Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    210,539
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ololihii ugu danbeeyay ayaa ka socda magaalada Muqdisho oo muharixiinta xilka guddoomiyaha Baarlamaanka ay ugu jiraan inay u helaan codadka xildhibannada. Hoteellada Muqdisho ayaa shidan iyadoo labadii habeen ee ugu danbeysay aan laga seexan, waxaana soo baxaya musharixiin rajo ka leh kursiga ugu sareeya guddoonka iyo qaar ujeedkoodu ahaa inay is sharxaan oo kaliya. Musharixiinta ololaha ugu badan wada ayaa waxaa ugu horeeya: 1- Maxamed Sheekh Mursal 2- Ibraahim Yarow Maxamed 3- Cali Maxamed Nuur (Xaaji Cali) 4- C/casiis Lafta-gareen 5- & Maxamuud Macalin Yaxye Xildhibannada ka tirsan Golaha wasiirada ayaa ku kala qeybsamay taageerada xildhibannada Musharixiinta, waxayna doorashadan isu bedeshay mid jahawareer hareeyay oo aan la saadaalin karin cidda xilka ku soo bixi doonta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (PP) ─ Ololayaashii u dambeeyay ee doorashada guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ka socda Muqdisho, kuwaasoo ay wadaan musharaxiinta u taagan xilka guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, iyadoo tan iyo xalay ay socdeen kualmmo gaar-gaar ah. Caawa ayaa la filayaa inay Muqdisho marti-geliso ololayaashii ugu badnaa ee ka dhaca muddooyinkii u dambeeyay, kuwaasoo ay musharraxiintu kaga dal-banayaan xildhibaannada inay codkooda siiyaan, iyadoo musharrax walba uu u xusul-duubayo sidii uu ku guuleysan lahaa. Musharaxiinta u taagan Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ah 11 ayaa kuwooda ugu cad-cad waxay kala yihiin; Ibraahim Isaaq Yarow, C/casiis Lafta-gareen, Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan, Shariif Maxamed Cabdalla, Maxamuud Macalin Yaxye iyo Xaaji Cali. Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in madaxtooyada Somalia ay doonayso in doorashadan uu kusoo baxo musharraxa ay wataan oo ah; Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo horay u ahaa Wasiirka Gaashaandhigga DF. Dhanka kale, Musharraxiintii taageersanaa guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabk Somaila, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa doonaya inuu xilkan ku guuleysto xildhibaanka ay wataan oo ah; Ibraahim Isaaq Yaroow. Ugu dambeyn, Dadka odorasa siyaasadda ayaa sheegaya in Musharax kasta oo Madaxtooyadda iyo Xukuumadda wataan uu la kulmi doono culeys, isla markaana la isugu wada tagi doono ama loo midoobi doono, marka loo eego taariikho horay u dhacay oo Musharaxiin dowladda wadatay. PUNTLAND POST The post Musharaxiinta u Tartamaya Gudoomiyaha BFS oo Muqdisho kawada Ololihii ugu dambeeyay appeared first on Puntland Post.
  3. MOGADISHU (HOL) - Somali Prime minister, Hassan Ali Kheire on Sunday offered his condolences to the Somali people over the death of a member of Lower House Parliament who died on Saturday night in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  4. Ethiopia's new prime minister, Abiy Ahmed, began his first trip outside his country Saturday to Djibouti, a small but strategic country on the Red Sea. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar kale duwan ayaa kasoo baxaya arrimaha Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya. Xilli Olole ballaaran uu ka socda Madaxtooyada Soomaaliya, Villa Hargaysa iyo Hoteellada Magalaada. Inta aanan gudaha u galin qorshaha Maamul Goboleedyada Iyo Imaaraadka, waxaan sharaxaad kooban ka bixinaynaa halka ay xaajadu ku biyo shubatay xalay iyo wararkii u dambeeyay ee loolanka doorashada Guddoonka Baarlamaanka Golaha Shacabka. Waxaa xalay Muqdisho ka dhacay kulamo xaasaasi ah, balanqaadyo siyaasadeed, Iyo kudlado wadahadal xoogani u bilowday, in kastoo natiijada kulamadaasi ay soo shaac bixi doonaan maantay illaa caawa. Hadal haynta Musharaxiinta iyo saamaynta ay ku leeyihiin Ololaha ayaa had-ba waxay taagnayd heer laga qiyaas qaadan karo nooca natiijada doorashada maalinta Isniinta ah ka dhacaysa Hoolka Baarlamaanka Soomaaliya. 11kii Musharax ee u taagnaa xilka Guddoonka, illaa hadda ma jiro musharax ka tanaasulay xilkaas, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in maantay ay u badan tahay in ay Musharixiin tanaasulaan. Saadaasha musharaxiinta ugu miisaan culus ayaa xalay illaa shalay kusoo biyo shubatay illaa 3 Murashax oo kale ah. 1) Cabdicasiis Xassan Maxamed (Lafta Gareen) Musharaxaan ayaa lagu tilmaamaa in uu ka madax banaan yahay dhinacyada siyaasadda isku haya, waa musharax haddii uu soo baxo aysan Villa Soomaaliya u arag khatar weyn, inkastoo Mucaaradku ay la qaadanayeen kulamo kale duwan, ayna u arkeen in uu yahay musharax u babac dhigi kara Murashaxa Dowladdu taageerayso. 2) Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa ah Musharax ay xilligaan taageero naf iyo maal-ba leg ag dhigeen Xukuumadda Soomaaliya, Guddoomiye kuxigeennada Golaha Shacabka Muudey Iyo Mahad Cawad oo hadda ku midaysan murashaxaan, Iyo Shariif Xassan Shiikh Aadan madaxwaynaha Koonfur Galbeed oo saaxiib dhow la’ ah. 3) Musharaxa 3aad oo soo xoogaystay xalay illaa shalay ayaa ah Ibraahim Isaaq Yaroow. Musharaxaan ayaa taageero ballaaran oo gacan lixaad leh ka helay Maamul Goboleedyada Dalka oo ay ugu horreeyaan Hoggaamiyaasha Puntland Iyo Jubaland. Murashax Ibraahim ayaa dhawaan iska casilay xilka W/kuxigeenka Boostada Iyo Isgaarsiinta Dowladda Soomaaliya. Waana shaqsiga ay hadda welwelka weyn ka qabto Villa Soomaaliya. Waxaana warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in taageerada maamulladu siiyeen Ibraahim Yarow ay ka dambayso Dowladda Imaaraadka Carabta oo maalmahaan ay ku sugnaayeen Madaxwaynayaasha Puntland Iyo Jubbaland. Siyaasadda Soomaaliya ayaa gashay marxalad ka duwan marxaladihii horey loo saadaalin jirey. Waxaana isha lagu hayaa maantay illaa caawa isbadallada dhici doona. Iyadoo la filayo in ay Musharaxiintu isku tanaasulaan, maadaama 3 Musharax oo mid kasta uu jiho salka ku hayo ay saadaashii isugu soo biyo shubatay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Kenya Uhurro Kenyatta ayaa shaaca ka qaaday inay la dagaalami doonaan Al-Shabaabka ku dhuumaleysanaaya Xadka kala beyra Somalia iyo Kenya. Kenyatta ayaa sheegay inay ku jiraan u tabaabusheysiga sida ay weeraro ugu qaadi lahaayen Keymaha Kenya iyo dhammaan Saldhigyada ay Al-Shabaabka uga sugan yihiin Xadka labada dal. Waxa uu Kenyatta tilmaamay in heer gabagabo ay marayaan diyaarinta ciidamada ka qeybqaadan lahaa dagaalka lala galaayo Al-Shabaab, waxa uuna cadeeyay in dagaalkaani uu ka duwanaan doono kuwii hore. ‘’Cidna ugama cabsan doono inaan baabi’ino Al-Shabaabka ku jira Keymaha iyo Saldhigyada ku yaalla Xadka Somalia iyo Kenya’’ ‘’Waxaa noo diyaarsan ciidamo si khaasa u tababaran oo la doonaayo inay soo afjaraan dagaalka ay Kenya kula jirto Al-Shabaab’’ Waxa uu Kenyaatta sheegay in adduunka ay la socodsiin doonaan in dagaalka ay la galayaan Al-Shabaab uu noqon doono mid furan oo ay ka qeybqaadan karaan dhammaan dalalka kale ee Africa dhaca. Sidoo kale, Kenyaatta ayaa Dowlada Somalia ugu baaqay inay ka feejignaato dhagarta ay maleegayaan Kooxaha argagixisada ee ka dagaalanta Xadka iyo gudaha labada dal. Haddalka Kenyaatta ayaa kusoo beegmaaya xili Talisyada amaanka Kenya ay ka digeen weeraro kaga imaada dhanka Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. The UK government has acknowledged that her embassy in Mogadishu, Somalia is powerless and cannot initiate work in Somaliland. This has forced the British government to rethink her strategic interest hence will open a new consular office in Hargeisa. According to reports from reliable sources informed Somaliland News Agency (SOLNA) that a member of parliament from the British House of Commons Hon. Stephen Doughty on Thursday at the House floor asked the state minister of foreign affairs Mrs. Harriet Baldwin when Somaliland consulate will open. “The Foreign and Commonwealth Office has confirmed the British embassy in Mogadishu, Somalia cannot handle the bulk of work in Somaliland in this respect we are planning to review our policy and see if we could open a new consulate in Hargeisa.” Mrs. Baldwin stated. Hon. Steven Doughty was amongst a British parliamentary group that recently toured Somaliland on a fact-finding mission. He also champions for Somaliland recognition by the international community
  8. Muqdisho (PP) ─ Wafdi ka socda Dowladda Somalia ayaa gaaray xarunta dalka Burundi ee Bujumbura, si ay uga qayb-galaan daawashada cayaarta kama-dambeysta ah [FINAL] ee maanta ku dhex-mari doonta Bujumbura xulka Qaranka 17-jirrada Somalia iyo dhiggooda Tanzania. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo wafdi uu horkacayo ayaa saaka u dhoofay Bujumbura, si ay cayaartoyda Qaranka Soomaaliya gu dhiiri-geliyaan inay guulo kasoo hoyaan tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika. Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo lagu waday inuu u ambabaxo Bujumbura ayaa ka baaqday, sida ay sheegayaan ilo ku dhaw-dhaw madaxtooyada, Waxaana Xukuumaddu ay dirtay wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka. Dadweyne Soomaaliyeed oo ka kala yimid dalka dibadiisa ayaa ku qulqulaya magaalada Bujumbura, si ay taageero ugu muujiyaan ciyaartoyda 17-jirrada ee cayaarta kama-dambeysta ah kula ballansan xulka Tanzania. Wufuudda gaartay Magaalada Bujumbura waxaa ka mid ah Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Taabit Cabdi Maxamed oo iskiis isku xil-qaamay si uu u taageero xulka 17-jirrada Somalia. Ugu dambeyn, Shacabka Soomaaliyeed ayaa rajeynaya in cayaartoyda 17-jirada ee xulka Qaranka Somalia ay ku guuleystaan koobkan, isla markaana ay Muqdisho keenaan iyagoo wada koobka. PUNTLAND POST The post Wufuud Bujumbura u Tagay ka Qayb-galka Cayaarta Finalka ee Soomaaliya iyo Tanzania appeared first on Puntland Post.
