Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,114
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweyne Robert Mugabe ayaa shaagay in uu xilka sii hayn doono todobaadyada soo socda,kadib khudbad si weyn loo sugayey oo uu ka jeediyey Television-ka dalkaasi. Mr.Mugabe oo ay weheliyaan saraakiil sare oo militeri ayaa sidoo kale sheegay in uu shir guddoomin doono shirka xisbigiisa ay yeelanayaan bisha December ee soo socota. Wakaaladda Wararka Reuters ayaa goor hore ku warrantay in Mugabe uu ogolaaday xilka in uu banneeyo,balse waxaa fajiciso noqotay markii uu shaaciyey warka la xiriira xilka in uusan ka degayn. Xisbiga SANU-PF ayaa Axaddi ugu baaqay in uu isku -casilo wax ka yar 24 saac,haddii kalena ay xilka ka qaadayaan,waxayna ka ceyriyeen hoggaaminta xisbiga oo uu hayey tan iyo sannadkii 1980. Mugabe oo ah 93 sano jir waa madaxweynaha keli ah ee uu yeeshay dalka Zimbabwe,kadib markii uu xorriyadda ka qaatay Waddanka Ingiriiska sannadkii 1980. PUNTLAND POST The post Robert Mugabe oo sheegay in uu xilka sii haynayo. appeared first on Puntland Post.
  2. Munaasabad ay ku qalin-jebinayeen 20 arday oo cilmiga Saxaafadda ka bartay Mac-hadka Soomaali Journalism College ayaa lagu qabtay Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland. Munaasabadda oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qaybgalay Masuuliyiin ka socday Wasaaradda Warfaafinta Puntland,Waxgarad,Haween iyo dhalinyaro. Gudoomiyaha Mac-hadka Soomaali Journalism College, Jaamac Cabdiraxmaan Shiikh Axmed oo ka warbixiyey u jeedooyinka loo aas-aasay mac-hadka ayaa sheegay in hadafkiisu yahay sidii loo soo saari lahaa weriyaal xirfad iyo aqoon u leh saxaafadda iyo in shaqo abuur ay helaan dhalinyarada Soomaaliyeed. Mac-hadkaan oo furan muddo sannad iyo bar ah ayaa waxaa ka baxay ilaa 50 arday oo bartay cilmiga Saxaafadda,kuwaas oo qaarlood ka shaqeeyaan xarumaha warbaahinta ee Garoowe,sida uu sheegay gudoomiyaha mac-hadka. Jaamac Cabdiraxmaan ayaa intaa ku daray” waxaan naga go’an inaan soo saarno suxufiyiin xirfad iyo aqoon sare u leh warbaahinta “isagoo tilmaamay in mac-hadku xarumo cusub ka furan doono Magaalooyinka Puntland. Qaar kamid ah Suxufiyiinta ka baxay mac-hadka ayaa u mahad celiyey maamulka iyo macalimiinta,waxayna sheegeen in aqoonta ay barten ay uga faa’ideynayaan dalka iyo dadka,islamarkaana ay wax ka baddeli doonaan Saxaafadda Puntland. Masuuliyiintii ka hadlay munaasabadda ayaa ku amaanay Mac-hadka Saxaafadda Soomaaliyeed ee Somali Journalism College dadaalku uu ugu jiro sidii uu soo saari lahaa suxufiyiin tayo leh iyagoo ardayda kula dardaarmay in ay sii kordhiyaan xirfadooda Warbaahinta. Sawirada. Cabdiraxmaan Ciise Cumar PUNTLAND POST The post Arday ka qalin-jebisay Saxaafadda oo XafLad Garoowe loogu qabtay. appeared first on Puntland Post.
  3. Ciidamada Midowga Yurub ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegay in ay badbaadiyeen markab shidaal oo lagu weeraray xeebaha Soomaaliya. Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidanka Talyaanniga oo lagu magacaabo ITS Virginio Fasan,ayaa badbaadiyey markabka kale ee weerarka lagu soo qaaday,waxaana la qabtay lix ka tirsan Burcad-badeedda iyo laba doomood oo ay wateen,sida qoraalka lagu xusay. Lixda nin ee la qabtay ayaa sitay qoryaha darandoorriga u dhaca iyo kuwa garbaha laga rido RPG,waxaana weerarka ay qaadeen intii u dhexaysay 17-18 bishaan Nov. Qoraalka laguma caddeyn halka weerarkaan si gaar ah uga dhacay,balse waxaa la sheegay in ahayd meel kamid ah badweynta Hindiya oo Koonfurta kaga beegan dalka Soomaaliya. Qoraalka ay soo saareen Ciidamada la-dagaallanka Burcad-badeedda Midowga Yurub ee Xeebaha Soomaaliya laguma xusin waddanka laga leeyahay markabka la badbadiyey,halka uu ka yimid iyo dalka uu ku jeeday midna,laakiin waxa lagu sheegay in uu ahaa mid ganacsi oo sida shidaal. Sidoo kale lama shaacin magacyada lixda nin ee la qabtay. Wixii ka soo kordha kala soco:PUNTLAND POST The post Burcad-badeed markab ku weeraray xeebaha Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.
