Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,125
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in safar uu ku tago wadanka Ivory coast, halkaasi oo uu ka furmi doono shirka madaxda dalalka Afrika iyo Yurub. Shirkaan ayaa looga hadli doono arrimo badan oo ku aadan xiriirka Labada qaaradood, waxaana sidoo kale waxyaabaha looga hadli doono shirkaan kamid ah xaaladda Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in shirkaan uu ka jeediyo khudbad dhinacyo badan taabaneyso, kagana hadli doono xaaladda dhaqaale, amni iyo midda siyaasadeed. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source
  2. Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay, labo kalena way ku dhaawacmeen shil gaari oo xalay saqdii dhexe ka dhacay duleedka Bari ee magaalada Garowe. Shilkaan ayaa yimid kadib markii uu rogmaday gaari yar oo ay la socdeen dadka shilkaan galay, kuwaas oo maydkooda iyo dhaawacooda la geeyay isbitaalka guud ee Garowe. Gobolka Nugaal ayaa noqday meelaha ugu badan ee ay shilalka ka dhacaaan. Puntlandi.com
  3. Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar saf ballaaran ah ay ku qaadeen gabaldhacii Taladaada (shalay) kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda Kenya. Ciidamada Kenya oo marayey waddo isku xirta Wittu iyo Gamba oo ka tirsan Lamu ayaa la sheegay in dagaal xooggan ay kala kulmeen Al-shabaab, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan. Larry Kieng, taliyaha ciidamada Booliiska ee Lamu ayaa sheegay in markii Al-shabaab soo weerarayeen ciidankooda ay galbinayeen Basas badan oo shacab saarnaa, waxaana meel howt ah uga soo baxay dagaalyahanno hubeysan. Warar madax banaan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ku dhinteen 4 kamid ah ciidamada Kenya, sidoo kalena laga gubay Saddex gaaro. Taliye Kieng waa uu beeniyey in dhankooda gaadiid laga gubay, wuxuuna sheegay in sidoo kale ay nabad qabaan dhammaan shacabkii ay galbinayeen. Al-shabaab ayaa xoojisay weerarada ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya, iyadoo marar badan sidan oo kale ay u weerareen gaadiid ay la socdeen ciidamada Kenya. Goobjoog News Source
  4. Xildhibaan C/wahaab Cali Maxamuud oo ah guddoomiyaha guddiga xeer hoosaadka golaha wakiillada Galmudug ayaa sharci darro ku tilmaamay ka maqnaanshiyaha deegaanka dhammaan mas’uuliyiinta ugu sarreysa maamulkaasi oo hadda midkoon aanu joogin. Wuxuu sheegay in madaxweynaha Galmudug, ku xigeenkiisa iyo guddoonka baarlamaanka ay jabiyeen qodob kamid ah dastuurka, maadaama ay dhammaantood ka maqan yihiin degmada Cadaado iyo guud ahaan Galmudug. Xildhibaanka ayaa uu sidoo kale sheegay in madaxdan ay ka tallabsadeen dastuurka, islamarkaana ay doonayaan in wax walbo lagu xalliyo xeer jajab. “Arrintaan Dastuurka Galmudug waa ay ku caddahay, waxaana aad uga hadlay qodobka 53-aad kaas oo tilmaamaya sii haynta xilka madaxweynahana, wuxuuna ka kooban yahay Afar qodob, waxaana ugu horreeya hadii madaxweynaha maqanyahay waxaa xilka sii hayna ku xigeenkiisa, haddii ay Labadooda maqan yihiin waxaa sii haynaya guddoomiyaha baarlamaanka, haddii uu guddoomiyaha maqanyahay waxaa sii haynaya guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka, kan ugu dambeeya waxa weeye in madaxdaan kor lagu xusay aanay Hal mar dalka ka maqnaan karin” ayuu yiri Xildhibaan C/wahaab. Ugu dambeyn, Xildhibaan C/wahaab Cali Maxamuud ayaa sheegay in haddii la fuliyo sharciyada lagu heshiiyo uu meesha ka baxayo wax walbo oo khilaaf ah. Goobjoog News Source
  5. Guddoomiyaha guddiga difaaca ee golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Xuseen Carab Ciise ayaa Goobjoog u faah faahiyey kormeer ay ku tageen xerada ciidan ee Turkiga ka furay magaalada Muqdisho. Wuxuu sheegay Ciise iney soo arkeen dhallinyaro aqoonyahanno ah, dhaqan wanaagsan ka muuqda, Soomaali oo dhan ka kooban oo lagu tababaro halkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qeybaha ay xeradaasi ka kormeereen ay kamid tahay dhanka tababarka ciidamada Cirka, balse fasalladii tababarkaasi loogu talogalay aanay cidna joogin, isaga oo sheegay in saraakiishii halkaasi ku sugneyd u sheegeen in kaliya ay dowladda Federaalka ka sugayaa raggii dhanka cirka loo tababari lahaa. “Muhiimad ugu weyn waxay ahayd inaan aragno inaan dalka gudahiisa ku leenahay xaro aan ku tababarano ciidamada, waxaan soo aragnay tababaradii socday, laakiin dhinac ciidamada cirka fasaladoodii cid fadhida malahan, waxayna inoo sheegeen in dhankeena oo kaliya la sugayo inaan soo dhammeystirno dadkii loo xuli lahaa arrintaasi” ayuu yiri Xuseen Carab Ciise. Xerada ciidan ee Turkiga ka furay magaalada Muqdisho ayaa ah xero aad u weyn, waxaana lagu tababari doonaa ciidamo badan oo Soomaaliyeed. Goobjoog News Source
  6. Dowladda Maraykanka, gaar ahaan taliska ciidamadaasi ee ku sugan Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in ay dileen sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Daacishta Soomaaliya iyo sidoo kale ilaaladiisa. Waxaa qoraalkan lagu xaqiijiyey in duqeyntii ka dhacday todobaadkii tagay saldhig ay daacish ku lahaayeen deegaan 70KM qiyaastii u jira magaalada Boosaaso ay ku dileen sarkaalkan iyo 15 kamid ah ilaaladiisa. Magaca sarkaalkan ma aanay sheegin, balse waxay xaqiijiyeen in howlgalkaasi ahaa mid qorsheysan. Dowladda Maraykanka ayaa maalmahan dambe waxay dalka ka wadday howlgalka dhanka cirka ah oo ay ku caawineyso dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana la bartilmaameedsanayaa dagaalyahannada Al-shabaab iyo saraakiishooda. Goobjoog News Source
