-
Content Count
210,018 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ilaalo u shaqaynaysay laanqayrta cas ee caalamiga ayaa ku lug yeelatay afduubka kalkaaliso jarmal ah oo hay’adda uga shaqaynaysay Muqdisho sida ay dawladda Soomaaliya sheegtay. Kalkaalisada oo magaceeda lagu sheegaywaxaa 8:00 fiidnimo ee Arbacadii laga afduubtay xarunta ICRC, markii ay rag hubaysan oo la garan waayey soo galeen dhismaha. Afhayeen u hadlay wasaaradda amniga, C/casiis Cali Ibraahim, wuxuu sheegay in ilaalada laanqayrta cas ay ku lug lahaayeen, ka dib markii shaqaalaha maxalliga ay sheegeen in ragga dableyda ah ay si fudud Nientiet ugala baxeen dhinaca dambe, oo ay ku riteen gaari sugayey. Haddaba wxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa afar arrimood oo ku saabsan afduubkaasi. Afduubkii ugu horreeyey sanado badan Markii ugu dambaysay ee dad u dhashay waddamada galbeedka u dhashay lagu afduubto waxay ahayd 2009, markaasoo laba nin oo u dhashay waddanka Faransiiska lagala baxay Hotel ku yaalla bartamaha magaalada. Waxay dawladda Soomaaliya ka caawinayeen dhinaca amniga iyo ciidamada, waxayna markii dambe gacanta u galeen Al Shabaab. ICRC xalane xarun uma ahan Hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya Muqdisho ama xafiisyada ku leh, waxay intooda badan ama gabigood ka hawl galaan gudaha xerada Xalane iyo garoonka dayaaradaha ee Aadan Cadde. Hay’adda Laanqayrta cas kama mid aha hay’adahaas, waxayna xafiis ku leeyihiin magaalada gudaheeda. Shaqaalaha maxalliga iyo kuwa caalamiga waxay labadaba ku shaqeeyaan xafiiskaas, walow tirada shaqaalaha ajnabiga ah ee xafiiska jooga ay aad uga yar yihiin kuwa maxalliga. Dowladdu waxay aaminsan tahay in mid ka mid ah ilaalada xarunta ICRC ee Muqdisho uu ka dambeeyay afduubkan Sonja Nientiet waxaa afduubtay ilaaladeeda. ICRC iyo dawladda Soomaaliyaba waxay xaqiijiyeen in ilaalaada hay’adda ay ka dambeeyeen afduubka gabadhaas kalkaalisada ah. Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in ay xabsiga dhigtay ilaaladii shaqada ku jirtay xilligii uu afduubku dhacay, ayna wadaan baaritaan iyo qorshe ay doonayaan inay ku soo furtaan kalkaalisada. Weerarkii labaad ee shaqaale ICRC lagu qaaday dhawaan Afduubka gabadhan kalkaalisada ah ayaa noqonaya weerarkii labaad ee loo gaysto shaqaale u shaqeeya laanqayrta cas . Cabdulxaafid Yuusuf Ibraahim oo ahaa muwaadin Soomaali ah oo mudo 5 bilood oo kaliya ah u shaqaynayey hay’adda ayaa 25 Maarso geeriyooday, ka dib markii qarax loogu xiray gaarigiisa xilli uu a baxayey xafiiska ICRC. BBC
-
Hargeysa (PP) ─ Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ee ka dhisan Somaliland, C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi [Cirro] ayaa sheegay in saldhigga ay Dowladdda Imaaraadku ka furanayso magaalada Berbera oo dhali karo cawaaqib aa u fool xun. C/raxmaan Cirro oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in saldhiggaas uu u keeni karo Somaliland khatar weyn, isagoo intaas ku daray inuu noqon karo xabsiyada ugu xun caalamka. Sidoo kale, Wuxuu carrabka ku dhuftay in taas ay dhibaato badan ku tahay Shacabka ku nool deegaanada Somaliland, maadaama ay horay warbixin ka dhan saldhiggaan u soo saartay kooxda Xuuthiyiinta ee waddanka Yemen ka dagaalanta. Dhanka kale, Guddoomiyaha xisbiga Waddani wuxuu tilmaamay in shirkadda lagu wareejiyay dekedda Berbear ay caqabad weyn ku noqoty shaqaalaha ka hawl-gala dekeddaas, isla markaana ay ciriiri gelisay lacagaha xilligaan ku shaqeeyaan. Shirkadda DP WORLD ee laga leeyahay Imaaraadka oo sanadkii hore heshiis ay kula wareegayso Dekeda Berbera la gashay Somaliland ayaa haatan si rasmi ah u la wareegtay maamulka Dekeddaas. Ugu dambeyn heshiiskan oo ahaa saddex geesood ayaa horey waxaa u wada gaaray Shirkada DP WORLD, Somaliland iyo Dowladda Itoobiy, waxayna DP WORLD maal-gashiga Dekedda Berbera ku leedahay saami dhan 51%. PUNTLAND POST The post C/RAXMAAN CIRRO: Cawaaqib xun ayaa laga dhaxlayaa Saldhigga Imaaraadka ee Berbera appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Waxaa maanta xariga laga jaray xaruunta Wasaaradda Warfaafnta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Xaig jarka waxa ka soo qeyb galay mas,uuliyiinta ugu sareysa maamuka koonfur galbeed oo uu ugu horeeyey maxadweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan, Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhuna, Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Wasiirka Warfaafinta iyo agaasimihiisa, xubno ka tirsan Golaha Shacabka Koonfur Galbeed, Odayaal dhaqameedyo iyo xubno badan oo kamid ah Ururada Bulshada Rayidka. Mas’uuliyintii meesha ka hadashay waxaa kamid ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, waxa uu goobta ka sheegay muhiimada ay leedahay xaruuntan Wasarada warfaafina oo uu ku tilmaamay in ay tahay Golihii nabadda lagana doonaya in ay ka qeybqaadato in dalkaan nabad lagu soo celiyo. Waxa kalo goobtaasi ka hadlay wasiirka Amniga koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed oo loo yaqaano Eelaay, waxa u dhankiisa amaan usoo jeediyey cidii suura galisay dhismaha xaruuntan Wasaaradda warfaafinfa KGS isagoona xusay in ay baahi u qabeen wasaarad