Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,118
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Harare (PP) ─ Xisbul-xaakimka dalka Zimbabwe ee ZANU-PF ayaa ka qaaday maanta xilkii hoggaaminta xisbiga Robert Mugabe, iyadoo isla xilkan loo magacaabay madaxweyne ku xigeenkii dalkaas oo uu dhawaan shaqada ka eryay. Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Zimbabwe, Emmerson Mnangagwa ayaa lagu eedeeyay inuu shir-qoolayo Mugabe, iyadoo la sheegay in madaxweyne Mugabe uu qorsheynayay inuu xilkaas u magacaabo xaaska Mugabe oo lagu magacaabo Grace Mugabe. Tallaabada hoggaanka xisbiga Zanu-PF looga eryay Mugabe ayaa billow u ah in xukunka laga qaado kaddib muddo 37-sano ah oo uu dalkaas xukumayay, iyadoo shacabka Waddanka Zimbabwe ay shalay dhigeen dibadbaxyo ay ku dalbanayana in Mugabe uu xilka uga dago. Robert Mugabe oo 93-jir ah ayaa dalka Zimbabwe xukumayay tan iyo markii dalkaas uu xoorriyaddiisa ka qaatay gumeystihii Ingiriiska, waxaana tani ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo ciidamada dalkaas ay xukunka awood kula wareegaan. Sidoo kale, Robert Gabriel Mugabe ayaa maanta oo Axad ah la filayaa inuu la kumo hoggaamiyayaasha militariga dalkaas, waxaana la arkayay Gawaari ka soo baxaysa gurigiisa gaarka ah ee magaalada Harare. Chris Mutsvangwa oo ka mid ah xubnihii u soo halgamay xorriyada dalkaas, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay inay isu diyaarinayaan sidii ay Mugabe uga qaadi lahaayeen xilka madaxweynaha. Dhanka kale, xubnaha Xisbiga ZANU-PF ayaa la sheegay inay awoodihii oo dhan ay ka qaadeen Grace Mugabe oo ah xaaska madaxweyne Mugabe oo haatan xabsi-guri ku jira, inkastoo aan la ogeyn halka ay ku sugan tahay. Ugu dambeyn, Robert Mugabe ayaa laga rabaa inuu Talaadada soo socda uu si rasmi ah xilka madaxnimo ee dalkaas u wareejiyo, iyadoo haddii uu xilka ka tegi waayo la qaadan doono tallaabo xilka looga xayuubinayo. PUNTLAND POST The post Robert Mugabe iyo Xaaskiisii Grace oo laga Xayuubiyay Hoggaamintii Xisbiga ZANU-PF appeared first on Puntland Post.
  2. Wasiir ku xigeenka ciyaaraha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Cumar Islow ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in cutubkii ugu horreeyay ee ciidamada AMISOM ay ka baxeen Tuulada ciyaaraha ee Muqdisho. Waxa uu sheegay wasiir ku xigeenka in garoonka uu muddo 30 sano ah ku jiray burbur xooggan, balse hadda ay ku bilaabi doonaan dib u habeyn. “Markaan hadda nimid waxaan sameennay dedaallo aad u muhiim ah oo dib loogu soo celinayo bilicda garoonka, wejigii ugu horreeyay ee ciidamada AMISOM ayaa ka baxay, waxaana hadda la diyaarinayaa sidii loo dayactiri lahaa” Wasiir ku xigeenka wasaaradda ciyaaraha ayaa sidoo kale sheegay in ka wasaarad ahaan ay ku dedaali doonaan in dib u habeyn ballaaran lagu sameeyo garoonka Muqdisho oo ay u dhan yihiin dhammaan wax walbo oo ciyaaraha ku saabsan. Tuulada Ciyaaraha ee Muqdisho ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxay fariisimo u ahayd ciidamada AMISOM, kahorna waxaa deganaa ciidanka Itoobiya, iyadoo burbur xooggan uu soo gaaray. Goobjoog News Source
  3. To: UK Government , UK Parliamentary Parties We request the UK Government and UK Parliamentary Parties: 1) To hold the Somaliland government to account for the recent Election, 2017 irregularities and the alleged widespread voter fraud that took place 2) To hold the government of Somaliland and the National Election Commision to account for the wholesale of arrests, detentions, and the ordering of security forces to fire at innocent civilians which have resulted in casualties 3) To disregard the Election 2017 results if it becomes evident that the National Election Commision of Somaliland did not follow the correct electoral procedures that can make them implicit in the alleged voter fraud incidents. At the time of the election and during subsequent days for the counting of votes Why is this important? Somaliland’s relative peace and stability need to be safeguarded in the context of the wider Somali peninsula where conflicts, terrorism and lack of good-governance interplay every day. On Monday 13th of November 2017, Somaliland held its 3rd presidential election since 2003. This election, however, was different as it was the first ever in Africa to use iris-scan biometric technology to prevent anyone from voting more than once. The irony is that despite this latest technology, voter fraud has been alleged to take place in several regions. How? The National Election Commission which was appointed to oversee a smooth, fair and safe election and members of the current government have been alleged to populate ballot boxes with forged balloting papers for the incumbent party. Hence, as a result, demos by the opposition party supporters took place in major cities and security forces were ordered to fire live ammunition at civilians. We need to be all mindful of the pressing issues of poverty, natural ecology erosion, climate change and the lack of sustainable livelihood options for a growing population at the bottom of the Global Human Development Index (HDI). It is noteworthy to highlight that Somaliland’s coping mechanisms were stretched to a breaking point in the recent drought of 2016/17 which caused a widespread livestock mortality in pastoral rural areas. In addition, the drought diminished food access for the majority of the population and caused high levels of displacement from rural areas to urban cities where hardly any employment opportunities exist. In view of all these real challenges, it is important that voter fraud of Election 2017 in Somaliland must be addressed immediately in the interest of peace, security, stability and social justice for all citizens. As UKAID has helped facilitate this election, we urge UK Foreign and Commonwealth Office (FCO) to raise the importance of civic safety with Somaliland government and emphasize to them the need for impartiality in any adjudication grievance process against voter fraud. How it will be delivered We will deliver the signatures in person to UK FCO
