Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,125
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xarunta hay’adda shaqaalaha rayidka ee dawladda Puntland ayaa maanta lagu qaaday imixaankii afka ahaa (Interview)-ga ee loogu tartamayey qofka noqon doona agaasimaha guud ee Mac-hadka Tababarrada shaqaalaha rayidka ah ee dawladda. Tababarka ayaa waxaa soo xaadiray dhammaan tartaayaashii iyadoo si toos ah loo weydiinayey su’aalo afka ah oo la xiriira aqoonta iyo khibradda ay u leeyihiin arrimaha la xiriira maamulka iyo kor u qaadista aqoonta shaqaalaha dawladda. Imtixaankaan afka ah ayaa waxaa qaadayey guddi kala duwan oo loo xilsaaray inay ilaaliyaan bed-qabka imxaanka bulshadana kalsoonidooda ilaaliyaan isla markaana ay daacad ka ahaadaan habsami usocodka imtixaanka. Guddigaas ayaa waxaa ka mid ahaa Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda shaqaalaha rayidka ah Jaamac Xirsi Faarax, Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Cabdinaasir Biixi Soofe, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo SHaqaalaha Axed Cabdalle Tigaana, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshayn Xuseen Cabdi Jaamac, Guddoomiyaha Jaamacadda Puntland State Maxmuud Sheekh Xaamud, Yusuf Daahir oo ka tirsan Xafiiska mashruuca ee PCU iyo Abdalla Mutawafi oo ka socdey Baanka adduunka. Qaabkan cusub ee loo qaadayo imtixaanka shaqaalaha dawladda ayaa guud ahaanba ka duwanaa sidii markii hore loo qaadi jirey imtixaanka shaqaalaha, sidoo kale tartamayaashii ka qayb qaatay Imtixaanka ayaa aad u ammaanay qaabkan cusub ee ay shaqadu u socotey iyagoo xaqiijiyey inay kalsooni buuxda ku qabaan natiijada la filayo inay kasoo baxdo. The post Xubno u tartamayey cidda noqonaysa Agaasimaha Mac-hadka shaqaalaha Puntland oo maanta laga qaaday Imtixaankii Afka ahaa appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta Daah furay Diiwaan-galinta Ciidamada Xooga Dalka oo markii ugu horeysay Taariikhda Soomaaliya Askari walbo Mushaarkiisa uu ku qaadan doono Akoonkiisa gaarka ah. Arintaan oo uu hormuud ka yahay Wasiir Beyleh ayaa ujeedkeedu waxa uu yahay in laga gudbo Nidaamka Lacagaha Kaashka ah gacanta loogu qeybiyo Ciidamada taasoo mudooyinkii lasoo dhaafay la isticmaalayay. Wasiirka Maaliyadda Dr C/raxmaan Ducaale ayaa tilmaamay hadii tilaabadan si rasmi ah loogu guuleysto in ay noqon doonto mid waxbadan ka badasha baahida Ciidanka ay u qabaan helida mushaar joogta ah. Diwaangalinta Ciidamada Xoogga Dalka ee Xisaabta shaqsiyadeed waxaa si gaar ah maanta loogu bilaabay Ciidamada Milatariga Guutada Madaxtooyada. Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga dalka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka hadlay dareenkood ku aadan nidaamkaan cusub ee Dowladda Soomaaliya Akoonada ugu fureyso Ciidamada Xoogga dalka,waxayna sheegeen iney tahay talaabo horay loo qaaday oo dhiira gelineysa Ciidamada habeen iyo maalin u soo jeeda difaaca dalkooda. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaalo lagu ciribtirayo hanaanka masuq maasuq oo mudo badan soo hareeyay dalka,waxaana hadda muuqanaya ifafaalo Qorshe cad ah looga gaarayo masuq maasuqa. Hoos Ka Daawo Sawirrada
  3. Xerada 54 aad Ee Garowe waxaa lagu qabtay Xaflad lagu wareejinayay ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Puntland, oo la sheegay ay ku biireen Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed. Ciidankaan oo tiro ahaan gaaraya 2,400 oo Askari, ayaa qayb ka ah ciidama laga qorayay Maamulada xubnaha ka ah Dawladda federalka dhexe, waana heshiis horey loo kala saxiixday oo ku saabsanaa isku dhafka ciidamada Soomaaliya. Sareeyo Guud Siciid Maxamed Xirsi Siicd dheere oo Taliyaha Guud Ciidamada difaaca Puntland ayaa sheegay Ciidamada Puntland ku wareejisay dawlada dhexe gaar ahaan Wasaarada gaashaandhiga Somaliya inay ka yimaadeen ciidamada Puntland oo dhexdooda laga soo xulay, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in ciidankaani yihiin, ciidankii xooga Puntland ee ku sugnaa xertaha difaaca. Wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhiga dowladda federalka Soomaaliya, Maxamed Cali Xagaa, ayaa sheegay maanta laga bilaabo in ciidanka Daraawiishta Puntland ay kamid ahaandoonaan ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayna dowladda federalku la wareegidoonto dhammaan wixii xuquuq ah oo ay ciidankaan leeyihiin. Wasiir udowlaha gaashaandhiga ayaa ciidankaan u sheegay inay sii labo jibaaraan dagaalka ay kula jiraan cadowga Puntland ee nabad-diidka ugu horeeyaan, wuxuuna sidoo kale uga digay inay ka qeyb qaataan colaadaha sokeeye. Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakim Camey ayaa sheegay in waqti badan soo qaataday in la diyaariyo ciidamada ay wareejinayaan isaga oo intaasi ku daray in maanta laga bilaabo mushaarkooda iyo masuuliyadda ciidamadan ay leedahay Dawladda federalka Soomaaliya. Dowladda Puntland ayaa noqonaysa Maamulkii ugu danbeeyay ee wareejiya ciidamo ay qoraysay dawladda dhexe ee federalka, taasoo qorshuhu ahaa in Maamul kasta laga helo 3000 oo Askari. Goobjoog News Source
