Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,125
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kismaayo, November, 26, 2017.Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulankii ugu horeeyay ee golaha amniga heer Dowlad Goboleed kaas oo ka farcamay golaha Amniga Qaranka. Labada Madaxweyne ku xigeen Sarakiisha Ciidamada iyo qaar kamid ah xubnaha golaha Wasiirada ee gudigan ku jira ayaa kulanka ka qayb galay. Xaaladaha Amniga deeganada Jubbaland iyo abaabulka Ciidamada ayaa kamid ah qodobada kulanka lagaga hadlay. Xubnaha golaha uu ka kooban yahay ayuu Madaxweynahu ka dhagaystay xog uruurin iyo tixraac ay maalmahan wadeen oo la xiriira tayada iyo tirada Ciidamada iyadoo la qorshaynayo in mudo kooban hawshaa lagu soo dhameeyo. Dhaqaalaha deeganada Jubbaland ayaa la isku raacay in la mideeyo isla markaana miisaniyad kordhin la sameeyo mudada loo diyaar garoobayo hawlgalada la qorsheeyay si joogto uu u noqdo mushaarka Ciidanka iyo saadka ay u baahan yihiin. Arimaha maamulka iyo adeega Bulshada ayuu golahu isku raacay in la dardar galiyo gaar ahaan Garsoorka iyo Cadaalada iyadoo wakhti dhaw la dhisi doono gudiga adeega Garsoorka. Shirka Amniga Qaranka oo dhawaan ka dhacaya Magaalada Muqdisho ayay Jubbaland la tagi doonta qorshe dhamaystiran oo la xiriira sida ay noqonayaan hawlgalada lagu xoraynayo deeganada ay Al-Shabaab wali kaga sugan yihiin Jubbaland. Puntlandi.com
  2. Dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegtay in sharciga la marsiin-doono sarkaal lagu eedeeyay in uu kufsaday gabar 16 jir ah. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey oo arrintaasi ka hadlay waxaa uu sheegay in askari Cabdirisaq Warsame gacanta lagu hayo, sharcigana la marsiin-doono. Warsame waxaa uu isku dayey in uu ka baxsado sharciga, waxaana laga soo qabtay Kismaayo, Jubbaland, arrintaas oo muujineysa sida mar walbo u dhacdo in dambiga lalal dhuunto. Kiiska gabadhan 16 jirka ah, waxaa ay qeyb ka tahay dhibaato maalin walbo loo geysto haweenka Soomaaliyeed kuwaas oo aaney cidna ka fal-celin. Hadaba, Halkan Ka Akhriso: Noocyada Kala Duwan Ee Gabood-fallada Haweenka Loo Geysto Iyo Waxa Ka Dhasha Dhibaatada ay haweenka la kulmaan waa kala duwan yihiin, waxaa ay ku xiran tahay deegaanka iyo qaabka ay wax u dhacayaan Gabood-fallada ka dhanka ah dumarka waa mid jir ahaaneed, mid jinsi, caadifad ama nafsad ahaan iyo mid dhaqaale. Dhibka ay haweenka kala kulmaan guryaha, kufsiga, anshax xumada lagula kaco iyo gaboodfalada ka dhanka ah dumarka ee jir ahaaneed, mid jinsi, caadifad waa qaar maalin walba haweenka ku dhaca. Waxaa kale oo dalalka qaar ka dhacda in haweenka laga faa’ideysto, laga ganacsado, qaab fircooni ah loo gudo, xoog loogu guuriyo ama iyaga oo caruur ah nin lagu daro. Dambiyada kale: Dambiyada lagu galo magaca ilaalinta sharafta Haweenka oo la dilo Gabdhaha oo la duugo Dhaqaalaha oo lagu gumeysto Kuwooda da’a ah si xun loola dhaqmo Meherka oo lagu dhibo Sida ay qoreyso hey’adda WHO hal ka mid 3-dii dumar ah oo dunida ku nool waxaa ay la kulmaan jir-dil ay u geystaan ragga ay la nool yihiin. Dunida: 38% dilka loo geysto haweenka waxaa u geysta rag ay u dhaxday ama xiriir hore kala dhaxeeyay Dhibaatada haweenka loo geysto waxaa ay saameyn ku yeelan kartaa caafimaadkeeda, qaab fikirkeeda iyo xitaa dhalmada, waxaa kale oo ay khatar u gelin kartaa HIV-ga. Waxyaabaha fududeeyo in haweenka la dhibo waxa ka mid ah: In waxbarasho aan la geyn marka ay yar tahay, in yaraantii si xun loola dhaqmi jiray, in hooyadeed dili jirtay, in la sooci jiray ama ay arki jirtay iyada oo mar walba ahmiyadda la siiyo wiilasha reerka. Qoyska: Caruurta arka, waalidkooda oo dhibaato ka dhex-taagan tahay waxaa ay yeeshaan dabeecad xun, kumana fiicna la dhaqanka dadka. Caruurta gurigaasi ku nool, waxaa ku bata jirro, hooyada waa ay soo tuurtaa ilamaha, ilmaha nool inta badan waxaa ku dhaco shuban iyo nafaqo-darro. Bulshada: Haweenka la jir-dilo, la kufsado ama si xun loola dhaqmo, waxaa ay ka go’aan bulshada, shaqada kuma fiicna ama maba shaqeyaan, wax dakhli ah sooma galo, bulshada iyo deegaanka ma caawin kartaan, haweeneydaasi si fiican xitaa uma daryeeli karto nafteeda iyo caruurteeda. Goobjoog News Source
  3. Recognition or no recognition from the broken and dysfunctional system which led by dysfunctional organizations such as the unelected UN bureaucracy and two den or club of dictators such as the so-called African Union and the Arab league, the Republic Somaliland will keep on progressing and thriving without any help from any one. Both of these toothless and dysfunctional organizations are places dictators come together, and connive their survival strategies and brain storm of ways to stay in power and prolong their lives as one man unelected for life leaders. The time Somaliland has changing been changing five presidents peacefully, most of the members of the dictators clubs in the AU and the Arab league are still there. The word democracy is derived from the Greek work “demos” which means people, or a system of government. Democracy could be exercised in many ways either directly by citizens or through elected agents. The Greek democracy has been in the wilderness for hundreds of years, until it was picked up by countries emerging from kingdoms in Europe in the 17th century. In the United States democracy and its attributes have been adopted in 1776. The basic six characteristic of democracy are majority rule, free and fair elections, established popular sovereignty, compromise, and citizen participation in government. According to Ibrahim Lincoln the 16th president of the United States democracy is a government of the people, by the people, and for the people. A democratic government allows adult citizens the right to elect their representatives. Democracy is a government of majority rule and minority rights. The attribute and the characteristic of democracy principle of majority rule is important parts of the democratic system are free and fair elections, citizen participation, cooperation and compromise. The Republic of Somaliland has already entered in the world encyclopedia of uniqueness, resilience, maverick behavior, and rapid evolution for the better. Somaliland has adopted all the characteristics of democracy which have been blended or combined with traditional attributes of collective consensus, conflict resolution, compromise and collaboration which is manifested in Somaliland upper chamber of congress. This Somaliland chamber is populated with elderly wise men, community elders, and traditional leaders who have extensive experience in peaceful resolution of conflict, the art of compromise, collaboration and consensus seeking. The wise men in this chamber are the pacifying and moderating influences in the