  4. Xafiiska ra’iisul wasaarihi is-casilay ee Lebanon Saad al-Hariri ayaa sheegay in uu Talaadada soo socota booqan doono dalka Masar si uu ula kulmo madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi,kadib sarakiisi waddanka France. Al-hariri ayaa tan iyo Sabtidii joogay magaalada ee Paris , halkaasoo uu kula kulmay madaxweynaha France Emmanuel Macron, wuxuuna sheegay inuu ku soo laaban doono Lebanon maalinta Arbacada ah ee soo aaddan,si uu uga qayb galo xuska maalinta xorriyadda dalkiisa. madaxweynaha Lebanon Michel Aoun ayaa diiday in uu aqbalo is-casilaadda Al-hariri ilaa iyo inta uu gacanta uga dhiibayo warqadda istiqaalada,iyadoo xukuumadda dalkaasi ku baaqday in uu deg deg u soo laabto. Axaddi Maanta Wasiirada Arrimaha debadda waddamada Carabta oo kulan ku yeeshay magaalada Cairo ayaa ka digay in Iran iyo Hezbollah dhibaato siyaasadeed ka abuuraan gobolka,gaar ahaanna dalka Lebanon. Bayaan wada jir ah oo ay soo saareen ayey ku eedeeyeen ururka Hezbollah in uu taageero argagixisada ka jirta dalalka Carabta,balse waxaa kulanka ka maqnaa Wasiirka Arrimaah debadda Lebanon Gebran Bassil. PUNTLAND POST The post Saad al-Hariri oo Talaadada Booqanaya Dalka Masar. appeared first on Puntland Post.
  5. Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Abu-Debai ee Caasimadda Imaaraadka Carabta halkaasoo uu ku tegay booqasho rasmi ah,kadib markii uu casumaad ka helay madaxda dalkaasi. Madaxweyne Farmaajo waxaa safarka ku weheliya Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha debadda Soomaaliya C/qaadir Axad Khayr,xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya,taliyaal iyo xubno kale,sida ay soo werisay wakaaladda Wararka SONNA. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la kulmi doona madaxda Isutaga Imaaraadka Carabta,wuxuuna kala hadli doonaa xoojinta xiriirka labada dal,iskaashiga dhinacyada Ammaanka,dhaqaalaha iyo la-dagaallanka arggagixisada(SONNA). Xiriirka Imaaraadka carabta iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sii xumaanayey tan iyo markii Soomaaliya go’aan dhex-dhexaadnimo ah ka qaadatay muranka khaliijka,inkastoo qaar kamid ah maamul goboleedyada ay khilaafeen Dowladda Federaalka,islamarkaana la safteen xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka ee go’doomiyey Qadar. Qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa Imaaraadka ku eedeeyey in ay ku xad gudubtay qarannimada Soomaaliya oo ay maamul goboleedyada iyo Fderaalka iska horkeenayso,sida ay hadalka u dhigeen,inkastoo aanay jirin cid si rasmi ah u xaqiijisay warkaasi. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo gaaray dalka Imaaraadka Carabta.Muxuu kala kulmay? appeared first on Puntland Post.
  6. Madaxweyne Robert Mugabe ayaa ogolaaday in uu xilka ka banneeyo Axaddii Maanta,saacado kadib markii Xisbiga talada haya ee ZANU-PF party uu ka qaaday hoggaaminta xisbiga oo uu muddo 37 sano hayey,sida uu sheegay xog-ogaal la socda wada-xaajoodka. ZANU-PF party ayaa Mugabe u qabtay wax ka yar 24 saacadood in uu isku- casilo,haddii kalena xilka ay ka qaadayaan iskuday ah in si nabad gelyo ah uu ku dhammaado xukunkiisa,kadib inqilaabkii runta ahaa. Il-wareed ayaa sheegay in militariga uu ka shaqeynayo is-casilaadda Mugabe,balse faahfahin ma bixin. Idaacadda Zimbabwe ee ZBC ayaa sheegtay in madaxweyne Robert Mugabe uu goor dhow khudbad u jeedin doono qaranka. Xilli hore oo Axaddii Maanta ah,joornalka Herald newspaper ayaa baahiyey sawirada Mugabe oo xafiiskisa kula kulmaya saraakiil sare oo milireri. Mugabe oo ah hoggaamiyaha keli ah ee waddamada koonfurta Afrika oo xilka hayey tan iyo markii Zimbabwe xorriyaddeeda ka qaadatay Britain sannadkii 1980-kii, waxaa lagu bedelay Emmerson Mnangagwa, kuxigeenkiisi bishii hore la ceyriyay, kaas oo kiciyay faro-gelintii militariga ee bartamihi todobaadka. X/Reuters PUNTLAND POST The post Mugabe oo ogolaaday in uu xilka banneeyo. appeared first on Puntland Post.
