Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,125
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. I decided to spend my vacation in Ethiopia and Somaliland. I wanted to make it memorable so I fly from Addis Ababa to Jijiga and then grabbed a bus to take me through Eastern Ethiopia to the border and then I grabbed a cab to Hargeisa. It turned out to be a very stressful trip.
  2. A new President invariably has many calls upon their time, this is certainly true of the President-Elect of Somaliland. Whilst the country can take pride in the election that has recently taken place, it is now time to get on with the business of governing and serving the people. There is a general agreement that job creation needs to be the top priority, especially in view of a burgeoning population, many of whom are jobless or under-employed. Matters are further complicated by the perception that in the past nepotism has been the route to employment and preferment. The twin issue of unemployment and under-employment taxes the brightest of minds, and yet it is one concern that has to be addressed by any government. Naturally, much of the focus tends to be on urban unemployment, hence the hope provided by the development of the Port of Berbera. In reality, the highest levels of unemployment, especially youth unemployment, are in the regions and remoter areas of the country, away from the political nexus that is Hargeisa. There is a perception, rightly or wrongly, that the Government in Hargeisa neglects the regions, and so must make a more concerted effort to reach out as never before. Thriving economies are those that cherish all districts, and thus it is essential that a new administration make a conscious effort to stimulate economic growth in all areas, not just in its own political heartland. Effective government requires effective ministers and officials. Successive administrations have been tarnished by charges of cronyism, and thus it is imperative that every effort is made to ensure appointment and promotion on merit. Productivity remains an issue, especially when some senior officials feel that they can breeze in and out whenever they like. A country that seeks to earn international respect, must prove worthy through its industriousness and its desire for self-improvement. This brings us to the thorny issue of corruption. Whether we like it or not corruption is a fact of life, yet it need not be tolerated. All countries have forms of corruption, yet some appear more accepting of the fact. It is essential that Somaliland seeks to learn from others how best to tackle the scourge of corruption, and furthermore, needs to wage a sustained campaign against those who think nothing of using power, money and influence to get their way. The authorities need to have the courage for the fight, for it will be a long and arduous one, but it is a fight that has to be won. Somaliland requires a free and fearless press, one that is given appropriate safeguards. Journalists need to be responsible, and constantly strive to adhere to the very highest ethical standards. For a healthy independent media helps makes for a healthy democracy, a point that has yet to be grasped by the majority of governments across the Horn of Africa. If Somaliland is to truly prosper it must harness the considerable talent of its womenfolk. Whilst there will be some who baulk a such a notion, in reality there are already plenty of splendid examples of women who have more than proved their worth. All citizens deserve to live in safety and to feel valued. The country will only thrive when it provides opportunities for all regardless of gender or clan affinity. During the recent Presidential Election Campaign it was heartening that all the Presidential candidates publicly committed to tackle FGM, a human wrong that costs many lives unnecessarily every year and invariably causes lifelong trauma. Somaliland should have no place for misogynists, or for those who engage in or seek to perpetuate gender based violence. For the country to take its rightful place in the world, it must espouse values that engender tolerance and mutual respect. Inclusion requires a sea change in attitudes and practices, and whilst change will take time, it is imperative that clear leadership is given, and laws framed and modified accordingly. Those in leadership roles must be mindful of their roles as servants. Service is the highest calling, and requires us all to look to execute our tasks and labours to the very best of our ability. People across Somaliland look to their President for leadership, but equally must assist their President when it comes to demonstrating a unity of purpose. Managing water shortages, tackling pollution and environmental degradation cannot be done by one man. Each citizen must take ownership of these problems. Progress can and will be made. Thankfully there are examples elsewhere in Africa in countries such as Botswana and Rwanda that can provide useful examples of how pressing problems can be addressed successfully. The country must redouble its efforts to cherish the natural world, whilst ensuring that it protects all citizens, especially the most vulnerable in its midst. Some of the most pressing problems, especially drought, will require a spirit of co-operation with regional neighbours. It is important that meaningful links are forged at every level. Organisations such as IGAD have a constructive role to play in helping address regional needs. Somaliland must prove itself to be a caring and responsible neighbour, and what is more, a faithful friend. Family and cultural connections help encourage greater understanding, and are already helping to change misconceptions. Somaliland must be willing to reach out as never before and thus through extending the hand of friendship will learn more about itself in the process. Naturally, many will give thought to Somaliland’s standing in the world. The situation is clear, Somaliland’s right to self-determination is not a question of secession, but of restoration. The past, present and future mean that its people have chosen its own trajectory. International Law such as it is may well stack the odds against recognition, but it is increasingly becoming clear that it is not a matter of if, but when? For Somalilanders this is a matter of choice, they earnestly desire the right to choose their own destiny. Such choice is not made out of animosity, but out of love, love for those lost in the recent past, and the love of Somalilanders not yet born. President-Elect Musa Bihi Abdi and those who seek to lead Somaliland would do well to appreciate the enormity of the task that they have undertaken, but equally should commit to memory the Latin phrase – Amor Vincit Omnia – Love Conquers All. Mark T. Jones Consultant Futurist Twitter: @marktjones500
