Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,125
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. ADDIS ABABA, Ethiopia – Ethiopia’s government says more than 20 people have been killed in renewed clashes between ethnic Oromos and Somalis in the past week. Spokesman Negeri Lenco says 98 people were arrested in the Oromia region and five arrested in the Somali region. A long-standing border dispute and an increased military presence in the regions triggered the recent fighting. Officials agreed to reconcile differences in April and troops were deployed to major roads, but clashes have continued. Fighting in September killed several dozen people and displaced tens of thousands of Oromos. “People were fighting with whatever means they have against the Somali Special Police,” Galagalo Daalacha, an ethnic Oromo, told The Associated Press of Friday’s fighting in the Borana area. “Many people fled to the forest after troops … entered the area.” Source: AP
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada isutaga Imaaraadka Carabta ayaa daboolka ka qaaday inay muhiim tahay in laga fekero sida lagu soo afmeeri lahaa shaqooyinka ay warbaahinta Aljazeera u heyso bulshada caalamka. Dowladu waxa ay sheegtay in Aljazeera ay caqabad ku tahay amni iyo xasilooni ka dhalata dhammaan dalalka carabta, sidaa aawgeed la doonaayo in lasoo afjaro magaca iyo jiritaanka Tv-ga AlJazeera oo laga leeyahay dalka Qadar. General Dhahi Khalfan oo ah Taliyaha Ciidamada Amniga ee Dubai, ayaa qoraal uu kusoo daabacay bartiisa Twitter ku sheegay in Aljazeera ay mudan tahay in gabi ahaanteeda la Qarxiyo. General Dhahi Khalfan, waxa uu sheegay in warbaahinta Aljazeera ay ku sifowday buunbuuninta Kooxaha argagixisada ah isla markaana ay noqotay mid si toosa ugu hadasha afka kooxaha argagaxisada ah, sida lagu qeexay qoraalka. General Dhahi Khalfan, waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in warbaahinta Aljazeera ay taageero siiso kooxaha xagjirka ah isla markaana khatar ku tahay amniga dalalka Carabta. Nuqul kamid ah qoraalka Taliyaha Ciidamada Amniga ee Dubai, General Dhahi Khalfan ayaa ahaa ”Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraatka waa inay duqeeyaan warbaahinta ISIS, AlQacida, Al Nusra iyo argagaxisada” Sidoo kale, Yaser Abuhilalah oo ah Agaasimaha guud ee warbaahinta Aljazeera oo ka jawaabaya haddalka General Dhahi Khalfan, ayaa sheegay in haddalkaasi uu ka dhigan yahay duulaanka ay Imaaraadka ku tahay Qadar. Dhinaca kale, Yaser Abuhilalah waxa uu cadeeyay in caga jugleynta General Dhahi Khalfan ay dhiiragalin u noqoneyso maamulka iyo howlwadeenada Aljazeera, sidoo kalane uu dhiiri galinaayo argagixisada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Jabouti uu ka furmo wajiga labaad ee wadahadalka Maamulka Galmudug iyo AhluSunna. Wadahadalka Galmudug iyo Ahlusunna ee magaalada Jabouti ayaa waxaa horboodaya xubno ka tirsan IGAD oo garwadeen ka ah wadahadalkii kusoo dhamaaday Kenya iyo kan maanta ka furmaaya Jabouti. Wadahadalkan ayaa waxaa qeyb ka noqon doona mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Jabouti, waxaana lagu wadaa in wadahadalkan uu noqdo mid afmeer u ah khilaafka labada dhinac. Magaalada Jabouti waxaa hadda ku sugan Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Hogaamiye ku-xigeenkiisa Carabey iyo Hogaamiyaha AhluSunna Sheekh Shaakir. Mas’uuliyiinta Galmudug iyo Ahlusunna, ayaa sidoo kale is hortaag ku sameeyay wafdi uu Hogaaminaayo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha C/llaahi Faarax Wehliye oo la doonaayay inay shirka ku matalaan DFS. Galmudug iyo Ahlusunna, ayaa sheegay in shirka uu ka mamnuuc yahay dowlada Somalia, maadaama ay horay ugu soo fashilantay xal u helida khilaafka labada dhinac. Hogaamiyaha Ahlusuna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa dhawaan sheegay in iyaga iyo Galmudug aanay dagaalsaneyn, balse ay jiraan dad diidan inay midoobaan, isla markaana in la wada hadlo aanay doonin. Dhinaca kale, Axmed Ducaalle ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii uu ula heshiin