Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,125
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi. Madaxweynaha ayaa shacabka deegaannada Somaliland, xisbiyada, hay’adaha amniga iyo madaxda tartantayba ku ammaanay sida nabadda ah oo ay doorashooyinka Somaliland u dhaceen, kuwaas oo sumcad, sharaf iyo karaama u soo hooyey guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan xisbiyada iyo musharaxiintii ku tartamay Somaliland sida dimuqraadiyadda ahayd ee ay u tartameen. Waxaan si dhaw ula socday hannaanka diiwaan gelinta, olalaha doorashada iyo codbixinta oo dhammaantood ay ka muuqatay ilbaxnimo iyo isu dulqaadasho siyaasadeed.” “Madaxweynaha la doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi waxaan u ballanqaadayaa inaan kala shaqeynayo dar-dargelinta wadahadalladii u dhaxeeyey Dowlada Federaalka iyo Somaliland si aan u soo celinno kalsoonida shacabka.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu rajeeyay madaxda cusub ee Somaliland in uu Eebe u fududeeyo howlaha loo igmaday iyo sidii ay horseed ugu noqon lahaayeen waayo cusub oo u biloowda Soomaaliya oo idil. -DHAMMAAD- Source
  2. Xisbiyada Mucaaradka ee Somaliland ayaa aqbalay natiijada doorashadii ka dhacday 13-kii bishan deegaannada Somaliland. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Wadani C/raxmaan Cirro oo isaga aad u saluugsanaa hannaanka cod tirinta ee doorashada Somaliland ayaa sheegay in hadane uu aqbalay wax walbo oo uu ku dhowaaqay guddiga. Wuxuu sheegay Cirro inuu eegay danta Somaliland, islamarkaana uu isaga ku aqbalay wax walbo sidii loo heli lahaa amni iyo kala dambeyn. Dhanka kale, Faysal Cali Waraabe oo isna ah guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo natiijadii ay ku dhowaaqeen guddiga doorashada Somaliland. Muuse Biixi oo aha musharraxa xisbiga Kulmiye ayaa ku guuleystay doorashada madaxtinimo ee Somaliland. Goobjoog News Source
  3. Ra’iisulwasaarihii is-casilay ee dalka Lebnon Sacad Xariiri ayaa ku laabtay magaalada Beirut, waana markii ugu horreysay uu ku laabto dalkiisa tan iyo markii uu shaaciyey inuu iska casilay xilka 4 November. Ilo wareedyo ayaa waxay cadeeyeen in Xariiri ay garoonka ku soo dhaweeyeen qebo ka mida ciidamada Ammaanka. Xariiri ayaa ka soo duulay magaalada Paris ee caasimadda Farnsiisk isaga oo soo maray magaalada Qaahira halkaasi oo uu kulan kula soo yeeshay madaxweyne CabdiFitaax Al-siisii. Goobjoog News Source
  4. Goobjoog News waxaa ay akhristayaasheeda sharafta leh ka raagelineysaa qoraal cinwaankiisu ahaa “Hadaad Laangaab Tahay Ha Noqon Maangaab” oo uu soo qoray akhristaha Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim) oo ku nool dalka Mareyaknaka. Waxaa nala soo xiriiray dad dhibsaday qoraalkaasi, waxaan u aragnay in ay haboon tahay in aan bixinno, kana raalli-gelinno akhristayaasha. Goobjoog News, Source
  5. Inkastoo uu guddiga doorashadu 10 maalmood codbixinta ka dib ku dhawaaqay in Muuse Biixi uu ku guulaystay, misna saadaal badan ayaa dhankaas u janjeertay; kaliya waxaa laga dhawrsanayey in afka la soo mariyo bacdamaa aan natiijo rasmi ah lagu dhawaaqin. Haddaba maxaa guushiisa fududeeyey? Siyaasad iyo dhaqan Midda ugu horraysa, murankana uusan ka taagnayn waa codadka la dhiibtay oo musharraxa xisbul-xaakimka uu ka helay 305,909 cod, kuwaa oo u dhigma 55.19%. Wuxuu si wanaagsan oo weliba xeeladaysan u adeegsaday ololihiisa oo uu u isticmaalay hannaan siyaasadda iyo dhaqanka oo la isku dhafay. Tusaale ahaan, beel aan aad u taageersanayn, dhalasho ahaanna ay u siman yihiin isaga iyo ninka ay aadka isku hayeen ee C/raxmaan Cirro ayaa deegaan ay xoog lahaayeen waxaa lagu dhagaxyeeyey gaariga Muse Biixi (lama hubo inuu saarnaa). Gogol ayuu u dhigtay isagoo xaal ka dalbaday maadaama aysan labada murashaxba beesha ka tirsanayn, wuxuuna ku saleeyey eeddiisa in isaga laga hiilliyey oo sabab la’aan lagu dhagaxyeeyey. Markii la ogolaaday in la xaal mariyo ayuu yiri “waad mahadsan tihiin lacagna idinkagama baahni laakin igu xaal mariya codkiina oo isaga I siiya” waxaa la aaminsan yahay in beeshaas u codad aad u badan sidaa uga helay. Isla xagga dhaqanka oo siyaasadda Somaliland ay ku qotontana waxaa abtiyaal u ah beesha uu ka soo jeedo murashaxa mucaaradka. Taageerada madaxweynaha xilka ka degaya iyo xisbiga talada haya ayaa kaalin weyn ka cayaaray inuu soo baxo. Dagaalkii SNM Waa nin Somaliland sumcad kaga dhex leh dagaalkii SNM oo uu ka mid ahaa raggii jabhaddaas soo hoggaamiyey. Sidaa awgeed bad badan oo reer Somaliland ah ayaa Biixi u arka in uu yahay in u soo halgamay, taasi oo uu codad badan ku kasbaday. Go’aan adeyg Dabeecad ahaan waa nin furfuran oo dadka yaqaanna ay ku tilmaameen in uu yahay nin la fahmi karo, waxna fahmi kara. Waxay kaloo ku tilmaameen inuu yahay nin go’aan adag oo aan ka laaban waxa u go’aansado. Taasi waxay keentay in uu isagu toos maamusho ololihiisa.
