Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,137
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo dhawaan uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo heshiisiiyey Madaxda ugu sareyso Galmuudgo oo is khilaafsanaa ayaa waxaa arrintaas markii ugu horeysay si rasmi ah u xaqiijiyey Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey. Wuxuu Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Galmudug ay heshiis ka gaareen khilaafkii Siyaasadeed ee u dhaxeeyay labadooda iyo guud ahaan hoggaanka sare ee Galmudug isla markaasna wuxuu si rasmi ah u sheegay inay meesha laga saaray Khilaafkii jiray wax kastana la iska fahmay. Khilaafkaan oo ahaa mid si weyn looga dareemay deegaanada Galmudug ayaa kasoo biliowday go’aankii uu Madaxweynaha Galmudug ka qaatay Khilaafka dowladaha Khaliijka isagoo si cad u sheegay inuu la saftay dalka Imaaraadka Carabta taasoo u cuntami weysay Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo isku dhinac ahaa. Haddaba labadaan mas’uul waxa ay Jabuuti uga qeybgelayaan Shirka Ahlu Sunna iyo Galmudug,kaas oo shalay ka furmay Dalka Jabuuti. Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa ay bishii August is khilaafeen ku xigeenkiisa,Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Galmudug,waxaan arrintaas dhalisay in qolaba dhinaceeda u sheegto in ay xilka ka qaadday qolada kale. Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa sheegay isaguna in uusan jirin khilaaf u dhaxeeya Madaxda Galmudug waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadallada Galmudug iyo Ahlu Sunna oo uu sheegay in uu taageerayo wixii ka soo baxa. Maamulka Galmudug ayaa qalqal siyaasadeed ku jiray muddo bilooyin ah, waxana hadda muuqato inay soo dhamaatay howsha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimda@live.com
  2. Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre ayaa bishan November 26-keeda waxaa uu wasiirka gashaandhigga jamhuuriyadda federaalka ah u magacaabay Danjire Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Goobjoog News, waxaa ay akhristayaasheeda u soo gudbineysaa taariikh nololeedka wasiirka cusub ee gashaandhigga. Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxaa uu ku dhashay magaalada Baydhabo 1957-dii, isla magaaladaas ayuu ku qaatay waxbarashadiisa illaa dugsi sare isaga oo ka baxay dugsiga Sheekh Aweys, Baydhabo qeybta adabka. 2014: Jaamacadda Culuum iyo Tecknolojiyada ee Sanca, Yemen waxaa uu ka dhameeyay cilmiga Arrimaha bulshada . Hadda waxaa culuumta Xiriirka caalamiga iyo dilbloosiyada ka dhigtaa Jaamacad ku taalo dalka Uganda. Shaqooyin: 1993-95: Guddoomiye ku xigeen magaalada Baydhabo. 2000 wixii ka dambeeyay waxaa uu ku howlanaa arrimaha banii’aadnimada, waxyaabaha uu qabtay waxaa ka mid ahaa isaga oo aasaasay Wabiyow Community development association: Alqamar Tecknology Center ayuu halkaasi ka hirgeliyay oo markii ugu horeysana Technology-geliyay dadka reer Baydhabana baray, ku sameeyay dayactir biyo mareen-ka iyo tubooyinka Baydhabo 2001kii, Masaajidyada uu biyo geliyay iyo arrimo kale. 2009: Xildhibaan ayuu ka noqday dowladdii TFG isaga oo isla sanadkaas xukuumaddii Cumar Cabdirashid ka noqday Wasiir hantida qaranka. 2012: Waxaa loo magacaabay Safiirka Turkiga, isaga oo wax badan ka qabtay dhismaha iyo qaabeynta safaaradda muddo 3 sano ayuu jagadaasi hayey. 2015: Mar kale, Xukuumadda Cumar Cabdirashid ayaa loo magacaabay Wasaaradda Tamar iyo Biyaha 2016: Waxaa Baydhabo loogu doortay in uu ka mid noqdo Xildhibaannada golaha shacabaka November 26, 2017: Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa u magacaabay wasiirka gashaandhigga. Goobjoog News Source
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wafddi ka socda Dowladda Qadar ee maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa ballan qaaday mashaariic kala duwan oo ay ka fulin doonaan Soomaaliya. Wafddigan ayaa waxaa ay heshiis kala saxiixdeen Dowladda Soomaaliya waxaana ay dowladda Qadar ballan qaadday $200 Milyan oo doollarka Mareykanka ah taas oo ay dowladda Soomaaliya u adeegsan doonto mashaarciida dowladda. Mashruucaan ayaa ka kooban, kobcinta Dhaqaalaha, Dhismaha Wadooyinka, iyo Waxbarashada sida uu Warbaahinta u sheegay Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya. Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in Mashaariicdan oo dhamaantood ah kuwo lagu hormarinayo dalka ay ku kici doonto lacag dhan 200 oo Milyan oo Dollar. Agaasimaha Guud ee Horumarinta Dowladda Qadar,Khaliifa Bin Jaasim,oo heshiiskaan dowladda Qatar Wakiil uga aha ayaa isna sheegay in ay dhisi doonaan Wadada u dhaxeeysa Jowhar iyo Muqdisho oo ah 90km iyo Wadada Muqdisho iyo Afgooye iyo Dhismaha Hay’addaha Waxbarashada iyo Shaqa abuur loo sameeyo dhalinyarada. Dowladda Qatar ayaa ka mid ah Wadamada Carbeed ee taageerada siiya Soomaaliya,waxaana dhawaan ay dowladda Soomaaliya dhex dhexaad ka noqotay khilaafka Wadamada Khaliijka oo sabababay in xulufada Sacuudiga ay xiriirka u jaraan Dowladda Qatar. Waddigan oo ka kooban 5 xubnood ayaa waxaa ay dib ugu laabanayaan dalkooda kaddib heshiiska ay la galeen Dowladda Soomaaliya. Qadar waa dalka ay go’doomiyeen afarta dal ee Khaliijka Carabta ugu tunka weyn,waxaan Soomaaliya ay ka id tahay Waddamada khilaafkaas dhex dhexaadka ka noqday. Lacagta ay ballan qaadday Dowladda Qadar ayey sheegeen in uu bixinayo Sanduuqa Caalamiga ah ee horumarinta dowladda Qadar. Codka Khaliifa Bin Jaasim http://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/11/Khaliifa-Bini-Jaasim-Agaasimaha-Guud-ee-Horumarinta-Qadar.mp3Codka Jamaal Maxamed Xasan http://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/11/Jamaal-Maxamed-Xasan-Wasiirka-Qorsheynta.mp3
  4. Maxkamada sare ee Somaliland ayaa maanta si rasmi ah u ansixisay natiijadii ku meel gaarka ahayd ee dhawaan soo gudbiyeen Guddiga doorashooyinka. Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliand Dr Aadan Xaaji Cali oo qaraaskaas u akhriyay Warbaahinta ayaa sheegay in natiijadii ay soo gudbiyeen Guddiga doorashada aysan wax dacwada ah ka iman, sidaas darteena ay ansax ku tahay. Guddiga doorashada Somaliland ayaa horey ugu dhawaaqay in doorashadii 13-November dhacday uu ku guuleystay xisbiga Kulmiye oo uu madaxweyne ugu sharaxnaa Muuse Biixi Cabdi. PUNTLAND POST The post Maxkamada sare ee Somaliland oo go’aan ka soo saartay Doorashadii dhacday appeared first on Puntland Post.
