Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    205,859
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Turkiga ayaa cambaareysey Weerarradii ugu danbeeyay xalay ka dhacay qeybo ka mid magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka madaxtooyada Soomaaliya. War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay in dowladda Turkiga ay ka qeyb qaadan doonto sidii loo caawin lahaa dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxyaddaasi. “Turkigu wuxuu sii wadayaa wadashaqeyntiisa adag ee kala dhaxeysa xukuumadda iyo dadka walaalaha ah ee Soomaaliya marka la eego weerarrada argagixisada ee lagu beegsanayo xasiloonida Soomaaliya,” ayaa lagu yiri hadal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Turkiga. Qaraxyada xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa yimid maalin uun kaddib markii ay gollaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ka digeen weerarro laga yaabo in ay ka dhacaan caasimada. Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka iyaga oo sheegay in ay qaateen xoogag iyaga ka tirsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dowladda Turkiga oo war rasmi ah kasoo saartay qaraxyadii iyo weeraradii Xalay Muqdisho ka dhacay appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Kursi ka mid ah kuwa ka banaan Golaha shacabka Soomaaliya islamarkaana ay ku tartamayeen musharrixiinta kala ah .Musharax C/raxmaan Axmed iyo Musharax Fatxi Saciid Xasan Baaqashada doorashada ayaa timid kaddib markii muran uu kala dhexgalay Ergada ka qeybgeleysay Doorashada iyada oo 21 ka mid ah Ergada ay ka baxeen doorashada. Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka Madaxa banana Xaliimo Ismaaciil( Xaliimo yareey) ayaa shegtay in doorashadaas dib loo dhigay isla markaana waqtiga kale ee la qabanayo ay dib ka soo sheegi doonaan. Ergada Musharrax Fatxi Siciid Xasan oo uu kursigan aabbihii ka geeriyooday ayaa la sheegay in ay isaga baxeen doorashada iyada oo sidaasna ay ku baaqatay. Kursigaan ayaa waxa uu ka mid ahaa laba ka mid ah Kuraasta banaan ee Golaha Shacabka,waxana sidoo kale jira in uu weli banaan yahay kursigii uu ka geeriyooday Allaha u Naxariistee Marxuum Bootaan Ciise Caalin oo kas oo jeeda deeganada Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Faahfaahin ku saabsan muran xooggan oo ka dhashay Doorashada Kursi ka banaan Golaha Shacabka appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya Isgoyka Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan Dowlada Soomaaliya uu ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Banaadir iyo seybiyaano. Ciidamada dagaalamay ayaa ah ciidamo Booliis ah iyo kuwa Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya, kuwaas la sheegay in dagaalkooda uu ka danbeyo kadib markii labada ciidan uu soo kala dhax galay is fahmiwaa kaas oo sababtay in ay isrisaaseeyaan ciidamadaasi. Sida ay noo xaqiijiyeen dad goob joogayaal oo la hadlay KNN ayaa khasaaraha ka dhashay dagaalkaas ku sheegeen sedax Askari Booliis ah, majiraan warar intaas dhaafsiisan oo sheegaya in khasaaraha uu intaas ka badan yahay. Saraakiisha ciidamadaan dagaalamay oo aan la xariirnay ayaa inoo suura gali wayday in aan helno si ay noogu xaqiijiyaan khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaas iyo waxa dhaliyayba. Ilaa iyo hadda majirto cid ka hadashay dagaalkaas oo u dhaxeeya ciidamadaan kawada tirsan Dowlada Soomaaliya. Waxaana hadda dagan goobihii dagaalka uu ka dhacay oo muddo daqiiqado ah ha kad gilisay ganacsiga iyo isu socodka dadka gaadiidkaba. Waxaa la aaminsan yahay inuu dagaalka sababay dareeskii ay Shabaab xalay soo xirteen markii ay weerarada fulinayeen oo ahaa kuwa Booliska ah, waxaana weli taagan shaki ku aadan inay Shabaab mar kale sidaas sameeyaan; Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dharkii Booliska oo ay Al-Shabaab xalay soo xirteen oo sababay dagaal Muqdisho ku dhex maray Ciidamo …. appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maalinta berri oo Axad ah lagu wadaa inuu u