  7. Wasiirka gaashaadhigga Mareykanka James Mattis ayaa sheegay in Kuuriyada waqooyi ay tijaabisay gantaalka is kaga gudba qaaradaha,waxa uuna arrintaasi ku tilmaami handadaad ka dhan ah amniga caalamka. Wasaaradda gaashaadhigga Mareykanka ee Pentagon ayaa horay u sheegtay in gantaalka ay tijaabisay kuuriyada waqooyi uu jarayo masaafo dhan 1000 KM ka hor inta uusan ku dhicin badda Japan. Saakay oo arbaco ah ayaa waxay tijaabisay Kuuriyada waqooyi gantaalka is kaga gudba qaaradaha,arrintaani ayaa ka dhalatay ka dib markii Kuuriyada ay si is daba joog ah ay u tijaabineysay gantaalada ridada dheer,kuwaasi oo keenay inay ka dhexdhalato xiisad kuuriyada waqooyi iyo qaar ka mida wadamada caalamka. Hadalka ka soo baxay wasaaradda gaashaadhigga ayaa waxaa uu imaanayaa ka dib markii madaxweyne Trump iyo mas’uuliyiin waaweyn oo ka tirsan aqalka cad ay isla gorfeeyeen gantaalkii ay tijaabisay saakay kuuriyada waqooyi. Source
  8. Madaxda Sacuudiga ayaa siidaayey Amiir Mutaib bin Abdullah oo ahaa wasiirkii hore ee ilaalada qaranka Sacuudiga ka dib 3 todobaad oo uu xirnaa sida ay sheegeen mas’uuliyiin sacuudiyiin ah. Mas’uul sare oo ka tirsan Sacuudiga ayaa sheegay in Amiir Mutaib bin Abdullah siideytiisa ay timid ka dib markii lagula heshiiyey inuu bixiyo lacag ka badan 1 bilyan. Ilo wareedyo horu dhac ah ayaa waxay sheegayaan in madaxda Sacuudiga ay heshiis la galeen maalqabeennada ay heystaan,kaasi oo ah in lacag ay ku badashaan xoriyadooda. Madaxda Sacuudiga ayaa 4 November waxay xabsiga dhigeen toban qof oo is kugu jira amiiro hore wasiiro boqortooyada ka tirsan ganacsato kuwaas oo lagu eedeeyay inay lagaha kula jiraan musuq-maasuq. Boqorka sacuudiga ayaa ku dhawaaqay olole lagu soo xirxirayo dadkaani waxaa uuna magacaabay guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa. Dadka la soo qabtay ayaa waxay gaarayeen 11 qof oo amiiro ah waxaana ku jira ganacsadaha billionairka ah ee Al-Waleed bin Talal Source
  9. Last week, the Republic of Somaliland’s independent National Electoral Commission announced the result of our country’s presidential election, which took place on November 13. For a sixth consecutive occasion since 2003, Somaliland’s citizens participated in multi-party and largely peaceful elections, certified as free and fair by a 60-strong team of international observers, the result of which has been accepted by all three parties who entered candidates. Just as notably, in a world first, the elections employed pioneering iris-recognition technology to register and identify voters, which is testament to Somaliland’s commitment to investing its resources in democratic institutions and the rule of law. I am honoured to have been chosen by Somalilanders as their next president. Amid the celebrations on the streets of Hargeisa, my transition team has already begun the hard work of preparing to hit the ground running following my inauguration next month. We are under no illusions about the scale of the challenges facing Somaliland. Despite the peace and stability largely prevailing in Somaliland, security remains the paramount concern for many international actors in the Horn of Africa. The instability and terror campaign perpetuated by al-Shabaab beyond our southern border, in Somalia, and the acts of piracy across our coastline to the east, make us acutely aware of Somaliland’s role in supporting international efforts to combat these forces. My administration will remain committed to this agenda and continue to invest in security measures to protect our citizens and members of the international community residing and doing business in our country. The economic headwinds facing Somaliland are equally fundamental. Our per-capita GDP is one of the lowest in the world. Unemployment is far too high, particularly among the 70 per cent of the population below the age of 30. We are overly reliant on our livestock sector. Food constitutes Somalilanders’ single largest expense, but is increasingly imported, compounding the impact of currency depreciation on household budgets. The World Bank describes Somaliland’s private sector as “dynamic and highly entrepreneurial”, but its more than 90 per cent contribution to GDP reflects an absence of state investment. To combat these dynamics, we will invest in Somaliland’s infrastructure to stimulate growth and create job opportunities. We anticipate that the development of roads, electrical grids, and both existing and new ports along our 850km of coastline will accelerate growth and help rebalance our economy. Somaliland also faces a public health crisis, exacerbated by the Horn of Africa recently suffering its most severe drought in 35 years. A life expectancy of 50 years is significantly