Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,134
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa [AFRICOM] ayaa shaaciyay in dadkii ay ku dileen howlgalkii ay ka fuliyeen 25-kii bishii August ay ahaayeen cadow hubaysan. AFRICOM war qoraal ah oo ay soo saartay ayaa lagu sheegay in baaritaan kadib ay ogaadeen in wax shacab ah aysan ku dhiman weerarkii ka dhacay beerta ku taalla nawaaxiga Bariire. Warkan ayaa lidi ku ah mid kasoo baxay dowladda Federaalka isla bishii August oo ay ku sheegtay in 10 ruux oo shacab ah lagu dilay howlgalka ciidamada Mareykanka iyo kuweeda ka fuliyeen Bariire. Waxay sidoo kale dowladda Soomaaliya ka bixisay dadkii ku dhintay weerarka lacag magdhaw ah, taasi oo gaarayso 100-kun oo dollar qofkiiba, sida wararku ay sheegayaan. Axmed Maclin Fiqi, oo ah Xildhibaan katirsan Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay BBC-da ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay warka kasoo baxay Mareykanka ee lagu sheegay in cadow ay ku dileen howlgalka. Fiqi ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay Twitter-dooda ay kusoo qoreen in weerarka dad shacab ah lagu dilay, haddana wax yar kadib ay ka tireen markii sida uu sheegay ay la kulmeen cadaadis dibada ah. Xildhibaanka ayaa sidoo kale xusay in AFRICOM warkooda uu xad-gudub ku yahay cadaaladii ay sugayeen ehelada dadkii rayidka ahaa ee lagu dilay, islamarkaana ay ayaan darro ku tahay dowladda Federaalka oo wali ka aamusan dhacdadaasi. Gudi xaqiiqa raadis ah, oo uu hogaaminayo Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaalle oo tagey Bariire weerarka kadib ay warbixinta baaritaankooda kusoo celiyeen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, balse ay meel iska dhigeen kiiska oo dhan, sababtuna tahay cadaadis dibadda uga imaanaya. http://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/12/lbDShxOs9I1V.128.mp3
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga taakuleynta ee Qaraxii Zoobe (14 October) ayaa warbixin dheer kasoo saaray waxyaabihii ay qabteen, lacagaha baxay, kuwa la hayo, caqabadaha guddiga haysto iyo arrimo kale oo isla howlaha guddiga un ku saabsan. Xubnaha guddigan oo maaanta saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay iney isku dubarideen qorshe meelmar noqday oo uu uga jawaabayey khasaarihii ka dhashay qaraxii Zoobe. Guddiga ayaa sheegay iney taakuleyn siiyeen qaar kamid ah dadkii ehladooda ku dhinteen qaraxii Zoobe, dadkii dhaawaca ahaa, dad muruqmaal ah iyo kuwo qaraxii Zoobe uu waxyeello u geystay. Waxay sheegeen in guddiga ay soo gaartay lacag dhan $3,802,847.43 ay bixiyeen lacag dhan $1,374,441.87 halka ay taallo lacag dhan $2,427,500.56. Dhanka kale, guddiga taakuleynta ee Qaraxii Zoobe ayaa sidoo kale muujiyey cabasho dhanka ammaankooda ah, xafiis ay ku shaqeeyaan oo aanay haysan iyo sidoo kale agabkii lagu fududeyn lahaa howlahooda shaqo. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka guddiga.
  3. Magacaygu waa Maxamed Xuseen, waxaan doonayaa in aan waxyar ka iraahdo qormada cinwaankeeda yahay “Haddii Farmaajo la kulmo Netanyahu, maxaa ku jaban?”, ee uu qoray qoraaga Ilyaas. Ugu horayn waxaan uga mahad celinayaa qormada qoraaga, sidookale bogga caasimada.net. Marka xigta waa arin loobaahan yahay in la’iswaydiiyo, inta aanan qormadan arkin waxay ahayd su’aal aan iswaydiinayay ilaa intii aan maqlay. Hadii ay jirto in madaxwaynuhu ulakac usameeyay waa arin aad u qallafsan una baahan in siyaasada madaxda dalka ay dib uga shaqeeyaan. Hadii ay tahay mid kam’a udhacday waa arin lasixikaro oo kunoqosho iyo kadaba tag leh. Waxaad moodaa in taariikhdu aysan madaxda somalidu wax kabaranin laga soo bilaabo dawladii dhexe ee awooda badnayd ilaa iyo iminka oo aan bur-bursanahay. Waxaan kala saari la’nahay yaa cadow inoo ah yaa saaxiib inoo ah, Carabi ma saxiib baanahay mise colbaanahay, Yaa’ina duminaya ma Israel mise Carab. “Hashu maankayga gadaye ma masaar bay leqday”. Taariikhda waa dhaxal aadamuhu wax ka bartaan. Carabi lama arag ninbarya oo ay u damqadaan, Laakiin la’arag nin karbaasha oo ay kacabsadaan. Tusaale wadanka layiraahdo Mauritania ee dhaca waqooyiga qaarada Afrika markuu khadyaan ka istaagay Carabta oo uu arkay in la-liido ayuu go’aan ku qaatay in uu xiriirka u jaro Carab oo uu xiriir dhow lasamaysto Israel. Inyar uun kadib Carabta iyagaa usoo kala dhuuntay horumarka Mauritania gartayna cidwaliba way lasocotaa walina xiriirka Israel iyo Mauritania waa sidiisii. Ugu danbayn aduunku waa danaysi wax ku jaban in Israel laga fa’idaystana majiro, sidii la’isuqabadsiin lahaa waxaa laga doonayaa madaxda Somaliya, Carabta maanta joogta halwadan oo aan xidhiidh dhow la lahayn Israel majiro. Syria ayaa iskutaagtay waad aragtaan meesha ay taalo. USA iyo dhamaan Western ka hadaad Israel isku taagto adna tagtay, Somaaliyada maanta waa ” Neef gawracan geed kama waabto” cidii anfacaysaba ha kafaa’idaysato. Hadii aan intaa kusiidaro Israel dall iyo dadd midnaba nagama dhaxeeyo Soomaalida kaliyahna waardiye kama aha Diinta waliba Carabtaa nooga dhow oo bariga dhexe ladagan. W/Q: Mohamed Hussein Manchester, United Kingdom. Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  4. Wafdigan uu hogaaminaayo wasiir ku xigeenka wasaarada gaashaan dhiga ayaa maanta soo booqday jiida hore ee dagaalka lagula jiro Al-shabaab ee degmada Baraawe oo ah magaalo madaxda dowlad gobaleedka koonfur galbeed weli waxaa socdo xog uruurinta iyo isku shaandheynta ciidamada dalka soomaaliyeed ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga mar uu la hadlaayay warbaahinta asagoo ku sugan VILLA BARAAWE, Wasiirka ayaa xog iyo warbixin badan halkaa kaga dhageystay maamulka degmada, taliyaha Booliska, taliyaha ciidanka degmada baraawe iyo kuwa AMISON, Wasiir Colaad rooble ayaa amaanay ciidanka jiida jooga sida aay dalkooda u difaacayaan ayagoo marxalado kala duwan ku jira iyo sida ay ugu adkeeysanayaan waxa uuna yiri way ku amaanan yihiin waajibaadkooda ayey ka soo baxeen xukuumada uu hogaaminaayo Raysalwasaare Mudane Kheyre ayagana way ka soo baxeen waxayna sii adkeyn doonaan balanqaadkoodii ahaa in mushaarkooda la joogteeyo iyo saanadahooda loo soo dhameeystiro sidoo kale odayaashii iyo ciidankii halkaa joogay ayaa ka mahad celiyey booqashada uu wasiir Cabdulaahi Colaad Rooble soo booqday. Daawo Sawirrada
  5. Lix askari oo ka tirsabn Ciidanka Puntland iyo laba ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo Maanta ka dhacay magaalada Boosaaso,kaasoo lala eegtay gaari ay saaarnaayeen ciidan oo marayey bartamaha magaalada ,sida ay sheegeen mas’uuliyinta gobolka Bari. Duq degmada Boosaaso Yaasiin Mire Maxammed oo weriyaasha la hadlay ayaa sheegay in qaraxaas ay ka badbaadeen afar boqol oo arday da’yar ah,kuwaasoo wax ka baranayey xarun ku taalla goobta miinada lagu aasay. Wuxuu sheegay in ardaydaan oo da’doodu u dhexayso saddex sano jir ilaa sagaal jir ay ku jireen xarun xannaano ah oo halkaasi ku taalla xilliga qaraxu dhacay. Halkaan hoose ka daawo. PUNTLAND POST The post Daawo: Afar boqol oo arday oo ka badbaaday qaraxii Boosaaso. appeared first on Puntland Post.
  6. Saudi Arabia’s Prince Miteb bin Abdullah has been released from detention after reportedly paying more than $1 billion (£745 million) to settle embezzlement charges that saw him imprisoned as part of a sweeping anti-corruption purge. Sixty-five year old Prince Miteb was the highest-profile royal rounded up three weeks ago in an the sting that saw 11 princes and hundreds of officials, former officials and businessmen arrested and detained in the Ritz Carlton hotel in Riyadh. The operation was spearheaded by crown prince Mohammad bin Salman and was seen as a bid to consolidate his power and send a warning shot to future opposition. After Prince Miteb’s arrest, his position at the head of the Saudi National Guard was quickly filled with a lesser-known prince closely tied with Mr Mohammad. According to Saudi officials, the government has made cash settlements with dozens of the arrested men, who faced a raft of charges from taking kickbacks, bribery, extortion and fraud. “They don’t want to take people to court. Saudi Arabia’s judicial system is slow and it is under-equipped to handle cases like this. Recovering assets would also be difficult, as in many cases, assets would be outside the country,” said Jane Kinninmont, a Saudi Arabia expert at Chatham House. The rush of cash settlements into government coffers comes at a time when Mr Mohammad is preparing the country for major changes as he works to shift the economy away from oil. Mr Mohammad spearheading social change including given women permission to drive from mid-2018, and he has largely taken the teeth out the country’s feared religious police. Jailing major royals for the long term may be a bridge too far, Ms Kinninmont suggested. “The country doesn’t have prisons for princes. This is all completely new, and leaving major royals in prison for years could create martyrs.” Prince Miteb, the last of the late King Abdullah’s sons to occupy a significant political position, has a strong support base in the National Guard community. “In a way, embarrassing him and taking his money may be more profitable and politically astute,” said Ms Kinninmont. Source: The Telegraph
