Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,125
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in deegaanadeeda ay kusoo fool leeyihiin cutubyo ka tirsan maleeshiyaadka Alshabaab. Kenya ayaa tilmaantay in maleeshiyaadkaasi ay baxsad ka yihiin duqeymaha ay diyaaradaha Mareykanka ka geysanayaan Gobolada Somalia. Dowladu waxa ay sheegtay in ay jirto cabsi weyn, Maadaama maleeshiyaadka ay doonaayaan in ay kasoo baxaan Somalia , islamarkaana ay gudaha u galaan Kenya. Dowlada Kenya ayaa tilmaantay in walaaca ugu weyn uu yahay in maleeshiyaadka Alshabaab ay saldhig ka dhigtaan deegaano ka tirsan Kenya, maadaama ay ku jabeen Somalia. Saraakiisha ammaanka waxa ay sheegeen in ciidamo badan oo isugu jira Boolis iyo Milatariga ay doobeen xadka Somalia si ay uga hortaggaan in ay soo gudbaan dagaalyahanadaasi. Sidoo kale, Joseph Kanyiri oo ah Agaasimaha Hawlgalka Kenya ka wado Kaymaha Booni, ayaa sheegay in Al-Shabaab ay bilaabeen bixitaankooda Soomaaliya todobaadkii lasoo dhaafay. Dhinaca kale, Dowlada Mareykanka ayaa daboolka ka qaaday inay laba jibaareyso duqeymaha cirka ee lala eeganaayo Saldhigyada ay Shabaabka ku leeyihiin Gobolada Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (Caasimadda Onlin) – Marka laga reebo howlgalkooda Milatari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, ciidamada AMISOM waxay tababaro iyo qalabeen u sameeyeen Ciidanka Qaranka Soomaaliya (SNA) iyadoo ujeedka laga leeyahay ay tahay in lagu wareejiyo goobaha laga xureeyo Al-Shabaab Kadib 18 Bilood oo ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda wadeen weeraro xoog leh oo Al-Shabaab looga saaray magaalooyin badan sanadkii 2013 waxay weeraradaas noqdeen ugu dambeyn kuwa istaago waxayna arrintaas fursad siisay Ururka Al-Shabaab. Midkoodna AMISOM iyo ciidanka Soomaaliya way awoodi waayeen inay Al-Shabaab ku qaadaan weeraro kale oo looga saarayo meelaha kale oo ay ku sugan yihiin taasoo Al-Shabab ku noqon laheyd qalqal iyo Cabsi isla markaasna waxay arrintaas keeni laheyd inay xasilooni ahaadaan goobaha horey looga qabsaday Al-Shabaab oo hadda ah difaacyo ciidan. Sanadihii ugu dambeeyey Dowladaha Taageero Soomaaliya ayaa kaalin weyn ka qaatay tababarada la siinayo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, waxaana dowladaha sida weyn uga qeyb qaatay kamid ah: Midowga Yurub, Turkey, Imaaraadka Carabta, Mareykanka iyo Shirkadda amaanka ee sida gaarka ah loo leeyahay ee Bancroft Global. Inkastoo tababarkoodu uu ahaa mid qiimo leh, haddana caqbaha ugu weyn ee jira ayaa ah inaysan tababaradaan aheyn kuwa joogto ah isla markaasna aan loo marin jidkii saxnaa, waxayna arrintaas caqabad ku noqotay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya. Ciidamada dowladda ayaan heysan Qalab ciidan oo ku filan, sidoo kalana ma helaan tababar abaabulan oo lagu barayo Anshaxa ciidanimo iyo in lagu abuuro wadaniyad weyn si ay awood ugu helaan inay dalka ka xoreeyaan xagjiriinta Al-Shabaab. Ciidamada hadda u dhisan Soomaaliya ayaa ah Maleeshiyo u abaabulan ha beeleed, waxayna ka badan yihiin Kuwa loo diyaariyey hab Ciidan Qaran oo awood u lahaan lahaa inay amaanka kala wareegaan Ciidamada AMISOM. In dib loo helo Amaanka iyo xasiloonida Soomaaliya waxay ku xiran tahay in la helo ciidamo Soomaaliyeed oo isugu jiro Militari iyo Boolis awood u leh inay hantaan amaanka Dalkooda, rajadaasna waxay aheyd mid mugi weyn ku jirto, inkastoo dhawaan magaalada Muqdisho laga furay Saldhig weyn oo ay leeyihiin Ciidamada Turkiga kaasoo lagu tababari doono Ciidamo Soomaaliyeed oo u dhisan qaab Qaran, waxayna dowladda Turkiga markiiba tababar siin doontaa 1,500 oo askari, waxaaa tababarkaas bixinayo 200 o tababarayaal u dhashay dalka Turkiga ah. Waxaa jirto rajo weyn oo laga leeyahay in Saldhiggaas laga soo saaro ciidamo Soomaaliyeed oo awood leh kuwaas oo dalka ka xoreeyo Xarakada Al-Shabaab isla markaasma amaanka dalka la wareego marka Soomaaliya ay ka baxaan Ciidamada AMISOM. Soomaaliya waxaa weli saaran cuna qabateynta hubka ee Qaramada Midoobay kusoo rogtay, taasoo dowladda Soomaaliya u diideyso inay lasoo dagto hubka cul culus, waxaana kaliya loo ogol yahay inay helaan Ciidamada dowladda hubka fudud, Cuna qabateyntaas ayaan ah Caqabadda ugu weyn ee Soomaaliya ka hor taagan inay gaarto isku filnaan, waxaana Al-Shabaab looga adkaan karaa kaliya inay Ciidamada Dowladda helaan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gawaarida gaashaaman. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. HARGEISA-— SL President-Elect, Col. Musa Bihi Abdi met with British Ambassador, David Concar here on Saturaday.The British envoy is accompanied by Ms. Rosie Tapper who is in charge of UK office to Somaliland. First of all, the UK delegation mission to Hargeisa was to pass British congratulatory message to the Kulmiye governing party’s landslide victory in the recently presidential election held on 13 Nov. UK envoy said that UK will continue their efficient cooperation in key areas of mutual interests such bolstering bilateral ties between UK, Somaliland and expanding the aid earmarked to SL. President Elect, Col. Musa Bihi and UK envoy to Somalia concurred to consolidate the existing bilateral UK-Somaliland cooperation. Somaliland the UK need to work together to further deepen the strategic mutual trust and co operational development have strong and enduring ties so as to deliver more to the two countries and the peoples. The UK envoy, David Concar has stressed during high level talks with president elect on the resumption of stalled talks between Somaliland & Somalia. He noted that the UK is hoping to see that the dialogue would deliver fruitful results where both sides would be satisfied. Finally, Mr. Concar has called on the president elect to further push the talks with Khatumo so as the dialogue would bear fruit.
  4. Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Djibouti Maxamed Cali Xumad oo maanta khudbad ka jeediyay aqalka golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliyeed ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay socdaalka isaga iyo wafdigiisa ku joogan Soomaaliya “Magacayga, magaca wafdiga Djibouti ee ila socda waxaad iga guddoontaan salaan ku aadan sida naloo qaabilay, naloona marti-geliyay, waxaan xoojinayaa sida aan u garab-taagannahay shacabka Soomaaliyeed ee aan walaalaha nahay kaas oo qalbigeenna ku weyn, nagalana dhaxeeyo xiriir walaalnimo, oo qiimo badan oo taariikhiga ah, innaga waan idiinla jirnaa si walbo oo ay tahay, waxaan ilaahey ka baryaa in uu Jamhuuriyadda Soomaaliya ka qabto wax walbo oo dhib ah, hoggaan, shacab, dal, hana daa’imyo amniga iyo xasiloonida”. Dhinaca kale waxaa uu sheegay in uu halka u yimid in uu u hiilliyo shacabka Soomaaliyeed“Soomaaliya maanta waxaa ay mareysaa marxalad lagu farxo, oo rajo weyn ka qabno nabadeeda iyo hor-markeedaba, waxaan u nimid in aan shacabka Soomaaliyeed is-barbar taagno, waxaa u nimid in aan nabadda u hiillinno, waxaan u nimid midnimad iyo walaalnimo shacabka Soomaaliyeed taageerno” Ugu Dambeyntii waxaa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in qof walba waajib ku tahay isbar-bartaagga dadaalka dowladda iyo in la keeni karo nabad haddii loo wada kaco dhammaan. Goobjoog News Source
  5. Guriceel (Caasimadda Online) – Iyadoo Mareykanku joogteeyay weerarrada dhinaca cirka ah ee lagu beegsanayo saldhigyada Al-shabaab ee gobollada Koonfurta Soomaaliya, ayaa lagu waramayaa in qeybo badan oo ka mid ah gobollada dhexe soo gaaraan xoogag ka tirsan Al-shabaab oo ka baxsanaya duqeynta diyaaradaha Mareykanka. Deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Galguduud maalmihii ugu danbeeyay waxaa lagu arkayay dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo ku hubeysan gadiidka dagaalka oo fariisimo cusub ka sameysanaya deegaannada ay ka maamulaan bartamaha Soomaaliya. Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug ayaa Warbaahinta u sheegay in deegaanno badan oo ka tirsan Galmudug ay hadda isku aruursanayaan dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab oo ay hayaan Xogtaas, waxaana ay xuseen in ay ka hortagi doonaan isbaabulka ay Al-shabaab ka wadaan Degaanada Galmudug. Maamulka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa iyaguna sheegay in ay ka warhayaan dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo soo gaaray deegaanno ku dhaw dhaw degmada, kuwaa oo ka yimid dhinaca gobollada Koonfurta Soomaaliya. Mahad Xasan Maxamed Wasiir ku xigeenka Wasaaradda amniga Galmudug ayaa bulshada degan Gobolada Dhexe ku tilmaamay in ay ka qayb qaataan Dagaalada ka dhanka ah Xarakada Al-Shabaab. Ciidamada ay diyaariyeen ayuu sheegay in aysan ku jirin ciidamo ajaanib ah sida kuwa Amisom ee Nabad illaalinta Soomaaliya u jooga. waxa uu intaa kusii daray in Galmudug aanan aqbaleyn marnaba in Deegaanadeeda ay ku gabbaad sadaan Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay. Meellaha ugu darran ee diyaaradaha Mareykanku duqeynta la beegsanayaan ayaa waxaa ka mid ah gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo gobollada Jubbooyinka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Ciidanka badda maamulka Puntland ayaa dad isugu jira Soomaali iyo Ajaanib kusoo qabqabtay howlgal ay ka sameeyeen xeebta Garacad ee gobolka Mudug. Guddoomiyaha deegaanka Garacad C/nuur C/laahi Xirsi oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in ay ciidamada gacanta ku dhigeen Nin Soomaali ah iyo sidoo kale Saddex nin oo Ajnabi ah una dhashay dalka Yemen. Wuxuu sheegay guddoomiyaha in raggan ay u sheegeen in dooni ay ka shidaal beeshay, sidaasina ku yimaadeen xeebta Garacad, balse markii lasii baaray la waayey Doon ay wateen waa sida uu hadalka u dhigaye. “Raggan ajaaniibta ah waxa ay u dhasheen Yemen, waxaana ninka Soomaaliga ah ee la socdana uu kasoo jeedaa deegaannada Puntland, doon ayeey sheegeen iney ka shidaal goosatay, laakiinse markaan raadinay ma aan arag wax doon ah, hadana baaritaan ayaa lagu wadaa” ayuu yiri guddoomiyaha deegaanka Garacad. Puntland ayaa ciidamo dheeraad ah waxay ku daabushay 48-kii saac ee lasoo dhaafay ciidamo badan oo la sheegay iney amniga xaqiijinayaan. Goobjoog News Source
  7. Agaasimaha Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo wefti balaadhan uu hogaaminayo oo hawlo shaqo u jooga gobolka Sanaag ayaa maanta oo ay tariikhdu tahay 25 Nov 2017 magaalada Xingalool ka dhagax dhigay saldhiggii sadexaad ee gobolka sanaag laga dhagax dhigo. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada dawladda Puntland iyo weftiga balaadhan ee uu hogaaminayo ayaa waxaa magaalada Xingalool kusoo dhoweeyey maamulka degmada Xingalool, saraakiil ka tirsan Booliska gobolka, waxgarad, siyaasiyiin, aqoon -yahano iyo guud ahaan shacabka magaalada Xingalool, shacabka Magaaladaasi iyo weftiga Agaasimaha ayaa dhex lugeeyey shaaricyada waaweyn ee magaalada illaa ay ka gaadheen goobtii dhagax dhigga Saldhigga Booliska oo ahayd magaalada kooneheeda. Agaasimaha Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl oo goobtii dhagax dhigga kahadlay ayaa shacabka magaaladaasi oo isku duuban uga mahadnaqay sida wanaagsan ee niyadsamida leh ee ay usoo dhoweeyeen isaga iyo weftigiisa, waxaana uu tilmaamay in wax lagu farxo ay tahay in maanta saldhiggii sadexaad ee gobolka sanaag laga dhagax dhigo magaalada Xingalool. “Waxaa farxad ii ah inaan munaasibaddii sadexaad oo ah muddo sadex cisho gudahooda malaada Xingalool aan ku dhagax dhigno saldhiggii sadexaad ee gobolka Sanaag aan ka hirgelindoono, Magaalada Hadaaftimo iyo Damala-xagare ayaanu labadii saldhig ee hore kasoo dhagax dhignay dhammaanna magaalooyinkaasi waa kasocodaa dhismaha saldhigyadaasi, Xingaloolna Sidoo kale maantaan dhagax dhignay Insha Alla waxaan rajaynaynaa in iyana si lamida beri ay u bilaabaan dhismaha Saldhigga” ayuu yiri Agaasimuhu. “Dhismaha hirgelinta saldhigyadani waxay ahaayeen qorshe iyo Amar kayimid Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas kaas oo ahaa in todoba saldhig laga hirgeliyo gobolka iyo sadex ‘MCH’ taasina waxay timi kadib markuu baahida gobolka Sanaag wax badan ka ogaadey Madaxweynaha dawladda Puntland, maadaama gobolada xuduudda ay u yihiin Puntland laf-dhabarta koowaad ee difaaca shacabka Puntland” ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada dawladda Puntland. Sidoo kale Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Dawladda Puntland ayaa xusay in dhismayaasha saldhigyada laga hirgelinayo gobolka sanaag uu kayimid xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland, maadaama uu gobolku xuduudkuyaalo u jeedaduna ahayd in hawshaasi si degdega loo qabto, isla markaana waxa uu hoosta ka xariiqay Agaasimuhu in isaga shaqadaasi uu usoo xilsaaray hirgelinteeda Madaxweynaha dawladda Puntland. Dhinaca kale Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada dawladda Puntland ayaa shacabka magaalada Xingalool iyo maamulkoodaba u xaqiijiyey in 13 Nov 2017 ay dhigeen waxqabad tariikhiya kaas oo ahaa ka hortaggii doorasho kusheeggii maamulka Soomaaliland, waxaana uu xusay in Madaxweynaha dawladda Puntland uu uga sido salaan kal iyo laaba, isla markaana waxa uu ku booriyey shacabka maagaladaasi inay isku duubnaadaan, isku talo noqdaan si ay horumar lataabankaro uga gaadhaan mustaqbalka mandaqaddooda. Dhinaca kale maamulka degmada Xingalool, waxgaradka iyo aqoon yahanka magaalada ee ka hadlay madasha dhagax dhigga ayaa ugu Mahad celiyey Madaxweynaha dawladda Puntland iyo weftiga soo gaadheyba hirgelinta Saldhigga laga dhisayo magaaladooda, isla mar’ahantaana waxa ay tilmaameen in uu wax badan ka taridoono xasiloonida, nabadda iyo kala danbaynta degmada. Guddoomiya Gobolka Sanaag, Taliyayaasha Ciidamada Booliska iyo Daraawiishta ee gobolka ayaa dhankooda si wada jira u xusay in dawladda Puntland wax qabad lataaban karo ka fulisey guud ahaan gobolka Sanaag Gaar ahaan degmada Xinlgalool, isla markaana uu Saldhigga Booliska ee maanta laga dhagax dhigay degmada uu yahay horumar usoo kordhay, wax badanna ay kaga faa’iidaysan doonaan. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland oo Ka Dhagax Dhigay Xingalool Saldhiggii 3-aad ee Gobolka Sanaag Laga Hirgelindoono. appeared first on Puntland Post.
  8. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah waxay markii Labaad dhageystay dacwada 4 nin oo loo haysto qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho. Raggan ayaa markii Labaad waxay kasoo hor muuqdeen maxkamadda ciidamada qalabka sida, waxaana lagu kala magacaabaa:- 1- C/qaadir Abuukar Shaacir Max’ed. 2- Max’ed Cumar Akiile C/raxiin 3- Daa’uud Max’ed Cali Max’ud 4- C/laahi Ibraahin Geeseey xafiiska xeer iaalinta maxkamadda CQS ayaa ka hor akhriyay eed lid ku ah eedeyanayaasha kala ah:- C/qaadir Abuukar Shaacir Max’ed, ayaa si gaar ah loogu eedeeyay sahminta iyo dhigisto baabuurta qaraxyada laga soo buuxiyo maqaayadaha dadku ku badan yihiin oo ku yaallo magaaladda Muqdisho. waxaa ka mid ahaa goobihii ay xeer ilaalinta CQS ku muujisay gal dacwadeedkiisa Qaraxii ka dhacay Maqaayad kasoo horjeedka Hotel Wehliye, Taariikhdu markay ahayd 13/03/2017,halkaasoo ay ku geeriyoodeen tira lagu sheegay 10 ruux, sidoo kale Qaraxii ka dhacay Baar Italia Taariikhdu markay ahayd 08/05/2017, halkaas oo ay ku geeriyoodeen 10 Ruux oo kale, si lamid ah Qaraxii ka dhacay maqaayad ku taalo agagaarka wasaarada amniga kasoo horjeedka wasaarada sportiga Taariikhdu markay ahayd 05/04/2017, qaraxaas oo ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 9 ruux. Eedaysanaha 2-aad Max’ed Cumar Akiile C/raxiin, ayaa isna si gaar ah loogu eedayay kamid ahaanshiyaha Kooxda Al-shabaab, iyadoo ciidamadu amnigu ay gacanta kugu soo dhigeen, isagoo wada gaarigii ku qarxay Eenaayo degmada Xamar-weyne taariikhdu markay ahayd 15/05/2017. Eedaysanaha 3aad Daa’uud Max’ed Cali Max’ud, ayaa isna si gaar ah waxaa loogu eedeeyay ka tirsanaanta Al-shabaab, una qaabilsanaa Qeybta Faafisa Afkaarta Al-shabaab, isagoo ka howlgalay Gobolada Sh/hoose iyo Banaadir, sidoo kale waxaa lagu soo eedeeyay in uu Taakulayn gaar ah siin jirtay Qeybta Qaraxyada oo uu lacago siin jiray Eedaysanayaasha 1aad iyo 2aad marka ay qarax fuliyaan. Eedaysanaha 4aad C/laahi Ibraahin Geeseey, ayaa kala mid ahaa eedeysanayaasha kamid ahaanshiyaha Al-shabaab, waxa uuna qaabilsaa Soo dajinta iyo iibinta gaadiidka qaraxyada lagu fuliyo, isagoo Al-shabaab u soo dejiyay gaarigii Saarufta ahaa ee ku qarxay kasoo horjeedka Wasaarada Amniga Qaranka, sidoo kale waxa uu soo dejiyay gaarigi ku qarxay wadada Maka Al-Mukarama, taariikhdu markay ahayd 03/07/2017.” sidaas waxaa garsoorka u sheegay Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi oo kamid ah xeer ilaaliyaasha Ciidmada Qalabka Sida. Qareenada difaacayay eedeysanayaasha, ayaa codsaday in la soo gaba-gabeeyo kiiska haddii aysan jirin cadeymaha markhaatiyaasha ahaa ee saakay la horkeenay garsoorka, balse dood dheer kadib ayaa xafiiska xeer ilaalinta waxa uu ka codsaday garsoorka Maxkamadda CQS in loo oggolaado in ay keenaan cadeymo dheeraad ah oo muujinayo dambiilayaasha eedooda, waxaana ugu dambeyn Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute amray xeer ilaainta in ay keenaan cadeymo dheeraad ah, isagoo soo xiray dhageysigii markii 2-aad dacwadda eedeysanayaasha loo heysto qaraxyadii dadka badan ku dhinteen kuna dhaawacmeen ee ka dhacay maqaaxiyada qaar ee ku yaalo magaalada Muqdisho. Source
  9. Shirkadaha Facebook, Google iyo Twitter ayaa Khamiistii lasoo dhaafay si wadajir ah ugu dhawaaqay iney ilaalin doonaan “Trust Project” oo ah barnaamij cusub oo loogu talogalay in dadka akhristayaasha ah lagu looga ilaaliyo warar oo ka soo baxa hay’ado lagu kalsoon yahay. Tiro dadka wararka faafiya ah ayuunbaa loo oglaandoonaa iney warar dheeraad ah ku faafiyaan barahooda bulshada, halka saxafiyiinta maqaalada qorana laga daalacan karo meel gaar ah oo looga sameeyay baraha bulshda. Shirkadahan ayaa ku heshiiyay iney adkeeyaan isla markaana ilaaliyaan xuquuqda warka iyo iney la dagaalamaan wararka been-abuurka ah. Si kastaba, Shirkadda Facebook ayaa lagu eedeeyay wixii ka dambeeyay October 16, iney dhuunta qabatay website-yada yaryar ee soo koraya maadamaa wararkii dadka si fudud ku gaari jiray ay lacag ka dhigtay, iyadoo ku andacooneysa shirkaddu iney la dagaalameyso wararka been-abuurka ah. Source
  10. Dahabshiil Group pledged to build a recovery ward for Mogadishu’s Madina Hospital and to give a helping hand in the construction of a blood bank and the optimization of ambulance fleets. Dahabshiil made its word true. The Group handed over a fully-equipped recovery ward to the Hospital management on Thursday, officiated by the Mayor of Mogadishu, who is also Benadir Regional Governor, Thabit Abdi Mohamed. Dr. Mohamed Yussuf, Madina Hospital Director Speaking at the occasion, Dr. Mohamed Yussuf, Madina Hospital Director, expressed his gratitude on behalf of the health sector, the hospital and inpatients, to Dahabshiil, placing the Group at the forefront of selfless, Somali philanthropists. “Dahabshiil has provided us a facility whose services was direly missed by the hospital,” Dr. Yussuf said. “For that and the Group’s consistent support to health facilities and the society, in general, we are extremely grateful”, he added. Dahabshiil Group CEO for S&C Somalia, Hassan A AwadHassan Abdi Awad, Chief Executive Officer of Dahabshiil South and Central Somalia, established that the Group will continue filling in the gaps in social welfare as much as they can. “We are, today, handing over a recovery ward whose construction and furnishing we have supported, but, as in the past, the group will spare no effort to contribute to projects that have a tremendous impact on social welfare, infrastructure, and development,” Mr. Awad said. Mr. Awad disclosed that Dahabshiil Group will commence the construction of a blood bank for the Hospital. On his part, Governor Thabit profusely thanked the Group on how it had become the epitome of support for vital, socially worthy projects. Dahabshiil Group, according to the Minister of the Federal Government of Somalia, Dr. Fozia Abukar Nour, was the first to respond to the 14 October in which over 300 people were killed by a suicide bomber. In a meeting the Group held with the Minister, the Group promised a number of steps to rectify the absent health facilities in emergencies such as the Zoppe calamity. A recovery ward, a blood bank and the optimization of ambulances ferrying the injured figured prominently in the discussion.
