-
Content Count
205,515 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wafti balaadhan oo isku jira Isimo, Cuqaal iyo Odayaal uuna hogaaminayo Garaadka Jaamac Garaad Cali oo ka ambabaxnay tuulada Karin dabayweyn ayaa gaaray Magaaladda Maygaagle, halkaasna waxaa kusoo dhaweeyey beesha Cumar maxamuud oo gogasha dhigtay. Degaanka Maygaagle oo hoos taga degmada Buuhoodle ee gobolka Cayn, ayaa waxaa furmaya shirka nabadaynta beelaha Cumar Maxamud iyo Baharsame oo mudo dheer ka dhex jirtay colaad soo noqnoqanasay, waxaana dowladda Puntland ay diyaarisay agabkii shirkaasi fududayn lahaa. Ciidanka dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia ayaa sugaya nabad galyada shirka nabadaynta, maadaama ay maamulaan madagaaladu gogoshu taal. Puntlandi.com
-
Garowe (Puntlandi) Wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland ayaa Garowe kusoo dhoweysay wasiirka caafimaadka maamulka Jubbaland, Cali Xaaji Nuur, kaasoo qibrad iyo aqoon kororsi ugu yimid dowladda Puntland oo horey gacan uga geysatay dhismihii nidaamka dowliga ah ee Jubbaland. Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Puntland, Dr, Cabdirisaaq Xirsi Xasan, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay wasiirka caafimaadka Jubbaland siiyeen wixii macluumaad ah oo ku saabsan horumarinta caafimaadka iyo sida ay u shaqeeyaan waaxyaha kala duwan ee wasaaradda caafimaadka. Dr. Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa wasiirka caafimaadka Jubbaland u sheegay in wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland ay hoos yimaadaan in ka badan 350 xarumo caafimaad ah oo ku kala yaala dhammaan sagaalka gobol ee Puntland iyo 3500 shaqaale caafimaad ah. Wasiirka caafimaadka Jubbaland Cali Xaaji Nuur, ayaa qiray inuu wax badan oo qibrad ah iyo aqoon ah uu ka faa’iday nidaamka dowliga ah ee ka jira Puntland isagoo masuuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda caafimaadka Puntland uga mahad celiyay waqtiga iyo juhdiga ay ku bixiyeen inay ku caawiyaan waayo aragnimadooda shaqo. Wasiirka caafimaadka Jubbaland ayaa sidoo kale, saaka booqanaya isbitaalka guud ee Garowe iyo xarumaha kale ee caafimaadka.
-
President Mohamed Abdullahi Farmaajo has spoken out for the first time about the rendition of former ONLF commander, Colonel Abdikarim Musa Qalbi-Dhagah. Qalbi Dhagah was handed over to Ethiopia on August 28, 2017, following a raid by Somali force on his hotel in Galkayo, central Somalia. In an interview with BBC to commemorate his first anniversary in office, President Farmajo said that he decision reached by the Somali parliament is final. “As you know, the parliament which is the top legislative body had a debate on the issue (the extradition of Qalbi-Dhagah) and eventually reached a decision after voting, therefore I think is the final one,” said President Farmajo. A 15 member parliamentary committee formed in September found the extradition to be illegal and accused Somalia’s intelligence apparatus of acting unilaterally and providing misinformation to facilitate the illegal transfer. “Somali National Intelligence and Security Agency had provided the government leaders with wrong information and subsequently hid the case of Qalbi Dhagah from the justice department,” reads the report submitted to the House. However, last week, the former intelligence chief Abdullahi Mohamed Ali ‘Sanbaloolshe’distanced himself from the controversial extradition. According to Sanbaloolshe’s version of events, the decision to extradite Qalbi-Dhagax was made by the federal government exclusively. “I don’t want to mention names, but the decision to extradite Qalbi-dhagah was made and reached by the government and the Cabinet endorsed the decision,” he said during the interview with VOA Somali. Prime Minister Khayre’s cabinet had previously supported the extradition saying that the Qalbi-Dhagax was a terrorist and his continued