  3. Harare (PP) ─ “Tani waa bilowga dimuqraadiyad cusub oo ka curatay dalkeena,” Emmerson Mnangagwa ayaa sidaasi u sheegay taagerayaashiisa khudbadiisii ugu horreysay oo goob fagaaro ah uu ka jeediyo tan iyo intii uu dalkaasi ku soo laabtay. Balse su’aashu waxa ay tahay ma tahay mid dhab ah oraahda Mr Mnangagwa . Muddo dhan 50 sano,Mr Mnangagwa waxa uu ahaa saaxibka Mugabe ,waxa uuna u ahaa gacantiisa midig. Waa uu garab taagnaa xilligii halgankii dalkaasi looga xorreynayay caddaankii tirada yaraa iyo xorriyaddii ka dib ba. Mr Mnangagwa ayaa sidoo kale la sheegay in uu ka dambeeyay qaar ka mid ah tillaabooyiinkii cadaadiska ahaa ee Mr Mugabe gacanta ka siiyay in uu xilka sii hayo. Hasa yeeshee waxa jira farqi u dhaxeeya ninka imika noqday madaxwaynaha Zimbabwe iyo ninkii siyaasada ku soo barbaariyay. Waa kuwan qaar ka mid ah farqiga u dhaxeeya: – Dhalinyarada ayaa garab taagan – Mr Mnangagwa inkastoo uu ku jiro da’da 70 hadana waxa uu 20 sano ka yar yahay madaxwaynihii uu badalay. Wali muran ayaa ka taagan in uu jiro 71 sano ama 75 sano. Balse marka uu Mr Mugabe arrimaha uu si adag u wajaho ayaa waxa la sheegay in Mr Mnangagwa uu ahaa nin si dabacsan u wajaha,marka ay noqoto in uu gaaro hadafkiisa. Iyada oo la qorshaynayo in doorashada Zimbabwi ay dhacdo sanadka soo socda ayaa xisbiga talada haya ee Zanu-PF, waxaa jagooyiinka sarsare haya dad rugcadaa ah oo u soo dagaalamay xorriyadii. Waxa uu Mr Mnangagwa rajaynayaa in uu xiriir dhaw la yeesho dhalinyarada oo uu kasbado quluubta dhalinyarada. Balse si la mid ah Mr Mugabe,waxa uu leeyahay sumcad daro ku saabsan falal arxandaro ah. Waxa uu wasiirkii ammaanka dalka xilligii uu dhacay xasuuqii Matabeleland sanaddi 1980,markaasi oo 20,000 oo looga shakisanaa mucaaradka la dilay. Kooxaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa waxa ay ku eedeeyeen Mr Mnangagwa in uu ka dambeeyay howlgalkii ka dhanka ahaa taageerayaasha mucaaradka doorashadii 2008. Su’aasha muhimka ah ee soo wajahaysa Zimbabwe waxa ay tahay ,in uu ogolaan doono in dalka ay ka dhacdo doorasho xaq iyo xor ah. Mr Mnangagwa, waxa ugu badan oo uu danaynayo waxa ay tahay in beesha caalamka uu tuso Zimbabwe oo dagan ,si dhaqalaha dalka loo maalgashado. – Waa nin Furfuran dhanka Ganacsiga – Wariyaha BBC Stanley Kwenda oo ku sugan magaalada Harare ayaa sheegaya in Mr Mnangagwa uu sumcad wanaagsan ku leeyahay dhanaka waaxda ganacsiga islamarkana uu isku dayay in uu difaaco wax soo sarka beerihii ay haysteen dadka caddaanka,xilligii isbadalkii muranka dhaliyay ee sharciga dhulka. Mr Mnangagwa ayaa ahaa wasiirka maaliyada intii u dhaxaysay 1995 ilaa1996, markaasi oo dhaqaalaha dalka xasilooni laga dareemay. Markii uu dalka dib ugu soo laabtay Arbacadii ayaa khudbad u jeediyay waxa uu ku celceliyay in shaqa abuurid uu samayn doono. Waa kuma Emmerson Mnangagwa? Waxaa loo yaqaanna “yaxaas” sababtoo ah qabiilkiisa ayay astaan u tahay. Taageereyaashiisana waxaa loo yaqaannaa “Lacoste”. Tababar milatari ayuu ku soo kala qaatay Shiinaha iyo Masar. Wuxuu gacan ka gaystay hagidda dagaalkii xorriyadda ee 1970yadii. Wuxuu madax u soo noqday sirdoonkii dalkaas intii ay socdeen dagaalladii sokeeye ee 1980yadii, markaas oo kumannaan shacab ah la laayay. Waxaa loo arkayay isku xiraha ciidammada, laamaha sirdoonka iyo xisbiga Zanu-PF. Waxaa lagu eedeeyay in uu maleegay weerarro lagu qaaday taageerayaasha mucaaradka doorashadii 2008-dii kaddib. Saxafiga lagu magacaabo Martin Fletcher, oo waraystay sanaddii aanu soo dhaafnay ayaa sheegay in Mr Mnangagwa uu doonayo in uu muujiyo in hogaankiisa uu isbadal ku keenayo Zimbabwe. Mr Fletcher ayaa u sheegay BBC “waxa uu doonayaa in uu u muujiyo reer galbeedka in uu ka gadisnaan doono Mugabe, Tani waxaa laga yaabaa in ay micnaheeda noqoto in uu ka taqaluso sharciyada u xaglinaya dadka u dhashay dalkasi ,kuwaasi oo shirkadaha qasab kaga dhigaya in maalgalinta ay samaynayaan boqolkiiba 51 ay iska lahaadeen dadka madowga ah. Waxaa laga yaabaa in uu xaliyo arrimaha sida lahaanshiyada dhulka iyo in ay dadka caddaanka ah fursad u helaan in ay lahadaan Dhul dalka Zimbabwe. Xiriirka uu la leeyahay Ciidamada Mr Mnangwa mar walba waxa uu haystay taageerada ciidamada ,maadaama uu ahaa hogaamiyihii siyaasada ee halgankii xorriyadda ee sanaddi 1970 islamarkana inta badan Janaraalada ciidamada ay qayb ka ahaayeen. Gaah ahaan, Mr Mnangagwa waxa ay si aad ah isugu dhaw yihiin madaxa militariga Zimbabwe Gen Constantino Chiwenga. Markii uu dib ugu soo laabtay Harare ka dib iscasilaadii Mugabe, Mr Mnangagwa waxa uu sheegay in si joogto ah uu ula soo xiriirayay madaxda ciidamada ee talada la wareegay. Mr Mnangagwa waxa uu ahaa nin dhalinyaro ah xilligii halgankii xorriyadda oo uu hormuud ka ahaa. Markii uu ahaa wasiirka ammaanka sanaddii 1980s,waxa uu xiriir dhaw la yeeshay militariga iyo sirdoonka oo ilaa iyo hadda daacad u ahaa. Xiriirka uu la leeyahay ciidamada ayaa ahaa arrinta ay walaaca ka muujiyeen mucaaradka. Xildhibaan Eddie Cross ayaa BBC u sheegay “in Mr Mnangagwa uu siyaabo badan uu masuul uga ahaa burburka Zimbabwe. “Waxa uu ku lug lahaa qaar badan oo ka mid ah dhacdooyiin aan wanaagsanayn oo sanooyiinkii ugu dambeeyay dhacay,taasi oo ay ku jirto doorashadii 2013″ayuu yiri mr Cross. “Qaar badan oo inaga mid ah waxa aaan ka cabsi qabnaa in isbadal badan uu dhici waayo “ayuu intaa ku daray. Qalad kasta oo uu galaba, Mr Mugabe waxa aan shaki ku jirin in uu ahaa nin cod kar ah oo qancin kara dadka isu soo baxa islamarkana hogaamiyayaasha caalamka kala xaajoon kara arrimha dublamaasiyada. Balse taasi laguma tilmaami karo Mr Mnangagwa. Gabadhiisa ayaa sheegtay in uusan ahayn nin xamaasad leh. Wiilkisa oo ku sugan Harare oo lagu magacaabo DJ St Emmo) ayaa yiri:”Ma aha nin hadal badan waxa aana u malaynayaa in taasi ay tahay wax ka naxiya dadka oo ay iswaydiiyaan ‘muxuu ku fikirayaa?'” Mr Mnangagwa ayaa waxa lagu naaneesaa “Yaxaas. Waxa magacan loo bixiyay xilligii halkan xorriyadda lagu jiray. Xigasho; BBC PUNTLAND POST The post Madaxweynaha cusub ee Zimbabwe Muxuu kaga badalnaan doonaa Robert Mugabe? appeared first on Puntland Post.