ambabaxo dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, kaddib casumaad rasmi ah oo uu ka helay Mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta. Booqashada Ra’iisul Wasaare Kheyre ee Imaaraadka Carabta ayaa soo baxday, kaddib ka qeyb galkiisa shirkii Davos ee Switzerland bishii hore oo ay isku arkeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta. Inta uu ku sugan yahay Ra’iisul Wasaare kheyre Imaaraadka ayaa waxa uu la kulmi doonaa Masuuliyiinta dalkaas,isaga oo kala hadli doono xoojinta xiriirka labada dal oo hoos u dhacay tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay dowladda Soomaaliya dhex dhexaad ka noqtay Khilaafkii Wadamada Khaliijka. Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedeeyay in uu ku lug yeeshay xaalada Siyaasadeed ee dalka,waxaana tani ay sahli kartaa in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu sameeyay furfures Siyaasadeed. Xiriirka Villa Somalia iyo Imaaraadka Carabta ayaa waxooga mugdi galayay, tan iyo wixii ka dambeeyay markii siyaasiyiin ku xiran Imaaraadka ay mucaarado xooggan ku fureen dowladda Soomaaliya iyo mowqifkii dowladda Soomaaliya ka qaadatay khilaafka Khaliijka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxay tahay sababta ka dambeyso safarka uu Kheyre Berri ku aadayo dalka Imaaraadka Carabta? appeared first on Caasimada Online.
  5. ONE GOAL tells the inspiring story of a city and its high school soccer team—the Blue Devils of Lewiston, Maine—and how their quest for a state championship title united a city that had undergone dramatic change after thousands of Somali refugees resettled there. Source: Hiiraan Online
  6. NAIROBI - She was christened Samantha, but her delighted Kenyan parents quickly nicknamed their tiny daughter “Pendo,” which in KiSwahili means “Love.” Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Xalay fashilmay weerar qorsheysan oo ay Shabaab kusoo qaadeen Jidadka hormaro Madaxtooyada Villa Somalia iyo Isgoyska Jubba. Dad goobjoogayaal ah ayaa Shabakadda Caasimadda Online u xaqiijiyey in Ciidamadii ku sugnaa Isgoyska Sayidka iyo agagaarka Madaxtooyada ay si weyn u fashiliyeen Kooxdii ka tirsaneyd Shabaab oo weerarka soo qaaday kuwaas oo doonayey inay weeraradaan Xarunta madaxtooyada. Dabley hubeysan oo saarneyd gaari ayaa ka soo gudbay koontaroolka Sayidka, halkaasoo ay ku dileen askari ku jiray hubinta gaadiidka mara wadadaas, waxaana kaddib gaariga uu u soo dhaqaaqay wadada hormarta Taaladii Dhagaxtuur iyo Masaajidka Isbaheysiga, halkaasoo dabley hubeysan ay uga dageen. Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada ee ku sugnaa Koontaroolka dhanka Hotel SYL ayaa rasaas ku furay gaariga, kadibna qarxay, waxaana markii dambe is rasaaseyn ay ka bilaabatay inta u dhaxeysa Taalada Dhagaxtuur iyo dhabarka dambe ee Hotel Siyaad. Dableyda hubeysan ayaa la sheegay in qorshahooda ahaa inay Madaxtooyada ka weeraraan dhanka Albaabka xiga Hotel SYL, inkastoo aanay u suura gelin oo iska caabin adag kala kulmeen Ilaaladii ku sugneyd. Is rasaaseyn oo muddo socotay ayaa Ciidamada ammaanka waxay ku toogteen illaa afar dabley hubeysan oo xirneyd dhar loo ekeysiiyay dareyska Ciidamada Booliska. Maxamed Nuur Xuseen oo ah aqoonyahan dhanka Ciidamada ayaa Shabakadda Caasimadda Online u sheegay inay tahay in ciidamada dowladda lagu amaano tallaabada wanaagsan oo ay kaga hortageyn ciidamadii doonayey inay dhibaateeyaan dadka Shacabka ah. ” Waxaa muuqato inay Ciidamada dowladda tallaabo wanaagsan qaadeyn, waxay si geysinimo leh u muujiyeen inay yihiin ciidamo u taagan badbaadinta shacabkooda” ayuu yiri. Wuxuu kaloo sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay abaalmariso ciidamadii ka hor tagay falkaas, si gaar ahna wuxuu ku taliyey inay dowladda kafaalo qaado qoyskii uu ka geeriyooday Labo Alifle Bishaar oo ah askari ku geeriyooday weerarkaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Kaalin noocee ah ayey ciidamada dowladda ka qaateen in la fashiliyo weeraradii Xalay? appeared first on Caasimada Online.