  4. Magaalada Garowe ee caasumada dowlada Puntland ayaa maanta lagu qabtay munaasabad dowladda federalka Soomaaliya kula wareegtay 2400 (laba kun iyo afar boqol) oo askari,kuuwaasoo laga soo xulay ciidanka Daraashiista Puntland. Munaasabadda oo lagu qabtay xerada Gen.Maxammed Dirir Ex 54 aad ee duleedka Garoowe ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland mudane C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camay Wasiiru dowlaha wasaaradda Difaaca Soomaaliya,wasiirka Amniga Puntland ,taliyaha guud ee ciidanka Daraawiishta Puntland iyo mas’uuliyiin kale. Taliyaha ciidamada Difaaca Puntland S/guud Siciid Maxammed Xirsi(Siciid dheere) ayaa munaasabadda ka sheegay in ciidankaan laga soo xulay Daraawiishta Puntland,islamarkaana mas’uuliyadoodu ay ku wareegtay dowladda Federaalka. Wasiir-dowlaha Wasaaradda Difaaca Soomaliya oo ciidanka la wareegay ayaa ku boorriyay in ay laba-jibaaraan dagaalka looga hor jeedo wax uu ku tilmaamay”cadowga umadda Soomaaliyeed”,wuxuuna uga digay in ay ku dhex milmaan dagaallada sokeeye ee dalka. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar oo ciidanka ku wareejiyey wasiiru-dowlaha difaaca Soomaaliya ayaa sheegay in hawl badan laga soo maray soo xulidooda Halkaan ka daawo. PUNTLAND POST The post Daawo: Puntland oo Laba kun iyo afar boqol oo askari ku wareejisay dowladda Federaalka Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.
  5. Mogadishu, Somalia, 30 November 2017– The World Health Organization (WHO) in cooperation with the Somali Federal Ministry of Health (FMOH) has concluded in Mogadishu today a five-day national cascade training on management of Severe Acute Malnutrition (SAM) with medical complications. This cascade training which marked the participation of 24 health workers from 12 nutritional stabilization centers in Somalia aimed at improving the quality of services in nutrition stabilization centers and reducing the mortality rate resulting from the mismanagement of SAM cases. The training focused on the management of sever acute malnutrition with complications including preparation of the therapeutic milk (F-75, F-100) using local available ingredients in case of stock out of F-75 and F-00. Participants were also trained on the management of cholera in severely malnourished children in accordance with WHO guidelines and technical recommendations. “More than 1.4 million children in Somalia are still under the threat of acute malnutrition,” said Dr. Ghulam Popal WHO Representative in Somalia. “WHO will continue supporting the Federal Ministry of Health with the trainings and technical advice required to build the national health capacities and enable them manage the various malnutrition cases with medical complications,” he added. The trend of acute malnutrition from 2014 to 2017 is reflecting a clear deterioration in the nutrition status of the population. The current draught crisis has increased the Global Acute Malnutrition (GAM) percentage from 12% in 2014 to 17.4% in 2017. As of October this year, a total of 388,000 children were reported with acute malnutrition while 87,000 were classified with severe acute malnutrition. According to the nutrition cluster, these figures are likely to increase by more than three folds in 2018. Since September 2017, WHO has conducted two TOT and two cascade training courses on management of acute malnutrition with medical complications for a total of 75 participants from different parts of Somalia. The trainings were part of a program designed by WHO in coordination with the local health authorities and nutrition cluster to respond to the draught crisis and build the capacity of the Ministry of Health nutrition cadres to expand the training program using national facilitators. To maintain its health care delivery services and emergency response activities all over Somalia, WHO will need to fill the funding gap of US$5 million with the beginning of 2018. So far, WHO has been able to support its first-line health response program in Somalia through generous contributions from The Government of Germany, The Government of Japan, The Vaccine Alliance (GAVI), The Polio Global Eradication Initiative, The UN Central Emergency Relief Fund (CERF), and the UK Department for International Development (DFID).