lahaa Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe ee dalka ku sugan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Hey’adda UNICEF ayaa axaddii sheegtay in illaa 11 Milyan oo caruur Yemeniyiin ah ay u baahan yihiin gargaar banii’aadamnimo oo degdeg ah. Sida uu sheegay Geert Cappelaere oo ah madaxa xafiiska hey’adda ee bariga dhexe mar uu hadlayey shir saxaafadeed uu ku qabtay caasimadda Urdun, 11-kaas Milyan ee caruurta ah, waxaa ay u dhigmaan 40% tirada guud dadka reer Yemen. Mas’uulkan waxaa uu intaasi ku daray in dagaalka ka socda Yemen ay ku dhinteen in ka badan 5 kun oo caruur ah 5tii sano ee la soo dhaafay, isaga oo soo qaatay in caruur badan iskuullada ka hareen, qaar caafimaad darro heyso iyo illaa hal miyan oo nafaqo darro soo ridatay. Dagaalka Yemen oo 2014-kii bilowday waxaa isku haya Xuutiyiinta iyo Cabdi Rabu Mansuur, waxaa kale oo dagaalka ku jira ciidamo daacad ah madaxweynihii hore Cali Cabdalla Saalix, Sacuudiga iyo Xulafadiisuna cirka ayey ka duqeeyaan. Goobjoog News Source
  5. Maamullada Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljameeca ayaa maanta oo Isniin ah waxa uu shir uga furmayaa magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti. Wasiirkii hore ee dib u heshiisiinta Galmudug Cismaan Maxamed Cali oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyey nuxurka shirkaan iyo qabanqaabadiisa xilliga ay soo bilaabatay. Wuxuu sheegay in IGAD muddo badan ay ku howlaneed in Labada dhinac wadahadalsiiso, balse mashquul dhanka Galmudug ah loo xayirnaa. Cismaan ayaa sheegay in shirkaan uu noqon doono kaliya gogol xaar iyo sidoo kale in la wadahadlo oo Labada dhinac aqbalaan iney midoobaan, kadibna ka shiraan sida loo midoobi lahaa. Dhanka kale, wasiir socdaal ayaa sheegay in ayaan xumo ay tahay in dad Soomaaliyeed oo waliba gobol ku wada nool iney dal kale shir u aadaan. Halkaan hoose ka dhageyso: http://www.goobjoog.com/business/wp-content/uploads/2017/11/WAREYSI-WASIIR-HORE-GALMUDUG-CISMAAN-DHEERE-27-11-2017-SAX.mp3Goobjoog News Source
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa Xabsi ku yaalla Jaziiradda Mahe ee Seychelles ku booqday illaa 15 Maxaabiis Soomaali ah oo halkaas ku xiran. Maxaabiista ayaa ku xukuman sanado, kaddib markii ay Maxkamad ku heshay dambi la xiriira burcad badeednimo, kuwaas oo laga soo qabtay Xeebaha Soomaaliya. Waxaa laga soo qabtay xeebaha dalka Soomaaliya. Mid ka mid ah oo ay u dhammaatay muddadii lagu xukumay ayaa bisha Disembar 2017 la sii deyn doonaa. Inta kale waxaa u dhimman sannado xabsi ah, waxayna mas’uuliyiinta Seychelles diyaar u yihiin in isla bisha Disember 2017 ay ku wareejiyaan Dowladda Soomaaliya. Dhallinyarada xabsiga ku jirta markii aan la kulmay iyada oo uu i wehliyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Seychelles, Danjire Barry Faure iyo Madaxa Xabsiyada Seychelles, Raymond Ange, waxay ii soo dhoweeyeen iina marxabbeeyeen si aad u diirran oo laga dareemi karo Soomaali-jacayl. Inkatsa oo xorriyad la’aan iyo xukun dheer ay ku jiraan, haddana dhallinyarda kama muuqan ilgooyo iyo niyad jab toona. Waxay ahaayeen dad ay oogadooda iyo hugooduba nadiif yihiin. Lix hor leh Inta ay xabsiga ku jireen waxay ku barteen af Ingiriis iyo xirfado dhowr ah. Intaa ka dib waxaan booqday 6 dhallinyaro ah oo Soomaali ah oo ay ciidammada Midowga Yurub ee xeebta Soomaaliya ilaaliyaa ay ka soo qabteen aagga Degmada Marka ee Shabeellada Hoose, toddobaadkii hore, dalkanna ku xirnaa afar maalmood. Waa dhallinyaro ku eedeysan burcadbadeednimo. Waxay ku doodayaan in ay ahaayeen kalluumeysato. Nimankaan wax hub ah laguma arag doontooda. Waxay leeyihiin matoorka ayaa ka xumaaday doonta markaas ayay jihada ay doonto ula sabbeysay. Markii aan is wareysannay iyada oo ay joogaan Mas’uuliyiinta Arrimaha Dibadda Seychelles, kuwa xabsiga iyo laba xubnood oo ah UNODC, ayaan qol gooni ah tegey oo aan mid mid u wareystay lixdaan nin ee dhallinyarada ah. Faahfaahin badan hadda kama bixin karo. Baaritaan ayaa ku socda. Maxkamad ayaana la soo taagi doonaa. Waxay ku soo xoomeen calanka Soomaaliya oo surnaa baabuurka la igu waday, iyaga oo ku dhawaaqaya – Soomaaliyeey toosa, toosa oo isku tiirsada… Mar kale ayaan wadahadal la qaadan doonaa mas’uuliyiin sare oo dalkan Seychelles ah. W/Q. Yuusuf Garaad