  4. Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Puntland ayaa meelmariyey xeerka la dagaalanka daabulka iyo ka ganacsiga dadka. Xeerkan ayaa ahaa mid horey loogu gudbiyey baarlamaanka Puntland, waxaana akhrin iyo ka doodis kadib la meelmariyey xeerkan. Guddoomiyaha guddiga shuruucda ee baarlamaanka Puntland, Axmed Jaamac Cabdulle ayaa sheegay in xeerkan uu yahay mid waxbadan looga hortagi doono, wuxuuna sheegay in xeerkaan usoo diyaariyeen si ka fiirsasho leh. Dhanka kale, xeer ilaaliyaha guud ee Puntland, Maxamuud Xasan oo isna goob joog ka ahaa kulankii maanta lagu ansixinayey xeerkan, ayaa xildhibaannada wuxuu uga jawaabay su’aallo ay weydiiyeen, kuwaasi oo ku qotomay xeerkaasi. Xeerka la dagaalanka daabulka iyo ka ganacsiga dadka ee maanta uu meelmariyey baarlamaanka Puntland ayaa ah mid aad u muhiim ah, islamarkaana deegaannada maamulkaasi ay ka jiraan tahriibinta dadka. Xildhibaannada baarlamaanka Puntland ayaa ku jira ka doodista iyo meelmarinta sharciyada la horkeenay golaha wakiilada. Goobjoog News Source
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Markii ugu horeysay ayaa xildhibanada Golaha Shacabka Soomaaliya waxaa lagu soo rogay Canshuur ka qaadista Gunada ay qaatan. War Qoraal ah oo ku taariikheysan 9 Bishaan kaas oo ka soo baxay Wasiirka Maaliyadda looguna gudbiyay gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa lagu wargeliyay in lag bilaabo Bisha Octoper laga goyn doono Canshuurta. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa warqad uu 9-kii bishan u qoray Guddoomiyaha Golaha shacabka ayuu ku wargeliyay in Xildhibaanada aan wax canshuur ah laga goyn, wixii ka dambeeya October 2017 la bilaabi doono in canshuurista Gunnada ay qaataan Xildhibaanada. Warqada ayaa lagu sheegay in talo bixi dhanka sharciga lala sameeyay Garyaqaanka Guud ee dowladda, taasoo lagama maarmaan noqotay in dib looga nodo canshuur dhaafkii loo sameeyay Xildhibaanada Golaha shacabka. Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa bil walba mushaar ahaan u qaataan (Saddex Kun oo dollar) waxana la filayaa in arrintaan ay maalmaha soo socda dood ka yeeshaan. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Somaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle ayaa sidoo kale shaaciyay inuu socdo qorshe canshuur looga qaadaayo shaqaalaha ka shaqeeya Shirkadaha gaarka loo leeyahay. Beyle ayaa xisay in hadda dadka qaar aanan laga qaadin canshuurta ku waajbtay, sababo ku aadan in shuruucda looga qaadayo iyo nidaamka hadda ay socoto, si qof waliba oo muwaadin ah oo dalka ku sugan looga qaado canshuurta. Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in canshuur dhaafka loo sameeyay Xildhibaanada uu ka hor imaanayo shuruudaha heshiiska SMP ee u dhaxeeya dowladda Soomaaliya kula jirto Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF. Heshiiska SMP ayaa la sheegay inuu yahay wadada kaliya ee loo mari karo in Soomaaliya laga cafiyo deynta badan ee Caalamka looga leeyahay, haddii Soomaaliya ay ku guuldareysto inay ka soo baxdo shruudaha heshiiskan waxaa 10 sano dib u dhici doona rajada laga qabo in laga cafiyo deymaha, taasoo meesha ka saareysa in dowladda Soomaaliya loo furo fursadaha mashaariic horumarineed oo waa weyn oo dalka kaga bixi karo dhibaatada dhaqaale.
  6. Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle iyo Xildhibaanno ka tirsan Maamulkaasi ayaa heshiis ka gaaray hanaanka loo soo dhisayo Xukuumada Cusub ee Hirshabelle. Kulan habeenkii xalay ahaa ka dhacay magaalada Jowhar, una dhaxeeyay madaxweynaha maamulka Hirshabelle, ku xigeenkiisa, guddoonka baarlamaanka iyo xildhibaannada baarlamaanka maamulkaasi ayaa lagu lafa guray qaabka uu madaxweyne Waare usoo magacaabayo wasiiradiisa. Waxaa la isla gartay dood dheer kadib in fursad la siiyo madaxweyne Waare, waxaana la aqbalay in wasiirada banaanka laga keeno, si shaqada Hirshabelle ay u socoto. Sidoo kale madaxweyne Waare ayaa u sheegay xildhibaannada Hirshabelle in cid aan iyaga soo marin uusan wasiir ka dhigi doonin, si loo helo wasiiro iyo xildhibaanno wadashaqeyn buuxda ka dhaxeysa. Maalmihii ugu dambeeyay waxaa muran xooggan ka jiray sida uu madaxweynaha maamulka Hirshabelle usoo magacaabi lahaa golahiisa wasiirada. Goobjoog News Source
  7. Baarlamanka Puntland ayaa maanta codka xasaanada siiyay 4 Wasiir oo ka tirsan Gollaha Xukuumadda sida Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dib u dhiska iyo Horumarka Abshir Cabdulaahi Maxamed, Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska,Wasiiru dowladaha Kaluumaysiga iyo Wasiiru dowle Quraan-jecel. Masuuliyiintan ayaa ka hor inta aan la siin xasaanada ka hor jeediyay fadhiga gollaha Wakiiladda Puntland khudbado ay kaga hadlayaan taariikh nololeedkooda. Wasiirada Xasaanadda la siiyay ayaa qaarkood ka mid ahaa gollihii Xukuumadda horre iyo kuwa cusub oo uu dhawaan soo magacaabay Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas). Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo maanta xasaanad siiyay Afar Wasiir. appeared first on Puntland Post.