  6. Shirkaan oo muddo saddex maalmood ah ka soconayey xarunta Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa waxaa lagu lafo gurayey natiijadii kasoo baxday barnaamijkii tiro koobka shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Puntland. Guddiga tirokoobka shaqaalaha dawladda ayaa soo bandhigay xog rasmi ah oo muujinaysa shaqaalaha rayidka ah ee dawladda kuwaas oo ku kala sugan dhammaan xarumaha gobollada iyo caasimadda sidoo kale waxay soo bandhigeen sidii ay u diiwaan geliyeen shaqaalaha dawladda iyagoo sheegay inay qof walba ka qaadeen sawir, suul iyo saxiix isla markaana ay u sameeyeen aqoonsi xaqiijinaya shaqada rasmiga ah ee uu qofkaasi u hayo xarunta uu ka shaqeeyo. Sidoo kale shirkaddii kala shaqaynaysay guddiga dhinaca fasmada iyo diiwaan gelinta ayaa iyadana aad loo bogaadiyey maadaama ay shaqo ballaaran la soo qabatay guddiga taas oo aan suuro gal noqototeen shirkadda la aanteed. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Axmed Cabdalle Tigaana oo munaasabaddii xiritaanka shirka hadal ka jeediyey ayaa sheegay inay xogtaan Wasaaraddu la wareegi doonto maadaama ay ay tahay xogtii guud ee shaqaalaha rayidka ah ee dawladda isla markaana ay iyagu maamuli doonaan kaydka xoga shaqaalaha(Data Base). Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Cabdirisaaq Shire Ismaaciil oo shirka soo xiray ay u mahad celiyey guddigii soo qabtay shaqadaan iyo shirkaddii kala shaqaynaysey dhinaca farsamada isagoona hoosta ka xarriiqay in shaqaalaha dawladdu ay yihiin kuwo leh tiro koob rasmi ah oo aanay jiri doonin in la arko shaqaale dambe oo caag leh ama mushahar iska qaata isaga oon shaqayn. Barnaamijkaan tiro koobka shaqaalaha rayidka ah ee dawladda ayaa waxaa ka gacan-siinayey dawladda Baanka adduunka waxaana gundhiggiisu ahaa sidii meesha looga saari lahaa mugdiga iyo madmadowgii kujirey sax ahaanshaha tirada shaqaalaha dawladda The post Shir looga hadlayey tiro-koobka shaqaalaha rayidka ah ee Puntland oo Garoowe kusoo xirmay appeared first on Puntland Post.
  7. ISLAMABAD—-Somalia’s Ambassador to Pakistan Khadija Mohamed Almakhzoumi said on Wednesday that Pakistan should focus on Somalia to penetrate Africa’s growing market. Interacting with the business community at Islamabad Chamber of Commerce and Industry (ICCI), she said that Pakistan can capture a market share in Somalia by exporting quality products at affordable prices. She said that both countries should focus on specific areas to improve bilateral trade. She said Pakistani investors should explore Somalia for joint ventures and investment as Somalia was looking for foreign investment in various sectors including energy, infrastructure development, environment, construction, healthcare and others. ICCI President Sheikh Amir Waheed said bilateral trade between the two countries was quite nominal which needed serious efforts from both sides for improvement. Tribune
  8. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada Jubbaland oo lagaga hadlay qodobo kala duwan. Ugu horayn Wasiirka Amniga mudane Cabdirashiid Janan ayaa laga dhagaystay xaaladaha amniga ee deegaanka iyo waxyabahii ugu danbeeyay. Wasaarada Beeraha ayaa soo bandhigtay qorshe ay doonayso in lagu xakameeyo cabashooyin ka jira dhul beereedyo kala duwan waxaana wasaaradu ay sheegtay in ay wado samaynta sharci la xiriira hananka dhul Beereedyada deegaanka ayna dhawaan golaha hor keeni doonto. Sidoo kale wasaaradaha Cadaalada iyo Caafimadka ayaa laga dhagaystay hananka shaqo ee wasaaradaha . Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa iyana faah faahin ka bixisay sababaha ay uga noqotay qabashada tartanka Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada dalka oo lagu waday in dhawaan lagu qabto Kismaayo. Mudane Cabdiwaaxid Axmed Yare wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa sheegay in wakhtiyadii lasoo dhaafay ay dadaal xoog leh ugu jireen sidii ay Ciyaarahu u qabsoomi lahayeen balse dhismaha aan wali dhamaan ee kasocda garoonka kubada cagta ee Waamo uu sabab u noqday in wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha Federaalka ay ku war galiyaan in aan hada lagu qaban Karin tartanka Dowlad Goboleedyada isla markana ay diyaar u tahay Jubbaland in meel walba oo lagu qabto ay ka qayb gasho. Wasiirka Maaliyada mudane Cabdirashiid Jire Qalinle ayaa golaha u qaybiyay qoraalka miisaaniyada 2018 iyo qorshe hawleedka wasaarada iyadoona dood dheer kadib ay golahu anisixiyeen. Miisaaniyada Sanadka Cusub ee 2018 ayaa ka badan midi sanadkii hore la meel mariyay iyadoo xooga lagu saaray dhismaha iyo Taakulaynta Ciidanka qalabka sida. ………….DHAMAAAD……….