lower than elsewhere in sub-Saharan Africa, while a devastating 9 per cent of children do not live to the age of five. My administration will equip the Ministry of Health with the resources to radically lower infant mortality rates and promote greater access to clean water, particularly across rural communities. Similarly, educational attainment is lower in Somaliland than similar countries in the region. We aspire towards academic excellence and will introduce reforms to expand the literacy rate and improve the quality of our primary, secondary and tertiary educational institutions. Investment in our social infrastructure is, however, contingent on our ability to attract international investors to Somaliland’s shores. The $442m investment from DP World in the Berbera Port was an important milestone in our efforts to establish Somaliland as a hub for inward investment on the Horn of Africa — creating a strategic and secure location for infrastructure and an entry point to access the wider east Africa market. We have developed important trading partnerships with the United Arab Emirates and Ethiopia of late, which we hope to build on and expand over the course of the next five years. These challenges and opportunities are cast against the backdrop of our enduring quest to secure international recognition, which creates an enforced exclusion from international markets and global trading networks and compounds the socio-economic pressures that Somaliland faces. Efforts to secure international recognition will of course continue under my administration, and will be combined with a strategic focus on achieving a network of bilateral trading relationships; but Somalilanders can be sure that we will not allow our international status to impede action on the reform agenda that I set out on the election campaign. I would like to pay tribute to my predecessor, President Ahmed Mohamed Mohamoud Silanyo, who showed great commitment to national security, expanding Somaliland’s international presence, and investing in housing and infrastructure. But we are cognisant of where the government has fallen short in the past seven years. Corruption in particular remains all too present within Somaliland, and we will seize this opportunity to root it out and rebuild the state apparatus to work in the best interest of all citizens. This will include appointing a cabinet guided by the principle of inclusive meritocracy: I will oversee a highly competent ministerial line-up of experts in their respective domains, which has greater gender balance and is more representative of Somaliland’s population than before. About 700,000 Somalilanders voted in this presidential election. An 80 per cent turnout in the context of a year of terrible drought, which caused the postponement of the elections, reflects the faith of the people of Somaliland in democratic institutions, and their high expectations of the incoming administration. We are committed to repaying the trust that Somaliland has placed in us, and we look forward to rising to the ambitious challenges the electorate has set us. Muse Bihi Abdi is President-Elect of the Republic of Somaliland. Financial Times
  10. Nairobi (Caasimada Online) – Haween ka tirsan Soomaalida Kenya oo muddo ka tirsaneyd kooxda Al-Shabaab ayaa ka sheekeysay qiso yaab leh oo qabsatay intii ay kooxdaas la joogtay. Sheekadan oo uu daabacay wargeyska Daily Maverick ee dalka South Afrika, ayaa gabadhan oo lagu magacaabo Khadiija waxa ku sheegtay in ayada oo 20 jir ah ay ka tagtay Gaarisa, una shaqo tagtay Mombasa, hase yeeshee halkaasi baabuur laga saaray lana geeyey xero tababar oo al-Shabaab ay ku leedahay Soomaaliya. “Markii aan xerada tagay waxaan helay tababar diimeed iyo mid dagaal oo ku saabsan sida loo dagaal galo, loona fuliyo weerarada ismiidaaminta” ayay tiri. Khadiija ayaa sidoo kale ka sheekeysay dhacdo isku day kufsi oo xerada Al-Shabaab ku qabsatay, hase yeeshee dhammaad yaab leh yeelatay. “Markii aan xerada tagay waxaan ahaa bikro, waxaa kadib inuu i kufsado isku dayyey mid ka mid ah dagaalyahanada kooxda, waan la dagaalamay markii uu isku dayay inuu xoog igu soo galo, kadibna waan mindiyeeyey oo waa uu dhintay” ayay tiri. Khadiija ayaa sheegtay in dhowr ilkood ay kaga dhaceen dagaalkaas, hase yeeshee dhacdadaas ay qabsatay dareenka dagaalyahanada kooxda, kadibna lagu abaal-mariyey in laga dhigo taliye, sababtuna ay tahay ayaga oo u sheegay inay tahay geesiyad. Waxay sheegtay in wixii markaa ka dambeeyey ay hormuud u ahayd 40 haween oo badankood Kenyan ah. Sheekadan oo English ah halkan ka aqriso Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Qadar ayaa ka digtay in dowlada Imaaraadka Carabta ay hubeyso maleeshiyaadka al-Shabaab iyo Daacishta ka dagaalanta buuraaleyda Galgala ee Puntland. Qadar ayaa sheegtay in dowlada Imaaraadka Carabta ay u fara dhuuban tahay dhanka kooxaha qalqal galiya amaanka Somalia ee al-Shabaab iyo Daacish. General Salah Harrathi, oo kamid ah Madaxda ugu sareysa Hay’adaha amaanka Qadar ayaa sheegay inay jiraan macluumaadyo muujinaaya in Imaaraadka ay Hub iyo Kiimikada laga sameeya