  7. Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La-socodka Dastuurka ee Baarlamaanka, iyo Guddiga Madaxabanaan ee dib-u-eegista Dastuurka ayaa maanta kulan wadatashi ah la yeeshay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii dib-u-eegis loogu sameeyn lahaa Dastuurka qabyo-qoraalka ah. Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ku soo dhaweeyay kulanka islamarkaana sheegay in taladooda ay tahay mid muhiimad wayn leh. “Odayaasha dhaqanka waxa ay door muhiim ah ka soo qaateen Geedi-socodyadii lagu soo dhisay dawladnimada Soomaaliya kadib burburkii dalka, kaalinta odayaasha ay ku leeyihiin dib-u-eegista Dastuurka waa mid aad u ballaaran oo aan dooneyno in aad naga la shaqeeysaan” ayuu yiri Wasiir Ku-Xigeenka. Sidoo kale, Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan, Proff Maxamed Daahir Afrax, iyo Gudoomiyaha Guddigga Baarlamaanka, Senator Cabdi Qaybdiid, ayaa si wadajir ah u tilmaameen muuhimadda odoyaasha dhaqanku u leeyihiin ololaha dib-u-eegista Dastuurka, waxa ayna odayaasha ka codsadeen in ay ku gacansiiyaan hawsha ay wadaan hay’adaha u xilsaaran dhameeystirka Dastuurka. Ugu dambayn, odayaasha dhaqanka ee kulanka ka soo qaybgalay ayaa talooyin soo jeediyay, sidoo kale waxa ay bogaadiyeen wadashaqaynta ka dhaxeeysa Wasaaradda iyo Guddiyada. —–DHAMAAD—- Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Guddigii ka tirsanaa BFS ee loo xilsaaray baaritaanka Kiiska Qalbi Dhagax, ayaa diyaariyey warbixin ilaa iyo xad ku filnaankarta kiiska Qalbi Dhagax. Guddiga ayaa warbixintooda ku wiiqay macluumaad aan fadhin oo laga diyaariyay Qalbi Dhagax, taa oo muujineysay in la dafiraayay macluumaadka dhabta ah, si qodob xalaala looga dhigo dhiibista Sarkaalkan lagu magacaabo Qalbi Dhagax. Guddiga ayaa warbixintiisa ku adkeeyay inay khaldaneyd hanaankii loo maray dhiibista Qalbi Dhagax, oo sharci darro lagu tilmaamay. Haddaba Guddigaasi waxa ay sheegeen in Kiiskaasi ay maareysay Hay’adda Nabad suggida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed, islamarkaana aan xog badan la siin Madaxda dowladda. Is weydiintu waxa ay iminka tahay cida loo raacan doono mas’uuliyadda dhiibidda Qalbi Dhagax maadaama Madaxdii ugu sareysay dalka laga qariyay macluumaadka saxda ah?. Madaxda Dowlada Somalia ayaa mid waliba iska fogeeyay kiiska Qalbi Dhagax, waxa ayna tani muujineysaa in la doonaayo in lalumiyo kiiska. Sidoo kale, Taliyihii hore ee Hay’ada sirdoonka Somalia Sanbaloolshe ayaa qudhiisa kiiskaasi u heyn maareyn, inkastoo uu isaga kusoo biya shubtay. Dhinaca kale, talaabada noocaani ah ayaa noqoneysa mid fashil ku ah dowlada maadaama Madaxda ugu sareysa dalka qudhooda laga qariyay hanaanka loo maray dhiibista Qalbi Dhagax. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. The post Golaha Wasiiradda Puntland oo Shir Aan Caadi Ahayn Ku Ansixiyey Misaaniyadda Puntland Ee Sanadda 2018. appeared first on Puntland Post.