  4. China on Thursday offered loans to Djibouti, the site of its first overseas military base, as the Horn of Africa state’s leader told President Xi Jinping he considered himself a great friend of the Asian giant. With a population of less than one million, Djibouti has long punched above its weight, thanks to a strategic location on the Gulf of Aden, one of the world’s busiest shipping routes linking Europe to Asia and the Middle East. China formally opened the base, which it calls a logistics facility, on Aug. 1, the 90th birthday of the People’s Liberation Army. Djibouti also hosts large U.S. and French bases. Djibouti was politically stable, Xi told its president, Ismail Omar Guelleh, at a meeting in Beijing’s Great Hall of the People. “China sets great store by its relations with Djibouti,” he added. Guelleh, who has been in power since 1999, said he considered himself a “great friend of China’s” and could not count the number of times he had visited. “Djibouti is known for being a country of peace, exchanges and meetings,” Guelleh said. “I would like to recall the geostrategic position of Djibouti and its importance in this part of the world as an island of stability for Asia, Africa and the Middle East.” The two, who did not mention the military base in comments to reporters, later oversaw the signing of a framework pact for preferential loans. Chinese Assistant Foreign Minister Chen Xiaodong declined to reveal the amount of loans offered, saying he could not remember. “In this area both countries have always had good cooperation,” Chen told reporters. Xi and Guelleh did discuss the military base, Chen added. “What I want to stress is that China building a logistics base in Djibouti benefits China to even better fulfill its naval protection, peace-keeping, disaster relief and other international work,” he said. The base will be used to resupply navy ships participating in peacekeeping, humanitarian and anti-piracy missions off the coasts of Yemen and Somalia, in particular. China also has deep economic interests in Djibouti. Last week, China’s POLY-GCL Petroleum Group Holdings Ltd signed a memorandum of understanding to invest $4 billion in a natural gas project in Djibouti. In January, the government launched construction of a project billed as Africa’s largest free trade zone, as part of China’s massive Belt and Road infrastructure initiative stretching to Asia, Europe and beyond. (Additional reporting by Martin Pollard; Editing by Clarence Fernandez). Source: Reuters
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku xeeran howl gudashada Xafiiskii xili uu marti ku ahaa barnaamij ka baxaayay warbaahinta dowlada. Xeer ilaaliyaha oo ka hadlaayay Xabsiyada caalamka iyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku jira ayaa sheegay inay badan yihiin balse dowlada Somalia ay wado qorsho dib loogu soo celinaayo xoriyadooda. Xeer ilaaliyaha waxa uu sheegay in Maxaabiista ugu badan ay yihiin kuwo ku eedeysan Burcadbadeednimo, waxa uuna tilmaamay inuu socdo dadaalka lagu sii deyn lahaa Maxaabiista. Wuxuu sheegay Dr. Axmed Cali Daahir in ku dhawaad 1024-ruux oo muwaadiniin Soomaaliyeed ay ku xiran yihiin xabsiyada 22-dal oo kamid ah caalamka, kuwaasi oo dhibaatooyin kala duwan la kulmaya. Waxa uu qiray in Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada Caalamka ay la kulmaan dhibaatooyin kala duwan balse ay dowlada Somalia Juhdi badan ku bixineyso sida ay ku badbaadin laheyd muwaadiniinteeda ku xiran Xabsiyada caalamka. Waxa uu Xeer ilaaliyaha sheegay in si caadi ah hoos uga sii dhacayaan tirada Maxaabiista ee ku xiran xabsiyada caalamka sida Siishalis, India, Kenya, Tanzaaniya, Cuman iyo waliba Wadamada Khaliijka. Sidoo kale, waxa uu Xeer ilaaliyaha sheegay inay socdaan wadahadalo heer gabagabo maraaya oo kala dhexeeya dowladaha heysta Maxaabiista si loosii daayo isla markaana dib loogu soo celsho dalkooda. Dhinaca kale, waxa uu cadeeyay inaan halkaa looga hari doonin danbiyada Maxaabiista balse lagu maxkamadeyn doono dalkooda si loo kala saaro cida danbiga leh iyo cida aan danbiga laheyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Qaahira (Caasimadda Online) – Rag hubaysan ayaa weeraray Masjid ku yaal Gobolka Siinaa ee dhaca Waqooyiga Masar, waxa uuna sababay Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac geystay. Inta ka badan 200 oo qof ayaa ku geeriyootay, halka ay ku dhaawacmeen 130 qof oo ah Jamaacadii Masaajidka ku sugneed, sida ay sheegeen Illo Wareedyo rasmi ah. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegay in ragga hubeeysan ay u adeegsadeen weerarkooda, qaraxyo iyo weeraro toos ah, isla markaana bartilmaameedkoodu ahaa Masjidka sida uu hadalka u dhigay. Kooxda weerarka qaaday ayaa la sheegayaa in ay beegsadeen mid kamid ah Gawaarida Gurmadka Deg deg, oo xiligaasi lagu daabulaye dadka dhaawacmay, taasine ay kordhineyso Khasaaraha Dhimashada. Britain, Turkiga, Jordan iyo Bahrain ayaa cambaareeyay weerarka. Madaxwaynaha Masar ayaa sidoo kale ku dhawaaqay baroordiiqda guud oo dalka Masar la geliyo Saddex Maalmood. Madaxweynaha C/Fitaax Al-Siisi ayaa la sheegayaa in uu shir deg deg ah Gudoomiyano, waxaana uu la qaadanaaya Laamaha Ammaanka Masaarida, si wax looga qabto Dagaalada Daba dheeraaday ee Gobolka Dhaca Waqooyiga Masar. Ma jirto koox ilaa hadda sheegatay mas’uuliyadda weerarka, Xukuumadda Qaahira ayaa dusha ka saareysa Kooxda Daacish ee ka dagaalanta Waqooyiga Masar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Maamulka Bangiga Amal ee Gobolka Bari iyo Sanaag bari ayaa kulankaan u qabtay dhalinyarada Gobolka bari, kulankaan oo ahaa kulan fagaare ka hadal ah ayaa waxaa cinwaan looga dhigay” Sirta Ay Hantiilayaashu Ku Hodmeen”, mowdcaan oo uu soo jeediyey tababare Cabdifatah Maxamud Ducaale “Cajab” madaxa xiriirka Bangiga Amal. Kulankaan ayaa waxa ka soo qeyb galay kudhowaad Labo Boqol oo dhalinyaro ah oo ka kala socday; ururada dhalinyarada ee kala duwan, Jamaacadaha, Macaahidda iyo hayado kale. Kulanka oo ka dhacay Hotelka Gacayte ee magaalada Bosaso ayaa waxaa ugu horeyn furey Madaxa Suuq-geynta Bangiga Amal ee Gobolka Sanaag Iyo Sanag bariMuuse Siciid Xasan, isagoo Faahfaahiyey ujeedad Kulanka oo aheyd kulan dhiiri gelineed oo dhalinyarada lagu barayey Habka maamulka dhaqaalaha iyo hal-abuurka ganacsi Waxa afka qalaad lagu yiraahdo (Financial literacy and entrepreneurship). Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Maamulaha Bangiga Amal ee Gobolka Bari iyo Sanaag Bari Dr. Maxamed Faahiye Ciise isagoo ku dhiiri geliyey in ay dhalinta ka faa’iideystaan tababarkaan, kana hadlay sida Bangiga Amal uga go’antahay in uu bulshada horumarinteeda qeyb weyn ka qaato. Uga dambeyntii kulanka ayaa waxaa si rasmi ah usoo xiray Madaxa horumarinta ganacsiga bangiga Amal Jama Ciise Maxamud, asagoo ku amaanay dhalinyarada kulanka ka soo qeyb-gashay sida ay ugu dedaalayaan in ay horumariyaan aqoontooda iyo in bangiga sidii wadi doono kulamada kala duwan ee bulshada lagu horumarinayo.. Ugu dambeytii wuxuu kulanku ku dhamaaday jawi wanaagsan. Cabdiqani Boos Puntland Post-Bosaso The post Bangiga Amal oo kulan ku saabsan aqoonta maaliyadeed u qabtay dhalinyarada Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  8. Hoosingow (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan Tuulada Baqdaad oo hoostagta Degaanka Hoosingow ayaa sheegaya in Diyaarado Dagaal ay duqeeyeen,waxaana la sheegay in Duqeynta lala beegsaday Saldhig Al-shabaab ay halkaas ku lahaayeen. Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Dhowr Gantaal lagu dhuftay Saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen Tuulada Baqdaad,waxaana la tilmaamay in ay jiraan Dhimasho iyo Dhaawac soo gaaray Dagaalameyaasha Al-shabaab. Goobjoogayaal ku sugan deegaanka hoosingoow ayaa waxa ay sheegeen in ka hor inta asyan dhicin duqeynta ay arkeen Diyaarado jog hoose ku socda oo dulmarayay deegaanka Hoosingow ee Gobolkaasi Jubabda Hoose. Inkastoo aan sirasmia ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay duqeyntaas ayaa hadana Masuuliyiinta Maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in duqeyntaas lala helay Saldhigii ugu weeynaa Al-Shabaab ee deegaanka laanta Booni. Duqeyntaan xalay ka dhacday Galbeedka Hoosingow aya ku soo aadeysa xili habeenimadii Khamiista ee la soo dhaafay ay Al-Shabaab weerar culus ku qaadeen Saldhig ciidamada Jubbaland ku leeyihiin degmada dhoobley ee isla gobolka Jubbada hoose. Sikastaba Al-Shabaab weli kama hadlin duqeyntaas,oo an weli la shacin cida ka dambeysa. Diyaaradaha aan Cidna wadin ee Mareykanku leeyahay ayaa Duqeymo Xariir ah ka fuliyay Gobolada ku yaalla Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya,waxaana ugu dambeeyay Duqeyntii ka dhacday Duleedka Degmada Diinsoor Ee Gobolka Baay oo lagu dilay 100 Dagaalame. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan gaaray wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Wafdiga uu hoggaaminaayay Jawaari ayaa waxaa kamid ahaa Guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud oo booqasho ku jooga Somalia. Waxaa wafdiga wehlinaayay Taliyaha Guud ee Ciidanka AMISOM, Saraakiil iyo Mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee dowlada Somalia. Wafdiga labada dhinac ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha magaalada Baladweyne ku soo dhaweeyey mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka Hirshabeele oo uu ugu horeeyo Hogaamiyaha maamulka Maxamed Cabdi Waare. Intaa kadib Wafdiga ayaa si wada jira u booqday Xarunta weyn Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay kula kulmeen Hogaamiyaha Hirshabeelle, Saraakiisha AMISOM iyo kuwa Ciidanka Xoogga Dalka oo halkaasi Jooga. Sidoo kale, Wafdiga Guddoomiyaha Baarlamanaka Jabuuti ayaa ka qeybgali doona shirka Golaha Shacabka ee la filaayo inuu dhaco maalinta berri ee Sabtiga ah.
