Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,125
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dagaal u dhaxeeyay maleeshiyaad kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kaasi oo khasaare geystay. Dagaalkan ayaa ka dhacay suuqa magaalada Gaalkacyo, waxaana uu bilowday kadib muran ku aadan goobo ganacsi oo Labada dhinac soo kala dhexgalay. Ugu yaraan 1 qof ayaa ku dhintey dagaalkaasi, sidoo kalena 3 kale ayaa dhaawacntay sida ay inoo sheegeen goob joogayaal ku sugan Gaalkacyo. Xaaladda halkii lagu dagaallamay waa mid deggan, welina wax war ah dagaalkaasi kama aanay soo saarin maamullada Puntland iyo Galmudug. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
  2. State Occasion: Sweden Has an Eye on Somaliland’s Independence CC BY-SA 4.0 / Vladimir Lysenko / Somalia_(Somaliland) The self-proclaimed African nation of Somaliland has gained considerable attention across the world, including in Scandinavia. In Sweden, one of the first EU nations to recognize Palestine and one which has also been toying with the recognition of Western Sahara, several forces pushing for recognizing Somaliland have emerged. Despite remaining unrecognized by the international community, Somaliland has recently held its third presidential election, which became its sixth vote since proclaiming independence from Somalia 26 years ago. Michael Walls, chairman of the international monitor team, argued that the Somaliland election could be seen as an acknowledgement in itself. “Although Somaliland is not recognized by the outside world, the fact that it was possible to implement this [the election] is in some way an acknowledgment of its own,” Michael Walls said, as quoted by the Nyheter Idag outlet. CC BY 2.0 / JUSTIN RAYCRAFT / KAMPALA, UGANDA Cha-Ching! Ugandan Man Steals Millions From Swedish Aid, Becomes Landlord In an email questionnaire about the recognition of Somaliland sent out by the outlet, two Swedish parties answered positively.The Christian Democrats (KD) stated that despite the fragile situation in the conflict-hit country, it has been moving in the opposite direction, toward peace and stability, although its relationship with Somalia remains sensitive. “The KD believe that the recognition of Somaliland should be done in cooperation with EU member states, when the conflict has approached a solution,” the KD responded. The Sweden Democrats, however, voiced a more radical approach, supporting Somaliland’s independence. “Somaliland meets all the requirements the government has in order to recognize a country as independent. They have control over their territory and serve as a major example in their part of the world, with democratic elections, well-functioning institutions and relative peace and stability,” Markus Wiechel said, arguing that the state of affairs in Somaliland differs a lot from the rest of what is still known as Somalia. Wiechel also contended that Somaliland’s recognition would serve as a good example of “what can be achieved while resolving conflicts with dialogue rather than violence.” Earlier this year, Somaliland’s Special Envoy to the EU Mikael Torstensson called the breakaway country “the most democratic in the Horn of Africa,” despite being surrounded by dictators, terrorists and pirates. “In one of the world’s most vulnerable areas — characterized by dictatorship, war and terrorism — the republic of Somaliland in the Horn of Africa is a brilliant exception. The country has developed into the region’s only functioning democracy, with constant in-depth work for human rights and gender equality. The country fulfills all criteria for full recognition, as the independent country it is,” Torstensson wrote in an opinion piece pushing for Somaliland’s recognition published by Värden Idag. Torstensson lauded Somaliland’s prowess in fighting terrorism and piracy, receiving refugees from Yemen and other neighboring countries as well as establishing a functioning education system encompassing over 30 universities. He also praised the security level in the country, citing the US government estimation of Somaliland’s capital Hargeisa as “the most secure” in all of Africa. Previously, Pål Wrange, professor of international law at Stockholm University, argued there were no legal obstacles to recognizing Somaliland. Somaliland is a self-declared state internationally recognized as an autonomous region of Somalia, from which it unilaterally proclaimed independence in 1991. Despite lacking official recognition, it currently has liaison officers in several countries, including Ethiopia, South Africa, France, Great Britain and Sweden. Photos taken from Hargeisa, Somaliland capital at night.
  3. Muqdisho (PP) ─ Xukuumadda Faransiiska ayaa doonaya in kulan deg-deg ah uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeehsho Muhaajiriinta Afrikaanka ah ee la sheegayo in si addoonimo ah loogu iibiyo Dalka Libya. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in muuqaalo uu baahiyay taleefishinka Mareykanka ee CNN ay yihiin fadeexo, isla markaana aan la aqbali karin. “Waa dambi ka dhan ah bani’aadannimada,” ayuu yiri Macron kaddib markii uu la kulkmay madaxa ururuka Midowga Afrika, Alpha Conde. Hadalkiisa wuxuu ku daray. “Waxaan rajeynayaa inaan sii dheereyno dagaalka ka dhanka ah kuwa dadka iibiya ee geystay damiyada, isla markaanna aan la shaqeyno dalalka oo dhan si aan shabakaddan u burburino.” Muuqaallada uu baahiyay Telefishinka CNN ayaa waxaa ka muuqday xaraash lagu sameynayo dad madow ah oo ay iibsanayeen dad loosoo bandhigay waxaana qaarkood lagu gatay lacag dhan kaliya 400 oo Doollar. Dhanka kale, Kulanka Golaha Ammaanka ee QM ayaa Toddobaadka dambe dhici doono sida uu shegeey siyaasi Faransiis ah oo la hadlay Warbaahinta, waxaana kulankan looga hadli doonaa dhibaatooyinka lagu hayo kumaanka qof ee tahriib-doonka ah. Ugu dambeyn, Dalka Liibiya ayaa wuxuu lixdii sano ee lasoo dhaafay ahaa goob ay ka tahriibaan dadka doonaya inay Yurub gaaraan, inkastoo ay tiro aad u badan ku dhinteen intii ay ku jireen safarkooda halista badan; halka kuwo kalena ay gaareen Yurub. DAAWO: MUUQAALKII UU TODDOBAAD KA HOR BAAHIYAY TELEFISHINKA CNN-KA; PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo laga dalbaday in go’aan ay ka gaarto ka ganacsiga Tahriibyaasha appeared first on Puntland Post.
