-
Content Count
214,768 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Kiiska dacwadda musuqmaasuqa ah ee loo heysto Wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud ayaa lugaha la galay Wasiirka Wasaaraddasi Axmed Ciise Cawad. Sida ay sheegeyso xog ay heshay mareegta Caasimadda online, kiiskan oo soo taagnaa muddo ka badan 4 bilood ayaa salka ku haya dhaqaale si xun loo maamulay iyo ku takri fal awoodeed, waxaana wasiir ku xigeenka uu ahaa qofka kiiskan ugu weyn ee loo haysto, maadaama uu ahaa qofka ku sugan xarunta Wasaaradda oo maamulka gacanta ku hayey. Wasiir ku xigeenka Mukhtaar Mahad ayaa ka hor yimid baaritaan ay waday hay’adda Hanti dhowrka guud oo xafiisyada maamulka calaamado ku dhejisay, taasoo caddeyneysa in baaritaan socdo oo aan la furi karin khasnadaha iyo xafiisyada baaritaanku ka socdo, laakiin wasiir ku xigeenka ayaa la sheegay inuu jebiyay amarkaasi, taasoo xaaladda uga sii dartay. Mukhtaar Mahad Daa’uud ayaa ku doodaya inuu ku shaqenayay Amarka wasiirka Arimaha dibadda Axmed Ciise Cawad, isla markaana aanu wax u gaara isagu ku dhaqaaqin, taasoo kiiskan lugaha u soo gelisay wasiirka, iyadoo laga cabsi qabo inay xaaladda sii cakirto. Wasiir ku xigeenka oo la isku dayey in la xiro kadib markii loo soo jaray amar maxkamadeed, ayaa xaaladiisu weli cakiran tahay markii qaab aan habooneyn ay ciidamo boolis ah u damceen inay qabtaan, taasoo uu soo dhex galay Ra’iisal wasaare Kheyre, laakiin waxaa saxaafadda la hadlay Xeer ilaaliyaha iyo hanti dhowrka oo eedeyn musuqmaasuq ah u jeediyey Wasiirku ku xigeenka. Warkii kasoo baxay xalay Wasaaradda Arrimaha dibadda oo si weyn loogu eedeeyay falkii lagula kacay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda iyo tallaabada ay qaadeen Hanti dhowrka iyo xeer ilaaliyaha ayaa si cad u muujiyey in mas’uuliyiinta wasaaradda Arrimaha dibadda ay u dhan yihiin kiiskan, marka laga reebo wasiiru dowlaha wasaaradda C/qaadir Axmed Kheyr oo saaxiib dhow la ah madaxweynaha, kaasoo u muuqda inuu xilli hore u shaqeeyo sida wasiir. Is-mari waaga ka taagan kiiskan ayaa ah kii ugu horeeyay ee mas’uul heerkiisu yahay wasiir ku xigeen xil haya lagu soo oogo dacwad musuq ah, waxaana dadka qaarkii ay sheegayaan in arrintani ku dhammaan doono xil ka qaadis. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Jigjiga (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa xiisada ka taagan deegaanka Soomaalida Ethiopia kadib markii ciidamada maamulka iyo kuwa dowlada ay bilaabeen inay kala badbaadiyan Soomaalida iyo Oromada. War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in ilaa iyo Meydka 8 qof oo Soomaali ah laga helay Degmada 6-aad ee magaalada JigJiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Ethiopia. Meydadkaan ayaa la sheegay in laga dhex helay Kaniisad laga raray dadka Oromada ah waxaana lasoo sheegayaa inay dileen Oromada. Meydadka qaarkood ayaa waxaa ka muuqda mindiyo iyo jug culus oo loo geystay taasi oo sababtay geerida dadka qaar. Dadka kunool Magaalada Jigjiga oo qaarkood la hadlay saxaafada ayaa sheegay in dadkaasi qaarkooda la jarjaray isla markaana aan la aqoonsan karin oogada jirkooda. Meydadkaan ayaa la sheegay inay soo saaren Ciidamada Liyuu Boolis oo Saaka gudaha u galay Kaniisadda oo dadkii Oromadda ahaa ay xalay ka baxeen. Meydadka Soomaalida ee laga soo saaray Kaniisada ayaa waxaa ku jira Haween, Carruur iyo Dhalinyaro u muuqda in lagu qabsaday rabshadaha. Arrintaani