  10. Muqdisho (PP) ─ Kun Askari oo ka mid ah ciidamada AMISOM, ayaa bisha soo socota ka bixi doona Somalia, iyadoo lagu wado in qeybtii u horreysay ka bixitaanka ciidanka ay bilaaban doonaan horaanta todobaadka soo socda. Afhayeenka milateriga Uganda, Richard Karimere ayaa sheegay in illaa 281-askari oo u dhashay Uganda oo gaaraya 1,000 Askari laga soo saari doono Somalia horraanta Todobaadka soo socda. Qorshaha ka bixitaanka ciidamada Uganda ee Somalia ayaa Qaadan doona illaa 31-ka bisha December ee dhamaadka Sannadkaan. Iyadoo tani ay ka tahay qayb qorshe ciidamada AMISOM looga saarayo Soomaaliya oo dhan. Saraakiisha Ciidamada Difaaca Uganda ayaa sidoo kale sheegay in go’aanka ka bixitaanka AMISOM uu yahay sidii Ciidamada amniga Soomaaliya fursad loogu siin lahaa sidii ay ammaanka dalka ula wareegi lahaayeen. Dhanka kale, Cutubkii u horreeyay Ciidammo ka socda Dalka Uganda ayaa Soomaaliya yimid sannadkii 2007-dii, waxayna Somalia ka howl-galayeen muddo toban sano ah, waxaana tan iyo muddadaas ciidamada Uganda kaga dhintay Somalia Ciidamo fara badan oo ay ugu dambeysay 12 askari oo bilo ka hor looga dilay deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose. Ugu dambeyn, Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa bishii May ee sannadkan hal sano ugu kordhiyay hawl-galka AMISOM illaa Sannadka 2018, sidoo kale waxaa bishii Ogoosto ee Sannadkan isku raacay in la dhimo tirada ciidanka jooga Somalia, lagana soo saaro kun askari, kaddib markii Midowga Yurub ay jarteen dhaqaalihii ay ku bixinayeen hawl-galka AMISOM. PUNTLAND POST The post Qaybtii ugu horeysay Ciidanka AMISOM oo Todobaadka soo Socda ka baxaya Somalia appeared first on Puntland Post.
  11. Baladweyne (PP) ─ Wafdi ay Hoggaaminayeen Guddoomiyeyaasha labada baarlamaan ee Somalia iyo Jabuuti, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Maxamed Cali Xaamud ayaa gaaray Maanta degmadaBeledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay. Labada Guddoomiye ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Saraakiil ka tirsan AMISOM. Madaxdan ayaa waxaa safarkooda ku wehliya Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle, Safiirka Jabuuti u fadhiya Dalka Somalia, Taliyaha AMISOM, iyo Mas’uuliyiin kale. Sidoo kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa socdaalkiisa ka dambeeyay, kaddib markii uu casuumaad ka helay dhiggiisa Soomaaliya. Dhanka kale, Booqashada maanta uu ku tagay Beledweyn ayaa ah mid uu ugu kuur galayo xaalada gobolka oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka socda dalka Jabuuti. Ugu dambeyn, Munaasabad lagu soo dhoweynayo wafdiga ayaa ka dhacday xarunta maamulka, waxaana halkaas ay kula hadleen qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Hiiraan sida Odayaasha dhaqanka, waxgaradka, dhalinyarada, haweenka iyo xubnaha maamulka. PUNTLAND POST The post Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Somalia iyo Jabuuti oo Maanta Gaaray Baladweyne appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (PP) ─ Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir oo maanta marti ku ahaa Barnaamij Jimco walba ka baxa Warbaahinta DF, ayaa ka hadlay Arimo badan oo ka mid ah howsha xafiiska xeer-ilaaliyaha Qaranka iyo horumarada laga gaaray waajibaadka loo igmaday. Dr. Axmed Cali Daahir oo ka hadlayay Muwaadiniin Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada caalamka ee lagu eedeeyay iney xiriir la yihiin falal burcad badeednimo ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka war heyso xaalada muwaadiniintaasi,islamarkaana ay socdaan hanaan qaarkood lagula soo wareegayo. Xeer-ilaaliyuhu wuxuu sheegay in ku dhawaad 1024-ruux oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah ay ku xir-xiran yihiin xabsiyada 22 Dal oo ka ka mid ah caalamka, kuwaasoo dhibaatooyin kala duwan la kulma. Sidoo kale, Xeer-ilaaliyaha ayaa xusay in si caadi ah hoos uga sii dhacayaan tirada maxaabiista ee ku xiran xabsiyada caalamka sida Seychelles, India, Kenya, Tanzaaniya, Cummaan iyo waliba dalalka Khaliijka Qaarkood. Dr. Daahir ayaa carabka ku adkeeyay inay socdaan dadaallo lagu doonayo in lagula soo wareego 12-Qof oo muwaadiniin Soomaaliya oo ku xiran dalka Siishalis,kuwaasi oo lagu eedeynayo falal burcad badeednimo. Waddanka Hindiya ayuu sheegay iney u socdaan wada hadalo,islamarkaana ay kala saxiixdeen heshiisyo ay ka mid tahay is-weydaarsi maxaabiis, isla markaana hadda Dowladda ay qorsheyneyso sidii maxaabiis dhawr ah India ugala soo wareegi lahayd, sida uu xeer-ilaaliyaha hadalka u dhigay. Dalka Cummaan, waxaana ku xiran ku dhawaad 34-ruux oo lagu eedeynayo falal burcad-badeednimo ah, wuxuuna Dr. Axmed Cali Daahir farta ku goday inay ku daba jiraan sidii loo soo sii deyn lahaa maxaabiistaas. Xeer-ilaaliyaha ayaa xaqiijiyay inay jiraan waddamo badan oo ay kula jiraan wada-hadalo lagu soo sii deynayo maxaabiista muwaadiniinta Soomaaliyeed si ay haddii ay jirto dambiga lagu eedeynayo loogu qaado Dalkooda Hooyo. Ugu dambeyn, Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa ku dhibaateysan xabsiyada dalalka Caalamka Qaarkood, kuwaasoo lagu eedeynayo danbiyo kala duwan,waxayna Dowladda Somalia dadaal ku bixinaysa sidii dhalintaas dib loogu soo celin lahaa dalkooda Hooyo. PUNTLAND POST The post Xeer-ilaaliyaha Qaranka oo sheega in 1024 Qof oo Soomaali ah ay ku xiran yihiin Caalamka appeared first on Puntland Post.