  6. Waxaa magaalada Muqdisho xalay lagu qabtay madal looga hadlayey Isirka Soomaalida, xarunta dhaqanka ee Ifiye oo soo qabanqaabisay kulankan, waxaa marti ku ahaa Prof. Maxamed Gaandi oo ah qoraa taariikhda iyo Isirka Soomaaliyeed. Gaandi sidoo kale waa siyaasi horay u soo noqday wasiirka gashaandhigga(2009-2010), hadda waxaa uu ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya. Prof. Maxamed Gaandi, waxaa uu madasha uga hadlay bilowga taariikhda Soomaaliya, Isirka Soomaalida, abtirka Iyo beelaha hadda Jira, waxyaabaha ay ka siman yihiin Soomaalida, Isticmaarka iyo Soomaaliya. Bilowga Taariikhda Soomaaliya: Prof. Maxamed Gaandi, Taariikhda Soomaalida waxaa uu ka soo bilaabay xilligii faraacinada gaar ahaan boqoraddii Xatshepshut, oo aheyd boqoradii 5aad ee Faraaciinta, taas oo xiriir soke la laheyd dhulka Soomaalida, Faraaciinta waxaa ay halkan ka qaadan jireen fooxa iyo waxyaabaha udgoon. Waxaa kale oo Soomaalida xiriir la laheyd dalka Giriigga, magacyo badan oo loo aqoon jiray Soomaaliya waxaa ka mid ahaa: Punt, Zinji iyo Azaaniya. Asal-ka Magaca Soomaal waxaa uu ku sheegay in 3 meel: Erayga carbeed ee (duu-maal) oo micnaheeda yahay mid maal leh oo ka yimid sida uu sheegay Yemen, iyaga oo-Yemen-aan ku dhawaaqi karin”D” ayey yiraahdeen Zuumaal halka Soomaalida oo aan Z laheyn u badaleen Soomaal. So-Maal oo hilib ah, waa micno kale. Erayga marti-gelinta ka tarjumaayo ee xoolaha Soomaal. Prof. Maxamed Gaandi , Waxaa kale uu soo qaatay in qarniga 16aad markii ugu horeysay qoraallada Xabashida lagu arkey in beelo uu jabiyay boqorkii Itoobiyaan-ka ahaa uu ku yiri “Soomaaliya u sheeg”, taas oo muujineysa in xilligaasi ay Soomaalida diriri-jireen, gaar ahaan loolanka Xabashida iyo Soomaaliya. Asalka Soomaalida waxaa uu ku soo koobay 3 aragti: (1): Carab: Prof. Maxamed Gaandi , waxaa uu sheegay in ay jirto aragti xoogan oo leh Soomaaliya waa carab, oo muujineysa in dhulkan markii hore ay Bantu deganayeen, oo Oromo in ay timid xoogtay, una soo riixday dhanka Koonfurta, Kadibna Soomaalida Jasiiradda carabta ka yimaadeen oo iyagana Oromada dhulka ka xoogeen, sidaana ay u dageen…Soomaalidana markii ay isticmaarka yimaadeen oo la doonayey in la qoro isirkooda, si diinta Islaamka u badbaadiyaan ayey abitirka geliyeen carab. (2): Aragtiga Shalotrenz ee Isirka: Xaam ama Xaamiyiinta Yaafith ama Yaafisiinta Saam ama Saamiyiinta Aragtiyadaasi waxaa ay Soomaalida gelinayaan bahda Cushitic, oo ah in Soomaalida ka soo jeedaan dad ku noolaa dhulka u dhaxeeya Suudaan iyo Itoobiya, dadkaasi oo xitaa Faraacinada ka adkaaday 800 oo sano ka hor dhalashada Nabi Ciise. Cushitic: waxaa umad ama bulsho jirta 7 kun oo sano, oo ka kooban 40 jinsiyadood oo dega bariga Afrika, waxaa ay dhammaan isaga mid yihiin luqadda xagga naxwaha iyo dhaqanka. (3): Aragti kale, oo dhigeysa in Soomaalida yihiin Afirikaan rasmi ah oo aan biyo is-marin. Abtirka Iyo Beelaha Hadda Jira: Prof. Maxamed Gaandi Qabiillada Iyo Abtirka Hadda Jira mar uu ka hadlayey waxaa uu meesha ka saaray abtirka iyo beelaha in ay weligood sidaasi ahaayeen, waxaa uu qabaa in intii isku dan iyo nidaam ah ay magac iskala baxeen, sidaana ay ku yimaadeen magacyadan aan naqaanno, waxaa kale uu ku doodayaa in beesha 5aad ama .5-ka lagu sameeyay shirka Carte 2000 ay beel la yaqaano oo lagu abtirsado isku badali-doono 50 sano kadib. Waxyaabaha uu qabiilka ku wanaagsan yahay waxaa uu ku sheegay iskaashiga, dhiigga oo la isla bixiyo, xoolaha oo la isla raaco iyo wanaagga oo la iskugu gargaaro, isaga oo intaasi ku daray in ay beesha sii jiri-doonto illaa laga helo nidaam dowladnimo oo adag. Waxyaabaha ay ka siman yihiin Soomaalida. (1): Deegaanka: Soomaalida waa bulsho deegaan ahaan isku mid, oo hal meel oo geeska Afrika ah ku nool, 4 dal ayey degaan sida Jamhuuriadda federaalka ah ee Soomaaliya, Djibouti, Kenya iyo Itoobiya. (2): Afka: Waxaa uu sheegay in uu qeyb ka yahay Cushitic, Teeda kale Cushitic waxaa umad ama bulsho jirta 7 kun oo sano, oo ka kooban 40 jinsiyadood oo dega bariga Afrika, waxaa ay dhammaan isaga mid yihiin luqadda xagga naxwaha iyo dhaqanka. (3): Xigto: Soomaalida waa dad xigto ay ka dhaxeyso. (4): Silsiladda Tolka: Soomaalida waxaa ay leeyihiin silsilad ka soo bilaabatad Qoys, reer, jilib, laf, qolo illaa tol oo isku tollan. (5): Dhismaha Aqalka: Waxaa uu sheegay in weli reer miyiga heystaan dhaqan ah in aqalka ay dhismahiisa iyo qalabeyntiisa iska kaashaadaan reerka wiil iyo gabadha isku guursanaya. (6): Marxaladaha Da’ada: waxaa kale uu sheegay in caruurta yar, wiilka gaashaan-ka iyo gabdha gashaantiga ah, garmadow illaa Duq ay dhammaan qaab cumri ah u sameeyaan marxaladaha ragga iyo haweenka. (7): Beel: Waxaa ay ka simman yihiin sida uu sheegay beelaha oo beel weliba leedahay rag lagu tashto dhanka xoogga, deegaan ay leedahay, magta iyo qaaraanka oo la isla bixiyo, magaca, xoolo iyo summad iyaga beel ahaan u gaar ah. (8): Qeybaha Bulshada: Waxaa uu soo qaatay in qeybaha bulshadii hore loo kala saaro waranle, waable iyo wadaad, waxaa uu intaasi ku daray in ay jiraan dad ku nool webiyada, magaalooyinka iyo jasiiradaha. (9): Xeerka: Soomaalida waxaa ay wadaagto waxaa ka mid ah xeerka, sida dhiig iyo dhaqan, waxaa qeybtan ka mid ah waxyaabaha Moodka(dhulalka, guraya….) iyo Nool oo xoolaha iyo waxa nool. (10): Dowladda: Waxa ugu casri-san ee Soomaalida wadaagaan waxaa uu ku sheegay calanka iyo dastuurka. Isticmaarka Reer Galbeedka iyo Soomaaliya: Prof. Maxamed Gaandi, ugu dambeyntii waxaa uu soo qaatay in Isticmaarkii reer Yurub ay wax badan ka badaleen bulshada balse Soomaalida aaney is-dhiibin sida: Sharaf-beelka Odoyaasha: Isticmaarka waxaa ay odoyaasha siin-jireen Sado si dadka ugu marti-qaadaan markii dambana mushaar ayaa loo qoray, taasi oo meesha ka saartay sharaftii iyo karaamadii ay bulshada ku dhex lahaayeem Diin Jaceylka: Isticmaarka waxaa uu sii xoojiyay jaceylka ay Soomaalida u qabaan diinta Islaamka, waxaa ay badiyeen dhismaha madaarista qur’aanka, waxaa caruurta u diideen Iskuullada isticmaarka, waxaa kale oo caruurta loo bixiyay magacyo carab ah, isaga oo ku dooday in 3 ama 4 jiil aan la dhaafin karin magacyada Soomaaliyeed ee carabta, taasina la isaga celiyay oo keliya isticmaarka. Isirka Carabta: Isticmaarka waa dadkii ugu horeeyay ee raadiyey ama qoray isirka Soomaalida, dadkii ay la hadleen, waxaa ay abtirka geliyeen Carab si ay uga fogaadaan Afrikaan iyo meelo kale. Dhaqanka Oo Laga Fogaaday: Isticmaarka waxaa uu qaabab kala duwan ula dhaqmay Soomaalida, Koonfurta oo Talyaani ahaa iyo Waqooyiga oo Ingiriis gumeysan jiray waxbarashada iyo wax badan ayey ku kala duwanaayeen, tiiyoo markii dambe keentay in dalka uu soo galo hanti-wadaag oo meesha ka baxo marjicii umadda Soomaaliyeed iyo dhaqankii suubanaa. W/Q: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye
  7. Hargeysa (Caasimada Onlinne) – Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali waraabe oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeisa ayaa sheegay inuu ku Faraxsan yahay Guul-darada Xisbiga Wadani uu kala Kulmay doorashadii “Kulmiye iyo Ucid waa Isku mid, Wadani Wuxuu ahaa Soomaali-wayn, Guusha waanu la Leenahay Muuse Biixi Cabdi “ ayuu yidhi Faysal Cali waraabe oo Guul-daro xoogan kala kulmay doorashadii Somaliland ayaa sheegay inuu Aqbalay Natiijada kasoo baxday Gudiga Doorashada. “Hadii aanu Horey u sheegtay inaanu Aqbalayno Natiijada, waanu ku Khasbanahay inaan Aqbalo Najiitada lagu sheegay inuu Muuse biixi Guulaystay”. Ayuu yidhi Faysal. Faysal ayaa sheegay in la mideeyao Qabiilada isku Nacay Xiligii doorashada isagoo Xusay inay doorashadu ka dhacday Qaab Qabiilo ku salaysan. “Doorashadu waxay ahayd Qof iyo Codkiisa oo Diimuqraadi ah, Balse waxaa lagu Codeeyay Qabiil ahaan, Waxaana Hanbalyo u dirayaa Beeshayda oo Codkeeda isiisay”. Ayuu yidhi Faysal. Wuxuu Muuse Biixi iyo ku xigeenka usoo jeediyey inay sii wadaan Heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland, Wuxuuna uga digay inay keligood Talada isku Koobaan. “Heshiiskii Khaatumo waa in la dhamaystiro, waa in la galo Heshiiskii iyo Wadahadalka Buuhoodle, waa in dadka la Mideeyo, waa inaysan Noqon dawlad ku kooban galbeedka Hargeisa sidii horey u dhacday, Hadii ay sidaas Noqoto Faraha ayaanu ka Qaadi doonaa “ Ayuu yidhi Faysal Waraabe.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Micheal Keating ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia kulan gaara kula qaatay Taliyaha guud ee ciidanka difaaca Ethiopia General Samora Yunis. Micheal Keating iyo General Samora Yunis, ayaa inta uu kulankooda socday isla soo qaaday xaalada cakiran ee ka taagan Somalia, Amniga iyo sida ciidamada Somalia loogu wareejin lahaa amaanka dalka. Micheal Keating, ayaa Taliyaha guud ee ciidanka difaaca Ethiopia General Samora Yunis ku amaanay sida ay uga go’an tahay inuu isku garabtaago Somalia, sida uu hadalka u dhigay Keating waxa uu sheegay in Taliyaha uu ku adkeeyay wax ka bedelka xaalada cakiran ee iminka ka taagan Somalia, gaar ahaan dhanka amniga. Qoraal kooban oo ergaygu soo dhigay bartiisa twitterka ayuu ku sheegay in isaga iyo Taliyaha difaaca ay ka wada hadleen sidii mas’uuliyada amniga Somalia loogu wareejin lahaa ciidamada Somalia. Keating, waxa uu arrin muhiim ah ku sheegay in la adkeeyo awooda ciidamada Somalia, isla markaana ciidamada loo muuqaal ekeysiiyo kuwo tayo leh oo wax muuqda ka qabankara amniga Somalia. Sidoo kale, waxa ay Keating iyo General Samora si wada jira u qireen in bixitaanka ciidamada AMISOM uu bilaaban doono sanadka 2018 waxaana muhiim ah in ciidamada Somalia loo diyaariyo sidii ay ula wareegi lahaayeen amniga dalka. Dhinaca kale, magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa waxaa ka socda kulan ku aadan arintan oo ay qayb ka yihiin Midowga Afrika iyo QM. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaaya Hubka usoo daga dowlada Federaalka ee gala gacanta maleeshiyaadka al-Shabaab ee sida aadka ah uga soo horjeeda amniga iyo xasilooni ka dhalata Somalia. Hubka dowlada qeybahooda kala duwan ayaa iminka ku jira gacanta maleeshiyaadka al-Shabaab, waxaana xusid mudan in qaarkood laga faramaroojiyay ciidamada dowlada. Noocyada Hubka dowlada ee gala gacanta al-Shabaab ayaa waxaa kamid ah Sida Sabanka, AK47 iyo Qoriga Dhashiikaha ee ku dul-xirma gaariga dagaalka ee Soomaalidu u taqaan Cabdi-bilaha. Hubka dowlada ee gala gacanta al-Shabaab ayaa waxaa sahla asbaabaha kala ah: 1-Xuquuq la’aanta heysata ciidamada dowlada oo sahashay iibsashada Hubkooda. 2-Alshabaab oo xubno qarsoon iyo kuwo muuqda ku dhex leh dowlada Federaalka, taa oo fududeysa in Alshabaab ay hantaan wax waliba oo ku jira gacanta dowlada. 3-Taliyayaasha iyo Saraakiisha ciidamada qaarkood oo ay wada shaqeyn hoose kala dhexeyso al-Shabaab, taa oo dhiirigalin iyo hami gaara galisay argagixisada. 4-Saraakiisha, Ciidamada iyo Shaqalaha kasoo goostay al-Shabaab ee xilalka loo dhiiba oo kusii kordhaaya dowlada. Sidoo kale, waxaa la qiray in maleeshiyaadka al-Shabaab ay ka hub badan tahay Dowlada Somalia, kadib markii dagaalamayaasha Kooxda ay dhaqan iyo caado ka dhigteen inay ugaarsadaan ciidamada Hubka wata. Dhinaca kale, dowlada Somalia ayaa u muuqaneysa mid aan ku baraarugin dhibta ay Shabaabka ku hayaan dalka iyo dadka, waxaana xusid mudan in maleeshiyadu ay ka kaaftoomeyso Hub dheeri ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan kasoo xiganay Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed, waxaa aad usii adkaanaya xiriirka wada shaqeeneyd ee Taliyaha xilka sii haya ee Booliska Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax kala dhexeeya Saraakiisha kale ee Booliska. Taliyaha xilka sii haya ee Booliska Jen. Mukhtaar, ayaa la xaqiijiyay inuu is fahan’waa kala dhexeeyo Saraakiisha ciidamada, kadib markii uu dhammaantooda duldhigay amaro fulintooda ku adag. Jen. Mukhtaar, ayaa Saraakiisha ku amray inay heegan ku ahaadan Saldhigyada ay maamulaan iyo dhammaan Isgoosyada uu ka kooban yahay Degmooyinka ay ku magacaaban yihiin. Taliyaha xilka sii haya ee Booliska Jen. Mukhtaar oo ku ad adag dhanka sharciga ayaa Saraakiisha ugu goodiyay inay mari doonaan waxa uu sharciga qabo, haddii ay dhacdo in lagu helo khaladaad. Wuxuu ku wargaliyay in Saraakiisha Booliska aysan ku kala sareyn doonin sharciga, isla markaana uu mari doono Sarkaal weliba. Sidoo kale, Saraakiisha