Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,125
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Kenya Uhurro Kenyatta ayaa shaaca ka qaaday in colaadaha ka jira qaarada Madow ee Africa ay soo idlaan doonto marka Somalia lagu garabsiiyo hanaanka ay uga bixi laheyd dhibta ay ku jirto. Uhurro Kenyatta, ayaa sheegay in inta badan wadamada Africa dhaca ay marti galinayaan Kooxo argagixiso ah oo qalqal amni u abuuray Africa, balse waxaa oo idil ay ku xiran tahay Somalia oo ay ka dhalato Nabad. Waxa uu Kenyatta hadalkan ka sheegay kulan uu la qaatay qaar kamid ah Madaxda martida ku ah caleema-saarkiisa, waxa uuna u cadeeyay in maslaxada amni ee Africa ay tahay mid ku jirta Somalia oo heshaa nabad. Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa ”Somalia wey ka daashay burbur, argagixisada ku dhex nool Africa waxa ay kasoo bilowdeen Somalia, waxaan xal u aragnaa inaan Nabad u raadino Somalia si ay Africa u hesho Nabad” ”Nabadda Africa waxa ay ku xiran tahay Nabada Somalia, waxaan rajeynayaa in Madaxda Africa ay qaadan doonaan soo jeedinteyda maadaama ay sii kordheyso argagixisada Africa” Sidoo kale, Uhurro Kenyatta ayaa farta ku goday inay ka shaqeynayaan wado waliba oo Somalia ay ku gaareyso Nabad, iyadoo lala kaashanaayo wadamada awooda ciidan ku dhex leh Africa. Docda kale, waxa uu rajo weyn ka muujiyay in soo laabashadiisa ay kheyr u noqon doonto Somalia oo iminka kasii baxeysa burburka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimda@live.com
  2. Muqdisho (PP) ─ Wafdi ballaaran oo ka socda Xukuumadda Qatar ayaa si diiraran maanta loogu soo dhaweeyay Muqdisho, waxaana wafdigan oo ka kooban shan xubnood ay Muqdisho joogi doonaan muddo dhawr casho ah. Xubnaha Wafigan ayaa waxaa Muqdisho kusoo dhaweeyay, wasiirro ay ka mid yihiin; Wasiirka Qorsheynta, Danjire Jamal Maxamed Xasan, Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow iyo Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Mukhtaar Mahad Daa’uud. Wafdi ka socda dalka Qatar ayaa waxaa hoggaaminaya Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Qatar ee horumarinta, Khalifa Jassim Al kuwari, waxaana inta ay ku sugna yihiin Muqdisho ay la kulmi doonaan Ra’iisul wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre iyo xubno kale, inkastoo aan la ogeyn waxay kala hadli doonaan. Socdaalka Wafdigaan ayaa jawaab u ah xiriiro kala duwan oo Wasaaradaha Arrimaha Dibadda Somalia iyo Qatar ay lahaayeen xilliyadii u dambeeyay si loo taaba-geliyo maashaariic horumarineed oo dhaxal-gal ah. Ugu dambeyn, Wafdigan soo dhaweyntooda waxaa ka qayb-galay Ku-simaha xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maxamed Cali Gacal iyo Mas’uuliyiin kale oo ay ka mid yihiin; Yuusuf Calasoow, Maxamed Cabdi Cali iyo Dublamaasiyiin kale oo katirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia. PUNTLAND POST The post Wafdi ka socda Qatar oo Muqdisho soo gaaray, iyagoo la kulmi doona madaxda Qaranka appeared first on Puntland Post.
  3. Booliiska Australia ayaa xiray 20 jir Soomaali ah oo lagu eedeeyay in uu weerarro argagixiso la damacsanaa bartamaha magaalada Melbourne. Booliiska ayaa sheegay in uu dhiirri-gelin ka haystay Islaaminyiinta xagjirka ah,islmarkaana uu ku xirnaa shabakad argagixiso uu gudaha dalka iska abaabulayey. Hawlgal gaar ah oo Booliisku qaaday duhurnimadii Isniinta ayaa lagu qabtay ninkaan oo lagu magacaabo Cali Shire,isagoo xilligaas ku sugnaa tuulo 32km koonfur galbeed kaga aaddan magaalada Melbourne,halkaaso uu waalidkiis kula noolaa. Sirdoonka dalka Australia ayaa sheegay in ay su’aalo weydiinayaan ninkaan lagu eedeeyay argagixisada,islamarkaana baaritaan rasmi ku samaynayaan dhammaan xogtiisa khaaska ah. Baaritaanka horu-dhaca ah ayaa muujinaya in Cali Shire qorshaynayey weerar argagixiso oo uu ku qaado goobaha lagu qabanayo xuska sannadka cusub ee 2018,sida fagaaraha weyn ee magaalada Melbourne ee(central square ). Halkaan ka daawo. PUNTLAND POST The post Daawo: Booliiska Australia oo xiraya nin Soomaali ah oo lagu eedeeyay argagixiso. appeared first on Puntland Post.