  13. Harare (PP) ─ Dalka Zimbabawe ayaa maanta wuxuu yeeshey hoggaamye cusub, kaddib markii xilka madaxweynaha loo dhaariyay madaxweyne ku xigeenkii hore, Emmirson Mnangagwe oo beddelaya madaxweynihii hore ee dalkaas Robert Mogabe. Xafladda dhaarinta ayaa waxay ka dhacday Garoonka Ciyaaraha Harare oo ah xarunta Zimababwe, kaasoo ay k sugnaayeen in ka badan 60,000 oo qof oo reer Zimbabwe ah, kuwaasoo si aad ah ugu faraxsanaa isbedellada uu wajahayo dalkooda. Taageerayaasha Mucaaradka Zimbabwe ayaa ka dalbaday hoggaamiyaha cusub inuu soo af-jaro arrimaha musuq-maasuqa hareerayay dalkaas, kaas oo gaaray heerkiisii ugu sarreeyay. Sidoo kale, Mnangagwa ayaa horay madaxweyne ku xigeen ugu ahaa Robert Mugabe, isagoo 37-sano lasoo shaqeeyay, waxaana isbedelka Zimbabwe ay wajahayso sababay xil ka qaadistiisii bishii lasoo dhaafay. Dhanka kale, Waxaa socda qorshe ku aaddan sidii Mugabe uu u yeelan lahaa xasaanad uu kaga badbaadayo in wax dambi ah lagu so oogo. Waxaana tani ay soo af-jaraysaa awooddii Mugabe oo ahaa hoggaamiye aad u ad-dag. Madaxweynaha cusub ee maanta loo dhaariyay Zimbabwe, Mnangagwa ayaa ballan-qaaday shaqo-abuur xilli heerka shaqo la’aanta Waddanka Zimbabwe ay gaarayso 90%, taasoo dhuun-qabad ku ahayd shacabka dalkaas. Ugu dambeyn, Sanduuqa Lacagta Adduunka ayaa Zimbabwe ugu baaqday in ay la timaado isbeddel deg-deg ah, isla markaasna hesho deymo. Waxaana la filayaa in cunno-qabateynta laga mudda dheer saarnayd laga qaado. PUNTLAND POST The post Madaxweyne cusub oo loo dhaariyay Zimbabwe iyo Shacabka dalkaas oo soo dhaweeyay appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxamed Cumar Maxamed wuxuu ku dhashay Xanuunka dhanka Wadnaha ka haya, waxaana waalidiinta dhalay oo danyar ah ay Awoodiwaayeen in ay adeeg Caafimaad ay dibadda ugu qaadaan, Maadaama aan dalka wax looga qabankarin. Wiilkaan yar oo kunool degmada Boondheere ayaa dadka degmadaasi oo kaashanaya maamulka degmada , waxa ay xaaladiisa Caafimaad kusoo wargeliyeen Gudoomiyaha Gobolka Banaadir. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku booqday Gurigooda, wuxuuna soo arkay Xaaladda wiilkaas iyo qoyskiisa oo aan tababar u laheyn inay caafimaad debadda ah u wadaan maadaama dalka wax looga qaban waayey. Guddoomiyaha ayaa durba go’aansaday inuu wiilkaan siiyo Viso Caafimaad oo ah dalka Turkiga, taasoo ugu dambeyntii gacanta laga saaray laba Maalin ka hor Ugu Dambeyntii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa wiilkii yaraa Maanta u sagootiyey dalka Turkiga wuxuuna Alle uga baryey inuu siiyo Caafimaad deg deg ah. Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Bulshadda Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay isku gurmaddaan. Waxaa uu u mahadceliyay dadka kunool degmada Boondheere, sidda ay ugu soo wargeliyeen maamulka gobolka Banaadir dhibka heysta wiilkaasi yar. Aabaha dhalay Wiilkaasi ayaa u mahadceliyay maamulka gobolka Banaadir, waxaana uu sheegay inay farxad weyn u tahay inuu Maanta arko wiilkiisa oo u safrayo dalka Turkiga. ” Alxamdullaahi maanta ayaa loo qaaday Turkiga wiilkii yaraa ee Wadnaha ka xanuunsaa oo dalka Wax looga qaban waayey” ayuu yiri Guddoomiye Thaabit” ” Gobolka Benaadir ayaa kafaala qaaday waxaana Illaahay uga baryeynaa safar caafimaad oo Guul leh Inshaa Allah” ayuu sii raaciyey.
  15. Last Tuesday, after a long delay, the National Electoral Commission (NEC) announced that Muse Bihi won the 2017 Presidential election. Muse Bihi received 55% of the total votes cast, making him the first Somaliland President ever to win over 50% of the vote. The election was fought square and fair, there was no fraud or rigging at the polling stations. In fact, to combat fraud, the NEC has deployed, an Iris detection technology, to all polling stations. When an election is held, there is a winner and loser. Usually, after the election results, the loser concedes and congratulates the winner. But on November 2017, Somaliland presidential election candidate Irro refused to concede despite losing by a wide margin. He was falsely claiming that the election was rigged. Many of Irro’s angry and disillusioned supporters believe his claim, including those who used violence if he did not win. The NEC has repeatedly tried to convince Irro that the electoral system is fair and not being compromised. The NEC has conducted recount after recount, and the final results confirmed that Irro lost the election. After the election results, in a meeting at Ambassador Hotel, attended by key senior Wadani party leaders and supporters, Irro unleashed a tirade against how the NEC conducted the election, the Silanyo administration, and President-elect Muse Bihi. He even blamed Muse Bihi for the deaths in recent election riots. Irro said,” The election results were illegitimate due to rigging, but I will accept them nonetheless, to save the nation from turmoil….” This is not an acceptable concession speech especially for a fledgling democracy such as Somaliland. Moreover, Wadani vice presidential candidate, Mohamed Aw-ali, in speech to Wadani supporters, said bluntly, “Kulmiye robbed the election.” Irro’s political career started in 2005 when the good voters in Sahel region gave him a chance to be a member of the Parliament with 1,800 total votes. To advance his political agenda, then candidate Silanyo helped Irro to become the speaker. He then founded the Wadani party with the backing and blessing from the Silanyo administration. Eventually, he became a candidate to the highest office of the land. Many people, including myself, believe the process of someone like Irro with no political experience or liberation credentials first becoming SL House speaker and then a presidential nominee, was based on a sham and fraud. Instead of showing gratitude for the generosity Somalilanders offered him, he chose to undermine our peace and stability by claiming that the election was being rigged. His disparaging comments about our electoral system, and lies, were intended to sow contempt and mistrust among our citizens. And his divisive rhetoric was like adding fuel to the already Somaliland’s combustible clan politics. Irro lost the election fair and square. Muse Bihi won the election because more people voted for him, and his victory was not “hand-manufactured”, as Irro was alleging. Irro needs to understand that President-elect is not his enemy; but he was just his political opponent. When election is over, it is important not only to graciously concede and to congratulate the winner, but also to stand and unite behind President-elect, and pray for Allah bless his stewardship of our country—a country fighting to be accepted as member of the world community. If he succeeds, Somaliland will also move forward. The whole