Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    205,859
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kismaayo (PP) ─ Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay in Dagaal ka dhacay dulleedka Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda Hoose ay ku dishay askari Mareykan ah iyo afar askari oo ka tirsan ciidanka AMISOM, inkastoo kooxdu aysan sheegin khasaare kasoo gaaray dagaalka. Warbaahinta taageera Al-shabaab ayaa sheegay in dagaal ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Yoontoy iyo Buulo-gaduud lagu dilay Askari Mareykan ah iyo Askar kale oo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee ka hawl-gala Soomaalya. Sidoo kale, Dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay in shalay gelinkii dambe ay dagaallo ka dhaceen duleedka Kismaayo, kaasoo u dhaxeeya ciidammo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland, Kenya iyo ciidammo Mareylanka ah. Wararka ayaa sheegaya in diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah ee loo yaqaan Helicopter-ka ay dul heehaabayeen deegaanka dagaallada culusi ay ka dhaceen, iyadoo weli ay xaaladdu kacsan tahay. Dhanka kale, Ma jirto illaa iyo hadda war ka madax-banaan sheegashada Al-shabaab ee ku aaddan dilka Aksariga Mareykanka ah iyo Ciidamada kale ee ka tirsan AMISOM. Ciidamada Mareykanka ayaa ka taageera Ciidamada Kumaandoosta Somalia hawl-galada ka dhanka Al-shabaab ee ka dhaca deegaannada kala duwan ee ay ay Kooxdani ka maamusho Soomaaliya. Ugu dambeyn, Maamulka Jubbaland iyo Talisyada Ciidamada AMISOM iyo Mareykanka ee Somalia ayaan weli ka hadlin dilka la sheegay in askartooda ay u geysatay iyo dagaalka ay la galeen. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo sheegtay inay Jubbooyinka ku dileen Askar isugu jira Mareykan iyo AMISOM appeared first on Puntland Post.
  2. The hopes and experiences of several Somali-Americans are shown in “(Mid)west of Somalia,” a documentary by a professor-student team at Gustavus Adolphus College. Source: Hiiraan Online
  3. The Cabinet has unanimously endorsed Abdi Sheik Ahmed for the post of Director-General of the National Communications Authority (NCA) of Somalia, which is established under Somalia’s Communications Law 2017. Source: Hiiraan Online
  4. Jamaame (PP) ─ Waxaa dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn ay saaka diyaarado u geysteen saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose. Duqeyntan ayaa sida la sheegayo sababtay Qaraxyo waa-weyn ayaa cabsi-gelisay dadka Jamaame ku nool, kuwaasoo sheegaya inay duqeyahan cabsi weyn geliyeen, maadaama degmadaas ay ka mid tahay kuwa ay Kooxda Al-shabaab haysato. Shacabka ku nool Jamaame ayaa sheegay in saakay ay kusoo tooseen jugta madaafiicda culus, kuwaasoo ku dhacayay saldhig ay Al-shabaab degmadaas ku leedahay, waxaana magaalada oo dhan dul-hee-haabyay diyaarado kuwa dagaalka ah, sida ay dadku sheegeen. Duqeyntan ayaa la sheegay inay kusoo aaday xilli saldhigga la weerara ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo doonayay inay ka qayb-galaan shir degmadaas uga furmayay saraakiisha kooxda. Saldhigga la duqeeyay ayaa 5-km u jira degmada Jamaame, waxaana warar hoose oo la helayo ay sheegyaan in duqeyntaas ay khasaare xooggan kasoo gaartay saraakiisha Shabaab, inkastoo aan tiro rasmi ah la hayn. Ugu dambeyn, Duqeyntan ayaa imaanaysa xilli ay xilliyadii u dambeeyay sii kordhayeen duqeymaha ay diyaaradaha dagaalka Mareykanku ka geysanayeen deegaannada Koonfurta Somalia ee ay Al-shabaab ka taliso. PUNTLAND POST The post Diyaarado duqeymo culus ka geystay Saldhig ay Al-shabaab ku leedahay leedahay Jamaame appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (PP) ─ Maxamed Cabdiraxmaan waxa uu ka mid yahay tahriibayaal Soomaalida oo dhawaan laga soo daayay xabsiyada Liibiya oo Muqdisho lagu soo celiyay. Muwaadinkaan oo la hadlayay BBC-da ayaa ka sheekeeyay rafaadkii uu soo maray iyo dhibaatadii ku qabsatay dalka Liibiya. Maxamed ayaa sheegay in afar jeer lagu kala iibsaday gudaha dalka Liibiya. “Afarta jeer ee la i gatay qiimo kala duwan ayaa la igu iibsady, mar la iga bixiyay $5,500, mar al iga bixiyay $6,250 iyo mar $4000 la iga bixiyay” ayuu yiri Maxamed Tahriibayasha ayaa doonaya in ay