warfaafin sababtuna uu ku sheegay in ay ahay isha kaliyah ee isku xiri kara iska war qabka shacabka iyo mas,uuliyiinta Koofur Galbeed. Waxaa kaloo goobtaasi ka hadlay Wasiirka Warfaafinta KGS Xasan Cabdi Maxamed waxa uu kaga warbixiyey madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan dadaalkii ay u galeen dhismaha xaruunta wasaaradda Warfaafina KGS, Arinta xiisaha leh ee uu ka hadlay wasiirka warfaafinta ayaa waxa ay ahayd isagoo la hadlay madaxweyne shariif xasan. ” Mudane madaxweyne tan iyo markii aad ii magacawaday xilkaan wasaaradda Warfaafinta waxa an orod dheer u galay in ay dowlada Koonfur Galbeed hesho Wasaarad Warfaafineed oo aan aaminsanahay in ay jirto baahi loo qabo waana ku guulasaney waa tan maanta aad adiga noo xarig jareyso, waxaa kaloo aan kuu sheegayaa mudane madxweyne xilku waa meerto wasiirkii ibadalaa waxa uu heli doonaa goob diyaarsan waayo xaruntaan ma aha xarun aan aniga leeyahay waa xarun ay leeyihiin shacabka Soomaliyed gaar ahaan reer Koonfur Galbeed”. ” Ugu danbeyn mudane Madaxweyne waxaan kaa codsaneynaa in aad nagala shaqeyso Horumarka Wasaaradda warfaafinta KGS”. Gabagabadii waxaa goobta ka hadlay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan waxa uu si weyn u soo dhaweeyey dhismahaan cusub ee wasaaradda warfaafina, isagoona xusay in Koonfur Galbeed ay Maanta heshay wasaaraddii ugu muhiimsaneyd, sababta uu muhiim ugu tilmaamayna uu ku sheegay in ay tahay meeshii lagu kala war qaadan lahaa in ay tahay. ” Waxaan aan ku celinayaa wasaaradan waa inoo muhiim sababtoo ah buu yiri Shariif Xasan war helaa talo hela waxaa kaloo tusaale usoo qaatay in ay galayaan shirka golaha wasiirada hadaan la sheegin micnaheedu waa wax kama jiraan kulankeena waayo anagaa qol ku wada hadalnay shacabkiina nama oga laakiin wasaaradda Warfaafina waxa ay awood u leedahay in ay daqiiqad warkeena ku gaarsiiso kumaan kun oo qof” . Ugu danbeyn madaxweynaha aya xariga ka jaray xaruunta Wasaaradda Warfaafinta Koonfur Galbeed isagoona qeyb qeyb u booqday xaruunta ay ka kooban tahay wasaaradda warfaafinta KGS.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeenii hore ku sheegnayba waxaa socda qorsho ay Xukuumada Somalia ku buuxineyso Kuraasta ka banaan Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia. Qorshaha lagu buuxinaayo kuraasta banaan ayaa la sheegayaa inuu dhaqan gali doono gudaha bishaan waa haddii aanu dhicin dib u dhac ka imaada dhanka Ra’isul wasaaraha. Warar hoose aanu helnay ayaa muujinaaya in Kuraasta banaan ay buuxin doonaan shaqsiyaad ka tirsan baarlamaanka Somalia, gaar ahaan Xildhibaanadii ka shaqeeyay dhicitaanka Guddoomiyihii hore ee BFS Jawaari. Xildhibaanada kasoo dhexmuuqan doona Xukuumada la dhameystiraayo kuraasteeda ayaa iminkaba gudbinaaya araajidooda, si ay u maraan fadhiga xulashada. Sidoo kale, qorshaha muuqda ayaa waxaa kamid ah in Wasiirada qaar ay weyn doonaan xilalkooda, kuwaa oo ay bedeli doonaan Wasiiro kale oo garab u ah dowlada iminka jirta. Wasiirada laga cabsi qabo inay weyn doonaan xilkooda ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo kiisas badan lagu heysto. Isbedelka la filaayo in lagu sameeyo Xukuumada Somalia ayaa waxaa dhowr jeer baajiyay culeysyo Xukuumada Somalia kasoo foodsaartay dhanka baarlamaanka Somalia oo iminka ay hanatay isla Xukuumada, kadib is casilaada Guddoomiyihii hore Jawaari. Si kastaba ha ahaatee, waxaa la filayaa in Xukuumada imaan doonta ay ka dhexmuuqan doonaan Xildhibaano dhowr ah oo kaalin weyn ku lahaa riditaanka Jawaari. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Over 630,000 people have been affected by floods after Shabelle and Jubba rivers breached their banks, UN said. Source: Hiiraan Online
-
NAIROBI (HOL) - UN expert has called an end to the use of minors in armed conflict in the Horn Africa nation. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa Xalay soo xiray shirkii ganacsiga ee ganacsatada Soomaaliya iyo Turkiga uga socday Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga. Shirkaan uu soo xiray Ra’iisul wasaare Kheyre oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay socday ayaa ujeedada laga lahaa waxa ay aheyd in lagu dhiiri geliyo ganacsatada turkiga in ay maalgashadaan dalka Soomaaliya, arintaas oo intii shirku socday aad loo falanqeeyay. Shirkan oo daba socday shirkii hore uga dhacay Magaalada Ankara ee isla dalka Turkiga ayaa ganacsatada Soomaaliya uga qeyb gashay waxaa hogaaminayay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, Mudane Maxamed Xayir Maareeye, ganacsatada Turkiga iyana waxaa hormuud u ahaa Mr. Deik oo Dalka Turkiga u qaabilsan hay’adaha xiriirka dhaqaalaha dibadda. PUNTLAND POST The post RW Kheyre oo Soo Xiray Shirka Ganacsiga Soomaaliya iyo Turkiga appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Ethiopia Abiy Ahmed, ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo Xubno ka tirsan maamulkiisa. Abiy Ahmed iyo Axmed Madoobe oo kulankooda uu qaatay muddo kabadan Saacad ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Maxamed Warsame Darwiish iyo Wasiirka Dastuurka Aadan Aw Xirsi. Ra’isul wasaare Abiy Ahmed iyo Hoggaamiye Axmed Madoobe ayaa kawada hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin Xiriir hoosaadka Ethiopia kala dhexeeya Jubbaland, Qoondada ay Ethiopia ku leedahay Heshiiska Dekkada Berbera, Khilaafka Somalia iyo Imaaraadka,Dib u habeen lagu sameynaayo Dastuurka Jubbaland iyo Tababaro la sheegay in Ethiopia ay siineyso ciidamada Jubbaland. Abiy Ahmed, ayaa Axmed Madoobe su’aalo badan ka weydiiyay dhammaan qodobada kor ku xusan, waxa uuna tilmaamay in Ethiopia ay xoojin doonto xiriirka kala dhexeeya Jubbaland. Abiy Ahmed, waxa uu sidoo kale Axmed Madoobe u ballanqaaday inay is garabtaagayaan, isla markaana ay kordhin doonaan Heshiisyada dhacay. Abiy Ahmed, waxa uu Madoobe usoo bandhigay ka qeybqaadashada xal u raadinta khilaafka ka dhashay Heshiiska Dekadda Barbera ee u dhexeeya Imaaraadka, Ethiopia iyo Somaliland, isla markaana kasoo horjeedo dowlada Somalia. Abiy Ahmed, waxa uu Madoobe u cadeeyay inay siin doonaan mudnaan gaara haddii uu ku baxo xalinta qodobka ay ka shakisan tahay dowlada Somalia ee khuseeya Dekadda Berbera, maadaama uu arrinku yahay mid ay wax ka qaban la’yihiin dowladaha carbeed. Axmed Madoobe, ayaa soo dhaweeyay dalabaadka kaga imaaday Abiy Ahmed, waxa uuna ballanqaaday inuu bixin doono juhdi ku saleysan sida ay dowlada Somalia ku hakin laheyd is hortaaga Heshiiska Dekadda Berbera. Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horeeyay ee maamul Goboled oo la kulma Ra’isul wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia Abiy Ahmed, waxaana sidoo kale la sugayaa in C/weli Gaas uu gaaro Addis Ababa. Si kastaba ha ahaatee, dowlada Ethiopia oo qeyb ka ah Heshiiska Berbera ee la hakiyay ayaa dadaal xoogan ku bixineysa sida ay dowlada Federaalka Somalia uga horgeyn laheyd Maamul Goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Maanta oo ku beegan 5-May ayaa waxaa Guud ahaan Ardayda Fasalka ugu dambeeysa ee dugsiga sare waxa ay u fadhiisanayaan Imtixaankii ugu dambeeyay. Ardayda ayaa sidoo kale galaya imtixaanka Dowlada Soomaaliya oo ay qaadeeyso wasaarada waxbarashada Soomaaliya. Muqdisho iyo xarumaha maamul goboleedyada ayeey si toos ah uga furmi doonaan maanta qaadista imtixaanada. Ardayda Magaalada Baled-weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaanan maanta galeeynin imtixaankaasi. Gudoomiyaha Waxbarashada Baledweyne Axmed Dhaqane Cali oo la hadlay Warbaahinta Gudaha Baledweyne ayaa sheegay in imtixaanku aysan u fadhiisan doonin Ardayda Baledweyne. Goobihii waxbarashada Baledweyne ayaa waxaa saameeyn ku yeeshay fatahaada wabiga oo biyo badan ku soo rogay magaaladaasi. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Imtixaanada Dugsiyada Sare ee Soomaaliya oo maanta loo fadhiisanayo iyo Reer Baled-weyne oo aan Galeeynin appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah Wadani ee maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, ayaa daboolka ka qaaday in Somaliland ay xiligaani marti galin doonto khatar kaga imaaneysa dhanka Saldhiga Berbera. Cabdiraxmaan Cirro, ayaa sheegay inay suuragal tahay in Somaliland ay sababsato dhismaha iyo shaqo galinta Saldhiga Berbera, waxa uuna qiray in Saldhiga uu halis muuqda ku yahay Somaliland, sida uu hadalka u dhigay. Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu sheegay in Somaliland laga doonaayo inay is weydiiyaan tan u roon dhaqaale Imaaraad iyo shacabkeeda, waxa uuna tusaale usoo qaatay go’aankii dhawaan uu Anwar Qarqaash isaga fogeeyay Somaliland. ‘’Maamulka hadda haya talada waxaa laga doonayaa inaanu fiirin dhaqaale oo ay fiiriyaan dhibta kusoo fool leh Somaliland, anigu waxaa ii muuqaneysa Somaliland oo lagu sii hogaaminaayo boholo mugdi ah, imaaraadkuna waxa uu eegan doonaa maslaxadiisa’’ Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu tilmaamay in adduunka oo idil laga hadal hayo Saldhiga Berbera, sidaa aawgeed ay wanaagsanaan laheyd in gabi ahaan meesha laga saaro arrinta Saldhiga. ‘’Saldhiga Berbera murankiisa ayaa nagu batay waxaan filayaa inuu noqon doono Xabsiga ugu cadaabta xun dunida, waayo intiisa badan waxaa laga dhigayaa Xabsiyo’’ Sidoo kale, Cirro, waxa uu ku baaqay in maamulka Muuse Bixi uu ka fiirsado ficilada kaga imaan doona Heshiiska Saldhiga Berbera. Haddalka Cirro, ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada Imaaraadka ay dhawaan inkirtay inay xiriir la leedahay maamulka Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Soomaaliland ayaa waxa ay sheegayaan in saakay fal geeystay qasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay magaaladaasi. Falkaan ayaa dhacay kadib markii ciidamada Soomaaliland saaka ay dad rayid ah ka rarayeen xaafada Qurac dheer ay dadkii ka dhaga adeegeen. Ciidamada ayaa dadkaasi u adeegsaday rasaas nool nool in ay ku rideen waxaana halkaasi ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac. Hal qof oo rayid ah ayaa geeriyooday ugu yaraan 2 ruux oo kalena waa ay ku dhaawacmeen rasaastaasi. Ciidamada ayaa dadka si awood ah uga raraya xaafadaasi oo daadad dad badan ay kal hore ku qaadeen xaafadaasi. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Ciidamada Soomaaliland oo Dad Rayid ah Dil iyo Dhaawac ugu geeystay Hargeysa appeared first on Puntland Post.
