ee kunool Ingriiska waxey sheegeen iney dacwad ka gudbin doonan iyagoo sheegay iney hayaan codad cadeynaya lacagaha uu weydiistay iyo hanjabaadiisa, sidoo kale waxey sheegeen iney arintaan la wadaagi doonaan Ra’iisul wasaraha iyo madaxweynaha Somalia. Waa wasiirkii labaad oo ka tirsan xukuumadda Ra’iisul wasaare Kheyre oo lugaha la gala kiis fadeexad iyo musuq maasuq ah bil gudaheed mana jirto wali talaabo uu qaaday Mr Kheyre. Dowladda ayaa xalay soo saartay warar is diidan oo la xiriira Qaraxii Zoobe iyadoo wasiirka amniga Isloow uu sheegay in la hayo 5 nin oo qaar ay Al Shabaab yihiin qaarna ay gaariga damiinteen halka wasiirka warfaafinta Yariisoow uu isna sheegay in 5ta ninba ay Al Shabaab yihiin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa muddo sanad ah ku kordhiyay hindisihii qeyb ahaan Soomaaliya looga qaaday Cunaqabateynta Soomaaliya. 11 ka mid ah Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa u codeeyay in ilaa 15ka November 2018 la gaarsiiyo qaadista qeyb ka mid ah cunaqabateynta Hubka ee saran Soomaaliya. Waxaana isla kulankaas lagu mamnuucay dhoofinta Dhuxusha Soomaaliya iyo in Hubka sharci darrada ah la mariyo biyaha Soomaaliya. 4 ka mid ah 15ka dale e Golaha amaanka ayaa ka maqnaa kulanka waxaana ay kala ahaayeen China,Masar,Bolivia iyo Ruushka,iyada oo 11kii fahdiyay u codeeyeen muddo kordhinta. Sidoo kale waxaa iyana ilaa 15-ka December 2018 la gaarsiiyay heshiiska Kooxda dabagalka Soomaaliya iyo Eritrea ee Qaramada Midoobey,waxaana looga codsaday in ay sii wadaan shaqadooda baaritaannada u badan. Kooxdan SEMG, ayaa sanadkan baaritaannadooda diiradda ku saaraya waxyaabaha qarxa ee loo dhoofiyo Soomaaliya sida Kiimikada, Precursors ammonium nitrate, potassium chlorate, potassium nitrate iyo sodium Chlorate, oo Goluhu tuhmayo in lagu fuliyay Qaraxyo ka dhacay Soomaaliya. Sidoo kale kooxda dabagalka ayaa warbixin looga dhageystay kulanka waxaa ay ku sheegeen in baaritaankooda sanadkii la soo dhaafay ay ku waayeen in wax xiriir ah ka dhaxeeyo Al-Shabaab iyo Dowladda Eritrea. Warbixinta Golaha ammaanka ayey dowladd Eritrea uga codsadeen in kooxdan dabagalka u oggolaadaan in ay dalkaasi galaan islamarkaana sameeyaan baaritaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Harare (Caasimadda Online) – Waaberigii hore ee saakayto ayey Milliteriga dalkaasi waxay la wareegeen Talada dalkaasi, waxayna Gaadiidka Gaashaaman ku go’doomiyeen dhamaan Xafiisyadda Dowladda, Dhismaha Barlamaanka iyo Maxkamadda Sare ee ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Harare. War ay Milliteriga soo saareen, lagana sii daayey Telefishinka Qaranka ayey ku sheegeen inay beegsanayaan Dembiilayaasha ku hareeraysan Madaxweynaha da’da ah ee Robert