  9. Kulan wacyi gelina oo looga hadlay arintan ayaa maanta lagu qabtay magaalada Cadaado, waxaa ka qeyb galay wasiiro ka tirsan xukuumada Galmumudug , saraakiisha ciidan-ka, xubno ka tirsan ciidamada booliska Galmudug, haween iyo qeybaha kale ee bulshada, waxaa ayna si weyn uga hadleen gabood-fallada ay haweenka Soomaaliyeed la kulmaan iyo in aysan helin cadaalad ku filan oo ay kaga samri karaan dhibaatooyinka xiliyada qaar soo jawaha. Agaasimaha guud ee wasaarada haweenka iyo xaquuqul insaanka Galmuudg Xamdi C/qaadir Sheekh Aadan ayaa sheegtay in ay wadaan qorshe lagula dagaalamayo falalka tacadiyada haweenka ka dhanka ah. “Wasaaradu waxaa ay bilowday in la sameeyo wacyi gelino ku aadan in la dhoowro xaquuqda haweenka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool deegaankeena, odoyaasha dhaqanka Galmudug ayaan ka saxiixnay in tacadiyada dumarka aan lagu xallin xeer dhaqameed balse sharciga iyo cadaalada la mariyo cidii ku kacda dhibaateyna haweenka. Dumarku caqabadaha ay bulshada inteeda kale la kulmaan qeyb ayeey ka yihiin basle waxaa u dheer inay wajahaan falal ay ka mid yihiin kufsi , guur qasab ah iyo kuwo kale sida ay sheegeyso Sahro Maxamed “Haweenka Soomaaliyeed waxaa ay la kulmaan Kufsi, guur qasab ah iyo dhibaatooyin kale, waana in cadaalad lagu xaliyo hadii ay dhibaatooyin yimadaan si looga gudbo tacadiyada dumarka”. Wasiir dowlaha arimaha gudaha iyo dowladaha hoose Galmuudg Cumar Maxamed Diiriye iyo Wasiir ku xigeenka macdinta iyo Kheyraadka biyaha Maxamed Nuur Diini ayaa sheegay ka hadlay sida ay muhiimad u leedahay in la dhowro xaquuda dumar iyo dadka baahiyaha gaarkaa qaba taasina ay ku imaa karto amni iyo kala danbeyn. Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay meelaha lagu dhibaateeyo haweenka inkasta oo ay jiraan wacyi gelino wasaaradaha arintaan ku shaqada leh ay hadaan laakiin wali lama gaarin waqtigii guusha ee laga gudbi lahaa dhibateynta dumarka Soomaaliyeed. Goobjoog News Source
  10. Guddiga taakuleynta ee Qaraxii Zoobe (14 October) ayaa warbixin dheer kasoo saaray waxyaabihii ay qabteen, lacagaha baxay, kuwa la hayo, caqabadaha guddiga haysto iyo arrimo kale oo isla howlaha guddiga un ku saabsan. Xubnaha guddigan oo maaanta saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay iney isku dubarideen qorshe meelmar noqday oo uu uga jawaabayey khasaarihii ka dhashay qaraxii Zoobe. Guddiga ayaa sheegay iney taakuleyn siiyeen qaar kamid ah dadkii ehladooda ku dhinteen qaraxii Zoobe, dadkii dhaawaca ahaa, dad muruqmaal ah iyo kuwo qaraxii Zoobe uu waxyeello u geystay. Waxay sheegeen in guddiga ay soo gaartay lacag dhan $3,802,847.43 ay bixiyeen lacag dhan $1,374,441.87 halka ay taallo lacag dhan $2,427,500.56. Dhanka kale, guddiga taakuleynta ee Qaraxii Zoobe ayaa sidoo kale muujiyey cabasho dhanka ammaankooda ah, xafiis ay ku shaqeeyaan oo aanay haysan iyo sidoo kale agabkii lagu fududeyn lahaa howlahooda shaqo. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka guddiga. Goobjoog News Source