  10. BEIJING — Djibouti President Ismail Omar Guelleh will make a state visit to China next week, a Chinese spokesman announced Friday. The Djibouti president will visit China from Wednesday to Friday at the invitation of Chinese President Xi Jinping, Foreign Ministry spokesman Lu Kang said in a press release. Xinhua
  11. On 15th November 2017 demonstrations occurred in parts of Hargeisa, Buroa and Erigavo after members of Waddani opposition party held a press conference in which they made allegations of “irregularities”. On 13th November 2017, Somaliland held a presidential election competed by three political parties. Two civilians died in Burao and other four were injured by the security forces including the police and the military who used live bullets to disperse protestors. In Hargiesa, female street vendor died after she was hit by a bullet and at least five people were injured. In a statement, the Minister of Presidency stated that members of the security forces sustained injuries caused by stones thrown by protesters, according to the Minister. In Buroa the military was part of the security forces that intervened to disperse the protests, according to eyewitnesses. At the Election Day, opposition members were briefly detained. Hamse Khayre, the campaign manager of Waddani, was detained in Gabiley and Bashe Yousuf Ahmed, the Chief of Staff of the presidential candidate of Waddani and Fatimo Saeed, a senior member, were detained Hargeisa. They were all released on the same day. The social media was shut down from 13th to 17th November 2017. “We call on the security forces to restrain and avoid using live ammunition against civilian protestors. The military shall not be used to intervene in internal disturbances and protests of civilians,” says Faisa Aw Ali, the chairwomen of the Human Rights Defenders Group. “We call on all parties to use peaceful channels, and not to make any violence. All grievances shall be resolved peacefully” she added. The Human Rights Defenders Group is ad hoc gathering of human rights organizations and defenders who are united by the purpose of ensuring the protection and promotion of human rights during the election period. Faisa Aw Ali Yousuf Chairperson of the Human Rights Defenders Group Email: faizayussuf@gmail.com Phone: 063 4418771
  12. An intelligence report has revealed that Kenyan-born Al Shabaab leader, Ahmed Iman, is contemplating to quit the terror group after major fall-out with its leadership. The report says the Imam wants to quit the group and its activities after he became disgruntled with the persistent killing of Kenyan fighters within the group’s ranks. The dossier further notes that the spate of elimination and execution of Kenyans and other foreign fighters has brought a sharp division within Al Shabaab leading to hatred towards native Somalis. “The Al Shabaab video and online propagandist, Ahmed Iman Ali fell-out with its leadership. It is reported he is negotiating his way back from Somalia. It is not, however, clear if he stands a chance of making it from Somalia considering that Al Shabaab kills whoever attempts to leave. Iman has been very vocal against the execution of foreign fighters and is now weighing out his options,” the report. It further adds: “Some Al Shabaab leaders are, however, wary of losing Iman within the ranks as he has proven to be a good propaganda tool through his videos which he does with charisma taunting AMISOM forces in fluent Swahili.” Iman is the leader of ‘Jaysh Ayman’. He has been instrumental in recruiting youth into terrorism and orchestrating attacks in Kenya. The split is further accelerated by the battle on whom to pledge their allegiance to with one group led by former UK-based Abdul Qadir Mumin, who swore allegiance to ISIS in December 2015 immediately becoming target of exclusion. Al Shabaab has always pledged its allegiance to Al Qaeda. Online war Al Shabaab’s intelligence wing (amniyaat) has on several occasions targeted the pro-ISIS splinter group whose top commanders have been executed alongside their fighters. There has been an online war of words on Twitter where ISIS linked page, Jabha East Africa, blamed Al Shabaab of killing and imprisoning their leaders and fighters. The Al Shabaab and ISIS supremacy war was put to test during the Mogadishu October attack where more than 350 civilians were killed and several others injured. Even though none claimed responsibility, it is evident that the pro-ISIS group were rescarried out the attack to show Al Shabaab on how strong they are in executing suicide bombings. When contacted, the Somalia Minister of Information, Culture and Tourism Abdirahman Omar Osman said that the government has come up with a Comprehensive Approach to Security (CAS) architecture in consultation with stakeholders and international partners. “We now have plans to scale down AMISOM forces so that Somalia forces can take over the security of our country. We are optimistic We Africans are not good at publicising our successes and if this mission would have been in Western, the whole world would have known the success,” Osman said. The minister said the October attack in Mogadishu was an act of desperation because the Somalia military and AMISOM are winning. Largest number The Information minister insists that his security counterpart is committed to implementing initiatives that include stabilisation of security within Mogadishu and removal of heavy guns from the city’s streets. Source: – Standard Digital
  13. Abu Dhabi (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray dalka Imaaraadka Carabta, wuxuuna hor kacayey wafdi heer caalami ah si ay halkaas wada hadal ugala soo yeeshaan Madaxda ugu sareyso dalkaas. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Abu Dhabi kusoo dhaweeyey Wasiirka Cadaaladda Imaaraadka Carabta Suldaan Bin Saciid Al-Badi. Madaxweynaha ayaa waxaa la geeyey halkii loogu talagalay isaga iyo martida la socotay oo isugu jiray Wasiiro iyo xubno kale. Sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka socdo Madaxweynaha, Kulanka wada hadalka labada dowladood ayaa la filayaa inuu dhaco Maalinta Berri ah. Kulankaas ayaa la rajeenayaa in lagu soo dhameeyo mugdigii ku kala dhex jiray labada dowladood. Wixii warar ah ee kusoo kordha daqiiqad kasta waxaad kala socon doontaan Caasimadda Online Inshaa Allah.