  4. Djibouti President HE Ismail Omar Guelleh Congratulated the new elect -President of Somaliland, Mr. Mousi Behi Abdi, following his victory in the presidential elections held on 13 November, and expressed his sincere congratulations and wished him success in establishing security and stability in Somaliland and in achieving the development aspirations of his people. He praised the integrity and transparency of the electoral process. At the same time, he stressed that the transparency and calm that characterized these elections reflected the established democracy in Somaliland, which would contribute to improving the image of the Horn of Africa region, which is often chaotic and politically violent. The candidate of the ruling party, Musa Bihi, received 55.9% of the votes. Meanwhile, his candidate, theWaddani candidate, received 40.73% of the total votes. The candidate of the Justice and Welfare Party won 4.17%. The presidential elections in Somaliland, which took place on the thirteenth of this month, witnessed a heavy presence of international observers.
  5. Harare (PP) ─ Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Zimbabwe Emmerson Mnangagwe ayaa dib ugu laabtay caasimadd dalkaaasi ee Harare, isaga oo loo diyaarinayo in loo dhaariyo xilka madaxweynenimada Zimbabwe kadib iscasilaaddii Robert Mugabe. Mnangagwe ayaa u baxsaday dalka Koonfur Afrika labo todobaad ka hor, kadib markii Mugabe uu xilka ka qaaday, maanta ayuuna dalkiisa ku laabanayaa sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan xisbiga ZANU-PF. Xisbiga ZANU-PF ayaa Mnangagwa u doortay in uu noqdo madaxweynaha xisbiga, waxaana sidoo kale lagu wadaa in uu noqdo madaxweynaha Zimbabwe kadib markii uu xilka ka dagay Robert Mugabe oo dalkaas maamulayay muddo 37 sano ah. Sidoo kale, afhayeenka xisbiga talada haya ayaa sheegay in ninkan oo 75-jir ah uu dhammeysan doono muddada xilka uga dhimanayd Mugabe oo ah illaa bisha September ee Sanadka 2018-ka, xiligaasoo dalkaas ay ka dhici doonto doorasho guud. Waxaa lagu naanaysaa ‘Yaxaaska’ – Waxayna ugu baxday fikirka laga qabo ee ah in uu yahay nin arxan daran. Isagoo waraysi siiyay wargeyska News-Day ayuu yiri. “Anagoo wadajirna ayaa waxaan xaqiijineynaa in aan adkeyno Dimuquraadiyadeena, isla markaasna wax kasta aan si cusub u bilowno dalka oo dhan.” Sida uu qabo dastuurka wadanka Zimbabwe, madaxweynaha KMG ah waxaa Qabanaya madaxweyne ku xigeenka, balse kan hadda jooga Phelekesela Mphoko ayaa loo arkaa inuu xulufo la yahay xaaska Mugabe, waxayna u badantahay in uusan dalka ku sugnayn, iyada oo ay jiraan warar sheegaya in xisbiga ZANU-PF uu xilkaba ka qaaday. Dadka qaarkood ayaa isweeydiinayay xil ku wareejinta Mnangagwa ay keeni karto isbadal dhab ah. Wuxuu ahaa taliyaha nabad suggida markii la laayay kumanaan shacab ah oo mucaarad ku ahaa Mugabe waxyar kadib markii xornimada la qaatay sanadkii 1980-kii. Hoggaamiyaha mucaaradka Morgan Tsvangirai ayaa BBC-da u sheegay in uu rajaynayo in Zimbabwe ay qaaddo dhabbo cusub oo ay ka mid tahay in la helo doorasho xaq iyo xalaal ah. David Coltart oo ka mid ah mucaaradka ayaa boggiisa Twitter-ka ku qoray oraahdan “Waxaan aan meesha ka saarnay nin arxan daran, balse arxan daradii wali waa jirta”. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Modwga Afrika, Alpha Conde ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay waxa dhacay, balse uu ka xunyahay qaabka ay wax u dhaceen “Waa ceeb in uu ka boxo albaabka dambe,” ayuu yiri. PUNTLAND POST The post Emmerson Mnangagwe oo ku laabtay Harare si looga dhaariyo xilka Madaxweynaha Dalkaas appeared first on Puntland Post.
  6. China and Djibouti have agreed to form a ‘strategic partnership’ Chinese President Xi Jinping and Djibouti’s visiting leader Omar Ismail Guelleh, whose African nation is hosting China’s first overseas military base, agreed on Thursday to elevate their nations’ diplomatic relations. The two countries agreed to form a “strategic partnership” as Guelleh held talks with Xi at the imposing Great Hall of the People in Beijing. China has described the base on the Horn of Africa, which opened in August, as “defensive in nature”, saying it will provide support for naval escorts, UN peacekeeping, anti-piracy and evacuating Chinese nationals from the region in emergencies. Xi said relations between the two countries exemplify “the solidarity and mutual assistance among developing countries”. The Chinese leader thanked Guelleh for his congratulations sent after he was re-appointed head of the Communist Party last month. “I am a great friend of China,” Guelleh said. “I would like to recall the geostrategic place of Djibouti and its importance in this part of the world as an islet of stability and a crossroads of Asia, Africa and the Middle East.” The Chinese base is just a few miles from Camp Lemonnier, the United States’ only permanent base in Africa. A Pentagon report said the strategically-sited camp, “along with regular naval vessel visits to foreign ports, both reflects and amplifies China’s growing influence, extending the reach of its armed forces”. Home to only around 800,000 people, Djibouti also hosts troops from France and Japan. Beijing has made extensive infrastructure investments throughout the African continent as it seeks to gain access to natural resources and new markets. AFP