Liibiya uga sii gudbaan dalalka Yurub. Liibiya ayaa waxaa muddooyiinkii ugu dambeeyay ka jiray addoonsi la sheegay in lagula kaco muhaajiriinta gaar ahaan kuwa Afrikaanka ah, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka adduunka ee IOM. Dalka Liibiya waxaa ku xiran ama tahriib sugayaal ah boqolaal Soomaali ah oo doonaya in ay dalkaasi uga sii gudbaan dhanka Taliyaaniga. Dadkan xiran waxay isugu jiraa kuwa xabsiyada dowlada Liibiya ku jira iyo kuwo gacanta ugu jira maleeshiyaad aan cidna ka amar qaadan. Maxamed ayaa xusay in ciaqaab kala duwan la amrsiiyo muhaajiriinta la afduubay. “Ciqaantu way kala duwan tahay. Mararka qaar cunnada ayaa lagaa jarayaa,xerooyiin usha ayaa laguugu badinayaa, halka meelaha qaarna biyo qabow lagugu rusheynaa” ayuu intaa ku daray Maxamed. Baxsashadii Maxamed Maxamed C/raxmaan Maxamuud, ayaa sheegay inuu kooxdii u dambeysay ee afduubka u haysatay uu si lama filan ah uga soo baxsaday. “Markii salad subax la tukaday intaan iska dhigay wax suulida aadaya ayaan aayar albaabka iska furay dabeedna gidaar dheer ayaan ka booday” ayuu yiri Maxamed. Maxamed ayaa sheegay in markii uu gidaarka ka booday uu suuxsanaa muddo 20 daqiiqo ah balse waxaasi oo dhan ay uga darnaayeen in dib ugu laabto gacanta kooxdii haysatay. “Markii dambe waxaan is iri xanuunkan lagaaga daran, aniga oo si daciifnimo ah ku kacaya oo gidaarada cuskanaya ayaan is iri sidan haddii laguugu soo gaaro xaaladaada way cuslaanaysaa”ayuu yiri Kaddib markii uu sii lugayanay muddo laba saaca ah ayuu gaaray magaalo yar halkaa oo uu masaajid ku yaalla ku noolaa muddo lix bari ah. Waxaa dabadeedna u suuragashay inuu Tripoli gaara halkaasi oo uu la xiriiray safaarada Soomaaliya oo uu u sheegay in uu doonayo in uu dib ugu laabto Soomaaliya. Waxa uu sheegay inuusan mar dambe tahriib ku laaban doonin, balse uu rajeynaya inuu fursado shaqo ka hela dalkiisa, dibna ugu laabto waxbarashadii uu markii hore ka tagay. Xigasho; BBC PUNTLAND POST The post AKHRISO: Muwaadin Soomaliyeed oo Afar jeer Addoon ahaan loogu kala iibsaday Liibiya appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Warfaafinta dowladda ayaa sheegtay inay la soo wareegtay qalabkii Idaacada Andalus ee Al Shabaab ugu tiilay degaanka Mubaarak ee Gobolka Shabellaha hoose. C/raxmaan Iidaan Yoonis oo ah Siihayaha Wasiirka Warfaafinta Somaliya, ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi ayaa warbaahinta u sheegay in qalabka Idaacaasi lagu soo qabtay howlgal ay sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay in hadda ay si buuxda ula wareegeen, islamarkaana ay hadda gacanta ku hayaan. Wasiirka ayaa ku ammaanay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed howlgalkaasi qorsheysanaa oo ay ku burburioyeen saldhigyo ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaanno badan oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose, sida Mubaarak,Awdheegle,Sablaale,Kunturwaarey iyo Tuulooyin kale. Qalabkii laga soo furtay Idaacadii Al-Shabaab ee ku taalay deegaanka Mubaarak ayaa la soo gaarsiyay magaalada Muqdisho,iyadoo ay gacanta ku hayaan Hay’adaha Ammaanka Dowladda Soomaaliya,sida uu xaqiijiyay Mudane C/raxmaan Iidaan siihayaha Wasiirka Warfaafinta. “Waxaa guul u soo hooyatay Umadda Soomaaliyeed iyo Dowladdooda in Shabaab la gala soo wareegay Idaacadii ay dadka ku marin habaabin jireen,taasina waxaa ku ammaanaan Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed oo u taagan difaaca dalka iyo bur burinta Al-Shabaab,hadana qalabkaasi waxaa gacanta ku haya laamaha ammaanka Soomaaliya.” Ayuu yiri Wasiir Iidaan Yoonis. Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii kordhiyay bilihii ugu dambeeyey howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab,waxaana howlgaladii ugu dambeeyey ay ka dheceen Gobolada Gedo,Shabeelooyinka iyo Hiiraan,kuwaasi oo Alshabaab looga qabsaday deegaanno badan sida ay sheegeen saraakisha ciidamada xoogga dalka. Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed Cabdullaahi Cali Canood ayaa sheegay in maalmo ka hor ay Burburiyeen Idaacadda Anduluus Laanteeda degaanka Mubaarak. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxaa ka jiro inay Dowladda la wareegtay qalabkii Idaacada Shabaab? appeared first on Caasimada Online.
