Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    205,825
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Allaha u naxriistee nabadoon Axmed Diiriye Cali oo dhawaan ku geeriyooday Magaalada Muqdisho ayaa Maanta lagu wadaa in lagu Aaso duleedka Magaalada Cadaado ee Gobalka Galgaduud. Nabadoon Axmed Diiriye ayaa Salaadii Janaasada waxaa lagula tukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee Muqdisho waxaana Salaada Janaasada ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Amniga, Xildhibaano, Odayasha Dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulsahda Soomaaliyeed. Meydka Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa loo qaaday Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud halkaas oo lagu aasi doono, maadaama inta uusan geeriyoon ka hor uu ku dardaarmay in lagu aaso deegaan dhaca duleedka Magaalada Cadaado. Aaska nabadoonka ayaa waxaa la filyaa in uu ka qeyb galo madaxda Xukuumada galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali xasan iyo xubna kale oo ka tirsan Maamulka galmudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Allaha u naxariistee Nabadoon Axmed Diiriye oo Saacadaha soo socdo lagu Aasayo halkii uu ka dardaarmay appeared first on Caasimada Online.
  2. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in Maamulka Galmudug uu doonayo in uu noqdo maamulka ugu horreeya ee degaannadiisa ka ciribtira Al-shabaab. Sheekh Shaakir waxaa uu ka hadlayay gaba gabada shirkii amniga ee Magaalada Dhuusamareeb ka socday saddexdii maalin ee la soo dhaafay. Waxaa uu Madaxa Xukuumadda Galmudug intaas ku daray in Galmudug ay dooneyso in ay noqoto maamul Goboleedka dadkiisa ay doorasho qof iyo cod ah ka dhacdo Sanadka 2020,intaas ka horna ay Al-shabaab ka saaraan degaannadooda. Dadka degaannada Galmudug ayuu ugu baaqay in ay maamulka gacan ka siiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ay doonayaan in ay ka billaabaan degaannada Galmudug. Maamullada Galmudug iyo Jubbaland ayaa noqday kuwa ugu horreeya ee fuliya qodobadii ka soo baxay shirkii Amniga ee Bishan billowgiidii Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ku dhexmaray Magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Sh.Shaakir: “Waxaan noqoneynaa maamulka ugu horreeya ee ciribtira Al-shabab” appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) _ Dhaqdhaqaaqii ganacsiga Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa saaka dib loo furay, kadib markii ay go’aankoodii ka laabteen ganacsada diidan bixinta canshuurta ay soo rogtay dowladda. Guddiga Ganacsata Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho oo muddo saddex maalmood ah xayiraad ku soo rogtay ganacsiga suuqa, isla markaana diiday in l furo suuqa ayaa saaka sheegay in u naxeen dadka muruqmaalka ah ee Suuqa ku tiirsan yahay. Gudoomiyaha Guddiga Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Xasan Dhiif, ayaa xaqiijiyey inaan wax xal ah laga gaarin dhibaatada ka dhalatay canshuurta iibka ee dowladda ay soo rogtay, Wuxuuna ku celiyay inay ka codsanayaan in canshuurtaasi habka loo maareyn karo ee wanaagsan loo maro. Xaaladda suuqa ayaa caadi ku soo noqotay kadib maalmo shaqo joojin ah oo isku soo rogeen ganacstada, si ay culeys u saaraan dowladda, balse ma jirin wax debecsanaan ah oo laga helay dhinaca xukuumadda Soomaaliya. Qaar ka mida ganacstada Suuqa ayaa sheegay in iyagoo aan ogoleyn inay xiraan ganacsigooda ay u xireen markii cadaadis iyo baqdin la geliyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Ganacsatada Muqdisho oo iskood dib u furay Suuqa Bakaaraha & Diidmada Canshuurta oo ka fashilantay appeared first on Caasimada Online.