ayaa timid xilli shalay iyo maanta ay degan tahay Xaaladda magaalada Jigjiga ee dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Dhawaan Raisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo hoggaaminaya wafdi ballaaran ayaa booqasho ku tagay M/Gobolleedka Puntland. RW Xassan Cali Kheyre si weyn ayaa loogu soo dhaweeyey Garoowe iyo magaalooyinkii kale ee uu booqday isaga oo kula kulmay madaxda M/Puntland iyo shacabkaba. Raisul Wasaaraha dadkii soo dhaweeyey waxaa ka mid ahaa madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole oo tusay qol uu ku tilmaamay ‘Qolkii Taariikhda”. Faroole waxa uu RW Xassan iyo madaxdii kale ee la socotay mid mid u tusay sawirro taariikhi ah oo ay ku jireen hoggaamiyeyaashii saldanooyinkii hore ee gayigga Soomaalida ka talin jiray sida Boqor Cismaan , Suldaan Cali Yusuf Keynadiid, Suldaan Cali Shire iyo halgamaayaal aad loo jeclaa sida xubnihii SYL iyo Cumar Samatar. Waxaa sawirrada oo ku dhaganaa gurigiisa sidoo kale ku jiray madaxweynihii ugu horreeyey Soomaaliya Aadan Cabdille Cismaan, boqorkii Abyssinia Najashe iyo halyeeyo kale. Haddaba sawirka xiisaha dhaliyey waxa uu ahaa mid laga qaaday magaalada Xamar ama Muqdisho oo qadiimi ah. Halkaa marka uu marayey ayaa waxa uu madaxweynihii hore ee Puntland sidoo kalena ah xubin ka mid ah Aqalka Sare ee dowladda Federal-ka ah ayaa waxa uu yiri- Waagii dhaweed Xamar aan tagay, munashiibiyada la iga casumay, waxaan ku iri Xamar baan soo dhexmarayoo meel nool kuma arag, meesha hadda aad nagu casumeysaan waa meel cusub oo aad dhisteen laakiin Xamar bey ku taal, Xamarweyney ku taalaa, Xamar, Xamar, toddobaddii degmo ee Xamar koorkoodii waakaa, Xamarweyne iyo Shingaani meeshey iska galaan, soo hadda ka garanmeysaan wax, halkaas Barqash Area soo garan meysaan, Gurigii Barqash, wixuunuba soo garan meysaan. Ayaantii waxan ku yiri adiga [Kheyre] hadda ku oran maayee, adigu dadkii dagaalka sokeeye galay ma ahide, raggii waa weynaa baa meesha fadh fadhiyaye aan qaar aqoonayo, Xamar oo saasaa idinka rabnaa haddii kale idinku soo noqon meyno. [Raiusl Wasaaraha waxa uu yiri waa run isaga oo qoslaya!]/ Hadaba waxaa su’aal mudan waxa uu ula jeedo Faroole hadalka ah ‘Xamar oo saasaa idinka rabnaa haddii kale idinku soo noqon meyno?” Malaha dhihi karaa waxa uu hadalka u dhacayaa Anaga (Darood/Majeerteen) idinku soo noqon meyno!? Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda qarax khasaara badan dhaliyay oo xalay ka dhacay bartamaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa qarax lala beegsaday goob ay iskugu yimaadaan dad dhacab ayaa xalay fiidkii ka dhacay wadada Makka Almukarrama ee gobolka Banaadir. Warka kasoo baxay Al Shabaab ayay ku sheegtay in ay beegsatay isku imaatin ay ku sugnaayeen shaqaale iyo saraakiil katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya “Qaraxan oo ahaa mid aad u xooggan ayaa ka dhacay goob ay xilliyada habeenkii ku caweeyaan xubno ka tirsan shaqaalaha wasaarado kala duwan ee kooxda Dowladda Soomaaliya” ayaa lagu yiri war lagasii daayey idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha. Al Shabaab waxay sheegtaya in xilligii qaraxu dhacayay ay goobta la beegsaday isugusoo aruureen xubno bartilmaameed u ahaa “Goobtan la beegsaday oo ku taalla wadada Makka Al Mukarama ayaa xilligii qaraxu uu ka dhacayay waxaa joogay xubno fara badan oo kamid ah kooxda Dowladda, kuwaas oo dhimasho iyo dhaawaxc uu kasoo gaaray qaraxaasi” ayaa