Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,125
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland helitaanka fursadaha shaqo oo aad u adag ayaa sabab u noqday in dhallinyaro badan ay u tahriibaan wadamada dibadda. Balse taas badalkeeda waxaa jira fursado shaqo oo kooban kuwaasi oo dhallinyaradu kaga baaqsadeen musiibada tahriibka. Hargeisa, waxaa laga hirgaliyey gawaari loo bixiyey magaca Hooyo Ha tahriibin, gawaaridani ayaa waxaa shaqo abuur loogu sameeyay dhallinyarada ku dhaqan Hargeysa si looga hor istaago in ay tahriibaan. Gawaarida Hooyo Ha tahriibin ayaa hadda waxaa si weyn looga isticmaalaa gudaha magaalada Hargeysa waxaa ayna fursad shaqo ay u abuureen dhallinyada ku dhaqan magaaladaasi. Shaafici Axmed Diiriye waxaa uu ka mid yahay dhallinyarada uu gaarigaani uu u noqday shaqo abuur waxaa uuna Goobjoog News uu la wadaagay sida uu u arko isaga oo kaga baaqsaday dhibaatada tahriibka iyo dhaqamo kale oo xun sababna ay u noqon karto shaqo la’aanta. “Maanta gaariga waxaa uu noo noqday shaqo waxaa uu naga baajiyey waxyaabo badan qofkii oo walwala,qofkii oo shaqo la’aan meelaha meereysta qofkii oo inuu tahriibo isku daya waxyaabo badan ayuu naga baajiyey Gaarigaan”. Inta badan dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa u tahriiba wadamada dibadda iyaga oo doonaya inay ka helaan shaqooyin ay noloshooda ay ku maareeyaan,maadaama xiligaan ay yartahay fursadaha shaqo ee laga heli karo gudaha dalka. Goobjoog News Source
  2. Cabduullahi Maxamed Ducaale oo ka tirsan naafada xoogga dalka ee dagaalkii 77 ayaa sheegay in isaga iyo asxaabtiisa ay dhibaato badan ku heyso Isbitaalka Martiini “Dadka Isbitaalka Martiini jooga aad iyo aad ayey ugu dac-dareysan yihiin naafadii xoogga dalka Soomaaliyeed 77 aad iyo aad ayey isbitaalka ugu dac-dareysan yihiin sababtoo ah dalka gudihiisa wax daryeel ah kama helaan dibaddana wax daryeel ah kama helaan. Cabdullahi waxaa uu sheegaya sida ay u nool yihiin “Sidaas darted iyagana maahan kuwo xoogsan karo oo shaqeysan karo boqolkiiba 20% ayaa shaqeysa labaatankaas wixii ay soo dhiciyaan baa la iskaga noolyahay la islana wadaagaa sidaas darted ayaan meesha ku joognaa” Sidee tahay xaaladooda caafimaad “Waxaa intaasi noo dheeri ah caafimaad darro wax dhaqtar ah malihin, dhaqtar la’aantuna waa dhibaatada ugu weyn caafimaadkii la yaqaanay oo horay dowladdii dhexe ay noo sameyn jirtay, waxaa uu ahaa mid aan wax ganacsi ah aan kaa rabin oo isbitaallo dowladda ah oo aad nalagu daryeelo nalagu soo dhaweeyo ayaa jiri jiray. Cabdullahi waxaa uu sidoo kale ka hadlay in aaney dawada Isbitaallada iska bixi Karin “Isbitaal maahan ee waa dukaan yar oo ganacsi oo miisaanno ay u saaranyihiin oo uu ku miiso dhiigga dadka iyo hilbahoodaba meeshaas ayaa noo ah caafimaad sidaas darted niman iska bixin karo ma nihin anagu, meesheenaan ayaa iska joognaa wixii ilaahey noo keeno waan cunnaa balse caafimaad darrada iyo daryeel la’aanta waa noo dheeri inta bani’aamka uu rabana waan rabnaa”. Booqashada waxaa uu ka yiri “Wadanka waxaa uu ku jiraa xaalad qaraar sida aad ogtahay nin walbow naftaada ayey taagantahay meel kalo oo ay wax nooga yimaadaan ma jiraan mar mar dibadahaas waxaa nooga yimaada rag naafada ka mida oo wax noo soo tuura oo nasoo xasuusto lkn ma jirto dalka gudahiisa cid nagu xasuusato. Cabduullahi Maxamed Ducaale waxaa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay “Dowladaha aduunka qofka markuu daqoobo ama ha noqdo ciidan ama shacab waa la daryeelaa laakiin lama haayo dowladdii na daryeeli laheyd ilaahey ha noo keeno”. Goobjoog News Source
  3. Iskuullo waxbarasho oo bilaash ah ayaa laga hirgaliyey xeryaha ay degan yihiin dadka ka soo barakacay abaaraha ee ku sugan gobolka Gedo. Xiish Mahad yare oo ah madaxa waxbarashada hay’adda Hirda ayaa sheegay in waxbarashadan lacag la’aanta ah ay ka faa’ideysan doonaan caruur gaartay da’da waxbarasho ee ku nool xerooyinka barakacyaasha ee gobolka Gedo. Deegaannada Baardheere, Luuq iyo Baladxaawo dadka ku nool ayaa iskuuladaani lacag la’aanta ah ka faa’ideysan doono waxayna gaarayaan ardeyda dhiganeyso ku dhawaad 5 kun oo arday. “Barnaamijkaan waxaa loogu talo galay barakacyaasha maadaama meeshii ay waxbaran jireen oo hore ay waxbarashadii ka joogsatay intii ay ku mashquuli lahaayeen waxyaabo badan oo kale, waxaan ugu talo galnay in ilmaha ay meesha ka faa’idestaan, barnaamijkaan waxaa loogu talo galay ilaa iyo 5 kun oo caruur ah oo gobolka Gedo oo dhan ah, waxbarashadan waxaan ugu talo galnay dadka ay ka dhamaadeen xoolihii kana soo barakacay abaarihii si ay u dhan dhansadaan waxbarashada’. Dadka barakacyaasha ah eek u nool xeryaha ku yaallo gobolka Gedo ayaa horay u haysan adeegyada asaasiga ah oo ay ka midka yihiin waxbarashada. Goobjoog News Source
  4. Wasiiru dowlihii wasaarada arrimaha gudaha Maamulka Hirshabeelle Yuusuf Cali Cilmi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu iska casilay xilkii uu dhawaan u magacaabay madaxweynaha maamulkaas. Yuusuf Cali ayaa ku macneeyay sababtuu isaga casilay xilkii loo mgacaabay in uusan ku qanacsaneen xilka wasiiru dowlaha wasaarada arrimaha gudaha Hirshabeelle, islamarakaana icasiladiisa uu u gubdiyay madaxweynaha Maamulka Hir-shabelle Maxamed Cabdi Waare. Shalay oo jimco aheyd Taariikhdana ay ku beegneed 1/12/2017 waxaa iscasilay Muxsin Muxumed Sheekh Shafeec oo ahaa Wasiiru Dowlihii Amniga & Dhaqancelinta Hirshabelle kana tirsanaa xubnihii la soo magacaabay 29-kii bishii November ee sanadkaan. 29-kii Bishii November ayaa waxa iscasilay Ismaaciil Maxamad Culusow oo ahaa wasiiru dowlaha cusub ee wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta maamulka Hir-Shabeelle, kadib markii uu sheegay in aan laga tashanin. Tan iyo Markii la magacaabay Golaha Wasiiradda maamulka Hir-shabelle waxa jirey cabashooyin kasoo yeeray qaar kamid ah beelaha daga Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. PUNTLAND POST The post Qaar Kamid ah Wasiirada Cusub ee Hir Shabelle oo is Casilay appeared first on Puntland Post.