  11. Kulliyadda macalimiinta Garoowe ee GTEC ee magaalada Garoowe ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad qalin jebin ah oo loo qabtay 110 macalin oo kulliyadda baraha ama macalinimada ka bartay kulliyadda GTEC. Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland, Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare, maamulka kulliyadda GTEC, macalimiinta kulliyadda, macalimiinta qalin jebisey, waalidiin, arday, ganacsato iyo bahda waxbarashada. Gudoomiyaha jaamacadaha Puntland ahna maamulaha kulliyadda GTEC Cabdiraxmaan Sheekhdoon ayaa madasha ugu horayn ka sheegay in ardaydaani ay dhammaysteen barashada macalinimada oo 2 sano ah ayna diyaar u yihiin inay ka hawlgalaan dugsiyada hoose iyo dhexe ee Puntland. Wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland Dr Maxamed Cali Faarax oo ka hadlay xafladda ayaa u hambalyeeyey ardayda qalin jebisey wuxuuna ku booriyey in wixii ay barteen ay dadka iyo dalka uga faa’iideeyaan. Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha madaxweynaha dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey oo shahaadooyin guddoonsiiyey macalimiinta qalin jebiyey ayaa sheegay in kulliyadda GTEC ay tahay isha kaliya ee bahda macalimiinta u soo saarta Soomaaliya dowladda Puntlandna ay ka go’antahay sidii loo tayeyn lahaa. Dhanka kalena, Eng Camey wuxuu ardayda kula dardaarmay inaysan dayicin cilmiga ay barteen aysana noqon kuwa kaliya dhaqaale ku raadiya ee ay dadka ugu faa’iideeyaan. SAWIRRO
  12. Dowladda Puntland ayaa Maanta ka hadashay xirnaanshaha dekadda magaalada Boosaaso iyo muranka u dhexeeya ganacsatada qaar iyo dowladda,kaasoo ku aaddan sharuudo ay soo rogtey shirkadda la wareegtay maamulka dekadda ee P&O oo laga leeyahay Dalka Imaaraadka. Sharuudaha ay ganacsatadu diidday waxaa kamida khidmado dheeriya oo la saaray maciishada imaanaysa dekadda,haye yeeshee Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha dowladda Puntland Cabdullaahi Xaashi Qoob-deero oo Maanta weriyaasha kula hadlay caasimadda Garoowe ayaa sheegay in dekadda Boosaaso ay khaakhuul(fowdo) ku hayaan wakiiladii doomaha alwaaxa ah oo keliyah. Wasiirka ayaa eedayn kulul u jeediyey wakiiladaas oo uu sheegay in ay ka shaqeeyaan doomo aan caymis lahayn,islamarkaana halligaya naf iyo maal wixii la saaro. Dawlada ayaa magaalada Bosaaso geysay ciidamo fara badan si ay uga hortagaan mudaharaadyo rabshado wata oo laga cabsi qabo inay ka dhacaan magaalada kuwaas oo daba jooga rabshadihii horay magaalada uga dhacay. Xirnaashaha dekadda ayaa durba laga dareemay suuqyada magaalooyinka Puntland, waxaana sara u kacay maciishada kala duwan oo ay kamid tahay cuntada asaasiga ee ay dadweynuhu quutaan. Halkaan ka daawo. PUNTLAND POST The post Daawo: Dowladda Puntland oo khaakhuul ku tilmaantay xirnaanshaha dekadda Boosaaso. appeared first on Puntland Post.
  13. Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa ka digay inuu jiro qorshe la doonayo in lagu burburiyo midnimada iyo mustaqbalka dunida Muslimka ah. “Qorshe aad u xun ayaa socda oo ka dhan ah midnimada, mustaqbalka iyo hodantinimada dunida muslimka ah”ayuu yiri Erdogan oo khudbad ka jeediyey shirka ururka dalalka Islaamka ee magaalada Istanbul. Erdogan waxa uu sheegay in dunida muslimka ay sanadihii dhowaa ku sugneyd xaalad aad u adag. Madaxweynaha Turkiga ayaa dalalka Reer Galbeedka ku eedeeyey inay dunida Muslimka usoo dhoofiyeen taariikhdooda cudurka ah. “Ka aamusnaanta reer galbeedka ee xasuuqa ka socda Syria toddoba sano, ayaga oo albaabka ka xirtay dadka muhaajiriinta, iyo ayaga oo aan cambaareyn xasuuqa muslimiinta Myanmar, waxay na tustay wejigooda dhabta ah” ayuu yiri. Waxa uu uu is-weydiiyey sababta dalal badan oo muslimiin ah ku qasbeysa inay ballaayiin dollar siiyaan quwadaha reer galbeedka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. The post Shirkii Golaha Xukuumadda Puntland ayaa looga hadlay, Amaanka, Firxadka Al-shabaab iyo Warbixinno. appeared first on Puntland Post.