markale lagu yiri warka Al Shabaab kasoo baxay. Inta la xaqiijiyay tiro kor u dhaafaysa illaa 10 ayaa dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray qaraxaasi, inkastoo ay dhici karto in khasaaruhu intaas ka badanyahay waxayna dadkaas ahaayeen dhallinyaro maqaayada isaga shaahayey oo rayid ah. “Sawirro goor dambe laga soo qaaday goobtan lagu caweeyo ee uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinayay gaadiidka raaxada oo ay wateen shaqaalihii wasaaradaha Dowladda oo uu burbur xooggan ka muuqdo, iyo sidoo kale dhiig badan oo ka daatay Dowladda la beegsaday” sidaas waxaa baahisay Andalus. Ururka Al-Shabaab ayaa inta badan beegsado dad shacab ah waxayna marka dambe sheegaan inay dileen dad ka tirsan dowladda waana arrin ay inta badan caan ku yihiin. Qaraxaan ayaa imaanayo xilli Shalay Magaalada Muqdisho lagu dilay 2 maleeshiyo oo ka tirsan kooxdaan kadib markii rasaas lagu furay gaari ay saarnaayeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Dadka aan Soomaalida ahayn ee ku sugan magaalada Jigjiga ayaa isku aruursanaya Kiniisad wayn oo ku taalla magaalada Jigjiga iyaga oo wata burar iyo baangado, sida ay BBC-da u sheegeen dad goobjoogeyaal ah. Dadkan oo dhallinyaro u badan ayaa markii hore kiniisadda u tagay si ah u difaacaan maadaama oo ay jiraan kuwo kale oo la gubay. Waddada ay kiniisaddaasi ku taallo ayaa go’an iyadoo laga cabsi qabo in ay rabshado ka dhacaan. Dad Soomaali ah oo iyaguna is aruursanayay ayay booliisku dib u celiyeen, waxaana magaalada dhex maraya gawaari ay cod baahiyeyaal ku xiran yihiin oo dadka lagaga dalbanayo in ay is dajiyaan rabshado dambana aysan gaysanin. Booliiska caadiga ah iyo ciidammada gaar ah ee Liyuu Booliis ayaa wadooyiinka magaalada gaaf wareegaya iyaga oo qaar ay lugaynayaan iyo kuwo kalana ay gawaari adeegsanayaan. Dhinaca kale, Magaalda Diridhaba ayaa maanta degen, waxaana caadi ku soo noqday isu socodkii gaadiidka dadwaynaha, sida ay BBC-da u sheegeen dad magaalada ku sugan. Booliis ayaa aad loo dhoobay waddooyinka magaalada, waxaana jira kuwo kale oo baabuur wata oo gaaf wareegaya magaalada. Rabshado ayaa Dirdhabo ka dhacay Axaddii, kuwaas oo la sheegay in ay dabo socdeen kuwii ka horeeyay ee Sabtii ka dhacay magaalada Jigjiga. Dad Soomaali ah oo daganaa Xaafadaha ay Oromadu ku badan tahay ayaa sheegay in ay guryahooda ka carareen ka dib markii la gubay guryo ay Soomaali lahayd. Wasaaradda gaashaan dhigga ee dalka Itoobiya oo ka hadashay rabshadaha ayaa sheegtay in ay sugi doonto ammaanka shacabka iyo hantida dalka. Isha: BBC Somali
-
Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Khartuum ee dalka Suudaan uga qayb galay munaasabadda lagu saxiixay heshiiska dawladda midnimada qaran ee lagu soo af-jaray colaaddii waqtiga dheer u dhexeysay dhinacyada isku hayay siyaasadda Suudaanta Koonfureed. Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda kale ee ka socota waddamada IGAD ayaa goob joog ka ahaa saxiixa heshiiska taariikhiga ah ee dhinacyada isku hayay siyaasadda dalka Suudaanta Koonfureed kuwaas oo dhex-dhexaadin waqti dheer qaadatay kadib isku raacay in ay dhistaan dawlad midnimo qaran oo dhinacyada dhan ay ku qanacsanyihiin. Ra’iisul Wasaaraha XFS oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa ku ammaanay dhinacyada heshiiska saxiixay tanaasulka iyo biseylka siyaasadeed oo ay muujiyeen si ay u badbaadiyaan mawaadiniinta dalkooda, ugana qayb qaataan horumaka gobalka