Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    210,018
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. AIR BASE 201, Niger -- Rising from a barren stretch of African scrubland, a half-finished drone base represents the newest front line in the United States' global shadow war. Source: Hiiraan Online
  2. The United States Department of State on Saturday announced that a top official on African Affairs was due to tour three East African countries between April 22 – April 26. Source: Hiiraan Online
  3. Mogadishu (HOL) - The leader of Yemen's Houthi Ansar Allah movement have voiced their support for Somalia in the wake of the diplomatic crisis between the horn of Africa nation and the United Arab Emirates (UAE). Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho-(Caasimadda Online)-Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta kullankooda 2-aad ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa waxay soo saareen Jadwalka doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya . Gudigaan ayaa sheegay in isdiiwaangilinta musharaxiinta u tartamaya xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ay bilaabaneyso berri oo Isniin ah taariikhdana ku began tahay 23-ka kuna egtahay Talaadada soo socoto taariikhdana ku began tahay 24-ka bishan April. Sidoo kale Guddiga ayaa tilmaamay in hadal jeedinta Musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ay dhaceyso 25-ka bishaan oo ku beegan Arbaca Soo socoto ayna soconeysa ilaa 26-ka bishan. HOOS KA AKHRISO SHURUUDAHA U SOO SAARAY GUDDIGA 1- Murashaxiinta araajidooda waxaa ay ku hagaajin karaan guddi-hoosaadka diwaan-gelinta murshaxiinta oo fadhigooda yahay xarunta Villa Hargeisa. 2- Murashaxa u tartamaya XILKA guddoomiyaha golaha shacabka, kana tirsan golaha wasiirrada waa inuu guddiga qabanqaabada u keenaa caddeyn ku xusan is-casilaadda/is-casilaadeeda marka uu is-diiwaangelinayo. 3- Kharashaadka is-diiwaangelinta murashaxiinta waxaa lagu shubayaa xisaabta furan Account No 127 ee Golaha shacabka ku leeyahay Bankiga Dhexe ee dowladda. Jadwalka Doorashada: Waqtiga Diiwaan-gelinta murashaxiinta Guddoomiyaha golaha shacabka 10.00 am-05.00 PM (Taariikh 23-24 April 2018 Isniin iyo Talaado). Hadal-jeedinta murashaxiinta guddoomiyaha golaha shacabka (Taariikh, 25-26 April 2018, Arbaco iyo Khamiis). Diyaar-garowga iyo is-xog wareysiga guddiga qabanqaabada doorashada guddoomiyaha golaha shacabka(Taariikh, 27, 29, 2018, Jimce, Sabti iyo Axad) Doorashada Guddoomiyaha golaha shacabka (Taariikh, 30 April 2018, Isniin). Caasimada Online Xafiiska muqdisho Caasimada@live.com
  5. Magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland waxaa gaaray wafdi ka socda dowlada Imaaradaka Carabta, wafdigan ayaana kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha maamulkaasi Muuse Biixi. Kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay arimo badan oo muhiim ah ay kamid aheyd xoojinta xiriirka labada dhinac iyo hadalkii dhawaan kasoo yeeray Wasiiru Dowladaha Arimaha Dibada Imaaraadka . Halkan Akhriso War Saxaafadeed Madaxtooyada Somaliland kasoo saartay kulankan Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti ballaaran oo ka socda dalka isu-tagga imaaraadka carabta oo ka kooban 12 xubnood. Kulankan dhex maray madaxweynaha Somaliland iyo weftiga, waxa lagaga wada hadlay qodobbo ay ka mid yihiin:- 1. Weftiga Imaaraadka carabtu waxay madaxweynaha u muujiyeen in dal ahaana ka xumadeen hadalkii wasiiru-dawlaha arrimaha dibedda imaaraadka ee sida qaldan loo turjumay, waxaanay sheegeen in ay qoraal rasmi ah kaga soo jawaabi doonaan arrintaasi. 