  14. Egyptian President Abdel-Fattah el-Sissi, for the second time in as many days, has delivered a stern warning to Ethiopia over a dam it is building after the two countries along with Sudan failed to approve a study on its potential effects. Ethiopia is finalizing construction of Africa’s largest hydroelectric dam on the Blue Nile. Egypt fears that will cut into its water supply. Cairo said last week that the three countries had failed to approve an initial study by a consultancy firm on the dam’s potential effects on Egypt and Sudan. Ethiopia has repeatedly reassured Egypt, but Cairo’s efforts to engage in closer coordination have made little headway. El-Sissi sought to reassure Egyptians in televised comments Saturday, but stressed that “water is a matter of life or death.” Source: AP
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Wargeyska Standard Media, ayaa baahiyay inuu jiro khilaaf xoogan oo ka dhex aloosan Horjoogayaasha al-Shabaab iyo kuwa Kenya. Khilaafka al-Shabaabka Somalia iyo kuwa Kenya ayaa sababay inuu baxsad noqdo Horjoogaha al-Shabaabka Kenya Axmed Iimaan Cali. Sirdoonka dalka Kenya ayaa waxa ay sheegeen Hogaamiyaha Shabaab ee dalka Kenya Axmed Imaan uu doonaayo inuu ka baxo guud ahaan al-Shabaab, kadib markii uu yimid khilaaf. Axmed Iimaan ayey isku dhaceen hogaanka sare ee al-Shabaab, kadib markii uu ka hor yimid dilal lagu fuliyay xubno ka tirsan dagaalyahanada Kenya oo lagu eedeeyay inay ku xiran yihiin Al-Shabaab. Maleeshiyada Shabaab ayaa Magaalooyin ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe ku dilay rag Shabaab ka tirsan oo Kenyan ah, kuwaasi oo ay ku eedeeyeen inay jawaasiis ahaayeen. Axmed Imaan oo arintaasi ka carooday ayaa Saraakiisha Sirdoonka dalka Kenya waxa ay sheegeen inuu la wadaagay hoggaanka Sare, balse wax laga qaban waayay. Axmed Iimaan oo madax u ah Guutada Jeysh Al Ayman oo u badan dagaalyahano Kenyan ah oo ka bar bar dagaalama Al-Shabaab ayaa ka soo horjeestay qaabka al-Shabaab u fuliyaan dilalka dagaalamayaasha Kenyanka ah. Axmed Iimaan oo madaxiisa la dul dhigay mallaayiin doolar ah, ayaa horay uga soo muuqday Muuqaalo ay baahisay Al-Shabaab oo u badnaa farriimo loo diray Kenya, waxaana uu caan ku ahaa soo jiidashada dhalinyarada ay Al-Shabaab ka qorato Kenya. Dhinaca kale, Saraakiil ka tirsan Shabaab iyo Axmed Imaan ayaa hadda waxaa u socda wada hadal ku aadan sidii loo xalin lahaa khilaafka taagan, isla markaana hoggaamiyaha Shabaab ee Kenya shaqadiisa uu u wadan lahaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Washington DC (Caasimada Online) – Dowladda Somaliya ayaa heshiis la geshay shirkad uu madax ka yahay senator hore oo Mareykan ah, taasi oo dowladda uga ololeyn doonta maamulka Trump iyo xubnaha aqalka Congress-ka. Heshiiskan ayaa dhigaya in dowladda Soomaaliya ay 120,000 oo dollar siiso shirkaddan oo uu madax ka yahay Alfonse Marcello D’Amato oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, horeyna senate-ka ugu matali jiray gobolka New York, intii u dhaxeysay 1981-kii ilaa 1999-kii. Heshiiskan oo hal sano ah, ayaa sidoo kale dhigaya in dowladda ay bixiso qarash kale oo gaaraya 36,000 oo dollar oo la siinayo shirkadda Park Strategies, kaasi oo ku baxaya qarashadaadka safarka iyo sidoo kale hotel-ka. Alfonse Marcello D’AmatoSida ku cad waraaqaha waaxda caddaaladda Mareykanka, heshiiskan ayaa ka mamnuucaya dowladda Soomaaliya in lacagta gargaarka uu u siiyo Mareykanka ay u adeegsato inay shirkaddan siiso. “Shirkadda Park Strategies waxa ay bixin doontaa talooyin iyo olole ay ku mataleyso dowladda Somalia, si loo hormariyo xiriirka dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya” ayaa ku qoran heshiiska. Taageerada Mareykanka ayaa muhiim u ah Soomaaliya. 