iyo guud ahaan qaaradda Afrika, waxa uuna u xaqiijiyay in Soomaaliya ay ka go’antahay nabadda, amniga iyo xasilooni siyaasadeed ee Suudaanta Koonfureed. “Xaaladda murugeysan ee dalkiinna da’da yar ma qeexayso mustaqbalkiinna, waxa aan idiin xaqiininayaa in laga guuleysanayo dhibaatada jirta. Waxyaabaha wanaagsan ee labaddenna dal ay wadaagaan ayaa ah in aan leennahay khayraad dabiici ah oo dahan iyo bulsho ku wanaagsan hal abuurka ganacsi”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre. “Sida ku cad war-bixintii dawladaha daciifka ah ee soo baxday 2017, Suudaanta Koonfureed iyo Soomaaliya ayaa ahaa laba dawladood ee ugu daciifsan dunida, casharro adag ayaan ka barannay iyo in ay muhiim tahay in aan u tanaasulno dadkeenna, tanaasulku ma aha astaan muujineya in aan liidanno ee waxa ay muujineyssa awoodenna iyo fahamka mustaqbalka” ayuu Ra’iisul wasaaruhu raaciyay hadalkiisa. “In aan garannay xalka mushaakilaadkeenna kaliya ma saameyneyso horumarkeenna ee waxa ay saameyn ku leedahay deriskeenna iyo gobalka oo dhan, waana arintaas sababta aan idinkugu dhiirri gelinayno in aadan gadaal fiirina ee aad sawirataan mustaqbalka adinka oo u danaynaya dadkiinna. Sida dib u soo kabashada Soomaaliya oo kale, badbaadinta Suudaanta Koonfureed waxa ay farxad gelineysaa dadaalka qaaradda Afrika. Waxa aan idiin xaqiijinayaa in Soomaaliya ay ka go’antahay in Suudaanta Koonfureed ay hesho nabad, ammaan iyo xasilooni waarta”, ayuu Ra’iisul Wasaare Khayre ku sheegay khudbadda uu ka jeediyay munaasabadda lagu saxiixayay heshiiska xalka looga gaaray colaadii Suudaanta Koonfureed. Heshiiska oo dhaqan-gelintiisa ay dusha kala soconeyso IGAD ayaa ogolaanaya in Riek Machar oo ahaa hogaamiyaha mucaaradka uu noqdo madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee dawladda midnimada qaran. Mudda sedax bilood ah ayaa loo qorsheeyay in dhinacyada saxiixay heshiiska ay kusoo dhistaan dawladda wadaagga ah oo talada dalka hayn doonta muddada sedaxda sano ah ee soo socota. The post Ra’iisul Wasaare Khayre Oo ka qeybgalay Saxiixa Heshiiska Dawladda Iyo Mucaaradka Suudaanta Koonfureed appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa daboolka ka qaaday in Wasiirada maamulkiisa uu ka ilaaliyay kuwa isticmaala balwada. Biixi waxa uu sheegay in doorashadiisa kadib uu xooga saaray inaanu Xukuumadiisa kamid noqon kuwo uu sheegay inaysanba awoodin inay usoo shaqo tagaan xafiisyadooda. “Anigu xukuumadeydu kama mid aha Wasiiro isticmaala balwada sida qaadka, waxaan qabaa in wasiir cunaa qaad aan laga heli doonin xukuumadeydu” Muuse Biixi ayaa sheegay in inta badan xubnaha Wasiiradiisa ay yihiin dhalinyaro wax ku baratay deegaanada Somaliland,isla markaana aan qaadka iyo balwada qeybaheeda kale cunin. Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa “Waxaan maqli jirey in wasiiradii hore inta badan lagu tilmaami jiray Odayaal da’ah oo daalan laakin aniga dadaal aan sameeyey ayaan golaheyga Wasiirada u badiyey dhalinyaro dalka” Waxa uu intaa raaciyay “Dhalinyarada wax ku baratay dalka ayaa kordhiyay,laakin Odayaal iyo qurba joog weey ku jiraan waxaase ka badan dhalinyarada gaar ahaan kuwa aqoonta leh,hadii xilligihii hore da’ la sheegi jiray hadda waxaa nagula eedeeyaa maxay yihiin dhalinyaradaan”. Muuse Biixi, waxa uu sheegay in mudada uu hayo xilka aysan xil ku kulmi doonin Siyaasiyiinta isticmaasha balwada, waxa uuna tilmaamay inay ka feejigan yihiin kuwa saaxiibka u ah qaadka. Si kastaba ha ahaatee, Muuse Biixi ayaa hadalkan sheegay xilli uu ka qeyb galayey munaasabad ka dhacday magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
