Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    202,972
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The African Union peacekeeping mission in Somalia (AMISOM) vowed on Sunday to intensify training and mentoring of Somali security forces (SPF) to assume more security responsibilities in the Horn of Africa nation. Deputy Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission for Somalia Simon Mulongo said the plan is aimed at building the capacity of the SPF to internationally acceptable standards. “This year is going to see more intensified training, more intensified mentoring of those who are there (SPF officers) and that means recruitment, training and forming the officer core that will see the police leap from the current stage to a higher one,” Mulongo said in a statement issued in Mogadishu. AMISOM troops are expected to relinquish the security of the key towns to the Somali forces through a conditions-based transition plan, to allow them take the lead responsibility as part of the planned exit. Under the exit strategy, some 1,000 soldiers were to be withdrawn from Somalia by Dec. 31, 2017 and AMISOM will deploy an extra 500 police officers to strengthen training and mentoring of Somali police. The move in is line with a United Nations Security Council resolution, passed in August 2017, which authorized AMISOM to start the transfer of security responsibilities to Somali national security forces. The UN Security Council also sanctioned the gradual reduction of AMISOM troops during the transition period. Source: Xinhua The post AU vows to strengthen training of Somali police ahead of exit appeared first on Caasimada Online.
  2. Waa mid ka mida maqaaxiyahay sida weyn looga cuno cuntooyinka wadaniga ah waana dalagyada ka soo go’a wadanka ee magaalada Haegeysa. Waxaana inta badan maalintii halkaan yimaada dad tiro badan oo ka soo doonta cuntooyinka wadaniga ah ee halkaani lagu iibiyo xilliyada qadada iyo cashada ayaa ugu mashquul badan maqaayadaha lagu iibiyo cuntooyinka wadaniga ah. Arrintani ayaa waxay dhiirogelin u noqon kartaa wax soosaarka dalka gaar ahaan dalagyada kasoo baxa dhulka, iyada oo beeraleyda Somaliland ay inta badan ay cabasho ka muujiyaan cuntooyinka ka yimaada dalka dibaddiisa gaar ahaan mucaawinooyinka hay’adaha. Dadka halkaani ka cunteeya waxay aaminsanyihiin in cuntadani ay ka nafaqo iyo faa’ido badantahay cuntooyinka kale ee aan wadaniga aheyn. Hadaba waa kuwaan qaar ka mida dadka cuna cuntooyinka wadaniga ah oo la hadlay Goobjoog News waxayna yiraahdeen: “Markii hore waxaan cuni jiray cuntooyinka dibadda nooga yimaada sida Bariiska,Baastada iyo waxyaabaha la keeno xanuuno kama aano bixi jirin,iminka waxaan ogaaday caafimaad ahaan in ay ii wanaagsantahay raashinkaani dalkeena ka baxa oo ay ka midka yihiin digirta,Garowga,Jowrada”. Qof kale oo cuna cuntooyinka wadaniga ah waxaa uu yiri “ Cuntada wadaniga ah iyo cuntada dibadda laga keeno waxaa u dhaxeeya farqi weyn cuntada wadaniga ah haddii bulshadeyna ay u soo jeesato waxaa laga helayaa Fatamiino Kaalshiyom wax walba ayaa laga helayaa waxaa dibadda laga keeno faa’ido malahan xanuuno ayaa laga qaadaa oo maanta bulshadii ku dhacaya”. Mustafe Maxamuud Boobe, waa maamulaha maheraddani lagu iibiyo cuntooyinka wadaniga ah, waxaa uu u sheegay Goobjoog News in aad looga iibsado cuntooyinka wadaniga ah marka la barbar dhigo waqtiyadii hore oo aan dadku aad u cuni jirin. “Boqolkiiba waxaan oran karaa todobaatan miraha aad ayey u isticmaalaan waqtigaan hadda la joogo siiba dadka waqtigii hore waxay cuni jireen habeenkii ayay cuni jireen miraha balse hadda waqtiyo kale ayaa ku soo biiray sida qadada oo kale dadka waxaad moodaa inay mirihii ay la soo qabsanayaan”. Arintaani ayaa waxay dhiiro galin u noqoneysaa waxsoo-saarka dalagga kala duwan ee wadanka. Khaalif Foodhaadhi Goobjoog, Hargeysa Source