  5. Ilaa 300 maleeshiyo kamida ururka Alshabaab ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo isku dhiibaan Mamaulka gobolka Gedo ee jubbaland. Maleyshiyooyinkaan waxaa hogaaminaaya horjooge magaciisa lagusoo koobay Fiilow.
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo horumarinta dhaqaallaha H.E. Amb. Gamal Mohamed Hassan, Wasiirka Amniga gudaha H.E. Mr. Mohamed Abukar Islow iyo Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud ayaa maanta si diirran ugu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho wafdi ballaaran oo ka socda dowladda Qatar oo uu hoggaaminayay Mr. Khalifa Jassim Al kuwari oo ah Agaasimaha guud ee Sanduuqa Qatar ee horumarinta. Wafdiga Dowladda Qatar ka socda oo ka kooban illaa iyo shan xubnood ayaa la kulmi doona Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Hassan Ali Khaire, iyadoo wadahadallo waxgal leh uu dhici doono inta lagu gudajiro kulamada la qorsheeyay. Shabakadda Caasimadda Online ayaa heshay xog faahfaahsan oo ku saabsan qorshaha ay Wafdigaan u imaadeen Muqdisho iyo Mashaariic waaweyn oo laga fulin doono Muqdisho iyo Gobolada Dalka Soomaaliya. Wafdigaan iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa kala saxiixan doono heshiisyo dhawr ah oo ku saleysan horumarinta dalka Soomaaliya. Mashaariicda Qatar fulineyso 1) Dhismaha Xarunta Xisbiga : Dowladda Qatar ayaa dayactir ku sameyn doonto Xaruntii hore ee Xisbiga oo la doonayo inay hadda kadib noqoto Xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya iyo meesha uu dagi doono. 2) Dhismaha Wasaaradda Qorsheynta: Heshiiska la kala saxiixanayo ayaa waxaa kamid ah in dib loo dayactiro Dhismaha wasaaradda Qorsheynta. 3) Dhismaha Wadada u dhaxeyso Muqdisho iyo Jowhar: Dowladda Qatar ayaa dhiseyso jidka u dhaxeeyo Muqdisho iyo Jowhar oo ah mid aad u burbursan, waxaana laga dhigi doonaa Wadado laami ah oo loo dhisi doono qaab Casri ah. 4) Dhismaha Jidka isku xiro Muqdisho iyo Shabeelada Hoose: Sidoo kale heshiiska la kala saxiixanayo ayaa waxaa kamid ah dhismaha jidka u dhaxeeyo Muqdisho iyo Shabeelada Hoose. 5) Mashaariic laga fulinayo Gobolada dalka: Sidoo kale Dowladda Qatar ayaa mashaaric hormarineed oo aad u weyn ka fulin doonto qeybo badan oo ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya. Sidoo kale waxaa jiro Mashaariicyo kala duwan oo aysan noo suurtagelin inaan helno magacyadooda oo kamid ah heshiisyada ay kala saxiixan doonaan Ra’isulwasaaraha iyo Wafdigaan. Yaa la siinayaa Qandaraasyada lagu fulinayo Mashaariicdaan?: Sida uu heshiisku yahay Mashaariicdaan ayaa waxaa fulin doono Shirkado, waxaana la sheegay in qandaraasyadaan lasoo bandhigi doono isla markaasna loo tartami doono, ciddii ku guuleysatana la siin doono. Shirkadaha fulin doono Mashaariicdaan ayaa waxay isugu jiraan Soomaaliya iyo Qatariyiin, wuxuuna noqon doonaa tartankaas mid xalaal ah oo maalin cad lagu kala baxo. Guddi la dhisayo: Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Qatar ayaa dhisayo guddi ka kooban labada dal oo mashaariicdaan muhiimka ah ka fullin doono goobaha aan kor kusoo xusnay iyo qeybo kale, waxayna guddigaan si wadajir ah uga shaqeyn doonaan inay wax kasta kusoo dhammaadaan sidii lagu heshiiyey. Goormee la fulinayaan Mashaariicdaan? : Inkastoo aysan noo suurtagelin inaan helno waqtiga Mashaariicdaan la fulinayo, haddana xogta aan helnay ayaa sheegeyso inay Mashaariicdaan yihiin kuwa deg deg ah oo dhawaan la fulin doono. Xogta aan heleyno sidoo kale waxay sheegeysaa inaysan Mashaariicdaan noqon doonin kuwa afka oo kali ah, balse ay noqon doonaan kuwa ficil loo badalo. Faa’idada Mashaariicdaan ku jirto: Dalka Soomaaliya oo muddo ku dhex jiray Dagaalo iyo Fowdo ayaa waxaa burburay qeybihii ugu muhiimsanaa dalka, waxayna Mashaariicdaan Soomaaliya ka caawin doonaan waxyaabo badan, waxaana laga faa’idi doonaa in la helo jidad waaweyn oo isku xiro Jowhar iyo Muqdisho, Shabeelada Hoose iyo Muqdisho. Sidoo kale waxaa la dayactirayaa Xarumaha Dowladda, waxaana markii ugu horeysay la sameyn doonaa Xarun weyn oo u gaar ah Ra’isulwasaaraha dalka, waana arrin ay la gaar noqon doonto Dowladda Farmaajo oo dadaal kasta ku bixineyso sidii dalka loo hormarin lahaa.