February was a typically busy month for U.S. officials who announce government sanctions. Source: Hiiraan Online
-
A new police unit has been unveiled to patrol remote sections of the Kenya-Somali border in efforts to combat banditry. Source: Hiiraan Online
-
While Ethiopians were celebrating the reconciliation between the exiled and home synod in Addis Ababa yesterday by coincidence or not churches were burnt down in Somali region of Ethiopia and the news coming from the region at this moment is very disturbing. Source: Hiiraan Online
-
Garissa politicians yesterday condemned an altercation at Fafi Girls Secondary during a parents’ day. Source: Hiiraan Online
-
National passenger carrier Air India will enhance a codeshare agreement with Ethiopian Airlines. Source: Hiiraan Online
-
South Sudanese arch-foes signed a final power-sharing deal on Sunday, aimed at ending a civil war that has killed tens of thousands of people and displaced millions in the world's youngest country. Source: Hiiraan Online
-
In a coffee shop at the edge of a working-class Minneapolis suburb, not far from the high school Ilhan Omar attended in the years after she immigrated to the U.S., some two dozen people crowded around a table to hear her make the case for sending her to Congress. Source: Hiiraan Online
-
An emotional gesture by Somalis moved a Turkish academic who was stranded in a Somali city when his flight was cancelled. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa shalay isku shaandeyn kooban iyo buuxinta boosaskiii banaan ku sameeyey Golihiisa Wasiirada. Meelaha uu isku shaandheynta ku sameeyey waxaa ugu weyneyd Wasaaradda Kalluumeysiga Iyo Kheyraad-ka Badda isaga oo isku bedelay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi oo ah midka xilka laga qaaday iyo Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo loo dhiibay. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaha waxa uu buuxiyey boosaskii baanaanaa sida Wasiiraddii Diinta iyo Awqaafka iyo Waxbarashada. Cabdullaahi Godax Barre ayaa loo magacabay wasiirka Waxbarashada halka Diinta iyo Awqaafka loo magacaabay Sheekh Nuur. Wasaaradda Xannaanada Xoolaha waxaa loo magacaabay Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen Badni. Waxa kaloo la magacaabay wasiiro dowlaha madaxtooyada oo laga dhigay C/qaadir Sheekh Baqdaadi. Hadaba maxaa kaaga baxay magacaabistaas? Dhammaan wasiirada xilalka cusub loo dhibay iyo kuwa isku shaandheynta ku yimi waa wada xildhibaanno ka tirsan baarlamanka Soomaaliya! Arrintan waxay muujineysaa sida ay dowladda uga feejigan tahay mooshin walba oo la isku dayo in laga keeno, ayada oo inta badan wasiirada, wasiir ku xigeenada iyo wasiiru dowlayaasha xukuumadda Kheyre, ay wada yihiin xildhibaano. Haddii xukuumadda laga keeno mooshin waxaa ku filnaan doono kaliya wasiirada wada xildhibaanada ah iyo saaxiibadooda, ayada oo wasiir kasta oo keeni karo hal ama laba xildhibaan oo ku beel ama saaxiib la ah. Sidoo kale waxa ay tallaabada Kheyre caddeysay walaacii ay qabeen xubnaha mucaradka dowladda ku ah oo hore ugu dhaliilay dowladda isku milanka xukumadda iyo golaha sharci dejinta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir, oo ka hadlayay arrinta la xiriirta wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda Soomaaliya Muqtaar Mahad Daa’uud ayaa sheegay in wasiirka ay baaris ku haayeen mudadii uu xilka hayay. Axmed Cali Daahir, waxa uu sheegay in afartii bilood ee la soo dhaafay wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda Soomaaliya Muqtaar Mahad Daa’uud ay baaris ku haayeen, isla markaana sheegay in dib u habeyn lagu sameeyay xafiiskiisa. Sidoo kale, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya waxa uu sheegay in xafiiska siyaasada Hant- Dhowrka qaranka iyo kan xeer ilaaliyaha uusan cid xad gudub ku sameyn doonin, balse sheegay in marnaba aysan dhici doonin inay dhagaha ka fureysataan fal dambiyeed sharci ah oo quseya musuq maasuqa. Wasiir ku-xigeenka Arrmaha Dibedda Soomaaliya Muqtaar Mahad Daa’uud ayaa sheegay in uu hor tegi doono maxkamad sharci ah, si ay u bilaabato dhageysiga dacwadda loo heysto, sharcigana loogu kala baxo. Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii ugu dambeeyey wadday dagaal ka dhan ah musuq-maasuqa, ayada oo siyaasiyiin badan oo xilal haye xabsiga loo diray qaarna laguw ado baaritaan. Axmed Cali Daahir waxa kale oo uu sheegay in dhowaan lasoo bandhigi doono mas’uuliyiin kale oo ku kacay musuq-maasuq, kuwaas oo uu baaritaan ku socday muddo. Hoos ka dhageyso codka xeer ilalaiyaha guud ee qaranka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/08/Cod-Xeer-ilaaliyaha-Guud-ee-qaranka.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa si aad ah uga soo horjeestay Xeerka jinsiga ee La-dagaalanka Kufsiga oo xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ay ansixisay. Culimada ayaa soo saaray 12 qodob oo ay sheegeen inay ka cabanayaan, kuwaasi oo xeerka ku jira balse ka horimanaya shareecada islaamka. HOOS AKRHISO 12 –KA QODOB 1 – Xeerka Waa Dambi oo Ciqaab lagu Muteysanayo qofkii isku dayo galmo qasab ah. 2 – Xeerka, Ma cadda cuquubada ugalmooshada raalliga la isaga yahay. 3 – Xeekna, Guurka qasabka ah waa dembi, xataa waalidka haddii ay sameeyaan. Culimada waxaa ay sheegayaan in taasi diinta ka hor imaaneyso. 4 – Xeerkan, Waa Dambi galmo aan la dooneyn ama aan raali leeysaha aheyn, xataa xaaskaaga (ha ahaato eray ama ficil). 5 – Xeerka, Kuma cadda sharciga labada aan isqabin, isna doonaya, raalina isaga ah inay ficil jinsiyadeed wada sameeyaan inay dembi tahay. 6 – Xeerka, Waa dambi in qof meel lagu heyso isaga oo raali ku aheyn galmada, haddii uu raali ka yahay sharciga ayaa qeexaya. Haddii uu raali ka yahana waa galayaa denbi cuquubo sharci muteysanayo. 7 – Waa dambi in la duubo, la sawiro cajalado jinsi ah. Culimada waxaa ay leeyihiin arrintaan waa dambi. 8 – Xeerkan, Waa kufsi haddii qofka u galmoodo ruux ka yar 18 sano. Guur iyo guur la’aan. Culimada waxaa ay qalad ku sheegeen in laga reebay inta xalaasha isku qabta. 9 – Xeerka, Qofka waxaa uu galayaa denb caruur guursi(wixii ka yar 18), waana la ciqaabayaa. Sidoo kale culimada waxaa ay leeyihiin lamaga soo reebin kuwa xalaasha isku qaba. 10 – Xeerka, keliya waxaa reebay in laga ganacsado dhanka jinsiga caruurta. Qaangaarka lama caddeyn sharcigan. Culimada waxaa ay ku dareen inay xaaraan tahay ka ganacsiga jinsiga oo dhan. 11 – Xeerka, Eedeysanaha uma soo dhowaan karo deegaanka dhibanaha, lamana kulmi karo ehelada. Xal dhaqameed waa la diiday. Culimada waxaa ay leeyihiin diinta Islamaaka waxay ogoshay xal. 12 – Xeerka, Maxkamadda waxaa ay dacwada ku qaadeysaa meel qarsoon. Daah-furnaan ma jirto ayey leeyihiin culimada.