Republic of Somaliland. The Republic of Somaliland has all the attributes of a state, but the broken world which is filled with multiple dysfunctional states. There more than fifty countries that could not fit the so-called conditions for being a state, but are still bestowed with recognition. There are a good number among these dysfunctional states are dictatorship and one man rule states that barely rule their countries. In many of these states there are foreign interventions that sustain these rogue states. Many of these so-called countries are dysfunction states that are marred by massive corruption. Among these dysfunctional states are failed states, and there are some that are collapsed states to be propped up by foreign troops. Despite being ignored by the broken international system headed by the toothless UN bureaucracy, Somaliland has more than fulfilled the so-called conditions of becoming a state. The broken international system has called places such as Chad, Sierra Leone, Liberia, Honduras, Nicaragua, El Salvador, Guinea, Central African Republic and countless place in Africa, Latin America, the middle east and other places as real states bestowed with sovereignty. Despite all that the Republic of Somaliland has established itself as a defacto independent and sovereign state. According to professor Stefan Talmon of internal law at oxford University in Great Britain who is the author of (Recognition in International law), no country is allowed to freely attack a defacto state. These rules have been established during the cold war. According to that rule the use of force s prohibited under the United States charter. The recent Somaliland election was the fifth presidential election and the 8th free and fair election peacefully conducted in the country in its 25 years of independence. Again according to Professor Stefan Talmon a professor of International law in Oxford University, recognition of states is a complicated which is amalgamation of international law and international politics. Though according to some people including myself recognition is nothing but international politics. There is no right to recognition; it just depends on the discretion of existing states. There was at a time during the peak of the cold war when the recognition of the states of North and South Vietnam, North and South Korea, East and West German depend on cold war on NATO and Warsaw countries. In these modern times; there are some states such as Taiwan, Palestine, Kosovo, and Northern Cyprus which are recognized by some countries, while not recognized by others. This shows that recognition is a political thing which depends on the existing states. Suleiman Egeh is a free lance writer and a senior science instructor
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabey oo muddo badan uu Khilaaf ka dhaxeeyey ayaa Maanta la arkay iyagoo si wadajir ah uga dhoofay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Labadaan mas’uul ayaa isku raacay Safar dalk Jabuuti ah halkaas oo la filayo inuu ka furmo Wajiga labaad ee wadahadalka Ahlu Sunna iyo Maamulka Galmudug. Madaxweyne Xaaf iyo Carabey ayaa midba goonidiisa ugu dhawaaqay inuu kan kale ka qaaday xilkii intii ay socotay ololihii ka socday Cadaado oo ay Sababta u aheyd go’aankii uu Xaaf ka qaatay Khilaafka u dhaxeeyo Dowladaha Khaliijka. Labadaan Mas’uul ayaa Maanta u dhoofay Dalka Jabuuti halkaas oo la filayo inu lagu soo dhameeyo Khilaafka waqtiga badan qaatay ee u dhaxeeyo Maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna. Sida ay Wararka hoose sheegayaan Xaaf iyo Carabey waxaa dhawaan heshiisiiyey Madaxweyne Farmaajo inkastoo aan si rasmi ah Saxaafadda loola wadaagin Qodobada lagu heshiiyey. Haddaba Halkaan hoose ka daawo Sawirada
  5. Munaasabad loogu yeeray xuska 3; guurada Asaaska Koofurgalbeed, hayeeshee u muuqatay mid lagu kar-jebinayey nux-nuxda xildhibaano iyo siyaasiyiin kala heerar duwan oo ka socota Baydhaba; ayaa ka dhacday dhowaan dhismaha Madaxtooyada KGS. Waxa lagu soo bandhigay heeso iyo riwaayado u eg kuwii Kacaanka oo lagula hadlayey dad aan magacooda la xusin balse ficilada iyo howlaha ay hayaan lagu sheegay kuwo looga horjeedo KGS, waxaana sida aan ka fahmay heesaha iyo masraxiyaddaba loo danlahaa xildhibaano iyo Siyaasiyiin wada olole ka dhan madaxtinimada madaxweyne Shariif Xasan ama Aw-Shariif, sida suugaanta saddex-guurada loogu yeerayey, heesaha waxa kamid ahaa heesta “Awshariifow Annagaa ku dooranay” iyo hees kale oo lagu dhalliilayey hal-hayska Isbeddel fadaanee! Oo malaha hal-qabsi u ah siyaasiyiinta wada Ololaha, kuwas oo sugi la’ muddada ka hartay xilka madaxtinimada madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxa ay billaabatay kaddib salaadda Maqrib; waxa ayna dhammaatay labada habeennimo ama siddeed saac, waxa ka hadlay xildhibaano heer federal iyo heer gobol ah, kuwaas oo muujiyey sida ay ula jiraan hoggaanka KGS, balse waxa jiray xildhibanao labadaas heer kala ah oo aan ka qaybgelin munaasabadda kuwaas oo Baydhaba joogay, qaarkood oo aan arkay waxa ay ii sheegeen in madaxweyne Shariif ; uu soo hormariyey ololihiisa doorashada ee xilliga labaad, sidaas awgeedna aanay arkin saddex guurada wax weyn oo ay ka qabgalaan, waxa ii sheegeen in 17-ka November; ay tahay maalinkii la doortay madaxweynaha balse aanay ahayn maalinkii la aas-aasay maamulka KGS. Waxa ka qayblay madax uu kamid ahaa madaxweynaha Hirshabeelle iyo wakiil ka socday Galmudug, kuwaas oo intooda badan ku dhiirrigeliyey dadka joogay munaasabadda in ay taageeraan hoggaanka madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan. Marka uu Shariif Xasan ka maqan yahay Baydhaba; waxa kaca hugunka iyo soo jeedinta mooshin dhan ah madaxweynaha, balse waxa ay shiiqaan oo ay u muuqadaan in ay meeshaba ka bexeen marka uu joogo, sidaas waxa ii sheegay Siyaasiyiin iyo Suxufiyiin kala duwan oo aan la kulmay intii aan joogay Baydhaba. Taasna waxa ay ii muujisay in madaxweyne Shariif Xasan; uu kamid yahay madaxda aan Xilka iyo Xollaha wada raadin halmar, ee marka ay mid hayaan kan kale ku illaaliya, taas oo ah dhaqanka madaxda hesha waqti dheer oo ay wax ku xukumaan, taasi kama dhigna in xukunkoodu toosan yahay balse waa in ay xilkooda ku waardiyeeyaan xoolaha iyo hantida soo gasha. Arrinta xusidda mudan ayaa ah in ay munaasabadda ay ka qaybgaleen Wasiirkii gaashaandhigga ee iska casilay xilka iyo Taliyihii Sirdoonka Soomaaliya ee golaha xukuumadda xilka ka Qaaday, taas oo inyar muujisay jiritaanka is xulufeysi billow ah, kaas oo ka soo unkamay golaha dowladgoboleedyada, ayna kua soo muuqan doonaan madaxda sida qaabdarrada ah xilka looga qaado ee dowladda dhexe iyo kuwa laga masaafuriyo dowladgoboleedyada iyada oo lagu haysto in ay ka horyimaadeen madaxda. intii aan