  7. Nairobi (Caasimadda Online) – Waxaa goordhaw markii 2aad madaxweynaha dalka Kenya loo dhaariyay Uhuru Kenyatta, arrintan ayaa dhacday xaflad ka dhacday garoonka kasaraani taasi oo ay ka soo qeyb-galeen in ka badan 10 hoggaamiye oo Afrikaan u badan. Dhinaca kale, War-murtiyeed ka soo baxay madaxtooyada Isra’iil ayaa waxaa lagu sheegay in Benjamin Netanyahu uu khudbad ka jeedin doono munaasabdda Caleema saarka Kenyatta, ka dibna waxaa uu kulamo la yeelan doonaa madaxda dowladaha ka qeyb-galaya xafladda. Illaa 20 madaxda adduunka ah ayaa kasoo qeybgalay caleemo saarka. Mar sii horeysay ciidamada booliiska ayaa sunta dadka kaga ilmeeysiisa ku furay taageerayaasha Kenyatta oo isku dayayay in ay xoog ku galaan garoonka xili kuraastii ay ka buuxsantay. Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa caleemo saarka Kenyatta ku tilmaamay sidii boqor isaga isku caano shubay oo kale, isaga oo sheegay in isla maanta xaflad baroor diiq ah ay ku qabanayaan meel Nairobi ka mid ah, taas oo loogu murugoonayo dadkii ay Booliiska laayeen. Netanyahu ayaa dhankiisa saakay warbaahinta la hadlay ka hor inta uusan ka soo duulin Tel Aviv waxaa uuna yiri “Afrika waa markii sadexaad oo aan booqdo muddo halsano iyo bar gudahood ah, waxaan halkaasi kula kulmi doonaan madaxweynaha Kenya,s idoo kale waxaan la kulmi doonaa toban hogaamiye oo qaaradda Afrika ah”. Netanyahu isaga oo sii hadlaya ayaa waxuu yiri “ Waxaa naga go’an inaan si qoto dheer aan xariir ula yeelano qaaradda Afrika, annaga oo xariir la sameyneyno dowladaha aanu naga dhaxeynin wax xiriir diblomaasiyadeed ah”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimda@live.com
  8. Milatariga Maraykanka ayaa qaaday duqayn oo ka dhan kooxda Daacisg ee ku sugan bururalayda gobolka Bari ee Puntland. Duqayntaan ayaa lagu dilay mid kamid ah argigixisada. War qoraal ah oo kasoo baxay taliska Maraykanka ee Afrika ayaa sheegaya duqayntaan inay dhacday shalay galab oo ahayd isniin, iyadoo la kaashanaysay dowladda federalka. Dowladda Maraykanka ayaa horaantii bishaan bilowday bartilmaameedka lagu hayo koritaanka kooxda Daacish ee Soomaaliya ku sugan. Maamulka donald Trump ayaa sanadkaan meel mariyay in la kordhiyay dedaalada milatari ee ka dhan ah xagjirada ku sugan geeska Afrika. Tiro badan oo kamid ah dagaalamayaasha Daacisg, oo tiradooda lagu qiyaasay 200 ayaa kasoo goostay Alshabab kuna biiray Daacish. Puntlandi.com
  9. Waxaa goordhaw markii 2aad madaxweynaha dalka Kenya loo dhaariyay Uhuru Kenyatta, arrintan ayaa dhacday xaflad ka dhacday garoonka kasaraani taasi oo ay ka soo qeyb-galeen in ka badan 10 hoggaamiye oo Afrikaan u badan. Dhinaca kale, War-murtiyeed ka soo baxay madaxtooyada Isra’iil ayaa waxaa lagu sheegay in Benjamin Netanyahu uu khudbad ka jeedin doono munaasabdda Caleema saarka Kenyatta, ka dibna waxaa uu kulamo la yeelan doonaa madaxda dowladaha ka qeyb-galaya xafladda. Netanyahu ayaa dhankiisa saakay warbaahinta la hadlay ka hor inta uusan ka soo duulin Tel Aviv waxaa uuna yiri “Afrika waa markii sadexaad oo aan booqdo muddo halsano iyo bar gudahood ah, waxaan halkaasi kula kulmi doonaan madaxweynaha Kenya,s idoo kale waxaan la kulmi doonaa toban hogaamiye oo qaaradda Afrika ah”. Netanyahu isaga oo sii hadlaya ayaa waxuu yiri “ Waxaa naga go’an inaan si qoto dheer aan xariir ula yeelano qaaradda Afrika, annaga oo xariir la sameyneyno dowladaha aanu naga dhaxeynin wax xiriir diblomaasiyadeed ah” Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in ay safaarad cusub ay ka furan doonaan mid ka mida dowladaha Afrika balse ma uusan sheegin magaceeda. Goobjoog News Source
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada Booliska Somaliya ayaa xalay waxa ay sameeyeen hawlgal ammaanka lagu xaqiijinaayay, sidoo kalena lagu bartilmaameedsanaayay xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho. Hawlgalka ayaa wuxuu ka dhacay Degmada Kaaraan, gaar ahaan xaafado ciidamada ay ka hayeen macluumaad, waxayna ciidanka galeen guryo ay tiigsanayeen. Ciidamada ayaa intii uu hawlgalka socday waxa ay soo qabteen afar ruux oo ay tuhmayaan, sidoo kale waxaa la sheegay in ciidanka ay soo qabteen qaraxyo lagu haayay guri., Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in ay qabteen qaraxyo lagu haayay Xaafado ka tirsan degmada Kaaraan iyo dad intaba. Saqdii dhexe ee xalay ayaa la soo gaba gabeeyay hawlgalka, iyadoo ciidamada Booliska ay horay u soo kaxeeyeen afartii ruux ee ay gacanta ku soo dhigeen. Intii uu socday hawlgalkan qorsheysan oo ay fulinayeen ciidamada Booliska Laantooda Dambi Baarista ee CID-da oo xogta lagu duulaayay huwaneyd ayaa waxaa laga soo qab qabtay xaafadihii hawlgalka uu ka dhacay rag la tuhunsanaa iyo agab kale oo amniga lidi ku ah. Xarunta Dambi Baarista ciidanka Booliska Somaliyed ee CID ayaa la geeyay dadkii ciidanka ay soo qabteen, halkaasi oo Baaritaan dheeri ah lagu marsiinaayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimda@live.com