  11. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar(Camey) oo Maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay”in meel aanu weligii ka soo bixin lagu ridayo” askari ka tirsanaa ciidamada Puntland oo lagu eedeeyay in uu gabar ku dhaawacay magaalada Boosaaso. Cameey ayaa tilmaamay in askarigaan uu tacaddi u geystay gabadh lagu magacaabo Faa’iso,dabadeedna u baxsaday dhinaca magaalada Kismaayo,iyadoo halkaasi laga soo qabtay,islamarkaana uu haatan ku jiro gacanta Puntland,sida uu hadalka u dhigay. halkaan ka daawo Muuqaalka. The post Daawo: Camey oo sheegay in meel aanu weligii ka soo bixin lagu ridayo askari gabar ku dhaawacay Boosaaso. appeared first on Puntland Post.
  12. Maamulka Puntland ayaa lagu soo waramayaa inuu ciidamo badan geeyay deegaanka Garacad ee gobolka Mudug, kuwaasi oo lagu xoojinayo amniga deegaankaasi iyo deegaannada hoosyimaada. Ciidamadan la geeyay deegaanka Garacad ee Mudug ayaa isugu jira Booliis iyo Milatari, waxaana la sheegay iney si aad ah u ilaalin doonaan xeebaha deegaankaasi. Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan ayaa sheegay in tani looga gol leeyahay sidii loo xaqiijin lahaa amniga deegaannada Puntland, loogana hortagi lahaa fal walbo oo amni darro ah. Deegaanka Garacad ayaa sanadkii tagay ee 2016 waxaa weerar ku qaaday dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo qaarkood la qabtay iyaga oo nool. Maamulka Puntland ayaa maalmahan dambe si aad ah u xaqiijinaya amniga deegaannada uu ka arrimiyo maamulkaasi, xilli dowladda Federaalka ay ku dhowaaqday dagaal ka dhan ah Al-shabaab. Goobjoog News Source
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadda ku sugan Xarunta Iskuul Boolisiyo. Madaxweynaha ayaa halkaas khudbad ugu jeedinayo ku dhawaad 200 oo Dhallinyaro ah oo isku diiwaan geliyey inay kamid noqdaan Ciidamada ka qeyb qaadanayo badbaadinta Shacabka Soomaaliyeed. Dhallinyaradaan ayaa isi soo diiwaan geliyey kadib markii Madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay in la sameyn doono Ciidamo gaar ah oo badbaadin doono Shacabka Soomaaliyeed oo dhibaato xoog leh kala kulmayo Ururka Al-Shabaab. Madaxweynaha ayaa dhallinyaradaan u jeedinayo hadal dhiiragelin ah iyo mahadcelin, maadaama ay iskood u go’aansadeen inay badbaadiyaan Shacabka Soomaaliyeed . Khudbadda Madaxweynaha oo dhameystiran iyo sawirada dhallinyaradaas daqiiqado kadib ayaan idinla wadaagi doonaa Inshaa Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Ganacsatada Soomaaliyeed ee kunool magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada Ganacsiga in si deg deg ah loo dhiso Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha dalka iyo tan gobolka Banaadir. Waxa ay sidoo kale Ganacsatan ugu baaqeen Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya in ay joojiso lacagaha canshuuraha ay ka qaado ganacsatada ayna dib u siiso ganacsato kale ,taa ay ku tilmaameen ganacsatada mid sharci daro ah. Waxaa Lifaaqa Hoose ka Akhrisan doontaan Warqado ay ka muuqdaan Magacyada iyo Saxiixyada Shirkadaha ka codsaday dowlada in la dhiso Rugta Ganacsiga sidoo kale la joojyo Canshuura lasiiyo ganacsato kale, waxaa sidoo kale akhrisan kartaan Warqad Hanti Dhowrihii hore Qaranka ku joojiyay lacagaha sida qaldan loo siiyo ganacsato kale. Halkan ka Ahhriso Qoraal kasoo baxay Ganacsatada Soomaaliyeed
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta waxaa ka soo hormuuqday 4; Eedeysane oo loo heysto in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab. Maxkamadda Ciidank ayaa markii 2aad waxaa ay Maxkamadeysay Raggan oo lagu eedeeyay in ay Al-shabaab u qaabilsanyihiin Qarxinta Maqaayadaha Magaalada Muqdisho. Maxkamadda Ciidamada ayaa Afarta Qof magacyadooda ku sheegtay. 1) C/qaadir Abuukar Shaacir Max’ed. 2) Max’ed Cumar Akiile C/raxiin 3) Daa’uud Max’ed Cali Max’ud 4) C/laahi Ibraahin Geeseey. xafiiska xeer iaalinta maxkamadda CQS ayaa ka hor aqriyay eed lid ku ah eedeyanayaasha kala ah:- “C/qaadir Abuukar Shaacir Max’ed ayaa si gaar ah loogu eedeeyay sahminta iyo dhigisto baabuurta qaraxyada laga soo buuxiyo maqaayadaha dadku ku badan yihiin oo ku yaalo magaalada muqdisho. waxaa ka mid ahaa goobihii ay xeer ilaalinta CQS ku muujisay gal dacwadeedkiisa Qaraxii ka dhacay Maqaayad kasoo horjeedka Hotel Wehliye, Taariikhdu markay ahayd 13/03/2017,halkaasoo ay ku geeriyoodeen tira lagu sheegay 10 ruux, sidoo kale Qaraxii ka dhacay Baar Italia Taariikhdu markay ahayd 08/05/2017, halkaas oo ay ku geeriyoodeen 10 Ruux oo kale, si lamid ah Qaraxii ka dhacay maqaayad ku taalo agagaarka wasaarada amniga kasoo horjeedka wasaarada sportiga Taariikhdu markay ahayd 05/04/2017, qaraxaas oo ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 9 ruux. Eedaysanaha 2aad Max’ed Cumar Akiile C/raxiin, ayaa isna si gaar ah loogu eedayay kamid ahaanshiyaha Kooxda Al-shabaab, iyadoo ciidamadu amnigu ay gacanta kugu soo dhigeen isagoo wada gaarigii ku qarxay Eenaayo degmada Xamar-weyne taariikhdu markay ahayd 15/05/2017. Eedaysanaha 3aad Daa’uud Max’ed Cali Max’ud, ayaa isna si gaar ah waxaa loogu eedeeyay ka tirsanaan Kooxda Al-shabaab, una qaabilsanaa Qeybta Faafisa Afkaarta Al-shabaab, isagoo ka howlgalay Gobolada Sh/hoose iyo Banaadir, sidoo kale waxaa lagu soo eedeeyay in uu Taakulayn gaar ah siin jirtay Qeybta Qaraxyada oo uu lacago siin jiray Eedaysanayaasha 1aad iyo 2aad marka ay qarax fuliyaan. Eedaysanaha 4aad C/laahi Ibraahin Geeseey, ayaa kala mid ahaa eedeysanayaasha kamid ahaanshiyaha Al-shabaab, waxa uuna qaabilsaa Soo dajinta iyo iibinta gaadiidka qaraxyada lagu fuliyo, isagoo Al-shabaab u soo dejiyay gaarigii Saarufta ahaa ee ku qarxay kasoo horjeedka Wasaarada Amniga Qaranka, sidoo kale waxa uu soo dejiyay gaarigi ku qarxay wadada Maka Al-Mukarama, taariikhdu markay ahayd 03/07/2017.” sidaas waxaa garsoorka u sheegay Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi oo kamid ah xeer ilaaliyaasha Ciidmada Qalabka Sida.
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada Nabad Suggida ayaa gacanta ku dhigay Shan nin oo ka tirsan ciidamada Militariga Somaliya, kadib markii iska hor imaad uu ka dhacay Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta Maamulka Degmadaasi. Iska hor imaadka ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii ciidanka NISA ay ku baxeen raggan ciidanka Militariga ka tirsan oo doonayay handadaad inay ku dhacaan nin iska leh milkiyada guri ku yaallo Degmada Waaberi. Ciidamada NISA ayaa ku guuleystay soo qabashada raggaasi iyo hubkii ay wateen, waxaana baxsaday hal askari oo ka tirsanaa ciidamada Militariga, halka nolosha lagu qabtay Shan ka mid ah lixdii nin ee ciidanka Militariga ka tirsanaa. Wararka ayaa sheegaya in laba ka mid ah ciidamada Militariga ay ku dhaawacmeen iska hor imaadkaasi, halka saddexda kalena iyaga oo badqaba iyo hubkooda ciidanka ay gacanta ku hayaan. Goobta iska hor imaadka uu ka dhacay oo ku dhaw nawaaxiga buundada ku aadan xarunta Degmada Waaberi ayaa waxaa goobtaasi tagay Gudoomiyaha Degmada Waaberi iyo Saraakiisha ciidamada. Ciidankan Militariga ka tirsan ee la qabtay ayaa rabay inay qaab handadaad ah ku dhacaan nin shacab ah oo leh milkiyada guri ku yaallo Degmada Waaberi, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha ciidamada NISA. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda Federaalka Soomaliya Maxamed Abukar Islow Ducaale ayaa arbacii hore waxaa uu golaha shacabka horgeeyay hindise sharciyeedyka la-dagaalanka argagaxisada . Hindise sharciyeedkan waxaa uu ka hadlayaa: fal-argigixiso, koox argigixiso, xubin ka noqosho koox argigixiso, Fulinta ‘Shirqool’ Xad-gudub ku ah Sharcigan, Qorista Dad Xubno Ka-noqda Kooxo Argagixiso ama Ka-qeyb qaata Falal-argagixiso, Bixinta ama Helidda Tababar Argagixiso (tababare iyo la tababare), In Loo Raadiyo Ama La Siiyo Taageero Kooxo Argagixiso Si Loo Fuliyo Fal Argagixiso, Xad-gudubyada ka dhanka ah badbaadada duulimaadyada rayidka ah, Awoodaha barista iyo Awoodaha Xirista iyo arrimo kale Hadaba, waxaa akhristayaasha u soo gudbineynaa Hindise Sharciyeedka Argigixisada Oo Dhameystiran. “Fal Argagixiso” 1) “Fal argagixiso” haddii uusan sharcigu si kale u sheegin waxaa loola jeedaa: ficil ama fal hanjabaad ah oo ka dhaca gudaha ama dibadda dalka Soomaaliya taasoo ay ka dhalato mid kamid ah arrimaha soo socda: a) Dhimasho nafeed ama dhaawac jireed oo soo gaara qof ama shakhsiyaad; b) In halis la geliyo nolosha cid kale oo aan ahayn cidda ku kacaysa ama fulinaysa falka; c) Qabashada, af-duubka, hanjabaad, dil, dhaawac ama in xabsi lagu sii hayo qof kale; d) In la abuuro xaalad halis ah oo saamaysa nolosha 1yo badbaadada dadweynaha ama qeyb kamid ah dadweynaha e) Dhaawac ama dhibaato soo gaarta hantida dadweynaha ama .hantida gaarka loo leeyahay, oo ay ku jirto goobo dadweynuhu isticmaalo, dhisme dawladeed, nidaamka gaadiidka dadweynuhu adeegsado, dhaawac gaara kaabayaasha ama degaanka; f) Qabsashada ama af-duubid diyaarad, markab, doon ama gaadiid nooca uu doono ha ahaadee bad, berri iyo cir iyo in lagu hanjabo in khasaare hanti iyo naf la gaarsiiyo; g) In la adeegsado hub ama waxyaalaha qarxa; h) In lagu hanjabo ama lagu sii daayo degaanka ama qeyb karnid ah ama in lagu baahiyo ama loo banclhigo dadweynaha ama qeyb kamid ah dadweynaha halis nooca ay doonto ha ahaatee, khatar, walax shucaac leh ama sun halis ah nooca ay doonto ha ahaatee; i) Wax kasta oo loo qaabeeyey ama loola clan leeyahay in lagu carqaladeeyo nidaam kombuyuutar ama bixinta adeegyacla toos xiriir ula leh agabyacla kaabayaasha, isgaarsiinta, bangiyada ama adeegyada maaliyacleed, acleegyada korontada, biyaha iyo tamarta arna kaabayaasha kale ee muhiimka ah; j) Wax kasta oo loo qaabeeyey ama loola clan leeyahay in lagu carqalacleeyo bixinta adeegyada degclegga ah ee muhiimka ah sicla acleegga booliska, difaaca maclaniga ah ama adeegyada caafimaad ama weerar lagula kaco adeegyadan; iyo k) Falalka loo qaabeeyey ama loola clan leeyahay in lagu carqalacleeyo, lagu xannibo hawlaha ciidamada Soomaaliya iyo xoogaga hubaysan ama weerar loo gaysto ama xacl-gudub qalalaase wata oo lagu sameeyo xarumahooda, agabkooda ama gaacliidkooda. 2) In loola jeedo, ama marka la fiiriyo noociisa ama xaaladdiisa, si macquul ah loogu tixgelin karo in lala damacsanaa: a) In handadaad loo geysto dadweynaha ama qeyb kamid ah dadweynaha; b) ku qasbo dawlad ama urur caalami ah in ay sameyso, ama ay ka waantowdo sameynta fal; ama c)In si khatar ah loo qaso ama la baabi’iyo sharafta, madax-bannaanida, midnimada ama qaab-dhismeedka asaasiga ah ee siyaasadeed, dastuur, dhaqaale ama bulsho ee Soomaaliya. 3) Fal kasta oo carqalad ku ah adeegyada madaniga ah loona fuliyo la rabo in la sameeyo bannaan-bax nabad ah, mucaaradid, diidmo, ama joojin Shaqo, sida ku Cutubka 2aad ee Dastuurka ku-meel-gaarka ah. Waxaa, aan lagu gafayn fal-dembiyeed kale oo ka dhalan kara falka, loo arki doonaa in aanu ahayn fal argagixiso marka la fiiriyo macnaha qeexitaankan, ilaa inta falkani aanu ahayn mid loola jeedo in ay ka dhalato wax halis ah ama dhaawac ah sida kuwa lagu xusay faqradda 1(2) ee qodobkan. 4) Falalka ama hanjabaadaha falalka ku xusan faqraddal(a) ee qodobka iyaga oo aan ahayn qaar ku gabood falaya xad-gudubyada ku xusan xeerka ciqaabta iyo waxyaalaha ku qoran qodobka 13”d iyo qodobka 14″c1 ee xeer-ciqaabeed ku dabaqmi doonaan marka la fiiriyo dhanka baaxadda waxyaalaha ku qoran xeerkan, Koox Argagixiso iyo Hantideeda “Koox argagixiso ah” waxaa loola jeedaa – cid ujeeddooyinkeeda ama hawlaha ay qabato ay kamid yihiin sarneynta, abaabulidda, ku-dhiirrigelinta, ku-qancinta fududaynta fulinta fal argagixiso; ama Hanti argagixiso leedahay: waxaa loola jeedaa – (A)Dakhli iyo raasumaal loo adeegsado fulinta fal argagixiso; (B) Lacag ama hanti loo adeegsado, loo adeegsanayo, ama ay muuqato in loo adeegsan karo/ doono fal argagixiso. (C) Lacag ama hanti ay adeegsadeen, adeegsanayaan, arna adeegsan rabaan shakhsi ama koox argagixiso; ama (D) Han ti ay leedahay /leeyahay ama ay maamusho ama lagu maamulo magaca koox ama shakhsi argagixiso ah, si toos ah ama dadban. Diyaar-garow Qof kasta oo ku lug leh, sida ay doontaba ha noqotee, diyaar-garowga fulinta fal argagixiso si ula-kac ah wuxuu noqonayaa mid sameeyey fal-dembiyeed, waxaanu mutaysanayaa xabsi muddo gaaraysa 4 (afar)ilaa 10(tobon) sano. Hagidda fulinta fal argagixiso Qof kasta oo isagoo og haga ama ku amra qof in uu fuliyo fal argagixiso wuxuu qofkaasi ku kacay xad-gudub waxaana mutaysanayaa xabsi muddo 10 (toban) ilaa 20 (labaatan) sano ah. Xubin Ka-noqoshada Koox Argagixiso Qof kasta oo isagoo og xubin ka ah, ama sheega in uu xubin ka yahay urur argagixiso ah wuxuu qofkaasi sameeyey xad-gudub waxaanu, marka lagu caddeeyo ka dib, mutaysan doonaa qofkaasi xabsi muddo dhan 5 (shan) ilaa 10 (toban) sano. Waxaa difaac u noqon kara qofka lagu eedeeyey xad-gudub marka la fiiriyo faqradda (1) ee Qodobkan in uu caddeeyo in cidda lagu eedeeyey uu xubin ka yahay aanay ahayn urur argagixiso goorta ama taariikhda uu isagu ama iyadu xubin ka noqotay ama sheegtay in uu xubin ka yahay ciddaas, iyo in aanu isagu ama iyadu wax qeyb ah ka qaadan hawlaha ciddaas, markii ay noqotay urur argagixiso Marka la go’aaminayo in qof xubin ka yahay urur argagixiso iyo inkale, maxkamaddu waxay tixgalin kartaa arrirnahan soo socda:a) Haddii ay jirto sabab macquul ah oo lagu aamino in qofka la dacweeyey uu u hanqal taagayo mabaadi’da kooxdaas argagisida ah;b) Haddii eedaysanuhu isagoo og uu ka helay lacag ama agab urur argagixiso ah;c) Haddii eedaysanuhu uu qaatay magaca, midabka, astaanta, luqadda, calaamadda ama wax kale oo matala lalana xiriiriyo urur argagixiso; iyo d) Haddii eedaysanuhu isagoo og xiriir la yeesho xubno la ogyahay oo ka tirsan urur argagixiso ah. Qorista Dad Xubno Ka-noqda Kooxo Argagixiso ama Ka-qeyb qaata Falal-argagixiso Qof kasta oo isagoo og oggolaada in uu kamid noqdo, ama cid kale ku soo dara gudaha iyo dibedda dalkaba- (a) Inay kamid noqdaan koox argagixiso; ama (b) Inay ka qeyb qaadato fulinta fal argagixiso, wuxuu qofkaasi ku kacay xad-gudub waxaanu mutaysan doonaa xabsi dhan 5 (shan) ilaa 10 (toban) sano ah. Bixinta ama Helidda Tababar Argagixiso (tababare iyo la tababare) Qof kasta oo isagoo og: 1) bixiya tilrnaan ama tababar ku saabsan xirfad, xirfadahaas oo ay ku iiraan balse aan ku koobnayn – a) sameynta iyo ka shaqaynta wax kasta oo qarxi kara ama sun ah; b) adeegsiga qaabkasta ama hab kasta oo loo sameyn karo wax kasta oo kale oo ujeeddada laga leeyahay ay tahay fulinta ama fududaynta fulinta fal argagixiso; ama c) sameynta layliyada milatari ama dhaqdhaqaadooda; isagoo og waqtiga uu bixinayo tilmaamaha ama tababarka in qofka uu siinayo tilrnaamaha ama tababarku uu rabo in uu u adeegsado xirfadahaas loo tilmaamay ama lagu tababaray arrimo la xiriira argagi.xiso ama uu rabo in uu ku fuliyo fal-argagixiso ama uu ku kaalmeeyo fulinta ama u diyaarinta dad kale inay fuliyaan fal noocaas ah ama xad-gudub, qofkaasi wuxuu sameeyey xad-gudub wuxuuna mutaysanayaa xabsi muddo u dhaxaysa 10 (toban) sano ilaa xabsi daa’im iyadoo garsooruhu uu tixgalinayo xaaladaha dambiga fududeeya ama cusleeya ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.(XCS) 2) Qof kasta oo hela tilmaamo ama tababar nooc kasta oo kamid ah xirfadaha lagu xusay faqraddal”ad(a) ee sare isagoo waqtiga uu tilmamaha ama tababarka qaadanayana ujecddadiisu tahay in uu u adeegsado tilrnaamahaas la siiyey fal-argagixiso ama arrimo la xiriira fulinta ama u diyaar-garowga falal argagixiso ama ugu kaahnaynta kuwa kale in ay fuliyaan falal noocaas ah qofkaasi wuxuu galay xad-gudub, wuxuuna mutaysan doonaa xabsi muddadiisu dhan tahay 10 (toban) sano ilaa xabsi daa’im. Abaabulka ama Dhiirri-gelinta Fulinta Fal Argagixiso 1) Iyadoo la tixraacayo qodobada 18”d iyo 38″d ee Dastuurka ku-meel-gaarka ah iyo xaqa xorriyadda loo leeyahay in la cabbiro fikir, waxay noqonaysaa xad-gudub in qof si ula-kac ah: (a) U abaabulo, tebiya codadkooda, tebiya war aan dhab ahayn, xayeysiiya, buun-buuniya ama dhiiri-geliya si kastaba in lagu kaco fal argagixiso; ama (b) in uu abaabulo ama dhiirri-geliyo si kastaba in xubin laga noqdo urur argagixiso. 