  7. Shir gogol xaar u ah wada hadalka Galmudug iyo Ahlu-sunna ayaa maanta oo Isniin ah ka dhacaya dalka Jabuuti. Shirkaan oo uu wado urur goboleedka IGAD ayaa lagu heshiisiinayaa maamulladan oo ku muransan siyaasadda gobolka Galgaduud. Ahlu-sunna ayaa horay u sheegtay in aysan ka qeyb gelin dhismaha maamulka Galmudug oo hadda xarun KMG ah u ah magaalada Cadaado. Mas’uuliyiinta Labada dhinac ayaa gaaray dalka Jabuuti, kuwaasi oo shalay dalka ka ambabaxay. Waxaa jiray wadahadallo aan dhameystirneen oo horey u dhexmaray Galmudug iyo Ahlu-sunna. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
  8. Wasiirkii hore ee warfaafinta maamulka Puntland Maxamuud Xasan Jaamac Soocadde ayaa xukuumadda madaxweyne Gaas ku eedeeyay inay dayacday gobollada Sool iyo Sanaag. Soocadde ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog wuxuu kaga hadlay muranka dhuleed iyo midka siyaasadeed ee ka taagan gobolladaasi una dhaxaysa maamullada Puntland iyo Somaliland. Wuxuu sheegay inuu soo dhoweynayo doorashadii Somaliland ka dhacday sidoo kalena lagu qabtay degaanno kamid ah gobollada Sool iyo Sanaag. Siyaasi Soocadde ayaa sheegay in dhowr jeer la isku soo hadal qaaday sidii ay Puntland ay dib ugu soo ceshan lahayd gobollada ka maqan, balse aanay suurtagelin. Maamulka Puntland ayuu ugu baaqay in uu mideeyo bulshada gobolladaasi si siyaasadda looga heshiiyo islamarkaana Somaliland sheegashadeeda Sool iyo Sanaag ay meesha kaga baxdo. Halkaan hoose ka dhageyso: http://www.goobjoog.com/business/wp-content/uploads/2017/11/WASIIR-HORE-SOOCADDE-26-11-2017.mp3Goobjoog News Source
  9. Xabsi ku yaalla Jaziiradda Mahé ee dalka Seychelles ayaan maanta ku soo booqday 15 Soomaali ah oo halkaa ku xiran. Waxay ku xukuman yihiin sannado kala duwan ka dib markii lagu helay dembi burcadbadeednimo. Waxaa laga soo qabtay xeebaha dalka Soomaaliya. Mid ka mid ah oo ay u dhammaatay muddadii lagu xukumay ayaa bisha Disembar 2017 la sii deyn doonaa. Inta kale waxaa u dhimman sannado xabsi ah, waxayna mas’uuliyiinta Seychelles diyaar u yihiin in isla bisha Disember 2017 ay ku wareejiyaan Dowladda Soomaaliya. Dhallinyarada xabsiga ku jirta markii aan la kulmay iyada oo uu i wehliyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Seychelles, Danjire Barry Faure iyo Madaxa Xabsiyada Seychelles, Raymond Ange, waxay ii soo dhoweeyeen iina marxabbeeyeen si aad u diirran oo laga dareemi karo Soomaali-jacayl. Inkatsa oo xorriyad la’aan iyo xukun dheer ay ku jiraan, haddana dhallinyarda kama muuqan ilgooyo iyo niyad jab toona. Waxay ahaayeen dad ay oogadooda iyo hugooduba nadiif yihiin. Lix hor leh Inta ay xabsiga ku jireen waxay ku barteen af Ingiriis iyo xirfado dhowr ah. Intaa ka dib waxaan booqday 6 dhallinyaro ah oo Soomaali ah oo ay ciidammada Midowga Yurub ee xeebta Soomaaliya ilaaliyaa ay ka soo qabteen aagga Degmada Marka ee Shabeellada Hoose, toddobaadkii hore, dalkanna ku xirnaa afar maalmood. Waa dhallinyaro ku eedeysan burcadbadeednimo. Waxay ku doodayaan in ay ahaayeen kalluumeysato. Nimankaan wax hub ah laguma arag doontooda. Waxay leeyihiin matoorka ayaa ka xumaaday doonta markaas ayay jihada ay doonto ula sabbeysay. Markii aan is wareysannay iyada oo ay joogaan Mas’uuliyiinta Arrimaha Dibadda Seychelles, kuwa xabsiga iyo laba xubnood oo ah UNODC, ayaan qol gooni ah tegey oo aan mid mid u wareystay lixdaan nin ee dhallinyarada ah. Faahfaahin badan hadda kama bixin karo. Baaritaan ayaa ku socda. Maxkamad ayaana la soo taagi doonaa. Waxay ku soo xoomeen calanka Soomaaliya oo surnaa baabuurka la igu waday, iyaga oo ku dhawaaqaya – Soomaaliyeey toosa, toosa oo isku tiirsada… Berrito ayaan mar kale wadahadal la qaadan doonaa mas’uuliyiin sare oo dalkan Seychelles ah. Yuusuf Garaad Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Puntland Post The post Wasiir Yuusuf Garaad oo Warbixiyay Xaalada Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku Xiran Seychelles appeared first on Puntland Post.