  9. Moqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliyeed ayaa wadda qorshe ay seddax shirkadood oo ugu xireyso inay qaadka keeni karaan magaalada Moqdisho iyo gobollada Sh/Hoose iyo Sh/Dhexe. Qorshahaan ayaa waxaa si gaar ah u wata Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad iyo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle). Wasiir Maxamed Cabdullaahi Salaad iyo Maareeye Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle) ayaa heshiis hoose oo sharci darro ah la galay seddaxdaan shirkadood, si ay u yeeshaan xuquuqda xamuulka iyo soo-dejinta qaadka. Ma ahan markii ugu horreysay ee ay tallaabada nuucaan ah qaadaan, laakiin waxaa la yaab leh, in la isticmaalay awoodda iyo saxiixa Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle) oo dalka ka maqan, weliba saxiixiisa waa la qalday, iyadoo aan saxiix ku-simana la isticmaalin. Taasi waxay muujineysaa sida ay labadaan masuul isugu waafaqsan yihiin u awood-sheegashada shirkadaha kale ee yaryar gaarkana loo leeyahay kuwaasoo kalalka xamuulka wax ka lahaa. Warar hoose ayaa sheegaya in seddaxdaan shirkadood Blue Bird Aviation, Skyward iyo Golden Star ay heshiis hoose la galeen Wasiir Maxamed Cabdullaahi iyo Yuusuf Jaalle, si kalalka xamuulka qaadka seddaxdooda loogu qeybiyo isla markaana meesha looga saaro shirkadaha kale, iyadoo loo maray hab ku-takrifal awood ah, oo aan sharci aheyn. Warqad rasmi ah oo laga soo saaray labada xafiis ayaa lagula amray shirkadaha kale, inay u hogaansamaan amarkaan oo dhaqan-gelaya 1da bisha May ee nagu soo foolka leh. Caasimada Online Xafiiska Moqdisho Caasimada@live.com
  10. Hargeisa—Somaliland said that it will invest in 1,500 hectares of land for agriculture in Wajaale town. Minister of Agricultural development Ahmed Mu’umin Seed contributed 21 tractors for the Wajaale people to plant different crops on 1,500 hectares of land, according to a statement received by Somaliland Informer. Minister Seed said that his ministry will dig wells for using farmers to irrigate their farming land. The statement said that Somaliland will likely to reduce Food imports and will do its best to distribute enough for its population.
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa safarkiisii ugu horreeyay tan iyo markii la magacaabay booqasho ku tagay dalka Jabuuti. Booqashada Abey Axmed ee dalka Jabuuti ayaa timid kadib casuumaad uu ka helay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Geele. Ra’isul wasaare Abey Axmed ayaa waxa uu magaalada Jabuuti kula kulmay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ay kawada hadleen arrimaha labada dal, Ganacsiga, Siyaasada iyo xaalada Somalia. Kulanka labada mas’uul oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada dalka jabuuti, ayaa waxaa lagu lafaguray dhammaan qodobada aan kor kusoo xusnay, waxa ayna laba mas’uul isla fahmeen in leyska garabsiiyo iskaashiga, Ganacsiga iyo kobaca Siyaasada. Madaxweyne Ismaaciil Geelle, ayaa Abey Axmed u sheegay in Jabuuti ay laba jibaari doonto xiriirka kala dhexeeya Ethiopia, si taa lamid ahna la doonaayo in Ethiopia ay is garabtaagto Jabuuti. Waxa ay isla fahmeen sidii loo xoojin lahaa xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo sidii dowladda Jabuuti xiriir Wanaagsan ula sameyn laheyd Ra’iisul Waasaaraha Cusub Abiy Axmed. Ganacsiga ayey isku fahmeen in kor loo qaado isla markaana leyska caawiyo sida lagu sara qaadi lahaa Ganacsiga labada dal. Sidoo kale, waxa ay isla fahmeen isla markaana kawada hadleen in la garab istaago dowlada Somalia, si loosoo afmeero dhaqdhaqaaqyada argagixiso ee al-Shabaab. Waxa ay isla garteen in si wada jira dowlada Somalia looga caawiyo la dagaalanka al-Shabaab iyo in la taageero dowlada oo ku guda jirta kobac dhan waliba leh. Si kastaba ha ahaatee, Booqashada Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abey Axmed ayaa noqoneysa mid sara qaadi doonta xiriirka labada dal. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa mar kale ka digay musuqa gabaabsiga ah ee weli ka dhex jira xarumaha dowlada qaarkood. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sheegay inay la socdaan dhammaan dhaqdhaqaaqyada shaqsiyaadka ka mas’uulka ah Xarumahaasi, waxa uuna ka digay inay ka waantoobi waayan waxa ay gacanta kula jiraan. Waxa uu tilmaamay in xarrun dowladeed uusan kasii shaqeyn doonin mas’uul ama shaqsi jecel inuu ku shaqeeyo musuq. ‘’Cidii jecel inay kusii shaqeyso musuq waxa ay banaanka uga bixi doontaa xarunta lagu aaminay, waayo ma wada shaqeyn doono anaga iyo kuwa saaxiibka u ah musuqa ee wali laga cabanaayo’’ ‘’Waxaa jira shaqsiyaad ka haray kuwa musuqa u saaxiibka ah ee aanu la dagaalanay waxa ay iyaguna marayaan halka ay mareen kuwii hore’’ Sidoo kale, Kheyre ayaa sheegay inay jiraan warar muujinaaya in Xafiisyada qaar ay ka jiraan dhaqanada ‘’nin jecleysiga’’ waxa uuna ka digay in howsha Qaranka loo rogo nin jecleysi iyo wixii lamid ah. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa horay u sheegay in dowlada iminka jirta aysan lamid aheyn kuwii hore waxa uuna cadeeyay inay la dagaalami doonaan cid waliba oo ku sifowday musuqa iyo nin jecleysiga. Si kastaba ha ahaatee, digniinaha labadan arrin ayaa kusoo beegmaaya iyadoo inta badan dalka uu ka socdo ololo lagu ciribtiraayo dhaqanada ceynkaas ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday inay ku biirayaan Gurmadka loo fidinaayo dadka kasoo jeeda Magaalada Baledweyne xarunta gobolka Hiiraan ee wabigu kusoo fatahay. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Madaxa Xukuumadda Galmudug, ayaa sheegay in Galmudug ay qaadaneyso kaalinteeda gurmad tan ugu wanaagsan. Sheekh Shaakir, waxa uu sheegay in Galmudug ay door ka qaadan doonto Gurmadka loo fidinaayo dadkaasi, waxa uuna ku baaqay inaan la ilaawin dadka ku dhaqan Hiiraan oo idil. Madaxa Xukuumadda Galmudug, waxaa uu ganacsatadda iyo Qeybaha kala duwan ee bulshadda ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan Gurmadka loo fidinaayo dadka ay saameeyeen Fatahaadda ku dhuftay Magaalada Baledweyne. Sidoo kale, Sheekh Shaakir ayaa sheegay in dhamamaan Garoomadda Galmudug ay u furi doonaan Gargaarka loo waddo Hiiraan, si ay u isticmaalan diyaaradaha gargaarka sida. Docda kale, Xukuumada Somalia ayaa ku dhawaaqday inay kaalin mug leh ka qaadaneyso barakaca iyo dhibta ka taagan goobaha uu ku fatahay wabiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. In February this year, Somali judge Abdulqawi Ahmed Yusuf was elected the president of the International Court of Justice (ICJ). Source: Hiiraan Online
  15. When I tell people that I am off to Somalia or Somaliland in the morning they usually offer some kind of commiseration. But they needn’t. A trip there is never boring, especially when you know that you will be catching a plane back in a few days’ time. Anyway, I enjoy a little shot of adrenaline now and again. Source: Hiiraan Online
  16. Dowladda Soomaaliya ayaa la kulantay caqabado gudaha iyo dibadda ah Afartii bil ee u dambeesay waxaana ay wadaa olole xoogan oo dalka looga saarayo rabshadihii kala duwanaa ee uu soo maray. Soomaaliya ayaa qorshaheedo yahay in amaanka ay kala wareegto howlgalka AMISOM oo ciidamada dowladda lagu wareejiyo dhamaan goobaha AMISOM baneyso iyadoo laguda galay xiliga kala guurka. Mareykanka ayaa shaqada ka ceyriyay Xoghayayii arimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson oo qorsheynayay in uu booqasho ku tago dalalka bariga Africa. Kala shakiga dowladahan ayaa sii xoogeystay Markii Baarlamanka Soomaaliya uu dalka ka mamnuucay Shirkadda DP World oo laga leeyahay Imaaradka Carabta taa oo heshiis la saxiixatay Maamulka Somaliland. Faragelinta Reer Galbeedka Iyo Danaha Imaaradka Ee Soomaaliya. Dr Abdiwahab Abdi oo ah khabiir dhanka siyaasadda ah isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii soo maray wadamada South Arica iyo Kenya ayaa waxa uu sheegay in reer galbeedku siyaasadoodu aheyd mid Soomaaliya ay kaga warqabayaan kaliya iyagoo tooda fiirsanayana waxaana reer galbeedku Soomaaliya ka howlgeliyeen dalka Imaaradka Carabta oo ay isku haleyn karaan si danahooda ay u gaaraan. “ Imaaradku waxa uu ka shaqeynayaa inuu Soomaaliya labo u kala qeybiyo, una sii qeybiyo dalalka deriska la ah, isagoo taageero ka helaya xulafadiisa reer Galbeedka si loo xaqiijiyo