2. In Imaaraadka carabtu ay Somaliland ka caawiyaan adkaynta amniga, kana taageeraan ciidamada dhinaca qalab iyo tababarka. 3. In Imaaraadka carabtu ay ogollaadeen iibsiga xoolaha nool ee Somaliland, iyadoo si toosa loogu dhoofin doono imaaraadka. 4. Madaxda dalka imaaraadka carabtu waxay muujiyeen sida ay dal ahaan uga go’an tahay xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, iyagoo cadowga labada dal ku sifeeyey kuwo ka xun xidhiidhkooda isla markaana miciin biday warar qaldan oo qaybo ka mida warbaahinta la mariyo. Madaxweynaha Somaliland, wuxuu ku bogaadiyey weftiga imaantinkooda, isagoo uga mahadnaqay sida fiican ee wax ku oolka ah ee ay uga soo jawaabeen qaybihii ugu horreeyey ee ballan-qaadyada waqtigii madaxweynuhu safarka ku tegay dalka UAE, isaga oo si gaara ugu mahadnaqay fursadda ay siiyeen ogolaanshaha Baasaboorka Somaliland ee dal-ku-galka imaaraadka carabta, wuxuuna soo dhaweeyey fulinta qodobaddan muhiimka u ah qaranka Somaliland. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Waxa uu weftiga u ballan-qaaday in xukuumadda uu gar-wadeenka ka yahay ay ka go’an tahay xoojinta xidhiidhka labada dal ee walaalaha ah, isla markaana uu xidhiidhkaasi noqdo mid midho dhal ah.
  6. Muqdisho (PP) ─ Wasiirrada ka tirsan xukuumadda Somalia ee doonaya in ay u tartamaan xilka guddoomiyaha baarlamaanka Somalia ayaa mar culus lagu soo rogay, kaasoo ah inay xilka wasiirnimo ka dagaan ka hor inta aysan soo gudbin arajidooda. Tallaabadan oo la doonayo in cadaadis lagu saaro wasiirrada xilka gudoonka baarlamanka u tartamaya ayaa waxaa ka hadlay wasiirka dastuurka Somaila C/raxmaan Xoosh Jabriil, isagoo ku tilmaamay arrintaas mid la aqbali karin. “Ma ahan qofka wasiirka ahna xildhibaanka inuu is-casilo haddii uu doonayo inuu u tartamo xilka guddoomiyaha baarlamaanka, waayo Qodobka 59 –aad ee dastuurka faqadiisa (C), wuxuu farayaa in shaqsi Xildhibaan ah uu jago dowladeed oo ka baxsan wasiirnimo uusan qaban karin, markii uu qabtana uu jagadaas tanaasul ka yahay. Haddaba qof wasiir ah wuu tartamin karaa isagoon is casilin… laakiin maalinta uu guddoomiye golaha shacabka naqdo, Wasiirnimadii wuu ka tanaasulayaa,” ayuu yiri Wasiir Xoosh. Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in Wasiirrada xildhibaannada ah ay si cad ugu tartami karaan xilka guddoomiyaha baarlamaanka wax u diidayana aysan jirin, maadaama uu dastuurku ogol yahay. Hadalka Wasiirka ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo culeysyo badan la doonayo in la saaro xubnaha u tartamaya jagadii uu banneeyay Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, inkastoo aan la ogeyn wuxuu hadalkani ka bedeli karo cadaadiska socda. Dhanka kale, Waxaa jira warar hoose oo sheegaya in Xukuumadda Somalia ay doonayso in xilkaas uu kusoo baxo wasiirka gaashaandhigga ee xilligan, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, si ay xukuumadda ugu fududaato inay danaheeda si fudud u marsato baarlamaanka oo ah golihii sharci-dajinta. Ugu dambeyn, Hadalladan iska soo horjeeda ayaa imanaaya iyadoo shalay lagu dhawaaqay guddigii Qaban-qaabada Doorashada Guddoomiyaha xigi doona Jawaari, kuwaasoo hawshoodu ay ku ekaan doono markii doorashadu dhacdo. PUNTLAND POST The post Wasiirrada