Booliska ayaa cadaadis u arka amarada uu kusoo rogo Jen. Mukhtaar, waxa ayna tani caqabad ku noqotay wada shaqeynta ka dhexeysa Sii hayaha xilka Taliyaha Booliska iyo Saraakiisha. Dhinaca kale, waxaa lasoo warinayaa in Jen. Mukhtaar uu si KMG ah shaqada uga fadhiisiyey Saraakiil dhowr ah oo lagu heysto eedeymo kala duwan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Hargeysa (Caasimada Online) – Murashaxii madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi Cirro, ayaa shir jaraa’id oo uu caawa ku qabtay Hargaysa kaga dhawaaqay in uu aqbalay natiijada doorashada in kasta oo uu ka xun yahay. Cabdiraxmaan waxa uu sheegay in doorashada ay ka dhaceen “is daba marin, musuqmaasuq iyo ku shubasho aan xad lahay”. Waxa kale oo uu Cirro sheegay in “taageerayaasha xisbiga Waddani lagula kacay tacaddi iyo xad gudubyo aad u badan”, waxaanu intaa ku daray in uu ka xunyahay “cabudhinta iyo caga juglaynta lagu hayo muwaadiniinta iyada oo loo adeegsanayo xooga ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland ee loogu talo galay in ay dadka cadawga ka difaacaan” in kasta oo aanu eedaymahaas wax caddaynaya soo bandhigin. Ugu dambayntii Cabdiraxmaan Cirro waxa uu yidhi “waxaan u tanaasulay nabadda, wada jirka iyo midnimada ummada Somaliland” waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata yidhi “waxaan go’aansaday in aan natiijada gacan ku samayska ah ee la dhoob dhoobay aan aqbalo”. Aqbalaadda Cirro ayaa dad badan ay lama filaan ku noqtay maadaama uu horey u sheegay in doorashada lagu shubtay, waxayse tani muujineysaa inuu danta Somaliland ka horumarinayo tiisa shaqsiga. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  12. Golaha Amniga Qaramada Midoobay ayaa Salaasada Maanta ansixiyey qaraar ku baaqaya in tallaabooyin adag la qaado si looga hortago tahriibinta dadka iyo addoonsiga casriga ah dhammaan daafaha caalamka. Qaraarkan ayaa waddamada caalamka ku boorrinaya in la dhaqan-geliyo xeerarka la-dagaallanka ka ganacsiga dadka iyo in dadaal badan la geliyo sidii loo xaqiijin lahaa burburinta iyo kala-furidda shabakadaha addoonsiga ee caalamka. Dhammaan 15 xubnood ee Golaha Amniga QM ayaa anixiyey qaraarka,waxayna sheegeen in ay qaadayaan tallaabooyin looga hortagayo arrintaas. Xoghayaha guud ee Qamada Midoobay Antonio Guterres ayaa Golaha u sheegay in horumarka caalamka lagu xoojin karo la-dagaallanka ka ganacsiga dadka iyo addoonsiga. Guterres ayaa ku baaqay in la caawiyo muhaajiriinta caalamka,sidoo kalena la ilaaliyo qaxootiga ku sugan waddamada colaaddu ragaadisay,sida Libya ee u nugul addoonsiga. Muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada dhowaan ayaa muujiyey soogalooti Afrikaan ah oo lagu iibinayo dalka Libya. “maalmihii u dambeeyey waxaa argagax nagu beeray sawirada ka imaanaya dalka Libya ee muujinaya Afrikaanka la xaraashayo sidii badeecadaha. Waa mas’uuliyadeenna wadareed inaan joojinno denbiyadaan.It is our collective responsibility to stop these crimes”,ayuu yiri Guterres. PUNTLAND POST The post Golaha Amniga Qaramada Midoobay oo ansixiyey Qaraar cusub. appeared first on Puntland Post.
  13. Somaliland outgoing president HE Ahmed Mohamed Mohamoud Silanyo speaking on behalf of his government and the people congratulate on President Elect, Hon. Musa Bihi Abdi and Deputy President, Abdirahman Abdilahi Sayli’i. In an announcement by the president’s office on Tuesday stated that the incumbent president who will transfer power has prayed that the President Elect will smoothly execute the presidential duties and asked that the almighty Allah will make this tasks easy for them. The incumbent president has called on the new president to unite the nation and to do justice for all. The outgoing president has reminded his successor that he is now the Head of State for those who voted for him, voted against him, abstained voters and those who did not cast their votes. The president has lauded the two main opposition parties that participated the presidential campaign. Mr. Silanyo has praised the courageous actions that both defeated candidates have conceded defeat and accepted the presidential election outcome. He said that both parties have shown a high sense of maturity. Incumbent President Ahmed Silanyo will leave office within a month once the President Elect is sworn in to office. He has retired from politics after serving as SL Head of State for 7 years.
  14. “Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan xisbiyada iyo musharaxiintii ku tartamay Somaliland sida dimuqraadiyadda ahayd ee ay u tartameen. Waxaan si dhaw ula socday hannaanka diiwaan gelinta, olalaha doorashada iyo codbixinta oo dhammaantood ay ka muuqatay ilbaxnimo iyo isu dulqaadasho siyaasadeed. Madaxweynaha la doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi waxaan u ballanqaadayaa inaan kala shaqeynayo dar-dargelinta wadahadalladii u dhaxeeyey Dowlada Federaalka iyo Somaliland si aan u soo celinno kalsoonida shacabka.” ------ President Farmaajo
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-War qoraala oo kasoo baxay dowlada Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in Diyaaradahooda ay Duqeyn ka fuliyay Somalia, gaar ahaan deegan hoostaga Gobolka Shabellaha Hoose. Duqeynta ayaa la sheegay in lala beegsaday Saldhigyo ay maleeshiyaadka al-Shabaab ku leeyihiin Deegaanka Buur-Ceelcade oo u dhaxeeya Diinsoor iyo Buurhakaba ee Gobolka Baay. Waxaa qoraalka lagu sheegay in duqeyntaasi oo lagu guuleystay lagu dilay maleeshiyaad dhan 100 oo isugu jiray kuwo hubeysan iyo horjoogayaal sare oo ka tirsan argagixisada nabad diidka ah ee Alshabaab. Sidoo kale waxaa lagu sheegay in ciidamada Maraykanka ay sii joogteyn doonaan weerarada ay ku hayaan Alshabaab meel walba oo ay ku tuhmaan sida xarumaha tababaraha iyo saldhigyadoodaba. Dowladda Mareykanka ayaa laba jibaartay ciidamada ka joogga Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab iyo sidoo kale kooxda dowladda Islaamka Faraceeda ku sugan Buuraleyda Galgala ee maamul goboleedka Puntland. Dhinaca kale, duqeyntan oo la sheegay inay dhacday tobankii subaxnimo ee saaka ayaa noqoneysa tii ugu khasaaraha badneyd.