-
Thursday is graduation day at the University of Utah, and one of the student commencement speakers has quite the story: just five years ago she was in a refugee camp in Ethiopia. Hodan Abdi says her family arrived at the camp in 2008 after fleeing their home country of Somalia. In the refugee camp, she would wake up at 2 a.m. to study by candlelight, since she spent the day cooking and cleaning and helping take care of her family. “Day to day, you worry about where you are going to get water. When we first woke up, we had to travel (a) very long distance to get water from the reservoir. Getting water every day takes up a lot of time. Also getting charcoal, because we used charcoal to cook food. There was no stove,” said Abdi. “I have (the) motivation to work hard because I have a lot of friends who do not have a chance to go to school or do what they want to,” said Abdi. They were relocated to Utah in 2013. Abdi says it was overwhelming as they learned how to navigate the roads and so many other things. She enrolled in Salt Lake Community College before transferring to the U. But she did a lot of that alone. “When we first came here, my family moved to Minnesota after six months, so I was alone here. I was really lost,” she said, becoming emotional. “But now I know. I learned a lot, and got a lot of experience.” Abdi says she loved her chemistry and biology classes at the University of Utah and is grateful for the professors who helped her along the way. She has been accepted to medical school in Minnesota in the fall. She says she wants to work as a doctor in a refugee camp, and help others like her sister, whose baby died because of the poor medical care there. “My biggest inspiration comes from living in a refugee camp, where there was only one doctor for 10,000 people,” Abdi said. “There were so many people who would get sick and die from preventable diseases. I want to do something to help those people. I have all the opportunities I need here, so, why not?” The University of Utah asked her to be one of the commencement speakers after hearing her story. But Abdi says she is not the only one with challenges. “Here in the U.S. even, life is hard. I have my friends who struggle with school, and they have their own struggles. I feel like we have our own struggles, wherever we are.” Abdi says there were also challenges with being a woman seeking education, saying nearly 80 percent of her high school classmates were male, as most women her age got married and had children instead of pursuing school. “My mother always encouraged me to go to school and study because she didn’t have the opportunity to go,” Abdi said. “She always said education was my way out — my future. So, I’m not just doing this for myself. I’m doing it for people like my mother, my community and friends who didn’t get the chance to go to school. I want to do better for all of them.” “My life is so different than it was in the refugee camp,” she said. “There, you are trying to survive. Here, you get the opportunity to make your life better. Having access to education is like being rich.” Source: – KSL
-
NAIROBI, Kenya – At least four people were killed on Thursday night, in Mandera, in what authorities blamed on Al Shabaab. The four were attacked in Shimbir Fatuma area, a remote location in Mandera town bordering Somalia, according to police and local authorities. “They were killed at the quarry during the attack and we are pursuing the attackers,” Mohamud Saleh, North Eastern Regional Commander said. National Police Spokesman Charles Owino too confirmed the killings, and placed the toll at 4. “The four who were killed were businessmen who were located at the quarry and when the locals got wind of an imminent attack, they opted to remain in the area,” he said. A senior police officer on the ground who spoke on condition of anonymity said all those at the quarry were non locals. “The attack was targeting non locals and all those who died are not from here,” he said, “it is a similar attack those in the past when quarry workers were targeted.” He said police there had been reports of the attacks for the past week, “There was word around about an impending attack but no one knew exactly where. Security was beefed up but it is unfortunate they still managed to penetrate.” He said 33 others were rescued following the incident. A major security operation comprising the Kenya Defence Forces, Regular Police and police reservists were Friday morning deployed there to search for the attackes, believed to have escaped to Somalia. Source: – CAPITALNEWS
-
Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa soo xiray shirkii ganacsiga ee ganacsatada Soomaaliya iyo Turkiga uga socday Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga. Shirkaan uu soo xiray Ra’isul wasaare Kheyre oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay socday ayaa ujeedada laga lahaa waxa ay aheyd in lagu dhiiri geliyo ganacsatada turkiga in ay maalgashadaan dalka Soomaaliya, arintaas oo intii shirku socday aad loo falanqeeyay. Ra’isul wasaare Kheyre oo Khudbad ka jeediyay Shirkaasi ayaa waxaa uu sheegay in uu kaga mahadcelinaayo dadaalladda ay muujisay Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya. Kheyre waxaa uu Ganacsatadda dalka Turkiga uu ka codsaday in ay Soomaaliya maalgashi ay ku sameeyaan. Shirkan oo daba socday shirkii hore uga dhacay Magaalada Ankara ee isla dalka Turkiga ayaa ganacsatada Soomaaliya uga qeyb gashay waxaa hogaaminayay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, Maxamed Xayir Maareeye. Ganacsatada Turkiga iyana waxaa hormuud u ahaa Mr. Deik oo Dalka Turkiga u qaabilsan Hay’adaha xiriirka dhaqaalaha dibadda. Xiritaanka shirka kadib Ra’iisul wasaaruhu wuxuu wakhti la qaatay qaar kamid ah jaaliyadda Soomaaliya ee ku dhaqan dalkan Turkey isagoo markii dambe usoo amba-baxay Soomaaliya.