joogay Baydhaba; waxa aan warbaahinta ka maqlay xildhibaano kamid ah KGS; oo sheegaya in ay ka laabteen sii waddidda mooshin ka dhan ah madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan. Xildhibaano heer federal ah iyo kuwo heer dowlad goboleed ah ayaa iska kaashanaya sidii loo kicin lahaa hugun siyaasadeed oo ujeedkiisu yahay soo oogidda mooshin ka dhan ah Shariif Xasan Sheekh Aadan. Mucaaradku waxa ay u arkaan in aanay jirin wax loo dabbaaldego oo 3; sano kaddib ka muuqda magaalooyinka iyo degmooyinka KGS, iyaga oo dhismayaasha madaxtooyada Baydhaba iyo Baraawe, Hirgelinta Telefeshinka iyo Raadiyaha KGS; iyo wixii la halmaala u arka xoog iyo xoolo kaalmo ah oo ay bixiyeen kana shaqeeyeen hay’ado iyo deeqbixiyeyaal caalami ah. Balse Shariif Xasan Sheekh Aadan; oo weli rogrogi kara siyaasadda iyo qaab-dhismeedkeeda ayaa dooddda mucaaradka ku furay hir xoog badan oo loo adeegsaday warbaahinta iyo Fanka, kuwaas oo gaaray heer ay ku heesaan Aabe Shariifow adigaan ku aaminay. Fursad kale oo u muuqatay in kubadda uu laaday Shariif Xasan ay gashay shabaqa ayaa ah in Wasiirk koowaad ee xukuumaddu uu tagay Baydhabo; kaddibna uu ka qaybgalo furitaanka jaamacad loogu magacdaray isaga, hadalna ka jeediyo habeenkii xigay munaasabad ka dhacday isla meeshii ay ka dhacday munaasbaddii xuska saddex-guurada KGS. Inkasta oo aanan hubin in ay sax tahay haddana raisalwasaare Kheyre ayaa ka sheegay munaasabadaas in xukuumadda Soomaaliya shaqo uu abuurtay muddada ay jirto 5000; oo qof, ayna dhammaadka sanadkan u abuuri doonto 20,000 oo qof shaqo ay ku noolaadaan. Dhinaca Nabadgelyada Baydhaba; waa nabad marka aad dhex-joogto, balse daafaheeda si sahal ah looguma dhiirran karo in lagu safro ama loo daneysto, sababtuna waa in aanay ku jirin gacanta KGS iyo ciidanka Amisom ee jooga gobolka, raisalwasaaraha ayaa ka sheegay Baydhaba in ay qabanayaan 2; arrimood oo waaweyn, kuwaas oo kala ah furitaanka jidak isku xra Xamar iyo Baydhaba, sidaas oo kalana in xukuumaddu ku caawineyso madaxweynaha KGS, sidii uu ugu guurii lahaa madaxtooyada KGS ee Baraawe. Labadaas arrimood iyo kuwa ammaanka la xiriira ee haysta KGS waxa ay hirgeli karaan oo keli ah marka ay xaqiiqo noqoto in siyaasiyiinta wada ololaha “Isbeddel ya Fadaanee” iyo madaxweyne shariif Xasan; ay ka gudboon is haysiga gudaha iyo adeegsiga warbaahin hal-dhinac ku hadli karaan dhinaca kalana u taqaan dad bilaa macne ah. W/Q: Axmed Ciise Guutaale
  6. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirka Ow-qaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya Dr. Iimaan C/llaahi Cali. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa xilka looga qaaday wasiirkan, iyadoo aan la sheegin sababaha xilka looga qaaday. Waa tallaabadii ugu horeysay ee uu Ra’iisul Wasaaruhu qaado, isla markaana xilka ka qaadis ku sameeyo wasiir ka tirsan Xukuumaddiisa, kaddib markii ay Labo Wasiir is casileen bil gudahood. Waxaa xilkaan si kumeel gaar ah usii hayndoona Wasiiru Dowlaha Mudane Abdihakim Hassan Ibrahim Ashkir Puntlandi.com
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo waxayna kala hadleyn Caqabadaha hortaagan in Xukunka dilka ah lagu fuliyo Askarigii ka dambeeyay dilka Alle ha u naxariistee Wasiir Cabaas Shiikh C/llaahi Siraaji. Xildhibaanadaan oo gaaraya ilaa 50 Mudane oo ka tirsan Labade Gole ayaa sheegay in madaxweynaha ay weydiiyeen Su’aalo ku saabsan Caqabadaha hortaagan in la fuliyo go’aanka Maxkamadda waxa ayna sheegeyn in ilaa hada uusan sheegin Sababtaasi. Xildhibaan Xaniifa Xaabsade oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Barteeda Facebook ku soo qortay hadalkaan. “Xildhibaano gaarayo 50 Xildhibaan oo ka tirsan Labade Gole ayaa la kulmay Madaxweynaha waxaana kala shirnay caqabadaha hortaagan in uu saxiixo dil lagu fuliyo Askarigii ka dambeeyay dilka Wasiir Cabaas C/llaahi Siraaji wasiirka Howlaha Guud iyo Dib udhiska Soomaaliya waxa uuna sheegay in arintaasi uusan ilaabin meel wanaagsana ay mareyso balse uu tix gilinayo go’aanka maxkamadana la fulin doono balse laga war sugo” sidaas waxaa barteeda facebook ku soo qortay Xildhibaan Xaniifa Xaabsade. Sidoo kale Xildhibaan Xaniifa ayaa sheegtay in uusan Madaxweynaha Soomaaliya uusan cadeynin waqtiga la sugayo balse ay dareemayaan in dano qabiil ay ku hor gudban yihiin fulinta kiiskaasi. Qoraalka ay soo dhigtay Barteeda facebook ayaa markii dambe laga saaray lamana oga sababta ka dambeysay in laga saaro Page-keeda qoraalkii ay so dhigtay oo ay kaga hadlaysay Kulankii madaxweynaha ay la yeesheen sidoo kale waxaa Page-keeda laga saaray qoraal ka sii horeeyay oo ay kaga hadleysay kulan ay yeesheen Xildhibaanadii madaxweynaha u tagay oo ay kaga hadlayeen isla arintaan. Waa markii ugu horeysay oo xildhibaano ka tirsan Labada ee Baarlamaanka Soomaaliya Madaxweynaha Dalka kala shiraan Arinta ku saabsan Dilka Marxuum Wasiir Cabaas C/llaahi Siraaji. Askariga loo xukumay dilka Wasiir Siraaj Cabaas ayaa ku xiran Xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu xukun suge ku yahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sheekh Maxamed Shaakir Cali xasan Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee hlusuna Waljamaaca ayaa ka hadlay wadahadalo socda oo lagu dhex dhexaadinayo isaga iyaga iyo Maamulka Galmuudg. Waxa uu sheegay in waqtigan uusan jirin wax khilaaf ah oo kala dhaxeeya Madaxweyne Xaaf balse ay jiraan dad sii kala fogeynaya. “Xaqiiqdii aniga Xaaf majiraan dagaal naga dhaxeeya balse waxaa jira dd nasii kala fogeynaya kuwaas oo markasta sheegaya in uu khilaaf naga dhaxeeyo waa kuwaas kuwa diidan ina an mudowno,Bulshadana waxaa laga rabaa in ay intaas garato ayuu yiri Sheekh Axmed Shaakir” ‘’ Waxa ogtihiin marwalbo waa nala dacaayadeyaa wax walba waa nagala shegaa laakiin dadka ma oga xaqiiqda jirta marwalbo oo nalo yeero ama Gobalada dhexe nagula yimaado inaga waxa dhaheynay idiinka aya wakiil inaga ah hadana warar been abuur ah ayaa nagala baahiyaa, ayuu yiri Madaxweyne Sheikh Shaakir” ayuu mar kale yiri. Sikastaba waxaa la filaya in dhawan dalka Jabuuti ay tagaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxweynaha Gobolada Dhexe ee Sheekh Shaakir si halkaasi wadahadalo uga furmaan. Hoos Ka Dhageyso Codka Sheekh Shaakir. http://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/11/Madaxweyne-Shaakir.