-
Content Count
205,632 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Shirkii maamulada Soomaalida iyo Dowlada Federalka u dhexeeyey oo ku soo dhamaadey magalada Muqdisho 11/02/2018 ayaa waxaa kasoo baxay go’aamo Khuseeya arimaha Dastuurka, doorashooyinka Soomaaliya sanadka 2020 iyo heshiis laga gaarey qaybsiga khayraadka Kalumeysiga. Madaxweynayaasha maamulada Soomaalida oo kulankaas qayb ka ahaa ayaa madaxdooda inteeda badan waxaa aysan kaxaysan ama aan wehelin hay’adihii dowliga ahaa ee ku shaqo lahaa go’aamada ay gaareen. Madaxweyne Gaas oo kulankaas ka qayb galay ayaa waxaan kulankaas gabi ahaanba aan la socon wasiirada gaar ahaan kuwo howlaha laga wada hadlayey ku shaqo leh. Gaas oo inta badan u kexeysta kulamada noocaan ah shaqsiyaad uu ku kalsoon yahay kuwasoo aan dood iyo wadaxaajood ka gali karin qodobada maaiiriga ah ee laga hadlayo ayaa Muqdisho waxaa u jooga xubno isaga Wakiil ugu ah iney kamid noqdaan guddiyada socidsiinaya qodobada lagu heshiiyo iyadoo wasaradaha iyo hay’adaha loogu talagaley in lagala xisaabtamo hehsiisyadaan gaar ahaan kuwooda Dastuuriga ah aysan soo dhaafi karin magalaada Garowe. “Cabdiweli Gaas markii hore ayuu xilalka u dhiibey dad aan wax ka waydiin karin howlaha loo igmadey, waxayna u badan yihiin shaqsiyaad aan horey u soo shaqeyn oo aan laheyn waaya-aragnimo xafiiseed iyo siyaasadeed.” sidaas waxaa sheegey qof aad uga warqaba kulamada Muqdisho madaxda Soomaalidu ku qabsadaan. Kulanka madaxda Soomaalida Muqdisho uga socdey 6-11 Feb, ayaa waxaa Madaxweynayaasha mamaulada gudiyadii la howl-gali lahaa kuwa Federaalka ay ku darsadeen shaqsiyaad aad ugu dhow kuwasoo ama isku beel hoose yihiin ama jooga xafiisyadooda sida agaasimyaasha madaxtooyada. Dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu maraya kala guur ah oo go’aamo masiiri ah laga gaarayo mustaqbalka shacbaka Soomaaliyeed kuwasoo loo baahan yahay iney noqdaan kuwa aan qarsoodi aheyn (Transparent). Maamulada Soomaalida waxaa ku jira kuwo hay’adahooda dowliga ah dhisan yihiin muddo 20 sano ah kuwasoo ay tahay iney ogaadaan heshiis walba oo g’aan ka gaaraya masiirka shucuubta ku nool. Doorashadii ka dhacdey Soomaaliya 2017 ayaa waxaa dib loogu noqdey nidamakii 4.5 kadib markii Madaxdii markaas joogtey oo ay kamid yihiin kuwa hadda xillalka ka haya maamul goboleedyada danahooda siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale ka eegeen iney sida ay rabaan ka yeelan masiirkii ummadaha ay u matalayeen kulamadaas. Xigasho: Garowe Online The post Madaxda maamul goboleedyada oo curyaamiyey shaqooyinkii hay’adihii dowliga ahaa appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia Xasan Cali Kheyre, ayaa mar kale ka hadlay qorshaha ay Xukuumada ku dooneyso in lagu qaado Canshuuraha dalka. Kheyre oo la hadlaayay qaar kamid ah Ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xukuumada Somalia ay marka hore dooneyso kamiro dhalinta bixinta Canshuurta laga doonaayo Ganacsatada. Kheyre waxa uu tilmaamay in nasiib darro ay tahay in Ganacsatada ay dhaqaalaha Canshuurta ah ku bixiyaan dalalka shisheeye, balse aysan ku bixin dalkooda. ‘’Waxaa maskaxdeena kaweyn sida ay u dhaqmaan Ganacsatada waa in Canshuurta dalka ay u bixiyaan si lamida canshuurta ay uga bixiyaan dalalka ay alaabaha kala soo dagaan, waa inay nala gartaan in dalka uu ku dhismayo keliya lacagaha canshuurta ee aan ka qaadno Ganacsatada’’ ‘’Anagu ma diidanin inaan isla jideyno wixii ku xeeran cabashooyinka Ganacsatada waxaase nooga dhib badan inaan isla fahmi weyno in dalkeena uu u burbursan yahay bixin la’aanta canshuuraha, sidaa aawgeed waxaan dooneynaa in lacagaha aan ka qaadno Ganacsatada ku dhisno dalka’’ Kheyre waxa uu sheegay in Somalia ay dhexda ugu jirto cadow Shisheeye iyo mid Ganacsi, waxa uuna Ganacsatada ugu baaqay inaysan eegin keliya Canshuurta laga qaado, balse ay eegaan halka ay Canshuurtaas ku baxeyso. ‘’Waa inaan eegnaa halka ay canshuurta ku baxeyso anagu dooni meyno dal ay wadooyinkiisa haleysan yihiin waxaan dhaqaalaha aan idinka qaadno ku hormarineynaa dalkiina’’ Ra’isul wasaaraha iyo Ganacsatada waxa ay isla garteen in la qafiifiyo Canshuurta, taa bedelkeeda ay Ganacsatadu si joogta ah uga qeybqaataan kor u kaca dhaqaallaha dalka. Waxaa kamid ahaa qodobada ay isku fahmeen Ra’iisul wasaaraha iyo Ganacsatada: 1-In si wada jira looga wada shaqeeyo Dhaqaalaha iyo Horumarka dalka. 2-In dowlada laga caawiyo dhinacyada Canshuurta iyo kor u qaadista dhaqaalaha dalka. 3-Horumarinta bilicda dalka iyo in xooga la saaro sida ay Somalia kusoo ceshan laheyn Ganacsigii ay caanka ku ahaan jirtay. Dhinaca kale, Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa ballanqaaday inuu xooga saarayo wado waliba oo ay kuwada shaqeyn karaan Dowlada iyo Ganacsatada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Kheyre: “Gorgortan kama gali doono hirgalinta hanaanka lagu bixinayo canshuurta” appeared first on Caasimada Online.