Qaraxyada u daadgureyneyso Somalia, si ay u isticmaalan kooxaha arbushaada ku haya amniga. General Salah Harrathi, waxa uu cadeeyay inuu jiro jiro isku soo dhawaanshi u dhexeysa dowlada Imaaraadka Carabta, al-Shabaab iyo Daacishta Somalia, waxa uuna ka digay in lasii huriyo dhibta ka taagan Somalia. Sidoo kale, waxa uu Hay’adaha ku shaqada leh la socodka Hubka ugu baaqay inay il gaara ku eegan Maraakiibta iyo Doonyaha dheereeya ee kasoo baqoola dhanka Imaaraadka isla markaana kusii jeeda Somalia. Ugu danbeyntii, waxa uu Hay’adahaasi kula taliyay inay si gaara ula socdaan Kiimikooyinka laga sameeyo Qaraxyada oo ay suuragal tahay in laga buuxiyo Jawaanada burka iyo badeecooyinka kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Somalia Xasan Cali Kheyre, ayaa wada qorsho uu isbedel ugu sameynaayo maamulka iyo Howlwadeenada Bankiga Dhexee ee Somalia. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa qorshahaasi ku doonaya in meesha looga saaro mas’uuliyiin dhowr ah, halka uu ka magacaabi doono mas’uuliyiin kale. Qorshaha Kheyre ayaa waxaa kamid ah in la yareynaayo howlwadeenada hoose ee Bankiga, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in tirada bixi doonta ay yihiin kuwo lagu hayo falal la xiriira musuq-maasuq. Khilaaf iyo Dacwado u dhexeeya maamulka Sare ee Bankiga iyo Howlwadeenada, ayaa soo dadajisay in Kheyre uu Go’aan ka gaaro dacwadaha ka taagan Bankiga. Waxaa sidoo kale jira tuhun la xiriira isdabamarinta lacago loogu tallo galay mushaaraadka ciidamada DFS, taa oo gaaraysa ilaa Seddex bil oo xiriir ah. Ugu danbeyntii isbedelka uu Kheyre la damacsan yahay maamulka Bankiga ayaa saameyn doona dhammaan Xafiisyada uu leeyahay Bakiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Soomaaliya waxay leedahay dekado dhawr ah, waxaana loogu isticmaal badan yahay Dekadda Muqdisho, Dekadda Berbera oo maamulka Somaliland hayo iyo Dekadda Bosaso oo maamulka Puntland gacanta ku hayo. Dekadaha Berbera iyo Muqdisho waxaa gacanta ku haya shirkado laga kala lee yahay dalalka Turkiga iyo Imaaraadka carabta, Dekadda Bosaso dhawaan ayaa lagu wareejiyey shirkadda P&O Ports Limited oo la mataaneysan shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka carabta, waxaana saamigeeda 100% si gaar ah u leh Shaikh Mohammed Bin Rashid Al Maktoum oo ah Sheekha Mandiqada Dubai. Kadib wareejintii dekadda Bosaso waxaa is bedalay maamulkii, waxaana muran xooggan ka dhex aloosmay ganacsatada, wakiilada doonyuhu u kireysan yihiin iyo maaulka Puntland iyo weliba shirkadda P&O oo dhinac ah, muranka xoogiisa ayaa la xiriira khidmadda lagu kordhiyey alaabaha dekadda ka soo dega. Wasaaradda Dekadaha iyo gadiidka Badda ee Puntland ayaa saxaafadda u soo bandhigtey in dekadda Bosaso ay tahay midda ugu khidmada yar saddexda dwkadood ee dalka ka shaqeeya, waxaana ay ku eedeyeen ganacsatada qaarkeed in ay yihiin manaxayaal, kuwaas oo badeecadaha qaarkood kala dega dekadda Berbera bixiyana dhaqaale aad uga badan tan Bosaso, laakiin ay doonayaan in dekadda Bosaso indhaha isugu qabtaan. Wasaaradda dekadaha ayaa tusaale u soo qaadatey raashinka daruuriga ah sida bariiska sonkorta burka iyo wixii lamid ah in dekadda Bosaso looga dejiyo halkii ton (1000kg) khidmad dhan $0.8 halka Berbera ay tahay $3.5, dekadda Muqdisho ay tahay tan ugu qaalisan oo gareysa $16.8, Ganacsatada Muqdisho iyo Berbera ay oggol yihiin in a bixiyaan khidmadaas halka Ganacsatada Bosaaso qaarkood ay diidan yihiin tan Bosaso oo ay ka doorbideen in ay indhaha isugu qabtaan dekadda sida Wasaaraddu ku eedeysey. Sidoo kale Wasaaraddu waxay sheegtey in kiraalayaasha doonyuhu ay isbeddel ku sameeyeen lacagtii ay kirada uga qaadi jireen alabaaha ay soo qaadayaan waxaana ay tusaale u soo qaateen in gaariga yar ee ka soo baxaya Dubai ay ka qaadi jireen $100, laakiin ay hadda ay qaadaan $150 iyaga oo ku andacoonaya in qiimaha khidmadda ee dekadda Bosaso kor loo qaadey, markii ay soo gaaraan xeebta Boosaaso aysan u dejin ganacsatada oo ay abaabulaan mudaaharaadyo iyo kacdoon shacab. shaxda qiimaha ay kiraalayaashu kordhiyeen CUMMAN:- Gaadiidka ka yimaada waxaa halkii tan lagu daray 5 Dollar waxaana laga dhigay $27 halka uu ka ahaa 22Dollar. (kirada Doonyaha). DUBAI:- Baabuurka yar waxaa lagu daray kirada $100, Baabuurka Dhexe waxaa lagu daray $150. (Kirada Doonyaha) Shidaalka waxaa lagu daray 3 Dollar fuustadii, 1 Kartoon oo kasta waxaa lagu daray 1Dirham. (kirada Doonyaha ). DUBAI:- Halkii Kunteendhar waxaa lagu kordhiyey 700 Dirham. (Kirada Doonyaha). Xogta qiime kordhinta kirada doonyaha waxaa laga soo xigtey wasaaradda dekadaha Puntland. Shaxda Hoose waxay muujineysa in dekadda Bosaso tahay midda ugu qiimaha jaban Soomaaliya oo dhan. Dekadda Bosaaso ayaa shalay u shaqeyneysay si gaabis ah, waxaana shirkadaha qaarkood u hoggaansameen isbeddelka dekadda, halka kuwo kale ay la baxeen doonyahoodi ama ay diideen in ay canshuurtaan alabaahooda. Isha: HM