-
Dubai (Caasimada Online) – Shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in hadalka Jabuuti ee ah inaysan aqoonsaneyn go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee dhex-dhexaadinta ay ka gaartay murankii dekadda Doraleh, uu yahay mid aan waafaqsaneyn xeerarka caalamiga ah. Maxkamadda caalamiga ah ee dhex-dhexaadinta ee magaalada London ee London Court of International Arbitration (LCIA) ayaa khamiistii go’aamisay in heshiiskii ay DP World kula wareegtay maamulka dekedda Doraleh ee Jabuuti, oo markii dambe dowladda Jabuuti ay ka baxday uu yahay mid “sharci ah, oo weli taagan” DP World ayaa sheegtayn in go’aanka maxkmadda uu ku saleysan yahay mabaadiida la aqoonsan yahay ee xeerarka caalamiga ah, islamarkaana uu yahay mid waajib ku ah dowladda Jabuuti. ‘ “Sida ay maxkamadda go’aamisay, Jabuuti kama madaxbanaana qandaraas lagu aqoonsan yahay xeer calami ah. Sidoo kalena, sida ku cad xeerka English-ka, qanadaraas laba dhinac ah, dhinacna kaligiis kama bixi karo. Sidaas darteed heshiiska aan kula wareegno dekadda Doraleh, waa mid sharci oo qasab ah” ayay tiri DP World. DP World waxay sidoo kale sheegtay in go’aanka Jabuuti ay ku diiday go’aanka maxkamadda uusan u adeegeyn danaha dadka Jamhuuriyadda Jabuuti, islamarkaana maamulka DP World ee dekadda Doraleh uu ahaa mid wax badan laga faa’iiday. Dowladda Jabuuti ayaa ku gacan sayrtay go’aanka ay soo saartay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dhexdhexaadinta ee fadhigeedu yahay magaalada London. Jabuuti ayaa bishii March sheegtay inay diyaar u tahay inay iibsato saamiga ah 33% ee DP World ay ku lahayd Doraleh, si loo soo geba gebeeyo muranka kala dhaxeeya mid ka mid ah shirkadaha ugu weyn dunida ee maamula dekadaha. Sidoo kale, 17-kii July, shirkadda laga leeyahay dalka Jabuuti ee maamusha Dekadda Doraleh ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin inay magdhow ka bixiyaan heshiiskii ay ka baxeen ee u dhexeeyay iyaga iyo Shirkadda Dubai Ports World ee laga leeyahay Imaaraadka. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka dowlada Somalia ayaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka fuliya howlgalo lagu baacsanaayo maleeshiyaadka Al-Shabaab ee sida dhuumaleysiga ah uga howlgala gudaha magaalada. Ciidamada ayaa la sheegayaa in mudada ay ku guda jiraan howlgalada inay gacanta ku dhigaan Hub noocyo badan leh kuwaa oo inta badan gacanta u gala Saraakiisha hogaamisa ciidamada. Xogtu waxa ay sheegeysaa in Saraakiisha hogaamisa ciidamada ay howlgalka kula wareegan inta badan Hubka la qabto, waxaana jira warar hoose oo sheegaya inay ka iibiyaan Ganacsatada iibisa Hubka sharci darada ah, halka qaarna ay Hubkaasi ku keydsadaan hooygooda. Saraakiisha qaar ee katirsan hay’adaha amaanka ayaa lasoo sheegayaa inay leeyihiin Hub, kuwaa oo u kala dhiibta Saraakiil kale, Wasiiro, Xildhibaano iyo Milkiilayaasha Hoteelada Muqdisho oo iyagu ku ilaalsada Hoteeladooda. Suuqyada lagu iibiyo Hubka ayaa waxaa lagu arkayaa hubka noocyadooda waaweyn, waxaana xusid mudan in halkaasi ay si wada jira Hubka uga iibsadaan Saraakiisha iyo Ciidamada dowlada ee hubka kusoo qabsada howlgala iyo Al-Shabaab oo dhinac ah. Sidoo kale, Saraakiisha qaar xiliyada laga eryo shaqada ayey isticmaalan Hubkooda kuwaa oo ku dooda in Hubka uusan aheyn mid dowladeed, waxa ayna isweydiintu tahay halkee ayuu ka keenay? Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ayaan Hubka gaarka ay u leeyihiin Saraakiisha kula xisaabtamin halka ay ka keenaan, taasi oo horseedi karta amni darro iyo dalka oo dib ugu laabto Hub uruursi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