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo horumarinta dhaqaallaha H.E. Amb. Gamal Mohamed Hassan, Wasiirka Amniga gudaha H.E. Mr. Mohamed Abukar Islow iyo Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud ayaa maanta si diirran ugu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho wafdi ballaaran oo ka socda dowladda Qatar oo uu hoggaaminayay Mr. Khalifa Jassim Al kuwari oo ah Agaasimaha guud ee Sanduuqa Qatar ee horumarinta. Wafdiga Dowladda Qatar ka socda oo ka kooban illaa iyo shan xubnood ayaa la kulmi doona Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Hassan Ali Khaire, iyadoo wadahadallo waxgal leh uu dhici doono inta lagu gudajiro kulamada la qorsheeyay. Wafddigan ayaa waxaa ay kulan kula leeyihiin Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo ams’uuliyiinta kale ee xafiiska Ra’isalwasaaraha Soomaaliya. Socdaalka wafdigan ayaa jawaab u ah xiriiro kala duwan oo Wasaaradaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Qatar ay lahaayeen muddooyinkii ugu dambeeyay si loo taabageliyo maashaariic horumarineed oo dhaxalgal ah. Soo dhoweynta wafdigan ayaa waxaa ka qeybgalay Kusimaha Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mr. Mohamed Ali Gaal, Agaasimaha Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda Mr. Yusuf Alasow Mohamud, Kusimaha Agaasimaha guud ee habmaamuuska Qaranka Mr. Mohamed Abdi Ali iyo diblomaasiyiin kale oo katirsan Wasaaradda. Xubnaha ka socda Dalka Qadar waxaa ay gaarayaan Shan Xubnood,waxaana ay Muqdisho kulan kula leeyihiin Ra’isalwasaare Kheyre. Socdaalka wafdigan ayaa jawaab u ah xiriiro kala duwan oo Wasaaradaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Qatar ay lahaayeen muddooyinkii ugu dambeeyay si loo taabageliyo maashaariic horumarineed oo dhaxalgal ah,wayna la kulmi doonaan Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimda@live.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Kenya Uhurro Kenyatta ayaa shaaca ka qaaday in colaadaha ka jira qaarada Madow ee Africa ay soo idlaan doonto marka Somalia lagu garabsiiyo hanaanka ay uga bixi laheyd dhibta ay ku jirto. Uhurro Kenyatta, ayaa sheegay in inta badan wadamada Africa dhaca ay marti galinayaan Kooxo argagixiso ah oo qalqal amni u abuuray Africa, balse waxaa oo idil ay ku xiran tahay Somalia oo ay ka dhalato Nabad. Waxa uu Kenyatta hadalkan ka sheegay kulan uu la qaatay qaar kamid ah Madaxda martida ku ah caleema-saarkiisa, waxa uuna u cadeeyay in maslaxada amni ee Africa ay tahay mid ku jirta Somalia oo heshaa nabad. Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa ”Somalia wey ka daashay burbur, argagixisada ku dhex nool Africa waxa ay kasoo bilowdeen Somalia, waxaan xal u aragnaa inaan Nabad u raadino Somalia si ay Africa u hesho Nabad” ”Nabadda Africa waxa ay ku xiran tahay Nabada Somalia, waxaan rajeynayaa in Madaxda Africa ay qaadan doonaan soo jeedinteyda maadaama ay sii kordheyso argagixisada Africa” Sidoo kale, Uhurro Kenyatta ayaa farta ku goday inay ka shaqeynayaan wado waliba oo Somalia ay ku gaareyso Nabad, iyadoo lala kaashanaayo wadamada awooda ciidan ku dhex leh Africa. Docda kale, waxa uu rajo weyn ka muujiyay in soo laabashadiisa ay kheyr u noqon doonto Somalia oo iminka kasii baxeysa burburka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimda@live.com
  13. Muqdisho (PP) ─ Wafdi ballaaran oo ka socda Xukuumadda Qatar ayaa si diiraran maanta loogu soo dhaweeyay Muqdisho, waxaana wafdigan oo ka kooban shan xubnood ay Muqdisho joogi doonaan muddo dhawr casho ah. Xubnaha Wafigan ayaa waxaa Muqdisho kusoo dhaweeyay, wasiirro ay ka mid yihiin; Wasiirka Qorsheynta, Danjire Jamal Maxamed Xasan, Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow iyo Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Mukhtaar Mahad Daa’uud. Wafdi ka socda dalka Qatar ayaa waxaa hoggaaminaya Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Qatar ee horumarinta, Khalifa Jassim Al kuwari, waxaana inta ay ku sugna yihiin Muqdisho ay la kulmi doonaan Ra’iisul wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre iyo xubno kale, inkastoo aan la ogeyn waxay kala hadli doonaan. Socdaalka Wafdigaan ayaa jawaab u ah xiriiro kala duwan oo Wasaaradaha Arrimaha Dibadda Somalia iyo Qatar ay lahaayeen xilliyadii u dambeeyay si loo taaba-geliyo maashaariic horumarineed oo dhaxal-gal ah. Ugu dambeyn, Wafdigan soo dhaweyntooda waxaa ka qayb-galay Ku-simaha xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maxamed Cali Gacal iyo Mas’uuliyiin kale oo ay ka mid yihiin; Yuusuf Calasoow, Maxamed Cabdi Cali iyo Dublamaasiyiin kale oo katirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia. PUNTLAND POST The post Wafdi ka socda Qatar oo Muqdisho soo gaaray, iyagoo la kulmi doona madaxda Qaranka appeared first on Puntland Post.