presence in Somalia was a threat to national security. Despite mounting public pressure of President Farmajo to comment on the Qalbi-Dhagax case, it his first time he is making remarks publicly. Source: Hol The post President Farmaajo speaks out on Qalbi-dhagah extradition for the first time appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa aan wada ognahay in Dhalinyada Soomaaliyeed ay yihiin kuwa saameyta ugu badan ay ku reebtey deganaansho la’aanta siyaasadda, dagaalada, abaaraha iyo dhibaatooyinka kale oo horseedey dhaqaale burbur muddo dheer ah taas oo saameyn daran ku yeelatey suuqa shaqada. Bulshada Soomaaliya 73% waa faqiir halka 43% oo ka mid ah ay ku adag tahay nolosha. Waxaa intaas sii dheer in ka badan 70% da’ ahaan ka yer yihiin 30 jir oo macnaheedu tahay in dhalinyarada ay ka badan tahay dadka waaweyn. Warbixinta xagga Horumarka ee Aadanaha ee Soomaalia (Somalia Human Development Report) ee 2012 waxay leedahay in ka badan 54% dadka shaqeyn kara Soomaliya (Active Population) waa shaqo la’aan! Waxay kaloo cadeynaysaa warbixinta in da’ yarta u dhaxaysa 14-29 ay 67% ay yihiin shaqo la’aan. Sidoo kale in ka badan 40% dhalinta shaqo la’aanta ah waa shaqo doon! Shan sano ka dib war-bixinta oo ay xasilooni daro siyaasadeed iyo amni xumo sii jirto islamarkaana dhowr kun oo arday ay jaamacadaha sanad walba ka qalin jebiyaan maxaa la filan karaa? Jawaabtu waxaa ay tahay in tobanaan kun oo dhalinyaro ah ay shaqo la’aan yihiin. Bilowgii sanadka 2017 oo ku asteysanaa ololihii doorashada madaxweynaha oo uu ku guuleystey Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaan aniga iyo xildhibaanada kaleba dhageysaney khubadaha murashixiin ka badan 20 waxayna ku beegnayd 4-5 Febraayo. Musharax kasta waxaa uu khubadiisa iyo qorshayaasiisa ku darey waxa uu ka damacsan yahay shaqo abuurka dhalinyarada. Musharaxiintaas waxaa ku jirey Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ay xildhibaanda 229 intooda badan u garteen inuu oofin karo balan qaadyadaas oo aniga ahaan shaqo abuurka u arkayey inay muhiim gaar ah leedahay maadaama aan si gaar ah uga warqabey dhibaatada dhalinyarada ay ku hayso shaqo la’aanta. Madaxweyne Farmaajo waxaa uu Barnaamijkiisa u dhiibey xukuumad uu madax uga dhigay Mudane Xasan Cali Kheyre asagoo soo diyaariyey qorshe oo ugu magac-darey “Nabad iyo Nolol” lehna 10 Yool oo aan ka xusi karo Kobcinta Dhaqaalaha oo ay ka mid tahay shaqo abuurka. Waxaa ka soo wareegatey sanad doorashadii madaxweynaha balse ma aragno wax weyn in laga qabtey arrimaha dhalinyarada gaar ahaan shaqo abuurka. Hase-yeeshee anagoo aan weli ku deg-degin dhaliil arinkaas ku saabsan maadaama ay hal sano un jirto Xukuumadda ayaa waxaa aad u tiro batey sheegashada Xukuumadda Kheyre ee ku aadan inay wax weyn ka qabteen arrimaha Shaqo abuurka. Waxaa uu Raysul-wasaaraha dhowr jeer sheegey in Xukuumadiisu ay abuurtey in ka badan 5,000 oo shaqo. Qaar kale oo taageerayaashiisa ahna waxayba ka dhigeen ilaa 15,000 oo shaqo in la abuurey! Aniga ka shaqsi ahaan waxaan waayey wax la taaban karo oo horumar ah inay Xukuumadda ka sameysey arinkan. Waxaan baarey in Xukuumadda ay qoratey wax shaqaale ah, balse waxaan ogaadey in hal qof oo shaqaale cusub ah oo galey liiska shaqaalaha dawladda Soomaaliya aaney jirin. Waxaana daliil fudud u ah miisaaniyadda la meel mariyey sanadkan 2018 in aaney ku jirin wax shaqaale cusub ah. Basle waxaa jira Barnaamijka loo yaqaan “Capacity Injection” oo uu maalgeliyo Bankiga Adduunka oo ay Xukuumaddii Xasan Sheekh heshiis la gashey inuu shaqaaleysiiyey ilaa 100 qof oo nidaam tartan ah loo marey. Sidoo kale ma haayo war-bixin la isku halayn karo oo ka hadlaysa tirada shaqooyinka ay abuureen shirdaha gaarka loo leeyahay iyo hay’adaha gargaarka. Marka aan dib u milicsano sanadihii hore, sanad kasta shaqaalaha dawlada koror ayay sameynayeen marka laga reebo sanadkii 2017. Wadarta guud oo ay dawladu mushaarka