2) Qofkaasina wuxuu mutaysanayaa, haddii aanu noqon falkaasi mid keena xadgudub ka culus, xabsi dhan 3 (saddex) ilaa 10 (toban) sano.wxuxuu qofkaasi ku kacay xad-gudub waxaanu mutaysan doonaa xabsi dhan 5 (shan) ilaa 10 (toban) sano ah. Bixinta ama Helidda Tababar Argagixiso (tababare iyo la tababare) Qof kasta oo isagoo og: 1) bixiya tilmaan ama tababar ku saabsan xirfad, xirfadahaas balse aan ku koobnayn – a) sameynta iyo ka shaqaynta wax kasta oo qarxi kara ama sun ah; b) adeegsiga qaabkasta ama hab kasta oo loo sameyn karo wax kasta oo kale oo ujeeddada laga leeyahay ay tahay fulinta ama fududaynta fulinta fal• argag1xiso; ama c) layliyada milatari ama dhaqdhaqaadooda; isagoo og waqtiga uu bixinavo tilmaamaha ama tababarka in qofka uu siinayo tilmaamaha arna tababarku uu rabo in uu u adeegsado xirfadahaas loo tilmaamay ama lagu tababaray arrimo la xiriira argagixiso ama uu rabo in uu ku fuliyo fal- argagixiso ama uu ku kaalmeeyo fulinta ama u diyaarinta dad kale inay fuliyaan fal noocaas ah ama xad-gudub, qofkaasi wuxuu sameeyey xad-gudub wuxuuna mutaysanayaa xabsi muddo u dhaxaysa 10 (toban) sano ilaa xabsi daa’im iyadoo garsooruhu uu tixgalinayo xaaladaha dambiga fududeeya ama cusleeya ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.(XCS) 2) Qof kasta oo hela tilmaamo ama tababar nooc kasta oo kamid ah xirfadaha lagu xusay faqraddal””d(a) ee sare isagoo waqtiga uu tilmamaha ama tababarka qaadanayana ujeeddadiisu tahay in uu u adeegsado tilmaamahaas la siiyey fal-argagixiso ama arrimo la xiriira fulinta ama u diyaar-garowga falal argagixiso ama ugu kaalmaynta kuwa kale in ay fuliyaan falal noocaas ah qofkaasi wuxuu galay xad-gudub, wuxuuna mutaysan doonaa xabsi muddadiisu dhan tahay 10 (toban) sano ilaa xabsi daa’im. Abaabulkaama Dhiirri-gelinta Fulinta Fal Argagixiso 1) Iyadoo la tixraacayo qodobada 18″‘” iyo 38″d ee Dastuurka ku-rneel-gaarka ah iyo xaqa xorriyadda loo leeyahay in la cabbiro fikir, waxay noqonaysaa xad-gudub in qof si ula-kac ah: (a) U abaabulo, tebiya codadkooda, tebiya war aan dhab ahayn, xayeysiiya, buun• buuniya ama dhiiri-geliya si kastaba in lagu kaco fal argagixiso; ama (b) in uu abaabulo ama dhiirri-geliyo si kastaba in xubin laga noqdo urur argagixiso. 2) Qofkaasina wuxuu mutaysanayaa, haddii aanu noqon falkaasi mid keena xad-gudub ka culus, xabsi dhan 3 (saddex) ilaa 10 (toban) sano. Fulinta ‘Shirqool’ Xad-gudub ku ah Sharcigan a) Heshiis ama is-afgarasho kasta oo dhexmara laba qof ama ka badan si ay u fuliyaan “fa! argagixiso” ama fal kale oo xad-gudub ku ah sharcigan waxa, iyadoo la eegayo qodobka 76′”d ee xeerka ciqaabta, loo ciqaabi doonaa in uu yahay shirqool in la fuliyo fa! ama xad-gudub iyadoo haddii aan la fulin falkaas ama xad-gudubka ay weli ka dhalan doonto ciqaab xabsi muddo dhan 3 (saddex) ilaa 10 (toban) sano. b) Qof kasta oo shirqool maleega isagoo la kaashanaya qof kale dalka Soomaaliya gudihiisa meel kamid ah si uu uga fuliyo fal meel ka baxsan dhulka Soomaaliya, kaasoo ah fal haddii lagu sameeyo Soomaaliya dhexdeeda noqon lahaa mid loo arko xad-gudub marka la fiiriyo sharcigan, waxaa loo arki doonaa qofkaasi in uu shirqool malecgay oo uu doonayey in uu falkaas ka fuliyo Soomaaliya dhexdeeda; iyo c) Qof kasta oo la fuliya shirqool qof kale meel ka baxsan dalka Soomaaliya si uu fol uga sarneeyo dhulka Soomaalida falkaasoo marka la fiiriyo Sharcigan noqonaya xad-gudub waxaa loo arki doonaa shirqool laga fuliyey Soomaaliya gudaheed Qodobka 15aad: Is-hortaag-caddaaladeed (1) Qof kasta oo si ula-kac ah isugu daya in uu hor-joogsado, weeciyo arna buriyo cadaaladda waa qof xad-gudub ku kacay marka la fiiriyo xeerkan. (2) Qof kasta oo markhaati ah ama sarkaal dawladeed ah oo ku lug !eh dacwad socota oo sharcigani ku dabaqmo oo si ula-kac ah: (a) u adeegsada xoog ama hanjabaad; (b) u hanjaba ama isku daya in uu u hanjabo; (c) ka joojiya ama isku daya in uu ka joojiyo in uu bixiyo caddeyn; (d) ku qasba in uu keeno caddeyn been ah; (e) fara-gelin ku sameeya bixinta caddeynta; (f) fara-gelin ku sameeyo bixinta caddeyn si uu u carqaladeeyo habraaca garsoorka; (g) u ballan-qaada, siiya nacfi ama wax-dheef; ama (h) qariya, degaan ka ijaara, marti-geliya qof si mug leh loogu tuhunsan yahay argaguasanrumo. (3) wuxuu qofkaasi sameeyey xad-gudub uu ku mutaysanayo ciqaab xabsi oo u dhexeeya 2 (labo) ilaa 5 (shan) sano. Waajibka In La Daah-Furo Xogta La Xiriirta Xad-gudubyada ama Falalka Argagixiso Qof kasta oo haya xog gacan ka geysan karta in: (a) Laga hortago in qof kale sameeyo “fal argagixiso”; ama (b) La xiro ama dacwad lagu soo oogo qof kale oo xad-gudub sameeyey marka la fiiriyo Sharcigan, wuxuu si aan dib-u-dhac lahayn ugu daah-furi doonaa xogtaas askari ama sarkaal ciidanka amniga ah. Ma jiro wax ku jira faqradda laad ee qodobkan oo khasab ka dhigaya in la daah- furo xog dhawrsan. Dacwad madani ah iyo mid dembiyeed toona laguma soo oogayo, qof haddii uu xog ku daah-furay niyad-sami, marka la furiyo faqradda 1 and ee qodobkan. Qof kasta oo u hoggaansami waaya faqradda 1 and ee xeerkani wuxuu sameeyey xad-gudub, wuxuuna mutaysan doonaa xabsi muddo aan ka badnayn ilaa 3 (saddex) sano. In Loo Raadiyo Ama La Siiyo Taageero Kooxo Argagixiso Si Loo Fuliyo Fal Argagixiso Qof kasta oo isagoo og, qaab kasta: (a) Ugu raadiya taageero, arna siiya taageero agab ama ilo sida ku qeexan qodobka 3aad ee Sharcigan, urur agagixiso; ama si loo fuliyo fal argagixiso; ama (b) Qofkaasi wuxuu sameeyey xad-gudub, wuxuuna haddii aanu falkiisu noqon mid halis ah, noqon doonaa mid mutaysta xabsi muddo ilaa 5 (shan) sano ah. Taageerada, rnarka la fiiriyo faqradda 1 aad ee Qodobkan waxaa kamid ah, balse aan ku koobnayn: (a) In la oggolaado in la bixiyo, arna bix.inta dokurnentiyo safar oo la been abuuray iyadoo dokumentiyadaas la siinayo xubin ka tirsan koox argagixiso; (b) In la oggolaado in la bixiyo, ama bixinta xirfad arna khibrad looga faa’iidaynayo, ama loo jihaynayo ama lala sameynayo koox argagixiso ah; (c) Gelidda ama ku negaashaha dal si loogu faa’iideeyo iyadoo a.mar laga helayo a.ma xiriir lala leeyahay urur argagixiso ah gudaha iyo dibaddaba; ama (d) Fal-dembiyeedyada ku xusan Xarfaha a, b iyo c ee farqadda 2″” ee qodobkan waxay isku si ugu dabaqmayaan argagixisada Soomaalida ah iyo ajnabigaba. Qofkaasi wuxuu sameeyey xad-gudub, wuxuuna mutaysan doonaa xabsi u dhaxeeya 10 (toban) sano ilaa xabsi daa’im. Qodobka 18aad: U Adeegsiga Han ti ama Lacag si loo Fuliyo F alal Argagixiso Qof kasta oo si ula-kac ah: (a) Isticmaala hanti ama lacag, taos ama dadab, gebi ahaan ama qeyb ahaan, iyadoo ujeeddada uu ka leeyahayna tahay fulinta ama fududaynta in la fuliyo fal argagixiso; ama (b) Haysta hanti ama lacag loola clan leeyahay in loo adeegsado ama la ogyahay in loo adeegsan doono ama ay jirto sabab macquul ah oo looga shakiyo in loo adecgsan karo, si taos ah iyo si dadbanba, gebi ahaan iyo qeyb ahaan ujeeddo ah in lagu fuliyo ama lagu fududeeyo fulinta fal argagixiso. Qofkaasi wuxuu sameeyey xad-gudub, wuxuuna haddii aanu falkiisu noqon mid halis ah, noqon doonaa qof mutaysta xabsi muddo dhan 10 (to ban) ilaa 15 (shan iyo toban) sano. Qodobka 19aad: Af-duubka gaadiidka cirka, badda iyo dhulka 1) Qof kasta oo saaran diyaarad hawada ku jirta kaasoo maamulka diyaaradda kula wareega xoog, hanjabaad sameeya ama nooc kasta oo handadaad ah, wuxuu mutaysanayaa ciqaab xabsi oo dhan 20 (labaatan) sano ilaa xabsi daa’im. 2) Qof kasta oo saaran markab ama doon kaasoo maamulka xoog kula wareega, hanjabaad sameeya ama nooc kasta oo handadaad ah haddii aysan ka dhalan dembiyo ka culus ujeeddadiisuna tahay argagixiso wuxuu mutaysanayaa ciqaab 10 (toban) ilaa 15 (shan iyo toban) sano. 3) Qof kasta oo gaadiidka dhulka af-duub kula wareega ama wax ku af-duuba isagoo ujeeddadiisuna tahay fulin fal argagixiso, hanjabaad sameeya ama nooc kasta oo handadaad ah, haddii aysan ka dhalan dembiyo ka culus, wuxuu mutaysanayaa ciqaab xabsi oo dhan 5 (shan) ilaa 10 (toban) sano. Xad-gudubyada ka dhanka ah badbaadada duulimaadyada rayidka ah Qof kasta oo isagoo og ku kaca mid kamid ah falalka soo socda: a) Fal qalalaase oo ka dhan ah qof saaran diyaarad duulimaad Im jirta, haddii falkaasi ay suura-gal tahay in uu halis gelinayo badbaadada diyaaraddaas; b) burburinta diyaarad shaqaynaysa, ama in la sababo in dhaawac hawl-gab ka dhigaya ama halis gelin kara nabadgelyada diyaarad duulimaad ku jirta soo gaaro diyaaraddaas; c) in la dhex-dhigo arna la sababo in la dhex-dhigo diyaarad shaqaynaysa, dariiqii la doonaba ha la adeegsadee, walax ama qalab burburin kara diyaaraddaas, ama u geysta waxyeelo hakad gelin karta duulimaadka, ama la sababo waxyeello ay suura-gal tahay inay halis geliso badbaadadeeda inta ay duulimaadka ku jirto; d) in la burburiyo ama la dhaawaco agabka hagista diyaaradaha ama la fara-geliyo hawlihiisa, haddii fal noocaas ahi ay suura-gal tahay in uu halis geliyo badbaadada diyaaradda ku jirta duulimaad; ama e) in la sheego war qofku uu ogyahay in uu been yahay, isagoo markaa halis gelinaya badbaadada diyaarad ku jirta duulimaa 2. Fal-dembiyeedkaas waxaa lagu mutaysan doonaa ciqaab xabsi oo dhan 10 (toban) sano ilaa xabsi daa’irn. 3. Qof kasta oo u hanjaba sarkaal ama garsoore, iyadoo u jeeddaduna tahay inuu ku khasbo ama ka hor-istaaga sameynta fal, qofkaas wuxuu sameeyey xad-gudub sida ku cad faqraddaha l(a), (b) ama (d) ee qodobkan, haddii hanjabaaddaasi ay suura-gal tahay in ay halis geliso ammaanka diyaarad, haddii falkaasi noqdo mid ujeeddadiisu tahay fal argagixiso, waxay noqon doontaa hanjabaaddaasi mid lagu mutaysto ciqaab xabsi oo dhan 5 (shan) ilaa 10 (toban) sano haddii uusan ka dhalan dembi ka culus. Xad–gudubyada ka dhanka ah badbaadadagaroornadau adeega duulirnaadyo rayid ah Qof kasta oo ku kaca mid kamid ah falalka soo socda, isagoo adeegsanaya qalab kasta, walax ama hub, haddii falkaasi uu suura-gal yahay in uu halis geliyo badbaadada garoon u adeegaya duulimaadyo caalami ah: a) fal qalalaase oo lagula kaco qof ku sugan garoon diyaaradeed oo u adeegaya duulimaadyo rayid ah (gudaha iyo caalamiba) taasoo keeni karta ama keenaysa dhaawac halis ah ama dhimasho; ama b) in la burburiyo ama si aad ah loo waxyeeleeyo agab uu leeyahay garoon diyaaradeed oo u adeegaya duulimaadyo caalami ah ama diyaarad aan ku jirin shaqo oo taalla goobtaas ama in la khalkhal-geliyo adeegyada garoonkaas diyaaradaha; 2. waxa lagu mutaysan doonaa ciqaab xabsi oo 15 ilaa 30 (shan iyo toban ilaa soddon) sano ah. Awoodaha Baarista Hor–qabatayntalagu sarneeyo adeegga isgaarsiinta Iyadoo loo eegayo arrimaha soo socda ama marka ay cidi codsi uga gudbiso garsoore maxkamad gobol, oggolaansho ayaa la bixin doonaa lagu oggolaanayo ama lagu farayo in qofka ay ku socotaa uu hubiyo mid arna ka badan oo arrimaha soo socda ah: a) Hor-qabatayn la sameeyo inta uu socdo xiriirka loo adeegsanayo adeegga boostada ama nidaam isgaarsiineed xiriirka ku tilmaaman oggolaanshaha; b) Bixinta kaalmo noocaas ah ama nooc hor-qabatayn lagu sameeyo xiriir sida ku dhigan heshiiska caalamiga ah ee is-garabsiga; ama c) Daah-furka wax kasta oo lagu helay hor-qabatayntaas la oggolaaday ama lagu dalbay oggolaanshaha hor-qabataynta xog-xiriireedka oo nooc kasta ah. Haddii dhaqso loogu baahdo, waxaa oggolaanshaha saxiixi kara saraakiisha ku xusan qodobka 21 and faqraddiisa s= balse waa in uu 24 saac gudahood ku oggolaado garsoore maxkamad gobol. Garsooruhu ma bixinayo oggolaanshahaas haddii aanu ku qanacsanayn: a) In oggolaanshuhu u danaynayo amniga qaranka ama loo adeegsanayo ka hortagga ama ogaanshaha dembiyo halis ah ama leh ujeeddo lagu ilaalinayo dhaqaalaha Soomaaliya; iyo b) Waxa lagu oggolaaday oggolaanshuhu waa in uu noqdo mid u qalrna wixii la rabay in lagu gaaro. 4) Fiiro dheeraad ah waa in loo yeesho haddii: a) Oggolaanshaha ay ka dhalanayso in hor-qabatayn loo galo sharci ahaan xiriiro dhawrsan; b) Haddii ay suura-gal tahay in oggolaanshaha ay ka dhalato in la hor qabateeyo xog wariyenirno oo sir ah taasoo ay ku jirto wax lagu helay ama loo abuuray ujeeddo wariyenimo lalana damacsanaa in sir ahaan loo hayo; c) Xog sir ah oo gaar ah ama shakhsi oo la xiriirta caafimaadka maskaxeed ama jireed ama talo ruuxi ah; d) Xaaladaha noocaan ah garsooruhu wuxuu tixgelin doonaa ama gorsooruhu waa in uu tixgeliyo qiimeyn lagu sameynayo sida xog noocaas ah lagu hor-qabataynayo marka go’aan laga gaarayo arrirnaha ku taxan 3(a) iyo(b) ee sare ku xusan. 5. Oggolaansho hor-qabatayn isgaarsiineed waxaa lagu bixin karaa oo keliya haddii Mas’uuliyiinta hoos ku cayiman ama magacooda lagu soo codsado: a) Agaasirnaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka & Nabad-sugidda Soomaaliyeed; b) Taliyaha Ciidanka Booliska Somaaliyeed; c) Agaasimaha Guud ee Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soornaaliyeed; ama d) Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. 6) Codsiga waa in lagu qeexo tihnaanta xiriirada la rabo in hor-qabatayn lagu sameeyo, faahfaahinta cidda adeegga bixisa iyo sharaxaad ku saabsan sababta hor-qabatayntaasi muhiim u tahay. Codsiga waa in sidoo kale lagu daro ballan qaad in wixii lagu helo hor-qabatayntaas loola macaarnilayo hab waafaqsan Qeyb-hoosaadka 11 iyo 12 ee hoose. 7) Haddii nuqul oggolaanshahaas ah loo geeyo qofka ku xusan oggolaanshaha, qofkaas nuqul isla oggolaanshahaas ah wuxuu u geyn karaa cidda la is- leeyahay gacan ayey ka geysan kartaa arrinta. 8) waxay noqonaysaa rnas’uuliyadda qofka oggolaanshaha la siiyey inuu qaado tallaabooyin lagu dhaqan-gelinayo oggolaanshahaas hadba sidii suura-gal ugu ah. 9) Qofka si ula-kac ah aan ugu hoggaansarnin xilkiisa ku xusan qeyb-hoosaadka S wuxuu noqon doonaa rnid gefay wuxuuna mutaysan doonaa haddii ay ku caddaato ciqaab xabsi oo aan ka badnayn 3 (saddex) bilood ama ganaax dhan US$5,000(shan kun doolarkaMareykanka)ama labadaba. 10) Oggolaanshaha hor-qabatayntu wuxuu noqon doonaa mid shaqeeya keliya muddo 3 (saddex) bilood ah. \Vaxaa kordhin kara muddada maxkamad awood u leh iyadoo ku dari karta 3 (saddex) bilood oo kale haddii codsi ay hesho. Garsooraha rnaxkamadda awoodda lihi waa in uu ku qanco in kordhinta la raadsaday ay tahay mid muhiim ah lana jaan-qaadaysa qeyb-hoosaadka 3 iyo 4 ee sare ku xusan. 11) Waxay noqonaysaa mas’uuliyadda codsadaha in uu hubiyo, rnarka laga xaaladaha ku xusan qeyb-hoosaadka 12 ee hoose, in: reebo a) Tirada dadka xogta la helay la tusay ama loo daah-furay; b) ilaa xadka xogta la helay la baahiyey ama la wadaagay; c) In lagu koobo inta ugu yar ee u muhiimka ah ujeeddadii loo oggolaaday isla marka xogtaa la ururiyey ay dhaafto goortii ay muhiimka ahayd, waa in la baabi’iyo nuqul kastana la tirtiro. 12) Codsadaha waajib kama saarna in uu buuxiyo shuruudaha ku xusan qeyb• hoosaadka 11 aad (a) iyo (b) haddii lagu wareejiyo xogta dawladaha shisheeye iyo hay’adaha amniga ee caalamiga ah, waxaase xil ka saaran yahay in uu fiiriyo in Dawladahaas leeyihiin shuruudo noocaas ah iyo in ay leeyihiin dhawrsanaanshaha ku sugan faqradda 1 l””d marka la fiirinayo in loo daah-furo xogta hor-qabataynta loo galay maamulkaas shisheeye. 13) Xog kasta oo lagu helay hor-qabataynta xiriirna la leh dacwad waxaa loo adeegsan karaa caddeyn ahaan maxkamadda dhexdeeda. 14) Haddii si ula-kac ah loo adeegsado qaab khaldan ee awoodaha ku jira Falkani wuxuu noqonayaa xad-gudub lagu mutaystan karo ciqaab xabsi oo dhan 3 (saddex) bilood arna ganaax dhan US$5,000 (shan kun doolar oo Mareykan ah ama Shillin Soomaali u dhigma) ama labadaba. Awoodaha Xirista 1) Sarkaal kasta oo ka tirsan ciidarnrnada amniga qof waa xiri karaa isagoo aan haysan oggolaansho rnaxkamadeed haddii uu hayo sababo rnacquul ah oo abuuraya tuhun ah in qofku sarneeyey, sarneynayo arna uu sameyn rabo fal-dembiyeed rnarka loo fiiriyo Xeerkan. 2) Qofka xeerkan lagu qabtay waxaa la hor keeni doonaa maxkarnad awood u leh rnuddo 48 saacadood gudahood ah ama rnaxkamadda ugu dhow halka qofkaas lagu qabtay. 3) Marka qofka la tuhunsan yahay la hor keenayo rnaxkarnadda, sarkaalka arnnigu wuxuu u gudbin doonaa garsooraha warbixin kooban oo rnuujinaysa: a) xaqiiqooyinka dacwadda iyo sababta xarigga; b) guud ahaan caddayrnaha la hayo; c) tilrnaan guud oo ku saabsan baarista la sarneeyey ilaa hadda iyo baarista la soo jeedinayo in la sarneeyo; iyo d) sababaha larna-huraanka ka dhigaya in la sameeyo muddo-kordhin baariseed si la-tuhunsanaha loogu sii hayo xarunta baarista. 4) Tallaabo kasta oo uu qaado garsooruhu hab waafaqsan waxyaalaha qodobkani dhigayo waxaa sida ugu dhaqso badan uu ugu wargelin doonaa Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud, sarkaalka qofka xiran keenay garsooraha hortiisa. Xarigga iyo Amarkaxabsi-u-gudbin 1) Maxkarnadda qofka xiran loo horkeenay hab waafaqsan qodobka sare ee sharcigan, waxay amri kartaa xabsi-u-gudbin ku-meel-gaar ah si qofka la tuhunsan yahay loogu sameeyo baaris ka hor inta aan dacwad lagu soo oogin. 