  14. Booliiska Australia ayaa xiray 20 jir Soomaali ah oo lagu eedeeyay in uu weerarro argagixiso la damacsanaa bartamaha magaalada Melbourne. Booliiska ayaa sheegay in uu dhiirri-gelin ka haystay Islaaminyiinta xagjirka ah,islmarkaana uu ku xirnaa shabakad argagixiso uu gudaha dalka iska abaabulayey. Hawlgal gaar ah oo Booliisku qaaday duhurnimadii Isniinta ayaa lagu qabtay ninkaan oo lagu magacaabo Cali Shire,isagoo xilligaas ku sugnaa tuulo 32km koonfur galbeed kaga aaddan magaalada Melbourne,halkaaso uu waalidkiis kula noolaa. Sirdoonka dalka Australia ayaa sheegay in ay su’aalo weydiinayaan ninkaan lagu eedeeyay argagixisada,islamarkaana baaritaan rasmi ku samaynayaan dhammaan xogtiisa khaaska ah. Baaritaanka horu-dhaca ah ayaa muujinaya in Cali Shire qorshaynayey weerar argagixiso oo uu ku qaado goobaha lagu qabanayo xuska sannadka cusub ee 2018,sida fagaaraha weyn ee magaalada Melbourne ee(central square ). Halkaan ka daawo. PUNTLAND POST The post Daawo: Booliiska Australia oo xiraya nin Soomaali ah oo lagu eedeeyay argagixiso. appeared first on Puntland Post.
  15. Wasiirka amniga maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed oo wareysi uu siiyay Goobjoog News ayaa wuxuu kaga hadlay ujeedka safarro uu maalmihii dambe ku bixinayay degmooyin ka kala tirsan gobollada Baay iyo Bakool. Wuxuu sheegay in ciidamada ay u diyaariyeen sidii ay howlgallo uga sameyn lahaayeen degaannada ka maqan gacantooda ee gobolladaasi. Wasiirka amniga Koonfur Galbeed Xasan Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka ay heleen mushaaraadkooda ay xaqa u lahaayeen. “Muhiimadda ugu horreysa ee safarkeenna waxaa uu ahaa sidii loogu kuur-geli lahaa xaaladda deegaannada guud ahaan gaar ahaan ciidamada deegaannada ay joogaan, waxaan tagay degmooyin badan oo ay ka mid yihiin Xudur Buur-hakabo iyo Waajid ciidamada horay waxay ugu jireen dagaallo “. Wasiirka ayaa ciidamada waxaa uu ugu baaqay inay sii laba laabaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga isaga oo tilmaamay in ciidamada ay diyaar u yihiin inay qaadaan howlgalkii ay dowladda dhexe ku dhawaaqday kaasi oo ahaa in deegaannada al-shabaab ay ka taliyaan ay soo galaan gacanta dowladda. Goobjoog News Source
  16. Kooxo hubeysan ayaa Xalay fiidkii waxa ay deegaanka Garas-baaley ee duleedka magaaladda Muqdisho ay ku dileen Haweeney horay uga tirsaneyd Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya. Haweeneydaan oo lagu Magacaabi jiray Siteey Maxamed Aadan, oo 65 Sano jir aheyd ayaa dadka deegaanka waxa ay sheegeen in Gurigeeda loogu tagay. Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in dilka uu dhacay xiligii salaadda Maqrib islamarkaana ragga hubeysan ay guriga ugu galeen haweeneyda halkaas-na ay ku toogteen. Dilka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamadda Amaanka Dowladda Soomaliya,inkastoo aysan jirin cid wali loosoo qabtay. Dilalka noocaan oo kale ah ayaa horay uga dhacay Magaaladda Muqdisho,waxaana Haweeneydaan la sheegay in ay ka mid aheyd Haweenkii horay looga ruqseeyay xiligii dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud uu hoggaaminayay. PUNTLAND POST The post Haweeney 65-sano Jir Aheyd oo Xalay lagu dilay duleedka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  17. A 20-year-old Australian citizen has been arrested for plotting a shooting rampage in Melbourne’s central square while it is packed with New Year’s Eve revelers. Police say he was inspired by jihadist terrorists and associated with a local “extremist community.” The man was rounded up during a special operation by police conducted at around 3 pm Monday local time [4 am GMT] in Werribee, some 32 kilometers southwest of Melbourne, where he lived with his Somali parents, police reported. The suspect, who was born and raised in Australia, was handed over by police to a joint counter-terrorism team for interrogation. “He was engaged in acting preparation for a terrorist offense and also collecting materials, documents to facilitate a terrorist act,” Victoria Police deputy commissioner Shane Patton told the media, speaking on the essence of the charges. “What we will be alleging is that he was intending to use a firearm to shoot and kill as many people as he could in a Federation Square area on New Year’s Eve,” Patton said. To this end, the man allegedly attempted to illegally obtain an automatic firearm and planned to follow Al-Qaeda manuals on how to commit a terrorist attack, The Age reports, citing Patton. As he was about to buy a handgun, the man was swooped on by police. The carnage was supposed to unravel at the Federation Square in downtown Melbourne, which is usually flooded with tens of thousands of people on December 31, celebrating the arrival of a new year. The suspect reportedly drew inspiration from terrorist attacks carried out by other Islamist fanatics all over the globe, with police saying that the man “would become particularly energized” when such attacks were mounted. Describing the possible consequences of the foiled plot as “catastrophic,” Patton noted that the man does not appear to have any accomplices and police do not believe there is an acute threat to the community. Patton revealed that police had been watching the man “for a very lengthy period of time” before the raid, for about a year. Police also searched his family’s home in Werribee, while about a dozen police officers raided a computer store where the man was working for a couple hours a day to gain a working experience. The owner of the store described the youngster as a “very quiet boy” whose father he met at a local mosque. The family, meanwhile, seems to be in disbelief about the charges levelled at the 20-year-old, with his father saying on Tuesday that he believes his son has done nothing wrong. “He’s very innocent,” he insisted. It’s not clear how the man was indoctrinated, with police not