Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,114
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan qaar kamid ah dadkii 14-kii October ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Zoobe, gaar ahaan kuwii loo qaaday dalka Sudan. Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Khartoum waxaa dadkaan kusoo sagoontiyey jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi, ganacsato, ardey iyo sidoo kale mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee Sudan. Safiirka Soomaaliya ee Dalka Suudaan Maxamed C/llaahi Ugaas ayaa uga mahadceliyey dowladda Qatar iyo Sudan sidii ay u garab istaageen shacabkii ku waxyeeloobay qaraxii Zoobe oo qaarkood u fidiyeen gurmad caafimaad. Dadka maanta dib loo soo celinayo waa kuwo ay soo wanaagsanaatay xaaladooda caafimaad, kadib daweyn ay heleen, iyadoo kuwa kalena la filayo markii ay xaaladooda wanaagsanaato in lasoo celiyo. Qaraxii ka dhacay Zoobe 14-kii October ayaa galaaftay nolosha dad ka badan 300 qof iyo dhaawaca tiro intaa la eg. Goobjoog News Source
  2. Markab laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa gacanta ku dhigey Lix nin oo burcad Badeed ah, kuwaasi oo la sheegay iney doonayeen iney qafaashaan markab xamuul siday. Markabka raggan qabtay ayaa lagu magacaabaa ITS Virginio, waxaana la sheegay in burcadbadeeddan ay weerarka qaadeen 17-kii ilaa iyo 18-kii bishan, iyaga oo Bambooyin ku tuuray markabka ay doonayeen iney qabtaan, hase ahaatee aanay u suurtagelin. Afhayeen u hadlay markabka qabtay raggan ayaa sheegay in hadda ay ku howlan yihiin sidii ay raggaasi cadaaladda ku horgeyn lahaayeen. Weerarkaan ayaa ka dhacay meel badda kaga beegan Koonfurta Soomaaliya, iyadoo maalmahan dambe ay dib usoo xoogeysanayaan howlagllada ay sameeyaan Burcadbadeedda. Goobjoog News Source
  3. Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta oo Isniin ah wuxuu xidhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya horgeynayaa miisaaniyadda dowladda ee 2018. Wasiir Bayle ayaa sheegay in sharaf weyn u tahay in uu dhameystiro diyaarinta miisaaniyadda dowladda ee 2018, diyaarna u yihiin iney kor u qaadaan dakhliga. “Waxaa sharaf ii ah in aan Miisaaniyadda 2018-ka aan dhamaystiro diyaarinteeda, taasi oo maanta aan ka hor jeedinayo Baarlamaanka JFS. Waxaan diyaar u nahay in aan Dhakhliga kor u qaadno oo aan si daah furan u shaqeyno” ayuu yiri wasiirka. Todobaadkii tagey, golaha wasiirada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay yeesheen waxay ku ansixiyeen miisaaniyadda dowladda ee 2018. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Mooshin laga diyaariyey Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Mooshinka oo soo jiitamaayay muddo laba asbuuc ah, ayaa waxaa saxiixay ku dhawaad 60 Xildhibaan oo eedeymo kala duwan u jeediyay Guddoomiye Jawaari. Xildhibaanadan ayaa Guddoomiyaha ku eedeeyay howl gudasho la’aan iyo tirada shaqaalaha xarunta Golaha Shacabka oo iyagu gaaraya 380 qof oo mushaari ah, dadka shaqeeyana ay yihiin wax ka yar 30 qof. Mooshin wadayaasha ayaa u badan kuwo ay calaaqaad xumo kala dhexeyso Jawaari, kuwaa oo u muuqda inay ka faa’iideysanayaan awooda codkoooda. Mooshinka oo kasoo dhamaaday dhanka Xildhibaanada ayaa waxaa la filayaa in la gudbiyo gudaha asbuucaani, inkastoo Xildhibaanada qaar ay wadaan tashkiilinta Xildhibaano hor leh oo ay ku badsanayaan tirada. Mid kamid ah Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa inoo xaqiijiyay in qorshaha ay isla garteen Xildhibaanada uu yahay in Mooshinka la gudbiyo ka hor inta uusan Farmaajo kasoo laaban safarka uu ku aadan magaalada Abu Dabai ee dalka isutaga Imaaraadka carabta. Qorshaha laga leeyahay gudbinta Mooshinka inta uu safarka ku maqan yahay Madaxweyne Farmaajo ayaa ah si looga doodo Mooshinka maadaama uu Jawaari yahay ku-simaha Madaxweynaha dalka. Sidoo kale, Xildhibaanadu waxa ay tilmaameen in Jawaari uu qalqal galinaayo Mooshinka, waa haddii uu kasoo dago ku-simaha Madaxweynaha, iyadoo la doonaayo in laga faa’iideysto mudada uu yahay ku-simaha. Geesta kale, Jawaari ayaa hadda ah ku-simaha Madaxweynaha Dalka waxaana lays weydiinayaa waxa ka rumoobi kara wararka Mooshinka la xiriira maadaama ay sii kordhayaan cadadka Xildhibaanada ku dhagan Jawaari. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay 10 – 15 November 2017. Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Madaxweynaha Oo Daah Furay Shir Wareegga Nabadgelyada Muqdisho 10/11/2017- Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Mas’uuliyiin ka tirsan Goleyaasha shacabka, Aqalka sare, Golaha Wasiirada, Maamulka Gobolka Benaadir iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb galay xaflad lagu daah furayay Ololaha Nabad gelyada Gobolka Benaadir, kaasi oo lagu qabtay xarunta dugsiga tababbarka Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho. Ujeedada ayaa aheyd sidii shacabka Muqdisho ay mas’uuliyad gaar ah isaga saari lahaayeen amniga caasimada. Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Shir-Guddoomiyey Shirka Amniga Oo Beesha Caalamka Ay Goob Joog Ahaayeen 11/11/2017- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa 11kii November guddoomiyey shir looga hadlayey howlgalka ciidamada ee Shabeelooyinka ka socda iyadoo beesha caalamka ay goob joog ahaayeen. Shirkan muhiimka u ah amniga ayaa waxaa ka soo qeybgalay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Michael Keating, Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika Francisco Madiera, Safiirka Midowga Yurub Veronica Lorenzo, Safiirada UK, US, Uganda, Ethiopia, Italy, China, Kenya iyo Madaxa Bankiga Adduunka ee Soomaaliya. Sidoo kale waxaa ka qeybgalay Wasiiro iyo Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Golaha Shacabka Mudane Xuseen Carab Ciise iyo marti sharaf kale. Shirkan ayaa lagu go’aamiyey dar-dargelinta howlgalada ciidamada si kooxaha argagaxisada ah looga sifeeyo dalka. Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Meelmariyay Hindise Sharciyeedka Biyaha 11/11/2017- Kalfadiga 2-aad kulankiisa 28-aad ee mudanayaasha Golaha Shacabka oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa ugu horeyn warbixin looga dhageystay guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah kuwaas oo u faahfaahiyey golaha dib u eegista ay ku sameeyeen sharciga Biyaha iyo muhiimada uu u leeyahay dalka. Dood dheer ka dib, Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka shir guddoominayay ayaa Xildhibaanada Golaha u jeediyay in ay cod geliyaan Hindise Sharciyeedka biyaha oo ay Xildhibaanada horey uga doodeen waxaana ogolaatay 147, mudane, iyadoo saddex Mudane ay diideen. Gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo sidoo kale ka codsaday gudiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee golaha in uu ku lifaaqo warbixintiisa oo uu u gudbiyo Golaha Aqalka Sare si ay uga gutaan waajibkooda. Boliiska Soomaaliya oo soo bandhigay baaritaanno lagu hayo Dawooyin qaab Daraagis ah loo isticmaalay 12/11/2017- Taliska Ciidammada Boliiska Soomaaliya ayaa soo Bandhiggay baaritaanno ay ku wadaan Daawooyin Si Daraagis ah loo Isticmaalay oo ay cabashooyin ka soo gudbiyeen qaar ka mid ah dadkii sida qaldan loogu gudbiyey, waxaana lagu soo bandhigay xarunta taliska Boliiska Soomaaliya. Cabashooyinkan ayaa waxaa Boliiska u soo gudbiyey Haween dhowr ah oo si qaldan loo siiyey. Xarunta Dembi Baarista iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa wada baaritaano dheeri ah si xal loogu helo cabashooyinka bulshada. Wasaaradda Warfaafinta oo diyaarineysa Istraatejiyada Qorshaha Wasaarada 13/11/2017- 15/11/2017 Qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa muddo 3 cisho ah qaatay tababar ay ku diyaarinayeen Istraatejiyada Qorshaha Wasaarada iyadoo hay’ada UNDP iyo Wasaarada Qorsheynta ay bixinayeen daruusta tababarka. Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ayaa furay shirka 13kii November, halka uu Wasiirka Warfaafinta soo xiray 15kii November 2017. Wasaarada Warfaafinta ayaa fursad siinaysa shaqaalaha inay iyagu diyaariyaan Istraatejiyada Qorshaha Wasaarada si ay dhaqangelintiisa u sahlanaato. Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka La Dagaalanka Musuqa Iyo Xisaab Xirka Miisaaniyada 2015 Iyo 2016 13/11/2017- Kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho Mudanayaasha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa ay kaga doodeen arrimaha Xisaabxirka Miisaaniyadii Dowladda ee 2015, 2016 iyo Hindise Sharciyeedka ladagaalanka Musuq Maasuqa. Kulankan oo ay yeesheen xildhibaanada waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Dood dheer ka dib ayaa Golaha Shacabku ansixiyey Hindise Sharciyeedka La Dagaalanka Musuq Maasuqa oo ahmiyad gaar ah u leh sidii loo dhisi lahaa hay’ada la dagaalanka musuqmaasuqa. Sidoo kale Golaha Shacabka ayaa ansixiyey xisaab xirka Miisaaniyada 2015 iyo 2016. Ciidamada Xoogga Dalka Oo La Wareegay Deegaano Ku Dhow Magaalada Baraawe. 14/11/2017- Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sii balaariyay dagaalada ay kaga sifeynayaan cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al Shabaab deegaanada ay kaga dhuumeeleysanayaan Gobolka Shabeelaha hoose, iyagoo la wareegay deegaano ku dhow degmada Baraawe oo xarun u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Saraakiisha hogaamineysa dagaalka ka socda Shabeelaha hoose ayaa sheegay in la dardar galiyay dagaalka lagula jiro Argagaxisada Al Shabaab, iyadoo guulo laga gaaray Howlgaladii ugu dambeeyay, waxaana deegaanada ay gacanta ku dhigeen ciidamada xoogga dalka si weyn ugu soo dhaweeyay shacabka ku nool deegaanaadaaasi oo sheegay in Nabad diidka Al Shabaab ay dhibaato ku hayeen. Wasiirka Warfaafinta oo Hortagay Guddiga Arrimaha Bulshada ee Aqalka Sare 14/11/2017- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa hortagay Guddiga Arimaha Bulshada ee Aqalka Sare. Waxyaabahii wax laga weydiinayey wasiirka ayaa waxaa ka mid ahaa Qorshaha guud ee Wasaaradda, Xeerka Saxaafada Soomaaliya, Xiriirka wasaaradda kala dhaxeeya kuwa warfaafinta ee Dowlad Goboleedyada iyo waxyaabaha u qabsoomay mudada uu xilka hayay. Kulanka ayaa ahaa mid lagu xoojinayey isla xisaabtanka hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya. Golaha Wasiirada Oo Ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda 2018 14/11/2017- Kulan deg deg ah oo ay 14kii November yeesheen Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2018. Shirka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa lagu gorfeeyey miisaaniyadda Dolwadda ee 2018 taasi oo tiro ahaan gaaraysa 274, 640,191 Milyen oo dollar taasi oo ka badan miisaaniyaddii hore. Sidoo kale waxaa markii ugu horeysay miisaaniyada diirada lagu saaray adeegyada bulshada sida dhismaha iskuulada, goobaha caafimaadka, warshada dharka cidiamada, iyo dhismaha Akedemiyada Horumarinta Afka Soomaaliga. Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Daah Furay Mashruuc Shaqo Loogu Abuurayo Dhalinyaradda Soomaaliyeed 14/11/2017- R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xassan Cali Kheyre oo uu wehliyo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle iyo masuuliyiin kale, ayaa daah furay Mashruuc shaqo abuur ah oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Aduunka. Mashruucaan oo lagu magacaabo SCORE, waa mashruuc lagu maalgalinayo Ganisiga yar yar ee dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalka gudahiisa shaqo la’aanta ay ku heyso. Lacagta Mashuucaan ku baxeyso, ayaa lagu sheegay $28 Milyan, Maaligalinta ugu badani waa $150,000 kun, kiisa ugu yarna waa $5,000 kun, iyadoo ilaa iyo hada maaligalin loo sameeyay 70 Ganacsiyo yar yar ah. Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga dib-u-eegista la socodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga madaxa-banaan ee Dastuurka oo gaaray heshiis is faham iyo wada shaqeyn 14/11/2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Aqalka sare Abshir Maxamed Axmed, ayaa ka qeyb galay kulan heshiis ay ku saxiixanayeen Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga la socodka dib-u-eegista ee Baarlamaaka iyo Guddiga Madaxa-banaan ee dib-u-eegista Dastuurka, iyadoo ay gaareen heshiis is af-faham oo la xiriira wada shaqeyn iyo hirgelinta geeddi-socodka dib-u-eegista arrimaha Dastuurka KMG. Heshiiskan ayaa muhiim ah dardargelinta dib u eegista dastuurka. Wasiirka Wasaaradda Arimaha Diinta Iyo Awqaafta Oo Kulan La Qaatay Imaamyada Masaajidda Muqdisho 15/11/2017- Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ayaa 15kii November kulan u qabatay Imaamyada Masaajidda ee magaalada Muqdisho. Kulanka waxaa ka qeybgalay wasiirka wasaarada Arrimaha Diinta iyo Awaqaafta, xoghayaha joogatada ah ee wasaaraddaasi iyo agaasimaha waaxda Diinta iyo ku dhaqqanka sharaceeda islaamka, iyadoo looga hadlay la dagaallanka argagaxisada iyo dhaqan xumada oo waayadan ku soo badanaysay dalka. R/Wasaare Khayrre Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyey Baraawe 15/11/2017- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafti uu hogaaminayo oo ay ka mid ahaayeen Ku-simaha Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Cali Xagaa, Xilidhibaano iyo Siyaasiyiin ayaa 15kii November booqasho ku tagay degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose, iyadoona loo sameeyey soo dhaweyn aad u ballaaran. Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa qayb ka ahaa safarradii uu ugu kuur galayey xaaladaha ka jirta Maamullada dalka, si uu u ogaado nolasha dadka ee dhanka nolosha iyo amniga. Ra’iisul Wasaaraha iyo waftigiisa ayaa kulan xog waraysi ah la yeeshay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo shacabka ku dhaqan degmada Baraawe oo aad uga waramay dhibaatooyinka ka jira gobolka. DHAMAAD Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Source
  6. Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Xuseen Xasan Cismaan oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka digey in la dhisto dhulka ay leeyihiin ciidanka Asluubta kuna yaalla nawaaxiga Isbitaalka Keysaney duleedka degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho. Wuxuu sheegay taliyaha in ay jiraan shaqsiyaad doonaya in dadka ay ku siraan dhulkaasi oo loogu talogalay in lagu xanaaneeyo maxaabiista, waa sida uu hadalka u dhigaye. Taliye Xuseen ayaa sheegay in cid walbo oo qarash iska gelisa dhulkaasi ay iyadu mas’uul ka noqon doonto khasaaraha soo gaara, dhulkaasina uu yahay mid dan guud ah. Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in horey ay digniin ugu direen shaqsiyaadka ku howlan arrimahan, balse ay weli ka dhego fureysanayaan. Nawaaxiga Isbitaalka Keysaney waxaa ku yaalla dhul aad u weyn kuna dhow halka dhagxaanta laga qodo lagana soo saaro carada ee loo yaqaan Kaawooyinka, waxaana ay dowladda dhexe ugu talo gashay in maxaabiista halkaasi lagu hayo, ayna sidoo kale ka shaqeeyaan. Goobjoog News Source