  16. Musharraxa Xisbiga Waddani ee Somaliland ayaa aqbalay natiijada dodorashadii la qabtay 13 bishaan ee Galabta lagu dhawaaqay in uu ku guulastay Muuse Biixi Cabdi,musharrixii Xisbiga talada haya ee Kulmiye. Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa ayuu Cirro ka sheegay in uu aqbalay natiijada soo baxday,isagoo ilaalinaya danta iyo midnimada Somaliland,sida uu hadalka u dhigay. “Anigoo u turaya danta guud ee shacabka islamarkaana diiddan in dhiig la’ daadiyo ayaan aqbalay natiijada doorashada”,ayuu yiri Mr. Cirro. Wuxuu sheegay in uu aqoonsanyahay madaxweynaha la doortay uuna ka shaqeyn doono danta umadda Somaliland . Hadalka Cirro ayaa ku soo beegmay maalin kadib markii uu qaaddacay natiijada doorashad oo uu ku tilmaamay mid lagu shubtay. PUNTLAND POST The post Xisbiga waddani oo aqbalay in doorashada looga adkaaday. appeared first on Puntland Post.
  17. Qoraal uu soo saaray militariga Maraykanka ayaa lagu shaaciyey in tobanaan ka tirsan AL-shabaab ay ku dhinteen duqeyn diyaaradahooda Drones-ka ay ka fuliyeen Soomaaliya. Taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika oo qoraalkaan soo saaray ayaa sheegay in duqaynta salaasadii Maanta laga laga fuliyey meel 201 km Waqooyi galbeed uga beegan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,islamarkaana ay ku dhinteen in ka badan 100 dagaallame oo ka tirsan Al-shabaab. faahfaahin daqiiqado kadib. The post Deg deg: In ka badan 100 Dagaallame oo ka tirsan Al-shabaab oo duqeyn lagu dilay. appeared first on Puntland Post.
  18. Adeer Abuukar Sheekh Axmed Maataan iyo adeer Xamuu Caddey Sheekh Axmed Mataan iyo dhammaan faraca reer Sheekh Axmed Mataan, gaar ahaan reer Siid Axmed Sheekh oo kala ah Aba Cali Siid Axmed, Jamiila Siid Axmed, Seynab Siid Axmed iyo Seygeeda Cabdi Maxamuud Geedi iyo Ruqiyo Siid Axmed, Lemon Cabdulle Sabriye iyo Seygeeda Cabaas Cabdi Maxaa Ciise, Baashi Maxamuud Gacal iyo xaaskiisa Fadumina Rooble, Jamiila Cariif iyo Seygeeda John Shaqaaq, Hindiya Cariif iyo syegeeda Xasan Dalfac, iyo Sayid Caraaye. Dhammaan dadkaasi, waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhammaan ehelada Marxuum Mahamed Mahamud Xassan (Maxamed Yarow), si gaar ah waxay ay tacsi ugu dirayaan:- Abdullahi Ahmed Gacal, Maryan Mohamed, Hassan Mohamed (Xasan Yare), Abdulqadir Mohamed, Ahmed Mohamed Washington. Zeinab Mahdi, Abdi Mahdi, Naima Shuceib, Bashir Mohamed, Ali Mahdi, Abdulaziz Mohamed, Kiin A Yalaxow. Waxay leeyihiin dhammaan Samir iyo ammaan allaha naga siiyo marxuumka, isagana jannada fardowsa ha ka waraabiyo. Inaa Lilaah waa Inaa Ileyhi Raajicuun.
  19. Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u jooga dalka Ehiopia ayaa waxa uu maanta gelinkii danbe 21 Nov 2017 kulan kula yeeshay magaalada Addis Ababa Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Mr. Haile-Mariam Desaglen. Kulanka uu Madaxweynaha Puntland la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia ayaa waxaa ku wehelinayey Madaxweynaha masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland kuwaas oo qayb ka ahaa weftiga Madaxweyha. Madaxweyne dawladda Puntland iyo Ra’iisul Wasaare Haile-Mariam Desaglen ayaa waxa ay kawada hadleen xoojinta xidhiidhka qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalka Ethiopia gaar ahaan Puntland, iskaashiga Ganacsi ee labada dhinac, Amaanka iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada ah ee Al-shabaab iyo Daacish. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia ayaa waxa ay kawada hadleen arrimo la xidhiidha xuduudda Puntland iyo dalka Ethiopia gaar ahaan Costume ka Tuur-dibi kaas oo in Muddo ah ay kawada Shaqaynayeen Wasaaradda Ganacsiga dawladda Puntland Iyo dalka Ethiopia. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xaqiijiyey in Soomaaliya iyo Ethiopia gaar ahaan Puntland ay leeyihiin xidhiidh wanaagsan kaas oo ku qotoma Ganacsiga, Amaanka iyo Siyaasadda Gobolka, waxaa uu hoosta ka xariiqay Madaxweynuhu in dawladda Puntland guud ahaan iyo gaar ahaanba diyaar u tahay xoojinta xidhiidh kaasi taariikhiga ah ee labada dhinac. Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Mr. Haile-Mariam Desaglen ayaa dhankiisa cadeeyey in ay diyaar u yihiin xoojinta xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ethiopia gaar ahaan Puntland, waxa uu xusay Ra’iisul Wasaare Haile-Mariam in ay dawladda Puntland mar-walba dhinac taaganyihiin oo ay ka gacan siinayaan soo afjaridda argagixisada Al-shabaab Iyo Daacish. Ugu danbayn, Madaxweynaha ayaa tusmeeyey in shacabka Soomaaliyeed ka daaleen dhibaatada ay ku hayaan kooxaha argagixisada ah, isagoona Madaxweynuhu sheegay in dawladda Puntland iyo shacabkeeduba had iyo jeer ku foogan yihiin dabar goynta kooxaha tamarta yar ee Al-shabaab iyo Daacish ee ku dhuumaalaysanaya buuraha Bari, Galgala iyo Calmadaw. =DHAMMAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Puntland oo kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia appeared first on Puntland Post.