  3. Bosaso (Caasimada Online)-Dagaal u dhexeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo Puntland ayaa hadda ka socda deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool. Dagaalka oo leysu adeegsanaayo Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu yimid kadib markii ciidamada Somaliland ay weerar ku qaaden Tukaraq. Deegaanka Tukaraq oo ay weerareen ciidamada maamulka Somaliland ayaa waxaa ku yaala fariisin ay leeyihiin ciidamada maamulka Puntland, waxa ayna hoostagtaa Degmada Laascaanood. Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo gurmad ah ayaa ku baxay deegaanka Tukaraq oo hadda ay ku dagaalamayaan labada ciidan. Ilaa iyo hada waxaan la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalkan oo ay warbaahinta u xaqiijiyeen inuu weli socdo Saraakiisha iyo dadka deegaanka. Sidoo kale, warar aan weli la xaqiijin ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Somaliland ay dagaal kula wareegen deegaanka Tukaraq, halka kuwa Puntland ay ka dagaalamayaan deegaan ku dhow. Dhinaca kale, dagaalka ayaa kusoo beegamay xili uu maalinimadii shalay magaalada Garowe gaaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo soo dhaweyn balaadhan loo sameeyey. Caasimada Online Xafiiska Bosaso Caasimada@live.com The post Dagaal u dhexeeya maamulada Somaliland & Puntland oo ka socda deegaanka… appeared first on Caasimada Online.
  4. Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ay dagaal ku qabsadeen deegaanka Tukaraq oo markii hore ay ku sugnaayeen ciidamada Puntland. Saakay aroortii ayaa la xaqiijiyey in halkaasi dagaal xooggan uu ka bilowday, kadib markii ciidamada Somaliland oo aad u hubeysan halkaasi soo weerareen. Ciidamada Puntland ayaa la xaqiijiyey in gabi ahaanba ay deegaankaasi isaga baxeen, welina lama oga khasaaraha halkaasi ka dhashay. Ma jirto weli wax war ah oo kasoo kala baxay Puntland iyo Somaliland, waxaana jirta dhaq-dhaqaaq ciidan oo Labada dhinac ah. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
  5. Garoowe (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa Shir Gudoomiyay kulan gaar ah oo uu la qaatay xubnaha Golaha Wasiirada Maamulka Puntland. Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa shir guddoominta shirka Golaha Wasiirada maamulka ku wehlinaayay Hogaamiyaha maamulka C/weli Gaas iyo ku-xigeenkiisa. Waxaa marti ku ahaa shirka Golaha saraakiil katirsan madaxtooyada iyo mas’uuliyiin kale, waxaana inta uu socday leysla soo hadalqaaday arrimaha maaliyadda iyo wada shaqeynta dowladda Federalka Somalia iyo maamulka Puntland. Waxa uu kulanka si gaara uga dhacay dhismaha wasaaradda maaliyadda maamulka Puntland, waxaa diirada lagu saaray oo lagaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Amniga guud ee deeganada Puntland, Dimqoraadiyada iyo dhaqangalinta nidaamka federaalka. Waxaa kaloo kulanka looga hadlay xuquuqaha dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo sidii deeqaha beesha caalamka bixiso si cadaalad ah loogu qaybsan lahaa. Sidoo kale, waxaa Kulanka lagu falanqeeyay sidii maxkamadaha iyo hay’adaha cadaalada ee dowladda federaalka iyo maamul goboleedyadu u wada shaqayn lahaayeen iyo sidii hoos loogu dhigi lahaa qiimaha dadka Soomaaliyeed ay ku xajiyaan oo afar labaad ka badan qiimaha ay bixiyaan shucuubta wadamada deriska ah. Waxaa kaloo looga hadlay sidii dib loogu howlgalin lahaa shirkadii diyaaradaha Somaliariline oo ahmiyad gaara u laheyd labada dhinac. Sidoo kale waxaa looga hadlay Muhiimada iyo miisaanka ay leedahay Isdhexgalka Bulshada Soomaaliyeed iyadoo madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya uu amaanay sida dadka Soomaaliyeed ee reer Puntland u jecel yihiin Soomaalinimada iyo isdhexgalka bulshadda. The post Sawirro: Farmaajo oo la kulmay Golaha Wasiirada maamulka Puntland & Qodobo muhiim ah oo laga wada hadlay (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.