siiso waa 5,406 oo la shaqaaleysiiyey Xukuumaddii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kuwii ka horeeyey. Tusaale, sanadkii 2016 waxaa la shaqaaleysiiyey 834 oo 658 ay rag yihiin halka 176 ay gabdho yihiin sida lagu sheegey warbixinta Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Dawladda. Gabo-gabadii waxaa aan qormadan u qorey in aan muujiyo in Xukuumadda ay ka gaabisey dhanka shaqo abuurka iyo arrimaha dhalinyarada waxaanse rajeynayaa in sanadkan bilowdey ay wax badan bedelo doonto inkastoo aaneyba ku xisaabtamin maadaama aaney Miisaaniyadda 2018 ku jirin wax shaqo abuur ah. Waxaa qorey: Senator Hussein Sheikh Mohamud The post Xog & Gorfeyn: Maxaa ka run ah horumarka ay Xukuumada ka sheeganeyso dhanka Shaqo Abuurka? appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa warqado casuumaada u kala diray Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada kale ee ka jira dalka. Gaas, ayaa casuumaada ku bixiyay magaca Golaha Iskaashiga maamul goboleedyada, waxa uuna casuumaadiisa ku saleeyay kasoo qeybgalka shir ka dhici doona magaalada Garowe 20-ka bisha Maarso ee soo socoto. Hogaamiyuhu waxa uu sheegay in shirkaasi looga arrinsan doono arrimo ku saabsan horumarka maamul goboleedyadda ka jira dalka, waxa uuna ku baaqay in laga jawaab celiyo casuumaadiisa. HOOS KA AKHRISO WARQADA CASUUMAADA The post Akhriso: C/wali Gaas oo shir degdega isugu yeeray Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada (Ujeedka) appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warbixin kooban oo kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Sudan Cumar al-Bashir ayaa waxaa lagu sheegay in dowlada Sudan ay garabsan doonto dowlada Ruushka oo ku firfircoon dhanka Militeriga. Qoraalka oo uu ku saxiixnaa Madaxweynaha dalkaasi Cumar al-Bashir ayaa waxaa lagu sheegay in dowlada Sudan aysan ka maarmi doonin in la xoojiyo awooda ciidanka Militeriga. Waxaa lagu sheegay in sidaa aawgeed ay bilaabi doonaan barnaamij uu la yeelanayo Ruushka oo looga golleeyahay sidii loo xoojin lahaa awoodda milatari ee Sudan. Madaxtooyadu waxa ay qorshahaasi ku sheegtay in lagu horumarinaayo ciidamada Sudan si ay uga hortagaan wax kasta oo khatar ku ah jiritaanka iyo amniga dalka. Nuqul kamid ah qoraalka kasoo baxay Xafiiska al-Bashir ayaa ahaa “Waxaan diyaar u nahay inaan wajahno khatar kasta oo ka dhanka ah dalkayaga,” Iskaashiga milatari ee ka dhaxeeya Khartoum iyo Moscow, ayaa la sheegay inuu sii xoogeysan doono wixii ka danbeeya 2018 oo uu al-Bashir ku sheegay inay tahay mid lagu kobcinaayo awooda ciidamada. Hadalka ayaa yimid ka dib markii Madaxweynaha Sudan uu booqasho ku tagay Moscow bishii November, kaas oo uu ka codsaday dhigiisa Ruushka Vladimir Putin in uu ka “ilaaliyo”dalkiisa Maraykanka sida lagu sheegay warbaahinta dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Sudan oo awoodeeda Militery hoos geyneysa Dowlada Ruushka & al-Bashir oo ku dhawaaqay sababta (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
-
Court proceedings have been continued again for a Somali man charged with second-degree murder in connection with a fatal motorcycle accident in October 2017. Source: Hiiraan Online
-
Israeli fighter jet crashes under Syria fire, military says
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
An Israeli fighter jet has crashed amid Syrian anti-aircraft fire after an offensive against Iranian targets in Syria, the Israeli military says. Source: Hiiraan Online -