  20. Kadib markii uu dhaqaalaha Zimbabwe si weyn u burburay sanadihii lasoo dhaafay, dad badan ayaa saadaalinayay in Mugabe uu isna dhici doono, balse markasta taas waa uu ku beentaynayay illaa iyo hadda. Hase yeeshee waxaa laga yaabaa in markii uu la saftay xaaskiisa, taageereyna in ay isaga badasho uu taas ku lumiyay taageeradii xisbigiisa iyo waliba ciidanka kuwaas oo xukunka ku hayay illaa iyo hadda. Isaga oo 93 jir ah ayuu sanadihii dhawaa aad tabcaan u noqday muuqaal ahaan, balse sidaas oo ay tahay waxa uu doonayay in uu markale isu soo taago doorashada madaxtinimo sanadka soo socda. Ka hor doorashooyinkii 2008-dii, waxa laga soo xigtay in uu yiri “Haddii doorasho lagaaga reeyo, dadkuna ku nacaan waa in aad iska tagtaa”. Markii uu kaalinta labaad galay doorashada, wareeg labaadna loo gudbay waxa uu Mugabe sheegay in ‘Alle oo kaliya’ uu xilka ka qaadi karo. Si uu taageerayaashiisa u badbaadiyo, Morgan Tsvangirai ayaa ka baxay wareegii labaad ee doorashada kadib markii ciidammada ay bilaabeen in ay dhibaateeyaan mucaaradka, iyada oo markii dambe Mugabe lagu qasbay in uu awoodda la qeybsado Morgan oo laga dhigay Ra’isulwasaaraha Zimbabwe muddo afar sanno ah. Sooyaalka Mugabe oo kooban 1924: Dhashay 1964: Waxaa xabsi galiyay dowladdii gumeysiga ee Rhodesian 1980: Waxa uu ku guuleystay doorashooyinkii dhacay xornimada kadib 1996: Waxa uu guursaday Grace Marufu 2000: Waxa uu ku guuldaraystay afti , kadib ciidamo taabacsan ayaa weeraray beeraha caddaanka. 2008: Kaalinta labaad ayuu galay doorashooyinkii guud ee dhacay 2017: Waxa uu xilkii ka qaaday madaxweyne ku xigeenkiisii Emmerson Mnangagwa Halyeey Halgan Waxaa lagu eedeeyay in uu isticmaalay rabshado si uu u jabiyo mucaaradkaMar ayaa waxaa loo arkay in uu yahay halyeey dalkiisa iyo dadkiisa u halgamay , meeshana ka saaray xukunkii caddaanka tirada yar ee dalkaas majaraha u hayay, waana sababta hoggaamiyeyaal badan oo Afrikaan ah ay uga gaabsadaan in ay dhaleeceeyaan. Adduunka intiisa badan horey ayuu u socday, balse isaga wali halkii ayuu taaganyahay, tusaale ahaan xisbigiisa aragtiyada shuuciyadda ku dhisan waxa ay wali la dagaalamayaan in ay ka reeyaan xooggaga hanti goosadka waxa ay ku tilmaameen. Qof kasta oo dhaleeceyn u jeediyo waxaa loogu yeeraa “Qaa’inul waddan ama dabo dhilif”, kalmadahaas oo markii lagu guda jirey halganka hubeysan qofkii lagu dhoho ay ka dhigneyd xukun dil ah oo kale. Markasta waxa uu dhaqaale burburka Zimbabwe ku eedeyn jirey dalalka reer galbeedka oo ay hoggaaminayso Britain, wuxuuna sheegi jiray in ay doonayaan in ay xilka ka tuuraan, xoogna kula wareegaan dhulka beeraha ah.. Mucaaradka oo gubaya lacag qiimo beeshayDadka isaga naqdiya ayaa ku eedeeyay in uusan fahamsanayn sida uu u shaqeeyo dhaqaalaha adduunka casriga ah. Waxa uu muddo badan ku mashquulsanaa sida loo qeybsanayo qeyraadka dalka halkii uu ku mashquuli lahaa sidii loo kordhin lahaa dhaqaalaha Zimbabwe. Mugabe ayaa mar yiri hadalkii caan baxay ee ahaa in dalkiisa uusan waligiis musalafi doonin, balse sanadkii 2008-dii Zimbabwe waxa ay ahayd markab sii quusaya oo kale, sicir bararkana waxa uu gaaray 231 milyan boqolkiiba, waxayna u ekeyd in Mugabe uu doonayay in uu ka wardoono xeerada salkeeda. Prof Tony Hawkins oo ka tirsan jaamacadda Zimbabwe ayaa yiri “Markasta oo siyaasadda iyo dhaqaalaha is barbar imaadaan, markasta siyaasadda ayaa guuleysan jirtay”. Sanadkii 2000 markii uu la kulmay mucaaradad adag markii koowaad, waxa uu markiiba buris u qaatay burburinta dhaqaalaha Zimbabwe oo ka mid ahaa kuwa ugu wanaagsan Afrika si uu ugu guuleysto hardankii siyaasadda. Mugabe ayaa dhiirogaliyay in lala wareego beeraha caddaankaWaxa uu la wareegay beerihii ay lahaayeen dadka caddaanka kuwaas oo laf dhabar u ahaa dhaqaalaha Zimbabwe, waxaana meeshii ka cararay deeqbixiyeyaashii caalamka. Marka si kale loo dhigo, Mugabe waxa uu ka reeyay mucaaradkiisa oo dhan, isaga oo xukunka kusii nagaaday. Kaartooyinkii uu isticmaalay isaga iyo tageerayaashiisa waxaa ka mid ah tii barigii ay jabhadda ahaayeen. Markii uu dhadhamiyay guuldaradii koowaad ee doorashada, sanadkii 2000 xiligaas oo uu ku guuldaraystay aftidii dadka laga qaaday, ayaa waxa uu hawlgaliyay maleeshiyaadkiisii oo wata magaca “halyeeyada dagaalka” kuwaas oo gacan ka helaya ciidammada amniga , waxayna bilaabeen in ay laayaan mucaaraadka, qaar la jir dilo, qaarna la cabsi galiyo. Siddeed sano kadib iska arrintii oo kale ayaa dhacday kadib markii Mugabe uu galay kaalinta labaad ee doorashada wareegii koowaad ee doorashada. Waxaana kaalinta koowaad ka galay hoggaamiyihii mucaaradka Morgan Tsvangirai. Marka loo baahdo, dhammaan qeybaha kala duwan ee dowladda sida ciidammada, shaqaalaha rayidka ah iyo waliba warbaahinta oo ay gacanta ku hayaan xubnaha xisbiga ZANU-PF ayaa la hawlgaliyaa si loogu adeego danaha xisbiga. Mugabe oo 93 jirsadayNinkii u dagaalamay in uu hirgaliyo nidaamka hal qof iyo hal cod, ayaa markii dambe soo rogay in qof kasta oo codka dhiibanaya uu cadeeyo halka uu degenyahay, islamarkaasina keeno waraaqaha uu ku bixiyay korontada iyo biyaha, taas oo aysan heli karin dad badan oo dhalinyaro ah oo fuqaro ah, una badnaa taageerayaasha mucaaradka. Fikradda uu ka qabo mucaaradka waxa ay iska cadayd sanadihii 1980-naadkii xiligaas oo ciidamadiisii sida gaarka u tabobarnaa ay weerareen degmada Matebeleland halkaas oo lagu laayay kumanaan ka mid ah taageerayaasha Joshua Nkomo oo ahaa hoggaamiyihii mucaaradka. Mr. Nkomo ayaa markii dambe aqbalay in uu awoodda la qeybsado Mugabe, si la mid ah sidii Tsvangirai uu u aqbalay kadib markii la laayay kumanaan qof oo taageersanaa. Waxyaabaha aan shakiga lahayn ee 33-dii sano ee uu xilka hayay u qabsoomay Mugabe waxaa ka mid ah waxbarashada oo 90% dadka reer Zimbabwe laga dhigay kuwa wax qora, waxna akhriya. Balse taas waxa ay horseeday in dadkii aqoonta yeeshay ay darsaan dhibaatada Zimbabwe, kadibna qaataan go’aano ay kaga soo horjeedaan isaga. Dhambaalo laga soo xigtay dowladda Maraykanka oo lagu soo daabacay bogga Wikileaks sanadkii 2011-kii ayaa lagu sheegay in Mugabe uu qabo kansar. Balse sidaas oo ay tahay wuxuu markasta sheegi jiray in uu xilka ka degayo marka uu guuleysto halganka uu ku jiro. Waxaase marar badan soo baxay warar suuqa ku jiray oo ahaa in xisbigiisa ZANU-PF ama dalalka dariska ay xukunka ka tuuri doonaan Mugabe. Waana isla taas middood waxa hadda dhacaya, inkasta oo aanan wali lagu kala bixin. Xigasho: BBC SOMALI