  4. Wasiirka amniga maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed oo wareysi uu siiyay Goobjoog News ayaa wuxuu kaga hadlay ujeedka safarro uu maalmihii dambe ku bixinayay degmooyin ka kala tirsan gobollada Baay iyo Bakool. Wuxuu sheegay in ciidamada ay u diyaariyeen sidii ay howlgallo uga sameyn lahaayeen degaannada ka maqan gacantooda ee gobolladaasi. Wasiirka amniga Koonfur Galbeed Xasan Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka ay heleen mushaaraadkooda ay xaqa u lahaayeen. “Muhiimadda ugu horreysa ee safarkeenna waxaa uu ahaa sidii loogu kuur-geli lahaa xaaladda deegaannada guud ahaan gaar ahaan ciidamada deegaannada ay joogaan, waxaan tagay degmooyin badan oo ay ka mid yihiin Xudur Buur-hakabo iyo Waajid ciidamada horay waxay ugu jireen dagaallo “. Wasiirka ayaa ciidamada waxaa uu ugu baaqay inay sii laba laabaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga isaga oo tilmaamay in ciidamada ay diyaar u yihiin inay qaadaan howlgalkii ay dowladda dhexe ku dhawaaqday kaasi oo ahaa in deegaannada al-shabaab ay ka taliyaan ay soo galaan gacanta dowladda. Goobjoog News Source
  5. Kooxo hubeysan ayaa Xalay fiidkii waxa ay deegaanka Garas-baaley ee duleedka magaaladda Muqdisho ay ku dileen Haweeney horay uga tirsaneyd Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya. Haweeneydaan oo lagu Magacaabi jiray Siteey Maxamed Aadan, oo 65 Sano jir aheyd ayaa dadka deegaanka waxa ay sheegeen in Gurigeeda loogu tagay. Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in dilka uu dhacay xiligii salaadda Maqrib islamarkaana ragga hubeysan ay guriga ugu galeen haweeneyda halkaas-na ay ku toogteen. Dilka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamadda Amaanka Dowladda Soomaliya,inkastoo aysan jirin cid wali loosoo qabtay. Dilalka noocaan oo kale ah ayaa horay uga dhacay Magaaladda Muqdisho,waxaana Haweeneydaan la sheegay in ay ka mid aheyd Haweenkii horay looga ruqseeyay xiligii dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud uu hoggaaminayay. PUNTLAND POST The post Haweeney 65-sano Jir Aheyd oo Xalay lagu dilay duleedka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  6. A 20-year-old Australian citizen has been arrested for plotting a shooting rampage in Melbourne’s central square while it is packed with New Year’s Eve revelers. Police say he was inspired by jihadist terrorists and associated with a local “extremist community.” The man was rounded up during a special operation by police conducted at around 3 pm Monday local time [4 am GMT] in Werribee, some 32 kilometers southwest of Melbourne, where he lived with his Somali parents, police reported. The suspect, who was born and raised in Australia, was handed over by police to a joint counter-terrorism team for interrogation. “He was engaged in acting preparation for a terrorist offense and also collecting materials, documents to facilitate a terrorist act,” Victoria Police deputy commissioner Shane Patton told the media, speaking on the essence of the charges. “What we will be alleging is that he was intending to use a firearm to shoot and kill as many people as he could in a Federation Square area on New Year’s Eve,” Patton said. To this end, the man allegedly attempted to illegally obtain an automatic firearm and planned to follow Al-Qaeda manuals on how to commit a terrorist attack, The Age reports, citing Patton. As he was about to buy a handgun, the man was swooped on by police. The carnage was supposed to unravel at the Federation Square in downtown Melbourne, which is usually flooded with tens of thousands of people on December 31, celebrating the arrival of a new year. The suspect reportedly drew inspiration from terrorist attacks carried out by other Islamist fanatics all over the globe, with police saying that the man “would become particularly energized” when such attacks were mounted. Describing the possible consequences of the foiled plot as “catastrophic,” Patton noted that the man does not appear to have any accomplices and police do not believe there is an acute threat to the community. Patton revealed that police had been watching the man “for a very lengthy period of time” before the raid, for about a year. Police also searched his family’s home in Werribee, while about a dozen police officers raided a computer store where the man was working for a couple hours a day to gain a working experience. The owner of the store described the youngster as a “very quiet boy” whose father he met at a local mosque. The family, meanwhile, seems to be in disbelief about the charges levelled at the 20-year-old, with his father saying on Tuesday that he believes his son has done nothing wrong. “He’s very innocent,” he insisted. It’s not clear how the man was indoctrinated, with police not linking him to any particular mosque. While assuring the public that “there was never any point in which there was a significant risk” emanating from the aspiring terrorist, Patton admitted that there is a net of extremists anchored in the province. “He is associated with other persons in the Victorian extremists community … it is a very small community of extremists,” he said. Since the country’s terrorism threat level was upped in 2014, the police launched some 347 counter-terrorism probes, charging a total of 74 people with terrorism-related offences. In the run-up to Christmas celebrations last year, Australian police reported that it had foiled a “very substantial terrorist plot” in Melbourne, with Federation Square was also being named as one of the prime targets. The perpetrators reportedly wanted to use explosives and other weapons on the city’s most important landmarks, including St Paul’s Cathedral and Federation Square. As recent as in September, the country’s top counter-terrorism chief, assistant commissioner for counter-terrorism in New South Wales Mark Murdoch, now retired, said that despite all the efforts by the law enforcement and intelligence a major terrorist attack is “inevitable” on Australian soil. Source: RT