  4. Bulshada ku dhaqan magaalada qardho ee xarunta gobolka kar kaar oo maanta kulan ku yeeshay magaalada qardho ayaa ka hadlay qiimaha laga qaado xujayda soomaaliyeed oo ah mid aad usareeya. bulshada ayaa sheegtay in shirkado gaar ah ay u af duubanyihiin arimaha xujayda ayna dadka ka qaadaan lacag cadad keeda lagu sheegay 4 kun oo doolar ,taas oo ah mid ku adag xujayda soomaaliyeed in ay bixiyaan. dad badan oo jeclaa in ay xajka tagaan, balse aan haysan lacagtaas laga qaadayo xujayda ayaa sheegay in hadii qiimaha intaasi uu kayaraan lahaa ay ku dhiiran lahaayeen in ay xajiyaan sanadkan. Dowladda Soomaaliya ayay codsi gaar ah udireen shacabka ku dhaqan magaalada qardho gaar ahaan R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ay ugu baaqeen in uu arintaasi uu dib u eegis ku sameeyo. Halkan ka dhagayso codka shacabka qardho . Codka shacabka qardho Dhanka kale Wasiirka cadaalada dowladda Puntland Saalax xabiib Jamaac oo dhawaan ku soo laabtay magaalada garoowe kadib arimo caafimaad oo uu ugu baxay dalka dibadiisa ayaa warbaahinta usheegay in shaqadii ay lahad wasaarada diinta iyo Awqaafta ay lawareegeen shirkado gaar ah ,kuwaas oo lacago farabadan ka qaada xujayda Soomaaliyeed. Halka ka daawo hadalkii wasiirka cadaalada . Halkan ka Akhriso khiimaha laga qaado Xujayda dalalka ay ka mid yihiin ,Suudaan ,Masar, Nigeria iyo Jabuut 1- Sudaan xujaydooda waxaa laga qaadaa $900 2-Masar waxaa xujaydooda laga qaadaa $ 800 3-Nigeria waxaa xujaydooda laga qaadaa $ 1200 4- Jabuuti waxaa laga qaadaa xujaydooda $ 400 5- Soomaaliya xujaydooda waxaa laga qaadaa $ 3800 Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka ugu faqiirsan Afrika, hadana Qiimaha ugubadan waxaa laga qaadaa xujayda soomaaliyeed marka labar bar dhigo wadamada aan kor ku soo xusnay .
  5. R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta magacaabay Unugga Isku Xirka Deeqaha ee dowladda Soomaaliya , kaas oo ka shaqeyn doona arrimaha la xiriira Deeqaha. Xilkan ayaa waxaa loo magacaabay Mudane Maxumed Xuseen Axmed oo ah khabiir in ka Badan 10 sano ka soo shaqeeyay Arimaha Gar-gaarka, isagoona la soo shaqeeyay inta badan Hay’adaha ka shaqeeya Arrimaha Bani’aadanimada sida ku cad CV-giisa oo aan Noqol kamid ah helnay. Unugan Isku Xirka Deeqaha (Aid coordination unit- Acu) oo Muddo soo jiray ayaa u taagan taabba gellinta iyo socod siinta hannaanka fullinta qorshaha Qaranka , waa isku xiraha deeqaha iyo taabba gellinta hannaan ay ku wada hadlaan Soomaaliada iyo deeq bixiya yaasha, kaasoo ka caawiya Dowladda hannaanka qorshaha Qaranka sida arrimaha xog ururinta iyo loo-jistikada. Sidoo kale Unugan Isku Xirka Deeqaha waxuu qaban qaabiyaa shirar kala duwan oo qorshaha Qaranka lagu taabba geliyo sida Hannaanka Wadaagga ee Soomaaliya ( Somalia Partnership Forum) ,Sanduuqa dib u diska Soomaaliya ( SDRF) iyo Shirarka Tiirarka (Pillars) Uga dambeyn Unugan Isku Xirka Deeqaha ayaa Sidoo kale Dawladda waxuu ka caawiya isku xirka hay’adda dawladda & maamul goboleedyada, wuxuuna daba galka ku samayn doonaa Deeqaha la soo gaarsiiso Soomaaliya ( aid mapping Exercise)