-
Isniinti ina dhaaftay waxaa Xamar lagu qabtay shir wadatashi oo ku saabsanaa sida lagu suuragalin karo helidda isu-socod furan oo ay helaan dadka dagan Bariga Afrika. Shirkaan ayaa wuxuu ku koobnaa kaliya waddamada IGAD ku midaysan oo ay Soomaaliya ku jirto. Inta badan dadka soomaaliyeed iyo idaacadahaba sawir madow ayay ka bixiyeen qorshaha la wado. Waxaa aad looga dhawaajiyay in la midaynayo baasaborrada soomaaliya iyo Itoobiya. Taasoo ah cabsi na haysay tobanki sano ee lasoo dhaafay. Haddaba maxaa ka suura gal ah in la helo waddamada Bariga Afrika oo xuduudaha isu furo? Haddiise ay dhacdo yay dan ugu jirtaa? Sodanki sano ee lasoo dhaafay waxaa si xowli ah ku socday dhisamaha xulufo goboleed. Qaarad walba waxaa laga dhisay urur ay waddamo koox ah ku middaysan yihiin. Afrika waxaa ka jiro IGAD, SADC, ECOWAS iyo kuwa kale. Aasiya waxaa ka jiro kuwa badan sida AFTA, Yurub iyo Amerikana waa la mid. Dhammaan ururadaan waxaa loo sameeyay dano siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale, waxaana ugu badan helidda suuq dhaqaale oo xor u ah hadba intaa ururkas ku midaysan. Tusaale, suuqa Midowga Yurub, waxaa u siman dhammaan 28 dal ee ku jiro ururkaas. Mid walba meesha uu rabo oo midowga ka mid ah ayuu u suuq gaysan karaa alaabtiisa isagoon wax canshuur ah la saarin. Gaariga Jarmal lagu sameeyo canshuur la’aan ayaa laga soo dajiyaa Ingiriis iyo Faransiis. Waxaa sidoo kale, loo dhisaa ururadaas in la yareeyo xorriyad la’aanta shucuubta ku jirto ururkaas. Sida in la baabi’iyo shuruudaha fiisaha ama la yereeyo. Si loo sahlo ganacsiga iyo waxbarashada la is dhaafsanayo. Dhib ugu weyn ee xorriyada safarka waxay haysataa dadka Afrikaan ah xataa haddii ay isaga gooshayaan qaradda dhexdeeda. 54-ta dal ee Afrika ka kooban tahay 13 kaliya ayaa fiise la’aan la tagaa ama fiisaha garoonka laga qaataa. Inta kale, waxaa la maraa jid dheer iyo shuruudo adag. Waxa Kenya naga haysto ayaa tusaale kuugu filan. Maxaa faaido ku jiro xorriyada isu-socodka? Faaiidooyin badan ayaa dadka iyo dalalkaba ugu jiro xorriyadda safarka. Dadku waxay abuuraan dhaqaale. Haddii aad safarto dalka aad tagto waxaad geyn lacag tiro badan. Xorriyada isu-socodka ayaa sahasho inay waddamadu helaan shaqaalaha ay u baahanyihiin. Ingiriiska, matalan, 10% daqaatiirta ka shaqayso waxay ka yimaadeen Yurub. Waxaa sidoo kale kordho dal xiisayaasha oo ah kuwa lagacaha ugu badan geeyo waddamada kale. Dadku waxay faaiidi inay si xor ah u aadi araan oogana shaqaysan karaan waddanki ay doonaan. Tusaale, haddi ay suura gasho in Bariga Afrika sida Yurub laga dhigo, qofka Soomaaliga ah wuxuu kala dooran karaa inuu ku noolaado Kenya, Itoobiya ama waddanki kale ee heshiiska ku jiro. Waxaa meesha ka bixi raadinta waraqaaha ogalaanshaha shaqooyin oo ah kuwo dhib badan laga maro, fiisaha waxbarashada loo dalbado, canshuuraha dheeriga ah ee laga qaado dadka yimaado waddamo kale ee ka shaqeeyo dal aysan dhalasho ka haysan iyo shuruudo kale oo tirabadan. Maxaa dhib ah oo ka imaan karo? Fikradda suuqa xorta ah waa mid muddo badan soo jiray. Asalkiisuna wuxuu kasoo jeedaa reer Galbeedka. Gaar ahaan waxaa addunka la marsiiyay 80aadki. Meel marinta suuqa xorta ah waxaa hormuud ka ahaa Maraykanka iyo Ingiriiska. Waqtigaas waxaa meel fiican gaaray dhaqaalahdooda. Waxay rabeen in helaan suuqyo ay ku iibiyaan alabaahooda iyagoon la kulmin shuroodo badan. Qasab iyo juujuub ayay ku marsiiyeen adduunka oo dhan. Addunka intiisa badan waa uu ku qasaaray fikaraddaas Afrikaba ha ugu darnaatee. Laakiin waxaa ka faaiiday quwadihii soo baxay sida Shiinaha. Manta waxaa caddaatay inaysan dan ugu jirin waddamadii keenay fikirka. Taas ayaa keentay inay labadii adduunka bartay sheekada suuqa xorta ah ay billaabaan suuqa xiran. Ingiriiska waa kan u codeeyay inuu Yurub ka baxo. Maraykanka waxa Taraam loo doortay inuu albaabada u xiro si aysan Shiine iyo Kuuriya ugu soo galin. Sababta ay gadaal ugu baxeen ayaa ah inay fahmeen inay wax faaiido ah u qabin. Suuqa Yurub cidda ugu badan ee ka faaiiddo waa Jarmalka oo leh warshado badan oo wax soo saaro. Haddii aadan lahayn wax soo saar suuqa maxaad ku iibin? Maraykanka waxaa suuqa ka saaray Shiinaha oo badeeco jaban keeno dalkiisa. Sida kaliya ee uu uga bixi karo ayaa noqotay inuu ganjeelka xirto. Innagoo taas ka cabbir qaadanayno, maxaan haysannaa oo aan geyn doonnaa suuqa Bariga Afrika? Sideen ula tartami karnaa waddamada Kenya iyo Itoobiya oo xirfad dhaqaale iyo wax soosaar ahaanba innaga horreeyo? Soo noqon mayno suuq wax loo soo iibgaysto kaliya ee aan waxba iibin? Midda labaad ayaa ah xakamaynta dadka. Waxaan wada ognahay xaaladda uu dalkeennu ku jiro. War kama hayno cidda soo gasho iyo midda ka baxdo iyo kuwa ku nool shaqooyinka ay qabtaan. Waxaan kaloo ognahay in waddamada dariska nala ah ay damaaci weyn ka qabaan qaadashada qaar ka mid ah dhulkeenna. Side lagu koontarooli karaa dadka soo galayo dalka? Qalab yo nidaam toona lama hayo. Aqoon iyo xirfad midna uma lihin, dhaqaale lagu maamulana ma hayno. Marka soo daaftaa ka gal iyo waa danbe aan kugu qabsado noqon mayso? Sababta ugu weyn ee Ingiriiska