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si adag uga hadlay dhibaatooyinka ay wadaadada qaar ku hayaan dhalinyarada Soomaaliyeed. Jawaari ayaa sheegay in xiligaan dhalinyarada Soomaaliyeed lagu shubay fikir Khaldan isla markaana dhibaatooyin farabadan ay heestaan. Waxa uu Jawaari sheegay inay jiraan wadaado u dhib u joog ah isla markaana ka shaqeeya in dhalinyarada Soomaaliyeed ay mar waliba ka habaabiyaan fekerada wanaagsan oo ay heystaan. Waxa uu tilmaamay in wadaadada uu eeda u jeedinaayo ay maskaxda ka lumiyeen boqolaal dhalinyaro, iyadoo taa bedelkeeda loo baahan yahay in laga hortago. Wuxuu cadeeyay in dhalinyarada laga indha sarcaadiyay inay ka shaqeeyan amniga iyo horumarka dalkooda, taa oo ay ugu wacan tahay duruufaha nololeed ee ka jira dalka. Waxa uu Gudoomiye Jawaari ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalkooda isla markaana ay ogaadan in aysan waxba u qabaneyn wadaadada ku abuuraya fikirka Khaldan sida uu hadalka u dhigay. ”Kuwa idin khaldaaya ma arkaan carruurtooda, waxaan qireynaa inay cadow ku yihiin noloshiina, horumarkiina iyo amni ka dhasha dalkiina” Sidoo kale, Jawaari ayaa wadaadada ku howlan luminta dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka waantooban isla markaana u diir naxaan carruurta aysan dhalin oo ay marin habaabinayaan. Dhinaca kale, Jawaari ayaa si guud ahaan Umadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay dhameystiraan waxa yar ee ka harsan Amniga iyo Horumarka Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay burburisay Xerooyin ay maleeshiyaadka al-Shabaab ku leeyihiin Kaymaha Gobalka Laamu. Joseph Kanyiri, oo ah madaxa hawlgalka Kenya ee Kaymaha Boni, ayaa sheegay in Xerooyinka la burburiyay ay kamid ahaayen goobo ay ku shiri jireen al-Shabaab. Joseph Kanyiri, oo u waramaayay wargeyska The Nation ayaa sheegay in Xerooyinka la burburiyay ay gaarayaan ilaa Lix Xero oo dhismahooda halis ku ahaa Kenya. Joseph Kanyiri, waxa uu intaa ku daray in inta badan Xerooyinkaas loo adeegsan jirey howlgalada ay ka geysan jireen qeybo ka mid ah Gobalka Laamu. Madaxa Hawlgalka Kenya ugu qaabilsan Kaymaha Boni, Joseph Kanyiri, waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in Saraakiisha amaanka Kenya ee goobahaasi gaaray ay gacanta kusoo dhigeen Hub ay ka mid yihiin Qoryaha AK 47, Qalabka lagu farsameeyo Bambooyinka, Cunto iyo Daawooyin, waa sida uu hadalka u dhigay Joseph Kanyiri. Sidoo kale, waxa uu cadeeyay in dowlada Kenya ay kasoo jeesan doonto al-Shabaabka weli ku sugan Kaymaha Boni, oo firxadkooda gudaha u galay Gobolada qaar. Docda kale, Saraakiisha amniga ayuu ugu baaqay in maalmaha soo socda ay waxbadan ka bedelaan hanaanka ay ku sugaan amniga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. The country’s media mouthpiece, Rodong Sinmun, used the example of Kim Il-sung giving aid to Africa in a seeming attempt to counter the initiative from the US to turn the continent against Kim Jong-un. It said: “President Kim Il-sung gave unsparing material and spiritual assistance to African nations who struggled to build a new society. “At that time, the North were by no means richer or more abundant than other nations when we made the aid. “Our people offered a slew of food and relief goods to poverty- and hunger-stricken African people by tightening their own belts.” The newspaper then detailed a number of factories, farms and infrastructure it believes was built with the help of aid from the hermit kingdom. The publication appears to be a direct counter to recent calls from US Secretary of State Rex Tillerson who recently urged African nations to play an increasing role in an initiative to isolate the hermit kingdom in an attempt to force it to disarm and halt its pursuit of nuclear weapons. Mr Tillerson’s renewed calls came after North Korean weapons were seized onboard Iranian smuggling ships on route to Somalia. North Korea has repeatedly taken part in a series of illegal activities to fund its nuclear and missile programmes. Speaking at a meeting with his counterparts from some 30 African countries, Mr Tillerson said: “The DPRK presents a threat to all of our nations. “Everyone, including each country represented here today, must play a part in this peaceful pressure campaign to convince the DPRK that the only way to achieve true security and respect from the international community is to abandon its current path and choose a meaningful dialogue about a different future. “I urge you to take additional measures to pressure the DPRK by downgrading your diplomatic relationships with the regime, severing economic ties, expelling all DPRK labourers, and reducing North Korea’s presence in your country in all other ways it may be found.” North Korea has responded to US calls for African isolation against the hermit kingdom The country’s media mouthpiece, Rodong Sinmun, used the example of Kim Il-sung giving aid to Africa in a seeming attempt to counter the initiative from the US to turn the continent against Kim Jong-un. It said: “President Kim Il-sung gave unsparing material and spiritual assistance to African nations who struggled to build a new society. “At that time, the North were by no means richer or more abundant than other nations when we made the aid. “Our people offered a slew of food and relief goods to poverty- and hunger-stricken African people by tightening their own belts.” North Korea says growing nuclear threat ‘only aimed at the US’ World War 3: North Korea is ‘MORE likely’ to use ‘nuclear weapons’ now The newspaper then detailed a number of factories, farms and infrastructure it believes was built with the help of aid from the hermit kingdom. The publication appears to be a direct counter to recent calls from US Secretary of State Rex Tillerson who recently urged African nations to play an increasing role in an initiative to isolate the hermit kingdom in an attempt to force it to disarm and halt its pursuit of nuclear weapons. Mr Tillerson’s renewed calls came after North Korean weapons were seized onboard Iranian smuggling ships on route to Somalia. North Korea has repeatedly taken part in a series of illegal activities to fund its nuclear and missile programmes. Shock footage stills of North Korean defector escaping across border Dramatic footage of a North Korean soldier’s defection released on November 22 showed him racing across the border under fire from former comrades, and then being hauled to safety by South Korean troops. The defector, who ran across the border at the Panmunjom truce village on November 13, was shot at least four times and has been recovering in a South Korean hospital North Korea soldiers gathering on the north side of the Joint Security Area of the Demilitarized Zone (DMZ) after the defection of a North Korean soldier North Korean border guards firing at a defecting North Korean soldier in the Demilitarized Zone between North and South Korea A North Korea defector running out from a vehicle at the Joint Security Area of the Demilitarized Zone (DMZ) North Korean soldiers holding rifles and gathering in the North Korean side of the Joint Security Area at the