  7. Baydhabo (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyre ayaa ka dhawaajiyay in Cidiamada Qalabka sida ee Somalia ay dhawaan bilaabayaan hawl-gal la isugu furayo Wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo. Hadalkan ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka sheegay xalay xaflad Madaxtooyada Baydhabo ka dhacday oo uu kula hadlayay Mas’uuliyiinta Koofur-galbeed iyo qeybaha bulshada. Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay xoogga saari doonto sugida amniga iyo sidii kooxaha nabad-diidka ah looga xoreyn lahaa gabi ahaan deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobollada dalka. “Dhawaan waxay ciidamada qalabka sida oo kaashanaya shacabka Koonfur Galbeed dib u furi doonaan wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre. Dhanka kale, Mas’uuliyiinta Maamulka Koofur-galbeed Somalia, kuwa DF iyo Hay’adaha sama falka ayaa diyaarad ku taga Baydhabo, waxaana dariiqa kaliya ee u furan ay tahay Hawada ah oo aanay dhulka ku safri karin. Ugu dambeyn, Baydhabo ayaa Muqdisho ee u jirta 250-km, Wadada labadan maalmo isku xirtana Al-shabaab ayaa horay u jaray, kaddib markii weeraro ay ka fuliyeen, waxaana dhawr jeer wadada u galeen Mas’uuliyiin iyo gaadiid ciidan oo ay ku safrayeen. PUNTLAND POST The post XASAN KHAYRE: Dhawaan ayaa la furi doonaa Waddada isku-xirta Muqdisho iyo Baydhabo appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waddamada Afarta ah ee go’doomiyay Dowladda Qadar ayaa sheegay in ay liiskii hore ee argagixisada ee ay hayeen ku dareen Labo Hay’adood oo Islaami ah iyo 11 qof oo ay sheegeen in ay argagixisada taageeraan. Liiskan ayaa lagu daray Hay’adaha kala ah Ururka Aqoonyahannada Islaamka ee uu hoggaamiyo Sheekh Yuusuf Al-Qardaawi oo ay isaga laftiisa ku eedeeyeen taageerada Aragixisanimo iyo Golaha Dacwada iyo gargaarka Islaamka . 11ka qof ee lagu daray liiska cusub waxaa ka mid ah Agaasimaha Bisha Cas ee Dalka Qadar Khaalid Naziib Diyaab iyo siihayaha Guddoomiyaha Ururka Ikhwaanul Muslimiinta oo lagu magacaabo Maxamuud Izaad. Cabdalla Bin Naasir Althaani oo ah Ra’isalwasaaraah Dalka Qadar ayaa sheegay in tallaabooyinka kala duwan ee ay qaadayaan Waddamada Carabta ujeedada laga leeyahay kaliya ay tahay faragelin lagu sameeyo madaxbanaanida dalkiisa,waxaana uu meesha ka saaray eedaha Waddamada Carabta ah. Ra’isalwasaare Cabdalla waxaa uu sheegay in dalkiisa uu markasta diyaar u yahay in uu xaadiro miiska wadahadalka,haddii ay diidaan waddamada kalena aysan waxbadan kala maqneyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay macluumaad hor leh oo ku saabsan shabakadii fulisay weerarkii dadka badan ay ku dhinteen ee 14-kii October ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho. Macluumaadka ka soo baxay Wasaaradda Amniga ayaa sidan u Qoran:- Hey’adaha ammaanka Soomaaliya ayaa weli sii wada baaritaannada ku aaddan dadkii loo qabtay qaarkood weerarkii 14-kii October lagu xasuuqa boqollaal dad masaakiin ah. Shaqsiyaadka la soo bandhigay ayaa qaarkood laga heyn sawiro,iyadoo Hay’adaha amaanka Dowladda ay sheegeen iney ku daba jiraan walina baaris ay socoto. (Sawir malahan)- Mukhtaar Gar-dhuub oo loo yaqaanno Ceynaan ama Fanax waa madaxa Amniyaadka Al-shabaab waa ninkii dajiyey qorshaha xasuuqii Soobe, waxa uu ku sugnaa deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellada Hoose waa lagu daba jiraa. (Sawir malahan)- Cabdiweli Cabdi-qani waa madaxa Qaraxyada gobolka Benaadir ee Al-shabaab, waxa uu amarka ugu dambeeya ka qaataa Mukhtaar Gar-dhuub waa lagu daba jiraa. Xasan Aadan Isaaq waxaa loo diyaariyey markii hore in gaariga NOAH-da ah uu isku qarxiyo, waana isku xirihii weerarkii Soobe, waxaa gacanta ku haya hey’adaha amniga ka hor inta uusan qarxin gaariga NAOH oo uu watay. Ali Yusuf Wa’eys (Duale) waxa ay ciidanka Amniga ku qabteen isaga oo weli uusan soo gaarin dhagar-qabihii gaariga NOAH-da waday ee la qabtay. gaarigii TM-ka ee SOOBE lagu qarxiyey waxaa waday naftii halige Xuseen Aadan Maadeey (Cusmaan Xaaji) ayuu ku magac dheeraa, Hooyadiis waxaa la yiraahdaa Faaduma Cismaan Cali deggan Mareerey. “Gaariga TM-ka waxaa la gaday 18-08-2017-ka waxaa laga gaday (Sawir malahan)- Cabdullaahi Ibraahim Xasan, wuxuu ka iibiyey Xasan Aadan Cabdullaahi “Afrax” iyadoo lagu wareejiyey Nootaayo ku yaalla gobolka Benaadir”. Ninka Milkaalaha ah Cabdullaahi Ibraahim Xasan weli hey’adaha amniga gacanta kuma dhigin laakiin waxaa la shaacin doonnaa sawirradiisa, ciddiisa soo sheegtana waxaa la siin doonaa abaalmarin ay ku faraxdo. “gaariga TM-ka ka hor inta uusan qarxin waxaa la saaray wadada Afgooye iyo Muqdisho si aanan looga shakin, safarkiisii ugu horreeyey waxa uu billaabay 13/09/2017-ka waxa uu qaadi jiray Galleyda darawalkii ku shaqeyn jiray waxa uu ahaa Xuseen Aadan Maadeey naftii “halige” ee SOOBE isku Qarxiyey. Cabdiweli Axmed Diiriye ayaa dammiintay gaariga, TM-ka laakiin ciidanka amniga ayaa diidey oo ku qanci waayey. Mukhtaar Maxamuud Xasan oo ah nin si weyn looga garanayey oo deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa ugu dambeyn gaariga TM-a dammiintay kaddib markii ciidanku ay ku qanceynna sidaa ayaa lagu sii daayey gaarigii. Canshuur bixiyihii gaariga TM-ka waxaa lagu magcaabaa Cabdullaahi Cabdi Warsame oo hadda ku jira gacanta hey’adaha Amniga Soomaaliya. Hey’adaha amniga Soomaaliya ayaa wada dhammeystirka xogta ama macluumaadkii ugu dambeeyey ee baaritaannada ay hadda ku howlan yihiin, si jawaabbo looga bixiyo gummaadkii Muqdisho ka dhacay 14-kii October ee 2017-ka, xogta oo dhanna dhowaan ayaad ka heli doontaan hey’adaha amniga Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Madaxweynaha la doortay 13kii bishan November Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa hor-yaalla arrimo dhowr ah oo u baahan in muhiimadda koowaad uu siiyo isaga iyo xukuumadda cusub ee uu soo dhisi