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa kulan dhexmaray Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia Abdirahman Ducaale Beyle iyo Wakiilka Bangiga Aduunka u qaabilsan Soomaaliya Mr Hugh Riddell. Kulanka oo ahaa mid saacado qaatay ayaa ka dhacay Xafiiska Wasiir Beyle kaa oo looga hadlaayay arrimo ku saabsan Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka soo socda ee 2018-ka. Wasiir Beyle iyo Mr Hugh Riddell, ayaa isla qeexay miisaaniyada cusub, waxa ayna halkaa ku dajiyeen hanaanka ugu wanaagsan ee lagu maareyn lahaa miisaaniyada dowlada Federaalka ay ka hesho Bangiga Aduunka. Labada mas’uul ayaa isla fahmay hanaanka loo maareyn lahaa miisaaniyada cusub, waxa uuna Wakiilka Bangiga Aduunka u qaabilsan Somalia Mr Hugh Riddell ballanqaaday inay sameyn doonaan nidaam gaara oo ay kuwada shaqeeyan Wasaarada iyo Bankiga Dhexe ee Somalia. Waxay kulankooda kaga hadleen arrimo kale oo muhiim ah, inkastoo ay isku raacen inay wada qaatan kulan ka duwan kan iminka ka dhacay Xafiiska Beyle. Sidoo kale, Wasiir Beyle ayaa sheegay in kulanka ay wada qaaten Wakiilka Bangiga Aduunka u qaabilsan Soomaaliya Mr Hugh Riddell uu waxbadan ka bedeli doono xaalada ay ku shaqeyso Somalia.
  8. Xoghayihii hore dowladda Hoose ee degmada Garoowe Cabdiqafaar Cabdiraxmaan Axmed oo Maanta xilka wareejay ayaa sheegay in xildhibaannada Golaha degaanka caasimadda Garoowe ay baad joogtaa ka qaadaan duqa degmada xassan Maxammed Ciise Goodir. Cabdiqafaar oo hadal ka jeediyey munaasabadda xilwareejinta ayaa duqa Garoowe ku tilmaamay”nin dhufays ku jira oo mar walba loo shirayo oo marwalba la leeyahay haddaanad baad bixin xilkaad waayeysaa”. Wuxuu sheegay in duqa caasimadda xassan Maxammed Ciise ay haysato nasiib-darro weyn iyo caqabad uu kala kulmayo Xildhibaannada Golaha degaanka degmada,kuwaasoo uu ku eedeeyay in ay baad joogta ah ka qaadaan. Halkaan ka daawo. PUNTLAND POST The post Daawo: Xoghayihii hore degmada Garowe oo sheegay in Xassan Goodir la baado. appeared first on Puntland Post.
  9. Lugaha ay Israa’iil ku taagan tahay waa Maraykanka, la’aantiisna waa shaki la’aan in aysan jirteen amma ugu yaraan aysan ahaateen dowlad aad u awood badan (super power nation). Siyaasadda arrimaha dibedda iyo tan gudaha Maraykanka waxaa jaangooya oo jiheeya yahuudda. Dhammaan siyaasiinta Maraykanka oo ay ka mid yihiin-kumase koobna-: Madaxweynaha, Mw. xigeenka, xildhibaannada, guddoomiyaasha goballada iyo xataa xoghayaasha Madaxweynaha (golaha wasiirrada) iyo agaasimiyaasha haddii aysan oggollaanshaha yahuudda haysan ma soo gudbaan. Siyaasiinta Maraykanka marka ay xil u ordaan waxay isku bajiyaan Yahuudda baad ka soo horjeeddaa ama waxay ku faannaan anigu saaxiib dhow baan la ahay. Sababtuna rejadooda baa ku xidhan. Maraykan iyo Israa’iil waa ul iyo diirkeed. Si kale haddii aan u dhaho Maraykanku waa Yahuud, Yahuudna waa Maraykan. Yahuuddu ma aha oo kaliya dalka Maraykanku lacagta u badan siiyo ee sidoo kale waa dalka kaliya ee aan la weyddiin sida uu u qorsheeyo gargaarkaas amma waxa u ku qabto. Nus ka mid ah lacagtaas waxay ku soo laabataa dalka Maraykanka iyada oo gacanta u gasha uruurro yahuuda oo danaha Israa’iil u adeega sida: AIPAC oo lacagtaa ku soo saarta siyaasiinta dalka Maraykanka xilalka uga ordaaya oo Guriga Cad iyo kan Capitol Hill (Guriga Baarlamaanka) ka mid yihiin. Haddaba akhristow sidaa aad aragto haddii aan waxba u dhexeyn Yahuudda iyo Maraykanka, Maxay tahay sababta aan midna u colaadin, midna u jecelnahay in aan xirriir saaxiibtinnimo oo dhow ula sameysanneynno dal ahaan? Cidda tidhi yaan yahuud wax lagu darsan waa carab. Carabna Masar iyo Sacuudi baa u indho ah iyana si toos ah bay ula macaammillaan. Soomaaliya hoggaankeedu waxaa laaga fadhiyaa in u jeexo siyaasad arrimo dibeddeed oo aan diin, midab iyo hayb toonna ku dhisneeyn, balse dan qaran sees u tahay. W/Q: Ilyaas Maxamed Email: Abdullahi8881@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  10. Xarunta hay’adda shaqaalaha rayidka ee dawladda Puntland ayaa maanta lagu qaaday imixaankii afka ahaa (Interview)-ga ee loogu tartamayey qofka noqon doona agaasimaha guud ee Mac-hadka Tababarrada shaqaalaha rayidka ah ee dawladda. Tababarka ayaa waxaa soo xaadiray