  15. Waxaa maanta Xerada 54 aad Ee Garowe lagu qabtay Xaflad lagu wareejinayay ciidamo katitrsan kuwa Daraawiishta Puntland, oo ku biiraya Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed. Ciidankaan oo tiro ahaan gaaraya 2.400 oo Askari, ayaa qayb ka ah ciidama laga qorayay Maamulada xubnaha ka ah Dawladda federalka dhexe, waana heshiis horey loo kala saxiixday oo ku saabsanaa isku dhafka ciidamada Soomaaliya. Taliyaha Guud Ciidamada difaaca Puntland Sareeyo Guud Siciid Maxamed Xirsi Siicd dheere ayaa sheegay Ciidamada Puntland ku wareejisay dawlada dhexe gaar ahaan Wasaarada gaashaandhiga Somaliya inay ka yimaadeen ciidamada Puntland oo dhexdooda laga soo xulay, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in ciidankaani yihiin, ciidankii xooga Puntland ee ku sugnaa xertaha difaaca. Wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhiga dowladda federalka Soomaaliya, Maxamed Cali Xagaa, ayaa sheegay maanta laga bilaabo in ciidanka Daraawiishta Puntland ay kamid ahaandoonaan ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayna dowladda federalku la wareegidoonto dhammaan wixii xuquuq ah oo ay ciidankaan leeyihiin. Wasiir udowlaha gaashaandhiga ayaa ciidankaan u sheegay inay sii labo jibaaraan dagaalka ay kula jiraan cadowga Puntland ee nabad-diidka ugu horeeyaan, wuxuuna sidoo kale uga digay inay ka qeyb qaataan colaadaha sokeeye. Madaxwayne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay in waqti badan soo qaataday in la diyaariyo ciidamada ay wareejinayaan. Camay ayaa tilmaamay in maanta laga bilaabo mushaarkooda iyo masuuliyadda ciidamadan ay leedahay Dawladda federalka Soomaaliya. Dowladda Puntland ayaa noqonaysa Maamulkii ugu danbeeyay ee wareejiya ciidamo ay qoraysay dawladda dhexe ee federalka, taasoo qorshuhu ahaa in Maamul kasta laga helo 3000 oo Askari. Halkaan ka dhegayso codka madaxweyne Camey. Madaxwayne ku xigeenka 54 aad Puntlandi.com
  16. Nairobi (Caasimadda Online) – Dadka Reer Africa ee Booqanayo dalka Kenya ayaa wixii hadda ka dambeeyo aan u baahneyn inay Viso dalbadaan ka hor inta aysan usoo safrin dalkaan, waxaana hadda kadib Visaha lagu siin doonaa garoonka dhexdiisa (on Arrival) , waxayna Kenya noqotay wadankii ugu dambeeyey ee ogolaado inay Africa noqoto mid si sahlan la isaga kala goosho. Intii ay socotay Xafladdii lagu caleema saarayey madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey in hadda kadib wadamada Africa ee soo booqanayo Kenya Visaha lagu siin doono garoonka dhexdiisa isla markaasna aysan dhici doonin inay Viso dalbadaan iyagoo aan soo safrin. Uhuru ayaa arrintaan sheegay in loola jeedo sidii horumar looga gaari lahaa dhanka Ganacsiga iyo Amniga, wuxuuna sheegay inay Kenya horeyba u fududeyn jirtay Visaha balse ay hadda kadib Garoonka ku bixin doonto sida uu hadalka u dhigay. “Dhaqdhaqaaqa xorta ah ee dadkeenna ku sugan qaaradeena waxay marwalba ahayd hannaan ka mid ah walaaltinimada ” ayuu yiri Kenyatta. ” Waaa inaan si xor ah u safranaa qaaradda Africa, waana inaan isku muujino isku dhafnaan iyo mahadcelin” ayuu sii raaciyey. Madaxweynaha dalka Kenya ayaa khudbadaan iyo fasaxaan ka hor jeediyey Hoggaamiyayaasha dalalka: 1) Somalia 2) Djibouti. 3) Ethiopia 4) Gabon 5) Nigeria 6) Rwanda 7) Uganda 8) Zambia Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa horey ugu heshiiyey in Muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda wado baasaboorka Service-ka Visaha lagu siiyo garoonka dhexdiisa, ilaa haddana si rasmi ah looma xaqiijin karo haddii ay Soomaalida dhan kawa faa’ideysan doonaan fasaxa cusub ee uu bixiyey madaxweyne Uhuru. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in halkaasi goor dhow uu ka dhacay Qarax Bam, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacv isugu jira. Bamkaan qarxay ayaa lagu tuuray sida la sheegay ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo bartamaha magaaladaasi ku sugnaa. Goob jooge ayaa inoo xaqiijiyey in halkaasi ay ku dhinteen Saddex qof oo shacab ay ku jiraan, waxaana ku dhaawacmay 10 kale. Ciidamo badan oo Puntland ah ayaa gaaray halka qaraxan uu ka dhacay, waxaana soconaya howlgal ballaaran. Isbitaalka guud ee magaalada Boosaaso waxaa loola cararay dadkii ku dhaawacmay qaraxan, iyadoo weli xaalad kacsanaan ah la dareemayo. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source
