Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) –Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa lagu wareejiyey Seddex gaari oo labo ka mid ah ay yihiin BMW balse noocyadii birimo tiibada ah, kuwaasi oo ay ku xiran yihiin qalab fududeynayo ka hortaga qaraxyada iyo daba-galka dambiyada. Safiirka Dawladda Taliyaaniga ee Soomaaliya ayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko ku wareejiyey Documents-ka iyo Fureyaasha Gawaaridaan, waxaana Safiirka warbixin uu ka siiyey Taliyaha Ciidanka Booliska qalabka ku xiran gawaaridan ee looga hortago Qaraxyada iyo daba galka dambiyada. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo la hadlay Warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay in Gaadiidka maanta ay ku wareejisay Dawladda Talyaaniga waxbadan ay ka badali doonaan Xaaladda Amni ee magaaladda Muqdisho.
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Habeenkii xalay ahaa ayaa Madaxweyne Sharif Xassan waxa uu kulumo kala duwan la qaatay Madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre taas oo looga wadahdlayay sidii shirka Baydhabo u noqon lahaa mid ay ka soo baxaan danaha dowlada dhexe. Farmaajo ayaa horay ugula soo kulmay Madxweyne Waare iyo Madxweyne Sharif Xassan Magaalada Nayroobi inkastoo Madaxweyne Axmad Madoobe uu ka biyo diiday la kulanka Farmaajo. Warar hoose oo la helay ayaa sheegaya un Sharif Xassan kula heshiiyay in ay dowladda ay bixiso lacag si loo qanciyo madaxda dowlad goboleedyadda. Sharif Xassan ayaa ku adkeystay in lacagta la keeno Magaalada Baydhabo Inta uusan shirka furmin. Sharif Xassan ayaa u muuqda mid ka gacasanaya shirka Baydhabo doonayana in uu shirqoolo madaxda kale ee shirka ka soo qayb galayso. Sharif Xassan ayaa saakay ka dhoofay Muqdishu isaga oo ku soo jeeda Magaalada Baydhabo. Maalinta Berri ah ayaa la filayaa inuu Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed ka furmo shirka amniga qaranka kaasoo ay isku arki doonaan dowladda dhexe iyo Madaxda Maamul Goboleedyada. Bilihii ugu dambeeyey waxaa sii xumaanayey xiriirka ka dhaxeeyo dowladda iyo Maamul Goboleedyada, wuxuuna khilaafkooda ku saleysan yahay go’aanka laga qaadanayo khilaafka dowladaha Khaliijka kadib markii ay dowladda dhexe sheegtay inay arrintaas dhex dhexaad ka tahay. Shirka Amniga ayaa hore ugu baaqday khilaafka dowladda iyo Maamul Goboleedyada, waxaana Berri la filayaa inuu shirkaas dhaco. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Egyptian President Abdel-Fattah el-Sissi was sworn in for a second term on Saturday, little more than two months after winning an election that critics have widely regarded as a sham. Source: Hiiraan Online
  4. The 2018 World Cup — the 21st edition of the international soccer tournament — will be held in Russia. This is the first time that the tournament will be held in Russia. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan saddex qof oo lab aka mid ah ay yihiin askar ka tirsan ciidamada Somalia ayaa maanta lagu dilay gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha, iyadoo kooxihii dilkaan geystay ay goobta ka baxsadeen. Dilkan oo ka dhacay boosteejada laga raaco gaadiidka aada Baydhabo, ayaa waxaa la sheegay in kooxaha hubeysan iyo askartu ay is-rasaaseyn ku dhex-martay, balse la toogtay labadii askari, isla markaana qof rayid ah oo isna ku sugnaa goobta ay haleeshay mid ka mid ah rasaasta. Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in kooxaha dilka geystay ay ka koobnaayeen laba qof ayna wateen bastoolado, dilka kaddibna ay si fudud uga baxsadeen goobta. Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa waxaa dhawaanahan kusoo badanayay dil ay geysanayaan kooxo bastoolado ku hubeysan, waxaana bisha Ramadaan oo keliya lagu dilay gudaha suuqa bakaaraha dhawr oo isugu jiray shacab iyo askar. Dhanka kale, Ciidamada Amniga Dowladda Somalia ayaa maalmo ka hor ku toogtay gudaha suuqa Bakaaraha laba ruux oo la sheegay inay Al-shabaab ka tisranaayeen, kuwaasoo ay gacanta ku dhigeen ciidamada balse ay isku dayeen inay dagaalamaan, kaddibna la toogtay. Tan iyo markii ay billaabatay Bisha Ramadaan waxaa Muqdisho lagu dilay in ka badna 30-qof oo shacab iyo askar isugu jiray, kuwaasoo si maalin ah ay kooxo hubeysan ugu dilayeen degmooyinka gobolka Banaadir. Ugu dambeyn, Goobtii uu maanta ka dhacay dilka ayaa waxaa gaaray ciidan ka tirsan kuwa amniga dowladda Somalia, kuwaasoo baaritaano goobtaas ka sameeyay, inkastoo aysan jirin cid ay u soo qabteen. PUNTLAND POST The post Kooxo hubeysan oo Askar iyo Qof shacab ah ku dilay Gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha appeared first on Puntland Post.