ku qasabtay inuu Yurub ka baxo ayaa ah in dad tiro dhaafay ay usoo guureen dalkiisa. Marki hore shuruudo ma uusan xiran sida Noorway. Dhaqaalihiisa fiican iyo dhaqanka dadka dagan oo ka furfuran Yurubta kale ayaa ka dhigtay meel qof walba ku noolaan karo. Taasi waxay keenaty in midki fahmi waayo waddankiisaba uu boorsada soo qaato. Ka dib, iskoolladi, isbitaalladi iyo dhammaan adeegyadi bulshada ayaa laga isu yimid. Markaas ayaa lagu baruurugay dhibka jiro lana fahmay in dalku buux dhaafay. Dhibka sadexaad ayaa ah, in aanan hadda lahayn awood aan ku galno heshiis noocaan ah. Midowga Yurub muddo dheer ayaa laga shaqaynayay dhisiddiisa. Tobonnaan sano oo dhib ah ayuu qaatay in laga sal gaaro. Saas oo ay tahay ilaa hadda waxaa la wadaa sixiddii qaladaadki horay ooga dhacay. Heshiisyada noocaan ah dood badan, indha-faro iska galis iyo hujuum badan ayay rabaan. Arrintaas waxay dhex mari kartaa dad siman awood ahaan ama isu dhow. Laakiin waqtiga lagu jiro waxaan la tacaalaynaa dhisadda dowlad iyo maamul. Waxaa dalkeenna u joogo inay na ilaaliyaan, sida ay sheegtaan, ciidamada waddamada aan heshiisyada la galayno. Sided ugu afcelin kartaa qof naftiisa u hurayo inuu ku difaaco? Sideed ula xisaabtami dal ciidamadiisu joogaan madaxtooyadaada? Wax ma diidi karnaa oo mayaba ma awoodnaa horta? Waxaa hubaal ah in baahi weyn loo qabo fududaynta isu-socodka iyo suuq-geynta. Soomaalida qaas ahaan baahi weyn ayaan u qabnaa in lanoo fududeeyo dal ku gallada waddamada dariska ah oo aan wax badan ooga baahanahay. Laakiin, isu-socod furan oo u eg midka Yurub marnaba suuragal ma noqon karo. Duruufaha dhaqaale, kuwa siyaasadeed, kuwa dhaqan iyo diimeed ayaa intaba ka dhigayo mid suura gal ahayn inaan Kenya yeelano hal baasaboor oo meshi aan donno aan u dagi karno. Yurub oo nooga horraysay ayaa hadda fahantay inay kuqaldantay midowgi noocaas ahaa. Saas oo ay tahay waxaan aaminsanahay, in soomaalidu tahay kuwa ku dhex noolaal karo dadyowga kale. Laakiin dadyowga kasoo jeeda Kiinya iyo Itoobiya uma sahlana inay nagu dhex noolaadaan. Iyadoo laga yaabo inaan nahay dadka ugu badan ee ka faaiidi lahaa isu darmashada, ayaan haddana waxaan qabaa innaan aqbalin waayo ma joogno waqti aan taas ka fakerno mana lihin awood aan ku xisaabtanno ama aan isaga eegno shuruudaha wax wadaaga. W/Q: Ibrahim Aden Shire Ishire86@gmail.com Kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/ The post Maxaa ka suura gal ah in dadka Bariga Afrika uu yeesha isu-socod furan? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-ICRC waxay Geneva ka soo magacowday 1987 Richard Anderegg oo ah Madaxa ICRC ee Soomaaliya. Waa nin firfircoon, howsha samafalkana sida diin oo kale u aamminsan. Cidna aan ka gabban marka ay baahi samafal u muuqto. Annagana sidoo kale nagu dhiiri geliya. Malahyga taasi waa waxa uu eeday markii uu dagaalku ka qarxay Hargeysa iyo Burco sannadkii 1988. Beatrix Attinger oo ah gabar dhallin yar oo aan is da’ aaddan nahay laakiin khibradda shaqo ee ICRC iga badan ayaa ku wehlisa ajnebiga Xafiiska. Labaduba waa Swiss. Xafiiska waxaa iiga soo horreysay Faadumo Shiikh Cabdi oo howsha baadi-goobka ka shaqeysa howsheeduna ay u badan tahay xafiiska. Axmed Tifow iyo Cali Adan ayaa ayguna ka mid ah howlwadeennada Xafiiska u fuliya shaqooyin kala duwan. Beatrix Attinger iyo anigu waxaan qaban qaabinnay safar dhulka ah oo aan ku tegeyno toban gobol oo dalka ka mid ah. Waxay soo jeedisay in aan labadeenna oo keliyihi aan is raacno, baabuurka Madaxa Xafiiska aan qaadanno oo ah Land Cruiser yara cusub. Buurta Shiikh iyo Waddooyinka miliqsan ee Boosaaso Markii aan soo xog wareystay darawaliinta gobollada u baxa waxay iiga digeen laba marin. Waa Waddada isku xirta Garowe iyo Boosaaso oo aan markaa laami ahayn. Waa waddooyin badan oo kala leexleexda qaarkood ay dib isugu soo dhacaan, summadna aan lahayn. Waxay iigu dareen inta badan in ay tahay dhul aad u weyn gaadiidka iyo tuulooyinkuna ay ku yar yihiin. Taas oo macnaheedu yahay in haddii aad waddo aan tii saxda ahayn raacdo ay suurta gal tahay in aad muddo socota adiga oo aan arag cid aad ka hubsato in jihada Boosaaso aad ku joogto iyo in kale. Darawaliinta qaar waxay iiga digeen Buurta Shiikh oo ay ku tilmaameen in ay tahay mid u baahan khibrad darawalnimo oo sarreysa. Buuraha bacaadka ah ee Muqdisho marka laga tago, Buurta keliya oo aan markaas khibrad u leeyahay waa Yasoomman oo ku taal waddada Ceel Buur meel u dhaxeysa Buulo Burte iyo Maxaas oo aan ogahay in ay tahay khatar. Markii aan la barbardhigay darawaliinta labadaba yaqaanna waxay ii sheegeen buuraha Shiikh in ay ka khatar badan yihiin Yasoomman. Ugu dambeyn waxaa la ii sheegay in haddii ay dhacdo in gaarigu uu hallaabo aan u baahan doonno qof makaanik ah oo waddada naga badbaadiya. Sidaa darteed waxaan fasiraad badan ka dib, Beatrix ku qanciyay in aan kireysanno darawal makaanik ah, yaqaannana waddada Boosaaso iyo sida loo maro buuraleyda Shiikh. Nin hadda Xildhibaan ah ayaa naga kaxeeyay Muqdisho. Waxaan sidannaa caag weyn oo biyo nadiif ah oo la cabo ay noogu jiraan iyo darmuus weyn oo biyaha u keydiya