race was all about advancing Somaliland cause and making it a better place for all its citizens. Doing so, is a vital step of strengthening our institutions and upholding our nascent democracy, because it legitimizes the outcome of the election. Now, it’s time out to put behind our differences, to stop bickering and partisan rancor, and to mend our division. To start the healing, Irro should call President-elect Muse Bihi and congratulate him of becoming the 5th President of Somaliland, and offer to meet him as soon as possible, because the campaign is over. And he should take a cue from a quote from the best concession speech of a losing candidate in U.S. presidential election in a recent time: “I urge all Americans who supported me to join me in not just congratulating him, but offering our next our goodwill and earnest effort to find ways to come together, ” Senator John McCain urged his supporters after he lost to Obama in 2008 U.S. presidential election. We owe to the voters who stood up in a scorching sun just to cast a vote, to find way to come together and unite once again for our common pursuit of peace and development. We are all fighting for the same cause—making Somaliland a free, independent country and a member of communities of nations. May Allah Bless Somaliland
  16. Sida uu sheegay mas’uul u hadlay xabsi ku yaallo Seychelles, waxaa khamiistii halkaasi lagu xiray 6 ka mid ah burcad badeedda Soomaalida kuwaas oo lagu helay falal burcadnimada ah oo ay ka fuliyeen xeebaha koonfureed ee Soomaaliya. Eedeysanayaashan lixda ayaa waxaa la geeyay magaaladda dekadda ah ee Victoria, oo ka tirsan archipelago oo ku taalo Badweynta Hindiya, sidaasi waxaa sheegay Raymond St Ange, oo ah sii haya guddoomiyaha xabsiga Montagne Posee. Lixdan Soomaalida ah waxaa soo qabtay ciidamada badda ee Talyaaniga oo isticmaalyey helicopter, waa howlgal ay ciidamada reer Yurub ku ilaaliyaan xeebaha Soomaaliya, waxaana la qabtay iyaga oo weerar ku ah 2 markab Nov.17 iyo Nov.18. Jasiiradda Seychelles waxaa ku xiran burcad badeed badan oo Soomaali ah, markii ugu dambeysay ee wax lagu xiro waxaa uu ahaa 2014. Goobjoog News Source
  17. Zimbabwe’s Emmerson Mnangagwa was set to be sworn in as president on Friday, marking the final chapter of a political drama that toppled his predecessor Robert Mugabe after a military takeover. Mnangagwa, until recently one of Mugabe’s closest allies, will take the oath of office at the national sports stadium on the outskirts of Harare before thousands of supporters, dignitaries and foreign diplomats. AUTOCRACTIC RULE Mugabe, who ruled the southern African country for 37 autocratic years, was ousted from office when the military intervened after he had sacked Mnangagwa as vice president. Mugabe, 93 and in increasingly frail health, had been positioning his wife Grace as his successor, but the army chiefs acted to halt the plan and usher in Mnangagwa. “Come and be an eyewitness of history being made, the historic ushering in (of) a new era and better country,” said a statement from the ruling Zanu-PF party calling on people to attend the inauguration. State television suggested that Mugabe may be present, but no official confirmed his participation. Buses have been arranged to transport supporters to the 60,000-capacity stadium early on Friday. Mnangagwa, 75, said this week that Zimbabweans were witnessing “a new and unfolding full democracy”, though critics say he is a Zanu-PF hardliner who gained power in a de facto military coup. He is known as “The Crocodile” for his ruthlessness and is accused of overseeing ethnic massacres by the army in the 1980s and the 2008 election violence when Mugabe was at risk of losing the vote. Ahead of the inauguration, the army warned that criminals had been impersonating soldiers since the crisis to extort money from the public and called on Zimbabweans to obey the law. Britain, the former colonial power, said it was sending Africa Minister Rory Stewart to the ceremony. Regional heavyweight South Africa said President Jacob Zuma would not be present as he was hosting a visit by Angola’s new head of state. Zuma praised Mugabe, noting “his contribution to the liberation of the Southern African region and the decolonisation of the continent”. Mugabe had ruled since Zimbabwean independence in 1980, exercising almost total authority to crush any sign of dissent. The majority of Zimbabweans have only known life under Mugabe — the world’s oldest head of state — during a reign defined by brutality, rigged elections and international isolation. His iron grip on power ended on Tuesday when his resignation letter was delivered to parliament, where MPs had convened to impeach him. GRACE MUGABE Mugabe was last seen in public on Friday and gave a defiant televised address on Sunday. Neither he nor his wife Grace has been seen since, though they are expected to be given protection by the government. The main opposition group, the Movement for Democratic Change, said it was “cautiously optimistic” that Mnangagwa would not be as “evil, corrupt, decadent” as Mugabe. In the week before Mugabe resigned, military vehicles rolled down Harare’s streets, army generals made a TV address in the early hours and tens of thousands of Zimbabweans demonstrated against the veteran leader. Zimbabwe’s once-promising economy collapsed under Mugabe’s rule, and many hope Mnangagwa will push through reforms to bring in investment. Unemployment is over 90 percent, and in his first speech after being announced as the next president he promised “jobs, jobs, jobs!” Source: AFP
  18. European Naval Forces on Thursday handed over six suspected Somali pirates to Seychelles to stand trial. The suspects were apprehended last week by Italian Marines following a foiled attack on Container-Ship and a fishing vessel off Somali coast. In its Twitter post, the Mission said suspected pirates were handed over to Seychelles authorities to be prosecuted. ” EUNAFOR confirms transfer of suspected suspected pirates by Italian Marines and Sailors to Seychelles authorities today to commence the legal process,” the Mission tweeted on Thursday. Since 2011 foreign navies that capture suspected pirates have handed over hundreds of somali pirates to regional nations including Mauritius, as well as Kenya, and Tanzania, though the criminal industry in the Indian Ocean and Gulf of Aden has largely died out. The EU naval forces have largely brought the piracy to an end, The drop in piracy incidents is a relief to shipping companies using the Indian Ocean that have been the target of pirates. However, experts warned that a new wave of illegal fishing by large trawlers may help the return of piracy to the Indian Ocean.