  6. Madaxda dalka Iran ayaa mamnuucay in lagu dhigo iskuullada hoose luqadda Englishka, waxayna timid arrintani ka dib markii hoggaamiye diimeedka Iran Cali Khumeyni iyo kooxdiisa ay ka horyimaadeen barashada Englishka waxayna ku sheegeen mid ka mida duulaanka dhanka dhaqanka ee reer galbeedka. Madaxa golaha sare ee waxbarashada Iran Mahdi Nawiid ayaa sheegay in barashada luqadda Englishka dugsiyada hoose ee dowladda iyo kuwa aan doladda laheyn oo aan aheyn manhajka Iran uu yahay mid ka hor imaanaya sharciga. Waxaa uu intaasi ku daray in barashada Englishka ee dugsiyada hoose ay tahay mid aan la ogoleyn badalkeedana loo dhigi doono maadooyinka ka hadlaya dhaqanka Iran. Cali Khumeyni ayaa qudbad uu jeediyey bishii May 2016 waxaa uu ku cambaareeyay dhiiro galinta loo sameynayo luqadda Englishka,isaga oo tilmaamay in dalka,dhallinyarada iyo caruurta lagu dhex faadinayo dhaqamo shishiiye. Khumeyni oo sii hadlay ayaa tilmaamay in Luqadda Englishka kaligeyd aysan aheyd luqadda Cilmiga. Cali Khumeyni ayaa sheegay in wadanka UK uu ka mid yahay wadamada u sameeya xayisiinta luqadda Englshka waxayna ku tilmaantaa inay tahay luqadda Cilmiga,Khumeyni ayaa hoosta ka xariiqay inay tahay luqaddaan luqadda dadka aan aqoonta laheyn waa sida uu u dhigay hadalkiisa. Goobjoog News Source
  7. Maamulka Soomaaliland ayaa duulaan qaawan kusoo qaaday gobolka Sool ee Puntland, waxaana wararka ay Puntlandi sheegayaan in ciidan iyo gaadiid dagaal oo gaaraya boqolaal tikniko ay soo dhaafeen degmada Tukaraq ee gobolka Sool, halkaas oo ay saakay hiirtii waaberi xoog kusoo galeen. Ciidankaan ayaa haatan waxay ku sugan yihiin halka loo yaqaano labo madax oo ah duleedka magaalada Tukaraq, sida uu Puntlandi qof ku sugan Tukaraq. “Gaadiid dagaal oo gaaraya dhowr boqol oo qaarkood la jiidayay ayaa nagasoo gudbay iyo ciidan tiro badan, waxayna haatan ku sugan yihiin aaga labo madax, raashinkooda iyo saadkoodii wataan, xalay iyo shalay oo idil ayaanu warkooda maqlaynay, saakay waa duulaan, waana ciidamadii Somaliland ee Sool oo idil ku sugnaa.” ayuu yidhi goob joogaha aanu wareysanay. Ciidankii Puntland ee ku sugnaa Tukaraq ayaa halkaas isaga baxay waxayna ku sugan yihiin meel aan ka fogayn goobta ay ciidanka Soomaaliland ku sugan yihiin, waxaana dhexmaray iska hor imaad kooban Soomaaliland ayaa dhawaan ku hanjabtay inay qaadayso tilaabo ay kaga jawaabayso socdaalkii wasiirka qorshaynta Soomaaliya uu ku tagay gobolka Sanaag. Madaxweyne Gaas ayaa filayaa inuu arrintaan kaga hadlo xaflada garoonka diyaaradaha Garowem halkaas oo madaxweyne Farmaajo ku sugan yahay. Puntlandi.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay Qarax lala eegtay Gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowlada Federaalka. Jugta Qaraxa oo inta badan laga wada maqlay goobo farabadan ayaa waxaa ciidamada lagula eegtay nawaaxiga siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho. Qaraxa oo lala eegtay gaari ciidan ayaa waxaa ku geeriyooday Seddax ka mid ah ciidamadii lasocday gaariga, halka askari kale uu soo gaaray dhaawac aad u daran. Qaraxa kadib waxaa halkaa laga maqlaayay shanqarta rasaas xoogan oo la sheegay inay ridayeen tirro ciidamo la socday gaariga Cabdi bilaha ee Qaraxa haleelay. Meydadka iyo Dhaawaca ciidamadii la socday Gaariga ayaa waxaa la dhigay xarumaha caafimaad ee magaalada Muqdisho oo lagu dabiibaayo xaaladooda Caafimaad. Si kastaba ha ahaatee, Qaraxyada ugu badan ee ka dhaca duleedka magaalada Muqdisho ayaa lala beegsadaa ciidamo ka tirsan dowlada iyo kuwa AMISOM. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Qarax culus oo lala eegtay ciidamo ka tirsan dowlada & Khasaaro kala duwan oo ka dhashay appeared first on Caasimada Online.