  5. Save the Children, a humanitarian organisation , reports that 9.5 percent of children under five are severely malnourished in the district of Mataban alone. The number of Somalis at risk of famine has increased more than ten times in the last ten months, the UN reported on Thursday. There were 866,000 people in the ‘Emergency’ phase (IPC Phase 4) in November 2017 – up from 83,000 people in January 2017, the latest humanitarian bulletin reported on Thursday. “[Somalia] continues to face drought conditions spanning over four consecutive poor rainy seasons that severely aggravated the humanitarian crisis,” the UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) said in its November bulletin. Somalia’s humanitarian crisis is expected to worsen in 2018, as the UN’s latest forecast predicts that 6.6 million people – around 50 percent of Somalia’s total population – will require humanitarian assistance and protection. Half of that number – 3.3 million people, representing a quarter of the total population – are expected to require emergency food, water and medicine supplies. This emergency level is also reflected in the country’s nutrition rate – now at 17.4 percent. The emergency threshold stands at 15 per cent. “Drought and conflict have continued to be the principal drivers of humanitarian needs in Somalia,” said Peter de Clercq, the UN’s humanitarian coordinator for Somalia Somalia has experienced several years of poor rainy seasons, which has made it impossible to grow crops or maintain the country’s extensive livestock population. OCHA has previously blamed the 2015-2016 El Niño phenomenon for the poor rainfall, referring to a shift in global atmospheric pressure that occurs every six – seven years. The Deyr rainy season, lasting from October to December, started late again in 2017 however and is generally performing below average – marking a “fourth failed rainy season”, according to the UN. OCHA added on Thursday that the long-term forecasts for the Gu rainy season, lasting from April to June 2018, were “grim”. The current humanitarian situation in Somalia comes only six years after a drought last hit Somalia, killing 250,000 children in 2011. Source: – The New Arab
  6. Somalia and the African Union Mission in Somalia (AMISOM) have set out a detailed work plan on integrating and rehabilitating converts from violent opposition groups. Somali Defector Rehabilitation Program (DRP) said on Friday its priority plans include defector disarmament and community engagement at local level, training and technical support for the DRP. The DRP also plans to include network building, financing and resource mobilization, advocacy and monitoring, establishing proper communication and reporting network, creation of defector rehabilitation database, and outreach. “AMISOM has taken a lot of time to ensure we take advantage of what they have been teaching us,” DRP director Cabdirashiid Ibrahim Maxamed said in a statement issued in Mogadishu at the end of a five-day meeting aimed at countering violent extremism and the processes of reintegrating Al-Shabaab defectors. The DRP works with AMISOM to screen defectors, and is supported by the country’s National Intelligence Service (NISA). During the meeting, participants discussed political reintegration, radicalization processes and approaches, financing and resource mobilization, disarmament processes, profiling and eligibility criteria for DRP. Maxamed had earlier said 2,000 defectors had already been successfully reintegrated into society since the program began in 2011. The program revolves around outreach, reception of the defectors, screening, rehabilitation and reintegration. “You can understand the risk they can cause if not well integrated,” Ibrahim said, in reference to Al-Shabaab ex-combatants and other armed groups. Source: Xunhua net
  7. Wararka ka imaanaya Magaaladda Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa ku waramaya in Madaxtooydda Maamulkaas uu kulan ku dhexmaray Madaxweynaha Maamulkaas Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo ku-xigeenkii hogaamiyihii Al-shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow oo dhawaan dowladda isku soo dhiibay. Kulakaan oo qaatay saacado dhowr ah ayaa looga hadlayay sidii weeraro xoogan loogu qaadi lahaa Saldhigyada ay dagaalyahanadda Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanada maamulka koonfur Galbeed Soomaliya. Sidoo kale Mukhtaar Roobow ayaa madaxweyne shariif xasan la wadaagay macluumaad laga helay Sirdoon uu ku dhex leeyahay Al-shabaab, kaas oo sheegaya in al-shabaab ay qorsheynayaan dulaan ka dhan ah magaalada Baydhabo. Shariif Xasan ayaa loo bandhigay qorshe ah In Ciidanka la dagaalamaya Al-shabaab Lagu daro Kuwa asiga Daacada u ah, sidoo kalane In ciidamada Ethiopia la geeyo deegaanada ay weerarada kasoo qaadaan al-Shabaab maadaama ay wataan gaadiidka gaashaaman iyo Hubka culus. Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa aad usoo dhaweeyay qorshaha Mukhtaar Rooboow ee uusoo jeediyay, waxa uuna arrintaasi fulinteeda ku amray Wasiirka Amniga maamulka iyo Saraakiisha ku magacaaban amniga. PUNTLAND POST The post Kulan Magaaladda Baydhabo Ku Dhex-maray Shariif Xasan iyo Muqtaar Roobow appeared first on Puntland Post.