nuuc gumeysiga kamid ah oo gobalka saameeya si danaheeda dhaqaalo u fiirsadaan” sidaasi waxaa Wargeska Daily Nation u sheegay Dr Abdiwahab Abdi oo siyaasadda Africa ka faalooda. Imaaradka carabta ayaa si joogta ah u bixinayay lacagta uu siiyo ciidamada uu tababaray mana jirin teegeero uu siin jiray Ciidamada Militriga Soomaaliyeed. Soomaaliya ayaa si weyn kaga shakisay Dowladda Imaaradka Carabta “ waxaa jira shaki aan ka qabno lacagtii imaaradka aan kala wareegnay waxaan u fahanay in Gudoomiyihii golaha Shacabka lagu badbaadin rabo iyadoo xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay Mooshin ka gudbiyeen islamarkaana ay ka cabanayaaan” sidaasi waxaa yiri sarkaal ka tirsan wasaaradda Arimaha dibadda Soomaaliya oo la hadlay Daily Nation islamarkaana magaciisa qariyay sababa jira aawadeed. Waxaa sidoo kale sarkaalkan ka tirsan dowladda Soomaaliya uu sheegay in xeriir taariikhi ah ay wadaagaan Imaaradka iyagoo mashaariic kala duwan ka hergeliyay Soomaaliya balse waxa uu hoosta ka xariiqay in khilaafka uu salka ku hayo Heshiiska Imaaradka uu la saxiixday Maamulka Somaliland si uu isticmaalo dekadda Berbera iyadoo laga howlgelinayo shirkadda DP World oo itoobiya saami ay ku yeelatay. Xasaradaha Qatar Iyo Kala Shikiga. Dowladda Soomaaliya ayaa qaatay go’aan dhexdhexaad markii uu soo ifbaxay khilaafka Khalejka Carabta iyadoo iska diiday iney xeriirka u jarto dowladda Qatar, waxaana taasi Soomaaliya ay ku heshay lacag dhan $200 million oo Mahaariic horumarineed dalka ugu hergelineyo Xukuumadda Doxa. Madaxweynaha Mareykanka Donlad Trump ayaa taageersan go’doomintii dowladda Qatar isagoo horay ugu dhaga hadlay Qatar mar uu yiri ( waa in meesha laga saaraa dowladaha teegeera argagixsada) intaas kadib xoghayiisii arimaha Dibadda Rex Tillerson ayaa bilaabay olole dhexdhaxaadin ah oo ujeedka Trump ahaa in cadaadis la saaro Qatar si Dowladda Iran ay u jarto xeriirka kala dhexeeyo Doxa. Rex Tillerson ayaa isaga haray dhexdhaxaadinta ,waxaana Imaaradka uu bilaabay olole Teleroson xilka looga tuurayo sida warbaahinta BBC-da ay ku heshay Fariimo qarsoon oo Imaaradku u dirayay sharci yaqaanada, Soomaaliyana waxa ay ku jirtay qeybta dhexe. Dowladda Mareykanka ayaa ka soo horjeesatay in ay qirato doorka ay ku laheyd in la farageliyo arimaha Soomaaliya sida uu sheegay Robyn Mack oo ah afayeenka taliska howlgalka Mareykanka ee qaaradda Africa (AFRICOM) isagoo xusay in ujeedka Mareykanka uu yahay sidii Soomaaliya looga sifeyn lahaa dagaalyahada Al Shabaab. W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal) Abdiazizh99@gmail.com Xigasho: Daily Nation
  17. Garoowe (Caasimada Online)- Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga ayaa bilowday dhismaha lix wado oo gudaha magaalada Garoowe dhex mara, kuwaasi oo shan ka mid ah noqon doonaan Jaay, halka wadada lixaad la saari doona Laami. Mashruucaan ayaa hirgelintiisa leedahay shirkadda TTN ee dhistay garoonka diyaaraddaha Garoowe ayaa dhanka kale, waxaa si iskaa wax u qabso ah ka taageeri doona shirkaddaha iyo ganacsatada Garoowe, haddiiba ay kaalmo ka helaan. Shirkadda TTN, ayaa dowladda hoose ee Garoowe ka caawin doonta dhismaha waddooyinkaas iyagoo lagu kabi doono tabarucaad laga soo aruurin doono Ganacsatada degmada sida lagu sheegay munaasabad lagu qabtay xarunta Jaamacadda Bariga Africa. Maayarka degmada Garoowe, Axmed Ayax ayaa sheegay in waddooyinkan uu ku bixi lahaa kharash aad u badan, balse shirkaddu u balan qaaday inay caawin doonto islamarkaana degmadu bixiso tasiilaad yar yar oo shaqadaas lagu qabanayo. Inkastoo aan dherarka waddooyinkaas la sheegin, hadana waxaa maamulku tilmaamay in lacag gaaraysa $168.800 ay ku bixi doonto dhismaha waddooyinkaas oo mid kamid ah la saari doono Laami. Duqa degmada ayaa guddi u saaray soo aruurinta lacag tabarucaad ah oo lagu kabi doono shaqada ay qabanayso shirkadaas, waxaana lacago la qoondeeyay lagu qoray dhammaan shirkadaha iyo meheradaha ganacsi ee ku yaalla degmada Garoowe. Maayarka cusub ayaa shaqadii dowladda hoose derdergalin ku sameeyay, xilli uu haysto 45 cisho oo ah mudada loogu talo galay in lagu soo xulo golaha deegaanka caasimadda Garoowe .