10-kii sano ee tagay Mareykanka ayaa Soomaaliya ku bixiyey laba bilyan oo dollar, waxaana intaas dheer lacag 900 oo milyan oo dollar ah oo uu siiyey Amisom. Sidoo kale 720 milyan oo dollar oo Mareykanka ka timid ayaa lagu maal-geliyey howlgalka QM ee Somalia. Heshiiskan ayaa imanaya ayada oo ay jiraan walaacyo ku saabsan musuq-maasuqa Soomaaliya, ayada oo dadka dhaliilaha jeediya ay Mareykanka ugu baaqeen inuu ka fakaro taageerada uu siiyo Soomaaliya, taasi oo dowladda walaac ku abuurtay. Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka iyo QM ayaa warbixino ku sheegay in ciidamada Soomaaliya aysan si wax ku ool ah ula dagaalami karin Al-Shabaab, kadib taageero badan iyo tababar ay ka haleen Mareykanka. Hogaanka ciidamada ayaa sidoo kale loo jeediyey eedeo la xiriira musuq-maasuq. Mr. D’Amato oo xubin firfircoon ka ah xisbiga Jamhuuriga ee haya talada Mareykanka, ayaa awood u leh inuu saameeyo go’aanada Mareykanka ee Soomaaliya. Waxa uu saaxib dhow la yahay aqalka cad, isaga oo ka mid ahaa taageerayaashii Donald Trump intii uu ahaa musharaxa madaxweyne. Heshiiska ay dowladda Soomaaliya la gashay shirkadda Park Strategies ayaa caadi ka ah Mareykanka, ayada oo dowlado badan oo caalamka ka tirsan, uguna cad cadahay Israel ay Mareykanka ku leeyihiin ururo iyo shirkado dantooda u ololeeya. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
  17. Cabdiqaadir Xasan Hirmooge Caddaani, Afhayeenka ururka ONLF oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa ka hadlay sida ay u arkaan go’aanka golaha shacabka ee arrinta Cabdikarim Qalbi-dhagax iyo Jabhadda ONLF. Afhayeenka ururka ONLF Cabdiqaadir Xasan Hirmooge, waxaa uu yiri“Waxaa u aragnaa go’aan qiimo leh, oo guddi qiimo leh ka soo shaqeeyay, oo baarlamaan qiimo leh u xir-saartay, guddigaasi in ay mataalaan baarlamaanka waa ay cadeeyeen, baarlamaanka in uu umadda Soomaaliyeed matalo ayuu cadeeyay, marka aad iyo aadbaan raalli uga nahay go’aankaasi, waan ka fileynay, waana kaan ku laheyn” Cabdiqaadir Xasan Hirmooge, waxaa uu sidoo kale uu soo jeediyay mahad-celin dadka uu sheegay in ay qeyb ku lahaayeen xaq la soo celiyay“Waxaa uu u mahadceliyay baarlamaanka Soomaaliyeed, guddiga baarlamaanka iyo dhammaan sida: suugaan yahannada, warbaahinta, xubnaha baarlamaanka, aqoon-yahanka, Jaaliyaadka iyo ururada dhalinyarada” Golaha shacabka ayaa kulankiisii sabtida ansixiyay in dhiibiistii xukuumadda federaalka ah ee Cabdikarim Qalbi-dhagax ay qalad aheyd, sidoo kale waxaa ay sheegeen in jabhadda ONLF aaney aheyn urur argigixiso ah. Goobjoog News Source