-
Warbixin: Hardanka ay dalalka gacanku ugu jiraan Soomaaliya
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Hardanka loogu jiro sidii deked loo heli lahaa ayaa ka socda mid ka mid ah meelaha aysan u badnayn inuu ka dhaco ee dunida, waana Soomaaliya. Iminka wuxuu abuuray halgan dhinaca gobolka ah oo u dhexeeya Sacuudiga iyo Iimaaraadka oo dhinac ah iyo Qatar oo Turkiga taageero ka helaysa oo dhinaca kale ah. Arrinta xuddunta u ah ma aha oo qura biyaha saxmadda badan ee Soomaaliya, laakinse waa degenaanshaha mustaqbalka waddanka qudhiisa. Tobanaan sano ayey dagaallo ka socdeen Soomaaliya, ilaa iyo dhowrkii sano ee u dambeeyey, markaasoo ay halgan u gashay inay soo jiidato maalgashi shisheeye. Laakinse xafiiltanka ka socda gana biyoodka carabta ayaa saamayn xoog leh ku yeeshay Soomaaliya. Dekedaha Sannad ka hor, shirkad ay leedahay xukuumadda Iimaaraadka Carabta ayaa heshiis ku kacaya £336 malyan oo doollar saxiixday, kaasoo lagu balaarinayo dekedda Boosaaso. Muddo sannad ka yar xilligaas, ayaa shirkad iyadana laga leeyahay Iimaaraadka waxay la wareegtay gacan ku haynta dekedda Berbera, waxayna ku yaboohday $440 malyan oo doollar oo lagu horumarinayo. Bishii Maarso, Itoobiya ayaa qayb laga siiyey dekedda. Isla wakhtigaas, Turkiga oo gacan saar la leh Qatar oo ay is hayaan Iimaaraadka ayaa Soomaaliya ka waday maalgashiyo balaayiin doollar ku kacaya. Shirkad Turki ah ayaa maamulaysay dekedda Muqdisho tan iyo 2014, ayadoo shirkado kale oo Turki ah ay dhiseen jidad, iskuullo iyo isbitaallo. Xafiiltanku wuxuu aad u sii xoogaystay wixii ka dambeeyey Juun, markaasoo dalalka carbeed ee awoodda leh oo Sacuudigu uu hor kacayo ay badankood xiriirkii diblomaasiyadeed u jareen Qatar, ayagoo ku eedeeyey inay taageerto Iiraan iyo mintidiin islaamiyiin ah. Cadaawadaas waxay sare u sii qaadday damaca ah gacan ku haynta geeska Afrika iyo biyihiisa, sida ay sheegayaan diblomaasiyiin, ganacsato, aqoonyahanno iyo saraakiil Soomaali ah. Soomaaliya waxay aad ugu dhow dahay marinnada muhiimka u ah saliidda, dekedaheedana waxay adeeg siin karaan Itoobiya oo aan deked lahayn, ayna ku nool yihiin ilaa 100 malyan oo qof. Dalalka khaliijka waxay muddo qarniyaal ah xiriir ganacsi iyo mid diimeed la lahaayeen Soomaaliya, laakin xiriirradaas waa kuwo sammada ku laalan bacdamaa ay xafiilatnno cusub soo baxeen. “Soomaaliya waxay dhexda u gashay dadaal la doonayo in lagu balaariyo samaaynta ganacsi iyo tan milateri ee xeebta” sidaa waxaa yiri Rob Malley, guddoomiyaha hay’adda caalamiga ah ee xasaradaha. Waxbarashada, iyo gargaarka bani aadminimo Sacuudiga iyo Iimaaraadka waxay si isa soo taraysa u eegayaan xeebta Soomaaliya – Jabuuti iyo Eritrea oo ka xiga waqooyina – waxay u arkayaan “amaanka geestooda galbeed” sida laga soo xigtay diblomaasi reer galbeed ah oo ka hawl gala geeska Afrika. Qatar iyo Turkiga oo maalgashigooda uu yaallo meel kasta oo Muqdisho ah, waxay diiradda ku hayaan taageeridda Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo. Isaga iyo agaasimihiisa madaxtooyada waxaa Soomaaliya gudaheeda iyo diblomaasiyiinta reer galbeedkuba ay aad ugu arkaan inay daacad u yihiin Qatar, ka dib markii ay dhaqaale ka heleen ololahoodii doorashada ee 2017. Sarkaal reer Qatar ah ayaa u sheegay wakaaladda Reuters in Dooxa ay $385 Malyan oo Doollar ku bixisay kaabayaasha, waxbarashada, iyo gargaarka bani aadminimo ee dawladda dhexe. Sarkaalku wuxuu sheegay in heshiis toos loola galo dawlad goboleedyada Soomaaliya, sida Iimaaraadkuba uu sameeyey, ay tahay mid wiiqaysa dawladda dhexe. Wasiirka Maaliyadda ee soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa taas ku raacsan. “Gobolka khaliijka lacag badan ayaa taalla, hadday doonayaan inay maalgashadaanna gacmo furan ayaan ku soo dhoweynaynaa” ayuu yiri “laakin waa su’aal ah in laga soo galo irridda saxda ah”. Xukuumadda Federaalka ee Muqdisho waxay in badan is fahami la’aayeen Puntland iyo Somaliland. Somaliland waxayba u dhaqantaa sidii dal madax banaan, waxayna muddo sanooyin ah baadigoobaysay inay ka go’do Soomaaliya, laakinse kuma guulaysan aqoonsi caalami ah. Saamaynta Dhaawaca leh Muddo laga joogo in ka yar 10 sano, ma jirin wax dan ganacsi ah oo laga lahaa Soomaaliya. Taas waxay billowday inay is beddesho sannadkii 2011, markaasoo Al Qaacida oo taageeraysa Al Shabaab ay dib uga gurteen Muqdisho. Bilooyin ka dib turkiga ayaa wuxuu bilaabay gargaar wax looga qabanayo gaajada, taasina waxay irdaha u furtay mashaariic ka dhigay Turkiga inuu noqdo maalgaliyaha shisheeye ee ugu weyn Soomaaliya. Xukuumaddu waxay rajeynaysaa malgashi cusub, gaar ahaan dhinaca kaabeyaasha, kuwaasoo gacan ka siin kara waddanka dhinaca dib u dhiska. Hanaan canshuur qaadid oo hufan wuxuu sare u qaadi u qaadi karaa dakhliga xukuumadda, laakinse taasi waxay dabooli kartaa oo kaliya mushaaraadka shaqaalaha dawladda. Dhaqaale aad u badan ayaa loo baahan yahay marka alaga hadlayo waddooyin, iskuullo iyo waxyaabaha kale ee daruuriyaadka ah. Dalalka bariga dhexe iyo hay’adaha khayriyaadka qaar lacagtaas ka mid ah way bixin karaan. Sidaasoo ay tahay, lacagtu waa mid khalkhal galin karta dalka, siina fogeyn karta dareenka u dhaxeeta xukuumadda dhexe oo la dhinac ah Turkiga