u Tartaaya Xilka Guddoomiyaha BF oo amar la dul-dhigay iyo Wasiir ka hadlay appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho-(Caasimadda Online) – Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dhismaha Waddooyinka Magaalada Muqdisho ku xira Magaalooyinka Jowhar iyo Afgooye uu billaabanayo Bisha soo socota ee May. Dhismayaasha Waddooyinkan waxaa horay u ballan qaadday Dowladda Qadar oo sheegtay in lacag dhan $200 Milyan ay ku bixineyso Mashaariicda dhismaha waddooyinka Muqdisho ku xira Afgooye iyo Jowhar. Ra’isalwasaaraha waxaa uu maanta ka hadlayay kulan lagu magacaabay daahfurka tirakoobka shaqaalaha Rayidka ee dowladda Soomaaliya. Waxaa uu sheegay in dowladd ay la dagaallameyso musuq maasuqa,isaga oo sidoo kale xusay in ay muhiim tahay in Canshuurta laga qaado shacabka aysan ku bixinin dowladda dad aan dowladda u shaqeyn. Dhinaca kale munaasibadda maanta ee lagu daah furayay mashruuca tirakoobka shaqaalaha ayuu Ra’isalwasaarah magaca uga beddelay dadka ka fariista shaqooyinka dowladda ee howlgabka loo yaqaan waxaana uu u bixiyay Abaalgurte. Hadalka Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kusoo beegmaya xili wadooyinka dhexmara caasimadda muqdisho qaarkood ay biyo fariisimo yeesheen sababo laxiriira roobabka daya. Caasimada Online Xafiiska muqdisho Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (PP) ─ Guddiga qaban-qaabada Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay shuruudaha laga doonayo in musharixiinta u tartamaya jagada guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia ay la yimaadaan. Guddiga ayaa shardi uga dhigay Wasiirrada u sharxan xilkan inay mar hore is-casilaan, taasoo ah xaalad cusub oo ku timid Wasiirrada Xukuumadda ka mida ee jagadan u soo hanqal taagay; Haddaba, AKHRISO Shuruudaha uu soo Saaray Guddiga Doorashada; 1- Murashaxiinta araajidooda waxaa ay ku hagaajin karaan guddi-hoosaadka diwaan-gelinta murshaxiinta oo fadhigooda yahay xarunta Villa Hargeisa. 2- Murashaxa u tartamaya xilka Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, kana tirsan golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya, waa inuu guddiga Qaban-qaabada u keenaa caddeyn ku xusan is-casilaadda/is-casilaadeeda marka uu is-diiwaangelinayo. 3- Kharashaadka is-diiwaan-gelinta Murashaxiinta – Waxaa lagu shubayaa xisaabta furan Account No: 127 ee Golaha Shacabka ku leeyahay Bankiga Dhexe ee Dowladda. Jadwalka Doorashada: Waqtiga Diiwaan-gelinta Murashaxiinta Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa noqonaya 10: 00 AM illaa 05: 00 PM, Taariikhdu markay tahay 23-24 bishan Abriil ee 2018-ka oo kala ah Isniinta iyo Talaadada. Hadal-jeedinta Murashaxiinta Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa noqonaysa Taariikh, 25-26 bishan Abriil 2018-ka oo ah Arbacada iyo Khamiista. Diyaar-garowga iyo is-xog-wareysiga Guddiga Qaban-qaabada Doorashada ayaa iyadana noqonaysa Taariikh, 27-29, bishan Abriil ee 2018-ka oo kala ah; Jimcaha, Sabtida iyo Axadda. Ugu dambeyn, Doorashada Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Somalia ayaa lagu beegay Taariikh, 30-ka bishan Abriil, 2018-ka , Isniin). PUNTLAND POST The post AKHRISO: Maxaa laga doonayaa Musharaxiinta xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia? appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xassan Cali Kheyre, ayaa maanta daah-furay Barnaamijka Tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ah ee DF, kaasoo looga dan leeyahay in la helo xog dhamaystiran oo ku saabsan shaqaalaha. Waxaan ka soo qayb galay xubno ka socday gollaha Wasiiradda iyo qaar ka mid ah Agaasimayaasha iyo shaqaalaha dawliga ah. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in shaqaalaha Rayidka ah ay aasaas u yihiin nidaamka dawliga ah ee dalka, lagamana maarmaan ay tahay in la helo tirada saxda ah ee Shaqaalaha, si loo gaaro hadafyadda dawladdu uu hogaaminayo Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xukuumaduna ay fulinayso. “In la tirakooba shaqaalaha waxay inoo suurta galin in la helo tirada iyo tayada aan haysano inta ay la egtahay, in aan u diyaar garowno sidii loo dhisi lahaa tayada loo baahan yahay, in aan u diyaarino shaqaalaha rayidka ah sidii ay ula falgali lahaayeen aduunyadda iyo in aan nahay dawladd ka *****say isla xisaabtanka,” ayuu yiri Khayre. Isagoo sii hadlaya ayuu ku daray. “Mushaarka ay bixiso Dowladdu waxaa laga soo qaadaa shacabka Soomaaliyeed oo ugu tala galay in ay ku caawiyaan dawladoodda. Marka waa in loogu qabataa adeegyada ay rabaan qof walbana uu mas’uuliyad iska saaraa shaqadiisa, si aannan ugu tuman xaquuqada shacabka Soomaaliyeed.” Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa tilmaamay in howshan tirakoob ay ka mid tahay shaqada laga wado dalka, taas oo Madaxwaynaha Somalia uu haatan u jooga Wasaaradda Gaashaandhiga, sidii si loo heli lahaa tirada saxda ah ee ciidanka xooga dalka, ka dibna loo siin lahaa tobobarada ay u baahan yihiin. Ugu dambeyn, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac, ayaa cadeeyay in la tayeyn doono shaqaalaha rayidka ah, isaga oo sheegay in dib loo howl geli doono mac’hadkii SIDAM inta laga gaarayaana shaqaalaha dawladdu ay tababaro ku qaadan doonaan Jaamacadda umadda Soomaaliyeed, si looga maarmo tababaradii dibadda loogu qaadi jiray shaqaalaha. PUNTLAND POST The post Barnaamij lagu Tira-koobayo Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Somalia oo la Daah-furay appeared first on Puntland Post.
  10. Balcad (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in uu ka socdo dagaal u dhaxeeyo ciidamo milateri ah oo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya isla markaana ay isu adeegsanaayan hubka noocyadiisa kala duwan. qaar ka mid ah Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay hal mar ka warheleen dagaalka oo u dhaxeeya ciidamo kawada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Weli lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas,waxana ay cabsi soo wajahday dadka ku nool degmada Balcad. Dagaaladda dhexmara ciidamadda kawada tirsan dowladda soomaaliya ayaa mararbadan kusoo laalaabta guud ahaan dalka oo dhan. Caasimada Online Xafiiska muqdisho Caasimada@live.com
  11. University of Minnesota Police Department and Minneapolis Police Department officers responded to an incident at a Somali Student Association event late Friday night. Source: Hiiraan Online
  12. State-owned port operator should rethink its deal with breakaway region and work with the government, says Somali FM. Source: Hiiraan Online
  13. Mogadishu (HOL) - The Somali Defense Ministry officially took over the UAE-run military training Base in the Somali capital, Mogadishu, barely six days after United Arab Emirates (UAE) cancelled its military training program in Somalia. Source: Hiiraan Online
