Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    205,632
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa xaflad soo dhoweyn ah loogu sameeyay Magaalada Ankara ee dalka Turkiga. Xaflada soo dhaweynta oo ay soo qabanqaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Turkiga ayaa waxaa kasoo qeyb galay boqolaal Soomaali ah oo xafladasi ku maamusay Duqii hore ee Caasimadda Soomaaliya oo haatan ku sugan dalka Turkiga. Khudbad dheer oo uu ka jeediyay xafladda ayuu Taabit ka sheegay waxyaabihii uu ka kororsaday intii uu xilka hayay, isagoo sheegay inaysan dalka ka jirin amni darro balse ay ka jirto kalsooni daro, wuxuuna si weyn u amaanay doorka dhalinyarada Soomaaliyeed ee nabadda dalka ka qaadan karaan. Taabit ayaa Munaasabadda waxa uu ka jeediyay khudbd uu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaalada Siyaasadeed ee dalka iyo waxyaabihii uu ka bartay intii uu xilka ka hayay Gobolka Banaadir. Waxa uu sheegay in intii uu hayay xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir uu ogaaday in dalka aysan ka jirin amnidaro balse ay ka jirto kalsooni daro,taasina ay ugu wacan tahay in aan la ilaalin karaamada Dhalinyarada Soomaaliyeed. Sidoo kale waxa uu hadlkiisa intaasi raaciyay in loo baahan yahay in la dhiso kalsoonida Shacabka si loo helo amni buuxa. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/02/Taabit-Cabdi-Duqii-Hore.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.coma The post Dhageyso: Taabit Cabdi” intii aan xilka hayay waxan arkay in dalka kalsooni daro ay ka Jirto” appeared first on Caasimada Online.
  2. Balacad (Caasimadda Online) – War Goordhow soo gaaray Caasimadda ayaa waxa uu sheegayaa in meel u dhow tuulada gololeey ee degmadaasi Balcad uu ka socdo dagaal culus. Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in dagaalka uu u dhaxeeyo ciidamo ka tirsan kuw AMISOM iyo Al-Shabaab. Dagaalka ka hor ayaa la sheegay in Ciidamada AMISOM lala eegtay qarax Miinada nooca dhulka lagu aaso ah isla markaana ay xigtay rasaas xooggan oo dadka deegaanka ay maqlayeen. Dagaalka ayaa sigaar ah wax auu uga socdaa deegaan lagu Magacabo Ilbaq oo u dhaxeeya Tuulada Gololeey iyo Ceelka Geeloow oo ay fariisin ku leeyihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga Soomaaliya. Dhank kale Darawalkii gaari kuwa xamuulka qaada ah ayaa ku dhintey kaaliyihiisana wuu ku dhaawacmay kadib markii saaka ay miino kula qaraxday gaari ay wateen duleedka degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe. Gaarigan oo saaka ka tegey degmada Balcad ayaa marayay halka loo yaqaan Haan Shiiq oo dhinaca Waqooyi qiyaastii 7km ka xigta degmada Balcad xilligii ay miinadu la qaraxday. Meydka darawalkii gaariga oo la oran jirey Bishaar oo ahaa nin dhalinyaro ah oo degen degmada Balcad iyo kaaliyihiisii ayaa la geeyay degmada Balcad. Halka ay miinadu kula qaraxday gaarigan oo ahaa nooca Daynada loo yaqaan ayaa waxaa hore ay miino ugula qaraxday gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM iyo kuwa Milatariga Soomaaliya hase yeeshee waa markii ugu horeysay oo gaari dad rayid ah ay wateen ay miino kula qaraxday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.coma The post Deg deg :-Dagaal xoggaan oo ka socda duleedka Degmada Balcad appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha G/Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa wajahaya cadaadiskii ugu weynaa oo ka dhashay markii uu shaqada ka joojiyey shaqaale ku dhow 100 oo ka tirsan maamulka G/Banaadir. Guddoomiye Yariisow ayaa shaqada ka joojiyay shaqaalihii uu qoray maamulka