qabowga. Waxaa noo raran barmiil shidaal ah iyo sanduuq bir ah oo uu noogu jiro agabka baabuurta lagu cilladtiro xag makaanik iyo xag koronto. Caag saliidda baabuurta ah iyo laba taayar oo dhigaal ah. Maaddaama berigaas xasaasiyad laga qabay magaca iyo wax kasta oo Ethiopia ku saabsan, annaguna aan wadno liiska ciidan Soomaaliyeed oo u xiran Ethiopia iyo waraaqo ay ku shaabbadeysan yihiin hey’adaha amniga Ethiopia, waxaan sidannaa waraaq ay na siisay Wasaaradda Arrimaha Guduhu oo fasireysa howsheenna. Waxaa kale oo aan sidannaa waraaq Wasaaradda Arrimaha Dibadda ah oo oggolaashadii kow ay he’addu dalka ku timid. Billowga Waddada Dheer Goor subax ah ayaan Xamar ka shiraacannay. Magaalo kasta oo aan tagno waxaa noo qorsheysan in aan booqanno Saldhigga Booliiska, Guddoomiyaha Degmada ama kan Gobolka haddii ay Xarun Gobleed tahay. Meelaha qaarna waxaan la heshiin doonnaa qof aan u dhiibno waraaqaha si uu qoysaska maxaabbiista ee degaankaas u raadiyo ilaa aan ku soo marno soo laabadkeenna. Balcad markii aan ka baxnay ayaa darawalku billaabay in marka dhinaca midig ee waddada uu ku arko god, uu gaariga u weeciyo dhinka bidix. Beatrix waxay ku adkeysatay in uu mar kasta ku joogo seedkiisa xataa haddii uu god ku yaallo. Waxaan xusuustaa in uu u sheegay sannado badan oo uu darawal ahaa, weligiinna aanuu shil gelin. Waxay ugu jawaabtay in aanay diyaar u ahayn in ay ku dhimato shilka ugu horreeya ee uu geli doono. Waddada Jowhar waa mid aan dayactir helin tan iyo markii gumeysiga aan ka xorownay. Qaddar yar ka dib waxaan tagnay Jowhar. Waxaan ka cunteynay Dalxiiska meel loo yaqaan oo Geedo aad u waaweyn leh oo ay Wasaaradda Dalxiisku leedahay. Waxaan u gudubnay Buulo Burte. Waxaa Jowhar nooga billowday waddo wanaagsan oo ay Dowladda Kacaanku dhistay. Waxaan gaarnay Buulo Burte. Waa magaalada aan ka dhigtay Dugsiga Hoose. Waa magaalo aan guri guri u aqaan. Waxaan ku lahaa xiriirro fara badan oo ah ciidanka ay aabbahay wada shaqeynayeen, macallimiinta oo hadda qaarkood ay yihiin ardaydii aan isku fasalka ahayn sida Axmednuur Shiikh Cilmi oo gacan na siiyay, bahda Sportiga oo ay magaaladu caan ku tahay iyo dad kale oo badan. Waxaan u gudubnay Tuulada Halgan oo ay ku eg tahay waddada wanaagsan ee uu Kacaanku dhisay. Waxaa dib u billaabata waddo codsaneysa dayactir oo Gumeystuhu dhisay. Tuulada Garziani oo ku taal buur fiiqeed ayaa noo xigtay. Intaba waxaan shir kula yeelannay qof mas’uuliyad degaanka ah haya iyo ugu yaraan hal qof oo macallin, dhakhtar, ama ganacsade ah. Waxaan kala hadalnay arrinka maxaabbiista qaarkoodna waxaan uga tagnay koobbi waraaqaha Maxaabbiista ee u socda qof degaankaas cinwaankiisu yahay. Beled Weyne Waxaan u gudubnay Beled Weyne oo aan isla habeenkaas shir la yeelannay Isuduwaha Caafimaadka, Dr. Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal ajnebi ah oo ka socday Italian Medical Team. Mar kale arrinta maxaabbiista ayaan u fasirnay, koobbiyaal waraaqaha Beled Weyne u socda-na waan uga tagnay. Beatrix waxay jiif ka heshay xerada Italian Medical team. Aniga iyo darawalkii waa nagu adkaatay in aan helno Hotel haya laba qol oo uu naga kireeyo caawa. Waan ogaa magaalada in ay joogaan qaar ka mid ah qaxooti ka badan nus malyuun qof oo Ethiopia ka soo qaxay xilligii dagaalka. Laakiin ma garan sababta ay hoteelladeedu sidaa ugu cammiran yihiin. Markii dambe ayaan helnay hotel ay laba sariirood ka bannaan yihiin mid saddexaadna uu nin aynaan garaneyn jiifo oo markaa hurda. Korontadu waxay tagtay oo la demiyay xilli habeen barkii ku dhow. Aniguna maaddaama aan yara daallanaa hurdo culus ayaan la dhacay. Goor dambe ayaan soo baraarugay. Waa mugdi. Waxaa ka daran in qolka dhexdiisa looga hadlayo af aanan waxba ka fahmeyn marka laga reebo in aan gartay in uu yahay af Xabashi. Wax aan ku fasiro ama aan uga talo galo ayaan garan waayay. Waxoogaa markii aan dhegeystay waxaan gartay in codku yahay hal qof oo cid la hadleysaa aanay jirin. Waxaan garan waayay ninka qolka nooga soo horreeyay in uu xabashi yahay iyo in uu Soomaali yahay. In uu waalan yahay iyo in kale. In uu qarwayo iyo in ay ulakac tahay oo uu howl kale ku jiro. Ma garan, laakiin iftiinka waagu wuxuu soo bikaacay aniga oo sugi la’. Marka aan arkay in wax waliba ay caadi u muuqdaan, waxaan mar ku shakiyay in aan codkaas maqlay iyo in aan ku riyooday. Laakiin darawalkii ayaan si hoose u weydiiyay oo isaguna ii xaqiijiyay. Waxaa lagu fasiray in ninku uu qarwayay. Waa laga yaabaa in ay run tahay. W/Q. Yuusuf Garaad Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Beled Weyne – Taxanaha Maxaabbiistii 77 – Qaybta Toddobaad appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Golaha Wakiillada baarlamaanka Libya Mr Aguila Saleh Issa, ayaa shaaca ka qaaday in doorashada Libya uu u tartami karo Saif al-Islam Kadhafi, oo ah wiilkii hoggaamiyihii hore ee Liibiya Muammar Gaddafi. Mr Aguila Saleh Issa, ayaa sheegay inaanu jirin sharci Saif al-Islam Kadhafi ka mamnuucaaya inuu u tartamo doorashada la filaayo inay dhacdo dhawaan. Afhayeenku waxa uu sheegay in dhammaan qodobada Dastuurka Libya ay fasaxayaan in Saif al-Islam Kadhafi uu shuruud la’aan isugu soo taagi karo doorashada, iyadoo la eegaayo xuquuqdiisa muwaadinimo. Afhayeenku waxa uu intaa raaciyay in doorashada dhicitaankeeda uusan dhaafi doonin sanadkan gudihiisa, sida uu xaqiijiyay hogaamiyaha barlamaanka dalkaasi. Afhayeenka Golaha Wakiillada Aguila Saleh Issa, ayaa u sheegay wargeyska Sputnik in xeerka cusub ee cafiska oo la meel mariyay , Saif iyo qofkasta oo kale ay u tartami karaan inay hoggaamiyaan waddanka waqooyiga Afrika. Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Waxaannu hirgelinay sharciyo cafis iyo sharciyo ku saabsan joojinta go’doonka siyaasadeed. Hadda muwaadin kasta oo Liibiya, oo aan sharci ahaan lagu xukumin, wuxuu xaq u leeyahay inuu u tartamo madaxweynaha. Codeyntana waxa ay muujin doonta in Saif uu dadku caan ku yahay, “. Sidoo kale, Afhayeen u hadlay qoyska Qadaafi ayaa bishii December 2017 xaqiijiyay in Saif uu haysto taageerada iyo aqoonta si uu usoo afjaro rabshadaha waddanka tan iyo markii aabihii xukunka laga tuuray. Si kastaba ha ahaatee, dhamaadkii kacdoonkii ka dhanka ahaa aabihiis, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ayaa soo saartay amar ah in la xiro Saif bishii Juunyo 2011 iyada oo lagu tuhunsan yahay dilka iyo dibad baxa rabshadaha watay, wallow baaritaano daba dheeraaday kadib Saif al-Islam Kadhafi lagu waayay kiiskii loo xiray. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Golaha wakiillada Libya oo go’aan ka gaaray musharaxnimada wiilka Gaddafi appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Puntland, C/weli Cali Gaas ayaa si kulul ugu fal celiyay eedeymo loo jeediyay iyo baaq mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Puntland ay ku dalbanayeen in Puntland u baahan tahay isbadal kow ka yahay in gacanta Puntland lagu soo celiyo Tukaraq. C/weli Gaas oo garoonka Garowe kula hadlayay warbaahinta xili uu kasoo laabtay magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in xukuumaddiisa aysan ku shaqeyn hadalka shacabka. “Dastuurka Puntland ayaa na-faraya in dalka la difaaco, annagana dadka shacabka ah warkiisa kuma shaqeyno, dowladuna kuma shaqeyso.” ayuu si carro ku jirto u yiri C/weli Gaas. Hadalka kulul ee C/weli Gaas ayaa kusoo beegmay xili mudane ka tirsan baarlamaanka Puntland oo kasoo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag uu ku eedeeyay Gaas inuu ka gaabiyay wax ka qabashada xaalada Tukara, isla markaana uu iska safro xili walbo oo xaalada Puntland kacsan tahay, wuxuuna mudanahasi ku baaqay isbadal ka dhaca Puntland. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com The post C/weli Gaas “Annaga dadka shacabka ah warkooda kuma shaqeyno” appeared first on Caasimada Online.
-
Kooxda Real Madrid ayaa guul muhiim ah ka gaartay kooxda PSG oo ay isku arkeen lugta hore ee wareega 16-ka tartanka kooxaha Yurub ee Champions League-ga. Real Madrid oo difaacanaysa tartankan garoonkeeda Santiago Bernabeu ugu awood sheegatay PSG 3-1 oo ay labo kamid ah yimaadeen dhamaadkii ciyaarta, wuxuuna ahaa kulanku mid aad u xiiso badan, madaama labada kooxood ay joogaan xidigaha ugu wanaagsan kubada cagta xiligan. Kooxda PSG ayaa goolka la hormartay waxaana daqiiqadii 33-aad u dhaliyay Adrien Rabiot, balse Cristiano Ronaldo ayaa kubbad gool kulaad ah ku barbareeyay dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta, wuxuuna ahaa goolkii 100-aad uu Real Madrid u dhaliyo tartanka Champions League-ga. Dhamaadkii ciyaarta Daqiiqadihii 83-aad iyo 86-aad Real Madrid ayaa la timd labada gool ee ay guusha ku gaartay, waxaana u kala saxiixay Cristiano Ronaldo iyo Marcelo, waxayna ciyaartu ku soo gabagabowday 3-1 oo ay guushu ku raacday kooxda martida loo ahaa ee Real Madrid. Real Madrid ayaa kulanka lugta labaad ee wageegan booqan doonta guriga kooxda reer Faransiis ee PSG, iyadoo kalsooni dheeraad ah ku qabta in ay u soo bixi karto wareega Sideed dhamaadka tartankan, madaama ay lugtan ku badisay 3-0, waxaana kulankaas koooxda martida loo yahay ee PSG u yaala shoqo culus oo ah in ay la timaado natiijo midaan oo kale ah ama ka badan. Real Madrid ayaa tartanka Champions League-ga ku soo guuleysatay labadii sano ee ugu danbeeyay, waxayna wali u muuqataa mid sii difaacan karta. PUNTLAND POST The post Real Madrid oo guul ka gaartay PSG tartanka Champions League-ga appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Wadanka Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa goordhow iska casilay xilka madaxweynaha dalkaasi Koonfur Afrika. Madaxweyne Zuma ayaa Goordhow si rasmi ah warbaahinta ugu sheegay in uu baneeyay xafiiska looga arimiyo dalkaasi Koonfur Afrika. Jacob Zuma oo hadda ku jira da’da 75-aad ayaa loo doortay xilka dalkaasi South Afrika 9-kii May Sanadkii 2009. Zuma oo ah Madaxweynaha Afaraad ee dalka South Afrika ayaa wajahay fadeexad musuq maasuq ah. Xisbiga ANC oo ah xisbi mucaarad ah ayaa sheegay in haddii Jacob Zuma uu san is casilan xafiiska si qasab ah looga saari doono. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Madaxweyne Koonfur Afrika Jacob Zuma oo is Casilay appeared first on Puntland Post.