  6. Xudur (PP) ─ Ururka Al-shabaab ayaa weerar ku aaday maanta gaadiid xamuul siday oo ku socday degmada Qurac-joome ee Gobolka Bakool, Waxaana lagu dilay weerarkaas hal qof oo ka mid ah dadkii gaadiidkaas la socday. Goobjoogayaal ayaa sheegay in gaadiidka la weeraray ay sideen xamuul kala duwan oo isugu jira raashin iyo agab kale, iyadoo la sheegay in afar gaari oo keliya ay ka baxsadeen Al-shabaab, kuwaasoo gaaray Qurac-joome oo ay ku socdeen. Sidoo kae, Wararka ayaa sheegaya in xoogaggii Al-shabaab ay gacanta ku dhigeen gaadiid fara badan oo xamuul siday ayna goobta ka kaxeysteen, iyadoo falkan uu ka mid noqonayo falal kala duwan oo noocooda ah oo ay kooxdu ka geysato Gobolka Bakool. Gobolka Bakool oo intiisa badan ay ka taliso Dowladda Somalia ayaa waxaa ka jira dhibaatooyin badan oo ay ka geysanayso kooxda Al-shabaab oo ay ka mid yihiin inay beegsadaan gaadiidka xamuulka ah ee degmooinka gobolkaas isaga gudba. Dhanka kale, Lama oga halka ay Al-shabaab la aaday gaadiidkii ay xoogga ku qabsadeen, marka laga reebo afartii gaari ee ka baxsaday, sidoo kalena lama oga tirada gaadiidka ay Al-shabaab kaxeysatay. Ugu dambeyn, Maamulka Gobolka Bakool ee Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed ayaan weli ka hadlin dhacdada ay maanta kooxda Al-shabaab ka geysatay gobolka Bakool ayna ku dishay halka qof, gaadiid fara badanna ay ku qafaasheen. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo weerartay gaadiid kusii jeeday degmada Qurac-joome ee Gobolka Bakool appeared first on Puntland Post.
  7. Amnesty International issued a statement today urging Ethiopian government to stop the killings of Oromo people by the Liyu Police in Somalia Region of Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  8. Wasiirka Amniga dowladda Puntland,Axmed Cabdullaahi Yuusuf Cabdulle(Dowlad) oo duhurnimadii maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay weerarkii xalay lagu qaaday ciidamada Badda Puntland ee ku sugan degaanka Balli-khadar ee buuraha Calmadow. Wasiirka ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe koox ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamada Somaliland oo is-garabsanayaa ay weerar ku soo qaadeen saldhigga Balli-khadar ee ciidamda Badda Puntland ay ku leeyihiin buuraha Calmadow,hase yeeshee jab xooggan loo geystay malayshiyaadkii halkaasi soo weeraray. Axmed Cabdullaahi (Dowlad),Wasiirka Amniga Puntland ayaa sidoo kale sheegay in malayshiyaadka is-baystay ee weerarka soo qaaday uu hoggaaminayey,Maxammed cabdullaahi Bataar oo ka tirsan guutada 8 aad ee militariga Somaliland,islamarkaana deggan magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. “Dowladda Puntland waxay u sheegaysaa shacabka Puntland,umadda Soomaaliyeed,iyo Beesha caalamka,in xalay oo bisha 2 June ahayd 2018,saqdii dhexe in argagixisada caalamiga ah ee Al-shabaab iyo malayshiyaadka Hargeysa oo ay hoggaaminayaan saraakiil ka tirsan malayshiyaadka Hargeysa,Saraakiishaas oo uu kamid yahay sarkaalka lagu magacaabo Maxammed Cabdullaahi Bataar,kana tirsan guutada 8 aad ee maamulka Hargeysa,una dhashay beesha Isaaq/Habar-jeclo,islamarkaana deggan magaalada Ceerigaabo,xalay ay weerar ku soo qaadeen saldhigga Balli-khadar ee Puntland halkaasna ay kala kulmeen jab xooggan dhimasho bandanna ay ka soo gaartay”, ayuu yiri Wasiir Dowlad. Dhinaca kale wasiirka ayaa sheegay in ciidamada Puntland uu soo gaaray khasaare kooban,islamarkaana si geesinimo iyo sharafleh isaga difaaceen weerarka lagu soo qaaday”waxaa soo gaaray ciidanka Puntland khasaare kooban,si geesnimo leh,sharafleh ayeyna isaga difaaceen,isagana caabbiyeen”,ayuu raaciyay. Wasiirka Amniga dowladda Puntland oo hadalkiisa sii wata,ayaa sheegay in malayshiyaadka Al-shabaab iyo ciidamada Somaliland ay isku milmeen,kana midaysan yihiin waxyeellaynta iyo degga’naansho la’aanta umadda Soomaaliyeed,sida uu hadalka u dhigay. “Waxaan sidoo kale u xaqiijinaynaa,umadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka,in maamulka Hargeysa iyo argagixisada caalamiga ah ay isku milmeen,kana midaysan yihiin waxyeellaynta iyo degga’naansho la’aanta umadda Soomaaliyeed dhammaantood,marka laga reebo maamulka Hargeysa”,ayuu yiri Wasiirka Amniga Puntland. Wasiirka Amniga dowladda Puntland,Axmed Cabdullaahi Yuusuf Cabdulle(Dowlad) ayaa ugu dambeyn weerarkii xalay ku macneeyay qorshe ay Somaliland indhaha Caalamka uga jeedinayso,xasuuq iyo cabburin uu sheegay in ay ku hayaan shacabka gobolka Sool,isagoo ku hanjabay in Puntland ay Calmadow ka sifayn doonto,malayshiyaadka Al-shabaab iyo Somaliland. Halkaan ka daawo shirka jaraa’id ee Wasiirka. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan The post Puntland oo weerarkii Balli-khadar ku eedaysay Somaliland appeared first on Puntland Post.