G/Banaadir bilihii Disembar 2017 iyo Janaayo 2018, waxaana inta badan shaqaalahaasi soo qortat xoghayihii hore ee Gobolka Banaadir Zubeyda Maxamed Mukhtaar iyadoo uu qeyb ku lahaa guddoomiyihii hore. Xubnahan oo shaqada looga joojiyey wareegto kasoo Guddoomiyaha cusub ayaa waxaa ka mida guddoomiye ku xigeeno ka tirsan maamulka G/Banaadir, waxaana arrintan ka hor yimid wasiiro, xildhibaanno iyo nabadoono waaweyn oo Guddoomiye Yariisow cadaadis ku saaro in qaar ka mida shaqaalahaasi oo ay iyaga keensadeen uu shaqada kusoo celiyo. Wararka ayaa sheegaya in guddoomiya Yariisow dib u soo celin doono ugu yaraan qaar ka mida shaqaalaha uu eryay oo garabka ka heysta shaqsiyaadka dowladda, taasoo macne tireysa amarkii hore uga soo baxay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.coma The post Xog: Guddoomiye Yariisow oo Cadaadis weyn uga yimid Shaqaale uu ka ereyay Maamulka G/Banadir appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaa laga helay Meydadka dagaalyahaano ka tirsan al-Shabaab. Meydadka ayaa waxaa la wareegay Booliska Kenya waxaana lasoo sheegayaa in tiro ahaan ay gaarayaan ilaa Seddex Meyd oo la dul dhigay calanka madow oo ay caanka ku yihiin Shabaabka. Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in Seddexda Meyd ay ka reebeen maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ay booliska ku leeyihiin Gobolka Wajir ee waqooyi bari dalkaasi. Stephen Ngetich oo ah Taliyaha booliska gobolka Wajir ayaa sheegay in Seddexdaas dagaalyahaano ay ku dhinteen dagaal socday laba saacadood oo u dhaxeeyay ciidamada iyo maleeshiyaadka oo ka dhacay saldhiga booliska ee Kutulo. Taliyaha ayaa xusay in dagaalamayaal kale oo Al-shabab ah ay u baxsadeen dhinaca Keymaha, isla markaana ay ku jireen dhowr dagaalamayaal oo dhaawac ah. Sidoo kale, Taliye Stephen Ngetich ayaa tilmaamay inay isku baahiyeen dhinaca iyo xuduuda Kenya iyo Somalia si loo dabagalo kooxdii kale ee ka baxsatay weerarkaasi. Dhinaca kale, Booliska ayaa sheegay in ay bilihii lasoo dhaafay ay la daala dhacayeen weeraro Al-shabab uga imaanaya dhinaca xadka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Kenya oo soo bandhigtay Meydadka Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab (Sawir) appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Jabhadda ONLF ayaa sheegtay in hadalka madaxweyne Farmaajo ee ahaa inuu raacsan yahay go’aankii baarlamaanku ka qaateen dhiibista Qalbi Dhagax uusan ku soo beegmin waqtigiisa. Afhayeenka jabhaddaasi Cabdulqaadir Xasan Hirmooge oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog ayaa sheegay in dhiibista Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax laga joogo muddo dhan Lix Bil islamarkaana madaxweynaha uusan ka hadlin intaas. Waxa uu sheegay in dhiibista Qalbi Dhagax oo dowladdu ay ku wareejisay Itoobiya bishii August ee sanadkii la soo dhaafay ay ka dambeeyeen madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo taliyihii hore ee hay’adda nabad sugidda Soomaaliya oo xilkaas laga qaaday waa sida uu hadalka u dhigaye. Afhayeen Hirmooge ayaa ka hadlay xaaladda caafimaad ee Cabdikariin Qalbi Dhagax oo uu tilmaamay inuu ku xanuusanayo xabsi nabad sugidda Itoobiya maamulaan oo ku yaalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Halkaan hoose ka dhageyso hadalka ONLF https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/02/WAREYSI-AFHAYEENKA-ONLF-11-02-2018-2.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.coma The post ONLF “Farmaajo waqti aan la rabin ayuu taageeray go’aankii Baarlamaanka ee Qalbi Dhagax” appeared first on Caasimada Online.