  8. Jowhar (Caasimada Online)-Waxaa iscasilaad ku dhawaaqay Wasiiru Dowlaha Wasaarada arrimaha gudahaa maamulka Hirshabeelle Yuusuf Cali Cilmi oo xilkaasi loo magacaabay muddo Seddex cisho laga joogo. Wasiiru Dowlaha Wasaarada arrimaha gudahaa maamulka Yuusuf Cali Cilmi, ayaa sheegay in xilkaasi uu isaga casilay inaanu ku qanacsaneyn xilka loo magacaabay. Wasiiru Dowlaha iscasilay ayaa noqonaaya kii 3aad oo muddo Seddex cisho gudaheeda isku casilay, waxa uuna mid weliba cadeeyay in sababta is casilaadiisa ay tahay qanaaco la’aan. Hogaamiyaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa arbacadii lasoo dhaafay magacaabay Golaha Wasiirada maamulkiisa oo ka koobnaa 57 Wasiir oo aanu ku jirin Wasaaradda Haweenka. Yuusuf Cali Cilmi, ayaa noqonaaya Xubintii Saddexaad oo ka mid ah golaha wasiirada uu magacaabay Hogaamiye Waare oo shaaciyay inuu is casilay. Geesta kale, waxaan iscasilaadani weli ka hadal Hogaamiye Maxamed Cabdi Waare oo aan weli lagu qancin magacaabidiisa. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Turkiga ayaa dalkeeda ka eryisay Diblumaasi ka howlgala Safaarada Ethiopia ay ku leedahay magaalada Ankara ee dalka Turkiga. Diblumaasigan oo dacwadiisa loo gudbiyay Dowlada Ethiopia ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu waxkama jiraan ka dhigay sharciyada dalka Turkiga iyo kan amaanka. Qoraal ay Wasaarada Arimaha Dibada ee Ethiopia u dirtay Turkiga iyo Safaarada Ethiopia ee Ankara ayaa waxaa loogu yeeray diblumaasiga lagu hayo falalka sharciga ka baxsan. Wasaarada ayaa Diblumaasigaas ku amartay inuu isaga soo baxo Turkiga isla markaana dib ugu soo laabto magaalada Addis Ababa. Diblomaasigan oo aan magaciisa la shaacinin ayaa la sheegay inuu dambiyo ku galay magaalada Ankara kadibna u diiday inuu u hogaansamo amarka Booliska Ankara. Kiisaska lagu heysto Diblumaasigan ayaa waxaa kamid ah in isagoo cabsan uu galay ilaa Seddex shil, isagoo intaa kadib Saraakiisha Booliska Ankara ugu goodiyay inuu xumeyn doono xiriirka labada dal. Sidoo kale, waxaa guddi loo xilsaaray kiiska diblomaasigan waxa ayna Wasaarada Arimaha Dibadda Ethiopia sheegtay in falalka noocan ah aan loo dul qaadan doonin talaabo sharci ahna laga qaadi doono, waa haddii ay rumowdo. Geesta kale, Turkiga ayaa waxaa ka mamnuuc ah in Diblumaasiyiinta martida ku ah dalkaasi ay u socdaalan magaalada iyagoo cabsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Mas’uuliyiin ka tirsan maamul Shabeellada dhex ayaa tagay degmooyin ka tirsan gobolkaasi si ay u soo arkaan jidgooyooyin ay dhiganayaan maleeshiyaad hubeysan. Socdaalkan ay mas’uuliyiinta gobolka shabeellada dhexe ay ugu amba baxeen degmada Warshiikh ee gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa u jeedkiisa lagu sheegay sidii ay ugu kuur-geli lahaayeen xaaladda ammaan ee ka jirta degmada War-sheekh iyo deegaanka Ceel-macaan. Mas’uuliyiinta halkaasi aaday ayaa waxaa hor-kacayey guddoomiyaha maamulka gobolka Axmed Makaraan, waxaana ku wehlinaya qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladdaFedaraalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Jowhar. Mas’uuliyiintaan ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa waxay doonayaa ina ka qaadaan jidgooyooyinka yaalla wadada xiriirisa War-sheekh iyo Ceel-macaan. Dadka ku socdaala wadadaan ayaa waxay cabasho ka muujinayeen maalmihii dambe in isbaarooyinkaani ay kala kulmaan dhibaatooyin waa weyn . Maamulka sh/dhexe ayaa waday maalmihii ugu dambeeyay dadaallo ay ku doonayaan inay isku furan wadooyinka xiriiriya degmooyinka gobolka sh/dhexe, waxayna hoosta ka xariiqeen inay u kuur gali doonaan xaaladda War-sheekh iyo Ceel-macaan, halkaasi oo ay ka soo cusboonaatay jidgooyooyin ay dhiganayaan maleeshiyaad hubeysan. Goobjoog News Source
  11. Garoowe (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Puntland C/weli Gaas, ayaa ka hadlay duqeymaha ay diyaaradaha Mareykanka ka geysteen Buuraaleyda Galgala ee Puntland oo ay ku sugan yihiin Daacish. C/weli Gaas, ayaa sheegay inay aad usoo dhaweynayaan duqeymaha lagu hayo Daacishta Somalia, waxa uuna tilmaamay inay dhabar jab ku noqon doonto maleeshiyaadka Daacish. C/weli Gaas, waxaa uu sheegay in ay tahay arintaasi guul weyn oo u soo hoyatay maamulka Puntland, waxa uuna xaqiijiyay in Mareykanka ay ka filayaan duqeymo intaa kasii badan. Wuxuu sheegay in duqeymaha ceynkaasi ah ay khasaaro badan u geysan doonto Daacish, maadaama duqeymaha si toosa loola beegsaday goobaha ay ku jiraan Horjoogayaashooda. ‘’Wey sii socon doontaa duqeynta waxaana rajeyneynaa in looga guuleysan doono Kooxda argagixisada ah ee isku uruursanaaya Buuraha’’ Sidoo kale, C/weli Gaas waxa uu tilmaamay in ciidamada Puntland ay xoojinayaan dagaalka ay kula jiraan Kooxdaasi si looga jilciyo heerka ay iminka gaarsiisan yihiin maadaama ay ku sugan yihiin dhexbartanka Buuraha. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu qiray in Puntland ay taageersan tahay duqeymaha ku socda Daacishta ku dhuumaaleysaneysa Buuraaleyda Galgala ee Gobolka Bari. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  12. Garowe (Puntlandi) Shirkadka CCECC ee laga leeyahay dalka China ayaa soo bandhigtay qaabka ay u dhisi lahayd iyo waqtiga uu bilaabanayo dhismaha wadada laamiga ah ee isku xiridoonta degmooyinka Eyl iyo Dangoryao. Shirkada CCECC Waxa ay degaanka Qarxis ee gobolka Nugaal ka samaysteen xaruntii ay ku shaqayn lahaayeen shirkadaas, iyaga oo uga gudbay degamda Eyl oo ay Ku socdeen. kulan arintaas lagu Go’aanshay waxaa ka Qayb Galay Senotor Faroole Madaxweeynihii Hore ee Puntland, Islaan Ciis iyo Suldaan Saciid Mahamad garaase Waxaa kaloo kusugnaa Goobta Ing Wadada dhisaya iyo Madaxda Shirkada Shirkada CCECC waxay shaacisay in Markabkii Qalabka u siday uu haatan dekeda Muqdisho taagan Yahay islamarkaana oo asbucan Dekeda Boosaso soo istaagi Doono. Cuqaasha Degaanka iyo Qaybaha bulshada ayaa Cadeeyay inay Garab istaagayaan howlaha wadada eyl ee bilaamaya Saddexda bishaan ayaa la isku raacay inay si rasmi ah dhismaha wadadu u bilaabandoonto, Waxayna wadadu ay ka leexandoontaa Dagmada Dangarayo sida lagu helay Sahankii La Sameeyay.