-
While we tend to focus on the ugly side of social media - the hate speech, bullying, fake news – a silent but exciting revolution has happened in it. Source: Hiiraan Online
-
Warar soo baxay ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) ay Xukuumadda Soomaaliya ku qancisay in xiisadda ka taagan Tukaraq lagu xalliyo wada-xaajood dhex mara madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi,kaasoo lagu ballansanyahay dalka Jabuuti. Inkastoo aanay jirin cid wararkaasi xaqiijisay,haddana tan iyo markii la maqlay shacabka reer Puntland ayaa si weyn u hadal haya,waxaana ka dhashay caro xooggan oo dadweynuhu ka muujinayan in duudsiga intaasi le’eg lagu sameeyo umadda reer Puntland,islamarkaana loo bahdilo gobol kale. Si lamid ah xubno ka tirsan Golaha Wakiilada Baarlamanka Puntland aya soo jeediyay in kulan deg deg ah loogu yeero madaxweyne Gaas,si arrintaasi wax looga weydiiyo. Xildhibaannada ku baaqay kulankan deg degga ah ayaa badankoodu ka soo jeeda gobolka Sool ee haatan ay ka jirto xiisadda Colaadeed. Dhinaca kale madaxweynaha Puntland cabdiweli Maxammed cali(Gaas) oo Galabta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ayaa mar wax laga weydiiyay carada shacabka Puntland ee ku aaddan dayaca Xukuumadda Gaas ee difaaca dalka? Wuxuu ku jawaabay” Hadde annagu Shacabka warkiisa kuma shaqeynnu,dowladduna kuma shaqeyso”. Halkaan ka daawo shirka jaraa’id ee Gaas. PUNTLAND POST The post Daawo: Gaas oo sheegay in Xukuumaddiisu aanay ku shaqeyn warka Shacabka. appeared first on Puntland Post.
-
President Jacob Zuma resigned as leader of South Africa on Wednesday evening during a televised address to the nation. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Warbaahinta Kenya ayaa shaaca ka qaaday in magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ay si xooli ah uga socoto dhoofinta Dhuxusha. Dhoofinta Dhuxusha ayaa xooligeeda socota labadii asbuuc ee ugu danbeysay, waxaana dhoofinta la sheegay inay iska kaashanayaan maamulka Jubbaland, Kenya iyo Ganacsato ka kala socta labada jiho. Dhoofinta Dhuxusha ayaa la xaqiijiyay inuu yahay mashruux ay kala saxiixdeen Jubbaland iyo dowlada Kenya, waxaana qaab Ganacsi ah loogu iibgeeyaa dhulka Kenya. Saxaafada Online-ka ayaa si is xigxiga u baahineysa Muuqaalo iyo sawiro muujinaya dhoofinta dhuxusha oo siweyn uga socta dekedda magaalada Kismaayo. Dekada magaalada Kismaayo ayaa waxaa sidoo kale lagu arkayaa dhuxul sidii buuraha u sameysan iyo Doomo u dhoofinaya dhinaca Bariga dhexe. Waxa ay wararku sheegayaan in dhuxushan inteeda badan loo kala dirayo ama loo dhoofinayo dalal kale oo ay ka mid yihiin Oman, Iran iyo Imaaraadka Carabta. Dhoofinta xooligeeda ayaa socota xiliyadii habeenkii oo si qarsoodi ah looga dhoofiyo dhuxusha dekedda sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo kala duwan. Talaabadaan ayaa u muuqata mid lagu baalmaraayo go’aankii kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo sanado ka hor mamnuucay in Somalia laga dhoofiyo dhuxusha, si loo ilaaliyo nabaad guurka dhirta. Dhinaca kale, DFS ayaa horay u mamnuucday dhoofinta dhuxusha iyo jarista Dhirta ayaa wali ka hadlin arintan. HOOS KA DAAWO DHOOFINTA DHUXUSHA The post Sawirro: Dhoofinta Dhuxusha oo si xooli ah xiliyada habeenkii uga socota Dekadda Kismaayo appeared first on Caasimada Online.