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre ayaa bishan November 26-keeda waxaa uu wasiirka gashaandhigga jamhuuriyadda federaalka ah u magacaabay Danjire Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Wasiirka gashaandhigga jamhuuriyadda federaalka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxaa uu ku dhashay magaalada Baydhabo 1957-dii, isla magaaladaas ayuu ku qaatay waxbarashadiisa illaa dugsi sare isaga oo ka baxay dugsiga Sheekh Aweys, Baydhabo qeybta adabka. 2014: Jaamacadda Culuum iyo Tecknolojiyada ee Sanca, Yemen waxaa uu ka dhameeyay cilmiga Arrimaha bulshada . Hadda waxaa culuumta Xiriirka caalamiga iyo dilbloosiyada ka dhigtaa Jaamacad ku taalo dalka Uganda. Shaqooyin: 1993-95: Guddoomiye ku xigeen magaalada Baydhabo. 2000 wixii ka dambeeyay waxaa uu ku howlanaa arrimaha banii’aadnimada, waxyaabaha uu qabtay waxaa ka mid ahaa isaga oo aasaasay Wabiyow Community development association: Alqamar Tecknology Center ayuu halkaasi ka hirgeliyay oo markii ugu horeysana Technology-geliyay dadka reer Baydhabana baray, ku sameeyay dayactir biyo mareen-ka iyo tubooyinka Baydhabo 2001kii, Masaajidyada uu biyo geliyay iyo arrimo kale. 2009: Xildhibaan ayuu ka noqday dowladdii TFG isaga oo isla sanadkaas xukuumaddii Cumar Cabdirashid ka noqday Wasiir hantida qaranka. 2012: Waxaa loo magacaabay Safiirka Turkiga, isaga oo wax badan ka qabtay dhismaha iyo qaabeynta safaaradda muddo 3 sano ayuu jagadaasi hayey. 2015: Mar kale, Xukuumadda Cumar Cabdirashid ayaa loo magacaabay Wasaaradda Tamar iyo Biyaha 2016: Waxaa Baydhabo loogu doortay in uu ka mid noqdo Xildhibaannada golaha shacabaka November 26, 2017: Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa u magacaabay wasiirka gashaandhigga. Isha Goobjoog News Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraaya danbiyada dagaal ee lagu eedeynaayo dowlada Imaaraadka Carabta kaa oo ay ka geysato dalka Yemen. Kooxda xuquuqda aadanaha AOHR, ayaa dowlada Imaaraadka Carabta ku eedeysay in si ula kaca ay u duqeyso Xarumaha ay ku noolyihiin dadka shacabka ah ee ku sugan qeybaha ay ka socdaan dagaalada Yemen. AOHR ayaa ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo dambiyada dagaalka dawlada Imaaraadka Carabta ee loo geysto dadka rayidka ah ee dalka Yemen. AOHR, ayaa sheegtay in danbiyada dagaalka ee Imaaraadka ay xadka kasii baxayaan, iyadoo lahayo cadeymo muujinaaya in diyaaradaha Imaaraadka ay geysteen duqeymo ku talagal ah oo lagu dilay qoysas kaamil ah. Kooxda AOHR, ayaa sidoo kale sheegtay in Imaaraadka Carabta ay isticmaashay bambooyinka la mamnuucay ee loo yaqaan ”Cluster Bombs”. Kooxda waxa ay sheegen in dowlada Imaaraadka Carabta ay xasuuqa shacabka Yemen u xilsaartay qandaraaslayaal ajanabi ah si ay u jirdilaan ama u dilaan dadka reer Yemen. Saraakiisha hogaamisa Kooxda ayaa sheegay in dowlada Imaaraadka Carabta la doonaayo in la horgeeyo Maxkamada danbiya dagaal, si looga abaalmariyo falalka xasuuqa ah oo ay kawado Yemen. Mid kamid ah Saraakiisha ayaa sheegay in bartilmaameedka Imaaraadka Carabta uu yahay kuwa u saaxiibka ah nolosha liidata ee aanu jirin cid ka naxeysa. Dhinaca kale, Xasuuqa ugu badan ee ka dhaca dalka Yemen ayaa waxaa loo tiirinayaa diyaaradaha Imaaraadka iyo Sacuudiga oo dhaqan u leh beegsiga goobaha ay ku noolyihiin dadka liita ee shacabka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa goor dhoweyd ridday gantaal nooca ballistic-ga ah,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay waaxda difaaca Maraykanka ee Pentagon. Qoraalka laguma xusin halka gantaalka laga riday,masaafada uu jaray iyo halka uu ku dhacay midna,laakiin Af-hayeenka Waaxda difaaca Maraykanka Korneyl.Robert Manning ayaa weriyaasha u sheegay in ay weli qiimeyn ku hayaan. Dhinaca kale militariga Kuuriyada Koonfureed ayaa xaqiijiyey gantaalka,waxayna sheegeen in ay raadinayaan faahfaahin ku saabsan xilliga la ganay iyo awooddiisa. Gantaalkan cusub ayaa ku soo beegmay,todobaad kadib markii maadxweyne Trump shaaciyey in uu Kuuriyada Waqooyi dib ugu celiyey liiska dalalka taageera argagixisada oo horay looga saaray. In ka badan laba bilood ayaan Kuuriyada Waqooyi wax gantaal ah tijaabin,waxaana socday dadaal cadaadis lagu saarayo xukuumadda Pyongan in ay joojiso tijaabinta gantaalaha,taasoo ay ku gacansayrtay. PUNTLAND POST The post Deg deg:Kuuriyada Waqooyi oo ridday gantaal nooca ballistic-ga appeared first on Puntland Post.
  17. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dekedaha, gaadiidka badda Puntland iyo ka hortaga dambiyada ka dhaca Badaha Cabdi Majiid Samatar Jaafaan oo Warbaahinta kula hadlay Dekeda magaalada Boosaaso, ayaa sheegay in Dekeda Boosaaso ay tahay Dekeda ugu raqiisisan Dekedaha ku yaala dalka Soomaaliya. Jaafaan, ayaa sheegay in Dekeda Boosaaso ay aaad iga raqiisan tahay Dekedaha Berbera iyo Muqdisho, waxaana uu isbarbar dhigay qiimaha Khidmado ee laga kala qaado Badeecadaha ka daga Dekedahaas. Cabdi Majiid Samatar Jaafaan, ayaa sheegay in Raashinka daruuriga ah sida bariiska sonkorta burka iyo wixii lamid ah in dekadda Bosaso looga dejiyo halkii ton (1000kg) khidmad dhan $0.8 halka Berbera ay tahay $3.5, dekadda Muqdisho ay tahay tan ugu qaalisan oo gareysa $16.8, Ganacsatada Muqdisho iyo Berbera ay oggol yihiin in a bixiyaan khidmadaas halka Ganacsatada Bosaaso qaarkood ay diidan yihiin tan Boosaaso oo ay ka doorbideen in ay indhaha isugu qabtaan dekadda. Sido kale wuxuu sheegay in Kiraalayaasha Doonyuhu ay isbadal ku sameeyen Doonayaha, waxaana uu soo bandhigay kordhinta ay sameeyen. shaxda qiimaha ay kiraalayaashu kordhiyeen CUMMAN:- Gaadiidka ka yimaada waxaa halkii tan lagu daray 5 Dollar waxaana laga dhigay $27 halka uu ka ahaa 22Dollar. (kirada Doonyaha). DUBAI:- Baabuurka yar waxaa lagu daray kirada $100, Baabuurka Dhexe waxaa lagu daray $150. (Kirada Doonyaha) Shidaalka waxaa lagu daray 3 Dollar fuustadii, 1 Kartoon oo kasta waxaa lagu daray 1Dirham. (kirada Doonyaha ). DUBAI:- Halkii Kunteendhar waxaa lagu kordhiyey 700 Dirham. (Kirada Doonyaha). Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dekedaha Puntland, ayaa soo bandhigay shaxda isbarbar dhig ee Badeecadaha Soomaaliya, waxaana Dekeda Boosaaso ay aad uga jaban tahay Dekedaha kale. Markii ugu horaysay ayaa Puntland, ay soo bandhigtay xaqiiqda ka jirta Dekeda magaalada Boosaaso, taas oo Agaasime Jaafaan uu si xirfadaysan uso bandhigay. Wuxuu Jaafaan sheegay inay jiraan Ganacsato ka macaashi jiray 30-kii sano ee tagay Dekeda magaalada Boosaaso, kuwaas oo doonaya inaysan Dekedu hormar samayn. Ugu dambayn wuxuu sheegay inay ka go’an tahay in hormarin iyo balaarin lagu sameeyo Dekeda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Hoos Ka Dhagayso Shirka Jaraa’id Ee Jaafaan: JAAFAAN www.puntlandi.com
  18. Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa maanta Muqdisho ku kala saxiixday illaa iyo shan heshiis oo kul sal go’an maalgashiga, dib u dhiska iyo fulinta mashaariic horumarineed oo waxtar leh. Heshiiskan oo dhanka Dowladda Soomaaliya ay u kala saxiixeen Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaallaha H.E. Amb. Gamal Mohamed Hassan iyo Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud, ayaa dhanka Dowladda Qatar waxaa u kala saxiixay Siihayaha Safaaradda Qatar ee Muqdisho Eng. Hassan Bin Hamza Asad Mohamed, Agaasimaha guud ee Sanduuqa Qatar ee Horumarinta Mr. Khalifa Jassim Al kuwari iyo seddex wakiil oo kala matalayay hey’adaha kala ah Hey’adda Samafalka Qatar “Qatar Charity”, Hey’adda Waxbarashada ka shaqeysa ee loogu yeero “Education Above All” iyo hey’adda horumarinta bulshada ee loo yaqaan “Silatech”. Munaasabadda saxiixidda heshiisyadan oo ka dhacday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Hassan Ali Khaire, qaar ka mid ah xubnaha golihiisa wasiirada iyo mas’uuliyiin kale. Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaallaha H.E. Amb. Gamal Mohamed Hassan iyo Agaasimaha guud ee Sanduuqa Qatar ee Horumarinta Mr. Khalifa Jassim Al kuwari ayey ku faah faahiyeen heshiisyada labada dhinac ay kala saxiixdeen. Wasiir Jamaal Maxamed Xasan waxa uu caddeeyay in mashaariicda Dowladda Qatar ay ka fulin doonto Soomaaliya lagu qiimeeyay lacag dhan 200 milyan oo doolarka Mareykanka ah, isaga oo ammaanay kaalinta muuqata ee Dowladda Qatar iyo hey’adaheeda ay ku yeelanayaan fullinta heshiisyada lagu ballamay in lagu horumariyo Soomaaliya. Dhankiisa, Agaasimaha guud ee Sanduuqa Qatar ee Horumarinta Mr. Khalifa Jassim Al kuwari ayaa sheegay in mashaariicda ay Soomaaliya ka fulinayaan ay ka mid yihiin dib u dhiska wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo dhirirkeedu yahay 90 KM, wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo dhirirkeedu yahay 30 KM, dib u dhiska Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda Soomaaliya ee hoostaga Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, barnaamijyo waxbarasho kala heer duwan, shaqa abuurid, tababarro farsamo-gacmeed, dib u dhiska qaar ka mid ah xarumaha dowladda ee ku yaalla Muqdisho iyo mashaariic kale oo horumarineed oo laga hirgelinayo gobollada kala duwan ee dalka Soomaaliya. Fulinta heshiisyadan ayaa lagu hanweyn yahay in ay ka guul keenaan qorshaha qaran ee horumarinta dalka oo ay ka qeyb tahay sare u qaadidda tayada waxbarashada, dib u dhiska kaabayaasha dhaqaallaha iyo xoojinta horumarka dhaqaalle. PUNTLAND POST The post Qatar oo mashaariic ka fulinaysa Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  19. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta madaxda caalamka kala qeybgaley xafladda caleema saarka Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo ka dhacdey magaalada Nayroobi. Munaasabaddan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa khudbadku aaddan hiigsiga, horumarka Kenya iyo xirriika uu dalkaasi laleeyahay waddamada kale ee qaaradda Afrika waxaa ka jeediyay Madaxweye Kenyatta, iyadoo ciidammada Baambeyda ee Kenya ay halkaasi ku soo bandhigayeen salaan sharaf lagu maamusayo caleema saarka. Xafladda caleema saarka Madaxweyne Kenyatta ayaa ka dhacdey Garoonka Ciyaaraha ee Kazarani waxaana Madaxdii lagu marti qaaday ka mid ahaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Hailemariam Desalegn iyo hoggaamiyaal kale oo Afrika iyo caalamkaba ka socday. Dalka Kenya ayaa waxaa dhawaan ka dhacday doorasho ku celis ahayd oo uu ku guuleystay Kenyatta, iyadoo mucaaradka dalkaasna ay qaadaceen. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb-galay caleema-saarka Uhuru Kenyatta appeared first on Puntland Post.