  9. South Africa’s parliament said on Sunday it would review its rules relating to removing the country's president, after the constitutional court said on Dec. 29 that lawmakers had previously failed to hold President Jacob Zuma to account. Source: Hiiraan Online
  10. Somalia’s prime minister has called on multilateral lenders to accelerate the debt-forgiveness process so that the country can access funds to fight terrorism and its underlying causes. Source: Hiiraan Online
  11. Talliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed C/weli Jaamac Gorod oo shalay isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo gaareen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegay in meel wanaagsan ay mareyso nabadeyntii laga bilaabay magaaladaasi. Wuxuu taliyaha sheegay in ay filayaan dhameystirka heshiiska Gaalkacyo, iyadoo shacabka iyo sidoo kale maamullada ka jira magaaladaasi mideysan yihiin. “Waxaa farxad oo ilaahay uga mahadcelineynaa, Nabaddii halkaan aan ka wadnay la sheegay warbixintii aan ka helnay in meel wanaagsan mareyso, waxaan rajeyneynaa intaasi iyo in ka fiican iney gaari doonno.. Inta dhiman hadana waan dhameystireynaa” ayuu yiri Taliyaha. Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la wareegay amniga magaalada Gaalkacyo, kadib markii magaaladaasi ay kusoo bateen dagaallada u dhaxeeya maleeshiyaad kala taabacsanaa Puntland iyo Galmudug. Goobjoog News Source
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Waqooyi Bari Dalka Kenya ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka al-Shabaab ay halkaa ka jareen Isgaarsiinta. Maleeshiyaadka ayaa isgaarsiinta ka jaray magaalada Katulo ee Waqooyi Bari Dalka Kenya, waxaana xarunta Isgaarsiinta la faray inaanu sii deynkarin amar la’aan. Stephen Ngetich oo ah Taliyaha booliska Wajeer,ayaa xaqiijiyay in maleeshiyaad Hubeysnaa ay Hub culus ku dhufteen anteenooyinka isgaarsiinta. Taliyaha waxa uu sheegay in Hubka culus lagu dhuftay dhismaha laanta Sharikadda Safaricom ee magaalada Katulo, waxaana halkaa ku burburay anteenadii sahleysay xiriirka dadka degaanka iyo dalka Kenya intiisa kale. Stephen Ngetich waxaa uu sheegay in saraakiisha iyo Ciidamada Kenya ee degaankaas ay badqabaan islamarkaana uusan jirin qof ay wax ku gaareen weerarka al-Shabaab ee magaalada Katulo. Dhinaca kale, Stephen Ngetich waxa uu ku caga jugleeyay inay jawaab ka bixin doonaan weerarka lagu burburiyay anteenooyinka isgaarsiinta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Al-Shabaab oo Hub culus ku burburisay mid kamid ah anteenooyinka isgaarsiinta Kenya appeared first on Caasimada Online.