iyo Qatar, iyo Puntland iyo Somaliland oo labadaba dhaqaale ka hela Iimaaraadka. “Maalgashiyadaas waxay saamayn dhaawac leh ku leeyihiin deganaanshaha siyaasadeed, waxayna sii murjinayaan xiriirka u dhaxeeya xukuumaddeena federaalka iyo gobollada” sidaa waxaa yiri Xuseen Sheekh Cali oo ahaa la taliyii hore ee amaanka qaranka. “Tani waa mid keeni karta mushaakil dastuuri ah oo Al Shabaab oo kaliya ay ka faa’iidi doonaan” ayuu sii raaciyey. Xasaradda ka aloosan khaliijka waxay sii fogaysay xiisadda ka jirta Soomaaliya. Xukuumadda dhexe waxay qaadatay mowqif dhexdhexaadnimo, taasina waxay ka caraysiisay Iimaaraadka iyo Sacuudiga oo taageera Puntland iyo Somaliland. “In laga baxo qaskan waa mid aad u adag” ayuu yiri Xuseen Sheekh, “haddii aan midnimo la helin kama bixi karno ayuu sii raaciyey”. Dalalka galbeedku waxay ka cabsi qabaan in is qabqabsiga Waddamada khaliijka ee ay isku haystaan Soomaaliya ay gees u riixi karto dadaalkii balaayiinta Doollar ay ku baxday ee qaramada midoobay ay hogaaminaysay, kaasoo dib loogu dhisayo ciidan milateri, ka hor inta aysan sannadka 2020 dalka ka bixin ciidanka nabad ilaalinta ee midowga Afrika. Mushaakilka siyaasadeed ee ka dhex oogan Muqdisho iyo maamullada gobollada ayaa ah mid wiiqaya dadaalka ay xukuumaddu ku doonayso inay ku xoojiso hanaankeeda dhaqaalaha iyo taabba gelinta hawlaha horyaalla. Mushkilad Xiisadda ka jirta khaliijka waxaa laga dareemay gudaha Soomaaliya. Bartamihii Abriil, Soomaaliya iyo Iimaaraadka waxay joojiyeen iskaashigii milateri. Tan iyo 2014, Iimaaraadka carabta wuxuu tababaray oo mushaar siinayey askar Soomaali ah oo Muqdisho joogta, wuxuuna Puntland ka dhisay ciidan burcad badeedda la dagaallama. Boqolaal hub ah ayaa laga bililiqaystay xarunta tababarka ee Muqdisho markii la xirayey. Tani waxay timid ka dib markii ciidanka amaanka ee Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen ku dhawaad $10 malyan oo Iimaaraadku dayaarad ku keenay si loo siiyo askarta, waxaana muddo gaaban la xayiray dayaaraddii lacagtaas keentay. Iimaaraadku wuxuu kaloo xiray isbitaal bixin jiray adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah. Todobaadkii hore, saraakiil ka socotay Puntland ayaa safar ku tegey Dubai si ay ula kulmaan dhigooda Iimaaraadka carabta iyo shirkadda P&O oo ah shirkadda horumarinaysa dekedooda. “In lagu maalgashado malaayiin Doollar Soomaaliya wakhtigan xasaasiga ah waa mid muhiim noo ah” ayuu yiri madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas. Sidoo kale, saraakiil ka socotay Somaliland ayaa waxaa todobaadkii hore martiqaaday diblomaasiyiin Iimaaraadka carabta ka tirsan, si ay uga wada hadlaan “sare u qaadidda xiriirka laba geesoodka ah”. “Soomaalida qudheeda cayaartaan sidii jar-ka-booddada ah ee Soomaaliya ay noqotay garoon uu ka socdo dagaalka khaliijka ayaa ah akhbaar xun” sidaa waxaa yiri Harry Verhoeven oo brofessor ka ah jaamacadda Georgetown ee Qatar. Isha: BBC -
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hey’adda nabad sugidda qaranka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), oo muddo toddobaad ah ku sugan dalka Itoobiya, ayaa warar kala duwan kasoo baxaayaan qorshaha safarkiisa. Sanbaloolshe oo noqday mucaarad tan iyo markii xilka laga qaaday, ayaa la rumeysan yahay in uu kulamo gaar ah la yeeshay sirdoonka Itoobiya, isla markaana la wadaagay warbixinno la xiriira sirdoonka iyo howlaha amniga Soomaaliya. Lama hubo qorshihiisa rasmiga ah ee booqashadiisa Itoobiya, balse warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Sanbaloolshe uu doonaayo in saaxiibtinnimo cusub uu la sameysto Itoobiya iyo Imaaraatka, si markale uu uga soo muuqdo masraxa sare ee siyaasadda Soomaaliya. Waxaa lala xiriiriyaa in uu xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo sirdoonka Itoobiya, iyadoo la ogyahay in si dhow ay u wada-shaqeyn jireen xilligii uu ahaa taliyaha nabad sugidda Soomaaliya. Booqashadiisa Itoobiya ayaa imaaneyso xilli uu dhowaan sidoo kale kulamo gaar gaar ah la yeeshay saraakiil ka tirsan sirdoonka Imaaraatka Carabta. Sanbaloolshe oo hadda aad ugu kacsan dowladda hadda jirta, ayaa horey u noqday wasiir, xildhibaan, safiir iyo taliyaha nabad sugidda Soomaaliya.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Puntland Cabdiwali Gaas ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisa uu isku diyaarinaayo doorasho dhacdaa xiligeeda. Gaas, waxa uu sheegay in qorshaha hadda u degsan maamulkiisa uu yahay inaan dib u dhac lagu sameyn xiliga doorashada, balse ay noqon doonto keliya mid ka adag kuwii hore. Waxa uu Cabdiwali Gaas, tilmaamay in doorashada soo socta ay noqon doonto mid looga danbeyn doono Guddiga la filaayo in loo xilsaari doono, si loo muujiyo kala danbeyn. Gaas ayaa sheegay in Puntland ay ka dhici doonto isbedel doorasho sidii ay horay ugu dhacday oo kale, waxa uuna farta ku goday inay wax dooran doonaan 66 Xubnood ee uu ka kooban yahay waqtigaan baarlamaanka Maamulka Puntland. Gaas, aya sidoo kale waxa uu sheegay in guddiga doorashooyinka ay ka sugayaan jawaabta nooca doorashada ee ka dhici doonta Puntland, isla markaana ay xilligaan ku mashquulsan yihiin guddigaas. ‘’Guddiga imaanaya ayaa looga danbeyn doonaa Doorashada