dhammaan tartaayaashii iyadoo si toos ah loo weydiinayey su’aalo afka ah oo la xiriira aqoonta iyo khibradda ay u leeyihiin arrimaha la xiriira maamulka iyo kor u qaadista aqoonta shaqaalaha dawladda. Imtixaankaan afka ah ayaa waxaa qaadayey guddi kala duwan oo loo xilsaaray inay ilaaliyaan bed-qabka imxaanka bulshadana kalsoonidooda ilaaliyaan isla markaana ay daacad ka ahaadaan habsami usocodka imtixaanka. Guddigaas ayaa waxaa ka mid ahaa Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda shaqaalaha rayidka ah Jaamac Xirsi Faarax, Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Cabdinaasir Biixi Soofe, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo SHaqaalaha Axed Cabdalle Tigaana, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshayn Xuseen Cabdi Jaamac, Guddoomiyaha Jaamacadda Puntland State Maxmuud Sheekh Xaamud, Yusuf Daahir oo ka tirsan Xafiiska mashruuca ee PCU iyo Abdalla Mutawafi oo ka socdey Baanka adduunka. Qaabkan cusub ee loo qaadayo imtixaanka shaqaalaha dawladda ayaa guud ahaanba ka duwanaa sidii markii hore loo qaadi jirey imtixaanka shaqaalaha, sidoo kale tartamayaashii ka qayb qaatay Imtixaanka ayaa aad u ammaanay qaabkan cusub ee ay shaqadu u socotey iyagoo xaqiijiyey inay kalsooni buuxda ku qabaan natiijada la filayo inay kasoo baxdo. The post Xubno u tartamayey cidda noqonaysa Agaasimaha Mac-hadka shaqaalaha Puntland oo maanta laga qaaday Imtixaankii Afka ahaa appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta Daah furay Diiwaan-galinta Ciidamada Xooga Dalka oo markii ugu horeysay Taariikhda Soomaaliya Askari walbo Mushaarkiisa uu ku qaadan doono Akoonkiisa gaarka ah. Arintaan oo uu hormuud ka yahay Wasiir Beyleh ayaa ujeedkeedu waxa uu yahay in laga gudbo Nidaamka Lacagaha Kaashka ah gacanta loogu qeybiyo Ciidamada taasoo mudooyinkii lasoo dhaafay la isticmaalayay. Wasiirka Maaliyadda Dr C/raxmaan Ducaale ayaa tilmaamay hadii tilaabadan si rasmi ah loogu guuleysto in ay noqon doonto mid waxbadan ka badasha baahida Ciidanka ay u qabaan helida mushaar joogta ah. Diwaangalinta Ciidamada Xoogga Dalka ee Xisaabta shaqsiyadeed waxaa si gaar ah maanta loogu bilaabay Ciidamada Milatariga Guutada Madaxtooyada. Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga dalka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka hadlay dareenkood ku aadan nidaamkaan cusub ee Dowladda Soomaaliya Akoonada ugu fureyso Ciidamada Xoogga dalka,waxayna sheegeen iney tahay talaabo horay loo qaaday oo dhiira gelineysa Ciidamada habeen iyo maalin u soo jeeda difaaca dalkooda. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaalo lagu ciribtirayo hanaanka masuq maasuq oo mudo badan soo hareeyay dalka,waxaana hadda muuqanaya ifafaalo Qorshe cad ah looga gaarayo masuq maasuqa. Hoos Ka Daawo Sawirrada
  12. Xerada 54 aad Ee Garowe waxaa lagu qabtay Xaflad lagu wareejinayay ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Puntland, oo la sheegay ay ku biireen Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed. Ciidankaan oo tiro ahaan gaaraya 2,400 oo Askari, ayaa qayb ka ah ciidama laga qorayay Maamulada xubnaha ka ah Dawladda federalka dhexe, waana heshiis horey loo kala saxiixday oo ku saabsanaa isku dhafka ciidamada Soomaaliya. Sareeyo Guud Siciid Maxamed Xirsi Siicd dheere oo Taliyaha Guud Ciidamada difaaca Puntland ayaa sheegay Ciidamada Puntland ku wareejisay dawlada dhexe gaar ahaan Wasaarada gaashaandhiga Somaliya inay ka yimaadeen ciidamada Puntland oo dhexdooda laga soo xulay, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in ciidankaani yihiin, ciidankii xooga Puntland ee ku sugnaa xertaha difaaca. Wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhiga dowladda federalka Soomaaliya, Maxamed Cali Xagaa, ayaa sheegay maanta laga bilaabo in ciidanka Daraawiishta Puntland ay kamid ahaandoonaan ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayna dowladda federalku la wareegidoonto dhammaan wixii xuquuq ah oo ay ciidankaan leeyihiin. Wasiir udowlaha gaashaandhiga ayaa ciidankaan u sheegay inay sii labo jibaaraan dagaalka ay kula jiraan cadowga Puntland ee nabad-diidka ugu horeeyaan, wuxuuna sidoo kale uga digay inay ka qeyb qaataan colaadaha sokeeye. Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakim Camey ayaa sheegay in waqti badan soo qaataday in la diyaariyo ciidamada ay wareejinayaan isaga oo intaasi ku daray in maanta laga bilaabo mushaarkooda iyo masuuliyadda ciidamadan ay leedahay Dawladda federalka Soomaaliya. Dowladda Puntland ayaa noqonaysa Maamulkii ugu danbeeyay ee wareejiya ciidamo ay qoraysay dawladda dhexe ee federalka, taasoo qorshuhu ahaa in Maamul kasta laga helo 3000 oo Askari. Goobjoog News Source