  7. Somaliland marked its National Youth Day on Tuesday and urged to face the life challenges in the country with courage. In Hargeisa, Somaliland President, Musa Bihi has attended the 36th anniversary of National Youth Day which is commemorated in nationwide. As part of President’s pledge is that the youth graduates from high schools and universities must enlist into the national services. The Head of State has revealed that the new govt created Somaliland Youth Fund account which is intended to improve the quality in terms of education and skills. The President has vowed to combat corruption in his administration and has asserted that the new cabinet received their first pay since the assumption of office. Hon. Musa has reminded the attendees that Somaliland youth confronted with military junta in students protest using stones to topple the regime which deprived all sorts of freedom from Somaliland citizens during the emancipation struggle. He announced that public school students will receive free text books under the his leadership which will be spearheaded by the education ministry. Somaliland National Youth Day is commemorated every year on 20th of February in remembrance of the youths who play a huge role in the ongoing development in the country. The President has pledged to improve the quality of education in public schools against their counterparts. Somaliland is facing massive domestic problems including the high inflation, unemployment and the lack of provision of basic services to its citizens.
  8. Police in Wajir have arrested one person suspected to be among the group that carried out an attack an attack at Qarsa Primary School that left three people. Source: Hiiraan Online
  9. Iyadoo Weli uu Taagan yahay Muranka Wasaarada Maaliyada ee Canshuuraha ayaa qof Soomaali ah oo igala soo xiriirey Mid ka mid ah Wadamada Yurub oo diidey Magaciisa Warbaahinta loo adeegfsado ayaa ii sheegey in Sababta Canshuurta Dheeraadka oo ay Xukumada ku soo rogtey Ganacsatada Soomaaliyee ay Tahay markii Ra’iisul Wasaare Khayre uu ka qayb galey Shirkii Dhaqaalaha ee Magaalada Devos ee cariga Switzerland Bishii Hore ayaa Wadamadii ka soo qayb galey Shirkaas oo u Badnaa kuwaa Dhaqaalaha ku hormaray waxay Raiisul Wasaare Khayre u sheegeen In Soomaaliga looga baahan yahay in ay Bixiso Deymaha lagu leeyahay. Raiisul Wasaaraha ayaa ka dalbadey Wadamadii ka qayb galey Shirkaas sida ay Deyntaas ku Gudi karto Soomaaliya waxay u sheegeen ‘Deyntaas Soomaaliya u Gudi kartaa iyadoo Xukuumada ay qaado Canshuur Dheeraad ah oo Noqoneysa Mid Tafaariikh Tusaale “Koobkii Shaah waxay Dowlada ku yeelaneysaa Cent-yo Canshuur ah marka Dowlada sidaa sameyso ayey Wadamadaas Sheegeen Soomaaliya Heli Doonto Deyn kale, Hadaba Su’aasha is weydiinta Mudan waxay tahay ma Muqdisho kaliya ayaa Dhabar u ridn doonto in ay Deyntaas bixiso mise Dalka oo dhan baa laga rabaa . Canshuurta Noocaan ah waa Mid Soomaaliya ku cusub waxaana Isticmaala Wadamada Reer Galbeedka oo Dhinaca Amaanka , Dowlad Wanaaga, la Dagaalanka Musuqa iyo Horumarka Meel sare ka gaarey marka Canshuur Devos laga soo Waaridey oo Xanibtey Dhaqdhaqaaqii Dekeda iyo Suuqa Bakaaraha W/D Amiin Yuusuf Khasaaro E-Mail:amiinkhasaaro@hotmail.co.uk E-Mail:amiinkhasaaro@yahoo.co.uk Tel 00252615532494 The post Canshuur Devos laga soo Waaridey oo xanibtey dhaqdhaqaaqii Dekeda iyo Suuqa Bakaaraha AK appeared first on Caasimada Online.
