-
Content Count
205,632 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
In ka badan soddon khubaro, cilmi-baareyaal, iyo aqoonyahaanno ayaa shalay isugu yimid caasimadda Soomaaliya bilowgii kulan socon doona muddo seddax maalmood oo ku aaddan horumarinta nabadda iyo dib u heshiisiin qaran ee Soomaaliya. Kulanka Nabadda iyo Dib u heshiisiinta Soomaaaliya ayaa waxaa looga gol leeyahay in lagu yagleelo hay’ad gacan ka geysan doonto dadaallada looga hortagayo colaadda iyo dib u heshiisiin, kuwaas oo inta badan loo arko kuwo shuruud u ah in ay Soomaaliya hesho xasillooni waarta. Kulanka ayaa waxaa si wadajir ah u qabanqaabiyay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. “Khubarrada waxaa ay isugu yimaadeen in ay is weydaarsadaan aqoontooda iyo khibraddooda iyo in ay isla eegaan sida ay si wadajir ah waayo-aragnimadooda ku jiheyn karaan wax ka qabashada caqabadaha waaweyn ay Soomaaliya la tacaaleyso,” ayuu ku faahfaahiyay Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya, Michael Keating, markii si rasmi ah loo furayay kulanka. Qoraallo ka kooban warbixinnada khubarrada oo ay diyaariyeen hay’adaha ku sugan Soomaaliya iyo kuwa aan ku sugneyn ayaa laga arrinsan doonaa si aad loogu kuurgalo isbeddellada colaadaha ee dalka, iyo in la isla eego siyaabaha loo afjari karo dagaallada. Waxaa socdaa qorshe lagu daabacayo qoraallada, oo laga dhigayo buug dhammaadka sanadkan. Ka qaybgalayaasha kulanka ayaa sidoo kale eegi doonaa tallaabooyinka dhabta ah ee lagu horumarin karo nabadda iyo dib u heshiisiinta heer qaran iyo heer maamul goboleed. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Dowladda Federaalka ah, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa muujiyay sida ay xukuumaddiisa uga go’an tahay in la helo nabad waarta, waxaa uuna soo dhaweeyay aragtiyada khubarrada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamiga ahba ee ku aaddan arrintaasi. “Waxaan dooneynaa in aan ka faa’iideysanno dadaalladiinna aanna dhaqangelinno waxyaabaha aad soo jeedisaan kaddib munaaqashadiinna labada maalmood ee soo socda,” ayuu yiri Wasiir Sabriye. “Khibradihiinna muddada dheer iyo aqoontiinna ku saabsan xallinta khilaafaadka iyo maareeynta waxtar weyn ayay u leedahay Soomaaliya iyo dadaallada lagu yareynayo ugu dambeyntina lagu soo afjarayo dagaallada.” Madaxa Safaaradda dalka Norway ee Soomaaliya, Vebjørn Heines, ayaa xusay in dadaallada ay dalkiisa Scandinavian-ka ah ku bixiso xallinta colaadaha Soomaaliya iyo horumarinta dib u heshiisiinta in ay socdeen tani iyo sanadkii 1995 xilligaas oo ay dowladda Norway martigelisay kulan looga hadlaayay nabadda dalkan ku yaalla Geeska Afrika. “Intaasi oo sano kaddib, waxaan u maleynayaa in wax badan ay inaga dhiman tahay, si aan u hubinno in go’aammadeenna iyo tallaabooyinkeenna ay yihiin kuwo si fiican looga baarandegay,” ayuu xusay Mudane Heines. “Arrintaan, anaga sida inoo muuqata, waa sida ay ka dhawaajiyeen Wasiirka iyo Ergeyga Qaramada Midoobay ee Keating – in loo yeelo Dowladda, bah-waadagta muwaaddiniinta ah iyo kuwa caalamiga ahba, oo ay ku jirto Qaramada Midoobay, hay’ad cilmi-baadhis ah iyo soo jeedimo horumarin kara awoodda loo leeyahay in laga hortago colaadaha,” ayuu yiri dibluumasigan ka socda dalka Norway. Khubarrada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamiga ah iyo cilmi-baareyaasha ayaa waxaa loo kala qaaday kooxo ka wada-shaqeyn doono mowduucyo sida al-Shabaab, dib u heshiisiin qaran, iyo ganacsi iyo horumarinta. Xigasho:https://unsom.unmissions.org The post Hay’ad qaabilsan Dib u heshiisiinta Qaranka oo la dhisayo. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho – Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, dowladaha Itoobia, Talyaaniga, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa ayaa soo dhoweeyay go’aannadii Golaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya (NSC) uu ku qaatay kulankii 6-10 Febraayo 2018. Golaha Amniga Qaranka (GAQ) wuxuu ka dooday arrimo asaasi ah sida mas’uuliyadaha amniga, hanaanka doorashada, dib-u-eegista dastuurka iyo qeybsiga kheyraadka iyo dakhliga, oo uu ku jiro kalluumeysiga. Saaxiibbadu waxay tallaabooyinkaas u aqoonsanyihiin inay yihiin tallaabooyin sax ah oo muhiim ah waxayna ku boorrinayaan madaxda dalka inay guda galaan hirgelinta tallaabooyinkaas, si dadka Soomaaliyeed ay uga fa’iideystaan heshiisyadan. Saaxiibbadu waxay sidoo kale soo dhoweeyeen go’aannada laga gaaray amniga waxayna isku raaceen in muhiimadda ugu weyn ay noqoto dadaallada lagu xisaabinayo tirada, lagu qiimeynayo oo dib loogu habaynayo ciidamada booliska ee Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah iyadoo lagu salaynayo hanaanka federaalka, sida lagu qeexay Qaabdhismeedka Amniga Qaran iyo Hanaanka Qaabdhismeedka Cusub ee Booliska. “Waa wax aad dhiirigelin u leh in GAQ uu ka dooday arrimo asaasi ah sida mas’uuliyadaha amniga, hanaanka doorashada iyo qaybsiga kheyraadka iyo dakhliga,” ayuu yiri Md. Keating. “Caqabadda hadda na hortaalla waa hirgelinta, si ay dadka Soomaaliyeed ay heshiisyadan uga fa’iideystaan.” The post Beesha Caalamku maxay ka tiri Shirkii Amniga Qaranka magaalada Muqdisho? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraalo mideysan oo kasoo baxay Saaxiibada adduunka oo ay ugu horeeyan QM, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, dowladaha Ethiopia, Talyaaniga, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey go’aannadii kasoo baxay Golaha Amniga Qaranka Qaranka ee Somalia (NSC) uu ka gaaray kulankii 6-10 Febraayo 2018 ee ka dhacay magaalada Muqdisho. Golaha Amniga Qaranka (GAQ) wuxuu ka dooday arrimo asaasi ah sida mas’uuliyadaha amniga, hanaanka doorashada, dib-u-eegista dastuurka iyo qeybsiga kheyraadka iyo dakhliga, oo uu ku jiro kalluumeysiga. Saaxiibbadu waxay tallaabooyinkaas u aqoonsanyihiin inay yihiin tallaabooyin sax ah oo muhiim ah waxayna ku boorrinayaan madaxda dalka inay guda galaan hirgelinta tallaabooyinkaas, si dadka Soomaaliyeed ay uga fa’iideystaan heshiisyadan. Saaxiibbadu waxay sidoo kale soo dhoweeyeen go’aannada laga gaaray amniga waxayna isku raaceen in muhiimadda ugu weyn ay noqoto dadaallada lagu xisaabinayo tirada, lagu qiimeynayo oo dib loogu habaynayo ciidamada booliska ee Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah iyadoo lagu salaynayo hanaanka federaalka, sida lagu qeexay Qaabdhismeedka Amniga Qaran iyo Hanaanka Qaabdhismeedka Cusub ee Booliska. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Sidee ayey saaxiibada caalamka u arkaan go’aanka kasoo baxay shirkii kusoo dhamaaday Muqdisho ee qodobada laga soo saaray? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Markii farta la iga saaray liiska maxaabbiista, warbixin kooban ayaa la iga siiyay dadka qaar nawaaxiga Muqdisho ay heliddoodu adkaatay. Waxaa ka mid ahaa nin cinwaankiisu yahay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, laakiin inkasta oo Wasaaradda dhowr jeer la tegey laga waayay qof magaciisa aqoonsada. Ninkaas waxaan hadda magac ahaan u adeegsanayaa in uu ahaa Cabdi. Waa nin uu walaalkiis oo maxbuus Ethiopia ku xirani uu waraaq u soo diray laakiin si lagu wargeliyo la la’ yahay. Mar iyo laba markii aan tegey Wasaaradda oo dad badan aan wareystay waa la garan waayay. Ninku in uu yahay dhakhtar xoolaha, in uu yahay Agaasime ama xisaabiye, in uu yahay darawal, in uu sheybaar ka shaqeeyo midna kuma cadda waraaqda. Xataa waaxda uu ka tirsan yahay kuma qorna ama in uu Gobol ka shaqeeyo iyo in uu xarunta joogo ma ogin. Maalin maalmaha ka mid ah ayaan ku laabtay Wasaaradda goor duhurkii ku beegan inta aanan qado tegin. Waaxda Shaqaalaha ayaan tegey. Waxaa kale oo aan la kaashaday nin Wasaradda ka shaqeynayay in ka badan 10 sano. Waxaan u sheegay in aan hubo in Cabdi Wasaaradda ka shaqeynayay 1977. Laakiin ka dib aanan ka warqabin. Bal maskaxdaada dib ugu laabo oo feker. Qof magacaa lahaa oo Wasaaradda ka tegey, dhintay ama meel kale loo beddelay haddii aad xusuusan karto. In door ah markii uu fekeray, liiska shaqaalahana la eegay. Cabdi waa la gartay. Waxaa la ii sheegay in uu Cabdi weli ka tirsan yahay Wasaaradda, qeybta xannaada Digaagga, oo uu joogo beer Digaagga lagu xannaaneeyo oo ku taalla Waddada Afgooye Km 13. Dhowr xarun oo digaagga lagu xannaaneeyo oo qaar ay Wasaaraddu leedahay qaarna uu yahay ganacsi ayaa waddada Afgooye ku yaallay. Markaa tilmaan wanaagsan ayaan ka qaatay. Waan u mahadceliyay. Km 13 Wakhti aniga oo aan lumin ayaan ku dhacay waddada Afgooye. Daqiiqado yar ka dib beerta ayaan gaaray.. Iridda hore nin aan kula kulmay ayaa ii tilmaamay oo farta ku fiiqay guriga Cabdi oo markaa ii muuqda. Guriga ayaan tagey oo gabar guriga joogtay ayaan weydiiyay. Markii hore su’aalo yar ayay i weydiisay, sida kummaad ahayd? iyo maxaad ka rabtaa? Waan isu sheegay, shakigana waan ka saaray. Ka dibna, nin beer falaya oo meel dhinaca midig iiga began oo xerada dhexdeeda ah aan ku soo maray oo i soo eegay markii aan soo dhaafayay ayay ii tilmaantay oo ay tiri waa kaas Cabdi. Inkasta oo aan meeshu sidaa iiga fogeyn, haddana qorrax kulul ayaa jirtay. Gaariga ayaan ku laabtay, ka dibna waxaan u tegey Cabdi oo beer falidda joojiyay marka uu arkay baabuurka gurigiisa hor istaagay ee haddana dhankiisa u soo dhaqaaqay. Geed aan u maleynayo in uu garas ahaa ayaan hoostiisa la tagey oo u warramay. Walaalkiis oo dagaalkii 1977 loo qaatay in uu ku dhintay ayaan si tartiib tartiib ah oo qaarba mar ah ugu sheegay in uu nool yahay, waraaqna aan uga sido. Cabdi shucuurtiisa oo dhan ayaa mar keliya is beddeshay, waxayna igu qaadatay wakhti dhan in aan sugo marmarna aan ku tuuro kelmad aan ku dejinayo. Waxoogaa ka dib, markii uu miyirsaday, oo murugada uu warkeygu xusuusiyay uu ka soo yara kabanayo oo ay isu beddeleyso nooc farxad billow ah ayuu ii soo hor kacay dhinaca gurigiisa asaga oo waraaqda walaalkiis gacanta ku sita laakiin aammusan. Guriga markii aan nimid gabadha ayay meel aan iga fogeyn ku wada hadleen. Codkooda ma wada maqleyn laakiin waan hubay in uu warka farxadda leh la wadaagay marka aan eegay luqadda jirkooda. Wuu igu soo laabtay. Aad ayuu iigu mahadceliyay. Biyo ayuu i siiyay. Ka dibna qado ayuu igu martiqaaday inkasta oo aan ka cudur daartay. Wixii markaa ka dambeeyay, Cabdi si joogto ah ayaan ugu imaan jiray ugu yaraan bil kasta hal mar si aan ugu keeno waraaq uu walaalkiis u soo diray, jawaabatana aan uga qaado. W/Q. Yuusuf Garaad Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Halxiraalaha Xannaanada Xoolaha – Taxanaha Maxaabbiistii 77 – Qaybta Shanaad appeared first on Caasimada Online.