doonno. Madaxweynaha la doortay ayaa waxa uu xilka la wareegayaa xilli Somaliland uu ka jiro sicir-barar baahsan kaasi oo saamayn ku yeeshay noloshaa dadka reer Somaliland, iyadoo sicir bararka dalka ka jiraa uu noqonayo kii ugu xumaa abid ee Somaliland soo mara. Bulshada Somaliland ayaa iyagu in badan horay uga codsaday xukuumadda wakhtigeedu dhammaaday ee isla xisbiga Kulmiye in wax laga qabto sicir-bararka hase ahaatee weli waxa muuqata in sicir bararku uu yahay mid jira oo aan is baddal muuqda laga gaadhin. November 21, 2017 oo ah maalintii lagu dhawaaqay doorashada madxweynaha cusub ayaa waxa uu sheegay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi in uu dareemayo culeys badan oo ah masuuliyadda loo igbaday gaar ahaan wuxuu carrabka ku dhuftay dhaqaalaha waddanka oo aad u hooseeya. Muddadii uu socday tartanka doorashada Somaliland gaar ahaan ololaha doorashada ayaa waxa dhacday kala fogaansho dhinaca siyaasadda ah gaara ahaan shacabka taasi oo keeni karta in midnimada shacabku ay wiiqanto wallow madaxweynaha la doortay uu yidhi maalintii lagu dhawaaqay doorashadiisa “Waxaan u baahannahay maanta midnimo haddii Alle yidhaahdo hawshaas ayaan galayaa oo number kow ii ah”. Madaxweynaha la doortay waxa uu xilka la wareegayaa xilli shaqo la’aanta dhalinyaradu ay tahay mid wayn isla markaana dhalinyaro badan ay u tahriibeen wadamada reer galbeedka gaar ahaan qaaradda Yurub halka kuwo kalena ay ku dhinteen saxaraha taxaraha iyo jidka tahriibka. Shaqo la’aanta dhalinayrada Somaliland ayaa la sheegaa in ay sabab u tahay musuq-maasuqa ka jira hay’adaha kala duwan ee dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, waxaana madaxweynaha la doortay la sheegaa in uu yahay nin aad u neceb musuq-maasuqa taasna waxay sababi kartaa in madaxweynuhu uu door muhiim ah ka qaato shaqo abuurka dhalinyarada. Waayo Muuse Biixi waxa uu horay u sheegay in dhalinyarada intooda badan uu shaqo qaran u samayn doonno isla markaana uu wax-soosaarka dadka iyo dalka kor u qaadi doonno. Madaxweynaha la doortay waxa uu xilka la wareegayaa xilli Somaliland aanay weli helin aqoonsi ama ictiraaf muddo 27 sano ku dhow, waxay taasi kamid tahay caqabadaha. Madaxweynaha la doortay waxa uu xilka la wareegayaa xilli weli shacabka magaalada Caasimadda ah ee Hargeysa ay naawilayeen ama ay filayeen in ay helaan biyo ku filan iyadoo xukuumadda wakhtigeedu dhammaaday ee uu xilka kala wareegayaa ay horay shacabka caasimadda ugu ballan-qaaday in ay heli doonnaan biyo ku filan balse arrintaasi may noqon mid suurtogasha muddadii toddobada sanno ahayd ee ay shaqaynaysay xukuumadda wakhtigeedu dhamaaday ee madaxweyne Siilaanyo. Madaxweynaha la doortay waxa uu xilka la wareegayaa xilli ay tabashooyin weli tirsanayaan dadka deggan deegaannada darafyada Somaliland gaar ahaan Sool iyo Sanaag oo gobollada kale ee dalka horumar ahaan ka dambeeya. Waxaana madaxweynaha cusub laga rajayn sidii uu xal uga gaadhi lahaa tabashooyinkaasi. Si kastaba, madaxweynaha la doortay waxa laga sugayaa midaynta dadka, dalka iyo isku filnaanshaha oo uu horay u ballan-qaaday. W.Q: Khaalid Foodhaadhi – Hargeysa Source
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ay hoggaamineysay Agaasime ku xigeenka Qaaradda Africa ee Hey’adda Qaxootiga Adduunka UNHCR Ms. Angele Dikongue iyo Ms. Caroline. Lababada Mas’uul ayaa ka wada hadlay waxyaabo badan oo ay kamid ahaayeen arrimaha Qaxootiga dalka kusoo noqonayo, Barakacayaasha iyo Qaxootiga Yemen ee ku sugan Soomaaliya. Kulanka Wafdiga UNHCR iyo Wasiir Juxa oo qaatay saacado badan ayaa lagu lafa guray sidii loo caawin lahaa Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha iyo Debadda. Wasiir Juxa oo Bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu kaga hadlayey kulankaan ayaa sheegay inay guul kusoo dhamaatay dhammaan wixii laga wada hadlay , wuxuuna yiri: ” Waxaan isla garanay dardargelinta Hawlaha aan ka wadahadalnay iyo guud ahaan Arrimaha taagan ee Qaxootiga iyo Barakacayaasha Dalka” Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa kamid ah Wasiirada ugu firfircoon Xukuumadda Xasan Cali Kheyre, wuxuuna dhawaan ku guuleystay inuu dhex dhexaadiyo dowladda dhexe iyo madaxda Maamul Goboleedyada, waxaana arrintaas codsaday Maamul Goboleedyada oo u arkay inuu yahay nin aan kamid ah aheyn Mas’uuliyiinta faragelinta ku hayey Maamul Goboleedyada. Haddaba halkaan hoose ka daawo Sawirada kulankaas Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Milkiile eey ayaa adduunka ka yaabisay markii ay daaha ka qaaday in sawirka saxda ah ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ay ku dhex aragtay dhexta eeygeeda. Jade Robinson oo degan Jasiiradda Tyne & Wear ayaa waxay daaha ka qaaday in eygeedu uu sawirka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump dhegta ku leeyahay. 25 sanno jirkaan ayaa sawirkaas caddeynta ah soo dhigtay mareegaha Facebook, kaasoo ay markii dambe noqday wax ay adduunyadu ka hadasho. “Hagaag, qof walba oo dhegtiisa oo ku dhexyaallo sawirka Donald trump, xanuun badan ayey u leedahay,” ayey kusoo qortay barteeda Facebook… Taasoo ay ku muujineyso inay mucaaradsan tahay ninka haya Kursiga Aqalka Cad, inkastoo ay xaqiiqadu tahay in gabadhaani ay u dhalatay UK. Halkaan hoose ayaad ka daawan kartaa sawirkaas cajiibka ah, iyo sida madaxweynaha 45aad ee Mareykanka Donald Trump looga dhexhelay dheg eey. Kani waa sawirka cajibka ah ee adduunka qabsaday, dhegta eeygaan ayaana waxaa ka dhex muuqda sawirka Donald TrumpSawirkaan aan calaameynay ee madaxweyne Donald Trump iyo midka ka muuqda dhegta eeyga miyeysan isku ekeyn?Kani waa sawirka eeyga dhegtiisa laga dhex helay sawirka Donald Trump