  7. Xisbiga mucaaradka ah ee Wadani ayaa lagu soo waramayaa inuu kala baxay ergadii goob joogga uga hayd tirinta cododka ee doorashooyinkii dhacay 13-kii bishan. Waxaa la sheegayaa in xisbigan uu saluugay hannaanka dib u tirinta cododkii qaar ee la sheegay marka hore in la musuqay. Dhana kale, mas’uuliyiinta guddiga doorashada Somaliland ayaa laga soo xigtay in maanta oo Isniin ah ay shaacin doonaan cidda heshay doorashadii dhacday. Xibiga Wadani ayaa markii Labaad kala baxaya xubnihiisa goob joogga ah ee tirinta cododkii la dhiibtay, waxaana weli ay aaminsan yihiin iney jirto wax is dabo marin. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
  8. Muqdisho (PP) ─ Safar uu dhawaan dalka Shiinaha ku tagay taliyaha militariga Zimbabwe ayaa ahaa mid iska caadi ah oo lagu xoojinayay xiriirka xagga ciidammada ee labada dal, sidaasi waxaa sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha kadib afgambigii Harare ka dhacay. Taliyaha Jeneraal Constantino Chiwenge ayaa Shiinaha booqday maalmo uun ka hor intii uusan dhicin afgambiga. Waxaa jiray warar aad la’isula dhexmaray kadib markii Shiinaha uu sheegay in uu si dhow ula socdo xaaladda Zimbabwe, balse uu ka gaabsaday in uu cambaareeyo in xilka laga qaado Mugabe. Shiinaha ayaa Zimbabwe ku leh maalgashi gaaraya balaayiin doolar oo ah dhanka beeraha iyo dhismaha. Xiriirka labada dal u dhaxeeya waa mid qoto dheer oo soo biloowday xiligii gobonimo u doodka ee Rhodesia. Sanadkii 1979-kii, Robert Mugabe ayaa ku guuldaraystay in uu hub ka helo Midoowgii Soviet sidaas darteed waxa uu u leexday dhanka Shiinaha oo uu ka heley hub iyo tabobar intuba. Labada dal ayaa xiriir dublamaasiyadeed yeeshay markii Zimbabwe ay xornimada qaadatay sanadkii 1980-kii, kadibna uu Mugabe booqasho ku tagay magaalada Beijing isaga oo Ra’isulwasaare ah. Wixii markaas ka dambeeyay waxa uu halkaas u tagayay si joogto ah. Muddo sanooyin ah, madaxda Zimbabwe ayaa u ololeynayay in xiriir wanaagsan lala yeesho Shiinaha kadib markii dalalka reer galbeedka ay soo rogeen cunaqabatayn. Wixii xiligaas ka dambeeyay waxaa sidoo kale aad u xoogaystay iskaashiga ciidanka ee labada dal. Zimbabwe ayaa Shiinaha kasoo iibsatay diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaano Hongdu JL-8 iyokuwa kale ee loo yaqaano JF-17, gawaari gaashaaman, raadaaro iyo agab kale. Balse muran labada dal dhexmaray sanadkii 2008-dii oo ku saabsanayd shixnad hub ah, ayaa waxa uu Shiinaha go’aansaday in uu hoos u dhigo ganacsiga hubka ee uu la leeyahay Zimbabwe. Zimbabwe ma aysan helin sidii ay ka filaysay shiinaha, waxayna taas kaliftay in madaxweyne Mugabe uu sanadkii 2015-kii ku baaqay in xiriirka reer galbeedka uu la leeyahay Zimbabwe la hagaajiyo. Hadda xaalka waxa uu yahay in reer galbeeka, gaar ahaan Britain iyo Shiinaha ay dano waaweyn ku leeyihiin Zimbabwe, iyaga oo safaarado waaweyn ku leh Harare. Safaaradda Ingiriiska waxa ay xiriir wanaagsan la leedahay ganacsatada, ururada bulshada rayidka ah iyo mucaaradka, halka safaaradda Shiinaha ay xiriir wanaagsan la leeyahay xisbiga ZANU-PF , nabad suggida iyo madaxtooyadda. Madaxweynaha Shiinaha Xi Jingping ayaa Zimbabwe booqday sanadkii 2015-kii , halka Mugabe uu Shiinaha booqday bishii Janaayo ee sanadkan 2017-ka. Madaxweynaha Shiinaha waxa uu fagaaro ka sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay in shirkadaha ay maalgashadaan Zimbabwe, balse si gaar ah waxa ay fariintu ahayd in Zimbabwe aanan amaah kale la siin doonin illaa ay salka u dhigaan dhaqaalahooda. Shiinaha waa dalka ugu weyn ee iibsada tubaakada Zimbabwe ka baxda, balse waxaa la sheegay in ganacsatada Shiinaha ay la kulmeen caqabado, sidaas darteed ay raadsadeen meelo kale oo ay tubaakada ka iibsadaan. Shiinaha ayaa xagga maalgashiga xoogga saaray dalalka Ethiopia, Sudan iyo Angola. Danaha Shiinaha ee maalgashiga waxa ay ku xiranyihiin hadba sida uu yahay jawiga dalka Zimbabwe. Ugu dambeyn, Markii uu Mugabe tagay Shiinaha sanadkan, waxaa loosoo sheegay in Zimbabwe u baahantahay xasilooni, iyo dowlad isla xisaabtan leh, markaas kadibna uu maalgashiga iman karo, fariintaas oo kalena waxaa todobaadkii hore loosoo dhiibay taliyaha ciidammada. Xigasho: BBC PUNTLAND POST The post Saameyn intee la’eg ayay Dowladda Shiinuhu ku leedahay Waddanka Zimbabwe? appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa sii kordhaaya walaaca laga qabo dhismaha Saldhiga cusub ee uu Imaaraadka carabta kawado magaalada Berbera ee maamulka Somaliland. Qoraal kooban oo kasoo baxay Hay’adda QM ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in dhismaha Saldhigaasi uu qalqal amni galinkaro Somalia, oo weli ku dhex jirta cunaqabateynta Hubka mamnuuca ah. Khubaro ka tirsan Guddiga baarayaasha QM ee Cunaqabataynta Hubka ee saaran dalalka Somalia iyo Eritrea ayaa mar kale qoraalkooda ku cadeeyay inay suuragal tahay in Saldhiga Imaaraadka Carabta uu ka dhisaayo magaalada Berbera uu isku bedelo suuq lagu kala iibsado Hubka. Waxaa lagu qiray qoraalka in xiliyada qaar Saldhigaasi uu caqabad ku noqonkaro amaanka iyo xasiloonida ka jirta Somalia, maadaama ay adkaan karto dabagal lagu sameeyo gaadiidka Badda oo ay leedahay Imaaraadka carabta ee u goosha Biyaha Somalia. Khataraha ka dhalankara Saldhiga Imaaraadka Carabta ee Somalia ayaa waxaa la rumeysan yahay in looga gaashaamankaro keliya Guddiyo gaara oo loo xilsaaro la socodka Saldhiga iyo waxyaabaha kabaxa. Sidoo kale, warbixinta ayaa ku dheeraatay dhaqdhaqaaqyada ay Imaaraadka Carabta ku dedejinayaan dhismaha Saldhiga Milliteri ee ay ka wadaan Dekedda magaaladda Berbera ee W/Galbeed ee Somalia. Si kastaba ha ahaatee, QM ayaa aad uga walaacsan in dowlada Imaaraadka ay Somalia ka dhaqangaliso Suuqyo lagu kala iibsado Hubka noocyada kala duwan leh. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowlada Federaalka ah ay ku wajahan yihiin deegaano dhowr ah oo gacanta ugu jirta maleeshiyaadka al-Shabaab. Deegaanada ay ku wajahan yihiin ciidamada dowlada ayaa waxaa kamid ah Degmada Sablaale ee Gobolka Shabellaha hoose oo xarun weyn u ah maleeshiyaadka Shabaab. Ibraahin Aadan Cali oo ka mid ah Saraakiisha hogaamineysa ciidamada dowladda ayaa sheegay in ahmiyad gaara ay u leedahay Degmada Sablaale ee Gobolka Shabellaha hoose oo ay ku sugan yihiin ajaaniib ka tirsa Kooxda. Waxa uu sheegay Sarkaalkan in maleeshiyaadka ku sugan Degmada Sablaale aysan laheyn awood ay isaga difaaci karaan ciidanka Xooga dalka, waxa uuna tilmaamay inay diyaariyeen ciidankii weerarka ku qaadi lahaa Degmada Sablaale. Waxa uu intaa ku daray in ciidamada dowlada ay si gaara ugu baahi qabaan inay dagaal la galaan maleeshiyaadka al-Shabaab Geesta kale, caga jugleynta Saraakiisha ayaa kusoo beegmeysa, xili dowlada Somalia ay dhawaan shaacisay inay qaadeyso duulaan kadhan ah al-Shabaab, kaa oo dib loogu soo ceshanaayo deegaanada iminka ku jira gacanta maleeshiyada ee ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ayaa daboolka ka qaaday in qiimeyn gaara ay u sameyneyso Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee laf dhabarka u ah dalka. Wasaarada ayaa tilmaantay in Odayaasha dhaqanka ay ka qeybgalin doonto talooyinka dib u eegista dastuurka Soomaaliya ee iminka socda. Wasaarada ayaa tilmaantay in iminkuba ay bilowday kulamo wadatashi ah oo ay la sameyneyso odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho. Dr. Xuseen Cabdi Cilmi oo ah Wasiir ku-xigeenka wasaarrada Dastuurka, ayaa sheegay in kulanka ay la qaateen odayaasha dhaanka Soomaaliyeed uu yahay mid muhiim u ah geedi socodka dib u eegista lagu sameynayo qabyo Qoraalka Dastuurka Soomaaliyeed. Waxa uu