-
BAYAANKA CULIMADA PUNTLAND EE KU WAJAHAN DAWLADDA FEDERALKA QODOBADA BAYAANKU TAABANAYO Annagoo ah culimada Puntland eek u kulantay Garowe waxaan taageersanahay hannaanka wanaagsan ee dawladda federalku wax ku wado kaasoo ku astaysan maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa. Waxaan hadaba baaqaan u soo gudbinaynaa madaxda dawladda federalka, madaxda dawlad-goboleedyada, baarlamaanka federalka, golaha wasiirada, culinmada soomaaliyeed iyo cid kasta oo masuuliyad ku leh arimaha xajka iyo cumarada. Wuxuu baaqayagu ka kooban yahay arimahan hoos ku qoran: Waxaan taageersanahay baaqii hore ee culimada puntland u gudbisay madaxweynaha dawlada federalka xilligii uu safarka ku yimid Sidoo kale waxaan taageersanahay warsaxaafadeedkii wasiirka cadaalada, arimaha diinta iyo dhaqancelinta puntland uu jeediyey ee uu kaga hadlay arimaha xajka iyo cumrada Waxaan ku baaqaynaa in dawladda federalku si buuxda ula wareegto gacantana ku dhigto dhammaan arimaha xajka iyo cumrada dibad iyo Waa inay Shacabka soomaaliyeed oo abaaro iyo colaado diloodeen helaan sinnaan iyo cadaalad kana baxaan dulmiga iyo musuqmaasuqa, si ay Rukniga islaamiga ah ee Xajka iyo cumrada u Waa in tartan furan oo xor ah ay helaan shirkadaha doonaya inay ka shaqeeyaan arimaha xajka iyo Shacabka soomaaliyeed waa inay la mid noqdaan shucuubka kale ee geeska afrika xagga kharashka iyo dhammaan adeegyada xajka iyo Waa in la suuragaliyaa sidii shacabku fiisaha uga heli lahaayeen gudaha dalka, lagana soo wareejiyaa safaaradaha sacuudigu ku leeyahay Jabuuti iyo Naitobi, si ay u fududaato arimaha xajka iyo Allah baa mahad leh Waa baaqii Culimada Puntland ee ku kulantay Garowe
-
The International Court of Justice has allowed Somalia to file a response to a case in which it has sued Kenya over a maritime border. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (Xinhua) -- The African Union supports the free movement of persons in the continent and will continue working with regional economic blocs to achieve the objective, an official said on Monday. Source: Hiiraan Online
-
Garowe (Caasimada Onlie) – Xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka Sool, Cayn iyo Sanaag ee u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland, ayaa waxaa saldhig u ah in dadka siyaasada hurmudka u ah ee kasoo jeeda degaanadaan kala qaybsanaantoodu tahay mid shaqsiyadeed balse aysan eegin danaha shucuubta ku nool goboladaas. Wararka ayaa sheegaya in Ciidamo gaaraya 160 Askari oo horay uga goostay Puntland kuna biiray Somaliland ay maalintii 11/2/2018 shaaciyeen inay dib ugu soo noqdeen maamulkoodii hore iyagoo doonaya inay ka qayb qaataan sidii loo ilaalin lahaa dhulkooda. Waxay sheegeen in markii hore ugu wareegeen dhinaca Asad tahay sababo Dayac uga yimid Puntland iyo duruufo soo wajahay, balse aysan marnaba ku raacin Qadiyay. Goobta Ciidamada isku soo dhiibayeen waxaa ku sugnaa siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Cayn oo katirsan Puntland. Ciidamadan oo markii hore ku sugnaa deegaanka Carro-weyne ee gobolka Cayn ayaa la rumaysanyahay inay isku beel yihiin Wasiirkii hore ee Caafimaadka Somaliland, Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toose, oo iminka ku sugan magaalada Hargaysa islamarkaana uusan wanaagsanayn calaaqaadka kala dhaxeeya dowladda uu hogaamiyo Muuse Biixi Cabdi. Tallaabada ay ciidamada uga soo goosteen maamulka Hargaysa, ayaa loo malynayaa inay tahay qorshe uu Xaglo-toosiye ku raadinayo inuu mar kale kaga soo dhex-muuqdo masraxa siyaasadda Puntland iyo loollanka doorasho ee la filayo inay dhacdo sannadka dambe. Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiya ayaa shacabka Puntland barteen 2009-kii markaas oo uu kamid ahaa raggii ku jiray loollanka doorashada hogaanka sare ee maamulkaas isagoo raadinayay Kursiga Madaxweyne ku-xigeenka. Xaglo-toosiye, ayaa waqtigaas ku fashilmay inuu wax xil ah ka qabto Puntland, wuxuu damaciisii u wareejiyay dhinaca Hargaysa ilaa markii dambe noqdo Wasiir Caafimaad, wuxuuna raadiyay Guddoomiyaha Kulmiye iyo inuu kamid noqdo xukuumadda Cusub balse wuu ku guul darraystay. Warar kale ayaa sheegaya in arrintan ay keentay booqasho uu magaalada Buuhoodle ku tagay wasiirkii lagu badalay Xagla-toosiye, Cabdirashiid Ducaale Qambi, kasoo magaalada Buuhoodle booqday iyadoo ay jirto xiisadda u dhaxaysa labada maamul. Tan iyo markii Somaliland ay la wareegtay qayb kamid ah Sool, waxay sare u qaaday booqashooyinka ay ku tagayso qaybo kamid ah gobollada lagu muransanyahay, kuwaasoo ay horboodayeen xubnaha kasoo jeeda gobolladaas ee ku sugan Hargaysa. Siyaasiyiinta kasoo jeeda goboladaan gaar ahaan Sool iyo Cayn ee ku sugan magalada Garowe ayaa booqasho dowladeed ku bixin karin degaanadaan ay kasoo jeedaan tan iyo intii Laascaano gashey gacanta Somaliland. Maamulka Puntland oo ka koobnaa markii dhidibada loo taagey 5 gobol ayaa awood qaybsiga hay’adaha dowlada lagu saleeyey Gobolada Nugaal, Sool, Sanaag, Mudug iyo Barri. Gobolka Sool iyo Cayn ayaa heshiiskan awood qaybsiga ee la gaarey 1998 waxaa Dowlada Puntland ay ku leeyihin Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Guddoomiye ku xigeenka Barlamanka, 17 xildhibaan, Wasiiro iyo howl-wadeeno kale. Dhinaca kale waxaa jira Siyaasiyiinta marar kala duwan