  13. Gaalkayo (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaas uu hadda ka socdo dagaal u dhexeeya ciidamada Labada maamul ee magaalada maamula. Suuq lagu magacaabo Darxumo oo ku yaalla Bartamaha magaalada ayaa la sheegayaa in ay ku dagaallamayaan ciidamo kala hoostaga labada Maamul Goboleed. Rasaastaas ayaa waxa ay sigaar ah ug dhaceysaa Suuqa Bartamaha Gaalkacyo ,waxaana la sheegay in ay u dhaxeyso Maleeshiyaad ka kala socda Puntland galmudug oo tiro ka dhowr jeer ku dagaalamay Magaalada Gaalkacyo. Xaalada ayaa kacsan, waxana dadka qaarkood ay sheegeen in ay cabsi dareemaayan. Weli macada sababta ka dambeysa dagaalkaas iyo khasaaraha ka dhashay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inay Odayaasha Beesha Duduble ee uu kasoo jeeday Marxuumkii Shalay lagu dilay Mqudisho ee Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed ay diideen in la aaso. Ninkii dilay Marxuumkaan ayaa sheegay inuu isna ula soo baxay Buskoolad isla markaasna uu naftiisa kala baqay sidaasna ay keentay inuu rasaas ku furo. Odayaasha Beesha Duduble ayaa sheegay inaan la aasi doonin inta uu ninkii dilay ka qiranayo inuu si xaq darro ah ku dilay, aysana macquul aheyn in laga dhigo Marxuumka inuu isaga wax dili rabay. Gacan ku dhiiglaha dilay Xildhibaankaan ayaa la sheegay inuu ku xiran yahay Xarunta Dambi baarista CID, wuxuuna ku doodayaa inuu naftiisa difaacayey maadaama uu Buskoolad ula soo baxay uuna rabay inuu rasaas ku furo. Waxaa socdo wadahadal u dhaxeeyo laba Beelood waxaana la filayaa in daqiiqadaha soo socdo laga gaaro go’aanka isla markaasna lagu qanciyo in la aaso Marxuumka. Falkan oo Shalay ka dhacay Muqdisho, weliba goob ay ciidamada dowladda ku sugan yihiin oo si weyn loo ilaaliyo oo ah Isgoyska Sayidka waxaa geystay ilaalada xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Arrintan ayaa ka dambeysay markii gaari uu watay xildhibaan xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Guuleed, kaasoo daba socday gaariga xildhibaanka Federaalka uu dhinaca danbe si fudud ugu dhacay Gaariga Toyot Hilux ee ay dhinaca danbe ka saarnaayeen ilaalada xildhibaan Abukaate. Askari ka tirsan ilaalada xildhibaanka ayaa sida uu ku dooday Maxamuud C/llaahi Axmed (Abuukaate) waxay ka shakiyeen Gaariga ku dhacay iyo askari ka soo degay oo bistoolad watay wuxuu rasaas ku furay gaariga yar ee raaxada, taasoo keentay in rasaastii la riday ay madaxa ka haleesho Xildhibaanka Galmudug ee Maxamed Cabdi Guuleed, iyadoo dhaawac culus uu soo gaaray, iyadoo markaas kadib loola cararay isbitaalka. Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed oo la dhigay isbitaalka Digfeer ayaa daqiiqado kadib ugu geeriyooday dhaawacii cuslaa ee soo gaartay. Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay askarta ilaalada u ahayd xildhibaan Abukaate ee dilka geysatay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isaga baxay kooxda ay imaaraadka taageerto ee kasoo horjeedo dowladda Soomaaliya kadib markii uu kulamo la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya. Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa markii hore kulan qarsoodi ah la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyagoo ka wada hadlay sidii uu Sheekh Shariif u garab istaagi lahaa dowladda Soomaaliya. Sheekh Shariif oo la sheegay inuu maalmihii dambe la kulmayey hoos u dhac dhaqaale ayaa hadda go’aansaday inuu ku garab noqdo dowladda dhexe, isagoo halkaas ka qaadan doono gunno uu adeegayo dowladda. Sheekh Shariif uu saluugay qaabka Imaaraadka Carabta u wado ololaha looga horjeedo madaxweyne Farmaajo iyo dowladiisa kadib markii la isku qabtay cidda noqon doonta madaxweynaha Soomaaliya kadib Farmaajo. Kulan kale oo dhex maray Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa isna la isku afgartay wada-shaqeynta labada dhinac, iyadoo siyaasi muhiim ah uu ka soo go’ay isbaheysiga Imaaraadka ee siyaasiyiinta Soomaalida, kaasoo ay hadda ku soo hareen xubno yar. Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa la filayaa inuu ka howl bilaabo Magaalada Muqdisho, isagoo dowladda kala shaqeyn doono sidii loo fududeyn lahaa culeyska kaga imaanayo kooxaha Mucaaradka ku ah ee doonayo in la carqaladeeyo dowladda oo aan jirin hal sano. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xumad iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho. Wafdiga guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan (Jawaari, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya. Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan (Jawaari) ayaa sheegay in maalinta Sabtida ah ee soo socoto Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti uu khudbad u jeedin doono Xildhibaanada Golaha shacabka. Sidoo kale wafdiga guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa la filayaa in ay kulamo la qaataan madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya. Waa markii ugu horeysay oo guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka dalka Jabuuti uu soo gaari Muqdisho, balse waxaa horey u yimid guddoomiyihii hore Idiris Cali. Dalka Jabuuti ayaa kamid ah dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo soo gaaray Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  17. Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti, Maxamed Cali Xumad iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta oo khamiis ah waxay soo gaareen magaalada Muqdisho, halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay. Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ayaa wafdigan kusoo dhoweeyay garoonka diyaaraha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Guddoomiye Xumad ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho wuxuu la kulmi doonaa madaxda sare ee dowladda Federaalka, waxaana sidoo kale isaga iyo wafdigiisa ay maalinta Sabtida ah ka qeybgali doonaan kulanka xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Waa markii ugu horreysay oo guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Jabuuti safar ku soo gaaro magaalada Muqdisho. Goobjoog News Source