Demilitarized Zone between North and South Korea Speaking at a meeting with his counterparts from some 30 African countries, Mr Tillerson said: “The DPRK presents a threat to all of our nations. “Everyone, including each country represented here today, must play a part in this peaceful pressure campaign to convince the DPRK that the only way to achieve true security and respect from the international community is to abandon its current path and choose a meaningful dialogue about a different future. “I urge you to take additional measures to pressure the DPRK by downgrading your diplomatic relationships with the regime, severing economic ties, expelling all DPRK labourers, and reducing North Korea’s presence in your country in all other ways it may be found.” North Korean defectors on life in the ‘hermit country’ It is believed that the weapons discovered on their way to Somalia earlier this week were sent by Iran in an attempt to arm militants fighting in Somalia. The ships were intercepted in the Arabian Sea by a French vessel. It is understood that the intercepted Type 73 machine guns were manufactured in North Korea before being sold to Iran between 1970 and 1980. This follows another weapons seizure from the hermit kingdom last month when a huge supply of weapons was discovered in Egypt. More than 30,000 rocket-propelled grenades discovered on board the freighter named the Jie Shun which the hermit kingdom had decorated with deceptive Cambodian colours. Despot leader Kim Jong-un’s cargo was stopped in its tracks when the US warned Cairo about the incoming ship. An investigation launched by the United Nations found that Pyongyang had good relations with Egyptian business executives who had ordered millions of dollars worth of North Korean weaponry. The monumental weapons supply was disguised under bins of iron ore that were used as a front for the hugely destructive delivery. Last month, Rex Tillerson praised political partners to the US from across the globe for helping to deliver the toughest UN sanctions to date on North Korea. He added: “Countries must increasingly decide whether they will do business with North Korea or with the community of peace loving nations.” North Korea was incredibly high on the agenda for Donald Trump during his recent tour of Asia where he emphasised his isolation initiative to several world leaders. The Republican firebrand has attempted to persuade China to cut off all ties with despot leader Kim Jong-un – the nation is the country’s biggest supplier and ally. Source: – Express
  10. Qoysas hor leh oo ka soo barakacay deegaanno ka mid ah gobolka shabeellada hoose oo dhawaan ay duqeymo ka dhaceen ayaa soo gaaray duleedka magaalada Muqdisho. Dadkani ayaan xilligan heysan hooy ay ka galaan roobka iyo qoraxda sida uu xaqiijiyey maamulka degmada Kaxda, qoysaskan waxaa ay ka kala yimaadeen degaannada Basra, Bariire iyo meelo kale oo ay dagaallo ka dhaceen. Qaar ka mida dadkani ayaa Goobjoog News u sheegay in xiligani ay heystaan xaalado bani’aadanimo waxaa ayna dalbanayaan gargaar degdeg ah. “Waxaan lahaa geel iyo Lo’ waay baaba’een, beer aan beeranno ma jirto, waan baahanahay meeshaas ayaan ka soo baro kacay “.Waxaan ka soo baro kacnay tooratoorow oo dhibaato naga soo barakicisay, waxaa na keenay dhib, Lo’ waan heesannay waa ay naga dhamaatay”. Mid ka mid ah dadka la hadlay Goobjoog News oo magaciisa aan sheegin. Guddoomiyahay waaxda saddexaad ee Kaxda Zakariye Cabdullahi oo isaga ku sugnaa xerooyinka cusub oo dadkani la dejinaayey ayaa sheegay in labadii maalin ee la soo dhaafay ay soo gaareen in ka badan 1000 qof degmada kaxda ee duleedka magaalada Muqdisho. “Waaxda saddexaad ee Cumar Fiyaasko waxaa soo gaaray todobaadkaan gudahiisa dad aad iyo aad u tiro badan oo ka soo guuray Basro iyo Bariire”. Duleedka magaalada Muqdisho waxaa ku nool qoysas aad u badan kuwaas oo horay uga soo baro kacay abaaraha ku dhuftay qaar ka mida gobollada dalka,waxaan barakacyaashaan cusub iyo kuwii horay u deganaa ay hadda la kulmayaan xaalado adag oo dhanka nolosha ah. Goobjoog News Source
  11. Ciidamada Mareykanka ayaa Isniintii sheegay in ay hal qof ku dileen weerar ay ku qaadeen Daacishta ku sugan waqooyi bari ama Puntland. Kooxda Daacish oo ku cusub gudaha Soomaaliya ayaan weli la sheegi karin tirada rasmiga ah, inkasta oo wararka qaar sheegayaan in ay ka yar yihiin 100. AFRICOM qoraal ay soo saartay waxaa ay ku sheegtay“ Mareykanka oo kaashanaya kuwa Soomaaliya, waxaa ay ciidanka Mareykanka duqeyn cirka ka geysteen waqooyi bari November 27, 2017, waxaa lagu dilay hal qof oo argigixiso ah”. Daacish waxaa ay tartan kula jirtaa xarakada Al-shabaab, laakin ma heystaan magaalooyin magac leh, waxaana ku socota duqeyn Mareykanka ah iyo weerar ciidamada Puntland. Todobaadkan Mareykanka waxaa sidoo kale sheegeen in 100 ku dileen duqeyn ay u geysteen Al-shabaab oo ka dhacday meel Muqdisho u jirta 200 KM dhanka waqooyi galbeed. Goobjoog News Source
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jasiirada Seychelles Danny Faure ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo wafdi uu hoggaaminayo. Madaxweynaha iyo Wasiirka ayaa ka wadahadlay xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Seychelles. Madaxweynuhu wuxuu xusay in uu ku faraxsan yahay in wafdi Soomaaliya ka socda oo heer Wasiiro ah uu dalkiisa soo booqdo. Wuxuu sheegay in ay weerarrada burcad badeedku dhib weyn u geysteen Seychelles hadda ka hor, laakiin aanay jirin wax cuqdad ah oo ay Dowladda iyo shacabka Seychelles ay qabaan. Sababtana waxaa uu ku tilmaamay in uu fahamsan yahay xaaladda uu dalku ku sugnaa 2008 oo ah xilli ay burcadbadeeddu ay aad u dhiirranayd. Wasiir Garaad ayaa Madaxweynaha uga warbixiyay isbeddellada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo in horumar ay ka sameyneyso dhinaca maamulka iyo dhismaha hey’adaha Dowladda. Waxa ay isla fahmeen sida loogu baahan yahay in ay labada dowladood iska kaashadaan sugidda amniga dhanka Galbeed ee Badweynta India oo ah badda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Seychelles. Madaxweynuhu wuxuu xusay in nabadgelyadu aanay ahayn berriga keliya ee biyaha badda loo baahan yahay in si nabadgelyo leh looga faa’iideysto. Waxaa kale oo ay isla soo qaaden sida ay labada dal isaga kaashan lahaayen aqoonta ka manaafacaadsiga badda, ganacsiga iyo dhaqaalaha buluugga ah. Waxay kawada hadleen Maxaabbiista Soomaaliya ee ku xiran Seychelles sidii dhakhso loogu wareejin lahaa geyigooda. Maxaabiista waxay ku doodayaan in ay yihiin kalluumeysato, wax hub ahna laguma qaban. Sidoo kale, Wasiir Garaad ayaa xarunta