2) Maxkamad awood u leh ayaa oggolaan karta xarigga noocaas ah si baaris dheeri ah loogu sameeyo, marka ay codsi ka hesho dembi-baare oo sheegaya: a) In ay jiraan sababo meel-mar ah oo lagu rurnaysan karo in xabsiga oo lagu sii hayo qofka codsigu khuseeyo ay muhiim u tahay in la helo xogta loo baahan yahay iyadoo rnarkaas la su’aalayo arna la ilaalinayo xogaha loo baahan yahay; iyo b) Baarista lagu sarneeyey qofka arrintu khusayso ay tahay mid loo sarneeyey si wanaagsan oo dhaqso 3) arrin kasta oo baaris lagu sarneynayo qofka la tuhunsan yahay si loo dhammeystiro baarista waxay noqon doontaa ugu badnaan 90 (sagaashan) maalrnood, iyadoo shuruuddu tahay in wadarta tirada rnaalmaha la haynayo qofka inta aan dacwad lagu soo oogin aanay ka badnaan karin 90 (sagaashan) rnaalrnood, haddii aan rnuddo• kordhin laga helin maxkamad awood u leh. Toddobaad kasta waa in maxkamadda lagu wargeliyaa halka dacwaddu marayso, iyadco maxkamadda laga codsan karo muddo-kordhin macquul ah. 4) Maxkamad awood u leh ayaa sii dayn karta qofka laga bixiyey amarka xariggiisa ee ku jira qodobkan haddii: a) aanay jirin sabab macquul ah oo lagu aarnino in qofka la tuhunsan yahay ku kacay ama ku lug lahaa si kastaba wax fal-dembiyeed ah marka la fi.iriyo xeerkan; ama b) aanay jirn dacwad lagu soo oogay qofka la tuhunsan yahay taasoo la leeyahay \\TUXUU fuliyey dembi marka la iriyo xeerkan muddo aan ka badnayn 60 maalmood gudahood laga soo bilaabo taariikhda amarka xar1gga. 5) Qof kasta oo la xiray codsiguna uu khuseeyo wuxuu xaq u yeelanayaa in uu sameeyo matalaad qoraal ah ama afka ah taasoo uu ka horjeedinayo maxkamadda wuxuuna xaq u yeelanayaa garyaqaan sharci oo matala inta dhegaysiga dacwaddu socoto haddii aanay maxkamaddu ku qancin, iyadoo uu sidaas codsanayo sarkaal, in xogta lagu taageerayo codsiga aan la siin qofka xiran ama garyaqaankiisa mid kamid ah sababahan soo socda awgood: a) Caddeynta dembigan marka la fiiriyo xeerkan la fara-gelin karo ama la waxyeelayn karo; b) Xarigga, dacwad-ku-soo-oogidda ama dembi-ku-helidda qofka la tuhunsan yahay marka la fiiriyo xeerkan in ay adkaanayso haddii xog uu sii helo; c) Ururinta xogta la xiriirta fulinta, diyaarinta iyo sameynta fal argagixiso in la fara-gelin karo; d) Qofka in la handado ama jir ahaan la dhaawaco; e) In xogtani ay caqabad ku tahay hantida loo hayo baarista xad-gudubkan marka la fiiriyo xeerkan; ama t) Ka-hortagga fal argagixiso ayaa wuxuu noqonayaa mid adkaada haddii qofkan la sii baraarujiyo. Qaadista Astaamaha Faraha iyo Muunadaha 3. Qofka la tuhunsan yahay waa in lagu wargeliyo in caddeynta laga helo loo adeegsan doono baarista fal-dembiyee 2. Haddii qofka xiran da’diisu ka yar tahay 18 (siddeed iyo toban) sano jir, oggolaanshaha waa in laga helo waalidka ama mas’uulka qofka xir Haddii qofka la xiray ee ka yar 18 (siddeed iyo toban) sano jirka aanu waalid lahayn ama cid ka mas’uul ahi jirin, maxkamad awooddeeda leh ayaa ka noqonaysa mas’uul. e) Muunad laga qaado qeyb jirka kamid ah oo aan sida caadiga ah loo arki karin in ay tahay qeyb gaar ah oo jirka d) Candhuuf laga qaaday afka; iyo c) Muunad laga qaado ciddi ama ciddida hoosteeda; b) Muunadda timaha; a) Faraha ama raadka maqaarka lugihiisa ama qeyb kamid ah jirkiisa; Sarkaal amni oo u xilsaaran baarista wuxuu muunadahan soo socda ka qaadi karaa qofka la tuhunsan yahay: Muunadahan soo socda waxaa laga qaadayaa qofka la tuhunsan yahay, hab waafaqsan faqradda 2″”d ee sare a) Muunad kasta oo dhiig, nude, dheecaan (dareere) ama tirno; b) Muunad kasta oo laga qaado dalool-jireed marka laga reebo afka; c) Muunad kasta oo laga qaado qeyb kasta oo jirka ah oo loo aqoonsan karo qeyb gaar ah oo jirka ka tirsan; d) Kaadi; ama e) Gaws. 5.Muunad kasta oo lagu qaaday hab waafaqsan faqradda 4(a) ilaa (c) ee sare ku xusan waa in uu qaadaa shaqaale tababar u leh xirfadahan. Sarkaal darajada uu doono leh ayaa qaadi kara muunadda ku xusan qodobka S””‘d (d) iyo(e). Haddii oggolaanshaha qaadista muunadda ku xusan faqradda 4 nod ee sare la diido iyadoo aanu sabab macquul ah bixin qofkaasi, dacwad kasta oo ka dhan ah qofkaas oo ku saabsan fal-dernbiyeed maxkarnad loo gudbiyey, maxkamaddu: (a) Marka la go’aaminayo haddii ay jirto dacwad ay tahay in laga ja waabo, waxaa laga yaabaa in ay tixraac ku samayso diidmadaas sida ay hadba ugu muuqato mid qumman; 1yo (b) Marka la go’aaminayo in qofku dembiile yahay marka la fiiriyo dembiga lagu oogay, waxaa tixraac lagu sameynayaa diidmada hadba sida ay u qumanaato arrintaasi. 8 .. Adeegsiga muunadda: faraha arna muunadda lagu qaaday qaab qodobkan waafaqsan iyo xog kasta oo lagu helay muunadahan waa la haynayaa, cidina uma adeegsan karto ujeeddo ka duwan baarista argagixisada ama ujeeddooyin la xiriira ka-hortagga ama ka war-helka fal-dembiyeed kasta, baarista fal- dembiyeedka arna dacwad-oogista. Hubinta Dekadaha iyo Xuduudaha Haddii qof ku lug leh fal argagixiso: (a) uu ku sugan yahay deked ama meel xad ah; ama (b) markab dushiisa ama diyaarad codsi ka soo gudbistay meel kasta oo kamid ah Soomaaliya gudo iyo dibad kii uu doonaba; iyo (c) sarkaal hubineed uu aarninsan yahay in joogista qofkaas ee dekedda ama xuduuddu ay xiriir la leedahay gelidda iyo ka-bixidda Soomaaliya, markab dushiisa ama diyaarad codsi ka soo gudbistay meel kasta oo karnid ah Soomaaliya gudo iyo dibad kii uu doonaba. Sarkaal amni wuxuu adeegsan karaa awoodihiisa ku xusan qodobkan ha u muuqato arna yaanay u muuqan sabab uu uga shakin karo in qofkaasi xiriir la leeyahay sameynta, diyaarinta ama fududaytnta fal argagixiso. Qofka lagu wareystay hab waafaqsan Qodobkani waa in uu: (a) siiyo sarkaalka hubinta xogta uu hayo ee sarkaalkaasi codsaday; (b) siiyo sarkaalka hubinta marka uu codsado baasaaboor shaqaynaya oo sawir wata arna dokumenti kale oo sugaya aqoonsigiisa; ( c) caddeeyo in uu hayo dokumentiga uu cayimay sarkaalka hubintu; iyo (d) siiyo sarkaalka hubinta dokumenti kasta oo uu sito oo ah nooca uu cayunay sarkaalka. Qofka lagu xiray hab waafaqsan faqraddani, haddii aan awood kale lagu xirin, waxaa lagu sii dayn doonaa muddo aan ka badnayn 9 (sagaal) saacadood marka laga bilaabo goortii hubintiisu bilaaba Si uu isaga qanciyo in ay jiraan dad uu rabo in uu su’aalo weydiiyo hab wafaaqsan faqradda kowaad ee sare, sarkaalka hubintu wuxuu baaris ku sameyn doonaa: (a) markab ama diyaarad; (b) waxa saaran markabka ama diyaaradda; ama (c) wax kasta oo uu rumaysan yahay in ay markabka ama diyaaradda saaran yihiin. Sarkaalka baaraha ah ee su’aal weydiiya qofka hab waafaqsan faqradda 1 and ee sate, wuxuu si uu u go’aamiyo in uu yahay qofka ku lug lahaa diyaarinta, fulinta ama fududaynta falka argagixiso: (a) baaris ku sameyn doonaa qofka; (b) in uu baaro wax kasta oo uu sito ama uu leeyahay ee saaran diyaaradda ama markabka; (c) in uu baaro wax kasta oo uu hays to ama leeyahay ee sarkaalka baaristu u arko in uu saarnaa ama la saarayo diyaaradda ama markabka; iyo (d) in uu baaro gaariga saaran markabka ama diyaaradda ama la saari rabo midkood. Sarkaalka baaristu wuxuu hubin karaa alaabaha qodobkani ku dabaqmo si uu u go’aamiyo in loo adeegsaday fulinta, diyaarinta arna bilaabista falal argagixiso. 8. Sarkaalka baaristu wuxuu kori karaa markab ama diyaarad ama wuxuu geli karaa gaari si uu u go’aamiyo in uu adeegsan karo awoodihiisa ku aaddan qaab waafaqsan qodobkan. Sarkaalka baaristu wuxuu qaban karaa wax kasta isagoo waafajinaya faqradda 3″”d (d) ee sare, ama wax kasta oo la baaray ama lagu helay baaris hab waafaqsan faqradda S””” ee sare ama lagu hubiyey faqradda 6″”0 ee sare: (a) si uu u baaro muddo aan ka badnayn toddoba maalmood oo ka bilaabanaysa maalinta qabashada alaabta bilaabanto (b) haddii uu aaminsan yahay in loogu baahan karo in loo adeegsado caddeyn ahaan; ( c) Haddii uu aarninsan yahay in loo adeegsan karo qaab xiriir la leh awoodda Wasiirka Amniga Gudaha ee looga saarayo dalka Soomaaliya. 10.Ujeeddooyinka Qodobkan (a) “Sarkaalka Baarista”waxaa loola jeedaa mid kamid ah kuwan soo socda: i) Sarkaal Boolis ii) Sarkaal N abad-sugid iii) Sarkaal laanta socdaalka ka tirsan,ama iv) Sarkaal Canshuuraha (Customs). (b) “Deked” waxaa ku jira gegida diyaaradaha, Goob waxaa loola dhaqmi doonaa deked ahaan haddii sarkaal baariseed aaminsanyahay in qof u tago si uu u koro ama uga dego markab ama diyaarad. (c) ”Xad” waxaa loola jeedaa xuduudda badda, berriga iyo hawada ee Dalka Soomaaliya. 11.Qofka wuxuu noqonayaa mid xad-gudub sameeyey haddii uu si ula-kac ah u hor• joogsado ama u carqaladeeyo baarista ama hubinta ku sugan faqraddaha 4, 5, 6 ama 7 ee sare waxaanu noqonayaa mid mutaysta ciqaab xabsi oo dhan ilaa 2 (laba) sano. Aqoonsashada sarkaal amni ayaa qaadi kara tallaabo kasta oo muhiim u ah: a) sawir ka qaadista qofka xiran b) cabirka qofka xiran, ama c) aqoonsashadiisa Faqradda kowaad ee sare, ‘sarkaal oggolaansho haysta’ waxaa loola jeedaa a) Sarkaal Amni: ama mid kasta oo kamid ah kuwan soo socda: b) Cid oggolaansho ka haysata ama ay u xilsaaarto \Xfasaaradda Amniga Gudaha Awoodaha Dheeriga ah iyo Xeerarka Isku-Dhafan La-wareegidda markii dembi lagu helay : Haddii cid hab waafaqsan Sharcigan loogu soo oogo dembi, laguna xukumo si kama dambays ah, Maxkamaddu waxay amar ku bixin kartaa in hanti kasta oo loo adeegsaday qaab la xiriira argagixiso ama lagu helay dembigan fulintiisa ama abaal-gud ahaa fulinta dembigaas, in lagu wareejiyo dawladda. Maxkamaddu amarkan ma bixinayso iyadoo aan la sameyn baaris macquul ah oo lagu sameynayo hantidaas iyadoo aanay maxkamadduna sameynaynin amar noocaas ah,sababta oo ah maxakamadda oo aan siinin fursad lagu dhegeysto qofkii dani uga jirtay (wax ku leh hantida si taos ah iyo si dadbanba). Hantida lala wareegay dawladda ayaa yeelanaysahaddii aan cid kale oo sheeganaysa aysan ka qaadan racfaan maxkamadda muddo 90 (sagaashan)maalmood gudaheed ah. Qodobka 29aad: La-wareegista – Guud ahaan Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka wuxuu weydiisan karaa maxkamadda awoodda u leh la-wareegidda hanti lagu milkiyey ama lagu maamulo magaca koox atgagixiso ah ama loo adeegsado ama loola clan leeyahay adeegsiga gabi ahaan ama qeyb ahaan fulinta fal argagixiso. Codsigu wuxuu noqon karaa mid lagu wargeliyo cidda ay khusayso iyo qof kasta oo kale kaasoo marka la fiiriyo maxkamadda ay tahay qof danaynaya hantida kaasoo isla markaana la siin doono fursad lagu dhegaysto. Qof kasta oo dani uga jirto hantida isla markaana aan la siin wax ogaysiis ah marka la fiiriyo faqradda z= ee Qodobkan, wuxuu codsi u goran karaa Maxkamadda awoodda u leh si loo baajiyo amarka 60 (lixdan) maalmood gudahood oo ka bilaabanaya goorta amarka la bixiyey. Xanibaadda Hantida Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka wuxuu codsi u gudbin karaa Maxkamadda awoodda u leh isagoo dalbanaya in si ku-meel-gaar ah loo joojiyo arrimaha la xiriira dhammaan lacagaha ama hantida kale ee ay leedahay, cid ku leedahay ama lagu hayo magaca: Qof lagu xukumay ama hadda lagu xukumayo Falkan; ama qof kasta oo kale oo la cayimay. 2. Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud Qaranka wuxuu codsi u gudbin karaa Maxkamadda awoodda u leh isagoo dalbanaya in si ku-meel-gaar ah loo joojiyo arrimaha la xiriira dhamrnaan lacagaha ama hantida kale ee ay leedahay, cid ku leedahay ama lagu hayo 1nagaca: (a) Koox argagixiso ah; (b) Qof rnucayan ama gaar ah oo looga shaki qabo in uu xubin ka ya.hay koox argagixiso ah, ama (c) Qof kastoo kale oo la cayimay. Amar la bixiyey iyadoo la adeegsanayo Qodobkan wuxuu: (a) ka mamnuucayaa cid kasta in ay lacag ka samayso ama hanti kale oo ay ka faa’iidaysan karaan kooxda argagixisada ah ama cidda looga shaki gabo; (b) Tilmaarnayaa qaabka loo bixinayo awoodda lacag looga sarneynayo arna hanti kale dadka noocaas ah iyo shuruudaha lagu qeexayo amarka; (c) Dalban karaa qofka in uu bixiyo xogta ama uu soo saaro dokurnentiyada ama rikoodhada qaab macquul ah loogu arko in loogu baahanyahay baarista xad-gudub marka la fiiriyo Xeerkan; ama (d) In lagu darn shuruudaha kale ee ay hadba maxkamaddu soo rogto. Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu: (a) Ogaysiis ka siin doonaa amarka: (i) Bangiyada, hay’adaha tnaaliyadda iyo kuwa ka ganacsada lacagacaha caddaanka ah; (ii) Cid kasta oo kale oo danaynaysa arna saarnayn ay ku yeelanayso arrintu; iyo (iii) qof kastoo kale oo uu garanayo ama uu tuhunsanyahay in ay hayso ama xaq ku leh hantida ay leedahay arna lagu hayo magaca kooxda argagixisida ah ama cid lagu tuhunsanyahay. Amarka lagu bixiyey hab waafaqsan Qodobkan, waxay muddadiisu ku egtahay 30 (soddon) maalmood laga bilaabo markii amarka la bixiyey, haddii aan maxkamadda awoodda u leh, intii ay dhegeysatey dhinacyada ka dib, aanay amar kale bixin oo sidaas ka duwan. Qodobka 31aad: Ku-Dhawaaqidda Koox Argagixiso ama Cid La Cayimay Haddii wasiirka wasaaradda u xilsaaran amniga gudaha uu hayo sabab macquul ah oo uu ku aamino in koox mucayan ahi ay ku lug leedahay hawlo argagixiso, wuxuu, isagoo cuskanaya xog sugan oo ay u soo gudbiyaan taliyeyaasha hay’adaha amniga Soomaaliyeed, isagoo wargelinaya cidda ay khusayso, wuxuu ku dhawaaqayaa in kooxdaasi tahay koox argagixiso ah iyadoo la raacayo Xeer Qof kasta oo dhib ka soo gaaro go’aanka waasiirka marka la fiiriyo Qodobkan, wuxuu codsi u qoran karaa Maxkamadda Sare si ay wax uga qabato isagoo sidaa ku sameynaya (90) sagaashan rnaalrnood gudahood oo ka soo bilaabmaya taariikhdii la daabacay amarka ama faafiyay. Oggolaanshaha Guud Ee Adeegsiga Nuqullada Habraac ama fal-dernbiyeed kasta ee ku saabsan Sharcigan, dokumenti kasta oo loo oggolaan karo in uu markhaati galo marka la soo saaro, nuqul kasta ama wax kasta oo laga soo dheegtay dokumentigaasi wuxuu noqon karaa mid markhaati gala iyadoo shuruuduna noqonayso in uu yahay nuqul la hubiyey ama dheegasho ama loo shardiyeeyo in uu saxiixay oo caddeeyey dhabnimadiisa sarkaalka nuqulka asalka ah lagu aaminay iyadoo looga baahan yahayna sarkaalkaas in uu siiyo nuqul la caddeeyey a.ma dheegasho qof kasta oo ku dalbada muddo macquul ah gudaheed, iyadoo qofkaasina uu bixinayo xaddi lacageed oo macquul ah. Caddeyn Shahaado Iyadoo la raacaya sida ku cad qodobbada 157 ilaa 161 ee Xeerka Habka Ciqaabta (ee la xiriira a.ragtida/ fikradda khabiirka), dacwad kasta oo la xiriirta Sharcigan, su’aal ayaa ka timaadda in wax kastaa ama walaxi tahay hub, halis, walax shucaac leh ama walax halis ah, kiimiko sun ah ama hub bayooloji ama sun, caddeyn lagu sheegay in ay saxiixeen cid ku habboon oo sheegaysa in shayga ama walaxda lagu sheegay caddeyntu ay tahay hub, halis, walax shucaac leh ama halis ah, sun ah a.ma walax bayooloji, waxay noqon doontaa mid la oggolaado caddeyn ahaa~iyadoo aan wadan caddeynta saxiix ama awoodda qofka u muuqda in uu saxiixay waxaanay, haddii caddeyntu maqan tahay taa ka soo hor-jeedkeeda, noqon doontaa caddeynta xaqiiqooyinka lagu sheegay meesha dhexdeeda. Cidda ku habboon waxa lagu qeexi doonaa xeer-nidaamiye In La Oggolaado Caddaymaha Elektaroonkiada ah iyo Hababka Casriga ah Habraac ama fal-dembiyeed kasta ee ku saabsan Sharcigan, caddeynta elektaroonikada ah iyo hababka baarista waa la oggol yahay in loo soo bandhigo caddeyn ahaan iyadoo shuruudduna tahay in rsooruhu ku qanco caddeyn-nimada maragga lagu caddeeyey hubin ama tasdiiqin af ah ama qoraal ah oo laga helayo qof aqoon toos ah u leh qaabka caddeyntaa lagu abuuray ama markhaati loo tixgeliyo in uu khabiir ku yahay takhasuskiisa. Qodobkan dartiis, erayadan soo socda waxay yeelan doonaan macnahan: ‘Khabiir‘ qof muujin kara in uu leeyahay, isagoo darsay atna khibrad u leh awgeed, khibrad ku ftlan oo ku saabsan arrinta laga hadlayo isagoo bixin kara fikrad khibrad xambaarsan oo gacan ka gaysan karta xallinta arrinta dacwada tnaxkamadda hortaal. ‘Caddeymaha Elektaroonikada ah‘ waxa ku jira inkasta oo aanay ku koobnayn sawirro; kayd lagu sameeyey kombuyuutaro kuwaas oo aan u baahnayn in aadane wax ku daro xogta la rikoor gareeyo marka laga tago diyaarinta barnaamijka, rakibaadda iyo dayactirka qalabka; kaydka muuqaalka ah iyo kuwa maqalka ah; soo dejinta (downloads) lagu sameeyey telefoonada gacanta, iyo qalabkakale ee war-isgaarsiinta. ‘Hababka Baarista‘ waxa ku mid ah sida; lafa-gurka faraha la sawiray,lafa• gurka hidde-sidaha (DNA), goobta uu yaallo teleefanka gacanta,lafa-gurka maqal iyo muuqalka ah, baarista goobta dembigu ka dhacay, baarista sawirrlada la xiriira,lafa-gurka calaamadaha qoryaha gacanta iyo qalabka,lafa-gurka gumacyada, baarista maydka, dabagalka lafa-gurka kiimikada, Haddii laga dhaliyo caddeynta qalab elektaronik ah ama mid gacmeed, marka la caddeeyo in qalabkaasi “xaalad shaqo oo caadi ah” ku suganyahay, waxa loo arki doonaa, ilaa inta laga caddeynayo taa lidkeeda, in uu ku sugnaa xaalad shaqo oo wanaag-san marka la fiiriyo xaaladda ay khusayso . Awoodda Qaadista Dacwadaha Xeerkan: 1- Maxkamadaha rayidka ayaa leh awoodda qaadista dacwadaha ka dhasha fal-dernbiyeedka argagaxisada ee uu Xeerkani tilmaamayo. 