  18. Soomaali caaqil ahaa ayaa laga hayaa in uu ku maah maahay “Ninkii tiin beeray iyo Kii Timir beeray, labaduna taariikhdu wey xusi”. Taas waxa ay caddeyn u tahay in taariikhdu duugoobin. Sanad walba, Waxaan sugnaa, saqdii dhexe, madax, iyo shacabba marka ay goor sheegtadu is dul daagto 12-ka habeenimmo, taariikhduna isu bedesho 1-ka Luulyo, in aan xusno maalintii gobonimada oo aynu iska ridnay heeryadii guumeysiga. Dabaaldagga habeenkan kuma iimaan si sahal ah, dhiig, maal, maskax iyo muruq ayaa loo huray. Eebe Janaddii Firdowsa haka waraabiyo awooweyaasheennii wax walba u soo huray in aan maanta ka harsanno gobonimmo qaarkood aysan calfan. Cabdullaahi Ciise Maxamuud (AUN) waxa uu ka mid ahaa halyeyaddaas ku sharfan sooyaalka Soomaalida, waan ka cududur daaranayaa oo halkan kuma soo koobi karo taariikhda qaniga ah ee uu dalkan ku leeyahay kagana galay baalka dahabka ah, balse, waxaan soo qaadan doonaa dhacdo yar oo taariikhdiisa ka noqoneysa sida irbad bad lagu riday. Ujeedka aan ka leeyahay xusidda taariikhdan waxa weeye in aan xusuusiyo Madaxweyna Qaranka Mamxamed Cabdullaahi Farmaajo Eedeb ha xifdiyee abaal uu Halyey Cabdullaahi Ciise Maxamuud u galay Aabihii , Cabdullaahi Maxamed Farmaajo in tii lagu guda jiray dowladdii daakhiliga ahayd ee uu Cabdullaahi Ciise ka ahaa Raisul Wasaaraha. Marka hore muxuu ahaa xilligaas Cabdullaahi Maxamed Farmaajo? Eebe ha’unaxariistee, Cabdullaahi Farmaajo (Aabaha Madaxweyneheenna Qaranka) waxa uu ka mid ahaa dhallinyaraddii taageerada hiil iyo hooba la garab taagnaa Xisbigii Leegada (SYL) ee gobonimo doonka ahaa, Cabdullaahi Ciise-na tiirarka ugu waa weyn uga jiray kuna noolaa magaalada Kismaayo. Maxaa dhacay? Markii uu Talyaaniga dib u qabsaday dhulkii Soomaalida, waxa uu xilal ka wada safay dadkii isaga taabacsanaa ee loo yaqaanay (Pro Italians). Dadkaas waxaa ka mid ahaa Muse Samatar oo laga dhigay agaasimaha xabsiga dhexe ee magaalada Kismaayo. Muuse Samatar waxa uu xabsiga dhigay Cabdullaahi Farmaajo iyo dhallinyaro kale oo dhammaan taageero u ahaa SYL. Cabdullaahi Ciise oo ahaa xilligaas Raisul Wasaaraha dowladda daakhiliga ah ayaa loo sheegay in dhallinyaro Soomaaliyeed lagu xidhay xabsiga Kismaayo laguna jidh dilo. Cabdullaahi Ciise waxa uu ku amray Muuse Boqor oo ahaa wasiirkiisa Arimaha Gudaha xilligaas in uu shaqada ka eryo Muuse Samatar. Xilligaas waxaa jiray afar wasaaradood oo qura, taas oo ka dhigneyd in Xabsiyada ay hoos imaan jireen Wasaaradda Gudaha. Muuse Boqor wuu diiday in uu shaqada ka eryo Muuse Samatar oo ahaa agaasimaha xabsiga Kismaayo isaga oo u sheegay Cabdullaahi Ciise in uusan sidaas yeeli doonin maadama ay Pro Talyan badan xilal hayaan oo ay tahay in la wada eryo ama la wada daayo. Maxaa xigay? Halkaas waxaa isku seegay Cabdullaahi Ciise iyo Muuse Boqor. Cabdullaahi Ciise waxa uu ka dalbaday Musue Boqor in uu istiqaalo, haddii uu diidana uu isagu is casili doono. Waxaa fariistay golihii dhexe ee Xisbiga Leegada oo soo faragaliyey arinta. Waxa ay ka dalbadeen Muuse Boqor in uu isaga istiqaalo maadaama dowladda daraadiis loo dumin karin oo uu ka fudud yaay Cabdullaahi Ciise. Waxa jirta lama sheeko oo kala duwan kuna saabsan sida ay u dhacday is casilaadda Muuse Boqor. Jeneral Jaamac Maxamed Qaalib, barahayga Sooyaalka Siyaasadda Soomaaliya oo aan soo xigtay ayaa ii sheegay in uu isagana soo xigtay Raisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Yusuf waxa uuna labada sheeko igu kala dhigay. 1…. Golihii dhexe ee Xisbiga markii ay istiqaaladda ka dalbadeen Muuse Boqor, wuu keenay oo halkaas ayey sheeko ku dhammaatay. 2…. In Golihii Dhexe ee Xisbiga ay ku yiraahdeen Muuse Boqor keen istiqaaladda laakiin lagaama aqbali doono, taasna uu golaha ka ka aqbalay Cabdullaahi Ciise, balse markii uu Muuse Boqor warqaddii u kenay Cabdullaahi Ciise uu ka qaaay sidaasna ku tagay Muuse Boqor. Sheekadda dambe, Jeneral Qaalib, waxa uu ii sheegay in uusan isagu aaminsaneyn in ay sax tahay, maadama uu qabo haddii Cabdullaahi Ciise balan qaadi lahaa in aan istiqaalada laga aqbalin Muuse Boqor in uusan ka qabteen warqadda sidaasna ku tageen, waayo ballan furka ma aqoon Cabdullaahi Ciise. Gunaanad, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ku yimi rabitaanka shacabka oo ilaa iyo maanta garabkiisa taagan, waxaa la xusuustaa farxaddii iyo muxubaddii ay ku soo dhaweeyeen habeenkii la doortay, booqashaddii gobolada iyo sidii ay u xaqiijiyeen in ay wali ka arkaan wixii ay ku jeclaadeen, taas, aniga oo aaminsan, waxaan dulucda taariikhdan uga gol leeyahay, 1, in aan dib u xusuusiyo sheekadaas, 2 in uu Abaalkii Geesi Cabdullaahi Ciise, maanta anaga noo gudo oo uu sii wado ku shaqeynta SOOMAALINIMADA. Maxamed Muuse Maxamed Aadan Email: Muhamedkaafi@Gmail.com Waxaan soo xigtay barahayga Sooyaalka Siyaasadda Soomaaliya General Jaamac Maxamed Qaalib, Xafiduhullaah, oo isna sheekadan ka soo xigtay Raisul Wasarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Yusuf.