Xeer Ilaalinta fadhi kula qaatay sii hayaha Xeer Ilaaliyaha Seychelles. Waxa ayna ka wadahadleen suurta-galnimada in Qareen Soomaaliyeed uu u doodo lixda eedeysane ee Soomaalida ah marka dacwaddooda la qaadayo. Fadhiyada Madaxtooyada waxaa igu wehliyay Agaasimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Abdilatif Maxamuud Cali. Dhanka Seychelles waxaa fadhiyay Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Barry Faure, La Taliyaha Madaxweynaha Danjire Calixte D’Offay, Madaxa Xabsiyada Sychelles, Raymond Ange iyo Madaxa Soomaaliya ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Seychelles, Ms. Aissata DIA. Ugu danbeyntii, Wasiir Garaad iyo Wafdigiisa ayaa iminka ku biiray wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed, oo wejiga hore ee socdaalkiisu yahay in uu ka qeyb galo caleema saarka Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa haatan ku sugan dalka Kenya si uu uga qeyb-galo caleemo-saarka Uhuru Kenyatta oo mar kale ku guuleystay Doorashadii ku celiska aheyd ee dhawaan ka dhacday dalka kenya. Inta uu ku suganyahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo magaalada Nairobi ayaa waxaa uu la kulmi doonaa qaar ka mida madaxda ka soo qeyb-galeysa caleema saarka. Uhuru Kenyatta ayaa waxaa uu ku guuleystay doorashada ku celiska aheyd 26 bishii October,waxayna ka dhaceysaa xafladda caleema Saarka garoonka kubadda cagta ee Kasaarani . Caleema saarka Kenyatta ayaa waxaa ka soo qeyb galaya 11 hogaamiyaal waxaana ka mid ah ra’iisulwasaaraha Itoobiya Hailamaryam Desalin, ra’iisulwasaaraha Isra’ill Binyamin Natanyahu, madaxweynaha Ugandha Mosevani, Madaxweynaha Zambia Edjar lungu iyo madax kale oo Afrika iyo caalamka ka socota. Goobjoog News Source
  14. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa booqasho ku mari-doona qaar ka mid ah wadamada qaaradda Afrika oo ay ka mid yihiin Burkina Fasko, Ghana iyo Côte d’Ivoire sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dalka Faransiiska ee AFP. Macron ayaa haatan ku sugan Burkina Fasko, isaga oo la kulmi-doona arday, isla markaana furi-doona mashaariic horumarineed oo dalkiisa maalgelinayo. Madaxweynaha Faransiiska ayaa lagu wadaa in uu uga sii gudbo Abidjan halkaasi oo ay ka dhaceyso shir madaxeedka 5aad ee Yurub iyo Afrika. Macron waxaa uu sidoo kale arabacada furi-doonaa Mitro Abidjan oo ay ku baxeysa 1.4 Bilyan euro oo Faransiiska ammaah ahaan u siiyeen dalkaasi Côte d’Ivoire Dhanka kale, Madaxweyneyaasha Faransiiska iyo Mareykanka oo khadka Telefanka ku wada hadlay ayaa ku heshiiyay in laga hortago dhaq-dhaqaaqyada Iran ay ka waddo gobolka Bariga dhexe gaar ahaan Suuriya. Goobjoog News Source
  15. Madaxda dalka Indonesia ayaa awood uga daad-gureynaya dadka diiday inay ka fogaadaan jasiiradda Bali taasi oo la filan karo inay ka qaraxdo foolkaanyo. Tobanaan kun oo qof oo ag deganaa jasiiradda ayaa waxay galeen xaalad diyaar garow kuwaasi oo ka digtoon halsita foolkaanyada. Dadka qaarkood oo ag degan deegaannada u dhow Jasiiradda Bali ayaa waxay dareemayaan amni halka qaarka kalana ay diidayaan in ay ka tagaan xoolahooda. Waxaa la xiray garoonka ku yaallo Jasiiradda waxaa sidoo kale la xayiray socdaalka dadka u soo dalxiis tago jasiiradda. Ku dhawaad 100 kun oo qof oo ku nool Jasiiradda Bali waxaa ay la dhibaateysanyihiin daadadka uga yimaada buurta Agongo, waxaana hadda ku harsan goobta dad gaaraya 40 kun oo qof. Buurta Agongo ayaa gariir bilowday bishii Sebtember ee la soo dhaafay. Goobjoog News Source
  16. Nairobi (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kulan khaasa kula yeeshay dhigiisa Kenya Uhurro Kenyatta. Labada Madaxweyne ayaa kawada hadlay xiriirka labada dal, Amniga, Siyaasada iyo Ganacsiga, waxa ayna isla fahmeen inay muhiim tahay in lagawada shaqeeyo dhinacyada aan kor kusoo xusnay. Farmaajo iyo Kenyatta ayaa isla fahmay in waxbadan laga bedelo wada shaqeynta ka dhexeysa labada dal, isla markaana kor loo qaado xiriirka Amniga iyo Ganacsiga. Kenyatta ayaa dhigiisa Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo u sheegay in Somalia ay ka saaci doonaan dhanka amaanka waxa uuna cadeeyay inay dareemayaan isbedel dhanka amaanka ah. Waxa uu u ballanqaaday inay kala shaqeynayaan sida dowladaha horumarsan ay isku garabtaagi lahaayen Somalia oo iminka kasii baxeysa burburka. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa ka sheegay inay ka shaqeyn doonaan sida Kenya ay kala shaqeyn lahaayen dhammaan waxyaabaha karaankooda ah. Geesta kale, dowladaha Somalia iyo Kenya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir iskaashi oo dhinacyada ammaanka, ganacsiga iyo horumarka, waxaana xusid mudan inuu jiro gudi wadajir ah oo labada dhinac u qaabilsan dhaqan-galinta heshiisyada iskaashi ee u dhaxeeya labada dal. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  17. Australian police have arrested a 20-year-old man suspected of planning to use an automatic rifle for a mass shooting on New Year’s Eve in Melbourne. He was born in Australia to Somali parents. Police say he had been on their radar since the beginning of the year and they believe he was an Islamic State sympathiser. They believe he was acting alone. Police claim he accessed a guide book online produced by Al-Qaeda on how to commit terror acts and use firearms, but was arrested before he could purchase an automatic rifle. “What we will be alleging is that he was intending to use a firearm to shoot and kill as many people as he could in the Federation Square area on New Year’s Eve,” said Victoria Police Deputy Commissioner Shane Patton. “We are alleging that … he is a sympathiser of ISIS.” Police said he will be charged after his police interview and will then appear at Melbourne Magistrates Court, either later today early tomorrow. The foiled plot comes a year after police prevented another attack in the same area on Christmas Day, arresting several men who planned to use explosives, knives and guns to target the location. Australia, a staunch US ally that sent troops to Afghanistan and Iraq, has been on heightened alert since 2014 for attacks by home-grown militants returning from fighting in the Middle East or their supporters. Around a dozen significant plots have been foiled since the alert was issued, according to officials, including a plot to attack prominent sites in Melbourne last Christmas Eve and a plan to blow up an Etihad Airways flight from Sydney to Abu Dhabi using a bomb disguised as a meat mincer. RTE