  6. Ciidamadaan oo tiradooda aheyd 160-askari oo katirsanaa ciidamada maamulka Soomaaliland ayaa isku dhiibay ciidamada Puntland . Ciidamadaan ayaa waxa ay ku sugnaayeen deegaanka Caraweyn Ayaa si rasmi ah isugu dhiibay shalay galinkii dambe ciidamada Puntland. Ciidamadaan ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Buuhoodle waxaana halkaasi warbaahinta kula hadlay taliyihii hogaaminayay iyo xildhibaano katirsan Puntland. Gaashaanle Sare Cabdirisaaq Cismaan Gar’adag oo hogaaminayay ciidamadaan ayaa sheegay in ay ka soo goosteen Soomaaliland islamarkaasina ay ku biireen Puntland. Dhinaca kale waxaa halkaasi ka hadlay Xildhinaabo katirsan Puntland iyaga oo sheegay in ay si aad ah u soo dhoweeynayaan ciidamadaaan isku dhiibay Puntland. Wali Soomaaliland wax war ah kama soo saarin ciidamadaan isku dhiibay Puntland. Baryihii ugu dambeeysay waxaa xiisado colaadeed oo u dhaxeeya Puntland iyo Soomaaliland ay ka taagnaayeen Deegaano katirsan Gobolka Sool. Hoos ka Dhageyso Codka http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/02/Ciidamo-isku-Dhiibay-Puntland.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Faah Faahin: Ciidamo katirsan Soomaaliland oo isku Dhiibay Puntland appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamulka jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay waxa hortaagan maqaam u sameynta caasimadda iyo arrinta Gobolka Banaadir. Isagoo ka hadlayey xaflad sagootin ah maamulka G/Banaadir xalay u sameeyay madaxda maamul gobaleedyada ayuu sheegay in arrinta Maqaamka Caasimadda marba cid loo saariyo, muddo dheerna ay soo jiitameysay, haddana lagu heshiiyay in la dedejiyo. Axmed Madoobe ayaa ku dooday in Maqaamka Caasimadda in maqaamka caasimadda uu yahay arrin Dastuuri ah, iyadoo ay dan ugu jirto qof walba oo Soomaali in la caddeeyo maqaamka caasimadda. http://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2018/02/Axmed-Madoobe.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.coma The post Dhageyso: Axmed Madoobe oo kashifay cidda hortaagan Maqaam loo sameeyo Caasimadda Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  8. Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo qudbad ka jeediyay Munaasabad Casho Sharaf aheyd oo ay ka qeeyb galeen madaxda maamul Goboleedyada iyo Ra’isilwasaaraha ayaa ka hadlay arimo la xariira Maqaamka Muqdisho. Axmed Madoobe ayaa sheegay in Maqaamka Muqdisho ay faa’iido badan ugu jirto umadda Soomaaliyeed isaga oo ku baaqay in si deg deg ah loo dhiso loona cadeeyo maqaamka Muqdisho. Waxa uu Axmed Madoobe ku baaqay in madaxda dalka aanay isku haleeynin Dhismaha Maqaamka Gobolka Banaadir ee la da dajiyo. Dowladihii dalka soo maray ayaa sameeynayay isku dayo ay ku sameeynayaan Maqaamka Muqdisho inkastoo ay guul dareeysteen. Waxaa xusid Mudan in Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabid Cabdi Maxamed iyo Madaxda dalka ay isku qilaafeen Maqaamka Muqdisho taasi oo ugu dambeeyntii keentay in xilka laga qaado. Hoos ka Dhageyso Codka http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/02/Axmed-Madoobe.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweynaha Jubbaland oo ku Baaqay in la Da Dajiyo Dhismaha Maqaamka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  9. Ra’isil Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo xalay qudbad ka jeediyay xaflad casho sharaf ah oo ka dhacday xarunta Dowlada Hoose ee Muqdisho ayaa ka hadlay Arimo kala duwan. Kheyre ayaa sheegay in Dowlada ay ku tilaabsatay hormaro kala duwan islamarkaasina dalka ay ku wado dhinaca hormarka ah. Waxa uu sheegay in Madaxda Dowlada ay gaarsiinayaan dalka doorasho cod iyo qof sanadka 2020 islamarkaasina dadaal u galeeyso hirgalinta dastuurka dalka. Ra’isilwasaaraha ayaa ka dalbaday Shacabka Soomaaliyeed in la la shaqeeyo dowlada Soomaaliya si dalka hormar loo gaarsiiyo. ugu dambeeyntii Ra’isilwasaaraha ayaa soo hadal qaaday mucaaradka ka soo horjeedo dowlada waxaana uu ugu baaqay in haddii aanay taageereeynin dowlada ay joojiyaan dhibaatada ay wadaan sida uu hadalka u dhigay. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ra’isilwasaare Kheyre ” Cidii DFS aan Taageersaneeyn Waa in ay Joojiyaan Dhibaatada” appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, ayaa si kulul uga hadlay wararka sheegaya in Taliyayaasha Saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir ay ku kacaan falal ka baxsan sharciyada. Xeer ilaaliyaha waxa uu sheegay inaanu suuragal aheyn in qaabab khaldan loo maamulo kiisaska dadka shacabka ah, waxa uuna wacad ku maray inay talaabo ka qaadi doonaan Taliyihii ay ku helaan maareynta kiis khaldan. ‘’Waxaa nagu soo badanaaya eedeymaha loo jeediyo Taliyayaasha Saldhigyada Booliska, waxaan halkaan ka cadeyneynaa inaan sharciga la tiigsan doono Taliyihii kawecdaa cadaalada’’ Xeer ilaaliyaha wuxuu sheegay in ay bilaaban doonto isla xisaabtan adag oo lagu sameeyo Taliyeyaasha Ciidamada Booliska Somalia, kuwaasi oo uu tilmaamay in mararka qaar ay ku kacaan dambiyo waa weyn. Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in mararka qaar ay dhacdo in dad shacab ah si qaldan loogu xiro saldhigyada, xilliyada qaarna ay u gudbiyaan Hay’adaha Garsoorka warbixino qaldan. Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in taliyayaasha saldhigyada iyo baarayaashaba lagula xisaabtami doono shaqada ay u hayaan bulshada, waxa uuna hadalkaas ka sheegay munaasabad uu ka bixinaayay shahaaddo sharaf. Dhinaca kale, Xeer ilaaliyaha ayaa Taliyayaasha iyo Saraakiisha uga digay inay ku xad gudbaan sharciyada, waxa uuna ku goodiyay inuu ka dhabeyn doono sharciga leys hortaagi doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xeer ilaaliyaha oo shaaciyay cadaalad daro iyo dhibaatooyin ka dhex jirta Saldhigyada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  11. Dib u eegista Distuurka waa arrin muhiima una baahan in distuurka loo qaabeeyo hab ku salaysan rabitaanka ummadda Soomaaliyeed kana tarjumaya habka Federaaliga ah ee ku salaysan in awooda maamulka dalka hoos laga soo dhiso distuurkana lagu qeexo sida hawlaha loo kala leeyahay, heer Dawlad Dhexe iyo heer Dawlad Goboleed. Sidaas darteed waxaa loo baahan yahay in dadka hogaaminaya heerka Dawlad Dhexe iyo heerka Dawlad Goboleedkaba ay yihiin dad sharciga aqoon u leh isla markaana aaminsan hirgelinta iyo ku dhaqanka habka Federaaliga ah. Khaasatan dhinaca Dawlad Goboleeyada waxaa looga baahan yahay in shakhsiga ama shakhsiyaadka hogaaminayaa noqdaan kuwa leh aqoon sharci waxna uga baxsan yihiin aqoonta lagu maareeyo distuurka. Intaan ka war hayno, Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil waa aqoonyahan dhinaca sharciga ah waana nin firfircoon balse siday u badan yihiin garyaqaanada adduunka waa nin u jaheeya sharciga meesha uu isagu markaas la rabo. Sidoo kale, waxaa la ogyahay Cabdiraxman Jibriil wuxuu ka mid yahay dadka lagu tiriyo in ay u arkaan in aan iyaga dani ugu jirin hab Federaali ah balse ku qanacsan habkii xudumaysnaa (centralized system) oo hal meel wax laga soo yeerin jiray iyada oo yeeriyuhu ka eegayo dantiisa gaarka ah. Dhinaca Puntland Cabdifataax Saciid Caynab oo fadhiya kursiga ka soo horjeeda Jibriil Xoosh ayna tahay in uu si cilmiyan ah wax ula jeexjeexo dhigiisa sidaan maqlay waa nin dhalinyara ah oo firfircoon laakiin maaha nin loolan aqooneed la samayn kara ninka kala doodaya geedi socodka distuurka dalku yeellanayo. Waxaana xusid mudan in firfircoonaanta shakhsiyeed iyo mawduuca sharci ku difaacida distuurka ay yihiin laba arrimood oo kala duwan. Shakhsiga saddexaad oo arrintaan saamayn weyn ku yeellan kara waa madaxweynaha Puntland Cabdiweli Mohamed Cali Gaas. Doorka madaxweynuhu waa xaqiijinta in sida distuurka loo meelmarinayaa noqoto sida dadka uu madaxweynaha u yahay ay ku qanacsan yihiin taas oo aan lagu duudsiyayn xaqa distuuriga