  13. Shalay Jimcihii waxaa magaalada Adis Ababa, xarunta midowga Afrika lagu qabtay kulanka 25aad ee guddiga qaabilsan howl-galka AMISOM ee Soomaaliya, kulanka oo ay soo qaban-qaabiyeen midowga Afrika, waxaa goobta joogay taliyeyaasha dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya sida (Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya, Nigeria and Uganda). Kulanka waxaa looga hadlay ammaanka iyo sidii ilo dhaqaale loogu heli lahaa AMISOM iyo ciidamada xoogga dalka, waxaa kale oo la sheegayaa in Al-shabaab weli yihiin khatar dhanka ammaanka ah, waxaa kale oo looga hadlay sidii looga shaqeyn lahaa sidii ciidamada Soomaalida ay ammaanka kala wareegi lahaayeen AMISOM. Guddiga waxaa uu isku raacay in weerar iyo howlgal ballaaran la qaado iyada oo la soo jeediyay in dhinacyada kala duwan sida Midowga Afrika, AMISOM, T/PCCs iyo UNSOS kulan gaar ah ka yeeshaan khatarta Al-shabaab iyo Lojistikada dagaalka ee loo baahan yahay, waxaa kale oo kulanka looga hadlay in la xoojiyo tababarka la siiyo ciidamada Soomaalida si awood ugu helaan la wareegidda ammaanka. Kulanka dhammaadkiisa waxaa la soo jeediyay in ay muhiim tahay wada-shaqeynta ciidamada Soomaalida iyo midowga Afrika iyo in howl-gallada iyo qorshayaasha laga mideeyo dhinac walba si xitaa marka dambe u fududaato xil wareejinta. Waxaa lagu wadaa in Muqdisho lagu qabtay shir kale oo ammaanka 4ta December si looga hadlo arrimaha la xiriira sidii ciidamada Soomaalida ay xilka ugala wareegi lahaayeen AMISOM. Goobjoog News Source
  14. Shirweynahaan oo ay kasoo qaybgaleen ergooyin ka kala yimid magaalooyinka Gaalkacyo, Burtinle, Buuhoodle, Laascaanood, Garoowe, Qardho, Boosaaso iyo Baran, waxaana lagaga dooday siyaabaha iyo waddooyinka ugu munaasibsan ee dadkeena loo walaalayn karo, qabyaaladda iyo isnacaybkana looga saari karo, dhismaha gole shaqadaas u taagan, axdiga golaha, qorshaha shaqada iyo xulashada guddiyadii maamul ee golahaas. Dood socotay maalintii khamiista oo dhan ka dib waxaa shirweynuhu isla gaaray arrimahaan soosocda: In dadkeena meel ay dunida kajoogaanba ay haystaan dhibaatooyin kadhashay qabyaaladda iyo dagaallada sokeeye, dhibaatooyinkaasna ay soomaali iyadu aasaas u ahayd, loona baahanyahay inay wax kaqabato; waayo ruqo ninki ilahaa dabada kagataaganyahay ma kacdo. Si arrintaan wax looga qabto inay lagama maarmaantahay inay is-uruursadaan dadka wanaagasan ee xilkaska ah, ayna isukaashadaan walaalaynta bulshada soomaaliyeed iyo tirtirida cuqdadaha iyo kala shakiga dhexyaal. In la dhiso Gole shaqadiisu tahay hirgalin ta barnaamijka walaalaynta iyo qabyaaladdiidka oo ay kujiraan dad xul ah ooqaybaha bulshada kasocda, waxaana loogu wanqalay: golahawalaalayntabulshada&qabyaaladdiidka. Shirweynuhu wuxuu ansixiyey axdiga golaha iyo qorshihiisa shaqo. Waxaa la doortay guddiga joogtada ah ee golaha dhexe iyo shirguddoon koodii. Waxaa kale oo la doortay guddoomiyaha guddiga fulinta ee Golaha walaalaynta Eng. Maxamed Cali Cabdi (Badwi).Xafladda xiritaanka Shirweynaha oo luguqabtay Xarunta Jaamacadda Bariga Afrika Garowe waxaa kasooqayb galay Madaxweyne kuxigeenka P/land Eng. C/xakiin C/lahi X. Cumar Camey, wasiirro, isimo, Cuqaal, Culimo, Ganacsato, Bahda waxbarashada, bahda Saxaafadda, suugaan yahano Iyo ergooyinkii gobolada kayimid. UstaadFaarax C/laahi Cumar Gardan ayaa xafladda ku furfuray mahadcelin, soodhaweyn iyo warbixinkooban, kadibna waxaa hadal walaalnimada muslimiinta kahadlaysa soojeediyey Guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika faraca Garoowe Sh. Maxamuud XaajiYuusuf . Intaa ka dib Madaxa guddiga qabanqaabada Sh. Axmed C/samad iyo guddoomiyaha fulinta Golaha Walaalaynta Eng. Maxamed Cali ayaa kawarbixiyey ahmiyadda walaalaynta bulshada iyo marxaladihii uu soomaray abaabulka barnaamijkaan. Waxaa kale oo ay wax katilmaameen ujeeddooyinka loo aas’aasay Golaha walaalaynta, ahmiyaddiisa, shaqooyinka uuqabanayo, waddooyinka loo marayo shaqooyinkaas, hababka iyo siyaasadaha la raacayo iyo waliba miraha lagafilanayo. Waxay codsadeen in barnaamijkaan laga wadashaqeeyo, lana taageero maamul iyo dadweynaba waxayna Cadeeyeen In Golahaani Asan Lahayn Cid gooni ah Kana howl galayn Gobol gooni ah waxaana uu u furan yahay dhamaan bulshada Soomaaliyeed qofwalba oo diyaar u ah in uu kaqayb qaato qabyaalad ladirirka waa u furan yahay . Waxaa kalimad muhiim ah soojeediyey Suldaan C/qani Qorane ooyiri: soomaali cid ay la collowdo ayayweyday. Markaasayay iyadu cadow iskadhigatay. Waxaa isna dhankiisa bogaadiyey barnaamijkaan Wasiirka Deegaanka Dr. Cali C/laahi Warsame oo yiri: barnaamijkaan waan soo dhawaynayaa waxaan maqlo waa kii ugumudnaa ee aan maqlo , wuxuuna sigaara farta ugu fiiqay saamaynta jahliga iyo faqrigu ay kuleeyihiin faafitaanka qabyaaladda. Gabagabadii waxaa xafladda soo gunaanaday Madaxweyne Kuxigeenka P/land Eng. C/xakiin Cumar oo barnaamij kaan soodhaweeyey, kana hadlay ahmiyaddiisa, islamar kaana soo jeediyey talooyin muhiim ah. waxaana uu dhankiisa balan qaaday ka dowlad ahaan in ay kala shaqayn doonaan Golayaasha Ladoortay Sidii ay u gaari lahaayeen Guul.