  14. Jiilkii hore, kii dhexe iyo kan dambe haddii aan halbeeg uga dhigno aqoonta ay u leeyihiin Janankii caanka ahaa ee Soomaaliyeed – Maxamed Faarax Caydiid waxaa ku soo baxaya natiijooyin kala duwan. Jiilkii hore ee hadda nool – Caydiid waxa ay kuugu sheegi karaan in uu ahaa; Halgamaa siyaasadeed, xoreeyee, dagaalyahan iyo dilaa aan arxan lahayn. Jiilka dhexe – Caydiid waxa uu ahaa – Xoreeye, geesigii ka adkaaday Mareykanka, halyey Mogadishu Clan Jiilka cusub – Ama intaas kore oo ay maqleyn ayey si caad saran yahay (Vague) kuugu sheegayaan ama waxa ay ku weydiinayaan adiga qofka uu ahaa. Qormadan kooban uguma talo galin in aan uga sheekeeyo taariikhda qaniga ah ee Janankii Soomaaliyeed Maxamed Faarax Caydiid balse waxaan ku soo gudbin doonaa taariikh aad u xiiso badan oo ka dhacday Adis Ababa oo uu Jananku sabab u ahaa. Waxaa marag ma doonto ah in Janan Caydiid qeyb ka ahaa kacdoonaddii hubeysnaa ee sababta u ahaa in uu meesha ka baxo taliskii uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre. Waa taariikh kale oo aan ka cudur daaranayo in aan qormadan uga faalloodo, ugu yaraan waa dood ii maalin kale ah. Markii ay dhacday dowladdii dhexe bilowgii sagaashamaadkii, Caydiid waxa uu saldhig ka dhigtay Muqdisho oo uu daraf ka haystay halka darafka kale ay joogeen Cali Mahdi iyo xulufadiisa. Taas waxa ay daliil u tahay in magaaladu qeybsaneyd taas oo ahayd xuduntii qaranka, aragti kugu hoggaamineysa in aadan cidna weydiin in dalka intiisa kale jiho lunsanaa. Si loo dhiso dowlad dhexe oo dalka looga saaro xaaladihii cakirnaa, waxaa shirkii ugu horreeyey Soomaalida loogu qabtay Djibouti balse waala eeday oo waxa uu dhalay dagaalkii afarta bilood ee lagu hootay. Yeelkeede, lama quusan, Qaramada Midoobe ayaa go’aansatay in shir ballaaran oo ay ku dhan yihiin kooxihii siyaasadda isku diidanaa loogu qabto Addis Ababa – xarunta Itoobiya, bishii Maarso, 1993. Shirkii waxaa isugu tagay kooxihii iska soo horjeeday ee ay kala hoggaaminayeen Caydiid iyo Cali Mahdi – Caydiid waxaa ku koox ahaa Cabdullaahi Yusuf, Axmed Cumar Jees. Markii uu shirkii furmay balse wali Caydiid Joogo Muqdisho, kooxihii shirka ka qeybgalayey ayaa ka codsaday Caydiid in uu shirka keeno Jabhaddii SNM oo aan markaa qeyb ka ahayn. Caydiid, waxa uu waraaq u diray Cabdiraxmaan Tuur oo markaa ahaa hoggaamiyaha SNM isaga oo ugu dhiibay Cumar Salaad Cilmi oo Hargeysa ka noqday Gobolnatoori iyo Duq Magaalo – waxa ay isku hayb ahaayeen Caydiid, Habargidir, Sacad, reer Hilowle, horena waxa uu uga tirsaaa Xisbigii Hanti-Wadaagga. Maxaa xigay? Waxaa isku dhacay Qaramada Midowbay iyo Caydiid, sababtuna waxa ay ahayd in Caydiid tuhmay in ay Cali Mahdi la rabeen Madaxweyne ama qof kale oo aan isaga ahayn. Waxaa bilowday dagaalkii u dhexeeyey Caydiid iyo Mareykanka oo socday intii u dhexeysay Juunyo ilaa iyo Oktoober. Bishii Nofeember 1993 ayey UN-tu codsatay in shirkii Addis Ababa ka socday ka soo qeybgalo Caydiid, balse wuu ka baqay in uu aado. Shirka ma socon karin Caydiid oo ka maqan, taas si xal loogu helo, Raisul Wasaarihii Itoobiya, Melez Zenawi ayaa ka codsaday Axmed Cumar Jees in uu shirka keeno Caydiid isaga oo u sheegay In Itoobiya damaanad qaadeyso in aan lagu xadgudbin. Ugu dambeyn, Caydiid damaanaddii Itoobiya siisay wuu aqbalay waxaana diyaarad ay UN-ta lahayd looga qaaday Muqdisho. Markii uu ka dagay Addis Ababa, waxaa dhammaan jidadka magaaladda Addis Ababa isugu soo baxay shacabkii Itoobiya, SOO DHAWEYN HALYEY