2- Cid kasta oo ay caddaato in ecdaynta loo soo jeediyey aysan aasaas lahayn kana soo gaarto waxyccllo-sharafeed iyo hantiyeed, wuxuu xaq u yeelanayaa, raalli• gelin, mag-dhaw u dhigma dhibaatada gaartey. Baabbi’in Waxaa la baabi’iyey dharnmaan wixii sharci ah oo ka soo horjeeda ama aan la socon karin xeerkan, marka laga reebo shuruucda caalamiga ah oo ay dawladda Soomaaliyeed aqoonsan tahay. Dhaqan-gal Xeerkani wuxuu dhaqan-gelayaa marka uu ans1xiyo baarlamaanku oo uu saxiixo Madaxweynaha JFS, isla markaana lagu soo saaro Faafinta Rasmiga ah ce Dawladda. Xigasho: RADIO GOOBJOOG Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda Federaalka Soomaliya Maxamed Abukar Islow Ducaale ayaa arbacii hore waxaa uu golaha shacabka horgeeyay hindise sharciyeedyka la-dagaalanka argagaxisada . Hindise sharciyeedkan waxaa uu ka hadlayaa: fal-argigixiso, koox argigixiso, xubin ka noqosho koox argigixiso, Fulinta ‘Shirqool’ Xad-gudub ku ah Sharcigan, Qorista Dad Xubno Ka-noqda Kooxo Argagixiso ama Ka-qeyb qaata Falal-argagixiso, Bixinta ama Helidda Tababar Argagixiso (tababare iyo la tababare), In Loo Raadiyo Ama La Siiyo Taageero Kooxo Argagixiso Si Loo Fuliyo Fal Argagixiso, Xad-gudubyada ka dhanka ah badbaadada duulimaadyada rayidka ah, Awoodaha barista iyo Awoodaha Xirista iyo arrimo kale Hadaba, Goobjoog News, waxaa ay akhristayaasheeda u soo gudbineysaa Hindise Sharciyeedka Argigixisada Oo Dhameystiran. “Fal Argagixiso” 1) “Fal argagixiso” haddii uusan sharcigu si kale u sheegin waxaa loola jeedaa: ficil ama fal hanjabaad ah oo ka dhaca gudaha ama dibadda dalka Soomaaliya taasoo ay ka dhalato mid kamid ah arrimaha soo socda: a) Dhimasho nafeed ama dhaawac jireed oo soo gaara qof ama shakhsiyaad; b) In halis la geliyo nolosha cid kale oo aan ahayn cidda ku kacaysa ama fulinaysa falka; c) Qabashada, af-duubka, hanjabaad, dil, dhaawac ama in xabsi lagu sii hayo qof kale; d) In la abuuro xaalad halis ah oo saamaysa nolosha 1yo badbaadada dadweynaha ama qeyb kamid ah dadweynaha e) Dhaawac ama dhibaato soo gaarta hantida dadweynaha ama .hantida gaarka loo leeyahay, oo ay ku jirto goobo dadweynuhu isticmaalo, dhisme dawladeed, nidaamka gaadiidka dadweynuhu adeegsado, dhaawac gaara kaabayaasha ama degaanka; f) Qabsashada ama af-duubid diyaarad, markab, doon ama gaadiid nooca uu doono ha ahaadee bad, berri iyo cir iyo in lagu hanjabo in khasaare hanti iyo naf la gaarsiiyo; g) In la adeegsado hub ama waxyaalaha qarxa; h) In lagu hanjabo ama lagu sii daayo degaanka ama qeyb karnid ah ama in lagu baahiyo ama loo banclhigo dadweynaha ama qeyb kamid ah dadweynaha halis nooca ay doonto ha ahaatee, khatar, walax shucaac leh ama sun halis ah nooca ay doonto ha ahaatee; i) Wax kasta oo loo qaabeeyey ama loola clan leeyahay in lagu carqaladeeyo nidaam kombuyuutar ama bixinta adeegyacla toos xiriir ula leh agabyacla kaabayaasha, isgaarsiinta, bangiyada ama adeegyada maaliyacleed, acleegyada korontada, biyaha iyo tamarta arna kaabayaasha kale ee muhiimka ah; j) Wax kasta oo loo qaabeeyey ama loola clan leeyahay in lagu carqalacleeyo bixinta adeegyada degclegga ah ee muhiimka ah sicla acleegga booliska, difaaca maclaniga ah ama adeegyada caafimaad ama weerar lagula kaco adeegyadan; iyo k) Falalka loo qaabeeyey ama loola clan leeyahay in lagu carqalacleeyo, lagu xannibo hawlaha ciidamada Soomaaliya iyo xoogaga hubaysan ama weerar loo gaysto ama xacl-gudub qalalaase wata oo lagu sameeyo xarumahooda, agabkooda ama gaacliidkooda. 2) In loola jeedo, ama marka la fiiriyo noociisa ama xaaladdiisa, si macquul ah loogu tixgelin karo in lala damacsanaa: a) In handadaad loo geysto dadweynaha ama qeyb kamid ah dadweynaha; b) ku qasbo dawlad ama urur caalami ah in ay sameyso, ama ay ka waantowdo sameynta fal; ama c)In si khatar ah loo qaso ama la baabi’iyo sharafta, madax-bannaanida, midnimada ama qaab-dhismeedka asaasiga ah ee siyaasadeed, dastuur, dhaqaale ama bulsho ee Soomaaliya. 3) Fal kasta oo carqalad ku ah adeegyada madaniga ah loona fuliyo la rabo in la sameeyo bannaan-bax nabad ah, mucaaradid, diidmo, ama joojin Shaqo, sida ku Cutubka 2aad ee Dastuurka ku-meel-gaarka ah. Waxaa, aan lagu gafayn fal-dembiyeed kale oo ka dhalan kara falka, loo arki doonaa in aanu ahayn fal argagixiso marka la fiiriyo macnaha qeexitaankan, ilaa inta falkani aanu ahayn mid loola jeedo in ay ka dhalato wax halis ah ama dhaawac ah sida kuwa lagu xusay faqradda 1(2) ee qodobkan. 4) Falalka ama hanjabaadaha falalka ku xusan faqraddal(a) ee qodobka iyaga oo aan ahayn qaar ku gabood falaya xad-gudubyada ku xusan xeerka ciqaabta iyo waxyaalaha ku qoran qodobka 13”d iyo qodobka 14″c1 ee xeer-ciqaabeed ku dabaqmi doonaan marka la fiiriyo dhanka baaxadda waxyaalaha ku qoran xeerkan, Koox Argagixiso iyo Hantideeda “Koox argagixiso ah” waxaa loola jeedaa – cid ujeeddooyinkeeda ama hawlaha ay qabato ay kamid yihiin sarneynta, abaabulidda, ku-dhiirrigelinta, ku-qancinta fududaynta fulinta fal argagixiso; ama Hanti argagixiso leedahay: waxaa loola jeedaa – (A)Dakhli iyo raasumaal loo adeegsado fulinta fal argagixiso; (B) Lacag ama hanti loo adeegsado, loo adeegsanayo, ama ay muuqato in loo adeegsan karo/ doono fal argagixiso. (C) Lacag ama hanti ay adeegsadeen, adeegsanayaan, arna adeegsan rabaan shakhsi ama koox argagixiso; ama (D) Han ti ay leedahay /leeyahay ama ay maamusho ama lagu maamulo magaca koox ama shakhsi argagixiso ah, si toos ah ama dadban. Diyaar-garow Qof kasta oo ku lug leh, sida ay doontaba ha noqotee, diyaar-garowga fulinta fal argagixiso si ula-kac ah wuxuu noqonayaa mid sameeyey fal-dembiyeed, waxaanu mutaysanayaa xabsi muddo gaaraysa 4 (afar)ilaa 10(tobon) sano. Hagidda fulinta fal argagixiso Qof kasta oo isagoo og haga ama ku amra qof in uu fuliyo fal argagixiso wuxuu qofkaasi ku kacay xad-gudub waxaana mutaysanayaa xabsi muddo 10 (toban) ilaa 20 (labaatan) sano ah. Xubin Ka-noqoshada Koox Argagixiso Qof kasta oo isagoo og xubin ka ah, ama sheega in uu xubin ka yahay urur argagixiso ah wuxuu qofkaasi sameeyey xad-gudub waxaanu, marka lagu caddeeyo ka dib, mutaysan doonaa qofkaasi xabsi muddo dhan 5 (shan) ilaa 10 (toban) sano. Waxaa difaac u noqon kara qofka lagu eedeeyey xad-gudub marka la fiiriyo faqradda (1) ee Qodobkan in uu caddeeyo in cidda lagu eedeeyey uu xubin ka yahay aanay ahayn urur argagixiso goorta ama taariikhda uu isagu ama iyadu xubin ka noqotay ama sheegtay in uu xubin ka yahay ciddaas, iyo in aanu isagu ama iyadu wax qeyb ah ka qaadan hawlaha ciddaas, markii ay noqotay urur argagixiso Marka la go’aaminayo in qof xubin ka yahay urur argagixiso iyo inkale, maxkamaddu waxay tixgalin kartaa arrirnahan soo socda:a) Haddii ay jirto sabab macquul ah oo lagu aamino in qofka la dacweeyey uu u hanqal taagayo mabaadi’da kooxdaas argagisida ah;b) Haddii eedaysanuhu isagoo og uu ka helay lacag ama agab urur argagixiso ah;c) Haddii eedaysanuhu uu qaatay magaca, midabka, astaanta, luqadda, calaamadda ama wax kale oo matala lalana xiriiriyo urur argagixiso; iyo d) Haddii eedaysanuhu isagoo og xiriir la yeesho xubno la ogyahay oo ka tirsan urur argagixiso ah. Qorista Dad Xubno Ka-noqda Kooxo Argagixiso ama Ka-qeyb qaata Falal-argagixiso Qof kasta oo isagoo og oggolaada in uu kamid noqdo, ama cid kale ku soo dara gudaha iyo dibedda dalkaba- (a) Inay kamid noqdaan koox argagixiso; ama (b) Inay ka qeyb qaadato fulinta fal argagixiso, wuxuu qofkaasi ku kacay xad-gudub waxaanu mutaysan doonaa xabsi dhan 5 (shan) ilaa 10 (toban) sano ah. Bixinta ama Helidda Tababar Argagixiso (tababare iyo la tababare) Qof kasta oo isagoo og: 1) bixiya tilrnaan ama tababar ku saabsan xirfad, xirfadahaas oo ay ku iiraan balse aan ku koobnayn – a) sameynta iyo ka shaqaynta wax kasta oo qarxi kara ama sun ah; b) adeegsiga qaabkasta ama hab kasta oo loo sameyn karo wax kasta oo kale oo ujeeddada laga leeyahay ay tahay fulinta ama fududaynta fulinta fal argagixiso; ama c) sameynta layliyada milatari ama dhaqdhaqaadooda; isagoo og waqtiga uu bixinayo tilmaamaha ama tababarka in qofka uu siinayo tilrnaamaha ama tababarku uu rabo in uu u adeegsado xirfadahaas loo tilmaamay ama lagu tababaray arrimo la xiriira argagi.xiso ama uu rabo in uu ku fuliyo fal-argagixiso ama uu ku kaalmeeyo fulinta ama u diyaarinta dad kale inay fuliyaan fal noocaas ah ama xad-gudub, qofkaasi wuxuu sameeyey xad-gudub wuxuuna mutaysanayaa xabsi muddo u dhaxaysa 10 (toban) sano ilaa xabsi daa’im iyadoo garsooruhu uu tixgalinayo xaaladaha dambiga fududeeya ama cusleeya ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.(XCS) 2) Qof kasta oo hela tilmaamo ama tababar nooc kasta oo kamid ah xirfadaha lagu xusay faqraddal”ad(a) ee sare isagoo waqtiga uu tilmamaha ama tababarka qaadanayana ujecddadiisu tahay in uu u adeegsado tilrnaamahaas la siiyey fal-argagixiso ama arrimo la xiriira fulinta ama u diyaar-garowga falal argagixiso ama ugu kaahnaynta kuwa kale in ay fuliyaan falal noocaas ah qofkaasi wuxuu galay xad-gudub, wuxuuna mutaysan doonaa xabsi muddadiisu dhan tahay 10 (toban) sano ilaa xabsi daa’im. Abaabulka ama Dhiirri-gelinta Fulinta Fal Argagixiso 1) Iyadoo la tixraacayo qodobada 18”d iyo 38″d ee Dastuurka ku-meel-gaarka ah iyo xaqa xorriyadda loo leeyahay in la cabbiro fikir, waxay noqonaysaa xad-gudub in qof si ula-kac ah: (a) U abaabulo, tebiya codadkooda, tebiya war aan dhab ahayn, xayeysiiya, buun-buuniya ama dhiiri-geliya si kastaba in lagu kaco fal argagixiso; ama (b) in uu abaabulo ama dhiirri-geliyo si kastaba in xubin laga noqdo urur argagixiso. 2) Qofkaasina wuxuu mutaysanayaa, haddii aanu noqon falkaasi mid keena xadgudub ka culus, xabsi dhan 3 (saddex) ilaa 10 (toban) sano.wxuxuu qofkaasi ku kacay xad-gudub waxaanu mutaysan doonaa xabsi dhan 5 (shan) ilaa 10 (toban) sano ah. Bixinta ama Helidda Tababar Argagixiso (tababare iyo la tababare) Qof kasta oo isagoo og: 1) bixiya tilmaan ama tababar ku saabsan xirfad, xirfadahaas balse aan ku koobnayn – a) sameynta iyo ka shaqaynta wax kasta oo qarxi kara ama sun ah; b) adeegsiga qaabkasta ama hab kasta oo loo sameyn karo wax kasta oo kale oo ujeeddada laga leeyahay ay tahay fulinta ama fududaynta fulinta fal• argag1xiso; ama c) layliyada milatari ama dhaqdhaqaadooda; isagoo og waqtiga uu bixinavo tilmaamaha ama tababarka in qofka uu siinayo tilmaamaha arna tababarku uu rabo in uu u adeegsado xirfadahaas loo tilmaamay ama lagu tababaray arrimo la xiriira argagixiso ama uu rabo in uu ku fuliyo fal- argagixiso ama uu ku kaalmeeyo fulinta ama u diyaarinta dad kale inay fuliyaan fal noocaas ah ama xad-gudub, qofkaasi wuxuu sameeyey xad-gudub wuxuuna mutaysanayaa xabsi muddo u dhaxaysa 10 (toban) sano ilaa xabsi daa’im iyadoo garsooruhu uu tixgalinayo xaaladaha dambiga fududeeya ama cusleeya ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.(XCS) 2) Qof kasta oo hela tilmaamo ama tababar nooc kasta oo kamid ah xirfadaha lagu xusay faqraddal””d(a) ee sare isagoo waqtiga uu tilmamaha ama tababarka qaadanayana ujeeddadiisu tahay in uu u adeegsado tilmaamahaas la siiyey fal-argagixiso ama arrimo la xiriira fulinta ama u diyaar-garowga falal argagixiso ama ugu kaalmaynta kuwa kale in ay fuliyaan falal noocaas ah qofkaasi wuxuu galay xad-gudub, wuxuuna mutaysan doonaa xabsi muddadiisu dhan tahay 10 (toban) sano ilaa xabsi daa’im. Abaabulkaama Dhiirri-gelinta Fulinta Fal Argagixiso 1) Iyadoo la tixraacayo qodobada 18″‘” iyo 38″d ee Dastuurka ku-rneel-gaarka ah iyo xaqa xorriyadda loo leeyahay in la cabbiro fikir, waxay noqonaysaa xad-gudub in qof si ula-kac ah: (a) U abaabulo, tebiya codadkooda, tebiya war aan dhab ahayn, xayeysiiya, buun• buuniya ama dhiiri-geliya si kastaba in lagu kaco fal argagixiso; ama (b) in uu abaabulo ama dhiirri-geliyo si kastaba in xubin laga noqdo urur argagixiso. 2) Qofkaasina wuxuu mutaysanayaa, haddii aanu noqon falkaasi mid keena xad-gudub ka culus, xabsi dhan 3 (saddex) ilaa 10 (toban) sano. Fulinta ‘Shirqool’ Xad-gudub ku ah Sharcigan a) Heshiis ama is-afgarasho kasta oo dhexmara laba qof ama ka badan si ay u fuliyaan “fa! argagixiso” ama fal kale oo xad-gudub ku ah sharcigan waxa, iyadoo la eegayo qodobka 76′”d ee xeerka ciqaabta, loo ciqaabi doonaa in uu yahay shirqool in la fuliyo fa! ama xad-gudub iyadoo haddii aan la fulin falkaas ama xad-gudubka ay weli ka dhalan doonto ciqaab xabsi muddo dhan 3 (saddex) ilaa 10 (toban) sano. b) Qof kasta oo shirqool maleega isagoo la kaashanaya qof kale dalka Soomaaliya gudihiisa meel kamid ah si uu uga fuliyo fal meel ka baxsan dhulka Soomaaliya, kaasoo ah fal haddii lagu sameeyo Soomaaliya dhexdeeda noqon lahaa mid loo arko xad-gudub marka la fiiriyo sharcigan, waxaa loo arki doonaa qofkaasi in uu shirqool malecgay oo uu doonayey in uu falkaas ka fuliyo Soomaaliya dhexdeeda; iyo c) Qof kasta oo la fuliya shirqool qof kale meel ka baxsan dalka Soomaaliya si uu fol uga sarneeyo dhulka Soomaalida falkaasoo marka la fiiriyo Sharcigan noqonaya xad-gudub waxaa loo arki doonaa shirqool laga fuliyey Soomaaliya gudaheed Qodobka 15aad: Is-hortaag-caddaaladeed (1) Qof kasta oo si ula-kac ah isugu daya in uu hor-joogsado, weeciyo arna buriyo cadaaladda waa qof xad-gudub ku kacay marka la fiiriyo xeerkan. (2) Qof kasta oo markhaati ah ama sarkaal dawladeed ah oo ku lug !eh dacwad socota oo sharcigani ku dabaqmo oo si ula-kac ah: (a) u adeegsada xoog ama hanjabaad; (b) u hanjaba ama isku daya in uu u hanjabo; (c) ka joojiya ama isku daya in uu ka joojiyo in uu bixiyo caddeyn; (d) ku qasba in uu keeno caddeyn been ah; (e) fara-gelin ku sameeya bixinta caddeynta; (f) fara-gelin ku sameeyo bixinta caddeyn si uu u carqaladeeyo habraaca garsoorka; (g) u ballan-qaada, siiya nacfi ama wax-dheef; ama (h) qariya, degaan ka ijaara, marti-geliya qof si mug leh loogu tuhunsan yahay argaguasanrumo. (3) wuxuu qofkaasi sameeyey xad-gudub uu ku mutaysanayo ciqaab xabsi oo u dhexeeya 2 (labo) ilaa 5 (shan) sano. Waajibka In La Daah-Furo Xogta La Xiriirta Xad-gudubyada ama Falalka Argagixiso Qof kasta oo haya xog gacan ka geysan karta in: (a) Laga hortago in qof kale sameeyo “fal argagixiso”; ama (b) La xiro ama dacwad lagu soo oogo qof kale oo xad-gudub sameeyey marka la fiiriyo Sharcigan, wuxuu si aan dib-u-dhac lahayn ugu daah-furi doonaa xogtaas askari ama sarkaal ciidanka amniga ah. Ma jiro wax ku jira faqradda laad ee qodobkan oo khasab ka dhigaya in la daah- furo xog dhawrsan. Dacwad madani ah iyo mid dembiyeed toona laguma soo oogayo, qof haddii uu xog ku daah-furay niyad-sami, marka la furiyo faqradda 1 and ee qodobkan. Qof kasta oo u hoggaansami waaya faqradda 1 and ee xeerkani wuxuu sameeyey xad-gudub, wuxuuna mutaysan doonaa xabsi muddo aan ka badnayn ilaa 3 (saddex) sano. In Loo Raadiyo Ama La Siiyo Taageero Kooxo Argagixiso Si Loo Fuliyo Fal Argagixiso Qof kasta oo isagoo og, qaab kasta: (a) Ugu raadiya taageero, arna siiya taageero agab ama ilo sida ku qeexan qodobka 3aad ee Sharcigan, urur agagixiso; ama si loo fuliyo fal argagixiso; ama (b) Qofkaasi wuxuu sameeyey xad-gudub, wuxuuna haddii aanu falkiisu noqon mid halis ah, noqon doonaa mid mutaysta xabsi muddo ilaa 5 (shan) sano ah. Taageerada, rnarka la fiiriyo faqradda 1 aad ee Qodobkan waxaa kamid ah, balse aan ku koobnayn: (a) In la oggolaado in la bixiyo, arna bix.inta dokurnentiyo safar oo la been abuuray iyadoo dokumentiyadaas la siinayo xubin ka tirsan koox argagixiso; (b) In la oggolaado in la bixiyo, ama bixinta xirfad arna khibrad looga faa’iidaynayo, ama loo jihaynayo ama lala sameynayo koox argagixiso ah; (c) Gelidda ama ku negaashaha dal si loogu faa’iideeyo iyadoo a.mar laga helayo a.ma xiriir lala leeyahay urur argagixiso ah gudaha iyo dibaddaba; ama (d) Fal-dembiyeedyada ku xusan Xarfaha a, b iyo c ee farqadda 2″” ee qodobkan waxay isku si ugu dabaqmayaan argagixisada Soomaalida ah iyo ajnabigaba. Qofkaasi wuxuu sameeyey xad-gudub, wuxuuna mutaysan doonaa xabsi u dhaxeeya 10 (toban) sano ilaa xabsi daa’im. Qodobka 18aad: U Adeegsiga Han ti ama Lacag si loo Fuliyo F alal Argagixiso Qof kasta oo si ula-kac ah: (a) Isticmaala hanti ama lacag, taos ama dadab, gebi ahaan ama qeyb ahaan, iyadoo ujeeddada uu ka leeyahayna tahay fulinta ama fududaynta in la fuliyo fal argagixiso; ama (b) Haysta hanti ama lacag loola clan leeyahay in loo adeegsado ama la ogyahay in loo adeegsan doono ama ay jirto sabab macquul ah oo looga shakiyo in loo adecgsan karo, si taos ah iyo si dadbanba, gebi ahaan iyo qeyb ahaan ujeeddo ah in lagu fuliyo ama lagu fududeeyo fulinta fal argagixiso. Qofkaasi wuxuu sameeyey xad-gudub, wuxuuna haddii aanu falkiisu noqon mid halis ah, noqon doonaa qof mutaysta xabsi muddo dhan 10 (to ban) ilaa 15 (shan iyo toban) sano. Qodobka 19aad: Af-duubka gaadiidka cirka, badda iyo dhulka 1) Qof kasta oo saaran diyaarad hawada ku jirta kaasoo maamulka diyaaradda kula wareega xoog, hanjabaad sameeya ama nooc kasta oo handadaad ah, wuxuu mutaysanayaa ciqaab xabsi oo dhan 20 (labaatan) sano ilaa xabsi daa’im. 2) Qof kasta oo saaran markab ama doon kaasoo maamulka xoog kula wareega, hanjabaad sameeya ama nooc kasta oo handadaad ah haddii aysan ka dhalan dembiyo ka culus ujeeddadiisuna tahay argagixiso wuxuu mutaysanayaa ciqaab 10 (toban) ilaa 15 (shan iyo toban) sano. 3) Qof kasta oo gaadiidka dhulka af-duub kula wareega ama wax ku af-duuba isagoo ujeeddadiisuna tahay fulin fal argagixiso, hanjabaad sameeya ama nooc kasta oo handadaad ah, haddii aysan ka dhalan dembiyo ka culus, wuxuu mutaysanayaa ciqaab xabsi oo dhan 5 (shan) ilaa 10 (toban) sano. Xad-gudubyada ka dhanka ah badbaadada duulimaadyada rayidka ah Qof kasta oo isagoo og ku kaca mid kamid ah falalka soo socda: a) Fal qalalaase oo ka dhan ah qof saaran diyaarad duulimaad Im jirta, haddii falkaasi ay suura-gal tahay in uu halis gelinayo badbaadada diyaaraddaas; b) burburinta diyaarad shaqaynaysa, ama in la sababo in dhaawac hawl-gab ka dhigaya ama halis gelin kara nabadgelyada diyaarad duulimaad ku jirta soo gaaro diyaaraddaas; c) in la dhex-dhigo arna la sababo in la dhex-dhigo diyaarad shaqaynaysa, dariiqii la doonaba ha la adeegsadee, walax ama qalab burburin kara diyaaraddaas, ama u geysta waxyeelo hakad gelin karta duulimaadka, ama la sababo waxyeello ay suura-gal tahay inay halis geliso badbaadadeeda inta ay duulimaadka ku jirto; d) in la burburiyo ama la dhaawaco agabka hagista diyaaradaha ama la fara-geliyo hawlihiisa, haddii fal noocaas ahi ay suura-gal tahay in uu halis geliyo badbaadada diyaaradda ku jirta duulimaad; ama e) in la sheego war qofku uu ogyahay in uu been yahay, isagoo markaa halis gelinaya badbaadada diyaarad ku jirta duulimaa 2. Fal-dembiyeedkaas waxaa lagu mutaysan doonaa ciqaab xabsi oo dhan 10 (toban) sano ilaa xabsi daa’irn. 3. Qof kasta oo u hanjaba sarkaal ama garsoore, iyadoo u jeeddaduna tahay inuu ku khasbo ama ka hor-istaaga sameynta fal, qofkaas wuxuu sameeyey xad-gudub sida ku cad faqraddaha l(a), (b) ama (d) ee qodobkan, haddii hanjabaaddaasi ay suura-gal tahay in ay halis geliso ammaanka diyaarad, haddii falkaasi noqdo mid ujeeddadiisu tahay fal argagixiso, waxay noqon doontaa hanjabaaddaasi mid lagu mutaysto ciqaab xabsi oo dhan 5 (shan) ilaa 10 (toban) sano haddii uusan ka dhalan dembi ka culus. Xad–gudubyada ka dhanka ah badbaadadagaroornadau adeega duulirnaadyo rayid ah Qof kasta oo ku kaca mid kamid ah falalka soo socda, isagoo adeegsanaya qalab kasta, walax ama hub, haddii falkaasi uu suura-gal yahay in uu halis geliyo badbaadada garoon u adeegaya duulimaadyo caalami ah: a) fal qalalaase oo lagula kaco qof ku sugan garoon diyaaradeed oo u adeegaya duulimaadyo rayid ah (gudaha iyo caalamiba) taasoo keeni karta ama keenaysa dhaawac halis ah ama dhimasho; ama b) in la burburiyo ama si aad ah loo waxyeeleeyo agab uu leeyahay garoon diyaaradeed oo u adeegaya duulimaadyo caalami ah ama diyaarad aan ku jirin shaqo oo taalla goobtaas ama in la khalkhal-geliyo adeegyada garoonkaas diyaaradaha; 2. waxa lagu mutaysan doonaa ciqaab xabsi oo 15 ilaa 30 (shan iyo toban ilaa soddon) sano ah. Awoodaha Baarista Hor–qabatayntalagu sarneeyo adeegga isgaarsiinta Iyadoo loo eegayo arrimaha soo socda ama marka ay cidi codsi uga gudbiso garsoore maxkamad gobol, oggolaansho ayaa la bixin doonaa lagu oggolaanayo ama lagu farayo in qofka ay ku socotaa uu hubiyo mid arna ka badan oo arrimaha soo socda ah: a) Hor-qabatayn la sameeyo inta uu socdo xiriirka loo adeegsanayo adeegga boostada ama nidaam isgaarsiineed xiriirka ku tilmaaman oggolaanshaha; b) Bixinta kaalmo noocaas ah ama nooc hor-qabatayn lagu sameeyo xiriir sida ku dhigan heshiiska caalamiga ah ee is-garabsiga; ama c) Daah-furka wax kasta oo lagu helay hor-qabatayntaas la oggolaaday ama lagu dalbay oggolaanshaha hor-qabataynta xog-xiriireedka oo nooc kasta ah. Haddii dhaqso loogu baahdo, waxaa oggolaanshaha saxiixi kara saraakiisha ku xusan qodobka 21 and faqraddiisa s= balse waa in uu 24 saac gudahood ku oggolaado garsoore maxkamad gobol. Garsooruhu ma bixinayo oggolaanshahaas haddii aanu ku qanacsanayn: a) In oggolaanshuhu u danaynayo amniga qaranka ama loo adeegsanayo ka hortagga ama ogaanshaha dembiyo halis ah ama leh ujeeddo lagu ilaalinayo dhaqaalaha Soomaaliya; iyo b) Waxa lagu oggolaaday oggolaanshuhu waa in uu noqdo mid u qalrna wixii la rabay in lagu gaaro. 4) Fiiro dheeraad ah waa in loo yeesho haddii: a) Oggolaanshaha ay ka dhalanayso in hor-qabatayn loo galo sharci ahaan xiriiro dhawrsan; b) Haddii ay suura-gal tahay in oggolaanshaha ay ka dhalato in la hor qabateeyo xog wariyenirno oo sir ah taasoo ay ku jirto wax lagu helay ama loo abuuray ujeeddo wariyenimo lalana damacsanaa in sir ahaan loo hayo; c) Xog sir ah oo gaar ah ama shakhsi oo la xiriirta caafimaadka maskaxeed ama jireed ama talo ruuxi ah; d) Xaaladaha noocaan ah garsooruhu wuxuu tixgelin doonaa ama gorsooruhu waa in uu tixgeliyo qiimeyn lagu sameynayo sida xog noocaas ah lagu hor-qabataynayo marka go’aan laga gaarayo arrirnaha ku taxan 3(a) iyo(b) ee sare ku xusan. 5. Oggolaansho hor-qabatayn isgaarsiineed waxaa lagu bixin karaa oo keliya haddii Mas’uuliyiinta hoos ku cayiman ama magacooda lagu soo codsado: a) Agaasirnaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka & Nabad-sugidda Soomaaliyeed; b) Taliyaha Ciidanka Booliska Somaaliyeed; c) Agaasimaha Guud ee Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soornaaliyeed; ama d) Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. 6) Codsiga waa in lagu qeexo tihnaanta xiriirada la rabo in hor-qabatayn lagu sameeyo, faahfaahinta cidda adeegga bixisa iyo sharaxaad ku saabsan sababta hor-qabatayntaasi muhiim u tahay. Codsiga waa in sidoo kale lagu daro ballan qaad in wixii lagu helo hor-qabatayntaas loola macaarnilayo hab waafaqsan Qeyb-hoosaadka 11 iyo 12 ee hoose. 7) Haddii nuqul oggolaanshahaas ah loo geeyo qofka ku xusan oggolaanshaha, qofkaas nuqul isla oggolaanshahaas ah wuxuu u geyn karaa cidda la is- leeyahay gacan ayey ka geysan kartaa arrinta. 8) waxay noqonaysaa rnas’uuliyadda qofka oggolaanshaha la siiyey inuu qaado tallaabooyin lagu dhaqan-gelinayo oggolaanshahaas hadba sidii suura-gal ugu ah. 9) Qofka si ula-kac ah aan ugu hoggaansarnin xilkiisa ku xusan qeyb-hoosaadka S wuxuu noqon doonaa rnid gefay wuxuuna mutaysan doonaa haddii ay ku caddaato ciqaab xabsi oo aan ka badnayn 3 (saddex) bilood ama ganaax dhan US$5,000(shan kun doolarkaMareykanka)ama labadaba. 10) Oggolaanshaha hor-qabatayntu wuxuu noqon doonaa mid shaqeeya keliya muddo 3 (saddex) bilood ah. \Vaxaa kordhin kara muddada maxkamad awood u leh iyadoo ku dari karta 3 (saddex) bilood oo kale haddii codsi ay hesho. Garsooraha rnaxkamadda awoodda lihi waa in uu ku qanco in kordhinta la raadsaday ay tahay mid muhiim ah lana jaan-qaadaysa qeyb-hoosaadka 3 iyo 4 ee sare ku xusan. 11) Waxay noqonaysaa mas’uuliyadda codsadaha in uu hubiyo, rnarka laga xaaladaha ku xusan qeyb-hoosaadka 12 ee hoose, in: reebo a) Tirada dadka xogta la helay la tusay ama loo daah-furay; b) ilaa xadka xogta la helay la baahiyey ama la wadaagay; c) In lagu koobo inta ugu yar ee u muhiimka ah ujeeddadii loo oggolaaday isla marka xogtaa la ururiyey ay dhaafto goortii ay muhiimka ahayd, waa in la baabi’iyo nuqul kastana la tirtiro. 12) Codsadaha waajib kama saarna in uu buuxiyo shuruudaha ku xusan qeyb• hoosaadka 11 aad (a) iyo (b) haddii lagu wareejiyo xogta dawladaha shisheeye iyo hay’adaha amniga ee caalamiga ah, waxaase xil ka saaran yahay in uu fiiriyo in Dawladahaas leeyihiin shuruudo noocaas ah iyo in ay leeyihiin dhawrsanaanshaha ku sugan faqradda 1 l””d marka la fiirinayo in loo daah-furo xogta hor-qabataynta loo galay maamulkaas shisheeye. 13) Xog kasta oo lagu helay hor-qabataynta xiriirna la leh dacwad waxaa loo adeegsan karaa caddeyn ahaan maxkamadda dhexdeeda. 14) Haddii si ula-kac ah loo adeegsado qaab khaldan ee awoodaha ku jira Falkani wuxuu noqonayaa xad-gudub lagu mutaystan karo ciqaab xabsi oo dhan 3 (saddex) bilood arna ganaax dhan US$5,000 (shan kun doolar oo Mareykan ah ama Shillin Soomaali u dhigma) ama labadaba. Awoodaha Xirista 1) Sarkaal kasta oo ka tirsan ciidarnrnada amniga qof waa xiri karaa isagoo aan haysan oggolaansho rnaxkamadeed haddii uu hayo sababo rnacquul ah oo abuuraya tuhun ah in qofku sarneeyey, sarneynayo arna uu sameyn rabo fal-dembiyeed rnarka loo fiiriyo Xeerkan. 2) Qofka xeerkan lagu qabtay waxaa la hor keeni doonaa maxkarnad awood u leh rnuddo 48 saacadood gudahood ah ama rnaxkamadda ugu dhow halka qofkaas lagu qabtay. 3) Marka qofka la tuhunsan yahay la hor keenayo rnaxkarnadda, sarkaalka arnnigu wuxuu u gudbin doonaa garsooraha warbixin kooban oo rnuujinaysa: a) xaqiiqooyinka dacwadda iyo sababta xarigga; b) guud ahaan caddayrnaha la hayo; c) tilrnaan guud oo ku saabsan baarista la sarneeyey ilaa hadda iyo baarista la soo jeedinayo in la sarneeyo; iyo d) sababaha larna-huraanka ka dhigaya in la sameeyo muddo-kordhin baariseed si la-tuhunsanaha loogu sii hayo xarunta baarista. 4) Tallaabo kasta oo uu qaado garsooruhu hab waafaqsan waxyaalaha qodobkani dhigayo waxaa sida ugu dhaqso badan uu ugu wargelin doonaa Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud, sarkaalka qofka xiran keenay garsooraha hortiisa. Xarigga iyo Amarkaxabsi-u-gudbin 1) Maxkarnadda qofka xiran loo horkeenay hab waafaqsan qodobka sare ee sharcigan, waxay amri kartaa xabsi-u-gudbin ku-meel-gaar ah si qofka la tuhunsan yahay loogu sameeyo baaris ka hor inta aan dacwad lagu soo oogin. 2) Maxkamad awood u leh ayaa oggolaan karta xarigga noocaas ah si baaris dheeri ah loogu sameeyo, marka ay codsi ka hesho dembi-baare oo sheegaya: a) In ay jiraan sababo meel-mar ah oo lagu rurnaysan karo in xabsiga oo lagu sii hayo qofka codsigu khuseeyo ay muhiim u tahay in la helo xogta loo baahan yahay iyadoo rnarkaas la su’aalayo arna la ilaalinayo xogaha loo baahan yahay; iyo b) Baarista lagu sarneeyey qofka arrintu khusayso ay tahay mid loo sarneeyey si wanaagsan oo dhaqso 3) arrin kasta oo baaris lagu sarneynayo qofka la tuhunsan yahay si loo dhammeystiro baarista waxay noqon doontaa ugu badnaan 90 (sagaashan) maalrnood, iyadoo shuruuddu tahay in wadarta tirada rnaalmaha la haynayo qofka inta aan dacwad lagu soo oogin aanay ka badnaan karin 90 (sagaashan) rnaalrnood, haddii aan rnuddo• kordhin laga helin maxkamad awood u leh. Toddobaad kasta waa in maxkamadda lagu wargeliyaa halka dacwaddu marayso, iyadco maxkamadda laga codsan karo muddo-kordhin macquul ah. 4) Maxkamad awood u leh ayaa sii dayn karta qofka laga bixiyey amarka xariggiisa ee ku jira qodobkan haddii: a) aanay jirin sabab macquul ah oo lagu aarnino in qofka la tuhunsan yahay ku kacay ama ku lug lahaa si kastaba wax fal-dembiyeed ah marka la fi.iriyo xeerkan; ama b) aanay jirn dacwad lagu soo oogay qofka la tuhunsan yahay taasoo la leeyahay \\TUXUU fuliyey dembi marka la iriyo xeerkan muddo aan ka badnayn 60 maalmood gudahood laga soo bilaabo taariikhda amarka xar1gga. 5) Qof kasta oo la xiray codsiguna uu khuseeyo wuxuu xaq u yeelanayaa in uu sameeyo matalaad qoraal ah ama afka ah taasoo uu ka horjeedinayo maxkamadda wuxuuna xaq u yeelanayaa garyaqaan sharci oo matala inta dhegaysiga dacwaddu socoto haddii aanay maxkamaddu ku qancin, iyadoo uu sidaas codsanayo sarkaal, in xogta lagu taageerayo codsiga aan la siin qofka xiran ama garyaqaankiisa mid kamid ah sababahan soo socda awgood: a) Caddeynta dembigan marka la fiiriyo xeerkan la fara-gelin karo ama la waxyeelayn karo; b) Xarigga, dacwad-ku-soo-oogidda ama dembi-ku-helidda qofka la tuhunsan yahay marka la fiiriyo xeerkan in ay adkaanayso haddii xog uu sii helo; c) Ururinta xogta la xiriirta fulinta, diyaarinta iyo sameynta fal argagixiso in la fara-gelin karo; d) Qofka in la handado ama jir ahaan la dhaawaco; e) In xogtani ay caqabad ku tahay hantida loo hayo baarista xad-gudubkan marka la fiiriyo xeerkan; ama t) Ka-hortagga fal argagixiso ayaa wuxuu noqonayaa mid adkaada haddii qofkan la sii baraarujiyo. Qaadista Astaamaha Faraha iyo Muunadaha 3. Qofka la tuhunsan yahay waa in lagu wargeliyo in caddeynta laga helo loo adeegsan doono baarista fal-dembiyee 2. Haddii qofka xiran da’diisu ka yar tahay 18 (siddeed iyo toban) sano jir, oggolaanshaha waa in laga helo waalidka ama mas’uulka qofka xir Haddii qofka la xiray ee ka yar 18 (siddeed iyo toban) sano jirka aanu waalid lahayn ama cid ka mas’uul ahi jirin, maxkamad awooddeeda leh ayaa ka noqonaysa mas’uul. e) Muunad laga qaado qeyb jirka kamid ah oo aan sida caadiga ah loo arki karin in ay tahay qeyb gaar ah oo jirka d) Candhuuf laga qaaday afka; iyo c) Muunad laga qaado ciddi ama ciddida hoosteeda; b) Muunadda timaha; a) Faraha ama raadka maqaarka lugihiisa ama qeyb kamid ah jirkiisa; Sarkaal amni oo u xilsaaran baarista wuxuu muunadahan soo socda ka qaadi karaa qofka la tuhunsan yahay: Muunadahan soo socda waxaa laga qaadayaa qofka la tuhunsan yahay, hab waafaqsan faqradda 2″”d ee sare a) Muunad kasta oo dhiig, nude, dheecaan (dareere) ama tirno; b) Muunad kasta oo laga qaado dalool-jireed marka laga reebo afka; c) Muunad kasta oo laga qaado qeyb kasta oo jirka ah oo loo aqoonsan karo qeyb gaar ah oo jirka ka tirsan; d) Kaadi; ama e) Gaws. 5.Muunad kasta oo lagu qaaday hab waafaqsan faqradda 4(a) ilaa (c) ee sare ku xusan waa in uu qaadaa shaqaale tababar u leh xirfadahan. Sarkaal darajada uu doono leh ayaa qaadi kara muunadda ku xusan qodobka S””‘d (d) iyo(e). Haddii oggolaanshaha qaadista muunadda ku xusan faqradda 4 nod ee sare la diido iyadoo aanu sabab macquul ah bixin qofkaasi, dacwad kasta oo ka dhan ah qofkaas oo ku saabsan fal-dernbiyeed maxkarnad loo gudbiyey, maxkamaddu: (a) Marka la go’aaminayo haddii ay jirto dacwad ay tahay in laga ja waabo, waxaa laga yaabaa in ay tixraac ku samayso diidmadaas sida ay hadba ugu muuqato mid qumman; 1yo (b) Marka la go’aaminayo in qofku dembiile yahay marka la fiiriyo dembiga lagu oogay, waxaa tixraac lagu sameynayaa diidmada hadba sida ay u qumanaato arrintaasi. 8 .. Adeegsiga muunadda: faraha arna muunadda lagu qaaday qaab qodobkan waafaqsan iyo xog kasta oo lagu helay muunadahan waa la haynayaa, cidina uma adeegsan karto ujeeddo ka duwan baarista argagixisada ama ujeeddooyin la xiriira ka-hortagga ama ka war-helka fal-dembiyeed kasta, baarista fal- dembiyeedka arna dacwad-oogista. Hubinta Dekadaha iyo Xuduudaha Haddii qof ku lug leh fal argagixiso: (a) uu ku sugan yahay deked ama meel xad ah; ama (b) markab dushiisa ama diyaarad codsi ka soo gudbistay meel kasta oo kamid ah Soomaaliya gudo iyo dibad kii uu doonaba; iyo (c) sarkaal hubineed uu aarninsan yahay in joogista qofkaas ee dekedda ama xuduuddu ay xiriir la leedahay gelidda iyo ka-bixidda Soomaaliya, markab dushiisa ama diyaarad codsi ka soo gudbistay meel kasta oo karnid ah Soomaaliya gudo iyo dibad kii uu doonaba. Sarkaal amni wuxuu adeegsan karaa awoodihiisa ku xusan qodobkan ha u muuqato arna yaanay u muuqan sabab uu uga shakin karo in qofkaasi xiriir la leeyahay sameynta, diyaarinta ama fududaytnta fal argagixiso. Qofka lagu wareystay hab waafaqsan Qodobkani waa in uu: (a) siiyo sarkaalka hubinta xogta uu hayo ee sarkaalkaasi codsaday; (b) siiyo sarkaalka hubinta marka uu codsado baasaaboor shaqaynaya oo sawir wata arna dokumenti kale oo sugaya aqoonsigiisa; ( c) caddeeyo in uu hayo dokumentiga uu cayimay sarkaalka hubintu; iyo (d) siiyo sarkaalka hubinta dokumenti kasta oo uu sito oo ah nooca uu cayunay sarkaalka. Qofka lagu xiray hab waafaqsan faqraddani, haddii aan awood kale lagu xirin, waxaa lagu sii dayn doonaa muddo aan ka badnayn 9 (sagaal) saacadood marka laga bilaabo goortii hubintiisu bilaaba Si uu isaga qanciyo in ay jiraan dad uu rabo in uu su’aalo weydiiyo hab wafaaqsan faqradda kowaad ee sare, sarkaalka hubintu wuxuu baaris ku sameyn doonaa: (a) markab ama diyaarad; (b) waxa saaran markabka ama diyaaradda; ama (c) wax kasta oo uu rumaysan yahay in ay markabka ama diyaaradda saaran yihiin. Sarkaalka baaraha ah ee su’aal weydiiya qofka hab waafaqsan faqradda 1 and ee sate, wuxuu si uu u go’aamiyo in uu yahay qofka ku lug lahaa diyaarinta, fulinta ama fududaynta falka argagixiso: (a) baaris ku sameyn doonaa qofka; (b) in uu baaro wax kasta oo uu sito ama uu leeyahay ee saaran diyaaradda ama markabka; (c) in uu baaro wax kasta oo uu hays to ama leeyahay ee sarkaalka baaristu u arko in uu saarnaa ama la saarayo diyaaradda ama markabka; iyo (d) in uu baaro gaariga saaran markabka ama diyaaradda ama la saari rabo midkood. Sarkaalka baaristu wuxuu hubin karaa alaabaha qodobkani ku dabaqmo si uu u go’aamiyo in loo adeegsaday fulinta, diyaarinta arna bilaabista falal argagixiso. 