  10. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa magaalada Riyad ee dalka Sucuudiga uga qeyb galay shirka Wasiirrada Gaashaandhigga ee isbahaysiga la-dagaalanka argagixisada. Waxana kulankani ka qeybgalaya in ka badan afartan waddan, iyadoona diiradda lagu saaray dhibaatada ay kooxaha argagaxisada ah ku hayaan dalalka Islaamka. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo khudbad dheer ka jeediyey shirka ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Boqortooyada Sucuudiga ee marti gelisay shirka, wuxuuna ka waramay sida ay dawladda Soomaaliya uga go’an tahay ciribtirka kooxaha xagjirka ah. Mudane Khadar ayaa ka warbixiyay dhibaatada kooxda Alshabaab ku hayso shacabka Soomaaliyeed, isagoo soo qaatay qaraxyadii ugu dambeeyey ee ka dhacay Muqdisho oo ku naf-waayeen shacab aan waxba galabsan iyo sidoo kale qaraxii bishan ka dhacay dalka Masar. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa la kulmay dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Amiir Mohammed Bin Salmaan, waxaana ay ka wada hadleen adkeynta xiriirka labada dal iyo sidii la iskaga kaashan lahaa arrimaha amniga, dhaqaalaha, Waxbarashada iyo Caafimaadka. Wafdiga Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa waxaa kamid ah La-taliyaha Madaxweyne ee arrimaha ciidamadda S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo saraakiil sare oo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. —DHAMMAAD—- Source
  11. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa magaalada Riyad ee dalka Sucuudiga uga qeyb galay shirka Wasiirrada Gaashaandhigga ee isbahaysiga la-dagaalanka argagixisada. Waxana kulankani ka qeybgalaya in ka badan afartan waddan, iyadoona diiradda lagu saaray dhibaatada ay kooxaha argagaxisada ah ku hayaan dalalka Islaamka. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo khudbad dheer ka jeediyey shirka ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Boqortooyada Sucuudiga ee marti gelisay shirka, wuxuuna ka waramay sida ay dawladda Soomaaliya uga go’an tahay ciribtirka kooxaha xagjirka ah. Mudane Khadar ayaa ka warbixiyay dhibaatada kooxda Alshabaab ku hayso shacabka Soomaaliyeed, isagoo soo qaatay qaraxyadii ugu dambeeyey ee ka dhacay Muqdisho oo ku naf-waayeen shacab aan waxba galabsan iyo sidoo kale qaraxii bishan ka dhacay dalka Masar. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa la kulmay dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Amiir Mohammed Bin Salmaan, waxaana ay ka wada hadleen adkeynta xiriirka labada dal iyo sidii la iskaga kaashan lahaa arrimaha amniga, dhaqaalaha, Waxbarashada iyo Caafimaadka. Wafdiga Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa waxaa kamid ah La-taliyaha Madaxweyne ee arrimaha ciidamadda S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo saraakiil sare oo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. PUNTLAND POST The post R/Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo ka qeeybgalay Shir looga hadlayay la dagaalanka Argagixisada. appeared first on Puntland Post.
  12. Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska The Standardmedia ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa qoraya in uu jiro khilaaf u dhaxeeya Madaxda Xarakada Al-shabaab kaddib weerarkii 14kii Ocober ka dhacay Magaalada Muqdisho. Wargeyska oo soo xiganaya Saraakiil dhinaca sirdoonka ah ayaa sheegaya in madaxda dhexe ee Al-shabaab, guddoomiyayaasha Gobollada iyo Taliyayaasha Ciidamada qaar ee al-shabaab aysan la dhacsaneyn hoggaamiyaha Al-shabaab ee hadda. Khilaafkan ayuu wargeysku sheegayaa in uu soo baxay kaddib weerarkii 14kii October waxaana Abuu Cubeyda lagu eedeynayaa in uusan la tashan Golaha shuurada ee Al-shabaab markii la go’aaminayay Qaraxii Zoobbe ka dhacay. Golaha shuurada ee Al-shabaab ayaa ansixiya bartilmaameedyada la weerarayo,waxaana weerarkii Zoobbe la sheegayaa in uusan kala tashan Golaha hayeeshee go’aankaas uu kaligiis qaatay. Sidoo kale The Standard waxaa ay sheegeysaa in khilaaf uu ka midyahay dilka lagu fuliyo Dadka lagu eedeeyo in ay basaasiin u yihiin dowladda Soomaaliya iyo AMISOM. Hoggaamiyaha Xarakada Al-shabab Axmed Diiriye ayuu Wargeysku sheegayaa in uu hadda bartilmaameedsanayo hoggaamiyayaasha kale ee Al-shabab sida Mahad Karataay oo ah Madaxa Sirdoonka Al-shabaab,waxaana uu uga wal walsanyahay in ay saameyn taban ku yeeshaan hoggaankiisa Xarakada. Kenya ayaa sidoo kale dhawaan sheegtay in Saraakiisha Kenyaanka ah ee ku jira Al-shabaab ay baxsan ka yihiin kaddib markii la isku qabtay weerarrada Al-shabaab ay ka geystaan Mandheera iyo Gaarisa oo ay ku dhintaan dad Muslimiin ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Riyadh (Caasimada Online) – Wargeyska CUKAAZ ee ka soo baxa dalka Sacuudiga waxa uu shalay qoray inay heleen xog ku aadan Qorshe ay Dowladda Qatar ku qoranayso rag Somali iyo