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ka furmay shir looga hadlaayay arrimaha xagjiriinta Somalia ee al-Shabaab ee aadka uga soo horjeeda Nabadda iyo Xasiloonida Somalia. Shirkan oo ahmiyad gaara lahaa ayaa waxaa isla waday guddiga Isku xirka hawlgalada Milatari ee MOCC iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Somalia AMISOM. Shirka xoogiisa ayaa waxaa looga arrinsaday sida loogu guuleysan lahaa howlgalada lagu ugaarsanaayo al-Shabaab iyo in laga dhabeeyo duulaanka ay dowlada Somalia ku tahay Shabaab. Waxaa sidoo kale shirka looga hadlay taageerada Hay’adda Ammaanka dowladda Soomaaliya iyo Sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka al-Shabaab. Shirkan ayaa noqonaaya kii 25aad waxaana kasoo qeyb galay wadamo dhowr ah oo qaarkood ay ciidamo ka joogan Somalia. Wadamada kaalinta ku lahaa shirka ayaa waxaa kamid ah Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya, Nigeria, Uganda iyo Somalia oo uu shirka khuseeyey. Waxaa shirka marti ku ahaa Wakiilo ka socday Ururrada Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub oo kaalin ku leh taabagalinta howlgalada ay Somalia kawadaan ciidamada AMISOM. Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa isla shir guddoominaayay Guddoomiyaha Nabadgalyada iyo Amniga Midowga Afrika Smail Chergui. Waxaa sidoo kale laga hadlay sidii AMISOM ay kaga bixi laheyd Soomaaliya, islamarkaana Ammaanka Soomaaliya loogu wareejin lahaa ciidamada Somalia. Maaha shirkii ugu horeeyay oo loo qabto arrimo ku saabsan Somalia, waxa ayna shirarka cenkaani ah ka marqaati furayaan inaan Somalia laga laheyn mustaqbal fog, maadaama aan laga dhabeyn go’aanada kasoo baxa shirka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Madaxda Falastiin ayaa waxaa ay ka digayaan saameyn kasta oo burburin karta xaquuqda ay falastiin u leedahay in Qudus ay tahay magaalo madaxdooda, arrinkaani ayaa yimid ka dib markii madaxweyne Trump uu sheegay inuu Qudus uu u aqoonsan dooono caasimadda Israa’iil. Nabiil Abuu Radiinah oo ah afhayeenka madaxtooyada Falastiin ayaa u sheegay AFP in haddii Mareykanka uu u aqoonsado Qudus maalo madaxda Israa’iil ay burburi doonto geeda socodka nabadda iyo dhexdhexaadinta laga dhexwaday Falastiin iyo israa’iil. Nabiil oo sii hadlayey ayaa waxaa uu tilmaamay I haddii qudus loo raro safaaradda mareykanka ee ku taalo Tel Aviv, in aysan degi doonin daanta galbeed. Madaxweynaha Mareykanka ayaa waxaa la sheegay in Arbacada soo socota uu u aqoonsan doono caasimadda Israa’iil magaalada Qudus. Markii uu ku jiray ololaha doorashada ayaa waxaa uu ballan qaaday Trump in hadii uu madaxweyne noqdo uu safaaradda mareykanka uu u rari doono magaalada Qudus oo ah caasimadda falastiin. Golaha aqalka Congress ayaa sanadkii 1995 waxay soo saareen go’aan ah in safaaradda Mareykanka ee ku taallo Tel Aviv loo wareejin doono Qudus. Goobjoog News Source
  17. Washington DC (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuu talaadada ku dhawaaqo in Mareykanka uu Jerusalem u aqoonsan yahay inay tahay caasimadda Israel. Inkasta oo uu dhawaqan sameynayo, haddana waxa uu sidoo kale saxiixi doonaa in safaaradda Mareykanka lagu sii hayo magaalada Tel-Aviv, hase yeeshee waxaa qorshihiisu yahay inuu u raro Jerusalem mustaqbalka. Trump ayaa lagu warramayaa inuu Galbeedka Jerusalem kaliya u aqoonsado caasimadda Israel, si uu u qafiifiyo carrada Falastiinyiita. Falastiiniyiinta ayaa Bariga Jerusalem ee Israel ay xoogga ku haysato u arka caasimadooda mustaqbalka, halka Israel ay magaalada Jerusalem oo idil ay ka dhigatay caasimadeeda. Mareykanka iyo inta badan dalalka xubnaha ka ah QM uma aqoonsana Jerusalem caasimadda Israel, islamarkaana maamulka magaalada ayaa qeyb ka ah dagaalka daba dheeraaday ee Yahuudda iyo Falastiiniyiinta. Israel ayaa Bariga Jerusalem ku qabsatay dagaalkii lixda maalmood ee sanaddii 1967-kii, kadibna sheegatay, tallaabadaas oo beesha caalamka aysan marnaba aqoonsan. Caasimada Online Xafiiska Washington Caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa kulan magaalada Baydhabo ku dhexmaray Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wadaadka ka xuroobay al-Shabaab Mukhtaar Roobow Cali ‘’Abuu Mansuur’’. Kulanka labada mas’uul oo qaatay dhowr saac ayaa waxaa lagu go’aaminaayay duulaan la qorsheynaayo in lagu qaado Saldhigyada ay maleeshiyaadka al-Shabaab ku leeyihiin Gobolka Shabellaha Hoose. Kulanka ayaa waxa ay labada mas’uul isku weydaarsadeen macluumaad laga helay Sirdoon uu Mukhtaar Roobow ku dhex leeyahay al-Shabaab, kaa oo muujinaaya in maleeshiyaadka ay qorsheynayaan duulaankii ugu ballaarnaa abid oo ay ku qaadan magaalada Baydhabo. Mukhtaar Roobow oo ku firfircoon xeeladaha ay dheelan al-Shabaab ayaa Hogaamiyaha maamulka usoo jeediyay laba arrin oo kala ah: 1-In ciidamada maamulka iyo kuwa isaga daacada u ah loo daad-gureeyo dhufeysyada ay iminka ku sugan yihiin al-Shabaabka. 2-In ciidamada Ethiopia la geeyo deegaanada ay weerarada kasoo qaadan al-Shabaab maadaama ay wataan gaadiidka gaashaaman ee aan ka waaban Qaraxyada iyo Hubka culus oo ay adeegsadaan Shabaabka. Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa aad usoo dhaweeyay labada qodob ee uusoo jeediyay Mukhtaar Roobow, waxa uuna arrintaasi fulinteeda ku amray Wasiirka Amniga maamulka iyo Saraakiisha ku magacaaban amniga. Sidoo kale, Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Mukhtaar Roobow ayaa isla soo qaaday in laga wada shaqeeyo amniga deegaanada maamulka, waxaana dhankiisa kasoo dhaweeyay Roobow. Dhinaca kale, Shariif Xasan iyo Mukhtaar Roobow ayaa isla wada diyaarinta duulaan lagu soo afmeeraayo dhaqdhaqaaqa guud ahaan al-Shabaab ay kawadaan Gobolka Shabellaha Hoose. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Sacuudi Carabiya ayaa dalkeeda kasoo tarxiishay in ka badan 1,300 muwaadiniin Ethiopian ah oo dalkaas ku joogay sifo sharci darro ah. Muwaadiniintan Ethiopian-ka ah ayaa waxaa lagu qabtay howlgal ay dhawaan shaacisay dowlada Sacuudiga, kaa oo iminkaba ka socda dalkaas. Sarkaal ka tirsan dowlada Ethiopia oo lagu magacaabo Demeke Atinafu ayaa sheegay in dowlada Sacuudiga ay kala shaqeynayaan tarxiilka si muwaadiniinteeda loogu soo celsho. Demeke Atinafu, oo u waramaayay warbaahinta FBC, ayaa sheegay in dawladdiisa ay soo dhaweyneyso dib usoo celinta Muwaadiniintooda. Dowlada Ethiopia ayaa dhowr jeer heshiisyo musaafurin ah la gashay dowlada Sacuudiga, waxa uuna tarxiilkaani daba socdaa Heshiiskaas, waxaana fulinta Heshiiska leh taliska Riyadh. Talaabadan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo ay dowlada Sacuudiga kusoo musaafuriso Muwaadiniin tirro intaa la’eg oo u badan hal dal. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle ayaa sheegaya in Xildhibaanada maamulka ay ku kala jabeen Mooshin laga diyaarinaayay Hogaamiye Waare iyo Golaha Wasiirada ee uu magacaabay. Mooshinka ayaa ka dhashay magacaabida Golaha Wasiirada waxaana lasoo sheegayaa in Xildhibaanada wada ay yihiin kuwo aad uga soo horjeeda Kuraasta ay ka heleen Golaha la magacaabay. Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa ku andacoonaaya in Hogaamiye Waare uu ku fududaaday cadadka uu ka magacaabay Golaha Wasiirada kuwaa oo aan loo heyn miisaaniyad. Xildhibaan Maxamed C/raxmaan Khayre ayaa kamid ah Xildhibaanada Mooshinka kawada Waare iyo Golaha uu soo magacaabay, waxa uuna aad uga soo horjeestay hanaanka loo maray magacaabista. Waare ayuu ku eedeeyay inuu ka baxay balamo uu xildhibaanada la galay, waxa uuna wacad ku maray inay ka qaadi doonaan xilka uu iminka hayo. Sidoo kale, Xildhibaanada kasoo horjeeda Mooshinka ayaa iyaguna aaminsan inay muhiim tahay in la kordhiyo tirada Wasiirada maadaama ay aad u badan yihiin beelaha degan HirShabelle. Xildhibaanad Duniyo Daahir oo kamid ah baarlamaanka maamulka ayaa qabta in laga fiirsado Mooshinka looga soo horjeedo Hogaamiyaha iyo Wasiirada uu magacaabay. Waxa ay Xildhibaanada sheegtay in xiligaan aysan wanagsaneyn mooshinka ay Xildhibaanada wadaan waxa ayna ku baaqday in baarlamaanka uusan noqon cida uu eersado burburka maamulka. Duniyo Daahir waxa ay sheegtay in Maamulku uu yahay mid Cusub isla markaana Xildhibaanadu ay ka shiri doonaan si Maamulku uu wanaag waqtigiisa ku dhameysto. Dhinaca kale, Xildhibaanada ku kala jabay Mooshinka ayaa suuragal ah inay horseedan khilaaf hor leh oo saameeya maamulka iyo Wasiirada cusub ee iminka la magacaabay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Sanadahaan danbe qaar badan oo ka mid ah dowladaha reer Galbeedka oo uu Ingirrisku ku jiro ayaa safar u galay inay wax kasoo fahmaan nidaamka waxbarashada Shiinaha. Nidaamka sida goonida ah indhaha caalamka usoo jiitay waa habka ay isticmaalaan iskoollada loo yaqaan “Shangahai Math Schools” ama iskoolada xisaabta ee Shangahaay. Ardayda ka timaado magaaladaan oo ku taal Shiinaha ayaa wacdaro ka dhigo imtixaanka loo yaqaan PISA oo ah tartan caruurta kasoo jeeddo waddamada horay u maray/maraya ay ku galaan maaddooyin dhowr ah oo ay ku jiraan xisaabta iyo akhriska. (Shiinahu waddan ahaan oogama qayb galo tartankaan ee magaalo magaalo ayuu u galaa oo dhowr magaalo sida bajin, Shangaay iyo Honkook ayaa ka qayb galo iyagoo kala socdo). Waxyaabaha iskoolladaan looga sii yaabay ayaa ahaa in ay ku dadaalaan in caruurta saboolka ah aysan ka hoosayn kuwa qaniga ah, taasina waa ku guulaysteen. Is-barbar-dhig lagu sameeyay Shangahaay iyo Iglan ayaa lagu ogaaday in caruurta ay dhaleen waalidiinta xamaalatada ah ee Shangahaay ay aqoon sarreeyaan kuwa ay dhaleen waalidiinta dabaqadda dhexe ah ee Iglan. Sanadki 2015ki dalka Ingiriiska ayaa heshiish ku saabsan macallimiin isdhaafsi la galay Shangahaay. Ujeedka heshiishkaan ayaa ahaa in Ingiriisku ka barto nidaamka ay isticmaalaan. Tallaabadaan ayaa na tusayso inaysan ceeb ahayn inaad qofku wuxuu kugu dhaamo aad ka barato. Ingriisku kama xishoon inuu kaalmo aqooneed waydiisto waddan uu ilaa mardhow guumaysan jiray. Sidaa darteed waxaan isku dayi inaan idinla wadaago sababaha keenay guulahaas. Ujeedka qoramadu waa xog gudbin iyo cashar barasho. Inkastoo aysan suura gal noo ahayn inaan si toos ah u dabaqno nidaamkaas, hadana waxaa laga yaabaa inaan wax un ka faaiidno. Macalimiin tayaysan Sirta koowaad ee iskooladaan ayaa ah inay dhigaan macalimiin tababar sare leh. Macalimiinta iskooladaan dhigo mid walba waxaa uu taqasus gooni ah ku leeyahay hal maaddo iyada unbuuna dhigaa. Inta uusan si buuxdo u shaqo billaabin ka hor waxaa uu soo maraa, macalin walba. shan sano oo tababar ah oo si gooni ahna loogu tababarayo inuu wax baro jaal cayiman. Tusaale, fasalka kowaad ama labaad. Inta uu tababarkaan ku jiro waxaa uu si qoto dheer u bartaa maaddada uu dhigi doono iyo sida ugu fudud ee caruurta uu dhigi doono wax u bartaan. Sidaas ayuu macalin buuxo ku noqdaa asagoo aqoon fiican u leh waxa uu dhigayo iyo cidda uu u dhigayo. Nidaam Miisaaman Sirta labaad ayaa ah manhaj jaan go’an oo la isu miisamay. Manhajka ayaa waxaa ka mid ah in iskoollada Shangahaay la dhigto saacado badan. Caruurtu waxa ay fasallada galaan 7da usbaxnimo waxaa ayna kasoo baxaan 4ta ama 5ta galabnimo (waxay ku xirantahay iskoollada hadba kay qaadanayaan). Fasalkiiba ardo tiro badan-marki loo eego tirade la ogalyahay inay fadhiistaan fasallada waddamada Galbeedka-ayaa fadhiisato, casharraduna waa kuwa gaagaaban. 35 daqiiqo oo uu macalinku leeyahay iyo 15 daqiiqo oo ah cayaar uusan macalinku go’aanmin. Haddaan garab dhigno kuweenna waqtiga fasalka waa isku mid oo kiiba waa 45 daqiiqo laakiin kuweennu 45ta daqiiqaba macalinka ayaa leh oo caruurta lama siiyo waqti ay iskood wax u sameeyaan si xor ahna mid walba u cayaaro. Xisaabta caruurta laguma qulaamiyo ee sidii tahaliishi ayaa loo siyaa. Marki la xaqiijiyo inay middaas barteen ayaa mid kale loo gudbaa. Tusaale, caruurta lama baro jajabka ilaa ay kasoo gaaraan fasalka afraad. Inta ka horrayso waxaa la hubiyaa inay meel saareen xisaab-fallada. Sidaasi waxaa ka duwan wadan Ingriiska oo caruurta aan loo eegin waxaan ma barteen balse cabbirka laga qaato sanadka uu jiro ilmuhu. Inta badan waddamada reer Galbeedku caruurtu ma dhacaan ee horay unbaa loo socdaa. Dadaalka waalidiinta Guulaha ay Shangahaay gaarto waxaa qayb weyn ka qaato waalidiinta caruurta dhaaly oo waqti iyo lacag dheeraad ahba ku bixiyo wax baridda warasadooda. 80% waalidiintu waxay caruurta u qabtaan macalimiin caawiso iskoolka ka dib. Waxaan soo xusnay in subixii fasalka ay galaan ay kasoo baxaan gabbal-dhici ee goormaa wax kale la sii baraa? Ma aqaan. Laga yaabo in marki ay guriga yimaadaanba mid kale horay kasii billaabaan. Laga yaabo inay casharada qaataan labada cisho ee iskoolka fasaxa laga yahay. Kii ay tahay waxay na tusaysaa in horumarka Shiinuhu waqtiga yar ku gaaray ee dunidu la ashqaraartay uusan ku imaan tamashlayn iyo taagtaagsi. Gabo-gabo Dalkeennu wuxuu ku jiraa marxalad kala guur. Waxaan soo marnay dib u dhac ba’an haddana waxaa muuqanayso rajo wanaagsan. Inaan kasoo kabanno dhibkii hore, mid soo socdana aan ka gaashaamanno waxay u baahantahay inaan ubedkeenna wax barno. Marxaladda hadda lagu jiro noo saamixi mayso inaan helno macalimiin tayadaan oo kale leh laakiin waxaan awoodnaa inaan xisaabta ku darsanno inaysan na anfacayn qaabka aan hadda macalimiinta ku dooranno. Sidoo kale, waxaan awoodnaa inaan tababar awoodeenna u dhigmo aan siinno macalimiinteenna. Waxaan sidoo kale, ka baran karaan kaalinta waalindiinta oo runtii ah midda ugu muhiimsan ee Shangahaay meel gaarsiisay. Haddii ay waaliddiinteennu si dhab ah ugu soo jeestaan inay caruurtooda wax baraan, hubaashi isbadal weyn ayaa dhici. Ugu danbayn waxaan leeyahay yaannan noqon “bartiis yaqaan bar uma kororto” ee aan adduunka kale wax ka baranno. W/Q: Ibrahim Aden Shire Ishire86@gmail.com
  22. Xildhibaano Isugu jira labada aqal ee Baarlamaanka ayaa maanta ku kulmay hotel Jasiira Ee Magaalada Muqdisho waxayna shirkooda kaga hadleen xaalada siyaasada dalka iyo sida xayndaab adag loogu noqon lahaa dowladnimada Somaliya. Intaas kadib Furitaanka shirka xildhibaanada Beesha Siyaad Barre ayaa lagu sameeyay gudi ka Shaqeeya isku xirka iyo wada shaqaynta xildhibaanada beelaha guud ee Siyaad Barre sidoo kale waxay go'aan mid ah kawada qaateen wax kasta oo qal-qal siyaasadeed galinayo wada jirka iyo dowladnimada soomaaliya . Xildhibaanadan ayaa fariin adag u diray mucaaradka dowladda Soomaaliya kuwaas oo u abaabulan qaab beeleed waxayna kula taliyeen in ay ilaaliyaan wada jirka umada soomaaliyeed kana fogaadaan wax kasta oo keeni kara kala fogaansho. Hadaba Xildhibaanadan oo Tira ahaan dhamaa 58 Xildhibaan Waxey Shirkoodii k soo saareen Qodabo Xasaasi ah Oo ka kooban shan qodob oo kala ah, 1 in la dhowro Tastuurka Dalka u Dagsan 2 in sharuud La’aan lagu Joojiyo mucaaradka Foosha Xun ee Salka Ku haya Qaabka Qabiil iyo dhaqan Jamhadeedka. 3 in la joojiyo Gacan Dhaafka Dowladdda Laguna .Tixgaliyo Howsha loo idmadey; 4 in la joojiyo Faquuqa Lagu hayo Dowladnimada Somaliya 5 inaanan la aqbli karin faragalinta shishaaye taasoo loo adeegsanyo siyaasiyeenta qaar. Ugu danbayn xildhibaanada labada aqal ee beesha Siyaad Barre ayaa go,aansaday in ay meel kaga soo wada jeestaan cid kasta oo duulaan ku ah xukunka madaxwayne Maxamed abdullaahi farmaajo iyo Ra,isul wazaare kheyre waxayna lama huraan ku Tilmamaan daganaasho siyaasadeed oo wadata wada shaqayn Dowladnimo.