  8. Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka aragti dhiibtey farqiga u dhaxeeya go’aankii xukuumadda ka qaadatay dhiisbitii Qalbi Dhagax iyo sidoo kale qaraarkii shalay baarlamaanku ansixyey ee ku aadan arrinta Qalbi Dhagax. Mudanayaashan oo la hadlay Goobjoog News ayaa soo dhoweeyay qaraarkii golaha shacabka, waxaana ay sheegeen in dalka uu leeyahay baarlamaan ka hortaga qalad walbo oo dhacaya ama la galay. Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo kamid ah mudanaayashan la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in go’aaanka Labada dhinac wax badan ku kala duwan yihiin, isaga oo sheegay go’aankii xukuumadda ka qaadatay arrinta Qalbi Dhagax uu ahaa mid qalad ah, oo lagu xalaaleynayo dhiibistiisa. Sidoo kale, xildhibaannadan ayaa sheegay in lasii wadi doono baaritaanka ku aadan arrintan oo madaxda xitaa wax badan la weydiin doono. Halkaan hoose ka dhageyso: http://goobjoog.com/wp-content/uploads/2017/11/XILDHIBANADA-SOOMAALIYA.mp3Goobjoog News Source
  9. Jowhar (Caasimaa Online) – Khilaaf Siyaasadeed iyo xiisad cusub ayaa ka taagan maamulka HirShabeelle, kaasi oo ku qotoma magacaabista Gollaha Wasiiradda, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo Baarlamaanka HirShabeelle ayaa isku khilaafsan halka ay ka imaanayaan Wasiiradda la magacaabayo, iyadoo taasi noqotay Ismariwaa Siyaasadeed oo soo wajahay maamulkaasi curdunka ah. Wararka ayaa sheegay in Madaxweyne Waare uu doonayo in Wasiiradiisa cusub ay ka yimaadaan dibadda Baarlamaanka, halka Xildhibaanada ay doonayaan in iyaga laga soo xusho oo Muraayadda Xukuumadda iska-arkaan. Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen “Guudlaawe” ayaa isna kasoo horjeeda aragtida Madaxweynaha, wuxuuna la saftay dhanka Xildhibaanada doonaya in Baarlamaanka laga keeno Wasiiradda. Khilaafkan ayaa lagu soo waramayaa inuu kusii xoogeysanayo HirShabeelle, waxaana magaalada Jowhar laga dareemayaa jawi kacsanaan ah, iyadoo ay Xildhibaanada qaadanayaan kulamo gaargaar ah, oo ku aadan magacaabista Wasiiradda. Baarlamaanka HirShabeelle ayaa xilkii ka qaadey Madaxweynihii hore Cali Cabdullahi Cosoble bishii August, kadib markii uu yimid khilaaf xooggan, iyadoo lagu bedelay Maxamed Cabdi Waare, oo dhawaan la caleema-saarey. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
  10. For more than two decades, Somaliland managed to hold free and fair presidential elections. Since 2003 there had been three presidential election held by an elected national electoral commissions. In addition, Somaliland had peacefully managed to hold and complete two local councils and one main parliamentary elections in the years of 2002, 2011 and 2005 respectively. In regarding to the Somaliland election profile – there had been minor mistakes done by the old and replaced national election commissions including improper counting of the voter cards, leakage of the voting papers, improper contracting of election materials and result mismanagement that resulted chaos and minor disputes. However, we know that Somaliland citizens who are eligible to vote were registered and Biometric technology was utilized with the help of the International Community including EU, UK and USA. Millions of foreign tax payer’s money were poured into Somaliland elections to hold free and fair election. It seems that the voter registration processes went right even though there had been minor cases reported including; under-age childern who were registered to vote and small amount of voter duplicates skipped by the server when screening the voter cards. Almost 700,000 plus citizens who are eligible to vote were published and voter cards were distributed throughout Somaliland regions during 2017. The fact is that Somaliland delayed parliamentary and presidential elections weakened the country’s democracy and global view to Somaliland has changed recently. This is due to the ever worrying elections and this negatively affected Somaliland. On another hand, the reason for nominating National Electoral Commission and application of the Biometric technology was to solidify Somaliland democracy and restore the hope of having free and fair election once in Somaliland. Even though five of the “National Electoral Commission” were appointed by the president, House of Elders and Kulmiye Party in 2:2:1 ratio respectively and two from the opposition parties of Waddani and UCID. The opposition parties trusted the National Electoral Commission (NEC) and closely worked with them during the election preparation processes. Waddani and UCID were keen to take part a free and fair election as they thought that such Biometric technology and National Electoral Commission will avoid corrupting the whole election process. As the election was held on 13th November 2017 in most parts of Somaliland and dozens of international observers from the International Community took part and deployed throughout Somaliland regions. Things were going rightly for the first and second nights after the election as the National Electoral Commission was counting the total number of voters per region and districts to produce the final election result. Unfortunately, Waddani Party highlighted fraud allegations and figured out that Kulmiye Party abused the election process in some areas while they forced out Waddani Party observers. Kulmiye Party already rejected these abuses and fraud allegations from their side and told Waddani Party to wait for the election outcome. It is worth noting, that Waddani Party task force and officials in the NEC head quarter held press conference and highlighted fake votes in Maroodi-jeex region and Gebilay district and clearly presented a copy of NEC voter books privately used by Kulmiye Party. Meanwhile, Waddani Party boycotted collaboration with the National Electoral Commission until their concerns are solved. Amazingly, National Electoral Commission chairman held press conference and told that there are no fake votes while he insisted the fairness of the election process. Once again, one day later, National Electoral Commission chairman Mr. Iman proved that there are signals of fake votes in Maroodi-jeex region and Gebilay district as he proved that the presented voter book is a national asset and one of the books that National Electoral Commission sent to Berbera. In his press conference Mr. Iman told that National Electoral Commission has apologized Waddani Party for such a mistake! Mr. Abdulrahman of Waddani Presidential Candidate bravely told that fake voter cards are abundant in all regions, but they are initially requesting strict checkup of these highlighted areas followed by Sahil region. However, there is a growing concern from Somaliland citizens and International Community of how fair the election is? And the trust level of the National Electoral Commission transparency is going down. So far, disputes arisen in three regions of Somaliland of mainly Togdheer, Sanaag and Maroodi-jeex as the armed police forces used life bullets to disperse and killed three underage childern. Also, further clashes and disputes are forecastable as the unfair election process continues. In a nut shell, the International Community highlighted that there were underage voters, human right violations and forced out Waddani observers in their initial report while Somaliland intellectuals are proposing tangible and concrete recommendations that would stop further clashes, chaos and disputes throughout Somaliland including; Cancellation of the current election process since there are growing concerns of fakes votes in all poll stations of Somaliland; Mr. Ahmed Mohamed Mohamud Silanyo of the current president to stay in power for six months period and prepare another fair and free election; Termination of the current National Electoral Commission who are irresponsible and nominate their replacements. Careful consideration of these recommendations will maintain Somaliland peace and stability as all parties will be open to re-initiate the election process except the ruling party “Kulmiye”. MSc. Mr. Khalid Sahid Dirir Political Analyst
  11. Polls have closed and the counting of votes has begun in Somalia’s semi-autonomous region of Somaliland which is electing their fifth president Monday as the ruling party faces a strong challenge from opposition candidates.