  20. On November 13, Somaliland presidential election held peacefully; voters queued long lines in the capital Hargaysa to cast their vote for their favourite future leader, and it was a turning point for our small nation of Somaliland in limbo for decades since its inception in 1991. The elections by far was the fairest and freest election in the continent ahead of Kenya and sometimes South Africa—the North Africans had seen one or two presidents in their whole lifetime—Somaliland has chosen its fifth president and power has been transferred peacefully—the irony is that the president of Somalia Farmaajo who went to the UAE to cancel multimillion investment in Berbera seaport city to create jobs for multitudes of jobless youth aiming at the Med risky voyage, willy-nilly congratulated the nation he and his suffering people most hated after the world admired the vibrant democracy in action in full view of the entire world to see it! Somaliland is both an African and Muslim country, two characters widely believed to be inherently incompatible with democracy. Muse’s second speech disappointed the vampire vermin diaspora and his greedy backers who intended to use him as a tool for massive embezzlement as they did to the outgoing president, so far so good, he displayed the true leadership traits: aggressive, decisive, and effective. “You’ll regret your votes, don’t inflate your expectations on me! Sometimes I displease you” delivered Muse in front of his fans, in other words, Muse burnt bridges behind to rebuild a nation in dreams in tatters: economically devastatingly. President-elect Muse Bihi won landslide victory of not less than 50 % of the total casted votes; it wasn’t without controversy. The main opposition party Waddani called the result “widely rigged” but the ruling party responded “it’s an unsubstantiated allegation!” Waddani presidential candidate following his days of silence and no-response-state, speculation what might happen to people of Somaliland if he boycotts the election outcome, had worried the people but he elaborated his stand on it “I am sacrificing my personal ambition for the sake of my nation to avoid bloodshed of my people” this historic address from a great minded leader Iro of Waddani opposition party reassuring the region of the Horn of Africa and the entire world that Somaliland at crossroad passed the last enormous challenge to face ever and will remain safe forever. This remark disappointed Somaliland’s fifth column and other external arch foes awaiting a war breakout so that our girls rushed to everywhere in the world and become open game. Iro’s historic concession for the sake of his nation reminded me as a pessimist national when American senator regretted the massacred Jews in the Holocaust out of political negligence by the free world “if I could talk to Hitler, all this (the bloodbath of the Jews) could be avoided” expressed George the junior the former US president to Knesset of the Israeli parliament during his last visit to the State of Israel. Remember words matter. Imagine if Iro insisted on a rigid position about the election result regardless the harm his words can do to his people and the globalized world of which insecurity of one part affects the rest. Somalilanders walk a tightrope amidst of sleeping cells of criminality and live in fragile peace. A slip of a tongue can launch a deadly conflict but Somalilanders, unlike Somalis, know to smartly navigate the shark-infested sea safely. The president-elect’s first speech broadcasted on the national television was one of unity and reconciliation, to the election campaign polarized nation; it was a step in the right direction. What can be expected of the president-elect? In 2010, when the outgoing president Silanyo came office, I wrote an article about how he and his team will rule the country for the next seven years or more, much of what I said in the article proved prophetic! The massive corruption, and the mismanagement of the state contract, the nepotism and cronyism. But this time, I will try to view Muse Bihi the president-elect through democratic process as an individual who has pros and cos and politically matured with the passing time and I try to judge him fairly as much as I can with my ‘biased’ eyes perhaps. Is he the man of 1994, the emotional, the sentimental at the behest of cruel statesmen who are much older or more seasoned ones than him? The answer emphatically is big NO. During the last five years, he endured power struggle and faced life tests when the president provoked him to know exactly who Muse Bihi is. His first speech in post-elections sounded very much unifying leaving no room for a doubt. “Not only Kulmiye (his ruling party) won but entire Somaliland has won). Said he. Before the elections many local politics commentators including myself thought of him as a troublemaker, vengeful who would take the country back to 1991 or even beyond when the wars were the norm. But so far so good; his conciliatory short address to the nation inspired his rivals and fans alike. His old colleagues have high expectations in him that he’ll lead the nation better than his aged predecessor victimized by his family and tribe who ruled Somaliland on his behalf using him as a rubber stamp. Muse Bihi will dismiss the vermin ministers, tackle the massive corruption the economic cancer that paralyzed the nation’s economy: the ongoing looting of the nation’s public purse, common theft of state money, enforce the rule of law, and fight militancy and radicalism, and form a lean government to wisely utilize the national budget, bring Buhoodle, the last remaining outpost, under Somaliland’s control. In realpolitik, much of the electioneering slogans “the law is upheld” “no longer a pushover to anybody” are not fulfilled in the post-power games but will he keep his some of his promises? I really doubt if the Jeegaan dispute will arise. Jeegaan or bi-tribal ‘holy’ alliance of Habar Jeclo and Sacad Muse tit for tat or mere luck enabled Muse Bihi to secure power. Each tribe sends its candidate in every ten years. The outgoing president tested successfully with the ruling party having an icon of two hands in glove only death can depart us mood. This clannish structure, Silanyo’s greatest legacy, born out of paranoia against a certain tribe will soon lose its taste and weaken the nation’s resilience in the time of the enormous challenges ahead. ‘Hostile’ tribe perceived by some sister clans need to build trust and love relationships extending peaceful hand to fearful smaller clans in Somaliland, heal the old wounds, and mend ties. Otherwise, Somalia’s air forces and an army under buildup from Turkey and other Western countries that trains Somali cadets in and out of the country will relaunch deadly attacks against it when Somaliland is losing its highly trained ex-commandoes to unnecessary replacements. Somaliland lacked effective leadership it had before the outgoing president fell sick therefore the socioeconomic hardships intensified immediately. During Siilanyo-led administration, the local currency lost 50% of its value against the dollar—5000 shillings during Silanyo’s predecessor to 12,000 Somaliland shillings in his reign. Life toughened for millions of Somalilanders cursing the elder economist who under his leadership, life became out of the frying pan into fire. Millions of heads of camels perished in hellish famine in the East never seen before. IDPs knocked every door in Burco or elsewhere. Will the president-elect Muse Bihi Abdi able to turn over apart from his honeyed remarks can’t be harshly judged until time and space are given to him? Only time will tell but the status quo isn’t sustainable because Somaliland soon or later heads into Somalia’s style political disintegration unto fiefdoms and brutal sheikhdoms of midget presidents with nominal power over their claimed territories. By Abdirahman M Dirye Dirye is a Somaliland Writer based in Hargaysa, email, mrdirye@gmail.com or twitter account @mrdirye
  21. On behalf of the Somaliland Community at Southern California (San Diego, Los Angeles and beyond) we would like to extend our sincerest congratulations on your impressive victory in election to the President and vice president of Somaliland for next five years. We are delighted that you will continue to work for the good of the people of our country. We sincerely congratulate you and send our best wishes for every success and wisdom in discharging the important and responsible duties of your positions. We are confident that the trust placed in you by the citizens of Somaliland will inspire you to continue important efforts in promoting the unity of our country, leading it on the path of prosperity, further well-being and security for our people. We believe both of you will exercise outstanding leadership and achieve great success, leading your distinguished team on each field including foreign policy, national security, education, economy, environment, in overcoming the serious economic situations and other difficult challenges. We are very pleased that Somaliland and international communities are becoming increasingly close partners. We firmly believe that our country will continue to develop dynamic, mutually beneficial relations, and that our joint initiatives in the fields of security, economy, environment and education will strengthen all nations. We strongly hope that working together decisively and in the spirit of solidarity and unity in Somaliland. We will defend the interests and common values of our neighbor countries and rest of the world. Somaliland’s people trust you, because they gave you their votes and they are looking to you and they have huge expectation. We believe you have lot of tasks ahead of you, if you are working hard and with honesty, Allah will help you, because you are going in the right direction. As we know, statistically 88% of our people are under the poverty line, therefore, we need to help them in order to reduce poverty in Somaliland people. Overall, we are giving a congratulations to Abdirahman Mohamed Abdilahi “Irro” and his team, because they took a very strong decision. Mr. Abdirahman’s speech was history for us, he quoted great words from our patrician former president Mr. Dahir Riyale. We believe all of you are winners, because you only look at national interest. Therefore, take your part to build our nation from corner to corner. Thank you all, Ali A. Hori, M.Ed, San Diego, CA. alihori1@gmail.com.