  13. Magaalada Garowe ee caasumada dowlada Puntland ayaa maanta lagu qabtay munaasabad dowladda federalka Soomaaliya kula wareegtay 2400 (laba kun iyo afar boqol) oo askari,kuuwaasoo laga soo xulay ciidanka Daraashiista Puntland. Munaasabadda oo lagu qabtay xerada Gen.Maxammed Dirir Ex 54 aad ee duleedka Garoowe ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland mudane C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camay Wasiiru dowlaha wasaaradda Difaaca Soomaaliya,wasiirka Amniga Puntland ,taliyaha guud ee ciidanka Daraawiishta Puntland iyo mas’uuliyiin kale. Taliyaha ciidamada Difaaca Puntland S/guud Siciid Maxammed Xirsi(Siciid dheere) ayaa munaasabadda ka sheegay in ciidankaan laga soo xulay Daraawiishta Puntland,islamarkaana mas’uuliyadoodu ay ku wareegtay dowladda Federaalka. Wasiir-dowlaha Wasaaradda Difaaca Soomaliya oo ciidanka la wareegay ayaa ku boorriyay in ay laba-jibaaraan dagaalka looga hor jeedo wax uu ku tilmaamay”cadowga umadda Soomaaliyeed”,wuxuuna uga digay in ay ku dhex milmaan dagaallada sokeeye ee dalka. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar oo ciidanka ku wareejiyey wasiiru-dowlaha difaaca Soomaaliya ayaa sheegay in hawl badan laga soo maray soo xulidooda Halkaan ka daawo. PUNTLAND POST The post Daawo: Puntland oo Laba kun iyo afar boqol oo askari ku wareejisay dowladda Federaalka Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.
  14. Mogadishu, Somalia, 30 November 2017– The World Health Organization (WHO) in cooperation with the Somali Federal Ministry of Health (FMOH) has concluded in Mogadishu today a five-day national cascade training on management of Severe Acute Malnutrition (SAM) with medical complications. This cascade training which marked the participation of 24 health workers from 12 nutritional stabilization centers in Somalia aimed at improving the quality of services in nutrition stabilization centers and reducing the mortality rate resulting from the mismanagement of SAM cases. The training focused on the management of sever acute malnutrition with complications including preparation of the therapeutic milk (F-75, F-100) using local available ingredients in case of stock out of F-75 and F-00. Participants were also trained on the management of cholera in severely malnourished children in accordance with WHO guidelines and technical recommendations. “More than 1.4 million children in Somalia are still under the threat of acute malnutrition,” said Dr. Ghulam Popal WHO Representative in Somalia. “WHO will continue supporting the Federal Ministry of Health with the trainings and technical advice required to build the national health capacities and enable them manage the various malnutrition cases with medical complications,” he added. The trend of acute malnutrition from 2014 to 2017 is reflecting a clear deterioration in the nutrition status of the population. The current draught crisis has increased the Global Acute Malnutrition (GAM) percentage from 12% in 2014 to 17.4% in 2017. As of October this year, a total of 388,000 children were reported with acute malnutrition while 87,000 were classified with severe acute malnutrition. According to the nutrition cluster, these figures are likely to increase by more than three folds in 2018. Since September 2017, WHO has conducted two TOT and two cascade training courses on management of acute malnutrition with medical complications for a total of 75 participants from different parts of Somalia. The trainings were part of a program designed by WHO in coordination with the local health authorities and nutrition cluster to respond to the draught crisis and build the capacity of the Ministry of Health nutrition cadres to expand the training program using national facilitators. To maintain its health care delivery services and emergency response activities all over Somalia, WHO will need to fill the funding gap of US$5 million with the beginning of 2018. So far, WHO has been able to support its first-line health response program in Somalia through generous contributions from The Government of Germany, The Government of Japan, The Vaccine Alliance (GAVI), The Polio Global Eradication Initiative, The UN Central Emergency Relief Fund (CERF), and the UK Department for International Development (DFID).