  12. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa markii 2aad muddo 7 bil safar ku aaday dalka Imaaraadka Carabta. Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in mar labaad uu madaxda Abu Dhabi kala hadlo xiriirka labada dal iyo sida la sheegay in ay ixtiraamaan madaxbannaanida dhul iyo dad ee Soomaaliya. Warar ka soo baxay Villa Somaila ayaa sheegay in Farmaajo uu sidoo kale ka hadli-doono in lagu tixgaliyo Soomaaliya go’aanka dhex dhexaadnimada ahaa ee ay ka qaadatay arrimaha Khaliijka, Fudadaynta howlaha la xiriira Socdaalka iyo dal ku galka iyo in Imaaraatka ay si toos ah uga qayb qaataan dagaalka Alshabaab. Madaxweynaha Soomaaliya mar bishii Ferbaayo uu booqasho ku tagay dalka Sacuudiga waxaa uu arrintan Imaaraadka kala hadlay Maxamed Bin Salmaan, kadib isaga ayaa Imaaraadka safar ku tagay April, xilligaas waxaa laga hadlaayey maalgeshiga Imaaraadka ee Dekadaha iyo saldhig Militari, balse haatan waxaa wehliya saameynta xiisadda Khaliijka. Goobjoog News Source
  13. Harare (PP) ─ Xubnaha Xisbiga talada dalka Zimbabwe haya ee ZANU-PF ayaa waxay maanta oo Axad ah yeelanayaan kulan ay go’aan lagu sheegay inuu yahay kii ugu dambeeyay uga gaarayaan mustaqbalka hoggaamiyaha 37-ka sano soo xukumayay dalkaas ee Robert Gabriel Mugabe. Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Zimbabe, Emmerson Mnangagwa oo uu ka eryay shaqada toddobaadkii hore ayaa la filayaa inuu kulankan goob-joog ka ahaado, sidoo kalena waxaa la fliayaa in xaaska Mugabe laga yaabo in xilka garabaha haweenka ee xisbiga laga qaado, isla markaana laga saaro xisbiga oo dhan. Innocent Gonese oo ka tirsan hoggaanka baarlamaanka ayaa warbaahinta u sheegay in laga yaabo in Mugabe lagu soo oogo dacwado, wuxuuna xusay in xisbiga MDC-T iyo ZANU-PF ay kawada shaqeeyaan sidii hoggaamihahan 93-jir ah looga qaadi lahaa xilka. “Haddii Mugabe uusan ka tagin xilka Talaadada soo socota, taasi waxay ku noqonaysaa dalka oo dhan caqabad weyn… waxayna ka dhigan tahay iyadoo qorraxdu aanay kasoo bixin dhanka bari,” ayuu hadalkiisa ku daray Gonese. Wiil uu adeer u yahay Mugabe oo lagu magacaabo Patrick Zhuwao ayaa isna u sheegay Reuters in adeerkii uusan diyaar u ahayn inuu kursiga banneeyo, illaa inta uu go’aansanayo, isagoo xusay in isaga iyo xaaskiisa ay diyaar u yihiin inay doonsitooda ku dhintaan. “Adeerkey oo 93-jir ah caafimaadkiisu waa wanaagsan yahay, runtiina si aad u wanaagsan ayuu u hurday tan iyo markii ay ciidamadu xilka la wareegeen Arbacadii hore,” ayuu hadalkiisa ku darya Zhuwao. Tallaabadan ayaan kusoo beegmaysa iyadoo shalay oo Sabti ahayd ay ka dhaceen qaybo badan oo Zimbabwe ka tirsan dibadbaxyo lagu dalbanayo in Mugabe uu xilka ka dago, iyadoo dadku ay ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid ahaayeen in waddanka lagu hoggaaminayo waddo ka duwan middii uu kusoo jiray 37-sano ee Mugabe uu xilka hayay. Dhanka kale, Madaxweyne Mugabe ayaa isaga qudhiisa laga yaabaa inuu la kulamo maanta saraakiisha hogaaminaya ciidanka xilka la wareegay, kuwaa oo la sheegay inay ku cadaadinayaan madaxweynaha inuu xilka ka dago si aanu dalka qalalaase u gelin. Ugu dambeyn, Millateriga Zimbabwe ayaa ku adkysanay in tallaabada ay qaadeen aysan ahayn inqilaab, laakiinse ay tahay mid ay wax ku saxayaan, inkastoo Mugabe uusan doonayn inuu xilka ka tago. PUNTLAND POST The post Xisbiga ZANU-PF oo lagu wado inuu Maanta Go’aan kama dambeys ah ka gaaro Mugabe appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Safarka Madaxweyne Farmaajo uu ku tagay dalka Imaaraatka ayaa ah mid xasaasi ah, maadaama uu ku soo beegmayo xilli Soomaaliya ay wajahayso dagaal ka dhanka ah Alshabaab, fara gelin shisheeye iyo cadaadis ku aaddan go’aanka dhex dhexaadnimada ahaa ee Soomaaliya ay ka qaadatay arimaha khilaafka Khaliijka. Dadka u dhuun-daloola arrimaha siyaasadda ayaa aaminsan in Madaxweyne Farmaajo uu hordhigayo dhiggiisa Khaliifa Binu Saayid, arrimaha iskaashiga labada dal, cabashooyinka Soomaaliya ay ka qabto dowladda Imaaraatka iyo kaalinta la rabay in ay ka qaataan dib u soo kabashada dalka. Hadaba, Caasimadda Online waxay ka xog waraysatay dad khubara ah qodobada ugu muhiimsan ee la filayo in ay labada dal ka wada hadlaan. Arrimaha Soomaaliya in lagala xaajoodo Dowladda Dhexe Bilihii la soo dhaafay dowladda Imaaraatka waxa ay qaabishay madaxda Maamul Gobeleedyada taas oo ay si wayn uga biya diiday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ugu dambayntiina Madaxda Imaaraatku ay ka garwaaqsadeen arrinkan fahmeenna in furaha kaliya ee Soomaaliya uu yahay Dowladda dhexe taas oo horseedday in ay haatan diyaar u noqdaan in arrimaha Dalka lagala xaajoodo dowladda Federaalka Soomaaliya. In Soomaaliya lagu tixgaliyo go’aanka dhex dhexaadnimada ahaa ee ay ka qaadatay arrimaha Khilaafka Khaliijka. Waxaa cadaadis muuqda lagu saaray dowladda go’aankaas iyadoona Dowladda Imaartku ay arrinkaas gundhig u ahayd. Cadaadiska waxaa ka mid ahaa taageerada ay u sameeyeen Madaxda Maamul Goboleedyada dowladda Imaaraatka iyaga oo soo saaray qoraallo ay ku taageeraayan go’aanka Xulafada Imaaraatka iyo Sucuudiga. Waana markii