  18. Money remittance firm Dahabshiil Kenya has scaled up efforts to counter risks posed by money laundering as it eyes a bigger share of the multi-billion shilling diaspora remittance inflows. The staff and agents of the firm were taken through requisite training on Anti-Money Laundering (AML) and other financial risks to better prevent and flag suspicious financial transactions. Dahabshiil, which handles a sizeable amount of diaspora remittances, has thousands of personnel and agents in its operations in Kenya and other countries. The firm provides cash remittances services to individuals, corporates and international humanitarian organisations including United Nations agencies. The intensive training is a requirement of the Central Bank of Kenya, which regulates Money Remittance Providers (MRPs) and other financial institutions. It focused on spotting and flagging suspicious transactions, enhancing due diligence in identification and assessment of clients and other measures to better secure Dahabshiil from risks of money laundering. The training also included enhancing Dahabshiil’s general security processes in its outlets to boost safety of its personnel and clients’ cash as well as scaling up its customer care systems to better handle general customer concerns that may arise as required by CBK. Dahabshiil Deputy CEO Jamal Mohamud said the investment in capacity building of its staff reflects the firm’s priority in managing the risks posed by money laundering and other financial and security risks so as to effectively play its role in enhancing integrity of the country’s financial ecosystem. “Our staff and agents are required to uphold the comprehensive systems and guidelines already in place against money laundering and other risks in line with national and international best practice,” he said. He added: “We are in full compliance with the requirements of the regulator, the Central Bank of Kenya, to minimise risks that the financial sector faces.” Risk management and compliance specialist Joshua Afune said that staff of financial institutions play the most critical role in combating money laundering and other financial crimes. “The staff are the implementors of policies and guidelines that have been prepared by the financial institution. Without their commitment and vigilance, the guidelines would remain only on paper,” he said. He added: “Staff who fail to implement anti-money laundering procedures face a personal responsibility in case issues any issues arise. The financial institution will not be held accountable since it played its part in putting policies in place and investing in staff training.” A recent report by the US government on money laundering and narcotics indicated that Kenya has made strides against money laundering but remains vulnerable to the crime. In March this year, a new law against money laundering came into force in Kenya. The Proceeds of Crime and Anti-Money Laundering (Amendment) Act, 2017, introduced tougher penalties against persons found guilty of the economic crime. All financial institutions in the country are required to develop and implement anti-money laundering policies and guidelines. ally.jamah@gmail.com Read more at: https://www.standardmedia.co.ke/business/article/2001260963/dahabshiil-trains-staff-on-money-laundering-risks
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo idlaaday howlgal maalmo badan qaatay oo ka dhex socday xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, halkaa oo saldhig u ah dhammaan Ajaaniibta ku sugan Somalia. Howlgalka ka socday xaruntaani ayaa soo bilowday 9ka bisha aan ku jirno waxa uuna qorshu ahaa inuu socdo muddo muddo Afar cisho, balse sababo jira aawgood uu daba dheeraaday howlgalka, sida laga soo xigtay Saraakiisha amniga. Howlgalka oo ahaa mid ka dhex socday Xarunta Xalane ayaa waxaa ka qeybqaadanaayay ciidamo ku dhow 1,500 iyo Eeyo badan oo qaarkood leh darajo ciidan kuwaa oo xaqiijinaayay amniga xarunta, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in maleeshiyada al-Shabaab ay qorsheysay weeraro ay ka dhex fulineyso gudaha Xarunta. Howlgalka soo idlaaday ee mudada badan qaatay ayaa waxa uu noqonayaa kii ugu wkhtiga badnaa ee ka dhex dhaca gudaha Xarunta Xalane, iyadoo sababta ugu weyn lagu sheegay in Shabaab ay weerarka u adeegsan doonaan shaqaale iyo gaadiid kamid ah kuwa ka dhex shaqeeya Xarunta. Saraakiisha AMISOM ee ku howlaneyd howlgalka ayaa si rasmi ah dhankooda uga xaqiijiyay inay kasoo gudbeen howlgalka, balse uu weli jiro feejignaan dhanka amaanka ah. Sidoo kale, waxaa howlgalka kadib adkaatay galitaanka iyo ka bixitaanka Xarunta Xalane, iyadoo xitaa mas’uuliyiinta dowlada ay mamnuuc ka tahay galitaanka ilaa iyo ay kawar galiyaan maamulka gacanta ku haya Xarunta Xalane. Dhinaca kale, Howlgalka qudhiisa ayaa qalqal amni galiyay dhammaan Taliyayaasha ciidamada ajaaniibta ee deegaanka ku ah Xalane, walow markii danbe ay si KMG ah u saldhigteen magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada (GIDG) ayaa qoraal kasoo baxay waxaa guddoonka aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya looga codsaday inuu hakiyo anisixinta hidise sharciyeedyada ka yimaada xukuumadda federaalka ah. Qoraalkan oo uu ku saxiixan yahay guddoomiyaha guddigaasi C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu sheegay in dhammaan hindise sharciyeedyada horyaalla golaha shacabka iyo kuwa ay anisixiyeenba dhammaantood aan lagala soo tashan dowlad goboleedyada, sidaasi darteedna aqalka sare laga doonayo inuu hakiyo marka dhankooda loo soo gudbiyo. Halkaan hoose ka akhriso: Source