  21. Democracy at work: The Republic of Somaliland fits the Montevideo Convention on the Rights and Duties of States definition that a state should have a permanent population, defined territory, a government and the capacity to enter into relations with other states. Picture: TRISTEN TAYLOR The immigration official at the border between Ethiopia and the Republic of Somaliland says that, in his seven years of working at the small and dusty border post, he has never seen a South African passport before. During the day, the air in Somaliland’s capital city Hargeisa is still and listless in the heat. There is not a great deal to do except nap to the lullaby of an electric fan, listen to the mu’addhin calling out to the faithful, or chew khat. Alcohol is banned, so there is no cold beer to help the day drift on by. During the night, a cool breeze and sugary milky coffee lubricate conversations with Somalis, who often have American or British accents. The diaspora is returning home and investing heavily in the country. The usual topic of coffee shop conversations is the national elections: Somaliland went to the polls on November 13. After that conversation, there tends to be a bombardment of questions about President Jacob Zuma’s corruption. I inevitably end up apologising for SA’s xenophobia, like I have had to do in every country on my 1200cc motorcycle ride up Africa. Three parties contested the election: Kulmiye, Wadani and For Justice and Development. To reduce the potential for conflict, the parties held carnival-like marches on alternating days. The general feeling is that the politicians will accept the election results. Street campaigning in Hargeisa is a million miles away from Kenyan electioneering — where I got tear-gassed twice — or SA’s omnipresent threat of political violence. Somaliland is not exactly a hot spot for tourists: I did not see any. Perhaps the lack of tourism is due to the false impression that al-Shabaab rules the streets and there is no difference between Hargeisa and lawless Mogadishu in Somalia. If you are foolish enough to come to this part of the world, and move through the streets in anything but a tank, says the conventional wisdom, you’ll be kidnapped by zealots of a perverse distortion of Islam. On the plus side, the YouTube video of your rolling head should get a few clicks. But Somaliland is the safest and friendliest country I have ever been in. My Johannesburg mentality keeps freaking out with the locals: why are you talking to me? What do you want? Are you trying to set me up for some scam by inviting me over for a cappuccino? Instead of being mugged, stabbed, conned or generally intimidated, I’m in danger of tooth decay from sweet spiced tea. And then there is that disquieting feeling of a returning faith in humanity. Maybe tourists don’t come to Somaliland because it is not an internationally recognised state. The UN, for example, sees Somaliland as a part of Somalia and not as an independent country. This is where matters start to get complicated. Is Somaliland a state? International recognition can’t be the determinate of statehood. Even if we don’t declare a camel to be a camel, it is still a camel. Camels are what they are. Generally, cantankerous animals that often run unexpectedly out of the bush and onto the road. Thus we are left with the pressing question what a state is. For if Somaliland is one, then SA’s Department of International Relations and Co-operation has some explaining to do. There are two main definitions of a state. The first definition comes from article 1 of the Montevideo Convention on the Rights and Duties of States (1933), which declares that a state should have a permanent population, defined territory, a government and the capacity to enter into relations with other states. Check on all four counts. Borders, budgets, rule of law, people, embassies, traffic police — Somaliland has them all, along with 9GB of prepaid mobile data for R75. In 1918, the noted German sociologist Max Weber defined the state as “a human community that [successfully] claims the monopoly of the legitimate use of force within a given territory”. Check again. No road transport was allowed on voting day. The borders were closed. Police manned the voting booths. Social media was shut down. The human community of Somaliland has that monopoly on legitimate violence, just like the South African state does. If it runs, chews, smells, looks and bites like a camel, then it is a camel. So why hasn’t SA recognised the conservative but democratic Republic of Somaliland? Maybe the government is petrified that if it recognises the divorce of Somalia and Somaliland, it would have to give in to the powerful Cape Party and allow the Western Cape to become the world’s first Hipster Republic. The more likely explanation is that the ANC as a liberation party is dead. Buried deep under tons of overpriced Gupta concrete. Reflecting the personal inclinations of Number One, the ANC as a governing party has a foreign affairs platform that supports anything but democracy. Omar al-Bashir, Robert Mugabe, Vladimir Putin, Xi Jinping, Joseph Kabila, those are our guys. As the ANC’s commitment to supporting the development of democracies outside of SA has waned, we should not be surprised that its commitment to democracy inside SA is withering. In 2015, our friends in the People’s Republic of China abducted five booksellers in Hong Kong. We didn’t say anything then, did we? And now look at what the President’s Keepers are trying to do. Businesslive
  22. ZIMBABWE:[Puntland Post]-Madaxweynihii dalka Zimbabwe soo xukumayay 37 sano Robert Mugabe ayaa xilka ka dagay maanta kaddib markii xisbigiisu ugu hanjabeen in ay la tiigsanayaan sharciga islamarkaana ay maxkamad soo taagayaan. Mugabe oo murankiisa xileed socday maalmo ayaa horay waxa uu u diiday in uu xilka ka dago kadib markii ciidamada xoogga dalkaasi ay si khasab ah talada dalka ugala wareegeen. Wakaaladda wararka ee AP ayaa iminka qoreysa in uu xilka ka dagay madaxweyne Mugabe. Muranka Mugabe ayaa bilowday kaddib markii uu damcay in xaaskiisa oo 41 sano ka yarGrace Mugabe uu xilka dalkaasi ku wareejiyo maadaama uu isaga duqoobay uuna jiro 93 sano. Si uu arrintaasi ugu fududeeyo xaaskiisa ayaa waxaa uu xilkii madaxweyne ku xigeen ka qaaday saaxiibkiis Emmerson Mnangagwa, sidaasna ay ciidamada kusoo fara-galiyeen arrinta. Mugaabe ayaa xukunka kala wareegay sannadkii 1980-kii guneystihii dalkaasi xukumayay ee Ingriiska. Cabdiqani Boos Puntland Post The post DEG DEG Madaxweyne Mugabe oo xilka ka dagay appeared first on Puntland Post.