  10. Djibouti (HOL) - The Somali Maritime Police force honed their skills in Djibouti earlier this month with other maritime forces from East Africa, West Indian Ocean nations, Europe and the United during the seventh annual Cutlass Express maritime exercise. The event marked the first time that Somalia has participated in a multinational security exercise outside its borders in nearly 30 years. Source: Hiiraan Online
  11. A 17-year-old Portland girl who summoned the courage last year to call 911 to report being sexually abused told a judge Friday she was angry her molester was convicted. Source: Hiiraan Online
  12. HARGEISA– HE President of the republic of Somaliland, Musa Bihi Abdi met Tuesday with HE Walid Ismail, Egyptian ambassador to Somalia who is based in Nairobi, Kenyan capital. The Egyptian ambassador to Somalia on working visit to Hargeisa, is accompanied by his deputy Hon. Ahmed Shadid. During the meeting, they discussed bilateral relations and ways of enhancing and developing them, in addition to matters of mutual interest.
  13. It has been a year since the Kenyan government’s plan to shut down Dadaab refugee camp was scuppered. The High Court deemed the decision un-constitutional and ordered the government to continue giving asylum to new refugees. But if anyone thought the landmark ruling would herald the end of years of suffering for Somali refugees, they will by now be bitterly disappointed. Source: Hiiraan Online
  14. Baydhabo (Caasimadda Online) – Maamulka K/galbeed ayaa sheegay in xilligaan aanay dhanka amniga wax badan kusoo kordhin karin Saddex taliye oo shalay lagu magacaabay shirkii golaha wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya. Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga K/galbeed C/raxmaan Shariif Baraf ayaa sheegay in markii horeba ay qalad ahayd in shaqooyinka laga ceyriyo taliyeyaashii ka horreeyay kuwan cusub. Waxa uu sheegay in madaxda dowlada dhexe laga doonayey in markii horeba ay ka fiirsadaan cidda ay xilalka u dhiibayaan, sidoo kalena aanay ahayn in sanad gudahiisa taliyeyaal badan la kala bedalo, waa sida uu hadalka u dhigaye. “Wax walba oo lagu degdego dhibaatadeeda ayey leedahay, laguma degdego taliyeyaasha sida Booliiska iyo Nabad-sugidda, markii horeba haddaan laga fiirsan wixii ka dhashay waa la ogaaday, waxay ahayd in dowladda sida ay hadda sameysay ka fiirsato muddo badan, balse ma qabo in wax dheeraad ah ay soo kordhayaan, inkastoo rag ruug-caddayaal ah xilalkaan loo magacaabay” ayuu yiri Baraf. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay magacawday Taliyeyaasha ciidamada Booliiska, Nabad-sugidda iyo Asluubta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post K/galbeed: Waxba Masoo Kordhineyso Taliyeyaasha Ay Magacawday DFS appeared first on Caasimada Online.
  15. Nairobi (Caasimadda Online) – Saraakiisha Amaanka dalka Kenya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Al-Shabaab , kuwaasoo doonaayay in ay weeraraan Gudaha Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Saraakiisha Amniga ayaa intaa ku daray in xubno ka tirsan Al-shabaab kiraysteen Hoteel ku dhegan saldhiga ku yaala Nairobi, islamarkaana ay qorsheeyeen in ay weerar qaadaan. Kenya waxa ay sheegtay in ay fashilisay weerarkaasi oo la doonayay in lagu qaado Kenya, islamarkaana ciidamada Booliska ay xireen ilaa iyo Shan ruux ka dib markii ciidamada Booliska ay xog u soo gudbiyeen dadka Al-shabaab ah. Ciidamada Boolisa ayaa sheegay in xireen Cabdi Majiid Aadan 24 Sano jir ah oo gurigiisa laga helay Shan Qori oo AK 47, islamarkaana dhawaan la horkeeni doono Caddaaladda Sarkaal Sare oo ka tirsan ciidamada Booliska ayaa u sheegay Warbaahinta dalka Kenya in sidoo kale ay xireen Saddex xubnood oo kale oo la tuhmaayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Weerar culus oo ay Al-Shabaab ka fulin rabeyn Magaalada Nairobi oo si la yaab leh u fashilmay appeared first on Caasimada Online.