  18. Harare (Caasimada Online) – Xisbiga maamula dalka Zimbabwe ee Zanu-PF ayaa Mugabe ka qaaday xilka hoggaaminta xisbiga. Waxaa loo magacaabay in xisbiga uu hoggaamiye ka noqdo madaxweyne ku xigeenkii hore, Emmerson Mnangagwa – kaas oo laba isbuuc ka hor uu Mugabe ka ceyriyay xilka. Shaqa ka tiriddii Mr Mnangagwa ayaa sababtay qalalaasaha siyaasadeed ee dalkaasi ka jira, taas oo dhalisay in militariga uu maamulka dalka la wareego si ay 93-sano jirka Zimbabwe hoggaaminayay 37-sano, uga hor istaagaan in xaaskiisa Grace ka dhigo madaxweynaha dalka. Tobannaan kun oo qof ayaa shalay oo Sabti ahayd ka qeybgalay dibadbaxyo ka dhan ahaa qoyska Mugabe. Mr Mugabe ayaa maanta oo Axad ah la filayaa in uu la kumo hoggaamiyayaasha militariga, waxaana la arkayay gawaari ka soo baxaysa gurigiisa gaarka ah ee Harare. Dagaalyahankii hore ee galaangalka badan ku leh dalka, Chris Mutsvangwa, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in xisbi ahaan ay isu diyaarinayaan sidii ay Mugabe uga qaadi lahaayeen xilka madaxweynaha dalka. Sidoo kale Reuters ayaa baahisay in Grace Mugabe lagala noqday dhammaan shaqooyiinkii ay ka haysay xisbiga Zanu-PF. Dhacdooyiinkii ugu dambeeyay: Laba isbuuc ka hor, Mr Mugabe wuxuu shaqada ka ceyriyay ku xigeenkiisii Mr Mnangagwa, ninkaas oo ka dib dalka ka cararay. Taliyaha Ciidamada, Janaraal Gen Constantino Chiwenga, ayaa sheegay in militariga ay faragelin sameynayaan si ay wax uga qabtaan dhibaatada ka dhex taagnayd xisbiga. Ka dib waxaa dhalleeceeyay taageerayaasha Mugabe Arbacadii, militariga waxay la wareegeen warbaahinta qaranka waxayna ku dhawaaqeen in ay ka hortagayaan dembiilayaal ku hareereysan Mugabe Mr Mugabe wuxuu markaasi ka dib galay dhowr maalmood oo xabsi guri ah Sabtidii, dibadbax ballaaran oo aan la fileyn ayaa ka dhacay Zimbabwe kaas oo looga soo horjeeday Mugabe iyo dadka taabacsan. BBC
  19. Harare (PP) ─ Xisbul-xaakimka dalka Zimbabwe ee ZANU-PF ayaa ka qaaday maanta xilkii hoggaaminta xisbiga Robert Mugabe, iyadoo isla xilkan loo magacaabay madaxweyne ku xigeenkii dalkaas oo uu dhawaan shaqada ka eryay. Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Zimbabwe, Emmerson Mnangagwa ayaa lagu eedeeyay inuu shir-qoolayo Mugabe, iyadoo la sheegay in madaxweyne Mugabe uu qorsheynayay inuu xilkaas u magacaabo xaaska Mugabe oo lagu magacaabo Grace Mugabe. Tallaabada hoggaanka xisbiga Zanu-PF looga eryay Mugabe ayaa billow u ah in xukunka laga qaado kaddib muddo 37-sano ah oo uu dalkaas xukumayay, iyadoo shacabka Waddanka Zimbabwe ay shalay dhigeen dibadbaxyo ay ku dalbanayana in Mugabe uu xilka uga dago. Robert Mugabe oo 93-jir ah ayaa dalka Zimbabwe xukumayay tan iyo markii dalkaas uu xoorriyaddiisa ka qaatay gumeystihii Ingiriiska, waxaana tani ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo ciidamada dalkaas ay xukunka awood kula wareegaan. Sidoo kale, Robert Gabriel Mugabe ayaa maanta oo Axad ah la filayaa inuu la kumo hoggaamiyayaasha militariga dalkaas, waxaana la arkayay Gawaari ka soo baxaysa gurigiisa gaarka ah ee magaalada Harare. Chris Mutsvangwa oo ka mid ah xubnihii u soo halgamay xorriyada dalkaas, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay inay isu diyaarinayaan sidii ay Mugabe uga qaadi lahaayeen xilka madaxweynaha. Dhanka kale, xubnaha Xisbiga ZANU-PF ayaa la sheegay inay awoodihii oo dhan ay ka qaadeen Grace Mugabe oo ah xaaska madaxweyne Mugabe oo haatan xabsi-guri ku jira, inkastoo aan la ogeyn halka ay ku sugan tahay. Ugu dambeyn, Robert Mugabe ayaa laga rabaa inuu Talaadada soo socda uu si rasmi ah xilka madaxnimo ee dalkaas u wareejiyo, iyadoo haddii uu xilka ka tegi waayo la qaadan doono tallaabo xilka looga xayuubinayo. PUNTLAND POST The post Robert Mugabe iyo Xaaskiisii Grace oo laga Xayuubiyay Hoggaamintii Xisbiga ZANU-PF appeared first on Puntland Post.