8. Sarkaalka baaristu wuxuu kori karaa markab ama diyaarad ama wuxuu geli karaa gaari si uu u go’aamiyo in uu adeegsan karo awoodihiisa ku aaddan qaab waafaqsan qodobkan. Sarkaalka baaristu wuxuu qaban karaa wax kasta isagoo waafajinaya faqradda 3″”d (d) ee sare, ama wax kasta oo la baaray ama lagu helay baaris hab waafaqsan faqradda S””” ee sare ama lagu hubiyey faqradda 6″”0 ee sare: (a) si uu u baaro muddo aan ka badnayn toddoba maalmood oo ka bilaabanaysa maalinta qabashada alaabta bilaabanto (b) haddii uu aaminsan yahay in loogu baahan karo in loo adeegsado caddeyn ahaan; ( c) Haddii uu aarninsan yahay in loo adeegsan karo qaab xiriir la leh awoodda Wasiirka Amniga Gudaha ee looga saarayo dalka Soomaaliya. 10.Ujeeddooyinka Qodobkan (a) “Sarkaalka Baarista”waxaa loola jeedaa mid kamid ah kuwan soo socda: i) Sarkaal Boolis ii) Sarkaal N abad-sugid iii) Sarkaal laanta socdaalka ka tirsan,ama iv) Sarkaal Canshuuraha (Customs). (b) “Deked” waxaa ku jira gegida diyaaradaha, Goob waxaa loola dhaqmi doonaa deked ahaan haddii sarkaal baariseed aaminsanyahay in qof u tago si uu u koro ama uga dego markab ama diyaarad. (c) ”Xad” waxaa loola jeedaa xuduudda badda, berriga iyo hawada ee Dalka Soomaaliya. 11.Qofka wuxuu noqonayaa mid xad-gudub sameeyey haddii uu si ula-kac ah u hor• joogsado ama u carqaladeeyo baarista ama hubinta ku sugan faqraddaha 4, 5, 6 ama 7 ee sare waxaanu noqonayaa mid mutaysta ciqaab xabsi oo dhan ilaa 2 (laba) sano. Aqoonsashada sarkaal amni ayaa qaadi kara tallaabo kasta oo muhiim u ah: a) sawir ka qaadista qofka xiran b) cabirka qofka xiran, ama c) aqoonsashadiisa Faqradda kowaad ee sare, ‘sarkaal oggolaansho haysta’ waxaa loola jeedaa a) Sarkaal Amni: ama mid kasta oo kamid ah kuwan soo socda: b) Cid oggolaansho ka haysata ama ay u xilsaaarto \Xfasaaradda Amniga Gudaha Awoodaha Dheeriga ah iyo Xeerarka Isku-Dhafan La-wareegidda markii dembi lagu helay : Haddii cid hab waafaqsan Sharcigan loogu soo oogo dembi, laguna xukumo si kama dambays ah, Maxkamaddu waxay amar ku bixin kartaa in hanti kasta oo loo adeegsaday qaab la xiriira argagixiso ama lagu helay dembigan fulintiisa ama abaal-gud ahaa fulinta dembigaas, in lagu wareejiyo dawladda. Maxkamaddu amarkan ma bixinayso iyadoo aan la sameyn baaris macquul ah oo lagu sameynayo hantidaas iyadoo aanay maxkamadduna sameynaynin amar noocaas ah,sababta oo ah maxakamadda oo aan siinin fursad lagu dhegeysto qofkii dani uga jirtay (wax ku leh hantida si taos ah iyo si dadbanba). Hantida lala wareegay dawladda ayaa yeelanaysahaddii aan cid kale oo sheeganaysa aysan ka qaadan racfaan maxkamadda muddo 90 (sagaashan)maalmood gudaheed ah. Qodobka 29aad: La-wareegista – Guud ahaan Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka wuxuu weydiisan karaa maxkamadda awoodda u leh la-wareegidda hanti lagu milkiyey ama lagu maamulo magaca koox atgagixiso ah ama loo adeegsado ama loola clan leeyahay adeegsiga gabi ahaan ama qeyb ahaan fulinta fal argagixiso. Codsigu wuxuu noqon karaa mid lagu wargeliyo cidda ay khusayso iyo qof kasta oo kale kaasoo marka la fiiriyo maxkamadda ay tahay qof danaynaya hantida kaasoo isla markaana la siin doono fursad lagu dhegaysto. Qof kasta oo dani uga jirto hantida isla markaana aan la siin wax ogaysiis ah marka la fiiriyo faqradda z= ee Qodobkan, wuxuu codsi u goran karaa Maxkamadda awoodda u leh si loo baajiyo amarka 60 (lixdan) maalmood gudahood oo ka bilaabanaya goorta amarka la bixiyey. Xanibaadda Hantida Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka wuxuu codsi u gudbin karaa Maxkamadda awoodda u leh isagoo dalbanaya in si ku-meel-gaar ah loo joojiyo arrimaha la xiriira dhammaan lacagaha ama hantida kale ee ay leedahay, cid ku leedahay ama lagu hayo magaca: Qof lagu xukumay ama hadda lagu xukumayo Falkan; ama qof kasta oo kale oo la cayimay. 2. Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud Qaranka wuxuu codsi u gudbin karaa Maxkamadda awoodda u leh isagoo dalbanaya in si ku-meel-gaar ah loo joojiyo arrimaha la xiriira dhamrnaan lacagaha ama hantida kale ee ay leedahay, cid ku leedahay ama lagu hayo 1nagaca: (a) Koox argagixiso ah; (b) Qof rnucayan ama gaar ah oo looga shaki qabo in uu xubin ka ya.hay koox argagixiso ah, ama (c) Qof kastoo kale oo la cayimay. Amar la bixiyey iyadoo la adeegsanayo Qodobkan wuxuu: (a) ka mamnuucayaa cid kasta in ay lacag ka samayso ama hanti kale oo ay ka faa’iidaysan karaan kooxda argagixisada ah ama cidda looga shaki gabo; (b) Tilmaarnayaa qaabka loo bixinayo awoodda lacag looga sarneynayo arna hanti kale dadka noocaas ah iyo shuruudaha lagu qeexayo amarka; (c) Dalban karaa qofka in uu bixiyo xogta ama uu soo saaro dokurnentiyada ama rikoodhada qaab macquul ah loogu arko in loogu baahanyahay baarista xad-gudub marka la fiiriyo Xeerkan; ama (d) In lagu darn shuruudaha kale ee ay hadba maxkamaddu soo rogto. Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu: (a) Ogaysiis ka siin doonaa amarka: (i) Bangiyada, hay’adaha tnaaliyadda iyo kuwa ka ganacsada lacagacaha caddaanka ah; (ii) Cid kasta oo kale oo danaynaysa arna saarnayn ay ku yeelanayso arrintu; iyo (iii) qof kastoo kale oo uu garanayo ama uu tuhunsanyahay in ay hayso ama xaq ku leh hantida ay leedahay arna lagu hayo magaca kooxda argagixisida ah ama cid lagu tuhunsanyahay. Amarka lagu bixiyey hab waafaqsan Qodobkan, waxay muddadiisu ku egtahay 30 (soddon) maalmood laga bilaabo markii amarka la bixiyey, haddii aan maxkamadda awoodda u leh, intii ay dhegeysatey dhinacyada ka dib, aanay amar kale bixin oo sidaas ka duwan. Qodobka 31aad: Ku-Dhawaaqidda Koox Argagixiso ama Cid La Cayimay Haddii wasiirka wasaaradda u xilsaaran amniga gudaha uu hayo sabab macquul ah oo uu ku aamino in koox mucayan ahi ay ku lug leedahay hawlo argagixiso, wuxuu, isagoo cuskanaya xog sugan oo ay u soo gudbiyaan taliyeyaasha hay’adaha amniga Soomaaliyeed, isagoo wargelinaya cidda ay khusayso, wuxuu ku dhawaaqayaa in kooxdaasi tahay koox argagixiso ah iyadoo la raacayo Xeer Qof kasta oo dhib ka soo gaaro go’aanka waasiirka marka la fiiriyo Qodobkan, wuxuu codsi u qoran karaa Maxkamadda Sare si ay wax uga qabato isagoo sidaa ku sameynaya (90) sagaashan rnaalrnood gudahood oo ka soo bilaabmaya taariikhdii la daabacay amarka ama faafiyay. Oggolaanshaha Guud Ee Adeegsiga Nuqullada Habraac ama fal-dernbiyeed kasta ee ku saabsan Sharcigan, dokumenti kasta oo loo oggolaan karo in uu markhaati galo marka la soo saaro, nuqul kasta ama wax kasta oo laga soo dheegtay dokumentigaasi wuxuu noqon karaa mid markhaati gala iyadoo shuruuduna noqonayso in uu yahay nuqul la hubiyey ama dheegasho ama loo shardiyeeyo in uu saxiixay oo caddeeyey dhabnimadiisa sarkaalka nuqulka asalka ah lagu aaminay iyadoo looga baahan yahayna sarkaalkaas in uu siiyo nuqul la caddeeyey a.ma dheegasho qof kasta oo ku dalbada muddo macquul ah gudaheed, iyadoo qofkaasina uu bixinayo xaddi lacageed oo macquul ah. Caddeyn Shahaado Iyadoo la raacaya sida ku cad qodobbada 157 ilaa 161 ee Xeerka Habka Ciqaabta (ee la xiriira a.ragtida/ fikradda khabiirka), dacwad kasta oo la xiriirta Sharcigan, su’aal ayaa ka timaadda in wax kastaa ama walaxi tahay hub, halis, walax shucaac leh ama walax halis ah, kiimiko sun ah ama hub bayooloji ama sun, caddeyn lagu sheegay in ay saxiixeen cid ku habboon oo sheegaysa in shayga ama walaxda lagu sheegay caddeyntu ay tahay hub, halis, walax shucaac leh ama halis ah, sun ah a.ma walax bayooloji, waxay noqon doontaa mid la oggolaado caddeyn ahaa~iyadoo aan wadan caddeynta saxiix ama awoodda qofka u muuqda in uu saxiixay waxaanay, haddii caddeyntu maqan tahay taa ka soo hor-jeedkeeda, noqon doontaa caddeynta xaqiiqooyinka lagu sheegay meesha dhexdeeda. Cidda ku habboon waxa lagu qeexi doonaa xeer-nidaamiye In La Oggolaado Caddaymaha Elektaroonkiada ah iyo Hababka Casriga ah Habraac ama fal-dembiyeed kasta ee ku saabsan Sharcigan, caddeynta elektaroonikada ah iyo hababka baarista waa la oggol yahay in loo soo bandhigo caddeyn ahaan iyadoo shuruudduna tahay in rsooruhu ku qanco caddeyn-nimada maragga lagu caddeeyey hubin ama tasdiiqin af ah ama qoraal ah oo laga helayo qof aqoon toos ah u leh qaabka caddeyntaa lagu abuuray ama markhaati loo tixgeliyo in uu khabiir ku yahay takhasuskiisa. Qodobkan dartiis, erayadan soo socda waxay yeelan doonaan macnahan: ‘Khabiir‘ qof muujin kara in uu leeyahay, isagoo darsay atna khibrad u leh awgeed, khibrad ku ftlan oo ku saabsan arrinta laga hadlayo isagoo bixin kara fikrad khibrad xambaarsan oo gacan ka gaysan karta xallinta arrinta dacwada tnaxkamadda hortaal. ‘Caddeymaha Elektaroonikada ah‘ waxa ku jira inkasta oo aanay ku koobnayn sawirro; kayd lagu sameeyey kombuyuutaro kuwaas oo aan u baahnayn in aadane wax ku daro xogta la rikoor gareeyo marka laga tago diyaarinta barnaamijka, rakibaadda iyo dayactirka qalabka; kaydka muuqaalka ah iyo kuwa maqalka ah; soo dejinta (downloads) lagu sameeyey telefoonada gacanta, iyo qalabkakale ee war-isgaarsiinta. ‘Hababka Baarista‘ waxa ku mid ah sida; lafa-gurka faraha la sawiray,lafa• gurka hidde-sidaha (DNA), goobta uu yaallo teleefanka gacanta,lafa-gurka maqal iyo muuqalka ah, baarista goobta dembigu ka dhacay, baarista sawirrlada la xiriira,lafa-gurka calaamadaha qoryaha gacanta iyo qalabka,lafa-gurka gumacyada, baarista maydka, dabagalka lafa-gurka kiimikada, Haddii laga dhaliyo caddeynta qalab elektaronik ah ama mid gacmeed, marka la caddeeyo in qalabkaasi “xaalad shaqo oo caadi ah” ku suganyahay, waxa loo arki doonaa, ilaa inta laga caddeynayo taa lidkeeda, in uu ku sugnaa xaalad shaqo oo wanaag-san marka la fiiriyo xaaladda ay khusayso . Awoodda Qaadista Dacwadaha Xeerkan: 1- Maxkamadaha rayidka ayaa leh awoodda qaadista dacwadaha ka dhasha fal-dernbiyeedka argagaxisada ee uu Xeerkani tilmaamayo. 2- Cid kasta oo ay caddaato in ecdaynta loo soo jeediyey aysan aasaas lahayn kana soo gaarto waxyccllo-sharafeed iyo hantiyeed, wuxuu xaq u yeelanayaa, raalli• gelin, mag-dhaw u dhigma dhibaatada gaartey. Baabbi’in Waxaa la baabi’iyey dharnmaan wixii sharci ah oo ka soo horjeeda ama aan la socon karin xeerkan, marka laga reebo shuruucda caalamiga ah oo ay dawladda Soomaaliyeed aqoonsan tahay. Dhaqan-gal Xeerkani wuxuu dhaqan-gelayaa marka uu ans1xiyo baarlamaanku oo uu saxiixo Madaxweynaha JFS, isla markaana lagu soo saaro Faafinta Rasmiga ah ce Dawladda. Goobjoog News, Lama Qaadan Karo Xigasho La’aan Source
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo aan weli la fulin dilkii lagu xukumayey Askarigii dilay Allaha u naxariistee Wasiirkii hore ee Howlaha Guud iyo Guryeynta Cabaas Siraaji ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay kulan xasaasi ah oo looga hadlayey arrintaas. Kulankaan oo ahaa mid lagu dalbanayey in tiirka lasoo taago Caydiid oo ahaa askarigii dilay Wasiir Siraaji ayaa waxaa yeeshey Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa laga soo doortay deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya . Kulankaas ayaa si weyn waxaa diiradda loogu saaray kiiska Wasiir Cabaas Siraaji oo noqday mid qaatay waqti dheer isla markaasna ay hareeyeen buuq iyo dacwo ka socoto shakhsiyaad ay isku heeb yihiin Askariga dilka geystay, Senotar Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka mid ah Xildhibanada Aqalka Sare ayaa kulanka kadib waxa uu Radio Dalsan uga warbixiyay qodobadii ay isla soo qaadeen iyo wixii ka soo baxay. Xildhibaanka ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid dabagal loogu sameynayay kiiskii dilka ahaa ee loo geystay Wasiirkii howlaha guud iyo guryenta Soomaaliya Cabaas Siraaji iyo in cadalad loo helo, Wax uu sheegay in arrintaan ay hakad gashay, isla markaana laga joogo mudo 7 Bilood ah xukunkii lagu riday Askarigii dilay Wasiir Cabaas iyo waxa loo fulin la’yahay. Xildhbaanka ayaa intaas sii raaciyey in fulinta xukunkaan uu u xayiran yahay Madaweyne Farmaajo oo leh saxiixaha ugu dambeeyo ee fulinta dilalka ay xukunto Maxkamadda. Ugu dambeyn waxa uu sheegay in dhawaan ay la kulmi doonaan Madaxweynaha Soomaaliya isla markana ay kala hadli doonaan sababta loo fulin la’yahay Xukunka lagu riday Askarigii dilay Cabaas Siraaji . Haddaba halkaan hoose ka dhageyso wareysiga oo dhameystiran http://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/11/Senator-Xuseeh-Sheekh-Maxamuud-Aqalka-Sare-kana-soo-jeeda-Koonfur-galbeed.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi farmaajo ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii argagixiso ee maalinta shalay lagu qaaday masaajid ku yaalla dalka Masar, xilli dad fara badan ay ku cibaadeysanayeen salaadii jimcaha. War Saxaafadeed Tacsi iyo Cambaareen isugu jirtay oo kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Tacsi loogu diray Ehelada iyo Dowladda Masar dadkii kaga geeriyooday Weerarkii lagu qaaday Masjidka Rowda oo ku yaalla Bi’rul Cabdi oo katirsan Deegaanada Hoos taga Gobolka Siinaa ee Waqooyiga dalkaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa Weerarkaas ku nafwaayey 235 qof oo kamid ahaa Jamaacadii Masjidka ku sugneed, 130-kalane wey ku dhaawacmeen sida ay sheegeen saraakiisha Caafimaadka Masar. Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri:- “Anigoo Ku hadlaya Magaceyga iyo Magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaan Tacsi iyo u dirayaa ehelada dadkii ku waxyeeloobay dhacdadii xanuunka badneed ee argagixiso, laguna waxyeeleeyey dad aanan waxba galabsan, ee ka dhacday Maanta Masjid ku yaalla Siinaa”. “Innaga iyo Shacabka Soomaaliyeed waxaan si dhaw u Taageereynaa Shacabka iyo Walaalaheen Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, sidii looga guuleysan lahaa Kooxaha Argagixisada ee Dhibaatada geysanaya, Waxaan si xooggan u cambaareynaynaa dambigan naxdinta leh ee dhanka ah Shareecada Islaamka, iyo Sharafta Aadanaha”. ayaa lagu yiri Warkaan Madaxtooyada Soomaaliya ay u dirtay Dowladda Masar. Sidoo kale weerarkaas oo ahaa mid waxashnimo ah ayaa waxaa cambaareeyay qaar ka mid ah Madaxda caalamka oo ku tilmaamay in weerarkaas uu ahaa mid ka baxsan bani’aadanimada iyo Diinta Islaamka in dad meel ku cibaadeysanaya oo aan waxba galabsan la laayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Xildhibaanada baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ahaa waxa ay ku yeelan doonaan xarunta Golaha shacabka ee Magaaladda Muqdisho. Ajendaha kulanka maanta ayaa ah qaybinta iyo Akhrinta warbixinta Guddiga Garsoorka ee la Xariira dhismaha Guddiga adeega Garsoorka iyo fadhi Gaar ah oo ku saabsan hadaljeedinta Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xaamud. Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Jabuuti oo khamiistii soo gaaray Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya ayaa maanta khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeedin doona xildhibaanada baarlamaanka Federaalka Soomaliya. Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xaamud ayaa isla shalay gaaray magaaladda Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan isagoo halkaas kula soo kulmay Ciidamada Jabuuti ee Gobolkaas ku sugan, iyo madaxda Maamulka Hir-shabelle. PUNTLAND POST The post Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo Maanta Ka Qeyb Galaya Kulanka Golaha Shacabka appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimadda Onlin) –Inkastoo ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay xoogga saareen sidii Al-Shabaab looga xoreyn lahaa Magaalooyinka waaweyn iyo Caasimadaha Maamul Goboleedyada, haddana waxay Al-Shabaab ka faa’ideyteen fursadda ay u heleen inay si nabadgalyo ah u joogaan dhulka Miyiga ah ee Soomaaliya ku yaal kaasoo aad u weyn, waxayna arrintaas keentay inay Al-Shabaab dib isku aruursadaan, soo qorsheeyaan isla markaasna ay fuliyaan weeraro ka dhanka ah dadka Shacabka, Ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Africa. Kooxda Al-Shabaab ayaa dhawaan soo bandhigtay awoodda ay u leedahay in ay qaado weerarro aad u xooggan kadib markii ay weeraro ku qaadeen Saldhigyada sida weyn loo ilaaliyo oo ay leeyihiin Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM taasoo sababtay Khasaaro aad u weyn oo aan si rasmi ah loo helin, sidoo kala waxay Muqdisho ka fuliyeen weeraro yaab leh oo isugu jiro Qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo lagu fulinayo saraakiisha Amaanka ee dowladda iyo xubno muhiim ah. Qaraxyadii dhawaanahan ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ku nafwaayeen in ka badan 400 qof, waxay calaamad u tahay in kooxaha xagjirka ahi ay weli firfircoon yihiin isla markaana ay awood u leedahay kooxda Al-Shabaab inay dib usoo baxdo haddii ay Ciidamada AMISOM isaga baxaan Soomaaliya isla markaasna aan la helin Ciidamo Soomaaliyeed oo buuxin karo booskaas Fashilka ku yimid Ciidamada AMISOM iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliya ee ku aadan in Al-Shabaab looga dabatago Duurka ay u carareen oo ay Sabab u tahay tabardarro xagga Ciidanka ah ama sida ay u badan tahay oo ah inaysan lahayn rabitaan siyaasadeed ayaa Kooxdaan u suurtagelisay in ay sii wadaan helitaanka dhaqaale maaliyadeed, qorista iyo tababaridda askar cusub oo lagu tababarayo meelo aad u baaxad weyn oo kamid ah duurka iyo meelaha aan la daganeyn, waxayna heleen fursad weyn oo dhanka dhulka ah. Ururka Al-Shabaab ayaa inta badan ka faa’ideysto isbadalada Ciidamada AMISOM, Sanadkii 2017 markii Ay Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya baxeyn, waxay Al-Shabaab durba la wareegtay meelo badan oo ay kamid yihiin Burduhule, Rabdhure, Garasweyne iyo Tiyeglow oo dhaca Gobolka Bakool; Eli Ali, Halgan, iyo Moqokori oo dhaca Gobolka Hiiraan; Bud iyo Gal’ad oo iyagana dhaco Gobolka Galgaduud; iyo Adan Yabal oo dhacda Gobolka Shabeelada Dhexe. Arrintaas ayaa muujisay fadeexad ah inaysan Al-Shabaab sidaas uga fogeyn meelaha ay joogaan Ciidmada AMISOM iyo kuwa Al-Shabaab, waxaana jirto meelo badan oo hadda gacanta ugu jirto dowladda oo nugloon inay Al-Shabaab la wareegaan haddii ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM isaga soo baxaan . Iyadoo ay Ciidamada AMISOM ku sugan yihiin Soomaaliya, Weerarada Al-Shabaab kaliya kuma koobno Soomaaliya, Kooxdu waxay ballaarisay howlgalkeeda ku wajahan waqooyiga iyo xeebta Kenya, waxayna muujisay awooddeeda ah inay weerarto bartilmaameedyada ka baxsan Soomaaliya, tusaale ahaan weerarada ay ka fulisay meelo ka baxsan Soomaaiya waxaa kamid ah qaraxyadii Kampala ee 2010-kii, weerarro ba’an oo ka dhacay Westgate Mall ee Nairobi iyo weeraradii Jaamacadda Gaarisa ee 2013 iyo 2015, waxayna Al-Shabaab qorsheysay inay ka faa’ideysato xaaladaha diineed iyo nabadgelyada gobolka. Yaa og waxa dhici doona 25-ka bilood ee soo socda iyadoo ciidamada AMISOM ay qorsheenayaan inay si tartiib tartiib ah uga baxaan Soomaaliya oo ay ku sugnaayeen muddo 10 Sano ka badan,? Soomaaliya ma waxaa laga yaabaa inay dib u soo celiso taariikhdeedii hore ee Foodada aheyd, ama Madaxwayne Farmaajo ayaa laga yaabaa inuu awood u yeesho oo uu xoojiyo hadalkii dhawaan kasoo baxay ee ahaa in la qaqaadayo dagaalkii ugu dambeeyey ee lagu ciribtirayo Kooxdaan ka hor inta aysan Soomaaliya ka bixin Ciidamada ugu dambeeyo ee ka tirsan Midowga Africa ? Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si adag u cambaareeyey qaraxii argagixisada ay ka geeysteen dalka masar, gaar ahaa masaajidul Rowdah oo ku yaalla waqooyiga magaalada Siinaay ee dalkaasi, kaasi oo ay ku dhinteen 235 ruux, ayna ku dhaawacmeen 109 qof, kuwaasi oo dhammaan dad shacab ah oo aan waxba galabsan ahaa. Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in xanuunka uu la qeybsanayo dowladda masar iyo ehelada dadkii qaraxaasi ku waxyeeloobay, waxuuna dadka dhintay uu alle uga baryey in Janadiisa uu ugu Bishaareeyo, kuwa dhaawaca ahna uu deg deg ku bogsiiyo. . “Aniggoo ku hadlaya magaceyga iyo kan Shacabka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya waxaan xanuunka la qeybsanayaa dowladda Masar iyo shacabkeeda xanuunka iyo murugada ka dhalatay dadka sida arxan darrada ah loogu xasuuqay Masjidul Rowdah ee dalka masar ku yaalla, waxaan garab taaagan nahay masar, waxaana ku garab siineynaa siddii argagixisada qeybo kamid aduunka dhibaatada ka wado uga adkaan laheyd, qaraxa salaadda khudbada kadib ka dhacay Masjidul Rowdah waxay muujineysaa ficilada xun ee Argaggixisada waana wax ka hor imaanayo diinta Islaamka ” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. PUNTLAND POST The post Farmaajo oo cambaareeyey Qaraxii ka dhacay Masjid ku yaala Masar appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo ay Ciidamada AMISOM u diyaar garoobayaan inay isaga baxaan dalka Soomaaliya ayaa haddana taas badalkeeda waxay Al-Shabaab isku diyaarinayaan inay dib usoo dhisaan awoodooda si ay u xoojiyaan Weerarada iyo qaraxyada ay la eegtaan dowladda iyadoo Qaraxii Soobe ee dhawaan dhacay uu reebay calaamad muujineyso awoodda ay kooxdaan u leedahay fulinta Qaraxyo waaweyn. Ciidamada Xoogga Soomaaliya ayaa weli helayo taageerada dowladaha Shisheeye inkastoo ay weli jirto dafiicnimo dhinac kasta ah, waxayna bixitaanka Ciidamada AMISOM saameyn ku yeelan doontaa Soomaaliya iyo Guud ahaan Qaaradda Africa. Haddii aan jadwalka wax laga baddelin, , Bisha December 2020, dhammaan ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) waxaa loo qorsheeyay in ay ka baxaan dhammaan magaalooyinka, Xaafadaha iyo tuulooyinka ay ka xoreeyeen ururka Al-Shabaab. Ciidamada AMISOM ayaa Soomaaliya ku sugnaa muddo toban sano ah si ay u taageeraan Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhibaatada kala kulmeyso Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab, kuwaas oo sii wadaan kacdoonkooda ku aaddan xukuumadda. AMISOM waxay ka kooban tahay ciidamo ka socda dalalka Uganda, Itoobiya, Jabuuti, Kenya iyo Burundi, waxayna ka kooban yihiin lix qeybood oo ku kala sugan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya iyagoo taageero ka helayo Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay. Ciidamada AMISOM oo garab ka helaya Ciidanka Qaranka Soomaaliya ayaa weli ah isha ugu muhiimsan ee ilaalinta xukuumadda iyada oo ilaalinaya jidadka waaweyn ee isku xira caasimadda Soomaaliya iyo Gobollada. Waxay ku guuleysteen inay xoreeyaan magaalooyin waaweyn sida Muqdisho, Kisimaayo, Beletweyne iyo Baydhabo. Inkastoo aysan si buuxda u xakamaynin dalka sidii loo baahnaa iyo sidii laga filayey, howlgalka Midowga Afrika wuxuu u qalmaa inuu dhabaha u xaaro qaabkii ay dowladda Soomaaliya u heli laheyd awood dhinac kasta ah loona hormarin lahaa Kheyraadka dalka iyo sidii loo dhisi lahaa Ciidan qaran oo si buuxda ula wareego meelaha laga xoreeyey Al-Shabaab. Ciidamada AMISOM ee la qorsheeyey inay baxaan ayaa mar hore laga dareemay qaybo kala duwan oo Soomaaliya ka mid ah. Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, Francisco Madeira ayaa sheegay in kala-guurka ay tahay in ay noqdaan kuwo si tartiib tartiib ah, shuruudo ku salaysan, mas’uuliyadna loo qabanaayo oo aan wax u dhimeynin ammaanka iyo Xasiloonida dadka Soomaaliyeed. Diyaar ahaasnahah Ciidamada Dowladda inay la wareegaan dalka Marka laga reebo howlgalkooda Milatari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, ciidamada AMISOM waxay tababaro iyo qalabeen u sameeyeen Ciidanka Qaranka Soomaaliya (SNA) iyadoo ujeedka laga leeyahay ay tahay in lagu wareejiyo goobaha laga xureeyo Al-Shabaab Kadib 18 Bilood oo ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda wadeen weeraro xoog leh oo Al-Shabaab looga saaray magaalooyin badan sanadkii 2013 waxay weeraradaas noqdeen ugu dambeyn kuwa istaago waxayna arrintaas fursad siisay Ururka Al-Shabaab. Midkoodna AMISOM iyo ciidanka Soomaaliya way awoodi waayeen inay Al-Shabaab ku qaadaan weeraro kale oo looga saarayo meelaha kale oo ay ku sugan yihiin taasoo Al-Shabab ku noqon laheyd qalqal iyo Cabsi isla markaasna waxay arrintaas keeni laheyd inay xasilooni ahaadaan goobaha horey looga qabsaday Al-Shabaab oo hadda ah difaacyo ciidan. Sanadihii ugu dambeeyey Dowladaha Taageero Soomaaliya ayaa kaalin weyn ka qaatay tababarada la siinayo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, waxaana dowladaha sida weyn uga qeyb qaatay kamid ah: Midowga Yurub, Turkey, Imaaraadka Carabta, Mareykanka iyo Shirkadda amaanka ee sida gaarka ah loo leeyahay ee Bancroft Global. Inkastoo tababarkoodu uu ahaa mid qiimo leh, haddana caqbaha ugu weyn ee jira ayaa ah inaysan tababaradaan aheyn kuwa joogto ah isla markaasna aan loo marin jidkii saxnaa, waxayna arrintaas caqabad ku noqotay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya. Ciidamada dowladda ayaan heysan Qalab ciidan oo ku filan, sidoo kalana ma helaan tababar abaabulan oo lagu barayo Anshaxa ciidanimo iyo in lagu abuuro wadaniyad weyn si ay awood ugu helaan inay dalka ka xoreeyaan xagjiriinta Al-Shabaab. Ciidamada hadda u dhisan Soomaaliya ayaa ah Maleeshiyo u abaabulan ha beeleed, waxayna ka badan yihiin Kuwa loo diyaariyey hab Ciidan Qaran oo awood u lahaan lahaa inay amaanka kala wareegaan Ciidamada AMISOM. In dib loo helo Amaanka iyo xasiloonida Soomaaliya waxay ku xiran tahay in la helo ciidamo Soomaaliyeed oo isugu jiro Militari iyo Boolis awood u leh inay hantaan amaanka Dalkooda, rajadaasna waxay aheyd mid mugi weyn ku jirto, inkastoo dhawaan magaalada Muqdisho laga furay Saldhig weyn oo ay leeyihiin Ciidamada Turkiga kaasoo lagu tababari doono Ciidamo Soomaaliyeed oo u dhisan qaab Qaran, waxayna dowladda Turkiga markiiba tababar siin doontaa 1,500 oo askari, waxaaa tababarkaas bixinayo 200 o tababarayaal u dhashay dalka Turkiga ah. Waxaa jirto rajo weyn oo laga leeyahay in Saldhiggaas laga soo saaro ciidamo Soomaaliyeed oo awood leh kuwaas oo dalka ka xoreeyo Xarakada Al-Shabaab isla markaasma amaanka dalka la wareego marka Soomaaliya ay ka baxaan Ciidamada AMISOM. Soomaaliya waxaa weli saaran cuna qabateynta hubka ee Qaramada Midoobay kusoo rogtay, taasoo dowladda Soomaaliya u diideyso inay lasoo dagto hubka cul culus, waxaana kaliya loo ogol yahay inay helaan Ciidamada dowladda hubka fudud, Cuna qabateyntaas ayaan ah Caqabadda ugu weyn ee Soomaaliya ka hor taagan inay gaarto isku filnaan, waxaana Al-Shabaab looga adkaan karaa kaliya inay Ciidamada Dowladda helaan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gawaarida gaashaaman. Awoodda Al-Shabaab u leeyihiin inay dib usoo laabtaan: Inkastoo ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay xoogga saareen sidii Al-Shabaab looga xoreyn lahaa Magaalooyinka waaweyn iyo Caasimadaha Maamul Goboleedyada, haddana waxay Al-Shabaab ka faa’ideyteen fursadda ay u heleen inay si nabadgalyo ah u joogaan dhulka Miyiga ah ee Soomaaliya ku yaal kaasoo aad u weyn, waxayna arrintaas keentay inay Al-Shabaab dib isku aruursadaan, soo qorsheeyaan isla markaasna ay fuliyaan weeraro ka dhanka ah dadka Shacabka, Ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Africa. Kooxda Al-Shabaab ayaa dhawaan soo bandhigtay awoodda ay u leedahay in ay qaado weerarro aad u xooggan kadib markii ay weeraro ku qaadeen Saldhigyada sida weyn loo ilaaliyo oo ay leeyihiin Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM taasoo sababtay Khasaaro aad u weyn oo aan si rasmi ah loo helin, sidoo kala waxay Muqdisho ka fuliyeen weeraro yaab leh oo isugu jiro Qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo lagu fulinayo saraakiisha Amaanka ee dowladda iyo xubno muhiim ah. Qaraxyadii dhawaanahan ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ku nafwaayeen in ka badan 400 qof, waxay calaamad u tahay in kooxaha xagjirka ahi ay weli firfircoon yihiin isla markaana ay awood u leedahay kooxda Al-Shabaab inay dib usoo baxdo haddii ay Ciidamada AMISOM isaga baxaan Soomaaliya isla markaasna aan la helin Ciidamo Soomaaliyeed oo buuxin karo booskaas Fashilka ku yimid Ciidamada AMISOM iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliya ee ku aadan in Al-Shabaab looga dabatago Duurka ay u carareen oo ay Sabab u tahay tabardarro xagga Ciidanka ah ama sida ay u badan tahay oo ah inaysan lahayn rabitaan siyaasadeed ayaa Kooxdaan u suurtagelisay in ay sii wadaan helitaanka dhaqaale maaliyadeed, qorista iyo tababaridda askar cusub oo lagu tababarayo meelo aad u baaxad weyn oo kamid ah duurka iyo meelaha aan la daganeyn, waxayna heleen fursad weyn oo dhanka dhulka ah. Ururka Al-Shabaab ayaa inta badan ka faa’ideysto isbadalada Ciidamada AMISOM, Sanadkii 2017 markii Ay Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya baxeyn, waxay Al-Shabaab durba la wareegtay meelo badan oo ay kamid yihiin Burduhule, Rabdhure, Garasweyne iyo Tiyeglow oo dhaca Gobolka Bakool; Eli Ali, Halgan, iyo Moqokori oo dhaca Gobolka Hiiraan; Bud iyo Gal’ad oo iyagana dhaco Gobolka Galgaduud; iyo Adan Yabal oo dhacda Gobolka Shabeelada Dhexe. Arrintaas ayaa muujisay fadeexad ah inaysan Al-Shabaab sidaas uga fogeyn meelaha ay joogaan Ciidmada AMISOM iyo kuwa Al-Shabaab, waxaana jirto meelo badan oo hadda gacanta ugu jirto dowladda oo nugloon inay Al-Shabaab la wareegaan haddii ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM isaga soo baxaan . Iyadoo ay Ciidamada AMISOM ku sugan yihiin Soomaaliya, Weerarada Al-Shabaab kaliya kuma koobno Soomaaliya, Kooxdu waxay ballaarisay howlgalkeeda ku wajahan waqooyiga iyo xeebta Kenya, waxayna muujisay awooddeeda ah inay weerarto bartilmaameedyada ka baxsan Soomaaliya, tusaale ahaan weerarada ay ka fulisay meelo ka baxsan Soomaaiya waxaa kamid ah qaraxyadii Kampala ee 2010-kii, weerarro ba’an oo ka dhacay Westgate Mall ee Nairobi iyo weeraradii Jaamacadda Gaarisa ee 2013 iyo 2015, waxayna Al-Shabaab qorsheysay inay ka faa’ideysato xaaladaha diineed iyo nabadgelyada gobolka. Yaa og waxa dhici doona 25-ka bilood ee soo socda iyadoo ciidamada AMISOM ay qorsheenayaan inay si tartiib tartiib ah uga baxaan Soomaaliya oo ay ku sugnaayeen muddo 10 Sano ka badan,? Soomaaliya ma waxaa laga yaabaa inay dib u soo celiso taariikhdeedii hore ee Foodada aheyd, ama Madaxwayne Farmaajo ayaa laga yaabaa inuu awood u yeesho oo uu xoojiyo hadalkii dhawaan kasoo baxay ee ahaa in la qaqaadayo dagaalkii ugu dambeeyey ee lagu ciribtirayo Kooxdaan ka hor inta aysan Soomaaliya ka bixin Ciidamada ugu dambeeyo ee ka tirsan Midowga Africa ? Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daah- furayey goob waxbarasho oo laga hir-geliyey deegaanka Wasil ee gobolka Mudug. Degaanka Wasil ee gobolka Mudug ayaa markii ugu horreysay waxaa laga hirgaliyey dugsi hoose dhexe iyo sare kaasi oo si bilaash ah ay wax uga baran doonaan bulshada ku dhaqan Wasil iyo deegaannada hoos yimaada. Iskuulkaan ayaa waxaa hirgaliyey jaaliyadda ka soo jeeda deegaannada Mudug, waxaana xafladda xarig jarka ka qeyb galay maamulka deegaanka Wasil kormeeraha guud ee wasaaradda waxbarashada galmudug. Cabdi Xuseen oo ka mida dadkii hirgaliyey Iskuulkaan waxbarasho ayaa ugu horreyn dadka deegaanka ku dhiira galiyey inay ka faa’ideystaan fursaddaan. “Arrintaan Barnaamijka aan u bilownay hadal kuma soo koobi karno heerka aan ku bilownay iyo maanta meesha uu marayo ujeedadu waxaa waaye in gobolka iyo deegaankeenaba horumarino”. Cali Xasan guddoomiyaha deegaanka Wasil ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan Iskuulka cusub ee laga hirgaliyey deegaanka. “Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay waxaa dhammaan mahad u celinayaa dadkii arrintaan ka soo shaqeeyay haddii ay yihiin dad banaankaa ama dad gobolka ka yimid”. Kormeeraha guud ee wasaaradda waxbarashada maamulka Galmudug Cabdiraxmaan ayaa waxaa uu ku tilmaamay furitaanka Iskuulkaani Fursad muhiim ah. “Annaga waxaan u baahannahay hadaan nahay wasaaradda inay Iskuulada bataan waayo aqoonta inay badato dan ayaa noogu jirto waxaan geed dheer iyo mid gaaban u fuuleynaa oo baadiyaha u wareegeynaa inay Iskuulada bataan “. Deegaanka Wasil ayaa in badan waxaa uu ahaa iskuul alahaan waxa uuna Iskuulkaani noqon doonaa mid daboolo baahiyaha waxbarasho ee bulshada ku dhaqan deegaankaan iyo kuwa hoos yimaada. Goobjoog News Source