  19. Guddiga maaliyadda ee golaha shacabka ayaa soo saaray warbixintooda ku aadan xisaab xirka miisaaniyad sanadeedka 2016-ka, iyada oo soo bandhigay in ay kala duwan yihiin, lacagaha ay dowladda federaalka ah fileysay ama ku talagashay iyo waxa rasmiga ah ee soo xarooday. Qodobadda Ugu Muhiimsanaa Waxaa Ka Mid Ahaa: Guud ahaa qaabka diyaarinta warbixinta xisaab xirka waxaa ka muuqata in aysan jirin faahfaahin xisaabeed oo sahlaya dhaqso u fahanka xisaab xirka miisaaniyadda. Muuqaalka guud ee warbixinta xisaab xirka waxaa ka muuqda khaladaad la sixi karay waqtigeeda . sida kala wareejinta isticmaalka madax xigaha filaanka ah. Deeqaha dibadda ee lab dhinac ayaa la filayey in ay noqoto $34,000,000US$, lacagta dhabta ah ee soo xarootay waxay noqotay $31,260,098 farqiga u dhaxeeya wuxuu noqday $2,739,902 ooah boqolkiiba 8% inta aan la helin. Markii la eego deeqaha sadex geesoodka ayaa waxaa la filaayay in aay ka soo xarootay lacag dhan $74,365,875 lacagta dhabta ah ee ka soo xarootay waa $24,041,451. Farqi uu dhanyahay $50,324,424 kaas oo noqonaya Boqolay ahaan 68% una muuqata in ay la lagu dhisi balanqaad sax ah. Adeegga Shaqaalaha Mushaarka : Mushaarka shaqaalaha ku baxay sanad miisaaniyadeedka 2016 waxaa lagu talagalay kharash dhan 113,067,344, halka miisaaniyadda dhabta ah ee la baxshay ay noqotay $79,314,010 farqiga uu ahaa $33,753,334 una dhiganta 30% taasi oo keentay in la gaariwaayo dakhligii ku tala miisaaniyadda 2016k, keenikartana dayac dhinaca shaqada ama wax soo saarka shaqada maadaama uusan haynin qofka niyad uu ku shaqeeyo. Agabka iyo Adeegga: Miisaaniyadda sanadeedka agabka iyo adeegga ku baxa waxaa lagu talagalay in ay noqoto $96,434,512.00 waxa ay noqotay kharashka dhabta ah ee la isticmaalay $70,246,999.00, waxaana timid kala duwanaasho qoondada iyo kharashaadka la isticmaaley oo dhan $26,187,513.00 noqoneysana 27% keentayna in ay curyaamaan howlihii dowladda lagu dardargalin lahaa maadaama uu ahaa halbowlaha. Deeqaha / Mashaariicda: Deeqaha laga helo deeqbixiyaasha oo loogu talagalay mashaariicda waxay ahayd ku talagalka $17,229,550.00,waxaa la isticmaalay kharasha dhan $9,416,649.00, waxaa timid kala duwanaashah ku talagalka iyo kharashka farqi dhan $7,812,901,kaas oo noqonaya 45% una muuqata in laga faaideysan waayey si kastoo ay ahaataba. Keydka Kabidda: Lacagta keydka miisaaniyadda oo loogu talagalay ka hortaga masiibooyinka sida abaaraha, daadadka , fatahaadaha iyo iwm. Waxaa loo qoondeeyay lacag dhan $2,116,804 waxaa la isticmaalay $ 2,059,409, farqiga u dhaxeeya lacagtii loo qoondeeyay iyo midda la isticmaalay waa $57,395, markii boqoley loo badalo waxay noqoneysaa 3%, sidoo kale madaxaan inta badan waxaa loo isticmaalay wax ka baxsan wixii loogu talo galay. Curaar iyo deymo Kharash bixinta deymaha la galay sannadkii 2015kii laguna soo wareejiyey miisaaniyadda 2016ka kaliya lacag dhan $4,100,000 waxaa la baxshay kharash dhan $4,090,614, farqiga u dhaxeeya wuxuu noqday $9,386 . taaso uu muujineysa in la iska xil saaray bixinta kharashkaas inkastoo aysan ku cadeen warbixinta xisaabiyaha cida iskaleh deemaha iyo sida loo baxshay kaliya un ay tahay warbixin kooban taasi oo aan aad u sahlaneyn ogaasho qota dheer ee dhinaca daymahaan. Isticmaalka Ra’sulmaalka: Ra’sulmaalka waxaa loo qoondeeyay lacag dhan $15,309,692, waxaa la isticmaalay kharash dhan $5,939,039,kala duwanaashaha wuxuu noqdey $9,370,653, boqoley ahaana waxay noqotey 61%. Laba meeloo meel ahaan waa ka badantahay inta soo hartey taasi oo muujineyso in aan loo isticmaalin sidii kutalogalka ahaa qoondada miisaaniyadda 2016 laguna sababeeyay buuxin la’aanta shauruudihii ku xirnaa helidooda. Goobjoog News Source
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Sacuudiga ayaa shaacisay inay isticmaaleyso Qandaraaslayaal ciqaaba amiirrada Sacuudiga iyo bilyaneerada dhawaan lagu xiray dalka Boqortooyada. Qoraal lagu baahiyay wargeysyada oo xiganaaya Saraakiisha amaanka ayaa lagu sheegay in isticmaalka calooshood u shaqeystayaasha u dhashay Mareykanka ay fududeyneyso in la helo xaqiiqda xariga amiirrada Sacuudiga iyo bilyaneerada. Wargeyska DailyMail ayaa isna qoray in Amiirada iyo ganacsatada bilyaneerka ah lugaha laga xiri doono oo kor laga soo laalaadinayo, iyadoo ay garaaci doonaan qandaraaslayaal Mareykan oo calooshood u shaqeystayaal ah. Wargeyska DailyMail ayaa qoray in qandaraaslayaasha ay su’aalo weydiin doonaan ganacsatada bilyaneerka ah ee u xiran dowlada Sacuudiga. Qandaraaslayaasha Maraykanka ah ee ciqaabi doona amiirada ayaa waxaa kireystay dhaxal sugaha dalkaasi sacuudiga Mohammed Bin Salman, kaasoo hadda ah ninka ugu awooda badan boqortooyada. Dhaxal suge Mohammed Bin Salman ayaa la sheegay in amiiradaasi uu kala wareegay lacag dhan 194 bilyan oo dollarka xisaabaadka bangiyada iyo hantidii dadka la xiray. Sidoo kale, Wargeyska DailyMail ayaa shaki galiyay waxa ay yihiin Qandaraaslayaasha waxa uuna tilmaamay inay suuragal yihiin Xubno laga soo xulay kooxda la magac baxday Blackwater oo madaxweynaha Lebanon Michel Aoun uu mar ku xusay bogiisa twiterka in Ra’isal wasaaraha Lebanon, Saad Hariri, ay ilaalinayeen kooxda Blackwater, markii uu ku sugnaa Sacuudiga hase yeeshee wuxuu markii dambe tirtiray tweet-ka. Dhinaca kale, amiirrada Sacuudiga iyo bilyaneerada xiran ayaa la xaqiijiyay inaysan aqbali doonin go’aanka cusub ee uu doonaayo dhaxal sugaha inuu ku ciqaabo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo weli ku sugan dalka Ethio oo uu kulamo gaar gaar ah la lahaa, ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Ethiopia Mr. Workneh Gebeyehu. Madaxweynaha dawladda Puntland iyo Wasiirka Arrimaha dibadda dalkaasi Ethiopia ayaa waxa ay kawada hadleen xoojinta Xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ethiopia gaar ahaan Puntland iyo arrimo la xidhiidha furitaanka Custom ka Tuur-dibi ee xuduudda Puntland iyo Ethiopia. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xaqiijiyey in Soomaaliya iyo Ethiopia gaar ahaan Puntland leeyihiin xidhiidh tariikhiya kaas oo ku qotoma arrimaha Ganacsiga, Amaanka iyo siyaasadda, isla markaana ku salaysan iskaashi, wax wada qabsi iyo siyasad togan. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa hoosta ka xariiqay in Puntland diyaar u tahay wanaajinta xidhiidhka Puntland iyo Ethiopia ee soo jireenka ah, waxaana uu tilmaamay Madaxweynuhu in ay Puntland iyo shacabkeeduba diyaar u yihiin inlaga wada shaqeeyo wax kasta oo horumarin kara xidhiidhka labada dhinac. Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaasi Ethiopia Mr. Workneh Gebeyehu ayaa dhankiisa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay adkaynta xidhiidhka taariikhiga ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ethiopia gaar ahaan Puntland, isagoona xusay xidhiidhkaasi in uu yahay mid ku salaysan kalsooni iyo saaxiibtinimo, waxaana uu xaqiijiyey in dalka Ethiopia ku jiro abaabulka wefti ay usoo dirayaan furitaanka Custome ka Tuur-dibi ee xuduudda Puntland iyo Ethiopia. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa soo afmeeri doona shafarkooda shaqo ee ay ku joogeen muddo 5 Cisho ah magaalada Addis Ababa, Madaxweynaha iyo weftigisa ayaa guul ka gadhay safarkooda shaqo ee ay ku tageen dalka Ethiopia. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA , HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia oo Ka Wada Haddlay Xidhiidhka Puntland iyo Ethiopia. appeared first on Puntland Post.