ku biiray Somaliland dibna ugu soo laabtay Puntland oo hadda ku sugan magaalada Garoowe, kuwasoo uu kamid yahay Axmed Cabdi Xaabsade. Xaabsade oo ilaa markii uu talada Puntland qabtay Madaxweyne Gaas ku sugnaa Garoowe, ayaa kamid ah ragga lagu eedeeyo in magaalada Laas-caano u gacanta u galiyeen Somaliland waqtigii uu xukunka hayay AUN General Cadde Muuse Xirsi. Siyaasigan ayaa rajo ka qabay in Madaxweyne Gaas xil u magacaabo. Xaabsade ayaa goob joog ka ahaa aasaaskii Somaliland isagoo gudoomiye Barlaman ka noqdey, Puntland xil Wasiir ka qabtey xiligii AHN Madaxweyne Cabdulahi Yusuf, dib ugu noqdey Somaliland xiligii Madaxweyne Cadde Madaxweynaha ahaa AHN isagoo markaas Wasiir ka noqdey Somaliland. Iminka waxaa jira siyaasiyiin kasoo jeeda gobolkaas, balse xilal ka haya labada maamul gaar ahaan Somaliland oo hormuud ka ah xiisadda ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Sida la rumeysan yahay weerarkii ciidamada Somaliland ku qabsadeen Tulada Tukaraq waxaa bilowgiisa iska lahaa saraakiil iyo siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Sool. Weerarkaan markii uu dhacey subaxnimadii 8 Jan,2018 ayaa isla-barqanimadii maalintaas waxaa si degdeg ah duulaankaas inuu sharci yahay Barlamanka maamulka Somaliland uga ansaxiyey Gudoomiyaha Barlamanka oo kasoo jeeda gobolka Sool. Arrintan ayaa shacinaysa doorka siyaasiyiinta gobolkan ka cayaaranayaan in Sool, Sanaag iyo Cayn noqon waayaan kuwo dagan islamarkaana la jaan-qaada gobollada kale. Falkaan ayaa ku soo beegmaya xilli Tuulada Tukaraq isku horfadhiyaan labo ciidan ee ka tirsan labada maamul ee Puntalnd iyo Somaliland kuwasoo dadaal ugu jira sidii mid walba u heli lahaa tageerada dadka daga goboladaan kuwasoo tan iyo intii Dowlada Soomaaliya dhacdey la jahawareersanaa shaqaiyaadka shaqo doonka ee isaga kala gooshaya magaalooyinka Hargeysa iyo Garowe. Xigasho: Garowe Online The post Xog xasaasi ah: Yaa ka dambeeya ciidanka kasoo goostay Somaliland ee ku biiray Puntland? appeared first on Caasimada Online.
-
Ka dib Shir ay ku yeesheen magaalada Garowe Culimadda Puntland ayaa laga soo saarey bayaan ku wajahan Dowladda Federalka Soomaaliya, Madaxda Maamul Goboleedyadda, Baarlamanka Soomaaliya, Gollaha Wasiiradda Dowladda Federalka iyo Culimada Soomaaliyeed ka dib kulan ay kaga xaajoodeen Arrimaha Xajka iyo Cabasho xoog leh oo ka jirta kharashka laga qaado Xaajiyadda Soomaalida xilliyadda ay u dhoofayaan Cumraysiga. Culimadda ayaa sheegay inay taageersan yihiin hanaanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuq maasuqa , waxayna ugu baaqeen Dowladda Federalka Soomaaliya inay si buuxda ula wareegto gacantana ku dhigto arrimaha xajka iyo cumrada dibadda iyo gudaha. Waxay sheegeen dadka ka dhoofaya Soomaaliya xilliyadda xajka inay noqdeen kuwa qiimaha ugu qaalisan ku taga Xajka, Iyagoona ugu baaqay cid kasta oo ay quseyso deg deg inay wax uga qabato madaama colaado iyo abaaro isugu darsameen ummadda Soomaaliyeed islamarkaana aysan xamili karin lacag tiro badan oo ay kusoo xajiyaan si ka duwan dalalka kale ee caalamka. Culimo udiinka ayaa sheegay inay taageersan yihiin Warsaxaafadeedkii Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Dowladda Puntland uu dhawaan ku dhaliilay qiimaha dadka Soomaaliyeed ku tagaan Xajka oo uu ku eedeeyay mid ka mid ah shirkaddaha duulimaadyadda ee Dalka Soomaaliya “ Halkan ka daawo”. Bayaanka Culimadda ayaa loogu baaqay Dowladda Federalka Soomaaliya inay helaan tartan furan oo xor ah shirkaddaha duulimaadyadda ee ka shaqeeya arrimaha xajka, wuxuuna kusoo beegmayaa bayaankoodu xilli uu iska fogeeyay Maamulka Shirkadda Jubba Airways Eedeyntii uga timid Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland. Hoos ka akhriso bayaanka culimadda. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Culimadda Puntland oo baaq u direy Dowladda Federalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Den Haag (Caasimadda Online) – Maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ ayaa qoraal kooban kasoo saartay kiiska dacwadda badda ee u dhaxeeya dalalka Somalia iyo Kenya. Qoraalka kasoo baxay maxkamadda ayaa looga dalbaday Somalia in ay soo gudbiso jawaabteeda ku aadan kiiskaan oo dowladda Somalia horay u furtay. Maxkamadda ayaa ogolaatay in jawaabteeda soo gudbiso dowladda Somalia, ugu danbeyn 18 June, halka labada dhinac ee dacwada ka dhaxaysana la siiyay inay qoraaladooda dhan soo gudbiyaan 18 Dicember. Kiiska dacwadda badda ayaa waxaa horay u furtay dowladdii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo aan la ogeyn dowladda cusub ee Farmaajo sida ay xoogga u saari doonto arrintaan. Caasimada Online Xafiiska Den Haag Caasimada@live.coma The post Akhriso: Maxkamadda caddaalada adduunka oo ee qaadeysay dacwada badda oo waqti u qabatay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimadda Online)- Booqashadii taariikhiiga aheyd ee madaxweyne Farmaajo ku tegay gobolada Puntland iyo Galmudug ayaa dadka shacabka ah dareen iyo yadadiilo gelisay, waxaana halkaan idiin kugu soo gudbineynaa muuqaal doceumentari ah oo laga sameeyay booqashadii madaxweynaha ee ee Puntland iyo Galmudug. The post Shacabka Soomaaliyeed kuma hungoobin filashadoodi dowladnimo, Documentary Xiiso badan. appeared first on Caasimada Online.
-