linking him to any particular mosque. While assuring the public that “there was never any point in which there was a significant risk” emanating from the aspiring terrorist, Patton admitted that there is a net of extremists anchored in the province. “He is associated with other persons in the Victorian extremists community … it is a very small community of extremists,” he said. Since the country’s terrorism threat level was upped in 2014, the police launched some 347 counter-terrorism probes, charging a total of 74 people with terrorism-related offences. In the run-up to Christmas celebrations last year, Australian police reported that it had foiled a “very substantial terrorist plot” in Melbourne, with Federation Square was also being named as one of the prime targets. The perpetrators reportedly wanted to use explosives and other weapons on the city’s most important landmarks, including St Paul’s Cathedral and Federation Square. As recent as in September, the country’s top counter-terrorism chief, assistant commissioner for counter-terrorism in New South Wales Mark Murdoch, now retired, said that despite all the efforts by the law enforcement and intelligence a major terrorist attack is “inevitable” on Australian soil. Source: RT
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si adag uga hadlay dhibaatooyinka ay wadaadada qaar ku hayaan dhalinyarada Soomaaliyeed. Jawaari ayaa sheegay in xiligaan dhalinyarada Soomaaliyeed lagu shubay fikir Khaldan isla markaana dhibaatooyin farabadan ay heestaan. Waxa uu Jawaari sheegay inay jiraan wadaado u dhib u joog ah isla markaana ka shaqeeya in dhalinyarada Soomaaliyeed ay mar waliba ka habaabiyaan fekerada wanaagsan oo ay heystaan. Waxa uu tilmaamay in wadaadada uu eeda u jeedinaayo ay maskaxda ka lumiyeen boqolaal dhalinyaro, iyadoo taa bedelkeeda loo baahan yahay in laga hortago. Wuxuu cadeeyay in dhalinyarada laga indha sarcaadiyay inay ka shaqeeyan amniga iyo horumarka dalkooda, taa oo ay ugu wacan tahay duruufaha nololeed ee ka jira dalka. Waxa uu Gudoomiye Jawaari ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalkooda isla markaana ay ogaadan in aysan waxba u qabaneyn wadaadada ku abuuraya fikirka Khaldan sida uu hadalka u dhigay. ”Kuwa idin khaldaaya ma arkaan carruurtooda, waxaan qireynaa inay cadow ku yihiin noloshiina, horumarkiina iyo amni ka dhasha dalkiina” Sidoo kale, Jawaari ayaa wadaadada ku howlan luminta dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka waantooban isla markaana u diir naxaan carruurta aysan dhalin oo ay marin habaabinayaan. Dhinaca kale, Jawaari ayaa si guud ahaan Umadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay dhameystiraan waxa yar ee ka harsan Amniga iyo Horumarka Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay burburisay Xerooyin ay maleeshiyaadka al-Shabaab ku leeyihiin Kaymaha Gobalka Laamu. Joseph Kanyiri, oo ah madaxa hawlgalka Kenya ee Kaymaha Boni, ayaa sheegay in Xerooyinka la burburiyay ay kamid ahaayen goobo ay ku shiri jireen al-Shabaab. Joseph Kanyiri, oo u waramaayay wargeyska The Nation ayaa sheegay in Xerooyinka la burburiyay ay gaarayaan ilaa Lix Xero oo dhismahooda halis ku ahaa Kenya. Joseph Kanyiri, waxa uu intaa ku daray in inta badan Xerooyinkaas loo adeegsan jirey howlgalada ay ka geysan jireen qeybo ka mid ah Gobalka Laamu. Madaxa Hawlgalka Kenya ugu qaabilsan Kaymaha Boni, Joseph Kanyiri, waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in Saraakiisha amaanka Kenya ee goobahaasi gaaray ay gacanta kusoo dhigeen Hub ay ka mid yihiin Qoryaha AK 47, Qalabka lagu farsameeyo Bambooyinka, Cunto iyo Daawooyin, waa sida uu hadalka u dhigay Joseph Kanyiri. Sidoo kale, waxa uu cadeeyay in dowlada Kenya ay kasoo jeesan doonto al-Shabaabka weli ku sugan Kaymaha Boni, oo firxadkooda gudaha u galay Gobolada qaar. Docda kale, Saraakiisha amniga ayuu ugu baaqay in maalmaha soo socda ay waxbadan ka bedelaan hanaanka ay ku sugaan amniga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. The country’s media mouthpiece, Rodong Sinmun, used the example of Kim Il-sung giving aid to Africa in a seeming attempt to counter the initiative from the US to turn the continent against Kim Jong-un. It said: “President Kim Il-sung gave unsparing material and spiritual assistance to African nations who struggled to build a new society. “At that time, the North were by no means richer or more abundant than other nations when we made the aid. “Our people offered a slew of food and relief goods to poverty- and hunger-stricken African people by tightening their own belts.” The newspaper then detailed a number of factories, farms and infrastructure it believes was built with the help of aid from the hermit kingdom. The publication appears to be a direct counter to recent calls from US Secretary of State Rex Tillerson who recently urged African nations to play an increasing role in an initiative to isolate the hermit kingdom in an attempt to force it to disarm and halt its pursuit of nuclear weapons. Mr Tillerson’s renewed calls came after North Korean weapons were seized onboard Iranian smuggling ships on route to Somalia. North Korea has repeatedly taken part in a series of illegal activities to fund its nuclear and missile programmes. Speaking at a meeting with his counterparts from some 30 African countries, Mr Tillerson said: “The DPRK presents a threat to all of our nations. “Everyone, including each country represented here today, must play a part in this peaceful pressure campaign to convince the DPRK that the only way to achieve true security and respect from the international community is to abandon its current path and choose a meaningful dialogue about a different future. “I urge you to take additional measures to pressure the DPRK by downgrading your diplomatic relationships with the regime, severing economic ties, expelling all DPRK