ugu horreysay oo Madaxda Maamul Gobeleedyada ay isku dayaan in ay ka hor yimaadaan Siyaasadda Arrimaha Dibadda taas oo noqotay arrin ugub ku ah hannaanka siyaasadeed ee dalka la iskuna waafaqay in arrinkan uu ka soo horjeedo dastuurka dalka. Fudadaynta howlaha la xiriira Socdaalka iyo dal ku galka. Saraakiil ka socota hay’adda Socodaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa safarkan Madaxweynaha ku wehelinaya taas oo ka dhigan in madaxweynuhu uu soo bandhiggayo Imaaraatka in ay u fududeeyaan ganacsatada Soomaaliya hawlaha la xiriira socdaalka maadama dalkaasi uu yahay suuqa ugu weyn ee ay ku xiranyihiin ganacsatada Soomaaliyeed. In Imaaraatka ay si toos ah uga qayb qaataan dagaalka Alshabaab. Madaxweyne Farmaajo ayaa qorshaynaaya in uu ku soo qanciyo hoggaanka dalka Imaaraatka sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyadoo lagala hadli doono qalabaynta iyo tayeynta Ciidanka Xogga Dalka. Khubadara falaanqeeya Siyasaadda Dibadda iyo kuwa amniga ayaa isku raacsan in heshiis laga gaaro qodobadan ay ahmiyad gaar ah u leedahay dagaalka Alshabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Warmurtiyeed kasoo baxay shirweyne qatay mudo labo maalin ah oo ay ka qayb galen wasiirka wasaaraadda dhalinyarad iyo sportiga xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul goboleedayada dalka ayaa lagu so gabgabeyaay magaalada Kismaayo ee maamulka goboleedka Jubaland. Waxana loga ariinsanyaay wada shaqeynta ay yeelnayaan wasaaraaddah dhalinyarada iyo Sportiga maamul goboleedayda dalka iyo wasaaraada dalinyarada iyo spoortiga xukuumaada somaliya, iyada oo ugu dambeynta la soo saaray: Waxaa la go’aamiyey in 29ka November ilaa 1da December ay noqoto keenista iyo dejinta cayaartoyda dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Waxaa sidoo kale la isla qaatay 2da ilaa 5ta December in ay kooxaha tababar ku qaataan garoonka kubadda cagta waamo ee Kismaayo. Isla sedexda bisha waa qori tuurka si uu u soo baxo jadwalka isku aadka kooxaha. Lixda bisha December waa maalin nasasho. Waxaa la go’aamiyey in 7 da bisha December uu si rasmi ah u furmo tartanka ku badda cagta ee dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Waxaa la isla go’aansaday in dib loo dhigo qabashada shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Muqdisho ka furmi lahaa 30 November,waxaana laga dhigay 17-20 December. Waxaa kaloo la go’aansady maadaama ay bisha November suurtagal ahayn in la qabto daahfurka siyaasadda qaran ee Isboortiga oo ka dhici lahaa cadaado caasimadda KMG ah ee Dowlad-goboleedka Galmudug in laga dhigo horraanta bisha Janaayo 2018 haddii uu allaha awoodda leh idmo. Goobjoog News Source
  16. Muqdisho (CaasimaddA Online) – Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobey ayey ku eedeysay Dowladda Imaaraadka Carabta in ay jebiso cunaqabateynta Hubka ah ee saran Somaaliya. Qaramada Midoobey waxaa ay Dowladda Imaaraadka ku eedeysay in ay Hub sharci darro ah ka iibiso Maamullada Soomaaliya,sidoo kalena mararka qaar kaalmo ahaan u bixiso. Warbixinta ayaa lagu sheegay in taageerada Imaaraadka ee Maamullada qaar ee Soomaaliya ay horseedi karto in ay dib u soo laabtaan Burcad badeedda Soomaaliya sidoo kalena dhibaato weyn ku tahay halganka loogu jiro xasilooni soo celinta Soomaaliya. Kooxda dabagalka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya iyo Eritrea ayaa sheegay in ay caddeyn buuxda u hayaan in Markan uu hub saaranyahay oo ay leedahay Dowladda Imaaraadka iyo sidoo kalen alaabo mamnuuc ka ah Soomaaliya lagu afduubay Biyaha Soomaaliya,lana qabtay ka hor inta uusan gaarin Soomaaliya. Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Midowga Yurub ayaa duubay Markabkaas oo tagay Xeebaha Soomaaliya,kaas oo labo doomood ay ugu yimaadeen halka uu ku soo xirtay islamarkaana laga dejiyay Hubkii uu waday. Guddigu waxaa ay sheegeen in dhismaha saldhigga Milatariga ee Imaaraadka ka dhisayo Berbera uu xadgudub ku yahay cunaqabateynta saran Soomaaliya,markii ay wax ka weydiiyeenna aysan ka jawaabin weydiimahooda. Isha:middleeastmonitor.com Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Kismaayo (Caasimadda Online) – Magaalada Kismaayo waxaa lagu soo gaba gabeeyay shir looga tashanayay qaabkii uu u dhici lahaa tartanka Kubadda Cagta Gobolada dalka Soomaaliya. Shirkaan ayaa waxaa kaqayb galay Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlada federaalka soomaaliya, Wasiiradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada dowlad gobolledyada dalka iyo madaxda xirirrka kubadda cagta dalka. Shir socday laba cisho oo looga hadlaayay sidii loo bilaabi lahaa tartanka u dhaxeeya Maamul Goboledyada iyo Gobolka Banaadir ee dhanka Kubadda Cagta, ayaa ugu dambeyn lagu go’aamiyay inuu si rasmi ah uga furmo magaalada Kismaayo.Tartankan, ayaa wuxuu furmi doonaa 7-da Bisha December ee soo socota, wuxuun ka furmi doonaa Magaalada Kismaayo, gaar ahaan Garoonka Kubadda Cagta Waamo. Qoraal ka soo baxay Shirkii u dhaxeeyay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Somaliya iyo Wasiirada Ciyaaraha ee Maamul Goboledyada ayaa lagu gaaray go’aankaan.