Every nation in the world belongs to economic institutions whose main activity is on how to shoulder the responsibility of stabilizing of its macroeconomic policies in order to avoid the economic problems that could distort the entire system of economic functionality. The prudential regulatory mechanism undertaken by such institutions could save any nation from turning into an abyss of economic collapse if held such problems in check before the disease run its course. It is the ultimate responsibility of the government to create coherent economic policies that will be able to make an “economic prognosis” before the situation has gone into a paroxysm of rage and violence. The Central Bank is perhaps the most important financial institution which is entrusted with the duty of regulating the volume of currency and credit in that country. Also, the Central bank issues currency, regulates and controls money supply in the circulation, it also fixes both the nation’s different interest rates and exchange rates, controls inflation. Apart from this, the Central bank regulates and controls the activities of all commercial banks in a country – it is the lender of last resorts. According to economists, Central Bank may be defined as an institution which is charged with the responsibility of managing the expansion and contraction of the volume of money in the interest of “general public welfare.” Bank of England was the world’s first effective central bank that was established in1694. As per the resolutions passed in Brussels Financial Conference, 1920, central banks are formed almost in every country in that year, for the interest of world cooperation. The governments often play a crucial role in regulating and administering its local economy by using the appropriate tools in the event of economic hardships. For example, by using monetary and fiscal policies to combat the inflationary pressures, in this instance, all types of foreign currency has to come into hands of the State, as the State is the sole monetary regulator for the country’s “money supply.” It is the key functions of the central bank to regulate the cash deposits in the commercial banks whether it is private or public. As a general rule, there is no commercial bank that could operate beyond the domain of the central bank. In the context of Somaliland, there are no functional commercial banks as Somaliland is still in de facto state, and could not secure foreign currency to compensate imports of foreign goods, or open a letter of credit in a bank in their favor. Every nation of the world belongs to its own unit currency, which is described as the “legal tender.” The double currencies usually precipitate a serious economic collapse into people’s livelihood and economic vibrancy as well. The practicality of such cases occurred in many countries of the world i.e. Angola, Zambia and most notably, Zimbabwe, where dual currencies have paralyzed the entire system of its economy, (World Bank Report, 2017). The use of USD as a medium of exchange for goods and services has displaced the local currency of Zimbabwe, and instead involved unprecedented “hyperinflation.” The inflation rate of Zimbabwe topped 50% per month, the minimum rate to quantify as hyperinflation, each year the government used to print denominations of worthless currency papers. For example, a 100 trillion Zimbabwean dollar note is equivalent to 0.50 cents. Dual currencies devalue the local currency when all business transactions have taken place in the form of foreign currency. In this scenario, it is practically scientific to use ones local currency in all forms of business transactions, debts, e-money, government taxation etc. to avert devaluation of currency against foreign currency. Unnecessary government expenditure and kleptocracy involve “exchange fluctuations” when too much money is chasing few foreign currencies in the domestic markets, engendering spiral inflation as a result. Under this circumstance, the foreign currency automatically replaces the purchasing power of the local currency if the government fails to immediately intervene in the situation – this is true for Somaliland case. The economic red signals emerge when the entire nation is not having a “staple food” and will not be able to locally produce food for consumption. When the nation becomes dependent on foreign exports for their livelihood, it is symptomatic of an ailing economy is in the offing. It is the fundamentals of economic principles: “to efficiently utilize the allocation of scarce resources at our disposal.”It is economically viable to produce local production, in order to survive from the demand driven foreign goods, and instead has to be an “export promoter” to gain an inflow of hard currency into ones country – meaning exports must exceed imports. Under this case, an investment of local production in the form of joint venture is indispensably necessary for the promotion of such economic activities. The State should encourage its businessmen to make an inflow of domestic investment, and has to offer a wide package of incentives to the talented entrepreneurs and enterprising young people. Abdulqadir Omer Jama Janaale59@gmail.com
-
– Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, dowladaha Itoobia, Talyaaniga, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa ayaa soo dhoweeyay go’aannadii Golaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya (NSC) uu ku qaatay kulankii 6-10 Febraayo 2018. Golaha Amniga Qaranka (GAQ) wuxuu ka dooday arrimo asaasi ah sida mas’uuliyadaha amniga, hanaanka doorashada, dib-u-eegista dastuurka iyo qeybsiga kheyraadka iyo dakhliga, oo uu ku jiro kalluumeysiga. Saaxiibbadu waxay tallaabooyinkaas u aqoonsanyihiin inay yihiin tallaabooyin sax ah oo muhiim ah waxayna ku boorrinayaan madaxda dalka inay guda galaan hirgelinta tallaabooyinkaas, si dadka Soomaaliyeed ay uga fa’iideystaan heshiisyadan. Saaxiibbadu waxay sidoo kale soo dhoweeyeen go’aannada laga gaaray amniga waxayna isku raaceen in muhiimadda ugu weyn ay noqoto dadaallada lagu xisaabinayo tirada, lagu qiimeynayo oo dib loogu habaynayo ciidamada booliska ee Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah iyadoo lagu salaynayo hanaanka federaalka, sida lagu qeexay Qaabdhismeedka Amniga Qaran iyo Hanaanka Qaabdhismeedka Cusub ee Booliska. “Waa wax aad dhiirigelin u leh in GAQ uu ka dooday arrimo asaasi ah sida mas’uuliyadaha amniga, hanaanka doorashada iyo qaybsiga kheyraadka iyo dakhliga,” ayuu yiri Md. Keating. “Caqabadda hadda na hortaalla waa hirgelinta, si ay dadka Soomaaliyeed ay heshiisyadan uga fa’iideystaan
-
By: M. A. Egge The government has acknowledged the recurrent drought menace which has just started sweeping across the country yet once more hence is bent on finding ways and means of combating its strife. The government has at the same time directed the formulation of ways and means addressing the pre-emption of sporadic internal clashes hence curb their recurrence. These were part and parcel of decisions made by the council of the cabinet ministers on Thursday the 8th February ‘18 at the Presidency according to a press release signed by the newly appointed Presidential spokesman Mr. Mohammed Warsame Jama. The spokesman said that in the meeting that was chaired by the President H.E. Musa Bihi Abdi and flanked by his vice H.E. Abdirahman Abdillahi Ismael, the ministers expressed strong emotions decrying recurrent skirmishes amongst brethren communities that polarizes the populace hence equally denounced demonstrations by youth orchestrated in the aftermath of such incidences. The press release said that the consensus of the ministers was that it was imperative that lasting solutions are found hence ways and means of avoiding such incidences in future by putting measures in place. “Administrative governance should be bolstered such that the populace enjoy comprehensive stability hence ensuing matters be settled procedurally”, said the press release. On the other hand the ministers dwelt lengthily on the drought menace whose recurrence as markedly become perpetual. While acknowledging the new spate drought that is currently sweeping the country the assembly directed the committee to collate ways and means by the local think tanks (experts and local varsities) such that further famines may be averted. Lastly the press release contained the government’s reiterations of the obligations of the adherence to the country’s laws as concerns illegal poaching of animals, whether vertebrates or invertebrates. This was in connection with the recent outcry that tortoises were poached without impunity and exported in contravention to laws No. 69/2015 of Somaliland constitution.
-
The government should not rest on its laurels as pertains availing affected citizens drought relief. Stating that the drought is still prevalent in some parts of the country Member of Guurti, the Somaliland upper chamber of parliament Elder Musa Ibrahim aw Nuur said that all stakeholders should and must continue providing relief. The urgings were made during a briefing to Geeska Afrika in which the elder upon commenting all those who donated during the severe phase of drought in country. “Yes much was achieved during the broad response by various stakeholders but the drought still prevails in some parts of Somaliland” said Elder Musa Ibrahim Somaliland which is slowly coming out of its most severest drought in over six decades is still reeling from the effects that saw hundreds of thousands of livestock die, a couple of human lives lost not to mention massive internal displacement. Horn
-
By Ahmed Abdi Hargeisa— Somaliland transferred four Ogaden nationals to Ethiopian Intelligence Services, according to an eyewitness. Four Ogaden expats were rounded up by Somaliland authority from Gabiley and Hargeisa and handed over to Ethiopian Intelligence Service on 28 January 2018, according to a person familiar with the extradition. The young men were from Duhun, Shilabo, Garbo and Dhagahmadow and they were placed on a truck before taking them to Jail Ogaden in Jigjiga, the capital of the Ogaden regional state. The reason behind their transfer was not immediately clear; however, over the last ten years, Somaliland has been transferring to Ethiopia people suspected of supporting Ogaden National Liberation Front (ONLF) or criticising its policy. ONLF engaged in three-days peace talks with Ethiopia government on Sunday.