  15. Shirkaan oo muddo saddex maalmood ah ka soconayey xarunta Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa waxaa lagu lafo gurayey natiijadii kasoo baxday barnaamijkii tiro koobka shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Puntland. Guddiga tirokoobka shaqaalaha dawladda ayaa soo bandhigay xog rasmi ah oo muujinaysa shaqaalaha rayidka ah ee dawladda kuwaas oo ku kala sugan dhammaan xarumaha gobollada iyo caasimadda sidoo kale waxay soo bandhigeen sidii ay u diiwaan geliyeen shaqaalaha dawladda iyagoo sheegay inay qof walba ka qaadeen sawir, suul iyo saxiix isla markaana ay u sameeyeen aqoonsi xaqiijinaya shaqada rasmiga ah ee uu qofkaasi u hayo xarunta uu ka shaqeeyo. Sidoo kale shirkaddii kala shaqaynaysay guddiga dhinaca fasmada iyo diiwaan gelinta ayaa iyadana aad loo bogaadiyey maadaama ay shaqo ballaaran la soo qabatay guddiga taas oo aan suuro gal noqototeen shirkadda la aanteed. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Axmed Cabdalle Tigaana oo munaasabaddii xiritaanka shirka hadal ka jeediyey ayaa sheegay inay xogtaan Wasaaraddu la wareegi doonto maadaama ay ay tahay xogtii guud ee shaqaalaha rayidka ah ee dawladda isla markaana ay iyagu maamuli doonaan kaydka xoga shaqaalaha(Data Base). Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Cabdirisaaq Shire Ismaaciil oo shirka soo xiray ay u mahad celiyey guddigii soo qabtay shaqadaan iyo shirkaddii kala shaqaynaysey dhinaca farsamada isagoona hoosta ka xarriiqay in shaqaalaha dawladdu ay yihiin kuwo leh tiro koob rasmi ah oo aanay jiri doonin in la arko shaqaale dambe oo caag leh ama mushahar iska qaata isaga oon shaqayn. Barnaamijkaan tiro koobka shaqaalaha rayidka ah ee dawladda ayaa waxaa ka gacan-siinayey dawladda Baanka adduunka waxaana gundhiggiisu ahaa sidii meesha looga saari lahaa mugdiga iyo madmadowgii kujirey sax ahaanshaha tirada shaqaalaha dawladda The post Shir looga hadlayey tiro-koobka shaqaalaha rayidka ah ee Puntland oo Garoowe kusoo xirmay appeared first on Puntland Post.
  16. ISLAMABAD—-Somalia’s Ambassador to Pakistan Khadija Mohamed Almakhzoumi said on Wednesday that Pakistan should focus on Somalia to penetrate Africa’s growing market. Interacting with the business community at Islamabad Chamber of Commerce and Industry (ICCI), she said that Pakistan can capture a market share in Somalia by exporting quality products at affordable prices. She said that both countries should focus on specific areas to improve bilateral trade. She said Pakistani investors should explore Somalia for joint ventures and investment as Somalia was looking for foreign investment in various sectors including energy, infrastructure development, environment, construction, healthcare and others. ICCI President Sheikh Amir Waheed said bilateral trade between the two countries was quite nominal which needed serious efforts from both sides for improvement. Tribune
  17. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada Jubbaland oo lagaga hadlay qodobo kala duwan. Ugu horayn Wasiirka Amniga mudane Cabdirashiid Janan ayaa laga dhagaystay xaaladaha amniga ee deegaanka iyo waxyabahii ugu danbeeyay. Wasaarada Beeraha ayaa soo bandhigtay qorshe ay doonayso in lagu xakameeyo cabashooyin ka jira dhul beereedyo kala duwan waxaana wasaaradu ay sheegtay in ay wado samaynta sharci la xiriira hananka dhul Beereedyada deegaanka ayna dhawaan golaha hor keeni doonto. Sidoo kale wasaaradaha Cadaalada iyo Caafimadka ayaa laga dhagaystay hananka shaqo ee wasaaradaha . Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa iyana faah faahin ka bixisay sababaha ay uga noqotay qabashada tartanka Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada dalka oo lagu waday in dhawaan lagu qabto Kismaayo. Mudane Cabdiwaaxid Axmed Yare wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa sheegay in wakhtiyadii lasoo dhaafay ay dadaal xoog leh ugu jireen sidii ay Ciyaarahu u qabsoomi lahayeen balse dhismaha aan wali dhamaan ee kasocda garoonka kubada cagta ee Waamo uu sabab u noqday in wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha Federaalka ay ku war galiyaan in aan hada lagu qaban Karin tartanka Dowlad Goboleedyada isla markana ay diyaar u tahay Jubbaland in meel walba oo lagu qabto ay ka qayb gasho. Wasiirka Maaliyada mudane Cabdirashiid Jire Qalinle ayaa golaha u qaybiyay qoraalka miisaaniyada 2018 iyo qorshe hawleedka wasaarada iyadoona dood dheer kadib ay golahu anisixiyeen. Miisaaniyada Sanadka Cusub ee 2018 ayaa ka badan midi sanadkii hore la meel mariyay iyadoo xooga lagu saaray dhismaha iyo Taakulaynta Ciidanka qalabka sida. ………….DHAMAAAD……….