  9. Garoowe (Caasimadda Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay ka soo baxayaan dagaal u dhexeeyay ciidamada bada puntland iyo dagaalamayaasha Al-shabaab,kaasi oo ka dhacay buuraleyda galgala ee gobalka Barri. Saraakiisha Amaanka ee Maamulka Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa ay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyeen dagaal ka dhacay galgala,islamarkaana waxaa ay tilmaamay in ay khasaaro lixaad leh ay gaarsiiyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday. Balse Saraakiisha ma sheegin khasaaraha ay gaarsiiyeen Al-Shabaab,hayeeshee waxaa uu tilmaamay in dhankooda uu khasaare ka soo gaaray dagaalkaasi. Weerarkaas ayaa waxaa ka jawabay Maamulka Puntland iyaga oo ku eedeeyey in ay ka dambeeyeen Saraakiil ka tirsan Maamulka Soomaaliland. Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdulahi Yuusuf ayaa sheegay in weerarkaas Saldhigga Ciidamada Badda Puntland lagu soo qaaday uu hoggaaminayey Sarkaal ka tirsan ciidamada Soomaaliland oo uu magaciisa ku sheegay Maxamed Cabdulllaahi (Bataar) kana tirsan guutada 8aad ee Ciidanka Maamulka Somaliland. Waxa uu sheegay in weerarkaas ay Puntland ku gaarsiisay cadawgii soo weeraray jab xooggan,isla markaana lagu doonayay in lagu hakiyo qorshaha Puntland ay kula wareegeyso deegaanada Gobolka Sool. Dhanka kale War ay baahiyeen Al-Shabaab ayaa waxaa ay ku sheegeen in dagaalkaasi ay ku dileen 7 askari oo ka tirsan ciidanka Puntland,islamarkaana ay ka qaateen 7 ka mid ah gaadiidka dagaalka. Al-Shabaab iyo daacish ayaa xiligan waxaa ay ku xoogan yihiin buuraleyda galgala ee gobalka barri,iyadoona mararka qaar weeraro culus ku soo qaada ciidamada Amaanka puntland ee ku sugan buuraha galgala ee gobalkaasi. Hayeeshee dhawaan ayay aheyd markii Maamulka Puntland uu sheegay in saldhig weyn oo lagula dagaalamayo al-shabaab ay ka furi doonaan buuraha calmadow ee gobalka barri.
  10. Muqdisho (Caasimadda Online)- Madaxda howgalka AMISOM ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka sii xoogeysanayo ee ka dhaxeeyo dowladda dhexe iyo madaxda Maamul Goboleedyada kaasoo ka dhashay muranka u dhaxeeyo dowladaha Carabta ee keenay in xiriirka loo jaro dowladda Qatar. Simon Mulongo, oo ah ku xigeenka wakiilka midowga afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa si cad uga hor yimid Madaxda Maamul Goboleedyada isla markaasna taageeri u muujiyey dowladda dhexe. Simon Mulongo, ayaa difaacay dowlada Soomaaliya, isagoo sheegay in madaxda maamulada ay ku qaldan yihiin inay dhinac kala saftaan xiisada khaliijka. “Imaaraadka wuxuu tababaro siinayey ciidamadda Soomaaliya tan iyo 2014-tii, laakiin dowlada Soomaaliya waxay u jartay xiriirkii iskaashiga militeriga kadib murankaan, taasoo aan u wanaagsaneen dib u dhiska ciidamada qaranka,” ayuu yiri Simon. “Hadda ciidamada Soomaaliya tababaraan Turkiga, Mareykanka iyo Ingiriiska, kuwaasoo soo saaray 800 askari, iyadoo loo baahan yahay 50,000 oo askar si ay AMISOM ugala wareegay mas’uuliyadda amniga dalka,” ayuu hadalkiisa raaciyay Simon. Hadalka Simon ayaa wuxuu ka dhigan yahay in AMISOM ay dowlada Soomaaliya la safatay marka ay timaado khilaafka kala dhaxeeya maamulada dalka, taasoo shaki ku buuri karta hogaamiyaasha dowlad goboleedyadda. Khilaafka oo salka ku haya go’aanka ay xukuumada Muqdisho ka qaadatay xiisada dalalka Khaliijka, kaasoo ay sheegtay inay dhax-dhaxaad ka tahay sanadkii tagey, inkastoo maamulada qaar ay ku eedeeyeen inay dhinac xigsatay, oo u weecatay Qadar. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa si cad ugu sheegay saxaafada in dowladda federaalka ay la safatay Qadar, sidaas darteeda ay iyagana taageersan yihiin Imaaraadka Carabta. Dowldda dhexe iyo madaxda Maamul Goboleedyada ayaa la filayaa inay Berri Magaalada Baydhabo ku yeeshaan shirka golaha Amniga, waxaana la rajeenayaa in shirkaas ay qolo kasta kusoo bandhigi doonto tabashadeeda. Sidoo kale Waxaa dhamaadka Bishan June ka furmaya magaalada Brussels ee dalka Belgium shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, waxaa ka qeyb galaya Wafdi ay hoggaaminayaan Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, ka