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Bosaso-[Puntland Post]-Dood Ku Saabsan Saamenta Khilaafka Wadamada Khaliijka iyo Dawlad Gobaleedyada Soomaliya oo ay soo qaban qaabisay Xarunta Cilmi Baarinta Geeska Afrika ayaa ka dhacaday Magaalada Bosaso ee xarunta Gobalka bari. Waxaa ka soo qeyb galay kulanka xubno ka socday golaha wasiirada Puntland, aqoonyahano, siyaasiyiin, dhalinyaro, madaxda jaamacadaha, culimo’udiin, madaxda bangiyada iyo shirkadaha isgaarsiinta . Wasiiro dowlaha wasaaradda warfaafinta Puntland Cabdifitaax Nuur Ashkir oo ugu horeyn ka hadlay kulanka ayaa sharaaxaad dheer ka bixiyey xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeyey Soomaaliya iyo wadamada khaliijka. ”Sidaa ognahay waxaa iskhilaafay wadamo aynu nahay walaalo, sharciga adduunkana kuma dhisna in wadan la isku xulufeysto, su’aasha aan maanta isweydiinayno waxa ay tahay maxaan ka faa’idnay jirjiga wadanka Qadar, wadomo oo ay ka mid yihiin Itoobiya Qadar waxa ay ka faa’ido mashaariicyo badan, waxaan u baahanahay in meel cad aynu ka istaagno khilaafyadaasi ayuu yiri Wasiiro dowlaha wasaaradda warfaafinta Puntland Cabdifitaax Nuur Ashkir.” Gudoomiyaha jamacadda Bosaso Pof. Cabdiwali Cabdiraxaman Geere ayaa isna sharaax sidoo kale ka bixiyey xiriirka wadamada Khaliijka kala dhexeeyey Soomaaliya. Madaxa xarunta cilmi baarista geeska Afrika Liibaan Axmad Shire ayaa sheegay in xiriirka ka dhexeeyo Soomaaliya iyo khaliija uu yaay soo jireen, iyadoo taariikhda qoray inta aan la hormarin in wadamadaasi khaliijka ay ahaayeen wadamo baahiyo iyo duruufo badan ka jirtay. Cabdiqani Boos Puntland Post-Bosaso The post Dood ku saabsan khilaafka wadamada Khaliijka iyo mowqifka soomaliya oo Bosaso lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Laba askari oo ka tirsan ciidamada Nabad Suggida Somaliya ayaa lagu dilay Isgoyska Sanca ee Degmada Kaaraan, kadib markii lagu weeraray goob Koontarool ah oo ciidanka ay ku sugnaayeen. Ciidamada la dilay ayaa ku hawlanaa baarista gaadiidka mara Isgoyska Sanca ee aada dhanka Hotel Global, waxaana dilkooda ka dambeeyay ciidamo kale oo ka tirsan Nabad Suggida Somaliya. Wararka waxa ay sheegayaan in ciidamada dilka gaystay ay horay u sii qaateen laba qori oo ay lahaayeen labadaasi askari ee dilka ay u gaysteen. Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in wali maydka askartaasi uu yaalo ka soo hor jeedka Sarta Baana Raama ee Sanca. Ilo wareedyo ayaa inoo xaqiijiyay in Askarta dilka Geysatay ay ka tirsanaayeen Ciidanka Xasilinta Gaar ahaan Qaybta uu Taliye u ahaa allaha unaxariistee Taliye ku dhintay weerar ka dhacay Hotelka Naasa hablood two. Labadan Askari ee la dilay ayaa diiday in ay hubka soo Wareejiyaan ka dib markii la sheegay in lagu amray in ay Hubka soo wareejiyaan. Wararka qaar ayaa sheegaya in loo maleynayo in uu jiro isku dhac kale oo Horay uga dhaxeeyay, laakiin Lama xaqiijin. Ciidamadii weerarka soo qaaday ee Nabad Suggida ka tirsanaa ayaa durba halkaasi isaga cararay, waxaana goobta gaaray ciidamo kale oo ka tirsan Nabad Suggida Somaliya. Xaalad feejignaan ah ayaa ka jirta koontaroolada Ciidamada Nabad Suggida Somaliya ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho, sababo ku aadan shaki soo kala dhex galay ciidanka dhexdooda.
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xilkii Wasiirka Gaashaandhigga umagacaabey Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,iyadoo sidoo kale isla degreetadaasi xilkii laga qaadey Wasiirkii Owqaafta iyo arrimaha diinta Xukuumadda Soomaaliya,Dr Iimaan C/llaahi Cali. Tani ayaa muuqata tallaabadii u horeysay ee uu Ra’iisul Wasaaruhu qaado, isla markaana xilka ka qaadis ku sameeyo wasiir ka tirsan Xukuumaddiisa, kaddib markii ay Labo Wasiir is casileen bil gudahood. Wararka qaar ayaa sheegaya in xil ka qaadista Wasiirka Ow-qaafta iyo Arrimaha Diinta ay la xiriirto arrimo ku saleysan awood qeybsiga beelaha. Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa xilalka dowladda u hela qaab awood qeybsi, waxaana dad badan sheegayaan in xil ka qaadista Wasiirkan iyo magacaabista Wasiirka Gaashaandhigga uu ka muuqdo isu dheelitir qaabka awood qeybsiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dad ka careysan dhul la burburinayo ayaa banaanbaxa ka dhigaya Xaafadda Siligga Ameerikaanka ee Degmada Wadajir,waxaana ay isku dhac dhexmaray Ciidamada halkaas bur burka ka wada ku dhaawacmay dhowr qof. Rabshadahan ayaa billawday kaddib markii Ciidamada dowladd ay bur birin ka billaabeen Xaafado ku yaalla degaankaas oo ilaa shalay ay bur burinta ka socotay. Dadka degaanka ayaa Ciidamada ku eedeynaya in Ganacsato ay gadaal ka riixayaan bur birinta Ciidamada dowladda ka wadaan xaafadda Siligga Ameerikaanka ee Degmada Wadajir. Banaanbaxayaasha ayaa Maamulka Gobolka Banaadir ka codsaday in uu wax ka qabto Ciidamada ka socda dowladda ee xaafadahooda bur burinta ku haya iyaga oo tuhmaya in Ganacsato ka dambeyso. Dadka degaanka ayaa sheegaya in wax ka yar lix saacadood loo qabtay islamarkaana lagu amray in ay guuraan ama guryaha laga duminayo,waxaana ay sheegeen in aysan taas qaadan karin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (PP) ─ Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa xalay kala hadlay Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo wax hor-taagan in la fuliyo dilka Askarigii ka dambeeyay dilkii Wasiir Cabaas Siraaji. Mudanayaashan Qaarkood ayaa Madaxweynaha weydiiyay su’aalo la xiriira sababaha illaa iyo hadda loo fulin la’yahay go’aankii maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya a ku ridday askariga dilka geystay. “Annagoo 50 xildhibaan ah kana kala tirsanaa labada gole ee Baarlamaanka ayaa la kulmay xalay Madaxweynaha DF, waxaana kala shirnay caqabadaha hortaagan inuu saxiixo dil lagu fuliyo askarigii ka dambeeyay dilkii Wasiir Cabaas Siraaji, Wasiirkii hawlaha guud ee Somalia, Wuxuuna noo sheegay in arrintaas uusan hilmaamin meel wanaagsanna ay mareyso, isla markaana uu tix-gelinayo go’ankii maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida,” ayay tiri Xildhibaanad Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ahayd kuwii la kulmay madaxweynaha Somalia. Sidoo kale, Xildhibaan Xaniifa ayaa sheegtay inuusan Madaxweyne Farmaajo caddeyn xilliga la sugayo, laakiin ay dareemayaan in dano Qabiil ay ku hor-gudban yihiin fulinta kiiskaas. Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Madaxtooyada oo ku saabsan kulanka ay xildhibaannadu la qaateen madaxweynaha Somalia, waxaase ujeeddada kulankoodu ahaa inuu cadaalad helo marxuum Siraaji, lana fuliyo xukunkii maxkamaddauku ridday askarigii dilkiisa ka dambeeyay. Dhanka kale, Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli baraha bulshadu ku xiriirto la soo dhigayay todobaadkii hore hadallo ku saabsan dilkaas iyo sababaha loo fulin la’yahay dilka gacan-ku-dhiiglihii dilay wasiir Siraaji. Ugu dambeyn, Waa markii ugu horreysay oo xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka ay Madaxweynaha DF kala hadlaan arrinta ku saabsan dilkii Marxuum Siraaji iyo Askarigii ka dambeeyay oo horay Maxkamadaha ciidamada ay dil ugu xukumeen. PUNTLAND POST The post Xildhibaano kala hadlay Farmaajo sababta loo fulin la’yahay xukunkii dil ee Askarigii dilay Wasiir Siraaji appeared first on Puntland Post.