  18. Pakistan Navy Ship TARIQ while patrolling in Gulf of Aden observed a stranded cargo dhow / boat namely Abdaihan of Yemen. Upon investigation it was revealed that the boat left Boosaaso (Somalia) on 10 Nov 17 for transporting fish to Al Mukalla (Yemen). During voyage at sea her propulsion got non-operational due to loss of propeller. The dhow had been drifting for the last ten days and was left with no edibles and drinking water. Subsequently, PNS Tariq provided sufficient food items and drinking water along with ready meals to the crew of the dhow. Furthermore, Yemeni Coast Guard and owner of dhow were informed for recovery of the dhow. PNS Tariq also conducted towing operation for 10 hours in rough sea condition and left the dhow close to the Somalian shores for further assistance by Somalian authorities. Master and crew of dhow thanked PNS Tariq for timely assistance. Naval forces, owing to their inherent attributes of rapid mobilization, reach and endurance coupled with their sealift capability are extremely useful in the humanitarian assistance. Pakistan Navy maintains a high degree of readiness, both in peace and war, to undertake a range of military, constabulary, diplomatic and benign operations. Pakobserver
  19. Special thanks goes to President Dahir Rayal Kahin, who has pioneered the Democratic Elections’ Process for this nation and set an exemplary peaceful transfer of power for others to follow. He was the first democratically-elected president Somaliland ever had. And so in follow-up, on November 13, 2017, after the current octogenarian at the helm of this nascent nation recused himself from running for his second term due to age and illness, Dr. Abdulrahman Cirro, Col Muse Bixi and a known political broker Faisal Ali Waraabe as candidates from WADANI, Kulmiye and UCID parties respectively vied to replacing him. This was the third presidential election held by this fledgling nation. Moreover, recent election was entirely funded by SL tax-payers and without any financial packing from outside world. Clan sentiment is something that scrambles our dynamics to attain equality, justice, and progress. It is an ever present stain on our psyche. I may also argue that it’s a tribute to our society that even amid striving for progress and recognition we are not yet capable of seeing this inner dark force [clan sentiment] dismantling our cohesion and unity. Clan sentiment was the common denominator in the campaigning strategy for all our presidential elections including presidential election held in 2010, in which UDUB and KULMIYE were in competition for the presidential office. In this election it was conspired only in cloak-and-dagger, stemming from a sentiment fervor for ISAAQISM as one of the then candidate was from the SAMAROUN clan. Recent election campaign however, the clan sentiment [This time between ISAAQ sub-clans as all candidates hail from the same clan] was ramped at a higher amplitude and no-hold-barred; it was overtly injected into campaign strategy for garnering supporters and therefore sub-clan alliances sprouted here and there; most notably, between sub-clans of outgoing president, Silanyo, and the president-elect, Col. Muse Bixi, which was facilitated and convened then by our outgoing President….it was an impeachable offense but was somehow kept under wrap by our legislative mercenaries. Spiteful attitude was rampant and openly campaigned by party surrogates. Washing dirty laundry of candidates in public and heralding insults back and forth between opposing groups was no exception… Even the likes of The Samatar, The Buba, to name a few, who are hailed as learned, seasoned and experienced political figures…. but widely are known as late-comers or “newly-converts” shoved themselves into the scrum of this polarizing election campaign. This clan politics as anomaly as it is to the democratic process is not only ensnaring our politicians. Our community leaders flame-throwing, often amplifying grudges, revved up hostility between parties’ supporters and sub-clans. Their trips spanned from east to west forging likely alliances sowed distrust among different sub-clans inhibiting in the same locality. Hellas! Community leaders and party surrogates were more often in the public eyes than parties’ candidates. This election campaign was conducted in unorthodox strategy, demeaning the value of campaigning on issues and which party’s vision is in sync with aspirations of our nation. It was a disdain to the democratic process, in which voters should be free from any prejudice other than differentiating the parties on issues and vision platforms ostensibly to winnow candidates to choose their best candidate for the job. Where is the beef? Despite above-mentioned hiccups, we should not lose sight of the big picture – Somaliland has once again established itself as the beacon of democracy (ONE MAN ONE VOTE) in this part of the world where it is considered to be the hub for violence and political quagmire. Thanks to the SL people who has imbibed a forgiving heart from their resilient culture. By that opposing groups, immediately after the fever of the election was over and the dust settled, came back into the mix and in a business as usual attitude. No doubt my people are far intelligent than anyone would think. Not Kulmiye party NOR president-elect ONLY have won this election. The country, the SL people and all our political parties have won, too. We have proved once again to ill-wishers that despite our differences in clan lineage we rise and fall together to forge our way to progress in the best way we can. Finally, the ultimate thanks and our KUDOS goes to Dr. Abdulrahman Ciro who, in spite of that election was rife with irregularities such as disfranchisement of electoral votes, as foreign observers have acknowledged, receded with a cool head for the sake of the nation and saved this country from plunging into civil war or Kenyan-like political quagmire, Sharmarke Ali (aka MM) Seattle, WA