  23. The savagely indiscriminate killing of innocent Ethiopian Somali civilians, many of whom were from families which lived among the Oromos for more than five generations, who married from them and who by the way hardly speak Somali and know nowhere else to go has been a grim turning point in the border conflict between the Ethiopian Somalis and Oromos recently. This was also a challenge to Ethiopian diversity, defying the traditional accommodation among Ethiopian ethnic groups even in times of conflict, and a wakeup call for the collective survival of our nation as a whole. Most importantly, it was a brutal slap on our conscience as human beings, leaving unanswered questions in our intellect and reasoning. Conventionally, casualties resulting from communal violence between these neighbours have mainly affected combatants fighting each other in the battlefield and sometimes communities in the immediate vicinities of areas under conflict. This time however the killings in Awaday and other towns inside Oromo Region were different in a number of respects. First, the towns were not located in borderline areas and were far from the conflict zone, having nothing to do with actual fighting between the two sides. Secondly, the victims were completely unarmed both physically and psychologically; making the disaster that befell on them uncalled for. Thirdly, the victims have long and profoundly intermingled with the Oromo communities through marital, cultural and economic relations for many generations and considered themselves as close relatives. Through the behavior of the Oromo perpetrators in these incidents, we can peek into the real spirit of the current political elite of the Oromia and learn big lessons regarding what to expect under their leadership of this nation if it ever comes in the future. We all Ethiopians have seen enough killings and bloodshed in our lifetimes through the civil wars we had in our past but two things are new for most of us: a politically driven ethnic conflict of this scale and ferocity and the way the killings have been carried by the Oromos not just in Awaday but also everywhere else they have wreaked havoc. Decapitating children and pregnant women who could not escape the violence and who knew nothing about even why they have been killed in the first place, burning people alive using gasoline as a facilitator, mutilating dead bodies, the disfigurement of their faces, removal of eye-balls and ears while victims are still alive and chanting oromo songs about heroism and bravery at the moment of cutting the breasts of teenage girls are new at least in the Somali sense if not the Ethiopian sense as well. To me, these are extremely horrendous acts by anyone’s standard and by which nobility and bravery never rest with perpetrators of such inhumane and merciless violence. This generated shock waves more than the massacre itself in the Somali Region of Ethiopia and beyond, a profoundly horrific, and deeply upsetting methods of killing innocent human beings. Personally, the only experience I have about this draconian murder style comes to me through Hollywood movies simulating imaginary vampire scenes and drug wars in Latin America. There is nothing heroic about this mafia style behavior but to many Oromos this is what they often do and have always killed non-Oromos for many generations. Even if ones has to kill a real enemy, which the Ethiopian Somalis are not anyway, one has to do that in a dignified manner on grounds of humanity but not in the torturous way with manjo (a farm hand tool for cutting the stalk and straw of crops) which bellies in the Oromo tradition. One may wonder whether this is inherited from the OLF but I don’t think so given the experience of my family. Oromos have killed my paternal uncle seven decades ago and they reportedly desecrated him with manjo while on the way to Harar for the purpose of selling some of his animals to buy food for his family. In those seven decades, the world around us has changed so much with the birth of the Internet age, globalizing human culture and advancing universal norms like human rights, and so were the practices of humanity at large. However, the behavior of most Oromos did, if at all, little to move away from its uncivilized ways of treating others not only in times of war but also peace. As we tearfully listened to the stories of survivors of the recent bloodshed in Awaday about what happened to their not so fortunate victim relatives left behind, I was reminded of what the Belgium security agencies have done to Patrick Lumumba, the first prime minister of Congo. In the Somali tradition groups like women, children and the elderly are called biri–magaydo which roughly translates as the untouchables in a context of war or fighting. From the Awaday incident, it seems that the Oromos have no such laws and limits that could provide protection to vulnerable groups. After all, the fact at hand is that the Oromos have carried out a massacre of unarmed civilian communities that traditionally lived in Oromo Region for business related motives for many decades. By the way, the number of people killed in the Awaday incident is more than what has been reported. There are over 300 others that are still missing and there is no reason to think they are alive since every effort to establish contact with them by relatives has met a dead end. Imagine what the Ethiopian Somalis have done in response to such killings: local authorities and the elders decided to teach the Oromos a different lesson – not to touch any Oromo civilian and safely repatriate them into their Region. This is what demonstration of leadership and real courage means practically and it is about doing the difficult and the unthinkable when easier and more palatable choices are available. Ironically, the Oromo regional government and its elite are complaining this while the only alternative to this was to carry out widespread revenge killings that the Somali people painstakingly refused to opt for. The Oromo leadership had a choice to prevent bloodshed but they instead used that to terminally wipe out the biri-magaydo living in their territories whereas the Somali people used the same choice available to them to protect the Oromos. The current leadership of the Oromo both at party and government levels are surely behind this on the grounds that most of the killings were carried out by the Oromo local police and there is no way this could have happened if they were not taking orders from the top. Further on the Somali tradition of handling civilians at high risk in a conflict situation, there is another protection layer that comes through marital relations. In this case, one of the things you