  18. Garoowe (Caasimadda Online) – Munaasibad Maanta ka dhacday Xerada 54aad ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed kuna taalla duleedka Magaalada Garowe ayaa maamulka Puntland waxaa uu 2,500 oo Askari kula wareejiyay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Munaasibadda wareejinta Askartan waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku xigeenka Puntland,Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Dowladda Soomaaliya,Wasiirka amniga puntland,Taliya Ciidanka Puntland iyo guddiga difaaca Golaha shacabka Soomaaliya. Ciidankan waxaa ay ka mid noqon doonaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya qeybta 54aad,waxaana arrintan ay qeyb ka tahay qorshaha isku dhafka Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka socda Soomaaliya. Xubnaha Guddiga difaaca Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo dhaqeeyay tallaabadan,waxaana ay ku baaqeen in sidan oo kale maamullada dalka ay uga qeybqaataan dhismaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Howlgalka AMISOM ayaa dhawaan shaaciyay in Bisha soo socota ee December ay Soomaaliya ka bixi doonaan 1,000 Askari oo ka mid ah Ciidankooda kaddibna ay tartiib tartiib u billaabaneyso bixitaan AMISOM ilaa Sanadka 2020ka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Danab ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Baladul Amiin ee Shabellaha Hoose, waxay ku qabteen Hub iyo sidoo kale kartoono ay ku jireen walxaha qarxa. Sarkaal ka tirsan ciidanka Danab ayaa warbaahinta dowladda u xaqiijiyey in ciidamadan ay guri guri u baareen deegaankaasi, islamarkaana mid kamid ah guryaha la baaray laga helay Rasaas, qoryo iyo sidoo kale walxo qarxa. Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay waxay deegaanka Baladul Amiin ee gobolka Shabellaha Hoose kala wareegeen dagaalyahannada Al-shabaab. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoojisay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab. Halkaan hoose ka daawo sawirada: Goobjoog News Source
  20. Garowe (Puntlandi) Xoghayaha cusub ee dowladda hoose Garowe, Maxamuud Cali Xassan, ayaa maanta la wareegay xilkiisa dhowaan loosoo magacaabay, wuxuuna xilkaas kala wareegay Cabdiqafaar Cabdiraxmaan oo muddo labo sano ah xafiiska joogay. Cabdiqafaar Cabdiraxmaan, ayaa guul iyo horumar u rajeeyay masuulka xilka kala wareegay, isagoo sheegay inuu xilku meerto yahay islamarkaana uu soo dhoweynayo go’aankii wasaaraddaha arrimaha gudaha kasoo baxay ee xilka looga qaaday. Puntlandi.com
  21. Waxaa maalinkii 4-aad haawanaysa dekadda Magaalada Bosaaso oo ah isha dhaqaale ee ugu weyn degaanada Puntland kadib khilaaf soo dhex galay Dawlada Puntland iyo ganacsatada wax kala soo dega waxna ka dhoofsada dekadaas. doonyo sida maciishad kala duwan ayaa maalinkii 4-aad taagan duleedka dekadda iyadoo ganacsatadu diiday inay wax kala soo degaan inta laga xalinaayo khilaaf ka dhashay sharuudo ay soo rogtey shirkadda la wareegtay maamulka dekadda ee P&O oo laga leeyahay Dalka Imaaraadka. Sharuudaha ay ganacsatadu ka biyo diidan tahay waxaa kamida khidmado dheeriya oo la saaray maciishada imaanaysa dekadda hase ahaate Dawlada Puntland ayaa ku eedaynaysa khilaafkan kooxo dano gaara wata oo aan u turayn dekadda iyo bulshada masaakiinta ee ku xiran. Dawlada ayaa magaalada Bosaaso geysay ciidamo fara badan si ay uga hortagaan mudaharaadyo rabshado wata laga cabsi qabo inay ka dhacaan magaalada kuwaas oo daba jooga rabshadihii horay magaalada uga dhacay. Xirnaashaha dekadda ayaa durba laga dareemay suuqyada magaalooyinka Puntland, waxaana sara u kacay maciishada kala duwan oo ay kamid tahay cuntada asaasiga ee ay dadweynuhu quutaan, mana muuqato wax xala iyo isu soo dhawaansho laga dhex dareemaayo Dawlada iyo ganacsatada oo ay dadweynihii