labourers, and reducing North Korea’s presence in your country in all other ways it may be found.” North Korea has responded to US calls for African isolation against the hermit kingdom The country’s media mouthpiece, Rodong Sinmun, used the example of Kim Il-sung giving aid to Africa in a seeming attempt to counter the initiative from the US to turn the continent against Kim Jong-un. It said: “President Kim Il-sung gave unsparing material and spiritual assistance to African nations who struggled to build a new society. “At that time, the North were by no means richer or more abundant than other nations when we made the aid. “Our people offered a slew of food and relief goods to poverty- and hunger-stricken African people by tightening their own belts.” North Korea says growing nuclear threat ‘only aimed at the US’ World War 3: North Korea is ‘MORE likely’ to use ‘nuclear weapons’ now The newspaper then detailed a number of factories, farms and infrastructure it believes was built with the help of aid from the hermit kingdom. The publication appears to be a direct counter to recent calls from US Secretary of State Rex Tillerson who recently urged African nations to play an increasing role in an initiative to isolate the hermit kingdom in an attempt to force it to disarm and halt its pursuit of nuclear weapons. Mr Tillerson’s renewed calls came after North Korean weapons were seized onboard Iranian smuggling ships on route to Somalia. North Korea has repeatedly taken part in a series of illegal activities to fund its nuclear and missile programmes. Shock footage stills of North Korean defector escaping across border Dramatic footage of a North Korean soldier’s defection released on November 22 showed him racing across the border under fire from former comrades, and then being hauled to safety by South Korean troops. The defector, who ran across the border at the Panmunjom truce village on November 13, was shot at least four times and has been recovering in a South Korean hospital North Korea soldiers gathering on the north side of the Joint Security Area of the Demilitarized Zone (DMZ) after the defection of a North Korean soldier North Korean border guards firing at a defecting North Korean soldier in the Demilitarized Zone between North and South Korea A North Korea defector running out from a vehicle at the Joint Security Area of the Demilitarized Zone (DMZ) North Korean soldiers holding rifles and gathering in the North Korean side of the Joint Security Area at the Demilitarized Zone between North and South Korea Speaking at a meeting with his counterparts from some 30 African countries, Mr Tillerson said: “The DPRK presents a threat to all of our nations. “Everyone, including each country represented here today, must play a part in this peaceful pressure campaign to convince the DPRK that the only way to achieve true security and respect from the international community is to abandon its current path and choose a meaningful dialogue about a different future. “I urge you to take additional measures to pressure the DPRK by downgrading your diplomatic relationships with the regime, severing economic ties, expelling all DPRK labourers, and reducing North Korea’s presence in your country in all other ways it may be found.” North Korean defectors on life in the ‘hermit country’ It is believed that the weapons discovered on their way to Somalia earlier this week were sent by Iran in an attempt to arm militants fighting in Somalia. The ships were intercepted in the Arabian Sea by a French vessel. It is understood that the intercepted Type 73 machine guns were manufactured in North Korea before being sold to Iran between 1970 and 1980. This follows another weapons seizure from the hermit kingdom last month when a huge supply of weapons was discovered in Egypt. More than 30,000 rocket-propelled grenades discovered on board the freighter named the Jie Shun which the hermit kingdom had decorated with deceptive Cambodian colours. Despot leader Kim Jong-un’s cargo was stopped in its tracks when the US warned Cairo about the incoming ship. An investigation launched by the United Nations found that Pyongyang had good relations with Egyptian business executives who had ordered millions of dollars worth of North Korean weaponry. The monumental weapons supply was disguised under bins of iron ore that were used as a front for the hugely destructive delivery. Last month, Rex Tillerson praised political partners to the US from across the globe for helping to deliver the toughest UN sanctions to date on North Korea. He added: “Countries must increasingly decide whether they will do business with North Korea or with the community of peace loving nations.” North Korea was incredibly high on the agenda for Donald Trump during his recent tour of Asia where he emphasised his isolation initiative to several world leaders. The Republican firebrand has attempted to persuade China to cut off all ties with despot leader Kim Jong-un – the nation is the country’s biggest supplier and ally. Source: – Express
  21. Qoysas hor leh oo ka soo barakacay deegaanno ka mid ah gobolka shabeellada hoose oo dhawaan ay duqeymo ka dhaceen ayaa soo gaaray duleedka magaalada Muqdisho. Dadkani ayaan xilligan heysan hooy ay ka galaan roobka iyo qoraxda sida uu xaqiijiyey maamulka degmada Kaxda, qoysaskan waxaa ay ka kala yimaadeen degaannada Basra, Bariire iyo meelo kale oo ay dagaallo ka dhaceen. Qaar ka mida dadkani ayaa Goobjoog News u sheegay in xiligani ay heystaan xaalado bani’aadanimo waxaa ayna dalbanayaan gargaar degdeg ah. “Waxaan lahaa geel iyo Lo’ waay baaba’een, beer aan beeranno ma jirto, waan baahanahay meeshaas ayaan ka soo baro kacay “.Waxaan ka soo baro kacnay tooratoorow oo dhibaato naga soo barakicisay, waxaa na keenay dhib, Lo’ waan heesannay waa ay naga dhamaatay”. Mid ka mid ah dadka la hadlay Goobjoog News oo magaciisa aan sheegin. Guddoomiyahay waaxda saddexaad ee Kaxda Zakariye Cabdullahi oo isaga ku sugnaa xerooyinka cusub oo dadkani la dejinaayey ayaa sheegay in labadii maalin ee la soo dhaafay ay soo gaareen in ka badan 1000 qof degmada kaxda ee duleedka magaalada Muqdisho. “Waaxda saddexaad ee Cumar Fiyaasko waxaa soo gaaray todobaadkaan gudahiisa dad aad iyo aad u tiro badan oo ka soo guuray Basro iyo Bariire”. Duleedka magaalada Muqdisho waxaa ku nool qoysas aad u badan kuwaas oo horay uga soo baro kacay abaaraha ku dhuftay qaar ka mida gobollada dalka,waxaan barakacyaashaan cusub iyo kuwii horay u deganaa ay hadda la kulmayaan xaalado adag oo dhanka nolosha ah. Goobjoog News Source