hor shirkaas waxaa shirar loogu gogol xaarayo ay ka dhici doonaan Muqdisho. Tan iyo markii uu bilowday Khilaafka dowladaha Khaliijka wuxuu saameyn xoog leh ku yeeshay dowladda Soomaaliya, iyadoo ay Imaaraadka Carabta dagaal toos ah ku bilowday dowladda dhexe iyadoo adeegsaneyso madaxda Maamul Goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Puntland Special Force Duq degmada Gaalkacyo,Maxamuud Yaasiin Tumay ayaa sheegay in ciidamada amniga magaalada Gaalkacyo ay gacanta ku soo dhigeen nin xalay Waqooyiga Gaalkacyo ku dilay laba ruux oo shacab ah. Tumay ayaa sheegay in ninka dilka geystay uu qabay cudurka Neerfaha,islamarkaana dhowaan laga ruqseeyay ciidamada oo uu horay uga tirsanaa,kadib markii la xaqiijiyay in cudurkaasi uu qabo. Labada ruux ee ku dhintay gacanta ninka ayaa la sheegay in ay ahaayeen wiil iyo aabihiis. Duqa Gaalkacyo Maxamuud Tumay ayaa dhinaca kale caddeeyay in ay baarayaan cidda leh qoriga uu ninkaasi wax ku dilay. PUNTLAND POST The post Nin dad ku dilay Gaalkacyo oo gacanta lagu dhigay. appeared first on Puntland Post.
  12. Boosaaso (Caasimadda Online) – Ciidamo aad uhubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa xalay fiidkii weerar xoog kugal ah ku qaaday saldhig melleteri oo ciidamada maamulka ‘Puntland’ ay ku lahaayeen duleedka Boosaaso. Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in dagaal xooggan kadib ay xoogaga Al Shabaab usuurtagashay in ay si buuxda ula wareegaan gacan ku heynta Deegaanka Balli Khadar oo uu kuyiillay saldhig Melleteri. War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay cagta mariyeen saldhigga ayna qaatay dhammaan wixii hub iyo gaadiid ahaa oo ciidamada Puntland ku heysteen saldhigga Balli Khadar sida ay hadalka u dhigeen. Khasaaraha dhimashada ee ka dhashay weerarka ayaa lagu sheegay in ay u dhaxeyso 5 askari illaa 7 askari oo dhimasho ah, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay sheedda sare ka arkayeen gaadiid gubanaya. Shabaab waxay sheegtay in dagaalka ay ku qabsatay 8 gaari oo nuuca dagaalka ah balse ay gubtay 7 baabuur halka gaari Tiknika ah ay kaxeysteen, sidoo kale Keydadkii hubka ciidamada Puntland ee saldhigga Balli Khadar waxaa daabushay ciidamada Al Shabaab ee ka howlgala Buuraha Goolis sida ay iyaga sheegteen. 17,Ramadaan sanaddii lasoo dhaafay maanta oo kale ayay aheyd markii sidaan oo kale ay ciidamada Al Shabaab weerareen saldhig melleteri oo kuyiillay deegaanka Af Urur ee gobolka Bari halkaas oo Puntland looga dilay ku dhowaad 100 Askari sida ay sheegatay Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. The Ugandan government today donated foodstuff to flood-affected families in Golwayn, in Somalia’s Lower Shabelle region. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo uu cirka isku sii shareerayo Khilaafka ka dhaxeeyo madaxda Galmudug ayaa waxaa soo baxayo xog cusub oo ku aadan cidda ka dambeyso inuu bilowdo khilaafkaan cusub. Shabakadda Caasimadda Online ayaa xog ku heshay in Xisbiga Daljir uu yahay cidda dib usoo celisay Khilaafkii ka dhaxeeyey Madaxda ugu sareyso maamulka Galmudug. Inkastoo aan loo ogeyn ujeedka rasmiga ah oo uu xisbigaan ka leeyahay Khilaafka cusub ee Galmudug ayaa haddana wararka soo baxayo waxay tilmaamayaan inuu xisbigaan adeegsanayo Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug. Warar hordhac ah ayaa sheegayo inuu xisbigaan doonayo inuu Galmudug madaxweyne ka noqdo shakhsiga xisbiga hoos tago si ay mustaqbalka uga soo dagaalamaan marka la gaaro doorashada 2020. Khilaafka Madaxda Galmudug ayaa gaaray meeshii ugu dambeysay, wuxuuna maamulka u kala qeybsamay laba qeyb, madaxweynaha iyo Ahlu Sunna ayaa saldhig ka dhigtay Dhuusamareeb halka Madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ay dageen magaalada Cadaado inkastoo uu khilaaf ka jiro inay ku shaqeeyaan Madaxtooyada kadib markii ay hor imaadeen wasiiro taagersan Xaaf oo u dhashay magaalada Cadaado. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa safar qarsoodi ah ku jooga magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland, iyadoo socdaalkiisa uu ahaa mid aan laga war heyn. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Xaaf uu ku sugan yahay Madaxtooyada Garowe, waxaana labada Madaxweyne ay yeesheen wada hadalo ku saabsan khilaafka Galmudug iyo arrimo kale. Wariyeyaasha Garowe ku sugan ayaa sheegaya in aanay waxba laga ogeyn waxa uu salka ku haayo safarka Madaxweyne Xaaf, isla markaana ay aheyd arrin lama filaan ku noqotay safarka Xaaf, iyadoo aanay warbaahinta ogeyn. Madaxda dowlad goboleedyada ayaa la sheegay inay wadaan dadaal ay ku xalinayaan khilaafka, iyadoo uu dhowaan baaqday shir ay dowladda Soomaaliya ku dhex dhexaadin laheyd labada dhinac ee Galmudug, kaddib markii uu diiday Madaxweyne Xaaf inuu Muqdisho tago. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Nin taajir ah oo u dhashay dalka Maraykanka kaas oo gurigiisa hoostiisa ka qodayay god weyn oo uu ka galo haddii uu dhoco weerar Niyuukleer ayaa lagu furay dacwo dil ah, kadib markii uu dhintay ninkii uu usoo kireystay in uu godkaas u qodo. Ninkan oo lagu magacaabo Daniel Beckwitt oo 27 jir ah ayaa qodayay godkan cabsi uu ka qabo weerarka Niyuukleer ah oo adduunka ka dhaca awgiis, balse ninkii godka u qodayay Askia Kafta oo 21 jir ayaa ku dhintay kadib markii uu gudaha godka dab ka kacay. Booliiska ayaa Daniel ku eedeeyay dacayaad iyo beylah uu ku sameeyay nafta bini’aadamka. Godka oo guntiisa dhanayn 60 mitir ayaa hoos u qodkaa illaa 20 fiit , kana hoos qodkaa guriga ninkan oo ku yaala magaalada Washington. Waxa ay booliiska sheegeen in markii dabka kacay uu ninkan guriga ka baxsaday, balse uu ka gaabiyay in kooxaha gargaarka degdega ah uu u sheego in qof kale meesha ku xayiranyahay. Waxaa kale oo la sheegay in Mr. Daniels uu sameeyay isku day kasta oo suurtogal ah oo ninka dhintay ee u shaqayn jiray uuga kaga habaabinayo in uu aqoonsado halka uu guriga ku yaalo, isaga oo saacado gaariga ku marin jiray waddooyinka, kadibna guriga ka galin jiray meel uusan fahmi karin. Dhimasha ayaa dhacday sanadkii 2017-kii, balse hadda ayaa baaritaanka lasoo gabogabeeyay, waxaana la sheegay in maalmo dhan uu ninka dhintay ka shaqayn jiray gudaha godka, halkaas oo uu wax ku cuni jiray, suulina ka gali jiray isaga oo aanan banaanka usoo bixin sida ay sheegeen dacwad oogayaasha. Waxaa jira dad badan oo Amerikan ah, oo uu ka midyahay madaxweynaha dalkaas oo guryahooda ka qotay godad ay ka galaan haddii uu dhoco weerar hubka Niyuukleerka. Isha: BBC Somali
  16. Iyado xalay kooxda hubaysan ee Al-shabaab ee ka dagaalanta buuraha calmadow ee gobalada Bari iyo Sanaag ay weerar ku qaaday degaanka lagu magacaabo Bali Khadar oo u dhow degaanka buuralayda ee Gal-gala ayaa waxaa soo baxaaya khasaarihii ka dhashay weerarkaas. Kooxda Al-shabaab ayaa markii hore ciidanka ku garaacay qoriga loo yaqaan hoobiyaha sida ay xaqiijinayaan wararka ay helayso PUNTLAND POST iyadoo markii danbana kusoo qaaday weerar toosa oo ah labba jiho ah. Ciidanka ay kooxdani weerartay oo ahaa ciidan cusub oo dhawaan tababar loo xiray kana tirsan ciidamada badda Puntland ee loo yaqaan PMPF ayaa iska caabiyey weerarka kooxdan, waxaana la sheegay inay ciidamada Puntland ka geeriyoodeen 5-askari, iyadoo dhaawucuna intaa ka badan yahay. Waxaa halkaas ay kooxda Al-shabaab ku gubtay 4-gaari oo ay ciidamadu lahaayeen, lamana oga khasaaraha gaaray dhinaca Al-shabaab walow ay iyagu soo qaadeen weerarkan ku dhufo oo ka dhaqaaqda ah. Dawlada Puntland ayaan wax wara kasoo saarin weerarkan, dhanka Al-shabaab ayaase sheegtay inay iyagu ka danbeeyeen weerarka lagu qaaday ciidamada Badda Puntland. PUNTLAND POST The post Faah-faahin:- Khasaarihii ka dhashay weerarkii ay Al-shabaab ku qaaday degaanka Bali Khadar appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa bishii May ee 2018 marti galisay dilalkii ugu badnaa oo loo geystay dadka shacab iyo kuwa la shaqeeya dowlada. Dilalka bishii May ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa si siman u geystay Xagjiriinta Somalia Al-Shabaab iyo Daacish oo qeyb ka ah dhinacyada ku loolamaaya dhiiga shacabka. Dilalka bishii May ka dhacay Muqdisho ayaa tirro ahaan dhan 39 dil, waxaana xusid mudan inay jiraan kiisas dilal ah oo aan weli la