  8. Shuayb Harris gave judge heartfelt tribute about "vibrant and loving mum-of-two" who spent all her money on clothes and toys for her children Source: Hiiraan Online
  9. WASHINGTON — After boycotting presidential elections in 2016, Djibouti’s main opposition party, the Movement for Democratic Renewal and Development (MRD), says it will not participate in legislative elections Friday Source: Hiiraan Online
  10. Recently, I was moved from Ministry of Information in the Somali Federal Government where I served as a Minister for Information, Culture & Tourism to a new post as the Mayor of Mogadishu and the Governor of Banadir region, which has at least 3 million residents. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qaraxyo iyo dagaal xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Xarunta Villa Somalia iyo eeryada xarunta weyn ee Hay’adda Nabadsugida Somalia. Maleeshiya hubeysan oo ka tirsan al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday wadada u dhaxeysa isgoyska Sayidka iyo Hotelka SYL, gaar ahaan Taalada Dhagaxtuur oo ku dhow Villa Somalia. Weerarka inta uu socday ayaa waxa dhacday 2 qarax, midka koowaad ayaa ka dhacay Taalada Dhagaxtuur, halka kan kalena uu dhacay isgoyska Jubba, gaar ahaan Hotelka Dorbin oo dhinaca ku haya xarunta weyn ee NISA. Qaraxyada iyo Dagaalka ku dhawaad qaatay saacad ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh. Dhimashada ayaa iminka mareysa 22 qof, halka dhaawacana uu gaaray 24 ruux oo ay ku jiraan ciidamo iyo dad shacab ah. Mid kamid ah Saraakiisha caafimaadka ayaa xaqiijiyay in Saqdii dhexe ee xalay lasoo gaarsiiyay dhaawacyo ay rasaasta ugu tagtay goobahooda Ganacsi. Sarkaal ka tirsan Wasaarada Amniga ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka inta uu dagaalka socday ay toogteen Shan oo uu sheegay in ay ahaayeen raggii weerarka soo qaaday, weerarkana isla xalay la soo afjaray. Sidoo kale, waxaa xalay ilaa Saaka xiran wadooyinka qaar ee Muqdisho,gaar ahaan goobaha ay weeraradu ka dhaceen. Dadka shacabka ah qaarkood ayaanay xalay u suuragelin in guryahooda u soo hoydaan, maadaama ay joogeen goobaha loo dalxiistago, wadooyinkana ay ku xirmeen oo ay waayeen meelo ay soo maraan. Dhinaca kale, waxaa weli jira cabsi laga qabo in maleeshiyaadka al-Shabaab ay weeraro kale ka geystaan magaalada Muqdisho. The post Sawiro: Maxaa kala socotaa saameyntii uu reebay qarixii ka dhacay Isgoyska Jubba? appeared first on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) _ Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weeraro isugu jiray is qarxin iyo mid toos ah oo xalay ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, waxaana weeraradan ka dhashay khasaaro xoogan. War laga baahiyay Idaacada afka Al Shabaab ku hadasha ayaa lagu sheegay in weerarkii xalay uu ahaa mid isku xirnaa ayna fuliyeen rag hubeesan oo kooxdaasi katirsanaa, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in weerarkaasi ku dileen 35-qof ay ku jiraan saraakiil iyo askar . Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in qaar kamid ah ragii hubeesnaa ee weerarka ka geestay agagaarka xarunta Madaxtooyada Soomaaliya iyaga oo nool dib uga soo laabteen aagaasi kadib dagaal ay la galeen ilaalada Madaxtooyada. “Ugu yaraan 35 kamid ah saraakiisha murtadiinta ayaa ku dhintay howlgalkii aadka u xooganaa ee xalay mujaahidiintu ka fuliyeen xarumaha Madaxtooyada iyo Nabad sugidda Kooxda Ridada”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab. Al Shabaab waxay xaqiijisay in qaar kamid ah dagaalyahannadii weerarka Fuliyay ay dib uga laabteen goobta “Qaar Kamid ah ciidamadii weerarka fuliyay si nabad gelya ah ayay goobta dagaalka dib ugasoo laabteen” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab. Warka kasoo baxay Al Shabaab ee laga baahiyay idaacada afkooda ku hadasha ayaan lagu sheegin tirada ragii weerarka fuliyay iyo sidoo kale dagaalyahanada weerarkaasi ka bad baaday ee dib uga laabtay aagii lagu dagaalamay. Wasaarada Amniga Gudaha ayaa sheegtay in dagaalyahanadii Al Shabaab ee weerarka geestay ay gaarayeen ilaa shan nin lana dilay dhamaantood, waxaana dowlada soo bandhigtay qaar kamid ah meydadka ragaasi la dilay. Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda xaqiijisay inay dishay dhammaan dableydii weerarka soo qaaday ee ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab, mana jirto warar madax banaan oo ku saabsan arrintaan iyo waxa ka jiro. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Al Shabaab ” Qaar kamid ah ciidamadii weerarka fuliyay si nabad gelya ah ayay dib ugusoo laabteen”. appeared first on Caasimada Online.
  13. MOGADISHU (HOL)- Alshabaab attacks in Mogadishu ended on Fiday night after 30 people were killed in two car bomb blasts followed by gunfire, Security ministry confirmed. Source: Hiiraan Online
  14. UNITED NATIONS/BEIRUT (Reuters) - The U.N. Security Council on Friday delayed a vote on a demand for a 30-day ceasefire in Syria, where pro-government warplanes have been pounding the last rebel bastion near Damascus in one of the deadliest bombing campaigns of the seven-year civil war. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Alshabaab ayaa muddo 30 daqiiqadood ah ka fuliyey Muqdisho saddex qarax iyo weerar toos ah oo bartilmaameedkiisu ahaa Madaxtooyada Soomaaliya. Weerarka ayaa lagu soo beegay xilli Maqrib ah oo salaad lagu jiro, sida ay u badan yihiin weerarrada Alshabaab, laakiin waxaa xusid mudan in weerarkii shalay aanu ku bilaaban qarax, bale ay dhacday in ciidamo lugta ah oo Alshabaab ka tirsan weerar toos ah ku qaadaan Dhagaxtuur iyo dhismooyin u dhow Iridka laga ilaaliyo Madaxtooyada. Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay KM 0, afaafka hore ee Hotelka cusub ee Doorbin oo dhinaca ku haya xarunta dhexe ee NISA, halkaasoo qasaaraha ugu badani ka dhacay, iyadoo gaari is-miidaamin ah uu dad gaaraya 20 qof ku laayey halkaasi, kuwaasoo u badnaa istaaf iyo ciidamada dowladda. Qaraxii labaad ayaa ka dhacay iridka laga galo Madaxtooyada ee u dhow Hotelka SYL, halkaasoo ay dhinaca kale ka socotay Rasaas xoog leh oo dhex mareysa maleeshiyada Alshabaab iyo ciidamada ilaalada madaxtooyada, iyadoo markaas kadibna uu qarax kale ka dhacay Taallada Sayidka