  22. Ciidamada Mareykanka ayaa Isniintii sheegay in ay hal qof ku dileen weerar ay ku qaadeen Daacishta ku sugan waqooyi bari ama Puntland. Kooxda Daacish oo ku cusub gudaha Soomaaliya ayaan weli la sheegi karin tirada rasmiga ah, inkasta oo wararka qaar sheegayaan in ay ka yar yihiin 100. AFRICOM qoraal ay soo saartay waxaa ay ku sheegtay“ Mareykanka oo kaashanaya kuwa Soomaaliya, waxaa ay ciidanka Mareykanka duqeyn cirka ka geysteen waqooyi bari November 27, 2017, waxaa lagu dilay hal qof oo argigixiso ah”. Daacish waxaa ay tartan kula jirtaa xarakada Al-shabaab, laakin ma heystaan magaalooyin magac leh, waxaana ku socota duqeyn Mareykanka ah iyo weerar ciidamada Puntland. Todobaadkan Mareykanka waxaa sidoo kale sheegeen in 100 ku dileen duqeyn ay u geysteen Al-shabaab oo ka dhacday meel Muqdisho u jirta 200 KM dhanka waqooyi galbeed. Goobjoog News Source
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jasiirada Seychelles Danny Faure ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo wafdi uu hoggaaminayo. Madaxweynaha iyo Wasiirka ayaa ka wadahadlay xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Seychelles. Madaxweynuhu wuxuu xusay in uu ku faraxsan yahay in wafdi Soomaaliya ka socda oo heer Wasiiro ah uu dalkiisa soo booqdo. Wuxuu sheegay in ay weerarrada burcad badeedku dhib weyn u geysteen Seychelles hadda ka hor, laakiin aanay jirin wax cuqdad ah oo ay Dowladda iyo shacabka Seychelles ay qabaan. Sababtana waxaa uu ku tilmaamay in uu fahamsan yahay xaaladda uu dalku ku sugnaa 2008 oo ah xilli ay burcadbadeeddu ay aad u dhiirranayd. Wasiir Garaad ayaa Madaxweynaha uga warbixiyay isbeddellada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo in horumar ay ka sameyneyso dhinaca maamulka iyo dhismaha hey’adaha Dowladda. Waxa ay isla fahmeen sida loogu baahan yahay in ay labada dowladood iska kaashadaan sugidda amniga dhanka Galbeed ee Badweynta India oo ah badda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Seychelles. Madaxweynuhu wuxuu xusay in nabadgelyadu aanay ahayn berriga keliya ee biyaha badda loo baahan yahay in si nabadgelyo leh looga faa’iideysto. Waxaa kale oo ay isla soo qaaden sida ay labada dal isaga kaashan lahaayen aqoonta ka manaafacaadsiga badda, ganacsiga iyo dhaqaalaha buluugga ah. Waxay kawada hadleen Maxaabbiista Soomaaliya ee ku xiran Seychelles sidii dhakhso loogu wareejin lahaa geyigooda. Maxaabiista waxay ku doodayaan in ay yihiin kalluumeysato, wax hub ahna laguma qaban. Sidoo kale, Wasiir Garaad ayaa xarunta Xeer Ilaalinta fadhi kula qaatay sii hayaha Xeer Ilaaliyaha Seychelles. Waxa ayna ka wadahadleen suurta-galnimada in Qareen Soomaaliyeed uu u doodo lixda eedeysane ee Soomaalida ah marka dacwaddooda la qaadayo. Fadhiyada Madaxtooyada waxaa igu wehliyay Agaasimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Abdilatif Maxamuud Cali. Dhanka Seychelles waxaa fadhiyay Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Barry Faure, La Taliyaha Madaxweynaha Danjire Calixte D’Offay, Madaxa Xabsiyada Sychelles, Raymond Ange iyo Madaxa Soomaaliya ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Seychelles, Ms. Aissata DIA. Ugu danbeyntii, Wasiir Garaad iyo Wafdigiisa ayaa iminka ku biiray wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed, oo wejiga hore ee socdaalkiisu yahay in uu ka qeyb galo caleema saarka Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa haatan ku sugan dalka Kenya si uu uga qeyb-galo caleemo-saarka Uhuru Kenyatta oo mar kale ku guuleystay Doorashadii ku celiska aheyd ee dhawaan ka dhacday dalka kenya. Inta uu ku suganyahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo magaalada Nairobi ayaa waxaa uu la kulmi doonaa qaar ka mida madaxda ka soo qeyb-galeysa caleema saarka. Uhuru Kenyatta ayaa waxaa uu ku guuleystay doorashada ku celiska aheyd 26 bishii October,waxayna ka dhaceysaa xafladda caleema Saarka garoonka kubadda cagta ee Kasaarani . Caleema saarka Kenyatta ayaa waxaa ka soo qeyb galaya 11 hogaamiyaal waxaana ka mid ah ra’iisulwasaaraha Itoobiya Hailamaryam Desalin, ra’iisulwasaaraha Isra’ill Binyamin Natanyahu, madaxweynaha Ugandha Mosevani, Madaxweynaha Zambia Edjar lungu iyo madax kale oo Afrika iyo caalamka ka socota. Goobjoog News Source
  25. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa booqasho ku mari-doona qaar ka mid ah wadamada qaaradda Afrika oo ay ka mid yihiin Burkina Fasko, Ghana iyo Côte d’Ivoire sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dalka Faransiiska ee AFP. Macron ayaa haatan ku sugan Burkina Fasko, isaga oo la kulmi-doona arday, isla markaana furi-doona mashaariic horumarineed oo dalkiisa maalgelinayo. Madaxweynaha Faransiiska ayaa lagu wadaa in uu uga sii gudbo Abidjan halkaasi oo ay ka dhaceyso shir madaxeedka 5aad ee Yurub iyo Afrika. Macron waxaa uu sidoo kale arabacada furi-doonaa Mitro Abidjan oo ay ku baxeysa 1.4 Bilyan euro oo Faransiiska ammaah ahaan u siiyeen dalkaasi Côte d’Ivoire Dhanka kale, Madaxweyneyaasha Faransiiska iyo Mareykanka oo khadka Telefanka ku wada hadlay ayaa ku heshiiyay in laga hortago dhaq-dhaqaaqyada Iran ay ka waddo gobolka Bariga dhexe gaar ahaan Suuriya. Goobjoog News Source