ah ee reer Puntland waxna lagu yeelayn cid kale. Sidaas darteed, Madaxweynaha ayaa looga baahan yahay in uu diyaariyo koox aqoonyahaniin ah oo wasiirka distuurka Puntland ka taageera dhinaca sharciga si ay halkaas uga soo baxdo natiijo lagu wada qanci karo. Haddii taas la waayo daldaloolada soo baxa waxaa qaadaya masuuliyadeeda Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Mohamed Cali Gaas oo masuuliyad gaari ahi ka saaran tahay hirgelinta distuur shaqayn kara. Dhinaca kale, waxaa muhiima in laga fogaado go’aanada distuurka laga qaadanayo in aanay harayn ifafaalayaasha doorashada soo socota ee Puntland, sinaba, balse diirada la saaro wixii dan u ah hirgelinta distuur waari kara oo isu dheelitiran. Omar Mohamud Farah (Dhollawaa) MA in International Development
  12. MOGADISHU (HOL) - Intergovernmental Authority on Development ( IGAD) on Sunday launched a four-day national consultations workshop on free movement of persons in the Somali capital, Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  13. At Club Menelik, the buzzing nightclub on the ground floor of the eponymous three-star hotel in the city of Djibouti, the party runs nonstop, even at midnight on a Monday. Source: Hiiraan Online
  14. AMMAN — Jordan hosted on Sunday the 9th meeting of the Counter ISIL (Daesh) Finance Group, which aims to dry up the terror group’s sources of funding in preparation for its complete elimination, the Jordan News Agency, Petra, reported. Source: Hiiraan Online
  15. ADDIS ABABA, Ethiopia, Feb 11 2018 (IPS) - In Ethiopia social media is a double-edged sword: capable of filling a sore need for more information but also of pushing the country toward even greater calamity. Source: Hiiraan Online
  16. WASHINGTON — The first round of three-day talks between Ethiopian officials and representatives from the Ethiopian rebel group of ethnic Somalis, Ogden National Liberation Front (ONLF), began Sunday at a secret location in the Kenyan capital of Nairobi. Source: Hiiraan Online
  17. The Federal Court has agreed to hold an emergency hearing in the case of Abdoul Abdi, a former child refugee facing deportation to Somalia. Source: Hiiraan Online
  18. The Federal Court has agreed to hold an emergency hearing in the case of Abdoul Abdi, a former child refugee facing deportation to Somalia. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), ayaa ka hadlay suuragalnimada in maamulkiisa uu irdaha isugu furo dhammaan deegaanada kala xiran ee hoostaga maamulkiisa. Xaaf, waxa uu sheegay inay wadaan qorsho ku aadan isku furida deegaanada ay ku dhuumaaleystaan al-Shabaab ee hoostaga maamulka, waxa uuna tilmaamay in fulinta talaabooyinkaas ay la qabaan maamulada kale ee ka jira dalka. Hogaamiye Xaaf, waxa uu sheegay in Madaxda Qaranka ay ku cadaadinayaan sida maleeshiyada al-Shabaab looga saari lahaa deegaano farakutiris ah oo ay saldhigteen, waxa uuna cadeeyay inay muhiim tahay in la nabadeeyo deegaanada kale. Waxa uu cadeeyay in maamulka uusan fulinkarin dhammaan talaabooyinkaas, waa haddii aan la helin shacab garab istaaga maamulka iyo ciidamadiisa. Sidoo kale Hogaamiyaha Galmudug ayaa sheegay hadii aanay shacabka canshuurta bixin in aanan la gaareyn horumar, aysana jiri doonin Waxbarasho tayeysan, Caafimaad buuxa, iyo Amni la isku haleyn karo, wuxuuna ku baaqay in si joogto ah loo bixiyo Canshuurta. Xaaf, ayaa sheegay hadii ay yihiin Dowlad Goboleedyada in ay ku tashadeen in Dowladda Federaalka ay la shaqeeyaan, Maamul walbana uu degaankiisa uga xoreyn lahaa xoogaga ururka Al-shabaab. Haddalka, Xaaf ayaa imaanaya xili ay maleeshiyaadka al-Shabaab gacanta ku hayaan deegaano dhowr ah oo ka tirsan maamul Goboleedyada ka jira dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.coma The post Xaaf ‘’Waxaan go’aan ku gaarnay inaan meel ku hubsano qorshooyinkii aan degnay ee muhiimka noo ahaa’’ appeared first on Caasimada Online.