Mugabe. Bayaanka waxaa kaloo lagu sheegay in Madaxweynaha oo 93-jir iyo Qoyskiisa bad-qabaan Israsaasayn culus iyo dhawaqa gantaallo ayaa laga maqlay dhanka waqooyi, inkastoo aysan caddayn waxa ay xaaladdu ku sugan tahay. Ilaa iyo hadda ma jiro wax hadal hadal ah oo ka soo yeeray madaxweyne Robert Mugabe 93 jir ah. Safiirka Zimbabwe ee Koonfur Afrika Isaac Moyo wuxuu meesha ka saaray wax afgambi ah, wuxuuna sheegay in ay dawladdu wali shaqaynayso. Xaaladdan ka sii daraysa ayaa timid ka dib markii xisbiga talada haya ee Zimbabwe uu taliyaha ciidammada ku eedeeyay “khiyaano qaran” ka dib markii uu ka digay in ay macquul tahay in milatarigu uu xaaladda soo farogaliyo. Generaal Constantino Chiwenga ayaa khilaafay madaxweyne Mugabe ka dib markii uu xilka ka qaaday madaxweyne ku xigeenkii. Madaxweyne Zimbabwe iyo Xaaskiisa Grace Mugabe oo rajeynayso inay Xilka kala wareegto Ninkeeda ayaan la arkin ama la maqlin halka ay ku dambeeyeen. Wasiirkii Maaliyadda ee dalkaasi, Ignatius Chombo oo hoggaamiyaGarabka G40 ee Xisbiga ZANU PF ee haya Talada dalkaasi ayaa la sheegay inay Ciiddanku Xabsiga dhigeen. Sarreeye Gaas SB Moyo oo ah Taliyaha Guud ee Loojistikada oo ka hadlay Telefishinka Qaranka ayaa sheegay inay Ciiddanka begsanayaan Dembiilayaasha ku hareeraysan Madaxweyne Mugaabe, kuwaasi oo uu ku eedeeyey inay galayaan Dembiyo dhibaataynaya Dhaqaalaha iyo Bulshadda Zimbabwe. Wuxuuna intaasi ku daray in Dembiilayaasha la hor geyn doono Caddaalada.. “Isla marka aan dhamayno Hawlgalkaasi, waxaan rajeynaynaa inay Xaalladu caadi noqon doonto”ayuu yiri Jeneral SB Moyo. Dhaqdhaqaaqa Mucaaradka ee Isbedel-doonka Zimbabwe (Movement for Democratic Change) waxay ku baaqeen in si nabad ah loo soo celiyo Dastuurka Dimuqraadiyadda, waxayna rajo ka muujiyey inay Faragelinta Milliteriga horseedi doonto Asaaska Deganaansho, Dimuqraadiyad iyo Horukaca Qaranka. Warbaahinta Koonfur Afrika: Mugabe “wuxuu doonayaa in uu iscaslio” Sida ay baahinayaan qaar ka mid ah warbaahinta dalka Koonfur Afrika, Madaxweyne Robert Mugabe wuxuu isu diyaarinayaa in uu xilka ka dego, saacado ka dib markii “militariga ay la wareegeen awoodda”. “Mugabe wuxuu doonayaa in uu iscasilo”, ayuu wargeyska News24 ku qoray boggiisa asigoo soo xiganaya sarkaal sare. Balse faafaahin dheeraad ah kama bixin. Xiisad siyaasadeed ayaa sare u sii keceysay tan iyo markii madaxweyne Mugabe uu shaqada ka ceyriyay ku xigeenkiisii, Emmerson Mnangagwa, kaas oo muddo saaxiib dhow la ahaa Mugabe. Gawaari gaashaaman oo ku sugan jidadka Harare Militariga ayaa dhex wareegaya jidadka caasimadda dalka Zimbabwe ee Harare. Sawirro saaka laga qaaday Harare ayaa muujinaya gawaari waawayn oo gaashaaman iyo ciidamo si toos ah u joojinaya gawaarida.