Dr. Xuseen Cabdi cadeeyay inay ka go’an tahay in Dastuurka lagu daro talooyinka Odayaasha dhaqanka oo uu sheegay inay muhiim u yihiin dalka. Sidoo kale, gudoomiyaha guddiga Madaxbanaan Prof Maxamed Daahir Afrax, iyo Gudoomiyaha Guddigga Baarlamaanka, Senator Cabdi Qaybdiid, ayaa si wadajir ah u tilmaameen muuhimadda odoyaasha dhaqanku u leeyihiin ololaha dib u eegista Dastuurka. Waxa ay carab dhabeen in Odayaasha dhaqanka ay qaadan doonaan kaalintooda, isla markaana ay yeelan doonaan qiimo gaara. Dhinaca kale, Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa dhankooda ka bilaabay inay isku biirsadaan fekerka lagu saxaayo Dastuurka Qaranka ee qabyada ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. WASHINGTON — The United States has sharply increased attacks against Qaeda-backed Shabab militants in Somalia in recent days, conducting a flurry of airstrikes in the wake of the country’s deadliest terrorist assault last month and President Trump’s approval of new military authorities to hunt down insurgents around the world. In a five-day stretch beginning Nov. 9, American drones and warplanes carried out six strikes against Shabab fighters outside Mogadishu, the Somali capital, and one strike against Islamic State combatants — one-quarter of the 28 strikes in the country this year. Last year, the military’s Africa Command said it conducted a total of 15 strikes in Somalia. The strikes by armed American drones, which Pentagon officials said killed more than 40 fighters, came a month after a double truck bombing in Mogadishu left more than 380 people dead, and more than 300 others injured. While no group has claimed the truck attacks, analysts suspect the Shabab, Somali-based militants who have terrorized the country and East Africa for years but who in recent years have lost much of their territory. The setbacks have been the result of attacks by African Union forces, a fitfully improving Somali Army and increasing American air power. The Trump administration has redoubled its campaign to defeat the Shabab, but the group has proved to be a potent and resilient killing force. As a result, the Pentagon in the past year has doubled the number of troops in Somalia to about 500, many of which are Special Operations forces dispatched to train and advise Somali army and counterterrorism troops, and conduct clandestine kill-or-capture raids of their own. It is the largest American military presence in the Horn of Africa nation since the Black Hawk Down battle in 1993, when 18 Army soldiers died. The military’s secretive Joint Special Operations Command has been particularly effective in building informant networks that lead to strikes. In turn, cellphones, laptop computers and documents captured after strikes generate information for additional attacks. Mr. Trump gave the military wider latitude this year to go after militants in Somalia, specifically those associated with the Shabab. The head of the Africa Command, Gen. Thomas D. Waldhauser, waited months before exercising the authorities, citing the difficulty of striking militants who are mixed with a civilian population that is on the move in the midst of a regional famine. “What’s going on now reflects the Trump administration’s desire to dial up the U.S. military effort, which has been increasing quietly for several months, combined with Shabab’s apparent intent to fight back as hard as it can,” said Michael R. Shurkin, a senior political scientist at the RAND Corporation and former C.I.A. analyst. “I just pray we’re bombing the right people.” Africa Command officials have investigated a handful of reports of civilian casualties in Somalia, but insist that the vast majority of strikes have targeted only insurgents. The deadly attack in Mogadishu last month spurred more aggressive strikes by the United States, which is working closely with Somali and other African forces on the ground, security analysts said. Tricia Bacon, a Somalia specialist at American University in Washington and a former State Department counterterrorism analyst, said the increase in strikes was probably the result of “better and more actionable intelligence,” meaning fresh tips about insurgents that commandos can act on immediately. Pentagon officials sought last week to play down any notion of a major American troop buildup or escalating operations in Somalia. They said it was more of a coincidence earlier this month that multiple painstaking efforts to identify, track and kill specific Shabab militants — without hurting civilians — all came together within a few days. “There’s no particular rhythm to it, except that as they become available and as we’re able to process them and vet them, we strike them,” Lt. Gen. Kenneth F. McKenzie Jr., the director of the military’s Joint Staff, told reporters last week. General McKenzie acknowledged that initial strikes can cause surviving militants to flee, making them more vulnerable to attack and creating a kind of chain reaction. “A strike produces movement, and other targets become available,” he said. Samantha Reho, a spokeswoman for the Africa Command in Stuttgart, Germany, said, “We’ve always stressed the importance of putting pressure on the network.” The intensifying operations have carried risks for American forces. In May, a Navy SEAL commando carrying out a raid with Somali troops was killed in an attack against Shabab fighters. Shabab militants are not the only extremists the United States is now striking in Somalia. The American military bombed Islamic State fighters in northern Somalia for the first time on Nov. 3, and again on Nov. 12, a sign that the air campaign against the group was expanding after recent battlefield successes against the insurgents in Iraq and Syria. A militant faction loyal to the Islamic State has increased its ranks in northern Somalia to as many as 200 fighters this year from a few dozen last year, according to a United Nations report issued this month. The increased militancy in the north has raised concerns among analysts that it could offer sanctuary for Islamic State militants fleeing defeat in Iraq or Syria. The increasing number of American airstrikes in Somalia has prompted some analysts, as well as Somalis, to voice concerns over the risks of civilian casualties, which could feed into the Shabab’s anti-Western propaganda. “Should civilian casualties happen, it’s to the advantage of the Shabab,” said Abdirahman Hassan Omar, a lawyer based in Mogadishu. In recent weeks, the American military’s presence across Africa has come under rigorous scrutiny. A team of Green Berets and support soldiers was ambushed, along with more than two dozen Nigerien troops, on Oct. 4 near the border of Niger and Mali by militants believed to be associated with the Islamic State. Four American soldiers were killed. In June, a Special Forces soldier, Staff Sgt. Logan J. Melgar, was found dead in his room in Bamako, Mali. It is unclear exactly how he died, but naval authorities are investigating whether two commandos from the Navy’s elite SEAL Team 6 strangled him. Source: – Nytimes