  13. Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo uu xarigga ka jaro garoonka diyaarahada ee Garoowe. Waxaa la dhameystiray dhismaha garoonka diyaaradaha ee Garoowe, kaasi oo qaab casri ah loo dhisay. Mas’uuliyiinta Puntland u qaabilsan arrimaha garoomada ayaa sheegay in garoonkan ay kasoo degi karaan diyaaradaha waaweyn, islamarkaana yahay mid duulimaadyo caalami ah ka bixi karaan. Madaxweyne Farmaajo ayaa safar ku jooga magaalada Garoowe, wuxuuna sidoo kale madaxweynaha tagi doonaa deegaanno kale oo Puntland ka tirsan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
  14. The Kenya Civil Aviation Authority has warned airlines flying locally and to neighbouring countries their licences will be cancelled if they continue disregarding regulations relating to carriage of cargo. Source: Hiiraan Online
  15. Wararka PUNTLAND POST ka helayso magaalada Tuka raq ayaa sheegaya ciiidamo ka tirsan SOMALILAND inay la wareegeen halkaas . Qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka oo igula hadlay Telefonka ayaa ii xaqiijiyay inuu halkaas ka socdo dagaal u dhaxeeya PUNTLAND iyo SOMALILAND . Xiisada Somaliland iyo Puntland ayaa kusoo beegmaysa xilli hadaladii uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland ka mid ahayd hanjabaad culus , halka sidoo kalena ay kusoo beegmayso xilli uu magaalada Garowe ku sugan yahay Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya. Kala soco faahfahinta PUNTLAND POST The post Dagaal u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland oo ka socda Tuka raq appeared first on Puntland Post.
  16. The perennial conflicts between the Kamba community and pastoralists from north eastern Kenya living along the border of Kitui and Tana River counties is likely to come to an end after herders accepted to move out of the area in the next ten days. Source: Hiiraan Online
  17. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo shir guddoomiyey shirka golaha wasiirada Puntland oo ay sidoo kale ka qeybgaleen wasirro ka tirsan xukuumadda Federaalka ayaa sheegay in guud ahaan dalka u siman yahay dhaqaalaha lagu keeno magaca Soomaaliyeed. Waxa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas waxa ugu horreeyo ee uu kala hadlay ahayd arrinta ku aadan dhaqaalahaasi iyo sida maamulkooda ku heli karo. “Dhaqaalaha dalka soo gala oo magaca Soomaaliya lagu keeno kaliya malahan meel gaar ah, dhaqaalahaasi waxaa loo asteenayaa guud ahaan baahida dalka ka jirta, maxaa yeelay dadka loo adeegayo ayeey kamid yihiin, waxaan idiin sheegayaa madaxweyne C/weli wax kale igalama hadlin, 90% wadahadalkeennii waa intaasi, waxaan umadda Soomaaliyeed loo keeno annag qeybteennii aaway, baahi badan baan qabnaa, howlo badan oo horumarin ah baan u baahannahay, waxaan u baahannahay in qeybteenna halkaasi lasoo dhigo, runtii awal wax badan ma jirin, hadda waxbaa bilowday insha Allah waan soo gaarsiineynaa Puntland guud ahaan umadda Soomaaliyeed” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Axaddii shalay, madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa gaaray magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, halkaasi oo uu kula kulmay madaxda sare ee maamulkaasi iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Goobjoog News Source
  18. Chaos reigned at New York's flagship airport for a third consecutive day Sunday with one terminal flooded and irate passengers stranded by chronic delays blamed on brutal cold and a deadly winter storm. Source: Hiiraan Online