  14. Bosaso-[Puntland Post]-Xaflad siweyn loo soo agaasimay oo ka dhacday Hoteelka Gacayte ee Magaaladda Bosaso, ayaa Maamulka Bangiga Amal ee Gobolka Bari iyo Sanaag bari ku daahfurey adeega Keydka Caruurta ee “Xuddun-xirka”, adeegaan ayaa Bangigu u diyaariyey in waalidiinta ay Caruurtooda u abuuraan Keyd maaliyadeed iyaga oo yar-yar. Daahfurka Adeega Cusub ayaa waxaa ka soo qeyb galay bulshada ku dhaqan degmada Bosaso qeybaheeda kala duwan. Kulanka ayaa waxaa ugu horeyntii furey Madaxa Suuq-geynta Bangiga Amal ee Gobolka Sanaag Iyo Sanag bari Muuse Siciid Xasan, isagoo Faahfaahiyey adeega Xuddun-xirka iyo asal ahaan in kasoo jeedo dhaqanka Soomaaliyeed; iyadoo ilmaha loogu xuddun xirijiray neef xoola ah marka uu dhasho, hadana taas bedelkeeda uu ilmaha u baahanyahay in uu dareemo lahaansho, iyo in Bangiga ugu diyaariyey bulshada in adeegaan si caruurta looga keydsho wixii waalidka awoodiisa ah. Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Maamulaha Bangiga Amal ee Gobolka Bari iyo Sanaag Bari Dr. Maxamed Faahiye Ciise isagoo ku dhiiri geliyey in ay bulshada xafladda ka soo qeyb gashay in uga faa’iideyaan caruurta adeegaan, iyo in Bangiga Amal bulshada dhankasta ka horumarinaayo, ujeedada Bangiga ugu weyn ay tahay bulsho dhaqaala ahaan lajaan qaadi karta bulshooyinka kale ee caalamka. Dhammaadkii xafladda ayaa kasoo qeyb galayaashii xafladda waxay bilaabeen in ay u furaan caruurtooda adeega keydka caruurta iyadoo ugu yaraan 30 caruur ah loogu furay isla goobta xafladdu ka dhacday, iyadoo Bangiguna u balan qaaday in caruurta loogu furay adeega keydka goobtaas uu koontadooda xisaabeed ugu shubi doono xisaabta ugu horeysa ee ilmaha loo keydin doono. Ugu dambeytii wuxuu xafladda ayaa ku dhamaatay jawi wanaagsan. Cabdiqani Boos Puntland Post-Bosaso The post Bangiga Amal oo adeega Keydka Caruurta ee Xuddun-xirka Ku daahfurey Magaalada Bosaso appeared first on Puntland Post.
  15. Madaxweyne Farmaajo wuxuu raadinaya wax loo magac daray “Ciidanka difaaca shacabka”, shalay wuxuu la kulmay dhalinyaro la rabo iney ku biiraan ciidankaas si mutadawacnimo ah, sidoo kale horaantii bishan ayuu ugu baaqay dhalinyaradda waxbarata iney qalinka dhigaan oo ay qoryaha qaataan si dalka looga xoreeyo Al Shabaab. In la dhiso ciidamo horleh iyadoo kuwii hore aan xuquuq iyo nolol fiican loo heynin waa uun iska talo xumo iyo ciwaanka la yiraahdo “wax walba ku tijaabi” , laakiin hadiiba hogaanka sare ee dalku uu raadinayaan ciidamadda difaaca shacabka, waxaan qabaa in shaqaalaha wasaaradaha Dowladda laga qoro kuwa iska dhex fadhiya oo waxey qabtaan waayay, mushaarka fiican qaata, markii horana aan loo qorin baahi shaqaale oo wasaaradaha ka jirtay. Mudane madaxweyne waxaan aragnay wasaarado degan 5 qol oo kaliya ayna u shaqeeyaan 200 ama 300 oo qof, wax ay wasaaradda u qabtaan Iska dhaafe wasaaraddu xitaa fadhi uma heyso iyo door ay ku shaqeeyaan, waxey qaataan mushaaraad u dhaxeeya $400,$700 ilaa $1200, cid walba ayaa og in aan baahi wasaaradaha ka jirta loo qorin laakiin hadda waxaa la joogaa xiligii laga faa’iideysan lahaa dadkaas. Adigoo meel ku og 7000 (todobo kun ) oo qof, kuwaas oo 70% aan Dowladda shaqo saxan u heynin, oo mushaar ka qaata bil walba, oo Dowladda Facebook_yadda iyo fedhi ku diriradda ka caaya, inaad dhalinyaro hada wax baraneysa dagaal galiso sabab keeni karta ma muuqato , adna ilama ahan madaxweyne inaad sharaxaad u heyso midaas. Shaqaalaha wasaaradaha ee 12kii sano ee lasoo dhaafay uu wasiir walba xoogaa ku heyb ah kusoo xaabiyay meesha fadlan qaranka uga faa’iidey ,mudo ayey lacag bilaa dhidid ah qaadanayeen, waxaa jira wasaaraddo shaqaalahoodu ku yimaadeen hanaanka 4.5. Wasaarad walba hadii aad 100 shaqaale ah ka qaado, tababar ciidan oo deg deg ahna la siiyo lana jiheyo waxaad heli kartaa dhowr kun oo askari oo ah ciidanka difaaca shacabka, markii aad talaabadaas qaado dadku waxey kuu arki doonaan nin meel u socda, hadii aaney xitaa taasi macquul kuu aheyn mushaarkooda 60% hala dhimo oo ciidanka mushaarkiisa 60% kor u qaad si Askarinimadu qiimo u yeelato inta dalku ku jiro xaaladda dagaal. Suurta gal ma’ahan madaxweyne inaad wiilal iyo gabdho wax baranaya kusoo lugooyso meel bilaa mushaar ah oo bilaa xuquuq ah ee fadlan kuwa aad bil walba lacagta akoonada ku siisaan uga faa’iideya dalka iyo dadka. Talaabadan hadii aad qaado waxaan hubaa in intooda dhiiga shacabka dhuuqi jirtay ay qeyli doonaan ama ay Iska bixi doonaan , kadib waxaad heli doontaa wiilal iyo gabdho saacadna xafiisyadda ka shaqeeya, saacadna qorigoodu garabka ugu jiro oo dalka difaacaya. Ilama ahan iney jiri doonaan dad badan oo kugu garab istaaga inaad iska indho tirto 7000 oo shaqaale ah oo lacag qaata bil walba wax muuqdna aan u qaban Dowladda, oo taa badalkeeda aad caruur wax baraneysa dagaal ugu yeerto, Dowladnimadu ma’ahan qudbo iyo hadal macaani ee waa arin u baahan fikir iyo fulin. Waxaa Qoray : Cabdulaahi Cismaan Faarax Raafac22@gmail.com
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaraah xukuumadda federaalka soomaaliya mudane xasan cali khayre ayaa magacaabey wasiirka cusub ee wasaaradda gaashandhigga ,iyadoo xilkii laga qaadey wasiirkii diinta iyo owqaafta soomaaliya. Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo lahadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in degreetadaasi ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre lagu magacaabey Wasiirka Gaashaandhiga ee cusub islamarkaana xilkii looga qaadye Wasiirkii Diinta iyo Owqaafta. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xilkii Wasiirka Gaashaandhigga umagacaabey Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,iyadoo sidoo kale isla degreetadaasi xilkii laga qaadey Wasiirkii Owqaafta iyo arrimaha diinta Xukuumadda Soomaaliya,Dr Iimaan C/llaahi Cali. Xilki Wasiirka Diinta iyo Owqaafta Xukuumadda Soomaaliya waxaa sii haynaya Wasiiru Dowlaha Wasaaraddaasi C/xakiin Xuseen Ashkir. Lama shaacin sababta xilka looga qaaday Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee xukuumada Soomaaliya Iimaan Cabdullaahi Cali, waxaase xilka qaadista xaqiijiyay Wasiirka Warfaafinta ee xukuumada Soomaaliya Eng.Cabdi Raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow). Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa si kulul uga hadlay dhibaatooyinka waayadaani ka taagan magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia. Farmaajo ayaa sheegay in dhibaatooyinka ka taagan dalka la doonaayo inay ka hortagaan dadka Soomaaliyeed. Waxa uu sheegay in dowladiisu ay heyso fursado badan oo la doonaayo in shacabka Soomaaliyeed ay ka faa’iideystaan, inkastoo aysan muuqan diyaar garow ay shacabka ugu jiraan isbedel. Waxa uu sheegay in dal waliba uu hormar gaari karo keliya markii ay isku xirnaadan dadkiisa, waxa uuna cadeeyay in dadka Soomaaliyeed aysan weli qaadin talaabo ay ku kordhinaayan isku xirnaanshiyahooda, balse ay rajo ka qabaan isbedel. Madaxweyne Farmaajo waxa uu ka digay laba arrin oo inta badan ay caadeysteen Soomaalida kuwaa oo kala ah in qof waliba uu dalkiisa ku haleeyo qofka kale iyo in laga niyad jabay hanaanka lagu hormarin lahaa dalka. Waxa uu Farmaajo ku baaqay in dadka Soomaaliyeed ay ka fogaadan niyad jabka isla markaana ay qaatan go’aan sabar ah maadaama dalka aysan u maqneyn umad kale. Sidoo kale, waxa uu ku baaqay in laga fogaado waxyaabaha dhalinkara tashwiishka isla markaana howlaha la xiriira Siyaasada looga danbeeyo dowlada. Arrintaani ayaa kusoo beegmeysa xili dowlada Somalia ay cadaadis xad dhaafa kala kulmeyso Golayaasha Aqalka hoose iyo aqalka Sare. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Goordhow waxa uu Magacaabay Wasiirka Cusub ee Gaashaandhigga xilkaas oo mudooyinkaan banaanaa. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa xilkaas loogu Magacaabay Mudane Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman. Xilkaan ayaa waxaa horay u baneeyay sheegayna in uu si iskiis ah isaga casilay Cabdirashiid Maxamed Cabdullaahi.
  19. Waxaa goordhaw Xildhibaan Danjire Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan loo magacaabay in uu noqdo wasiirka gashaandhigga ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Wasiirka ayaa horay waxaa uu November 2016-kii uga mid noqday Xildhibaan Beesha Luwaay ee golaha shacabka federaalka ah, waxaa uu xukuumaddii Cumar Cabdirashid ka ahaa wasiirka Tamarta iyo Biyaha. Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxaa 2011-kii loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee Turkiga, jagadaasi uu hayey wax ka badan 5 sano. Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga ee Soomaaliya Cabdirashid Maxamed Cabdullaahi ayaa is casilay October 12, 2017-kii, 2 maalmood ka hor qaraxii Zoobe. Dhinaca kale, Ra’isul wasaare Xasan Khayre ayaan xilka ka qaaday Wasiirka Diinta & Awqaafta Mudane Iiman Cabdullahi Cali waxaana sii heynaya Wasiiru Dowlaha Mudane Cabdihakim Xassan Ibrahim Ashkir. Goobjoog News Source
  20. Degreeto ka soo baxday Xafiiska R/Wasaaraha XFS ayaa xilkii Wasiirka Gaashaandhigga loogu magacaabay Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan in uu noqdo wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya. Sidoo kale isla degreetadaasi ayaa xilkii looga qaadey Wasiirkii Owqaafta iyo arrimaha diinta Xukuumadda Soomaaliya Dr Iimaan C/llaahi Cali. Dhanka kale warar ay heshay Puntland Post ayaa waxa ay sheegayaan in Ra’iisul wasaare Kheyre uu xil ka qaadis ku sameeyn doono xubno kale oo ka tirsan golaha wasiirada Soomaaliya. Faah Faahin Dheeraad ah dib kala soco Insha allah. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ra’iisul wasaare Kheyre oo magaacabay Wasiirka Gaashaandhiga, Xilkana ka qaaday Wasiir Kale appeared first on Puntland Post.
  21. Guddoomiyaha cusub ee degaanka Godobjiraan ee gobolka Nugaal ayaa ka dayriyey xaalada Abaareed ee ka jirta deegaankaasi. Guddoomiye Axmed yare oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in xaalad adag ay ka jirto halkaasi oo abaar baahsan ah, waxa uu tilmaamay in xoolihii qaarna abaaro laayeen kuwii kalena ka hayaameen abaaraha ka jira deegaanka. dhinaca kale waxuu sheegay inay qalaleen beerihii degmada lahayd oo Afar xili roob uusan roob ka di’in halkaasi. Waxa uu guddoomiye Axmed Yare ugu baaqay maamulka Puntland, hay’adaha Samofalka ah iyo cid walbo oo Soomaaliyeed iney gurmad u sameeyaan dadka ku haray deegaanka Godobjiraan ee gobolka Nugaal. Goobjoog News Source
  22. Maamulka deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in cudrro ay ka dilaaceen deegaankaasi, kuwaasi oo u baahan in si degdeg ah wax looga qabto. Guddoomiyaha deegaankaasi Daahir Dhago-badan oo la hadlay Goobjoog, ayaa sheegay in hadda dadka badi ay la il daran yihiin cudurrada Duumada iyo Shuban Biyoodka. Wuxuu sheegay ineysan jirin dawo rasmi ah oo ay dadkan u hayaan, sidoo kalena wuxuu sheegay in laga gaabiyey baaqyo ay u direen dowladda Federaalka iyo Galmudug. “Dadku wuu daadsan yahay, Xeraale caafimaadkeeda waa in wax laga qabtaa, waxaan idiin sheegayaa iney dadka guryahooda daadsan yihiin, in Duumo iyo Shuban Biyood ay dadka si ba’an ula jiifaan, mana jirto dhaqtar daweeya” ayuu yiri guddoomiyaha. Ugu dambeyn, guddoomiye Dhago-badan ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug in sida ugu dhaqsiyaha badan ay gurmad caafimaad ula soo gaaraan shacabka ku dhaqan deegaankaasi. Goobjoog News Source
  23. War qoraal ah oo uu soo saaray militariga Kenya ayaa lagu sheegay in Al-shabaab inta badan laga saaray kaymaha Boni ee ku yaalla xadka labada dal ee Somaaliya iyo Kenya. Al-shabaab ayaa halkaas ka soo qaadi jiray weerarada ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya,sida uu tilmaamay militariga,waxayna dileen tobanaan isugu jira shacab iyo ciidamada tan iyo markii militariga kenya ay galeen gudaha dalka Soomaaliya sannadkii 2011. Dhinaca kale sarkaal sare oo kenyan ah ayaa shalay sheegay in xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee ka soo jeeda dalka Kenya ay ka baxsanayaan duqeymaha Maraykanka ee gudaha Soomaaliya,islamarkaana ay dib ugu soo laabanayaan dalkooda,wuxuuna ka digay halista ka soo wajahan. weerarada Al-shabaab ka soo qaadaan kaymaha Boni ee laga fuliyo gudaha kenya,ayaa waxaa ku baro-baxay boqollaal shacab ah,kuwaasoo naftooda kala baxsanaya qaraxyada iyo af-duubka joogtada ah ee Al-shabaab. PUNTLANDPOST The post Militariga Kenya oo war ka soo saaray dagaalka Al-shabaab. appeared first on Puntland Post.