  13. EU NAVFOR Somalia’s Flagship, the Italian vessel ITS Virginio Fasan, has apprehended six suspected pirates and seized their vessels. Six crew of a motor whaler, acting as mother ship, and a skiff have been detained following attacks on a 52,000 ton container ship and a fishing vessel. The attacks reportedly took place over a 24 hour period on November 17 and 18 in the Southern Somali Basin, an area known for piracy. During the incidents a number of rocket propelled grenades were fired against the container ship. However, adherence to piracy guidelines BMP4, the presence of a security team on one of the vessels and good seamanship avoided any damage or injuries, and all crew and vessels are now safe. The suspected pirates were apprehended by the Italian Marines from ITS Virginio Fasan after their vessels were located using Fasan’s SH-90 helicopter, following initial searches by the Spanish Maritime Patrol Aircraft Cisne. This search for the suspected pirates was coordinated with partners and from information provided by the masters of the vessels concerned. Positive visual verification was made. A legal process has now begun for the suspected pirates to be transferred to the appropriate authority for prosecution. Source: The Maritime Executive
  14. Madaxweynaha Robert Mugabe ayaa xalay Khudbad u jeediyey dadweynaha Zimbabwe, taasi oo si toos ah looga baahinayey telefishinka Qaranka dalkaasi, balse Mugabe ma uusan sheegin inuu xilka iska casilay sidii laga filaayey . Madaxweyne Mugabe ayaa markuu khudbadda jeedinaayey waxaa ku hareereysnaa mas’uuliyiin ka tirsan ciidamada millatariga iyo dowladda ,waxaa uuna uga hadlay khudbadiisa xaaladaha dalka, iyo xisbiga talada haya. Mugabe waxaa uu hoosta ka xariiqay in uu isaga qaban-qaabin-doono shirka uu qaban-doono todobaadyada soo socda xisbiga talada haya. Xisbiga talada haya ee The Zimbabwe African National Union ayaa u magacaabay ku xigeenkii madaxweyne Mugabe hogaamiyaha cusub ee xisbiga talada haya, isaga oo lagu badalay Mugabe oo xilka xisbiga laga casilay. Labo todobaad ka hor, Robert Mugabe waxaa uu casilay ku-xigeenkiisa isaga oo jagadaasi la damac-sanaa xaaskiisa, arrintaas oo keentay in ciidamada soo faro-geliyaan oo howsha dalka la wareegaan. Goobjoog News Source
  15. Wasiirada arrimaha dibadda Carabta oo dhaleeceeyay dowladda Iran waxayna ku tilmaameen inay farogelin ku heyso arrimaha carbeed, waxayna ku tuhmeen ururka Xisbullahi oo ka dhisan Lebanon ayna taageero Iran inay taageero siyaan kooxaha argigixisada ah. Wasiirada arrimaha dibadda Carabta ayaa waxay sheegeen in faragelinta Iran ay quudineyso is qabqabsi kooxeed iyo mid madhab ay oo ka abuurmo bariga dhexe. Bayaanka gabagabada ah ee laga soo saaray kulanka wasiirada dibadda ee carabta ayaa waxaa lagu sheegay in ururka Xisbullah uu taageero argigixisada iyo kooxaha argigixisada kuwaas oo ka dhex jira dowladaha Carbata waxayna adeegsadaan hub horumarsan. Shalay ayey aheyd markii magaalada Qaahira ee caasimadda Masar oo xarun u ah ururka Jaamacadda Carabta ay kulan ku qabsadeen wasiirada arrimaha dibadda ee Carabta kaasi oo looga arrinsanayey farogalinta ay Iran ku heyso dowladaha Carabta. Kulankaani ay isku imaadeen wasiirada waxaa soo jeediyey in la qabto dowladda Sacuudiga waxaana ku raacay Imaaraadka, Baxreyn, Kuwait iyo Masar balse wasiirka arrimaha dibadda Lebanon waxaa uu sheegay inuusan ka qeybgaleynin shirka lagu qabanayo Qaahira. Goobjoog News Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyaad ku hubeysnaa Hubka noocyadooda kala duwan oo la socday Gaari nooca raaxada ah ayaa magaalada Muqdisho ku rasaaseeyay ciidamo ka tirsan dowlada. Ciidamada la rasaaseeyay ayaa ku sugnaa barkootarool oo ku taalla xaafada Xamar Jadiid ee Gobolka Banaadir, waxaana lasoo warinayaa in weerarka kadib ay maleeshiyada ka baxsadeen goobta. Weerarka ay maleeshiyada ku qaaden ciidamada ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan oo dhaawac u badnaa, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoog ka ahaa weerarka. Sidoo kale, dadka degaanka ayaa sheegay in mar qura ay maqleen rasaas fara badan oo hal dhinac ah, taa oo qalqal amni ku riday, sida ay sheegen. Sarkaal ka tirsan ciidanka Dowladda oo ku sugan aagga uu weerarku ka dhacay ayaa wuxuu sheegay in hal Askari uu ku dhaawacmay weerarka. Weerarka noocaani ah ayaa ku cusub magaalada Muqdisho, waxaana intiisa badan looga bartay Gobolka Shabellaha Hoose, maadaama aanu horay loo weerarin barokoontarool oo ku dhexyaala bartamaha magaalada. Hay’adaha amniga ayaan weli ka hadal weerarkaan cusub ee ka dhacay xaafada Xamar Jadiid ee Gobolka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Wararka ka imaanaya Magaaladda Jowhar ee caasimadda Hir-shabeelle ayaa ku waramaya in Madaxweynaha Maamulkaas Maxamed Cabdi Waare in 48-ka saacadood ee soo socota uu ku dhawaaqo Gole Wasiiro oo aysan xubno ka ahayn xildhibaanada. Kulamo waqti badan qaatay ayaa ka dhacay Madaxtooyadda Maamulka Hir-shabeelle ee Magaaladda Jowhar waxaana la sheegay in madaxweyne Waare uu xildhibaanadda ku wargaliyay in Golaha wasiiradda uu soo dhisi doono aysan xubno ka noqoneyn xildhibaanada baarlamaanka islamarkaana ay noqon doonaan Golle wasiiro oo tayo wanaagsan. Maxamuud Wabar Xasan oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle ayaa sheegay in Madaxweynaha uu qorshaha Golaha wasiiradda uu kusoo dhisi doono uu noqon doono mid ka badalan qaabkii hore. Madaxweynahii Hore ee Maamulka Hir-shabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa magacaabay Golle wasiiro oo ka yimid Baarlamaanka Hir-shabelle tiro ahaana gaaraya 33-xildhibaan. Ergadii ansixisay dastuurka dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa waxaa ay isku raaceen in aan laga soo xulin xildhibaanada golaha wasiirada, iyadoo qodobka 31-aad cutubkiisa 3aad ee dastuurka Hirshabelle uu qorayay, Hase yeeshee fadhi ay yeesheen xidhibaanada baarlamaanka Hirshabelle bishii Oktoobar 2016 ayaa lagu bedeley qodobkaas, iyagoo ku tilmaamay inuu ka horimanayo dastuurka dowlada federaalka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Waare oo soo Dhisayo wasiiro aanay xubno ka aheyn Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
  18. Washington DC (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa si tartiib ah ciidamo ugu direysa dalka Soomaaliya, islamarkaana u kordhineysa, sida uu daabacay wargeyska Politico ee kasoo baxa Washington DC. Warbixintan ayaa lagu sheegay in sanadkan Mareykanka uu laba jibaaray tirada ciidamadii ka joogay Soomaaliya, oo uu gaarsiiyey 500 oo askari. Pentagon-ka ayaa sidoo kale ciidamada howlgallada gaarka ah ku daad gureynaya Soomaaliya, si ay ciidamada Soomaaliya uga caawiyaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka, sida saraakiil ay u sheegeen Politico. Waa ciidamadii ugu badnaa ee Mareykan ah ee jooga Soomaaliya, tan iyo dhacdadii Black Hawk Down ee saanddii 1993-kii lagu dilay 18 askari oo Mareykan ah. Ciidamada Mareykanka ayaa waxa ay hadda laba xarun oo milatari ku leeyihiin magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxayna kordhiyeen duqeymaha ka dhanka ah kooxaha mintidiinta. “Waa qasab inaan ciidamo kooban oo dhulka ah gayno Soomaaliya, si aan u caawino dowladda Soomaaliya” Waxaa sidaas yiri Gen. Don Bolduc, oo horey madax uga ahaa ciidamada howlgallada gaarka ah ee Mareykanka ee Afrika. Waxay u muuqataa in Mareykanka uu beddelayo siyaasaddii hore ee ahayd in duqeymo cirka oo kaliya lagu beegsado xagjiriinta Soomaaliya, oo hada ay soo kordheen howlgallada gaarka ah ee dhulka laga fuliyo. Waxaa la filayaa in Mareykanka uu sii kordhiyo ciidamada ka jooga Soomaaliya, inkasta oo aan la ogeyn tirada uu gaarsiin doono. Caasimada Onlinne Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Abu