-
“Millions” in United Nations funds intended to help Africans displaced by conflict and famine are being diverted to support jihadists from al-Qaeda affiliate al-Shabaab, fighting against U.S.-backed troops in Somalia, a CNN investigation has found. Michael Keating, the U.N. chief in Somalia, acknowledged that al-Shabaab jihadists fighting U.S. troops are siphoning off U.N. funds likely subsidized by American taxpayers, telling CNN: Unfortunately, those in need, and those who are going to be targeted by humanitarian organizations to receive assistance, do become attractive for those trying to make money, and there will be all sorts of scams going on. To deny it is happening would be wrong, but I think to take examples of it happening, and to say the whole response is like this, would be a gross misrepresentation of what is going on. Currently, “more than 500” American troops are fighting al-Shabaab in Somalia, notes CNN. Of the 193 members of the United Nations, the U.S. is the most prominent donor, contributing more than $10 billion in 2016 alone, which amounted to “roughly one-fifth of its collective budget,” according to the Council on Foreign Relations (CFR). CNN reports: A CNN investigation has revealed how money given directly by the United Nations to people displaced by conflict and famine is ending up in the hands of Africa’s oldest terrorist organization. Former members of al-Shabaab and Somali intelligence agents said the terror group is extorting thousands of dollars per day through road blocks and taxes on merchants attempting to transport food and supplies to sell to internally displaced people in towns where they are concentrated. CNN learned from a former al-Shabaab tax collector who spoke on condition of anonymity after he was captured by Somalian authorities that “the extraction of tolls at roadblocks was one of the biggest sources of money” for the jihadist group. Individuals who refuse to pay the transportation tax to the terrorists are “captured and killed,” a former al-Shabaab fighter who collected extortion proceeds for nearly a decade, told CNN. Currently, an estimated 22,000 U.S.-backed African Union (AU) troops are fighting the al-Qaeda affiliate in Somalia. However, the force is expected to withdraw by 2020, leaving behind a “growing number” of U.S. troops to shoulder the burden of taking on the terrorist group, points out CNN. Under U.S. President Donald Trump, the American military has intensified operations against al-Shabaab. Breirbart
-
Israeli police said Tuesday there is “sufficient evidence” to indict Prime Minister Benjamin Netanyahu on criminal charges in two corruption cases. According to a police statement published late Tuesday, authorities found evidence of “accepting bribes, fraud, and breach of trust.” In a televised statement, Netanyahu said that the allegations against him would be dismissed, repeating what has become his catchphrase, “There will be nothing because there is nothing.” In a statement given moments before police issued their official findings, he said: “I think about the good of the country not for personal reasons of the press, but only for the country, and nothing will stop me from doing this, not even the attacks against me, and believe me they’re never ending. “And, therefore, today isn’t different from any other days which I’ve been through in past 20 years.” When asked whether the US had any reaction to the police statement, State Department spokeswoman Heather Nauert said, “The only thing I have to say about that is that the United States has a very strong relationship, not only with Prime Minister Benjamin Netanyahu but also the Israeli government. We’re certainly aware of it, but we consider it to be an internal Israeli matter.” Netanyahu is a suspect in two separate criminal investigations, known as Case 1000 and Case 2000. In Case 1000, Netanyahu is suspected of having received gifts from businessmen overseas totaling 1 million shekels (approximately $280,000), including cigars, champagne, jewelry and more, from 2007 through 2016. The case has focused primarily on Netanyahu’s relationship with Israeli billionaire and Hollywood producer Arnon Milchan. In exchange for the gifts, police say, Netanyahu tried to advance a tax break that would have benefited Milchan, though he was blocked by the Finance Ministry. “According to suspicions, the Prime Minister worked to advance the extension of the tax waiver for returning citizens over 10 years, a benefit that has a considerable economic value for Mr. Milchan,” the police statement said. MK Yair Lapid, one of Netanyahu’s chief rivals who served as finance minister during this period and was called to testify during the investigation, called on Netanyahu to step down. “Even if the law does not require the Prime Minister to resign, someone who has such serious accusations against them, many of which he does not deny, cannot continue to serve as Prime Minister with responsibility for the security and well-being of Israel’s citizens,” Lapid said. Police say they have enough evidence to indict Milchan on charges of bribery. Milchan fired back at police, insisting he and Netanyahu have been friends since long before the period under investigation. “The recommendation disregards indisputable basic facts including — the ties between Mr. Milchan and Mr. Netanyahu started in the early years of 2000, when Netanyahu had no government role. This connection was characterized by friendship between the two and their families. In this framework, gifts were given from time to time by Mr. Milchan to the Netanyahu family with no business interest,” said Milchan’s lawyer. In Case 2000, police say Netanyahu discussed “bartering” with Arnon “Noni” Mozes, the owner of one of Israel’s leading newspapers, Yedioth Ahronoth, which is regularly critical of the Prime Minister. In exchange for more favorable coverage, Netanyahu promised to hamper the circulation of a rival newspaper, in recordings obtained by police. “In his framework, what was discussed was the assistance of Mr. Mozes to Netanyahu in establishing his stature as Prime Minister through positive coverage in Yedioth Ahronoth that, in return for the Prime Minister assisting Mr. Mozes in advancing economic interests of Yedioth Ahronoth by an initiative to block the strengthening of Israel Hayom,” the police statement said. Both Netanyahu and Mozes have said these were not serious discussions; rather, they each claim they were trying to expose the other’s lack of trustworthiness. Police say there is enough evidence to indict Mozes on charges of offering bribes. In a statement to Israeli media, the lawyer for Mozes said, “The cases against him will be closed.” Netanyahu has repeatedly proclaimed his innocence, insisting that investigators will find he did nothing wrong. ATTORNEY GENERAL Police will now pass the evidence to the attorney general, who will make a decision on whether or not to indict the Prime Minister. That decision is not expected imminently. By Israeli law, he is only required to step down if he is convicted and that conviction is upheld through the appeals process to the High Court, a process that could take years. However, he could face public and political pressure to step down much earlier. His coalition partners, so far, have backed him, saying they will not take down the government over a police conclusion. Earlier this week, Education Minister and head of the right-wing Jewish Home party, Naftali Bennett, said, “I wish from the depths of my heart that the PM will come out clean and will continue leading the State of Israel. An indictment sheet seems far away, and certainly one does not go for elections over [police] recommendations.” Echoing his position, Finance Minister and head of the center-right Kulanu party Moshe Kahlon said, “Let the [police] recommendations be published. We will not avoid a decision, but I’m telling you right now, by law, the law says until the stage of the attorney general, there is no need to deal with it at all.” Both parties have enough seats in Netanyahu’s 66-seat coalition to take down the government and force new elections. In an effort to deflect blame, Netanyahu has lashed out, attacking the police, the media, the opposition and the left in rallies and on social media. He has often called the investigations against him “fake news,” echoing the language of President Donald Trump. Last week, Israeli Police Chief Roni Alsheich, in an interview with Israel’s Keshet news channel, said “powerful elements” were “sniffing” around investigators working on the Netanyahu cases. Firing back, Netanyahu said he was “shocked by the insinuations” that he had sent private detectives to tail police, arguing that it casts doubt over the impartiality of the investigations. In a strike against the police chief after the interview, Likud MK Yoav Kisch, a hardline supporter of Netanyahu from within the Prime Minister’s party, summoned Alsheich to a meeting of the Interior Committee at the Knesset for Wednesday morning. CNN’s Oren Liebermann reported from Jerusalem. James Masters wrote from London. Amir Tal in Jerusalem contributed to this report. Source: CNN The post Israeli police find ‘sufficient evidence’ to indict Benjamin Netanyahu – CNN appeared first on Caasimada Online.