  20. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Gaas iyo kan maaulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kulan xasaasi ku yeeshay magaalada Addis-Abbaba ee Dalka Itoobiya, sida ilo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online. Kulanka ayaa looga hadlay qiimaynta xaalada Dalku Soomaaliya uu marayo, xiriirka Maamul Goboleedyada iyo Dawlada Federaalka ah iyo mooshinka la rabo in laga keeno madaxweynaha Soomaaliya. Sida aan xogta ku helnay, labada masuul ayaa hoosta is kala xariiqay in aysan la shaqeyn karin xukuumadda hadda jirta oo marar badan khilaaf xooggan uu soo kala dhex galay, uguna dambeeyey khilaafkii ka dhashay xiisadda khaliijka. Labada masuul ayaa isku raacay in ay taageeraan is isbeddel lagu sameeyo hogaanka dalka, inkasta oo aan la ogeyn qaabka ay u marayaan. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegeen inay Gaas uu doonayo in uu madaxweye noqdo isagoo ku adkaystay in Beesha Daarood loo daayo dhamaystirka mudadda harsan ee xilka Madaxeynenimo. Shariif Xasan ayaa dhiniciisa balan qaaday in uu fikirkan ka dhaadhicinayo hoggaanka iyo siyaasiyiinta Hawiye ee miisaanka leh. Labada nin ayaa maanta u kicitimaya Dalka Imaaraadka Carabta si ay qorshahaas iskula soo meel dhigaan. Gaas oo maalmihii dhowaa uu shaki ku jiray kursigiisa Puntland ayna u eg tahay inuusan soo laaban doonan ayaa hadda damcaya hoggaanka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar laga kalsoon yahay oo ay Caasimada Onlinne ka heshay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Amniga ayaa sheegaya in shaqadii laga joojiyey ku xigeenka haya’daha Duulista Hawada lagana qaaday jagadii uu hayey. Sidoo kale Xoghayaha Joogtada Wasaaradda maaliyadda iyo ku xigeenkii NISA ayaa iyagana xilalkii laga qaaday, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Sida ay xogta ku helayso Caasimada Online, arrintaan ayaa loo aanaynayaa iney ka salka ku hayso khilaafka siyaasadeed ee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdi Rashiid iyo Ra’iiul Wasaare Kheyre. Saraakiisha xilalka laga qaaday ayaa dhamaantood waxay isku hayb yihiin Cumar Cabdirashiid; Khilaafka ayaa salka ku haya arrinta mowqifka Khaliijka ee ay dawladdu qaadatay, ayada oo Cumar Cabdirashiid uu ku xiran yahay dowladda Imaaraadka. “Dadka xilalka laga qaaday waxay ku hayb yihiin Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashid, arrintuna waxay tahay mid la xiriirta khilaaf u dhexeeya Xasan Khayre iyo Cumar Cabdirashid oo siyaasadda ahaan iska soo horjeeda, taas ayaana saameysay kaliftayna in ay xilalkooda waayaan” ayuu yiri mid kamid ah ilo-wareedyada la hadlay Caasimada Online oo codsaday inaan magaciisa lga shaacin. Illaa iyo hadda lama yaqaan sabab shaqo oo dadkan xilka looga qaaday marka laga reebo xiisadda ka dhex oogan Kheyre iyo Cumar Cabdirashiid. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Washington DC (Caasimada Online) – Weerarkii ugu dambeeyey ee duqeyn ah oo Mareykanka uu ka fuliyey Soomaaliya ayaa lagu dilay xubin ka tirsan kooxda Daacish-ta Soomaaliya, galabnimadii Isniinta. Waxa uu ahaa weerarkii 29-aad ee Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya, tan iyo markii uu xukunka qabtay madaxweyne Donald Trump, sida ku cad xog laga helay xafiiska saxaafadda daba-galka Mareykanka ee Bureau of Investigative Journalism, iyo kii 3-aad ee sanadkan 2017. Weerarkii ugu horeeeyey ee sanadkan Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya ayaa waxaa la qaaday ayada oo Obama uu xukunka hayo. Weerarkii Isniintii ayaa yimid toddobaad kadib markii weerar lala beegsaday kooxda Al-Shabaab looga dilay 100 dagaalyahan, markii lala helay xero tababar oo ku taalla meel 125 mile kaga beegan Muqdisho. Ayada oo Trumop uu muddo 10 bilood ah Somalia ka fuliyey 29 weerar, waxa uu hadda shan weerar kaliya u jiraa record-kii weerar ee 34-ka ee Obama uu Soomaaliya ka fuliyey muddadii 8-da sano ahayd ee uu xilka hayey. “Weerarada ayaa hadda noqday kuwa joogto ah” waxaa sidaas yiri Jack Serle oo ka tirsan xafiiska Bureau of Investigative Journalism kuna taqasusay weerarada drone-ka. “Waxaan waa wax aan horey loo arag” Mid ka ka mid ah sababaha kordhiyey weerarada ayaa ah ayada oo Trump uu ciidamada siiyey amar hal mar kaliya ah oo ah inay wixii ay doonaan sameeyaan, ayaga oo aan ansixin ka sugin mar walba oo ay weerar qaadayaan. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa deegaanka Garas Baaleey ee Duleedka Magaalada Muqdisho waxay xalay ku dileen Haweeney horay uga tirsaneyd Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya. Haweeneydaan oo lagu Magacaabi jiray Siteey Maxamed Aadan, Da’deedana lagu shegay 65 Sano jir ayaa dadka deegaanka waxa ay sheegeen in Gurigeeda loogu tegay. Sidoo kale qof ka mid ah dadka deegaanka oo diiday in Codkiisa iyo Magaciisa Warbaahinta loo adeegsado ayaa faah faahiyay sida ay wax uga dhaceyn. “Anagoo oo Xaafada Garas Baaley joogno ayaan maqalnay rasaas, markii aan kala cararnayna waxaa naloo sheegay in Maama Siteey la dilay, dadkii dilayna ay baxsadeen, runtii manaqaano waxa ay ahayeen dadkii dilay waana argagaxnay” ayuu yiri goobjoogaha. Dhanka kale waxaa xiriir la sameynay Maamulka deegaanka Garas Baaley si aan xogo dheerad ah uga helno balse kama jawaabin taleefoonadeena. Dilalka noocaan oo kale ah ayaa horay uga dhacay dalka, waxaana Haweeneydaan la sheegay in ay ka mid aheyd Haweenkii horay looga ruqseeyay Ciidanka xiligii Dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud uu hoggaaminayay, kadibna ay kusoo dhacday mele cidlo ah oo aysan nafteeda ku diufaaci karin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Dowladnimadu waa nidaam iyo go’aammo ku saleysan sharciga, xeerarka iyo dhaqanka soo jireenka ah kana reebban isbarbaryaac iyo isqabqabsi. Isbarbaryaaca iyo isqabqabsigu waa astaamaha ugu horeeya ee lagu garto dowlad xumida iyo fashilka dowlad wanaagga. Xukuumadihii soo maray dalka 10kii sano ee la soo dhaafay waxaa wada saameeyey xasilooni darro siyaasadeed oo salka ku haysay khilaaf u dhaxeeya Xukuumadda iyo Madaxweynaha. Balse, Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Khayre nasiib wanaag illaa hadda ma dhicin khilaaf dhanka Madaxweynaha tan iyo goortii la magacaabay. Laakiin waxa uusan ka badbaadin xasilooni darro siyaasadeed, nidaam xumo, karti la’aan dhanka waxqabadka, isbarbaryaac iyo isqabqabsi u dhexeeya Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradaha, Hay’adaha, Wasiirada iyo saraakiisha sare ee dowladda. Dhaqanka kala dambeynta, isixtiraamka iyo wadashaqeynta waa muraayadda lagu qiimeeyo madaxda iyo horumarka hay’adaha dawladda. Maadaama uu Ra’iisul Wasaaruhu yahay shaqsiga ugu sarreeya hay’adda fulinta, burburka nidaamka dowladnimo ee soo ifbaxay dhawaan wuxuu marqaati u yahay fashilka hoggaanka Xasan Khayre ee 8-dii bilood ee la soo dhafay. Isbarbaryaaca iyo isqabqabsigu waxay salka ku haayaan hoggaanka sare oo ay ku habsatay karti xumo, go’aan xumo, iyo khibrad dowladnimo la’aan taas oo abuurtay jawi aan aheyn mid dawladeed sida ay Dr. Maryan Qaasin ku tilmaantay markii ay iscasishay 15-kii November iyadoo sabab uga dhigtay arrintaas. Illo aan soo xiganay waxay noo xaqiijiyeen in xiligan uu yahay waqtiga ugu daran xukuumadda, marka la eego isqabqabsiga wasiirada iyo madaxda ee ka dhex socda gudaha wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda. Isqabqabsiga