Dhabi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa gaaray dalka Isutagga Imaaraatka Carabta, sida ay baahisay warbaahinta dowladda. Waxaa la filayaa in uu la kulmo madaxda dalkaasi UAE, waxayna ka wada hadli doonaan arrimo ay ka mid tahay “in la tixgaliyo go’aanka Soomaaliya ee dhex dhexaadnimada ahaa ee ay ka qaadatay Khilaafka Khaliijka,” sida lagu qoray wakaaladda wararka ee dowladda federaalka ee SONNA. “Fudadaynta howlaha la xiriira Socdaalka iyo dal ku galka iyo in Imaaraatka ay si toos ah uga qayb qaataan dagaalka Alshabaab,” ayaa sidoo kale la filayaa in ay isla soo qaadaan masuuliyiinta labada dal. Safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa noqonaya midkii labaad ee uu ku tago Imaaraadka Carabta, tan iyo markii xilka loo doortay, balse safarkan wuu ka duwan yahay kii hore. Khilaafka ka taagan dalalka Khaliijka ayaa dhowaanahan saameen ku yeeshay siyaasadda Soomaaliya, kaas oo iska hor keenay madaxda dowladda federaalka iyo hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada. Kullan ay dhowaan ku yeesheen Muqdisho, madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamullada, waxaa si wayn la iskula soo qaaday khilaafka ka dhashay xaaladda khaliijka, inkastoo aan la shaacin waxa lagu heshiiyay. Waxaa sidoo kale dalka Soomaaliya ka jiro gole ay ku mideysan yihiin maamullada federaalka kaas oo la dhisay markii uu baahay dhibaatada siyaasadeed ee ka dhalatay muranka ka dhex taagan Qadar iyo qaar ka mid ah dalalka Khaliijka. Dhowr maamul oo ka mid ah federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay la safteen xulafada Sacuudiga, ayna ka qeybgalayaan go’doominta Qadar. Waxay dowladda dhexe ugu baaqeen in ay ka noqoto go’aanka dhexdhexaadnimada ah, ayna la safato Sacuudiga iyo Imaaraadka. Dhanka baarlamaanka Soomaaliya waxaa loo gudbiyay mooshin ka dhan ah safiirka Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya, kaas oo xildhibaanada qaar ay ku eedeeyeen in uu faragelin toos ah ku hayo arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Sidoo kale, Imaaraadka wuxuu dhowaan dowladda Soomaaliya ku wareejiyay illaa 300 oo askeri, hub iyo gawaari, kuwaas oo ka mid noqon doona militariga dowladda. Safarkii Farmaajo ee Sacuudiga Madaxweyne Farmaajo ayaa horraantii bishii Oktobar u safray dalka Sacuudiga. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya xilligaas waxaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay uga mahadcelineyso Sucuudiga, sida joogtada ah ee uu u taageero. Dowladda ayaa xilligaasi cadeysay in boqortooyada Sucuudiga ay ugu deeqday Soomaaliya, lacag gaareyso $50 milyan oo dollar. Waxaa qoraal la soo saaray ka dib safarkii Farmaajo ee Sacuudiga lagu yiri: “Waxaan u mahadcelineynaa Boqortooyada Sucuudiga oo waqtigan baahida loo qabo, noogu deeqday $50 milyan oo dollar si loogu adeego shacabka Soomaaliyeed, taasoo muujineysa sida dalka aan wallaalaha nahay ee boqortooyada Sacuudiga ay u danaynayso ka qeybqaadashada dib u dhiska dalkeena.” Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in boqortooyada Sucuudiga ay ka qeybqaadanayso dib u dhiska dalka Soomaaliya iyo in deeqda lacageed “la soo gaarsiisay Dawladda Federaalka Soomaaliya.” Wasaaradda warfaafinta ayaa warkeeda ku sheegtay in safarkii Madaxweyne Farmaajo ee Sucuudiga lagu sii xoojinayay xiriirka labada dhinac ka dhexeeya. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in lacagtaasi loo adeegsan doono kordhinta adeegyada dowladda ay u qabato shacabka, sida ku xusan qoraalka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta. “Deeqdan $50ka milyan ah ayaa lagu shubayaa Khasnada Dawladda ay ku leedahay Bankiga Dhexe, waxaana loo isticmaali doonaa si ku dhisan daahfurnaan iyo isla xisaabtan. Dowladda Federaalku waxay la wadaagi doontaa warbixin hufan oo la xariirta qaabka kharashka loo bixiyey,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in “deeqdan ay xukuuumadda ka saacidi doonto sii joogteynta bixiinta mushaaraadka ciidanka, raashinkooda iyo mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah.” Waxaa intaas lagu daray: “Xiriirka walaaltinnimo ee qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga waa mid taariikh fog leh. Kaalmadaan oo waqtigan loogu baahi badan-yahay, waa mid ka tarjumeysa sida Boqortooyada Sucuudiga ay uga go’antahay garab-istaaga dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Guddigii golaha shacabka Soomaaliya ee loo xilsaaray in uu baaritaan ku sameeyo arrintii Cabdikariim Sheekh Muse (Qalbi Dhagax) ayaa soo saaray warbixin ay uga hor yimaadeen go’aankii dowladda ay ninkaasi ugu gacan gelisay Itoobiya. Qalbi Dhagax wuxuu ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa ONLF, wuxuuna muddo ku noolaa Soomaaliya, balse dowladda ayaa ku wareejisay Itoobiya oo muddo raadineysay. Hadaba maxaa laga dheehan karay warbixinta uu guddiga baarlamaanka Soo saaray. 1. “Isla xisaabtan” Dhiibidii Qalbi Dhagax waxaa ka dhashay xanaaq ka dhan ahaa dowladda, waxayna dibadbaxyo ka dhaceen magaalada Muqdisho. Ka dib baarlamaanka ayaa u saaray guddi baara kiiskaasi, waxayna sheegeen in ay wareysteen wasiirro, agaasimayaal iyo taliyayaal ciidan oo lala xiriirinayay dhacdada. Sakariye Yusuf oo ku taqasusay sharciga ayaa BBC-da u sheegay in tallaabada baarlamaanka ay muujineyso in lala xisaabtamo dowladda, golaha shacabkana uu qabsaday shaqadii loo xil saaray. “Awoodda qaranka waxaa iska leh sharcidejinta, ayagaana leh howsha xakameynta iyo dabagalka dowladda, ansixintana waa shaqadooda”, ayuu yiri Abukaate Sakariye. Wuxuu hadalkiisa ku daray: “Waa mid ka mid ah waajibaadka saaran oo ah in ay ogaadaan waxa dowladda qabatay ma sax baa mise waa qalad”. Xildhibaanada arrinta loo xilsaaray ayaa sharcidarro ku tilmaamay dhiisbidii Qalbi Dhagax, waxayna sheegeen in “aan qof dambe dal kale loo dhiibin ayadoo aan la raacin sharciga dalka”. Xildhibaanada qaar ee ka hadlay kullankii baarlamaanka ee lagu ansixiyay warbixinta baaritaanka ayaa dalbaday in “la soo celiyo Cabdkariim Sheekh Muse (Qalbi Dhagax)”. Warbixinta oo golaha shacabka uu u codeeyay waxaa lagu lifaaqay heshiisyadii dowladda ay sheegtay in ay u cuskatay dhiisbidii Qalbi Dhagax, iyo shuruuc kale oo caalami ah. 2. Labada Go’aan (Midka baarlamaanka iyo kii xukuumadda) Guddiga sameeyay baaritaanka ayaa sheegay in aan dhiibidda Qalbi Dhagax loo marin hannaan sharci ah. Xildhibaan Cali Yusuf (Cali Xoosh) oo gudoomiye u ah guddiga 15-ka xubnood ka kooban ee loo saaray baaritaanka arrintaas ayaa baarlamaanka u sharaxay wixii u soo baxay. “Ka dib markii aan aragnay dhammaan dastuuradii Soomaaliya ay soo yeelatay tan iyo xurriyaddii 1960-kii, iyo shuruucda dalka marka ay timaado arrinta isu gudbinta eedeysanayaasha iyo dembiilayaasha, guddiga waxaa u soo baxday in gudbinta Cabdikariim Sheekh Muse (Qalbi Dhagax) aan loo marin hab sharci ah, lagana tala gelin hay’adaha garsoorka,” ayuu yiri Cali Xoosh. Wuxuu intaa ku daray, “Waxaa arrinta maareysay hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka, laguna saleeyay go’aan ku saleysan qodob aan sugnayn oo la siiyay madaxda qaranka”. Golaha Wasiirada ayaa horey u difaacay dhiibistii Qalbi Dhagax waxayna sheegeen in loo cuskaday labo heshiis oo kala ahaa: Heshiis la saxiixay 07dii Juun 2015kii kaas oo dhanka Soomaaliya uu u saxiixay Wasiirru Dowlihii Madaxtooyada JFS Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ee dawladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Heshiis kale oo la saxiixay 2dii May 2016 oo