Waraaq lagu faafiyey baraha bulashada kana soo baxday Xafiiska Ra’isul Wasaaraha, oo ku saxiixanyahay Ra’isul Wasaare ku Xigeenka Mudane: Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa si garab marsan sharciga iyo dawlidnimada Soomaaliya markale ay Shirkadaha caadaystay musuqmaasuqa loogu abaabulay shakhsiyaad u badan dad shaqaale u ah shirkadaha in Ra,iisul wasaare kuxigeenku ugu saxiixo heshiiska xajka sanadkan kadib markay shirkadahaasu caqabado kala kulmeen Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo iyadu baahisay in loo furayo shirkadaha Soomaalida in ay ka qaybqaataan xajka. Shirkadaha duulimaadka Jubba iyo Daalo ayaa dhowr iyo tobonkii sano ee udanbeysay si xoog iyo laaluush ah ku maamulanayay xajka iyo cumrada Soomaaliya, hase ahaatee kolkii la islahaa waddanka waxaa ka dhacay isbadal, madaxda qaranka manta waxey dhaami doonaan wixii lasoomaray, arrinku waxuu noqday kadaroo dibi dhal. Waxaa jira in sanad waliba labada bilood u horreysa wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta lasoo saxiixato heshiiska xajka Wasaaradda Xajka iyo Cumarada ee Sacuudiga, mar waliba shirkadda jubba iyo daalo waxey wax walba ku bixiyaan sidii kaligood loogu qori lahaa fulinta xajka, hase ahaatee sanadkan 2018 wasaaradda ayadoo latashaneysa xukuumadda iyo madaxda qaranka waxey go’aansatay in galka xajka kusoo celiso gacanta dowladda si loogu naxariisto xaajiga aan helin adeegyada uu xaqa ulahaa, qiimaha lagu xajiyana loogu saleeyo awoodda muwaadinka soomaaliyeed. Hadaba Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta waxey soo saartay 06/01/2018 Warmurtiyeed caddeynahaya in Maamulka Xajka Wasaaraddu masuul uga tahay xukuumadda iyo shacabkaba, dhammaan shirkadaha ka shaqeeya xajka iyo cumrada waxaa loo furay in ay usoo tartamaan ka shaqeynta xajka, si ay isu diiwaan galiyaan laga billaabo taariikhda 07/01/2018, waxaa wasaaradda si sharci ah isaga soo diiwaan galshay dhowr iyo tobon shirkadood oo ka shaqeyn doona xajka sanadkan 1439 / 2018. Nuxurka Warmurtiyeedka Wasaaradda waxuu ku dhisnaa xog uruurin iyo Talo soojeedinno ka kala yimi Guddiyada Diinta Barlamaanka Aqalka Sare, Golaha Shacabka iyo dhamaan wasaaradaha ay khusayso arrimaha Xajka, hay`adahaas dhamaantood waxey ku taliyeen in maamulka xajka iyo cumrada ay dowladu lasoo wareegto si Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee adeegga bixiya loo helo jiho madaxbanaan oo korjoogtaysa kulana xisaabtanta adeega ay bixinayaan, xaajiga Soomaliga ahna u xajiyo si lamid ah shucuubta muslimka ah ee hadda uu aadka uga liito , Wasaaraddana Awqaaftuna ufurto dhammaan shirkadaha xajka in ay usoo tartamaan fulinta xajka waana midda ay wasaaradda ku dhaqaaqday. Hase yeeshee warqad uu ka soo abaabulay sacuudiga ninka layiraah ABUUKAR XASSAN IBRAHIM (Abuukar Kowsar ama Abuukar Jubba looyaqiin) oo ah Wakiilka Jubba ayaa waxaa ku cadaadiyey Raisul Wasaare Cali Xassan Kheyrre iyo Raisul Wasaare xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ninka layiraah Saciid Nuur Giriirsh oo ah Xildhibaan katirsan Barlamaanka ahna Milkiilaha shirkadda jubba si uu u helo sad bursi una sii ilaashadaan lacagaha malaayiinta doolar ah ee uga soo xaroota, Xildhibaan Siciid waxuu barlamanka usoogalay in uu difaacdo sidii uu ula gaar ahaan lahaa howsha xajka. Waxaa layaab leh in Jubba iyo Daalo ku guuleysteen adeegsiga madaxda qaranka iyo madaxda qunsuliyadda soomaalida jidda, ninka layiraa Axmed Maxamuud Diiriye looyaqaan (Macruuf) waa ku xigeenka Qunsulka jidda u fadhiya dalka in uu kamidyahay mas’uuliyiinta sida gaarka ah ugu shaqeeya Shirkadda jubba, mar walbana u sahla waraaqaha musuqmaasuqa loogu qoro wasaaradda xajka iyo cumrada sacuudiga si loogu tagrifalo awoodda looguna naas nuujiya shirkado si gaar ah looleeyahay, qofka isticmaala marwaliba qusuliyadda iyo safaaraddaba waa Abuukar Jubba oo caqabad ku ah in xajka ay maamusho xukuumadda soomaalida iyo wasaaradda diinta ee ay quseyso. Waxaa xusid mudan in Qunsulka qunsuliyadda jidda Mudane: Siyaad Shire laga fogeeyay xubnahan sida sharci darrada ah loosameeyay, sababtuna tahay asaga oo kamid ah mas’uuliyiinta doonayo in xajka loosoo celsho wadadiisii saxda ahayd, wasaaradda awqaafta iyo diinta maamusho, umaddana cadaalad loogu qeybsho, taas oo keentay in lagala dhuunto xitaa wafdiga. Ilo xog ogaal ah waxaan ka helnay in laba jeer