  19. Wasaaradda caafimaadka ee dowladda federaalka ah iyo hey’adaha WHO iyo UNICEF, ayaa soo gabogabeeyay tallaalka jadeecada, kaas oo illaa 1 million oo caruur ah lagu tallaalay gudaha Puntland, caruurta da’dooda waxaa ay u dhaxeysay 6 bil illaa 10 sano, halka dalka oo dhan la talaalay 4.2 million. Sanadkii tagay 23,002 oo kiis ayaa laga sheegay jadeecada, caruurta ayaa waxaa uu da’dooda u badnaa 10 jir. Dr. Ghulam Popal, oo u qeybsanaha WHO ee Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegayaa in loo baahan yahay in dhammaan dowladda iyo hey’adaha iska kaashadaan sidii loo Kontoroli lahaa jadeecada isla markaana loo heli lahaa tallaal ku filan. Sanadkii hore bilihii March iyo April, waxaa la tallaalay illaa 516,934 oo caruur ah, da’dooda waxa ay u dhaxeysay 9 bil iyo 5 bil. Inta uu ololaha socday, caruurta waxaa la siiyay tallaalka iyo Vitamin A, waxaana muuqata in hadda lagu guuleystay. Goobjoog News Source
  20. Ra’iisul wasaarihii hore ee Masar Axmed Shafiq ayaa sheegay inuu go’aansaday inuusan isku soo sharixin doorashooyinka madaxtinimo ee sanadkaani dhacaya. Axmed Shafiq ayaa sheegay inay jiraan siyaasiyiin waaweyn oo doonaya inay la tartamaan madaxweyne Cabdi Fitaax Al-siisi balse ma uusan sheegin illaa iyo hadda inuu ku guuleysan doono mar labaad. Axmed Shafiq ayaa ka soo laabtay dalka Imaaraadka Carabta isaga oo Masar soo gaaray bishii December ka dibna waxaa uu baahiyey inuu yahay musharax madaxweyne waxaanaka dib loo jeediyey dhaleeceymo loo marsiinayey warbaahinta madaxa banana iyo midda dowladda isaga oo maalmo lagu xiray Hotel ku yaallo Qaahira. Shafiq, waxaa uu ahaa taliyihii hore ee ciidamada cirka sidoo kale waxaa uu ahaa wasiirka hore ee duulimaadka rayidka, waxaana codad yar looga qaaday doorashooyinkii 2012 uuna ku guuleystay madaxweynihii hore Maxamed Mursi oo ka tirsan kooxda Ikhaawunl Muslimiinta, waxaana casilay sanadkii ku xigay ciidamada ka dib markii ay dhaceen dibad-baxyo looga soo horjeedo xukunkiisa. Goobjoog News Source
  21. Nasa leaders have announced a nationwide campaign to build momentum for the swearing-in as the people’s president, of opposition leaders Raila Odinga and his deputy Kalonzo Musyoka on January 30. Source: Hiiraan Online
  22. The hijab is simple, yet it has had the ability to affect my life in a complex way. The concept of the hijab is discussed in the Muslim holy book, the Qur’an, in Chapter 24, called an-Nur (the Light), in verse 30: Source: Hiiraan Online
  23. The African Union peacekeeping mission in Somalia (AMISOM) vowed on Sunday to intensify training and mentoring of Somali security forces (SPF) to assume more security responsibilities in the Horn of Africa nation. Source: Hiiraan Online
  24. The Ministry of Health of the Federal Government of Somalia, in partnership with WHO and UNICEF, has today concluded a five-day national measles campaign, targeting 1 million children aged 6 months to 10 years in Puntland, and 4.2 million across the country. Source: Hiiraan Online
  25. Dalka Suudaan waxaa ka socda dibad-baxyo looga soo horjeedo sare u kaca ku yimid cuntada quuta daruuriga ah waxaana la xadidey sidoo kale rootiga. Mas’uuliyiin iyo goob joogayaal ayaa waxay sheegeen in dibad-baxyadaan uu ku dhintay hal arday waxayna ka dhaceen gobollada Daafuur iyo Neylu Arsaq halkaasi oo uu ka jiro muran u dhaxeeya dowladda iyo kooxaha Fallaagada ah. Sidoo kale magaalada Khartuum waxaa ka dhacay dibad-baxyo ay sameynayaan ardeyda dhigadda xarumaha waxbarasho waxayna booliska adeegsanayaan gaaska indhaha ka ilmasiiyo. Dabd-baxyo la mida kuwaan waxay ka dhaceen Suudaan 2016 markii uu qaaliyoobay shidaalka,waxayna madaxda ka hortageen joojinta banaanbaxa iyaga oo ka baqayey inuu soo laabto dabd-baxii dhiigga uu ku taaday ee dhacay 2013. Source