waxaan musharaxiinta u sheegeynaa inay dhowraan nidaamyada maamulka’’ Haddalka Cabdiweli Gaas, ayaa kusoo beegmaaya xili uu maamulka doorasho uu gali doono sanada 2019 oo fooda nagu soo heysa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee maamulka Galmudug ayaa sheegaya inuu jiro KHilaafu dhexeeya Madaxda maamulka. Khilaafka ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay ku dhaqanka Dastuurka maamulka iyo qodobada lagu soo heshiiyay shirka madaxda maamulka ugu soo dhamaaday dalka Jabuuti. Khilaafka xoogiisa ayaa la sheegay inuu yahay mid u dhexeeya Hoggaamiyaha maamulka iyo Madaxa Xukuumada Sheekh Shaakir, kadib markii lagu fashilmay dhaqaajinta Heshiiska. Waxyaabaha leysku khilaafsan yahay ayaa waxaa kamid ah Habka qeybsiga ciidamada iyo goobaha uu maamulka ku shaqeyn doono, waxa uuna khilaafkaani u muuqdaa mid waxbadan qasi doona. Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Shaakir ayaa isaga qaba shakiga ugu badan waxa uuna goor hore sheegay in Galmudug aysan diyaar u aheyn in lagu shaqeeyo Heshiiskii lagu gaaray dalka Jabuuti. Sheekh Shaakir ayaa qarka u saran inuu dib ugu laabto maamulkiisa Ahlusunna ee uu kusoo biiriyay Galmudug, waxa ayna tani cirka kusii shareereysaa khilaafyadii laga soo gudbay. Sidoo kale, Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir, ayaa sheegay in qodobadii heshiiskaas ee la jebiyey ay ka mid ahaayeen in la badiyey tirada xildhibaannada ee Maamulka Galmudug in Madaxda Galmudug uu waqtigoodu yahay Afar Sano oo hadda hal Sano kaliya ay ka harsan tahay balse ay u muuqato in Afar kale ay doonayaan in ay sii maamulaan Galmudug. Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Dastuurka Galmudug ee shalay xildhibaannada loo qeybiyey intiisa badan ay ku jiraan qodobo aan macquul aheyn,isla markaana qaarkood aan waafaq saneyn Dastuurka Soomaaliya sida horay loogu heshiiyey. Waxa uu intaa raaciyay in khilaafka jira uu qeyb ka yahay hab qeybisigii Beelaha oo aan sidii saxda aheyd an loo marin,isla markaana Beelo qaarkood horay u lahaa 8 Xildhibaan hadda lasiiyey 16 xildhibaan. Ma cadda sida ay dowlada Federaalka ah ee Somalia uga qeybqaadan laheyd xalinta khilaafka kasoo cusboonaanaya maamulka Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin kasoo baxday dowlada Pakistan ayaa waxaa lagu beeniyay warar sheegaya inay dowlada Mareykanka ku wareejisay Dhakhtarkii fududeeyey dilkii Osama Bin Ladin. Dowlada Pakistan ayaa sheegtay inaanu jirin xaqiiq muujineysa wareejinta dhakhtarkii Shakil Afridi oo Sirdoonka Maraykanka CIA u fududeeyey inay dilaan hogaamiyihii Al Qacida Osama Bin Ladin. Pakistan waxa ay sheegtay inay jiraan warar ay baahiyeen warbaahinta caalamka taa oo muujineysay in dowladu ay Shakil Afridi ku wareejisay Mareykanka. Dowlada Pakistan ayaa sheegtay inay kaalin ku laheyd keliya talaabo dhowr sano ka hor lagu qabtay Dr. Shakil Afridi, kadib hawlgalkaasi ayey dowlada Pakistaan xabsiga ku dhigtay Dr. Shakil Afridi oo ugu danbeyntii lagu xukumay 23 sano xabsi ah. Dowlada Pakustan waxa ay sheegtay in Dr. Shakil Afridi xiligaa uu ahaa mid ku eedeysnaa gacan siinta kooxda hubeysan ee lagu magacaabo Lashkar-e-Islam. Inkastoo aan lagu soo oogin wax danbi ah oo la xariira kaalintii uu ku lahaa dilkii Osama Bin Ladin. Pakistan ayaa 27kii bishii hore ee April ka wareejisay dhakhtarkan xabsigii lagu hayey taasi oo keentay shaki badan iyo qaar kamid ah saxaafada dalkaasi oo sheegay in ninkaasi lagu wareejinayo Dowlada Maraykanka oo marar badan ka codsatay Pakistan in ninkaasi lagu soo wareejiyo. Sidoo kale, dowlada Pakistan ayaa sheegtay in Dr. Shakil Afridi uu la shaqeenayey sirdoonka CIA, isla markaana sanadkii 2011 baaritaan caafimaad ku sameeyey qaar kamid ah qoyska Osama oo ku dhuumaaleysanayey magaalada Abbottabad ee dalka Pakistaan. Afhayeen u hadlay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Pakistan ayaa sheegay inaysan jirin heshiis qarsoodi ah oo dhexmaray Pakistan iyo Maraykanka, isla markaana ninkaasi aan lagu wareejin doonin Maraykanka. Qorshaha baaritaanka ayey sheegtay inuu ahaa si haybtooda loo aqoonsado, kahor intaan ciidamada Maraykanka weerarka ku qaadin gurigii ay ku dhuumanayeen Osama Bin Ladin iyo qoyskiisa. Si kastaba ha ahaatee, dowlada Pakistan ayaa qoraalkeeda ku beenisay wararka muujinaaya in Dr. Shakil Afridi ay ku wareejisay dowlada Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online): Waxaa xalay iyo caawa ka socda magaalada Muqdisho qeybinta lacag laga soo qaaday shalay safaradda Imaaraadka ee magaalada Muqdisho taasoo lagu abaal marinayo qaar ka tirsan xildhibaannadii codka siiyay Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow. Shariif Xasan Sheekh Aadan oo lacagtan ay ku wareejisay Safaaradda Imaaraadka ayaa u wakiishay qeybinteeda Xildhibaan Maxamed Jama Mursal Geelle, oo hore usoo noqday Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, xiriir dhawna laleh Dowladda Itoobiya. Xildhibaan Geelle, oo inta aanu siyaasadda Soomaaliya soo gelin, hore u ahaa sarkaal ku matala Dowladda Itoobiya Ururka IGAD, ayaa dhawr Xildhibaan noo xaqiijiyeen in lacagahan uu qeybinayo looga gol leeyahay in lagu dhiso kutlo ay ku midaysanyihiin xildhibaannada siyaasad