oo ay taallo jidgooyo ay ciidamada ka ilaaliyaan madaxtooyada Soomaaliya. Ciiiamada madaxtooyada ayaa dilay afar ka mida dableydii weerarka soo qaaday oo ku lebisnaa dareyska cusub ee ciidamada Booliska Soomaaliya, waxaana magaalada oo dhan saameyn ku yeeshay rasaasta socota, kadib markii ay ciidmada dowladda xireen isu socodkii magaalada oo dhan. Qasaaraha weerarkii Alshabaab ee saddexda jiho ayaa sare u dhaafay 30 dhimasho ah iyo dhaawac ka badan, iyadoo ay jirto dhimashada kale ee dableyda Alshabaab oo ahaa lix maleeshiyo. Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in meydadka shan qof lagu arkay inta udhaxeysa Isgosyka Sayidka iyo Taalada Dhagaxtuur oo dagaal ku dhex maray labada dhinac. Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu qaraxyo badnaa ee mar qura loo adeegsado saddex gaari oo miineysan, waxaana ka sokow qasaaraha faraha badan ee ka dhashay ay ciidamada amniga ku guuleysteen inay ka hortagaan maleeshiyadii Alshabaa, inkastoo in weerar heerkaas gaarsiisan uu ahaa fashil weyn oo dhinaca amniga ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Weerarka Saddexda Jiho & Saddexda Qarax ee Alshabaab: Warbixin ku saabsan sidii Alshabaab u qorsheysay appeared first on Caasimada Online.
  16. An 18-year-old has been arrested on suspicion of murdering two young men who were stabbed to death within two hours of each other in north London. Source: Hiiraan Online
  17. A Federal Court judge has ruled against an emergency request to pause the deportation hearing of former Somali child refugee Abdoul Abdi. Source: Hiiraan Online
  18. At least 27 are dead in two car bomb blasts, claimed by al-Shabab, reported near presidential palace in Somali capital. Source: Hiiraan Online
  19. Francisco Madeira, oo ah ergayga gaarka ah ee midowga Africa u qaabilsan Somaliya, ayaa sheegay in aanan lajoogin waqtigii ciidamada midowga Africa ay iskaga bixi lahaayeen Somaliya asagoona codsaday in loo kordhiyo waqtiga ay ka sii hawl gali karaan Somalia. ergayga gaarka ah ee midowga Africa u qaabilsan Somalia ayaa dalbaday in waqtiga hawl-gal kooda Somalia lagaarsiiyo sanadka 2021, si ay caawinaad uga gaystaan ladagaalanka iyo cirib tirka Al-Shabaab. Madeira, ayaa sidoo kale sheegay in u jeedada ay Somalia u imaadeen ay tahay sugida iyo horumarinta amaanka, asagoona intaasi sii raaciyay in ay rajo wayn ka qabaan in ay Somalia soo hagaagto ka hor 2021. Ergayga gaarka ah ee midowga Africa u qaabilsan Somalia ayaa ka dhawaajiyay in horumaro farabadan ay ka sameeyeen gudaha Somalia, asagoona sidoo kale sheegay in ay jireen caqabado farabadan oo soo wajahay 11 sano oo ay AMISOM ka hawl galaysay Somalia. Bishii August 2017’dii ayay ahayd markii golaha amaanka Qaramada midoobe ay ansaxiyeen Qaraar ay AMISOM uga sii hawl gali karto Somalia, inkastoo dhimis lagu sameeyay ciidamada Amisom ayadoona masuuliyada inteeda badan dusha laga saaray ciidamada qaranka Somalia. ergayga gaarka ah ee midowga Africa u qaabilsan Somalia Francisco Madeira, ayaa hoosta ka xariiqay in ay sii wadi doonaan taageerida iyo garab istaaga dowlada Faderalka inta lagu guda