  6. Garoonka diyaaradaha ee magaalada muqdisho waxaa goor dhawayd ka duushay diyaaradii siday Alaha unaxariisto meedkii Nabadoon Axmed Diiriye oo kamid ahaa Nabadoonada Caanka ka ahaa koonfurta soomaaliya, kaas oo maanta meedkiisa loo qaaday Magaalada Cadaado. Diyaaradii siday meedka Nabadoonka ayaa waxaa horay usii raacay wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf. Nabadoonka ayaa maalin kahor waxa uu ku geeriyooday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya . ka hor inta aan meedka Nabadoonka loo qaadin magaalada Cadaado waxaa salaad janaaso ah loogu sameeyay Masjid ku yaala magaalada Muqdisho halkaas oo ay salaada Janaasada kula tukadeen Culimada Madaxda ugu saraysa dalka oo uu kamid ahaa R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre. Halkan ka dhagayso. Z0000011 - My Recording
  7. Wasaaradda Warfaafinta dowladda Puntland ayaa galabta xusaysa maalinta caalamiga ahh ee Afka-hooyo oo sannad walba ku beegan 21 febraayo, taasoo ah maalin ku weyn shacuubta Dunida. Warsaxaafadeed kasoo baxay wasiirka wasiirka warfaafinta Puntland, Cabdi Xirsi Cali, oo nuqulkiisa uu soo gaaray warsidaha Puntlandi ayaa lagu sheegay inay dowladda Puntland galabta maamuus qaran u sameynayso ahmiyada ay maalintaan leedahay. Wasaaradda warfaafinta ayaa ku casuumtay warbaahinta madax bannaan iyo warbahainta dowladda inay kasoo qeyb galaan xaflada lagu xusayo maalinta Afk-hooyo. Maalintaan ayaa ujeedada loo xuso waxay tahay, si kor loogu qaado wacyigelinta Afafka kala duwan ee caalamka iyo ilaalinta dhaqanka, waxaana markii ugu horeysay la shaaciyay November 1999. Balse , waxaa maalintaan si toos ah loo aqoonsaday sannadkii 2008, kadib shir guud oo ay golaha Qaramada Midoobay isugu yimaadeen. Puntlandi.com
  8. Maamulka Galmudug ayaa maanta ku dhawaaqay dagaal lagu qaadao kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ee ku sugan deegaanada ay galmudug ka taliso. Ciidamada maamulka galmudug ayaa heegan buuxa lagaliyay ,waxaana lafilayaa in maalmaha soo socda howl galkaasi labilaabi doono. Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Cali Xasan Shaakir ayaa maanta hadalkan ka sheegay tababar uu u soo xiray Ciidamo katirsan maamulka galmudug oo mudo dhowr bilood ah halkaasi uu tababar uga socday. Halkan kadhagayso . shaakir
  9. Dowlada Mareykanka ayaa wax kama Jiraan ku tilmaamtay war ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadanaa in askar Mareykan ah ay ku dileen Soomaaliya. Waaxda dowladda Mareykanka u qaabilsan howlgalada Africa ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano “Africom” ayaa gaashaanka ku dhufatay jiritaanka askar looga dilay Soomaaliya. “Majiro wax askari oo na looga dilay, ama xitaa nalooga dhaawacay howl galka ka dhacay