danyarta ahaa ku dhex liitaan. Madaxweynaha Puntland ayaa ku sugan Dalka Imaaraadka Carabta waxaana la filayaa inuu dhawaan ka dego magaalada Bosaaso oo ay mushkiladani ka aloosan tahay. PUNTLAND POST The post Dekadda magaalada Bosaaso oo maalintii 4-aad xiran appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Puntladi) Dowladda Maraykanka ayaa beenisay in wax shacab ah ku dhinteen weerarkii ay 25-ka bishii August laga fuliyay degaanka Barire ee gobolka Shabellada hoose, halkaas oo lagu dilay ugu yaraan 10 qof oo hubaysanaa. Taliska Maraykanka ee Afrika ayaa sheegay baaritaan uu sameeyay inuu ku xaqiijiyay in dadka la bartilmaameesaday ay ahaayeen maleyshiyada Shabaab, wuxuuna meesha ka saaray cabashada ehelada dadka lagu dilay weerarka, kuwaas oo sheegtay magdhow iyo raali galin. “Kadib qiimeyn iyo baaritaano laga sameeyay howlgalo ay horkacayeen ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo eedeymaha la xiriiray in dad rayid ah lagu diley,Taliska Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Howlgalada Africa (SOCAF) ayaa waxaa uu ku soo gunaanuday in dadka halkaa lagu diley ay ahaayeen cadow hubeysnaa.”ayaa lagu yiri warbixinta. Puntlandi.com
  23. Xudur (Caasimadda Online) – Sheekh Mukhtaar Roobow Cali “Abuu Mansuur” oo shalay gaaray Magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidamada milateriga dowladda ee Gobolkaasi. Waxaana ay ka wada hadleen qorshaha dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda Gobolka Bakool. Korneyl Cabdiraxmaan Tima Cadde oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee Gobolkaasi ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabaha looga hadlay kulankaasi, wuxuuna wareysi siiyey Idaacadda Shabeele ee Magaalada Muqdisho. Waxaana uu xusay in ay ka arrinsadeen sidii Al Shabaab looga saari deegaanada Gobolkaasi Bakool Halkaan hoose ka dhageyso Wareysigaas http://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/11/cod-bakool.mp3
  24. Muqdisho (Caasimadda Online) – War-saxaafadeed uu soo saaray Taliska Ciidanka Mareykanka Afrika ee AFRICOM,fadhigooduna yahay Dalka Jabuuti ayey ku beeniyeen in dhacdadii 25kii August ka dhacday degaanka Bariirre ee lagu dilay 10ka Qof aysan ku jirin dad shacab ah. Taliska ayaa warbixintiisa ku sheegay baaritaan dheer oo uu sameeyay kaddib in uu ogaaday in dadkii lagu dilay Bariirre ay ahaayeen Al-shabaab ee aysan ahayn dad shacab ah. Ka hor weerarkaas ayaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in “Ciidamada iskaashanayay ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ay qorsheeyeen weerarkaas waliba si faahfaahsan,waxaana fulinnay weerar isku dheelli tiran oo ay dowladda Soomaaliya hoggaamineysay”,ayaa lagu yiri War saxaafadeedka ka soo baxay Mareykanka. “Kadib qiimeyn iyo baaritaano laga sameeyay howlgalo ay horkacayeen ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo eedeymaha la xiriiray in dad rayid ah lagu diley,Taliska Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Howlgalada Africa (SOCAF) ayaa waxaa uu ku soo gunaanuday in dadka halkaa lagu diley ay ahaayeen cadow hubeysnaa.”ayaa lagu yiri warbixinta. Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in kahor inta aysan ciidamada gaarka ah ee Maraykanka kana howlgala Afrika si wadajir ah u fulin saaxibadood ay sameeyaan qorshe ballaaran oo loogaga feejignaanayo in dad rayid ah ay howlgaladaa wax ku noqdaan. Jen Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid oo ahaa Taliyihii hore ee Milatariga Soomaaliya ayaa ka hor inta uusan is casilin weerarkaas ku sheegay in dad shacab ah lagu laayay,sidoo kale guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha hoose Cali Nuur Maxamed ayaa isna Ciidamada Mareykanka ku eedeeyay in Bariirre ay ku laayeen dad shacab ah. Meydadka Dadkii lagu dilay Bariirre ayaa la aasay 10 maalmood kaddib geeridooda kaddib markii ehellada Meydadkaas ay aqbaleen Baaritaan in lagu sameynayo weerarkaas oo Dowladda Soomaaliya iyo Mareykankuba sheegeen in Al-shabaab lagu laayay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com