  16. Kismaayo (Caasimadda Online) –Iyadoo uu xalay magaalada muqdisho ku geeriyooday Allah u naxariistee nabadoon Axmed diiriye cali oo kamid ahaa Odaaysha dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed kuwa ugu Caansan ayaa waxaa geeridaasi ka tacsiyadeeyay Madaxda dowlada dhexe iyo kuwa Maamul Goboledyada qaar. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u direy qoyskii, ehaladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Nabaddoon Axmed Diiriye Cali. “Inaalilaahi waa inaa ilayhi raajicuun, Waxaan uga tacsiyeynayaa Shacabka Soomaaliyeed geerida Nabadoon Axmed Diiriye oo xalay ku geeriyoday Muqdisho. ilaahay ha u naxariisto nabadoonka, samir iyo iimaanna ha ka siiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka tagay ayaa alagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska madaxweynaha Somalia. Sidoo kale reysulwasaaraha xukuumada Somalia xasan cali kheyre ayaa dhankisa ka tacsiyeyay geerida ku timid Nabadoonka waxaana uu rabi uga baryay Naxariista Janno. Axmed ducaale geele xaaf madaxweynaha maamulka Galmudug oo la hadlay idaacda kulmiye ayaa tilmaamay in Axmed diiriye uu ahaa nabad u dhaxeeyay umada Somaaliyeed uuna ka qeybqaatay nabadeynta dalka uuna shacabka soopmaliyed uga tacsiyadeuynayo Geeridaasi. Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa muqdisho Craxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in dhamaan shacabka soomaaliyeed gaarahaan ehelada marxuumka uu la wadaagayo xanuunka geerida Allah u naxariisteen nabadoon Axmed diiriye. Inaalilaah wa inaa ileyhi Raajicuun. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Madaxda Dowlada Dhexe iyo Kuwa Maamul Goboleedyada oo ka tacsiyeeyay Geerida Nabadoon Axmed Diiriye appeared first on Caasimada Online.
  17. Kismaayo (Caasimadda Online) – Col. Aadan Rufle oo kamid ah saraakiisha dowladda federalka ah ee Gedo ayaa sheegay in bulshada ku dhaqan magaalooyinka ay joogaan ay yihiin kuwa qaba dhibaatooyin badan. Ciidamada Itoobiya iyo Kuwa Kenya ayuu ku eedeeyay iney hab gumeysi ah ula dhaqmaan bulshada isagoo tusaale usoo qaatay qof haweeney ah oo ay ciidamada Kenya ka hor istaageen in isbital la geeyo si ay u dhasho kadibna dhimatay. Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada Kenya wadaan iney ku dhul ballaarsanaan degmada Beledxaawo, si lamid ahna wuxuu ku eedeeyay iney gubeen xarumaha shirkadaha isgaarsiinta qaarkood. Wuxuu qaadacay shirka amniga looga hadlayo ee magaalada Kismaayo isagoo Axmad Madoobe ku eedeeyay kaligi talisnimo iyo falalka tarxiilka ah ee uu kula koco dadka uusan rabin ama ka aragtida duwan. Mar wax laga weydiiyay booqashadii ay wadaada Ictisaam ku tageen magaalada Kismaayo ayuu sheegay inuu aad uga xun yahay in rag uu ku sheegay inay wadaadnimo sheeganaya ay booqdaan magaalo aan xor ahayn oo ku jirta gacanta ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya sida uu hadalka u dhigay. “Sheekh Bashiir anigu nimaan aqaano ma ahan laakin Sheekh Umal iyo qolada la fatwoota waxaan u aqaanaa culimada cadiifadda qabiilkooda u fatwoota” ayuu yiri Rufle, isagoo ku eedeeyay in 2008 uu ciidamadii amxaaro kalkaalka ee Kismaayo laga saaray ku xukumay Rido, haddana uu isagii Kismaayo ka dhisanayo guryo uu ku sheegay sharci darro xilli waliba ay magaalada joogaan ciidamo Itoobiyaan iyo kuwa Kenyaati ah. Sheekh Umal ayaa dhawaan dhagax dhigay dhul uu muran ka taagan yahay oo ku yaalla magaalada Kismaayo, dhulkaasoo sida uu sheegay uu ka iibsaday dadkii gacanta ku hayay waagii dowladda iyo burburkeedii kadib. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post ” Sh. Umal Shalay wuxuu nagu xakumay Riddo haddana Kismaayo oo Itoobiyaan heysto ayuu ….” sidaas waxaa yiri. appeared first on Caasimada Online.