Kenyan weeraro ka fuliya gudaha dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, waa sida uu Wargeysku qoray. Wargeyska oo ku xiran dowladda Sacuuidga waxa uu tilmaamay inay hay Dowladda Qatar go’aansatay qorshahaasi, 24-saacadood kadib, markii ay Dowladdaha Sacuudiga, Imaaraadka iyo Masar ku dareen Dowladda Qatar Liiska dalalka iyo Shaqasiyaadka taageera Kooxaha loogu yeero Argagixisadda. Wargeyska CUKAAZ waxa kale oo uu qoray inay heleen Mcluumaadka Qorshaha Qatar ku qoranayso Calooshood-u-shaqaystaal Somali iyo Kenyan, si ay weeraro uga geystaan Magaallooyinka Riyadh iyo Abu Dhabi. Wargeyska ayaa sidoo kale horey ugu qoray in Sheekh Maxamed Saciid Atam oo Qatar ay magan galyo siisay lagu daray liiska argagixisada. Wargeyska CUKAAZ waxa uu qoray in Maxamed Saciid Atom oo horey uga tirsanaa Alshabaab, haatanse ku sugan Caasimadda dalka Qatar ee Dooxa uu qortay dhallinyaro Somali iyo Kenyan si ay weeraro uga geystaan dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka, waa sida uu Wargeysku qoray. Marka la eego warkan ayaa u muuqanaya mid ka mid ah olalaha ka dhan ah Qatar ee ay wadaan warbaahinta Sacuudiga iyo Imaaraadka, oo aany jirin meel kale oo loo dhaafo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar hoose oo sheegaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre uu hirgaliyay Xisbul-Xaakim is garabtaaga Xukuumada Somalia. Xisbul-Xaakimkan ayaa waxaa dhidibada loogu aasay Villa Somalia, sida aan kasoo xiganay mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia, iyadoo qorshaha aasaaska lagu sheegay in looga gaashaanto Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ka imaado Golaha Shacabka. Xisbul-Xaakimkaan aan weli lagu dhawaaqin ayaa waxaa ku jira Wasiiro, Wasiiru dowlayaal iyo Xildhibaano miisaan ku dhex leh Dowlada Somalia. Xisbul-Xaakimkan ayaa waxaa si rasmi ah u hogaamin doona Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre, waxaana la xaqiijiyay in looga gaashaman doono Mooshinka caadada u noqday Xildhibaanada garabka Mucaaradka. Xubnaha Xisbul-Xaakimka ayaa ah Xildhibaano sidoo kale ka tirsan Golaha Wasiirada waxa uuna heerkoodu yahay kuwo u kala qeybsama 3 qeybood oo kala ah: 1-Taageero Buuxa (TB) 2-Taageero (T) 3-Taageero meel Dhexe ah (TMDH) HOOS KA AKHRISO LIISKA XILDHIBAANADA IYO HEERKA AY U KALA BAXAAN:
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Inkastoo dalka uu leeyahay Xeebo dhowr ah hadana Xeebta Batalaale ee magaalada Berbera ayaa ka taariikh badan Xeebaha kale ee uu dalku leeyahay. Xeebta Batalaale, ayaa ah mid ku haboon dalxiiska waxaana si joogta ah halkaa ugu dalxiistaga boqolaal ruux oo kasoo baqoola dalka dibadiisa. Dadka u dalxiistaga Xeebta Batalaale ayaa waxaa kamid ah Ajaaniibta booqashada iyo howlaha Ganacsi u taga magaalada Berbera, waxaana xusid mudan in kheyraadka laga gurto Xeebtaasi ay ku tiiran yihiin qoysasbadan. Xeebta Batalaale ayaa ka mid ah meelaha taariikhda weyn ku leh dhulkeena Somalia, waxaana si xooli ah uga socda dhaqdhaqaaq Ganacsi dhanka kaluumeysiga ah. Dadka ugu badan ee u shaqataga Xeebtaan ayaa waxaa u badan Haween waana xeeb inta badan degan isla markaana ka caajisan dhibaatooyinka. Xiliyada qaar ayaa waxaa u jilitaan taga Xeebta Fannaaniin dhalinyaro ah kuwaa oo ku qaada Heesaha iyo isla markaana ku jila masrixiyadaha.
  16. Muddo laga jooga shan sano waxaa magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho ka dhacay doorashadii madaxweynaha dawladda Federaalka oo ay ka qayb galeen musharaxeen uu ka dhex muuqday nin ay Soomaalidu ku baratay ka hadalka midnimada , wadajirka iyo falanqaynta muhimadda ay leedahay in dalkii Soomaliyeed dib dhidibadiisa loogu taago. Ninkaasi waa Dr. Ahmed Samatar, oo ka mid ahaa mudanayaaashii habka qabiilka ah lagu soo xulay ee dooranayay madaxweynahii hogaamin lahaa dalka ay daashadeen colaadaha iyo abaaraha xaalufiyay dad, dal iyo duunyaba. Haddaba waxaa dhamaatay doorashadii madaxweynaha, waxaana ku guulaystay mudane Xasan Sh. Maxamuud oo helay cododkii ugu badnaa ee doorashada ay codeeyeen xildhibaandii Baaarlamaanka. Iyadooba ay xafladdii caleemasaarka madaxweynaha qoyan tahay waxaa Hargaysa ka degay Dr. Axmed Samatar oo aad uga cadhooday guuldaradii ka raacday doorashadii iyo tartankii kursiga mdaxweynaha. Professor-ka ayaaa isku dayay inuu dadka ka dhaadhiciyo in sababta uu uga quustay Soomali weyn ay tahay in labo qabiil loo afduubay kursiga madaxweynaha Soomaliya. Waxuu intaa ku daray in markaan u soo jeestay in uu dalkiisa Somaliland u shaqeeyo uuna mar danbe laga maqli doonin arrin ku saabsan Soomaliya. Hadalada Professor-ka waxaa ka muuqatay fudayd, nacayb, quudhsi, cay iyo cadho badan oo uu kula dul dhacay waxa uu ugu yeedhay Koonfurta Soomaliya iyo Muqdisho. Waxaase dad badan oo waxgarad Soomaliyeed ah la yabeen in Professor-ku uu san sheegin runt aka danbaysa u digasho rogashadiisa