  24. Magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horreysay waxaa laga bilaabay adeeg si Online ah ay dadka ugu dukaameysan karaan iyaga oo guryahooda jooga. Maxamed Maxamuud Nuur Shiine, waa aas aasaha adeeggan, wuxuu Goobjoog u sheegay in adeeggan uu dadka u suurtagelinayo iney iibsadaan Tikidhyada diyaaradaha, lambarada dhaqaatiirta, iibsashada taleefannada iyo wixii lamid ah. Waxa uu sheegay in adeeggan ugu talogaleen in shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku sugan magaalada Muqdisho ay u fududeeyaan adeegyada ay u baahan yihiin. Shiine wuxuu tilmaamay in muddo Sanad ah ay ka fekerayeen qaabka adeeggan ugu shaqeyn karo magaalada Muqdisho. “Waxaan ahay aas aasaha Somali Online Market, bilowgii 2016-kii ayaan kasoo fekernay qorshahan, Sanad dhan ayaan qorsheynaynay, waxaan eegeaynay in waxan ay shaqeyn karaan iyo in kale, marka waxaa inoo soo baxday iney tahay fursad banaan oo u baahan in laga faa’ideysto” ayuu yiri Shiine. Dalalka horumaray ee caalamka ayaa si caadi ah suuqyadooda wax looga iibsan karaa qaab Online ah adiga oo jooga gurigaaga. Halkaan hoose ka dhageyso: http://www.goobjoog.com/business/wp-content/uploads/2017/11/warka-dhaqane.mp3Goobjoog News Source
  25. Wadamada Sacuudiga iyo Iiraan loolanka, is maan dhaafka iyo hirdanka siyaasadeed ee u dhaxeeya mudo sanooyin fara badan ah ayuu taagnaa waxaase uu sii xoogaystay sannadihii la soo dhaafay iyadoo dhawrkii bilood ee ugu dambeeyayna xaaladu ay cirka isku sii shareeraysay. Labadan waddan ee (Iiraan & Sacuudiga) oo kala hoggaamiya Shiico & Sunni arimaha ugu waaweyn ee ay ku hardamayaan waxaa ka mid ah dalkii noqon lahaa quwada ugu weyn ee dhinacayada siyaasada dhaqaalaha iyo milatariga looga danbeeyo marka ay timaado hogaaminta waddamada Bariga Dhexe ilaa Bariga Afrika. Waxyaabaha mudan in la xuso waxaa ka mid ah markii Allaha u naxariistee Madaxweyne Sadaam Xuseen laga tuuray xukunka Ciraaq ayaa waxaa jirta in awood ballaaran ay lasoo baxday Iiraan, taa baddalkeeda waxaa daciifay oo walina haadaan dheer kusii socda siyaasaddii arrimaha dibadda ee waddankii isku magacaabay hormuudkii Islaamka (Saudi Arabia). Sacuudigu way daawanayeen raalina waa ay ka ahaayeen markii Ciraaq dhulka lala simayay, iyadoo meesha ay ka baxday dowladdii Sunniga majaraha u hayeen, waxaana xukunkii la wareegay Shiicada, taasoo guul dahabi ah ay u noqotay Iiraan. Bal aanu eegno siyaasada sacuudiga iyo sida ay ugu muuqato in ay tahay mid majara habawsan. SIYAASADA SACUUDIGA EE KU AADAN DALKA TURKIGA Turkiga oo maanta awood iyo dhaqaale ku leh dunnida kasbadayna shucuubta dadyowga Islaamka oo idil, Sacuudigu masoo dhaweysan, laakiin taa baddalkeeda waxaa saaxiib dhow ka dhigatay xukuumadda Tehran. SIYAASADA SACUUDIGA EE KU AADAN DALKA YEMAN Xukunkii ay majaraha u hayeen dowlad Sunni ah ayay Sacuudigu meesha ka saareen mid kale oo ay soo dhoob dhoobeenna waa dhiseen, nasiib xumo Iiraan oo arrinkaas il-feejigan ku haysa ayaa shiico kicisay illaa markii dambe ay heshiis ka dhex abuurtay madaxweynihii xilka laga dajiyay Cali Cabddala Saalix iyo madaxdii shiicada. Caasimaddii wadanka & inta badan dalka waxaa gacanta ku haya Shiico, ninkii Sunniga ahaa “Mr Saalix” & saraakiil ciidan yar oo uu wato waxaa ku hareeraysan Shiico, waayo waa lagu dan gaaray. Iiraan halkaa waxaa uga suurto gashay in gantaaladeeda lagu gano dhulka Sucuudiga. waana fursad kale oo ka dhalatay siyaasad xumada dalalka Sacuudiga & Imaaraadka. Arrimo siyaasaddeed oo lagu dhamayn lahaa bilo gudohood ayaa waxay maanta la maraysaa sanado dhiig ku daateen. SIYAASADA SACUUDIGA EE KU AADAN SYRIA. Inkastoo fursad fiican uusoo maray Sacuudiga kuna dhawaaday inuu xukunka ka tuuro maamulkii Shiicada ee dalka Syria, nasiib xumase xoogaggii ku kacsanaa iyo Alqaaciddadii magaca beenta la huwiyay ma midaynin, umana samayn hal ajande illaa markii dambe xoogaggii dagaalka kula jiray xukunka Madaxweyne Bashaar Al-Asad ay kala tafaraaruqeen kaddibna ay isku badashay howshii Al-Qaacidda (ISIS) iyo mucaaradkii dalka oo tiro yar. Waxaa batay dagaalyahannadii ISIS oo ujeeddadii loo aasaasay waji kale u yeelay, waxay ku dhawaaqeen inaysan ku ekaanayn Syria laakiin ay socon doonaan illaa Yurub, Mareykanka & dunnida Muslimkaba. Waxaana halkaas albaab uga furmay dalalka Ruushka, Iiraan iyo ururka Xisbullah, waxayna kusoo dagaal galeen inay sifaynayaan argaggixiso iyo inay difaacayaan dowladdii Shiicada. Mar afaraad waxaa halkaas guul ugasoo hoyatay dalka Ruushka oo maanta go’aamada Bariga dhexe talo ku leh, iyo Iiraan oo araxda ka jabisay qorshihii Sacuudigu maalgaliyay oo Reer-Galbeedkuna u durbaan tumeen. SIYAASADA SACUUDIGA EE KU AADAN DALKA LUBNAAN. Hoggaamiyaha wata siyaasadda qar-iskaxoorka ah ee Sacuudiga taladiisa la wareegay Maxamed Bin Salmaan (MBS) ayaa isagoo raadinaya waddo uu u maro kuna ku dhabar jebiyo Iiraan & ururka Xisbullah ayuu u yeeray Ra’iisal wasaaraha Sunniga ah ee dalka Lubnaan SACAD XARIIRI isagoo magaalada RIYADH jooga ayuu sida wararka ay