-
Two Kenyans have been executed by al Shabaab fighters for allegedly spying for Somalia and Kenyan intelligence services in Qunyo Barrow town, Lower Shabelle region. Hassan Yussuf and Mohamed Hassan from Marsabit county were executed by dagger-wielding militants on February 12. Security sources said the militia forcefully gathered locals to witness the killings which they had announced earlier on Saturday using vehicle-mounted loudspeakers. The locals in the area have witnessed regular executions carried out by the al Qaeda-linked terror group. The terrorists kill those found guilty mainly by firing squad, throat slitting and stoning. The foreign al Shabaab fighters, mainly from Kenya, have witnessed rampant executions by the group who accuse them of being moles. So far, more than 20 Kenyans have been executed. They include Jared Mokaya, Faraj Abdulmajid, Ahmed Yusuf, Ahmed Nur, Abdi Osoble, Abdullah Talal and Hashim Othman. Last year, the militants publicly beheaded four men accused of spying. The group confirmed the executions which took place after the men were found guilty by an al Shabaab court in Jamame district of Lower Jubba region, some 70 km (43 miles) north of Kismayu. Al Shabaab fighters have carried out many attacks in Kenya in retaliation to the contribution of Kenya Defence Forces soldiers to the African Union Mission in Somalia. Source: – The Star The post Two Kenyan Al-Shabaab fighters executed for spying for KDF appeared first on Caasimada Online.
-
Somalia’s port city of Kismayu is on the spot again over suspected illegal exports after a string of photos emerged on the social media showing truckloads of charcoal being loaded onto boats. Since Saturday, Somalia’s online media have been reporting that the port which was liberated by the Kenya Defence Forces in 2012 has now fallen among illegal exporters of charcoal, targeting the estimated $40 million (Sh4 billion) business. RTN Somali TV, for example, published on its Twitter page photos of mountains of charcoal sacks, boats and trucks it said were being loaded for transport to the Middle East. “The 20 boats of charcoal loaded today at the Port of Kismayu to Oman, Iran and UAE…shocking pillage and pilfering of Somalia’s natural resources,” it said on Saturday. The authenticity of the images could not be immediately determined, but the Kenya Defence Forces has distanced its soldiers from any illegal activity at the port. KDF Spokesman Col David Obonyo told the Business Daily the Kenyan troops are not directly involved in guarding the port and therefore cannot be a part of the export cartel. “I have seen the photos before and it looks like somebody is trying to dig up old things for local political gains. We can confirm that no Kenyan soldier is involved in it. KDF is not at Kismayu Port. Our people are at the new Kismayu Airport where we provide security,” Col Obonyo said. “KDF will have nothing to do with these photos. They could either be photoshoped or somebody is trying to bring up old photos.” In the pictures, some soldiers are seen patrolling the port yard as porters load the sacks brought in by white trucks. The soldiers’ identity is difficult to determine from the photos. KDF has previously fought similar allegations contained in a UN report which accused its soldiers of aiding the illegal export of charcoal and smuggling of sugar. Then as now, Kenya soldiers maintained they follow a strict code of conduct and international law in Somalia. But according to the arrangements by the Somali government, Kisimayu is under the Jubbaland administration which is headed by then Ras Kamboni leader Sheikh Ahmed Madobe who assumed office in May 2013, several months after KDF liberated the town from the al- Shabaab. Source: – Business Daily The post Kismayo on the spot over charcoal trade appeared first on Caasimada Online.
-
Cabdikariim Muuse Qalbi-dhagax waxa uu ahaa sargaal ka tirsan ururka ONLF ee ka dagaalama waddanka Itoobiya, waxa uu ku taami jiray, sida la sheegay, in ciidamada Itoobiya uu ka xoreeyo dhulka Soomaaliya. Balse ma uusan noqon hamigiisii mid suuro-galay, waxa uu safar ku tegay magaalada Gaalkacyo 23 Agoosto ee sannadkii la soo dhaafay, halkaasi oo ay ka qabteen ciidamada Nabad-sugidda Qaranka, ka dibna waxa ay u soo gudbiyeen magaalada Muqdisho. Maalmo yar ka dib, 27 Agoosto ayey mugdi gashay rajadii Cabdikariim Muuse Qalb-dhax iyo qoysaskiisa, waxaana ka gilgishay dhiibistiisa shacabka Soomaaliyeed. Xukuumadda Soomaaliya oo mar danbe ka hadashay arrintan ayaa ku tilmaantay in dhiibista Qalbi-dhagax ay ahayd sifo sharci ah, uuna ka tirsanaa urur argagaxiso ah, arrintaasi waxa ay mar kale gilgishey dareenka shacabka Soomaaliyeed. Baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay dhiibista Qalbi-dhagax ayaa waxa uu sheegay in ay qalad aheyd dhiibistiisa, dhinacyo kala duwan ayaana lagu eedeeyay dhiibista Qalbi-dhagax waxaana arrintan aan isku mowqif ka ahayn madaxda sare ee dowladda. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in uu taageersan yahay go’aanka baarlamaanka Soomaaliya ay ka qaateen arrinta Qalbi-dhagax. Kala aragti duwanaashaha xafiisyada dowladda ayaa mar kale mugdi galin kara arinkani, Carafaad Cali Axmed ayaa ka warramay waxa uu arrintan sharcigu ka qabo “Sharcigu waa cad yahay, qof muwaadin ah ma bannaana in lagu wareejiyo gacan shisheeye, waa qofku marka uu yahay muwaadin”. Marka dhinaca kale laga eego shacabka Soomaaliyeed waxaa sii kiciyey waddanka Itoobiya oo aan xiriir wanaagsan kala dhexayn Soomaaliya dagaallo bandanna ay soo dhex mareen. Itoobiya waxa lagu sheegaa in ay tahay wadamo badan oo aan jecleysan horumarka Soomaaliya sida uu sharaxayo Sakariye Xaaji Maxamuud oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. “Dhibaatooyin badan oo shan boqol oo sano soo socday oo mar walba lagu sameynayay dadka Soomaaliyeed ayaa jira, waa nasiib darro in aynan aqrin taariikhda, Itoobiya qarannimada Soomaaliya marna raali kama aheyn” Xildhibaan Sakariye ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu ku mahadsan yahay in uu taageero go’aankii baarlamaanka Soomaaliya oo ay ku sheegeen in dhiibistiisu aheyd mid aan sharci aheyn. The post Kiiska Qalbi-Dhagax: Xildhibaan jawaab ka bixiyey go’aankii Farmaajo ku taageeray… appeared first on Caasimada Online.