Hargaysa iyo kala goynta midowgii Soomaliya oo sanooyin badan uu ku heesayay. Hadiii arrintu tahay qabyaalad, miyaanu Dr. Axmed laftiisa kursigii Baarlamanka ku soo gelin habka 4.5 ee wax lagu qaybsanayay. Miyaanu ogayn in heshiis lagu ahaa in seddexda kursi ee ugu sareeya dalka loo qaybsaday hab qabiil ah oo cid waliba ogayd. Professor-ka miyuu isyeeel yeeelayay mise waxa uu ka maquurtay in uu yidhaahdo waxaan danteyda gaarka ah ka dhex arkay magaalda shidan ee Hargaysa. Waa sanadka 2017 waxaana mar kale soo muuqday Dr. Ahmed Samatar oo dhex boodaya doorashada xisbiyada Somaliland ee s qabyaalddu ay garwadeenka u tahay. Markaan ma aha labo qabiil waxa ay afduuban tahay jagada madaxweynaha ee waa hal qabiil . Cid kalena looma ogola xitaa inay haweysato. Bal aynu wada eegno hadalkii uu jeediyay Faysal Cali Waraabe doorashada ka dib “Waxaynu galnay doorasho qabyaaladaysan, aniga cid aan reerkayga ahay oo weliba qaar la iga kaxaeystay oo ii codaysay ma jirto. Waxaa guulaystaywaa qabiil ka guulaystay qabiil kale, waa Jeegaan waxa guulaystay.” Haddaba Maxuu maanta ku hadli karaa haddii si xushmad leh aanu u weydiino Professor Axmed Said samatar, Maxaad uga cadhootay oo weliba u caysay qabyaaladii Xamar oo aad u dhexboodi oo weliba u amaani tan Hargaysa? Jawaabta waynu kaa sugi , haddii aad weydo jawaab lagu qanci karo fadlan raali geli dadkii faraha badnaa ee aad ku gaftay ee aad ka dhigtay in qabyaaladda iyo eexdo ay gaar u tahay reer koonfureedka. Waxaan leenahay Professor-ka iyo dadka la midka ah ee uu arka kuna dooda in Somaliland dimoqraadiyad ka hana qaaday oo qabyaaalad ka gudabtay bal dib u eega doorashadii dhacday November 13-keedi iyo sida qabyaaladdu ugu milantay min bilow ilaa dhamaad. Waa hawl Soomaali u wada taal sidii aynu uga gudbi lahay qabyaaladan ragaadisay noloshii iyo horumarkii Soomali meel ay joogtaba. W/Q: Yuuusf A Geelle Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa qorshaha la doonaayo in Hogaamiyaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare uu kusoo dhisaayo Gole Wasiiro oo dhameystiran. Hogaamiye Waare oo laga doonaayo Wasiiro ay ka kooban yihiin beelaha dega deegaanada uu maamulkiisa ka arimiyo, ayaa iminka ku howlan wadatashi kii ugu danbeeyay. Hogaamiye Waare ayaa wadatashiga xoogiisa isugu geeyay Xildhibaanada, Odayaasha iyo Bulshada qeybahooda kale, waxaana lagu wadaa in gudaha asbuucaani uu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada. Siyaasiyiin ku dhow dhow madaxtooyada Jowhar ayaa sheegay, in Hogaamiye Waare uu hadda bilaabay wadatashigii ugu danbeeyay, waxa uuna iminka kulamo aan kala joogsi laheyn la leeyahay qeybaha kala duwan ee bulshada si uu ugala tashado wasiirada uu soo magacaabi doono. Siyaasiga aan xogtaani la wadaagnay ayaa sidoo kale xaqiijiyey in magaalada Jowhar ay ku qulqulayaan Siyaasiyiin xil ka raadinaya maamulka Hirshabelle. Geesta kale, waxaa maalmahaan jiray khilaaf xoogan oo soo kala dhexgalay Hogaamiye Waare iyo Xildhibaanada Hirshabelle, kaasi oo ku aadanaa hanaanka loo soo magacaabayo wasiirada, balse ugu dambeyn is faham laga gaaray. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Asbuucaan warki iigu xiisaha badnaa waxaa uu ahaa miisaaniyadda 2018ka ee dowladdu soo bandhigtay. Inkastoo aanan helin masaaniyadda oo dhamaystiran, hadana goosgooska lagu soo bandhigay shabagadaha wararka ayaa iigu filnaaday mashquul. Mar walba oo aan akhriyaba xog dheeraad iyo qodobo xiiso leh ayaa ii baxayay. Laakiin waxaan goor danbe ku baraarugay in xiisaha ay ii leedahay miisaaniyaddu aysan dadka u wada lahayn. Sidee? Marki ay dowladdu soo bandhigto qorhse cusub, waxaa caado noo ahayd in aad looga faalloodo. Muxaafid iyo mucaarad ayaa loo kala safan jiray. Mid aqoon u leh iyo midaan waxbo kala soconba qof walba fakerkiisa ayuu dhiiban jiray. Maqal, muuqaal iyo qoraalba waa lagu wadaagi jiray. Laakiin miisaaniyaddu sidaasi ma noqon inkastoo ay ahayd midda ugu qiimaha badan qorshayaalki aan arkeenay dhawaanahaan. Waxay ahayd in idaacaduhu ay aad u baahiyaan misaaniyadda sharraxaad dheeraad ahna dadka ka siiyaan. Waxay ahayd in dhaqaalo-yahannadu ka faalloodaan muuhiimadda ay xambaarsantahay iyo sida ay u saamayn doonto howlaha dowladda. Waxay ahayd in shacabku si fog u akhriyaan fahmaanna muhiimadda ay u leedahay miisaaniyaddu. Shacabku waa dadka ay sida tooska ah u saamaynayso miisaaniyaddu. Iyaga ayaa canshuurta laga qaadaayaa, alaabaha canshuurta lagu kordhiyay qiimaha ku darmayo shacabka ayaa bixin doono si toos ah, sidoo kale iyaga ayaa dib loogu celinayaa inteeda badan. Sidaa darteed waxay ahayd inay waqti galiyaan si ay dowladdu oogala xisaabtamaan adeegyada bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka. Oo yaa baahida bulshada xisaabta ku darsado? Maya saas maahan. Adeegga bulshadu waa xilka koowaad ee dowladda saaran, mana hilmaansana in wixii loo