  23. Musa Bihi Abdi of the ruling Kulmiye party was declared the winner of Somaliland’s presidential election on Tuesday, by the election commission of the breakaway region. Situated at the northern tip of east Africa on the Gulf of Aden – one of the busiest trade routes in the world – Somaliland broke away from Somalia in 1991 and has been relatively peaceful since. The region of 4 million people has not been internationally recognized but it has recently drawn in sizeable investments from the Gulf. In the election, Abdi won just over 55 percent of the vote, while opposition leader Abdirahman Iro took nearly 41 percent, election commission chairman Iman Warsame said. Turnout was 80 percent. In a debate before last week’s vote, Abdi pledged to boost women’s participation in politics and introduce compulsory national service for high school and university graduates. There was no immediate comment from Iro, whose opposition party Waddani had accused Kulmiye of vote-rigging although it has not given evidence. A U.K. government-funded international observer mission said the poll “preserved the integrity of the electoral process” and concluded irregularities were limited and did not undermine the vote. The former British protectorate broke away from Somalia in 1991 following a bloody civil war. The poll had originally been scheduled for 2015 but was delayed by political spats and severe drought. Analysts say the region enjoys strong ties with neighboring Ethiopia and Djibouti as well as its growing investment from the Gulf. Earlier this year the government agreed to let the United Arab Emirates establish a military base in its port of Berbera. That came after Dubai’s DP World last year signed a 30-year concession to develop the same port that will require an investment of $440 million. The company is pouring further funds into a project connecting the port to landlocked Ethiopia. This month DP World said it would also develop an economic zone in the region. Reuters
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowlada, gaar ahaan kuwa Kumaandooska ay gacanta ku dhigeen dhalinyaro maleeshiyaadka al-Shabaab u qaabilsan dhanka Qaraxyada. Ciidamada ayaa maleeshiyaadkan ku qabtay howlgal si gaar uga dhacay degaan lagu magacaabo Danwale oo hoostaga Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Mid kamid ah Saraakiisha ciidamada Danab ayaa warbaahinta u sheegay in maleeshiyaadka la qabtay ay al-Shabaab u qaabilsanaayen Qaraxyada, isla markaana xiliga la qabanaayay ay ku howlanaayen fulinta Qaraxyo. Howlgalka lagu qabtay maleeshiyada ayaa waxaa barbar socday howlgal kale oo isna lagu qabtay 16 maleeshiyo kuwaasi oo qaarkood ay sheegeen in ay yihiin rag Shabaab u qaabilsanaa howlgala khaaska ah. Sidoo kale, ciidamada ayaa intii ay howlgalkan ku guda jireen burburiyey saldhig ay maleeshiyada ku lahaayeen degaaanka Danwale oo ka tirsan Shabeellaha Hoose. Geesta kale, howlgalkan lagu qabtay maleeshiyaadkan Muhiimka ah ayaa waxaa ka qeybqaatay Saraakiil cadaan ah, waxa uuna bartilmaameedka ahaa Saldhiga iyo Maleeshiyada Qaraxyada diyaarineysay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Hargeysa (Caasimadda Online) – Guddiga doorashooyinka jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbnaannida ee Somaliland ayaa shaaciyay in Muuse Bixii oo ku guuleystay doorashadii madaxtinnimada Somaliland ee dhacday 13-kii bishan. Cadbiqadir Imaan Warsame Guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa sheegay in musharraxa xisbiga Kulmiye uu helay 55% codadkii la dhiibtay. Biixi ayaa waxaa horyaalla arrimo badan oo ay tahay in uu wax ka qabto, si uu u kasbado kalsoonida shacabkii soo doortay iyo xitaa kuwa aan u codeyn ee deegaannada Somaliland. Arrimaha muhiimka ah waxaa ka mid ah qodobbada hoos ku xusan. Arrimaha Gudaha Muuse Biixi waa nin muddo ku dhex jiray siyaasadda Somaliland. Waxa ugu horreeya ee hor yaalla waa sidii uu u midayn lahaa kala qoqobnaanta siyaasadeed iyo tan xagga qabaa’ilka ee ka dhex jirta Somaliland. Bil matal, magaalada Hargaysa waa magaalo qabiil ahaan iyo siyaasad ahaan u kala qaybsan koofur iyo waqooyi. Sidaas si le’eg, magaalada labaad ee Somaliland, Burco, waxay u kala qaybsan tahay Bari iyo Galbeed. Madaxdii isaga ka horraysay wax weyn kama qabanin kala qoqobnaantaas. Isla ayadaas ayey nabadda ku dul dhiseen, taasoo si fiican u shaqaysay, su’aashuse waxay tahay ilaa intee ayey nabadda, hannaanka qabaa’ilka iyo siyaasaddu isla socon karaan? Ictiraaf raadin Waxa ugu weyn halkan waa Somaliland ay sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya inteeeda kale sanaddii 1991. Farsamo ahaan, weli dunida waxay u aqoonsan tahay hal dal. Qariidada dunida weli laguma darin Somaliland, dalalka jaarka la ahna maba aysan aqoonsan, inkastoo ay ku qaddariyaan nidaamka iyo kala dambaynta iyo hannaanka dawliga ah ee ka jira. Ugu yaraan, waxa ugu weyn ee horyaalla Muuse Biixi iyo xukuumadiisa waa inay xal u helaan deegaannada lagu muransan yahay ee u dhaxeeya iyaga iyo Puntland, iyo in meel fiican la gaarsiiyo wadahadallada kala dhaxeeya dowladda Federaalka ee Soomaaliya. Waxaa laga war dhowrayaa waxyaabaha uu sameyn doono sidii u dardan gelin lahaa ictiraaf raadinta oo ah qadiyad ay ku mideysan yihiin dhinacyada kala duwan ee siyaasadda Somaliland. 2020 iyo Furitaanka Xisbiyada Gabdho saf ugu jira in ay codeeyaanTobankii sanaba mar baa la furaa xisbiyada Somaliland in hoggaankooda loo tartamo. Labo sano ka dib waxaa la filayaa in hoggaanka xisbiyada uu isbeddel ku yimaado oo wejiyo cusub ay hoggaanka qabtaan. Sidii uu ugu diyaargaroobi lahaa mowjadaas ku soo socota ee la saadaalinayo inay galaafan doonto ugu yaraan mid ka mid ah raggii ay wada tartameen waa arrin qorshihiisa wakhtiga fog wax ka tari karta. Wax qabad Waa waxa ay dadku hoggaanka ku doortaan, hoggaanna uu bulshadiisa ugu adeego. Waxaa looga fadhiyaa in uu ka dhabeeyo ballanqaadyadii uu sameeyey xilligii uu ku jiray ololaha doorashada.Waxaa ka mid ah waxaa ka mid ah wax ka qabashada shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta Somaliland taasoo ku qaaday in dhalinyro badan oo reer Somaliland ah ay tahriibaan. Xigasho: BBC Somali