Soomaaliya ” sidaas waxaa wakaalada wararka ee dalka Shiinaha ee la yiraahdo Xinhua u sheegay afhayeenka Africom Samantha Reho. Shalay Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerar dhabagal ah ay ku qaadeen Ciidamo Mareykan ah kuwo Soomaali ah Duleedka Kismaayo ay ku dileen Ciidamo Mareykan ah iyo Sarkaalkii hogaaminayay. Dowlada Mareykanka ayaa sanadkaan xuujisay weerarada ay Al-Shabaab ku qaadeeyso oo isugu jiro kuwa dhanka cirka ah iyo dhulkaba iyaga oo gacan siinaya ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Dowladda Mareykanka oo Beenisay in Askari Loogu Dilay Gudaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaa ay goordhow ka bilaabatay xiisad dagaal. Xiisada ayaa la sheegayaa inay timid kadib markii xarunta degmada Cadaado ay isbaaro hordhigteen maleeshiyaad Hubeysan. Isbaaradan la hordhigay xarunta ayaa la xaqiijiyay in dhaqaale xad dhaaf ah looga qaadayo dadka shacabka ah oo la doonaayo in laga horgeeyo maamulka. Isbaarada cusub kadib dadka deegaanka iyo maamulka degmada ay goordhow bilaabay sidii isbaaradaasi looga qaadi lahaa magaalada cadaado. Maleeshiyaadka ayaa Hub farabadan geeyay goobta ay isbaarada taal, waxaana aad looga cabsi qabaa in halkaa uu ka dhaco dagaal. Ciidamada maamulka ayaa ku sugan meel aan sidaa uga sii fogeyn halka ay maleeshiyada joogan, waxaana la dareemayaa dhaqdhaqaaq. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Afaafka hore Xarunta degmada Cadaado oo isbaaro la dhigay & Xiisad dagaal oo taagan appeared first on Caasimada Online.
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa si rasmi ah uga hor imaaday qorshaha ay Soomaalida ku doonayaan in lagu kala sareysiiyo Shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Farmaajo, ayaa tilmaamay in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo siman oo aan ku kala sareyn dalkooda. Waxa uu tilmaamay in dhammaantooda ay yihiin kuwo u siman sharciga iyo xukunka, waxa uuna arrin aad u fool-xun ku sheegay in la kala sareysiiyo shacabka. ‘’Shacabku wey siman yihiin ma jirto cid ku kala sareysiin karta qabiil ama itaal daro qofkii waxaa aaminsan waxaan leenahay shacabku wey siman yihiin mana jirto wax la yiraahdo kala sareyn’’ ‘’Waxa na qaribay ee adduunka naga reebay ayaa ah kala sareysiinta Umadda Soomaliyeed,ma jiro cid ka sharaf badan cid kale wey siman yihiin shacabku’’ Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay gacanta is qabsadaan, waxa uuna carab ***** in midnimada Umadda Soomaaliyeed ay waxbadan ka bedeli doonto dhibta heysata dalka. Dhinaca kale, Dadka xilalka ka haya dowlda ayuu ugu baaqay in si siman ay ula dhaqmaan dhammaan Shacabka Soomaaliyeed oo aan la kala qeyqeybin, isla markaana meesha laga saaro waxyaabaha dhaqanka iyo caadada u noqday shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Farmaajo oo ka hor imaaday hal arrin oo dhaqan iyo caado u noqotay Soomaalida appeared first on Caasimada Online.