sheegeen ku khasbay inuu is-casilo, Xariirina waa uu yeelay. Hoggaamiyaha ururka Xisbullah Xasan Nasrallah oo warbaahinta la hadlay ayaa isaguna warfidiyeennada u sheegay in Sacad Xariiri lagu qasbay inuu iscasilo, waana u ekaatay! waxayna Nasrallaah & Iiraan oo wada socda ka codsadeen Madaxweynaha Lubnaan Misheel Cawn inuusan aqbalin arrinkaas uuna yiraahdo waddanka haku soo laabto Ra’iisal wasaruhu. muddo usbuuc ama todobaad kaddib waxaa warbaahinta Sacuudiga kasoo muuqday Sacad Xariiri oo u eg inuu kusoo lugeeyay waddada u dhaxaysa Afgooye iyo Muqdisho. (Rifrifka ka muuqda aad ka yaabayso). waayo Maxamed Bin Salmaan ayaa xabsi guri galiyay. Waxaa arrinta soo dhexgalay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo soo furtay Sacad Xariiri wuxuuna keenay Magaalada Paris kaddibna ku celiyay Lubnaan, shir albaabbadu u xirnaayeen oo madaxda dalka Lubnaan yeesheen Sacad Xariiri waxaa lagu qanciyay inuu ka laabto iscasilaadda xilkana sii hayo, Waana yeelay! Waxaa mar kale fashil foolxun ku yimid ujeedkii Sacuudiga. Maanta Sacuudiga Lubnaan & Sunnigii xukuumadda hoggaaminayeen midna faro kuma hayo, gabayguna waa ka xiran yahay. xukuumadda Tehran baase dhoosha ka qoslaysa. SIYAASADA SACUUDIGA EE KU AADAN DALKA Qadar. Waa dal yar, waa dal dhaqaalihiisu uu Bangiyada Yurub oo dhan buuxaan, waa dal shirkado waawayn ku leh Yurub, waa dal galaangalkiisu dhinac walba jiro, waa dal leh siyaasad midaysan oo qunyar socod ah. Imaaraadka oo ka duulaya dhaqaalihiisii oo u wareegay dalka Qadar ayaa Sacuudiga adeegsaday kuna tilmaamay in ay halis qarsoon tahay sidaa darteedna tallaabo laga qaado, cunaqabatayn aan waxba loola harin baa lagu soo ragay, biyo, raashin, daawo, ganacsi nooc walba leh, hawada & badda ayay ka xirteen, dabeedna Iiraan oo fursad uga bannaanaatay ayaa waddankii Qadar ahaa waxay ula soo ordeen, Qudrad,raashin iyo biyo deg deg ah, dalka Turkigana wuxuu keenay, Caano, Hilib, Daawo iyo ciidamo difaaca haddii lasoo weeraro. Ujeedka ugu weyn oo ahaa in ay dalka Qadar jilbaha dhulka loo dhigo laga waa, ceeb baase ka raacday, mar kale Iiraan oo maalinba maalinta ka dambeya raadinaysay sidii ay Sacuudiga ugu soo dhawaan lahayd ayaa waxaa jirta in maanta ay Sucuudiga ka xigaan Koonfur, Waqooyi iyo Bari. Dhammaantoodna waxaa jooga sirdoon & ciidan u shaqeeya Iiraan, Sacuudiguna iska daah inuu taako horey u qaadee garoomadoodii dayuuradaha baa si dadban duqayn lagu hayaa. FURSADII UGU DAHABSANAYD GOORMA AYEY SACUUDIGA SOO MARTAY? Iiraan oo ka caraysan dilkii ay Sacuudigu ku fuliyeen wadaadkii Shiicada ahaa Nimri Al-Nimri ayaa waxaa weerar lagu qaaday safaaraddii & Qunsuliyaddii Sacuudigu ku lahaa Iiraan, waxba kama qaban ciidamada Boliiska Magaalada Tehraan tan iyo intii laga gubayay safaaradda Sacuudiga, waxaana faro ciddi leh ku baxsaday safiirkii,qoyskiisa iyo shaqaalihii safaaradda. Subixii xigay, waagu markuu baryay Sacuudigu wuxuu waddamadii Sunniga ku cadaadiyay in ay safiirradooda kalasoo baxaan Iiraan xiriirkana diblomaasiyadeedna u jaraan, waa lawada yeelay! Xukuumaddii Tehran falkaas waa ku fashilnatay, waxayna dhexdhexaadin ka dalbadeen Reer-Galbeedku in ay arimaha soo dhexgalaan, sida caadada u ah Reer-Galbeed Muslim isku jabay waa farxaddooda, ayaa Tehran markay aragtay in xaajo ku qalloocan tahay si asluubaysan bay uga hadleen raali galinna waa ka bixiyeen. HADDABA MAXAA XIGAY? Sacuudigu kama faa’iidaysan fursaddaas oo waxaa loo baahnaa in ay waddamada Sunniga ah ula yimaadaan siyaasad furfuran, oo waddan kasta taageero nooc walba leh lala garab istaago, waxay ahayd in ay sameeyaan guddi farsamo oo booqda waddamada Islaamka oo latashiyo kala sameeya arrimaha caafimaadka, waxbarshada, siyaasadda, dhaqaalaha, isku socodka. IWM. Waa sida ka muuqata siyaasaddoodee waxay isku qabaan inay dunnida Muslima iyagu leeyihiin……. waa is dhigteen sidii inay guul joogaan. Waddamo badan oo filayay in Sacuudigu is furfuri doono ayay Sacuudigu xaajaddii la aadeen meel khalddan waxayna Qaramada Midoobey ka dalbadeen in cadaadis la saaro Iiraan, xisaabtaba kuma darsan waddamadii u hiiliyay! Dunnidii Muslimka candhuuftay dib u liqeen waana loo aamusay, Sacuudiga oo taageero khalddan raadinaya ayay dunnida Islaamka ka codsadeen in xiriirka diblomaasi loo jaro dalka Qadar……. dee wixii aad ogayd baa dhacay! Yaahuu baa la yiri. Isku soo xooriyoo marka dhinacyo badan laga eego siyaasadda Iiraan waa mid deggen oo qunyar socod ka muuqdo tallaabo walba oo ay qaadayaana ay in badan ka fiirsadaan, ururrada ay taageerayaan waa kuwo u adeega danaha Shiicada & dowladda Iiraan. Dhinaca kalane Sacuudiga siyaasaddiisu ma fadhido waxaana ka muuqata seef laboodnimo, waana mid u eg istus-tusnimo, magacii Islaamka waa ku ciyaareen, urur kasta oo ay siyaasad ahaan taageeraanna ugu dambeyntii fashil ayuu ku dhammaadaa! Qalinkii: Maxamed Jaamac Faarax. The post Maqaal:- Hirdanka iyo Loolanka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Sacuudiga iyo Iiraan oo sii kordhaya appeared first on Puntland Post.