jiro xaaladda kala guurka. “Dhamaanteen waxaan isku raac sannahay, in aan wajahno qatarta Al-Shabaab, taas oo haddii aanan ka hortagin saamayn ku yeelan karto dhamaan qaaradda oo idil, ” ayuu yiri Mandera. Mandera ayaa sido kale difaacay eedeemo loo soo jeediyay, ciidamada AMISOM asagoona soo dhaweeyay in Somalia ay ka dhici karto doorasho hal qof iyo hal cod ah. Ciidamada midowga Africa ayaa Somalia waxa ay ka wadeen how galo ay ku baacsanayaan Al-shabaab in kabadan 10 sano, ayagoona sheegay tan iyo waqtigaasi in horumaro balaaraan ay ka sameeyeen hawl galadooda Somalia. Waxaa xusid mudan in ciidamada AMISOM ay isku diyaarinayeen qorshe ay uga baxayaan dalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post AMISOM oo Dalbatay in Loo Kordhiyo Waqtiga ay Sii Joogayaan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Tiro kabadan 24 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen Qaraxyada iyo dagaalkii ka dhacay agagaarka Xarunta Villa Somalia iyo Isgooyska Jubba ee magaalada Muqdisho. Weerarka ayaa waxaa qaaday maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab oo rasaas ku bilaaway ciidamada Koofi casta ee ka howlgala Taalada dhagaxtuur oo ku taalla wadada Sayidka, waxaana halkaasi ay kala kulmeen iska cabin. Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle oo booqday dhaawacydii xalay ayaa sheegay inay sii kordhayaan khasaaraha ka dhashay qaraxyadii xalay. Wasiirka Amniga ayaa xaqiijiyay in khasaaraha ugu badan uu ka dhashay qaraxii ka dhacay agagaarka xarunta weyn ee NISA, gaar ahaan afafka hore ee Hotelka Dorbin. ‘’Waxaan qireynaa in khasaaraha ugu badan uu ka dhashay Qaraxii ka dhacay Isgooska Jubba, waxaana ku dhamaaday dhalinyaro ka imaaday liido oo hoyaad u ahaa guryahooda’’ Waxa uu Wasiirka sheegay in khasaaraha ugu badan ee ka dhashay Qaraxa ka dhacay afafka hore ee Hoteel Dorbin uu dhacay xili halkaasi ay marayeen dadweyne u badan dhalinyaro, kuwaasi oo u jimceystay Xeebta Liido, xilligaasina soo hoyanayay. Waxa uu intaa ku daray in dadka ku dhamaaday ay u badnaayen dhalinyaro kasoo laabatay kubad iyo badda, waxa uuna cod dheer ku sheegay Wasiirka in Ciidamada ammaanka aysan marnaba ka niyad jabi doonin weerarada Shabaab. Waxa uu intaa kusii daray Wasiirka in dhaawacyada daran loo qaadi doono dalka dibadiisa, wuxuuna carab ***** inay soo arkeen dhaawacyo aad u liita oo u baahan caafimaad dibada ah. Maleeshiyada al-Shabaab ayaa baraha ay ku faafiyaan wararkooda ku sheegay in dhalinyaro iyaga daacad u ahaa ay fuliyeen weeraradii ka kala dhacay Sayidka iyo Jubba. Maleeshiyadu waxa ay sheegeen inay beegsadeen meel ku dhow Madaxtooyada iyo Hotelka Dorbin oo ay ku tilmaameen goobo muhiim u ah. Si kastaba ha ahaatee, maleeshiyada al-Shabaab ayaa inta badan beegsada goobaha ay ku sugan yihiin dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan iyagoo qasdigooda uu yahay koror ku imaada khasaaraha markaasi ay geystaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Wasiirka Amniga oo xaqiijiyay Qaraxyadii dhacay kan ugu khasaaraha badnaa ee dhimashada ugu badan geystay appeared first on Caasimada Online.