ikmaday ay taasi ahayd. Miisaaniyadda sanadkaan waxaa lagu soo bandhigay lacagta loo qoondeeyay waxbarashada iyo caafimaadka oo waliba la sadex jibbaaray. Tusaale, miisaaniyaddi hore qoondada waxbarashadu waxay ahayd labo milyan labo boqol iyo sodon iyo afar kun, siddeed boqol afarntan iyo todobo doolar ($2234847) halka sanadkaan laga dhigay todobo milyan todobo boqol iyo todobaatan kun, afar boqol iyo siddeetan iyo siddeed doolar ($7,077,488). Hadaba shacabka maxaa ku dhacay? Dhibka nagu dhacay ayaa ah in burburkii nasoo maray meesha uu ka saaray shaqadii dowladdu noo qaban jirtay sidaa awgeed inay adeeg noo haysaba ma ogin. Kama sugayno waxbarsho iyo caafimaadka aasaasiga ah, kama sugayno taakulayn iyo gacan qabasho kuweeenna taagta daran kumana aanan tashan inayba xisaabta nagau darayso. Haddiiba ay nagu soo dhacdo inaan xuquuq ku leenahay waxaan ka fakernaa amniga. Inta kale waxaa ka doodno waa yaa wasiirrada noogu jiro iyo kuraas nagu filan beesha ma la siiyay. Mucaardki maxaa ku dhacay? Marki maasaaniyad lasoo gudbiyo, cidda kowaaad ee ahayd inay findhicisho waxay ahayd mucaaradka. Waxay ahayd inay toosh weyn ku ifiyaan in dowladdu xil iska saartay bulshada iyo in kale. Waxay ahayd inay si hoose u eegaan in canshuurta dowladdu soo bandhigtay si gooni ah uu saamanayso deegaannada laga soo doortay. Waxay ahayd in qoondoonyinka la soo bandhigay ay ka eegaan in gobollada laga soo doortay ay ku jiraan iyo in kale iyo inay xuuquqda dadkooda raadiyaan. Taasi ma dhicin. Ugu yaraan si muuqato uma aannan arak inay gadaal wax ka yimaadaanse waa laga yaabaa. Waxaan is iri mucaaradku ma naftiisa kaliya ayuu u doodaa mise iyaguna sida shacabka ayaysanba ogayn in dowladdu xil ka saaranyahay adeegga bulshadu. Maxaa xal ah? Waxaa socdo horumar fiican. Tallaabooyin muhiim ah ayaana xagga horumarka loo qaaday. Shacabku laf dhabar ayuu u yahay horumarka dalka. Cidda la hormarinayo waa iyaga. Mustaqbalka loo doodayo waa kan caruurtooda. Dan aan shacabka ahayn oo jiri karto ma jirto sidaa darteed waxaa laga maarmaan ah in shacabku noqdo barta laga cabbir qaadanayo marki la eegayo horumarka uu dalku samaynayo. Si loo helo shacab udub u ah horumarka waa in la qaadaa olole ballaaran oo shacabka lagu barayo xuquuqda ay dowladda ku leeyihiin, waxa ay tahay inay ka fishaan iyo sida ay ula xisaabtami karaan. Ilaa la helo shacab soo jeedo oo yaqaan waxa ka maqan, danta bulshadu waxay ku jiri liiska danbe. Ibrahim Aden Shire Ishire86@gmail.com Kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/
  19. Ciidanka Amniga Puntland PSF ee sida gaarka ah ah u tababaran ayaa hawlgal ka dhan ah cadowga Al Shabaab ka fuliyey Buuraleyda deegaanada Dhadhaabo iyo Ceelldibir ee Buuraha Cal Madow. Howlgalkaan ayaa waxay ciidanku ku soo qabteen 4 nin oo lagu tuhmayo in ay katirsanyihiin kooxda Al Shabaab ee ku dhuumaalaysta Buuraha Cal Madow. Ciidanka ayaa raggaan la qabtay si gaar ah uga shakiyay inay Alshabaab u qaabilsan yihiin ugudbinta sahayda iyo raashinka, kuwaas oo ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada Puntland. Saraakiisha ciidanku waxay sheegeen in baaritaan ku wadaan raggaan, sharcigana la horgayndoono haddii dambi lagu helo. Puntlandi.com
  20. Hay’adda GRT ayaa Maanta magaalada garoowe ku qabatay kulan ku saabsan ol-olaha 16 maalmood ee cirib-tirka tacaddiyada ka dhanka ah haweenka,kaasoo loo qabtay hay’adaha ammaanka iyo bulshada qaybahaheeda kala duwan. Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saarayey sida ugu habboon ee hay’adaha amniga iyo bulshadu uga wada-shaqeyn karaan dabar-goynta dhammaan tacaddiyada ka dhanka ah haweenka. Madaxa Tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta ee hay’adda GRT Muxubo Siciid Maxamuud oo kulanka hadalka ka jeedisay ayaa ka warbixisay dadaalka dheer ee GRT ugu jirto cirib-tirka dhammaan noocyada dhibaatooyinka loo geysto haweenka,waxayna bulshada ugu baaqday in meel looga soo wada-jeesto kuwa tacaddiyada kula kaca dumarka. Cabdirashiid Cadceed Geelle oo u hadlay dhinaca hay’adaha amniga ayaa bulshada ka codsaday in ay hay’adaha amniga kala shaqeeyaan ka hortagga iyo cirib-tirka tacaddiyada haweenka,taasoo uu ku tilmaamay sida keliyah ee wax looga qaban karo tacaddiyadaas. Xaliimo Cabdulqaadir Barre oo dowladda hoose ee Garoowe u qaabilsan arrimaha bulshada ayaa bogaadisay dadaalka ha’yadda GRT ugu jirto cirib-tirka tacaddiyada haweeenka,iyadoo ka qayb galayaasha ku boorrisay in ay taageeraan dadaalkaas. Hay’adda GRT ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey si weyn uga shaqeynaysay cirib-tirka dhibaatooyinka loo geysto haweenka,waxayna kulamo badan oo arrintaan ku saabsan horay ugu qabatay qaar kamid ah magaalooyinka Puntland. sawirada kulanka PUNTLAND POST The post Hay’adda GRT oo Garowe ku qabatay kulan ku saabsan cirib-tirka tacaddiyada Haweenka. appeared first on Puntland Post.