-
Security forces backed by African Union’s peacekeeping mission AMISOM on Monday captured villages from al-Shabaab armed group during an operation in Lower Shabeelle region, according to a regional deputy governor. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay kamidyihiin xubno ka tirsan Gudigga La-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka ee labada Aqal iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-U-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa maanta kulan wadatashi ah la qaatay Gudoomiye Ku-Xigeenka Kowaad ee Baarlamanka Puntland iyo Gudigga Joogtada ee Golaha Wakiilada Puntland. Wasiir Cabdi Xoosh ayaa ka hadlay ujeedada kulanka iyo kaalinta Golaha Wakiilada Puntland ay ku leeyihiin Geedi-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka. “Wasaaradda iyo Labada Guddi aragti mideysan ayay ka leeyihiin hawsha Qaran waxaanan dooneynaa in aragtideena aan la wadaagno dhamaan Dawlad Goboleedyada si inaga oo gacmaha is heysanna aan guul uga gaarno Geedi-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka, ujeedada kulankan wadatashiga ahna waa inaan Golaha Wakiilada Puntland aan la wadaagno tubta aan ku gaari lahayn dhameeystirka Dastuurka” ayuu yiri Avv Xoosh. Dhanka kale, Gudoomiyayaasha labada Guddi Mudane Maxamed Daahir Afrax iyo Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Kaamil ayaa waxay si wadajir ah uga hadleen muhiimadda Dib-U-Eegista Dastuurka,iyagoo sheegay in tashiga ay u yimaadeen uu qeyb ka yahay sidii loo heli lahaa dhammaan aragtida bulshadu ka qabto arrimaha Dastuurka. Gudoomiye Ku-Xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaan oo kulanka ka hadlay ayaa dhankiisa ballanqaaday in Golaha Wakiilada Puntland ay doorkooda ka qaadan doonaan Geedi-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka. Dhinaca kale wefdiga uu hoggaaminayo Wasiir Xoosh ayaa Galabta kulan wada tashi ah la qaatay Xubnaha Bulshada Rayidka ah ee ka tirsan dallada PUNSA iyagooo ka dhegaystay ra’yigooda ku aaddan tubta loo marayo dib u eegista iyo Turxaan-bixinta Dastuurka. Halkaan ka eeg dhammaan sawirrada. PUNTLAND POST The post Wefdigii Wasiir Xoosh oo Garoowe kulan kula qaatay Baarlamanka Puntland iyo Bulshada rayidka ah. appeared first on Puntland Post.
-
Ismail Rage has become the first disabled person to get a staff job with a leading bank in Somalia. Two days after graduating from Simad University with a Bachelors in banking and finance, Ismail, 22, landed the job with Premier Bank in Mogadishu. He is working in the customer care department. Ismail, who became ill with polio as a three-year old, used the wheelchair given to him by his uncle after graduation to get to work. He comes from a humble background and used to crawl for 40 minutes through the dusty Mogadishu roads to get to classes, using flip flops to protect his hands and leather pads strapped to his knees. “I can forget all the hardships in my life with the milestone I have now reached that I dreamed about,” Ismail said. Ismail lived in Gubta area, with his nine siblings and parents, who he says were his “biggest inspiration” and played an important role in earning him his coveted university degree. As a bright student he was always top of his class. His teachers and fellow students treated him as an equal. “He was like our second teacher, who would help us with the class work,” said Fadumo Abdi Jama, one of the class of 2017 students, who graduated with Ismail. Ismail received congratulatory messages from President Mohamed Abdullahi Farmaajo on his twitter handle. The former president, Hassan Sheikh Mohamud, promised to pay for Ismail’s master’s degree in Malaysia, where his is expected to go in September. He also got job offers from the ministry of finance. Polio paralyzed his lower body in childhood. At the time, people were ignorant about the importance of vaccination for children. Somalia was recently declared polio free, and campaigns to launch the oral polio vaccination targeting 700,000 children in Benadir and Middle and Lower Shabelle have begun. Ismail says he hopes to set up an organization to advance the interests and opportunities for other Somalis with special needs. Source: – Radio Ergo The post Ismail Rage, disabled by childhood polio, employed by a Mogadishu bank appeared first on Caasimada Online.