can’t do in the Somali society is to harm any close relative like the husband of your daughter, sister and Aunt and his children and close relatives. The same level of protection is also given to female relatives and their children that join the Somali family circle through marriage. One of the fundamental reasons, however, as to why the impact of the Awaday massacre was so nerve wracking was that a similar tradition of this nature does not exist with the Oromos as proven by recent events. Now, imagine throwing some of the kids of your own sister and her husband off the cliff of a three-storey buildings and strangulating others to death in front of the very Oromo mother that has given birth to them in Awaday town. We are not just considering about isolated cases, as the Oromo leadership would like to put it. This has rather surfaced as a common practice and it does not matter whether we are talking about Awaday town, Hirna or Negele Borana as this was uniformly witnessed across such areas. This is what Lemma Magarsa, the president of Oromo Region, and his media trolls are trying to hide by portraying these horrific killings as isolated incidents that, according to them, happened outside their watch, something that can’t be the case and can’t make sense at all. These killings have taken place in the heart of Oromo Region and were spearheaded by the Oromo police from whom the victims have run to for protection. Today, many Oromos, including my friend’s brother in-law, who have Somali relatives, are still in some parts of the Region under the protection of their marriage line relatives but the national media does not report this – I guess they missed the point and that is not an accident but rather international. In my conclusion, intolerance, cannibalism and lack of accommodation for others is the inherently real nature bred in the bones and in the blood of the current Oromo leadership and facts have already proven themselves through the recent developments in this conflict drama that has unfolded in so many unexpected ways over the past two years. So anyone who doubts this conclusion has to study them with objectivity and sincerity. A British researcher who assessed the socio-political situation of Ethiopia and Somalia in the early 1970s came up with a more revealing conclusion of the political behavior of the Oromo ethnic group in Ethiopia. The researcher stated in his findings that there were repressive military governments in the Horn of Africa, meaning Somalia and Ethiopia, but there is also, under them, law and order which provide a solid foundation and a basis of potential to achieve political and economic success through existing systems. Most importantly, the researcher concluded that such law and order in both countries will be nailed in its coffins when the gun goes into the hands of the Hawiye clan of Somalia and the Oromo ethnic group of Ethiopia, both of which he said they were politically in state of hypnosis at that time. Bearing this in mind, we have already proven the calamity that befell on Somalia for the past 25 years following the proliferation of guns into the hands of the Hawiye clan and it seems that the Oromo case will not be different given emerging signs now: an Oromo political behavior driven by Lemma Magarsaa and his team which uses the weight of population and guns and not logic and reasoning to deal with others and which is increasingly turning predatory to other ethnic groups in our nation. Based on its actions and hardening ideology, this is an OPDO team that wants to divide Ethiopia into us and them, which is Oromos and the rest, with differential rights, like that of South African apartheid. They view forgiveness, accommodation and compromise not as strength but a weakness. Under a federal system that was proven to be the most blessed chapter in the history of all Ethiopians from a perspective of equality, shared prosperity and protection of rights collectively and individually, their mindset is deeply entrenched into an unthinkable state of grievances where Oromos are always portrayed as the victims and others as the oppressors. Therefore, it is no wonder that they are apparently pursuing now any path, including violence, to render revenge over what they collectively labeled as non-Oromos. So put all this together and the most important thing inferable from it is, In my opinion, one thing: the new OPDO elite under the leadership of Mr. Magarsaa can never peacefully and more productively lead this nation even if they are given the chance to. Certainly there are many great Ethiopians of Oromo ethnicity, who can successfully lead the country into peace and prosperity but unfortunately they are now nowhere near the steering wheel of the OPDO or the regional government both of which has been effectively stormed by a team consisting of narrow-minded populists led by President Magarsaa. Therefore, to me, the moment that the elements from the new face of the OPDO under Magarsaa rise to the political helm of Ethiopia, if it becomes a reality, what we should expect is literally nothing short of the Rwandan genocide repeated in Ethiopia; GOD may forbid such day to come to our peaceful and blessed Ethiopia. Qawdhan shuuriye Email: qawdhan.shuuriye@gmail.com
  24. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta 01 December 2017 dalka dib ugu soo laabtay, kana soo degey magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland, kadib safar shoqo oo ay ugu maqnaayeen dalka Ethiopia. Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland Puntland iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha Puntland oo warbaahinta kula hadlay qasriga Madaxtooyada Garoowe ayaa sheegay in safarka ay ku tageen dalka Ethiopia isaga iyo weftigiisu uu haa casumaad rasmi ah oo ay ka heleen Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi, waxaana uu tilmaamay Madaxweynuhu in ay kawada haleen Madaxda dalkaasi arrimo la xidhiidha iskaashiga ganacsi, dhaqalaha, amniga iyo sidii laysaga kaashan lahaa soo afjaridda cadawga tamarta yar ee kudhuumaalaysanaya dalka. Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in arrimaha ay kawadahadleen Madaxda dalka Ethiopia ay kamid ahayd fududaynta isusocodka shacabka labadadhinac, ganacsiga iyo adkaynta amaanka xuduuddaha Puntland iyo Ethiopia, waxaana uu hoosta ka xariiqay Madaxweynuhu in dhammaan arrimaha laga wadahadlay ay guul kusoo dhammaadeen, islamar’ahaantaana uu guul u ahaa safarkoodu Dawladda Puntland iyo dalka Ethiopia. “Sidoo kale waxaanu kawada hadalnay in la fududeeyo isusocodka dadka iyo ganacsiga Puntland iyo Ethiopia, waxaanu aragnay Madaxdiidalkaasi u saraysey oo uu ka mid ahaa Ra’iisul Wasaaraha dalka Etiopia iyo qaar kamid ah Wasiirada dalkaasi, waxaan is leeyahay safar-kaasi wuxuu ahaa safar Puntland guul u ah, Ethiopia-na guul u ah, wuxuu muujinayey baahida labada dhinac oo ay kamid yihiin ganacsiga iyo amniga, waxaanna is leeyahay safar-kaasi wuxuu kusoo dhammaaday guul nabadbaanna kusoolaabanay”ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland. Ugudanbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay farxad iyo guul u tahay inuu kusoo laabto dalkoo nabad ah, waxaana uu shacabka reer Puntland iyo masuuliyiinta dawladdaba kubooriyey inay illaashadaan nabadda, xasiloonida iyo kaladanbaynta.