  21. Koobka degmooyinka gobolka Nugaal oo maalmihii u dambeeyey ka socday caasimadda Garoowe,ayaa Galabta la soo gabo-gabeeyey,waxaana ku guulaystay xulka degmada Godobjiraan,halka kaalinta labaad uu galay xulka degmada Buurtinle. Kulanka kama dambaysta ah oo lagu qabtay Garoonka Mire Awaare ee magaalada Garowe ayaa kooxda degmada Godobjiraan rigoore uga adkaatay xulka degmada Buurtinle,waxaana sidaasi koobka ku qaadday degmada Godobjiraan. Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Cabdulle oo daawanayey ciyaarta kama dambaysta ah,ayaa bogaadiyey degmooyinka Godobjiraan iyo Buurtinle ee ku guulaystay kaalinta kowaad iyo tan labaad. Sawirro PUNTLAND POST The post Degmada Godobjiraan oo ku guulaysatay Koobka degmooyinka Gobolka Nugaal. appeared first on Puntland Post.
  22. Does newly elected Somaliland president Muse Bihi, would be the second Mgufuli for Africa for fighting the corruption?is the newly elected Somaliland president, he was a Somalilander politician and former military officer. During the 1970s, he served as a pilot in the Somali Air Force under the Siad Barre administration. In 2010, Bihi was appointed the Chairman of the ruling Peace, Unity, and Development Party (Kulmiye) in the self-declared Republic of Somaliland. in November 2015, Bihi was selected as the party’s Presidential Candidate at the 5th central committee convention. [Muse Bihi is fluent in English, Arabic and Russian. Musa Behi went to Hargeisa and Amoud Schools for his primary and secondary education respectively. As one of the top achievers in his year’s GCC exams in the country, he was among a group of high achievers selected to go to the former USSR to study aeronautics in “Gagarin Air Force Academy”. Upon successful completion, he became a fighter pilot for the then Somali Air Force and effectively took part in the Ogaden War; providing air support to the then 21st Division of the Somali Army. He quickly rose through the ranks and was rewarded with another scholarship, this time in the US’s West Point Academy where he earned his second Degree. In 2010, Mr Bihi obtained another Masters Degree in Conflict Resolution from the faculty of Peace and Conflict Studies of the University of Hargeisa. He obtained this Masters Degree while he was working in a very busy political environment. In 1985, he left the Somali army and joined the Somali National Movement (SNM) that successfully ousted the Somali dictator’s regime after a long armed struggle. Muse Bihi has been elected to the Fifth Somaliland democratically elected president mid-November 2017 with absolute majority President Musa have been strongly campaigning that he will fight against corruption, poor governance and preached to reform the health and judiciary sectors for the whole country, Muse supporters always relay on his clear strategic vision and strong leadership style.After the rebirth of Somaliland, Col. Muse Behi Abdi played a vital role in the reconciliation process of Somaliland clans in Burao, Berbera, Sheekh and Borama. By: Essa Jama
  23. In ka badan 20 ruux ayaa ku dhintay isku-dhacyo dib soo cusboonayd u dhexeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ee dalka Ethiopia todobaadkii tegay,sida ay sheegtay dowladda Ethiopia. Af-hayeenka Ethiopia Negeri Lenco ayaa sheegay in 98 qof lagu xiray gobolka Oromia, 5 kalena gobolka Soomaalida. Muranka xuduudaha ee mudada dheer iyo joogitaanka militariga ee ku sii kordhaya gobolka,ayaa kiciyay dagaalka u dambeeyey. Saraakiisha ayaa heshiis gaaray bishii April,waxaana ciidamo la dhigay waddooyinka waaweyn,laakiin isku-dhacyada ayaa sii socday. Dagaalkii bishii Septemper ee sannadkaan ayaa dilay tobanaan ruux,waxaana ku baro-baxay tobanaan kun oo Oromo ah. “dadku wax alla iyo wixii ay haystaan waxay kala horjeedaan Booliiska gaarka ah ee Soomaalida”,sidaasi waxaa Associated Press u sheegay Galagalo Daalacha oo ka soo jeeda qowmiyadda Oromada mar uu ka warbixinayey dagaal jimcihii dhacay “dad badan ayaa kaymaha u baxsaday kadib markii ciidamadu soo galeen aagga“,ayuu raaciyey Daalacha. Xigasho/Wakaaladda Wararka Associated Press. https://apnews.com PUNTLAND POST The post In ka badan 20 ruux oo lagu dilay gudaha Ethiopia. appeared first on Puntland Post.