liiska wafdiga ladhoodhoobay labadalay, Shirkadda Daalo marki hore qofna uguma jirin qeyla dheer iyo markii madaxooda Dubai Mr. Colaad yimid Xamar afkana furtay si xubnaha wafdiga loogu daro xubno uu ku kalsoonyahay, waxaana la sheegay in Khadar Beyle oo kamid ah wafdiga sharcidarada ah, ahna wakiilka Shirkadda Jubba ee Hargeysa uu qaraabo dhaw la yahay Ra`usal Wasaare Kuxigeenka Mahdi oo ah isagu ninka u bareeray in qalinkiisa iyo mansabkiisa loo isticmaalo wax isdaba marinta iyo musuqmaasuqa Xajka sanadkan. Waxaa sidoo kale ku jira wafdigan ladhoodhoobay 4 nin oo dhamaan kasoo wada jeeda qoyska Raisul wasaare ku xigeenka ah, Raisul Wasaare ku xigeenka, Khadar Maxamuud jaamac (Beyle) oo lagu qoray madaxa Maaiyadda xajka ahna kuxigeenka madaxa xajka sanadka2018, Xamdi cabdiraxmaan Ismaaciil, iyo Mustafe Dagaal oo ah u qaybsanaha arrimaha Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Soomaaliya, waxaa mudan in la isweydiiyo aaway gobolladii kale. Wararku waxy intaa ku darayaan in aanwax wada tashi ama lasocodsiin ah lalama yeelan Dowlad Gobaleedyada iyo Wasaarada ay khusayso arrinta, si dhuumasha ahna loogu gudbiyey dhinaca Sacuudiga. Warar ayaa sheegaya in dhinaca Sacuudiga laga soo diiday wafdiga la dhoodhoobay ee Ra`isal wasaare ku xigeenka maadaama ay sii haysteen Wasaarada Xajka ee Sacuudiga liiska wasaaradda diintu soo gudbisay bishii Diiseembar ee sanadkii hore. Waxaa ku jira wafdigan sida qarsoodida lagu sameeyay Maxamed xaaji ibraahin Shariif iyo Xamdi Cabdiraxmaan Ismaaciil oo ka tirsan Wasaaradda awqaafta & diinta ahna shakhsiyaad xiriir dhaw oo wada shaqayn lalleh Shirkadaha gunooyina ka qaata si joogta ah. Ninka lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cali Aadan oo ah sarkaal ka tirsan shirkadda Jubba si gaadh ah ula shaqeeya Wakiilka Jubba ee sacuudiga Abukar Xassan Ibraahin, waxaa lagu qoray ku xigeenka madaxa Masaaraka elektarooniga si sadbursi ugu sameeyo Jubba iyo Daalo, una ilaaliyo xuquuqda Jubba si gaar ah, dadkan waa dad aan ka tirsaneyn Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta, nasiib darrase lagu wada taxay jagooyinka wasaaraddu xaqa uleedahay in ay u magacawdo shaqaalaheeda si sihufan loogu fuliyo xajka. Waxaa ku jira Liiska uu saxiixay Ra`iisul Wasaare ku xigeenku shakhsiyaad Xukuumada ka tirsan oo la dhihi karo waa lagu qurxiyey ama lagu xalaalaysanayaa magacooda boobkan ay shirkadahu wadaan, shaksiyaadkaasu waxay kala yihiin Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cabdixakiin Ashkir oo isla asagu hogaaminaya Wafdiga laga garab magacaabay wafdigan xaaraanta ah, iyo Safiirka Soomaliya ee Riyaad Daahir Geele oo aan la ogayn in la war galiyey balse looga jeedo Masuulka ugu sareeya Safaaradda ayaa wafdiga ka mid ah, sidoo kale waxaan ilaa hadda aan hubin sida uga warqabo Agaasime Mustafe Dagaal oo laga yaabo ujeedada loogu daray iyana in ay tahay maadaama uu si dhaw ula socdo xiriirka wadamada Carabta ugu yaraan in uu indhaha ka qabsado heshiiskan. Masuuliyantan ayaa looga fadhiyaa in ay magacooda ka fogeeyaan ka qaybnoqshada wafdigan sharci darrada ah. Sida aan ka helnay ilo wareedydo lagu kalsoonaan karo waxaa jirtay in casuumaaddii saxiixa maxdarka (Heshiiska) xajka sanadkan oo lasoo saxiixi doona bartamaha bisha feberaayo uu soogaaray wasaaradda bishii December, 2018, wasaaradduna dirtay xubnaha wafdiga umatali doona saxiixa heshiiska wasaaradda xajka iyo cumrada sacuudiga, wafdigan ladiray waxaa hogaaminaya Kusimaha Wasiirka Wasaaradda ahna Wasiiru Dowlaha Mudane Cabdixakiin Xassan Ashkir, waana lasoo aqbalay, dalkugalka (Vissaha) wafdigan sharciga ah wey kasoo qaateen safaaradda sacuudiga ee somaaliya dagan kenya sida kumeel gaarka ah, sidaan ogaanay wasaaradda waxey ku wargalisay arrinkan dhammaan madaxda qaranka, hase yeeshee si bareer ah ayuu Raisul wasaare ku xigeenka u saxiixay warqadda kale qarsoodida ah si wax gaar ah loogu sameeyo jubba