  22. Saudi Crown Prince Mohammed bin Salman meets with Djibouti Minister of Defense Ali Hasan Bahdon in Riyadh in April. (SPA) Riyadh—-Djibouti’s defense minister, Ali Bahdon, welcomed the presence of a Saudi military base in his country, pointing out that the relationship with Riyadh exceeded military cooperation, to reach historical, ideological and cultural ties. He added that the military agreement between the two sides has many aspects of cooperation, including the Joint Military Commission, which meets every few months, as well as supporting and strengthening the military forces in Djibouti. In an interview with Asharq Al-Awsat, Bahdon said that Saudi experts had arrived in Djibouti to assess military cooperation, and that trainees and students from Djibouti were studying in military colleges in the Kingdom. “There are historical, ideological and cultural relations with the Kingdom, and we are one people who share the same values, and we have the same issues and problems; relations are much greater now, as we are in a new phase of geopolitical changes in the region,” he stated. Asked about the building of a Saudi military base in Djibouti, Bahdon replied: “As you know, in terms of cooperation, there is a military agreement signed between the two sides. This agreement has many aspects, including the Joint Military Commission.” He noted in this regard that the military base was part of comprehensive cooperation and the “relationship between the two countries is not limited to the base, but it is even greater.” On whether the establishment of the Saudi military base would contribute to combating smuggling across the sea, the defense minister stressed that it would not be the solution to this matter, as “it has limits in which it operates and powers that serve specific goals.” “Therefore, when we talk about military cooperation, it is a comprehensive strategic cooperation between the two countries in various military aspects, not in a specific sector and role,” he explained. He blamed the economic, social and security situation for the migration outflow in the countries neighboring Djibouti, noting that these factors had affected migrants in various nearby countries. “We believe that the development of countries suffering from migration would be the cornerstone for curbing this problem,” Bahdon stated, underlining a common vision between the Kingdom and Djibouti and a determination to work together and achieve security and stability in the region. On whether Djibouti was exchanging information with Yemen to prevent arms smuggling to Bab al-Mandab, the minister said: “Djibouti is a member of the Arab alliance, and it is coordinating with the different concerned parties. It is also a country that has received many refugees from regional states, especially from Yemen. The country has incurred major losses due to migration.” Commenting on the outcome of the first meeting of the Islamic Alliance to Counter Terrorism, Bahdon replied: “The next phase will see further development and improvement of this strategy, which was launched with the first meeting of the Council of Ministers of Defense of the Islamic Military Coalition to Combat Terrorism, and here we congratulate Saudi Arabia on this meeting and the important initiative” launched in this regard. Al Sharq Al Awsat
  23. On the 14 of December 2017 Somaliland is having another democratic peaceful transfer of powers from President Ahmed Silanyoo to President Elect Muusa Bihi. Former MP Jeremy Carver CBE and Friend of Somaliland msg is Somaliland deserves international recognition.
  24. Garoowe (Caasimada Online)-Dowlada Mareykanka ayaa mar kale ka hadashay duqeyn xoogan oo ay la beegsatay Saldhiga ay maleeshiyaadka Daacishta Somalia ku leeyihiin gobolka Bari. Dowlada Mareykanka oo faahfaahin dheeraad ah ka bixineysa duqeynta ayaa sheegtay inay ka dhacday Tuullo 70-KM ujirta Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. Tuulada ay ka dhacday duqeynta ayaa lagu magacaabaa Boholo oo 70-KM ujirta Magaalada Boosaaso, waxaana la xaqiijiyay in duqeyntaasi lagu dilay Horjooge sare oo ka tirsan Daacishta Somalia. Horjoogaha lagu dilay duqeynta ayaa waxaa lala dilay ilaa 15 ka mid ah ilaaladiisa oo xiliga duqeynta ay wada joogeen. Sidoo kale, duqeynta ayaa waxaa lagu gubay 10 ilaa 8 Gaari kuwa dagaalka ah oo ay lahaayen Daacishta Somalia. Waxaa sidoo kale, lagu burburiyay saldhigyo ay maleeshiyada ku lahaayen Buuraaleyda Galgala gaar ahaan Tuulada Boholo oo 70-KM ujirta Magaalada Boosaaso. Docda kale, Hogaanka Daacishta Somalia ayaan weli ka hadal warbixinta kasoo baxday Wasaarada Difaaca Mareykanka ee muujineysa in duqeyn lagu dilay Horjooge iyo 15 kamid ahaa ilaaladiisa. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com