  20. Wasiir ku xigeenka ciyaaraha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Cumar Islow ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in cutubkii ugu horreeyay ee ciidamada AMISOM ay ka baxeen Tuulada ciyaaraha ee Muqdisho. Waxa uu sheegay wasiir ku xigeenka in garoonka uu muddo 30 sano ah ku jiray burbur xooggan, balse hadda ay ku bilaabi doonaan dib u habeyn. “Markaan hadda nimid waxaan sameennay dedaallo aad u muhiim ah oo dib loogu soo celinayo bilicda garoonka, wejigii ugu horreeyay ee ciidamada AMISOM ayaa ka baxay, waxaana hadda la diyaarinayaa sidii loo dayactiri lahaa” Wasiir ku xigeenka wasaaradda ciyaaraha ayaa sidoo kale sheegay in ka wasaarad ahaan ay ku dedaali doonaan in dib u habeyn ballaaran lagu sameeyo garoonka Muqdisho oo ay u dhan yihiin dhammaan wax walbo oo ciyaaraha ku saabsan. Tuulada Ciyaaraha ee Muqdisho ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxay fariisimo u ahayd ciidamada AMISOM, kahorna waxaa deganaa ciidanka Itoobiya, iyadoo burbur xooggan uu soo gaaray. Goobjoog News Source
  21. To: UK Government , UK Parliamentary Parties We request the UK Government and UK Parliamentary Parties: 1) To hold the Somaliland government to account for the recent Election, 2017 irregularities and the alleged widespread voter fraud that took place 2) To hold the government of Somaliland and the National Election Commision to account for the wholesale of arrests, detentions, and the ordering of security forces to fire at innocent civilians which have resulted in casualties 3) To disregard the Election 2017 results if it becomes evident that the National Election Commision of Somaliland did not follow the correct electoral procedures that can make them implicit in the alleged voter fraud incidents. At the time of the election and during subsequent days for the counting of votes Why is this important? Somaliland’s relative peace and stability need to be safeguarded in the context of the wider Somali peninsula where conflicts, terrorism and lack of good-governance interplay every day. On Monday 13th of November 2017, Somaliland held its 3rd presidential election since 2003. This election, however, was different as it was the first ever in Africa to use iris-scan biometric technology to prevent anyone from voting more than once. The irony is that despite this latest technology, voter fraud has been alleged to take place in several regions. How? The National Election Commission which was appointed to oversee a smooth, fair and safe election and members of the current government have been alleged to populate ballot boxes with forged balloting papers for the incumbent party. Hence, as a result, demos by the opposition party supporters took place in major cities and security forces were ordered to fire live ammunition at civilians. We need to be all mindful of the pressing issues of poverty, natural ecology erosion, climate change and the lack of sustainable livelihood options for a growing population at the bottom of the Global Human Development Index (HDI). It is noteworthy to highlight that Somaliland’s coping mechanisms were stretched to a breaking point in the recent drought of 2016/17 which caused a widespread livestock mortality in pastoral rural areas. In addition, the drought diminished food access for the majority of the population and caused high levels of displacement from rural areas to urban cities where hardly any employment opportunities exist. In view of all these real challenges, it is important that voter fraud of Election 2017 in Somaliland must be addressed immediately in the interest of peace, security, stability and social justice for all citizens. As UKAID has helped facilitate this election, we urge UK Foreign and Commonwealth Office (FCO) to raise the importance of civic safety with Somaliland government and emphasize to them the need for impartiality in any adjudication grievance process against voter fraud. How it will be delivered We will deliver the signatures in person to UK FCO
  22. Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Puntland ayaa meelmariyey xeerka la dagaalanka daabulka iyo ka ganacsiga dadka. Xeerkan ayaa ahaa mid horey loogu gudbiyey baarlamaanka Puntland, waxaana akhrin iyo ka doodis kadib la meelmariyey xeerkan. Guddoomiyaha guddiga shuruucda ee baarlamaanka Puntland, Axmed Jaamac Cabdulle ayaa sheegay in xeerkan uu yahay mid waxbadan looga hortagi doono, wuxuuna sheegay in xeerkaan usoo diyaariyeen si ka fiirsasho leh. Dhanka kale, xeer ilaaliyaha guud ee Puntland, Maxamuud Xasan oo isna goob joog ka ahaa kulankii maanta lagu ansixinayey xeerkan, ayaa xildhibaannada wuxuu uga jawaabay su’aallo ay weydiiyeen, kuwaasi oo ku qotomay xeerkaasi. Xeerka la dagaalanka daabulka iyo ka ganacsiga dadka ee maanta uu meelmariyey baarlamaanka Puntland ayaa ah mid aad u muhiim ah, islamarkaana deegaannada maamulkaasi ay ka jiraan tahriibinta dadka. Xildhibaannada baarlamaanka Puntland ayaa ku jira ka doodista iyo meelmarinta sharciyada la horkeenay golaha wakiilada. Goobjoog News Source