  20. Baydhabo (Caasimada Online)-Wareegto kasoo baxday Xafiiska Hogaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa waxaa lagu magacaabay xil cusub. Wareegtada ayaa waxaa lagu magacaabay Wasiiru Dowlaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Maamulka Koonfur Galbeed Somalia. Wareegtada ayaa waxaa lagu sheegay in magacaabida ay ku timid la tashi uu la sameeyay xubnaha barlamaanka Koonfur Galbeed, waxaana intaa kadib loo magacaabay Cusmaan Buube Yuusuf Rooble. The post Akhriso: Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed oo magacaabay xil cusub oo muhiim ah appeared first on Caasimada Online.
  21. Nairobi (Caasimada Online) – Wadahadallo u dhaxeeya Dowladda Itoobiya iyo Ururka ONLF ee u dagaallama xoreynta Dowlad Degaanka Somalida Itoobiya ayaa maanta ka furmay Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya. Cali Bunow Qorane oo ah Guddoomiyaha Gaarisa ayaa sheegay in isaga uu yahay isku xiraha wadahadallada u dhaxeeya Itoobiya iyo ONLF,waxaana uu intaas ku daray in lixdii Sano ee la soo dhaafay uu ka shaqeynayay sidii uu heshiiskan u dhici lahaa. Qorane ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay heerka waanagsan ee uu hadda soo gaaray wadahadallada Itoobiya iyo ONLF,waxaana uu ku tilmaamay in wajiga 1aad uu yahay shirka hadda ka furmay Nairobi. Siyaasiyiin Magac ku leh Somalida Kenya ayaa ka qeybgashay furtaanka shirkan waxaana ka mid ah Hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale iyo Siyaasiyiin kale oo ka soo jeeda dhinaca Itoobiya iyo dhinaca Kenya. The post Sawirro: Wada-hadallo u furmay Ethiopia iyo ONLF appeared first on Caasimada Online.
  22. Hargeysa (Caasimada Online) –Somaliland ayaa waxaa ay dad u xirtay ka ganacsiga xayawaanka diinka, arrintaas oo bilihii ugu dambeysay laga dareemayey guud ahaan Soomaaliya. Wasiirka wasaaradda Deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo maanta warbaahinta kula hadashay magaalada Hargeysa ayaa sheegtay in ay xabsiga u taxaabeen sagaal ruux oo lagu qabto iyagoo ka ganacsanaya xayawaanka Diinka. Wasiirku waxay intaasi ku dartay in ka ganacsiga duurjoogtu uu yahay mid ka mamnuuc ah Somaliland marka loo eego xeerarka iyo sharciga. “9-ruux oo midi wiil yar yahay oo lacagta usoo uruurinaayay ayaanu kusoo qabanay, diimanka aanu maanta kusoo qabanay waa kuwo waawayn oo culus oo aan dhulkaba laga hinjin karayn” ayay tidhi wasiirka wasaaradda deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil. Ugu dambeyntii, wasiirka deegaanka Somaliland waxaa ay sheegtay in maxkamad lasoo taagi doonno dadkan lagu qabtay ka ganacsiga Diinka isla markaana sharciga la hor gayn doonno. The post Somaliland: 9 qof oo loo xiray ka ganacsiga diinka appeared first on Caasimada Online.
  23. Mogadishu, 11 February 2018 - Over thirty experts, researchers and academicians converged on the Somali capital today for the start of a three-day conference on fostering peace and national reconciliation in Somalia. Source: Hiiraan Online