iyo daalo, loona garab maro wasaaraddii shaqadan laheyd, muwaadiniinta soomaaliyeedna loo duudsiiyo xuquuqdoodii, xujeyda soomaaliyeedna ugu sii jiraan dhibka iyo adeeg xumida xajka ay ku hayaan jubba iyo daalo. Labadan shirkadood had iyo jeeraale waxey ku faanaan in ay awood uleeyihiin ridida wasiirada awqaafta iyo arrimaha diinta midka ay isku fahmi waayaan arrimaha xajka, sida wasiirkii u danbeeyay ee xilka laga qaaday Xildhibaan Dr. iimaan Cabdullaahi Cali oo xog lagu kalsoonaan karo ay sheegeysa in ay lug kulahaayeen xil kaqaadistiisa, kadib markuu yiri maamulka xajka waa in uu kusoo noqdo gacanta wasaaradda iyo dowladda, shirkadaha soomaaliyeedna usinnaadaan fulintiisa, markii danbe waxaa la bareeshar gareeyay madaxda qaranka si xilka uga qaadaan. Waxaa sidoo kale waxaa socda qorshe ay kula dagaalamayaan masuuliyiinta wasaaradda oo uu ugu horeeyo Wasiiru Dowlaha iyo Wasiir ku xigeenka oo iyaguna qaaday wadadii galaafatay masuuliyiintii ka horeysay ee ahayd Xajka Wasaaradu ha maamusho. Akhriso warqadaan. Puntlandi.com
-
KISMAYO (HOL) - The Committee to Protect Journalists (CPJ) on Friday called on Jubbaland authorities to immediately release Sabir Abdulkadir who was arrested on Thursday. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi, February 09, 2018--Somali authorities should immediately release Sabir Abdulkadir Warsame, a broadcast journalist with the privately owned Somali Cable TV, the Committee to Protect Source: Hiiraan Online
-
Washington DC (Caasimada Online) – Sida ay baahisey wakaaladda wararka ee Reuters, dawladda Maraykanka ayaa maanta oo Jimce ah sheegtay inay cunaqabatayn ku soo rogtey saddex qof iyo saddex shirkadood oo ka soo kala jeeda waddamada Philippines, Turkey, iyo Somalia, kuwaas oo lagu eedeeyey inay taageeraan kooxda argagaxisada ah ee Dawladda Islaamiga ah (IS). Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka ayaa bayaan ay baahisay ku xustay inay cunaqabataysay mudane Abdulpatta Escalon Abubakar, waxana lagu eedeeyey in uu maaliyad ahaan u taageeray Dawladda Islaamiga ah iyo shabakaddeeda waddanka Philippines. Waxa kale oo ay cunaqabatayn ku soo rogtey mudane Yunus Emre Sakarya iyo shirkaddiisa Turkiga ee Profesyoneller Elektronik iyada oo lagu eedeeyey inay qalab diyaarad ciidan ah ka gadday Dawladda Islaamiga ah. Ugu danbayntii, waxa bayaanka lagu xusay in sidoo kale la cunaqabateeyey mudane Maxamed Mire Cali Yuusuf iyo labadiisa shirkadood ee Liibaan Trading & Al Mutafaq commercial Company, oo lagu eedeeyey inay taageerto hawlaha Dawladda Islaamiga ah ee Soomaaliya. The post Mareykanka oo cunaqabateyn saaray nin Soomaali ah iyo laba shirkad oo uu leeyahay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Agaasimihii hore ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Somalia, Cabdullaahi Maxamed Cali ‘’Sanbaloolshe’’, ayaa mar kale bixiyay wareysi lagu turxan bixinaayay su’aalo ka dhashay Wareysi hore oo uu bixiyay. Sanbaloolshe, oo u waramaayay HCTV ayaa si qoto dheer uga hadlay ujeedka uu ka lahaa erayo dadban oo si hoose uu ugu dhaga hadlay Madaxda Villa Somalia kuwaa oo ku saabsanaa xil ka qaadis lagu sameeyay iyo warar sheegaya in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay dhaqaale ku bixisay guul daradii kasoo gaartay doorashadii ka dhacday magaalada Jowhar. Sanbaloolshe, ayaa mar kale ku adkeystay in guul darada kasoo gaartay doorashada ka dhacday magaalada Jowhar ay sabab u tahay dowlada Somalia, gaar ahaan shaqsiyaad ku dhow dhow Madaxweynaha Qaranka, sida uu hadalka u dhigay. Sanbaloolshe, ayaa wareysigiisa cusub uga hadlay arrimo kale oo dhowr ah oo ay ka mid tahay sababta uu ku waayay xilkiisa NISA, waxa uuna sheegay in xilkaasi uu ku waayay Qaraxii ka dhacay Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Waxa uu sheegay in xilka laga qaaday isagoo dultaagan aaska Sarkaal ka tirsanaa ciidamada NISA oo lagu dilay weerarkii ka dhacay Hoteel Naasahablood ee magaalada Muqdisho. HOOS KA DAAWO WAREYSIGA CUSUB EE UU MAR KALE BIXIYAY SANBALOOLSHE The post Daawo: Sanbaloolshe oo mar kale bixiyay wareysi “Qaraxii Zoobe ayuu marmarsiyo u ahaa xilka leyga qaaday” appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay inay katashtaan aayahooda Qaranimo. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dal waliba uu dhisto dadkiisa, waxa uuna ku taliyay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay dib u jileecaan dhowr iyo labaatankii sano oo aysan heysan dowladnimada. Waxa uu sheegay in baaqiisa uu yahay mid si gaara ugu socda dhalinyarada Soomaaliyeed qeybahooda kala duwan, gaar ahaan kuwa ku jira al-Shabaab ee loo adeegsanaayo burburka dalkooda. Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay in dhalinyarada Al-shabaab ay wali u heystaan fursad ah inay isa soo dhiibaan, isla markaana ay dhankooda ka ballanqaadi doonaan inay magangalyo siin doonaan. Madaxweyne Farmaajo ayaa markale ku celiyay in dhalinyarada ka bar-bar dhagaalanta Shabaab ay ka mid noqon karaan dowladda, ayna cafis u fidinayaan. Waxa uu xusay in ay diyaar u tahay Dowladdu soo dhaweynta al-shabaab xubnaha ka tirsan haddii ay isa soo dhiibayaan, isagoona sheegay inay sii wadi doonaan wada hadalka al-Shabaab. Dhinaca kale, Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa u ballan qaaday dhalinyarada ka tirsan al-Shabaab inay heli doonaan hoy iyo nabad haddii ay isa soo dhiibaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxaa kaaga baxay fariinta cusub ee uu Farmaajo u diray al-Shabaab? appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Maraykanka ayaa maanta oo Jimce ah sheegtay inay cunaqabatayn ku soo rogtey saddex qof iyo saddex shirkadood oo ka soo kala jeeda wadamada Philippines, Turkey, iyo Somalia, kuwaas oo lagu eedeeyey inay taageeraan kooxda argagaxisada ah ee (IS). Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka ayaa bayaan ay baahisay ku xustay inay cunaqabatayn saartay Maxamed Mire Cali Yuusuf iyo labadiisa shirkadood ee Liibaan Trading & Al Mutafaq commercial Company, oo lagu eedeeyey inay taageerto hawlaha kooxda Daacish ee Soomaaliya. Sidoo kale waxaa cunoqabatayntan lagu soo rogay Abdulpatta Escalon Abubakar, waxana lagu eedeeyey in uu maaliyad ahaan u taageeray Dawladda Islaamiga ah iyo shabakaddeeda waddanka Philippines. Waxa kale oo ay cunaqabatayn ku soo rogtey mudane Yunus Emre Sakarya iyo shirkaddiisa Turkiga ee Profesyoneller Elektronik iyada oo lagu eedeeyey inay qalab diyaarad ciidan ah ka gadday Dawladda Islaamiga ah. Dowladda Maraykanka ayaa hore cunoqabatayno la mid ah tan waxa ay ugu soo rogeen muwaadiniin iyo shirkado. Puntlandi.com
-
Madaxweynaha dowladda Puntland ahna guddoomiyaha Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada dalka,Dr. Cabdiweli Maxammed Cali (Gaas) ayaa shir ku casumay dhammaan madaxda afarta dowlad gobobeed ee Galmudug,Koofur Galbeed,Hirshabeelle,iyo Jubbaland. Mudane. Gaas ayaa ku wargeliyay madaxda dowlad gobobeedyada in ay ka soo qeybgalaan shirka labaad ee Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada dalka,kaasoo 20 bisha Maarso lagu qabadanayo magaalada Garoowe,sida ku cad warqad ka soo baxday Xafiiska madaxweyne Gaas oo ay heshay warbaahinta PUNTLAND POST. Shirka ayaa lagu sheegay mid looga tashanayo arrimo khuseeya danaha dowlad goboleedyada iyo guud ahaan dalka Soomaaliya,balse lama sii faahfaahin arrimahaasi. Halkaan ka akhriso The post Madaxweyne Gaas oo shir isugu yeeray Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Maraykanka ayaa jimcihi maanta sheegtay in ay cuna-qabateyn ku soo rogtay saddex qof iyo saddex shirkadood oo ka hawlgala,Philippines,Turkey iyo Soomaaliya,kuwaasoo lagu eedeeyay in ay tageeraan mintidiinta Daacish. Waaxda Maaliyadda Maraykanka ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ay cuna-qabateyn ku soo rogtay Abdulpatta Escalon