  18. Ilhan Omar is a policy analyst, community organizer, education advocate, and mother of three. In 2016, Omar also became the first Somali-American Muslim person elected to serve in political office. As a new Minnesota State Representative, Omar instantly drew national and international attention. She has been featured on the cover of Time, interviewed by Trevor Noah on The Daily Show, and inspired a “hijarbie” doll, all while maintaining daily office hours open to her constituents. Writer Stacie Nielsen Bortel sat down with Omar to talk about her daughter, her downtime, and how she has overcome obstacles—reflecting, too, on Omar's physical assault during the 2014 DFL Party caucus. Source: Hiiraan Online
  19. Waaxda Tayo-dhowrka Puntland iyo Taliska Qeybta gobolka Nugaal ayaa maanta magaalada Garoowe ku soo bandhigay 50 kartoon oo timir dhacday ah,taasoo lagu soo qariyay gaari xamuul ah oo ka yimid magaalada Boosaaso. Goobta lagu soo bandhigay gaariga siday timirta dhacday ayaa waxaa goob joog ahaa Agaasimaha waaxda Tayo-dhowrka Puntland,Salaad Aadan Maxamuud,Duqa Caasumadda Garoowe ,Xassan Maxammed Ciise Goodir,guddoomiye ku xigeenka gobolka Nugaal, Calisalaad Diiriye Faarax iyo guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Fara-weyne. Agaasimaha waaxda Tayo-dhowrka Puntland,Salaad Aadan Maxamuud ayaa sheegay in aanay aqbali doonin badeecooyin dhacay in Puntland lagu isticmaalo si shacabka loogu dhibaateeyo,islamarkaana ay isha ku hayaan cid walba oo arrintaasi ku hawlan. Duqa Caasumadda Garoowe,Xassan Maxammed Ciise Goodir ayaa sheegay in Puntland aysan ahayn meel wax kasta la soo geliyo,maadaama ay ka jirto waax dhan oo qaabilsan hubinta tayada badeecooyinka la soo gelinayo degaannadeeda. Taliska Qeybta gobolka Nugaal,G/sare Faarax Cabdiraxmaan Warsame(Galangoolli) oo soo qabtay timirtaan dhacday ayaa ballan qaaday in ay Waaxda Tayo-dhowrka Puntland kala shaqeyn doonaan sidii dadka reer Puntland looga ilaalin lahaa badeecooyinka dhacay ee dalka la soo gelinayo. G/sare Galangoolli ayaa sidoo kale sheegay in ay xalay ciidanka Booliisku ay magaalada Garoowe ku soo qabteen dad looga shakisanyahay in ay Al-shabaab ka tirsan yihiin oo lagu soo dhex qariyay gaari xamuul ah oo xoolo siday,kaasoo ka yimid Koonfurta Soomaaliya. Guddoomiyaha gobolka Nugaal,Cumar Cabdullaahi Fara-weyne oo dhankiisa ka hadlay goobta lagu soo bandhigay badeecadan dhacday, ayaa sheegay in ay si isku mid ah ula dhaqmayaan dadka gawaarida qaraxyada ku soo qariya iyo kuwa badeecooyinka dhacay ku soo qariya,maadaama ay ka siman yihiin dabar-go’yta shacabka. Halkaan ka daawo dhammaan mas’uuliyiinta PUNTLAND POST The post Dad shabaab looga shakiyay iyo badeecooyin dhacay oo Garoowe lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
  20. Kismaayo (Caasimadda Online) – Kooxda Al-shabab ayaa shaacisay i ay dishay Askari Mareykan ah, kaddib weerar ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada hoose. Warbaahinta Xarakada Al-shabaab ayaa baahisay in dagaalka lagu dilay askariga Mareykanka uu ka dhacay inta u dhaxeysay Tuulooyinka Yoontooy iyo Buulo Guduud, isla markaana ay isla dagaalkaasi ku ciidamo tirsan AMISOM markii labada dhinac uu dagaal culus dhex maray maanta. Al-shabaab waxaa ay sheegtay in dagaal u dhaxeeya Ciidamada Isbaheysanaya iyo kuwa Al-shabaab oo shalay iyo maanta ka socdo Gobolka Jubada hoose gaar ahaan inta u dhaxeysa Buulo Guduud iyo Yoontooy. Warka ka soo baxay Al-shabaab waxaa intaas lagu daray in Ciidamada labada dhinac ay tan iyo saaka dagaallamayaan iyada oo diyaarado dagaal ay dul heehaabayaan degaankaas. Saraakiisha u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya,Kenya,Mareykanka iyo kuwa Jubaland ay maalintii labaad kula dagaallamayaan degaanka Buulo Guduud. Ma jiraan ilo ka madaxbanaan Al-shabaab oo dagaalkaas xaqiijiyay iyada oo duleedka kismaayo uu shalay ka dhacay dagaal. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Jubbaland iyo Mareykanka oo ku saabsan dagaalka saaka ka dhacay duleedka Kismaayo oo Alshabaab sheegatay inay ku dishay askari Mareykan ah iyo 4 ka tirsan ciidamada AMISOM. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Al-shabab oo sheegtay in Askari Mareykan ah ku dishay Jubada Hoose appeared first on Caasimada Online.