  20. Korjoogayaasha caalamiga ahaa ee doorashada Somaliland ayaa qoraal hor-u-dhac ah oo ay soo saareen waxaa ay guud ahaan ku tilmaameen qaabka ay doorashadu u dhacday mid wanaagsan. Kooxdan ayaa sidoo kale ku soo bandhigay qoraalkooda dal-daloolooyin ka muuqday qaabka doorashadu u socotay, waxaa ay sheegeen in hannaanka wacyigelintu ay aad u liidatay taasina keentay in dad badani garan waayaan goobaha ay codka ka dhiibanayeen. Korjoogayaasha caalamiga waxaa ay qoraaalka ku sheegeen in ka war hayaan carruur aan gaadhin da’da codaynta oo loo ogolaaday inay codeeyaan. Dhinaca kale, waxaa ay sheegeen sidoo kale sheegeen in qaabkii sirta ahaa ee loogu tallo gallay ama ay ahayd in codeeyuhu u dhiibto codka dibadda la soo dhigay ama la khashifay. Dadka da’da ah ama waayeelka u badan ee u baahnaa in laga caawiyo cidday u codaynayaan la isweydaariyay meelaha qaarkood. Waxaa ay sheegeen in ay warbixin buuxda soo saari doonaan dhawaan. Dhinaca kale, Cabdiqaadir Jirde oo u hadlay Xisbiga Wadani ayaa ka cawday in mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga la xiray, qaarna dhaawacyo soo gaareen sida Faadumo Saciid iyo Xamse Kheye iyaga oo intaasi ku daray in xeerkii lagu tuntay sida muraaqibiintooda oo la saaray, handadaad loo geystay dadkii ka wakiilka ahaa xisbigooda iyo meelo uu sheegay ay Barasaabyada galayaan goobaha codadka lagu tiriyo. Goobjoog News Source
  21. Dowlada Soomaaliya ayaa soo bandhigtay Magacyada dad lagu tuhnsan yahay qaraxii 14-kii bishii la soo dhaafay Octoober ka dhacay isgoyska Zoobe, ka dib baaritaano dheeri ah oo ay sameeyeen Hay’adaha amaanka. Wasiirka Amniga gudaha ee dowlada Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow(Ducaale) ayaa shaaca ka qaaday shaqsiyaadka loo qabtay falkaasi qaraxa waxayna kala yihiin Mukhtar Mohamud Hassan (Gardhuub) – Abdiweli Ahmed Dirie (Abdiqani) oo ahaa madaxa qaraxyada Gobolka Benaadir, marka uu Gardhuub amarka ka yimaado Hassan Aden Isaq, oo ahaa darawalkii gaariga Noha-da, ahaana isku xirihii weerarka 14ka Oct, inta uusan wareejin Noha baa la qabtay. Ali Yusuf Wa’eys (Duale) oo ahaa shaqsigii loo diyaariyey inuu Noohada isku qarxiyo. Abdullahi Abdi Warsame Gaariga TM ka drawalka waday oo isku qarxiyey waa Maadey (Cismaan Xaaji) Source
  22. Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay xiriirka wada-shaqeyneed ee isaga iyo madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ka dhexeeya ayaa sheegay inaysan jirin wax khliaafaadyo ah oo soo dhex-galay isaga iyo madaxweynaha tan iyo markii xafiiska loo magacaabay oo laga joogo haatan siddeed bilood. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa hadalkan ka sheegay Munaasabad ka dhacday xalay Muqdisho oo ay ka Qayb-galeen boqolaal dhallinyaro ah, isla mar ahaantaana loogu baroor-diiqayay dadkii ku naf-waayay Qaraxii Isgoyska Zoobe ka dhacay 14-kii Oktoobar. “Sideeddii bilood ee aan Xafiiska joogay Aniga iyo Madaxweynaha marna isma khilaafin, wax muran ahna nama soo dhex-gelin, waana mid ku cusub dhagaha shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Somalia. Khayre oo sii hadlayay ayaa tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay horay u arki jireen in madaxda ugu sarreysa dalka ay arrimo siyaasadeed oo aan mug badan lahayn isku qaban jireen, balse aanay taasi hadda jirin. Marka dib loo eego eego Sooyaalka khilaafka siyaasadeed ee Mas’uuliyiinta dalka soo kala dhex-gala ayaa la dareemi jiray marka xafiiska ay muddo sannad ah joogaan Ra’iisul Wasaarayaashii Dalka soo maray, marka la eego afartii sano ee Xukunka hayay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo ay sannadka ugu horreeya is-qaban jireen Ra’iisul Wasaarayaashii hore, sida Cabdi Faarax Shirdoon iyo C/wali Sheekh Axmed, oo labadaba markii uu soo dhex-galay khilaafka iyaga iyo madaxweynaha ugu dambeyn kalsoonida ay kala laabteen xildhibaannada Baarlamaankii hore. Ugu dambeyn, Hadalka Ra’iisul Wasaare Kheyre kasoo yeeray oo ah in isaga iyo Madaxweynaha aysan is khilaafin ayaa kusoo beegmaya, xilli ay farqaha ku dhagan yihiin siyaasiyiin mucaaradsan xukunkooda. PUNTLAND POST The post RW KHAYRE: Ma jiro khilaaf nasoo dhex-galay aniga iyo Madaxweynaha tan iyo markii aan… appeared first on Puntland Post.