ayey u sameeyeen. Sababata ay Itoobiyaanka ugu soo bexeen Caydiid waxa ay ahayd iyaga oo maqlay in uu ka adkaaday Mareykanka waxa ayna u arkayeen in uu KIBIR JEBIYEY Mareykankii ISLA WEYNAA! MAXAA XIGAY? Waxaa aad uga carooday dibadbaxyada lagu soo dhaweeyey Janan Caydiid garabkii kale ee shirka joogay kuwaas oo gebi’ahaanba ka baxay shirka. MAXAA SABABAY? Garabka shirka ka baxay waxa ay moodeen in UN-ta iyo Itoobiya u ololeenayaan Caydiid oo isaga meesha lagu dooran doono. Raggii caanka ahaa ee shirka ka baxay waxaa ka mid ahaa; Cabdulqaadir Zoope, Cali Mahdi, Maxamed Abshir Hammaan iyo Cumar Masalle. DHAMMAAN EEBE HA’UNAXARIISTO INTII GEERIYOOTAY INTA NOOLNA EEBE CIMRI DHEER IYO CAAFIMAAD HA SIIYO. …………………………………… W/Q: Maxamed Muuse Maxamed Aadan (Maxamed Kaafi). Igala soo xiriir Facebookeyga ama Emailkeyga ee hoos ku qoran https://www.facebook.com/unique.lawyer XIGASHO: Janan Jaamac Maxamed Qaalib. EMAIL: Muhamedkaafi@gmail.com
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Wasaarada Dastuurka Xukumadda Fedraalka Soomaaliya Cabdi Xoosh Jibriil ayaa sheegay in aan loo baahneeyn in ay iscasilaan xubnaha wasiirada ah ee u tarmaya gudoomiyaga golahacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Isagoo ka jawaabayay su’aal uu sheegay in Saaxibbkiis uu soo weeydiiyay ayuu Wasiir xoosh bartiisa facebook u soo qoray in Wasiirka u hanqal taagaya kursiga Guddoonka Golaha Shaacbka ay xilka wasiirnimo ay iska casili karaan markii ay kursiga ku guuleeysto oo kaliya. Guddiga guddiga Doorashadda ee gudoomiyaha golaha shacabka ayaa Wasiiradda kusiga daneeynaya hordhiga shuruud ah in ay xilkooda iska casilaan ka hor inta aysan sameyn isdiiwaan gilinta xilka guddoomiyenimo. “Qof Wasiir ah ahna Xildhibaa waa inuu iska casilaa Wasiirnimada inta uusan u tartamin Guddoomiye-nimada Golaha Shacabka ? Maya, Qodobka 59aad xarafka (c) wuxuu farayaa in shakshi xildhibaan ah uu jago dowladeed oo ka baxsan Wasiirnimo uusan qaban karin, markii uu qabtana uu jagadaas tanaasul ka yahay. Haddaba qof wasiir ah wuu tartamin karaa, isagoon is casilin, laakin maalinta Guddoomiye Golaha Shacabka uu noqdo, wasiirnimadii waa gubattaa”ayuu yiri Wasiir Xoosh. Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Wasiir Xoosh soo dhigay bartiisa Facebook taasoo ku qorneyd luuqadda Ingiriiska
  16. Garoowe (Caasimadda Online) – Baraha Bulshada ee dadka Carabta ay adeegsadaan ayaa si weyn waxaa loogaga doodayaa booqashada Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu ku tagay dalka Imaaraatka Carabta, xilli uu khilaaf xoogga ka jira Soomaaliya iyo Imaaraatka. Dadka Khaliijka, gaar ahaan kuwa Imaaraatka iyo Baxreyn ee ka aragti dhiibtay booqashada Madaxwyne Gaas ayaa si jees jees leh uga hadlay, iyagoona adeegsanayey erayo ay kaga booga dhayanayaan culeyskii maalmahaan saarnaa, kaddib tallaabooyinkii isdaba jooga ahaa ee Dowladda Federaalka ah ay ka qaaday Imaaraatka. Mid ka mid ah dadka ugu caansan Twitterka ee dalka Imaaraatka oo ka hadlayey safarka Madaxweyne Gaas ayaa yiri “Yaan lagu kalsoonaan, sababtoo ah Soomaalidu waa dad dhuuni raac ah. Waxaan rajeeynayaa in Imaaraatka iyo Sucuudiga oo wada jir ah ay xiriirka u jaraan Soomaaliya.” Sidoo kale aragtidaan mid la mid ah waxaa daabacay shaqsi u dhashay dalka Baxreeyn oo si wayn can uga ah Twitterka,kaas oo lagu magacaabo Hamad Taaha, isagoona ku tilmaamay tallaabada Gaas uu ku tagay Imaaraatka mid uu dhaqaale