ahaan kasoo horjeeda Xukuumadda. Lacagaha uu Xildhibaan Geelle qeybinayo ayaa loo kala badiyay xildhibaannada iyada oo kan ugu sarreeyo la siiyay 15 kun, qaarkood 10 kun, kuwa ugu yarna 5 kun oo Doollarka Mareykanka ah. “Waxaan xalay tagnay guriga Xildhibaan Geelle annaga oo 3 xildhibaan ah, waxaana nala siiyay xildhibaankiiba 5 kun oo Doollar. Balse waxaa la yaab nagu noqotay markii aan ogaannay xildhibaanno saaxiibadeenna ah oo la siiyay caawa 15 kun kiiba.” Sidaas waxaa Caasimadda Online u sheegay xildhibaan diiday inaan magaciisa xusno. Tallaabadan cusub ayaa muujineysa wajiga cusub ee uu yeelanayo dagaalka ay Dowladda Imaaraadka Carabta ku dooneyso in ay ku kala dhantaasho midnimada Golaha Shacabka iyo wada shaqeynta laamaha fulinta iyo sharci dejinta. Dhanka kale, waxaa usbuucyadii lasoo dhaafay booqasho ku tagay magaalada Dubai Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland oo kamid ah dadkii dabada ka riixayay ololaha ay Imaaraadku ku doonayeen in lagu doorto Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow. La soco wixii arrimahan kasoo kordha Caasimadda Online.
-
Chinese personnel at the country’s first overseas military base in Djibouti have been using lasers to interfere with US military aircraft at a nearby American base, activity that has resulted in injuries to US pilots and prompted the US to launch a formal diplomatic protest with Beijing, two military officials told CNN. The US issued a notice to airmen “to exercise caution when flying in certain areas in Djibouti,” which “was issued due to lasers being directed at US aircraft on a small number of separate occasions over the last few weeks,” according to the notice obtained by CNN. “During one incident, there were two minor eye injuries of aircrew flying in a C-130 that resulted from exposure to military-grade laser beams, which were reported to have originated from the nearby Chinese base,” the notice said. Two US military officials told CNN that the issue was of major concern as such activity can cause major accidents. The officials said that the State Department had lodged a formal diplomatic protest with Beijing in an effort to get China to stop the activity. Chief Pentagon spokeswoman Dana White confirmed the incidents later on Thursday, saying the United States has “formally demarched” the Chinese government over the incidents and has “requested” that the Chinese launch their own investigation of the situation. “This activity poses a true threat to our airmen,” White said, later saying that the incidents had grown increasingly serious over the last few weeks. A US defense official told CNN that the US military also believes the Chinese use similar lasers to interfere with US aircraft in the South China Sea. Last month the US military was forced to briefly halt air operations in the East African nation of Djibouti, a critical location in the fight against terrorism, following a series of accidents involving aircraft. The halting of air operations was done at the request of Djiboutian government. There are about 4,000 US personnel in Djibouti, based at Camp Lemonnier. The US military places a lot of importance on its ability to base forces in Djibouti given its critically strategic location near countries like Somalia and Yemen, where the US regularly targets terrorists in airstrikes. But US officials have recently expressed concern about the growing influence of China in Djibouti, noting its establishment of its first military base there and its close economic links with the country. Gen. Thomas Waldhauser, who oversees US Africa Command, acknowledged both challenges during an appearance before Congress in March. “We are taking significant steps on the counterintelligence side so that we have all the defenses that we need there, there is no doubt about that,” said Waldhauser, referring to the proximity of the new Chinese base. Source: CNN
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in dhaawac culus uu soo gaaray Taliye ku-xigeenka ciidamada Booliiska maamulka Puntland Bile Faarax Cali. Taliye ku-xigeenka, ayaa ku dhaawacmay iska hor imaad duleedka magaalada Garoowe ku dhexmaray ilaaladiisa iyo ciidamo kale. Is rasaaseynta uu ku dhaawacmay Taliye ku-xigeenka ayaa la xaqiijiyay inay timid kadib markii ay kala shakiyeen labada ciidan, waxaana sidaa ku dhacay is tasaaseynta. Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliiska maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay dhaawaca taliye ku-xigeynka ciidamada Booliiska Puntland Bile Faarax Cali. Sarkaalkan ayaa intaa ku daray in dhaawaca taliye ku-xigeenka Booliska Bile Faarax Cali lagu daweynayo Isbitaalka magaalada Garowe. Si kastaba ha ahaatee, mas`uuliyiinta gobolka iyo laamaha amaanka ee Puntland ayaan wali ka hadlin dhacdadaan maanta ka dhacday duleedka magaalada Garowe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
China rejects US military claims of laser attacks on pilots
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Beijing, which operates a naval base in the Horn of Africa country, denied accusations that Chinese personnel have targeted US pilots with the beams. Source: Hiiraan Online