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Iska hor imaad dhexmaray Ciidamada Dowladda gaar ahaan Nabad sugidda iyo kuwa AMISOM. Iska hor imaadkan ayaa ka dhacay wadada isku xirta Isgoyska KM4 iyo Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Iska hor imaadka oo muddo badan qaatay ayaa si gaar ah ugu dhacay goob lagu baaro gawaarida gasha garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho. Ciidamada Dowladda ayaa xiligaas wadada u xirnayd, waxayna Ciidamada AMISOM u sheegen in wadada ay xiran tahay, isla markaana amar lagu siiyay inaan la furi karin. Ciidamada NISA ayaa kuwa AMISOM ku amray inay dib u laabtaan, maadaama wadada ay xirnayd, waxaana ka dhago fureystay amarkaas AMISOM. Intaa kadib waxaa bilawday iska hor imaadka ciidamada Nabad sugidda iyo AMISOM oo ka dhashay khasaaro kala duwan. Iska hor imaadkaasi ayaa waxaa ku dhintay askari ka tirsanaa ciidamada NISA, waxaana sidoo kale ku geeriyooday laba ruux oo shacab ah oo wadada maraayay. Askariga iyo labada qof ee halkaasi lagu dilay ayaa maydkooda waxaa la geeyay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho. Sidoo kale, Xilliga iska hor imaadka uu dhacaayay ayaa waxa ay aheyd xalay fiidkii waqtigaasi oo Magaalada ay ka jirtay xaalad amni iyo baqdin, kadib qaraxyadii dhacay. Dhinaca kale, Hay’adaha amniga dowlada ayaan weli ka hadal daandaansiga ay ciidamada AMISOM ku sameeyen ciidamada NISA ee joogay barta koontarool ee ku dhow Isgoyska KM4. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Ciidamada NISA iyo kuwa AMISOM oo ku dagaalamay meel ku dhow Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  22. The Somalia-based extremist group al-Shabab is claiming responsibility for the twin blasts in Mogadishu that have killed at least 18 people and injured 20 others. Source: Hiiraan Online
  23. The Somalia-based extremist group al-Shabab is claiming responsibility for the twin blasts in Mogadishu that have killed at least 18 people and injured 20 others. Source: Hiiraan Online
  24. Suspected Somali pirates attacked a Singaporean-flagged chemical tanker on Friday but were repelled by guards on board, the European Union’s Naval force said, the first such incident in several months. Source: Hiiraan Online
  25. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xalay saqdii dhexe ku booqday isbitaallada lagu dabiibayo dhaawacyadii ka dhashay qaraxyadii fulaynimada ahaa ee kooxaha nabad diidka ah ay ku beegsadeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan maqribkii xalay. Guddoomiyaha oo kormeeray qeybaha kala duwan ee isbitaalka oo la dhigay dadka qaba dhaawacyada, ayaa caafimaad u rajeeyey dadka ay dhibaatadu soo gaartay, isagoo tilmaamay in qaraxyadani ay calaamad u yihiin cadowtinimada baahsan ee ay kooxaha nabad-diidka u hayaan shacabka Soomaaliyeed, waxuna tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada dadkii falkaas ku geeriyooday. “Waxaan isbitaalka ku booqanay dhaawacyada ka dhashay qaraxyadii caawa dhacay, waxaana u mahadcelinayaa dhakhaatiirta ku howllaneyd qalliinka iyo daweynta. Hay’adaha Amniga iyo kuwa gurmadkana door weyn ayey ka qaateen badbaadada shacabka”.Ayuu yiri guddoomiye Yarisow oo intaas raaciyey in qaraxa ka dhacay isgoyska baar FIAT ku soo beegmay xili ay dhalinyaro badan ka yimaadeen xeebta Liido maadaama ay Jimco aheyd. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ayaa waxaa booqashada uu ku tagey Isbitaallada ku weheliyey Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Benaadir. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo booqday dhaawacyo la dhigay Isbitaallada Muqdisho appeared first on Puntland Post.