helin raadraacooda. Dilalka ugu badan ayaa waxaa loo geystay Askar iyo Shacab, waxa ayna dilalka ugu badan ka dhaceen Degmooyinka Hodan, Xamarweyne iyo Wada jir , Dharkiinleey, Boondheere iyo Degmooyin kale. HOOS KA AKHRISO DILALKA MUQDISHO KA DHACAY BISHII MAY 2018 1-May, 1, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Askari ka tirsan Dowlada ku dilay Koontarool ciidan oo ku yaal Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir. 2-May, 1, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dilay askari ka tirsanaa ciidamada xasilinta Muqdisho, waxa uuna dilkiisa dhacay xili uu kusii jeeday Hooygiisa. 3-May, 1, 2018, Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa Suuqa-bakaaraha ee Degmada Howlwadaag ku dilay Gabar u shaqeyn jirtay Hay’ada Caafimaadka Aduunka Qaramada Midoobey WHO, oo lagu Magacaabi jiray Maryan C/llaahi Maxamuud. 4- May, 2, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado kana tirsanaa al-shabaab ayaa toogasho ku dilay Askari ka tirsanaa ciidamada Dowladda xili uu ku sugnaa Isgooska Baar Ubax ee magaalada Muqdisho. 5- May, 2, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa magaalada Muqdisho ku dilay Haweeney iibin jirtay qaad, oo ku ganacsan jirtay Isgooska Baar Ubax. 6- May, 3, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa eeryada Isgooska Sayidka ee magaalada Muqdisho ku toogtay Dable Axmed Jimcaale oo ka tirsanaa ciidamada Militeriga. 7- May 3, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Degmada Boondheere ee Gobolka ku toogtay wiil lagu magacaabo Cabdullahi xili uu horfadhiyay Maqaaxi ka soo horjeeda Isbitaalka lagu Magacaabo Kulmiye oo ku yaalla degmada Boondheere. 8-May 3, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysna Bastoolado ayaa eeryada Degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho ku dilay Askari ka tirsanaa ilaalada Xarunta Degmada, waxa uuna dilkiisa dhacay xili uu kusii jeeday Hooygiisa. 9-May 5, 2018, Ruux ku hubeysnaa qori AK47 ayaa Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ku dilay haweeney lagu magacaabi jiray Xaliimo Xuseen Cali Kowshe. 10-May 5, 2018,Nin madaxa looga jiray oo ku hubeysnaa qori ayaa toogasho ku dilay ruux laga magacaabo Maxamed Tuur-yare oo kamid ahaa dadka Degmada Wadajir. 11-May 5, 2018, Ruux hubeysnaa ayaa xaafada sifeeynta badroolka oo ku taalla duleedka degmada wadajir ku dilay Xaawo Maxamuud Caddaan. 12-May 5, 2018, Waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Wadajir lagu dilay C/llaahi Maxamed Yalaxow oo kamid ahaa dadka deeganka, waxaana dilay ruux ku hubeysnaa qori. 13- May 7, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Xaafada Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho ku dilay nin ka mid ahaa dadka ku nool Xaafadaas, waxaana lagu magacaabi jiray Shooble kana ka mid ahaa ilaalada Jaamacadda Shabeelle. 14- May 10, 2018, Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ayaa xaafada Seybiyaano ee magaalada Muqdisho ku dilay Askari la sheegay inuu ka tirsanaa Ciidamada NISA xili ay weerar ku qaaden Hooygiisa. 15- May 10, 2018, Kooxo ku hubeysnaa Hubka fudud ayaa Degmada Wadajir ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidamada NISA, gaar ahaan kuwa loo yaqaan ‘’Waji-duubta’’ xili uu ku guda jiray fasax shaqo. 16- May 10, 2018, Maleeshiyada al-shabaab ayaa weerar gaadma ah oo ka dhacay xaafada Seybiyaano ee magaalada Muqdisho ku dishay Askari ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka xili uu ku sugnaa Hooygiisa oo ku yaala isla Xaafada. 17- May 10, 2018, Weerar ay maleeshiyaadka al-Shabaab ku qaaden xaafada Seybiyaano ee Degmada Wadajir ayaa waxaa lagu dilay Askari ka tirsanaa ciidamada NISA ee loo yaqaan Alpha Group. 18- May 10, 2018, Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Xaafada Seybiyaano ee magaalada Muqdisho ku dilay wiil dhalinyaro ka shaqeynayay Maqaaxi kadib markii uu diiday Mobil laga dhacaayay. 19- May 12, 2018, Rag ku labisnaa dareeska Ciidamada dowladda ayaa toogasho ku dilay wiil dhalinyaro ahaa oo ku sugnaa degmada Dharkenley ee gobolkan Banaadir, gaar ahaan Xaafadda Suuqyaraha, waxa uuna dilka wiilkaasi dhacay kadib markii uu diiday in laga qaato Moobil uu watay. 