  12. Opio was 16 when he was abducted by a Bible-quoting warlord and forced into a militia notorious for massacres and sexual slavery. Two decades on, he again took up a rifle -- this time playing one of his former comrades in an award-winning Ugandan movie. Source: Hiiraan Online
  13. Safaarada dani kaa soo gashay waa habaarka ugu badan ee dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan Pakistan isku habaaraan”. Waxaa ku nool dalka Pakistan Soomali ku dhaw 1200 oo qof, oo iskugu jira qoysas iyo Arday iyo dhawr qof oo ganacsato ah, Ardayda wadankan ku dhaqan waxay tiradoodu u dhaxaysaa 800 ilaa 1000 arday, oo intooda badan dhigta jaamacadaha dawliga ah iyo kuwa maxaliga ah ba, tirade ardaydu waa xiligii ay ugu hooseeyeen laga soo bilaabo horaantii 1970kii ilaa maanta. Sababta waxaa loo aanaynayaa Marwo Khadiija Al Makhsumi safiirada Soomaaliyeed ee dalka Pakistan, oo si toosa uga qayb qaadatay hoos u dhaca tirada aradayda ka dib markii ay ku soo rogtay shuruudo intooda badan niyad jabinaya muwaadinka wax barasho u jooga iyo ka u soo socdaba. Waxaa in mudo ah isasoo tarayay cabashooyin ka dhan ah safiirada iyo safaarada hawlgalkooda, oo ku aadanaa adeeg xumo, ixtiraam daro, musuq maasuq, iyo waliba kala faquuqida ardayda iyo guud ahaan jaaliyada. Safiiradu waxay si toosa uga qayb qaadatay inay samayso foolgari dal ku jooga ah oo loo gaystay qaar ka mida ardayda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan. Safiiradu waxay sidoo kale hab sharci darro ah ula dhaqantay diblomaasiyiinta la shaqeeya oo ay awoodii sharcigu siiyay ka qaaday iyada oo u xil saartay dad aan u qalmin loona dooran hawlaha diblamaasiyiinta loo igmaday. Waxay sidoo lumisay kalsoonida ay ku qabeen hayaddaha dawliga ah ee waddanka martida looyahay, taasi oo abuurtay inaan la tix galinin waraaqa ka soo baxa xafiiska safaarada laguna kalsoonayn kadib markii ay arkeen is daba marrin badan oo ka jirta xafiiska safaarada. Waxay safiiradu intaas ku darsatay inay cagajuglayn ugu darto muwaadiniin soomaaliyeed iyo masuuliyiinta safaaradaba in ay masaafurin doonto hadiiba ay isku dayaan in ay ka hor yimaadaan musuq maasuqa amaba ka hadlaan dhibta lagu hayo shacabka iyo diblomaasiyiinta ka walgala safaarada. Dacwaddo badan oo ka dhan ah safiirada ayaa gaaray dawlada soomaaliya gaar ahaan xafiiska arrimaha dibada, guddiga arrimaha dibada ee baarlamanka fadaralka soomaaliya, hase yeeshee ilaa hada wax natiijo ah kama soo bixin, walina dhibta lagu hayo diblamaasiinta, jaaliyada iyo ardayda soomaaliyeedba way taagan wayna soo badanaysaa maalinba maalinta ka danbaysa.
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo qoraal lagu baahiyay baraha bulshada al-Shabaab lagu sheegay in maleeshiyada ay dileen Askari Mareykan ah, ayaa waa arrintaas ka hadashay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Maraykanka. Qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu beeniyey wararka la xiriira in maleeshiyada al-Shabaab ay dileen Askari Mareykan ah. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkii ka dhacay nawaaxiga deegaanka Buulo-gaduud ee Jubada Hoose 19-kii bishan aanay jirin askari Maraykan ah oo waxyeello kasoo gaartay. Afhayeen u hadlay taliska Maraykanka ee AFRICOM Samantha Reho,ayaa sheegay keliya inuu jiro dagaal dhacay. Waxa uu Samantha Reho, wakaaladda wararka ee Shiinaha u sheegay in dagaalkaas aanu xitaa kaga dhaawacmin Askari ayna badqabaan ciidamadooda ka howlgala Jubbaland. “Waxaan ka warqabnaa warbixinta iyo Dagaalka dhacay, laakiin waa khalad oo waa been in khasaare uu ina soo gaaray’’. Ugu dambeyn Mareykanka ayaa qoraalkiisa ku sheegay in ay weeraro ka geystaan saldhigyo Shabaab ay leeyihiin, ayna sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan Ciidamada Dowladda Federaalka, si Shabaab looga guuleysto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Mareykanka oo ka jawaabay haddal kasoo baxay Hogaanka Sare ee al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  15. A man arrested at a London airport has been found guilty of trying to join Isis. Police swooped on Aweys Shikhey, 38, as he tried to board a flight from Stansted to Turkey, where he hoped to make his way to Syria and fight for the so-called caliphate. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qarax gaari oo habeenimadii xalay ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir. Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhashay Gaari nooca raaxada ah oo loogu xiray Askari ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Somalia. Qaraxa oo la xaqiijiyay inuu ahaa mid aad u xoogan ayaa dhacay marka uu Askarigaasi ka degay gaariga. Qaraxa ayaa Gaariga ku haleelay afafka hore ee ‘’The Village Hotel’’ oo ku yaala eeryada Isbitaal Digfeer. Goobjoogayaal ayaa sheegay in burbur xoogan uu soo gaaray Gaariga isla markaana basbeelay, waxaana sidoo kale aanu jirin khasaaro ka dhashay Qaraxa. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa waayadan kusoo badanaaya Gaadiidka lagu xiro Qaraxyada iyo miinooyinka lagu aaso waddooyinka. Dhinaca kale,dowlada Somalia ayaa ku goodisa inay qaadi doonto talaabo lidi ku ah Qaraxyada iyo amni darada ka jirta magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Faahfaahin kasoo baxeysa Qarax gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  17. She was not trained as a director. She has no stars in her crew, or even people with acting experiences. However, her documentary has become a big hit, especially with audiences in China and Africa. Source: Hiiraan Online
  18. MINNEAPOLIS (KMSP) - As his friends and family were meeting for an emergency town hall back in Minneapolis to plead for an update on his pending court case, Fuad Dhuuh called his wife from an Immigrations and Customs Enforcement detention center in Miami--and the news wasn't good. Source: Hiiraan Online
  19. Al-Shabaab militants in Somalia are extorting huge sums from starving communities and forcibly recruiting hundreds of children as soldiers and suicide bombers as the terror group endures financial pressures and an apparent crisis of morale. Source: Hiiraan Online
  20. Mogadishu, Somalia - It used to be Hollywood. Then it became Bollywood. Now Yesilcam, as Turkey calls its film industry, has taken over silver screens in Somalia. Source: Hiiraan Online
  21. ADDIS ABABA, Feb. 20 (Xinhua) -- The United Kingdom said on Tuesday it's disappointed with the decision of Ethiopian government to impose martial law to combat sporadic protests and rising ethnic conflicts. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online)— Ciidamo isugu jira boolis iyo nabadsugid ayaa la dhigay wadooyinka halbowlaha ah ee magaalada Muqdisho, iyadoo laga mamnuucay inay isticmaalaan gaadiidka. Wadooyinka la xiray gelinkii danbe ee Tallaadadii ayaa waxaa ka mid ah wadada dheer ee Maka Mukarama oo laga xray isgoyska Banaadir, Km4, wadada aada garoonka diyaaradaha iyo mida aada Afasiyooni. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xirnaanshaha wadooyinkaan ay kusoo beegantay xili aroornimada Arbacada ee maanta la sugaayo wafdi uu hoggaaminaayo ra’iisul wasaare kuxigeenka Turkiga oo Muqdisho imaanaya. Wadooyinka xiran ee Muqdisho ayaa ah kuwa haawanaya, waxa kaliya ee isticmaalayana ay yihiin gaadiidka ciidamada iyo madaxda dowladda. Caasimada Online Xafiiska Moqdisho Caasimada@live.com The post Sababta loo xiray wadooyinka Muqdisho qaarkood oo faah faahin laga helay appeared first on Caasimada Online.
  23. The post Daawo: Jilaaga reer UK Idris Elba oo masrax dushiisa guur kaga dalbaday gabar Soomaaliyeed iyo sidey ugu falcelisay appeared first on Caasimada Online.