  18. Hay’adda Astaynta Maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa dowladda Puntland iyo xafiiska UNSOM Garowe ayaa si wada jir ah ugu qabtay bulshada rayidka ah kulan wada tashi ah, kaas oo diiradda lagu saarayey sidii la isaga kaashan lahaa baahinta maamul wanaagga iyo ka hortagga la dagaalanka musuqmaasuqa. Kulanka oo xoojinayey wadashaqaynta dowladda iyo bulshada rayidka ah oo loo baahan yahay in ay bulshadu ay doorkeeda qaadato siiba dhanka wacyi galinta maamul wanaagga, ka hortagista musuqmaasuqa iyo in la soo saaro bulsho bisil oo horusocod ah. kulankan ayaa si qoto dheer waxaa loogu lafa guray fahamka maamul wanaagga la doonaayo in uu Puntland ka taabba galo ilaa heer tuulo, heerka la joogo iyo qorshayaasho musutaqbalka dhow lagu taamayo. kulankan oo ka dhacay xarunta nabadda, Horumarinta iyo cilmi baarista PDRC ee caasumadda Garoowe ayaa furitaankii waxaa ka hadlay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Astaynta maamul wanaagga iyo La dagaalanka musuqmaasuqa dowladda Puntland Cabdiraxmaan Cali Guureeye wuxuuna ka warbixiyey waxyaabihii u qabsoomay ha’adda ilaa hadda , halka ay joogto iyo qorshaheeda dhow, isagoo xusay in ay dhawaan soo saari doonaan saddex dokominti oo dhaxal gal ah kuwaas oo looga golleeyay in la helo maamul wanaag dhidibbo adag ku taagan; dokumentigaas oo kala ah Axdiga adeegga dadweynaha, (Service delevery charter), Nidaamka Maaraynta cabshooyinka dadweynaha iyo Anshaxa iyo shaqo hufnaanta howl wadeennada,The Ethics of code of conduct for the Public services. Agaasimaha Hay’adda Astaynta maamul wanaagga iyo La dagaalanka musuqmaasuqa Puntland ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan ay u gudbi doonaan dokumentigaas golayaasha kala duwan ee dowladda Puntland si loo ansixiyo una dhaqan galo. dhanka kale agaasime Guureeye wuxuu xusay in bisha Dicember ee soo socota ay qaban doonaan shirweyne ballaaran oo socon doona laba maalmood oo lagu lafa gurayo Maamul wanaagga iyo in si wada jir ah loo wajaho yaraynta iyo ka hortagga musuqmaasuqa. Waxaa sidoo kale shirkaas ka hadlay oo taagero iyo dhiira galin u mujiyey madaxa Labada aqal ee UNSOM iyo UNDP kuna amaanay hay’adda Maamul wanaagga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa howlaha baaxadda leh ee ay wadda iyo siday uga go’an tahay in ay door weyn ka qaadanayso reforms ay dowladda Puntland waddo, Sidoo kale waxaa kulankaas haddalo kooban iyo dhiira galin ka jeediyey, Guddoomiyaha Guddiga ku meel gaarka ee doorashooyinka Puntland Caaqil Cabdiraxmaan Diiriye qoorad, Madaxa difaaca xuquuqda aadanaha dowladda Puntland Maxamed Yuusuf Cali, dhanka kale waxaa taooyin dhaxal gal soo jeediyey aqoon yahanno iyo in dheer garad ka socda bulshada rayid ah, waxayna hoosta ka xarriiqeen in ay doorkooda wadaninimo ay ka qaadanayaan qorshaha dowladdu waddo ee maamul wanaajinta iyo la dagaalanka musuqmaasuqa. Maamul wanaagga iyo La dagaalanka musuqmaasuqa Puntland ayaa in dhawaale waday kulamo iyo tababar bixin joogta ah oo ay howlaha ay waddo si siman ula wadaagaysay qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana xusud mudan in todobaadkii tagay ay tababar ku qabatay xarunta maxkamadda sare ee Garowe si looga xoojiyo bahda garsoorka dhanka maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa. kulankan oo ahaa mid qiimo badan leh ayaa ku soo dhammaaday jawi wanaagsan kaas lagu wado in uu horseedo bog cusub oo iskaashi dhinacyo badan yeesha mustaqbalka dhow. PUNTLAND POST The post Garowe: Hay’adda maamul wanaagga Puntland oo kulan wada tashi ah u qabatay bulshada rayidka ah appeared first on Puntland Post.
  19. Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO/ONLF) waxay soo dhawaynaysaa go’aankii ka ka soo baxay Golaha shacabka Dawladda Federaalka Soomaaliya 18 November, 2017 ee ku saabsanaa dhiibista Abdikariim Sh Muuse (Qalbi Dhagax) iyo meeqaamka (status) ururka (JWXO/ONLF). Golaha Shacabka ee Baaralamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu aqlabiyad aad u ballaadhan ku go’aamiyay: In dhiibistii C/kariim Sh Muuse ay ahayd sharci darro, isla markaana ay ka soo horjeedday shuruucda dalka u yaalla oo dhan. In Jabhadda ONLF ayna argagixiso ahayn, beesha caalamka iyo Soomaaliyana aynu u aqoonsanayn inay argagixiso tahay. Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO/ONLF) waxay si niyad-sami ah u soo dhawaynaysaa go’aanka Golaha Shacabka Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxayna aaminsan tahay inuu yahay go’aan ka turjumaya xilka Golaha Shacabka ka saaran ilaalinta shuruucda dalka iyo la-xisaabtanka cidda ku xadgudubta. Iyadoo munaasabaddan ka faa’iidaysanaysa, waxay (JWXO/ONLF) u mahad celinaysaa xubnaha Guddigii Gaarka ah ee kiiska loo xilsaaray oo si cadaalad iyo wadaninnimo ku dheehan tahay u baadhay daw-darrada lagu sameeyay muwaadinkaas Soomaaliyeed iyo xubnaha Golaha Shacabka oo si kalasooni ku jirto u ansixiyay natiijadii baadhista ka soo baxday. Waxay sidoo kale u mahad naqaysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, oo isaguna si aan kala-hadh lahayn uga dhiidhiyay gabood-falka ay xukuumadda federaalku u gaysatay mudane C/kariim Sh Muuse (Qalbi-Dhagax). JWXO waxay si adag u cambaaraynaysaa xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ay ku caddaatay inay galeen dambi u dhigma khiyaano qaran, siday ka dhawaajiyeen mudanayaasha qaarkood, iyagoo si cadna ugu tuntay Dastuurka Soomaaliya, ka dib markii ay si sharci darro ah Itoobiya ugu gacan galiyeen mudane C/kariim Sh Muuse (Qalbi-dhagax), daba-yaaqadii bishii Agust, 2017, si aad ahna uga shaqaysay inay u samayso dambiyo uuna galin. ONLF waxay ka doonaysaa Dawladda Soomaaliya inay sida ugu deg-deg badan ugu hawlgalaan sidii lagu soo celin lahaa Cabdikariim Sh Muuse (Qalbi-Dhagax). JWXO waxay caddaynaysaa inayna waligeed gabbaad ka dhiganin dalka Soomaaliya, hadda ka dibna ayna ka dhigan doonin. Halganka Ogaadeenya ee JWXO hormuudka ka tahay wuxuu ka socdaa gudaha Ogaadeenya, waxaana bud-dhige u ah shacabka Soomaalida Ogaadeenya oo isugu isku tashaday, doortayna inuu aaya-ka-tashigiisa u dagaallamo. Waxaa kaloo taageera muwaadiniin badan oo Somaliyeed oo gudaha iyo daafaha caalamkaba ku kala nool. ONLF waxay u halgamaysaa xaqa ayaa-ka-talinta shacbiga Soomaaliyeed ee ay Itoobiya gumaysato, waxayna diyaar u tahay in qaddiyaddan si nabadgalyo ah lagu xaliyo. Mindnimo, Mintid, Isku-tashi iyo Guul Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO) Goobjoog News Source