  21. A Kenyan who rose through Al-Shabaab ranks to become the poster boy for the terrorist organisation is on the run after falling out with other commanders who want him executed. Ahmed Iman alias Kimanthi, who appeared in numerous Al-Shabaab propaganda videos taunting Kenyan troops fighting in Somalia, the group’s stronghold, is now seeking to surrender to Kenyan forces and get amnesty, the Nation has learnt. Until the row, he was close to the current Al-Shabaab supremo Ahmed Diriye and Mahad Karate, also known as Abdirahim Mohamed Warsame, who commanded Shabaab’s Amniyat, its intelligence wing, when gunmen stormed Garissa University College and killed 147 students in April, 2015. VIDEO CLIPS In the video clips, which are unavailable after they were pulled down by YouTube, Iman says the killings were carried out to avenge the killing of radical Muslim clerics. In those videos, he named the clerics as Aboud Rogo, Samir Khan and Sheikh Abubakar Shariff alias Makaburi. International security sources operating in Somalia, told the Nation that Iman has been the head of a group of foreign fighters who together with him, are now on the run from the main group loyal to Diriye and Karate. A number of Kenyans and other foreigners who joined Al-Shabaab terrorists in Somalia have since been captured and executed. On November 6, a 25-year-old Kenyan from Garissa was among four people who were publicly executed by the terrorists in Somalia. Omar Adar Omar was killed by firing squad on accusations of spying for the Africa Union Mission in Somalia, which comprises the Kenya Defence Forces. The fall-out is further complicated after the emergence of a faction that has pledged allegiance to the Islamic State in Syria, while Diriye’s group maintains its formal partnership with Al-Qaeda in Afghanistan. DRAGNETS The Nation has further learnt that Iman, in a bid to escape from Somalia, has evaded several dragnets to capture him. Al-Shabaab is well known for executing militants within its own ranks whenever there is a fallout. The latest developments are a repeat of what happened to Fazul Abdullah Mohamed, who was killed in a set up laid by Godane Ahmed Abdi Godane alias Mukhtar Abu Zubeyr, who was Diriye’s predecessor. Godane was later killed in a joint operation by US and KDF in Somalia. Besides assuming the role of commander of foreign fighters in Somalia, Iman also has a great influence in Jaysh Ayman, another Al-Shabaab faction operating in Boni Forest which spreads across the Kenya-Somalia border in Lamu County. Furthermore, Iman is also said to be getting foreign funding directly, further angering indigenous Somali commanders, the sources also said. A 2016 security report published by the Nation, revealed that Iman and accomplices in Nairobi collected millions of shillings every year by renting shops and kiosks in Umoja and Majengo, and the money is smuggled to Somalia to fund terrorism activities. LOOTED In one Al-Shabaab propaganda video, he was seen clad in KDF uniform, holding a walkie-talkie and an M-16 rifle, which he claimed was one of the arms looted from El-Adde Forward Operating Base, which was overran by the terrorists in January 2016. Besides Kenya, whose soldiers are operating in southern Somalia, Al-Shabaab is also being fought by the US and other countries in Amisom, including Ethiopia, Uganda, Burundi and Djibouti. 100 fighters killed On Tuesday, 100 Al-Shabaab fighters were killed in an air strike by the US. “In coordination with the Federal Government of Somalia, US forces conducted an air strike in Somalia against an Al-Shabaab camp at approximately 10.30 local Somalia time, killing more than 100 militants. The operation occurred 125 miles northwest of the capital, Mogadishu,” said a statement by US Africa Command. The Statement added: “US forces will continue to use all authorised and appropriate measures to protect Americans and to disable terrorist threats. This includes partnering with Amisom and Somali National Security Forces in targeting terrorists, their training camps and safe havens throughout Somalia, the region and around the world.” Source: Daily Nation
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay qoraal ka soo baxay Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada ka jira dalka ayaa waxaa lagu dalbaday in la hakiyo dhamaanba ansixinta Hindise Sharciyeedyada xukuumaddu ay horgeysay baarlamaanka. Hogaamiyayaasha ka tirsan Golaha Iskaashiga ayaa dalabkooda ku ku sheegay in wadatashi laga sameeyo Hindise Sharciyeedyada ka hor inta aysan u gudbin Golaha Shacabka Baarlamaanka Somalia. Dalabka Golaha is magacaabay ee Iskaashiga Maamulada ayaa durba lagu qiimeeyay mid lagu doonaayo in indhaha lagu tirro rajada ay Somalia ka leedahay Horumar iyo Xasilooni. Qorshaha dalabka ayaa ah in maamulada loo madaxbaneeyo inay ka hor imaankaraan dhammaan waxyaabaha caqabada ku ah ee u gudbaaya Golaha Shacabka sida Hindise sharciyeedyada la dagaalanka argagaxisada iyo xakameynta hubka wax dila ee shalay u gudbay BFS. Qorshaha dhabta ah ee laga leeyahay dalabka Golaha Is magacaabay ayaa ah inaan la ansixin xakameynta hubka wax dila oo inta badan usoo dega maamulada isla markaana u iibgeeya suuqyada ku yaalla deegaanada ay ka arimiyaan. Dalabka ay Hogaamiyayaasha ku doonayaan inay ku cuuryaamiyaan Hindise sharciyeedyada u gudbaaya Baarlamaanka ayaa sidoo kale maslaxad gaara ugu jira Sida dowladaha Imaaraadka, Ethiopia iyo Sacuudiga oo Somalia u iibkeena Hubka Sharci darada ah. Waxa uu shaki galinayaa Dalabkan inuu yahay mid xaqiiq ah oo ku aadan rabitaankooda, balse waxaa muuqaneysa inuu yahay qorsho ay wataan dowladaha aan kor kusoo xusnay ee iyagu Hubka u ganacsi keena Somalia. Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada ee ka jira dalka ayaa gabi ahaan tooda ku hadla afka dowladaha Shisheeye, iyadoo maslaxada dalka laga doorbidaayo Burbur iyo Hormar la’aan lagu bedeshay dhaqaale kooban. Inkastoo uu soo dib dhacay dalabka Hogaamiyayaasha Golaha Iskaashiga ee is magacaabay ayaa waxaa hadana suuragal ah in dalabkaasi ay rumeeyan Xildhibaanada qaar sababo la xiriira Danta Qaranka oo laga hormariyay mid gaar ahaaneyd. Si kastaba ha ahaatee, warqada ay ku qorneyd dalabka fajaca galiyay dadka qaar ayaa waxaa ku saxiixnaa Guddoomiyaha Golaha is magacaabay ahna Hogaamiyaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa mar kale dib u dhac ku imaaday dhismaha Golaha Wasiirada maamul Goboleedka HirShabelle oo dhawaan la sheegay in lagu heshiiyay qaabka loo kala qaadanaayo Kuraasta. Dib u dhaca dhismaha Golaha Wasiirada ayaa la sheegay inay sababtay kadib markii Beelaha qaar ay dib uga laabteen Kuraas horay loogu qanciyay. Hogaamiyaha maamulka Maxamed Cabdi Waare oo ku howlan xal u raadida beelaha diidan Kuraasta ayaa wada kulamo joogta ah oo lagu qancinaayo beelaha. Waare ayaa kulamada ugu badan la leh Xildhibaanada iyo Oday dhaqameedyada beelaha dega Hirshabelle, waxaana la filayaa in Waare uu dib usoo dhiso tashkiilo cusub. Waxaa sidoo kale jira Khilaaf u dhexeeya Xildhibaanada iyo Odayaasha dhaqanka, kaa oo salka ku haya shaqsiyaadka ku fadhiisan lahaa Kuraasta beelaha. Sidoo kale, Oday dhaqameedyada ayaa doonaya inay geeyaan xubintii beesha uga mid noqon lahayd golaha wasiirada, halka xidhibaanaduna ay doonayaan inay u gudbiyaan Hogaamiyaha xubintaas. Warar kaa ka duwan ayaa sheegaya in qaar kamid ah beelaha dega HirShabelle ay ku hanjabay inay joojinayaan la shaqeynta maamul goboleedka Hirshabeelle, haddii aysan ka helin xil sare golaha wasiirada. Ma cadda sida uu Hogaamiye Waare ka yeeli doono is qabqabsiga Beelaha iyo Xildhibaanada ee sii dheeraaday, waxaana suuragal ah inuu qaato go’aan ka duwan kan dhinacyada is haya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey munaasabad habeenkii xalay ahaa ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayuu uga hadlay arrimo aad u badan. Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay arrimaha amniga ayaa sheegay in sanadka soo socda ee 2018 ay dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada isku raaceen in la qabto Hal arrin oo kaliya, kaasi oo ah in Al-shabaab laga adkaato. “Dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada waxay isku waafaqeen in sanadka soo socda uu ahaado sanad laga shaqeeyo Hal shey oo kaliya, in laga adkaado cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al-shabaab” Ra’iisul wasaare Kheyre oo hadalkiisa sii watey ayaa dhinaca kale sheegay in bisha soo socota ee December ay IMF iyo World Bank ay ka sugayaan iney u sheegaan in dowladda ay ka gudubtay mid kamid ah tallaabooyin dhib badan, laguna aamino dhaqaale aan horey Soomaaliya loogu aaminin. “Sideed Bilood ayaan joognaa waxaan rajeyneynaa in bisha December inoo sheegaay IMF iyo World Bank shaqadii aan soo qabannay darteed, inaan ka gudbi doonno tallaabooyinkii ugu dhibka badnaa mid kamid ah oo naloo aqoonsan doono in shaqada aan qabannay awgeed nalagu aamino dhaqaale aan horey naloogu aamini jirnay, mudada aan joogno waxaa la bilaabay in nala siiyo dhaqaale ay dowladda Soomaaliyeed iyadu maamusho, waxaan rajeyneynaa in mar dhow aan bilaabi doonno dib usoo nooleynta mashruucyadii dalka oo ay kamid yihiin dhisidda jidadka iyo dhisidda dhismooyinka dowladda iyo dowlad goboleedyada Soomaaliyeed” Ra’iisul wasaaraha ayaa sidaasi yiri. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo xubno kamid ah golahiisa wasiirada ayaa safar shaqo ku jooga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Halkaan hoose ka dhageyso: http://goobjoog.com/wp-content/uploads/2017/11/Raisul-Wazaare-Kheyre-Baydhaba.mp3Goobjoog News Source
  25. Madaxweynaha maamulka K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka codsaday Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya iney wax ka qabato waddooyinka Al-shabaab u xiran ee gobolka Shabellaha Hoose. Waxa uu sheegay in dhibaatooyin badan ay ka jiraan gobolka Shabellaha Hoose, wuxuuna tilmaamay in walwalka ugu badan ee shacabka haya tahay waddooyinka xiran. Wadada Isku xirta Baydhabo iyo Shabellaha Hoose ayuu sheegay in aysan dadku isticmaali karin, islamarkaana dadku ay raacaan diyaarad marka ay Muqdisho usoo socdaan. “Dadka diyaarad ma raaci karaan dhammaantood, dhibka ugu weyn wuxuu ka jiraa Shabellaha Hoose, mudane Ra’iisul wasaare waxaan kaa codsanayaa inaad wax ka qabato arrintaasi haddii ay ciidan ahaan lahayd iyo sidoo kale haddii ay arrin kale ahaan lahaydba, gobolka Sh/hoose Soomaalida oo dhan ayuu ku filan yahay balse nimankaan nabad diidka ah ayaa dadka dhibaya” ayuu yiri Shariif Xasan. Al-shabaab ayaa xirey waddooyin badan oo ku yaalla deegaannada K/galbeed kuwaasi oo muhiim u ahaa marinka dadka shacabka ah. Goobjoog News Source