  24. Labo hoteel oo dhismayaal iyo adeeg toolmoon leh ayaa muraayadii Qaranka ee Muqdisho lagu soo kordhiyay. Labada Hotel waxa lakala yiraahdaa Dolphin “Hoonbaro” & Doorbin “Xoqad ama Toorabiin”. Dhabtii waa wax lagu farxo, istaahilana in la dhiiri-geliyo dadka Soomaaliyeed ee u bareeray maalgashiga Dallka hooyo oo ay xaaladiisu waxoogaa soo hagaageyso. Magac bixinta iyo Soomaalida Siday Taariikhdu na bareyso Soomaalidu waa dad niyad fiican had iyo jeerna is badbadela oo la jaanqaada hadba wakhtiga ku xeeran. Waagii hore ee Af-Soomaaligu uu tabarta weyn lahaa magac bixinta hotelada waala Soomaaliyeyn jiray sida; Jubba, Shabelle, Naaso-hablood, Weheliye, Hotel Lafweyn, Qiilmawaaye, IWM. 1974 markii ay Soomaaliya ku biirtay Jaamacadda carabta waxaa Soomaaliya ka hirgelay hanaankii carabeynta Soomaaliya, waxaana bilawday magacyada Al-Furqaan, Maa Shaa Allaah, Anzal, Fatxi, Caynu Shamsi, Makkah Al Mukarammah, Mubarak iyo wixii la hal maala. Intii jahwareerku ka taagnaa Dalka gaar ahaana Muqdisho magac bixinta hoteelada waala isku dhex watay Soomaali, Ingiriis & Carabi sida; Amiira, Ambassador, Saxafi, Peace Hotel, Hotel Global, Hotelka Shaamow, Abuu Hureyra iyo kuwo kale. Haatan sida ay jiirooniga magac bixinta hoteelada casrigaa ah ay ku bilaabeen Dolphin “Hoonbaro” & Doorbin “Xoqad” waxaad mooddaa in la gaaray wakhtigii ingiriiseynta ama caalamiyeynta magac bixinta Hotelada Soomaaliya. Magacyada ay dhici karto in dhagaheenu ay maqlaan maalmaha ina soo aaadan waxaa kamid ah; Umbrella Hotel, Ocean Hotel, Mogadishu Palace (Not City Palace), Crown Hotel, Grand Hotel, Park Hotel, Queen Hotel, Safari Hotel, Royal Hotel iyo kuwa kaleba. Haddii dalku nabad buuxda noqdo oo la dhameystiro hay’adaha dowladda iyo bixinta adeegga bulshada waxaaba dhici karta in dalkeena ay yimaadaan oo ay maalgashadaan shirkado iyo ururo caalamiya kadibna Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalkeena ynu ku aragno Hotelada Millennium, Hyatt, Hilton, Sheraton, Intercontinental, Marriott, Double Tree, Raddison, Serena, Kempinski, Movenpick, Holiday Inn, Crown Plaza iyo wixii la halmaala. Ugu dambeyn, waxaa jira labo aragti oo ay midna leedahay aan xoojino magac bixinta Af-Soomaaliga oo hotelada ay dadkeenu dhisnayaan aan u bixino magacyo Soomaali ah si uu Afkeenu ula tartamo Afafka kale ee Carabiga iyo Ingiriiska. Halka aragti kalena ay oranayso aan ka gudubno cunsuriyeynta luuqadaha oo dalkeena halaga wada helo hoteelo iyo adeeg bixiyayaal kale oo leh magacyo carabi iyo ingiriis ah si aan ula jaanqaadno ilbaxnimada ka hirgashay dalalka caalamka. Haddaba akhristoow adigu dhinacee tahay ma Soomaaliyeynta, Carabiyeynta, mise Caalamiyeynta? W/Q Abdiqafar Shire Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Dhankee tahay Soomaaliyeyn, Carabiyeyn iyo Caalamiyeyn? appeared first on Caasimada Online.