  22. Kulanka golaha wasiirrada ee Khamiistii, waxaa lagu ansixiyay Mumina Sheikh Cumar si ay ka mid noqoto Guddiga Dastuurka ee Madaxa Bannaan. Wasiir ku xigeenka Dastuurka Xussein Cabdi Cilmi ayaa golaha wasiirada u soo gudbiyey talo soo jeedin ku aadan buuxinta xubin ka mid ah Guddiga Dastuurka ee Madaxa Bannaan oo horey u bannaanaatay. Wasiir ku xigeenka ayaa golaha ka codsaday inay ansixiyaan in Marwo Mumina Sheikh Omar oo horey u noqotay Wasiir ku xigeen iyo xildhibaan, lehna aqoon, waayo aragnimo, karti iyo hufnaan si ay u buuxiso booska bannaan oo ay xubin uga noqoto Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka. Golaha Wasiirada ayaa dood dheer ka dib si wadar-oggol ah u ansixiyey in Mumina Sheikh Omar ay xubin ka noqoto Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka. Wasiirka Dastuurka iyo Wasiir ku xigeenka ayaa dadaal dheer ku bixiyey sidii booska bannaanaaday ay u buuxin laheyd shaqsi dumar ah oo leh waayo aragnimo, karti, hufnaan, aqoon iyo iyadoo horey dalka mas’uul uga soo noqotay. Golaha Wasiiradda ayaa Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Dastuurka ku ammaanay dadaalkooda iyo soo xulitaanka shaqsi ku habboon xilkan culus, tanoo ah tallaabo horey loo qaaday. Muumina waxaa ay horay u soo noqotay wasiir ku-xigeenka haweenka iyo xuquuqul Insaanka, waxaana iyada iyo guddiyada dastuurka hor-yaalla sidii looga dhammaan lahaa dib-u-eegista arrimaha dastuurka. Goobjoog News Source
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta lagu wadaa in xilka madaxweynenimada loo dhaariyo Emmerson Mnangagwa, wuxuuna badalayaa madaxweynihii xilka ka dagay Robert Mugabe. Mnangagwa ayaa horey u ahaa madaxweyne ku xigeenka, wuxuuna muddo aad u dheer lasoo shaqayanayay Mugabe oo xilka hayay muddo 37 sanadood ah. Xil ka qaadistiisii bishii hore ayaa ku kaliftay in xisbiga ZANU-PF iyo ciidammada ay awooda la wareegaan, Mugabe-na ku qasbaan in uu xilka ka dego. Mucaaradka ayaa ka codsaday Mnangagwa in uu soo afjaro dhaqanka musuqmaasuqa ee dalkaas. Halka dhaarinta ay ka dhacayso ayaa ah garoonka ciyaaraha Harare oo qaadi kara 60,000 qof halkii mar. Waxaa jira warar ka hadlaya in Mugabe loo fidiyay xasaanad uu kaga nabad galayo in wax dacwad ah lagu soo oogo. Lama filanayo in uu kasoo qeybgalo caleemo-saarka Mnangagwa sida uu kusoo waramayo wariyaha BBC-da Andrew Harding. Balse xaqiiqda ah in uusan kasoo qeybgalaynin ayaa waxa ay muujinaysaa in isbadalka dhacaya uusan ahayn mid fudud. Mnangagwa ayaa balanqaaday shaqo abuur xili heerka shaqo la’aanta Zimbabwe ay gaarayso boqolkiiba 90%. “Waxaan rabnaa in aan dhaqaalaha kordhino, nabad ayaan rabnaa, shaqooyinka ayaan rabnaa” ayuu yiri Mnangagwa oo dad kula hadlayay Harare. Sanduuqa lacagta adduunka ayaa Zimbabwe ugu baaqday in ay la timaado isbadal degdeg ah, islamarkaasna hesho deymo. Lama oga in uu dowlad wadaag ah soo dhisi doono ama xisbiga Zanu-PF oo kaliya uu golihiisa wasiirada ka koobi doono inta uu xilka hayo ka hor doorashooyinka sanadka dambe. bbc Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraal lagu baahiyay Wakaalada Wararka Sucuudiga ee SPA, ayaa lagu sheegay in dowlada Sacuudiga iyo Xulafadeeda ay argagixiso u aqoonsadeen 11 wadaad oo uu ku jiro Sheekh Maxamed Siciid (Atam). Shaqsiyaadka liiska argagixiso ku wehlinaaya Atam ayaa waxaa kamid ah Ururo Islami ah iyo Shaqsiyaad caan ah oo xiriir dhow la leh Dowlada Qatar balse lagu eedeeyay argagixisonimo. Waxaa lagu sheegay warbixinta in shaqsiyaadkaasi ay leeyihiin Khataro argagixiso, isla markaana ay muhiim tahay in laga feejignaado dhibaatooyinka ay geysan karaan. Dawladaha lixda ah ee go’doomiyay dawlada Qatar warkoodaan cusub waxay ku sheegeen in shaqsiyaadkaan uu Atam ku jiro u aqoonsan yihiin inay argagixisada taageeraan ama ay ka tirsanyihiin sida warku u qoran yahay. Sheekh Maxamed Siciid (Atam) ayaa horay u ahaa hogaamiyihii Al-Shabaab ee deegaanada Puntland, waxa uuna sanadii 2014kii isku soo dhiibay Dowlada Somalia, waxa uuna hadda ku sugan yahay magaalada Doxa ee dalka Qadar. Sidoo kale, waxaa lagu sheegay warbixinta in Xubnaha la tuhunsan yahay ay ku jiraan Hay’addo ka shaqeeya samafalka iyo faafinta dacwada waxaana ka mid ah Hay’add uu maamulo wadaadka la yiraahdo Sheekh Yuusuf Al-Qardawi. Qoraalkan kusoo baxay warbaahinta Sacuudiga ayaa dab iyo bansiin kusii shidaaya xiisadii udhexeysay Dowlada Qadar iyo Xulafada Sacuudiga ee mintidiinta ah. Talaabadan Sheekh Atam iyo Qardawi loogu daray liiska Argagixisada ayaa u muuqaneysa mid lagu faduulinaayo dowlada Qadar oo ay xiisad Siyaasadeed kala dhexeyso Sacuudiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Muqdisho (Caasimada Online)-Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ayaa maleeshiyaadka al-Shabaab kala wareegay Degaan lagu magacaabo Abiikarow oo hoostaga Degmada Marko ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Ciidamada ayaa weerar dhowr jiha ah ku qaaday Saldhigyo ay maleeshiyada ku laheyd deegaanka waxaana u suuragashay dagaal xoogan kadib inay la wareegan deegaanka. Ciidamada Xoogga ayaa waxaa dagaalka ku wehlinaayay ciidamo ka tirsan AMISOM, waxaana lasoo sheegayaa in halkaa maleeshiyada looga dilay dhowr hubeysneyd. Taliyaha ciidamada G/Sare Xasan Maxamed Abuukar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay Al-shabaab ka xureeyeen Degaanka hoosyimaada Degmada Marko ee Gobolka Shabeellaha Hoose.