  23. Ra’isilwasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow ku wajahan Degmada Baraawe ee Gobolka Sh/hoose. Amaanka guud ee Magaalada Baraawe ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana halkaasi sugaya amaanka ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM. ujeedada Ra’isilwasaare Kheyre uu Baraawe u tagayo ayaa ah sidii u soo indha indheeyn lahaa xaaladaha halkaasi ka jira. Magaalada Baraawe ayaa ah Magaalo Xeebeed dhacd Gobolka Sh/Hoose waxaana ay ku Magacaabtahay Caasimada Maamulka Koonfur Galbeed inkastoo aanay Maamulka ku Shaqeeynin. Dhowr Sano ka hor ayaa Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM Al-Shabaab ka saareeyn magaalada Baraawe oo ah magaalo istiraatiiji ah. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ra’isilwasaare Kheyre oo ku Wajahan Baraawe appeared first on Puntland Post.
  24. Dowlada Soomaaliya ayaa soo bandhigtay Magacyada shaqsiyaad ku lug yeeshay qaraxii lagu xasuuqay shacabka Soomaaliyeed ee 14-kii bishii la soo dhaafay Octoober ka dhacay magaalada Muqdisho, ka dib baaritaano dheeri ah oo ay sameeyeen Hay’adaha amaanka. Wasiirka Amniga gudaha ee dowlada Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow(Ducaale) ayaa shaaca ka qaaday shaqsiyaadka loo qabtay falkaasi qaraxa waxayna kala yihiin 1- Mukhtar Mohamud Hassan (Gardhuub) – 2- Abdiweli Ahmed Dirie (Abdiqani) oo ahaa madaxa qaraxyada Gobolka Benaadir, marka uu Gardhuub amarka ka yimaado 3- Hassan Aden Isaq, oo ahaa darawalkii gaariga Noha-da, ahaana isku xirihii weerarka 14ka Oct, inta uusan wareejin Noha baa la qabtay. 4- Ali Yusuf Wa’eys (Duale) oo ahaa shaqsigii loo diyaariyey inuu Noohada isku qarxiyo. 5- Abdullahi Abdi Warsame Gaariga TM ka drawalka waday oo isku qarxiyey waa Maadey 6- (Cismaan Xaaji) PUNTLAND POST The post Dowlada Soomaaliya oo Soo Bandhigtay Shaqsiyaad loo Qabtay Qarixii Soobe appeared first on Puntland Post.
  25. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar hoose oo aan ka heleyno Villa Somalia, ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre uu maanta socdaal kadis ah ku gaari doono degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa hogaamin doona Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil ciidan, waxa ayna booqan doonaan Saldhigyo ay ciidamada dowlada kala wareegen maleeshiyaadka Al-shabaab. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sidoo kale booqan doona Xarumaha maamulka degmada iyo Xarunta Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed ee halkaasi laga dhisay. Waxa uu sidoo kale Kheyre booqan doonaa Xerooyin ay ku jiraan ciidamo ka tirsan dowlada kuwaa oo loo diyaariyay in maleeshiyaadka Al-shabaab ay kasoo jabiyaan dhabarka, si Gobolka Shabellaha Hoose ay ugu soo laabato gacanta dowlada. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa inta uu halkaa ku sugan yahay la kulmi doona Saraakiil ka tirsan ciidamada Mareykanka oo halkaa iminka ku diyaarsan kuwaa oo ay kawada hadli doonaan duulaanka iyo sida ciidamada dowlada looga caawin lahaa la dagaalanka Alshabaab. Dhinaca kale, waxaa aad loo adkeeyay amniga degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, maadaama ay halkaa daris la tahay Saldhigyada ugu waaweyn ee maleeshiyaadka Alshabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com