  20. Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaaa Goordhow ka Amba baxay magaalada Muqdisho. Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa ku wajahan Magaalada Abuu Dubai ee caasimada Dalka Imaaraadka Carabta. Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa qeeyb ka ah wasiiro xildhibaano iyo madax ka socoto Madaxtooyada Villa Soomaaliya. Madaxweynaha iyo wafdigiisa si dhab ah looma oga waxyaabaha ay kala hadli doonaan madaxweynaha dalka Imaaraadka. Waa safarkii labaad oo tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo la doortay 8 February ee sanadkaan 2017-ka uu ku tago safar dalka Imaaraadka Carabta. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ku wajahan Dalka Imaaraadka appeared first on Puntland Post.
  21. Wasiirada arrimaha dibadda ee carabta ayaa maanta kulan degdeg ah yeelana kaasi oo Sacuudiga uu dalbaday, waxaana looga hadli-doonaa sida ay Iran u la dhaqanto bariga dhexe. Saacado ka hor inta uusan kulanka qabsoomin ayaa waxaa la sheegayaa in wasiirka arrimaha dibadda Lebanon uusan ka qeybgaleynin kulankaani lagu qabanayo xarunta ururka Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira. Wakaaladda wararka Sacuudiga ayaa sheegtay in kulankani lagu gorfeynayo sidii looga hortagi lahaa faragalinta ay Iran ku heyso arrimaha dowladaha Carabta, taasi oo ay ku burburineyso amniga iyo nabadgalyada Carabta. Wakaaladda ayaa waxay sheegtay in dowladaha Baxreyn, Imaaraadka iyo Kuwait ay aqbaleen codsigii Sacuudiga ee ahaa in la qabto kulanka. Maalmihii dambe waxaa cirka isku shareeray xiisadda dhanka gobolka ah ee ka dhaxeeya Sacuudiga iyo Iran taasi oo gaartay arrinteeda meel sare. Ra’iisulwasaaraha Lebanon Sacad Xariiri ayaa ku dhawaaqay 4 November inuu iska casilay xilkiisa isaga oo ku sugan Riyaadh, siyaasiyiin badan oo reer Lebanon ah ayaa waxay ku tilmaameen arinkaasi in Sacuudiga uu ku riixay Sacad inuu iscasilo. Goobjoog News Source
  22. Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO/ONLF) waxay soo dhawaynaysaa go’aankii ka ka soo baxay Golaha shacabka Dawladda Federaalka Soomaaliya 18 November, 2017 ee ku saabsanaa dhiibista Abdikariim Sh Muuse (Qalbi Dhagax) iyo meeqaamka (status) ururka (JWXO/ONLF). aaddan G’oaanka ka soo Baxay Golaha Shacabka Soomaaliya. Golaha Shacabka ee Baaralamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu aqlabiyad aad u ballaadhan ku go’aamiyay: In dhiibistii C/kariim Sh Muuse ay ahayd sharci darro, isla markaana ay ka soo horjeedday shuruucda dalka u yaalla oo dhan. In Jabhadda ONLF ayna argagixiso ahayn, beesha caalamka iyo Soomaaliyana aynu u aqoonsanayn inay argagixiso tahay. Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO/ONLF) waxay si niyad-sami ah u soo dhawaynaysaa go’aanka Golaha Shacabka Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxayna aaminsan tahay inuu yahay go’aan ka turjumaya xilka Golaha Shacabka ka saaran ilaalinta shuruucda dalka iyo la-xisaabtanka cidda ku xadgudubta. Iyadoo munaasabaddan ka faa’iidaysanaysa, waxay (JWXO/ONLF) u mahad celinaysaa xubnaha Guddigii Gaarka ah ee kiiska loo xilsaaray oo si cadaalad iyo wadaninnimo ku dheehan tahay u baadhay daw-darrada lagu sameeyay muwaadinkaas Soomaaliyeed iyo xubnaha Golaha Shacabka oo si kalasooni ku jirto u ansixiyay natiijadii baadhista kasoo baxday. Waxay sidoo kale u mahad naqaysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, oo isaguna si aan kala-hadh lahayn uga dhiidhiyay gabood-falka ay xukuumadda federaalku u gaysatay mudane C/kariim Sh Muuse (QalbiDhagax). JWXO waxay si adag u cambaaraynaysaa xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ay ku caddaatay inay galeen dambi u dhigma khiyaano qaran, siday ka dhawaajiyeen mudanayaasha qaarkood, iyagoo si cadna ugu tuntay Dastuurka Soomaaliya, ka dib markii ay si sharci darro ah Itoobiya ugu gacan galiyeen mudane C/kariim Sh Muuse (Qalbi-dhagax), daba-yaaqadii bishii Agust, 2017, si aad ahna uga shaqaysay inay u samayso dambiyo uuna galin. ONLF waxay ka doonaysaa Dawladda Soomaaliya inay sida ugu deg-deg badan ugu hawlgalaan sidii lagu soo celin lahaa Cabdikariim Sh Muuse (Qalbi-Dhagax). JWXO waxay caddaynaysaa inayna waligeed gabbaad ka dhiganin dalka Soomaaliya, hadda ka dibna ayna ka dhigan doonin. Halganka Ogaadeenya ee JWXO hormuudka ka tahay wuxuu ka socdaa gudaha Ogaadeenya, waxaana buddhigeu ah shacabka Soomaalida Ogaadeenya oo isugu isku tashaday, doortayna inuu aaya-ka-tashigiisa u dagaallamo. Waxaa kaloo taageera muwaadiniin badan oo Somaliyeed oo gudaha iyo daafaha caalamkaba ku kala nool.ONLF waxay u halgamaysaa xaqa ayaa-ka-talinta shacbiga Soomaaliyeed ee ay Itoobiya gumaysato, waxayna diyaar u tahay in qaddiyaddan si nabadgalyo ah lagu xaliyo. Mindnimo, Mintid, Isku-tashi iyo Guul Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO) PUNTLAND POST The post Ururka ONLF oo Ka Hadlay Go’aanka Baarlamaanka ee C/kariin Qalbi Dhagax appeared first on Puntland Post.