  18. Kulan wacyi gelina oo looga hadlay arintan ayaa maanta lagu qabtay magaalada Cadaado, waxaa ka qeyb galay wasiiro ka tirsan xukuumada Galmumudug , saraakiisha ciidan-ka, xubno ka tirsan ciidamada booliska Galmudug, haween iyo qeybaha kale ee bulshada, waxaa ayna si weyn uga hadleen gabood-fallada ay haweenka Soomaaliyeed la kulmaan iyo in aysan helin cadaalad ku filan oo ay kaga samri karaan dhibaatooyinka xiliyada qaar soo jawaha. Agaasimaha guud ee wasaarada haweenka iyo xaquuqul insaanka Galmuudg Xamdi C/qaadir Sheekh Aadan ayaa sheegtay in ay wadaan qorshe lagula dagaalamayo falalka tacadiyada haweenka ka dhanka ah. “Wasaaradu waxaa ay bilowday in la sameeyo wacyi gelino ku aadan in la dhoowro xaquuqda haweenka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool deegaankeena, odoyaasha dhaqanka Galmudug ayaan ka saxiixnay in tacadiyada dumarka aan lagu xallin xeer dhaqameed balse sharciga iyo cadaalada la mariyo cidii ku kacda dhibaateyna haweenka. Dumarku caqabadaha ay bulshada inteeda kale la kulmaan qeyb ayeey ka yihiin basle waxaa u dheer inay wajahaan falal ay ka mid yihiin kufsi , guur qasab ah iyo kuwo kale sida ay sheegeyso Sahro Maxamed “Haweenka Soomaaliyeed waxaa ay la kulmaan Kufsi, guur qasab ah iyo dhibaatooyin kale, waana in cadaalad lagu xaliyo hadii ay dhibaatooyin yimadaan si looga gudbo tacadiyada dumarka”. Wasiir dowlaha arimaha gudaha iyo dowladaha hoose Galmuudg Cumar Maxamed Diiriye iyo Wasiir ku xigeenka macdinta iyo Kheyraadka biyaha Maxamed Nuur Diini ayaa sheegay ka hadlay sida ay muhiimad u leedahay in la dhowro xaquuda dumar iyo dadka baahiyaha gaarkaa qaba taasina ay ku imaa karto amni iyo kala danbeyn. Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay meelaha lagu dhibaateeyo haweenka inkasta oo ay jiraan wacyi gelino wasaaradaha arintaan ku shaqada leh ay hadaan laakiin wali lama gaarin waqtigii guusha ee laga gudbi lahaa dhibateynta dumarka Soomaaliyeed. Goobjoog News Source
  19. Guddiga taakuleynta ee Qaraxii Zoobe (14 October) ayaa warbixin dheer kasoo saaray waxyaabihii ay qabteen, lacagaha baxay, kuwa la hayo, caqabadaha guddiga haysto iyo arrimo kale oo isla howlaha guddiga un ku saabsan. Xubnaha guddigan oo maaanta saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay iney isku dubarideen qorshe meelmar noqday oo uu uga jawaabayey khasaarihii ka dhashay qaraxii Zoobe. Guddiga ayaa sheegay iney taakuleyn siiyeen qaar kamid ah dadkii ehladooda ku dhinteen qaraxii Zoobe, dadkii dhaawaca ahaa, dad muruqmaal ah iyo kuwo qaraxii Zoobe uu waxyeello u geystay. Waxay sheegeen in guddiga ay soo gaartay lacag dhan $3,802,847.43 ay bixiyeen lacag dhan $1,374,441.87 halka ay taallo lacag dhan $2,427,500.56. Dhanka kale, guddiga taakuleynta ee Qaraxii Zoobe ayaa sidoo kale muujiyey cabasho dhanka ammaankooda ah, xafiis ay ku shaqeeyaan oo aanay haysan iyo sidoo kale agabkii lagu fududeyn lahaa howlahooda shaqo. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka guddiga. Goobjoog News Source
  20. Kulliyadda macalimiinta Garoowe ee GTEC ee magaalada Garoowe ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad qalin jebin ah oo loo qabtay 110 macalin oo kulliyadda baraha ama macalinimada ka bartay kulliyadda GTEC. Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland, Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare, maamulka kulliyadda GTEC, macalimiinta kulliyadda, macalimiinta qalin jebisey, waalidiin, arday, ganacsato iyo bahda waxbarashada. Gudoomiyaha jaamacadaha Puntland ahna maamulaha kulliyadda GTEC Cabdiraxmaan Sheekhdoon ayaa madasha ugu horayn ka sheegay in ardaydaani ay dhammaysteen barashada macalinimada oo 2 sano ah ayna diyaar u yihiin inay ka hawlgalaan dugsiyada hoose iyo dhexe ee Puntland. Wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland Dr Maxamed Cali Faarax oo ka hadlay xafladda ayaa u hambalyeeyey ardayda qalin jebisey wuxuuna ku booriyey in wixii ay barteen ay dadka iyo dalka uga faa’iideeyaan. Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha madaxweynaha dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey oo shahaadooyin guddoonsiiyey macalimiinta qalin jebiyey ayaa sheegay in kulliyadda GTEC ay tahay isha kaliya ee bahda macalimiinta u soo saarta Soomaaliya dowladda Puntlandna ay ka go’antahay sidii loo tayeyn lahaa. Dhanka kalena, Eng Camey wuxuu ardayda kula dardaarmay inaysan dayicin cilmiga ay barteen aysana noqon kuwa kaliya dhaqaale ku raadiya ee ay dadka ugu faa’iideeyaan. SAWIRRO
  21. Dowladda Puntland ayaa Maanta ka hadashay xirnaanshaha dekadda magaalada Boosaaso iyo muranka u dhexeeya ganacsatada qaar iyo dowladda,kaasoo ku aaddan sharuudo ay soo rogtey shirkadda la wareegtay maamulka dekadda ee P&O oo laga leeyahay Dalka Imaaraadka. Sharuudaha ay ganacsatadu diidday waxaa kamida khidmado dheeriya oo la saaray maciishada imaanaysa dekadda,haye yeeshee Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha dowladda Puntland Cabdullaahi Xaashi Qoob-deero oo Maanta weriyaasha kula hadlay caasimadda Garoowe ayaa sheegay in dekadda Boosaaso ay khaakhuul(fowdo) ku hayaan wakiiladii doomaha alwaaxa ah oo keliyah. Wasiirka ayaa eedayn kulul u jeediyey wakiiladaas oo uu sheegay in ay ka shaqeeyaan doomo aan caymis lahayn,islamarkaana halligaya naf iyo maal wixii la saaro. Dawlada ayaa magaalada Bosaaso geysay ciidamo fara badan si ay uga hortagaan mudaharaadyo rabshado wata oo laga cabsi qabo inay ka dhacaan magaalada kuwaas oo daba jooga rabshadihii horay magaalada uga dhacay. Xirnaashaha dekadda ayaa durba laga dareemay suuqyada magaalooyinka Puntland, waxaana sara u kacay maciishada kala duwan oo ay kamid tahay cuntada asaasiga ee ay dadweynuhu quutaan. Halkaan ka daawo. PUNTLAND POST The post Daawo: Dowladda Puntland oo khaakhuul ku tilmaantay xirnaanshaha dekadda Boosaaso. appeared first on Puntland Post.