20- May 14, 2018, Ciidamo ka tirsan Militeriga Dowlada ayaa ruux Mooto Bajaajle ah ku dilay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, waxaana dilka kadib goobta si xarago leh uga baxsaday Gaariga uu la socday Askariga dilka Geystay oo ahaa Cabdi Bile. 21- May 14, 2018, Maleeshiyaad ka tirsanaa Alshabaab ayaa Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan Cabdul Shideeye ku dilay Wiil dhalinyaro ahaa oo la sheegay inuu Naafo ka ahaa Gacanta, waxaana dilkiisa kadib ay maleeshiyaadka ka qaateen Muuqaal. 22- May 17, 2018, Askari ka tirsan ciidanka dowladda ayaa qof dumar ah wuxuu ku dilay degmada Hawlwadaag, gaar ahaan xaafadda Ceel-hindi, kadib markii marxuumada iyo Haween kale oo la socday ay ka dul dhaceen Hooy uu ilaalo ka ahaa Askariga. 23- May 18, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa meel aan ka fogeyn Isgooska Shibis ee magaalada Muqdisho ku toogtay Askari ka tirsanaa ciidamada Booliska kaa oo lagu magacaabi jiray Qataatow. 24- May 19, 2018, Kooxo hubeysnaa ayaa qeybo ka mid ah degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir, gaar ahaan meel u dhow Masjidka C/raxmaan Bin Coof ku dilay Ganacsade Sarifle ahaa oo magaciisa lagu soo gaabiyey Aw Aadan, waxa uuna kamid ahaa Ergada soo xushay Xildhibaanada BFS. 25- May 20, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa degmada Yaaqshiid ku dilay mid ka mid ah maamulka Shirkada dhismaha Kulmiye, waxaana dilka kadib goobta ka baxsaday maleeshiyaadka. 26- May 20, 2018, Maleeshiyada al-Shabaab ayaa toogasho ku dilay Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Xafiiska Ra’isul wasaaraha Somalia, kaa oo magaciisa lagu sheegay Aweys Cabdi Cumar oo uu dilkiisa ka dhacay Xaafadda Taleex ee Degmada Hodon. 27- May 21, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir gaar ahaan halka loo yaqaano Dabaqeynka ku dilay nin magaciisa lagu soo gaabiyay Xasan Sulub oo Kaabe u ahaa dadka loo yaqaano Dalaaleyda. 28- May 21, 2018, Maleeshiyaad hubaysnaa oo ka tirsan Daacishta Somalia ayaa toogasho ku dilay askari ka tirsanaa ciidamada Taraafikada xili uu ku sugnaa nawaaxiga Isgoyska Bakaaraha qaybta xigta dhanka Degmada Hodan. 29- May 24, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Xaafada Ceelasha-Biyaha ku dilay Askari ka tirsanaa Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka. 30- May 26, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Suuqa bakaaraha, gaar ahaan eeryada Masjidka Shuhadada ku toogtay wiil dhalinyaro ahaa kaa oo aan la cadeyn waxa uu ahaa. 31- May 26, 2018, Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa degmada Dharkenley ee Gobolkan Banaadir, gaar ahaan Xaafada suuq Boocle ku toogtay Sarifle lagu magacaabi jiray Maxamed Cali Xariir. 32-May 27, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ku toogtay Askari naaniistiisa lagu sheegay Caana boore oo ka tirsanaa ciidamada Xoogga. 33-May 27, 2018, Rag ku hubeysnaa bustoolado ayaa waaxda Saddexaad ee Xaafada dabaqeynka degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir ku diley Nabadoon Caan ka ahaa degmadaas oo lagu magacaabi jiray Nabadoon Saleemaan Abiikar Fooldheere. 34- May 28, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa isgosyka Maana booliyo ee degmada Shibis ee gobolkan Banaadir ku toogtay nin la sheegay in uu ahaa askari ka tirsanaa ciidamada Minashiibiyada. 35- May 28, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Waaxda Horseed degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ku dilay Cumar Dhalaxow Muudeey oo ka mid ahaa shaqaalaha Golaha Shacabka, waxaana lagu rasaaseeyay gaarigiisa. 36- May 29, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir, gaar ahaan meel aan ka fogeyn Xarunta Cumar Finish ku dilay Muxudiin Cosoble oo kamid ahaa Ganacsada Hilibka. 37- May 29, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dilay Macalin Dugsi qur’aan oo loogu dhex galay hooygiisa. 38- May 29, 2018, Rag ku hubeysnaa bastoolado ayaa degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan nawaaxiga Ansalooti ku toogtay qof shacab ah oo kamid ahaa dadka deegaanka. 39- May 31, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa toogasho ku dilay Guddoomiyihii Ururka Dhalinyarada degmada Warta Nabadda (Ex Wardhiigley) Marxuum C/weli Ahmed Mohamed. Dowlada Somalia ayaa mar waliba ku goodisa inay ka jawaab celineyso dilalkaasi, hase ahaatee waxa ay Hanjabaadaha dowlada u muuqdaan kuwo sii kordhinaaya daadashada dhiiga shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Attacks by young Islamist militants in northern Mozambique are fuelled by a mix of poverty and corruption, writes Joseph Hanlon. Source: Hiiraan Online