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) _ Maxamed C/raxmaan Maxamuud waxa uu ka mid yahay tahriibayaal Soomaalida oo dhawaan laga soo daayey xabsiyada Liibiya oo Muqdisho lagu soo celiyay. Wuxuu ka warramay qisada xanuunka badan ee wixii soo marau oo rafaad iyo dhibaato ah intii uu ku sugnaa dalka Liibiya. Maxamed ayaa sheegay in afar jeer lagu kala iibsaday gudaha dalka Liibiya isagoo adoon ah oo marba ay koox heysatay. “Afarta jeer ee la i gatay qiimo kala duwan ayaa la igu iibsaday, mar waxaa la iga bixiyay $5,500, mar la iga bixiyay $6,250 iyo mar $4000 la igu iibsaday” ayuu yiri Maxamed oo ka sheekeeyay xaaladii xanuunka badneyd ee ku soo martay Liibiya. Tahriibayasha ayaa doonaya in ay Liibiya uga sii gudbaan dalalka Yurub. Liibiya ayaa waxaa muddooyiinkii ugu dambeeyay ka jiray addoonsi la sheegay in lagula kaco muhaajiriinta gaar ahaan kuwa Afrikaanka ah, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka adduunka ee IOM. Dalka Liibiya waxaa ku xiran ama tahriib sugayaal ah boqolaal Soomaali ah oo doonaya in ay dalkaasi uga sii gudbaan dhanka Taliyaaniga. Dadkan xiran waxay isugu jiraa kuwa xabsiyada dowlada Liibiya ku jira iyo kuwo gacanta ugu jira maleeshiyaad aan cidna ka amar qaadan. Maxamed ayaa xusay in ciqaab kala duwan la marsiiyo tahriibayaasha la afduubtay. “Ciqaantu way kala duwan tahay. Mararka qaar cunnada ayaa lagaa jarayaa, Usha ayaa laguugu badinayaa, halka meelaha qaarna biyo qabow lagugu rusheynaa” ayuu intaa ku daray Maxamed. Baxsashadii Maxamed Maxamed C/raxmaan Maxamuud ayaa sheegay inuu kooxdii u dambeysay ee afduubka u haysatay uu si lama filan ah uga soo baxsaday. “Markii salad subax la tukaday intaan iska dhigay wax suulida aadaya ayaan aayar albaabka iska furay dabeedna gidaar dheer ayaan ka booday” ayuu yiri Maxamed. Maxamed ayaa sheegay in markii uu gidaarka ka booday uu suuxsanaa muddo 20 daqiiqo ah balse waxaasi oo dhan ay uga darnaayeen in dib ugu laabto gacanta kooxdii haysatay. “Markii dambe waxaan is iri xanuunkan lagaaga daran, aniga oo si daciifnimo ah ku kacaya oo gidaarada cuskanaya ayaan is iri sidan haddii laguugu soo gaaro xaaladaada way cuslaanaysaa”ayuu yiri Ka dib markii uu sii lugayanay muddo laba saaca ah ayuu gaaray magaalo yar halkaa oo uu masaajid ku yaalla ku noolaa muddo lix bari ah. Waxaa dabadeedna u suuragashay inuu Tripoli gaara halkaasi oo uu la xiriiray safaarada Soomaaliya oo uu u sheegay in uu doonayo in uu dib ugu laabto Soomaaliya. Waxa uu sheegay inuusan mar dambe tahriib ku laaban doonin, balse uu rajeynaya inuu fursado shaqo ka hela dalkiisa, dibna ugu laabto waxbarashadii uu markii hore ka tagay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso Qisada Maxamed C/raxmaan: Tahriibe Soomaali ah oo saddex jeer lagu kala iibsaday Dalka Liibiya appeared first on Caasimada Online.