  23. Koox cilmi-baarayaal ah ayaa waxaa ay soo saareen saacad Smart ah, taasi oo kormeereysa xaaladda qofka bukaanka ah maalintii oo dhan, taasi oo lagu tilmaami karo hab cusub oo lagula soconayo xaaladaha degdegga ah ee caafimaad. Saacaddan ayaa sidoo kale waxay u sameyneysaa qofka bukaanka ah inay ugu yeerto si dhaqso ah gawaarida Ambalaasta ah. Saacadda waxaa gudaheeda ku jira qalab dareemo leh oo ku shaqeynayo koronto, waxaa uuna la soconayaa shaqada uu qabanayo wadanaha, garaaca wadnaha, heerka uu marayo Oxgenka iyo heer kulka. Mid ka mida cilmi-baarayaasha soo saaray saacaddaan oo u dhashay dalka Filand ayaa sheegay in arrintaani ay tahay nidaam looga hortagyo cudurada marka ay soo muuqdaan calaamadahooda. Tom Horvat oo ka mida Engineerada soo-saaray sacaddaan Smartiga ah ayaa tilmaamay in ay awood u leedahay sacaddaan inay soo aruuriso macluumad badan oo ku saabsan dhanka Sataliteka ah. Waxaa uu intaasi ku daray marka kasta oo dheeraado waqiga uu xiranyahay saacaddaan qofka bukaanka ah, waxay si dabiici ah ay ula soconaysaa sida dhaqtarka oo kale bukaanka,iyada oo marnaba aan ka soo gudbineynin bukaanka digniino been ah oo ku saabsan in halis ay ku jirto xaaladda bukaanka. Source
  24. Muqdishdisho (Caasimada Online)-Waxaa maalmihii ugu danbeeyay magaalada Muqdisho ka taagneyd cabsi dhanka amaanka ah oo saameyn xoogan ku yeeshay degnaanshiyaha Hoteelada waaweyn ee magaalada. Cabsida ugu badan ayaa timid kadib markii maleeshiyaadka al-Shabaab ay fariimo goodin ah u direen dhowr Hoteel oo ku yaalla Muqdisho weerarkii Nasa-Hablood Two kadib. Cabsida jirta ayaa sabab u noqotay in mas’uuliyiinta qaar ay isaga guuran Hoteelada, xili maleeshiyaadka al-Shabaab ay horay xasuuq uga geysteen Hoteelo dhowr ah. Hoteelada qaar ayaa lasoo sheegayaa in kalabar qololkooda ay yihiin kuwo xiran, halka qaarna ay u xirmeen kiro la’aan, waxaana xusid mudan in hoos dhac uu ku imaaday tirada Hoteelada. Mas’uuliyiinta cabsida uga guuray Hoteelada ayaa sidoo kale degay Xaafadaha qaar kuwaa oo jaray waddooyinka hormara guryahooda sababo la xiriira cabsi. Waddooyinka xiran ayaa u badan kuwa ku dhow dhow laamiyada, gaar ahaan wadada Makka Al-Mukarama oo ah halka qura ay dagan yihiin madaxda dowlada. Dowlada Somalia ayaa dhawaan sheegtay inay qaadeyso duulaan ka dhan ah Al-shabaab kaa oo lagu burburinaayo Saldhigyada maleeshiyada ee Gobolka Shabellaha Hoose. Dhinaca kale, goodinta dowlada ayaa u muuqaneysa in maleeshiyada al-Shabaab ay ka qaaday dhiirigalin maadaama ay laba jibaaren weeraradii lagu qaadi jiray Xarumaha dowlada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Daraasad cusub ayaa sheegeysa in dadka cuntada tartiib u cuna ay yihiin kuwa aan cayilin. sidoo kale dadkaani kuma dhacaan cudurada loo yaqaano Metabolic Syndrome­. Metabolic Syndrome­: waa koox cuduro ah, kuwaas oo inta badan ka dhasha kororka Miisaanka iyo buurnida, waxayna keenaan cudurada ku dhaco wadnaha, Macaanka iyo wadnaha oo istaaga. Daraasaddaan ayaa waxaa sameeyay cilmi-baariyaal ka tirsan Jaamacadda Hiroshima ee ku taalo dalka Japan, waxayna cilmi-baarayaashaan ay baaritaan ku sameeyeen 642 qof oo rag ah iyo 441 haween ah, waxayna ku gudbiyeen daraasadda ay sameeyeen jamacyiyadda qaabilsan cudurada wadanaha ee ku taalo Mareykanka. Cilmi-baarayaashaan ayaa ogaaday inta ay wadeen baaritaankaan in dadka sida degdegga ah u cuno cuntada ay dhici karto inay ku dhacaan cudurada Metabolic Syndrome boqolkiiba 11.6%,halka dadka cuntada u cuno si dhexdhexaad ah ay ku dhici karaan cuduradaan 6.5%. Daraasadda ayaa waxay sheegeysaa in dadka sida tartiibta ah wax u cuna ay dhici karaan in cuduradaani loo yaqaano Metabolic Syndrome ay ku dhacaan 2.3%. Sida ay sheegayaan cilmi-baarayaashaan qofka sida degdegga ah u cuno badarka ma ahan qof dherga,mida kale mar walba oo uu degdeg wax ku cuno waa mar walba uu cuno waxbadan,taasi oo keeneysa in kor iyo hoos ay aado sokorta ama dhiigga. Goobjoog News Source