gaar ah ku doonayo “Ma hadda ayuu soo jilcay kaddib markii Muqdisho looga diiday in uu la qeybsato lacagtii ay dhaceen, waa caqligii ahaa aan ku dilo kaddibna janaasadaada aan ka soo qeeyb gelo oo isu kaa oohiyo.” Dadka Carabta ah oo caadeystay markii lagu doodayo baraha bulshada in ay dadka Soomaliyeed ku afla gaadeeyaan gaajo, abaaro iyo dagaallo ayaa uga faaiideystay safarka Madaxweyne Gaas in ay ku doodaan fikirkooda ah in ay iyagu quudiyaan Soomaalida. “Madaxweynaha Gobalada Puntland waxaa muuqata in uu cudurdaar rasmi ah ka bixiyey Isfahan darradii dhacday, isagoona sheegay in Soomaaliya marna aysan ka maarmeeyn Imaaraatka. Dhibta idin haysata waa Farmaajo oo Muqdisho meel aan ka baxsaneyn ka talin.” Ayuu yiri qof lagu magacaabo @agnomenist oo u jawaabayayey dad Soomaali ah oo adeegsada barta Twitterka. Sidoo kale qof isku magacaabay Al-waaqic ayaa soo qoray “Hadda ayaa qof Soomaali ah oo baahi dilootay ku dhihi doonaa Imaaraatka ayaan ka saarnay dalkayaga, ha ogaadaan in ay dhaqaalaha Khaliijka ku tiirsanyihiin. Ku digasho igama ahan ee xaqiiqda ogaada.”
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Guddiga doorashada Guddoonka Golaha shacabka Nuur Iidow Beyle ayaa faray Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre in uu xilka ka tiriyo Wasiirrada isu sharraxay Guddoomiyaha Golaha shacabka . Nuur shalay gelinkii dambe ayaa loo doortay Guddoomiyaha Guuddiga doorashada Guddoonka Golaha shacabka,waxaana ay uu wareysi uu siiyay Idaacadda Mustaqbal kaga dalbaday Ra’isalwasaaraha in uu wasiirradaas xilka ka qaado. Waxaa uu sheegay in Guddoonka Golaha shacabka uusan u tartameyn Qof Wasiir ah oo xilhaya,ilaa hadda 11 qof ayaa u sharraxan guddonka Golaha shacabka,saddex ka mid ah waa wasiirro ka tirsan Xukuumadda Kheyre waxaana ka mid ah Wasiirrada difaaca,Tamarta iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka. Xildhibaan Nuur Iidow Beyle waxaa uu shalay xilkan kula tartamaya labo xildhibaan oo kale,waxaana loo doortay Guddoonka. Maanta ayaa la filayaa Guddiga doorashada Guddoonka Golaha shacabka ay soo bandhigaan Jadwalka doorashada Guddoonka Golaha shacabka iyo habraaca doorashadaba. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Mogadishu (HOL) - Former Somali Prime Minister Omar Abdirashid Ali has dismissed remarks made by the United Arab Emirates (UAE) claiming the Emirati government engaged in a MoU on Berbera deal with the previous Somali administration. Source: Hiiraan Online
  19. Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka iskood isku magacaawday madaxbanaanida ee Soomaaliland ayaa waxa ay sheegayaan in Maydka ruux rayid ahaa laga helay war ku taala duleedka Hargeysa. Ruuxaan Maydkiisa laga helay ayaa Wartaasi ayaa ku dabaalanayay iyada sidaasina uu ugu geeriyooday. Dadka ku dhaqan halkaasi ayaa ku wargaliyay ciidamada waxaana goobtaasi gaaray ciidamada oo Maydka qofkaasi ka soo saaray baligaasi. Roobab mahiigaan ah ayaa baryihii ugu dambeeysay waxa ay ka da ayeen Magaalooyinka Soomaaliland. Dhowaan ayeey aheyd markii 2 ruux ay ku geeriyoodeen war ku taala Magaalada Hargeysa. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Ruux Meyd ah oo laga soo saaray Bali ku yaala Hargeysa appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in kulan khaasa ay maanta magaalada Muqdisho ku yeelan doonaan guddiga loo xulay doorashada Guddoomiyaha golaha Shacabka ee shalay la magacaabay. Kulanka Guddiga ayaa la filayaa in lagu dajiyo qaabka ay u dhici doonto doorashada Guddoomiyaha baarlamaanka. Kulanka maanta ayaa waxaa sidoo kale lagu iclaamin doonaa xiliga ay dhaceyso doorashada Gudoomiyaha, si Musharaxiinta ay u guda galaan isdiiwaan galinta. Guddoomiyaha Guddiga doorashada Xildhibaan Nuur Iidow Beyle oo dhawaan Baarlamaanka ku soo biiray, ayaa sheegay inay ka fogaan doonaan dib u dhac ku imaada xiliga doorashada. Xildhibaan Nuur Iidow, oo shalay loo doortay xilka Guddoomiyenimo, ayaa intaa ku daray hadalkiisa inay dhex dhexaad u noqon doonaan Musharaxiin. Dhinaca kale, Guddigaan ayaa waxa ay Shaqadooda wadan doonaan ilaa laga doorto guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay isku soo sharaxeyn musharixiin farabadan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Saudi forces have shot down a toy drone near the royal palace in the capital, Riyadh, as videos posted online purported to show the area ringing with heavy gunfire. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa markii ugu horeysay ka jawaab celiyay hadalkii dhawaan kasoo dowladda Imaaraadka Carabta ee ahaa in ay heshiiska ku saabsan dekedda Berbera ay galeen Xukuumaddihii hore ee soo maray Somalia. Cumar Cabdirashiid waxa uu sheegay in haddalka kasoo yeeray Imaaraadka uu yahay mid aan sal iyo baar laheyn, isla markaana aanu jirin Heshiis ay Imaaraadka kula galeen Dekadda Berbera iyo Saldhiga Militery ee magaalada Berbera. Waxauu Cumar Cabdirashiid cadeeyay in Imaaraadka aysan kawada hadlin Heshiiska Dekadda ay sheegayaan inay kula Heshiiyeen Xukuumadii hore ee Somalia. Waxaa uu sheegay in uusan jiran wax heshiis ah oo ay wada gaareen Xukuumaddii hore ee uu hoggaamin jiray iyo dowladda Imaaraadka oo ku saabsan Berbera, balse waxa uu ku baaqay in laga fiirsado xaqiiqda Heshiiska. Cumar Cabdirashiid, ayaa sidoo kale tilmaamay inuu aaminsan yahay in heshiiskaan uu dhacay wixii isaga ka dambeeyay. Waxaa uu sheegay in aysan qarsoomi doonin cidii gashay heshiiskaan, isla markaana dowladda Imaaraadka Carabta laga doonaayo in ay cadeyso.
  23. America has had a black president. Is the country ready for a black president who is also a woman? Source: Hiiraan Online
  24. Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa Xabsiga kasii daayay Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buurmadow oo maalin un ka hor lagu xiray Magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland. Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buurmadow, oo lagu eedeeyay arrimo ka hor imaanaya xoriyadiisa gaarka ah ayaa waxaa Xabsiga kasii daayay ciidamada Booliska. Maamulka ayaa Boqorka ku eedeeyay Booqasho uu ku tagay degaanada maamulka Puntland, waxa uuna xarigiisa dhacay kadib soo laabashadiisa. Somaliland ayaa ku eedeysan Buurmadow in uu jeediyay hadallo kasoo horjeedda Qaranimadda Somaliland. Boqor Cismaan, ayaan weli ka hadal xarigiisa waxaana lagu wadaa in saacadaha nagu soo aadan uu la hadlo saxaafada si uu uga dhiidhiyo xarigiisa. Docda kale, waxaan si dhaba loo ogeyn asbaabaha soo dadajiyay xariga Boqor Cismaan, maadaama uu Boqorku miisaan ku dhex lahaa arrimaha maamulka. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  25. A man is back on Canadian soil after being in an Ethiopian prison for 11 years. Tears filled the eyes of Bashir Makhtal and his family members as they embraced Saturday at Pearson Airport .... Source: Hiiraan Online