  22. Mogadishu (HOL) - A military court sentenced a senior naval officer to death on Monday for the shooting death of his superior. Source: Hiiraan Online
  23. Ciidanka amniga ee ka howlgala kantaroolka konfureed ee magaalada Garowe, ayaa gacanta ku dhigay labo nin oo looga shakisan yahay iany katirsan yihiin kooxda Alshabab. Labadaan nin ayaa xalay ka dagay gaari xamuul ah oo siday Ari, kaasoo ka yimid magaalada Baladweyne kuna wajahnaa magaalada Bosaso, sida uu sheegay taliyaha qeybta booliiska gobolka Nugaal gaashanle Faarax Cabdiaxmaan Warsame (Galangooli). Taliyaha oo shir jaraa’id qabtay, ayaa sheegay raggaan in loosoo ekaysiiyay Kurushbeeyada gaariga. Waxaa sidoo kale uu tilmaamay in la hayo Darawalkii Gaariga waday, kaasoo loo haysto inuu raggaan gaariga soo saaray kuna dajiyay meel ka fog kantaroolka, si aanay ciidanku u arag. Wuxuu sheegay in baaritaan lagu sameyndoono raggaan lasoo qabtay oo haatan ku xiran saldhiyada magaalada Garowe. Halkaan ka dhegayso codka Taliyaha. Taliyaha Qeybta Policeka Gobolka Nugaaal. Faarax Maxamuud Warsame Faarax Galan Gooli Puntlandi.com
  24. IOM, the United Nations Migration Agency, has partnered with Americares to donate more than eight tonnes of medical supplies, for distribution across IOM project locations in Somaliland, Puntland, Lower Juba, Gedo and Banadir regions. The supplies will immediately be dispatched to IOM’s static and mobile clinics, to increase local access to life-saving primary healthcare services. Inadequate funding for healthcare continues to hinder the delivery of life-saving health services to populations in need across Somalia. The situation is further exacerbated by ongoing disease outbreaks including Acute Watery Diarrhoea (AWD)/cholera and measles. In 2017, IOM provided emergency primary healthcare to over 470,000 beneficiaries. This is Americares’ seventh major shipment to Somalia to tackle the drought and AWD/cholera outbreak. The shipments include more than 190,000 litres of intravenous fluids, enough to treat 24,000 patients with AWD/cholera and other waterborne diseases. Americares responds to an average of 30 natural disasters and humanitarian crises worldwide each year, establishing long-term recovery projects and bringing disaster preparedness programmes to vulnerable communities. IOM Somalia Chief of Mission Dyane Epstein stated: “Improving access to medical supplies to ensure health facility stock outs are avoided is of the utmost urgency to alleviate the impact of the current crisis.” “The crisis in East Africa is one of the worst humanitarian emergencies in decades,” said Americares Director of Emergency Response Kate Dischino. “IOM and Americares are partnering to ensure families have access to basic medicines and medical supplies, including lifesaving cholera treatments.” More than five million people in Somalia have limited access to healthcare. The situation is worsened by a ravaging drought – the worst in decades. In 2017, more than 60,000 AWD/cholera cases and 800 deaths were reported in 52 districts across 16 regions of the country. IOM
  25. Ugu yaraan hal ruuxu dhaawac culus ka soo gaaray shil gaari oo xalay saqdii dhexe ka dhacay duleedka bari ee magaalada Garoowe,sida uu xaqiijiyay taliyaha ciidanka Ilaalada Waddooyinka gobolka Nugaal. Shilka ayaa ka dhacay inta u dhexaysa tuulooyinka Laanta-hawada iyo 22 aad oo bari ka xiga madaalada Garoowe,waxaana halkaasi ku geddoomay gaari xamuul nooca loo yaqaan Caga-badanta,kaasoo ka yimid dhinaca Boosaaso kuna sii jeeday Koonfurta Soomaaliya. Gaariga shilka galay ayaa siday xamuul raashin ah oo ay leeyihiin ganacsato ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya. Taliyaha ciidanka Ilaalada Waddooyinka gobolka Nugaal,Ismaaciil Xirsi Shirwac(Qabaal) oo warbaahinta kula hadlay goobta shilkaasi ka dhacay ayaa faahfaahin ka bixiyay sida uu dhilku dhacay. Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Daawo: Gaari xamuul ah oo shil ku galay duleedka Garoowe. Maxaa khasaare ka dhashay? appeared first on Puntland Post.