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay hoosta ka xariiqday ka qeybqaadashada sida uu xilka ugu sii raagi lahaa Hogaamiyaha Puntland Cabdiwali Gaas. Imaaraadka Carabta ayaa la xaqiijiyay in Cabdiweli Gaas ay u ballanqaaday inay kusii heyneyso xilka uu iminka hayo. Mas’uuliyiin ka tirsan garabyada mucaaradka Puntland ayaa laga soo xigtay in dowlada Imaaraadka ay Cabdiwali Gaas, u ballanqaaday inay kaalin weyn ka qaadan doonto sida uu kusii hana lahaa Kursiga uu wakhtigiisa kasii dhamaanaya. Waxa ay sheegen in loo ballanqaaday dhaqaalaha uu uga gudbi lahaa doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo Puntland, iyadoo laga duulaayo Heshiis hoosaadka uu kusoo saxiixay magaalada Abu Dabai. Heshiiska ay magaalada Abu Dabai ku kala saxiixdeen Gaas iyo Imaaraadka ayaa waxaa kamid ah in garab dhaqaale uu Imaaraadka ka geysan doono ololaha doorasho, si uu mar kale usoo rogaal celiyo Cabdiwali Gaas. Sidoo kale, Gaas ayaa dhankiisa ka ballanqaaday inuu tixgalin doono dhammaan Heshiisyada ay wada galeen Imaaraadka, waa haddii uu soo laabto, isla markaana uu cusbooneysiin doono Heshiisyada uu wakhtiga kasii dhamaanayo ee mashaariicda Imaaraadka. Warar madaxbanaan ayaa sheegaya in Cabdiwali Gaas uu Imaaraadka Carabta u saxiixay 3 Mashaariic oo dheeri ah kuwaa oo faa’iidooyin ugu jira dowlada Imaaraadka Carabta. Heshiiskan cusub ayaa waxaa si hoose ugu shaqeyn doona Shirkada DPWorld oo laga leeyahay dalka Imaaraadka horayna maamulka Puntland ula gashay Heshiisyo dhowr ah. Ma cadda kaalinta dowlada Federaalka kaga aadan Heshiisyada qarsoodiga ah ee u dhexeeya Puntland iyo Imaaraadka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa ololaha Doorashada Musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha baarlamaanka ee uu dhawaan iska casilay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Ololaha oo maalintii Seddexaad si xooli ah uga socda magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay Musharaxiintu galayaan saacadihii ugu danbeeyay ee ololahooda. Ololaha xooligiisa ayaa waxa uu ka socdaa Xarunta Villa Somalia iyo Hoteelada magaalada Muqdisho oo ay u badan yihiin Madaxda dalka, gaar ahaan Xildhibaanada baarlamaanka ee laga sugaayo codka. Musharaxiinta qaar ayaa lasoo sheegayaa xitaa in xaafadaha ay ugu tagayaan Xildhibaanada si ay u helaan codadka ay ku gaari lahaayen Kursiga faaruqa ah ee uu baneeyay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Musharaxiinta ayaa waxaa ololahooda daba socda dhaqaale xoogan oo ay ku iibsanayaan codka Xildhibaanada, halka qaarna ay sameynayaan ballanqaadyo, waa haddii ay ku guuleystaan doorashada. Inta badan Musharaxiinta u taagan xilka Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa ku jira diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashadda, waxaana lagu wadaa in maanta oo Axad ah uu soo idlaado ololaha Musharaxiinta. Musharaxiinta u taagan xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa dhammaantood mid kaste oo ka mid ah waxa uu sheegay in uu doonaayo in uu noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia. Sidoo kale, Guddiga doorashadda ayaa sheegay in maalinta Isniinta ah ay dhici doonto doorashadda Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya,isla markaana la doonaayo in Musharaxiinta ay wakhtigooda ka faa’iideystaan. Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa 9-kii bishan April iska casilay xilka Guddoonka, sida xeerka Baarlamaanka uu dhigayana ay waajib tahay in booskaas lagu buuxiyo mudo 15 maalmood ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha shacabka baarlamaanka Soomaliya, ahna ku simaha Gudoomiyaha Cabdiweli Ibraahim Muudey, ayaa shaaca ka qaaday in doorashada Guddoomiyaha BF ay ku dhaceyso xiligeeda. Muudeey, ayaa sheegay in Guddiga Doorashada iyo Guddoonka baarlamaankuba ay raaci doonaan Jadwalka Doorashada. Waxa uu Guddoomiye Muudeey, carab ***** in Doorashada ay noqon doonto mudada lagu ballamay, isla markaana ay ku dhici doonto waddo nadiif ah. ‘’Qorshaha waxa uu yahay xiliga ballanka, waxaan rajeyneynaa inaan ilaalino wakhtiga doorashada insha allah’’ Guddiga doorashadda ayaa sheegay in maalinta Isniinta ah ay dhici doonto doorashadda Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya. Guddoomiyaha Guddiga ayaa dhankiisa ka xaqiijiyay inaanu jirin dib u dhac u qorsheysan, waxa uuna ballanqaaday inay rajeynayaan raacida Jadwalka Doorashada. Guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa 9-kii bishan April iska casilay xilka Guddoonka, sida xeerka Baarlamaanka uu dhigayana ay waajib tahay in booskaas lagu buuxiyo mudo 15 maalmood ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online)- Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ka taagan xaalad bini’aadanimo tii ugu xumeyd, halkaasi oo ay roobab iyo daad kusoo fatahay ay ugu barakaceen in ka badan 150 kun qof iyo magaaladii oo kala xirantay. Guryihii shacabka ayaa daadad qaaday, kumamaan qoys ayaa noqday hoy la’aan, cuduro ayaa ka dilaacay, waxaana gebi ahaanba dansan korontadii magaalada, halka ceelashii biyaha ay dadka biyaha ka heli jireen iyo daadkii isku darsameen, waxaa intaas usii dheer in bulaacadihii musqulaha wasaqdoodii ay ku hooreen ceelashii dadka cabayay. Arrintaasi oo indhaha laga qabsan karin ayaa mudanayaasha laga soo doorto Hirshabeelle ay qeyla dhaan kasoo saareen, iyagoo cambaareyn ay u jeediyeen dowladda kadib, kulan deg deg ah uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xassan Cali Kheyre isugu yeeray hay’addaha dowladda, kuwa samafalka iyo safiirada caalamka ee fadhiya Muqdisho. Kulankaasi ayaa looga hadlay xaalada murugsan ee fatahaada webiga Shabeelle oo dhibaato u geestay bulshada iyo deegaanka Baladweyne iyo Jowhar. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa magacaabay guddi ka kooban 22 xubnood oo uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkiisa, Mahdi Maxamed Guuleed (Khader), wuxuuna faray in ay kulan deg deg ah ka yeeshaan gurmadkan iyo sida ugu haboon uguna wanaagsan ee loo caawin karo shacabka. Waxuuna ku dhiiri geliyay in ay qorsheeyaan sida ay shaqada u wajihi doonaan. “Waxaan isku raacnay in aan u gurmanno dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu gaartay sida ugu dhaqsaha badan, dawladda Soomaaliyeedna ay awoodeed ku jiheyso sidii dadkaasi loogu gurman lahaa. Waxaana farayaa hay’adaha sama-falka in gar-gaar walba oo ay hayaan gaarsiiyaan deegaanada dhibaatadu ka taagantahay. “Dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxa aan ka codsaneynaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo gurmadaan walaalahooda. Gobalada deriska la ah meelaha dhibaatadu ka dhecceen waa in ay u gurmadaan shacabka dhibaataysan”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre. Dhammaan Safiirada jooga Soomaaliya iyo madaxda Hey’adaha caawiya Soomaaliya ayaa balan qaaday in ay sida ugu haboon qaybtooda uga qaadan doonaan gurmadka qaran ee loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed.
  23. Allaha u naxariistee Xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Goordhow ku geeriyooday Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Xildhibaan Khaliif Cabdullaahi Dheere oo katirsan Baarlamaanka ayaa Goordhow oo caawa ah ku geeriyooday Isbitaalka Madiina ee Muqdisho. Ehlada Xildhibaanka ayaa xaqiijiyay in Xildhibaanku uu daqiiqado ka hor dhintay. Xildhibaanka ayaa 3-dii bari ee la soo dhaafay ku xanuunsanayay Muqdisho. Waa Xildhibaankii 4-aad ee katirsan Baarlamaankaan 10-aad ee dhinta isaga oo xildhibaan ah. Allaha u wada raxmadee horay waxaa u dhintay Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin , Xildhibaan Cabaas Sheekh Cabdullaahi Siraaje iyo Siciid Xasan Geedi iyo Xildhibaanka caawa Geeriyooday. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Muqdisho ku Geeriyooday appeared first on Puntland Post.
  24. MOGADISHU (HOL) – President Farmajo is expected to travel to Burundi on Saturday ahead of the CECAFA U-17 finals on Sunday while close to half a million people in the country are affected by severe flooding. Sources inside Villa Somalia told HOL that the President will be in attendance when Somalia faces off against Tanzania in the championship match on Sunday. Although the entire nation is rooting for Somalia’s boys to bring home the cup, many MPs, including former Minister of Education, Abdinur Sh. Mohamed, have voiced concerns about the timing of the trip. They believe that the President should be working on mobilizing the emergency response effort for flood victims in central and south Somalia. According to aid agencies, close to 420,000 residents have been affected by flooding in recent days. In Beledweyne alone, over 100,000 people have been displaced, and a large portion of the city is still submerged in water. One resident told HOL that the President should show solidarity with the flood victims and travel to see the devastation first hand. “We are suffering in Beledweyne. The President of Somalia come and see how people are living,” said 29-year-old Farhan Abdi. Source: Hiiraan Online
  25. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in maalinta Isniinta ah ay dhacdo doorashada Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia ee bedeli doona Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Guddiga doorashadda ayaa mar kale xaqiijiyay in maalinta Isniinta ah ay dhici doonto doorashadda Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana Musharaxiinta laga doonaayo inay ka faa’iideystaan wakhtigooda. Guddiga doorashada ayaa la sheegay in doorashada ay ku martigaliyeen kor joogtada madaxda Saddex Hay’adood oo ka tirsan dowlada. Guddoomiyaha Guddiga doorashada guddoonka Golaha Shacabka Nuur Iidow Beyle ayaa sheegay in doorashada ay kaliya kor joogto ka noqon doonaan Madaxda:- 1-Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi. 2-Guddoomiyaha Maxkamada Sare Ibraahim Iidle Suleymaan. 3-Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka Xaliimo Yareey. Guddoomiyaha Guddiga, ayaa sheegay in wixii ka badan Madaxda Seddexda Hay’adood aan loo ogolaan doonin inay Kor joogto ka noqdaan Doorashada dhaceysa Isniinta bari danbe ah. Docda kale, Musharaxiinta u taagan xilka ayaa intooda badan ku jira diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashadda, waxaana sharaxan ilaa 11 Musharax oo dhammaantood Xildhibaano ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com