iyo isbarbaryaacu kuma eka oo kaliya Wasiirada ee wuxuu kaloo saameeyey dhammaan mas’uuliyiinta sare ee dawladda. Xubin sare oo ka tirsan Xukuumadda oo aan ka wareysanay arrintaan ayaa wuxuu ku soo gaabiyey hadalkiisi “Tanina Waa Noo Dhimaneyd”. Labo sarkaal oo Wasaarado kala duwn ka shaqeeya oo aan hoos u wareysaney ayaa waxay faahfaahin naga siiyeen caqabadaha isqabqabsiga iyo isbarbaryaaca ee Wasaaradahooda khuseeya. Waxay kaloo noo xaqiijiyeen in isqabqabsiga iyo isbarbaryaacu saameeyay 26-ka Wasaaradood oo midna aysan ka badbaadin. Waxay kaloo noo caddeeyeen in Wasaaraduhu ay dhammaan fadhiid yihiin oo aysan shaqo ka socon isqabqabsiga iyo isbarbaryaaca baaxadda weyn awgiis. Sidoo kale, wasiiro dhowr ah ayaa muujiyay in ay ka quusteen Ra’iisul Wasaare Khayre maadaama uu isqabqabsiga iyo isbarbaryaaca badidiisa qeyb ka yahay, sidaa darteedna uusan go’aan ka gaari karin. Sarkaal Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ka socda ayaa noo sheegay is Wasaaraddu aysan shaqeyn 4tii bilood ee la soo dhaafay tan iyo markii ay isku dhaceen Wasiirka, Wasiir ku-xigeenka, Wasiiru Dawlaha, Xoghayaha Joogtada iyo Ra’iisul Wasaaraha oo qeybta ugu weyn ka ahaa khilaafkaas. Saraakiisha Wasaaraduhu waxay naxasuusiyeen qaraalo isgarab socda oo waqtigaas ay kala qoreen Wasiirka, Wasiiru dawlaha iyo Wasiir ku-xigeenku kuwaas oo aad iyo aad u dhaawacay nidaamkii dawladnimo iyo sharaftii Wasaaradda. Sidoo kale isdarbaryaacii iyo khilaafkii waxay si toos ah u saameeyeen shaqadii iyo niyaddii shaqaalaha Wasaaradda. Waxaa dhaawac soo gaaray nidaaamkii iyo kala dambayntii Wasaaradda. Waxaa sidoo kale jahwareer galay wadashaqeyntii Wasaaradda iyo hay’ada kale gaar ahaan beesha caalamka oo shaqo badan kala dhaxeyso Wasaaradda. Intaa waxaa dheer hawlihii iyo mashaariicdii Wasaaradda sida siyaasadda, federaalaynta, doorashooyinka iyo dib u heshiisiinta oo hadda ku soo aruuray gacanta Ra’iisul Wasaaraha iyo Prof. Yaxye Cali Ibraahim oo La-taliyaha gaarka u ah Ra’iisul Wasaare Khayre ka dib markii shaqo joojin uu ku sameeyey Wasiirku. Prof. Yaxye oo ay qaraabo dhaw yihiin Ra’iisul Wasaaraha, wuxuu madax u yahay dhowr guddi oo uu Ra’iisul Wasaaruhu sameeyey sida gargaarka, abaaraha, musiibadii 14ka Oktoober, siyaasadda, federaalaynta, doorashooyinka iyo kuwa kale. Sidoo kale, sarkaal Wasaaradda Maaliyadda ka shaqeeya ayaa inoo xaqiijiyey in Wasaaraddu aysan shaqeyn muddo dhan laba bilood oo qalalaase iyo isqabqabsi ka jiray Wasaaradda kaas oo u dhaxeeya Wasiirka, Wasiir ku-xigeenka, Wasiiru Dawlaha, Xoghayaha Joogtada iyo Ra’iisul Wasaaraha oo qeybta ugu weyn ka ah khilaafkaas. Sarkaaalku asagoo hadalkiisi sii wata wuxuu sheegay in wax wadashaqayn ah aysan ka dhaxeyn madaxda sare ee Wasaaradda, qoraalo badan oo isburinaya ay is dhaafsadeen, sidaa darteedna uu hakad weyn galay hawlihii Wasaaradda. Isqabqabsiga ayaa salka ku haya arrimaha dhaqaalaha, canshuur aruuriska, dayn-dhaafka iyo bixinta qarashyada. Sidoo kale, Wasaaradda Maaliyada waxaa intaa u dheer culeys dhanka Ra’iisul Wasaaraha oo gacan-dhaaf ku haya, ama faraha kula jira hawlaha Wasaaradda. Tusaale ahaan, waxaa uu ku qasbay in la soo mariyo qarashyada kan ugu yar iyo kan ugu weyn iyo dhammaan ogolaanshaha canshuur dhaafka. Wasaaradda oo ka mid ah Wasaaradaha ugu muhiimsan dalka, lehna shaqaale fara badan, ayaa waxaa hoos u dhac ku yimid niyaddii, hamigii iyo waxqabadkii shaqaaalaha taas oo saameyn ku yeelanaysa dakhliga dawladda, dhaqaalaha dalka iyo xiriirka hay’adaha dhaqaalaha adduunka. Saraakiisha noo warantay waxay kaloo ka dhawaajiyeen in isqabqabsiga iyo isbarbaryaaca baaxaddiisu weyn tahay, uuna noqday sida cudurka Kaankarada kaas oo kusii faafaya dhammaan hay’adaha dawladda. Isbarbaryaacu kuma eka Wasaaradaha ee waxaa kaloo Kheyra sameeyey guddiyo fara badan oo laga garab abuuray Wasaaradihii iyo shaqsiyaad aan jago dawladeed ku magacawneyn oo haddana maamulaya dhaqaalihii, deeqihii iyo hawlihii dawladda. Isbarbaryaacyada iyo isqabqabsiyadu waxay kaloo ka jiraan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ay ugu dambeysay fadeexaddii shirka Batroolka ee lagu waday in uu ka dhaco Nairobi. Arrintan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha si toos ah ayuu u waday qabanqaabadeeda ee dhanka dawladda iyo Wasaaradda Batroolka, balse Madaxtooyada ayaa ka hortimid maadaama aan lala socodsiinin kolkii hore. Fadeexadaas oo dhaawac gudaha iyo dibadaba u geysatay dawladda ayaa waxaa qeyb ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha, Wasiiru Dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullahi Xaamud iyo Prof. Yaxye oo ah La-taliyaha khaaska ee Ra’iisul Wasaaraha. Arrimahaan isbiirsaday haddii aan ladaba qaban waxay horseedi karaan buruburka Xukuumadda iyo dowladnimada Soomaaliya. Fashilka amniga, cadaaladda, horumarinta iyo dawladnimada waxaa aasaas u ah isdabayaaca iyo isqabqabsiga Xukuumadda. Waxaa cad in aan wax badan laga qaban karin haddii aan la helin Ra’iisul Wasaare iyo Xukuumad cusub. Waxaa looga fadhiyaa Baarlamaanka Soomaaliya in uu mas’uuliyadiisa guto oo uu badbaadiyo dalka iyo dadka inta fashilka Xukuumaddu uusan horseedin burbur nidaam iyo mid dawladeed. Ugu danbeyntii, waxaa xaqiiqo ah in aan masiirka dalka lagu aamini karin Xukuumad ku sifowday #Isbarbaryaac iyo #Isqabqabsi, oo lumisay fursad aad u weyn oo taariikhi ah.
  25. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Waxaa cirka isku shareeray khilaaf u dhexeeya dowladaha Ethiopia iyo Masar, kaa oo ka dhashay dhismaha biyo xireenka Ethiopia iyo Masar. Khilaafka labada dhinac ayaa xoogeystay kadib markii dowlada Ethiopia ay laba jibaartay dhismaha biyo Xireenka Grand Renaissance Dam. Dowlada Masar oo ka careysan talaabada ay Dowlada Ethiopia kusii dhiseyso biyo xireenka ayaa is hortaag ku sameysay xooligii lagu dhisaayay biyo xireenka. Mashruuca biyo xireenka ayaa hakat galiyay xiriirka labada wadan, maadaama ay dowlada Masar doonayso in Ethiopia joojiso dhismaha biyo xireenka ilaa inta la dhameystirayo daraasad lagu wado saameynta uu biyo-xireenka ku yeelan karo biyaha soogaara Masar iyo Sudan. Masar iyo Ethiopia ayaa sidoo kale laga cabsi qabaa inuu ka dhex curto dagaal ka dhasha dhismaha biyo xireenka, waxaana muuqanaaya fariimo muujinaayo colaad oo ay is weydaarsanayaan labada dal. Geesta kale, Shacabka dalka Masar ayaa noloshooda ku xiran biyaha wabiga Nile, waxaana xusid mudan in Madaxweynaha Masar Al-Sisi uu horay u cadeeyay inuu adeegsan doono awood militari haddii ay Ethiopia sii wado dhismaha biyo xireenka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com