Abubakar oo lagu eedeeyay in uu taageero dhaqaale iyo agab ugu deeqay Daacish iyo shabakadeeda dalka Philippines. Sidoo kale Yunus Emre Sakarya iyo shirkaddiisa Profesyoneller Elektronik oo fadhigeedu yahay dalka Turkey ayaa cuna-qabateyn lagu soo rogay,waxaana lagu eedeeyay in uu Daacish u sahlay helitaanka qeybo kamid ah diyaaradaha is-wada. Mohamed Mire Ali Yusuf oo ah nin Soomaaliya iyo shirkadihiisa, Liibaan Trading iyo Al Mutafaq Commercial Company ayaa sidoo kale cuna-qabateyn la saaray ,waxaana lagu eedeeyay dhaqdhaqaaqyo lagu taageerayo Daacishta Soomaaliya Xigasho:-Reuters News Agency PUNTLAND POST The post Maraykanka oo cuna-qabateyn saaray laba kamid ah shirkadaha waaweyn ee Puntland laga leeyahay iyo kuwa ajnabi ah. appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu – IOM, the UN Migration Agency, in partnership with the Immigration and Naturalization Directorate of Somalia (IND), hosted a three-month long capacity building exercise, training 71 migration officials to enhance client service delivery and operations at the Mogadishu International Airport (MIA). The training included customer care and basic English language skills, and finished this last week (04/02). “Immigration officers’ role at the POE is valuable work; they are stationed at the check points and responsible to implement the country’s policy as well as regulations,” explained said Col. Mohammed Adam Jimcale (Kofi), Director General of the IND. “Foreign and domestic clients are in direct contact with our officers and it is to this end that IOM has supported the officers to improve their communication skills. I thank our government counterparts, the donor and IOM.” The trained immigration officers, all based at the MIA, benefited from one-month intensive classroom-based and on-the-job training. Apart from the adult learning approaches employed to optimize learning, the trainees also had access to an online platform where additional course material and videos were posted for their use. Training was tailored to mirror the typical scenarios and conversations that commonly occur between travellers and immigration officers at MIA, rendering the lessons relevant and practical for adoption at work. Speaking at the closing ceremony, IOM Somalia Immigration and Border Management Programme Officer Stephen Matete said: “IOM continues to work with the Federal Government, to improve essential migration management capacities through training of hundreds of immigration and security officers, provision of equipment and IT systems for passenger inspections, development of the department through diaspora placements and rehabilitation of major regional ports-of-entry.” Immigration officers are at the front line in identifying and dealing with crimes related to illegal immigration. Enhanced communication among officers enables them to effectively enforce immigration law and best protect the interests of the country as they carry out IND’s mission at their posts of duty. The close to 4,000 mixed migrants who arrive at, depart from and transit through Mogadishu International Airport each week are to benefit from enhanced service delivery at the Point of Entry. IOM
-
It’s a classic immigrant story: a young enterprising person leaves home in search of opportunity. She moves to a different country, finds a job, works hard and moves up the career ladder (or “jungle gym”, as it is sometimes referred to in Silicon Valley). Despite the unfamiliar cultural and linguistic terrain, this newly minted professional finds success. Maybe she builds her own company or goes on to join or invest in others. Once rooted in her new home, she feels a sense of gratitude and deep loyalty towards her adoptive country. She also feels a sense of responsibility toward those left behind; she wants to give back but isn’t going to move back. Source: Hiiraan Online
-
Popular Contributors