  19. Years after George W. Bush created a secret “kill list” of alleged terrorism suspects, it remains murky how one gets on the list, and just as complicated to try to get off it, as Marjorie Cohn explains. Source: Hiiraan Online
  20. Istanbul, Turkey - When President Recep Tayyip Erdogan called snap elections last month, he cited foreign policy concerns as the principal reason behind his decision. Source: Hiiraan Online
  21. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) has started mobilising the youth through soccer as a unifying factor among the warring clans. Source: Hiiraan Online
  22. Two women have been fined Sh30 million each or serve 30 years in jail by a Mandera court after pleading guilty to human trafficking charge. Source: Hiiraan Online
  23. MOGADISHU, June 1 (Xinhua) -- A prominent youth leader was shot dead on Thursday evening by suspected Somali militant group al-Shabab as he walked home after evening prayers in Mogadishu, police said. Source: Hiiraan Online
  24. Garoowe (Caasimada Online)-Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Hogaamiyayaasha maamulada Galmudug iyo Puntland ay kulan aan horay loo shaacin ku yeeshen Magaalada Garowe ee maamulka Puntland. Axmed Ducaale ‘’Xaaf’’ oo socdaalkiisa magaalada Garoowe u kireystay diyarad gaara ayaa ka duulay Magaalada Dhuusamareeb, waxaana la socday ciidamo isaga ilaalo u ah iyo qaar ka mid ah Xoghayntiisa, Safarkiisa kuma aysan wehlinayn Siyaasiyiin ama Xildhibaano. Kulanka oo si gaara ugu dhexeeyay Hogaamiyaha Puntland C/weli Gaas iyo Axmed Ducaale Xaaf oo ah Hogaamiyaha maamulka Galmudug, waxa ayna si qoto dheer uga wada hadleen degnaanshiyaha laga dareemayo magaalada Gaalkacyo, Nabadda iyo Daris wanaaga ka dhexeeya labada maamul. C/weli Gaas iyo Xaaf ayaa isla soo hadal qaaday Khilaafka ka dhaxeeya Madaxda Sare ee Galmudug iyo Kaalinta ay ka qaadankaraan Golaha Iskaashiga dowlad goboleeyadda oo mas’uuliyada koowaad ay ka saran tahay xalinteeda. C/weli Gaas oo casuumaada u sameeyay Xaaf, ayaa sheegay in Puntland ay daris la tahay Galmudug, sidaa aawgeed ay mas’uuliyad gaara ka saran tahay xalinta Khilaaf Siyaasadeedka ka dhextaagan Madaxda Galmudug. Illo wareedyo ka kala tirsan maamulada Puntland iyo Galmudug, ayaa xaqiijiyay in Hogaamiye Xaaf uu xalay ku hoyday Magaalada Garowe, waxaana lagu waddaa in uu maanta soo gaaro Magaalada Muqdisho. Sidoo kale, Illo wareedka ayaa intaa kusii daraaya in Hogaamiye Gaas iyo Xaaf ay isla fahmeen in kulamo gaara lala qaato Madaxda Galmudug ee iminka carada la fadhiya magaalada Cadaado ee xarunta KMG Galmudu, waxa uuna arrin muhiima ku sheegay in si dhaqsi ah lagu qaboojiyo khilafka. Dhinaca kale, Xaaf ayaa safarkiisa Garoowe loo badinayaa inuu la xariiro sidii Puntland fara galin ugu samayn lahayd maadama Madaxweyne Gaas Guddoomiye u yahay madasha maamul goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  25. In less than two weeks, thirty-two national teams from around the world will begin the month-long soccer pageant known as the FIFA World Cup. Astonishing athletic feats will be performed by astonishingly wealthy players—Messi, Ronaldo, Neymar. There will be showboating and fakery. (Ronaldo again, almost certainly.) There will be a golden trophy, millions of dollars in sponsorship and advertising revenue, and the vague scent of corruption that follows FIFA everywhere. And, of course, there won’t be any Americans this time around, the men’s national team having bombed out in qualifiers. Source: Hiiraan Online