  22. Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa ka digay inuu jiro qorshe la doonayo in lagu burburiyo midnimada iyo mustaqbalka dunida Muslimka ah. “Qorshe aad u xun ayaa socda oo ka dhan ah midnimada, mustaqbalka iyo hodantinimada dunida muslimka ah”ayuu yiri Erdogan oo khudbad ka jeediyey shirka ururka dalalka Islaamka ee magaalada Istanbul. Erdogan waxa uu sheegay in dunida muslimka ay sanadihii dhowaa ku sugneyd xaalad aad u adag. Madaxweynaha Turkiga ayaa dalalka Reer Galbeedka ku eedeeyey inay dunida Muslimka usoo dhoofiyeen taariikhdooda cudurka ah. “Ka aamusnaanta reer galbeedka ee xasuuqa ka socda Syria toddoba sano, ayaga oo albaabka ka xirtay dadka muhaajiriinta, iyo ayaga oo aan cambaareyn xasuuqa muslimiinta Myanmar, waxay na tustay wejigooda dhabta ah” ayuu yiri. Waxa uu uu is-weydiiyey sababta dalal badan oo muslimiin ah ku qasbeysa inay ballaayiin dollar siiyaan quwadaha reer galbeedka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. The post Shirkii Golaha Xukuumadda Puntland ayaa looga hadlay, Amaanka, Firxadka Al-shabaab iyo Warbixinno. appeared first on Puntland Post.
  24. Waxaa maanta Xerada 54 aad Ee Garowe lagu qabtay Xaflad lagu wareejinayay ciidamo katitrsan kuwa Daraawiishta Puntland, oo ku biiraya Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed. Ciidankaan oo tiro ahaan gaaraya 2.400 oo Askari, ayaa qayb ka ah ciidama laga qorayay Maamulada xubnaha ka ah Dawladda federalka dhexe, waana heshiis horey loo kala saxiixday oo ku saabsanaa isku dhafka ciidamada Soomaaliya. Taliyaha Guud Ciidamada difaaca Puntland Sareeyo Guud Siciid Maxamed Xirsi Siicd dheere ayaa sheegay Ciidamada Puntland ku wareejisay dawlada dhexe gaar ahaan Wasaarada gaashaandhiga Somaliya inay ka yimaadeen ciidamada Puntland oo dhexdooda laga soo xulay, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in ciidankaani yihiin, ciidankii xooga Puntland ee ku sugnaa xertaha difaaca. Wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhiga dowladda federalka Soomaaliya, Maxamed Cali Xagaa, ayaa sheegay maanta laga bilaabo in ciidanka Daraawiishta Puntland ay kamid ahaandoonaan ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayna dowladda federalku la wareegidoonto dhammaan wixii xuquuq ah oo ay ciidankaan leeyihiin. Wasiir udowlaha gaashaandhiga ayaa ciidankaan u sheegay inay sii labo jibaaraan dagaalka ay kula jiraan cadowga Puntland ee nabad-diidka ugu horeeyaan, wuxuuna sidoo kale uga digay inay ka qeyb qaataan colaadaha sokeeye. Madaxwayne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay in waqti badan soo qaataday in la diyaariyo ciidamada ay wareejinayaan. Camay ayaa tilmaamay in maanta laga bilaabo mushaarkooda iyo masuuliyadda ciidamadan ay leedahay Dawladda federalka Soomaaliya. Dowladda Puntland ayaa noqonaysa Maamulkii ugu danbeeyay ee wareejiya ciidamo ay qoraysay dawladda dhexe ee federalka, taasoo qorshuhu ahaa in Maamul kasta laga helo 3000 oo Askari. Halkaan ka dhegayso codka madaxweyne Camey. Madaxwayne ku xigeenka 54 aad Puntlandi.com