ay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Federaalka Ethiopia ku heshiiyeen in ay si wada jir ah isaga kaashadaan la dagaallanka nabad-diidka iyo argagixisada si loo xaqiijiyo sugidda amniga iyo xasilloonida labada dal. Heshiiskan waxaa Dowladda Federaalka u wada saxiixay Wasiirkii hore ee Boostada & Isgaarsiinta Mudane Maxamed Jaamac Mursal (Geele) iyo Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed. Balse heshiisyadaasi ayaa horey loo dhaliilay sharci ahaantooda. Abukate Sakariye oo horraantii bishii Sebtembar la hadlay BBC-da ayaa sheegay: “Caadi ahaan waa in uu jiraa heshiis labada dowladood u dhaxeeya , waaba in baarlamaanka uu ansixiyaa, mana ka war hayo heshiis wadadaas maray oo loo cuskan karo in Qalbi Dhagax loo dhiibo” ayuu yiri Sakariye. Hadaba labada go’aan ee kala ah midkii dowladda ay Itoobiya ugu wareejisay Qalbi Dhagax iyo kan hadda uu qaatay Baarlamaanka, midkee sax ah ama loo hoggaansamayaa? Sakariye Yusuf oo khabiir ku ah arrimaha sharciga ayaa ku doodaya in dowadda ay qasab ku tahay in ay qaadato go’aanka uu baarlamaanka shalay gaaray. “Dowladda dhexdeeda ayaa laga rabaa in ay masuuliyadda sii qaadato, oo wixii dhacay sidii ay ku sixi lahayd ah, sababtoo ah baarlamaanka go’aanka uu qaatay waa mid sharci ah,” ayuu yiri. Maxay tahay ONLF ? Waa jabhad la asaasay sannadkii 1984tii oo sheegta inay u halganta xaqa ismaamulista ama madaxbannaanida dadka iyo dhulka Soomaaliyeed ee ay Itoobiya maamusho. Jabhadda Xoreynta Ogaden ayaa waxa ay muddo dheer la dagaalamaysay dowladda Itoobiya, waxaana jira weeraro badan oo dowladda Itoobiya ay ku eedeysay jabhadan. Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegtay in la wiiqay awooddii ONLF ee gudaha. Waxaa jabhadda guddoomiye ka ah Admiral Maxamed Cumar Cusmaan oo horey u ahaan jirey taliyihii ciidammada badda Soomaaliya, Sannadihii dhawaa waxa ay dirir u dhaxaysay ciidamadda jabhadda iyo kuwa dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, ONLF waxa ay dowladda Itoobiya iyo dowlad deegaankaba ku eedeysaa xadgudubyo baahsan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, eedeymahaas oo markasta ay beeniso dowladda Itoobiya. 1. ONLF iyo Qalbi Dhagax ma “argagixisa” baa? Sida lagu qoray wakaaladda wararka u faafisa dowladda Soomaaliya ee SONNA, Guddiga baarlamaanka ee kiiska Qalbi Dhagax baaray wuxuu sheegay in “Jabhadda ONLF aan loo aqoonsan in ay tahay urur argagixiso balse sidoo kalena la tix galiyo siyaasadda dalka ee ku salaysan in aan aqoonsi iyo gabaad, midna la siin ururada hubaysan ee ka soo horjeeda nabadgaliyada iyo jiritaanka dalka iyo wadamada deriska ah iyo guud ahaan dunida inteeda kale.” Xildhibaan Cali Yusuf (Cali Xoosh), gudoomiyaha guddiga baaritaanka sameeyay ayaa tilmaamay in “ay u soo baxday baaris ka dib in ONLF uusan caalamka u aqoonsanayn, aysanna ahayn urur argagixiso, maadaama aysan ku jirin diiwaanka argagixisada caalamiga ah.” Markii uu sare u kacay dhaliishii dowladda loo jeedinayay ee la xiriiray Qalbi Dhagax, golaha wasiirada ayaa soo saaray go’aan ay ku sheegeen in ONLF iyo Al-Shabaab ay yihiin ururo argagixiso. Qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya bishii Sebtembar ayaa lagu sheegay in Qalbi Dhagax uu ahaa shakhsi ku howlanaa “falal lidi ku ah ammaanka Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo gacan saar la lahaa kooxda Al-Shabaab.” ”Golaha Wasiirrada waxey hoosta ka xarriiqeen in shaqsigani uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Jabhadda hubeysan ee ONLF, isla markaasna uu falal lid ku ah amniga dalka uu ka dhex waday geyiga Soomaaliya iyo mandiqadda, iskaashi dhowna la lahaa kooxaha araga-gixisada ee Al-Shabaab”, ayaa lagu yiri dhambaalka ka soo baxay dowladda, horraantii bishii Sebtembar. Abukate Sakariye oo maanta BBC Somali la hadlay ayaa yiri: “Haddii baarlamaanka uu si aqlabiyad ah ugu codeeyay, wixii maanta ka dambeeya waxay noqoneysaa sharci in Soomaaliya aysan u aqoonsanayn, oo ONLF aan la dhihi karin waa argagixiso.” “Go’aanka baarlamaanka ayaa maanta wixii ka dambeeya dalka ka noqonaya mid sharci ah, ONLF ma noqonayaan argagixiso, dalka dhexdiisana dembiilayaal kuma noqonayaan,” ayuu hadalkiisa ku daray. BBC
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay sii kordhayaan Xildhibaanada kasoo horjeeda in Sarkaalka ONLF Qalbi Dhagax kusii jiro gacanta dowlada Ethiopia ayaa waxaa Xildhibaanadaasi ku biiray Axmed Fiqi oo ka tirsan baarlamanaka Somalia. Xildhibaan Axmed Fiqi, ayaa sheegay inay khalad tahay in arrinta Qalbi Dhagax loo sameeyo marmarsiyo, waxa uuna xaqiijiyay in Kiiska Sarkaalkaasi uu yahay mid lamariyay wado aan xaqiiq aheyn. Fiqi ayaa sheegay in dadkii ay guddigii baaritaanada waday wareysteen aysan aheyn kuwo awood weyn ku leh dalka, sidaa aawgeed la marin habaabiyay kiiska Qalbi Dhagax. Xildhibaan Fiqi, oo ay xiganeysay Idaacada Dalsan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in arrintaan ay ku wanagsaneyn in wax badan laga weeydiiyo madaxdii dalkaan lagu aaminay balse aan lala aadin Hay’adda Nabadsugida oo waajibkeeda gudaneysa. Axmed Fiqi waxa uu sidoo kale soo jeediyay in lasoo qabqabto shaqsiyaadka howlgalkaasi ku taliyay ee ka tirsan Hay’adda Nabadsugida, waaba haddii ay jirto eedeynta loo jeediyay Hay’adda, sida uu hadalka u dhigay. ”Arrintaan waa inaan la dhaliilsan oo gacanta lagu soo dhigaa shaqsiyaadka ku lug lahaa Kiiska dhiibista Qalbi Dhagax. waxaa khasab ah in la maxkamadeeyo dadkii ku lugta lahaa kiiska” Waxa uu sidoo kale cadeeyay in arrintaani aan looga hari doonin dowlada Somalia, inta meel looga hubsanaayo kiiska Qalbi Dhagax. Geesta kale, waxa uu Axmed Fiqi ku baaqay in dowlada Somalia, gaar ahaan Madaxda ugu sareysa dalka ay keenaan cadeynta sababta ay u dhiibeen Qalbi Dhagax, maadaama ay iyaga qaaden mas’uuliyada dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedeeyay inay Somalia usoo dirtay Markab siday Hub noocyo kala duwan leh. Hubka ayaa la sheegay inuu isugu jiray kuwo Deeq iyo deeq ah, oo inta badan u socday dowlada Somalia kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in dowladu ay ka go’day saadka Hubka. Qoraal kusoo baxay wargeyska Middle East monitor ayaa lagu sheegay in xogta Hubkaasi ay heleen guddiga dabagalka cunaqabataynta hubka ee saaran Somalia. Wargeyska oo xiganaaya ilo ka tirsan Guddiga cunaqabataynta ayaa sheegay in dowlada Imaaraatka Carabta ay ka talaabtay xadka iyo sharciyada lagu mamnuucay Hubka la geeya Somalia. Guddiga cunaqabataynta Hubka ayaa dowlada Imaaraadka ku eedeeyay in Somalia ay u daabulaan Hubka noocyada kala duwan ee qaarkood halista galinkara rajada laga qabo dib usoo kabashada Somalia. Warbixinta guddigaan kasoo baxday ee lagu daabacay wargayska aanu xiganayno ee Middle East Monitor waxaa lagu sheegay in diyaaradaha duuliye la’aanta ah ee Midawga Yurub leeyihiin duubeen markab laga leeyahay dalka Imaaraatka oo hub sida oo ku soo dhawaaday meel ka mid ah xeebaha Somalia kadibna shixnadii hubka aheyd ee uu siday ku wareejinaya labo doonyood oo nooca dheereeya ah, sida uu qoray Wargeyska isla markaana ay xaqiijiyeen xubno kamid ah Guddiga. Warbixinta waxaa lagu sheegay in Hubka uusan aheyn keliya midka loo ogolyahay Somalia, balse ay jiraan macluumaadyo kale oo muujinaaya in Hubka lagu wareejinaayay Doonyaha ay ku jireen kuwo culus oo mamnuuc ka ah Somalia. Waxaa lagu xusay warbixinta in Hubka uu Imaaraadka u iibkeenay Somalia uusan ugu horeyn kan, balse ay dhacday in muddo dhowr jeer ah ay Imaaraadku jabiyeen sharciga isla markaana Somalia u rareen Hub kala duwan, sida ku cad warbixinta Guddiga. Sidoo kale, qoraalka ayaa waxaa lagu daray in dowlada Imaaraadka carabta ay si xooli ah u dhiseyso Saldhiga Militery ee Barbara taa oo ka dhigan in la doonaayo in Hub farabadan lagu guro Somalia. Dhinaca kale, Madaxda dalka Imaaraadka Carabta ayaa ka gaabsaday ka jawaabida su’aal ku saabsan Hubka ay u raraan Somalia oo ay weydiisay Jariidada Middle East Monitor. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Tan iyo markii la dhiibay sarkaarlkii ka tirsanaa ururka “ONLF ” Waxa taagneed doodda ku saabsan dhiibidiisa, iyo in ururka ” ONLF” loo aqoonsado argagixiso. Go’aanka shalay uu qaatay Baarlamaanka kaddib xogtii guddiga baaritaanka ma aheen mid eey fillaayeen Dadka fallanqeeyo siyaasadda Soomaaliya, waxaase dhici karta in eey Jiraan wax yaallo soo dadajiyey. Haddaba qormadaan waxaan ku eegi doonaa awoodda sharci ee loo cuskaday Go’aankaan iyo saameenta uu leeyahay dhanka siyaadda . Ururka “ ONLF” ma yahay urur argagixiso? Ururka”ONLF ” waa urur ah Gobnnimo udirir oo aas aasmay 1984, waxuuna udagaalamaa Sidii Dhulkii loo yaqaanay Soomaali Galbeed ama Ogaadeeniya ooga bixi lahaayeen Xukunka Dowladda Ethopiya, arrintaa oo aheed yiddiillo dad badan oo Soomaali ah, kunna Naf waayeen hal- gamaayl soomaaliyeed dagaaladdii soomaaliya iyo Ethopiya 1977. Ururka ONlF ma aha urur udiiwaangshan ururadda argagixisidda, kumana jiro liiska Argagixisadda, Dowladda Ethopiya ayaa ka dalbtay Dowladda maraykanka horaan ineey ku darto liiska aragagixisadda, laakinn way diiday Washington Dalabka Addis Ababa. Sababtoo ah waxaa jirto mabaaddii lagu heshiiyey caalamka, kuna jirto xeerka caalamiga ah ” International law” taas ah oo Tibaaxeeso shucuubta ineey xaq uleeyihii katashigga Aayahooda” The right of peoples to self- determination“, Dadkana aan lagu gumeesan Karin hab kasta oo loo maraba. Waxaa xusid mudan Haay’ada xuquuqul insaanka udoodo Ee “Human Raights watch ” Ineey isku si u canbaareeso Dowlaada Ethopiya iyo Ururka ONLF, eeyna galaan labadaba Danbiyo lid ku ah xuquuqda aadanaha ” crimes Against Humanity” ee mid gooni ah eeysan Eed kala dul-dhicin. Ururka waxuu xafiisyo kuleeyahay Wadamada Caalamka iyo kuwa Ethopiya Dariska la ah intaba, sidaas darted ma aha urur argagixiso ah waana sida eey guddiga sheegeen. Hadaba Dastuurka iyo Shuruucda Soomaaliya maxay ka qabaan dhiibidda danbiille? Marka laga hadlayo dhiibidda danbiilayaasha ama Eedeesanayaasha (Extradition), waxaa jiro labo nooc oo lakala qaado Danbiyo siyaasadeed “ Political crimes” iyo kuwa kasoo harey “Criminal offense”. Hadaba Dhamaan xeerarka caalamiga ah iyo Heshiisyada dunida ma ogolo in la dhiibo Danbiile siyaasadeed, xataa lagama gali karo Heshiis dhiibida Danbiile siyaasadeed, hadii lagalana waa mid aan waxbo kama jiraan ah. Danbi siyaasadeed waxaa lagu qeexaa “midka loo galay dana siyaasadeed sida mid urur gobnimo doon ah, siyaasi is badal doon ah uu galay”. Waana midka loo heesto saraakiisha “ONLF”, tusaale haddaan ku siiyo heshiiskii maraynka iyo Turkiga 1979, waxuu dhigaayey in la is waydaarsado Danbiilayaasha, marka laga reebo kuwa Danbi siyaasadeed loo heesto, oon heshiis laga gali Karin. Waana sababta udiiday maraykanka wareejinta Fathulalli Gollan oo loo heestay Afganbiggii Dhicisoobay Ee turkigga. Sharciyada uyaal Dalka soomaliya ayaa diidan dhiibidda danbiile siyaasadeed, Tusaale Xeerka ciqaabta soomaaliyeed, Q.11aad, Faqrada 3aad waxay aroneesaa: ma banaano Dhiibidda siyaasadeed. Taasi waa midda guddiga eey sheegeen in lagu saleeyo dhiibid kasta inta laga soo saaraayo Sharcigga isucelinta danbiilayaasha. Marka laga reebo Danbiyadda siyaasadda, ma aha in la iska dhiibi karo waxii kasoo haray, Sharciyada caalamiga ah waxay ilaalinayaan Xuquuqda dadka in lagu tunto, waxaana lagu Xiray danbiilaha aan galin danbi siyaasadeed shuruudahaan soo socda: inuu danbiga loo heesto ka yahay dani sharciyadda labada dalba in uu jiro heshiis isucelin danbiilayaal oo udhaxeeyo labada dalba. in xukun maxkamadeed ku dhacay oo qofka la wareejinayo. Markii la helo shuruudaan ayaa waxaa wasaaradda arrimaha dibadda dowladda laga Rabo danbiilaha, laga codsan karaa wareejinta danbilaha, loona soo gudbinaya Galkiisa oo wato xukunka maxkamadda. Dastuurka ku-meelgaarka ah Q.36aad Ee ka hadlaya arrinkaan ayaa oronayaa : waa in isucelinta eey tahay mid waa faqsan sharcigga, jirana heshiis Caalami ah oo ku waajibanayo soomaaliya celinta Danbiilo ama eedeesano, sidoo kale sharciga isucelinta waxuu uxilsaaray Dastuurka Baarlamaanka. Sidaas ayuu go,aanka guddiga ucuskaday sharciyadda dalka, sidoo kale markii lagalaayo heshiis sida waa in lasoo mariyaa baarlamaanka sida ku qoran Dastuurka ku-meel gaarka ah Q.90, Faqradiisa (Q). Arrinta kale ee mudan in la dhiira galiyo ayaa ah q.9aaad ee uddiga soo jeediyey taas Oo aheed waa in dib loo aruuriyo mucaahadooyinka (treaties), Cahdiyada (Conventions), Heshiisyada (Agreements), Is-afgarad (Accords), Baratakoollada iwm oo taniyo xorriyaddii 1960-kii ilaa hadda dib loo daabaco oo la badiyo, loona qeybiyo dhammaan hay’adaha Dowladda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleedyada, taas Oo caawin doonta haay,adaha dowladda, cilmi baarayaasha iyo dadka Daneeyo Soomaaliya dhamaan. Saameenta siyaadadeed ee go’aanka baarlamaanka . Dhiibiddii qalbi dhagax waxay direesay farriin ah in soomaaliya eey ka gudubtay fikraddii soomaali wayn, dowladda itoobiyana eey qof doonto kala bixi karto Soomaaliya, taas oo ubilowday soomaaliya iyo itoobiya xariir cusub oo Saaxiibtinnimo ah. Lkn go,aanka Baarlamanka ayaa ah farriin ka duwan taas , lagana aqrisanaayo Dadka Soomaalida ah inney yihiin kuwii 1960,1970 eeyna wali fikradii eey aaminsanyihiin waxaa tusaale u ah 152 xildhibaan oo ku kala arragti duwan siyaasadda iyo Xisbinnimadda ineey isku raaceen codkooda ku aadan arrintaa. Arrinkaan ayaa saameen ku yeellan karo dagaalka dowladda eey shaacisay kaas oo la Sheegey in lagu afjaraayo shabaabka itoobiyana eey ka tahay Lafdhabarka. Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in eey jiraan wax yaallo soomaalida ka Mideesantahay si kasta ooy ukalla arragti duwantahay, taasna waa rajo wanaagsan oo Dabreeso damaca siyaasigga. W/Q: Cali Sheekh Adam Yuusugf (Cali Soomaali) Qoraa arrimaha sharcigga iyo siyaasadda Kala Xiriir: calisomali400@gmail.com
  24. Madaxwaynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa wacad ku maray in uu awoodda sii hayn doono dhowr todobaad ,iyada oo uu sii kordhayo cadaadiska lagu hayo ee ku aadan in xilka uu ka dago. Khudbad uu si toos ah uga jeediyay TV-ga qaranka ayuu Mr Mugabe ku sheegay in uu shir gudoomin doono kulanka golaha xisbiga ay yeelanayaan bisha December ee soo socota. Madaxwayne Robert Mugabe markii uu khudbadda jeedinayay waxa barbar fadhiyay saraakiisha sarsare ee militariga dalkaasi iyo madax kale. Khudbadda madaxwayne Mugabe oo ahayd mid si wayn loo sugayay ayaa waxa la filayay in uu iscasilo balse taasi ma dhicin. Xubnaha xisbiga Zanu-PF ayaa mar sii horreysay ka cayriyay Mugabe xilka hogaamiyaha xisbiga. Madaxwayne Mugabe ayaa waxa xisbiga Zanu-PF u qabteen in muddo 24 saac gudahood ah uu isku casilo haddii kale ay xil ka qaadis ku samayn doonaan. Awoodda Mugabi ayaa wiiqantay tan iyo intii ay militariga soo faragaliyeen muranka ku saabsan cidii badali lahayd Mugabe. Si kastaba ha ahaatee ,in uusan iscasilin ayaa laga yaabaa in ay ka yaabisay dad badan oo reer Zimbabwe ah. BBC